Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - Somali prime minister Mohamed Roble has called on the country’s regional governments to expedite the election of new federal senators after a missed electoral milestone Sunday. Source: Hiiraan Online
  2. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sida la xaqiijiyay u sharraxan kursi kamid ah golaha shacabka oo laga soo doorto gobolka Mudug. Wasiirka oo taageero xooggan ka helaya kooxda olaha doorashada u qaabilsan madaxweyne Farmaajo, ayaa tartan u geli doona mid kamid ah kuraasta beeshiisu ku leedahay aqalka hoose ee baarlamanka dalka. Wararku waxay sheegayaan, in sidoo kale Maxamed Cabdirisaaq uu kooxda ololaha Farmaajo wakiil uga yahay gobolka Mudug, islamarkaana doonayo in uu xildhibaanno uga soo saaro. Waxa xusid mudan, in wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud uu ilaa saddex jeer golaha amniga qaramada midoobay u gudbiyay qoraal ka dhan ah Puntland iyo Jubaland wakhtigii muranka arrimaha doorashada. Qoraalkiisi u dambeeyay ayuu ku sheegay in Puntland iyo Jubaland ay yihiin caqabadda ugu weyn ee hor-taagan xallinta khilaafka doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Kooxda ololaha madaxweyne Farmaajo oo xildhibaan la raadinaya Maxamed Cabdirisaaq appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo booqasho ku tegay safaaradda Mareykanka ee ku taalla Muqdisho ayaa kulan la qaatay madaxa siyaasadda iyo nabad-gelyada ee safaaradda, Wendy Stancer, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeyso doorashada. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa howl-wadeeno kale oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya & saraakiil la socotay taliyaha ciidamada Booliska. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arimaha amniga doorashooyinka iyo mashaariicda ay isla wadaan safaaradda Mareeykanka iyo Booliska Soomaaliyeed. Wendy Stancer iyo Xijaar oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday wada-shaqeynta labada dhinac iyo muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo, maadaama la galayo doorashooyin oo isugu jiro baarlamaanka labada Aqal iyo mida madaxweynaha. Madaxa Siyaasadda iyo Nabad-gelyada fafaaradda Mareykanka Wendy Stancer ayaa sidoo kale ku boggaadisay ciidanka Booliska, sida ay u wadaan howlaha sugida ee amniga dalka. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dardar-gelinta howlaha amniga doorashooyinka dhowaan ka dhacaya dalka. Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo dhankiisa ka hadlay ayaa Mareykanka uga mahad-celiyey sida uu mar weliba u garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Mareykanka oo mashaariic kala duwan iyo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliya Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageero dowladda federaalka ah. The post Mareykanka oo DF u sameeyey ballan-qaad la xiriira doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  4. Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur (Sanyare), ayaa sheegay in laba qodob oo keliya, haddii la sameeyo Al-shabaab looga baabi’in karo Soomaaliya oo dhan. Guddoomiyaha oo ka hadlayay shir ku saabsan Amniga, oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa ku baaqay in la fuliyo labadaas qodob, haddii la doonayo in Al-shabaab laga adkaado. Qodobka kowaad ayuu ku sheegay, in la joojiyo odayaasha damiinka ku sii daaya xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee la qabto, ka hor inta aan baaritaan dhammaystiran lagu samayn. Qodobka labaad ayuu sidoo kale ku sheegay, in mas’uuliyiinta dowladeed ay joojiyaan u hoggaansanka awaamiirta Al-shabaab ee ku dhisan cabsi-gelinta. Halkaan ka daawo Hadalka Guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Gudoomiye Sanyare “Laba qodob oo kaliya ayaa Al-shabaab looga guulaysan karaa” appeared first on Puntland Post.
  5. Abdi Ismail Samatar reflects in the recent unrest in South Africa and compares it to Somalia, writing that South Africa will not collapse as Somalia did, there are extraordinary parallels between the postcolonial political histories of the two countries. Source: Hiiraan Online
  6. A British citizen has raised concerns that highly controversial forms of torture and interrogation practices used during the War on Terror are still being employed by US-linked officials. Source: Hiiraan Online
  7. Mohamed Abdulkadir is a MCRI employment specialist who is a former refugee who has recently been awarded for his efforts. Source: Hiiraan Online
  8. Courage, corruption, culture and competition – all major factors in the life and times of the first women’s football team in Somalia and its inspirational young coach, Shaima Sellal. The government gave the go-ahead for a women’s team in 1994, but it did not take off because of the continuing civil war. Football can be a casualty of the conflict in a “failed state”. Source: Hiiraan Online
  9. Nobody was watching Ahmed Hafnaoui in lane eight of the Olympic pool. Source: Hiiraan Online
  10. Odayaasha iyo Cuqaasha Beesha Maxamed Ciise, oo ka tirsan Beel-weynta Ciise Maxamuud, ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray Beesha Abokor Ciise. Odayaasha oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa raalli-gelin ka dalbaday qaar kamid ah Nabadoonada iyo Cuqaasha Beesha Abokor Ciise, oo sida ay sheegeen gef iyo xaqiraad ku sameeyay. Sidoo kale, waxay ka hadleen saamiga kursiga Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo laga soo doorto Gobolka Nugaal. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post GAROOWE: Beesha Maxamed Ciise oo jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeeray Abokor Ciise appeared first on Puntland Post.
  11. Waxaa maanta la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu shaaciyo liiska musharaxiinta Aqalka sare ee Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in liiska la filayo aaney ka marnaan doonin inta badan kuwa maamulka uu raali ka yahay halka kuraasta qaar laga yaabo in aan lala tartaminba! Soo bandhigidda liiska waxaa xigi doona in la siiyo musharaxiinta labo maalin oo olole ah, halka sidoo kale lasoo dhejin doono waqtiga khudbadaha iyo xilliga doorashada. Jubbaland sida ay u qabato doorashada Aqalka sare waxay fure u noqon doontaa sida ay u dhaceyso doorashooyinka kale. Source: goobjoog.com
  12. Fiidnimadii Axada, Madaxweynaha Tunisia Qeys Saciid Ayaa soo saaray go’aan uu xilka uga qaadayo raiisul wasaare Hishaam Al-Mashishi. Mr saciid ayaana kadib kulan deg deg ah oo uu la yeeshay saraakiisha ciidamada iyo kuwa nabadsugida waxa uu go’aansaday in “la joojiyo shaqada baarlamaanka, lana qaado xasaanada xildgibaanada” isagoo tilmaamay in go’aankan ay ahayd inuu qaato bilo ka hor. Madaxweynaha Tunisia ayaa intaa ku daray inuu sidoo kale go’aansaday inuu la wareego awooda fulinta isagoo kaashanaya ra’iisul wasaare cusub oo uu magacaabayo. Shalay booliska caasimada, Tunis, iyo magaalooyin kale oo dhowr ah waxay isku dhaceen mudaaharaadayaal ku baaqayay in xukuumadda ay xilka ka degto iyo lakala diro Baarlamaanka. Hase ahaate Hogaamaayimaha xisbiga XARAKA AL NAHDA ahna Afhayeenka baarlamaanka Tunisia Rashiid Qanuushi ayaa ku eedeeyey madaxweyne Qeys Saciid inuu baal kacdoonkii Tunisia iyo dastuurka, kadib markii uu ku dhawaaqay halinta hawlaha baarlamaanka iyo xil ka xayuubintiisa ka dhanka ah xukuumada. “Waxaan u tixgelinaynaa hay’adaha dastuuriga kuwo wali taagan, taageerayaasha Elnahda iyo shacabka Tunisia waxay difaaci doonaan kacaanka,” me qanuushi hogaamiyaha xisbiga Alnahda, ayaa sidaa usheegay Reuters. Isla Fiidnimadii Axada wax uun kadib go’aankii madaxweynaha ee uu xasaanada kaga xatuubiyay baarlamanka, gawaarida ciidamada Tunisia ayaa isku gadaamay dhismaha baarlamaanka Tunisia Mas’uuliyiinta Tunisia waxay qaadeen tallaabooyin adag oo amniga ah agagaarka baarlamaanka, iyadoo muuqalo lagu faafiyay baraha bulshada ay muujinayeen koox gawaarida gaashaaman ee militariga iyo xubno ka tirsan ciidamada amniga oo hor taagan xarunta sharci dejinta, iyadoo go’aadamada madaxweynaha ay soo dhoweynayaan dad waddooyinka isugu soo ururay. Laba goobjooge ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dadka meesha isugu yimid ay ku dhawaqayeen heeska calanka tunisia waxayna sido kale ku luuqeynayeen heeso ay ku amaanayaan ciidanka madaama gawaaridooda ay hareereeyeen xarunta baarlamaanka. Source: goobjoog.com
  13. London (Caasimada Online) – Muwaadin British ah ayaa sheegay in lagu jir dilay Soomaaliya, oo ay su’aalo ku weydiiyaan saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Guardian. Ninkan oo 45 jir ah kana soo jeeda magaalada London ayaa sheegaya in gacanta mas’uuliyiinta Soomaaliya uu ku asiibay ficillo ay ka mid yihiin inay madax uga ganbiyeen dhar, u adeegsadeen aaladaha qofka dareenka tira, madaxana u geliyeen biyo, si looga dhaadhiciyo inuu la shaqeeyo CIA-da Mareykanka. David Tylor, oo magaciisa saxda la beddelay kadib codsi ka yimid qoyskiisa, ayaa waxa uu muddo laba sano ah ku xiran yahay Soomaaliya, ayada oo aan wax dacwado ah lagu soo oogin. David ayaa ka cabsi qaba in haddii aysan dowladda UK soo faro-gelin xaaladdiisa uu wajahayo dil toogasho oo ay ku xukunto maxkamadda militariga Soomaaliya, ama loo dhoofiyo Mareykanka. Qoyskiisa oo ku sugan London ayaa sheegaya “inay ka qalbi-jabeen” xaaladdiisa, waxayna Xafiiska Arrimah Dibedda UK ku eeedeeyeen “inuu gebi ahaanba dayacay.” Warqado sharci ah oo sharxaya xaaladdiisa ayaa toddobaadkii tegay loo gudbiyey Xafiiska Arrimaha Dibedda, waxaana loogu sheegay inay haystaan illaa Arbacada soo socota, si ay uga jawaabaan “fashilka weli taagan” ee ay ku wajaheen arrintiisa. Warqadahan oo ka kooban sagaal bog ayaa lagu sheegay in sirdoonka Mareykanka ay aad u daneynayaan arrinta David. Waxaa lagu sheegay warqadaha in 30-kii June, “laba sarkaal oo Mareykan ah oo isku sheegay inay ka tirsan yihiin FBI-da” ay su’aalo ku weydiiyeen Muqdisho. Dokumentiyada ayaa lagu yiri “waxay weydiiyeen inuu jeclaan lahaa inuu ku noolaado Mareykanka. Waxay tuseen sawirrada shaqsiyaad kala duwan, oo ay weydiiyeen haddii uu garanayo.” Mid ka kid ah sawirrada la tusay ayaa ah Mahdi Hashi, oo ah muwaadin British ah oo kaso jeeda xaafadda Camden ee waqooyiga London, kaasi sanaddii 2012 si sir ah loogala baxay Jabuuti looguna qaaday Mareykanka, kadib su’aalo culus oo ay weydiiyeen CIA-da Mareykanka. Mahdi ayaa waxaa loo xiray inuu taageerayey kooxda Al-Shabaab. Hase yeeshee waxaa la sii daayey sanadkii tegay. Inkasta oo aan wax sabab ah – ama caddeymo ah laga siin sababta loo xiray – haddana sawirrada la tusay David ayaa muujinaya in CIA-da ay tuhmeyso inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab. Wiil uu dhalay David, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa yiri “aabahey waxaa lagu hilmaamay xabsi dal shisheeye, isaga oo ku sugan xaalad halis ah, wax dacwado ahna aan lagu soo oogin. Waa muwaadin British ah, wax taageero ahna kama haysto dalkiisa.” Waxa uu intaas ku daray “waxaan Xafiiska Arrimaha Dibedda wacayey maalin kasta si aan uga baryo inay sameeyaan wax kasta oo ay karaan si loo soo daayo aabahey, oo dalkiisa loogu soo celiyo.” Xafiiska Arrimaha Dibedda UK, ayaa ka war-hayey xariga David tan iyo bishii April 2019, iyo tuhunada ku saabsan jir-dilka tan iyo bishii December 2020, markii ay xaaskiisa oo ku sugan London la xiriirtay. David Taylor ayaa Soomaaliya u guuray 2009, halkaasi oo uu deganaa, hase yeeshee 13-kii April 2019 ayaa la xiray kadib markii uu Yemen u aaday inuu soo cusbooneysiisto baasaboor ka dhacayey, si uu London ugu laabto. Waxaa saddex bil kadib loo wareejiyey saldhig militari, waxaana sida ku cad warqadha sharciga ah “loo sheegay in qof ka tirsan CIA-da Mareykanka uu doonayo inuu arko. Qofkaas ayaa isku sheegay ‘John’. Wuxuuna ku hadlayey lahjad Mareykan ah.” 19-kii September 2019, waxaa loo wareejiyey Muqdisho, kadibna isaga oo indho xiran, gacmo xiran ayaa loo qaaday magaalada Janaale. Dabaa-yaaqadii 2019 ayaa mar kale David waxaa loo soo wareejiyey xabsiga dhexe ee Muqdisho, oo la rumeysan yahay inuu hadda ku jiro. The post David Taylor – “Waxaa lagu jir dilayaa Muqdisho, ayadoo DF ay ku qasbeyso inuu la shaqeeyo hay’adda CIA-da” appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil – gabadhii la waayey ee loo heysto NISA, saraakiil uu sheegay in la khaarajiyey, kuwo loogu awood sheegtay shaatiga dowladda iyo tallaabadii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilka uga xayuubiyey Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad sugidda Qaranka Cabdullahi Kullane. “Waxaan maanta ka hadlayaa mushkilado badan oo waayahaan ka jiray caasimadda Muqdisho, waxaana ka hadlayaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin arrinta Ikraan Tahliil Faarax, saraakiil ka horeysay oo qaar meydkooda la helay, qaarna aan weli la arkin, waxaan kaloo rabaa inaan ka hadlo tallaabadii Ra’iisul wasaaraha oo soo dhaweyn mudun runtii,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Nabadoon Xaad. Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan ayaa sheegay in tallaabada uu Rooble qaaday mar hore loo baahnaa, isagoo ku tilmaamay mid muhiim ah. “Dalku maanta hal caqabad ayuu leeyahay, waxayna ka imaaneysaa caqabadaasi madaxweynaha iyo qolada la shaqeysa oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA Fahad Yaasiin, ku xigeenkiisii Kullane Jiis iyo Taliyaha NISA ee gobolka Yaasiin Farey, ragaas oo dhan waxay caqabad ku yihiin hiigsiga umadda Soomaaliyeed iyo doorashada hadda dalku galay, waan soo dhaweynaynaa in caqabadahaas qaar inuu Rooble wax ka qabtay, laakiin faro kama qodna ayaan leenahay,” ayuu yiri. Nabadoon Xaad ayaa musiibo ku tilmaamay madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, “Lanadaas nin intey meesha joogaan dadka Soomaaliyeed nabadda iyo dowladnimada ay sugayaan rajo badan malahan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Waxa uu sheegay in ragaas ay hadda ka shaqeynayaan in dadkii horay ula soo shaqeyn jiray ee xog ogaalka ahaa ay maalinba mid afduubtaan oo dilaan intii wax og, sida uu sheegay Nabadoon Xaad. Sidoo kale Nabadoonka ayaa soo tiriyey magacyada saraakiil uu sheegay inay la shaqeyn jireen Farmaajo iyo Fahad, kuwaas oo qaar meydadkooda la helay, qaarna nolol iyo geeri lagu la’yahay. “Dadkii lagu aaminay masiirka umadda iyo mustaqbalkii soo koraayey, inay dadkii laayaan oo midba mar la dilo, kuwa hadda noolna ay xag Ilaahey ka noolyihiin, kuwo kalena weli la daba joogo, waa wax lala yaabo oo aan horay loo arag, dalkeenana ku cusub, waa wixii argagixisadu ka shaqeyn jirtay,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoonka oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan rabaa inaan si gaar ah isu dul taago kiiska Ikraan Tahliil, waa ka xunahay waxa ku dhacay ehelkeedana waan u tacsiyeyneynaa, qof dhalinyaro ah oo dalka meelaha halboolaha u ah ka shaqeyneysay ayey aheyd, waxay ka mid aheyd dhalinyaarada dalkaan inay meel gaarsiiyaan laga sugaayey, sida arxan darrada ah ee gabadhaas loo afduubtay, ee nolol iyo geeri lagu la’yahay, waan uga tacsiyeeynayaa waalidiinteeda iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed.” Hoos ka daawo The post Daawo: Xaad oo soo saaray baaq xasaasi ah oo ka dhan ah Farmaajo iyo Fahad appeared first on Caasimada Online.
  15. Ha’yadda Caymiska Somaliland oo Amaawiir Culus dul Dhigtay Gaadiidka dalka oo dhan Guddoomiyaha hay’adda caymiska Somaliland, Saleeban Cawad Cali (Bukhaari), ayaa sheegay in sannadka soo socda bishiiisa koobaad gaadhigii aan Caymis lahayni inuu jidadka maro an la aqbali doonin. Sidoo kale waxa uu xusay in ay soo saareen wareegto gaadiidlayda kala duwan ee ku sugan gudaha dalka ku waajibinaysa in la caymiyo dhibaatada uu gaysto gaadhiga qofku uu wato. Dhanka kale agaasimaha guud ee hay’adda caymiska Qaranka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Muuse Cabdi, ayaa sheegay in wareegtadan ay tahay mid hirgelinaysa oo fudaydinaysaa, in dekaddii la isticmaalo, isaga oo ku sababeeyay in jidka isku xidha Berbera ila Wajaale gaadiidka mara bila caymis ay ku marayeen. WAXAA KALE OO WAREEGTADAN LAGU SHEEGAY IN AY DHAQANGELAYSO ISLA MAALINTII AY SOO BAXDAY, ISLA MARKAANA AY WAAJIB KU TAHAY DHAMMAAN GAADIIDLEYDU INAY GALAAN CAYMIS, SI LOOGA BAAQSADO DHIBTA AY DADKU QABAAN BIXINTA MAGAHA KA DHASHA SHILALKA GAAIIDKA. Guddoomiyaha hay’adda caymiska Qaranka Saleeb Cawad Cali Bukhaari isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Hay’adda caymiska Qaranku waxa ay soo saartay wareegto waajibinaysa Caymiska gaadiidka ee dhinaca saddexaad, ujeedadeeduna tahay in la caymiyay dhibaatada uu gaysto gaadhiga aad wadatid ama ka ganacsiga aad ku sameynaysid, ama adigu aad leedahay. Haddaba inaga oo ka duulayna baahida loo qabo Caymiska oo imikaba madax dhaqameedka iyo odayaasha iyo dadweynuhu ay khaati ka taagan yihiin gaadhi gaystay mag, lagana yaabo in ay tiro badan tahay, deetana la yidhaaho ninka gaadhiga leh iyo qofka adhigiisa ku raacanaya hawdka intuba ha bixiyeen dhibtii uu keeno, taasi waxa ay noqotay in cabasho badan iyo culays badani ka timaado lagana yaaba in la yidhaaho berri ma waxa la qabanaya gaadhiga soconaya, iyada oo la weydiinayo caymiskiisi jawaabtu waa maya. Waxa aanu siinayna wakhti ay ku dhammeystirtaan hawshaasi, ma laba biloodba, ma lix biloodbaa, ma saddex biloodba, kay noqoto balse waxa aanu ku qanacsanahay sannadka soo socda bishiiisa koobaad gaadhigii aan Caymis sidani waddada in aanu mari doonin” “Gaadiidka oo ah mid mihiima oo waddankeenu aad ugu baahan yahay, waxa maanta laga bilaabo haddii ILLAAHEY yidhaaho, inoo bilaabo maanta in ay mihiim tahay in la caymiyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sababto waa mid inoo mihiima”Ayay tidhi guddoomiye ku xigeenka hay’adda caymiska Qaranka marwo Sahra Aadan Yuusuf. Agaasimaha guud ee hay’adda caymiska Qaranka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Muuse Cabdi, ayaa sheegay in wareegtadan ay tahay mid hirgelinaysa oo fudaydinaysaa, in dekaddii la isticmaalo, isaga oo ku sababeeyay in jidka isku xidha Berbera ila Wajaale gaadiidka mara bila caymis ay ku marayeen.“Wareegtadan waxa ay hirgelinaysa oo ay fudaydinaysaa in dekaddii la isticmaalo, sababto ah jidka isku xidha Berbera ila Wajaale gaadiidka mara bila caymis ayay ku marayeen, haddii shil dhaco dhibaato badan ayaa soo gaadhi jiray waxaanay wareegtadani xal u noqonaysa arrinta mudada badan hortaagneyd” Qaran News
  16. TPLF oo war cusub ka soo saartay Dagaalada Maalmihii u danbeeyay u dhexmaray Dawlada Itoobiya+Hanjabaad Hor leh Waxaa saacadihi la soo dhaafay xoogeystay dagaallada ka socda dalka Itoobiya, iyadoo jabhadda TPLF ay sii waddo faadhiisimaha ay ka sameysaneyso goballada deriska la ah. Hoggaanka sare ee ciidamada Tigray-ga ayaa sheegay in ay isku ballaadhinayaan xadka gobalkooda uu la wadaago gobalada Canfarta iyo Amxaarada. General Tsadkan Gebretensae, oo la sheegay inuu haatan yahay hogaamiyaha garabka ciidanka ee TPLF oo la baxay TDF, islamarkaana ahaa taliyihii ciidanka millatariga Itoobiya ee xiligii dagaalka Eritrea, ayaa sheegay inay maalmo gudohood kula wareegi doonaan jidka Addis Ababa iyo Djibouti isku xidha. ”Hawlgalkii Charchar ilaa Mile ee deegaanka Canfarta wuxuu kusoo gaba gaboobay si wanaagsan, haatan waxaan si deg deg ah kula wareegi doonnaa jidka isku xidha Itoobiya iyo Djibouti waxaana si toos ah gargaarka ugu furi doonnaa dadkayaga,” ayuu yidhi General Tsadkan Gebretensae. Waxa uu intaas ku daray inay ciidamadooda ay ku guuleysteen inay bur buriyaan fadhiisimo ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegano dhowr ah . “Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaan ku guulaysanay inaan burburino ciidankii ku sugnaa aaga Qobo iyo Woldie, oo ay kamid ahaayeen ilaaladii madaxtooyada, haatana awooda ciidan waa mid anaga noo xaglinaysa, waxaana Addis Ababa gali karnaa anagoon wax iska caabin oo wayn ah la kulmin,” Dhanka kale, wararka ka imaanayo Gobolka Canfarta ee dalka Jabuuti ayaa sheegaya in ay dadka shacabka ah billaabeen in ay isaga baxaan guryaha xilli ay ka cabsi qabaan inay soo weeraraan Tigray-ga. Abiy iyo xulafadiisa ayaa waxaa tan iyo May ku socda dagaallo ay adkaatay in ay iska caabiyaan, TPLF ayaana wacad ku martay in ay dalka kala wareegeyso xukuumaddiisa. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey tallaabadii uu shalay qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble ee uu ku magacaabay guddiga ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, inta lagu guda jiro howlaha doorashooyinka dalka. Qoraalka Qaramada Midoobey ayaa lagu balan qaaday inay sii taageeri doonaan haweenka Soomaaliyeed, si qoondadooda ay u helaan matalaadooda. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa magacaabista uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,13 xubnood oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee kuraasta baarlamaanka federaalka ay haweenku ku yeelanayaan,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay QM. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Qaramada Midoobay waxa ay ku celineysaa taageeradeed buuxda ee ka qeybgalka haweenka Soomaaliyeed iyo matalaadooda doorashooyinka soo socda.” Ra’iisul wasaaraha XFS Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, kaas oo ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada haweenka inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka. 13-ka xubnood ee uu ka kooban yahay guddigaas hal ka mid ah waa rag, halka inta kale ay yihiin haween, waxaana guddoomiye looga dhigay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ku magacaaban guddoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso magacyada guddigaas The post QM oo war ka soo saartay tallaabadii uu qaaday Rooble appeared first on Caasimada Online.
  18. Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo gaaray magaalada Cadaado ayaa lagu soo warrmayaa inuu kulamo xasaasi ah ka bilaabay gudaha magaaladaas oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Qoor Qoor ayaa socdaalkiisa kusoo maray deegaanka Baxdo, isaga oo kulamo lasoo qaatay waxgaradka deegaanka oo uu kala hadlay inay qaataan doorkooda ku aadan howl-gallada iyo dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale madaxweynaha Galmudug oo ay la socdaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa haatan kulamo kala duwan oo looga arinsanayo amniga ka wada magaalada Cadaado. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulamada Cadaado looga hadlayo sidii loo taageeri lahaa ciidamada huwanta ee howl-gallada ka wada Mudug. Waxaa kualmadaas sidoo kale ka qeyb-galay maamulka degmada & saraakiisha ciidanka oo ballan-qaaday inay ka qeyb-geli doonaan dagaalka, si looga adkaado Al-Shabaab. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa maalmahan booqasho ku joogay gobolka Mudug, wuxuuna kormeeray deegaanada lagala wareegay Al-Shabaab, sida Qeycad iyo Qodqod. Galmudug ayaa haatan xooga saareysa sidii ay dib ugu qabsan laheyd deegaano iyo degmooyin ka tirsan Mudug oo ay muddo sanado ah gacanta ku heyso Shabaab. Si kastaba xaaladda koonfur gobolka Mudug ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo culus oo ciidamada huwanta ay ka wadaan halkaasi. The post QOOR QOOR oo kulamo ka bilaabay Cadaado + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  19. Muxuu yahay hadalka dadka badan wadnaha jaray ee Erdogan uu ka dhawaaqay Masaajidka Hagia Sophia? XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Hagia Sophia ayaa leh musiibad diineed iyo mid siyaasadeed Sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii dib loo furay masaajidka Hagia Sophia, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa yiri “Masaajidku wuxuu astaan ​​u yahay soo noolaynta ilbaxnimadeenna”. Wuxuu yiri, “Alle ayaa mahad leh oo isoo gaarssiyaymaalintan qiimaha badan … Waxaan rajaynayaa in Aadaanka, Cibaadada, iyo Qur’aanka aanan laga gooyin misaajidkaan ilaa laga gaaro Qiyaamaha. Erdogan ayaa sidoo kale soo dhigay bartiisa Twitter-ka muuqaal salaadii jimcaha lagu dukanayay masaajidka Hagia Sophia markii ugu horaysay kadib 86 sannadood. XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Salaanta afarta farood waxay ka timid mudaharaadyadii Ikhwaanul-Muslimiinka Masar ee dhacay 2013-kii Madxafka caanka ah ee Hagia Sophia ayaa 24-kii bishii July ee sannadkii hore markale loo bedalay masjid, kadib go’aan uu gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Go’aanka Erdogan ayaa daba socday xukun ay maxkamad riday oo ahaa in si sharciga baalmarsan markii hore goobtaasi looga dhigay madxafka. Hagia Sophia oo la dhisay muddo 1,500 oo sano laga joogo ayaa waxaa markii koobaad loo asteeyay kaniisad, balse boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa sanadkii 1453 u bedashay masjid. Goobtan oo kamid ah kuwa caalamiga ah ee u diiwaangashan hay’adda UNESCO ayaa dowladii Turkiga ee 1934 waxa ay ka dhigtay madxaf. Muxuu yahay dhismaha 86 sano ka dib maanta lagu tukanayo? Shakhsiyaadka diimaha ee ugu hadal haynta badnaa 2020 Erdogan oo lagu haysto qorshe uu madxaf caan ah ugu bedelayo masjid Kaniisad hore oo mar masaajid ahaan jirtay oo hadda uu muran ka taagan yahay Islaamiyiinta Turkiga ayaa intii muddo ahba ku baaqayay in Hagia Sophia markale laga dhigo masjid, balse waxaa arinkaasi diiddanaa xisbiyada mucaaradka ee aan diinta aaminsaneyn. Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo madaxda diimaha ee caalamka ayaa dhaliilay go’aankaasi. Hagia Sophia ayaa waxaa markii ugu horreysay dhisay Boqortooyadii Byzantine qarnigii 6-aad ee milaadiga, balse waxaa markii dambe masjid ka dhigay Cusmaaniyiinta oo sanadkii 1453 qabsaday Qisdhandhiiniyah (Constantinople) maantana ah Istanbul. Waxaa markii dambe madxaf ka dhigay hogaamiyihii asaasay Turkiga casriga ah, Mustafa Kemal Ataturk. Sida uu awoodda ku qabsaday madaxweyne Erdogan Recep Tayyip Erdogan, oo dhashay bishii February ee sanadkii 1954-kii, waa wiilka nin ka mid ahaa ilaalada xeebaha, oo ka howlgali jiray xeebta uu Turkiga ku leeyahay Badda Madow. Markii ay da’diisa gaartay 13 sano, aabihiis wuxuu go’aansaday inuu u guuro magaalada Istanbul, isagoo markaas rajeynayay in shantiisa carruurta ah ay yeeshaan mustaqbal fiican. Isagoo dhalinyaro ah ayuu Erdogan iibin jiray liin bambeelmo iyo rooti si uu lacag dheeraad ah u helo. Isbuul islaami ah ayuu wax ku bartay ka hor inta uusan cilmiga maamulka uga qalin jabinin jaamacadda Marmara ee magaalada Istanbul. Wuxuu sidoo kale ciyaari jiray kubadda cagta ee mushaarka lagu qaato. XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka,Some secularist critics bristle at the sight of Mr Erdogan’s wife Emine (left) in a headscarf Intii u dhaxeysay 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii – Wuxuu ku jiray ururrada Islaamiga ah, wuxuuna xubin ka ahaa xisbiga Necmettin Erbakan 1994-kii ilaa 1998-kii – Wuxuu ahaa Duqa magaalada Istanbul, ilaa markii ay milatariga awoodda xoog ku qabsadeen islamarkaana la mamnuucay xisbigiisa. Sanadkii 1999 – wuxuu xabsi ku jiray muddo afar bilood ah kaddib markii uu meel fagaaro ah ka aqriyay gabay qarannimo doon ah oo beydadka ku jira uu ka mid ahaa: “Masaajidyada waa xeryaheenna milatari” Bishii August ee sanadkii 2001 – Wuxuu aasaasay xisbiga AKP isagoo garab ka helaya Abdullah Gul oo markaas ay isbahaysanayeen 2002 ilaa 2003 – AKP wuxuu ku guuleystay aqlabiyadda doorashada baarlamaanka, Erdogan ayaana loo magacaabay Ra’iisul Wasaare Bishii June 2013 – Wuxuu ciidamada amniga u adeegsaday mudaharaadeyaal isku dayayay inay beerta cagaaran ee Gezi Park ka hor istaagaan mashruuc dhisme ah oo ay dowladda ka sameyneysay Bishii December 2013 – Fadeexad weyn oo musuqmaasuq ah ayaa kusoo baxday dowladdiisa – saddex wiil oo ay dhaleen wasiirro ayaa la xiray, Erdogan wuxuu arrintaas ku eedeeyay Gulen kooxdiisa Bishii August 2014 – Wuxuu noqday madaxweyne kaddib markii ay Turkiga ka dhacday doorashadii ugu horreysay abid ee toos loogu dooranayo madaxweyne Bishii July 2016 – Wuxuu ka badbaaday afgambi milatari oo looga sameeyay ciidanka dhexdooda Bishii April 2017 – Wuxuu guul ka gaaray aftadi qaran oo uu ku kordhisanayay awoodaha madaxweynaha Qaran News
  20. Dal dareemay dhibaatada ay sokorta iyo cusbada ku hayso dadkiisa Henry Dimbleby, Sonkorta iyo cusbada ama milixda waa in la canshuuraa oo khudaarta ay dadku u qortaa dadka laanta cafimaadka ee NHS-ta, waxaa sidaasi lagu cadeeyay dib u eegis madaxbanaan oo lagu sameeyay cuntada ay cunaa dadka Britain. Warbixinta, oo uu hogaaminayo ganacsade Henry Dimbleby, ayaa sheegtay in canshuuraha oo la kordhiyo ay sare u qaadi karto bixinta cuntada iskuulka oo bilaash ah ayna taageeri karto inay cunnooyin fiican ay helaan dadka saboolka ah. Waaxda istaraatiijiyadda Cuntada Qaranka ee England waxay sidoo kale dooneysaa GP-yada inay isku dayaan in dadka loo qoro cunadda miraha iyo khudradda si loo dhiirrigeliyo cunnooyiinka caafimaadka leh. Boris Johnson wuxuu sheegay inuusan la dhacsanayn canshuuro dheeraad ah oo laga qaado dadka shaqeeya. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu intaas ku daray inuu darsi doono warbixinta, wuxuuna u ballanqaaday in dowladdu ay lix bilood gudahood uga jawaabi doonto soo-jeedinta sharciyada mustaqbalka. Dhanka kale, warshadaha cuntada ayaa ka digay canshuuro cusub oo laga qaado sonkorta jumlada iyo cusbada taasoo sida ay sheegeen horseedi karta sicirka cuntada oo sare u kaca. . Ian Wright, oo ka tirsan Xiriirka Cuntada iyo Cabitaanada, wakiilna ka ah soo saarayaasha cunada, ayaa yiri: “Cayilka iyo cunnada ayaa aad ugu badan saboolnimada, waxaana u baahannahay tallaabooyin wax looga qabanayo saboolnimada iyo in laga caawiyo dadka inay doortaan waxyaabaha ay u baahan yihiin inay sameeyaan.” Dib-u-eegista, oo ay dowladdu u xilsaartay sannadka 2019-ka, ayaa lagu sheegay in dib-u-habeyn taariikhi ah oo lagu sameeyo nidaamka cuntada loo baahan si loo hagaajiyo caafimaadka qaranka loona badbaadiyo deegaanka. Canshuuraha cusub ayaa lagu soo rigi doonaa bakhaarada iibiya sonkorta iyo cusbada jumlada ah taasi o haddii ay dhacdo sare u qaadi karta qiimaha dukaamada tafaariiqda lagu iibiyo. Laakiin Mr Dimbleby ayaa yidhi: “Runtii ma rumaysanayno in waxyaalaha badankood ay sare u qaadi doonaan qiimaha – balse waxay yareyn doontaa isticmaalka dadka ay isticmaalaan sokorta iyo milixda. Dib-u-eegiddu lagu sameeyay habka cunada ayaa timid ka dib markii la ogaaday in xanuuno badan ay sabab u yihiin cunnooyiinka ay dadku cunaan. “Cayilka iyo buurnida badan waxay qayb weyn ka ahayd heerka dhimashada UK ee masiibada badan,” ayuu yiri Mr Dimbleby, oo isagu aasaasay silsiladda cuntada degdegga ah ee Leon. Wuxuu sheegay in soo jeedintiisa – haddii si buuxda loo hirgeliyo – ay badbaadin karto 38 kalori qofkiiba maalintii, taas oo ka caawinaysa qofka celcelis ahaan inuu lumiyo 2kg (4.4lb) culeys sanadkiiba. Qaran News
  21. Dalka Imaaraadka Carabta oo kuleyl dartii Roob aan dabiici ahayn sameystay+ Ma sahlan tahay in roob aan dabiici ahayn la sameeyo? Roobkan ayaa ah mid ana dabiici ahayn Dubai waxay maraysaa xilli adag oo xaalado cimillo oo aad u daran ah. Dalka Imaaraadka Carabta waxaa aad u sareysa heer-kulka oo gaaraya 50 digrii Fahrenheit kaasi oo khatar gelinaya nolasha in ka badan 3 milyan oo qof oo ku nool magaalada. Dhawaan dalka Canada in ka badan 500 oo qof ayaa la soo sheegay inay u dhinteen kuleylka. Si looga fogaado waxyeelada noocan ah Imaaraatka ayaa iyada oo loo sii marayo waaxda cimilada waxay la timid teknoolojiyad yareyn karta heerkulkaas, farsamadaasina waa soo saarista roob aan dabiici ahayn. Waaxda cimilada ee dalkaasi ayaa barta ay internetka ku leeyihiin waxay toddobaadkan soo dhigeen muuqaal muujinaya roobkan aan dabiiciga ahayn ee macmalka ah oo ka da’ayay meelo badan iyadoo dadku ay sii wateen noloshoodii caadiga ah, waxaana la arkaayay gawaarida oo dhex maraya waddooyinka waaweyn oo biyo dhex fadhiyaan. Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka ayaa loo diray daruuraha jiifka ah ee duleedka magaalada Dubai si ay u hirgeliyaan tikniyoolajiyadda oo hadda la tijaabinayo. Sidee tiknoolajiyadan u shaqeysaa? Sida laga soo xigtay waaxda saadaasha hawada Imaaraatka waxaa la soo saaray,diyaarado Drone-s ah kuwaas oo lagu rakibay awood koronto oo gaar ah. Diyaaradahu markay cirka u baxaan ee ay daruuraha gaaraan ayey ku sii dayaan maayad, danabka ka dhasha maayaddaas ayaa daruuraha culays saara oo isku ururiya oo wax ka bedela qaabka dhismeedkooda. Isbedelkaas ayaa waxa ka dhasha in uu kordha cufka qoyaanka ku jira hawada iyo daruuraha oo noqda roob marka dambe dhulka ku soo da’a oo aan waxba kaga duwanayn sida roobka caadiga ahi uu u da’o. Prof Maarten Ambaum, oo ah khabiir ku xeel dheer mashruucan roobkan aan dabiiciga ahayn, ayay BBC u sheegay in mashruucan iyo mashaariicda kale ee roobka macmalka ah, gaar ahaan xilligan kuleylaha uu faa’ido badan leeyahay. “Markay dhibcahaani isu yimaadaan oo ay weynaadaan, way soo dhacaan, markay dhacaan waxay sameeyaan qoyaan dhulka ku soo daata sida roobka,” ayuu yiri. Diyaardo yaryar oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ayaa la adeegsaday Ma sahlan tahay in roob aan dabiici ahayn la sameeyo? Cilmi baarayaashu waxay muujiyaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan noocan tikniyoolajiyadda roobka, laakiin inbadan waxay isku raacsan yihiin inay qaali tahay qarash badana u baahan tahay in la gaaro himilooyinka roobka lagu baadi-goobayo. Dowladda Imaaraatka Carabta,waxay mudnaan siisay mashaariicda noocan oo kale ah waxayna u qoondeysay dhaqaale lagu taageerayo hirgelintiisa. Sanadkii 2017, Dowladda Imaaraadku waxay $ 15 milyan ku qarash gareysay 9 mashruuc oo lagu taageerayo soo saarista roobka macmalka ah. Saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda Reading ayaa ka mid ah khubarada gacanta ku haysa mid ka mid ah mashaariicdan. Maadaama celcelis ahaan roobka Imaaraadka sannadkii ka da’aa uu yahay 100mm, ayaa dalku waxa uu doonayaa in uu helo xaddi intaa ka badan. Qaran News
  22. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa difaacday duqeyntii xooganeyd ee ay todobaadkii hore ka fulisay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, taas oo ay su’aallo ka keentay Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka wadankaasi. Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in sababta ay ay Maryakanka u qaadeen duqaymihii tododbaadkii hore lala beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab ay tahay in ciidamada Soomaaliya ay xoojiyene weerarrada ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab. Duqeyntan ayaa timid, kadib markii uu culeys xoogan uu dhinaca Al-Shabaab uga yimid ciidamada huwanta, sida uu shaaciyey Lloyd Austin. Austin ayaa intaasi ku daray in howl-galkaasi, kadib dib loo riixay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aaga uu dagaalka ka socda ee koonfurta gobolka Mudug. “Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab,” ayuu yiri wasiir Lloyd Austin. Hadalkan ayaa jawaab u ah Ilhaan Cumar oo warqad u dirtay madaxweyne Joe Biden, taas oo ay ku dalbaneyso inuu sharaxaad ka bixiyo sharciyadda iyo saameynta ka dhalatay howl-galkaas dhanka cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyey gobolka Mudug ee Soomaaliya. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida tooska ah uga qeyb-qaata dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaa ciidamada Danab ee Xoogga dalka. The post Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka oo shaaciyey sababta weerarkii MUDUG appeared first on Caasimada Online.
  23. Iman Abdulmajid—known as Iman—was born in Somalia to a middle-class family. The model later relocated to Nairobi, Kenya as a refugee in 1975 to attend university. While in Nairobi, she was discovered by prominent photographer Peter Beard Source: Hiiraan Online