Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Somali Journalists Syndicate (SJS) officially launched the first of a series of human rights trainings for Somali journalists in Mogadishu, on Wednesday, to build the capacity of journalists to cover human rights issues in Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda dalka Kenya ayaa war cusub ka soo saartay ciidamadeeda ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ee jooga ee Soomaaliya, maadaama la gaaray xilligii bixitaankooda ee ay horay u shaacisay Qaramada Midoobay. Taliyaha guud ee ciidamada difaaca wadanka Kenya Gen. Robert Kibochi oo wareysi siiyey Telefishinka dalkaasi ee KBC ayaa shaaca ka qaaday in haatan ciidamadooda aysan ka bixi doonin gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay sii caawinayaan Ciidamada Xoogga dalka. Kibochi ayaa sababta ku sheegay in weli Soomaaliya ay ka jirto xasilooni darro, ayna sii wadayaan ciidamadooda howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intii ay ka howl-galayeen Soomaaliya ciidamada Kenya ay guullo waa weyn gaareen, isla-markaana haddii ay ka baxayaan ay khasaarayaan guulihii ay horey u gaareen, sida uu hadalka u dhigay taliyaha guud ee ciidamada wadanka Kenya. “Waxaan guulo ku gaarnay howlgalkeena Soomaaliya kama bixi karno in xaalladu deggan tahay maahane hadii kale guulihii aan gaarnay waa ay khasaarayaan” ayuu yiri taliyuhu. Dhinaca kale wuxuu hadalkan kusoo aadayaa, iyada oo Ururka Midowga Yurub (EU) iyo la-howl-galayaashooda caalamiga ah ay in ka badan kala bar dhimeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamada Kenya ee Soomaaliya u jooga la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab. Dhimista dhaqaalaha uu ku sameeyay Midowga Yurub ayaa waxaa loo sababeeyey qiyaano ay sameysay dowladda Kenya oo la sheegay qaar kamid ah ciidamadeeda ay si qarsoodi ah ugala baxdaygudaha Soomaaliya, balse weli lacag uga qaadaneysa Ururka Midowga Yurub. Si kastaba Golaha ammnka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii March ee 2020-kii, meel-mariyay qaraar ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM uga baxayaan Soomaaliya bisha Decembar 2021, iyaga oo shaaciyey in amniga ay la wareegayaan ciidanka Xoogga dalka. The post KENYA oo war lama filaan ah kasoo saartay ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  3. Washington (Caasimada Online) – Sharci-dejiyayaasha ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga iyo maamulka Biden ayaa waxaa ka dhex-qarxay khilaaf salka ku haya Soomaaliya, iyo sharciyadda uu maamulka weerar uga fulin karo Soomaaliya. Xubnahan, oo aad uga horyimid duqeymihii ugu dambeeyey ee uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, ayaa ku dooday in ficillada maamulka Biden ay wiiqayaan ballan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa inuu beddeli doono ruqsadaha dagaalka ee waqtigoodu dhacay. Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka, oo Soomaaliya ku beegsata kooxda Al-Qacida bah-wadaagta la ah ee Al-Shabaab, ayaa weerarkii ugu dambeeyey ugu cudur daaratay adeegsiga ruqsadda AUMF oo lasoo saaray 2001-dii, taasi oo lagu weerari karo kooxaha ka dambeeyey weerarkii Mareykanka lagu qaaday September 11, 2001. Dimoqraadiga oo mar kasta ku dooda in ruqsadda 2001 aan lagu dabaqi karin weeraro dhacaya 20 sano kadib, ayaa sheegay in maamulka Biden uusan haysan ogolaansho uu ku weeraro Soomaaliya. “Waxa kooxda Biden ay sameynayaan ayaa la mid ah wixii aan ku aragnay saddexdii maamul ee ka horreeyey, hase yeeshee, aniga ahaan ilama waafaqsana ujeedooyinka Congress-ka,” waxaa sidaas yiri Senator Ben Cardin oo laga soo doorto gobolka Maryland, sidoo kalena xubin ka ah guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka. “Waxay ila tahay in madaxweyne Biden ay tahay inuu soo codsado ruqsad cusub oo uu ku adeegsado awood militari, islamarkaana uu aqoonsado ruqasadda 2001 ay tahay in la baabi’iyo,” ayuu ku daray. Senator Tim Kaine oo laga soo doorto gobolka Virginia, oo Aqalka Cad kala shaqeynayey in la beddelo ruqsadda 2001 ee AUMF, lana soo saaro mid la jaanqaadi karta halista argagixiso ee xilliga, ayaa maamulka Biden ku booriyey inuu Congress-ka si deg deg ah ugu wargeliyo “ujeedooyinkiisa ka hortagga argagixisada iyo halisaha iminka.” “Ma helin wax akhbaaraad ah oo soo jeedinaya in weeraradan ay lagama maarmaan u yihiin badbaadinta shaqaalaha Mareykanka, waxaana jeclaan lahaa inaan fahmo, haddii aysan sidaas jirin, waxa loo fulinayo,” ayuu yiri Kane. Senator Chris Murphy oo isna laga soo doorto gobolka Connecticut ayaa yiri “Haddii aad weerareyso Soomaaliya, u imow congress-ka, oo hel ogolaansho. Haddii aad dooneyso inaad ku lug yeelato dagaallada Soomaaliya ee shanta sano ee soo socda, noo imow oo noo sharax sababta ay lagama maarmaan u tahay, oo naga hel ogolaansho.” “Tani waa tusaale qaldan oo halis ah oo uu dejinayo maamulka,” ayuu yiri Murphy oo sidoo kale xubin ka ah guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka. Maamulka Biden ayaa Jimcihii lasoo dhaafay Soomaaliya ka fuliyey weerarkii labaad ee toddobaad gudihiisa ah kadib lix bilood oo uusan wax weerar ah ka fulin dalka. Labada weerar ayaa waxaa ansixiyey Jeneral Stephen Townsend, oo ah madaxda taliska ciidamada AFRICOM. Dhinaca kale, xubnaha Jamhuuriga ayaa taageeray oo bogaadiyey duqeymaha uu fuliyey maamulka Biden. Jamhuuriga ayaa mar kasta u ololeeya in la ballaariyo awoodaha dagaalka ee madaxweynaha. “Uma maleynayo in madaxweynaha uu baahan yahay sharci uu meel-mariyo Congress-ka si uu beegsado argagixiso halis kusoo rogeysa Mareykanka, meesha ay doonaan dunida ha ka joogaan’e,” waxaa sidaas yiri Senator Marco Rubio oo laga soo doorto Florida, ahna guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka. The post Muxuu yahay khilaafka la xiriira Soomaaliya ee ka dhex qarxay dowlada Mareykanka? appeared first on Caasimada Online.
  4. Kenyan troops will not leave Somalia any time soon, Chief of Defence Forces General Robert Kibochi has said. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weli wada ka aargudashada saraakiishii hoggaamineysay ciidankii ka horyimid damaciisii muddo kororsiga, kuwaas oo gudaha u soo galay caasimadda. Caasimada Online ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo uu dhawaan soo saaray dikreeto uu ku dalacsiiyey 174-sarkaal oo ka tirsan militeriga Soomaaliya, kuwaas oo sida la sheegay ah intii ku qanacsaneed in Farmaajo mudada kororsado. Hase yeeshee waxaa liiskaan laga dhowray oo aan la dalacsiin dhammaan saraakiishii ciidanka xoogga dalka ee ka soo muuqatay halgankii loogu magac daray ‘Badbaado Qaran’ kaas oo looga hor tegay mudo kororsi laba sano ahaa oo qaar ka mid ah xildhibaanadii waqtigu ka dhamaaday ay 12-kii bishii Abriil u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo. Dalacsiintani waxay u muuqataa in Farmaajo uu uga aar gudanayo saraakiishii awooda ciidan uga hor timid mudo kororsigiisa. Caasimada Online ayaa heshay warqad shan bog ah oo ka soo baxday xafiiska Farmaajo, taas oo ay ku qoran yihiin magacyada 174 sarkaal oo la dalacsiiyey, waxaana dikreetadaan lagu faray Taliyaha Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage in dalacsiintaan lagu abaalmariyey saraakiisha liiskaan ku xusan uu dhaqan geliyo. Tallaabadaan waxay burisay heshiiskii ay horay u gaareen saraakiishii iyo siyaasiyiintii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo dhigayey in ciidanka aan loo kala eexan oo aan laga aar gudan ciidanka iyo saraakiisha Badbaado Qaran ee ka hor yimid damacii Farmaajo ee mudo kororsiga. Ciidanka ay hoggaamiyaan saraakiisha laga reebay dalacsiintaan waa kuwa Al-Shabaab kula dagaalama gobollada ku hareereysan caasimadda Muqdisho ee Shabeellooyinka. Hoos ka eeg liiska 174-ka sarkaal ee Farmaajo dalacsiiyey The post Aqriso Magacyada: Farmaajo oo dallacsiiyey 174 sarkaal balse ka reebay ciidankii… appeared first on Caasimada Online.
  6. Garoonkii Kubada Cagta Laascaanood oo burburay+Sababta & Musuqmaasuq dhacay Maayarka Laascaanood ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inuu muddo gaaban ku bur-burro garroonka Kubbadda cagta ee Cabdi Bille Cabdi oo ay waxyeello soo gaadhsiiyeen daylo xoogan oo maalmahan ka dhacayay magaaladda Laascaanood. Waxaanu ku dhaliilay shirkadii la siiyay qandaraaskii dib u dhiska iyo dayactirka garroonkaasi in ay hagratay, isla markaana ay musuq maasuqday dhismahaasi oo aanay si daacad ah ugu hagar bixin. Maadaama oo muddo sideed bilood ah laga joogo xiligii lagala wareegay ama ay dhamasytirtay shirkadii garroonkaasi dib u dhiska iyo dayactirka ku samaysay garroonka Kubbadda cagta Laascaanood. Maayar C/raxiin Cali Ismaaciil, oo maanta soo kormeeray garroonka Cabdi Bille Cabdi ee magaaladda Laascaanood oo ay waxyeelo ka soo gaadhay Dabaylaha Xaggaaga oo maalmihii u danbeeyay si xoog leh uga dhacayay magaaladaasi. Duqa degmadda Laascaanood waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay xubno ka mida golaha deegaanka ee Laascaanood iyo isku-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool, waxaanu sheegay maayarku in garroonkaasi dib u dhis iyo dayactir ay ku samaysay xukuumadii madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaasoo ay ku baxday lacag aad u badan. Maayarka ayaa si gaara tusaale ugu soo qaatay qaybta VIP da ee garroonkaasi oo ay waxyeeladda ugu weyni soo gaadhay, iyadoo qaybtaasi oo keliya lagu soo qaatay lacag dhan $180,000. Isagoona qayrul-masuulnimo weyn iyo dulmi ku eedeeyay in shirkadii garroonkaasi dhistay ay ku kacday. Waxaanu yidhi, “Qaybtan VIP-da ee aan imika joogno waxaa lagu soo qaatay lacag dhan $180,000. Sideed bilood ayaana laga joogaa markii lagala wareegay shirkadii garroonkan dhistay. Waynu arkaynaa halkaa qayrul-masuulnimo weyn baa ka dhacday, dulmi baana ka dhacay”. “Waxaanu leenahay shirkadaha wax dhisaa, marka koowaad waa in aad ILLAAHAY SWT kaga baqdaan masuuliyadaa la idiin dhiibay. Waxaad wax u dhisaysaan waa dalkiinii, waana dadkiinii. Shirkadaha dhismuhu waa in qandaraasyadda ay qaadanayaan ay ka daayaan musuq maasuqa”ayuu yidhi maayarka Laascaanood. Geesta kale maayarku waxa uu sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan si deg deg ah wax uga qabanayaan waxyeeladda soo gaadhay garroonka Cabdi Bille Cabdi, isla markaana ay la kaashan doonaan wasaaradda ciyaaraha Somaliland. Waxaanu yidhi, “Anagu ka dawlad hoose dhibaatadan ku dhacday garroonka ee ay dabayshu keentay, wax alla wixii garroonkan soo gaadhay, iyo wixii kale ee dayactir ah ee uu u baahan yahay ba, in aanu qaybta ugu weyn ka qaadano. Anaga ayaana dabooli doona, anagoo la kaashanayna wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha. Waxaanu balan qaadaynaa in aanu si deg deg ah u dhisi doono”. Qaran News
  7. Xukumada S/land oo Go’aamo adag ka soo saartay Dhaqan-xumo ka socota Hotelada Burco Qaarkood. Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland, ayaa go’aamo ka soo saartay caweys-yada huteelada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kuna amartay in ay joojiyaan dhammaan wixii ka hor imanaya shareecada Islaamka. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in laga bilaabo 30/7/2021, aan la ogolaan doonin Huteel danbe oo ku yaala gudaha magaalada Burco, in laga sameeyo waxyaabaha sababta u ah is dhexgalka ragga iyo dumarka ee ay ugu horreeyaan caweys faneedyadu. Dhanka kale warkan ka soo baxay isu-duwaha diinta iyo awqaafta ee gobolka Togdheer, Keyse Xaaji Diiriye, waxaa kale ee lagu sheegay in ay sameeyeen gudi dabagasha dhaqangalka amarkani. Warkan qoraalka oo soo gaadhay xafiiska wargeyska Dawan ayaa u dhignaa sidan: “Iyad oo ay muqaneyso maalmahn xumaan ka socota Huteelada gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, qaar ka mid ah, xumaantaas oo ah is dhexgalka raga iyo haweenka, sida in la isla jaaso, ku faanida mulkiilayaasha huteelada in ay tahay wax wanaagsan oo horumar ah. 1 In horumar lagu sheego wax ALLE iyo Rasuul (CWS), inoo diideen waa ku dhiirasho denbi. 2 Waddanku waa Muslim, Islaamnimadu qofka waxbay faraysa waxna waa ay ka reebaysaa. 3 Dawladdu waxay Islaanimada ilaalinteeda u samaysay wasaaradda diinta iyo aw-qaafta, dastuur sida qodobka 5-aad oo tuuraya wixii diinta ka soo horjeeda. sidaasi darteed waxaa la faraya dhammaan huteelada magaalad Burco, laga bilaabo 30/7/2021, in ay joojiyaan dhammaan wixii ka hor imanaya shareecada Islaamka, waxaa aanu u samaynay dhaqangalka amarkan cid daba gasha.” Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Bayle Cumar Daad, oo ah Suldaanka beesha Mareexaan oo Madaxwayne Farmaajo uu ka dhashay, ayaa eedeyn badan kadib Farmaajo kula taliyey inuu isaga tago dalkaan iyo dadkaan uu godobta ka galay, oo mar dambe uusan isku soo sharaxin xilka. Suldaan Beyle ayaa sidoo kale fariin u diray beelaha Mogadishu Clan, isagoo ka dalbaday inay la yimaadaan nin fiican oo madaxweyne Soomaaliyeed u qalma, waxuuna balan qaaday in beelaha Daarood ay Mogadishu Clan u gudi doonaan abaalkii ay u galeen markii ay la soo dhaweeyeen Farmaajo. Suldaanka ayaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku eedeeyey in afartii sano ee xukunka uu joogay uu dhammaan umadda Soomaaliyeed la galay dagaal aan dhamaad laheyn, sida uu hadalka u dhigay. Si gaar ah Suldaan Beyle waxa uu soo tiriyey magacyada 8-sarkaal oo Farmaajo ay isku heyb yihiin, kuwaas oo uu sheegay in shir qool si yaabo kala duwan loogu dhigay, kadib mudo ay la shaqeeyeen nidaamka Farmaajo. “Farmaajow wax badan ayaan kula hadlay, waan kula tali jiray waana kula shaqeyn jiray, laakiin meel aan wax lagaala qaban karin ayey maanta mareysaa, umadda Soomaaliyeed waxaad la gashay dagaal aan dhamaad laheyn, ni dagaal ooge ahna cidna madax kama dhigan karto, waxaad kala dishay beeshii aad ka dhalatay ee Mareexaan, waxaad si gaar ah ugu hiilisaa Jufadaada, intii kalena dagaal ayaad ku heysaa, 8-Korneyl oo mid mid aan kuugu soo tirinayo ayaa amarkaaga lagu dilay,” ayuu Suldaanka Mareexaan Suldaan Bayle Cumar. Sidoo kale Suldaankaan waxa uu kul cel-celiyey in Farmaajo uusan madaxweynaha Soomaaliya noqon karin, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii meesha looga wareejin lahaa. “Farmaajow weli kaas abri maayee waxaan ku leeyahay inta aysan lacagtu kaa dhamaan, oo doorasho aadan isku soo taagin lacagtaada badbaadso, cid ku dooraneysa malahan, fadlan lacagtaada qaado isaga bax Soomaliya, umadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaan waxaa u baahanahay madaxweyne runlow ah, Farmaajo mid maaha Jufadiisa ayaa ka cabaadeysa,” ayuu yiri Suldaan Beyle. Suldaanka oo si gaar ah fariin ugu diray beesha Mogadishu Clan ayaa yiri, “Beesha Mogadishu Clan oo hormuudka Soomaaliya ah oo Muqdisho noo fadhisa waxaan idin leenahay Farmaajo teg, ee adinka waxaan idinka rabnaa inaad keentaan nin u qalma madaxweyne, oo abaalkii aad shalay noo gasheen markii aad nala soo dhaweyseen Farmaajo aan idiin gudno, oo aan idinla soo dhaweyno oo aan la shaqeyno.” Hoos ka Daawo The post Suldaanka Mareexaan oo Mogadishu Clan u diray farriin la xiriita madaxweynaha cusub appeared first on Caasimada Online.
  9. Dhakhtar Caan ka ah Somalia oo Kelyihiisa Mid ahaan Bixinaya! DR JALAALUDDIIN Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, oo loo yaqaanno Dr Jalaaluddiin ayaa ku sugan Isbitaal ku yaalla dalka Turkiga, si uu kellidiisa ugu bixiyo walaalkiis ka yar oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed. Cabdiraxmaan oo qudhiisa bartay caafimaadka, gaar ahaan cilmiga sheybaarka, ayaa muddo la tacaalayay xanuun kaga dhacay kelyaha oo isbuuciiba saddex jeer laga dhaqo, sida uu BBC-da u sheegay Dr Jalaaluddiin. Arrintan ayaa baraha bulshada ka dhalisay hadal heyn ay dadku su’aalo badan iska weydiinayeen go’aanka uu qaatay dhakhtarka walkaalkiis u bixinaya kellida. Dr Jalaaluddiin oo ah agaasimaha guud ee isbitaalka Martiini, ahna maamulaha xaaladaha Covid-19 ee Soomaaliya ayaa sharraxayay sababta ku kalliftay inuu kelli ugu deeqo walaalkiis. “Waxaan baadhitaan dheer ku sameeyay in bani’aadanka uu hal kelli ku noolaan karo, anigana waxaan ogaaday in kelyaheyga ay caafimaad qabaan, sidaas awgeed ayaana ku go’aansaday inaan keli siiyo walaalkey anigoo aan dhag jalaq u siineynin talooyinka ay dadka kale isiinayeen oo ahaa inaan si kale kelida ugu helo walaalkeey,” ayuu yidhi Dr Jalaaluddiin. Baaqashada Qalliinka Qalliinka uu Dr Jalaaluddiin kelida ugu bixinayay walaalkiis oo lagu waday inuu dhaco maanta oo ku began 28-ka bisha July ayaa baaqday kaddib markii baaritaan lagu sameeyay looga helay cudurka Covid-19. Dr Jalaaluddiin iyo walaaliis Laakiin isagu wuxuu sheegay in uu mar kale isbaari doono. “Shalay ayaa labadeennaba nala baaray, Cabdiraxmaan waa laga waayay fayraska laakiin aniga ayaa la iga helay. Igama muuqdaan wax calaamado ah, labadii tallaal ee Covid-19-kana waan qaatay, marka waxaan rabaa in baaritaan labaad la igu sameeyo si qalliinka loo fuliyo,” ayuu yiri. Baaqashada qalliinka ayaa culeys ku noqon karta bukaanka kelida loo bixinayo, sida uu sheegay Dr Jalaaluddiin. “Waxaa habboon in mar walba sida ugu dhakhsiyaha badan walaalkey uu kelida u helo maadaama uu yahay qof isbuuciiba saddex jeer mashiinno lagu xiro, dhibaato weynna dareemaya.” Baraha Bulshada waxay dad badan ugu duceynayaan Dhaktarka walaalkiis ku badbaadinaya kelidiisa. Siyaasiyiin iyo dad kale oo bulshada dhexdeeda magac ku leh ayaa ka mid ahaa dadka dhiirrigelinta iyo ducada ku taageeray Dr Jalaaluddiin iyo walaalkiis Cabdiraxmaan.Waxaa ka mid agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdiqani Sheekh Cumar. Lama oga xilliga uu dhici doono qalliinka, waxaana Dr Jalaaluddiin uu BBC-da u sheegay in mar walba ay ku xirnaan doonto sida uu nadiif uga noqdo xanuunka laga helay ee Covid-19. Qaran News
  10. Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Kenya gen. Robert Kibochi, ayaa sheegay in ciidamada Kenya aysan Soomaaliya ka bixi doonin wakhtiga dhow. Taliyaha oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka laga leeyahay waddanka Kenya ee KBC, ayaa sheegay in Soomaaliya ay xasilooni-darro ka jirto, sidaas darteedna ciidamada Kenya aysan ka bixin doonin. Gen. Robert Kibochi ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ay sii caawin doonaan kuwa Soomaaliya, inta laga xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Taliye Kibochi ayaa xusay in ciidamada Soomaaliya aysan weli hanan karin amniga guud ee dalka, islamarkaana aysan ka maarmi karin taageerada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. PUNTLAND POST The post Kenya: Ciidankeenu wakhtiga dhow ka biximayo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa guddoomiyihii gobolka Gedo Cusman Nuur Xaaji oo caan ku ah magaca Macalimuu ka bixiyey lacag in lagu yeesho ay mas’uul ka aheyd intii uu ku sugnaa Muqdisho. Macalimuu ayaa horaantii toddobaadkan ka baxay magaalada Muqdisho kadib toddoba bil oo u uku xanibnaa, isaga oo sheegay inay NISA u diiday inuu ka dhoofo garoonka Aadan Cadde. Warar aan helnay ayaa sheegaya in hoteel ay dejisay dowladda Soomaaliya uu guddoomiye Macalimuu ku sheegtay lacag ku dhow 30 kun, kadibna ay diiday Villa Somalia in ay lacagtaas ka bixiso Macalimuu oo mar ay saaxiibo ahaayeen. Sida aan xogta ku helnay, Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa codsi u dirsaday Axmed Madoobe isagoo ka raali geliyay weerarkii uu ku qaaday maamulkiisa Gedo iyo hadallo uu ku duray, waxa uuna u ballan qaaday in uu gacantiisa soo gelin doono doorashada Garbahaareey. Macalimuu ayaa Axmed Madoobe ka codsaday in uu ka bixiyo lacagtaas islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii uu Muqdisho kaga bixi lahaa. Maamulka hoteelkii daganaa guddoomiye Macalimuu ayaa dhankooda qiimo dhimis weyn u sameeyay guddoomiyaha maadaama ay muddo sugayeen lacagtooda. Villa Somalia ayaa diiday bixinta lacagta hoteelka oo ay markii hore ay iyadu dejisay balse kadib ay khilaafeen Macalimuu Cusmaan Nuur Xaaji ayaa gobalka Gedo ka sheegay in soo bixitaankiisa uu door weyn ku lahaa Madaxweyne Axmed Madoobe wixii markaas ka dambeeyana uu maamulka Gedo hoos tagi doono Maamulka Jubaland, isagoo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Farmaajo. The post Xog: Axmed Madoobe oo Macalimuu ka bixiyay lacag looga haystay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  12. Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay gargaar bani’aadannimo oo cusub oo ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah qaar ka mid ah dalalka deriska. Qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay, in dowladda Mareykanka ay ku bixinayso lacag dhan ku dhawaad 199 milyan oo dollar Gargaarka Soomaaliya. Mareykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isu biirsadeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin sannado badan oo cunto-yari ah, qalalaaso iyo abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday, taasoo ay uga sii dartay saameynta COVID-19 iyo ayax dhawaan ku habsaday dalka. Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in lacagtaan lagu caawin doono dad gaaraya lix milyan oo Soomaali ah oo hadda u baahan gar-gaar bani’aadannimo. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo gargaar horleh ugu deeqday Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. What Might Happen If TDF Marches Toward Addis Ababa The Abyssinian Aksumites first identified themselves as Ethiopians in the 4th century of A.D during reign of Ezana. In 1529, war broke out between Adal Sultanate supported by Ottomans and Abyssinia supported with reinforcements by Portugal. Abyssinia was defeated in the conflict losing huge territory but recaptured lost territory and the war ended in 1543. Abyssinians established their capital at Gondar in 1632 and had a period of peace and prosperity before warlords split the kingdom in the 18th century. King Tewodros II reunified Ethiopia in 1885. His reign was followed by king Yohannes IV who was killed in 1889. King Menelik II took over the country and began expanding Ethiopia to the West, South and East through violent conquests and annexations of Cushitic lands starting with Oromo, Sidaama, Gurage, Wolayta and other ethnic groups including Somalis, Afar etc resulting in the current borders of Ethiopian Empire. But mass-killings started first with Oromo people in the Ethiopian highlands beginning 1850. For outsiders, Ethiopia was a great empire more civilised and more advanced than the rest of Africa. An empire never colonized by Europeans when the rest of Africa became inevitable prey to European scramble for partition to colonise the continent brutally for cheap labour and raw materials. But for insiders, since the reign of King Menelik II (1889), Ethiopia is a country whose history is based on invasions, conquests, violent annexations, massacres, genocides, repressions, oppressions, destructions, displacements etc inflicted on Cushitic peoples (Oromo, Somalis, Afar, Benishangul-Gumuz, Gambela, Wolayta and SNNAPR etc shown in the map) by the invading Abyssinians, particularly Amhara kingdoms, for over 150 years. Such humiliating subjugation of Cushitic peoples by Abyssinians resulted in creating deep hostility, bitterness and hatred between Abyssinians (the dominating minority) and Cushitic peoples (the dominated majority peoples). For the history of Ethiopian empire, Cushitic peoples were not allowed to rule Ethiopia for being treated as colonists owned by the Abyssinians including their lands. Only Abyssinians (Amhara and Tigre) were qualified to rule Ethiopia with the exception of PM Abiye Ahmed whose identity is yet unknown other than having Amhara mother and Amhara wife. Oromo people were first to face brutal crackdown by PM Abiye Ahmed, the same people who put him in the office of the land, and imprisoned Oromo major political opposition leaders to eliminate their rivalry in elections like the recent farce elections of EPP. PM Abiye Ahmed is not independent leader, he is in the pocket of Amhara who manipulate him for their own political benefits. When humans have cause with vision, they succeed. PM Abiye Ahmed has neither cause nor vision and that is why he becomes a mother bear eating its cub. A Somali Scholar, Faisal Roble, said: “Ethiopia’s Prime Minister Abiye Ahmed inherited a state. He sacrificed it to the dream of an empire, today he has neither a state nor an empire.” The Semitic Abyssinian colonial invasions and annexations of Hamitic Cushitic peoples exactly coincided with the European colonial conquest and occupation of Africa (European Conquests:1884; Abyssinian Annexations: 1889). This is clear evidence that Abyssinians participated in the Partition of Africa late 19th century after Berlin Conference of 1884 with the Europeans’ tacit approval and supply of weapons mainly provided by the Portugese for the conquests and annexations. As Europeans invaded Africa for cheap labour and raw materials for their nascent Industrial Revolution, Abyssinian Empire conquered Cushitic lands for their richness in natural resources. In the current situation of Ethiopia, TDF should avoid advancing toward Addis Ababa with the intention of capturing it to unilaterally declare TDF government to rule Ethiopia like TPLF did in 1991 because it will not be easy job as both demographics and times have changed in Ethiopia since 1991 and as the record of human rights of previous TPLF government is shockingly abusive. Today, all Ethiopian ethnic groups are armed to the teeth with all kinds of weapons with interethnic hostility and hatred much deeper and more revengeful because of the repressive, brutal historical Abyssinian colonial occupation against Cushitic peoples. During TPLF rule under Prime Minister Meles Zenawi (1991-2012), TPLF hijacked the Ethiopian government by grabbing major institutions for the benefits of Tigre Region and monopolised federal military and police to subdue Ethiopia for his dictatorship. Tyrant Zenawi was responsible for the violent crackdown on Oromo demonstrations protesting the widely believed rigged election in 2005, for committing massacres and serious human rights abuses in the Somali State of Ethiopia. The Tigre government also created current land disputes between Somali State and Afar Sate and between Amhara State and Tigre State etc that claimed the lives of thousands and thousands of civilians. Tigre government too invaded illegally the capital of Somalia Mogadishu in 2007 under the command of general Gabre committing atrocities and human rights abuses but withdrew from Mogadishu after inflicted heavy casualties. So, Cushitic peoples at the head of Oromo and Somalis may not let any new government led by Tigre again or even Amhara take over Addis Ababa. TDF has their region and people devastated by the invasion of November 4, 2020 and may not have stomach to engage in war of attrition with Oromo that they will lose at the end. Oromo people, the biggest ethnic group in Ethiopia, have their own armed resistance to topple Abiye’s dictatorship. The capital of Ethiopia, Addis Ababa, is located on Oromo land and that is why Oromo people do not want to see Addis Ababa fall into the hands of TDF again. Somali people, who were brutalized by Tigre Government of Meles Zenawi, similarly do not want to see Tigre-led government in Addis Ababa again and may support Oromo alongside with other Cushitic ethnic groups to defeat TDF if it tries to move toward Addis Ababa to seize the power. Amhara too don’t want to see Addis Ababa run by Tigre because they massacred each other in the current civil wars. Such huge obstacles and the historical resentment over Abyssinian long-time brutal occupation against Cushitic peoples prevent TDF from marching toward Addis Ababa. Only collective and collaborative ousting of the mad man, Abiye Ahmed, can stop further devastations in Ethiopia. If TDF makes political miscalculation and tries to use force and move to Addis Ababa to declare government unilaterally in Addis Ababa, there will be endless bloodbath between TDF and enraged Cushitic peoples led by Oromo, the majority in Ethiopia. The only way to end civil wars in Ethiopia is to release all political prisoners, hold pan-Ethiopia reconciliation conference for restoring Ethiopia unity and democratic federal system and finally form government headed by Oromo or Somalis as both Amhara and Tigre failed Ethiopia for their long-time brutal, abusive kingdoms and repressive governments. Cushitic peoples believe that it is their unchallenged chance to rule Ethiopia as Abyssinians never let Cushitic peoples rule Ethiopia before. Mohamed Jawar, an Oromo opposition moderate leader in prison, may have political prowess and skills to bring Ethiopia together. The West should not support unilateral government declared by TDF to avoid endless bloodbath between Cushitics and Abyssinians in future. But if coexistence among Ethiopian ethnic groups becomes difficult and interethnic civil wars become rampant, frequent and persistent with no hope of accepting one another, then it is reasonable to support them go on their separate ways for self-determination to have independent republics taking article 39 of Ethiopian federal constitution in order to have peace and stability instead of having perpetual bloodshed, gun violence, massacres, ethnic cleansing, displacement, fleeing, influx of refugees, instability etc in the Horn of Africa. SOME IMPORTANT REFERENCES ————————————————- – Mekuria Bulcha, “Genocidal Violence in the Making of Nation and State in Ethiopia”, African Sociological Review Vol. 9(2), 2005 – Bulatovich visited much of the Oromo territory between 1896 and 1898 and witnessed and acknowledged the damage done by the Abyssinian conquest. Ethiopian Old and Current Maps ———————————————— A) The inset smaller grey map indicates the original native land of the Abyssinians (Tigre and Amhara) before conquests and annexations for land expansions down in the South, West and East of Ethiopia. B) The bigger yellow map indicates the original native lands of Cushitics (Oromo, Somalis, Afar, Benishangul-Gumuz, Gambela, Southern Nations and Nationalities etc) conquered and annexed by Abyssinian kings – King Menelik II being the maker of biggest land expansion and the creator of Ethiopian Empire. C) The coloured map indicates the current Ethiopian map showing ethnic group states. D) The mother bear eating its cub. The mother bear is Abiye Ahmed and the cub is the Ethiopian people. Ibrahim Hassan Gagale ibrahim_hg@yahoo.com July 29, 2021 As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  14. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa magaalada Nairobi kaga qayb galay shir waynaha Urur goboleedka IGAD ee siyaasada Arrimaha dhulka iyo haweenka. Shirka waxaa looga wada hadlay siyaasadda dhulka ee dowladaha Afrika gaar ahaan, kuwa ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, waxaa aad lagu bogaadiyay dejinta siyaasad ay u dhan yihiin dowladdaha qaybta ka ah ururka IGAD isla markaana waxaa la isla gartay in aad loo ilaaliyo doorka haweenka ee maamulka iyo la haanshaha dhulka. Waxaa shirka lagu soo bandhigay xeerarka iyo siyaasadaha u qoran Afrika ee ku saabsan hababka loogu faa’ideesan karo dhulka iyo ilaalinta sinaanta la haanshaha dhulka ee dumarka. Waxaa laga soo saaray is-afgarad u dhaxeeya dawladaha ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, iyadoo ay wada saxiixeen dhamaan Wasiirada kasoo qayb galay shirka. PUNTLAND POST The post Urur Goboleedka IGAD oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
  15. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo kaaliyaha Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliy Lisa Filipetto ayaa shir gudoomiyay kulan ku qabsoomay Aaladda fogaan aragga ah (ZOOM , kaasi oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii wadi lahaa kaalmada deeq bixiyaasha ay ku taageerayaan Ciidamada Soomaaliya Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo Safaaradaha Dowladaha Saaxiibada la ah Soomaaliya , Waxaana si qota dheer loo gorfeeyay sida lagama maarmaanka ay u tagay Joogteynta taageerada la siiyo Ciidanka Xoogga DalkaSoomaaliyeed. Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kulanka ku soo bandhigtay Howlaha hortabinta leh ee u qabsoomay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo wakiilada Beesha Caalamka oo shir ka yeeshay arrimaha Ciidamada appeared first on Puntland Post.
  16. Top Democratic lawmakers took aim this week at the Biden administration’s recent airstrikes in Somalia, disputing the legal rationale for the operations and arguing that it undercuts the president’s stated desire to replace outdated war authorizations. The Pentagon justified the strikes, which targeted al Qaeda affiliates in the war-torn country, by invoking the 2001 Authorization for the Use of Military Force against the terrorist groups that attacked the U.S. on 9/11. Democrats, who have long maintained that the 2001 authorization is irrelevant 20 years after the U.S. invaded Afghanistan, said the Biden administration did not have the authority to strike in Somalia. “What the Biden team is doing is consistent with what we’ve seen now in three prior administrations, but it’s, to me, inconsistent with the intent of Congress,” said Sen. Ben Cardin (D-Md.), a senior member of the Senate Foreign Relations Committee. “I think President [Joe] Biden should submit a new authorization for the use of military force and should recognize that the 2001 AUMF should be terminated,” Cardin added. Sen. Tim Kaine (D-Va.), who has been working with the White House on a replacement for the 2001 AUMF that better aligns with the current terror threats, called on the Biden administration to brief Congress “expeditiously” on its “counterterrorism goals and the current threats.” “I have received no information suggesting that these strikes are necessary to protect any U.S. personnel and would need to understand, if this is so, why they are occurring,” Kaine added. Biden has backed efforts to repeal some war authorizations, such as the 2002 AUMF for Iraq, and replace others, like the 2001 measure. Yet like his predecessors he has cited a range of legal justifications, including outdated war authorizations, following military action. That includes twice invoking his Article II constitutional “self-defense” authority when he ordered airstrikes against Iran-backed militant groups in Iraq and Syria that attacked American troops. “If you’re taking strikes in Somalia, come to Congress and get an authorization for it. If you want to be involved in hostilities in Somalia for the next five years, come and explain why that’s necessary and come and get an explicit authorization,” added Sen. Chris Murphy (D-Conn.), another top Foreign Relations Committee member. “This idea that that’s too much trouble, that that’s too much to ask, is a very dangerous precedent for Congress to set.” The criticism comes days after the Pentagon struck al-Shabab in Somalia on Friday, marking the second such operation in less than a week and the Biden administration’s second in the country since taking office. In both cases, Gen. Stephen Townsend, head of U.S. Africa Command — not Biden — authorized the strike. The mission was conducted to support an American-trained Somali force known as the Danab after they came under fire from al-Shabab militants in the Galmudug area of Somalia, defense officials said. Murphy said the strike approval process raised questions about the chain of command. “Any time you’re taking strikes in countries that have no clear authorization for hostilities passed by Congress, the chief executive needs to be involved.” The U.S. resumed operations in the country after a six-month hiatus despite new limits the Biden administration placed on drone strikes outside active combat zones. While the Trump administration gave regional commanders broad authority to green-light such operations, proposals for airstrikes are now generally routed through the White House. Prior to last week’s actions, the U.S. had not conducted a strike in Somalia since Jan. 19, the day before Biden took office. Biden’s invocation of the 2001 AUMF comes as his administration is conferring with lawmakers about a replacement for that authorization — one that includes specific geographic designations, mandates a cut-off date, and names specific terrorist groups covered under the AUMF. “It illustrates that we need to come up with some sort of mechanism where we can approve geographies,” Sen. Todd Young (R-Ind.), who has long advocated for war powers reforms, said of the Somalia strikes. “We don’t want to hamstring the president’s Article II powers — which we don’t have the power to do anyway.” Cardin said citing the 2001 AUMF “makes it more difficult” to get a new authorization through Congress, adding: “It undercuts our ability to see an urgency for action.” The Foreign Relations Committee has asked the Biden administration for more information about the airstrikes. Sen. Bob Menendez (D-N.J.), who chairs the panel, said his main focus was on repealing the AUMFs that no longer have functional value. But the committee is scheduled to hold a hearing next week with top State Department officials on AUMFs more broadly, allowing senators to question administration officials directly about the invocation of the 2001 AUMF as well as Biden’s Article II powers. After that hearing, the committee will vote on a bipartisan measure to repeal the 2002 and 1991 AUMFs, both of which authorized military force in Iraq for different conflicts. But the 2001 AUMF is still on lawmakers’ minds as a future target. “It’s just more evidence of how badly the 2001 AUMF is in need of reform,” Murphy added. “I think the administration is struggling a little bit to find the legal authorization for these strikes.” Pentagon spokesperson Cindi King declined to give additional details about the dual attacks, including why the Biden administration had conducted two in a row after a six-month hiatus, citing operational security. But a defense official said the end of Somalia’s rainy season has allowed operations to resume on both sides and anticipated a resumption of active fighting. The defense official defended the airstrike, drawing a distinction between “deliberate” strikes against a particular threat developed in advance by military planners, and close-air-support or self-defense operations based on an imminent threat. In the latter cases, commanders must be able to authorize a strike quickly in life-threatening situations. All strikes go through rigorous approval processes including assessments of civilian casualties and collateral damage, the official said. Republicans defended and applauded the administration’s airstrikes, as they have often done since Biden became president. On the issue of war powers, GOP lawmakers have generally backed expanded presidential authority to conduct military operations. “I don’t think the president needs a law passed by Congress in order to target terrorists who are posing a threat to the United States, no matter where they are in the world,” said Sen. Marco Rubio (R-Fla.), the vice chair of the Senate Intelligence Committee. “Especially if it’s a one-off, targeted engagement, not a full-scale military situation.” Source: POLITICO The post ‘A very dangerous precedent’: Democrats take aim at Biden’s Somalia airstrikes appeared first on Caasimada Online.
  17. Somalia, plagued with persistent incidents of piracy and rampant illegal, unreported, and unregulated (IUU) fishing, is aiming to tighten its fishing licensing regime in order to end loopholes that result in illegal activity. Source: Hiiraan Online
  18. In her lifetime, Sonoma County’s Shugri Salh has encountered many different worlds. Source: Hiiraan Online
  19. Top Democratic lawmakers took aim this week at the Biden administration’s recent airstrikes in Somalia, disputing the legal rationale for the operations and arguing that it undercuts the president’s stated desire to replace outdated war authorizations. Source: Hiiraan Online
  20. London (HOL) - The United Kingdom and Kenya have signed a new five-year defence cooperation pact that would see 1,100 Kenyan soldiers be trained by the UK annually in preparation for deployments to Somalia and additional training for the Kenyan Navy. Source: Hiiraan Online
  21. Kismayo (HOL) - The Jubaland State Electoral Implementation Committee has begun registering applications on Wednesday for candidates in the forthcoming Upper House elections. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranka ayaa wasiirka maaliyadda Soomaaliya lagu faray inuu hakiyo lacagta boqolleyda ah ee la siiyo hey’ado ka mid yihiin, Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Bangiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, halka la faray inuu dhimo lacagta ay boqoleyda ah ee wasaaraddu siiso Bangiga Dhexe ee dalka iyo maamulka gobolka Banaadir. “Sida aad la socoto miisaaniyadda Soomaaliya waxan ay isugu jirtaa deeq dibedda ka timaada iyo dakhliga gudaha oo soo kobcaya, balse aan weli gaarin heer la isku haleyn karo inuu daboolo ama looga maarmo deeqaha dibedda. lyadoo la tixgelinaayo beekhaaminta miisaaniyadda dowladda, lana hubinaayo in inta yar ee ku jirta gacanta dowladda loo isticmaalo adeegyada muhiimka u ah nolosha muwaadinka iyo kobcinta awoodda dowladnimada, ayaa waxaan kugu wargelinayaan in laga billaabo 1-da Agoosto, 2021. La hakiyo bixinta lacagta boqolleyda ah ee la siiyo.” 1 – Bangiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya. 2 – Rugta Ganacsiga Soomaaliya. Sidoo kale warqadaan ka soo baxday xafiiska hantidhowraha guud ee dowladda ayaa wasaaradda maaliyadda looga dalbaday inay dhinto bixinta lacagta boqoleyda ah ee la siiyo Bangiga Dhexe maamulka gobolka Banaadir, waxaana loo kala qorsheeyey. 1 – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in laga dhigo lacagta la siiyo boqolkiiba hal barkiis (0.5%) 2 – Maamulka Gobolka Banaadir in laga dhigo lacagta la siiyo boqolkiiba Toban (10%). “Arrintaan ayaa dib u qiimeyn lagu sameyn doona, iyadoo talo ay kasoo saari doonaan hey’adaha dowladda Soomaaliye eek u shaqada leh. Sidaas darteed waxaan ka rajeynayaa wasaaradda maaliyadda in arrinkaan la dhaqan geliyo, lana fuliyo,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska hantidhowraha oo ku socday wasiirka maaliyadda. The post Xafiiska hanti-dhowrka oo lacagta ka dhimay maamulka gobolka Banaadir + Sababta appeared first on Caasimada Online.