-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii afaraad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Iftin Xasan Iimaan 2: Ibraahim Yacquub Aadan. Musharax Ibraahim Yacquub Aadan ayaa ka hor inta aan la galin bixinta codadka sheegay in uu ka tanaasulay xilka senatornimada. Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in musharax Iftin Xasan Iimaan uu ku guuleystay Kursiga afaraad ee maanta loo tartamay. Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw la soo gaba gabeyay doorsahada kursigii seddaxaad ee aqalka sare oo ay kuwada tartameen Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan. Kursiga ayaa waxaa codad dhan ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, halka musharaxa la tartamayay ee Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay . Waa Kuma Senatorka la doorta ee Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan Waxaa uu ku dhashay degmada Luuq ee Gedo halkaas oo waxbarashadiisa inta hoose kusoo dhigtay, waxaa uu sidoo kale wax ku bartay dhaqaalaha Gaheyr ee magaalada Muqdisho, waxaa uu kasoo shaqeeyey oo agaasime waaxeed ka noqday wasaaradda maaliyadda qeybta canshuuraha dadban. 14 sano waxaa uu deganaa Holland isaga oo halkaas ku bartay Compurter isaga oo 2003-dii wixii ka dambeeyey kusoo noqday Afrika, noqday ganacsade. Waxaa uu ka mid ahaa dadkii IGAD u xilsaartay dhismaha Jubbaland iyo aasaaseyaasha Jaamacadda Kismaayo. Mar uu la hadlay maanta baarlamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo inuu u shaqeeyo dadka iyo dalkii uu si lacag la’aan ah wax ugu bartay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii seddaxaad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Xaliimo Jaamac Maxamed. 2: Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan. Musharax Cabdirisaax Maxamed Cusmaan ayaa ku guleystay kursiga kadib markii uu helay codad gaaraya 59 , halka Musharax Xaliimo ay heshay 11 Cod. Natiijada Labada Musharax ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland, waxa uuna noqonaya musharixii seddaxaad ee la doorta kadib Fartaag iyo Gaboose. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee la doortay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid. Ilyaas waxaa uu sidoo kale noqonayaa xubin ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah Nabad iyo Nolol. Haddaba, waa kuma Goboose? Ilyaas Badal Gaboose , waa shakhsi aad ugu dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo in muddo ah waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha iyo gacantiisa mudig. Waxaa uu Kismaayo ku dhashay 1963-dii, hoose dhexe waxaa uu ku bartay Kismaayo halka sare uu ku dhameeyey Xamar ilaa jaamacad ku dhigtay deeq waxbarasho. Shaqo ahaan, dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ay ka dhigtay guddoomiya Jubada hoose, waxaa uuna muddadii dambe ahaa ganacsade iyo nin weyn galangal ugu leh arrimaha siyaasadda Jubbaland iyo la taliyaha madaxweyne Madoobe. Mar uu maanta la hadlay baaralamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo wax ka badalka nolosha iyo soo celinta qarannimada, in reer Jubbalabd dib u heshiisiin loo furo, keenista xuquuqaha ka maqan xildhibaannada Jubbaland iyo arrimaha amniga. Waxaa sidoo kale baxay, oo markii 2-aad Senatornimo ku guuleystay Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah nabad iyo nolol iyo madaxweyne Farmaajo. Waa kuma Fartaag? Senator Cabdullahi Fartaag oo sidoo kale Jubaland matalayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay, kana tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah, waxaa ahaa dadkii ugu cadcadaa ee mucaardka ku ahaa Farmaajo isaga oo xataa May 10, 2020-kii loo diiday inuu u safro Kismaayo. Haddalada Senatorka waxaa ka mid ahaa” Madaxweynaha Iyo kooxdiisa iyaga ayaa isku soo koobay talada dalka.” Senator Fartaag ayaa sidoo kale ka mid ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan sheikh Maxamuud, isagoo sidoo kale ah xubin fir fircoon oo ka tirsan isbadal doonka 2021. W/Q: Cabdicaziz Gurbiye The post Waa kuma Ilyaas Gaboose, Senator-ka u guuleystay is-beddal-doonka? appeared first on Caasimada Online.
-
Is Badalka ka socda Gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland ayaa keentay in dhalinyarada ay qaataan doorkooda horomarinta ee dhinacyada isdhaxgalka bulshada iyo kor u qaadida ciyaaraha, waxaan doorasho ka dhacday Magaalada Garbaaharey Gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Gobolka Gedo loogu doortay mudane Maxamed Cabdi Nuur oo haray xilkan u hayay, waxaana guusha Gudoomiye Maxamed soo dhaweeyay bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dhalinyarada Maamulka Jubaland. “Hal sano iyo bar oo aan horay u hogaaminayay hogaanka Xiriirka Kubbadda Cagta Gobolka Gedo waxaan la kulanay caqabado waaweyn oo ay ka midyihiin taageero dhaqaalo,mid qalab iyo mid horomarineyd oo aan ka waynay Xiriirka Kubbadda Cagta Maamulka Jubaland iyo sidoo kale Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ,balse kama quusanayno in aan horomarino kubbadda cagta Gobolka” ayuu Gudoomiye Maxamed Cabdi Nuur u sheegay saxaafadda. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goorsii horaysay gaaray magaalada Gabahaaray ee Gobolka Gedo ayaa dhalinyarada iyo bahada ciyaaraha u dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso Gobolka Gedo ,waxaana talabaadan Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo ay u arkaan guul weyn oo u soo hooyatay. Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo ayaa ku guulaystay in ciyaar saaxiibtinimo u qabto Degmooyinka Garbaaharey iyo Baardheere waxaan ciyaartaas ka qeybgalay madax ka socotay Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamulada Maamul Goboleedyada,waxaana madaxdii ka qeybgashay ay sheegeen in ay muhiim tahay in la taageero shaqooyinka culus ay hayaan dhalinyarada maamulaysa Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo. “Kubbadda Cagta waa is dhaxgalka bulsho iyo nabad,maamulkayga wuxuu diyaar u yahay horomarinta iyo kor u qaadida kubbadda cagta Gobolka Gedo,waxaana taageero ka rabnaa Madaxweynaha Maamulka Jubaland,bulshada iyo qubajoogta ka soo jeedo Gobolka Gedo” ayuu Guddoomiye Xiriirka Kubbadda Cagta Gedo mudane Maxamed Cabdi Nuur u sheegay warbaahinta. Daawo Warbixin Ku Saabsan X.K.Cagta Gedo W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Ra’isul Waaaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee waddanka Britain ,Dominic Raab. War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ,arimaha amniga,xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka Soomaaliya iyo la dagaalanka aragagaxisada . Ra’isul Wasaare Rooble, ayaa dowladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageeradda dhinacyada kala duwan ee siisoSoomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa hadda soo baxay, oo markii 2-aad Senatornimo ku guuleystay Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah nabad iyo nolol iyo madaxweyne Farmaajo. Senator Cabdullahi Fartaag oo sidoo kale Jubbaland matalayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay , kana tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah, waxaa ahaa dadkii ugu cadcadaa ee mucaardka ku ahaa Farmaajo isaga oo xataa May 10, 2020-kii loo diiday inuu u safro Kismaayo. Haddalada Senatorka waxaa ka mid ahaa” Madaxweynaha Iyo kooxdiisa Iyaga Ayaa Isku Soo koobay Talada Dalka ”. Senator Fartaag ayaa sidoo kale ka mid ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan sheikh Maxamuud, isagoo sidoo kale ah xubin fir fircoon oo ka tirsan isbadal doonka 2021. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland ayaa maanta oo Khamiis ah doortay xubnihii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Kursiga u horreeya waxaa helay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Jubada Hoose, wuxuuna ku guuleystay 55 cod, halka Maxamed Axmed Sayid oo la tartamayey uu helay 17 cod. Guud ahaan waxaa codeeyey 73 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday. Sidoo kale, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Aqalka Sare, wuxuuna difaacday kursigan oo uu horay ugu fadhiyay. Fartaag ayaa helay 71 cod oo gacan taag ah, kadib markii uu sida la sheegay tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac oo la tartami lahaa, waxaana ka aamusay laba xildhibaan. Sidoo kale, Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa noqday musharraxa kusoo baxay kursiga saddexaad ee golaha Aqalka Sare ee maanta la qabtay doorashodooda. Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa helay 59 cod, waxaana uu ka guuleystay Xaliimo Jaamac Maxamed, oo iyaduna heshay 12 cod. Waxaa xumaaday hal cod. Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Iftiin Xasan Iimaan Baasto, oo loogu codeeyey hab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Ibraahim Yacquub oo la tartamayey. PUNTLAND POST The post Xubnihii u horreeyay Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta Kismaayo lagu doortay appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii labaad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag 2: Axmed Maxamed Jaamac. Musharax Axmed Maxamed Jaamac ayaa ka hor inta aan la galin bixinta codadka sheegay in uu ka tanaasulay xilka senatornimada. Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in musharax Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu ku guuleystay Kursiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Delta variant has reached 26 countries with case fatality rates among the world’s highest As the third wave of the coronavirus pandemic sweeps across Africa, the continent has become the most vulnerable region hit by the more transmissible Delta variant of the disease due to lack of vaccines and health facilities. Covax, the global vaccine partnership, hopes to get 520 million doses to Africa by the end of this year and another 850m by the end of March 2022. But that will be far too late for the immediate crisis (AC Dispatches 21/05/21, Pressure mounts on rich countries and big pharma to act on global vaccine inequity). The African Union and Covax are to take delivery of over 20m doses from Johnson & Johnson and Pfizer BionTech from the United States. France, Denmark, Norway and Sweden are adding hundreds of thousands more. But the total is well short of the requirements of a continent of 1.3 billion people. Ghana, Morocco and South Africa are making progress with their vaccination programmes after a slow start. The Delta variant has reached 26 countries in Africa and case fatality rates are among the world’s highest. According to the Africa Center for Strategic Studies in Washington DC, Namibia, where just 1.2% of the population is vaccinated, is recording one death for every 22 cases compared with Britain, where over 50% of people are vaccinated and one death is recorded for every 750 cases. Each week 6,500 people are dying of coronavirus in Africa: that means some 150,000 lives could be lost over the next two months when epidemiologists expect infections to peak in those countries reporting cases of the Delta variant. That will almost equal the 160,000 lives lost across the continent since the first recorded case of Covid-19 in Nigeria in March 2020 (AC Dispatches 21/05/21, Pressure mounts on rich countries and big pharma to act on global vaccine inequity). So far, 80% of the recorded deaths have been in six countries: Namibia, South Africa, Tunisia, Uganda, Zambia and Zimbabwe. Case numbers in all countries with the Delta variant are rising but some officials in South Africa suggest the third wave of infections may have peaked there.Proliferating mutations are another concern: in Tanzania, where until recently the government declined to impose anti-pandemic restrictions, at least 34 mutations have been recorded. The ferocity of the third wave of the pandemic in Africa has prompted calls for more investment in vaccine production in Africa. Currently there are plants in seven countries: Egypt, Kenya, Morocco, Rwanda and South Africa (AC Vol 62 No 10, Fatigue may be fatal). Zimbabwe telecoms magnate Strive Masiyiwa, who is leading the AU team to speed up vaccine distribution, last week called on the top pharma companies to step up plans to build production in Africa. Masiyiwa wants the plants to go beyond the ‘fill and finish’ model under which Western companies would still control the core production processes at their plants in Europe and the US. Source: Africa Confidential 2021 The post Vaccine demand spirals as third wave hits home appeared first on Puntland Post.
-
Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee la doortay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid. Ilyaas waxaa uu sidoo kale noqonayaa xubin ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah Nabad iyo Nolol. Haddaba, Waa Kuma Goboose? Ilyaas Badal Gaboose , waa shakhsi aad ugu dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo in muddo ah waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha iyo gacantiisa mudig. Waxaa uu Kismaayo ku dhashay 1963-dii, hoose dhexe waxaa uu ku bartay Kismaayo halka sare uu ku dhameeyey Xamar ilaa jaamacad ku dhigtay deeq waxbarasho. Shaqo ahaan, dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ay ka dhigtay guddoomiya Jubada hoose, waxaa uuna muddadii dambe ahaa ganacsade iyo nin weyn galangal ugu leh arrimaha siyaasadda Jubbaland iyo la taliyaha madaxweyne Madoobe. Mar uu maanta la hadlay baaralamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo wax ka badalka nolosha iyo soo celinta qarannimada, in reer Jubbalabd dib u heshiisiin loo furo, keenista xuquuqaha ka maqan xildhibaannada Jubbaland iyo arrimaha amniga. W/Q: Cabdicaziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii ugu horeyay ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Ilyaas Baddal Gaboose. 2: Maxamed Axmed Sayid Musharax Ilyaas Baddal Gaboose ayaa noqday senatorkii ugu horeyay ee la doortay kadib markii uu ku guulesytay codad dhan 55 , halka Maxamed Axmed Sayid uu helay dhankiisa 17 cod. Guddoomiyaha baarlamaanka Jubballand ayaa ku dhawaaqay natiijada, Ilyaas gaboose ayaana ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, waxaana doorashada goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka. Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartmaya illaa sagaal musharrax oo mid ka mid ah ay tahay gabar, kuwaas oo ku loolamaya afar ka mid ah sideeda Senator ee ay Jubbaland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa musharixiintii horey loo shaaciyey uusan ka qeyb gelin tartanka doorashada ka dhacday Kismaayo. Guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey in musharrax Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 cod, halka Iyaas Bedal Gabboose uu helay 55 cod, waxaana sidaas uu ku noqday Senatorkii 1-aad ee loo doortay Aqalka Sare. Ilyaas Bedal Gabboose ayaa horey u soo noqday guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Sidoo kale waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada saddexda kursi ee kale, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Doorashadan waxaa goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal iyo sidoo kale kan xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Jubbaland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. The post Sanatorkii ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee 2021 oo lagu doortay Kismaayo + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelka maamulka Jubbaland saaka oo khamiis ah ka bilaabatay doorashada Aqalka sare ee dalka. Guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland oo muddooyinkii u dambeyay ku jiray diyaar garowga doorashada ayaa saaka bilaabay doorashada. Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa goordhaw soo gabagabeyay dhageysiga khudbadaha musharixiinta Aqalka sare ka soo galaya Jubbaland. Goordhaw ayaa lagu wadaa in ay bilabaato bixinta codadka musharixiinta, xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku jira diyaar garowga bixinta codadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac intaba. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay guri ku yaalla gudaha magaaladaasi, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay dad isku qoys ahaa. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhimatay Hooyada reerka, sidoo kalena ay dhaawacmeen wiil ay dhashay iyo sidoo kale Seygeeda. Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qaraxaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray dadkaasi shacabka ah, islamarkaana ahaa isku qoys. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuw ammaanka oo gurmad u fidiyey qoyska ay waxyeelada kasoo gaartay miinada kula qarxday gurigooda. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee ka howl-gala degmada Ceelwaaq. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana sidoo kale dadka ay dhaawacyada soo gaareen la geeyey goobaha caafimaadka ee magaaladaasi. Ceelwaaq ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo inta badan howl-gallo ballaaran ka sameeya gudaha degmadaas oo dhacda koonfurta dalka. The post Qoys degganaa magaalada Ceelwaaq oo gurigooda lagu qarxiyey + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa hadda Hoolka Daawa ee ku dhex taal xarunta madaxtooyada Jubbaland ka bilaabatay hadaljeedinta musharaxiinta aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah. Munaasabadda ayaa waxaa Goobjoog ka ah xildhibaannada Jubbaland iyo hey’ado kale oo maxali iyo caalami ah, oo ay ka mid yihiin guddiyada doorashada labada heer, guddiga xalinta khilaafaadka iyo qaar kale. Akhriso: Musharaxiinta: Source: goobjoog.com
-
The UK has pledged more counter-terrorism and military support for Kenya in a new five-year Defence Cooperation Agreement (DCA). Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Laascaanood)-Maayarka Laascaanood ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inuu muddo gaaban ku bur-burro garroonka Kubbadda cagta ee Cabdi Bille Cabdi oo ay waxyeello soo gaadhsiiyeen daylo xoogan oo maalmahan ka dhacayay magaaladda Laascaanood. Waxaanu ku dhaliilay shirkadii la siiyay qandaraaskii dib u dhiska iyo dayactirka garroonkaasi in ay hagratay, isla markaana ay musuq maasuqday dhismahaasi oo aanay si daacad ah ugu hagar bixin. Maadaama oo muddo sideed bilood ah laga joogo xiligii lagala wareegay ama ay dhamasytirtay shirkadii garroonkaasi dib u dhiska iyo dayactirka ku samaysay garroonka Kubbadda cagta Laascaanood. Maayar C/raxiin Cali Ismaaciil, oo maanta soo kormeeray garroonka Cabdi Bille Cabdi ee magaaladda Laascaanood oo ay waxyeelo ka soo gaadhay Dabaylaha Xaggaaga oo maalmihii u danbeeyay si xoog leh uga dhacayay magaaladaasi. Duqa degmadda Laascaanood waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay xubno ka mida golaha deegaanka ee Laascaanood iyo isku-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool, waxaanu sheegay maayarku in garroonkaasi dib u dhis iyo dayactir ay ku samaysay xukuumadii madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaasoo ay ku baxday lacag aad u badan. Maayarka ayaa si gaara tusaale ugu soo qaatay qaybta VIP da ee garroonkaasi oo ay waxyeeladda ugu weyni soo gaadhay, iyadoo qaybtaasi oo keliya lagu soo qaatay lacag dhan $180,000. Isagoona qayrul-masuulnimo weyn iyo dulmi ku eedeeyay in shirkadii garroonkaasi dhistay ay ku kacday. Waxaanu yidhi, “Qaybtan VIP-da ee aan imika joogno waxaa lagu soo qaatay lacag dhan $180,000. Sideed bilood ayaana laga joogaa markii lagala wareegay shirkadii garroonkan dhistay. Waynu arkaynaa halkaa qayrul-masuulnimo weyn baa ka dhacday, dulmi baana ka dhacay”. “Waxaanu leenahay shirkadaha wax dhisaa, marka koowaad waa in aad ILLAAHAY SWT kaga baqdaan masuuliyadaa la idiin dhiibay. Waxaad wax u dhisaysaan waa dalkiinii, waana dadkiinii. Shirkadaha dhismuhu waa in qandaraasyadda ay qaadanayaan ay ka daayaan musuq maasuqa”ayuu yidhi maayarka Laascaanood. Geesta kale maayarku waxa uu sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan si deg deg ah wax uga qabanayaan waxyeeladda soo gaadhay garroonka Cabdi Bille Cabdi, isla markaana ay la kaashan doonaan wasaaradda ciyaaraha Somaliland. Waxaanu yidhi, “Anagu ka dawlad hoose dhibaatadan ku dhacday garroonka ee ay dabayshu keentay, wax alla wixii garroonkan soo gaadhay, iyo wixii kale ee dayactir ah ee uu u baahan yahay ba, in aanu qaybta ugu weyn ka qaadano. Anaga ayaana dabooli doona, anagoo la kaashanayna wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha. Waxaanu balan qaadaynaa in aanu si deg deg ah u dhisi doono”. Source
-
enya and the United Kingdom (UK) have signed a five-year Defence Cooperation Agreement (DCA) to tackle shared threats across East Africa. Source: Hiiraan Online
-
In her lifetime, Sonoma County’s Shugri Salh has encountered many different worlds. Source: Hiiraan Online
-
Dowlad goboleedka Jubaland, ayaa noqday maamulkii u horreeyay oo qabanaya doorashada xubnaha Aqalka saree e Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland, ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Kismaayo ku dooranaya xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya maamulkaas Jubaland. Qaban-qaabadii u dambaysay ee doorashada Aqalka sare, ayaa saaka ka socota Kismaayo, xilli amniga magaalada si weyn loo adkeeyay. Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maalin ka hor magacaabay xubnaha u tarmaya doorashada Aqalka sare, iyadoo maaamullada kale ee dalku aysan dhankooda weli magacaabin xubnaha Aqalka sare. PUNTLAND POST The post Jubaland oo maanta qabanaysa doorashada Aqalka sare ee dalka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Laascaanood)- 5 qof ayaa illaa hada la sheegayaa in ay ku dhinteen halka tiro 10 ku dhow ay dhaawacmeen ka dib markii laba beelood dagaal ku dhex maray meel u dhow ceelka Sanga-jebiye oo ka tirsan degaanka Boocame ee gobolka Sool. Xiisadan ayaa sida la sheegay inay ka bilaabmay degaamayn dhul cusub. Si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee goobta ka dhacay iyadoo aanay jirin isgaadhsiin goobta ka shaqaynaysa. Source