-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Kabul)-Taalibaann ayaa weydiisatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inay khudbad u jeediso madaxda adduunka ee ka qeybgalaya shir golaha loo dhanyahay ka socda New York, waxayna u magacowday afhayeenkooda fadhigiisu yahay Doha, Suhail Shaheen, inuu noqdo safiirka Afghanistan ee Qaramada Midoobay. Sida lagu sheegay warqad ay aragtay Reuters Talaadadii, Wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Muttaqi ayaa codsigan ku ku gaarsiiyay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Isniintii. Muttaqi ayaa codsaday inuu hadlo inta lagu guda jiro shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud, kaas oo la soo gabagabeeyo maalinta Isniinta ah. Afhayeenka Xoghayaha Guud, Farhan Haq, ayaa xaqiijiyay warqadda Muttaqi, waxaana warqadda Taalibaan ay meesha ka saareysa Ghulam Isaczai, oo ah danjiraha Qaramada Midoobay ee New York oo matalayay dowladda Afghanistan oo bishii hore ay Taalibaan ka saartay dalkaas. Warqadda Taalibaan ayaa lagu sheegay in hawshii Isaczai “ay soo dhammaanatay, oo aanu xilligan matalin Afghanistan.” Farhan Haq, wuxuu sheegay in codsiyada iska soo horjeeda ee kursiga Afghanistan ee Qaramada Midoobay loo diray guddiga aqoonsiga oo ka kooban sagaal xubnood, kuwaas ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka. Guddigan ayay dhici karta in aysan arrintan ka fariisan kahor Isniinta oo ah malinta ugu dambeysa shirkan, sidaa darteed waxaa shaki laga qabaa in wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan uu khudbad u jeedin doono Qaramada Midoobay. Aqbalaadda Qaramada Midoobay ee safiirka Taalibaan waxay noqon doontaa tallaabo muhiim u ah dalabka kooxdan oo raadineysa aqoonsi caalami ah. Markii ugu dambaysay ee Taalibaan xukuntay Afghanistan intii u dhaxaysay 1996 iyo 2001 safiirkii dowladda Afghanistan ee ay afgembiyeen ayaa ahaa danjiraha Afghanistan ee Qaramada Midoobay, kadib markii guddiga aqoonsiga uu dib u dhigay go’aankii sheegashooyinka iska soo horjeeda ee kursigaas. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cadbiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo markale war qoraal ah ka soo saaray xaaladda cakiran ee dalka ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha ku geedaamay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee ka taagan Muqdisho. Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa su’aallo ka keenay sababta ay illaa iyo hadda tallaabo u qaadi la’dahay maxkamadda ciidamada oo loo gudbiyey kiiska Ikraan. “Maxay maxkamadda iyo xeer ilaalinta ciidanka u dhaqaaji la’yihiin kiiska dacwadda Ikraan Tahliil. Ma baaritaankii ayaa laga hor istaagay? Ma wadahadalka siyaasadeed ayey ka war sugayaan? Mise cabsi ayey qabaan?” ayaa qoraalka ku yiri siyaasiga caanka ah CC Shakuur. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida looga baahan-yahay inay iska wareejiyaan tuhunka haatan laga qabo, isaga oo sidoo kale ka dalbaday in caddeyaan waxa ka hortaagan inay guda-galaan kiiska ‘dilka’ ah ee Ikraan. “Waa in ay tuhunka iska wareejiyaan oo ay shacabka u caddeeyaan waxa ka hortaagan gudda galka kiiska dacwadda,” ayuu markale yiri musharrax madaxweyne Warsame. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo illaa iyo hadda aysan wa tallaab ah oo muuqda qaadin maxkamadda ciidamada oo ay kol hore qoyska Ikraan Tahliil Faarax u gudbiyeen dacwad ka dhan ah saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida Soomaaliya. Si kastaba, kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa noqday mid culus, wuxuuna xiisad ka dhex abuuray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka. The post Maxay maxkamadda ciidamada u dhaqaaji la’dahay kiiska Ikraan? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Mareykanka ayaa ku boorineysa dowladda Itoobiya, jabhadda TPLF, iyo kooxaha kale ee dagaallamaya inay soo afjaraan colaadda ka taagan gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya, ayna oggolaadaan in gargaarka bani’aadamnimo uu gaaro malaayiin dad ah oou baahan gargaarkaas. Haddii khilaafku joogsan waayo, ayay dowladda Mareykanku sheegtay in mas’uuliyiinta muhiimka ah ee dowladda iyo TPLF ay la kulmi karaan cunaqabatayn xagga socdaalka iyo maaliyadda Mareykanka ah. Siihayaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee bariga Africa Bryan Hunt, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay doonayso in la soo afjaro colaadda 10-ka bilood ka socotay Tigray. Hunter, wuxuu sheegay in dhammaan dadaalladii kale ee lagu cadaadin lahaa dhinacyada dagaalku ka dhexeeyo sidii si nabad ah loogu dhammeyn lahaa dagaalkan ay fashilmeen, taasina ay keentay hanjabaada cunaqabateynta ee uu saxiixay madaxweyne Joe Biden Jimcihii. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo heshiis ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya waqooyiga Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in goordhaw magaalada ka dhacay Qarax xooggan. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay gudaha gaarish lagu farsameeyo gawaarida ooo lagu magacaabo Cawaale. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, goordhaw ka dhacay magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose. Wixii faahfaahin ah ee ka soo baxa warkaan kala soco Goobjoog. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa weydiisatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inay khudbad u jeediso madaxda adduunka ee ka qeybgalaya shir golaha loo dhanyahay ka socda New York, waxayna u magacowday afhayeenkooda fadhigiisu yahay Doha, Suhail Shaheen, inuu noqdo safiirka Afghanistan ee Qaramada Midoobay. Sida lagu sheegay warqad ay aragtay Reuters Talaadadii, Wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Muttaqi ayaa codsigan ku ku gaarsiiyay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Isniintii. Muttaqi ayaa codsaday inuu hadlo inta lagu guda jiro shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud, kaas oo la soo gabagabeeyo maalinta Isniinta ah. Afhayeenka Xoghayaha Guud, Farhan Haq, ayaa xaqiijiyay warqadda Muttaqi, waxaana warqadda Taalibaan ay meesha ka saareysa Ghulam Isaczai, oo ah danjiraha Qaramada Midoobay ee New York oo matalayay dowladda Afghanistan oo bishii hore ay Taalibaan ka saartay dalkaas. Warqadda Taalibaan ayaa lagu sheegay in hawshii Isaczai “ay soo idlaatay, oo uusan xilligan matalin Afghanistan.” Farhan Haq, wuxuu sheegay in codsiyada iska soo horjeeda ee kursiga Afghanistan ee Qaramada Midoobay loo diray guddiga aqoonsiga oo ka kooban sagaal xubnood, kuwaas ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka. Guddigan ayay dhici karta in aysan arrintan ka fariisan kahor Isniinta oo ah malinta ugu dambeysa shirkan, sidaa darteed waxaa shaki laga qabaa in wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan uu khudbad u jeedin doono Qaramada Midoobay. Aqbalaadda Qaramada Midoobay ee safiirka Taalibaan waxay noqon doontaa tallaabo muhiim u ah dalabka kooxdan oo raadineysa aqoonsi caalami ah. Markii ugu dambaysay ee Taalibaan xukuntay Afghanistan intii u dhaxaysay 1996 iyo 2001 safiirkii dowladda Afghanistan ee ay afgembiyeen ayaa ahaa danjiraha Afghanistan ee Qaramada Midoobay, kadib markii guddiga aqoonsiga uu dib u dhigay go’aankii sheegashooyinka iska soo horjeeda ee kursigaas. VOA The post Taalibaan oo magacowday danjiraha Afghanistan ee QM appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Muqdisho)-Waxaa weli socda dadaalada lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. adaalada waan waanta ee laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xalay waji cusub galay, iyadoo dadaaladaas ay hoggaaminayaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal. Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Al Cadaala oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo qodobada waan waanta ee ay isla soo gaareen ula tageen, sidoo kalena kulankaas uu hordhac u yahay in la isku keeno Farmaajo iyo Rooble. Ilo ku dhow dadka waanwaanta wada ayaa sheegay in meel wanaagsan wax marayaan, kulamadoodiina ay horumar ka sameeyeen oo ay soo gaarsiiyeen heer labada dhinac isku soo dhowaadeen. Source
-
Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in ganacsato Soomaali ah lagu xidhxidhey magaalada Ankara dalka Turkiga, halka albaabada la isugu dhuftay goobahooda ganacsi. Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Caydiid ayaa sheegay in isbedelka ka dhacay Afgaanistaan uu dhaliyay in culeys xukuumadda Ankara ay saareen xubnaha mucaaradka si ay wax uga qabato Ajaanibta. “Waxa aan ka war-helnay olole lagu uruurinayo Ajaanibta Ankara Joogta oo Soomaalidu qayb ka tahay, wixii ka dambeeyay isbedelka Afgaanistan waxaa xoogeystay qabqabashada dadka aan u dhalan dalka, waxaa nala xidhay sagaal qof oo toddobo kamid ah waa rag halka labana ay dumar, balse waxaan ku guuleysanay ugu dambeyn in aan soo deyno” ayuu yidhi Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga. Ganacsatada Soomaalida ee la xidhxidhey ayaa la sheegay in dukumintiga ay wataan iyo howlaha ay hayaan ayna is waafaqsanayn. “Dadka la xidhay waxaa kaadhadhkooda ugu qoran arday, caafimaad in uu ku yimid Turkiga, dalxiis iyo diblumaasiyiin, Dowladda Hoose ee Ankara ayaa ku doodeysa in shaqada ay hayaan dadkaan ee ganacsiga iyo kaadhadhkooda iska hor imaanayaan” ayuu yidhi Danjire Jaamac Caydiid. Ganacsatada Soomaalida ah ee la xidhxidhey ayaa loo qabtay muddo soddon cisho ah inay kaga baxaan dalka Turkiga. Source
-
Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u fadhiyey dalka Soomaaliya Mr. Stephen M. Schwartz, ayaa ka hadlay dariiqa Somaliland u mari karto aqoonsi buuxa oo ay ka hesho Beesha Caalamka. Mr. Stephen M. Schwartz oo Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Warbaahinta Somaliland Chronicle, ayaa sheegay in Somaliland Muddadii 30-ka sano ahayd ee u dambeeyay qabsatay shaqooyin waaweyn, kuwaasi oo loo baahan yahay inay sii waddo. Diblumaasigan ayaa ka warramay xidhiidhkii uu Madaxda Somaliland la lahaa xilligii Maraykanka u fadhiyey Magaalada Muqdisho iyo shaqooyin dhex maray, waxaanu yidhi “Somaliland waxay qabatay shaqo aad u weyn, maalgelin iyo joogtaynta dhammaan hawlaha dawladda. Sidaas darteed, qof kasta oo doonaya in uu ganacsi la sameeyo Somaliland waa in uu la macaamilaa maamulkeeda iyo awoodeeda.” Ambassador Stephen M. Schwartz wuxuu sheegay oo kale “Intii aan xilka hayey, aniga iyo shaqaalaha safaaradda waxaan si wanaagsan uga wada shaqaynnay madaxda Somaliland arrimo badan. Waxaan la macaamilnay mas’uuliyiinta iyo hay’ado lahaa awood wax ku ool ah oo xakameeya xaaladaha aan ka shaqaynay. Waxaan xusuustaa hal arrin oo muhiim ah oo ku lug leh caawinta muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku nool Somaliland taas oo tiro ka mid ah saraakiisha Somaliland ay bixiyeen kaalmo muhiim ah.” Ayuu yidhi, waxaaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay sida uu u arko in Somaliland ku heli karto Ictiraaf Caalamo ah “Su’aasha ah in madax-bannaanida Somaliland uu caalamku aqoonsado, ayaa sida cad mudnaanta koowaad u ahayd mas’uuliyiinta Somaliland muddo 30 sano ah. Aragtidayda, oo aan la wadaagay madaxda sare ee Somaliland, ayaa ah in sida ugu wanaagsan ee yoolkooda loo fulin karo ay tahay heshiis wada-hadal oo lala galo dawladda Soomaaliya.” Mr. Schwartz oo hadalkiisa sii wata ayaa bixiyey Tusaaleyaal arrintaa la xidhiidha “Dhammaan dawladaha cusub ee kuraasida ka helay Qaramada Midoobay, go’aaminta ugu dambaysa ee aqoonsigooda caalamiga ah, waxay ku heleen oggolaanshaha dawladihii hore ee ay ka tirsanaayeen. Tusaaleyaashii ugu dambeeyay waa Itoobiya oo ogolaatay madaxbannaanida Eritrea, Suudaan waxay ogolaatay madax-bannaanida Koonfurta Suudaan, Indonesia waxay oggolaatay madax-bannaanida Timor Leste, Serbia waxay oggolaatay madax-bannaanida Montenegro. Taas bedelkeeda, Serbia ma oggolaan ku dhawaaqistii Kosovo ee madax-bannaanida in kasta oo ay aqoonsadeen ku dhawaad ??100 dal, Kosovo ma fadhiyo Qaramada Midoobay ee waxay la halgameysaa sidii ay u gaadhi lahayd madaxbannaani buuxda, sidaa darteed Haddii wada xaajoodyada lala yeelanayo mas’uuliyiinta Muqdisho ay horseedaan madaxbannaani, waxa aan dhici karin ayaa ah in Muqdisho ay sii dheerayso go’aaminta maqaamka Somaliland, iyada oo diidan inay gasho wada xaajood dhab ah.” Ugu dambayn, Diblumaasigan Ameerikaanka ah oo la waydiiyey wuxuu kula talinayo Somaliland, si ay yoolkeeda u gaadho, ayaa ku jawaabay “Waxaan u malaynayaa in waxa ugu wanaagsan ee Somaliland samayn karto si ay ula falgasho adduunka uu yahay inay sii waddo hagaajinta arrimaheed gudaha. Dhisidda dawlad leh nabadgelyo iyo ku-dhaqanka sharciga, dhaqaale xoog leh oo koraya, dad caafimaad qaba oo waxbartay, iyo kaabayaal wax-soo-saar leh, kaasi ayaa u noqon lahaa adeeg weyn dadka reer Somaliland. Waxay sidoo kale soo jiidan doontaa ganacsiyada dowladaha ka baxsan (Maalgeshiga)…” ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey in Somaliland ay Maraykanka ku leedahay martabad weyn “Somaliland waxay ku leedahay matalaad aad u karti badan Maraykanka, taana waxaa sii xoojin kara booqashooyin heer sare ah oo marmar ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha labada dawladood.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Gudoomiye ku xigeenka Xidhiidhka kubada cagta somaliland khadar jiilaal ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib khilaaf gacan ka hadal ah oo dhex maray isaga iyo agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha. Khilaafka agaasimaha guud iyo gudoomiye ku xigeenka xidhiidhka ciyaaraha ayaa ka dhashay xaflad xalay magaalada hargeisa loogu qabtay xulka maqalka naafada ka ah ee somaliland oo shalay ka soo laabtay dalka kenya. Amarka lagu xidhay gudoomiye jiilaal waxaa bixiyey wasiirka cusub ee wasaaradaasi mudane QAMBI sida ay ii xaqiijiyeen ilo-xogogaal ahi. Fahad Karie Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo ay haatan ka sii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya ayaa haddane khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & ra’iisul wasaaraha wuxuu sameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalka. Ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa sanadihii ugu dambeeyey sameeyey maal-gashiga xoogan ayaa haatan walaac ka muujinaya xaaladaha soo kordhay iyo is qab-qabsiga siyaasadeed ee u dhexeeya labada mas’uul ee ugu sarreysa dowladda. Sidoo kale ganacsatada ayaa sheegay inuu khilaafkan u horseedi karo burbur dhaqaale oo soo wajaha, maadaama Soomaaliya ay haatan ku jirto xaalad hubanti la’aan ah. Cabdifitaax Qeydanle oo ka mid ah ganacsatada Muqdisho, isla-markaana ah maamulaha mid ka mid ah carwooyinka waa weyn ee ku yaalla Caasimadda ayaa sheegay inuu hoos u dhacay dhaqaalahooda iyo sidoo kale wax iibsigii badnaa, sababo la xriira khilaafka dalka. “Markii is qab-qabsiga uu billowday hoos ayuu u dhacay dhaqaalihii iyo wax iibsigii badnaa wuu yaraaday, maxaa yeelay dad badanaa cabsi qaboo lacagahoodii akoonada ku haya ama la baxaayo,” ayuu yri Cabdifitaax Qeydanle oo u warramay Idaacadda VOA-da. Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Annaga waxaan cabsi ka qabnaa, haddii uu is qab-qabsiga bato oo colaadihii iyo dagaalladii soo laabtaan inuu kala carar imaado oo shaqo abuurkii iyo maal-gelinta aan sameynay ay hal bacaad lagu liso ay noqoto,”. Dhinaca kale waxa aad u yaraaday alaabihii kala duwanaa ee laga keeni jiray dalka dibaddiisa, sida Electroniga waxaana ganacsatado ay walaacsan yihiin xiisadda taagan. “Walaacbey igu heysaa inaan lacag fara badan diro, hadane alaab keeno, iyada oo is qab-qabsiga jiro markastana ay wax dhici karaan,” ayuu yiri ganacsade kale oo jooga Muqdisho. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad hubanti la’aan ah, waxaana wax weliba ay is-bedaleen markii ay is khilaafeen Farmaajo iyo Rooble oo isku qabtay kiiska Ikraan Tahliil. The post Sidee khilaafka Farmaajo iyo Rooble u sameeyey dhaqaalaha Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland, ayaa xalay shaaciyay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Somaliland. Sida ku cad jadwalkaas, Khamiista todobaadkan oo ku beegan 23-ka September 2021, waxa bilaaban doona diiwaan-gelinta iyo shahaada-siinta musharrixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee laga soo doorto Somaliland. Sabtida 25-ka September 2021, waxa la dhammaystiri doonaa diiwaan-gelinta iyo shahaada-siinta musharrixiinta Aqalka sare, halka maalinta Axadda ah oo ku beegan 26-ka September la tababari doono ergada wax dooranaysa, iyadoo Isniintana la dhedaysan doono hadal-jeedinta musharrixiintaas. Ugu dambayn, 28 ilaa 30-ka September waxa dhacaysa doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto gobollada waqooyi ee Somaliland, sida ku cad jadwalkaas. PUNTLAND POST The post Jadwalka doorashada Aqalka sare ee Gobollada waqooyi oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Sudan ayaa shaacisay in Afgambigii dhicisoobay ee shalay ka dhacay caasimadda dalka ee Khartum in ay ka dambeyeen ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee talada dalkaasi laga tuuray Cumar Al-Bashiir. Ra’iisul wasaaraha dalkaas ayaa sheegay in haraadiga Al-Bashiir, in ay qorsheynayaan Afgambi xilka lagaga tuuro xukuumadiisa. “Hadhaagii nidaamkii hore Al-Bashiir waxay damacsanaayeen inay Afgambiyaan dimuqraadiyadda rayidka ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk . Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ku tilmaamay in ay ahaayeen waxa dhacay Afgambi abaabulan, “isku day afgambi oo la soo abaabulay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul wasaare Xamduuk. Gelinkii hore ee subaxnimadii Talaadada ayaa ciidamada ka tirsan kuwa militeriga Sudan ay isku dayeen in ay Afgambi kula wareegaan talada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kaga hadlay Geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, Xakamaynta iyo ka soo kabashada cudurka COVID-19, Dardar gelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammaystirka geeddi-socodka doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka miro-dhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay. “Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dadaallada wax-ku-oolka ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen xakamaynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19, ka-soo-kabashada saameynta dhaqaale ee uu reebay iyo sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa tallaalka. “Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Safmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorsheyaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadiniinteenna.” Madaxweynaha oo khudbaddiisa diiradda ku saaray dardar gelinta iyo dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maamul ee Qarama Midoobay, khatarta ku gadaaman isbeddellada cimilada adduunka iyo ilaalinta deegaanka, ayaa hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si wadajir ah looga jawaabo caqabadaha khatarta ku ah dunnida. Halkaan ka daawo khudbadda oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyay Golaha guud ee Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Cabdiweli Cabdullahi Maxamuud oo ah Afhayenka Golaha Aayo ka talinta Jubbalnd oo ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa sheegay in beeshiisu aysan masuul ka ahayn wixii uu geysto madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hadda khilaaf adag uu kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Ugu horeyn Nabadoonka ayaa umadda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey dulqaadka ay muujiyeen intii uu xukunka joogay Madaxweyne Farmaajo, oo nin fashilmay uu ku tilmaamay. “Anaga beesheena Mareexaan waxaan degnaa gobollada Gedo iyo Galgaduud, 30-sano ka hor markii dadka Soomaaliyeed isagu tageen oo eryeen madaxweyne Maxamed Siyaad cuqdadii na gashay waxay naga baxday markii Maxamed Farmaajo la doortay ee Soomaali yar iyo weyn ay gacmo iyo qalbi furan ku soo dhaweysay,” ayuu yiri Nabaddoon Cabdiweli Cabdullahi. “Waxuu idinkugu abaal guday sidii aan kuugu lisay iiguma aadan hambeyn, ee Soomaaliyey naga raali ahaada, anaga hal qarni oo hadda kadib ah ninkii cuqdad dambe idiin qaada nagama dhalan,” ayuu yiri. Nabadoonka ayaa soo jeediyey in dhegaha laga fureysto Farmaajo oo dadku ay doorashada xoogga saaraan, iyagoo garab istaagaya Ra’iisul wasaaraha. “Asaga iyo xumaanta uu goobaayo halkooda go’doon ha ku ahaadeen, dowladnimada yar inuu na dhaafiyow rabaa, yaan la garab siinin Farmaajo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale Nabadoon Cabdiweli ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay mar dhaw ku baraarugeen hagar-daamada Farmaajo, balse reer Jubbaland uu ku bilaabay isagoo hal sano joogin xukunka. Ugu dambeyntii Nabadoonka ayaa cadaalad u rajeeyey Ikraan Tahliil, “Xukun faashil ah ma raago, ee dul qaata Soomaaliyey Alle nama moogee.” Ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: “Mareexaan masuul kama aha wixii uu Farmaajo haleeyo,” waxaa sidaas yiri… appeared first on Caasimada Online.
-
African investors based in Djibouti have expressed intention to open a state-of-the-art abattoir in Ethiopia. The group of investors made the announcement during a three-day investment tour to Ethiopia, which aimed at assessing and adding value to the enormous and untapped massive livestock resource Ethiopia has. Source: Hiiraan Online
-
Magaalada Muqdisho waxaa shalay gaaray agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo dhawaan loo magacaabay la taliyaha dhinaca amniga ee madaxweyne Farmaajo. Jimcadii ayay hadal-heyn xooggan ka dhalatay arrinta ku saabsan safarka Fahad oo ka imaanayay Turkiga kaddib markii diyaarad uu saarnaa dib looga celiyay maagalada Jabuuti. Fahad ayaa Muqdisho ku gaaray diyaarad khaas ah oo la sheegay inay ka soo qaadday Turkiga. Ilaa iyo hadda lama oga in diyaaraddii wadday ay xogta duullimaadkeeda lasii wadaagtay mas’uuliyiinta ku sugan garoonka ka hor inta aysan soo cago dhiganin. Imaanshihiisa ayaa ku soo aaday xilli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Sabtidii waxaa baaqday shir ay ku ballansanaayeen guddiga amniga qaranka, kaas oo la filayay in Fahad Yaasiin uu ka qayb galo, kana jeediyo warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Gabadhaas ayaa ka mid ahayd saraakiisha hay’adda sirdoonka, balse waxaa la waayay 26-kii bishii June, ilaa haddana meel laguma sheego, in kastoo dhowaan la shaaciyay in Al-Shabaab ay dishay, taas oo ah tallaabo ay beeniyeen. Haddaba waxaan eegeynaa howlaha horyaalla Fahad ee uu ku dhaqaaqi karo karo maadaama uu dib u soo noqday. Korneyl Shariif Xuseen Roobow, oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa BBC-da u sheegay in arrimaha la gudboon agaasimihii hore ee NISA ay ka mid yihiin afar waxyaaboob: 1-La wareegista Xilka la-taliyaha amniga Markii uu horaantii bishan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada ka joojiyay Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, waxaa durbadiiba madaxtooyada kasoo baxay wareegto uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu magacaabay Fahad inuu noqdo la-taliyahiisa amniga qaranka. Qoraalka Farmaajo waxaa lagu sheegay in Fahad uu iska casilay xilkii hore, walow tallaabada Ra’iisul Wasaaraha loo fasiranayay inay ka careysiisay madaxweynaha. Maadaama uu Fahad dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxyaabaha laga filan karo waxaa ka mid ah inuu la wareego xilkaas. Hase yeeshee Korneyl Shariif Xuseen Roobow oo mar horay uga tirsanaan jiray hay’adda Nabad sugidda ayaa aaminsan in booska cusub ee Fahad “uusan ahayn mid saameyn ballaaran leh”. “Hadda awooddii hore ma yeelan doono, ciidankii hay’adda NISA maamulkoodana wuu ka wareegay gacantiisa,” ayuu yiri. Sidoo kale, howlaha u yaalla waxaa ka mid ah inuu wareejiyo xilkii hore. Maxay tahay shaqada la-taliyaha amniga? Sida aan ka soo xigannay xarunta cilmi baarista waxbarashada Mareyknaka ee Mastersclass, xilkan waa mid aad muhiim ugu ah xafiiska madaxweynaha. Howsha la taliyaha amniga waa: Inuu madaxweynaha ka caawiyo go’aan qaadashada la xiriirta arrimaha amniga qaranka, gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda, gaar ahaan amuuraha khuseeya amaanka. Inuu soo diyaariyo xogta kooban ee madaxweynaha laga siiyo arrimaha amaanka qaranka ee markaas taagan iyo qorsheyaasha. Marka laga soo tago inuu talooyinka noocaas ah siiyo madaxweynaha, waxa uu la taliyaha amniga xubin ka yahay Golaha Amniga Qaranka, sida ay dalal badan sameeyaan, oo uu ku jiro Mareykanka. Golaha amniga Qaranka waxaa hoggaamiya madaxweynaha oo uu garab taagan yahay la taliyihiisa – oo saameyn weyn ku leh go’aannadiisa – wax badanna tusaaleeya. 2- Ka qayb galka shirkii Golaha amniga qaranka Kulankii la filayay inuu Fahad ka qayb galo 18-kii bishan September waxaa la qorsheynayay in uu ku soo bandhigo faahfaahin buuxda oo ku aaddan waxa ay hay’adda NISA ka ogtahay kiiska gabadha la waayay ee ka tirsanaan jirtay saraakiisha hay’addaas. Horay waxaa usoo baxay warar sheegayay in NISA ay ku dhawaaqday in Ikraan ay dileen al-Shabaab, walow ay kooxdaas iska fogeeyeen arrintaas. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii ay dib u dhigtay shirka Golaha Amniga waxa ay sheegtay in la qaban doono xilli kale, inkastoo aan si toos ah loo cayimin taariikhda. 3-Soo bandhigidda warbixinta kiiska Ikraan Maadaama uu Fahad soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa suuragal ah in tallaabooyinka uu qaadi doono ay ka mid noqoto ka inuu ka qayb galo shirka Golaha Amniga Qaranka. “Kiiska Ikraan Tahliil waxaa ku howlan maxkamadaha, waxba golaha amniga shirkiisuna wax way masoo kordhinayo ayay leeyihiin dadku, maxaa yeelay hay’adaha sharciga ayaa ku guda jira baaritaankiisa,” ayuu yiri korneyl Shariif Xuseen Rooboow. 4- Saameynta kulamada wadaxaajoodka Sida muddo dheerba la hadal hayay, Fahad Yaasiin waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka saaxiibka dhow la ah madaxweynaha Soomaaliya, isagoo haddana loo dallacsiiyay jago usii dhaweyneysa madaxweynaha. Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay sheegayaan in wali la wado dadaallo la isugu soo dhaweynayo labada hoggaamiye ee uu khilaafka ka dhex aloosan yahay. Inta ay socdaan wadahadallada waanwaanta looga dhex sameynayo Farmaajo iyo Rooble, waxaa saameyn ku yeelan kara Fahad, maadaama uu hadda yahay la taliyaha madaxweynaha, dalkana dib ugu soo laabtay. “Waa hubaal in Fahad uu talooyin ku yeelan doono go’aannada madaxweynaha, laakiin danta shacabka waxay ku jirtaa in uu kula taliyo inay qaataan waanwaanta la wado,” ayuu yiri sarkaalka ka faallooda arrimaha amniga. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta sar sare ee Soomaaliya ayaa ku mashquulsan inay xal dhex dhigaan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, si loo sii wado hannaanka doorashada. Sidoo kale beesha caalamka, oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa u xusul duubaya in lasoo afjaro xiisadda, si looga baaqsado in doorashada ay dib usii dhacdo. Isha: BBC SOMALI The post Afar arrin oo uu sameyn karo Fahad Yaasiin kadib markii uu kusoo noqday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Somali National Security Advisor and former intelligence chief Fahad Yasin returned Tuesday to Somalia from Turkey aboard a private jet. Source: Hiiraan Online
-
Ganacsato Soomaali ah oo lagu xidhay Dalka Turkiga,lana soo masaafurinayo+Sababta Waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa ganacsato Soomaaliyeed oo laga xidhay goobo ganacsi oo dalka Turkiga ay ku lahaayeen, kuwaas oo Khamiistii lasoo dhaafay ay xabsiga dhigeen ciidamada booliska dalka Turkiga. Warbaahinta ayaa ogaatay in tirada Ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu xidhay dalka Turkiga ay gaadheyso 9-qof oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo qaarkood heysta baasabooro dalal kale, sida Ingiriiska iyo Canada. Sidoo kale dadkaa qaar shaqaale ayey ka ahaayeen goobaha ganacsiga ee albaabada loo laabay, halka qaarna ay ayagu ahaayeen mulkiilayaasha ganacsiyada la xiray. Sida aan xogta ku helnay, sababta loo xidhay dadkaas, islamarkaana loo mamnuucay ganacsiyadooda ayaa ah inay dalka ku soo galeen Fiisooyin isugu jira dalxiis iyo ardaynimo oo deganaasho lagu siiyey. Sharciga dalka Turkiga ma ogolaanayo in dad u yimid dalxiis ama waxbarasho ay dalka ka furtaan goobo ganacsi, sidoo kale sharcigu uma ogolaanayo dadkaas inay ka shaqeeyaan gudaha Turkiga. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa la sheegay inay shalay ku guuleysatay in xabsiga laga soo daayo 9-kaas qof ee Soomaalida ah, kuwaas oo intii ay xabsiga ku jireen laga saxeexay in 30-cisho ay dalka kaga baxaan. Marar badan ayaa la sheegay in booliska Turkigu uu u digay ganacsatadaas Soomaaliyeed ee hadda laga xidhay goobohoodii, waxayna dowladdu horay uga dalbatay inay sharciga bedeshaan oo ay qaataan Iqaamada shaqada. Hase yeeshee Warbaahintu waxay ogaatay in shuruudaha lagu helo kaadhka shaqada iyo gacansiga ee dalka Turkiga ay adag yihiin oo kharash badan looga baahan yahay, taas oo ku kaliftay ganacsatadan in digniinaha uga imaanaya dowladda ay dhegaha ka fureystaan. Sidoo kale xubno ka tirsan safaaradda ayaa waxay sheegeen inay dowladda kula doodeen in dadkaas aan la tarxiilin oo dalka aan laga saarin, maadaama hanti badan ay ka taalo gudaha dalka. Sidoo kale Safaaradda ayaa qabatay qareeno, si dadkaan Soomaaliyeed loogu doodo inay dowladdu siiso fursad ay ku soo dhameystirtaan waxa ka dhiman iyo shuruucda looga baahan yahay, maadaama qaarkood hanti badan ay dalka u taallo. Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa ganacsato Soomaaliyeed oo laga xiray goobo ganacsi oo dalka Turkiga ay ku lahaayeen, kuwaas oo Khamiistii lasoo dhaafay ay xabsiga dhigeen ciidamada booliska dalka Turkiga. Caasimada Online waxay ogaatay in tirada dadka Soomaaliyeed ee lagu xiray dalka Turkiga ay gaareyso 9-qof oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo qaarkood heysta baasabooro dalal kale, sida Ingiriiska iyo Canada. Sidoo kale dadkaan qaar shaqaale ayey ka ahaayeen goobaha ganacsiga ee albaabada loo laabay, halka qaarna ay ayagu ahaayeen milkiilayaasha ganacsiyada la xiray. Sida aan xogta ku helnay, sababta loo xiray dadkaas, islamarkaana loo mamnuucay ganacsiyadooda ayaa ah inay dalka ku soo galeen Fiisooyin isugu jira dalxiis iyo ardaynimo oo deganaasho lagu siiyey. Sharciga dalka Turkiga ma ogolaanayo in dad u yimid dalxiis ama waxbarasho ay dalka ka furtaan goobo ganacsi, sidoo kale sharcigu uma ogolaanayo dadkaas inay ka shaqeeyaan gudaha Turkiga. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa la sheegay inay shalay ku guuleysatay in xabsiga laga soo daayo 9-kaas qof ee Soomaalida ah, kuwaas oo intii ay xabsiga ku jireen laga saxiixay in 30-cisho ay dalka uga baxaan. Marar badan ayaa la sheegay in booliska Turkigu uu u digay ganacsatadaas Soomaaliyeed ee hadda laga xiray goobohoodii, waxayna dowladdu horay uga dalbatay inay sharciga bedeshaan oo ay qaataan Iqaamada shaqada. Hase yeeshee Caasimada Online waxay ogaatay in shuruudaha lagu helo kaarka shaqada iyo gacansiga ee dalka Turkiga ay adag yihiin oo kharash badan looga baahan yahay, taas oo ku kaliftay ganacsatadan in digniinaha uga imaanaya dowladda ay dhegaha ka fureystaan. Sidoo kale xubno ka tirsan safaaradda waxay noo sheegeen inay dowladda kula doodeen in dadkaas aan la tarxiilin oo dalka aan laga saarin, maadaama hanta badan ay ka taalo gudaha dalka. Sidoo kale Safaaradda ayaa qabatay qareeno, si dadkaan Soomaaliyeed loogu doodo inay dowladdu siiso fursad ay ku soo dhameystirtaan waxa ka dhiman iyo shuruucda looga baahan yahay, maadaama qaarkood hanti badan ay dalka u taallo. The post Ganacsato Soomaali ah oo Turkey lagu xiray lagana soo masaafurinayo + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta kulanka amniga la qatay Taliyahasha Saldhigyada iyo Gudoomiyaasha Xaafadaha Bosaaso si loo dardargaliyo amniga Bosaaso iyo isku xiritaanka Booliska iyo bulshada xafadaha magaladda. Taliye Xuseen ayaa si wada jir ah warbixino ka dhageystay Taliyaasha Saldhigyada si ay uga warbixiyaan sida ay amniga uga shaqeyeen xaafadihii loo igmaday. Gudoomiyaasha Xafadaha Bosaaso ayaa Taliska Booliska ku Amaanay wada shaqeynta Buuxda iyo isku xiritaan markii ay u baahdaan laamaha amaanka si ay uga jawabaan cabashoyinka timaada xafadaja ay xukumaan. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku dhiirigaliyay Sarakiisha iyo gudoomiyaasha Xaafadaha in si dhab ah ay u xaqiijiyaan amaanka oo bulsha markii ay la soo xiriraan ay uga jawabaan. Taliyaha ayaa u mahadceliyay Bulshada Bosaaso kuna amaanay sida ay ugu xiran yihiin laamaha amaanka Gobalka Bari isagoona ugu baaqay in intaas ay ka badiyaan oo ay soo shegaan sharwadaha dhibateenaya amniga si ay gacan biri ah ugu qabtaan Booliska. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Amniga oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Xaaska M/weyne Erdogan oo shaacisey inaanay weligeed u ooyin siday u oyday markay Somalia Tagtay Marwada koowaad ee Turkiga, Emine Erdogan Emine Erdogan oo ah marwada koowaad ee dalka Turkiga, ayaa la filayaa in ay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku soo bandhigto buug ay ka qortay booqashooyin ay ku tagtay dalal Afrika ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Isniinta ayay markii ugu horreysay buuggan kula wadaagtay xaasaska madaxweyneyaasha kale ee ka qayb galaya shirkada New York ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobeey, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu. Buugan waxay ku cabiraysaa khibradda ay ka heshay safarradii ay ku martay qaar ka mid ah wadamada Qaaradda Afrika. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xaaskiisa ayaa Axadda u duulay Mareykanka, si ay uga qayb galaan shir madaxeedka sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay. Buugga ay qortay Emine, oo ay ku magacowday “My Travels to Africa” -(safarradii aan ku tagay Afrika) – ayaa sidoo kale loo qaybin doonaa wakiillada ka kala socda hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaanno NGOs iyo madaxda wasaaradaha Arrimaha Dibadda. Emine Erdogan hooyadeed ayaa loo hibeeyay buuggan, waxa uuna si buuxda uga sheekeynayaa safarradii ay xaaska Erdogan gashay intii u dhaxeysay 2014-kii ilaa 2020-kii ee ay ku tagtay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Aljeeriya, Itoobiya, Tanzania, Mozambique iyo Senegal. Waxaa buuggan iibintiisa laga billaabi doonaa gudaha Turkiga billowga bisha October, waxaana lagu daabici doonaa luuqadaha kala ah Turkish, Ingiriis, Faransiis, Carabi iyo Sawaaxili. Maxay Emine Erdogan ka tiri Soomaaliya? Xaaska madaxweyne Erdogan ayaa qaybaha ay buuggeeda uga hadleysay safarkii ay ku tagtay Soomaaliya waxa ay ku sheegtay in ay kusoo aragtay xaalad si weyn u dhaqaajisay qalbigeeda. “Waligey uma aanan ooyin sida aan maalintaas u ooyay” Iyadoo diiradda saareysay socdaalkii ugu horreeyay ee ay ku tagtay Soomaaliya, sannadkii 2011-kii, ayay shegetay in ay ku soo aragtay “xusuus lama illoobaan ah oo aan ka go’eynin nolosheeda”. Marwada madaxweynaha Turkiga ayaa iyadoo cabireysa dareenkeeda ku saabsan booqashadii Soomaaliya waxay tiri: “Wax turjimaan ah uma aanan baahneyn si aan u dareemo xanuunka ay dareemayeen hooyooyinka carruurtooda ku waayay gaajada awgeed. Waligey uma ooyin sida aan maalintaas u ooyay. “Illinta ayaa ah luuqadda uu qof walba fahmi karo. Waxaan aragnay carruur ay isku dhageen lafahooda iyo maqaarkooda. Waxaa naloo sheegay in ilmo loo diray isbitaalka ay dhexda kusii dhinteen.” Emine Erdogan ayaa sheegtay in ay diyaarisay howl samafal oo ku wajahan Soomaaliya, waxayna tiri: “Ha iloobina Soomaaliya”. Dhanka kale, buugga ayay kusoo bandhigtay sawirro ay farsjaxamiisteyaal Turkiga ah oo iyada ku wehlinayay safarkii Soomaaliya ka sameeyeen horumarrada uu Turkiga ka hirgaliyay waddankan ku yaalla geeska Afrika. ‘Qaarad fog’ Marwada koowaad ee Turkiga ayaa shegetay in wixii ka horreeyay “howlgalkii horumarinta Afrika” ee uu Turkiga billaabay 2005-tii ay qaaraddu ahayd mid ka fog dadka reer Turki. “Marka la soo hadal qaado Afrika, waxaa maanka ku soo dhacaya gumeysi, saboolnimo, baahi, carruur ooman,” ayay tiri Emine. “Fikraddaas waxay isbaddashay markii ugu horreysay ee aan booqashada ku tagay Afrika,” ayay sii raacisay hadalkeeda, iyadoo waliba sheegtay in ninkeeda ay u raacdo dhammaan safarrada uu u baxo, intii karaankeeda ah. “Mudnaan gaar ah ayaan siiyaa dhibaatooyinka heysta dumarka iyo carruurta reer Afrika, waxaana doonayaa in aan ka mid noqdo dadka daweeya dhaawacyadooda. Naxariista noocaas ah waa dhaqan uu leeyahay waddankeyga aan ku dhashay, ku barbaaray,” ayay tiri. Waxay rajo ka muujisay in buuggeeda cusub uu keeni doono wanaag, wadashaqeyn iyo isdhexgal dhinaca dhaqannada ah, uuna xoojin doono saaxiibtinnimada ka dhaxeysa Turkiga iyo Afrika. Sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqday in safar walba oo ay ku tageysay dalalka Afrika ay ka horreysiineysay koorsooyin gaaban oo ay ku baraneysay waddan kasta dhaqankiisa iyo dabeecadihiisa. Inta badan marwada madaxweyne Erdogan waxa ay booqataa xarumaha lagu xannaaneeyo carruurta agoonta ah. Waxa ay sheegtay in qalbi ahaan ay aad u taabatay marxaladdii ay ku aragtay mid ka mid ah xarumaha agoonta ee ku yaalla dalka Jabuuti, oo lagu magacaabo Daryeel. “Waajib ayay nagu tahay inaan ka qayb qaadanno howsha culus ee ay hayaan dadka tabarta yar isla markaana aan ku dhiirrigelinno,” ayay tri. “Si aad u fahanto xaaladaha bani’aadannimo, waxaad u baahan tahay inaad indhahaaga ku aragto. Aniga ahaan, safarrada aan dibadda ku aaday waxaan ka soo helay khibrado iyo xasuusinaya mas’uuliyad,” ayaa ka mid ah waxyaabaha ay ku qortay buuggeeda. Buugga xaaska madaxweyne Erdogan ayaa marka la daah furo noqon doona mid caalami ah oo dalal badan gaara. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kaga hadlay Geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, Xakamaynta iyo ka soo kabashada cudurka COVID-19, Dardar gelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka. Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammaystirka geeddi-socodka doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka miro-dhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay. “Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri. Farmaajo ayaa la wadaagay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dadaallada wax-ku-oolka ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen xakamaynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19, ka-soo-kabashada saameynta dhaqaale ee uu reebay iyo sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa tallaalka. “Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Safmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorsheyaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadiniinteenna,” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo oo khudbaddiisa diiradda ku saaray dardar gelinta iyo dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maamul ee Qarama Midoobay, khatarta ku gadaaman isbeddellada cimilada adduunka iyo ilaalinta deegaanka, ayaa hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si wadajir ah looga jawaabo caqabadaha khatarta ku ah dunnida. The post Daawo: Muxuu FARMAAJO kaga hadlay khudbaddii uu u jeediyey shirka guud ee QM appeared first on Caasimada Online.