-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE UN GA 2021: Africa cannot outsource its health to the rest of the world, African Development Bank head says during panel on closing the health gap The 76th General Assembly of the UN takes place this year against the Covid-19 pandemic, which has hit African economies badly, despite the overall lower death toll on the continent ABIDJAN, Ivory Coast, September 22, 2021/ — Global leaders, in a sideline event on health during the United Nations General Assembly, voiced the urgent need to scale up Covid-19 vaccine production and access in the wake of a pandemic that has caused unprecedented economic loss and bankrupted health care systems in Africa. The Future Investment Initiative Institute hosted the virtual event on Tuesday, as part of a series of panel sessions around the themes of vaccines, resilience and global health. Their voices were amplified by African Development Bank president Akinwumi A. Adesina, World Trade Organization director-general Ngozi Okonjo-Iweala, and Global Infrastructure Partners vice chairman and partner Jim Yong Kim. All three took part in a panel that looked at balancing the scales of global health and the consequences of the novel coronavirus. The 76th General Assembly of the UN takes place this year against the Covid-19 pandemic, which has hit African economies badly, despite the overall lower death toll on the continent. GDP contracted by 2.1 percent in 2020, falling by 6.1 percentage points from the pre-Covid forecasts. In addition, only a handful of countries have met their commitment to devote at least 15 % of their national budget lines to improving and maintaining adequate healthcare systems. To shockproof the continent from future pandemics and other health crises, Adesina emphasized the need to build Africa’s manufacturing and healthcare capacity. “Africa cannot outsource its health to the rest of the world. We’ve got to build Africa’s indigenous manufacturing capacity.…we need to secure ourselves,” Adesina said addressing what he said was one of the biggest lessons from the pandemic – the need for Africa to rely on itself. Asked in turn by CNN anchor Richard Quest, who moderated the session, what they as world leaders were doing to close the dangerous health gap, Okonjo-Iweala said her top two priorities were to get countries who have an excess of vaccines to donate them to COVAX – the initiative led by the Coalition for Epidemic Preparedness Innovations, the Vaccine Alliance Gavi and the World Health Organization. The second, she said, was to “get richer countries to swap places with poorer countries on the waiting list for vaccines.” In the long term, Okonjo-Iweala said, it was about building Africa’s capacity to manufacture. “We need to decentralize manufacturing,” she stressed. On the same issue, Jim Yong Kim decried the lack of leadership in the present global health crisis. “Where is the coalition that will say this is an unprecedented challenge?.…What we now need is leadership…We had a similar problem treating people with HIV…we can solve them for the vaccine shortage,” Kim said. Adesina said the African Development Bank would contribute $3 billion to the development of Africa’s pharmaceutical industry over the next 10 years. “What is needed in the long term is building Africa’s pharmaceutical capacity,” the African Development Bank head stressed. Standing in the way of that capacity are the various restrictions and trade barriers, intellectual property rights and lack of raw materials, which are making it even harder for African countries to get into the game. “We are taking action…supply chains for vaccines are very complicated…making sure supply chains flow… We need to lift restrictions so that manufacturers can get what they need,” Okonjo-Iweala said. “Vaccine nationalism doesn’t pay… We’ve got to let technology be transferred. We can’t be selfish in this pandemic. Lives are at stake.” Another theme running through the day’s sessions was the business case for investing in vaccine creation facilities and the benefits to financiers’ bottom line. “You’ve got to have the conversation…it’s in your interest that Africa gets vaccines,” Kim emphasized. In the opening panel, Carlyle Group co-founder and co-chairman David M Rubenstein and BNY Mellon CEO Thomas Gibbons acknowledged that profits did not remove the moral imperative to address the inequality between developed and developing nations. “Vaccines are the most important tool – we have to make vaccine access for all,” Gibbons said. Internationally acclaimed conservationist and scientist Jane Goodall spoke of the need to create a better world for all in her session entitled “Health in the Anthropocene.” “We’ve got to ramp up recycling move towards a circular economy…We must remember that each one of us matters…It’s millions of small ethical choices in how we live. We know what we need to do… We need to have the strength and will.” Future Investment Initiative Institute CEO Richard Matthias announced that over 4,000 participants from 86 countries tuned in to the session. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadashay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ku matalayo Gobolada Waqooyiga, iyadoo qeylo dhaan u dirtay beesha caalamka. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, oo labadaba kasoo jeeda gobollada waqooyi, ayaa shalay ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare Somaliland. “Dowladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qarammada Midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka fadhiidka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri wara saxaafadeed kasoo baxay Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay inay tahay dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbiqu doortaan cidda ku matalaysa qolayaasha fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(G/baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose. “Jamhuuriyada Somaliland waxa ay 18kii may 1991, la soo noqotay gobonimadeedii luntay 1960kii, Soddon sano kadib, somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbiqu doortaan cidda ku matalaysa qolayaasha fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(G/baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose, si xor iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Somaliland ayaa xustay inay siyaasiyiinta Soomaalida ah uga digeyso sheegashada beenta iyo khiyaaliga ku dhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka. “Ugu dambayn Somaaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo daro arrimaha doorashooyinka soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri gabagabada qoraalka. Qoraalka kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo aadayo xilli Shalay lasoo saaray liiska musharixiinta ku tartamayo xubnaha Aqalka Sare ku matalayo Gobolada Waqooyi. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhameystiran The post Somaliland oo qoraal caro leh u dirtay caalamka kadib warkii kasoo baxay xafiiska Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay inaysna shaqo ku laheyn doorashooyinka ka socda Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa Qaramada midoobay, Midawga Afrika iyo wadamada Caalamka loogu sheegay inaysan Somaliland shaqo ku laheyn waxa ka socda koonfur ay ugu yeereen “maamulka Fadhiidka “. “Jamhuuriyada Somallland waxa ay 18kii may 1991, la soo noqotay gobonimadeedii luntay 1960kii, Soddon sano kadib, somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, Isla markaana shacbigu doortaan cidda ku matalavsa golayaasha fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(G/baar1amaanka) Iyo dawladdaha hoose, si xor” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Warka wasaaradda ayaa intaas la sii raaciyay “Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somallland waxa ay uga digaysaa maamulka Iyo siyaasiyiinta soomaaliya sheegashada beenta Iyo khiyaaliga kudhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka”. Ugu dambeyn Somaliland ayaa ugu baaqday in ay ka waantoobaan siyaasiyiinta iyo dadka sheeganaya magaceeda ee ka qeybta ah doorashada Soomaaliya. “Ugu dambayn Somaaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo daro arrimaha doorashooyinka soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.”ayaa lgu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeisa:Shil ka dhacay Agagaarka Ambassador Hotel+Khasaaraha Laba arday oo la socday gaadhi Bas ah ayaa ku dhaawacmay shil gaadhi oo goor-dhawayd ka dhacay waddada ka timaada Madaarka Hargaysa iyo inta u dhexaysa Hotel Ambassador, Labbada gaadhi ee isku dhacay ayaa kala ah Gaadhi nooca raaxada ah iyo Baska siday ardayda. Qaran News
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Baydbaba ee xarunta gobalka Bay ayaa soo sheegaya in uu khilaaf culus soo kala dhaxgalay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur. Khilaafkaan oo muddo soo taagnaa ayaa la sheegay in ugu dambeyn uu gaaray meel sare, kadib markii xog lagu helay in Madaxweyne Laftagareen uu amray in uusan Baydhaba imaan karin Wasiirka Cadaalada Soomaaliya. Khilaafka Madaxweynaha iyo Wasiirka Cadaalada ayaa dhashay kadib markii Wasiirka uu safar aysan ka war qabin madaxda Koonfur Galbeed ku tagay degmooyin ka tirsan gobalka Bakool. Wasiirka ayaa safarkii ugu dambeeyay ee gobalka Bakool waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay Murashax Xildhibaan isagoo boorar ku dhagsaday degmada Waajid, wuxuun intii uu joogay Bakool eedeeyey maamuladii Koofur Galbeed ee Shariif Xasan iyo kan hadda ee Laftagareen. Madaxweyne Laftagareen ayaa la sheegay in wasiirka ugu goodiyay in uu yimaado Baydhaba. “Kursigaaga waxa uu yaalaa Baydhaba, Bakool ma laguugu dooran doono, Baydhabana ma ahan meel la iska yimaado ee taas ku xisaabtan,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen, sida ay noo sheegeen xubno ku dhow dhow Wasiirka Cadaalada Soomaaliya. Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa booska uu joogo waxaa geeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya lamana oga waxa uu kala kulmi doono khilaafka soo kala dhaxgalay isaga iyo Madaxweyne Laftagareen. The post Xog: Wasiir ka tirsan DF oo magaalada Baydhaba looga mamnuucay sabab yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
Sawirro argagax leh oo muujinaya ilaalada xudduudaha Mareykanka oo Fardo ku Baacsanaya Muhaajiriin Madowa Muuqaallo iyo sawirrada muujinayay hawlwadeennada ilaalada xudduudaha ee dalka Mareykanka oo saaran fardo gacmahana ku sitay wax u muuqday jeedal isla markaana eryanaya dadyow muhaajiriin ah meel u dhow webiga Rio Grande ee gobolka Texas ayaa guud ahaan dalkaasi ka abuuray dood. Dhacdadaasi ayaa timid xilli ay jiro xiisad cusub oo ka dhalatay muhaajiriinta soo dhoobtay xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico, taasi oo usbuucii hore horseeday in ilaa 12,000 oo qof oo muhaajiriin ah oo u badan kuwo ka yimid dalka Haiti lagu xareeyo xero ku meelgaar ah oo ku hoos taal buundada isku xirta magaalada magaalooyinka Del Rio ee dalka Mareykanka iyo magaalada kale ee Ciudad Acuna oo ku taal dalka Mexico. “Si looga hortago dhibaatooyin ka dhasha kulaylka, ayaa aaggaasi hooska ah ee ku hoos yaal Buundada Caalamiga ah ee Del Rio waxaa loo isticmaalayaa xero ku meel gaar ah ka hor inta muhaajiriintu laga geynayo xarumaha wakaaladda ilaalada xuduudaha ee Mareykanka”, ayaa lagu yiri bayaan todobaadkii hore ka soo baxay mas’uuliyiinta dalkaasi, kaddib markii la dhaliilay xaaladaha adag ee muhaajiriintaasi ay ku sugan yihiin. Dowladda Mareykanka ayaa axaddii dhaweyd billowday inay masaafuriso boqolaal muhaajiriin ah, waxa ayna xirtay marinka xadka ee Del Rio, arrintaasi oo keentay in boqolaal qof oo kale oo ah muhaajiriin u dhashay dalka Haiti ay dib ugu laabtaan dhinaca dalka Mexico. Sidee ayay wax u dheceen? Tan iyo markii ay muhaajiriintu degeen buundada hoosteeda, qaar ka mid ah muhaajiriintaasi ayaa u tallaabay dhanka Mexico, si ay cunto iyo biyo ugu soo iibsadaan ka hor inta aysan ku laaban xeradaasi ku -meelgaarka ahi. Paul Ratje oo ah sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa dusha sare ka sawiray meel u dhow marinka xudduuda oo ah buundo la isaga tallaabo wabiga, halkaasi oo muhaajiriintu isku dayayeen in ay galaan ama ku noqdaan Maraykanka. “Waxaan imid goobtaasi oo qof waliba halkaasi ayuu ka gudbayay,” ayuu yiri sawir qaadahaasi oo la hadlay wargeyska The Washington Post. “Si lama filaan ah ayaa waxaa meeshii u yimid ciidamo boolis ah oo markiiba billaabay in ay isku dayaan in ay dadka halkaasi ka saraan. Kaddina, waxaa yimid hawlwadeennada ilaalada xuduudaha oo fardo saaran, waxayna billaabeen in ay isku dayaan in ay dadka halkaasi ka saaraan.” Sawiradaasi ayaa muujinaya hawlwadeennadaasi oo wata wax ay dadka qaar ku tilmaameen “jeedallo”, in kasta oo mas’uuliyiinta waaxdaasi ay sheegeen in ay ahaayeen ulo dhaadheer ay u adeegsadaan “xakamaynta fardaha”. XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS “Waxaa jiray qulqul joogto ah, waxaana ilaalada xudduudaha ay lahaayeen: ‘Maya, ma soo geli kartaan. Ku noqdo Mexico.’ Balse dadku waxay la haayeen qoyskaygu ayaa halkaasi jooga”, ayuu yiri sawir qaade Ratje. Isniintii dhaweyd ayaa xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Jen Psaki waxaa ay tiri: “Uma maleyn maayo in qof arkay muuqaalkaasi uu u malaynayo in arrintaasi ay tahay mid la aqbali karo ama habboon.” “Ma hayo macluumaadka oo dhameystiran, mana qiyaasi karayo waxa wax habboon ka dhigi karaya,” ayay sii raacisay. “Dabcan, iyaga [ilaalada xuduudaha] ma ahan in mar dambe sidaa oo kale ay sameeyaan. Sida iska cad muuqaalkaasi waa argagax.” XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ficillada ilaalada xudduudaha ku tilmaantay in ay yihiin “xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha” iyo “arxan-darro, wax bini’aadannimada ka baxsan isla markaana xadgudub ku ah shuruucda qaranka iyo kuwa caalamiga ahi”. Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Alejandro Mayorkas, ayaa sheegay in dhacdooyinkaasi la baari doono, isagoo xaaladda tahriibayaasha ku tilmaamay mid adag oo niyad jab leh. Haseyeeshee, wuxuu soo saaray digniin ah: “Haddii aad si sharci darro ah ku timaaddo Mareykanka, dib ayaa laguu celin doonaa. Safarkaagu ma noqon doono mid guuleystay oo waxaad halis gelin doontaa naftaada iyo tan qoyskaaga.” Gelinkii dambe ee Isniinta, ayaa Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka waxay soo saartay bayaan ay ku sheegtay “in aysan u dulqaadanayn xadgudubka ka dhanka ah muhaajiriinta”. Madaxa ilaalada xuduudaha ee Mareykanka Raul Ortiz ayaa sheegay in dhacdadaasi la baarayo, si loo hubiyo in aysan dhicin “falcelin aan la aqbali karin” oo ay sameeyaan hay’adaha sharciga, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Wuxuu intaasi ku daray in hawlwadeennada ilaalada xudduudaha ay ku shaqeeyaan jawi adag, iyagoo isku dayaya inay sugaan ammaanka muhaajiriinta isla markaana ku raad joogo dadka dadka tahriibaya. Xaaladdu ka taagan xudduuddaasi ayaa muujineysa caqabad siyaasadeed iyo mid bini’aadanimo oo cusub oo uu wajahayo maamulka madaxweyne Joe Biden, oo horey wacad ku maray in uu si bani’aadanimo ah ula dhaqmi doono muhaajiriinta iyo dadka magangelyo-doonka ah marka loo eego madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump. Dalka Haiti ayaa waxaa dhawaan ku dhacay laba dhibaato – dilkii madaxweyne Jovenel Moise iyo dhulgariirkii baabbi’iyay koonfur -galbeed ee dalkaasi – haseyeeshee inta badan dadka reer Haiti ee ku sugan xadka Mareykanka ayaa ka cararay dalkooga sanaddo ka hor, ka dib dhulgariirkii 2010 oo ilaa 200,000 oo qof ay ku dhinteen, sida ay shaacisay qeybta warqabadka ee BBC-da. Waxay horey in muddo ah ku noolaayeen kana shaqaynayeen waddaamda Koonfurta Ameerika, sida dalal ay ka mid yihiin Brazil iyo Chile. Labadii maalmood ee la soo dhaafay, 560 qof oo muhaajiriin ah ayaa durba gaaray Haiti, kumanaan kale ayaana weli ku jira xerada Texas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee EFE. Isniintii dhaweyd, 233 qof oo laga tarxiilay Mareykanka ayaa gaaray Haiti, kuwaa oo 45 ka mid ah ay ahaayeen carruur iyo halka 45 kale ay ahaayeen dumar. Ku dhowaad dhammaan haweenkii la tarxiilay waxa ay wateen dhallaan aad u yar . Ka sokow muhaajiriintii reer Haiti ee horay loo masaafuriyay, in ka badan 6,000 oo qof oo reer Haiti ah ayaa loo wareejiyay xarumo kale oo lagu diiwaangeliyo muhaajiriinta, kuwaa oo iyana sugaya in la musaafuriyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Mareykanka. Qaar ka mid ah dadkaasi reer Haiti waxay sheegteen in markii ay yimaadeen Haiti in ilaalada xudduudaha ee Mareykanka ay si xun ula dhaqmeen. Qaran News
-
Maxaa ka jira in France ay bixineyso kursigeeda joogtada ah ee Golaha Ammaanka? Emmanuel Macron France ayaa beenisay warbixin maanta lagu daabacay wargeyska Britain ee Daily Telegraph oo sheegeysay inay kursigeeda joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee QM ay ku wareejineyso Midowga Yurub. Wargeyska oo soo xiganaya xubin ka tirsan baarlamanka Yurub ayaa sheegay in France ay ka fakari doonto in kursigaas ay ku beddelato in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay taageeraan dhismaha Ciidan Yurub ah, iyo isbeddel lagu sameeyo habka ururka u diyaariyo siyaasaddiisa arrimaha dibedda. “Waxaan si rasmi ah u beenineynaa arrintan. Kursiga waa keena, wuxuuna ahaan doonaa sidaas,” waxaa sidaas yidhi afhayeen u hadlay madaxtooyada Fanarsiiska. “Waxaan Midowga Yurub ula shaqeeneynaa sida ugu badan uguna macquulsan, iyo si madax-banaani ah,” ayuu yidhi afhayeenka. France ayaa ah mid ka mid ah shan dal oo xubno joogto ka ah Golaha Ammaanka ee QM, ayada oo afarta dal ay kala yihiin Britain, China, Russia iyo Marekanka. Faransiiska ayaa muddo dadaal ugu jiray in Midowga Yurub uu yeesho ciidan u gaar ah, oo loo diri karo goobaha dagaalka, hase yeeshee qorshahaas ayaa waxaa diidan dalal badan oo xubno ka ah ururka. Qaran News
-
“ Madaxweyne ma ogtahay? 25 juun 2021 ayaa lala baxay lacagtii kabka ahayd ee Cusbitaalka Laas-caanood, Cusbitaalku in uu xidhmo ayuu qarka u saaranyahay, lacagtaa la musuqay waxa u baahan Cusbitaalka oo aan shaqayn karin la’aanteed. Lacagta kabka ah waxa lagu masruufsaday Hargeysa !!! Agaasimaha cusbitaalka Laas-caanood ayaa ka hor qirtay musuqa iyo xatooyada lagula baxay lacagtii kabka ahayd ee Cusbitaalka Laas-caanood shir madaxda Wasaaradda Caafimaadku fadhiyaan, si aanu u xidhmin oo loo daryeelo bulshada baahida caafimaad la tabaalaysan ee Sool waa in lala xisaabtamaa cid kasta oo musuqday lacagtaa. Guddida dabagalka hantida qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland (PAC) Xisbi WADDANI ahaan waxaanu ugu baaqaynayaa in la dabagalo miisaaniyadda iyo lacagaha soo gala Wasaaradda Caafimaadka oo lala xisaabtamo. “Naaskii hashay gaar u nuugayaan. ” Xoghayaha Arrimaha Bulshada Ee Xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme. Qaran News
-
Urur siyaasadeedka Horseed, oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa si adag uga digay in la qabyaaladeeyo doorashooyinka golayaasha degaanka Puntland. Urur siyaasadeedka Horseed, ayaa sidoo kale cambaareeyay hadal ka soo yeeray urur siyaasadeedka Kaah, oo ku saabsanaa in degmada Qardho ay ku tartami karaan saddex Urur siyaasadeed oo ay hoggaamiyaan siyaasiyiin Reer Qardhood ah. Saddexda Urur siyaasadeed ayaa kala ah; Kaah oo uu hoggaamiyo Siciid Deni, Mideeye oo uu hoggaamiyo Asad Diyaano iyo Sinnaan iyo Caddaalad oo uu hoggaamiyo Enj. Jebiye. Halkaan ka akhriso Warka Horseed oo dhan Kulan ay maanta isugu yimaadeen magaalada Qardho ururada siyaasada Puntland iyo Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa waxaa looga doodey anshaxa doorashada iyo habsimi u socodka doorashooyinka in la ilaaliyo. Dood iyo falanqeyn badan kadib waxaa la isla gartey in ururada qaarkood joojiyeey baqdin galinta codbixiyaasha, balanqaadyada beenta ah iyo in dadka codka bixinaya Kaararkooda la urursado iyagoo loo balanqaadayo in dhaqaale loogu badalayo. Waxaana la isla gartey in saxaafada si wadajir ah looga hadlo si arimahaas loo joojiyo. Inta kulankaas lagu dhexjirey waxaa goobta ka hadlay xubnaha ururka Kaah u matalyey kulankaas waxayna cadeeyeen in tartanka doorashada golayaasha degaanka degmada Qardho uu u dhexeeyo Sadex Urur oo kaliya taas oo macanaheedu yahay in sadexdaas Urur madaxdoodu ay ka soo jeedaan gobolka Karkaar gaar ahaan Qardho. Ururka Horseed waxaa uu cambaareynaya kana digayaa in la qabyaaladeeyo doorashooyinka golayaasha degaanka. Doorashooyinka Golayaasha deganaka Puntland ururka Horseed waxaa uu aaminsan tahay in degaanada ay ka dhacyaan loo siman yahay, ururaduna aysan aheyn kuwa qabyaalad ku dhisan sida goobta laga sheegey. PUNTLAND POST The post Horseed oo si adag uga digay in la qabyaaladeeyo doorashada golayaasha degaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Introduction The United States government’s reaction to the terrorist attacks of September 11, 2001 led to dramatic increases in Pentagon funding and revenues for weapons contractors. While the costs and consequences of America’s war policies of the twenty-first century have been well-documented, the question of who has profited from this approach has received less attention. Corporations large and small have been, by far, the largest beneficiaries of the post-9/11 surge in military spending. Since the start of the war in Afghanistan, Pentagon spending has totaled over $14 trillion, one-third to one-half of which went to defense contractors.2 Some of these corporations earned profits that are widely considered legitimate. Other profits were the consequence of questionable or corrupt business practices that amount to waste, fraud, abuse, price-gouging or profiteering. Read more Source: Watson Institute, Brown University The post Profits of War: Corporate Beneficiaries of the Post-9/11 Pentagon Spending Surge appeared first on Puntland Post.
-
Maraykanka oo shaaciyey in Itoobiya & TPLF cunaqabateyn uga badbaadi karaan inay Heshiiyaan keliya Dowladda Mareykanka ayaa ku boorineysa dowladda Itoobiya, jabhadda TPLF, iyo kooxaha kale ee dagaallamaya inay soo afjaraan colaadda ka taagan gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya, ayna oggolaadaan in gargaarka bani’aadamnimo uu gaaro malaayiin dad ah oou baahan gargaarkaas. Haddii khilaafku joogsan waayo, ayay dowladda Mareykanku sheegtay in mas’uuliyiinta muhiimka ah ee dowladda iyo TPLF ay la kulmi karaan cunaqabatayn xagga socdaalka iyo maaliyadda Mareykanka ah. Siihayaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee bariga Africa Bryan Hunt, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay doonayso in la soo afjaro colaadda 10-ka bilood ka socotay Tigray. “Haddii dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF ay qaadaan tillaabooyin macno leh si ay u galaan wadahadalada xabbad-joojinta, ayna oggolaadaan howlaha gargaarka bani’aadamnimo oo aan carqalad lahayn, Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto abaabulidda kaalmada Itoobiya, si ay uga soo kabato, dib u soo noolayso dhaqaalaheedii.” “Tallaabooyinkaas macnaha leh waxaa ka mid ah in la aqbalo dadaallada dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika, oggolaanshaha wada-xaajoodka, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin, iyo in la aqbalo martiqaadka wadahadallada bilowga ah,” ayuu yiri Siihayaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee bariga Africa Bryan Hunt. Hunter, wuxuu sheegay in dhammaan dadaalladii kale ee lagu cadaadin lahaa dhinacyada dagaalku ka dhexeeyo sidii si nabad ah loogu dhammeyn lahaa dagaalkan ay fashilmeen, taasina ay keentay hanjabaada cunaqabateynta ee uu saxiixay madaxweyne Joe Biden Jimcihii. Ciidammada Itoobiya ayaa gudaha u galay gobolka Tigreega bishii November ee la soo dhaafay, kadib bilooyin ay socdeen xiisad u dhaxaysay xukuumadda Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed iyo xisbiga haya talada Tigreegaa ee TPLF. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga gudaha ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in calaamadaha Aakhiro Zamaanka ay kamid tahay Guddoomiye ku xigeen Gobol oo subax kasta usoo shaqo tagayo sidii uu wax uga sheegi lahaa Ra’iisul Wasaaraha Qaranka. Fiqi ayaa soo qaatay xadiith laga wariyey Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee kaasoo ahaa: اذا وسد الامر لغير اهله فانتظر الساعة Kaasoo micnihiisa yahay “Haddii Arrinta (Xil) loo dhiibo qof aan u qalmin sug Saacada Qiyaamaha.” Hadalka Axmed Macalin Fiqi ayaa wuxuu si toos ah ugu socday guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo maalmihii ugu dambeeyey baraha bulshada ku weerarayey Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble. Cali Yare, oo ah nin aan aqoon maadi iyo mid diini ah toona laheyn, ayaa kamid ahaa dadkii qeybta ka ahaa ololahii doorashada ee madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna qaabilsanaa isku soo bixinta dadka. Kadib sanado uu xil ka weysanaa Farmaajo, ayaa mar dambe xilligii dhammaadka muddo xileedka Farmaajo loo dhiibay xilka guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka amniga. The post FIQI oo WEERAR culus ku qaaday Cali Yare: “Haddii xil loo dhiibo qof aan u qalmin sug saacadda qiyaamaha” appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta dhaggax dhigay dib-u-dayactirka 40km oo ka mid ah Wadada Isku xirta Laascaanood iyo Garoowe. Qeybta dayactirka lagu sameynayo wadada Laascaanood-Garoowe, ayaa waxaa ku jira buundooyin, waxaana dhisaysa Dowladda oo ku fulinaysa hab-isku-tashi ah. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Shaqada socota ee dib loogu dayactirayo Wadooyinka Gobollada Puntland, wuxuuna la wadaagay Bulshada in sidoo kale la dhisi doono Jidadka Gobolka Gardafuu iyo Degmooyinka Taleex, Boocame iyo Buuhoodle. Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhagax-dhigay dayac-tirka Laamiga Garoowe iyo Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Money changers in Garowe are struggling to make ends meet as local business community refused to use Somali shillings/File Photo/Ergo Farhan Ayanle, 32,has been struggling to make ends meet after his money changing business collapsed in March, alongside Garowe’s 70 or so money changers in the central Somali town. Following claims of huge sums of counterfeit currency circulating in the market, the local business community in Garowe refused to use Somali shillings and shifted to mobile money transfers in US dollars. “I provided for my family and paid the bills with the small profit I made changing money. I worked as a moneychanger for three years and it was the only job I knew well. But now, I have been out of work for six months,” said Farhan, who used to take Somali shillings and exchange them for dollars. “We dumped our worthless Somali shillings in the streets of Garowe,” he added. Farhan, a father of three, had to move his wife and two youngest children to Hamur, a small village in eastern Nugal region, because he could not afford the $65 rent for their two-roomed house in town. His child in class six at a primary school in Garowe is living with a relative, who is paying the school fees. Farhan said the losses he incurred when the shilling was declared worthless crippled him financially, as he had no savings and no one in town would lend him money to start up another business. He called on the authorities to come up with a solution to the crisis affecting many families. “We want the government to bring Somali shillings back into use. Ten thousand Somali shillings used to feed an entire family for a day, but now it is worthless. Everyone is feeling the pain of this crisis!” he exclaimed. Daud Ali Hersi, 27, another money changer in Garowe, said his family used to eat three meals a day but are not struggling to cook just one meal. He was making five to ten dollars a day in the money market, and his family was able to buy food to last them a month from a local store. Now they are depending on help from neighbours and relatives. “I am a father and I have dependents. I can’t sit back at home, I still go to the market at eight in the morning to see if I can get help from friends, but I return empty handed in the evening,” Daud said. “I have two young children and it is so sad that I can’t afford to buy them milk.” The director of Somali shilling development at Puntland’s ministry of trade and industry, Abdulkadir Said Dahir, told Radio Ergo that their hands are tied, as issues relating to the Somali shilling printing are handled by the federal government. He blamed the central government for neglecting the crisis role and failing to safeguard the national currency. “Constitutionally, the federal government is responsible for the printing of the Somali shilling and its regulation against other currencies. For us, we have no solution for this problem,” he said. Source: Radio Ergo The post Worthless currency leaves central Somali money changers jobless appeared first on Puntland Post.
-
MARKA (HOL) - At least two people were killed in a suspected IED attack in Marka town in Lower Shabelle region Wednesday noon. Source: Hiiraan Online
-
Xukuumadda Somaliland ayaa Beesha Caalamka ku wargelisay in aysan qayb ka-ahayn arrimaha doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya. Somaliland ayaa uga digtay mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliya in ay magaca Somaliland u adeegsadaan doorashooyinka ka socda magaalada Muqdisho ee heer Federaal. War-saxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan marnaba aqbali karin in lagu daro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Somaliland oo Beesha Caalamka u gudbisay cabasho ka dhan ah arrimaha doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Jihan Abass in Africa Innovators List Founder and CEO, Lami Insurance Technology@LamiInsurtech Kenya Jihan Abass leads Lami Insurance Technology, an insurtech startup based in Nairobi. Lami builds tech infrastructure to help businesses design digital insurance products. Africa’s insurance penetration rate was about 2.78% in 2019, significantly lower than the global average of 7.23%. “A lot of the time, people are relying on single sources of income, but they’re not insuring those sources of income so, if one thing goes wrong, they lose everything,” she tells Quartz Africa. Abass believes the low penetration is because the traditional model insurance companies use—on the ground agents going to people to try to convince them to buy insurance products—cannot reach that many people. She also realized businesses such as banks and tech platforms may want to sell insurance products, but insurance companies don’t have the systems or capabilities to enable this. Abass, a former commodity futures trader at a UK trading house, started Lami as an application programming interface, or API, that enables businesses to offer products such as vehicle and health insurance to customers. They can also use the API to manage risk by tailoring needs and digitizing their operations. Many businesses have adopted Lami’s API since the company was launched last year. E-commerce platform Jumia uses it to power its insurance marketplace on its JumiaPay app. Stanbic Bank has used it to create a mobile insurance app and digitize its bancassurance—the selling of life assurance and other insurance products and services by banking institutions. Lami also operates Griffin, a car insurance app fully built on the startup’s API. “How can we get insurance to as many people as possible, in the simplest and the easiest way?” Abass says. “That’s the main vision for us—is really to create accessibility.” Source: Quartz Africa The post Jihan Abass in Africa Innovators 2021 List appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xiriirka labada dal
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kuwait Dr; Axmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood, ka dib kulan ay ku yeesheen dalka Maraykanka. Labada Wasiir ayaa isla soo qaaday habka ugu habboon ee loo sii xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab iyo sidii loo horumarin lahaa dano wanaagga dhinacyada ganacsiga. “Waxaan isla qaadannay muhiimada ay leeyahay sii xoojinta walaaltinimada ka dhaxeysa labada shacab iyo labada dowladood waana isku fahanahay ariintaasi”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar. Kulan ayaa ka dhacay dalka Mareykanka kadib markii ay Magaalada New York uga qeyb galeen Kalfahdiga 67 -aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xiriirka labada dal appeared first on Puntland Post. -
Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta uu qarax ka dhacay bartmaha magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay garaashka Cawaale oo ku yaalla agagaarka saldhigga Booliska ee magaalada Marka. Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxa, kadib ay rasaas fureen ciiidamada ammaanka oo goobta gaaray, kuwaas oo haatan bilaabay baaris la xiriirta dhacdadaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse waxaa weli socda baaritaano ay wadaan hay’adaha ammaanka. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay waxaa qaraxan ku dhintay marxuum lagu magacaabi jiray Saciid Jalbow iyo sidoo kale ninkii diyaarinayey miinada qaraxyday. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana qaraxan uu saameeyey dhaq-dhaqaaq xaafadda Wadajir ah oo ah meesha ay wax ka dhaceen. Ammaanka Marka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid degan, waxaana ka howl-gala ciidamada milatariga iyo kuwa sugidda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Faah faahin: Qarax ka dhacay magaalada Marka appeared first on Caasimada Online.
-
Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Maxamed Al-Faki Suleymaan ayaa xaqiijiyey in inta badan Saraakiishii ku lugta lahaa Afgembigii la fashiliyey gacanta lagu hayo, marka laga reebo Sargaalkii hoggaaminayey isku-dayga Afgembiga. Cutub ka tirsan Ciiddanka Gawaarida Gaashaaman ee Taangiyada ayaana ku lug lahaa Afgembigii la fashiliyey. Warar ayaa waxay sheegayaan in Saraakiil taabacsan Madaxweynihiihore ee hore ee dalkaasi, General Cumar Xasan Albashiir, ka dambeeyeen Isku-dayga ay ku doonayeen inay kula wareegaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee Suudaan. Sarkaal Sare oo ka tirsan Dowladda Suudaan oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay inay Saraakiisha ku fashilmeen inay qabsadaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee ku yaalla magaalladda umudurmaan ee mataanka la ah Caasimada dalkaasi ee Khartuum. Ciiddan oo watay Gawaarida gashaaman ayaa xilli kooban xireen Buundada Webiga Cad ee isku xira Khartuum iyo Troops, halkaasi oo ay ku yaallaan Xarumaha Ciiddanka Gaashaman. Waddanka Suudaan waxaa horay uga dhacay Tobaneeyo Afgembi Milliteri oo kii ugu dambeeyey xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, General Cumar Xasan Albashiir bishii April ee sanadkii 2019-kii. PUNTLAND POST The post Saraakiil loo xir xiray Afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Sudan appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye ku xigeenka ahna madaxa suuq-geynta shirkadda Rakaab mudane Cali Ismaaciil ayaa kooxda Kubadcag yaraha ee Halgan u balanqaaday in ay garab Istaagi doonaan ilaa ay ka noqdaan horyaalka heerka ee kuabadcag yaraha Soomaaliya. “Anigoo ku hadlaya magaca shirkadda Rakaab waxaan balan-qaadaayaa in aan garab istaagi doono macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda Kubadcag yaraha Halgan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Mudane b oo ah Guddoomiye ku xigeenka ah madaxa Suuqa-geynta shirkadda Rakaab. Dhinaca kale Cali Ismaaciil wuxuu soo dhaweeyay horomarka baaxada weyn ee ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha, isagoo madaxda Minifootboolka Soomaaliya u balan qaaday wada shaqeyn iyo horomarin. “Waxaan diyaar u nahay in aan si dhaw u wada shaqayno madaxda Xiriirka Kubadcag yaraha oo da’daalada kala duwan ka wada gudaha dalka iyo dibadda” ayuu sheegay Goobjoog Sports u sheegay Gudoomiye ku xigeenka shirkadda Rakaab mudane Cali Ismaaciil. Ugu danbeyntii maamulka shirkadda Rakaab waxay soo jeediyeen in ay ka soo muuqan doonaan dhacdooyinka Xiriirka Kubadcag yaraha ee tartamada gudaha iyo ka qeybgalka ciyaaraha Xulka Qaranka Kubacag yaraha Soomaaliya. “Laga bilaawo maanta waxaan garab buuxda u nahay ciyaartooyda Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya iyo in aan ka soo muuqano dhacdooyinka gudaha iyo dibadda ee Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu balan-qaaday Guddoomiye ku xigeenka ah madaxa suuqgeynta shirkadda Rakaab mudane Cali Ismaaciil. Daawo Dardaaranka Guddoomiye Cali Ismaaciil Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Kooxda Halgan Oo Dhiirigelisay Ciyaartooyda Iyo macallimiinteeda W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
“Madaxweyne ma ogtahay? 25 juun 2021 ayaa lala baxay lacagtii kabka ahayd ee Cusbitaalka Laas-caanood, Cusbitaalku in uu xidhmo ayuu qarka u saaranyahay, lacagtaa la musuqay waxa u baahan Cusbitaalka oo aan shaqayn karin la’aanteed. Lacagta kabka ah waxa lagu masruufsaday Hargeysa !!! Agaasimaha cusbitaalka Laas-caanood ayaa ka hor qirtay musuqa iyo xatooyada lagula baxay lacagtii kabka ahayd ee Cusbitaalka Laas-caanood shir madaxda Wasaaradda Caafimaadku fadhiyaan, si aanu u xidhmin oo loo daryeelo bulshada baahida caafimaad la tabaalaysan ee Sool waa in lala xisaabtamaa cid kasta oo musuqday lacagtaa. Guddida dabagalka hantida qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland (PAC) Xisbi WADDANI ahaan waxaanu ugu baaqaynayaa in la dabagalo miisaaniyadda iyo lacagaha soo gala Wasaaradda Caafimaadka oo lala xisaabtamo. “Naaskii hashay gaar u nuugayaan. ” Xoghayaha Arrimaha Bulshada Ee Xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme. Source