Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowladah madaxtooyada Maamul Goboleedka Galmudug Cumar Shido oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in wadahadalka ka dhex socday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu guuldareystay. Cumar waxa uu tilmaamay in wadahadalka socday maalmihii lasoo dhaafay in mararka qaar uu soconayay 18-saac, balse aanay jirin Natiijo muuqata oo lasoo bandhigi karo wada-xaajoodkaas ay garwadeynka ka ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal & Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor. Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Galmudug ayaa intaas ku daray in dhanka Ra’iisul Wasaaraha uu biseyl siyaasadeed uu ka muuqday balse caqabadda ay kala kulmeen Madaxtooyada Soomaaliya sida uu ku muujiyay Qoraalkiisa oo bannaanka soo dhigay halka uu marayo wadahadalka. “Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble. Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan” ayuu yiri Cumar Shido. Qodobada la isku mari waayay waxa kamid ahaa:- Wasiirka amniga oo farmaajo uu dalbaday in laga qaado Cadullahi Maxamed Nuur iyo sido kale magacaabista taliska NISA. Fashilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba todobaad ah ku yimaada wadahadallo laga dhaxwaday Farmaajo iyo Rooble, waxana muuqata in labada Nin kan hore uu doorbidayo in cadaalad aysan helin Ikraan tahliil. The post Galmudug oo sheegtay inuu Farmaajo fashiliyay wada-hadalladii laga dhexwaday isaga iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  2. Wada hadallo lagu dhaxdhaxaadinayay madaxweynaha waqtigu ka dhamaday ee Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble aya goor dambe oo xalay ah Fashil kuso dhamaaday. Wada hadalladan oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor aya si toos ah xalay fiidkii uga bilawday Villa Somalia iyadoo la filayay in ay mira dhali doonaan. Hase ahaate wasiiru dawlaha Madaxtooyada Galmudug Cumar Shiddo ayaa sheegay in fashilka wada hadalku uu yimi kadib markii “Caqabdo ka yimideen dhanka farmaajo” halka garabka Rooble ay muujiyeen bisayl iyo dabacsanaan. Qodobada la isku mari waayay waxa kamid ahaa:- Wasiirka amniga oo farmaajo uu dalbaday in laga qaado Cadullahi maxamed Nuur iyo sido kale magacaabista taliska NISA. Fashilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba todobaad ah ku yimaada wadahadallo laga dhaxwaday Farmaajo iyo rooble, waxana muuqata in labada Nin kan hore uu doorbidayo in cadaalad aysan helin Ikraan tahliil. GOOB JOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ku saabsan inay ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulay qodobo dhowr ah, oo uu qarka u saarnaa heshiis uu la galo madaxweyne Farmaajo ayaa xalay qabsaday baraha bulshada, taasi oo aad u niyad jebisay taageerayaasha ra’iisul wasaaraha. Hase yeesheee, Caasimada Online ayaa xaqiijin karta in marnaba labada dhinac aysan heshiis ku dhowaan, marka la eego halka ay ka taagan yihiin, islamarkaana inkasta oo Rooble uu isku dayey in si xal loo helo uu mowqifkiisa dabciyo, haddana aanu ka tegin qodobada muhiimka ah. Haddaba side xalay wax u dhaceen? Sida aan xogta ku helnay, wada-hadalladii xalay dhacay ra’iisul wasaare Rooble wuxuu meel adag ka istaagay laba qodob, halka qodob kalena uu u furnaa inuu aqbalo haddii uu xal iyo heshiis horseedi karo. Si kastaba, isla qodobka uu ogolaaday ayaa haddana ka socon waayey dhanka Farmaajo. Ra’iisul wasaaraha ayaa ogolaaday in la magacaabo taliye cusub oo NISA ah, oo aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey, balse wuxuu dalbaday inuu noqdo qof la yaqaan oo magac iyo sumcad ku dhex leh Soomaalida oo dhex-dhexaad ah. Si kastaba, Farmaajo ayaa dalbaday in taliyaha laga dhex keeno shaqaalaha NISA ee iminka, taasi oo ra’iisul wasaarah uu diiday, sababo la xiriiro inuu tuhmayo xiriirka ay weli la yihiin agaasimihii hore Fahad Yaasiin. Farmaajo ayaa kadib soo jeediyey in taliyaha NISA laga dhigo wasiiru dawlaha wasaaradda gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere, oo saaxiib aad u dhow la ah Fahad Yaasiin, hase yeeshee Rooble ayaa ku gacan seeray. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in magacaabista Cabdiraxmaan Dheere ama shaqaalaha kale ee NISA ay ka dhigan tahay baabi’inta baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo uu ku sheegay qad cas oo lama taabtaan ah. Dhankoodana, kooxda Farmaajo ayaa soo jeediyey in la beddelo wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo la geeyo wasaarad kale, islamarkaana Farmaajo uu soo magacaabo wasiir amni oo cusub. Balse, Rooble ayaa sheegay in sida kaliya ee uu wasiirka amniga ugu beddeli karo wasaarad kale ay tahay inuu isaga dalbado, taasi oo wasiir Cabdullahi Maxamed Nuur uu ku gacan seeray. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in haddii wasaarad kale la geynayo uu is-casilayo, wuxuuna ra’iisul wasaaraha kadib u sheegay inaanu marnaba beddeli doonin, haddii aanu raali ka aheyn. Sida muuqata, madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka go’an in wasaaradda amniga iyo xilka taliyaha NISA la geeyo shaqsiyaad uu ku kalsoon yahay, taasi oo ah caqabadda hortaagan in heshiis ay gaaraan labada dhinac. The post Xog: Ma Rooble ayaa xalay tanaasulay- Sidee u dhaceen wada-hadalladii Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.
  4. Somali Journalists Syndicate (SJS) today concluded a three-day human rights journalism training in the city of Kismayo, Jubbaland State of Somalia, benefitting journalists from across local media houses and freelancers. Source: Hiiraan Online
  5. M/weynaha Maamul-goboleedka Jubaland Axmed Madoobe oo lagu qalay dalka Jarmalka Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala dalka Jarmalka, kadib markii laga saaray Isbitaal kale oo ku yaala dalka Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Caasimada Online ayaa heshay xog sheegaysa in Axmed Madoobe uu saddex qalliin oo qabsinka ah uu ku galay Isbitaal weyn oo ku yaalla dalka Jarmalka oo kamid ah wadamada ugu tayada wanaagsan dhanka adeegyada caafimaadka. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegaysa in markii hore la qorsheeyay in lagu qalo Isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, balse dhaqaatiirta ay ku taliyeen in loo qaado Jarmalka. Sida aan xogta ku helnay, dhaawac muddo dheer ka hor soo gaaray soo gaaray iyo xanuuno kale oo dhanka caloosha ah ayaa la sheegay in muddooyinkaan uu aad dareemay madaxweyne Axmed Madoobe. Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan ku jirin marxalad adag, ayna xaaladdiisa aad u wanaagsan tahay kadib markii uu qaliinka maray. Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu fuliyay qaliinno u badnaa dhinaca barida ah oo uu ka qabo dhaawac hore. Qaran News
  6. If the power struggle between the president and prime minister continues, election timelines will be delayed and the country can sink into a civil war, regional experts warn. Source: Hiiraan Online
  7. Boqor Salmanka Sacuudiga oo caalamka u diray Baaq ku saabsan Iran Boqor Salman Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz ayaa Golaha Guud ee QM u sheegay in boqortooyada ay taageereyso dadaalalda looga hortagayo in Iran ay hesho hub Nukliyeer, xilli ay hogaamiyayaasha caalamka isku diyaarinayaan in dib loo billaabo wada-hadallada Tehran dib loogu soo celinayo heshiiska Nukliyeerka ee 2015. “Boqortooyada waxay ku adkeesaneysaa muhiimadda ay leedahay in Bariga Dhexe uu ka madax-banaanaado hubka sida weyn wax u burburiya, sababtan darteed waxaan taageereynaa dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo in Iran ay hesho hub Nukliyeer ah,” ayuu boqor Salman ku yiri khudbad horey loo duubay oo laga baahiyey shirka QM. Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa xifaaltan uu ka dhaxeeyey sanado badan, ayaga oo taageeraya kooxo kala duwan oo isku haya dalal ay ka mid yihiin Yemen, Syria iyo kuwa kale. Waxay xiriirka diblomaasiyadeed kala goosteen 2016, hase yeeshee waxay sanadkan yeelanayeen wada-hadallo la doonayo in lagu yareeyo xiisadda. “Iran waa dal deris ah, waxaana rajeynayaa in wada-hadalladeena billowga ah ay hogaamin doonaan natiijooyin la taaban karo oo kalsooni lagu dhiso, oo ku dhisan xushmeynta qarannimada iyo faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha,” ayuu yiri Boqor Salman. Hadalladiisa ayaa daba socday baaq uu madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ku dalbaday in dib loo billaabo wada-hadallada quwadaha caalamka, kuwaas oo hogaamin doona in laga qaado cunaqabateenada Mareykanka. Talaadadii, wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa shirka QM kula kulmay dhiggiisa Iran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee Mehr. Boqor Salman ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay diidan yihiin hindisooyinka nabadeed ee lagu dhameynayo dagaalka Yemen, islamarkaana Sacuudi Carabiya ay iska difaaci doonto weerarada diyaraadaha drone-ka iyo gantaallada ballistic-ga. Qaran News
  8. Berlin (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala dalka Jarmalka, kadib markii laga saaray Isbitaal kale oo ku yaala dalka Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Caasimada Online ayaa heshay xog sheegaysa in Axmed Madoobe uu saddex qalliin oo qabsinka ah uu ku galay Isbitaal weyn oo ku yaalla dalka Jarmalka oo kamid ah wadamada ugu tayada wanaagsan dhanka adeegyada caafimaadka. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegaysa in markii hore la qorsheeyay in lagu qalo Isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, balse dhaqaatiirta ay ku taliyeen in loo qaado Jarmalka. Sida aan xogta ku helnay, dhaawac muddo dheer ka hor soo gaaray soo gaaray iyo xanuuno kale oo dhanka caloosha ah ayaa la sheegay in muddooyinkaan uu aad dareemay madaxweyne Axmed Madoobe. Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan ku jirin marxalad adag, ayna xaaladdiisa aad u wanaagsan tahay kadib markii uu qaliinka maray. Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu fuliyay qaliinno u badnaa dhinaca barida ah oo uu ka qabo dhaawac hore. The post Xog: Axmed Madoobe oo lagu qalay dalka Jarmalka appeared first on Caasimada Online.
  9. Isbarbardhigga Awoodda Militari ee Soomaaliya, Kenya & Itoobiya Wargeyska Global FirePower, ayaa dhawaan soo bandhigay liiska muujinaya awoodaha milatari ee waddamada caalamka. Warbixintan waxaan ku eegeynaa farqiga awoodaha milatari ee dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Inkastoo arrimo badan lagu eegayo xogta waddamada, Soomaaliya ayaa tirada ciidanka u dhiganta ama wax yar ka hooseysa Kenya. Waxaan isbarbardhig ku sameyneynaa awoodaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee dhinaca milatariga. Kenya Kenya waxay kaalinta 84-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal. Tirada guud ee shacabka Keny waxay ka badan yihiin 48 milyan, Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 19,600,998 ruux, oo u dhigma 40.5%, oo ka mid ah shacabka guud. 12,662,245 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka. Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 848,370. Tirada ciidanka milatariga Kenya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 24,150 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Kenya. Awoodda Ciidanka Cirka – Kenya Isku darka 150 diyaaradood ayey leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Kenya. 17 ka mid ah diyaaradahaas ayaa ah nooca dagaalka. 20 waxay kala gudbiyaan saanadda milatari. 32 waa diyaaradaha tababarka. 2 waxay fuliyaan howlgallada khaaska ah. 79 waa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “Helicopters”. Awoodda Ciidamada Dhulka – Kenya Ciidammada dhulka Kenya waxay leeyihiin: 76 taangi. 479 gawaadhida gaashaaman ah. 30 madaafiicda iskood isu haga ah. 25 madaafiicda la jiido ah. Kenya ma laha qalabka gantaallada lagu rido. Awoodda Ciidamada Badda – Kenya Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Kenya waxaa lagu sheegay 19. 7 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah. Kenya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha. Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Kenya Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Kenya waa $121,000,000 oo doolar. Deynta dibadda waa $27,590,000,000. Muhiimadda Juqraafi ahaan – Kenya Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 580,367 km. Dhulka xeebta ku teedsan waa 536 km. Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 3,457 km. Kenya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo. Soomaaliya Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal. Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 11,258,029. Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,702,167 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud. 1,621,300 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka. Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 121,598 qof. Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 20,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya. Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka. Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona. Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya Soomaaliya waxay leedahay 10 taangi. 100 gawaadhida gaashaaman. Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah. 30 madaafiicda la jiido ah. 10 qalabka lagu rikabo gantaallada. Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3. 11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah. Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha. Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya. Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl. Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay. Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $62,200,000 oo doolar. Deynta dibadda waa $5,300,000,000. Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km. Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km. Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km. Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo. Itoobiya Itoobiya waxay kaalinta 60-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal. Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Itoobiya qiyaas ahaan waa 108,386,391. Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 41,143,474 ruux, oo u dhigma 38.0%, oo ka mid ah shacabka guud. 25,508,954 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka. Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 1,989,698 qof. Tirada ciidanka milatariga Itoobiya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 162,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Itoobiya. Awoodda Ciidanka Cirka – Itoobiya Awoodda ciidanka cirka ee Itoobiya waa 86. Itoobiya waxay leedahay: 24 diyaaradaha dagaalka ah. 9 saanadda kala gudbiya. 20 loogu talagalay tababarka. 33 diyaaradaha qumaatiga u kaca ah. 8 diyaaradaha qumaatiga u kaca ee weerarrada fuliya ah. Itoobiya ma laha diyaarado loogu talagalay howlgallada khaaska ah. Awoodda Ciidamada Dhulka – Itoobiya 400 taangi. 114 gawaadhida gaashaaman. 67 madaafiicda iskood isku haga. 650 madaafiicda la jiido ah. 183 qalabka lagu rido gantaallada ah. Awoodda Ciidamada Badda – Itoobiya Itoobiya ma laha awood dhinaca ciidanka badda ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka. Taasi waxay ka dhigan tahay in Itoobiya aysan lahayn ciidan kuwa badda ah iyo maraakiib toona. Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Itoobiya Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Itoobiya waa $350,000,000 oo doolar. Deynta dibadda waa $26,050,000,000. Muhiimadda Juqraafi ahaan – Itoobiya Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 1,104,300 km. Itoobiya ma laha dhul ku teedsan xeeb. Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 5,925 km. Marin biyoodyada la isticmaali karo waa 104,300 km. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan oo katirsan hay’adaha amaanka iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya in kansashay gaari nuuca aan xabada karin oo hore loo siiyay Janaraal Bashiir Goobe. Gaarigaan waxaa bixisay Villa Somalia sanado ka hor, hase yeeshee todobaadyo ka hor ayaa shirkada gaariga laga iibiyay loo diray warbixin sheegeysa in gaarigaan uu u gacangalay Al-Shabaab, waxaana gaariga loo diiwaan geliyay in uu jiro dhinaca Al-Shabaab. Xogta la helay ayaa tilmaamaysa in shirkada ay awood u leedahay in ay la socoto dhaq dhaqaaqa gaariga, maadaama u uku shaqeeyo system computer, sidoo kale waxaa jirta xog kale oo sheegeysa in shirkada ay awoodo in ay damiso gaariga inkastoo aysan sugneyn xogtaan dambe. Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in sababo amni uu isaga dhigay gaari kadib markii la gudbiyay xogta gaariga, waxaana lagu wareejiyay gaari kale iyo ciidan Milateri ah. Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis ayaa aad u diidan magacaabista Janaraal Bashiir Goobe ee taliyaha nabad sugidda Soomaaliya, waxaana la soo werinayaa in ay saareen culeysyo badan oo dhanka ammaanka ah. Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku cadaadisay Bashiir Goobe inuu diido magacaabista Rooble, uuna beddlkeed qaato lacag, balse waa u uku gacan seeray. The post Xog: Villa Somalia oo xiratay gaari aanay xabaddu karin oo ay siisay Bashiir Goobe appeared first on Caasimada Online.
  11. Xaflad lagu furayey Suuqa Hayat Mall oo ah Suuqa labaad ee Hayat market ayaa lagu qabtey Xarunta Suuqaas oo ku taal isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho.waxaana ka qayb galey Xildhibaano iyo Wasiiro iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Ugu horeyn waxaa Warbixin ku saabsan Suuqaas ka soo jeediyey Gudoomiyaha Hayat Market Mudane Cabdinuur Guutaale wuxuu sheegey in Suuqaan Dhismihiisa iyo qalabeyntiisa uu soo socdey muddo Afar Sanno ah isagoo sheegey XAYAAT MALL uu yahay Suuq Casri ah oo aad ka heleysid wax walba oo aad u baahato ayna ku dhex yalaan Super Market casri ah, Bank yada , Shirkadaha isgaarsiinta dalka, Hospital da iyo Dahablaha. Waxaa Munaasabadaas ka hadley Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo u Mahadceliyey intii ka soo shaqeysey Furitaanka Suuqaas wuxuun ugu duceeyey Ganacsatada leh Suuqaan in Xoolahooda Ilaah u Barakeeyo Waxaa kaloo Xaflada ka qeyb galey qaybaha kala duwan ee ganacsatada soomaaliyeed iyo maalgashiyaal caalami ah waxaana ka hadley Agaasimaha Rugta Ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore oo sheegey Suuqa Xayaat Mall uu Albaabada u Furi doono in Soomaaliya ay la jaan qaado Suuqyada Casriga Adduunka wuxuuna u soo jeediyey in ay ka qayb qaataan Horumarinta Dalka Gudoomiyaha haweenka Qaranka Batuulo Shiikh Axmed Gabbele oo ka hadashey Xafladaas ayaa u Mahdcelisey Ganacsatadii furtey xarunta labaad ee Xayat waxay sheegtey in Furitaanka Suuqaan uu Calaamad u yahay sida Soomaaliya ay marba marka dambeysa ugu Talaabsaneyso Horumar iyo Nabadgelyo Sidoo kale Xildhibaanada kala ah Cabdiraxmaan odowaa iyo Cabdixakiim Macalin waxay qireen Gansatada Shiradda Xayaat ay ku soo shaqeeyeen Xaalad adag iyo dhabar adeyg taasoo u suurtagelisey in maanta gaaraan Horumarkaan Ugu Dambeyn Waxaa Suuqaas Xariga ka jarey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Khaliif Cabdi Cumar mahadcelin ka dib wuxuu sheegey in Dowladda ay soo dhaweyneyso Furitaanka Suuqayada noocaan ah sida Xayaat Mall wuxuuna Balan qaadey in Gancsatada Maalgashata Dalka ay u sameyn doonaan Canshuur Dhimis. The post Sawirro: Xarunta labaad ee suuqa HAYAT MALL oo lagu furay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  12. The United Nations and almost every single foreign government concerned with Ethiopia has called for a ceasefire. But what does this actually mean? What is a ceasefire and how can it be secured? This blog post explores some of the complexities of a ceasefire agreement (CFA). Ceasefire has no specific meaning in law, but has come to mean something more formal than a truce or suspension of hostilities and less permanent or complete than a peace agreement. There has been much attention to this topic by mediators in Nepal, Sri Lanka, Syria, South Sudan, and other conflicts, and the United Nations Mediation Support Unit has internal (as yet unpublished) guidelines. The terminology of ceasefires and related issues can be complicated and there are often ambiguities over what the terms actually mean. Most CFAs choose to define what a ceasefire would mean and/or entail as part of the text of that specific agreement. However a CFA may be defined, its key content among other things is suspending or ceasing hostilities. What follows is a summary of the consensus among mediation specialists. Cessation of Hostilities (CoH), Suspension of Hostilites (SoH) or Truce Cessation of hostilities commonly refers to a limited suspension of military activities, for a specific purpose, in a particular geographical area or a specified short time. One near-equivalent is a suspension of hostilities, which makes it explicit that it is temporary. Another near equivalent is a truce, which requires an agreement, tacit or explicit, for both sides to suspend fighting. The customary signal for a truce is no more than a white flag. A CoH or SoH can be unilateral—one side may declare it even while the other does not reciprocate. The objective for agreeing to (or a unilateral declaration of) the limited and/or temporary CoH/SoH or truce could be humanitarian, religious, political, and military considerations. A humanitarian CoH may be agreed for one or more access corridors, for the purposes of providing humanitarian assistance. A confidence-building CoH may create space for political negotiations. A unilateral CoH and/or SoH could be taken as part of a wider military strategy aimed at buying time for regrouping and reorganizing. Note that belligerent parties under all circumstances must respect international humanitarian law, regardless of whether or not there is a CoH. For example, a starvation siege may be a violation of IHL. However, a CoH may be helpful for meeting technical requirements for humanitarian aid to cross the front lines. A CoH can consist in coordinated reciprocal declarations of CoH by the two parties followed by disengagement of forces. Ceasefire Agreement Ceasefire, and specifically Ceasefire Agreement (CFA) refers to a formal agreement between two or more parties to suspend hostilities for a specified period of time that includes monitoring and/or verification mechanisms. A CFA can be preliminary seeking to freeze a military situation with the objective of creating a space for negotiations. Whereas, in some instances conflicting parties might reach into a political settlement without previously agreeing for a preliminary ceasefire; whilst violence is ongoing and violent actions on the ground continues, the armed conflict may affect the stance and willingness of parties to meaningfully engage in a peace process, thus indicating the need for a preliminary ceasefire. There could be various forms of preliminary ceasefires. Some could be geographical, which means CFA limited to certain geographical locations. Others would be partial while some could also be temporary and time-bound. What is common about such preliminary CFAs is that they are not definitive and never indicate an end to a conflict but rather the beginning to an end of a conflict. A ceasefire could also be definitive (permanent). A definitive CFA is usually the result of a full political agreement once the conflicting parties have reached an accord on all aspects of the negotiations. In many instances definitive ceasefire goes beyond the simple end of the conflict and seeks to address other security related issues including disarmament, demobilization and reintegration (DDR), demining and initial security sector reform (SSR) efforts. A ceasefire is a complex military operation which includes important political elements. A ceasefire can include, inter alia: Disengagement and redeployment/withdrawal of forces to designated areas. This requires precise geographical mapping of lines of disengagement, redeployment positions, demilitarized zones, and (if included) assembly sites and the locations of monitors. It also requires precise timing and sequencing of these activities, usually beginning with CoH and disengagement, followed by deployment to designated areas, and other activities such as assembly and partial disarmament, and introduction of monitoring and verification teams. A list of prohibited and regulated activities. Prohibited activities will include: offensive military action, hostile flights, violence against civilians, laying landmines and other activities that the parties may agree to prohibit. Regulated activities include recruitment and training of forces, acquisition of weapons, maintenance and repair of vehicles and weapons, rotation of troops, etc. Activities such as this are necessary at some level to sustain armed forces, but they can also represent preparation for a new round of combat and therefore need to be specified precisely in order to minimize accusations of ceasefire violations. Prohibited and regulated activities can extend beyond the strictly military sphere to include an end to hostile propaganda and incitement in the media. Specification of the forces to which the ceasefire applies. In a complex conflict there will be the formal military forces of the belligerents, including also police and special forces, plus irregular militia and proxy forces. The more these groups are specified in detail the better it is for the chances of success. The question then arises of how groups that are allied to the principal belligerents should be represented in the ceasefire negotiations and in the implementation mechanisms: the more they are included, the more complex the negotiations, but the less likely it is that they will act as spoilers. The end state of the security forces of all parties. The permanent status of the armed wings of the belligerents, as related to the final political settlement, is negotiated in a definitive ceasefire. For example, the 2005 definitive ceasefire for the end of the Sudan-South Sudan conflict stipulated that both parties to retain their armies up until the fate of South Sudan were determined by a referendum to be held in 2011 and create some joint integrated units for specific tasks including serving as the core of possible future unified national army. A mechanism for monitoring and verification, including reporting violations and acting on reports (typically: ceasefire commission, reporting to a joint commission, chaired by a third party). This can also include a peacekeeping operation (under the UN Charter Chapter VI or VII). A ceasefire of this nature would be negotiated between the belligerent parties and formalized. It will be clear from this (incomplete) list that this negotiation process will not be quick or simple, which is why the option of a CoH or a preliminary CFA may be preferred for immediate results. The Politics of Ceasefire Just as war is a political activity, so too is a ceasefire. A ceasefire will be effective if there is a shared understanding on its military and political purposes. That shared understanding is a precondition for a ceasefire, not the outcome of it. Evidently, a CFA (more so of the preliminary than the definitive one) is not a final peace agreement let alone a definitive political settlement, but it requires a common commitment between the belligerents to proceed in that direction. There are two crucially important political ramifications of the structure of ceasefire negotiations. First, the parties that negotiate the ceasefire commonly determine the political settlement that follows. Once peace talks have started around ending hostilities, the belligerent parties represented at those talks become the principals negotiating the political settlement as well. There’s a path dependency from ceasefire to peace. This usually has the effect of marginalizing or excluding altogether smaller warring parties and non-combatant political groups (e.g. democracy activists, unarmed political parties). In turn this can lead to problems with subsequent democratization, because the political settlement carves out political and material privileges for the belligerent parties, and downplays agendas including accountability and democratization. If the purpose of the ceasefire is to enable political negotiations, it is possible that all the desired political stakeholders also be involved in the ceasefire negotiations. Considering the representative nature and legitimacy of the parties and their interlocutors is an important criterion for a peace agreement to produce peace. This could help ensure that the ceasefire does not become a ‘winners take all’ that freezes the political dispensation. But that would also complicate and prolong those ceasefire negotiations. Second, the structure and agenda of the ceasefire negotiations also determines the permanent security arrangements that follow on. Belligerent parties that are not represented in the negotiations may find themselves restricted to a category of ‘other armed groups’, and required to disband or face the prospect of forcible disarmament operations—i.e. another round of war, just displaced to another location and targeting another group. As mentioned above, a definitive CFA will need to indicate the end state of the security forces of all parties including the structure, size, and doctrine of the national armed forces and other components of the security sector. The agenda of a ceasefire negotiation can be contentious. A government will typically want the ceasefire to include measures for the assembly of insurgent combatants, as the first stage in a process that leads to disarmament and demobilization, with the integration of some insurgent combatants into the national army. The anti-government forces may want to limit the ceasefire agenda to the more immediate issues of ensuring a verified end to hostilities, keeping their armed forces intact until there is a definitive political resolution. If their agenda includes regional autonomy or self-determination, they will not want to disarm, demobilize or integrate. The Need for Clarity in Ethiopia Political settlements can benefit from formalizing ambiguity or indeterminacy. ‘Agreeing to disagree’ can be useful. This is not the case for the measures to suspend or cease hostilities. Ambiguity or vagueness is dangerous, even fatal, to ceasefires. The statement by the Government of Ethiopia on June 28 of a ‘unilateral ceasefire’ was more properly a CoH or SoH aimed at achieving a pause in fighting for the purpose of rearming and regrouping its forces. It would have been advisable for those who welcomed it, such as the UN Secretary General, to have understood its objectives and to have used the more accurate terminology of ‘unilateral suspension of hostilities’ or similar. So too it is important that calls for a ceasefire in Ethiopia, linked implicitly or explicitly to the provision of humanitarian assistance to Tigray, should be worded with care. It should be clear that a ceasefire between the Ethiopian Government and the Tigray Government requires a complicated negotiation and is inherently political. International actors such as the UN should therefore call for the parties to enter good faith negotiations towards a ceasefire. The obligation on the belligerent parties to respect International Humanitarian Law (IHL) is not conditional on a ceasefire or a CoH/SoH. Humanitarian aid should flow no matter what; rape and sexual violence are prohibited under all circumstances; and civilians should be protected regardless of whether there is ongoing war. However, as a practical matter, the humanitarian and human rights agenda will be facilitated by reducing, suspending or ceasing hostilities at certain times, in certain places and in certain ways. For example, a CoH on the land corridor from Semera to Mekelle, which is the main road transport route for aid to Tigray, could be enacted even without a broader ceasefire. While a ceasefire is also desirable, it would be helpful to call for the precise action needed. Source: World Peace Foundation The post Ethiopia: Definition and politics of ceasefire appeared first on Puntland Post.
  13. Wasiirka Wasaaradd Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Farax ayaa ka qaybgalay Kulan ay Martigelisay Shirkadda Favori LLC ee ka shaqaysa Hormarka Garoonka Muqdisho loogana hadlayey Mashruuca dayactirka {Run} wayga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport. Kulan kan oo ay goob-joog ahaayen Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Xasan iyo Mas’uulinyiin kale.Shirkadda Favori LLC oo soo bandhigtay Dayactirka ay ku sameynayso wadada ay Diyaaraduhu ku soo dagaan kana kacaan, waxaana Dayactir ugu dambeysay 1960. kulankan oo lagu falanqeynayey caqabadaha ka dhalan kara Mashruuca dayactirka iyo sida looga yareyn lahaa saameynta Mashruucani ku yeelan karo duulimaadka. Shirkadan Favori ee laga leeyahay Dalka Turkiga oo aan nahay laba Dal oo walaala ah ayaa Dawladda Soomaaliya ka caawisa Mashaariicyo badan oo ay tani ka mid tahay. PUNTLAND POST The post Dayac-tir lagu samaynayo Garoonka diyaaradaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. (ERGO) – Halima Hassan Omar is on the verge of being evicted from her home with her three small daughters after her husband, a fisherman and the family breadwinner, was killed by a crocodile earlier this month in southern Somalia’s river Shabelle. Source: Hiiraan Online
  15. African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the Somali National Army (SNA) have launched a joint operations center in Mogadishu to boost ongoing stabilization efforts in the country. Source: Hiiraan Online
  16. Garowe (HOL) - The Minister of Planning, Investment and Economic Development of the Federal Government of Somalia, Jamal Mohamed Hassan, arrived in Puntland on Thursday for a week-long visit, landing at Garowe International Airport this afternoon. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) - A Somali military court in Mogadishu sentenced two foreigners on Thursday to 15 years in prison for being members of Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabduqaadir Soomow ayaa sheegay in Diinta Islaamka aysan ogoleyn Dadka ayagu xil doonka ah ee aysan wadan bulshada ay matalayaan ama raali ka aheyn, sida uu sheegay. Sheekh Soomow oo si gaar ah uga hadlayey doorashada labada Aqal ee BFS oo dhawaan ka bilaabatay dalka, ayaa sheegay in Qofka xiligaan xildhibaanimo isku soo taaga Gabar ama Nin ha noqdeen Diintu raali kama aha, sida uu sheegay. “Cid soo doonanatay maya, cid lagu dirqinayoo Aqoonteeda/Aqoontiisa fiican tahay aan wasiir ka dhigano Culimada waa ok ayey leedahay, laakiin wiilka/gabadha soo doonta yaan la siin ayaa leenahay,” ayuu yiri. “Gabar ama Igaar kursiga raba in aan arkeyn iga ballan-qaada, Soomow uma diidin ee Diinta ayaa u diiday, haddaa Diin rabto kursiga aad soo doonantay lagu siin maayo ee waa in lagu keeno.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xuquuqda ay Diintu u sinto Haweenka iyo Ragga, wuxuuna sheegay inay rabaa qof wanaagsan oo umadda u naxa, islamarkaana hogaan u noqon kara. “Lama ogola Nin/Gabadh lacag la ordeysa, waxaa rabnaa dad qiyam leh oo umadda u naxaya, Soomow uma diidin ee Diinteena sidaas dhahday.” Si kastaba, Arrinta uu Soomow ka hadlay ayaa inta badan isku khilaafsan-yihiin culimadda, ayada oo ay tahay mas’alo ay culimada si kala duwan u fasiraan. Hoos ka daawo muuqaalka The post Sheekh Soomow oo sheegay arrin aysan diinta ogoleyn oo la xiriira xildhibaanada la dooranayo ee BF (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  19. Somali-born Finnish-based director Khadar Ayderus Ahmed's directorial debut - 'The Gravedigger's Wife' - has been described by critics as a warm and tender romantic drama with a deceptively simple plot. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Koox burcad ah ayaa jabsatay oo la wareegtay website-ka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee moci.gov.so, sida ay ogaatay Caasimada Online. Illaa hadda si rasmi ah looma oga cida ka dambeysa arrintan, balse waxaa gebi ahaanba ka maqan hawada website-ka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxaana kooxda qabsatay ay isku magacaabeen Derakson. Kooxda qabsatay website-ka ayaa ku qoray luuqado isugu jira Tukish iyo English, iyo farriin ah “ma jiro system ammaan ah.” Ma jiraan illaa hadda wax dalabyo ah oo kooxda ay soo jeediyeen oo la xiriira arrintan, ayada oo lagu yaqaan inta badan kooxaha jabsaday website-yada inay dalbadaan lacago. Sanadihii ugu dambeeyey waxaa aad u kordhay kooxaha jabsada website-yada shirkadaha waa weyn ee caalamka, kadibna dalba lacag malaayiin dollar ah oo marar badan la siiyey. The post Koox burcad ah oo jabsatay website-ka mid ka mid ah wasaaradaha DF Somalia appeared first on Caasimada Online.
  21. Kulankii balaadhnaa ee ijtimaaca muslimiinta, ayaa ka furmay deegaanka Burcada yar oo ku taalla duleedka bari ee Magaalada Hargeysa. Boqolaal Muslimiin ah oo ka kala yimid deegaanno kala duwan ayaa kulan ka qayb galay. Daaciga weyn, Shekh Ismaaciil oo galabta wacdi qiimo badan ka jeediyey furitaanka ijtimaaca muslimiinta ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa ” Qof kasta oo muslim ahi waa inuu awoodihiisa gaarka ah ee ilaahay siiyay uga faa’iideeyo sidii dhaqanka iyo diinteena wanaagsan ee islaamku dunida. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka digay shirqool uu sheegay in uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday u maleegayo Ra’iisul Wasaare Rooble. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in la rabo in Ra’iisul Wasaaraha waqtiga iyo dar-darta laga dilo, islamarkaana lagu furo mowjado kale oo dib u dhiga hanaanka geedi socodka doorashada iyo howlaha uu wado. Sidoo kale waxa uu ku eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu yahay shaqsiga bulshada Soomaaliyeed ku abuuray cabsi amni, doonayana in uu qori caaradii ku maamulo dalka. “Waxa uu aaminsan yahay (Farmaajo) waddada keli ah ee siyaasad lagu xaqiijiyo ay tahay qori caaradii iyo bambo gaajada ka furan, oo qofka ay ku qarxayso aan la aqoon. Anaga waxaa rabnaa in aan ka badbaadino oo asaga iyo anaga midna ku qarxin, laakiin asaga dan kama laha middaas,” ayuu yiri. “Ninkaad beri ku baran wayday, bil kuma baratid. Waa iga waaya aragsan yahay qofkii inta sheegay wax gedisan keena. Keliya waxaa la doonayo in RW waqtiga iyo dardarta laga dilo, la daaliyo, dadkiisana la niyad jebiyo, ka dibna la buurto.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hore uga digay Rooble in tanaasul iyo gorgortan uu ka galo caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa wajahaya cadaadisyo hor leh oo uga imaanaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo asagu dhawaan soo saaray wareegto uu ku sheegay inuu ku dhimay awoodihiisi Dastuuriga ah The post Wada-hadallada Farmaajo: Shirqool miyaa loo dhigay Ra’iisul Wasaare ROOBLE? appeared first on Caasimada Online.