Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - Armed robbers shot and killed a young man in the Karan district of Mogadishu on Monday night. Source: Hiiraan Online
  2. Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa gebi ahaanba qaadacay natiijada doorashada magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida. Natiijada oo uu muran badan hareeyay ayaa lagu amray in kadib baaritaanno ay sameeyeen guddiga dib loogu noqdo doorashada Jigjiga. Guddiga ayaa maalmihi la soo dhaafay ka arrinsanayay cadeeymo muujiyana wax isdaba marin iyo musuq oo ay soo gudbiyeen musharixiinta qaar. Goobjoog News Akhriso Warbixin Goobjoog Ay Horay Uga Diyaarisay Gobalada Itoobiya Sida Ay Doorashada Uga Dhacday https://goobjoog.com/akhriso-doorashada-abiy-uu-isla-galay-bilaw-illaa-dhaamad/ Source: goobjoog.com
  3. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal khasaare geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah koonfurta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed. Dagaalka si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolaasi, wuxaana la sheegay inuu salka ku hayo kufsi loo geystay Gabar yar oo xalay gurigeeda lagala baxay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi oo ka dhacay duleedka deegaanka Dhagtuur uu ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayna ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay sheegeen ilo degaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weli xiisad ka dhalatay dagaalka ay ka taagan tahay miyiga deegaanka Dhagtuur oo dhaca koonfurta gobolka Mudug. Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay ku baxeen falkaasi dilka ah, waxaana haatan ay wadaan howl-gal lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey dilkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi sababay dhimashada ee saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee Mudug. Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug ku soo badanayey dagaallada, waxayna salka ku hayaan aano qabiil oo ka taagan gobollada Galgaduud iyo Mudug. The post DAGAAL sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay gobolka MUDUG appeared first on Caasimada Online.
  4. Xilliyada kuleelaha waxa aad u bata isticmaalka Cabitaanada kala duwan, kuwaas oo ay dadku shiitan si ay ugu haraad baxaan. Qaraha waxa uu ka mid yahay cabitaanada fudud ee sida aadka ah loo isticmaalo waqtiyada kuleelada ay jiraan, waana cabitaan muhiim u ah nolosha aadanaha. Maalmihi la soo dhaafay waxaa suuqyada magaalada Muqdisho sare ugu kacay qiimi la iibinayay qaraha taas oo ka dhalatay Isticmaalkiisa oo batay. Qaar ka mid ah ganacsatada iibisa ayaa sheegtay in sare u kaca qaraha ku yimid ay sababeen Isticmaalkiisa oo bata iyo roobabka oo ka curtay gobalada dalka qaar taas oo suura gelin weyday in uu fududaado Isku socodka gadiidka qudaarta keena. Goobjoog oo booqatay suuqyada magaalada Muqdisho ayaa ganacsatada wax ka weydiisay isbadalka ku yimid cabitaanka qara. Mid ka mid ah ganacsatada qaraha iibisa oo goobjoog la hadlay ayaa yiri” Horta qaraha farqi weyna u dhaxeeyo oo qaaliyuu noqday cambaha hadda raqiisay, markaan ka hadlo awal midka ugu yar $2.5 ayuu maraa awalna $1.5 ayuu maraayay, midka weyna hadda $5 ayuu maraa”. Ganacsatada ayaana walaac ka muujisay sara u kaca ku yimid qaraha. Hoos ka daawo Warbixinta Qiimaha Qaraha lagu kala iibsado Magaalada Muqdisho oo kor u kacay.… Source: goobjoog.com
  5. In the early 2000s, refugees fleeing al Qaeda-linked groups and civil war in Somalia began moving to Garden City. Many of them found jobs at a Tyson meatpacking plant on the outskirts of town, which has long served as an anchor for the city’s immigrant community because it provides a reliable paycheck and a chance at the American dream. Stein didn’t see it that way. Source: Hiiraan Online
  6. Senior Carabinieri officers meeting the Somali Police Commander in Mogadishu. Mogadishu (PP News Desk) — The Government of Italy and the Federal Government of Somalia have signed several cooperation agreements. It is a new phase for the friendship of the two countries whose cooperation was badly affected by the state collapse thirty years ago. Italy is a key EU member state. The decision to reintroduce teaching of the Italian language in Somalia, the reintroduction of the Italian language service at Radio Mogadishu, and funding Hobyo jetty reflect a new emphasis on transforming the relationship between Somalia and Italy. The Italian government trained more than 2,800 Somali police officers and granted scholarships for Somali veterinarians to reverse the decline of the veterinary expertise resulting from prolonged civil war and slow post-conflict development strategies. “Similar scholarships granted by the Italian government will benefit graduates from law, agriculture and economics departments of the Somali National University” said Mohamud Ali. Before 1991, Somalia exported hides and banana to Italy, earning the state coffers hard currencies shortly after the former military regime adopted economic liberalisation policies to promote foreign direct investment. Italy has a long record in agricultural extension and veterinary research in Somalia through the Somali National University before 1991. The civil war affected Italy’s investment in Somalia. In what is now Puntland State of Somalia Italy invested in the construction of Garowe -Bosaso Road and Bosaso Port, two timely initiatives that have boosted economic vitality of Bari, Nugal, Mudug, Sool and Sanaag, five one-time under-invested regions of Somalia. “Bosaso Port played an important and unsurpassable role in postwar economic development in those regions. It is a topic development economists could research. It shows than a timely investment in infrastructure pays dividends even in times of state collapse. Italy is a friend indeed” added Ali. © Puntland Post, 2021 The post Italian Investment in Somalia Lauded for Transformative Qualities appeared first on Puntland Post.
  7. Fifty years ago, China restored its lawful seat at the United Nations. The Somalis were as proud and excited as the Chinese, because Somalia was not only one of the 23 countries co-sponsoring the United Nations General Assembly Resolution 2758 supporting China, but also had submitted similar proposals twice to the UN General Assembly before. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Mohamed Abdirizak Mohamud met with Kenya's Ambassador to Somalia Lucas Tumbo in Mogadishu on Monday for the first time since the ICJ rejected Kenya's case in the maritime dispute. Source: Hiiraan Online
  9. If all goes according to the plans he’s had since a child, 24-year-old Tukwila City Council candidate Mohamed Abdi could become the youngest elected Somali official in the state should he win the Tukwila City Council’s Position 5 in the Nov. 2 election. Source: Hiiraan Online
  10. Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay waqooyiga dalka Burkino Faso, halka afar kalena weli aan la heyn halka ay ka baxeen sida ay sheegen warbaahinta dalka galbeedka qaaradda Afrika. Kooxa aan illa iyo hadda la aqoonsan heybtooda ayaa lagu soo waramaya in ay weerarka ku qaadeen suuq ku yaalla magaalada Markoye ee dalka Burkino. Dadka la dilay ayaa xilliga uu falka dhacayay waxa ay saarnaayeen gaari xilli suuqa weyn ee magaalada Markoye ay marayeen. Markoye oo ah magaala dhacda xadka dalalka Mali, Niger iyo Burkino Faso ayaa waxaa inta badan weeraro ka geysta kooxa argagaxisa ah kuwaas oo tira dhowr jeer oo horay ah dilal saf mar ah ka geystay xadka. Weerarka oo dhacay Isniintii gelinkeedi dambe ayaa waxa uu ku soo aday xilli Burkino Faso looga dabaal dagayay maalinta ciidamada dalkaasi oo ay ka soo wareegatay 61-sano. Axaddii todobaadkaan ayeey aheyd markii sidaan oo kale weerar ay magaalada ku soo qaadeen kooxdan aan heyb tooda la aqoon ay dil u geeysteen 4 askari iyo 15 qof oo shacab ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Uncertainty has gripped the coastal fishing communities in Kenya after a ruling by the United Nations International Court of Justice (ICJ) and largely agreed with Somalia’s claim of ownership of a huge chunk of offshore area that served as a key fishing ground for the past 35 years. Source: Hiiraan Online
  12. Guddiga doorashooyinka heer federaal ee 2021 ayaa soo dhaweyay doorashadii golaha shacabka ee Somaliland ee ka qabsoomtay magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu bogaadiyay dadaalka iyo biseylka siyaasadeed ay muujiyeen siyaasiyiinta gobalada Waqooyi oo noqday kuwii ugu horeyay ee bilaabay doorashooyinka golaha shacabka ee baaralamaanka 11-aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddiga ayaa sidoo kale waxa ay maamulada kale ee dalka ugu baaqeen in ay bilaabaan doorashooyinka Golaha shacabka. Hoos ka akhriso qoraalka guddiga doorashooyinka dalka Source: goobjoog.com
  13. Baryahan dambe waxaa aad social media-ha loogu hadal hayay arrimo ku sahabsan suuqa xorta ah ee Somaliland. Waxaa aad isku soo taraayey qaylo dhaan odhanaysa “suuqa xorta ah sidiisa ha loo dhaafo oo dawladda ha ka madax bananaado. Horta bilowga dooddanni waa guul wayn oo waddanka u soo hotay sababta oo ah; waa mabaadiida ugu waawayn ee lagu kala doorto xusbiyada waddamada horumaray gaar ahaan Ingiriiska Iyo Maraykanka. Waa arrin aan odhan karo, waxaa inoo horseedi kartaa in aan helno xisbiyo ku kula duwan mabdi Iyo arragtiyo dhaqaale kana guurno kuwo ku dhisan qabyaalad. Sidda dawladda Iyo suuqa xorta ah ay u wada shaqayn lahayeen waa lagu kala aragti duwan yahay. Kala duwanaashani waxaa uu soo tagnaa dhowrkii qarni ee dambeeyey. Waa mabaadiida ama artigtiyaha dhaqaale ee igu waawayn ee ku kala duwan yihiin xisbi xaakimka waddanka Ingiriiska ( Conservative-ka) Iyo mucaaridka (Labour-ka). Waxaa sidoo kale ku kala duwan xisbi xaakimka waddan Maraykanka (Democratic Party) Iyo mucaaridka ( Republic Party). Waa faraqa u wayn ee u dhaxeeya capitalist society Iyo socialist society. Falaqaynta suuqa xorta waxaa u baahan tahay fahan qoto-dheer oo ku sahabsan meelaha arragtiyahani ka soo jeedaan iyo farqiga u dhaxeeya… kana culus “suuqa xorta ah sidiisa ha loo dhaafo”. Arragtida tibaaxaysa in suuqa xorta ah ayna dawladdu soo faro galin waxaa curiyey aabbihii dhaqaalaha ee waddamada Reer Galbeedka Adam Smith. Arragtidan waxaa udub-dhexaad u ah: The Trickle Down Theory. Nuxurka mabdani waxaa uu daaran yahay; marka inta lacagta lihi ay sii taajiraan ee ay faa’iido badan sameeyaan ayaa bulshada inteeda kale na wax u kordhaan. Waxa arragtidan ku sababeeyaan, marka ganacsatada maal qabeenada ahi ay faa’iido badan sameeyaan ee ay sii taajiraan waxaa ay keentaa in ay maal gashiyo ganacsi sameeyaan taasina ay keento in ay shaqaale cusub qataan, meherado cusub kiraystaan ama ay dhistaan Iyo in ay agabkii shaqada ay gataan. Waxa ay tani keenaysaa in hantidoodii dib waddanka u soo gasho. Tusaale ahaan, marka ay maal gashi sameeyaan ee ay qataan shaqaale cusub, waxaa ay keennaysaa in dhaqaale u kordho qoysaskii Iyo shaqsiyadii la shaqaalaysiiyey, iyaguna ay lacagtii ay heleen ay dib igu isticmaalaan in ay kaga adeegtaan tukaamada taasina ay dhaqaalaha waddanka oo dhan kor u qaado. Sababta oo ah; dukaamada ay ka adeegteen iyaguna shaqaale cusub ayay u bahanayaan marka ay helaan dad badan oo ka adeeganaaya. Marka dhaqaalaha waddanku hoos u dhaco, arragtidan waxay faraysaa in ayna dawladdu soo faro-galin sababta oo ah shirkadahu ganacsigu waxaa ay dib igu noqon donaan qaab-dhimeedka shirkadahooda waxa ayna meesha ka saari doonaan qaybahii aan wax soo saarka badan lahayn. Lacagtii ama kharashkii ku bixi jiray qaybahaa la dhimay waxaa loo leexin doonaa qaybaha wax soo saarka badan leh taasina waxay keeni doontaa in faa’iidada shirkaddu kor u kacdo taasina keento in shaqaale cusub qataan, maal gashina ay sameeyaan. Arragtidan waxa ay ku qotontaa in ganacsatada maal qabeenada ah ay ogyahiin waxaa bulshada u dan ah Iyo siddii dhaqaale looga abuuri lahaa taas oo ka madax banaan dawladda. Waa sababtaad u maqasho Conservative-ka Ingiriiska ama Repblic party-ga Maraykanka oo leh cashuur dhimis ayaan u samaynaynaa ganacsatada. U jeedada u wayn waa siddii tijaarta lacagtooda loo kobcin lahaa si ay bulshada inteeda kale na oga dabo faa’ido. Dhibta u wayn ee laga dheefo arragtida kor ku xusan waxaa weeyi in bulshadu laba dabaq noqoto in aad u bahan Iyo in dharagtay. Fa’iidada igu wayn ee laga dhaxlaana waxaa weeyi in la helo shirkado badan oo xor ah oo tartamaaya oo isku dayaaya in ay macaamiisha ku soo kala jiitaan qiimo jaban Iyo adeeg hufan. Arragtida ka soo horjeeda ta kor ku xusan waxay ay qeexaysaa in wada shaqaynta suuqa xorta ah Iyo dawladdu mihim yahay. Arragtidan dhaqaale waxaa curiyey John Maynard oo u dhashay waddanka Ingiriiska ahaana dhaqalo yahankii waddamada Reer Galbeedka ka saaray dhaqaale burburkii abid u waynaa ee soo maray 1930-kii. Arrigtidan waxaa la yidhaa Keynesian economics. Arragtidan dhaqaale waxay faraysaa dawladda in ay maamusha suuqa xorta ah. Tusaale ahaan, marka dhaqaalaha waddanku hoos u dhaco; waxay dawladda ku wajibinaysaa in ay maal gashi ku samayso adeegyadaa kala duwan ay bulshada u samayso ( dhismayaal wadooyin cusub, in ay amaahiso lacag shirkadaha waawayn siddii ay uga hortagi lahayeen shaqo la’aan baahsan, in ay hal abuuran mashruucyo cusub oo horumarineed). Hadafka igu wayn ee dawladdu waa in ay dhintaa shaqo la’aanta ka dhalata dhaqaalaha oo hoos u dhaca. Af-ka qalaad waxaa lagu yidhaa (expansionary fiscal policy). Dhinaca kale, marka dhaqaalaha waddanku aad u sareeyo taas oo sababi karta sixir barar, dawladdu waxay joojisaa lacagahii ay ku kharash garayn jirtey dhismayaasha wadooyinka Iyo waxii la hal-maala. Waxayna kor u qadaa macaashka la saaro lacagaha daynta ah ( Interest rate ) si ayna igu dhiiran shirkadahu in ay soo daynsadaan lacagyo maal gashi. Waxaa afka qalaad lagu yidhaa contractionary fiscal policy. Waxaa kale oo arragtidani faraysaa dawladda in ay dajiso shuruucdii suuqa xort ahi ku shaqayn lahaa si ay u ilaaliso xuquuqda macamiisha si ayna ganacsatadu si baadil ah lacagtooda u lunsan. In ay sharciyo jiraan ilaalinaaya degaanka Iyo danta shirkadaha yaryar ee waddanka. Arragtidan waxa ay had iyo jeer dhiri galisaa in cashuur badan laga qaado shirkadaha waawayn Iyo maal qabeenada si loo daryeelo bulshada inta baahan. Siddaa awgeed ayaad had iyo jeer u maqashaa Labour-ka dalka Ingiriiska oo leh cashuurta shirkadaha waawayn ayaan kor u qadaynaa si aan horumarino adeegyada ay ku tiirsan yihiin bulshada inteeda jilicdasan. Guntii Iyo gunaanadkii qoraalkan, akhriste ma kula tahay in suuqa Somalilaan xor yahay Iyo in kale ? Ilahaybaa Mahad leh. Maxamed Ismaciil (Baarlo) Source
  14. When Hibaq Mohamed Elmi visits construction sites in the northern Somaliland city of Berbera, she is often mistaken for someone interested in renting or buying the new building. Nobody imagines her to be the architectural engineer on site to oversee the entire construction. Source: Hiiraan Online
  15. (SLT-Addis Ababa)-Ciidammada Tigray-ga Itoobiya ayaa xulufo la sameystay mucaaradka Oromada ee sidoo kale dagaalka kula jira dowladda dhexe, sida uu sheegay afhayeen u hadlay. Afhayeenka Tigray-ga Getachew Reda ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qorshahooda uu yahay inay u dhaqaaqaan dhaanka Addis Ababa si ay u qabsadaan magaalada caasimadda ah, haddii laga fursan waayo. “Waxaan xulufo la sameysanay oo aan xidhiidhnay OLF/OLA, waxaana haddii inaan ku guuleysanao hadafkeena uu qasbayo inaan u dhaqaaqno Addis Ababa, aan sameyn doonaa sidaas. Balse hadda ma odhaneyno waan u jiheysaneynaa,” ayuu yidhi afhayeenka TPLF Getachew Reda. Midowga Tigray-ga ay la sameysteen Oromada oo ah qowmiyadda uga tirada badan Ethiopia, waxaya xoojin doontaa awoodda ay ku halis gelin karaan caasimadda. Ciidammada Tigray ayaa sheegay inay gudaha usii galeen koonfurta gobolka deriska la ah ee Amxaarada, oo ay qabsadeen magaalooyin dhowr ah, inkasta oo dowladda ay beenisay arrintaas. Dhinaca kale, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa walaac ka muujiyey siqitaanka ay sameeyeen Tigray-ga. “Dagaal sii daba-dheeraada wuxuu dheereyn doonaa xasaradda bani’aadaminimo ee waqooyiga Ethiopia. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan howlgallada militari ayna billaabaan wada-hadallo xabad-joojin oo aan lagu xidhin wax shuruud ah,” ayuu yidhi. Ciidammada Tigray-ga ayaa Axaddii ku dhowaaqay inay qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Kombalcha, taasi oo timid maalin kadib markii mucaaradka ay sheegeen inay qabsadeen Dessie. Dagaalka magaalada Kombolcha, oo ku taalla koonfurta Dessie, ayaa abuuray hadal ku saabsan in TPLF ay ku wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Isla maalinkaas, qoraal uu soo dhigay facebook, ayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu shacabka Ethiopia ugu baaqay inay “qaataan nooc kasta oo hub ah oo ay heli karaan, si ay joojiyaan kooxda TPLF.” “Inaan Ethiopia u dhimano waa waajib dhammaanteen na saaran,” ayuu yiri isaga oo ku celinaya hadal ay hore u jeedisay dowladda gobolka Amxara. Maamulka Amxara — oo magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie ay ku yaallaan – ayaa Axaddii soo saaray wareegto lagu amray in dhammaan hay’adaha dowladda ay joojiyaan adeegyada caadiga ah, ayna miisaaniyaddooda iyo dareenkooda u weeciyaan “olole badbaado ah.” Qeybo kale oo ka mid ah gobolka Amxara, mucaarad ka yimid Oromia oo xulufo la ah TPLF ayaa iyagana sheegtay inay qabsadeen dhul ay ka saareen ciidamada dowladda. Xaaladda Ethiopia ayaa u muuqata mid weji cusub yeelatay, waxaana suurta-gal ah in marka la eego dardarta ay ku socdaan TPLF, dib ula wareegaan waddanka oo idil, kadib guul-darrooyinb isdaba joog ah oo gaadhay ciidamada Abiy Ahmed. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay siihayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Marwo Colleen Crenwelge. Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, si la mid ah horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda. Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka oo shalay si rasmi ah u bilaabatay iyo u sii diyaar garowga mida madaxweynaha oo ah tan ugu dambeysa. Mareykanka ayaa boggaadiyey qaabka ay haatan wax u wado xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku dadaalaya doorashooyinka. Sidoo kale waxaa intii uu socday kulanka la iskula eegay xaaladihii ugu dambeeyay ee dunida iyo tan gobolka intaba. Doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyada oo la guda-galay mida Golaha Shacabka oo ka dhaceysa dhowr magaallo oo ku yaalla gudaha dalka. Si kastaba Mareykanka wuxuu ka mid yahay dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna si aad ah ula socdaa xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. The post Muxuu Mareykanka ka yiri doorashooyinka Somalia? appeared first on Caasimada Online.
  17. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Safiirka Turkiga Mehmet Yilmaz. War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada mas’uul kulankooda uga hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada waddan. Kulanka waxa si gaar ah looga hadlay Iskaashiga Dhinacyada dhaqaalaha Ganacsiga, Dhaqanka iyo Dalxiiska. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  18. Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha oo ay qabsadeen xoogagga TPLF ayaa sheegay in dagaalka ay kooxda kula jiraan ay qeyb ka yihiin gacma shisheeye oo garabsiinaya Tigrayga. Abiy oo ka soo muuqday warbaahinta ayaa xilli uu khudbad u jeedinayay mas’uuliyiinta xukuumaddiisa si cad u sheegay in dagaalka uu sii balaaranayo. “Waxaa jiray dad caddaan iyo madow isugu jiray oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy. Xoogagga TPLF ayaa sheegay in dagaalka ay kala barbar dagaalamayaan dhankooda qowmiyadda Oromia oo ka mid ah qowmiyadaha ugu tirada badan dalka Itoobiya dad ahaan. Abiy Ahmed iyo xukuumaddiisa ayaa wajahaya dagaalkii ugu adkaa sanad kadib markii dalka Itoobiya uu dagaal ka bilaabmay. Oromia iyo Tigray ayaa dhankooda sheegay in u jiheeysteen Adis ababa qorsheynayaanna in dalka ay kala wareegaan xukuumadda Abiy. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. “Intiinna is leh mashquul baad tahay, markii aan ugu mashquulka badnaa waxbarashada waan waday, maantana laba Jaamacadood ayaan wadaa.” Waxa qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani “Waxaa farxad weyn ii ahayd inaan maanta ku hadlo afka ardayda Jaamacadda Beder ka qalinjebinaysa. Waxaan mahad ballaadhan u soo jeedinayaa maamulka Jaamacadda iyo Macalimiintii wax na soo baray. Abaal ayaan idiin haynaa dhammaantiin. Fursadaha noloshu mar walba way taagan yihiin, adiga ayaana garanaya ama garanwaayaya, dadka guulaystayna waa kuwa ka faa’iidaystay fursadihii nolosha. Guud ahaa, aqoonta iyo cilmigu waa shayga dadka iyo dunida isdhaafiyay. Jaahilnimo waxba laguma beddelo, Jahligu wax uu xumeeyo mooyaane waxba ma hagaajiyo. Wakhtigii aan Wasiirka ahaa oo aan waxbarasho Online ah waday ayaa dadka qaarkood ila yaabbaneeyeen, hadda qudheedana kuwo kale ayaa I lahaa “Waxbarashada ayaad ku mashquushaye maad Siyaasadda ku mashquushid” Balse labadaba waan isku waday, inaad waxbarato oo aqoon kasbato qudheeda ayaa Siyaasad ah. Ugu dambayn, aad ayaan u bogaadinayaa una hambalyaynayaa Maamulka, Macallimiinta, waalidka iyo Ardayda. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Xisbigayga oo waxbarashada igula dedaalayay wax dhib ahna aanan kala kulmin intii aan wax baranayay. Qaran News
  20. Ra’iisal wasaare Abiy oo shaaciyey Xooggag shisheeye oo ka garab dagaallamaya Falaagada Tigrayga Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dagaalyahanno shisheeye ay ka qeyb qaateen weerarrada ay xooggaga Tigray maalmihii la soo dhaafay ku qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobolka Amxaarada. Khudbad uu u jeediyay madax sare oo ka tirsan xukuumaddiisa isla markaana laga sii daayay telefishinka, ayaa Abiy oo u muuqday inuu ka hadlayay qabsashada xooggaga Tigray ee magaalooyinka muhiimka ah ee Dessie iyo Kombolcha waxa uu yareystay guulaha ay gaareen xoogaggaas. “Waxaa jiray dad caddaan iyo madow isugu jiray oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy oo aan faahfaahin dheeraad ah iyo caddeyn toona soo bandhigin. Xooggaga Tigray ayaa sheegay inay deegaanno badan ka qabsadeen ciidanka federaalka Itoobiya, isla markaana ay duulaanka si wada jir ah u fulinayaan jabhadda Oromo Liberation Army. Ra’iisal wasaare Abiy ayaa tilmaamay inay wax ka khaldami karaan xeeladda dagaal, balse ugu dambeyn uu dalkiisa guulaysan doono, taasoo loo fasiray inuu dagaalka sii wadi doono. “Tan iyo markii aan ka soo baxnay gobolka Tigray afar bilood ka hor, dagaallada aan galnay waxa ay gaarayaan boqolaal,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Waxa uu dhaliilay qaabka loo maareeyay askarta soo ajiibtay baaqiisii ahaa in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah xooggaga Tigray. Dhanka kale, waxa uu sheegay in hogaanka TPLF uu doonayo inuu xukunka Itoobiya si xoog ah kula wareego, isla markaana uu dadkiisa ka dhigo kuwa ka sarreeya qowmiyadaha kale ee Itoobiya. Waxa uu ku eedeeyay xooggaga Tigray in dhalinyaro ka badan 100 ay ku xasuuqeen magaalada Kombolcha, eedeyntaas oo uu beeniyay Getachew Reda oo ah afhayeenka xooggaga Tigray, kana tirsan saraakiishooda sar sare. Colaadda ka socota Waqooyiga Itoobiya ayaa billaabantay 4-tii Nofembar 2020, kadib markii uu Abiy Axmed amray ciidamada federaalka inay duullaan ku qaadaan ururka TPLF oo xoog ku qabsaday taliska waqooyi. Muddo kooban kadibna, caasimadda Tigray ee Mekelle ayaa gacanta u gashay ciidanka Itoobiya, balse bartamihii June ee sanadkan ayaa waxaa ku soo rogaal celiyay oo qabsaday xooggaga Tigray. Dagaalka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, waxaana beesha caalamka ay ka digtay in malaayiin qof ay gaajo la ildarin yihiin gudaha Itoobiya. Qaran News
  21. Yaab:Nin leh Gurigiisii oo idil loo iibiyey,loona sharciyeystay isgaan ogeyn! Booliska ayaa markii hore u sheegay Mike Hall in arrintan aysan ahayn khiyaano balse waxay hadda wadaan baaritaan Nin ayaa BBC-da uga warramay sida uu u argagaxay kaddib markii uu yimid gurigiisa oo laga qaatay wax walba oo yaallay kaddib markii la iibiyay isagoo aan ka warqabin. Dad dariskiisa ah ayaa soo wargaliyay Mike Hall islamarkiina wuxuu soo qaatay gaari si uu u eego gurigiisa ku yaalla magaalada Luton ee dalka Ingiriisa, laakiin waxa uu u yimid meeshii oo ay howl ka wadaan shaqaalaha dhismaha guryaha. Intaas waxaaba sii dheereyd inuu ugu yimid qof milkiile ah oo gurigiisii si sharciyeysan u leh, kaasoo sheegay inuu iibsaday. Baaritaan ay arrintan ku sameysay BBC-da ayaa lagu ogaaday in Mike Hall la xaday aqoonsigiisa shakhsiyeed si loogu isticmaalo iibinta gurigiisa. Ciidanka Booliska ayaa markii hore u sheegay Mike Hall in arrintan aysan ahayn khiyaano balse waxay hadda wadaan baaritaan ku aaddan sida ay wax u dhaceen. Mr Hall, oo ka maqnaa gurigiisa, maadaama uu ka shaqeynayay waqooyiga Wales, ayaa sheegay in 20-kii bishii August ay soo waceen dad dariskiisa ah, iyagoo u sheegaya in qof uu joogay gurigiisa, dhammaan nalalkana ay u shidnaayeen. Subaxdii xigtayba gaari ayuu soo qaatay, meeshii ayuuna yimid. “Waxaan tagay albaabka hore, waxaan ku eegay furaheyga laakiin kuma uusan shaqeynin, nin ayaa iga furay albaabkii hore,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay barnaamij ka baxa BBC Radio 4. “Dhinac ayaan isaga riixay, gudaha ayaana sii galay. Runtii ma aanan garaneynin sababta uu halkaas u joogay. “Waxaan aad uga argagaxay markii aan arkay gurigii oo alaabti dhan laga qaaday, sida alaabtii fadhiga iyo jiifka, rooggii, daahyadii iyo wax walba.” Laanta diiwaangelinta dhulalka waxa ay sanadkii lasoo dhaafay bixisay lacag magdhow ah oo dhan £3.5m taasoo lagu xalliyay kiisas wax isdaba marin ah Ninka ayaa sheegay inuu shaqo dhisme ah ka waday guriga, balse Mr Hall ayaa ugu jawaabay: “Ma aanan iibinin guriga. Kani wali waa hantideyda.” Mr Hall waxa uu islamarkiiba wacay booliska, balse ninkii dhismaha sameynayay wuu baxay waxa uuna la yimid milkiilaha aabihiis, oo markii uu yimid sheegay inuu guriga iibsaday bishii July, isagoo intaasna ku daray: “Hadda waa hantideyda. Si xadgudub ah ayaad ku joogtaa gurigeyga, u bax bannaanka.” ‘Arrin shacab’ Mr Hall ayaa yiri: “Kaddib waxaan isku daynay inaan online-ka ka fiirinno warqadaha diiwaangalinta dhulka si aan u fiirinno magacyada ku qoran… kaddibna waxaan aragnay in laga soo billaabo 4-tii bishii August uu ku qoran yahay magaca ninkan. “Habeenkaasna boolisku waxa ay sheegeen in aysan wax dheeri ah ka qaban karin arrinta. Waxay dhaheen, ‘arrintan waa arrin shacab’ waa inaad ka tagto guriga oo aad la xiriirto qareennadaada kuu qaabilsan dhinaca sharciga.'” Markaas kaddib waxa uu isku dayay inuu booliska kula xiriiro qaab online ah balse isla jawaabtii mid la mid ah ayaa la siiyay. “Waan naxay – markii aan arkay meesha aan guriga ka taaganahay, waan argagaxay – waxaaba taas iiga yaab badneyd oo aan rumeysan waayay in boolisku ay aamini waayeen in meesha uu ka dhacay dambi,” ayuu yiri. BBC-da ayaa Mr Hall arrintiisa ku wareejisay laanta booliska u qaabilsan dambiyada la xiriira wax isdaba marinta, taasoo hadda billowday baaritaanno. Haweeney afhayeen ah ayaa sheegtay in ilaa hadda aan cidna loo soo xirirn kiiskan. BBC-da ayaa aragtay dhammaan dukumiintiyada loo adeegsaday falka lagula wareegay hantida Mr Hall. ‘Waan wada shaqeyn doonnaa’ Markii uu qofka sida xatooyada ah ula wareegay magaca Mr Hall guriga uga iibiyay dadkan oo uu ka qaatay lacag dhan £131,000, iyaga ayaa si sharci ah u yeeshay. Qareennadii ku lugta lahaa kala iibinta guriga ayaa sheegay in booliska ay kiiskan gacanta ku hayaan, haddana aysan ka hadli karin. “Waan sii wadi doonnaa inaan la shaqeyno booliska, aana gudanno waajibaadkeenna shaqo,” ayay tiri shirkadda qareennada, taasoo BBC-da ay go’aansatay in aysan magaceeda shaacinin. Laanta diiwaangelinta dhulalka ee dowladda ayaa sanadkii lasoo dhaafay bixisay lacag magdhow ah oo gaareysay £3.5m oo la siiyay dad si khiyaano ah looga dhacay hantidooda. Qaran News
  22. Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray-ga Ethiopia ayaa xulufo la sameystay mucaaradka Oromada ee sidoo kale dagaalka kula jira dowladda dhexe, sida uu sheegay afhayeen u hadlay. Afhayeenka Tigray-ga Getachew Reda ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qorshahooda uu yahay inay u dhaqaaqaan dhaanka Addis Ababa si ay u qabsadaan magaalada caasimadda ah, haddii laga fursan waayo. “Waxaan xulufo la sameysanay oo aan xiriirnay OLF/OLA, waxaana haddii inaan ku guuleysanao hadafkeena uu qasbayo inaan u dhaqaaqno Addis Ababa, aan sameyn doonaa sidaas. Balse hadda ma oraneyno waan u jiheysaneynaa,” ayuu yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda. Midowga Tigray-ga ay la sameysteen Oromada oo ah qowmiyadda uga tirada badan Ethiopia, waxaya xoojin doontaa awoodda ay ku halis gelin karaan caasimadda. Ciidamada Tigray ayaa sheegay inay gudaha usii galeen koonfurta gobolka deriska la ah ee Amxaarada, oo ay qabsadeen magaalooyin dhowr ah, inkasta oo dowladda ay beenisay arrintaas. Dhinaca kale, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa walaac ka muujiyey siqitaanka ay sameeyeen Tigray-ga. “Dagaal sii daba-dheeraada wuxuu dheereyn doonaa xasaradda bani’aadaminimo ee waqooyiga Ethiopia. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan howlgallada militari ayna billaabaan wada-hadallo xabad-joojin oo aan lagu xerin wax shuruud ah,” ayuu yiri. Ciidamada Tigray-ga ayaa Axaddii ku dhowaaqay inay qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Kombalcha, taasi oo timid maalin kadib markii mucaaradka ay sheegeen inay qabsadeen Dessie. Dagaalka magaalada Kombolcha, oo ku taalla koonfurta Dessie, ayaa abuuray hadal ku saabsan in TPLF ay ku wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Isla maalinkaas, qoraal uu soo dhigay facebook, ayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu shacabka Ethiopia ugu baaqay inay “qaataan nooc kasta oo hub ah oo ay heli karaan, si ay joojiyaan kooxda TPLF.” “Inaan Ethiopia u dhimano waa waajib dhammaanteen na saaran,” ayuu yiri isaga oo ku celinaya hadal ay horey u jeedisay dowladda gobolka Amxara. Maamulka Amxara — oo magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie ay ku yaallaan – ayaa Axaddii soo saaray wareegto lagu amray in dhammaan hay’adaha dowladda ay joojiyaan adeegyada caadiga ah, ayna miisaaniyaddooda iyo dareenkooda u weeciyaan “olole badbaado ah.” Qeybo kale oo ka mid ah gobolka Amxara, mucaarad ka yimid Oromia oo xulufo la ah TPLF ayaa iyagana sheegtay inay qabsadeen dhul ay ka saareen ciidamada dowladda. Xaaladda Ethiopia ayaa u muuqata mid weji cusub yeelatay, waxaana suurta-gal ah in marka la eego dardarta ay ku socdaan TPLF, dib ula wareegaan waddanka oo idil, kadib guul-darrooyinb isdaba joog ah oo gaaray ciidamada Abiy Ahmed. The post Mucaaradka Tigray oo xulufo la sameystay Oromada kuna dhowaaqay qorshe xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  23. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland, isagoo soo magacaabay Taliye cusub, kadib markii loo baahday dar-dar gelin dhanka howlaha ammaanka ah, sida lagu shaaciyey dikreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni. S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland, waxuuna Saciid Deni tallaabadaan kala tashaday ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, sida ku cad dikreetada uu ku soo saaray magacaabidda. Taliyaha la bedelay oo lagu magacabo Cabdi Xasan Xusen (Cabdi Yare) ayaa sidoo kale ahaa guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka heer federaalka ee deegaanada Puntland, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu dhowr safar Muqdisho ku tegay, taas oo dhalisay tuhun ah in Deni ka shakiyey taliyihiisa booliska, sidaas-na uu u bedelay. Sareeyo Guuto Cabdi Xasan Xusen (Cabdi Yare) ayaa shalay magaalada Garowe kula kulmay guddoomiyaha guddiga dorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro oo ay wehliyeen xubno ka tirsan guddiga doorashoyinka heer federaal iyo heer dowlad gobaleed ee Puntland, waxaana saacado kadib kulankaas soo baxday xilka qaadistiisa. Doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan xildhibaanada golaha shacabka ayaa haatan bilaabatay, waxaana shalay Muqdisho lagu doortay labadii kursi ee u horeysay, waxaana jirta cabsi la xariirta in doorashada golaha shacabka loo maamulo sida tii Aqalka Sare oo kale, taas oo aad loogu dhaliilay madaxda maamul goboleedyada markii laga reebo HirShabeelle, hanaankii ay u maamuleen. The post Maxay tahay sababta uu madaxweyne Saciid Deni u eryey taliyihiisii booliska? appeared first on Caasimada Online.
  24. Madaxweyne Deni (bidix) wuxuu si lama-filaan ah xilka uga qaaday Sarreeye Guuto Cabdi Xasan, taliyihii Ciidanka Boolkiska ee Puntland. Faallo (PP) — Go’aanka xilka uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni kaga qaaday taliyihii Ciidanka Booliska ee Puntland Sarreeye Guuto Cabdi Xasan waa mid ku soo beegantay xilli taliyuhu ku jiray hawlo la xiriira u diyaargarowga doorashooyinka. Sarreeye Guuto Cabdi Xasan wuxuu ka mid yahay guddiga heer qaran ee u xilsaaran amniga doorashooyinka. Wuxuu la booqday guddoomiyaha guddiga doorashooyika heer federal Mudane Cirro goobaha Puntland u astaysay in ay ka dhacaan doorashooyinka Aqalka Hoose. Waqtiga lagu jiro awgeed looma baahnayn in Sarreeye Guuto Cabdi Xasan xilka laga qaado. Mid fudud ma aha in taliye cusubi la qabsado kaalin ku yeelashada la shaqaynta guddiga u xilsaaran nabadgelyada doorashooyinka. Waxaa xusid mudan in Booliska Puntland uu dhexdhexaad ka ahaa qabsoomidda doorashooyinkii tijaabada ahaa, waa mid muujinaysa sida Ciidanka Boolisku isaga dhowray inuu noqdo midiidin siyaasadeed xilli Puntland tijaabinaysay geeddi-socod dimuqraadiyadeed oo soo raagay. Ma jirin wax ismaandhaaf oo dhexmaray dowladda Puntland iyo taliyaha xilka laga qaaday. Sidoo kale ma jirin eedeyn loo soo jeediyay hoggaamintiisa. Waxa kaliya oo hadda la isweyddiinayaa waa in Madaxweyne Deni go’aankiisu saameyn doono habsami u socodkii qorshayaasha amniga doorashada Aqalka Hoose. © Puntland Post, 2021 The post Xil ka Qaadis Su’aalo Badan Dhalisay appeared first on Puntland Post.