-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee magaalada muqdisho maalinti seddaxaad uga socda madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa maanta markale shirka ku biiray xubna ka socda bulshada rayidka iyo Haweenka .
” Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. -
Guddoomiyihii hore ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni iyo saaxiibadiis curyaaminta barnaamijka dimuqraadiyadda Puntland.
Guuleed Saalax Barre oo maanta wareejiyay xilkii guddoomiyenimo ee Guddiga ayaa sheegay in ay Madaxweyne Deni isku fahmiyaayeen dhismaha goleyaashii deegaanka ee la doortay bishii October sanadkii hore (Qardho, Eyl iyo Ufeyn), tayeynta hay’adda caddaaladda iyo miisaaniyadda dowladda ee guddiga loogu talagalay.
Guuleed Saalax wuxuu tilmaamay in madaxweynaha Puntland uusan ku qanacsanayn dhexdhexaadnimada guddoonka guddiga doorashooyinka, iyaguna ku qanciwaayeen caqabado isa soo taraya oo waxba laga qabanwaayay.
Sidoo kale Guuleed ayaa sheegay in ay jiraan kooxo abaabulan oo qaarkood wasiiro yihiin oo barnaamijka dimuqraadiyadda Puntlnad la dirirayay tan markii ay shaqada bilaabeen guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.
Hoos ka daawo Guuleed oo ka hadlaya arrimahaas.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Deni iyo saaxiibadiis oo lagu eedeeyay curyaaminta dimuqraadiyadda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta looga yeedhay xarunta baadhista dambiyadda ee C.I.D-da ayaa ka warramay arrimaha loogu yeedhay iyo nuxurka su’aalo la waydiiyay.
Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warbaahinta la hadlayaa yidhi “Salaan ka dib waxa aad la socoteen maanta in la iiga yeedhay xarunta baadhista dambiyadda ee C.I.D-da, waxa ay ahayd runtii dhacdo cusub in guddoomiye xisbi looga yeedho xarunta dambi-baadhista laakiin se annaga oo sharciga dhawrayna oo ilaalinayna ayaanu tagnay aniga iyo Murrashaxa Madaxweynaha waxa aanu tagnay xarunta C.I.D-da waxa aanu halkaa kula kulanay saraakiishii oo uu ugu sarreeyo taliyaha C.I.D-da waxa ayna I waydiiyeen su’aalo aan u arkayay in aan xaq la iigu lahayn oo ay sharci-darro tahay, waxa ka mid ahaa su’aalaha la i waydiiyay hadalkii ugu dambeeyay ee aan saxaafadda ka hadlay, waxa ay muuqataa ha hadlina, maxaad u hadasheen, waxaanu se leenahay xisbiyaduna waa dimuqraadi, dastuurka ayaa damaanad qaaday haddii uu xisbi yahay iyo haddii uu muwaadiniinta yahayba xarriyatul qawlka, annaguna xisbi ahaan liisan ayaan u sidanaa in aanu hadalno, su’aalaha ay i waydiiyeen waxa ka mid ahaa maxaad u sheegtay in aan madaxweynuhu in aanu shuruudihii dastuurka ku qornaa qaar ka mid ah inay calaamatu su’aal saaran tahay waanan u sheegay in aan aaminsanahay in aan haysto oo caddaynayo iminkana waan u sheegayaa, arrinta noocaas ahi waxa ay muujinaysay caga-juglayn iyo in xisbiyadda loo muujiyo xorriyadii ay u lahaayeen inay kaga hadlaan waxa khaldan in culays la saaro, waxaana arrintaa diiday xeerarka dalka iyo dastuurka, xeerka xisbiyadda iyo ururradu waxa uu tilmaamayaa in aan la cabudhin karin xisbiyadda iyada oo uu guud ahaan marka horeba dastuurku dammaanad qaaday, su’aalaha ay i waydiiyeen waxa ka mid ahaa oo layaan leh waxaad tidhi sharci-darro ha yeelina maxaad u tidhi, dee iminka ayaaban ku leeyahay dastuurka ayaaba sharci-darro diiday wixii sharciga ka hor-yimaadaa waa waxba kama jiraan waa sharci-darro, idinku ma waxa aad dhiiri-gelinaysaan in sharci-darro la aqbalo, iminka ayaanu ku celinaynaa muwaadiniinta Somaliland waxa ay u hoggaansamayaan sharciga, dastuurku waxa uu yidhi sharciga iyo shareecada islaamka ha loo hoggaansamo laakiinse in sharci-darro la yidhaa aqbala waa kow oo la yidhaa maxaad u tidhaahdeen sharci-darro ha aqbalina, su’aalo noocaas ah oo marka dhammaantood la iska soo wada duubo u muuqanayay in culays lagu saarayo xisbiyadda in aanay ka hadal xukuumadda dalbaha ay leedhahay iyo khaladaadka ay galayso iyo dalka sida ay u galisay majiiraha khaldan ee haddii ay sharci tahay ku tumatay haddii ay tahay siyaasad la hadhay haddii ay tahay horumar la hagaastay ayaa la diidayaa oo la leeyahay ha sheegina waar waanu sheegaynaa, ku cabiitami mayno ma aqbalayno ha hadlina xaq ayaan u leenahay nina naguma khasbi karo, muwaadiniintuna waa u xor, maanta ayaanu hadlaynaa barri ayaan hadlaynaa, waxaanu ka hadlaynaa wixii sharcigu awood noo siiyay, waxa muuqata oo aan mar labaadna ku celinayaa in Madaxweynuhu uu ciidammada u adeegsanayo hab siyaasadeed oo uu odhanaya kii ila hadla u yeedha soo xidha su’aalo waydiiya su’aalaha ka baqan mayno xaashaa su’aal kasta waa lana waydiin karaa ciidammada ammaanka iyo hay’addaha ammaanka waanu u hoggaansamaynaa adig maalinta laguu yeedho ha u hoggaansami waayin, waxaan xasuustaa shalayto oo aan Muuse Biixi gurigiisa ugu imid iyada oo ciidammada ammaanku u yeedheen Muuse oo uu 20 inan oo qoryo sida uu u yeedhay oo ay gaadh ka hayaan annagu tii yeeli mayno annagu sharciga ayaanu ilaalinaynaa wax sharci-darro ahna ka yeeli mayno Madaxweynaha iyo cid kale toona, iminka ayaan ku celinayaa sharci-darro cidna ha ka yeelina bulshada reer Somaliland oo dhan ayaan u sheegayaa waxaan leeyahay sharci-darro cidna ha ka yeelinaya waxa muuqata inay dhibayso xeerarka iyo shuruucda la leeyahay dabaqa oo ay doonayaan inay siday doonayaan u socdaan, waxaanu leenahay waar Muusow boqortooyo laguma dooran ee haddii aad mooday in boqortooyo laguu doortay dalkani waa dal dimuqraadi ah innagu boqortooyo maynaan arag dalalka boqortooyinku haystaa ayaa la odhan jirin ha ka hadlina malaha Muuse boqortooyo ayuu mooday, boqortooyo maaha dalka Somaliland waa dal xor ah oo dastuurka Somaliland ayaa damaanad qaaday adigana maalmo ayaa ku hadhay, adiga ayaana doortay maalmihii ku hadhay in buuq galiso annaguna buuqa ayaanu ku caawinaynaa”
Halkan hoose ka daawo
-
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray xarunta taliska guud ee sirdoonka qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha iyo saraakiisha kala duwan ee sirdoonka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa halkaas warbixin ku siiyey taliyaha ciidanka sirdoonka qaranka, Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale), ayaa madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinka kala duwan ee ay ciidanku qaranka u hayaan iyo horumarka ay sameeyeen, waxana uu caddeeyey inuu gacanta ku hayo ciidan aqoon ahaan dhisan, qarankana u haya shaqo muhiim ah.
Madaxweynaha oo kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay, ayaa taliyayaasha kala duwan, saraakiisha iyo ciidankaba ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxana uu kula dardaarmay inay sii laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helay Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaliyeed (Somali Civil Aviation Authority) ayaa sheegaya in maamulka hay’adda ay isku dayayaan sare uqaadida adeegga hawada sare (Airspace Upgrade From Class G to A).
Isku dayga sare uqaadida adeegga hawada sare ayaa ku soo aaday, iyadoo ay hay’addaha caalamiga eh ee International Civil Aviation Authority (ICAO) iyo International Air Transport Association (IATA) ay ka muujiyeen walaac dhanka badqabka duulimaadka hawada sare (Safety Concerns), taasoo ka dhalatey digniin ah in gabi ahaanba la faray hay’adda duulimaadka rayidka ah ee Soomaaliyeed iney sida ugu dhaqsiyaha badan ku joojiyaan ayna qaataan tallooyinka loo soo jeedinayo, maadaama ay arrintani tahay caqabad dhanka duulimaadka hawada sare ku ah.
Warbixin dheer oo ay soo saartey ICAO oo ah hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha duulimaadka caalamiga 16-kii bishii December 2021 ayay ku boorisey madaxda maamulka sare ee Somali Civil Aviation Authority in isku dayga sare u qaadida ay ka dhalan doonto walaac weyn oo dhanka badqabka ah, taasoo ah in gabi ahaanba la xiri doono maritaanka hawada sare ee Soomaaliya.
Warbixintaas dheer kadib, hay’adda IATA ayaa 23 December 2021 sidoo kale u sheegtey Hay’adda Duulista Soomaaliya inay dib udhigaan qorshahan isla markaana ay gabi ahaanba ka saaraan documents ka qaldan ee lagu faafiyey (NOTAM A0123/21).
Waxaa hore u jirey qorshe sanadkii 2017 shir ka dhacay magaalada Mumbai ee dalka India lagu qorsheeyay in hawada sare ee Soomaaliya lagu wareejiyo dawlado kale ama shirkado gaar ah, hase yeeshee ay fashilmeen.
Arrintan ayaa keeneysa in qorshihi hore ee fashilmey dib loo soo cusbooneysiiyo, iyadoo lagu sababeynayo sare u qaadida adeegga hawada sare, isla markaana ay ka dhalan doonto in ICAO dib ula wareegto maamulka hawada Soomaaliya , taasoo hore looga soo celiyey 28 December 2017.
6 January 2022 oo ku beegan maalinta berri ayaa la filayaa in uu dhaco Shir aalada foggaan araga ah oo ay soo qaban qaabisey hay’addaha duulimaadka caalamiga ee u qaabilsan Qaramada Midoobey oo loo soo gaabiyo ICAO iyo IATA taasoo lagu martiqaadey ICAO Regional Offices, ICAO headquarter (Montreal, Canada), Air Navigation Bureau, iyo Airlines-ka. Waxay shirkan la yeelanayaan Maamulka sare ee Somali Civil Aviation Authority (SCAA) si ay ugu sharaxaan sababaha dhaliyey iney hay’adda, iyadoo aysan u diyaarsaneyn ay dedejiyaan qorshahan (airspace upgrade ka).
Waxaa la filayaa 6 January 2022 wixii ka dambeeya in ICAO ay go’aan ka qaadan doonto gabi ahaanba maamulka hawada Soomaaliya.
W/Q: Cabdicasiis Golf
The post DF oo halis ugu jirta in lagala wareego maamulka hawada dalka kadib tallaabo ay qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Halkan ka daawo Muqaalka Warka:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray xarunta taliska guud ee sirdoonka qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha iyo saraakiisha kala duwan ee sirdoonka.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa halkaas warbixin ku siiyey taliyaha ciidanka sirdoonka qaranka, Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale), ayaa madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinka kala duwan ee ay ciidanku qaranka u hayaan iyo horumarka ay sameeyeen, waxana uu caddeeyey inuu gacanta ku hayo ciidan aqoon ahaan dhisan, qarankana u haya shaqo muhiim ah.Madaxweynaha oo kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay, ayaa taliyayaasha kala duwan, saraakiisha iyo ciidankaba ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxana uu kula dardaarmay inay sii laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan. -
Muqdisho ( Caasimada Onine) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu si joogto ah u qeybinayaa darajooyinka ugu sareeya Dalka. Saraakiisha waxay sheegayaan inuu yahay hoggaamiyihii ugu badnaa ee bixiya darajooyinka sare ee ciidanka, iyadoo si weyn loo bootinayo Askar dhawaan gal ah, balse u dhago fudud amarada madaxda.
Habka loo xulanayo saraakiisha dalaceysa ayaa sidoo kale si weyn loogu dhaliilay nidaamka Farmaajo. Madaxweynaha waxaa lagu eedeeyey inuu dalacsiinta u fiiriyo dantiisa gaarka ah, balse uusan qiimeyn shaqada uu sarkaalkaas u hayo dalka.
“Wuxuu noqday madaxweynihii ugu badnaa ee darajada Gaashaanle Sare gaarsiiya saraakiil aan waligood hal kaarto oo dagaal aan curin, furin dagaal tagin, aragti Amni curin, oo ciidanka aan muddo badan ku jirin,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ka gadoodsan sida nidaamka Farmaajo ugu xad gudbayo darajooyinka ciidanka Soomaaliya.
Haddaba arrinta miiska saaran waxay tahay, maxaa ka dhallan kara tallaabooyinka madaxweynaha ee dhinaca dalacsiinta aan la waafajineyn nidaamka iyo sharciyada ciidanka?
Saraakiisha aan la hadalnay waxay qabaan seddex arrimod oo waaweyn:
1 – Qiimo dhac darajo
Xubnaha aan la hadalnay waxay leeyihiin, marka aad ogtahay sida been ah ee sarkaalkaan darajada ku qaatay, waxaa kugu adkaaneysa inaad adeecdo oo aad amarkiisa qaadato, waxaa kaloo imaan doonta in aysan askarta juhdi badan ku bixin inay darajo sare helaan, maadaama ay darajada noqotay wax dhib la’aan la iska helo.
Halkaas darajada waa ku qiima beeshay ayey leeyihiin saraakiishu .
2- Niyad jab
Askar badan waxay xoogga saari jireen inay horumar ka gaaraan shaqada ciidanka, waxay soo bandhigi jireen dadaal dheeri ah, hal abuur amni iyo daacadnimo shaqo si ay u dalacaan, laakiin hadda waxay u jeedaan inay darajada sare ku xiran tahay inay madaxda sare raali geliyaan.
Taasi waxay keeneysaa inay askarta ka niyad jabaan dadaalkii shaqada, maadaama aan sidaas lagu siineyn dalacaad.
Waxayna sidoo kale tani saameyn xoog leh ku yeelatay, shaqada amniga Qaranka.
3 – Ku laabasho
Sida madaxweyne Farmaajo u karaamo tiray darajooyinka ciidanka, waxay keeneysaa ayey leeyihiin saraakiishu in laga fakaro xeer sheegaya sida lagu dalici karo ama ay ku imaan karto dalacaadu.
Sidoo kale waxaa qasab noqon doonta in dhammaan dib loogu laabto oo loo qiimeeyo darajooyinkii la bixiyey intii uu Farmaajo joogay xafiiska, maadaama aan lagu saleyn shaqo amni, aqoon ciidanimo ama danta amniga qaranka.
Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii uu ka dhammaaday muddo xileedkiisa sharciga ah 8-dii February ee sanadkii lasoo dhaafay, wuxuu dalacsiiyey saraakiil tiro badan, kuwana wuxuu ka qaaday darajooyinkii ciidanimada markii ay danihiisa gaarka ah ka hor yimaadeen.
The post Qorshaha laga leeyahay dalacsiinta uu wado Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
-
Africa’s heritage is humanity’s – and it’s been overlooked for too long
The Laas Geel rock art site, outside Hargeisa, Somaliland. Photograph: Tony Karumba/AFP/Getty ImagesIn my first class on an archaeology course at Lund University in Sweden, I stood out more than usual. It was not just that it was full of blond and blue-eyed students, more than in any other class I had ever attended – it was that archaeology is not a field that many migrants study.
My teacher and classmates were lovely, yet I still had this feeling of “What am I, a Somali refugee, doing here?” Furthermore, I had never even seen an archaeologist before, or held an archaeological object. But I had read a sentence in a book (Africa: history of a continent, by Basil Davidson) which said that to write African history we need to do archaeological research.
As this first class was on European stone age archaeology, stone implements were handed out. An axe was passed to me. To my astonishment the label read “Somaliland”. Wow: an axe from my own country. The moment was like a message. It was as if someone was saying to me: “Yes, you belong in this classroom”.
I bombarded our teacher with questions about the axe. He had no idea where it was from – he did not seem to care. Why would he? Stone age artefacts are mostly the same. No, he did not think there was any further documentation: only that they were palaeolithic objects.
I later discovered that these objects were extraordinary. It turns out the axes were in fact history-making implements, taken out of my country in the exciting days when the idea of human evolution was taking shape.
Fast-forward 20 years from that day in Lund and I’m creating a new global initiative, a digital museum to bring together in one platform all Somali objects and materials. I want people across Africa to feel the same connection to the subject as I did.
In archaeology, context is everything: if your bones are found with those of extinct bears and mammoths, then you’ve probably been dead for tens of thousands of years and are most likely not even a Homo sapiens. In 1856 the first Neanderthal was discovered in Neander Valley in Germany. The Neanderthal would understandably not have liked to be thought of as the only link between modern humans and the great apes – they were too sophisticated. So it must have been a relief when, in the 1890s, Homo erectus came into the picture.
The Java man, as this find came to be known, was labelled the “missing link”. Soon this “upright-ape-man” was joined by more hominids discovered in Asia. These discoveries reinforced the theories of Charles Darwin, first set out in 1859 in On the Origin of Species, and his idea of natural selection gained more ground. This was further evidence for the idea that humans had evolved from one common ancestor.
Archaeologists didn’t bother to look to Africa until 1896, when Heywood Walter Seton-Karr, a Scottish game hunter, returned to London with hundreds of stone implements from British Somaliland. He proclaimed, to global attention, that he had found the garden of Eden: “Here it was, in my opinion, that the human race originated.” Major museums – one of which must have been the Lund natural history museum – lined up to acquire Somaliland artefacts, including stone tools. More discoveries on the continent followed, such as Kenya’s “Turkana boy” or Ethiopia’s “Lucy”.
I have spent the past year surveying the same area where Seton-Karr stumbled on the stone axes. I asked village elders about him, hoping for some lingering generational memory. And though the name did not ring a bell – why should it – they told me the Ingriiskii (the British) used to come looking for macdan (gems) here. Often, foreign archaeological missions failed to tell the locals what they were really doing – indeed sometimes this still happens. The village chief vowed to me to protect his area, which also includes newly located 5,000-year-old rock paintings.
By uncovering the hidden history of African collections long forgotten in museums in the west, the founders of our new archive have unearthed a wealth of art, technology and human history. With the application of technology, things of the past can come alive – through photogrammetry and 3D virtual tours – and feel more relevant to modern-day societies. We are collaborating with major western museums that hold African collections, including a number of UK institutions (the British Museum and Powell-Cotton Museum among them). But with all our digital work being carried out by African local teams, we are tapping into a new tech-savvy generation. The idea is to inspire Africans to be the owners of their heritage and its narratives.
This is not just about the past. Our fast-growing demands for goods have put huge pressure on climate and resources and also made us forget our traditional ways of resource management and interacting with nature.
One of the most extraordinary individuals we worked with was a blind potter. She had been trained by her mother who was in turn trained by her mother. Now she was with her own daughter who was training her daughters. This lineage of female potters will die out after surviving so many adversities just because so many people now opt for machine-produced pottery and imported plastic goods.
Our museum aims to revitalise craft technologies such as pottery and iron-making. With objects often locally neglected, or forgotten in the storage departments of major museums, this heritage is at risk for the first time in history. If we do not bring together the people and stories that reflect what is most beautiful about human life – the ability to adapt to change and challenges – we may well lose sight of humanity itself.
- Sada Mire is an archaeologist and incoming associate professor of heritage studies at UCL Institute of Archaeology. She is author of the book Divine Fertility
Source The Guardian
-
Deero ku sugneyd xarun madaxtooyo oo Askari dishay
Dalka Paraguay, deero ku sugneyd beer ku taalla madaxtooyada dalkaas ayaa waxay dishay askari.
War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in Victor Isasi oo 42 jir ahaa kana tirsanaa ciidanka uu u geeriyooday dhawaac soo gaaray markii ay deerada geesaheeda ay ku hirdiday sarkaalka.
Waxaana la sheegay in deeradan ay ku nooshahay agagaarka madaxtooyada waa nooca ka duwan deerada kale, haddiyad ahaan ayaa hadda ka hor madaxweynaha loo soo siiyay.
Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa ku sheegay in deerada inta badan laga ilaaliyo xayawaanka kale ee duurjoogta ah mana aheyn in dad ay la kulmaan.
Muuqaalka kaamirada CCTV-da ayaa muujinayay deerada oo weerareysa askariga xilli uu kusoo ag dhawaaday.Sarkaalka markii dambe ayaa ku dhintay isbitaalka ciidamada halkaas oo loo qaaday.
-
Officials in Ethiopia have arbitrarily detained and forcibly disappeared thousands of ethnic Tigrayans who recently were deported from Saudi Arabia, a new Human Rights Watch report says as the country’s deadly Tigray conflict continues.
-
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo looga yeedhay Xarunta Ciidanka Denbibaadhista S/land
Ciidammada Booliska S/and ayaa saaka xarunta Ciidamada dambi baadhista uga yeedhay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan sida ilo xogo-xogaal ahii xaqiijiyeen.
Weli ilaa hadda ma cadda sababta Guddoomiye Xirsi loogu yeedhay balse wararka qaar ayaa sheegaya in wax laga waydiinayo hadallo ku jiray Shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay.
Waa markii ugu horraysay ee Guddoomiye xisbiga looga yeedho xarunta Ciidammada dambi baadhista (C.I.D)
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha madax goboleedyada dalka iyo duqa Muqdisho, kaas oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.
Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, waxaana maanta ku biiray bulshada rayidka ah iyo haweenka.
Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in ururada bulshada rayidka ah shirka looga dhageystay talooyinkooda ku aaddan doorashada dalka.
Sidoo kale haweenka ayaa iyaguna Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyey inay muhiim tahay ilaalinta qoondada haweenka ee 30% ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
“Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka ra’iisul wasaare Rooble.
Wadatashiga socda ayaa ah mid ballaaran, waxaana shalay ku biiray xubnaha wakiilada beesha caalamka oo lagala hadlay taageeradooda ku aadan doorashooyinka.
Waxaa kale oo shirka ka qeyb-galay xubnaha musharixiinta mucaaradka oo miiska saaray tabashadooda, sidoo kalena soo bandhigay sida loo sixi karo qaladaadka doorashada.
Si kastaba, shirka u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loogu baahnaa, isla-markaana ay taagan tahay xiisad u dhexeyso madaxweynihii hore Farmaajo & ra’iisul wasaare Roooble.
Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:
iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click siiThe post Wararkii ugu dambeeyey SHIRKA Muqdisho oo galay maalintii sadexaad + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji ayaa maanta looga yeeray xarunta dambi baarista CID ee Hargeysa, isaga oo marka uu tegay su’aallo dheeraad ah lagu weydiiyey halkaasi.
Xiris Cali ayaa waxaa la socday marka uu tegayey xarunta dambi baarista musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Cabdiraxmaan Cirro iyo xildibaan Barkhad Baatuun.
Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha su’aallo laga weydiiyey shirkii jaraa’id ee uu dhowaan qabtay, kaas oo uu ku eedeyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Sida ay ogaatay Caasimada Online arrinta ugu weyn ee Xirsi Cali Xaaji loo heesto ayaa ah hadalkii uu sheegay ee ahaa in Muuse Biixi uu heesto baasaboorka dalka Jabuuti.
Illaa iyo hadda saraakiisha Somaliland iyo xukuumaddaba kama hadlin arrintan iyo eedeymaha loo jeedinayo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.
Dhinaca kale mas’uuliyiinta xisbiga oo ka hadlay dhacdadan ayaa eedeyn culus u jeediyey xukuumadda, waxayna sheegeen inay wado caburin ka dhan siyaasiyiinta kasoo horjeedo.
Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay hadal heyn, waxaana sidoo kale magaalada Hargeysa isugu soo baxay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga Wadani ee ka dhisan Somaliland.
Si kastaba, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bishii Novembar ee sanadkii dhammaaday ee 2021-kii loo doortay guddoomiyaha xisbiga Waddani oo uu loolan kala dhexeeyo xisbiga Kulmiye.
Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:
iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click siiThe post Guddoomiye xisbi oo maanta looga yeeray xarunta dambi baarista ee CID + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Qaar kamid ah wadayaasha takaasida magaalada Boosaaso ayaa la xiray, kadib markii lagu eedeeyay in ay warar abeen-abuur ah faafinayeen, si looga bara-kaco magaalada.
Booliiska ayaa xabsiga u taxaabay saddex nin oo ku eedaysan in ay hormuud u ahaayeen qalqal gelinta bulshada iyo warar been-abuur ah, si ay lacag uga sameeyaan bara-kicinta shacabka Boosaaso.
Sidoo kale, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare, Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin u jeediyay dadka ku hawllan wararka been-abuurka ah ee lagu qalqal gelinayo Boosaaso.
“Dad Takaasiley ah ayaa dadka Boosaaso barakicinaya, si ay lacag u helaan, waxaan leeyahay ka waan tooba, dhammaan ciidamadana waxaan faraynaa in ay sugaan ammaanka” ayuu yiri Dirir.
PUNTLAND POST
The post Dad ku eedaysan qalqal-gelinta Boosaaso oo xabsiga loo taxaabay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in maanta uu galo maalintii saddexaad, ayada oo uu horyaallo qodob ay adag tahay in heshiis laga gaaro oo la xiriira amniga.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, qodobkan ayaa ah in Ra’iisu Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu doonayo in shirka isku raaco in amniga dalka si buuxda loogu soo wareejiyo, haddii aanay taas dhicinna aanay dalka doorasho hufan ka dhici karin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaan arrintan marnaba qorshuhu ugu jirin, hase yeeshee wuxuu yimid kadib isku daygii fashilmay ee 27-ka December lagu qabsan lahaa xafiisiisa, taasi oo uu ku qeexay “afgambi,” kuna eedeeyey madaxweyne Farmaajo.
Rooble ayaa waxaa sidoo kale arrintan ku cadaadinaya Midowga Musharaxiinta oo rumeysan in Farmaajo oo gacanta ku haya awoodda amniga iyo ciidanka dalka aysan dhici karin doorasho hufan.
Qoraal ay shalay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ku jiray laba qodob oo la xiriira amniga, waxaana lagu yiri “Waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. 2- Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay xaqiijiyaan in ciidanka laga dhex saaro arrimaha siyaasadda.”
Farmaajo ayaa horey Rooble ugu wareejiyey amniga doorashada, base taas wax weyn ma beddelin, waxaana weli hay’adaha amniga si buuxda gacanta ugu hayo Farmaajo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa rumeysan in haddii ay Golaha Wadatashiga Qaran ay qodobkan isku raacaan shuruudna uga dhigaan dhameystirka doorashada inay hoggaamin karto in beesha caalamka ay cadaadis ku saarto Farmaajo inuu sidaas sameeyo, inkasta ay u badan tahay in Farmaajo uusan marnaba taas aqbali doonin.
Rooble ayaa qorsheynaya in haddii uu amniga gacanta ku dhigo inuu beddelo dhammaan taliyayaasha ciidamada dalka, si uu awoodda dalka si buuxda gacanta ugu dhigo.
Si kastaba, qodobkan ayaa waxaa aad uga soo horjeestay Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku xiran Farmaajo, waxaana ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ay inoo xaqiijiyeen inaysan marnaba aqbali doonin.
Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:
iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click siiThe post Qodob xasaasi ah oo la isku mari la’yahay shirka Rooble iyo madax goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Hawa Abdi and her son Muhyadin Gele had made a home outisde the building in Tooting Broadway after being evicted from the flat where her husband had died.
-
Six people died in the attack which has not yet been claimed by any known groups
-
Waxaa maalintiisi seddaxaad galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee magaalada Muqdisho uga socda madaxda golaha wadatashiga qaranka.
Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka uuna shir guddoominayo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu wadaa in heshiis kama dambeys ah lagaga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka.
Madaxda ayaa lagu wadaa sidoo kale in ay warbixino ka dhageystaan guddiyada doorashaa iyo hanaanka ay wax u wadaan.
Ajendayaasha ugu waaweyn ee shirka lagu gorfeynayo ayaa waxaa kamid ah:-
1: Amniga doorashada
2: Habraacyada doorashada
3: In hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashada golaha shacabka.
4: Jadwal doorasho oo cusub
Shirka ayaa shalay waxaa ka qeyb galay xubna ka socda beesha caalamka iyo midawga musharixiinta kuwaas oo cabashadoda ku aadan doorashada golaha u soo bandhigay.
Kulanka ayaa marka uu soo dhamaado maalmaha soo socda waxaa la filayaa in ay uu ka soo baxo heshiis doorasho oo dalka ka dhacda.
-
Beledweyne (HOL) - The Commander of the 27th Division of the Somali National Army, General Ahmed Mohamed Alasow Taredishe, spoke about the recent fighting in the Qowlad area on the outskirts of Beledweyne between government forces, Hirshabelle and forces led by General Hud and Colonel Nur Dheere.
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Somaliland ayaa maanta xarunta Ciidammada dambi baadhista (C.I.D) uga yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, sida ilo xogo-xogaal ah ii xaqiijiyeen.
Weli ma cadda sababta Guddoomiyaha Ciidanku ugu yeedhay balse wararka qaar ayaa sheegaya in wax laga waydiinayo hadallo ku jiray Shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay.
Waa markii ugu horraysay ee guddoomiye xisbiga looga yeedho xarunta Ciidammada dambi baadhista (C.I.D) waana dhacdo ugub ku ah dimuqraadiyadda Somaliland
Warbixin: Maxaa Sababay Inay Istaagto Shaqadii Ka Socotay Dekedda Berbera
in News - Wararka
Posted
Source