Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,603
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan dalka aynu walaalaha nahay ee  Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay uga bilaabineyso booqasho rasmi ah.

    Rooble iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka amba-baxaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ujeedka safarkiisa laga helayaa faah faahin dheeri ah.

    Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Jabuuti u tegaya inuu soo xiro dood cilmiyeed uu Machadka Cilmi-Baarista Heritage dalkaas ugu qabtay aqoonyahano & bulshada rayidka ah, taas oo lagu gorfeeyey xaaladaha haatan ka taagan, qaar ka mid ah dalalka bariga Afrika.

    Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa la siiyey khudbadda ugu dambeysa ee xiritaanka Madashan, isaga oo ka warbixin doono marxaladahii ay soo martay Soomaaliya iyo waxyaabaha laga baran karo qalalaasaha ka jira qaar ka mida dalalka dhaca Geeska Afrika.

    Sidoo kale Rooble ayaa inta uu joogo Jabuuti kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda ugu sarreysa dalkaas oo ay ka wada-hadali doonaan xaaladaha taagan, sida doorashada.

    Booqashada Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo beegmeysa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dood adag ka taagan tahay doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

    Waa markii labaad ee uu ra’iisul wasaaruhu tegayo Jabuuti, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha, si uu u hoggaamiyo xukuumadda, inta lagu jiro doorashooyinka 2021.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    iPhone: Halkan Click sii
    Android: Halkan Click sii

    The post R/Wasaare Rooble oo safar dibadda ah u baxaya maanta appeared first on Caasimada Online.


  2. Radio Hargeysa iyo Telefishanka afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla oo tan iyo doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada ahaa qaar si badheedh ah u baahin jiray eeddo lagu soo mal-maluuqay marfashyadda Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo lagu durri jiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana mararka qaar baahin jiray qoroolo anshaxa iyo asluubta war-baahinta ku ceeb ah,waxaanay weli u muuqdaan inay sii waddaan ficiladaas guracan ee ka dhanka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed.

    Telefishankan afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla iyo Radio Hargeysa ayaa shalay baahiyey war ay ku eedeynayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,kuwaas oo murrankii koobnaa ee Xildhibaannada Golaha ka dhex-dhacay ay ku sheegeen inuu isagu ka dambeeyo,wallow la ogyahay in Xildhibaannada Xukuumadda KULMIYE ay diideen ina fadhiga soo gallan Golaha,taas oo ahayd arrin ay Xukuumadda KULMIYE ka soo shaqaysay,haddana Telefishanka iyo Radio Hargeysa ayaa ficilada foosha xun ee ka yimi Xukuumadda ku soo riixay Guddoomiye Khaliif.

    War ku sheeg laga baahiyey Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka ayaa ciwaan looga dhigay sidan: -“Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sharci Jabin Ku kacay ka dib Markii U Furay Iyada Oo aan Fadhigu Buuxsamin”

    Radio Hargeysa iyo Telefishanka afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla ayaa iyagu shalay qayb ka ahaa qorshii fashilmay ee Xukuumadda KULMIYE soo meleegtay inay ka fulliso xarunta Golaha Wakiillada,kaas oo ahaa in rabshada laga abuuro Golaha,waxaanay taas baddelkeeda si ay indhaha ugu jeediyeen Xukuumadda qorshahaasi waddatay ay eedo lagu soo curiyey marfash-yadda KULMIYE u jeediyeen Guddoomiye Khaliif.

    Dhanka kalena arrintan ayaa dad weynaha reer Somaliland ay si yaabo kale duwan oo cadho leh uga falceliyeen,waxaan si weyn ugu faaqidayeen baraha Bulshada,iyagoo ku tilmaamay inay khalad iyo gef tahay laga gallay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,isla markaana waxay dhalliilo ujeediyeen masuuliyiinta Wasaaradda War-faafinta,kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay weli ku jiraan loollankii shir Guddoonka Golaha Wakiillada ee laga soo gudbay.” Wasiir Koore Intii uu garanaayay ayay dhaaftay, War-baahintii Qaranku laha sidan kuma aha War-baahin Qaran. Koorow hakaraamo seegin Khaliifuna waa Masuulka saddexaad ee Waddanka JSL. Ama liq ama ha liqin.”ayuu yidhi siyaasi muniir

    Geesta kalene Wasiir Saleebaan Cali Koore iyo kooxdiisa ayaa weli u muuqda inay ku jiraan loollankii shir guddoonkii laga soo gudbay,waxaanay sii waddaan baahinta dayaacaddiihii ka dhanka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirasaaq Khaliif,kuwaas oo lagu soo mal-maluuqo marfashyadda muqayiliinta KULMIYE ee xaafadda Goljano.

    Gunnaanadkii qorshahan Radio Hargeysa iyo Telefishanka afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla,ayaa ahaa mid ay ku doonnayeen in eeddaha is-maan dhaafkii yaraa ee shalay Golaha ka dhacay oo la oggaa in Xukuumadda soo abaabushay inay eeddaas ka difaacaan Xisbiga KUMIYE iyo Xukuumaddiisa,isla markaana taa beddelkeeda ay ku riixeen oo ay ku eeddeeyaan inuu Guddoomiye Cabdirasaaq Khaaliif ka dambeeyey,balse qorshahooga ayaa fishmay waxaanay bulshada kale kulmeen fal-celin niyad jab ku abuurtay weedhahan “Magac Qaranka iska beddela oo la baxa Radio KULMIYE iyo Telefishanka KULMIYE”

    Source


  3. FB_IMG_16394663876253942.jpg?resize=715%Omar Abdirashid A. Sharmarke: “Somalia should have a centralised counterterrorism force to fight Al-shabaab”.

    Mogadishu (PP News Desk) — The former Prime Minister of Somalia Omar Abdirashid Ali Sharmarke had criticised the rival counterterrorism forces in Somalia.

    The former Prime Minister granted an interview to Dalsan TV . He said that he had sought to facilitate peaceful solution of the stand-off in Bosaso between Puntland Security Force and Puntland State troops.

    “I believe that Puntland State government can resolve the stand-off [in Boosaaso] peacefully. During my tenure as Prime Minister I devised a plan for a federal oversight of Puntland Security Force. Decentralised counterterrorism outfits cannot fight a centralised terrorist organisation such as Al-shabaab” said Sharmarke.

    He claimed that he had facilitated the resolution of mutiny in Garowe when a sacked police commissioner disobeyed former Puntland President Dr Abdiweli Mohammed Ali and deployed mutineers on the outskirts of Garowe.

    Sharmarke, a former Senator, is in Mogadishu where he is considering to join the Union of Presidential Candidates.

    © Puntland Post, 2021

    The post Former PM of Somalia Calls for Federal Oversight of Puntland Security Force appeared first on Puntland Post.


  4. (SLT-Berbera)-Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida ee Golaha Wakiilada oo ku Guddo jira kormeerida iyo indho-indhaynta mashaariicdii laga fulliyey Miisaaniyada Qaranka ee k u xusan xisaab xidhka sannadkii 2020-ka, ayaa magaalada Berebera mar ay kormeerayaan mashaariicda laga hirgeliyey,waxay u soo baxday masharriic lacagtoodii la qaatay,kuwaas oo aan haddana la hirgelin, isla markaana goobihii laga dhagax dhigay ay yihiin bannaan

    Guddida ayaa waxa intii ay ku gudda jireen u soo baxday maashaariic baddan oo kale duwan kuwaas oo ku xusan xisaab xidhkii 2020-kii,haseyeeshee aan la hirgelin,kuwaas oo ay sheegeen inay dabageli doonnaan lacagtaas halka ay martay,isla markaana ay la waddaagi doonnaan Golaha Wakilllada.

    Xildhibaan Xasan Ogaal oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada,isla markaana xubin ka ah Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida ee Golaha Wakiilada oo arrintaas ka hadlay ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“Halkan aynu joognaa waa tuullada yare e Biyo kulule oo ku taal duleedka Magaalada Berbera ee caasimada Gobolka Saaxil,waxaan kormeeeraynay mashaariicda laga fuliyey miisaaniyaddii 2020-kii,kuwaas oo xisaab xidhka ku jira, halkan waxa ah in dhisme laga dhiso lacag baddan ayaa ku jirtaxisaab xidhkaa aanu dabagalkeeda wadno,taas oo ay qaadatay shirkada la yidhaah Som KAAMIL constriction company,haseyeeshee sida aad arkaysaan,meesha wax dhisma ihi kama yeello ,sababta markaa dhismihii loo dhisi waayey ee lacagta baddan ee halkaa ku jirta loogu fullin waayey ,waanu dabagelaynaa,halka ay nala gashano Qaranka iyo Golaha ,waanu u soo bandhigaynaa .”ayuu yidhi .”

    Isagoo intaas ku darray “Iminka ma arragno wax dhisme ah ,waxaanu caddaynaynaa in aan wax dhisme ah lacagta halkan ku jirta lagaga dhisin goobtan aanu joog-no,lacagtaas miisaaniyadda 2020-ka ku jirtay halka ay martay ayaanu raadin doonnaan.”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan .

    Dhanka kalene BadhasaabkaGobolka Saaxil ayaa isna goobta ka hadlay in aanu sheegi karrayn mashruucaas meesha laga fulliyey,isagoo xusay in halkan uu amni ahaan uga fulli waayey,basle loo sheegay in meel kale loo beddel,taas oo aanu garanayn “Anniga iyo maayarka iyo wasaaradda Ganacsiga ayaa halkan wadda nimi goobtan masharuucaas miisaaniyada ku jiray 2020-kii waanu dhagax dhignayn ,kaddib waxa naga hor yimi arrimo nabad-gelyo,arrimahaas nabad gelyo ayuu mashruucani markaas u fulli waayey,markaa waxa war nagu soo gaadhay in wasaaradda Ganacsiga ya mashruucaa u beddeshay meel kale oo nabad-gelyo ah,taas-na ma xajiinin karro .”ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil

    Source


  5. (SLT-Addis Ababa)-Afhayeen u hadlay mucaaradka TPLF, ayaa sheegay in digniinta uu u soo jeediyey Mareykanka mucaaradka ay tahay wax aan la aqbali karin, gaar ahaan isku daygooda la xidhiidha dhanka galista caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

    Getajaw Reda, ayaa ku tilmaamey digniinta Mareykanka katimid mid waxba kama jiraan ah.

    Bishii ina dhaaftey ee October, jabhadda TPLF ayaa qabsatay magaalooyinka Kombolja iyo Desse, oo ku yaalla waqooyi galbeed ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

    Sidoo kale, waxay qabsadeen TPLF wado weyn oo halbawla ah, taasoo gobolka Tigreega ku xidheysa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, iyadoo taa sare u qaadey suurta galnimada ay TPLF ku gali karto magaalada Addis Ababa.

    Getajaw Reda, ayaa ku tilmaamey wax lagu qoslo digniinta iyo hadalada kasoo yeedhaya Mareykanka. Wuxuu intaa ku darey afhayeenku in Mareykanku aaney dooneyn in TPLF ay galaan magaalada Addis Ababa.

    Source


  6. Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbalanad ayaa ku dhawaaqay doorashada 14 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

    Doorashada kuraastan oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa ah kuraasti ugu horeysay ee ee Jubbaland lagu dooranayo.

    Kuraastan la shaaciyay oo ay ka mid yihiin kuraasta tirsigoodu yahay HOP#28, HOP#82, HOP#93, HOP#107,, HOP#108, HOP#111 iyo kuwa kale.

    Hoos ka akhriso liiska kuraasta doorashadoodu la shaaciya 

    267177085_450764856499841_40469197818998

    Source: goobjoog.com


  7. Qatar.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabbilay safiirka dowladda Qadar u jooga Soomaaliya Xasan Bin Xamsa Asad.

    Wasiirka arrimaha dibedda iyo safiirka Qadar ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar.

    Dowaladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto-dheer oo taariikhi ah, iyadoo sanadihii u dambeeyayna uu aad u kobcayay cilaaqaadka labada dowladood.

    PUNTLAND POST

    The post Wasiirka Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Qatar appeared first on Puntland Post.


  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal ayaa war kasoo saaray tallaabada ay qaaday Jubbaland ee ku aadan qabashada doorashada 14 kursi oo ka mida xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Afhayeenka guddiga doorashooyinka, Axmed Safiino ayaa shaaciyey in Jubbaland ay guddigooda usoo gudbisay liiska kuraastaas, isla-markaana ay uga mahadcelinayaan, sida ay uga jawaabeen dalabkooda ku aadan in Jubbaland ay guda gasho doorashada Baarlamaanka.

    “Guddiga Doorashooyinka Dadban SEIT ee Jubbaland ayaa inoo soo gudbiyay 14 kursi oo lagu dooran doono Kismaayo, waxa aan ugu mahadcelineynaa jawaab celinta ay ka sameeyeen codsigeenii ahaa in la dadejiyo doorashada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Safiina

    Sidoo kale wuxuu baaq u diray dowlad goboleedyada kale oo uu ka dalbaday inay dardar-geliyaan doorashooyinka billowday ee ka socda dalka.

    “Dowlad goboleedyada, guddiyada doorashooyinka, shacabka iyo dhammaan cid waliba oo daneyneysa doorashada waxa aan ka codsaneynaa in ay gacan naga siiyaan dardargelinta doorashooyinka nala shaqeeyaan,” ayuu markale  sii raaciyay afhayeenka guddiga FEIT.

    Jubbaland ayaa noqoneysa maamulkii saddexaad ee guda-gala doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

    Si kastaba, tallaabada ay qaaday Jubbaland ayaa dhinaca kale meesha ka saareysa dalabkii Golaha Musharixiinta ee ahaa in la hakiyo doorashada inta laga xalinayo cabashada taagan.

    The post Muxuu guddiga doorashooyinka ka yiri tallaabada ay qaaday Jubbaland? appeared first on Caasimada Online.


  9. Wararka ka imaanaya Gobolka Wajeer ee waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay weerar culus ka fuliyeen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

    Xoogag hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa sida la xaqiijiyay weerar la beegsaday Ciidamada Kenya oo ku sugan tuulo lagu magacaabo Konton oo hoostagta degmada Qorof-xaraar ee Gobolka Wajeer.

    Weerarka oo isu’gu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah ayaa sida wararku sheegayaan waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkastoo dowladda Kenya aysan faahfaahin ka bixin.

    War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay weerarkaas ku dileen in ka badan 30 askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya.

    PUNTLAND POST

    The post Al-shabaab oo askar badan ku laayay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa qaaday tallaabo banaanka soo dhigtay khilaafka madaxweynihii hore kala dhaxeeya xubnaha kale ee Golaha Midowga Musharaxiinta, maalin kadib markii ay xogtan shaacisay Caasimada Online. 

    Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi, Xoghaya Guud ee Xisbiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Dr. Maxamed Maxamuud Shirwac iyo Xoghaya Maaliyadda xisbiga Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur ayaa kulan gaar ah la yeeshay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga.

    Hase yeeshee, muhiimadda ma aheyn kulanka ee waxa looga hadlay, waxaana xisbiga qoraal uu soo saaray uu ku sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa sixidda doorashada iyo dardar gelinta doorashooyinka.

    “Waxaa la isku raacay in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dib u dhigi kara arrimaha doorashada taasi oo saldhig u ah hor-u-socodka Dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka xisbiga Himilo Qaran.

    Dalabka xisbiga ee ah in doorashada lasii wado iyo hanjabaadda la daba dhigay, waxay si cad uga hor-imaneysaa mowqifka Golaha Midowga Musharaxiinta ee uu hoggaamiyo Shariif ee ah in doorashooyinka dalka la joojiyo. 

    Caasimada Online waxay shalay qortay in Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya uu ka dhex-qarxay khilaaf la xiriira qaabka loo wajahayo sixitaanka khaldadaadka doorashooyinka dalka.

    Ilo-wareedyo ku dhow Golaha ayaa Caasimada Online ay kasoo xigatay in Shariif uu kasoo horjeedo tallaabooyinka xasaasiga ah ee Golaha ay qorsheynayaan sida shirkii ay habeen hore ku baaqeen iyo Dhisida Golaha Sare ee Dalka, oo aan baahinay dokumenti la xiriira qaab dhismeedkiisa.

    Shariif ayaa sidoo kale la sheegay inuusan waxba ka ogeyn war-saxaafadeedkii Golaha ee ku baaqay shir la isugu yimaado 10-a December, wuxuuna kusoo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynihii hore ka dhoofay Muqdisho.

    Shariif markii hore wuu qabay in doorashada la hakiyo oo la saxo khaladaadka, balse wuxuu kasoo horjeeday talalabooyinka kale ee golaha Midowga Musharaxiinta, hase yeeshee tallaabada uu xalay qaaday xisbigiisa iyo warka ay soo saareen waxay astaan u yihiin inuu sii durqay.

    Sheekh Shariif ayaa bilihii tegay la rumeysnaa inuu aad ugu dhowaaday Fahad Yaasiin iyo Villa Somalia, ayada oo la sheegay inuu yahay qorshaha B (Plan B) ee Fahad iyo Qatar, haddii Farmaajo uu rajo wanaagsan ka yeelan waayo in la doorto.

    Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa laga soo xigtay in Farmaajo uu weli Shariif u hayo abaal, islamarkaana rumeysan yahay in haddiiba uusan xilka madaxweyne dib u haleyn uu qaato Shariifka, oo la dhaafiyo xubnaha kale ee mucaaradka.

    Ma cadda sababta Shariifka u cayaarayo qorshahan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in sababta ugu weyn ay tahay in dhaqaale yari ku qasabtay inuu rajo ka raadiyo dhanka Fahad.

    267402484_1296034490807650_8586181992698 267053419_1296034747474291_2975325998463 265605846_1296035097474256_1542841590470 267475109_1296035350807564_8818708287288 266232508_1296035707474195_2695878426741Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    iPhone: Halkan Click sii
    Android: Halkan Click sii

    The post Khilaafka Sheekh Shariif iyo Midowga Musharaxiinta oo banaanka usoo baxay kadib tallaabo uu qaaday xisbigiisa appeared first on Caasimada Online.


  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa Sabtidii kulan gaar oo qarsoodi ah la qaatay Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Sharma’arke oo dhawaan kusoo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa kulamo wada-tashi ah la qaatay xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka, wuxuuna la qabtay dhowr shaqo oo gaar ah.

    Isaga iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aragti hordhac ah ka keenay habka loo sameyn karo Gole Qaran haddii la joojin waayo doorashada boobka ah, taasoo loo qeebiyey xubaha Midowga Musharaxiinta si ay dood xooggan u geliyaan.

    Cumar Cabdirashiid, wuxuu kadib kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Farmaajo, kulankaan oo la sheegay inuu ka yimid dhanka Madaxweyne Farmaajo kama marna inuu Cumar Cabdirashiid aaminsanaa in haddii maamuladii doorashada wada boobayaan in la raadiyo dariiq kale oo awoodda ugu soo laaban karto siyaasiyiinta la yaqaano ee heer federaal.

    Si kale markii loo dhigio habka awoodda iyo loolanka loogu soo koobi karo Farmaajo iyo mucaaradka la yaqaano.

    Kulankii Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid kadib, waxaa soo baxay warar xooggan oo sheegaya in mucaaradku rabaan in doorashadaan boobka ah la joojiyo, awoodana laga soo celiyo maamul goboleedyada, iyaga iyo Farmaajana toos u macaamilaan.

    Balse dhinaca kale, xubno ku dhow dhow xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxay qabaan in mucaaradka Farmaajo kala hadleen in xilka Ra’iisul Wasaaraha uu mucaaradka siiyo, laba sano oo cusub iyo hannaan doorasho oo maamulada daciif ka yihiina laga wada-hadlo iyadoo la tirtirayo dhammaan xubnihii kusoo baxay doorashada boobka ah loona laabanayo ama lasoo nooleenayo baarlamaankii 10-aad.

    Mucaaradka sida muuqata hadda waxaa Farmaajo uga daran madaxda maamul goboleedyada dalka. Haddaba markii uu warkaan soo baxay kadib waxaan la xiriirnay qaar kamid ah madaxda mucaaradka si aan uga waydiino waxa ka jira inay gorgortan Ra’isiul Wasaare miiska keeneyn.

    Xubnaha aan la hadalnay waxay sheegeen in maadaama uu Rooble awoodi waayey inuu cabashadooda xaliyo, maamuladiina diideen shirkii, doorashadiina in la boobayo ay caddahay ay dareemeen inuu jiro xal kale oo sheegaya mucaaradka iyo Farmaajo maxay wada qabsan karaan hadda?

    Mucaaradka ma xaqiijin mana beenin in lagu gorgortamayo madaxa Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo loo laabanayo baarlamaankii 10-aad, doorashada socotana laga dhigayo waxba kama jiraan.

    Xubnaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo iyaguna aan la hadalnay arrintaan si weyn ayey uga walaacsan yihiin. Markii hore loolanka doorashada iyo midka siyaasadduba wuxuu u dhaxeeyey madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka, laakiin hadda labadiiba waa laga xoog badiyey meeshiina waxaa qabsaday madaxda maamulada.

    Waxaa cad in waqti dheer kadib uu hoggaankii siyaasadda isbadal qarka u saaran yahay oo awoodii ay aaday jiho kale oo aan waxba xeerineyn waana ragga hormuudka u ah gobolada Dalka.

    Sida qura ee awoodda ay deg degg ku heleen looga dhigi karo hoggaamiyaasha gobolada waa inay Farmaajo iyo ragga kasoo horjeeda keenaan dood tii hore mid ka duwan, ayey leeyihiin dadka siyaasadda ka faallooda qaarkood.

    Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa la filayaa inuu qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta kala hadlo wixii uu Farmaajo kala soo kulmay, balse guuxa ah in dariiq cusub la furo oo wiiqi kara awoodda madaxda gobolada waxaa la sheegay in xitaa Farmaajo uusan diidaneyn.

    Sida loo furayo dariiqaas, mucaaradku inay isku fahmi karaan sharci ahaanshaha arrintaan iyo in la heli karo doorasho kale oo heshiis lagu yahay waa mid u baahan sharaxaad kale iyo faham dheeri ah.

    Haddii ay cadaato inay mucaaradku qabaan in Rooble la bixiyo lana keeno ra’iisl wasaare cusub lagana doodo hannaan doorasho oo ka duwan midkaan boobka ah, dalku wuxuu geli doonaa xaalad kale oo aan dhammaadkeeda la aqoon.

    Waxaa kaloo la hubin inay madaxda mucaaradka isku raaci karaan in Farmaajo lala heshiiyo, Ra’iisul Wasaare laga qaato oo ballan lala yeesho.

    Xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka iyo Rooble aad ayey usii kala fogaadeen maalmahaan dambe, sababta waxaa lagu sheegay inuu Ra’iisul Wasaaraha ka cudur daartay inuu doorashada joojiyo.

    Rooble wuxuu qabaa in doorashadu socoto lana xaliyo cabashada mucaaradka, balse taas ma ogola mucaaradka, wax walba ayaana iska badali kara siyaasadda Soomaaliya xilligan la joogo.

    Joogitaanka Cumar Cabdirashiid ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sababi karta inay xaaladdu u dhammaato meel aan la fileyn maadaama uu labada dhinacba u furan yahay uuna awoodo inuu wax u kala sarifo labada dhinac.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    iPhone: Halkan Click sii
    Android: Halkan Click sii

    The post Xog: Mucaaradka ma waxaa hunguri ka galay xilka Rooble kadib tallaabadii ay qaadeen? appeared first on Caasimada Online.


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdinuure Siyaad oo hadal ka jeediyey madal uu Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ku shaacinayey inuu yahay musharax xildhibaan ayaa ku goodiyey in hadii Indha-Cadde kursiga loo diido aysan meel fadhi doonin.

    Cabdinuure Siyaad ayaa sheegay in dalku uu dayacan yahay, isla markaana aysan hadda kadib indhaha kasii fiirsa doonin, muhiimna ay tahay in la doorto dad wax ka bedeli kara xaaladaan.

    “Jeneraal Indha-cadde waxaan banaanka u keenay oo aan u codsanay inuu is sharaxo in badbaadada dalkaan uu ka qeyb qaato, marka waxaan u soo jeedineynaa beesha iska leh kursiga Indhacadde inay codkooda siiyaan,” ayuu yiri Cabdinuure Siyaad.

    Sidoo kale siyaasigaan ayaa sheegay in xildhibanadii hore ee beeshaan aysan waxaba u qaban reerkooda, isla markaana hadda loo baahan yahay in la helo is bedel deg deg ah.

    “Waxaan beesha ka codsaneynaa in Sheekh Yuusuf Indhacadde kursiga lala raadiyo oo ergada laga dhaadhiciyo, hadii taas la diido oo kursiga uusan soo helin, walaahi meel fadhi meynee ogaada, sida dayaca ah ee dalku ku sugan yahay wax la fiirsan karo maaha, dayacaadaan waxaa dalka looga saari karaa in la doorto dad macna leh oo wax qaban kara,” ayuu yiri Cabdinuure Siyaad.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    iPhone: Halkan Click sii
    Android: Halkan Click sii

    Hoos ka daawo

    The post Daawo: Cabdinuure Siyaad: Haddii aan la dooran Jeneral Indha-Cadde wallaahi meel… appeared first on Caasimada Online.


  13. Haweenay uu dhalay Madaxweyne hore oo Muslim ah oo ka baxday Diinta Islaamka+Sababta

    Sukmawati Soekarnoputri
    Sukmawati Soekarnoputri

    Gabadh uu dhalay oo madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Indonesia ayaa lagu soo warramaya inay ka baxday diinta Islaamka isla markaana ay qaadatay diinta Hinduuga.

    Qaar kamid ah wabaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysay bilihii lasoo dhaafay sheekada gabadhan ku nool waddanka ay dadkiisa ugu badan ay yihiin muslimiin.

    Waxaana gabadhan lagu magacaabaa Sukmawati Sukarnoputri, haatan waa 69 jir, waxay qaadatay diinta Hinduuga kadib xaflad ka dhacday jasiiradda Bali ee dalkaas.

    Sida laga soo xigtay warbaahinta qaar waxaa go’aanka ay gabadhan ku qaadatay diinta Hinduuga saameyn xooggan ku laheyd ayeydeed, Ida Ayu Nyoman Rai Srimben.

    Qareenkeeda wuxuu warbaahinta u sheegay inay aqoon dheer u leedahay dhammaan caqiidooyinka iyo caadooyinka Hinduuga.

    Qof ka agdhaw gabadhan ayaa warbaahinta South China Morning Post u sheegay in qaraabadeeda ay u duceeyeen markii ay kusoo biirtay diinta Hinduuga.Wuxuu ku tilmaamay go’aan geesinimo leh iyo tusaale ku aadan in qoyska Sukarno ay muujiyeen “dulqaad diimeed”.

    Qofka saaxibka la ah Sukmawati Sukarnoputr wuxuu sidoo kale sheegay in 20 sano ee lasoo dhaafay ay aad u jecleyd diinta Hinduuga isla markaana ay horey u booqatay macbadyo waaweyn oo ku yaalla jasiiradda Bali iyo inay akhrisay qisooyin la xiriira diinta Hinduuga.

    Sukmawati Sukarnoputri waxay door weyn ku leedahay siyaasadda Indonesia, qoyskeedana si weyn ayaa looga qaddariyaa gudaha dalkaas.Waalidkeeda ayaa kaalin mug leh ka qaatay halgankii Indonesia ee madax-bannaanida kaga qaadatay gumaystihii Netherlands.

    Ka dib markii dalka looga dhawaaqay madaxbanaanida sanadkii 1945, aabaheed Sukarno wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay, wuxuuna xilka hayay 22 sano, ilaa awoodda laga tuuray sanadkii 1967-dii.

    Sukmawati walaasheed waxay madaxweyne kasoo noqotay dalka Indonesia halka iyada lafteedu ay aasaastay xisbiga Qaran ee Indonesia (Partai Nasional Indonesia-PNI), kaas oo ku tartamay doorashooyin qaran oo dhowr ah.

    Qaran News


  14. Janaale (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa xogta gabar 15 sano jir aheyd oo kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo tacadigii loo geystay dartiis ugu geeriyootay isbitaal ku yaalla degmada Marka ee xarunta gobolkaas.

    In ka badan 10 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Janaale iyo rag kale oo aan askar aheyn ayaa la sheegay in kufsi wadareed ay Janaale ugu geysteen gabadhaas.

    Guddoomiyaha deegaanka Janaale oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in hadda ay guddi u xil-saareen baaritaanka kiiskaas, isla markaana ay jiraan dad loo soo qabtay inay ka dambeeyeen falkaas.

    Gabadha oo lagu magacaabi jiray Sahro Cali Maxamuud ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Marka oo loo geeyey in lagu dabiibo, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha deegaankii lagu dhibaateeyey gabadha ee Janaale.

    Guddoomiyaha ayaa sheegay in ragga gabadha kufsaday ay isugu jireen askar militeriga Soomaaliya ka tirsan iyo rag kale oo shacab ah oo ciidanka la joogay.

    Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in saacadaha soo socda ay shaaci doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan qaabkii uu u dhacay falkaas kufsiga ah iyo geerida gabadha.

    Waxa uu sheegay in saraakiisha ciidmada xoogga dalka ee ku sugan Janaale iyo maamulka deegaanka Janaale ay iska kaa shanayaan baaritaanka kiiskaas.

    Hoos ka dhageyso wareysiga

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    iPhone: Halkan Click sii
    Android: Halkan Click sii

    The post 15 jir u geeriyootay ‘kufsi wadareed ay u geysteen’ ciidamo ka tirsan dowladda appeared first on Caasimada Online.


  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Jubaland ayaa shaaciyey kuraasta 14 ka mid ah golaha shacabka oo doorashadooda uqaban doono dhowaan, kuwaas oo noqon doono kuwii ugu horreeyey ee Jubaland lagu soo doorto.

    Doorashada 14 kursi ayaa dhammaantood ka dhici doonta magaalada Kismaayo oo ah mid ka mid ah labada deegana doorasho ee Jubaland.

    Guddiga doorashada Jubaland ma shaacin xilliga ay dhici doonto doorashada, balse waxaa la filayaa in la qabto toddobaadkan gudihiisa ama toddobaadka xiga.

    Guddiga weli ma shaacin wax kuraas ah oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Garbahaarey oo ah magaalada labaad ee deegaan doorasho ee Jubaland, halkaasi oo maamulka uusan awood ku laheyn, ayna gacanta ku hayaan mas’iiliyiin taageeeersan madaxweyne Farmaajo.

    Liiska kasoo baxay guddiga doorashada Jubaland ayaa yimid saacado un kadib markii xalay war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga hirgalinta doorashada ee heer federaal looga dalbaday guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo HirShabeele in 48-saac gudahood ay ku bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

    Qoraalkaan ayaa guddiyada seddaxdaas maamul looga dalbaday in hadii saacadahaas ay doorashada ku bilaabi waayaan ay bulshada u cadeeyaan caqabadaha ka hor taagan qabashada doorashada.

    “Waxaan fareynaa Guddiyada Maamulka Doorashada ee sadexdaan Dawlad Goboleed in ay muddo 48 saac ku soo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama bulshada Soomaaliyeed u cadeeyaan caqabadaha hor taagan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga doorashada heer federaal.

    Go’aanka Jubaland ay ku qabaneyso doorashada 14 kursi ayaa dhabarjab ku ah isku daygii ay Midowga Musharaxiinta Soomaaliya doonayeen inay ku hakiyaan doorashada oo ay sheegeen in la boobayo. 

    266340570_2435520949915163_5360492975542

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    iPhone: Halkan Click sii
    Android: Halkan Click sii

    The post Jubaland oo shaacisay liiska doorashada 14 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.


  16. Istanbul (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa dalka Turkiga uga qayb galay shirweynaha Istaraatijiyadda Warbaahinta oo ka dhacay magaalada Istanbul. 

    Shirkan waxaa looga arrinsanayey sidii uu caalamku istaraatijiyad iyo xal midaysan uga gaari lahaa ka hortagga wararka been abuurka ah ee lagu marin habaabiyo bulshooyinka caalamka iyo sidii ay dowladaha caalamku xiriir wanaagsan oo dhanka warbaahinta ah u la yeelan lahaayeen shucuubtooda. 

    Shirka oo ay ka soo qayb galeen Madaxda Warfaafinta iyo Afhayeennada Dowladaha lagu martiqaaday, ayaa waxaa ka soo baxay go’aanno miro-dhal ah oo ku aaddan ka hortagga wararka been abuurka ah, marin habaabinta bulshada iyo horumarinta warbaahinta caalamka. 

    “Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxtooyada Dalka Turkiga T.C. İletişim Başkanlığı martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee ay noo fidisay,” ayuu yiri agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi.
    WhatsApp-Image-2021-12-13-at-9.35.29-PM. WhatsApp-Image-2021-12-13-at-9.35.29-PM- WhatsApp-Image-2021-12-13-at-9.35.29-PM- WhatsApp-Image-2021-12-13-at-9.35.30-PM.

    The post Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia oo shir uga qeyb-galay ISTANBUL + Sawirro appeared first on Caasimada Online.