Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. This is a brief account of past administrations’ staffing policies along with some comments on and ideas for the current administration. On independence and unification, the Somali authorities viewed public administration as an institution requiring knowledge and competence by those to be appointed to run it and the transfer from the old colonial system to the new integrated South-North management with some adjustments was entirely staffed by motivated Somali nationals and recruitment was largely based on merit and career rather than political connections. But, for the purpose of balancing the budget and aligning revenue with expenditure the government in early 60s, had to reduce the integrated payroll of the civil servants to get rid of redundancy by handing each of the fired employees a red envelope (busta rossa), a formal notice of employment termination. The taker-over from the colonial system was smooth and successful and the government implemented programs of training to strengthen the professionalism of the civil service at home and abroad giving special consideration to the foreign service.

    Source: Hiiraan Online


  2. Markabka Dagaal ee USS Coll oo mar kale dib ugu soo laabmay Khaliijka

    USS COLE
    USS COLE

    Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka S Lloyd Austin ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu gayn doono diyaaradaha dagaal oo casri ah wadanka Imaaraadka Carabta, oo ay ku sii kordhayaan weerarada gantaalada ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Kooxda Xuutiyiinta ayaa muddo toddobaadyo ah waxa ay gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku garaacayeen Imaraadka.

    Mareykanka ayaa sidoo kale Imaaraadka siin doona qalabka bixiya digniinta marka ay weeraro ku soo fool leeyihiin.

    Mareykanka ayaa Imaaraadka u diri doona markabka wax burburiya ee USS Cole si uu ula shaqeeyo ciidamada badda ee Imaaraadka loogana hortago weerarada lagu bartilmaameedsanayo wadamada Khaliijka,.

    Dowladda Mareykanka ayaa ciidamo ku dhawaad ​​2,000 oo askari ay kaga sugan yihiin saldhiga ciidamada cirka ee Al Dhafra,.

    Wasaarada gaashaandhiga Mareykanka ayaa waxaa saldhigaasi ay geeysay hubka casriga ah sida diyaaradaha F-35. , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, nidaamka difaaca hawada iyo hababka ka hortagga gantaalada.

    Markabkan USS Cole ayaa taariikh dheer ku leh dalalka carabka iyo guud ahaan dalalka ku yaalla Khaliijka.

    Bishii October 12, 2000, markabkan USS Cole oo ku soo xirtay dekedda Cadan ayaa waxaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday labo nin oo isa soo miidaamiyay.

    Qaraxan oo ahaa mid aad u weyn ayaa waxa uu duleyl weyn ku reebay markabka, balse waa uu ku guuldareystay in uu la dego.

     

    Markabka USS Coll xilligii la qarxiyay
    Markabka USS Coll xilligii la qarxiyay

    DayactirkA Markabka waxay qaadatay wax ka yar hal sano, waxaana kharashka ku baxay lagu qiyaasay rubac bilyan doolar.

    17 ka mid ah badmaaxiinta Mareykanka ayaa lagu dilay weerarka, waxaana lagu dhaawacay 39 kale, waxaana mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Qaacida.

    Dowladda Yemen ayaa markii hore sheegtay in qaraxa uu ka dhacay gudaha Markabka , balse laba maalmood ka dib waxa ay qiratay in loo geystay weerar argagixiso.

    Maalmo ka dib, saraakiil ka tirsan FBI-da ayaa gaaray Yemen si ay baaritaanno ugu sameeyaan, wax yar kaddibna dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Al-Qaacida inay ka dambeysay weerarkaas, waxayna soo bandhigtay magacyada tiro dad ah oo looga shakisnaa.

    Maamulka Yemen ayaa xiray Abd al-Rahman al-Badawi iyo Fahd al-Qasaa doorkii ay ku lahaayeen weerarka.

    Taariikh kooban oo ku saabsan markaka USS Coll

    Dhismaha Markabkani ah kuwa wax burburiya ayaa la dhameeyay 1994-kii wuxuuna si buuxda u howlgalay 1996-kii.

    Dhererka Markabkan: 154 mitir, ballac 20.4 miti.

    Miisaanka Markabkan ayaa waxaa lagu sheegay 8300 oo tan islamarkana waa markab xawara aad u dheer ku socda.

    Markabkan ayaa waxaa ku xiran hub casri ah gantaalada riddada dheer sida gantaalada Tomahawk ee baalasha leh, gantaalada lidka maraakiibta, madfac 127 mm ah iyo laba qori oo kuwa darandooriga u dhaca ah.

    Lacagta ku baxday dhismaha iyo sameynta Markabkani USS Coll ayaa ah lacag ka badan $789 milyan.

    Qaran News


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah usoo dhoweysay raali-gelintii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyey lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay garoonka Aadan Cadde, bishii April 2018.

    Raali-gelintan ayaa waxaa lagu aqbalay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta kadib markii dhaxal-sugaha Abu Dhabu Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan uu Abu Dhabi kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay, in tallaabooyinka uu qaaday Rooble ay muujinayaan xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal, iyo ka mahad-celinta kaalinta taageero ee Imaaraatka ee dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

    “Wasaaradda waxay sidoo kale amaaneysa tallaabada Rooble iyo sida uu Imaaraatka Carabta ugu muujiyey inuu la dhacsan yahay taageeradeeda sanadaha badan ee ay siiso dalkiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Lacagtaas oo dhan 9.6 milyan oo dollar ayaa Soomaaliya waxay xilligaas sheegtay in la doonayey in dalka lagu arbusho, balse safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ayaa ku dooday in loogu talagalay mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee uu Imaaraatku tababarayey.

    Sharciga Caalamiga ah iyo Lacagta Imaaraatka

    Sida uu qabo Mudane Showqi Xayir oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah, Heshiiska Caalamiga ah ee Viena ee xiriirka dublamaasiyadeed ee la saxiixay 1961-dii, qodobkii 27-aad wuxuu ka hadlayaa Qandiga Dublamaasiyadeed.

    “Qodobkaasi ka hadlaya boorsada dublamaasiyadeed waxa uu si toos ah u caddeynayaa in waxa keliya ee boorsadaas lagu qaadi karo ay yihiin waraaqo iyo dukumendiyo , ujeedkuna wuxuu ahaa in maadaamaa xiligaasi uusan jirin xiriirka isgaarsiinta danabaysan in safaaradaha ay si xor ah oo aan farogalin lahayn waraaqaha iyo xogta ugu gudbin karaan wasaaradooda arrimaha dibedda,” ayuu yiri Showqi.

    Waxaa la sheegay in lacagtii Imaaraatka ee Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay ay ku jirtay qandiga dublamaasiyadeed, kaas oo uu heshiiska Viena qabo in aanan la furi karin, lana baari karin.

    Hase yeeshee Shoowqi waxa uu qabaa in ay jirtay sabab macquul ah oo ay dowladda uga shakisay in waxa qandiga ku jiraaye aysan waraaqo ahayn, markii la fureyna laga heley lacag badan.

    “Sharciga caalamiga ah waxa uu qabaa in maxkamadaha iyo sharciga dal aanan la marsiin karin hanti ay dowlad kale leedahay, keliya waxaa u furan in ay hayn karaan lacagtaasi intii sano ee la doono illaa inta ay labada dowladood ka gaarayaan is afgarad rasmi ag,” ayuu intaasi kusii daray Shoowqi.

    Wuxuuse dhib ka arkaa in dowladda ku kala qeybsantahay arrinta lacagta, muhiimna ay tahay in dowladda ay go’aan mideysan ka gaarto arrinta lacagta, inta taasi ka horeysana ay adagtahay sidii lacagtaasi hal dhinac uu ku wareejiyo Imaaraatka.

    Waxa kale oo uu Shoowqi u arkaa in ay quruxsanayd in looga dambeeyo wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, iyadana la macaamisho kiiska lacagta si la mid ah sida Imaaraatkaba yeeleen marka ay hadda ka hadleen arrinta lacagta.

    The post Sharciga caalamiga ah iyo lacagta Imaaraatka ee ay isku hayaan Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.


  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay khudabad ka jeediyey munaasabad lagu xusay sanad guurada 28-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidamada Somaaliland ayaa fariin u diray Midowga Afrika, isagoo eedeymo u jeediyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

    Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in shacabka Somaliland uu mudan yahay in la tixgeliyo damacooda, haddii aan wax loo tareyna ugu yaraan in lagula shaqeeyo nidaamkooda qaranimo, madax-banaanida iyo dimuqraadiaydda ka jirta dhulkooda.

    Sidoo kale Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxda Afrika aysan ku cadaadineyn inay aqoonsi ka helaan, oo Somaliland ay ku qanacsantahay in lagu dhaqmo sharciga xuduudihii gumeystaha, balse ay qaati ka taagan yihiin madaxda Soomaaliya oo la dooneysa inay wax ku darsadaan wadan gubanaya.

    “Qaranku wuxuu ku dhisan yahay in looga gar qaado xadkii ma jabineyno sharci Afrika, sharciga Afrika u dhigan ee xududihii isticmaarka, ha la joogo ma jabineyno, Axdi qarameedkeeda ma jabineyno, cidna dagaal kuma wadno, walaalaheen ayaa khaldan oo leh aan wada gubanee kaalaya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

    Madaxweyne Muuse ayaa Ururka Midowga Afrika ka codsaday inuu sii tixraaco warbixintii guddi Somaliland qiimeyn ku sameeyey sanadkii 2005-tii, taas oo raali gelisay damaca Somaliland.

    “Ururka Midowga Afrika ee xaruntiisa Addis Ababa tahay waxaa looga baahan yahay inuu xaqiiqada eego oo wafdigii uu soo diray 2005-tii ee yiri arrinta Somaliland wey ka duwan tahay waxyaabaha ka socda dalalka Afrika ee dib ha loo eego intii halkii laga qaado oo lasoo ambaqaado ayaan deriska iyo Afrikaba ka codsaneynaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

    30-kii bishii April ee sanadkii 2005-tii guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socday ururka Midowga Afrika ayaa tegay Somaliland, si ay ugu ku uurgalaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, xorriyadtul qowlka iyo bani’aadanimada.

    Muuse Biixi ayaa soo hadal qaaday warbixintii uu diyaariyey guddigaas oo ka koobneyd lix bog, warbixintaas waxay kaga hadlayeen xaqiiqooyinkii ay ku soo arkeen Somaliland, iyagoo booqday goobo iyo gobollo kala duwan.

    Warbixintii Guddigaas waxaa lagu sheegay in xubnihii ka socday Midowga Afrika ay wadatashiyo kala duwan la yeesheen dhinacyada siyaasadda, Somaliland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, sida madaxweynaha, golahiisa wasiirrada, ergada ictiraaf u raadinta Somaliland, wakiillada ururrada rayadka, siyaasiyiinta xisbiyada iyo ururrada haweenbka.

    Sidoo kale magaalooyinka ay booqdeen ee warbixintaas lagu xusay waxaa ka mid ahaa Hargeysa, Berbera, Boorama, magaalada Sheekh iyo deegaano kale, waxayna sheegeen in dadkii ku noolaa magaalooyinkaas ay aragtidooda ka uruuriyeen.

    Warbixinta guddigaas uu diyaariyey ee Muuse Biixi uu soo hadal qaaday waxaa lagu yiri “Bulshooyinka kala duwan iyo siyaasiyiinta aan la kulanay fariintoodu waxay tahay, madax-banaanida Somaliland inay lama taabtaan tahay, gorgortanna aan laga galeyn, dib dambana ay Soomaaliya ula midoobeyn ayna doonayaan inay aqoonsi ka helaan Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka.”

    The post Maxaa ku qoran warbixinta 2005 ee Muuse Biixi dib uga codsaday Midowga Afrika? appeared first on Caasimada Online.


  5. Waa maalinimo khamiis ah taariikhduna ay ku began tahay 20ka janaayo, waxaa baraha bulshada wada qabsaday Maqaal(Qormo) uu qoray Agaasimihii hore ee NISA : Fahad Yasiin, Qormadaas waxaa Cinwaan looga dhigay Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa”.

    Maqaalku wuxuu dhaliyay falcelin balaaran,waxeyna bulshada u qeybsantay dhowr qeybood:kuwo la dhacay aragtida maqaalka, kuwo diidan fariinta maqaalka iyo kuwo ka aamusay.

    Waxaa shaki ku jirin in bulshada Soomaaliyeed ay fahan qaldan ka heystaan “ Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka”,taasoo sabab u ah Dowladnimadii Somaliya oo qolfoof ahaan iyo waaqic ahaan u burburtay sanadii 1991 balse burburkaas dowladeed uu bilowday sanadii 1977 kadib markii ay awood ahaan iyo caqli ahaanba u fashilmeyn ciidankii, sidaas darted oo ay manta Soomaalidu ugu noolyihiin firaaq siyaasadeed dhan walba leh mudo ku siman 31 sano.

    Amniga Qaranka waa arrin aad u weyn oo aan lagu xeri karin hadba maamulka jira, waa in si daacadnimo iyo hufnaan ay ku jirto loo dhawraa, oo aan lagu xirin dano gaar ah iyo tixgelin ku meel gaar ah. 

    Waa maxay Sirdoon iyo Nabadsugid?

    Sirdoonka ama Nabadsugiddu, waa Hayad dowliya, oo ka masuul ah, ilaalinta, uruurinta iyo raadinta, xogaha daahsoon, qarsoon, raadraaca iyo dabagalka arrimaha amniga, sida; Sharciga Dalka, Ammaanka Qaranka, Arrimaha Ciidanka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

    Hayadda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ayaa qaabilsan ilaalinta, sirta Dalka guud ahaan, iyo ka hortaga dhagarta cadowga Gudaha iyo kan Dibadda 

    Adduunka oo dhan Sirdoonku waxa uu marar badan ku shaqeeyaa qaanuunka iyo garsoorka bannaankiisa; maxaa yeelay, waxay ka shaqeeyaan aagag aan qaanuun ka shaqayn ama ka shaqayn Karin! Sidaa waxaa sameeya Hayadaha Sirdoon ee Dunida ka jira sida CIAda Maraykan, Mossadda Israaiil, GRUda Ruushka, MI6ta Ingiriis, RAWda Hindiya iyo kuwa lamidka ah.

    Madaxda Dunida soo maray iyo kuwa ka taliyaba waxay dhego iyo indho ka dhigtaan Hayadda Sirdoon ee Qarankaasi leeyahay, sababtuna waa in Hayaddaa lagu aaminay una taagantahay Ilaalinta iyo Difaaca Masaalixda Qarankaasi leeyahay.

    Dowladii kacaanka :

    Sanadihii Dowladii Kacaanka ee ka talineysay Dalka waxaa ka shaqeynayay Saddex hayadood oo si wadajir ah uwada qabanaayay, ilaalinta iyo uruurinta xogaha sirta ah ee Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba :

    1- National security service NSS”.
    2- Criminal Investigative Division CID
    3- Military Intelligence Unit” oo aheyd heyad u gaar ah ciidammada qalabka sida, oo la dhihi jiray Hayadda Nabadgalyada GaashaandhigaHANGASH

    Hey’adaha sirdoonka dunida ugu muhiimsan:

    Hadaan dunida u jaleecno Dowlad kasta, waxay leedahay labo ama saddex laamood oo sirdoonka iyo dabagalka u qaabilsan, tusaale USA, (CIA, FBI iyo NSA,) waxaa ugu magacdheer CIA oo dibadda qaabilsan balse waxaa ugu halisbadan NSA, daba-galka aad bay ugu dheeraysaa.

    Waddanka Pakistan, wuxuu ku jiraa Hayadaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu sarreeya, laantaas waxaa lagu magacaabaa ISI.

    Wadanka Ingiriiska, waxuu leeyahay MI6 iyo MI5 oo arimaha Sirdoonka u qaabilsan, midana waa dibadda (MI6), tan kalena (MI5) waa gudaha. Israa’iil waxaa ugu caansan MOSSAD, balse waxaa jira labo laamood oo lakala yiraahdo AMAN, oo ah sirdoonka dhaq-dhaqaaqa militari, iyo shetbet oo gudaha qaabilsan.

    Dagaalka Dowladda Ruushka iyo Dowladda Maraykanka waxaa lafdhabar u ah Sirdoonka iyo soo gudbinta xog xaqiiqo ah. Waxuu sirdoonku kuu sahlayaa, inaad tilaabo tilaabo ula socotid cadowgaaga iyo dhaqdhaqaaqa ay waddaan, waxaadna ka hortagi kartaa, tilaabo kasta bulshada iyo karaamada waddanka lagu wax yeelaynayo.

    Sirdoonku waa indhaha ku tusaya cadowgaaga mugdiga kuugu dhakan waana lama huraan in la galiyo waqti iyo lacag badan.

    AGAASIME FAHAD YASIN IYO DOORKIISII SHAQADA:

    Agaasime Fahad Yasin waa macquul in la-tuhmaayo tuhunkaasina iskugu jiri karo run iyo been, waxaase jirta arrimo aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin Hayadeed oo karti badan, wuxuuna dib u habeyn ku sameyay taliskii nabadsugida iyo sirdoonka, wuxuuna tayeyay dhismaha dharcada ilaalada shacabka.

    Wuxuna dib u habeyn ku sameyay qeybaha kala duwan ee Hayada, kuwaaso aan shaqeynin tan iyo burburkii Qaranimada kadib.

    Mudo yar oo kooban waxaa dib usoo noolaaday Magacii iyo Sumacadii ee Hayadda ku laheyd Qaarada Afrika, waxaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo madax ah ka ah Heyadaha Nabadsugida iyo Sirdoonka, kana kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida.

    Maxay ku shaqeyaan Hey’adaha Amniga Qaranka?

    Hayadaha Amniga Soomaaliya ayaa ku shaqeeya jawi qalafsan, oo afartii sano mar shaqaalaheeda guud lakala diro, taasi oo kordhisa xasilooni darida Dalka, waxayna arrimahaasi ka mid yihiin caqabadaha waaweyn ee hortaagan in ay horumarto,lana jaanqaado, dhigeeda.

    Su’aasha dad badani maskaxdooda ka guuxeysa ayaa ah mala kala diri donaa shaqaalaha Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka sidii horay loo sameyay doorashadii hore, goormaase dhaqankaasi laga garaadsan donaa? Siduu noqon doonaa mustaqbalka Hey’ada NISA?

    Muxuu ku xeran yahay horumarka hey’ada?

    Horumarka Hey’ada wuxuu ku xeran yahay in la sameeyo kulliyado,  machadyo ku takhasusay Amniga Qaranka iyo Daraasaadka Istaraatiijiyadeed.lana Maskaxshiilo dhalinta Soomaaliyeed ee soo kacaysa laguna hago jidka Dowladnimda iyo sareynta Sherciga,  kaadiriin ku takhasusay dabagalka,  falanqaynta iyo samaynta cilmi baaris ku saabsan isdhexgalka gobolka iyo kuwa caalamka, shaqada aqooneed iyo cilmi baariseed waa udub dhexaadka shaqada Hayadaha Amniga.

    HAL BACAAD LAGU LISAY:

    Bulshada Soomaaliyeed waxee qaati ka taagan yihiin Siyaasiiin dantooda ku colloobay, dantoodana ku heshiin doona, dhexdoodana ay ku xiiqeyn guulwadayaal, waxaa igu soo dhacday oraahdii Michelle Obama oo aheyd :”In aad madaxweyne noqotaa ma beddelayso qofka aad tahay, balse waxa ay bannaanka soo dhigaysaa qofka aad tahay

    Waxaa aad usoo badanaya siyaasiyiin danley ah oo marinhabaabinaya bulshada, una gudbinaya warbixino aan ku dhisneyn Xilkasnimo, Daaacadnimo iyo Wadani,nimo.

    Caqliga siyaasiga Soomaaliyeed waa inuu kala gartaa Danaha Diblomaasiyadeed ee Qaranka, Danaha Amniga ee Qaranka iyo loolanka kursiga villa Somalia dhexyaal.

    Agaasimaha Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka waa boos siyaasi ah oo la mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada, Wasiirku wuxuu madax ka noqdaa Wasaarad, mudo kadibna waa ka tagaa balse jiritaanka wasaarada waxba iska ma badalo.

    Waxaa aan rabaa inan dhaho Golaha midowga Murashaxiinta iyo dhamaan dadka siyaasada kujira in ay Dalka iyo Dadka u turaan kana daayaan in markasta Heyadaha Dowlada laga bilaawo eber {from zero}, waa ka jiri karaan Heyadaha Dowlada dhexdood dhaliilo, musuqmaasuq baahsan, farsamo xumi, kutagrifal awooded balse waxaa loo baahan yahay in aad la timaadaan qorshayaal horumarineed oo dhankasta leh.

    Waxee bulshada Soomaaliyeed idinka sugeysaa in Dastuurka Dalka la dhammaystiro, oo afti dadwayne loo qaado, lana tayeeyo Heyadaha Dowliga kuwooda ugu muhiimsan sida Maxkamadda Sare, lana daadejiyo federaalka, lana kobciyo waxsoorkaarka khayraadka, Isku filnaasha buuxdana laga gaaro Amniga Qaranka, iyo hirgalinta Dhabuheshiisiin loo dhan yahay.

    Haddii aanan intaa la idinka helin waxaa wadaan waa maan guracan iyo garasho jaan.

    Mohamed Ahmed Jiinte – Waxaad kala xiriiri kartaa jiintecade23@gmail.com

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.

    The post Shakhsiyeynta AMNIGA QARANKA SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.


  6. Qormooyinkii hore waxaynu kaga soo hadalnay asaaskii Puntland iyo fikradihii la kala qabay, horumarkii maamulku sameeyey labadii sano ee ugu horeeyey, hirgelin la’aantii nidaamka qof iyo cod oo ay ahayd in la ambaqaado waqtigaas sida ku xusnayd axdi qarameedkii lagu heshiiyey 1998. Khilaafkii dastuuriga ahaa ee ka dhacay Puntland iyo muddo kororsigii uu sameeyey madaxweynihii xiligaas, saamayntii shirkii Carta ku yeeshay maamulkii Puntland, doorkii isimada ee xiligaas iyo go’aan ka gaaristoodii khilaafkii dastuuriga ahaa oo ay booskii Maxkamada dastuuriga buuxiyeen maadaama lagu guul daraystay in la asaaso xiligaas. La wareegiddii xukunka ee Guddoomiyihii Maxakamada sare Dr Yuusuf Xaaji Nuur ku dhawaaqay (July 2001) shirweynihii uu qabtay oo Madaxweyne loogu doortay Mudane Jaamac Cali Jaamac iyo Ku xigeenkiisii Axmed Maxamed Goonle (November 2001).

    Markaas ka dib waxaan ka soo hadalnay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Puntland meelo kala duwan sida Garowe, jidka u dhexeeya Boosaaso iyo Qardho, Dhuudo, asaaskii jabhaddii Badbaadinta Puntland iyo ugu damayntii heshiiskii dhexmaray Marxuumiin Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamuud Muuse Xirsi Bishii May 2003 iyo dawladii wadaaga ahayd oo la dhisay heshiiskaas ka dib. Shirkii Impagaati iyo Marxuum Cabdullaahi Yuusuf oo halkaas Madaxweyne Soomaaliya ah u dalacay, Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo Madaxweyne Puntland ka noqday baynu soo xusnay iyo doorashadii uu qabtay oo ay ku tartameen isaga, Cade Muuse iyo Cabdiraxmaan Faroole, natiijadii oo noqotay in Cade Muuse noqdo Madaxweynaha Puntland baynu ugu damayntii ku soo kufinay markaas waa Bishii Janaayo 8 -2005.

    Qormadaan waxaynu ku qaadaa-dhigi doonaa dawladii Cade Muuse caqabadihii iyo fursadihii ay la kulantay wixii qabsoomay guud ahaan iyo wixii qaldamay iwm. Waxaa muhiim ah inaan ogaataan dhalinyarooy xiligaas ka hor Puntland waxay soo martay dagaal sokeeye wasaaradihii dawlada oo markii hore xoogaa tisqaaday waa daciifeen xaalkuna waa adkaa, wax weliba waxay u ekaayeen sidii meel asaas ah laga bilaabayo wasaaradaha badankoodu ma lahayn xafiisyo ay ku shaqeeyaan, miisaaniyadu waa koobnayd.  Marxuum Cade Muuse wuxuu magacaabay dawlad 34 xubnood oo wasiiro, wasiiro ku xigeeno iyo hal wasiiru dawle ka kooban, markaan xoogaa waa korortay tiraddii wasaaradaha iyo wasiiradda intuba marka loo eego dawladii koobnayd oo la dhisay 1998 taasoo ka koobnayd Sagaal wasiir inkastoo markii dame wax lagu daray.

    Marxuum Cade Muuse Xirsi doorashadii ay ku tartameen Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi iyo Cabdiraxmaan Faroole musuqmaasuqa la xiriira bixinta lacagta lagu bedesho codadka ma jirin ama waa yaraa xiligaas, ma jirin xildhibaano hunguri lacageed uu muhiim u ahaa inay codkooda ku bixiyaan.  Marxuum Cade Muuse markii la doortay kadib dawlad buu dhisay, dawladaas cusub oo uu dhisay wuxuu kala qaaday wasaraddii arrimaha bulshada oo caafimaadka iyo waxbarashada ka koobnayd wuxuuna ka dhigay laba wasaaradood anigu markaas mid ka mid ah oo ahayd Wasaaraddii waxbarashada ayaa wasiir la iigu magacaabay. Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska oo aan horay u jirin ayuu Marxuum Cade Muuse soo kordhiyey taasoo uu wasiirad uga dhigay Marwo Caasho Geelle. Arrinkaasu wuxuu markhaanti u yahay muhiimadda uu marxuum Cade Muuse siinayey qoyska iyo arrimaha haweenka.

    In kasta oo ay duruufo adag jireen hadana waxaan dhihi karnaa mar labaad ayey hay’adihii dawladu dib u yagleelid bilaabeen, wasaardo badan ayaa markaas horumar fiican sameeyey oo ka mid ahaayeen wasaaradaha waxbarashada, Caafimaadka, Haweenka, hormarinta qoyska, wasaaradda dawaladaha hoose, qorshaynta iyo kuwo kale oo badan inta badan wasaaradaha dawladu waxay ku tiirsnaayeen deeq dibadeed taasoo illaa iminka jirta oo aan wax badani iska bedelin. Ciidamadii oo awalba ahaa kuwa dagaalo sokeeye ka soo baxay intoodii badnayd waxaa loo hayaamiyey xagaas iyo koonfur si ay dawladii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo markaas Jowhar degi rabtay ay xaga ammaanka uga caawiyaan. Arrinkaasu wuxuu dhib weyn u geystay Puntland oo awooddeedii ciidan iyo ammaankiiba ay aad hoos ugu dhaceen. .

    Marxuum Cade Muuse wuxuu ahaa nin naxariis badan, calool xaaran oo wixii uu qabo aan qarsan wuxuu ahaa nin nabad jecel dadka u naxariista, inkasta oo uu ciidan ahaa hadana wuxuu ahaa nin aan xoog xal ku raadin, wuxuu ahaa nin ogol in wasiiraddiisu ka fikir duwanaan karaan waxaan xususstaa doodo adag oo golaha wasiiradda ka dhici jiray oo mararka qaar arrinta madaxweynuhu wato laga hor imaan jiray, midaas hadda waa isbedeshay oo waxaa igu maqaalo ah in Madaxweynayaasha afkooda wixii ka soo baxa wax ka duwan wasiirkii ku hadla uu si fudud xikiisa ku waayayo. Runtii Marxuum Cade Muuse waagaas waxaa soo wajahay xaalado caafimaad oo durba markii la doortay sababay in kelli laga bedelo xanuuno kelena waa u weheliyeen sidaas darteed wax badan wuxuu ku waday rag karrooni iyo dadaal.

    Arrimaha dawalddii Marxuum Cade Muuse ay aad ugu dadaashay waxaa ka mid ahaa arrimaha bulshada oo wasaaradihii markaas jiray ay aad u dhaqaajiyeen iyagoo kaashanaya hay’adaha caalamiga ah dawladuna xoogaa miisaaniyaddii waxbarashada iyo caafimaadka waa kordhisay. Sidoo kale waxaa dawladaasu aad ugu dadaashay arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, Marxuum Cade Muuse wuxuu ku dadaalay dhismaha terminaalka garoonka Boosaaso sidoo kale wuxuu guddi u saaray bilaabista garoonka Garowe meesha uu hadda ka dhisan yahay oo horay loo siii calaamadiyey ayaa shaqo fiican laga qabtay, shirkad maxali ah oo kaashanaysa hay’adda duulista caalamka ayaa asaas shaqo oo fiican halkaas ka bilawday. Sidoo kale diyaarinta dastuurka ayaa iyadana guddii loo magacaabay maadaama uu jiray markaas dastuur uu Boosaaso ku ansixyey baarlamaankii halkaas fadhigiisu ahaa markii Cabdullaahi Yuusuf uu dagaalka kula jiray Jaamac Cali Jaamc iyo Jabhaddii Badbaadinta Puntland. Inkasta oo dastuurkaas diyaarintiisa meel fiican la gaarsiiyey hadana dawladaasu kuma guulaysan in ama baarlamaanku ansixiyo ama afti dadweyne lagu ansixiyo iyadoo bulshadda dad metala laga soo xulayo.

    Arrimaha uu Marxuum Cade Muuse aad ugu dadaalay waqti badana uu geliyey waxay ahayd inuu raadiyo maalgeshi dibadeed wuxuu aaminsanaa in dhibta ugu weyn ee jirtaa ay tahay dhaqaale xumo haddii dhaqaaluhu hagaagana wax walba ay hagaagi doonaan sidaas darteed isaga iyo wasiirkiisii qorshaynta xiligaas Mudane Cabdiraxmaan Faroole waxay wada hadalo kula yeesheen Imaaraadka shirkad la oran jiray  (Range Resources) oo Puntland ay heshiis la gashay si ay maalgelin iyo suuq ugu raadiso khayraadka macdanta ee Puntland dhex ceegaaga shirkadaas markii heshiiska la saxiixi lahaa ayaa looga baahday saxiix ama ogolaansho dawladii fedraalka ku meel gaarka ahayd ee xiligaas oo Marxuum Cabdullaahi Yuusuf madaxweynaha ka ahaa, hase yeeshee Marxuum Cabdullaahi wuxuu codsaday in Mudane Gaagaab oo markaas wasiirka Maaliyadda Puntland ahaa hawsha wax ka ogaado taas oo uu ka carooday Mudane Faroole isla markaasna uu ka soo baqoolay imaaraadka kuna soo laabtay Puntland.

    Heshiiskii waa la soo saxiixay dawladda federaalka oo ku meelgaarka ahaydna way aqbashay, hase yeeshee buuq ayaa ka dhashay gudaha Puntland uu hormuud ka ahaa wasiirkii qorshaynta ee xiligaas kaasoo sharci daro iyo xaaraan ku tilmaamay heshiiskaas dawladda Puntland la gashay shirkadaas Range Resources, waxaana xasuustaa iyadoo shirka golaha wasiiradda la fadhiyo ayaa Madaxweynihii warbixin dheer ka bixiyey heshiskii ay soo galeen,  Wasiirkii maaliyadda ayaa isaguna sidaas oo kale sharaxay faa’iidada heshiskaas u leeyahay Puntland hase yeeshee wasiirkii qorshaynta Cabdiraxmaan Faroole oo heshiiska la socday ayaa ku tilmaamay mid xaaraan ah oo sifo qaldan lagu galay. Dood iyo dood celis bay labadaas dhinac fooda is dareen shirka dhexdiisii. Marka xaalku halkaas maraayo ayaa dhowr xubnood oo golaha wasiiradda ka tirsanaa codsadeen in waxa laga murmaayo iyagu aysan wax hadal ku darsan karin illaa inta looga qaybinaayo nuqul hesshiiska ka mid ah oo marka ay soo akhristaan ka dib ay ra’yi ka dhiiban doonaan. Madaxweyne Cade Muuse ilaahay ha u naxariistee amar buu ku siiyey Agaasimihiisii Madaxtooyada inuu xubnaha golaha wasiiradda nuqul siiyo xubin kasta si ay u soo akhriyaan hase yeeshee taasu ma dhicin ajende dame oo arrintaas ku saabsana shirka golaha wasiiradda lama keenin lagamana hadlin arrintaasu waayaddi dame xataa xukuumadihii dame ma dhicin heshiis noocaas oo kale ah in baarlamaanka iyo golaha wasiiradda labadaba si daahfuran loogu soo bandhigo waana dhibaato haysata Puntland illaa hadda.

    Heshiiskaas shirkadda Range Resources wuxuu Puntland u abuuray cadow dibadeed ka dib markii ay shirkadaasu si fiican caalamka xayeysiin badan u samaysay khayraadka ku duugan Puntland waxaan xasuustaa waraysi ay siisay shirkaddaasu barnaamijka (Counting the Cost) oo Aljazeera English si asbuucle ah uga baxa laguna falanqeeyo arrimaha dhaqaalaha in ay ku baahisay shidaalka dhex ceegaaga geyiga Puntland iyadoo markaas u soo bandhigaysa maalgeshayaal caalami ah. Sidoo kale buuq badan wuu ka abuuray gudaha Puntland waxaan xasuustaa dagaal ka dhacay Majiiyahayn oo Boosaaso u dhow halkaas oo lagu sheego inay macdan badani ku jirto in shacab halkaas dega iyo ciidamo dawladda ah uu dagaal dhexmaray iyadoo markaas dawladu rabtay inay meeshaas geyso khubaro ajaanib ah oo ka sameeya  sahamin xaga macdanta ah, khilaafka halkaas ka abuurmay waa kan waaga dame ku baahay illaa buuraha Galgala iyo  kooxo xag jir ah oo halkaas ka abuurmay, dada badan oo mucaarad ku ahaa Marxuum Cade Muuse ayaa si qaldan fidnooyinkaas usii falkiyey illaa ay gaartay meel  aan laga soo qaban karin oo hada ah mid ka mid ah caqabadaha amni xumo oo illaa maanta haysta Puntland.  

    Caqabada kale oo aad u weynayd oo soo wajahday Puntland xiligaas waxay ahayd arrintii burcad badeeda oo meel xun gaartay dad badan ayaa u arkay fursad deg deg looga xoolaysan karo oo ku adduun iyo aakhiro seegay kuwo badan ayaa iyagoo dawlada ku xumaynaya burcad badeeda si toos ah iyo si dadbanba u taageeri jiray. Burcad badeedu aniga aragtidayda waxaa sabab u ahaa laba arrimood waa tan kowaade waxay ahayd kulluumaysiga sharci darada ah iyo boobka lagu hayey badeena taasoo dad dano badan ka lihi ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen qaar baa u arkayey fursad ay daliil uga dhigtaan qabsashada maraakiibta ajnabiga ah iyaga oo aan qabsanayn kuwa kalluumaysiga sharci darada ah samaynaya ee qabsan jiray kuwa xamuulka oo sida caadiga ah oo sharciga waafaqsan u gooshaya badda soomaaliya maadaama aynu ku naal meel marin badeed ah oo gaadiidka badda ee caalamku uu aad u adeegsado.

    Midda labaad ayaa hayd sumcad dil lagu samaynayey Puntland gaar ahaan iyo guud ahaan Soomaaliya maadaama ay shirkadii Tange Resources xayeysiin badan ka samaysay adduunka oo maalgashdayaal badani u hanqal taageen ayaa arrinkaasu danley kale u cuntami waayey. waxaa markaas jiray Maraakiib dawlado shisheeye leeyihiin oo si dadban u taageeri jiray burcad badeeda khaas ahaan dhinaca lacag kala gudbinta, sahayda iyo macluumaad bixinta ka hor intaan golaha ammaanku soo saarin qaraarkiisu loogu xilsaaray in maraakiib dawlado shisheeye ilaaliyaan badda Soomaaliya xasaanaddii qaranimda Soomaliyeed ee badeedana lala wareegay maadaama isu socodkii gaadiidka badda ee adduunku uu halis galay. Aniga oo markaas ahaa Wasiirka kalluumaysiga iyo Dekedaha waxaan xasuustaa qayladii badnayd iyo wareysiyaddii aan siin jiray idaacadaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah anigoo markaas dadkii burcad badeedka taageerayey uga digaya inay taageeraan burcad badeeda waxyaalihii aan xasuusto hadana laga heli karo keydka warbaahinahaas waxay ahayd haddii sidaani sii socoto waxaad fursad siinaysaan dawlado shisheeye inay la wareegaan baddeena arrintaas oo markii dame dhab noqotay illaa hadda badda Soomaaliya waxaa ilaaliya oo gacanta ku haya dawlado aduunka ah inkastoo la sheegay dhowaan in hawlgalkaasu soo afjarmi doono.

    Dhalinyaro badan ayaa hawlgaladaas ku dhintay qaarbaa xabsiyo u galay kuwo kale ayaa illaa hadda u xiran qaar baan meel ay jaan iyo cirib dhigeen aan illaa hadda la sheegi karin waxay ahayd dhibaato soo wajahday dadka Soomaaliyeed laakiin iyagu ay gacantooda ku samaysteen maadaama si qaldan loo fasiray arrinta la xiriirta kalluumaysiga sharci darada ah iyadoo qiil looga dhiganayo abuurista iyo  taageerista burcad badeednimada si dano gaar ah oo xoolaysi deg deg ah salka ku haysa loo meel marsado ama dawladda lagu xumaynayey  si sumcadda looga dilo.

    Caqabada kale oo xusida mudan soona wajahday dawladdaas waxay ahayd qabsashadii Laascaanood ay qabsatay Somliland taasoo ay keentay awooddii ciidamadda difaaca Puntland oo daciiftay maadaama xoogooddii u wareegay dhinaca federaalka, mida labaad oo ahayd kala qaybsnaan siyaasadeed oo dhex martay dadka gobolkaas degan iyo tan sadexaad oo ahayd faragelin ay samaysay dawladdii Ethopia markaas ka jirtay oo ku qanacday in danteedu ku jirto in Somaliland qabsato halkaas iyadoo ku taageertay hub iyo saanad maamulkii Somaliland si uu Laascaanood ula wareego.  

    Maxakamadihii Islaamiga ahaa oo ka samaysmay koonfurta Soomaaliya ayaa iyaguna ahaa khatar weyn oo Puntland soo wajahday maadaama Maxakmadaha iyo dawladdii federaalka ee ku meel gaarka ahayd uu dagaal ka dhexeeyey Puntlandna ay ahayd halka laga taageero dawladaas maxakamaduhu waxay mar u soo dhaqaaqeen xagga Puntland iyagoo soo gaaray meel Gaalkacyo waxyar u jirta Marxuum Cade Muuse wuxuu abaabulay culimo markaas aad looga yaqaanay Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanada Puntland waxaan ka xasuustaa ilaahay ha u naxariistee Sheekh Cabdulqaadir Niur Faarax iyo rag kale, guddi culimadaas ka kooban ayaa Xamar uu aaday inay maxakamadaha ka dhaadhiciyaan inysan Puntland duulaan ku soo qaadin hase yeeshee ragaas waxaa xujo looga dhigay in Puntland ku dhawaaqdo inay qaadatay shareecadda islaamka warkaas markii la soo gaarsiiyey marxuum Cade Muuse si fudud buu uga sheegay BBC-da in shareecadda islaamka lagu dhaqayo Puntland isagoo farsamo ahaan uga jeeda iskana fogeynaya weerar xaggaas uga yimaada, arrinkaasu duulaankii maxkamaduhu ku soo wadeen waa hakiyey qiil ay ugu soo duulaan Puntland waa waayeen. Hase yeeshee dawladdi Ethopia markaas ka jirtay oo ciidamo ka joogeen gudaha Soomaaliya ayaa markiiba ciidan ku soo xoojisay Puntland dabadeedna maalmo ka dib dagaal xun baa lagu qaaday maxkamdihii joogay gobalada dhexe sidaas baana khatartii maxkamadaha laga baqaayey ay ku baaqatay.

    Arrinta kale oo xusida mudan oo ahayd qalad weyn oo markaas dhacay ayaa ahayd daabacaadii shilinka Soomaaliga iyo sicir bararkii ay abuurtay waxay ahayd markii kowaad oo lacag shilin Soomaali ah lagu daabaco Puntland gudaheeda taas oo sicir barar badan ka abuurtay wadanka inkasta oo markii dame dawladu joojisay ka dib markii xaalku meel adag gaaray hadana arrinkaasu wuxuu keenay dhib badan oo dhaqaale.  Markii kowaad waxay ahayd xiligii Cabdullaahi Yuusuf inkasta oo taas dibada lagu soo daabacay diyaaradana lagu keeni jiray waxay ahayd mid xoogaa xakamaysan marka loo eego middii Boosaaso gudaheeda lagu daabacay oo aan soo xusnay laakiin mar walba in lacag la daabacaa waa sharci daro isla markaasna waa arrin dhibaato ku ah dhaqaalaha soona dedejisa dhaqaale bur bur iyo danyarta oo noloshoodu meel adag gaarto. Markii sadexaad oo lacag la daabaco waxay ahayd xilligii madaxweyne Gaas oo aynu qormooyinka soo socda ku xusi doona haddii ilaah idmo.

    Marxuum Cade Muuse xilligiisii barnaamijka qof iyo cod hawl lagama qaban markii waqtigii soo dhowaana baarlamaankii ayaa fariistay oo lifaaq sameeyey uu ku baaqayo in doorashadii reeraha ay tahay xalka keliya oo furan sidaas buu Marxuum Cade Muuse ku qalqaaliyey doorasho taasoo qabsoontay Janaayo 8-2009 oo ay ku tartameen Cade Muuse, General Ilko Jiir, Cabdiraxmaan Faroole iyo rag kale, doorashadaas waxaa ku guulaystay oo Madaxweyne Puntland loogu doortay Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo xilka hayey illaa Janaayo 8-2014. Marxuum Cabdullaahi Yuusuf oo xiligaas iska soo casilay Madaxweynihii federaalka ayaa isaguna Garowe joogay wuxuu ku dadaalay inuu Madaxweyne noqdo General Cabdullaahi Jaamac Ilkajiir oo ay ciidan isla ahaayeen hase yeeshee Generaalku kaalinta labaad buu galay oo Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka badiyey inkasta oo markii dame uu wasiirkiisii arrimaha gudaha u magacaabay oo uu la shaqaynayey illaa dhamaadkii xukunkiisa.

    Hadaba maxaynu ka baran karnaa marxaladaas iyo taariikhdaas kooban oo aan ka waramay?

    Waxaan is leeyahay waxaynu ka baran karnaa in soo saarista khayraadka dabiiciga ah iyo ka faa’iidaysigiisu ay tahay arrin xasaasi ah loona baahan yahay marka hawshaas la gelaayo in si taxadar ku jiro loo maareeyo, dawlad goboleed keligeed inaysan ku filnaan karin maareynta howshaas iyo dhibaha ka imaan kara, in loo baahan yahay xasilooni iyo amni ka hor intaan hawshaas lagu dhaqaaqin iwm. Dhibaatada buuraha Galgala illaa hadda ka jirtaa waxay asalka ka abuurantay khilaaf macdaneed hase yeeshee markii dame wajiyo kale ayey yeelatay. Ugu damayntii waxaynu ka baran karnaa in burcad badeedu ahayd masiibo dadkaan mar ku habsatay ilaahayna laga baryo inaysan dib inoogu soo noqon hawl burcad badeednimo. Ugu dmayntii in Madaxweynaha la doorto Janaayo sideeda waxaa bilaabay Marxuum Cabdi Xaashi sidaas baana qori isu dhiibkaasu illaa maanta ku socdaa.

    Axmed Siciid Nuur

    Email: ahsnur77@gmail.com 

    Mobile 0907797081

    The post Qaybta Afraad: fursadihii iyo Caqabadihii dawladdii Marxuum Cade Muuse Xirsi (2005-2008) appeared first on Puntland Post.


  7. Fire.jpg?resize=750%2C375&ssl=1

    Ismael Haji Yussuf and his family have been sleeping rough in a small flimsy hut after their home was burnt down in a fire that broke out on 18 January, when everyone in the family was away from home.

    They are among 350 families in Gobyaal village in Qallafe district, Ethiopia’s Somali Region, whose houses were destroyed in the fire whose cause has not been established yet, according to the authorities.

    Ismael lost his two-roomed house and everything inside, including bedding and the food he reserved from the last harvest for the family to survive on in the current drought season. His family of 11 now depends on dry food donated by well-wishers.

    “I didn’t salvage anything at all from the house. The fire gutted sorghum worth 50,000 Ethiopian birr ($769). It also burnt $5,000 in cash that I was keeping home. The money was to pay the family bills and fuel for the farm generator. Three of my cows were also burnt alive,” he recounted.

    Ismael told Radio Ergo that he does not have money to rebuild his house. They live on the produce of his one-and-a-half-hectare farm and 20 cows, but he lost 12 cows to the drought in November.

    “We were already struggling with the drought and then this fire crippled us totally. We worked for ourselves, we don’t have anyone who supported us with the bills,” he said.

    Another resident of the village, Omar Mohamoud Dahir, is sheltering with his eight children under a tree near the remnants of their house. His family has been cooking food given out by a volunteer committee that collected the food from families not affected by the fire. He has just five kilograms left of the food he received.

    “We don’t eat three meals a day now. We eat breakfast in the morning and maybe dinner if we get something to cook. We are living a difficult life,” he said. He used to support the family from his small shop in his compound, but the shop was burnt as well.

    “Everything that was in the house and shop was burnt. We only got the people out and nothing else. There is no work now and people are struggling here. We wait for God’s mercy,” he said.

    Omar looked for farming jobs in the village, but most farmers are affected by the drought and have no work.

    A team from UN agencies in the region, led by officials from Somali Region’s disaster management office, visited Gobyaal village. The office’s coordinator in Shabelle region, Abdi Ahmed Elmi, told Radio Ergo that they came to assess the damage. He noted that there were no immediate plans to rebuild homes for the families affected.

    The coordinator said that whilst nobody died or was injured, the fire destroyed 7,000 kgs of harvested maize, 2,350 kgs of sugar, three farm generators, houses, shops and three donkey carts.  There are 790 families in the village whose income depended on farming and livestock.

    Source: Radio Ergo

    The post Families homeless in Somali Region village after fire destroys homes and businesses appeared first on Puntland Post.


  8. Doorashada afar kursi, oo kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

    Kuraastaas waxa ku tartami doono musharrixiin gaaraya 10 qof, oo qaarkood haween yihiin, sida uu shaaciyay Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Dowlad Goboleedka Galmudug.

    Afarta kursi waxaa horay ugu fadhiyay:

    Hop#139 Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin, Hop#049 Mustaf Sheikh Cali Dhuxuloow, Hop#051 Xasan Macalin Maxamud Sh.Cali iyo Hop#061 Cabdiweli Maxamed Qanyare

    PUNTLAND POST

    The post Doorashada afar kursi oo maanta ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.


  9. 2d4d5tj.jpg?resize=640%2C510&ssl=1

    Alla ha’unaxariisto waxaa caawa dalka Sweden ku geeriyooday Xirsi Bulxan Faarax oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya laga soo billaabo 1968-tii illaa 2012.

    Xirsi Bulxan Faarax, ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed, 1968-dii wuxuu noqday xildhibaan laga soo doorto degmada Eyl, isagoo noqday Wasiirkii Xanaanada Xoolaha, aragtidiisa siyaasadeed ayaa dhowr jeer loo xiray, wuxuuna burburkii kadib ka mid ahaa asaasayaashii Puntland.

    2004 markii la dhisayay dowladda federaalka Soomaaliya wuxuu guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaasi, maadaama uu ahaa xildhibaankii ugu da’weynaa muddadaasi iyo wixii ka danbeeyay wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya illaa 2012.

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Kenya, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xirsi Bulxan Faarax.

    “Alla ha’unaxariisto Xirsi Bulxan Faarax wuxuu ahaa shakhsi ku weyn dadka Soomaaliyeed oo wakhti badan geliyay dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed. Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeeynayaa Shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qoyskii iyo asxaabtiisii, isagana waxaan Alle uga baryayaa inuu janadii geeyo” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    PUNTLAND POST

    The post Xirsi Bulxan oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Afar kursi oo kamid ah kuwa reer waqooyiga ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho. Kuraastaan afartaba waxaa laga leeyahay degmada Seylac. Sidoo kale dhowr kursi ayaa maanta iyagana lagu doortay magaalada Garowe ee maamulka Puntland.

    Kuraasta reer waqooyiga ee maanta la doortay waxaa reer ahaan iyo talaba ku leh madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ay reerkiisu 8 kursi ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka.

    Maalmahaan waxaa jiray loolan u dhaxeeyey madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa la sheegay in kooxda madaxweyne Farmaajo ay isku dayday in aysan kuraastaan kusoo bixin dhammaan xubnaha uu xiriirka dhow kala dhaxeeyo Ismaaciil Cumar Geelle, balse waxaa la xaqiijiyey inay ugu dambeyn taas ku guul dareysteen.

    8-da kursi ee reerka Ismaaciil Cumar Geelle ku leeyihiin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya laba kamid ah ayaa horay loo doortay, waxaana kusoo baxay dadka Farmaajo ogol yahay, kuwaas oo sidoo kale uu soo bixitaankooda raali ka ahaa Ismaaciil Geelle.

    Hase yeeshee afarta saakay la doortay waxaa la sheegay in 3 kamid ah uu Farmaajo rabay in la bixiyo dadkii ugu cadcadaa, kuwaas oo si weyn ugu xiran Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, balse damacii kooxda Farmaajo ma suura gelin.

    Kuraasta maanta laga doortay dhanka reer waqooyiga waxaa seddex kamid ah kusoo laabtay dadkii horay ugu fadhiyey, hal kursi ayuuna isbadal ku dhacay oo qofkii horay ugu fadhiyey uusan ku soo bixin.

    Kursiga HOP#268 waxaa maanta loo doortay Maxamed Cali Xagaa oo ah wasiir dowlaha wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda federaalka ah, isaga ayaana horay ugu fadhiyey kursigaan, wuxuu ku jiray dadkii maalmihii ugu dambeeyey sida weyn u kala fogaadeen madaxweyne Farmaajo, xagga siyaasadda.

    Kursiga labaad ee maanta la doortay dhanka kuraasta Seylac waa HOP#267, Seynab Maxamed Caamir ayaa ku adkaatay tartankii loo galay kursigaan, iyadana ayaana horay ugu fadhisay.

    Kursiga HOP#236 waxaa mar kale kusoo laabtay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore, kaas oo isaga horay ugu fadhiyey kursigaan. Ninkaan wuxuu kursigaan ka dhaxlay oo horay looga dilay Aabihiis Cismaan Cilmi Boqore oo mar soo noqday guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka Soomaaliya.

    Kursiga HOP#269 waxaa maanta kusoo baxay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, kursigaan waxaa horay ugu fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Kaamil, waa kursiga qura ee uu isbadal ku dhacay qofkii ku fadhiyey, marka la eego kuraastii maanta laga doortay dhanka reer waqooyiga.

    Dhanka Puntland, iyadana waxaa maanta la doortay dhowr kursi. Kuraasta maanta lagu doortay magaalada Garowe waxaa kamid ahaa kursiga HOP#94.

    Kursigaan waxaa maanta loo doortay Sahra Cabdullaahi Cigaal, waxayna badaleysaa Prof. Axmed Ismaaciil Shabeel oo kursigaan ku fadhiyey shantii sano ee lasoo dhaafay.

    Kursiga HOP#192 oo kamid ahaa kuraastii maanta lagu doortay magaalada Garowe waxaa kusoo baxay Maxamed Faarax Nuux.

    Kursiga HOP#121 oo kamid ahaa kuraastii lagu doortay Garoowe waxaa iyadana kusoo baxday Farxiya Yuusuf Cumar, Kursigaas waxaa horey ugu fadhisay Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo kamid aheyd xubnaha sida weyn uga dhex muuqday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya shantii sano ee lasoo dhaafay.

    Kursiga HOP#14 oo isna maanta lagu doortay magaalada Garowe waxaa kusoo baxay Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar, kursigaan waxaa horey ugu fadhisay Sacdiyo Careys Ciise taasoo kamid noqotay liiska uu Saciid Deni ka saaray Baarlamaanka.

    Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta dhowr cod oo isaga loo tiranayo ka helay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe.

    Doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa si xooli ah u socota wallow ay jiraan cabashooyin xooggan oo ka taagan sida loo maareenayo kuraasta, laakiin golaha wadatashiga qaranka wuxuu u muuqdaa inuu go’aansaday in si walbaba doorashada la dhameystiro oo aan loo istaagin cabashooyinka ka imaanaya qabaa’ilka iyo musharixiinta u taagan kuraasta la dooranayo.

    The post Farmaajo oo jug culus ay kasoo gaartay doorashadii maanta ee Muqdisho iyo Garoowe appeared first on Caasimada Online.


  11. vlcsnap-2022-02-02-11h02m12s059.png?resi

    Hay’adda PMWDO ayaa tababar socday 4 cisho magaalada Garoowe ugu soo geba-gebaysay 40 qof oo laga soo xulay Xaafadaha iyo Kaamamka caasimadda Garoowe.

    Tababarka ayaa lagu baranayey isdhexgalka Bulshada iyo xuquuqul insaanka waxaana dadkaan ay noqon doonaan u qareemayaal xuquuqda aadanaha iyo isdhexgalka Bulshada.

    Jaamac Cabdi Bulshaale oo ah madaxa mashruuca ee hay’adda PMWDO ayaa sheegay tababarka uu ahaa mid Bulshada u mihiim u ah.

    Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

    PUNTLAND POST

    The post Tababar ku saabsan Xuquuqda Insaanka oo lagu qabtay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.


  12. SIXITAAN KHALAD

    Maqaalka- WAA MAXAY DANTA JABUUTI? oon la xidhiidhiyey qof aan lahayn

    Salaanta islaamka ka dib, waxaan cudur-daar ka bixinayaa maqaalka cinwaankiisu hoosta ku yaalo, oo xalay aan sifo khalad ah ula xidhiidhiyey inuu qoray Safiir Aadan Muse Jibriil.

    Maqaalka oo sida laga fahmi karo ku yimi xogo warbaahino kala duwan ka qoreen mowduuca dooda oo la uruuriyey, isla markaana baddi bulshada af soomaaliga ku hadasha si u heleen ama lala wadaagay, ayaa Safiir Aadan, iigu soo diray ogaansho ahaan, balse, culays dhinaca diyaarintii wararka wargeyska DAWAN ee Arbacadii awgeed, markuu I soo gaadhay waxaan u qaatay maqaal uu qoray, ama uruuriyey, intaan degdeg isha u mariyey, ka dibna, sidaa ula wadaagan warbaahinta intaan magaciisa raaciyey.

    Daacadi ma hungowdo’ ayaa hore loo yidhe, markuu I weydiiyey sababta aan magaciisa ugu qoray, Walaahi, niyadaan ka naxay, laakiin, Ilaahay SW niyadayda wuu ogaa inaanan xumaan ula jeedine, waan ka raaligeliyey, una ballanqaaday inaan ku wargelin doono bulshadii aan la wadaagay khaladka dhacay.

    waxaan ka dalbanayaa cid kasta, ama dal kasta oo si u saameeyey, ama dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti, inay iga raali ahaadaan, wax xumaan ahna ulama jeedin, isla markaana Safiir Adan M Jibril, aanu wax khalad ah ku lahayn, hadii cid loo raacayo annigaa qoorta dhiganaya, laakiin xumaan ugama jeedin.

    Waxaan ka dalbanayaa Warbaahin kasta oo sii baahisay inay raaciyaan sixitaankan, ama ka saaraan degelkooda, hadii ay awoodaan, taasoo abaal ugu hayn doono qof kasta, Ilaahay SW aan ka baryayo inuu igu simo guditaankeeda.

    Walaalayaal, bani’aadamku khalad wuu ka dhacaa, laakiin, qirashadiisa iyo ka noqoshadiisu waa sharaf, Ilaahay dariiqa Xaqa innaga, waalidiinteen iyo ummada islaamka dhamaantood ha waafajiyee, aamin.

    WAA MAXAY DANTA JABUUTI?

    Joornaalada Itoobiya, sida Addis Herald, Addis Tribune, Addis Zemen iyo joornaalada ku qoran Afka- Axmaarka, ayaa waxa ay ka faaloodeen socdaalka Wasiirka Arimaha Dibada iyo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ay ku tageen Djibouti.

    Kibir fogaaday ka dib, Djibouti waa ay soo toostay,laakiin waxa taagan laba dhibaato.

    Labada dhibaato ayaa ah, Eritrea oo si is dabajoog ah dhoolatus uga samaysa xadka ay la leedahay Djibouti, iyo Canfarta Itoobiya oo bilaabay is gaashaanbuuraysi loo bixiyey ( Greater Anfar ) ama ( Canfar Weyne ).

    Canfar Weyne waa mabda ay ku doonayàan in ay ku mideeyaan Canfarta Eritrea, Itoobiya iyo Djibouti, isla markaana ay gacanta ku dhigaan talada Jamhuuriyada Djibouti.

    Khatartan ayaa waxa ay madaxweynaha Djibouti, Ismael Omer Guelleh, soo xasuusisey codsi uu u dirtay Madaxweyne Hassan Aptidon Somaliland, markaas oo ciidamo isugu jira Somaliland iyo Djibouti ay 1992, ka saareen maleeshiyada Canfarta, magaalooyinka Assa Gueyla, Balho, Dora iyo Randa oo ku yaala dhinaca Tadjourah ee waqooyiga Djibouti.

    Jabhada FRUD, oo hub badan ka helay askartii ka cararaysay jabhada TPLF, May 1991, ayaa qorshahooda uu ahaa in ay xoog xukunka kaga ridaan Madaxweyne Hassan Aptidon, waxana taas ay keentay in Madaxweyne Aptidon uu ka khudbadeeyo Baarlamaanka Djibouti, February 10,1992, isaga oo ku balanqaaday in Isaaq, Gadabgursi iyo Arab ay xisbiyo Dimuqraadi ah ka furan doonaan Djibouti.

    Dagaalka jabhada Canfarta FRUD ay ku hayeen Djibouti, waxa uu sababay in Madaxweyne Hassan Guled uu isku shaandhayn ku sameeyo golahiisa wasiirada February 4,1993, markaas oo uu 8 wasaaradood uu siiyey Ciisaha, 7 wasaaradood oo uu ku jiro ra’iisal wasaaraha uu siiyey Canfarta, halka wasaaradaha soo hadhay ay qaybsadeen Arab, Isaaq iyo Gadaguursi.

    August 26,1992, ayaa waxa is casilay Helaf, Orbis Ali, oo ahaa Wasiirka Shaqaalaha Djibouti.Helaf Ali, waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha Djibouti, Hassan Aptidon, in uu siinayo waraaqaha dhalashada Djibouti, dadka Isaaqa ah ee degan Somaliland, si loo yareeyo tirada dadka Canfarta.

    February 22,1994, Madaxweyne Iggal ayaa waxa uu diiday in ciidamadiisa ay la dagaalamayaan FRUD, ka dib markii Madaxa Shaqaalaha Jabhadda FRUD, oo lagu magacaabo Ougoureh Kifle Ahmed, uu ku eedeeyey Somaliland in ay caawinayaan ciidamada Djibouti.Isla markaas ayaa jabhada FRUD, xoog looga saaray dhul badan oo ay hore u haysteen.

    Qalalaasaha bilowgii 1990, oo u muuqda mid soo noqon kara 2022, ayaa waxa ay sababtay casuumad uu Madaxweynaha Djibouti Ismael Omer Gueleh u fidiyey laamaha kala duwan ee xukuumada Somaliland, sida Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland iyo Wasaarada Arimaha Dibadda.

    Wariyaha caanka ah ee France 24, Adolphe Amouroux,ayaa sheegay in casuumada ay Djibouti u fidisay madaxda Somaliland ay timid ka dib markii warbaahinta Geeska Afrika ay sii daayeen soo dhaweyn aad u saraysa oo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo golahiisa wasiirada ay ku qaabileen Madaxweynaha Somaliland, Muse Bihi

    Sida uu sheegay Adolphe Amouroux,Djibouti waxa ay doonaysaa heshiis daacad ah, heshiiskaas oo ku salaysan ganacsiga iyo ilaalinta amaanka in ay la gasho Somaliland, si garab loogu helo khataraha ka imanaya Canfarta iyo Eritrea.

    Mohamoud Ali Walaaleye

    Shabakada qarannews, marna kama masuul aha fikradaha iyo araarta ay dadweynahu is dhaafsanayaan, waxa aanu aqbalnay in aanu maqaalkii hore ee la na soo gaadhsiiyay aanu ku badalno kan saxda ah ee uu qorahu hada naga codsaday

    Qaran News


  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale oo ahaa musharax xildhibaan ayaa ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ku eedeeyey inuu ka hor-istaagay inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee HOP#049.

    Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa horay ugu fadhiyey kursigaas, waxaana maanta mar kale loo diiwaan geliyey inuu u tartamo.

    Mukhtaar ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre uu ka shaqeeyey in kursigaas oo beesha Habarcayno ee Murusade ay ku leedahay golaha shacabka loo xiro Mustaf Dhuxulow oo aan lagula tartamin.

    Sidoo kale eedeyntaan waxaa soo galay Nabadoon Xaad oo Xasan Cali Kheyre wakiil uga ah kuraasta beesha ee Galmudug taalla, sida uu sheegay musharaxaan la reebay.

    “Waxaan u sheegayaa umadda Soomaaliyeed, beesheyda iyo ra’iisul wasaare Rooble, in ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu boobayo kuraasta beel-weynta Murusade, isagoo adeegsanaya Adeerkiis Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, taas oo keentay in kursiga aan u tartamaayey ee Hop049 loo xiro Mustaf Dhuxulow,” ayuu yiri Mukhtaar Sheekh Xuseen.

    Ninkaan oo galabta warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyey inuu isaga haray tartanka kurigaas, kadib markii laga hor istaagay tartanka, isagoo sheegay in Nabadoon Xaad iyo Kheyre aysan dooneyn in kursigaas lagula tartamo Mustaf Dhuxulow.

    Afar kursi oo kursigaan cabashadu ka timid uu ku jiro ayaa berri lagu dooranayaa magaalada Dhuusamareeb, waxaana musharaxiintii maanta la diiwaan geliyey ka mid ahaa wiil uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu-Sunna iyo Mustaf Dhuxulow.

    Hoos ka daawo

    The post Daawo: KHEYRE ‘oo hor-istaagay’ musharaxnimadii Mukhtaar Sheekh Xuseen appeared first on Caasimada Online.


  14. Kooxo ku hubaysanaa Bastoolado ayaa maanta waxay ku dileen magaalada Muqdisho askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda federalka Soomaaliya, gaar ahaan waaxda Canshuraha ee lagu magacaabo Minashiibiyo.

    Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee gbolka Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn halka lagu magacaabo Kaawada ee xaafadda Jamhuuriya ee degmadaasi, dilka ayaa waxaa geystay dhallinyaro ku hubaysnaa Bastoolado.

    Kooxiihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana wararku ay intaas ku darayaan in askariga la dilay horay uga qaateen qori uu watay oo ahaa nuuca loo yaqaano AK47, waxaana goobta durbaba soo gaaray goobta ciidanka dowladda.

    Ciidanka ayaa qaaday meydka askariga la dilay waxaana ay goobta ka sameeyeen baaritaan kooban wallow aan la shaacid cid ciidanku ay usoo qabteen dilka ka dhacay degmada Kaaraan ee loo geystay askariga ka tirsan waaxda Canshuuraha.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli kasii socota dalka, ayada oo muddadii loo qabtay in lagu gaba-gabeeyo ay ka harsan tahay 23 maalin oo keli ah.

    Golaha Wadatashiga Qaran ayaa 9-kii bishii hore go’aamiyay in doorashada xubnaha Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 Cisho laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

    Haddaba, mudada kooban ee hartay ma lagu soo gaba-gabeyn karaa doorashada Golaha Shacabka, mise dib u dhac kale ayaa ku imanaya?

    Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina oo warbaahinta kula hadlay maanta gudaha Dugsiga Tobabarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa sheegay in doorashooyinka Golaha Shacabka ay u socdaan sidii loogu talo-galay.

    Safiina ayaa waxa uu xusay in maalinta berrito ah ay soo xiri doonaan doorashada 100 kursi oo Golaha Shacabka, islamarkaana ay dardar-geliyeen doorashada.

    Sidoo kale waxa uu rejo wanaagsan ka muujiyey in jadwalkii doorashada ee loo asteeyay 25-ka bishaan lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

    Ugu dambeyntiina waxa uu faray guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka doorashada inay si deg deg ah u shaaciyaan jadwalka doorashooyinka ee deegaanadooda lagu qabanayo.

    Doorashooyinka ayaa waxaa dhowr jeer ku yimid dib u dhacyo, ayada oo ay shaqeyn waayeen jadwal doorashooyin kala duwan oo lasoo saaray, waxaana xiligaan lagu wadaa in doorashada Golaha Shacabka ay kusoo afmeermaan waqtigii loogu tala-galay, ama ugu yaraan bisha kale bilowgeeda.

    The post Guddiga Doorashada oo shaaciyey haddii doorashada la dhameyn karo kahor 25-ka Febraayo iyo haddii kale appeared first on Caasimada Online.


  16. Beledweyne (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka digay in ciidamada dhawaan la geeyay magaaladaasi ay keeni karaan iska horimaad gacan ka hadal ah, iyagoo xusay inay taliyaha ciidamada lugta ee Dowladda Soomaaliya kala xisaabtami doonaan cid kasta oo ku dhimata Beledweyne.

    Warqad qoraal ah oo loo diray Ra’iisal Wasaare Maxamed Rooble oo nuqul ka mid ah sidoo kale la gaarsiiyey Beesha Caalamka, ayey Madaxda Beesha Xawaadle kaga digeen in Ciidamada la geeyey Beledweyne uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u isticmaali rabo boobka kuraasta taala Beledweyne.

    “Waxaan rumeysannahay in ciidamada qalabka sida ee la geeyey Beledweyne ay tahay fal daandaansi ah oo keeni kara iska hor imaad dhex mara bulshada Hiiraan, taasoo keeni karta barakac iyo amni darro hor leh, xilli in ka badan laba milyan oo shacabka Soomaaliyeed ah ay qarka u saaran yihiin inay macluul u dhintaan halka kala bar Soomaalida ay wajahayaan cunto yari,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu qoray warqadda.

    Sidoo kale warqadda ayaa walaac looga muujiyey in ciidamada la geeyey magaalada Beledweyne aysan hoos imaan talisyada ciidamada, islamarkaana aan lasoo marsiin Wasaaradda Amniga iyo habraacyada ciidamada loo dajiyey.

    Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay inay isku aaday hadalkii  dhawaan ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka maamulka Goboleedka HirShabelle ee ahaa in dhammaan kuraasta baarlamaanka Beledweyn ay “ku guuleysanayaan” musharaxiin ay iyagu doortaan, beeluhuna aysan wax door ah ku yeelan doonin.

    “Waxaan rumeysannahay inuu xiriir ka dhaxeeyo ciidamada la geynayo Beledweyne iyo hadalka ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ee ahaa in doorashada lagu shubtay aysan ahayn wax iska yimid oo kaliya balse uu yahay qorshe uu soo abaabulay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu saameyn ugu yeesho natiijada doorashada,” ayay yiraahdeen hoggaamiyeyaasha beesha Xawaadle.

    Ugu dambeyntii warqadda ayaa lagu xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya SNA Sareeye Guuto Maxamed Tahliil Biixi oo ay sheegeen inuu hoggaaminayey ciidamada la geeyey Beledweyne, waxana warqadda lagu xusay in Biixi oo ah muwaadin UK ah in lagu dacwayn doono sharciga ‘Overseas Operation Law”  ee baarlamaanka UK uu ansixiyay sanadka 2021.

    Shir ay dhawaan isugu yimaadeen Xildhibaano hore xilal kala duwan u soo qabtay, Madaxweynayaashii hore ee HirShabelle, Qurbajoogta Beesha Xawaadle iyo qeybaha bulshada ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin in ciidamo la geeyo magaalada Beledweyne, iyagoo xusay in xaaladda ka jirta magaalada Beledweyne ay tahay mid siyaasadeed, islamarkaana wax looga qaban karo oo kaliya wada-hadal iyo dib u heshiisiin.

    Hogaamiyayaasha ayaa intaa ku daray in soo daabulitaanka ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo labaduba uu tababaray dalka Turkiga ay sidoo kale jebiyeen heshiisyadii siyaasadeed ee dhawaan ay gaareen golaha wada tashiga qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaas oo ciidamada ka mamnuucay in ay galaan siyaasada.

    Magaalada Beledweyne ayaa waxaa taalo 25 Kursi oo kamid ah 38-ka kursi ee HirShabelle, wuxuuna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dadaalayaa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa kuraastaas.

    The post Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Jeneraal Biixi oo dacwad looga furayo UK appeared first on Caasimada Online.


  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wufuud kala duwan oo taliyeyaal ciidan u badan oo ka socday dalalka jaarka ee Ethiopia iyo Jibuuti, kuwaas oo dalka u yimi ka qaybgalka sannad-guurada 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland.

    Wufuudda ka timi dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya oo ay hoggaaminayaan saraakiisha ugu sarraysa ciidamada kala duwan ee labada dal, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii uu madaxweynuhu saraakiisha ugaga mahadnaqi lahaa sida ay usoo sharfeen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay uga soo qaybgaleen munaasibadda sannad-guurada ciidanka qaranka.

    Dhankooda, Waftiga saraakiisha ah ee ka kala socda dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya, ayaa  madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu usoo dhaweeyey, waxana ay tilmaameen soo dhaweyntu tahay astaan ay caan ku yihiin bulshada reer Somaliland.

    Source


  18. Safiirka UK u fadhisa Soomaaliya Kate Foster iyo ergayga abaaraha iyo gargaarka u qaabilsan dowladda Ingriska Nick Dyer ayaa maanta kulan wadajir waxaa ay magaalada Kismaayo kula qaateen madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

    Kulanka ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa inta badan looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladda abaaraha ee ka jirtay deegaannada Jubbaland, taas oo saamaysay dadka iyo duunyada iyo sidii wax looga qaban lahaa arrintaas.

    Wasiirka gargaarka maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa kualanka kadib warbaahinta la hadlay waxaana uu ka warbiyey kulanka “ Ujeedada wafdigaan ayaa waxaa uu yahay sidii ay u heli lahaayeen xog dhab ah oo ku aadan Abaaraha, wafdigaan socdaal;kooda waxaa uu dabasocday dadaallo, juhdi iyo qaylodhaan uu sameeyey madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xiriirro badan uu la sameeyey beesha caalamka” ayuu yiri.

    “ Waxaana ay noo ballan qaadeen in ay dadaali doonaan, dowladda UK inta tabarteeda ah ay kasoo qayb qaadan doonto garab istaaga bulshada reer Jubbaland, waxaana ay sidoo kale ballan qaadeen ay olole badan sidii dadkaan loo caawin lahaa, iyadoo laga duulayo dadaalada madaxweynaha waxaan maalmaha soo socda aan sugaynaa wufuud kale” ayuu yiri

    Deegaannada Jubbaland ayaa waxaa ka jirta abaar baahsan taas oo siweyn u saamaysay dadka iyo duunyada, abaarta ayaa siweyn waxaa ay uga jirtaa gobolka Gedo, dad badan oo xoolohoodii dhaafeen ayaa ayaa soo gaaray magaalooyinka.

    272843712_489581272523768_54838486472305 272855614_489581205857108_56830426182967 272870719_489581185857110_98353352655442 272871391_489581039190458_57041587883703 272881445_489581242523771_42549454598174 272911675_489581042523791_66660511607238 272943669_489581115857117_64929241547065 272943669_489581115857117_64929241547065 272976751_489581105857118_45042879859690

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  19. Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada laba kursi, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jowhar.
    Kuraasta la shaaciyay doorashadooda ayaa ah HOP#70  iyo HOP#115, waxaana lagu wadaa in doorashadoodu ay dhacdo todobaadka soo socda.
    Labadaan kursi ayaa waxaa baarlamaankii 10-aad ku matalayay hirshabeelle xildhibaanada kala
    HOP#70: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Aadan Cali Xasan
    HOP#115: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad)

    11.jpg

    Source: goobjoog.com