Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) u Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Gedo. Al qaadi ayaa muddo dheer ahaa Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo. Magacaabistiisa ayaa timid Xilli Gudoomiyaha hadda ee gobolka Gedo uu xiriirka u jaray maamulka Jubbaland islamarkaana uu la xirtay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Maamulka Jubbaland ayaa bilaabay maalmihii lasoo dhaafay in uu xoogga saaro sidii uu uga hortagi lahaa in gobolka Gedo uu soo galo gacanta Dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa diiday is doorashadii Madaxweynaha Jubaland ee dhawaan ka dhacday Kismaayo waxa ay ku tilmaamtay mid sharci daro ah. Source: goobjoog.com
  2. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caasimadda ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis, taas oo muhiim u ah geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo xoojinta matalaadda shacabka. “Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay horumarinta caasimadda intii uu xilka hayey. Source: goobjoog.com
  3. Dalalka Ingiriiska , Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku eedeyay Iran inay sare u qaaday kaydka Uranium-ka aadka loo xoojiyey , heer aan horey loo arag, tallaabadaa oo ay ku sheegeen mid sharci darro ah , iyagoo markaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyinka aan la hureyn si looga hortago sare u qaadista Iran ee kaydka Uranium-ka. Safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay oo ka jawaabay hadalka saddexdan dal ayaa ugu hanjabay in haddii ay dib ugu soo rogaan cunaqabatayn Iran, markaa ay la kulmi doonaan cawaaqib qalalaase abuuri kare oo ka hor imaanaya danaha dalalkan. Hadalkan saddexdan dal oo xalay soo baxay , wuxuu ku soo aaday xilli laga maqlay Netanyahu inay ka wada-hadleen Trump sidii ay weerar wadajir ah ugu qaadi lahaayeen barnaamijka nukliyeerka Iran oo ay ku sheegeen mid halis ah , waqtigan in la maqlo sare u qaadista Uranium-ka aadka loo xoojiyey oo suragelinaya soo saarista bambada nukliyeerka waxay dedejinaysa iskudayga Mareykanka iyo Israa’iil ay ku doonayaan in meesha laga saaro barnaamijka nukliyeerka Iran. PUNTLAND POST The post Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka oo ku eedeeyay Iran in ay sare u qaaday Keydinta Uranium-ka appeared first on Puntland Post.
  4. Jeneraal sare oo Ruush ah ayaa lagu dilay bam lagu qariyay mooto, meel bannaanka ka ah dhismihii uu ka degganaa magaalada Moscow, maalin ka dib markii guddiga ammaanka ee Ukraine uu ku soo oogay dacwad dambiyeed. Sarkaal u hadlay Ukraine ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen. Lt. Gen. Igor Kirillov, oo ahaa madaxa ciidamada militariga ee nukliyeerka, baayolajiga iyo ilaalinta kiimikada, ayaa la dilay xilli uu u socday xafiiskiisa. Kaaliyaha Kirillov ayaa sidoo kale ku dhintay weerarka. Kirillov, oo 54 jir ah, ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan UK iyo Canada, iyadoo loo heystey falkii uu ka gaystay dagaalka Moscow ee Ukraine. PUNTLAND POST The post Jeneraal sare oo Ruush ah oo lagu dilay magaalada Moscow appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Xarunta dowladda Hoose ee Xamar uga qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir. Guddoomiyaha xilka wareejiyey ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub, isagoo ka sheekeeyey waxyaabihii uu qabtay. “Guddoomiye Amiir ku soo dhawaaw u qidmaynta 4 malyan oo ku nool caasimadda Muqdisho” ayuu yiri Madaale. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in Madaale uusan meel ka aadin bulshada Muqdisho oo uu ahaan doono marjac loo noqdo. “Waxaan rabaa in la igu qiimeeyo wax qabadkeyga, qorshaheygu waa in aan idiin adeego ee maahan in aan idinka adeegto, waxaa iga og’an in Muqdisho aan hormariyo,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir. Wuxuu sidoo kale balan-qaaday in dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir uu shaqo abuur u sameyn doono, sidoo kale wuxuu balan-qaaday in nadaafadda caasimadda uu wax badan ka bedeli doono. “Sida Ra’iisul Wasaare Xamsa horay u sheegay siyaasadda iyo u qidmeynta shacabka Muqdisho waan ku cibaadeysa doonaa,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyntii khudbad ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta, isagoo shacabka Muqdisho ku tilmaamay dad aad u dulqaad badan. Sidoo kale wuxuu ka hadlay dhulka danta guud oo dadku ay degan yihiin, isagoo sheegay in shaqada danta guud ay dowladdu dadka ku qasbeyso oo dheg aysan jalaq u sii doonin qeyladhaanta dadka diidan shaqada ka socota danta guud. “Waxaa la gaaray waqtigii dhagaxda waaweyn laga wareeji lahaa jidadka Muqdisho, amniga shaqo culus ayey dowladdu ka qabatay, wasiirka amniga waxaan farayaa caawa in dhagaxda laga wareejiyo jidadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Hoos ka daawo
  6. Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” oo ka mid ah culimmada Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, isagoo xusay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uuka baxay. Allaha u naxariistee Sheekh Muuse Cadde oo kamid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa caawa ku geeriyooday dalka Netherlands, waxaana dhimashadiisa xaqiijiyay wiilkiisa Anwar Sheekh Muuse Cadde oo warbaahinta la hadlay. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Sheekh Muuse Cadde oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa caawa ku geeriyooday dalka Netherlands, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey wiilkiisa Anwar Sheekh Muuse Cadde. Sheekh Muuse Cadde oo maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanaa ayaa la sheegay inuu maray qaliin lagu guuleystay, balse wuxuu u geeriyooday xanuunkii soo ritay. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” isagoo tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, wuxuuna xusay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku. Madaxweynaha ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uuka baxay. Sheekha ayaa kamid ahaa culimada dariiqada Suufiyada, wuxuu ahaa caalim ku suntan u qidmeynta diinta Islaamka, wuxuuna kamid ahaa mashaa’ikhda la jecelyahay ‘hab gudbinta’m aqoontooda. Sidoo kale Sheekh Muuse Cadde oo caawa geeriyooday, wuxuu kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ee sida weyn uga soo horjeeda oo la dagaalanta fikirka xag-jirka ah ee Khawaarijta. Dhowr mar ayuu Sheekh Muuse Cadde yimid Muqdisho, isagoo dadka ku guubaabi jiray inay iska difaacaan oo ku jihaadaan kooxaha Khawaarijta ah ee dhiigga islaamka baneystay. Sidoo kale wuxuu ka soo qeyb geli jiray shirarkii waaweynaa ee culimada Soomaaliyeed loogu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ka jeedi jiray afkaaro cad oo muujinaya sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya laga xoreeyo Khawaarijta. Sheekh Muuse Cadde wuxuu kamid ahaa culimadii Fatwootay magaca ‘Khawaarij’ oo lagu nisbeeyey Al-Shabaab, maadaama ay buuxiyeen shuruudaha magacaas xun, sida ay cadeysay culimada ugu waaweyn Soomaaliya oo Sheekha caawa geeriyooday u uku jiro.
  8. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQNRfDrFU_zS21TCtYvOCAOEnpYtnQU393xz5EeK4HzQM_jVCGPmAy0BbIHb0CHSN-K5hIeTUiCSzrVthu4X68xN.mp4 Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa caawa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay u diyaar garowga munaasabad weyn oo dowladda Soomaaliya ay qaban-qaabineyso. Shirkaan ayaa caawa lagu qorsheeyey Daahfurka Dhismaha Horumarinta ‘Muqdishada Cusub iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho’ oo magaalada Muqdisho lagu qaban doono maalinta Khamiista ah ee 19-ka bishaan Diseembar 2024. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Mashruucyadan oo leh muhiimmad qaran, ay xoojin doonaan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka Muqdisho. Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho loo beddeli doono xarun ganacsi oo heer caalami ah. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada, Agaasimeyaasha iyo Masuuliyiinta kale ee ka qeyb qaadanaya fulinta mashariicda horumarineed ee wejiga koowaad ee qorshahan. Masuuliyiintii kasoo qeyb gashay shirkaan waxaa laga dhageystay warbixinno ku saabsan khubarada daraasadaha kala duwan ku sameeyay mashariicda horumarinta Muqdishada cusub. Mashruucaan oo ay hoggaamineyso wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigi doonaa Khamiista soo socota munaasabad weyn oo ka dhacaysa Muqdisho. Maalgashiga Soomaaliya ayaa soo badanaya waxaana socda dhismayaal iyo dhaqaale kale oo siyaabo kala duwan loogu maalgashanayo magaalada. Muqdishada Cusub waxaa lagu tilmaamay mashruuca ugu weyn dalka, waxaana laga hirgelinayaa waqooyiga magaalada Muqdisho, halkaas oo loo rari doono garoonka ugu weyn dalka.
  10. Arimaa la saxayaa si aanay wado qaldani inoogu furmin. Liibaan Al cadaala waa muwaadin wadankiisa xaq kule isagana waxaa saaran waajib. Hadaba si habka saxda a loo maro, Liibaan wuxuu madaxweyne Cirro ka soo codsanayaa cafis, wadankana wuu imanayaa. Sidaa awgeed dhamaan teen waxaa inala gudboon in aynu arintaa ka gudubno, hoosna loo dhigo, lana yareeyo buun buuninta. Abdi Ismail Geele Qaran News
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursad siinta shirkadaha waaweyn ee caalamka ah si ay ugu soo dhiirradan maalgashiga dalkeenna. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda lagu dhagax-dhigayey mashruucan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee soo hindistay aragtidaan casriga ah ku bogaadiyey daddaallada ay ku bixinayaan kobcinta dhaqaalaha, dib u yagleelidda quruxda caasimadda, magaca iyo wajiga cusub ee dalkeenna si uu caalamku u arko wax qabsigeenna, taas oo door ka qaadaneysa in Soomaaliya ay ku soo hirtaan ganacsato badan oo heer caalami ah. “Gobolka Geeska Afrika Dalkeenna ayaa ugu mustaqbal fiican, isaga ayaana hoggaamin doono mustaqbalka, maalgashi marka laga hadlayana mustaqbalka ayaa diirradda la saara howl maanta taagan ma’ahan waxa xoogga la saarayo arrin fog, taas oo qaadan karto sannado, Soomaaliya maanta waxa ay cagta saartay dhabbaha horumarka, iyada oo ka soo kabaneysa marxaladihii adkaa ee uu soo maray dalkeenna.Waa hubaal in guulaha aan gaarnay ka badan aan xaqiijin karnay laga soo billaabo 2000, balse caqabado waaweyn ayaa jiray oo mar kasta dib inoo dhigayey.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda uu hoggaamiyo ay ahmiyad weyn siineyso maalgashiga, si dalkeenna uu u gaaro isku filnaasho dhaqan-dhaqaale oo waara, isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadaha maalgashada ku booriyey in ay dalkooda maalgeliyaan si dadka Soomaaliyed ay ula tartamaan ummadaha horumaray. “Soomaaliya Maanta waa meel ay maalgashadayaasha caalamku ay ku tartamayaan sidii ay u soo wada aadi lahaayeen, mashruucyada heerka caalami ah ee hakadka ku jira waxaa ka mid ah maalgelinta hooteelo waaweyn, suuqyo casri ah, dekado, garoomo diyaareed iyo kheyraadka Dabiiciga ah, dowladda Soomaaliyana inta badan waa dhammeystirtay sharciyadii lagu hagi lahaa ee damaannad qaadayey maalgashigooda, waxaana ku dhiirrigelineyna ganacsatadeenna in ay aaminaan dalkooda oo fursadaha jira ka faa’iideystaan” Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay caqbadaha ku gedaaman horumarka, taas oo lid ku noqon karta sharciga dalka u degsan, dhaqankeenna suuban iyo khiyamka bulshada ee aan kaga tilmaaman nahay ummadaha kale, ayaa ganacsatada uga baaqay in ay iska ilaaliya wax kasta oo dhaawici karo diinta. “Dowladnimada waxaa aas-aas u ah in dadka waxa ay leeyihiin u ilaaliso ay ku taagan yihin ummadda jiritaankeeda sida diinta, dhaqanka suuban, afka, difaacdo xuuquuqdooda iyo in ay adeegyo u fidiso sida caafimaad, waxbarasho, biyo, koronto iyo xqaiijinta amniga muwaadinka” Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda uu leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed maalgelinta mashruucaan weyn ee Gateway ayaa ganacsatada hirgelineysa ku adkeeyey in ay si deg deg ah u soo dhammeytiran qorshaha dhismahaan ka kooban qeybaha kala duwan, sida Hoteel casriya, suuq, isbitaal, maasaajid, hool Shirar caalamiga ah martigeliya iyo goobo kale oo heer sare ah. Source: goobjoog.com
  12. Asalaamu Calaykum Waxaa sharaf weyn ii ahayd inaan maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal “Cirro” oo aan kula kulmay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeisa. Madaxweynaha waxaan warbixin buuxda ka siiyay shaqada aanu Qaranka u hayno iyo guud ahaan shaqada iyo qorshayaasha noo degsan. Madaxweynuhu wuxuu igu hoga-tusaaleeyay inaanu sii laban-laabno dedaalka shaqada Qaranka. Kulankaas waxaa nagu wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Ambassador Maxamed Cali aw Cabdi iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Khadar Xuseen Cabdi. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Hargeisa. Jamhuuriyada Somaliland Qaran News
  13. Hargeisa (HOL) – The Somaliland government has barred Liibaan Al-Adala, a prominent supporter of newly elected President Abdirahman Irro, from entering Hargeisa, sparking protests near the Hargeisa Airport. Source: Hiiraan Online
  14. Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka. Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa la Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan. Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Sharcigu waxa uu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya. Waa kumaa Scott Perry? Qoraalka sawirka,Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejint Scott Gordon Perry wuxuu dhashey 27 May, 1962, waa siyaasi Mareykan ah iyo khabiir dhanka militariga ah oo howlgab ah. Scott wuxuu ku dhashay San Diego, Awowayaashii Scott waxay ahaayeen muhaajiriin ka yimid waddanka Colombia. Hooyadii waxay ahayd shaqaale diyaaradeed waxaana aabihii iyo hooyadii ay kala tageen isaga oo si aad ah u yar oo dhaw sano jir ah. Wuxuu 1991-kii ka qalin jabiyay Jaamacadda Gobolka Pennsylvania oo uu ka bartay cilmiga maamulka iyo maareynta ganacsiga. Sannadkii 2012, waxa uu shahaadada Masterka ee qorshaynta istiraatijiyadeed ka qaatay Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka. Sannadkii 2006, wakiilka gobolka Bruce Smith ee degmada 92aad ee Aqalka Pennsylvania ayaa go’aansaday inuu siyaaadda ka fariisto. Perry wuxuu ku guuleystey doorashadii hordhaca ah ee Jamhuuriga isagoo helay 41% cod .Wuxuu ku guuleystay doorashadii guud isagoo helay 71% codadka, wuxuuna xilka qabtay Janaayo 2, 2007. Sannadkii 2008, Perry ayaa mar labaad loo doortay iyada oo aan lala tartamin. Sannadkii 2010, ayaa mar saddexaad loo doortay iyada oo aan cidina la tartamin. 2012, Perry wuxuu ka tanaasulay kursigiisii ​​aqalka heer gobolka si uu ugu tartamo degmada 4-aad ee congress-ka islamarkana u aqalkaas ugu biiro. Degmadu waxay hore u ahayd degmadii 19-aad, oo uu matalo murashaxa xisbiga Jamhuuriga ah ee Todd Platts. Ku biiridiisii militariga Perry waxa uu bilaabay adeegiisa milatari markii uu ku biiray ciidanka 1980. Waxa uu ka qayb galay tababarka aasaasiga ah ee Fort Dix, New Jersey, waxana uu ka qalin jabiyay Tababar Shakhsiyeed Sare oo ka dhacay Fort Belvoir, Virginia, isaga oo ah khabiir farsamo qoris ah. 2011, waxa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, waxa uu noqday Taliyaha Xarunta Tababarka Qaranka ee Fort Indiantown Gap, waxaana loo doortay in uu dhigto Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka , kaas oo uu ka qaatay Shahaadada Master-ka ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah. Scott iyo xaaskiisa, Christy, ayaa waxa ay haystaan labo gabdhood oo ay aad ugu faanaan. Scott Gordon waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday dalka Ciraaq kaasi oo xukunka looga tuuray saddaam Xuseen. 2009-2010, Perry wuxuu abaanduule u ahaa Guutada 2aad, Guutada 104aad ee Duulaankii ciraaq. markii uu dagaalkii Ciraaq ka soo laabtay ayaa waxaa Scott Gordon loo dalacsiiyay darajada Korneel. Scott Gordon Perry waxaa si aad ah isugu dhaw yihiin madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga. Qaran News
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Mudane Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha,siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagan Soomaaliya iyo Shiinaha. Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsan tahay la falgalidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah. Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee amniga, la dagaallanka argagixiasa iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka Gobolka. Source: goobjoog.com
  16. Mogadishu (HOL) — Dr. Ali Abdi Amalow, the former governor of Somalia’s Central Bank, who played a critical role in protecting the country’s financial assets during a period of political collapse, has died at the age of 82 in Columbus, Ohio, on Monday. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) — More than 143,500 people have been displaced across Somalia since January 2022 due to forced evictions, wiping out over $4.6 million in critical infrastructure, according to a new report by the Norwegian Refugee Council (NRC). Source: Hiiraan Online
  18. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Xubnaha Wafiga oo ka kooban Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Mudane Ilyaash Sheekh Cumar, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa Waxaa kusoo dhaweeyay garoonka shaati gadiid ee Magaalada baydhabo Xubno ka socda bahda Cadaaladda Koonfur Galbeed oo uu horkacayay Wasiirka Cadaaladda Maamulka Mudane Cabdulqaadir yuusuf Cabdi nuur. Ujeedka safarka ayaa ah ka qeybgalka xafladda howlgelinta xabsiga cusub ee Baydhabo, howlgalinta xabsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib-u-habeynta adeegyada Asluubta iyadoo la xaqiijinayo xuquuqda maxaabiista lana tayeynayo xarumaha lagu xannaaneeyo eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha. Source: goobjoog.com
  19. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with Xue Bing, the Special Envoy for the Horn of Africa Affairs of the Chinese Foreign Ministry, in Mogadishu on Tuesday to discuss enhancing bilateral ties. Source: Hiiraan Online
  20. Talihii ciidanka ilaalada Shucaaca Nuclear-ka iyo hubka kiimikada ah Lieutenant Jeneraal, Igor Kirillov ayaa ku geeriyooday qarax mooto loo adeegsaday oo ka dhacay dhismo ku yaalla gobolka Ryazansky Prospekt, sida uu xaqiijiyay guddiga baaritaanka Ruushku. “General Igor Kirillov iyo kaaliyihiisa waa la dilay, “ayaa lagu yiri war ka soo baxay guddiga baaritaanka Ruushka, waxaana walxaha qarxa ee dilkooda loo adeegsaday lagu sheegay in awooddoodu ay gaaraysay ilaa 300 garaam oo TNT, sida laga soo xigtay sargaal sare oo oo masuuliyiinta Ruushka ka mid ah. Sawirro la soo galiyay kanaalada Telegram-ka ee wakaallada wararka ee Tass oo Ruushka laga leeyahay ayaa muujinaya albaabka laga galo dhismo burbursan oo ay ka buuxaan burbur iyo laba mayd oo goobta yaalla, lamana oga cidda ka dambaysa falkan. Source: goobjoog.com
  21. Senator Cabdi Ismaaciil Samatar: “Taariikhda ayaa nacaladda ummadda illowda taariikhdeeda.” Muqdisho (Wararka PP) — Dr Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Senataor ka tirsan Aqalka Sare waxna ka dhiga Jaamacadda Minnesota ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu oggolaaday in Soomaaliya illowdo taariikhda kala dhexeysa Itoobiya. “Taariikhda ayaa nacaladda ummadda illowda taariikhdeeda” ayuu Senator Samatar yiri. Senator Samatar wuxuu kale oo ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh qodob ka mid ah heshiiska Ankara oo faraya Soomaaliya inay qirto dhiigga Itoobiya, oo ka mid ah ciidammada nabad-ilaalinta, u hurtay Soomaaliya. “Waxay ku tusaysaa dadka shirka Ankara nooga qeybgalay inuu wax ku dhacay garaadkooda ama inay illoobeen wixii soo kala dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Su’aalo badan ayaa ka dhashay qodobkaas. Waxaa meesha laga saaray gaboodfalladii ciidammada Itoobiya ka geysteen Soomaaliya 2007-2009. Ciidammada Itoobiya waxaa Soomaaliya lagaga saaray heshiis dhexmaray Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde 2008 iyo ururkii Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya (ARS) iyo dowladdii ku meelgaarka ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde. © Puntland Post, 2024 The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyey inuu aasay taariikhda ka dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  22. A map of Taleh Hotel in Mogadishu. Mogadishu (PP News Desk) — The Mogadishu Police today carried out eviction orders at the premises of Taleh Hotel, which squatters had turned into a residential neighbourhood in 1991 after the collapse of the central government. The eviction order affected more than 300 families who had been living on plots of land that once belonged to Taleh Hotel, previously under the Ministry of Tourism. Unconfirmed reports indicate that the Mogadishu Municipality gave each family US$3,500 to relocate. The spate of evictions enforced by the Mogadishu Police began with the eviction order at the Dabdamiska (Fire Brigade) site in South Mogadishu. Opposite the Taleh Hotel premises lies the Mogadishu fairgrounds (Fiyooraha), where squatters have turned pavilions into houses. A similar eviction order could be enforced at the fairgrounds. A land law lecturer in Mogadishu told Puntland Post that any plot of land used to build illegal housing will face demolition. “The evictions and demolition orders will affect many neighbourhoods in South Mogadishu,” the lawyer said. © Puntland Post, 2024 The post Mogadishu Police Evict 300 Families from Former Taleh Hotel Site appeared first on Puntland Post.
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo dhawaan la wareegay xilka ayaa lugaha la galay fadeexad horleh oo dhanka sharciga ah, sida ay qabaan sharci-yaqaannada ku sugan Somaliland. Cirro oo maalmo kahor magacaabay golihiisa wasiirada ayaa kusoo darey liiska wasaarado cusub, halka uu baabi’iyey hay’ado horey u jirey uuna ka dhigay wasaaraddo, sida hay’addii qaxootiga iyo tii duulista hawada ee Somaliland. Garyaqaan Guuleed Dafac oo kamid ah garyaqaanada waaweyn ee Somaliland ayaa tallaabooyinkan ku tilmaamay sharci jebin uu ku kacay madaxweynaha, isagoo ku dhaliilay inuu leexsanayo awooddii golaha wakiiladda, oo aheyd in loo gudbiyo xeerarka wax ka beddelka lagu sameynayo, uuna soo ansixiyo. Tan ayaa muujineysa in madaxweynaha uusan laheyn sharci-yaqaano la-taliya ama ka ilaaliyo qaladaadka noocaan ah, oo lagu sifeeyay “ku tumasho sharci iyo dastuur jabin”, maadaama uu yahay masuulkii u sareeyay ee Somaliland ee ilaalin lahaa xeerarka iyo sharciyada u degsan maamulka. Hoos ka aqriso qoraalka Garyaqaan Dafac Madaxwaynuhu waxa uu magacaabay laba wasaaradood oo kal ah 1) Wasaaradda Amniga Gudaha; iyo 2) Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka. Markaas, midkoodna ma aha Wasaaradda Arimaha Gudaha. Markaa, waydiintaadaas loo heli maayo jawaab oo maba hayno wasaaraddii arimaha gudaha. Waa arin keenaysa mad-madow sharci iyo muran xagga xilka ah (conflict of mandate). Waxa ay ahayd in madaxwaynuhu qaado sadexdan tallaabo oo is barbar socda: 1. In ay jirto wasaarad wadata magaca Arimaha Gudaha maadaama oo ay ku jirto dastuurka. 2. In uu soo saaro qoraal uu ku kala caddaynayo xilka wasaaradaha cusub ee uu magacaabay ee aan hore u jirin. 3. Inuu u gudbiyo Golaha Wakiiladda soo jeedin wax ka bedel xeerarka ay taabanayso abuurista wasaaradaha cusub. Tusaale ahaan, Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinku waxa uu yaqaan wasaaradda arimaha gudaha oo u xilsaaran arimaha amniga gudaha iyo xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka. Xeerka kala xaddaynta nidaamka xukuumadda ayaa ka mid ah xeerarka kale ee ay arinkani saamaynta ku leedahay. Saddexdaasi inay isbarbar socdaan ayay ahayd.
  24. Wadatashiga uu Firdhiye diiday wuxuu sababi lahaa in xog buuxda laga helo dhibaatada soo gaartay dadka SSCK ka soo jeeda ku nool Ceerigaabo. Laascaanood (Faallo) — Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) hoggaamiyaha maamula ku meelgaarka ah ee Sool, Sanaag iyo Ceyn ee SSC-Khaatumo wuxuu baalmaray habkii go’aan qaadashada oo asaas ah maamulka. Kal hore sanadkan markii Axmed Karaash isku dayay in colaad ka alooso Cerigaabo, mabda’a colaadda laga hortagay waxaa qeexay Garaad Cabdullaahi Garaad Garaad Saleebaan. “Marnaba ku maynan baaqin colaad ka dhacda Ceerigaabo xitaa markii dagaalkii Laascaanood uu socday” ayuu yidhi Garaad Cabdullaahi oo beeshiisu degto Ceerigaabo. Hadalka Garaadku wuxuu soo afjaray qorshishii Axmed Karaash. Dhowaan markii dhallinyaro xilkasnimo-daran ay dadka SSCK ka soo jeeda dhac iyo dil ugu geysteen Ceerigaabo ayuu Firdhiye ku baaqay tallaabo ciidan isaga oo aanan shirinin Golaha Dhaqanka ee SSCK iyo Baarlamaanka SSCK. Firdhiye muu hayo xog ballaaran ku saabsan dhibta soo gaartay ama lagu hayo dadka SSCK oo ku nool Ceerigaabo oo uu maamulka Somaliland uu ka taliyo. Garaad Cabdullaahi Garaad Garaad Saleebaan: ”Marnaba ku maynan baaqin colaad ka dhacda Ceerigaabo xitaa markii dagaalkii Laascaanood uu socday.” Waxaa xusid mudan in Madaxdhaqameedka Beesha West Burco Clan ay garawshiiyo ka muujiyeen wixii loo geystay dadka SSCK oo ku nool Ceerigaabo heshiiskii 1995kii dhacay awgiis. Caddeyn ka wanaagsan ka hadalka odayaasha West Burco Clan ma jirin. Way jireen odayaal reer SSCK oo xusuusiyay maamulka Somaliland waajibka ka saaran dhowrista xaqa dadka SSCK kula nool Ceerigaabo dadka kale. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa ku eedeeyay Firdhiye inuu qeyb ahaan ka mas’uul yahay ismaandhaafka ka dhex jira Puntland iyo SSCK. Maamulka SSCK wuxuu baaq u jeediyay beesha caalamka ka sokow colaadda dadban uu Firdhiye ku baaqay. Wadatashiga uu Firdhiye diiday wuxuu sababi lahaa in xog buuxda laga helo dhibaatada soo gaartay dadka SSCK ka soo jeeda ku nool Ceerigaabo. Firdhiye colaad wuxuu u arkaa xaalad uu kaga dhuuman karo go’aan qaadasho xukuumadiisa iyo u nuglaantiisa kooxo gaar ah oo kula taliya inuu diido wadatashi. Dhowaan wuxuu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ku eedeeyay Firdhiye inuu qeyb ahaan ka mas’uul yahay ismaandhaafka ka dhex aloosan Puntland iyo SSCK. Barlamaanka SSCK ayaa eedda wax ku leh oo oggolaaday in Firdhiye soo jeediyo khudbado dhalin kara colaado aan loo baahnayn. Waa in madaxdhaqameeedka SSCK ay xakameeyaan maamulka Firdhiye uu hoggaamiyo oo doonaya inuu awoodda ku sii haysto aloosidda colaado aan ahayn kuwo ku salaysan is difaac. W.Q. Siciid M. Sheekh Cali Aragtida falladani cabbirayso waxay gaar u tahay qoraha. The post Firdhiye oo Baalmaray Wadatashiga Asaaska U Ah SSCK appeared first on Puntland Post.