Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ka hadlay meelo ay isaga egyihiin doorashada baarlamaanka ee hadda socota iyo doorashadii 2004-tii isaga oo intaa raaciyey in gaboodfalada ka dhacay horseedi karaa arrimo cabsi leh.

    Mudane Cumar Cabdirashiid oo arrinkan ka hadalaya waxaa uu yiri “Doorashada baarlamaanka 2022-ka waxaa ay meelo badan uga egtahay  doorashadii 2004-tii, xagga qaabka loo maray iyo xataa muddada. Haddii ka falcelinta ay noqotay soo bixitaankii maxaakiimta Islaamiga aheyd, maxay horseedi karaan tacadiyada sharaci darrada ah ee  dhacay haddii aan wax laga qaban khadarteeda”.

    The 2022 parliamentary selection is very similar to the one of 2004 both in terms of method & length of time. If the 2004 backlash gave momentum to the rise of the Islamic Courts, what could the 2022 unchecked procedural irregularities lead us to if not addressed its severity

    — Omar Sharmarke (@OmarSharmarke) March 19, 2022

    Doorashada baarlamaanka ee hadda socota ayaa ah muddo socotay 6 bil, waxaana kasii horeysay doorashada ooba sanad dib u dhacday, arrimahan oo ay wehliso xulashada iyo gaboodfallada dhacay ayaa waxaa muuqata in aan la saadaalin Karin waqtiga soo socda.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  2. Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalalka Shiinaha iyo Maraykanku ayaa Jimcihii ka gudbay marin biyoodka Taiwan ee kala qaybiya jasiiraddaasi iyo dhulweynaha Shiinaha, sida ay sheegeen wasaaradaha difaaca ee Taiwan iyo Maraykanka, saacado ka hor inta uusan  wada hadal dhex marin madaxweynayaasha Shiinaha iyo Maraykanka.

    ilo xog-ogaal u ah arrintan oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in markab nuuca diyaaradaha xambaara oo lagu magacaabo Shandong uu ka shiraacday meel u dhow jasiiradda Kinmen oo ay maamusho Taiwan oo ku aadan magaalada Xiamen ee dalka Shiinaha, iyadoo uudaba socday markab dagaal oo Maraykanku leeyahay.

    Sida wakaaladdu ku warrantay, markabka burburiyaha ah ee Ralph Johnson oo uu Maraykanka leeyahay ayaa la socday diyaarad xambaarka shiinaha oo markaasi wax diyaarad ahi saarnayn, dawladda Taiwan ayaa marinka u dirtay maraakiib dagaal si ay ula socdaan xaaladda.

    Hadal kooban oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa lagu xaqiijiyay arrikan, balse ma aysan bixin wax tafaasiil dheeraad ah oo aan ka ahayn in ciidamadeedu “si buuxda uga warqabeen” waxa maraakiibta iyo diyaaradaha Shiinaha ay ka sameynayaan marin biyoodka Taiwan.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian ayaa su’aalo dhacdadan laga weydiiay uwareejiyay Wasaaradda Difaaca shiinaha, laakiin wuxuu sheegay in markabka diyaaradaha  xambaara ee Shandong uu sameyneyay “tababar joogto ah.”

    Marin biyoodka Taiwan waa meel xasaasi ah, Beijing waxay u aragtaa jasiiradda Taiwan inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, waxayna muujisay inay rabto inay maalin uun soo ceshao, xitaa iyadoo la adeegsanayo awood milltry.

    Maraykanka – oo ah xulafada ugu weyn ee Taiwan – waxa ay u aqoonsan yahay marin-badeedkan mid caalami ah, waxana uu maraakiib dagaal u soo diraa gobolka si ay u difaacaan waxa uu ugu yeero “xorriyadda adeegsiga marinkan”.

    Warka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa yimid ka hor wadahadalkii dhexmaray madaxweynayaasha Mareykanka iyo Shiinaha, kaasoo ay uga wadahadleen xaaladda Ukraine.

    Washington waxa ay labanlaabtay taageerada Taipei intii uu xilka hayay Madaxweyne Joe Biden, iyada oo ogolaatay ugu yaraan laba heshiis oo hub ah oo jasiiraddaasi loogu xoojinayo nidaamka difaaca hawada iyo gantaalaha, Beijing waxay u aragtaa taageeradan “mid halis ku ah” xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka.

    Shiinaha ayaa si weyn u xoojiyey awoodiisa ciidan sannadihii u dambeeyay, waxaana ladiiwaangaliyay 969 jeer oo ay diyaaradaha Shiinahu ah oo gudaha u galeen hawada Taiwan sanadka 2020, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, waana in ka badan laba jibaar marka la barbar dhigo sanadii 2016.

     

    GOOBJOOG NEWS

    Source: goobjoog.com


  3. Warar soo baxaya saacadihii u danbeeyay ayaa sheegaya in khilaaf ka dhex qarxay Madaxweyne Siciid Deni iyo Isimada Gobolka Nugaal.

    Isimada ayaa ka caraysan boobka Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ku sameeyeen kursiga Golaha Shacabka #029 ee Beesha Ciise Maxamuud oo laga soo doorto magaalada Kismaayo.

    Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa isaga baxay Garoowe halka Islaan Ciise Islaan Maxamed isna la sheegayo in uu ka baxayo magaalada.

    Sidoo kale maalin ka hor waxa Garoowe isaga baxay Isimo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle kadib markii Siciid Deni ka boobay kuraasta Golaha Shacabka ee Hop#198 iyo hop#199.

    PUNTLAND POST

    The post Khilaaf ka dhex qarxay Madaxweynaha Puntland iyo Isimada Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.


  4. (SLT-Moscow)-Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta ku baaqay wadahadal nabadeed oo macno leh oo si degdeg ah loola yeesho Moscow.

    Waxa uu sheegay in ay tahay fursada kaliya ee uu Ruushka ku xadidi karo waxyeelada ka dhalan karta duulaankiisa gardaradda ah.

    “Waa waqtigii la kulmi lahaa, waa waqtigii la hadli lahaa, waa waqtigii dib loo soo celin lahaa sharafta dhuleed iyo caddaaladda Ukraine. “Haddii kale, khasaaraha Ruushku wuxuu noqon doonaa mid loo baahan doona dhowr jiil si looga soo kabsado.” ayu yidhi Madaxweyne Zelensky

    Source


  5. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga hadashay saanad millatari oo uu Shiinaha ugu deeqay dowladda Soomaaliya, taas oo ay shalay la wareegtay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

    Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Mohamed Cali Bille ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay daandaansi lagu carqaladeynayo xidhiidhka Somaliland, Taiwan iyo Maraykanka.

    Waxa uu sidoo kale su’aal galiyay xilliga lagu soo beegay bixinta deeqdan oo uu sheegay inay tahay waqti uu madaxweynaha Somaliland socdaal toddobaad qaatay uu ku joogo dalka Mareykanka, halkaasoo uu kulamo kala duwan ka wado.

    Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile oo qoraal kooban soo saaray ayaa yidhi “Qalabka millatari ee Shiinuhu u diray ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Maraykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland ee Taiwan iyo xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka.”

    Source


  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Dheere oo ah gacan yaraha la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waayey kursiga xildhibaanimo ee beeshiisa, kaas oo uu tirsigiisu yahay HOP#124, islamarkaana yaalla Kismaayo.

    Cabdiraxmaan Dheere oo kursigan ku fadhiyey 12-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa sameeyey isku dayo iyo dadaallo xoogan si dib loogu doorto, balse uma suuragelin, waxaana ka adkaaday isaga iyo kooxda Fahad Yaasiin hoggaamiye Axmed Madoobe.

    Ninkan oo isaga oo xildhibaan ahaa ku shaqeynayey sarkaal ka tirsan NISA ayaa sidoo kale isku dayey inuu kursiga kasoo wareejiyo deegaan doorashada Kismaayo, balse waxaa kasoo horjeestay beeshiisa oo ku gacan seertay damaciisa ah in loo weeciyo magaallo kale.

    Doorashada kursiga HOP#124 ayaa waxaa lagu wadaa in la qabto maalinta Isniinta ah ee soo socota, waxaana loo xiray musharrax lagu magacaabo Maxamed Nadiif, kaas oo  Cabdiraxmaan Dheere uga horreeyey kursiga, wuxuuna ahaa xildhibaan 2004 illaa 2012.

    Nadiif oo haatan qaatay shahaadada musharaxnimada ayaa sidoo kale ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda deegaanada Jubbaland, wuxuuna mar isku soo taagay xilka madaxweynaha, walow aan la ogeyn kooxda uu haatan ka tirsan yahay.

    Dhanka kale guddiga SEIT ee Jubbaland ayaa shaaciyey guddiga soo xulaya kuraasta kala ah HOP#124 iyo HOP#029, iyada oo gabi ahaan tartanka laga reebay C/raxmaan Dheere.

    Si kastaba, gacan yaraha Fahad Yaasiin ayaa arrintan u eersaday kaalintiisii ku aadaneyd dagaalkii ay Villa Somalia la gashay Jubbaland, kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe.

    276285219_4983167031772663_2095718766570

    The post Cabdiraxmaan Dheere oo waayey kursiga HOP#124 appeared first on Caasimada Online.


  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga hadashay saanad milatari oo uu Shiinaha ugu deeqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo ay shalay la wareegtay wasaaradda Gaashaandhigga Somalia.

    Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile oo qoraal kooban soo saaray ayaa su’aal ka keenay xilliga lagu soo aadiyey agabka milatari ee Shiinuhu siiyey Soomaaliya, kaas oo kusoo beegmay, iyada oo Muuse Biixi booqasho ku joogo Mareykan.

    Bile ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintan ay tahay daandaansi cad oo la doonayo in lagu carqaladeeyo xiriirka Somaliland, Taiwan iyo Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.

    “Qalabka millatari ee Shiinuhu u diray ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Maraykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland ee Taiwan iyo xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka.” ayuu yiri agaasimaha guud ee madaxwtooyada Somaliland.

    Dhanka kale wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo lagu wareejiyey qalabkan ayaa iyaduna horey u sheegtay in taageeradan ay timid wakhti munaasib ah, marka loo eego dagaalka culus ee ay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya kula jirta kooxda Al-Shabaab.

    Wasaaradda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay agabkan milatari u adeegsan doonto dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

    “Waxan halkaan kula wareegayna kaalmo militiri oo aad iyo aad muhiim noogu ah in aan helno si aan u kordhino dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, Waxa aan uga mahad-celinaya dawladda iyo shacabka Shiinaha oo noogu deeqay taageradan, labada dal waxaa ka dhaxeeya xiriir walaalnimo oo soo jireen ah”, ayuu yiri wasiir Cabduqadir Maxamed Nuur.

    Si kastaba, Somaliland iyo Soomaaliya ayaa marar badan hawada isku mariyey hadal kul-kulul, waxayna xiisaddu ka sii dartay markii ay xukuumadda Hargeysa si toos ah xiriir ula yeelatay Taiwan, taas oo ay si weyn uga horyimaadeen Soomaaliya iyo sidoo kale Shiinaha.

    The post Maxay Somaliland ka tiri hubkii Shiinuhu siiyey Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.


  8. Somaliland ayaa ka hadashay saanad ciidan oo dowladda Shiinaha ay shalay oo Jimca ahayd soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya.

    Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa sheegay in qalabka militeri ee shiinaaha uu yahay daandaansi lagu haayo xiriirka Somaliland ay la leedahay dhigeeda Taiwan.

    “Qalabka millatari ee Shiinuhu u diray ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Maraykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland ee Taiwan iyo xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka.” ayuu yiri Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile.

    SL.png

    Source: goobjoog.com


  9. 1-16.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Madaxwaye ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir-guddoomiyey shirka billaha ah ee golaha amniga Jubbaland.

    Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay golaha amniga Jubbaland oo ka kooban Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, Wasaaradaha Amniga, Arrimaha gudaha iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha ciidanka Jubbaland iyo xoogga dalka, Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose iyo saraakiil kale.

    Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee Jubbaland iyadoo lagu jiro xilli doorasho, sidoo kalena ay foodda nagu hayso bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo la wada xusuusan yahay in kooxaha nabad-diidku ay labo-jibaarraan falalkooda amniga liddiga ku ah bisha Ramadaan.

    Golaha amniga Jubbaland ayaa intii shirku socday waxay bogaadiyeen howlgalada nabadgelyada lagu xaqiijinayo ay wadaan laamaha amniga, waxayna guddoomiyeen in la xoojiyo howlgalada si dhabarka looga jebiyo dhagarta kooxaha nabad-diidka ah.

    Sicir bararka oo dhibaato ba’an ku haya qaybaha bulshada ayey sidoo kale goluhu ka doodeen, waxaana la go’aamiyey in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto sicirka hoosna loo dhigo qiimaha macayshadda kala duwan oo hadda aad u sarreeya.

    Markii uu soo idlaaday shirka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka wasaaradda Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali Joofane, wuxuuna ka warbixiyay muhiimadda shirka oo lagu soo koobay qodobada hoose.

    In la joogteeyo shirarka amniga si xogta amnigu u noqoto mid xilligeeda la helo loona bedelo ficil.

    In si deg deg ah wax looga qabto sicir bararka baahsan ee hadda jira, guddina loo saaro sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha macayshadda ee kor u kacay.

    In wasaaradda Arrimaha gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalku ay qabato shirar lagu xallinayo khilaafaadka bulshada kala gaaray ee ka dhashay loolanka doorashada.

     In laamaha amnigu ay Wasaaradda Caddaaladda garab ka siiyaan la-dagaalanka mukhaadaraadka iyo anshax xumada ka dhacda xeebaha loo dalxiis tago ee magaalada Kismaayo.

    PUNTLAND POST

    The post Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Amniga Jubaland? appeared first on Puntland Post.


  10. (SLT- Abu Dhabi)-Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Asad ayaa booqasho ku tegay Isutagga Imaaraadka Carabta, safarkaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee dal Carbeed uu ku gaadho tan iyo 2011 oo uu billaamay dagaalka sokeeye ee dalkiisa.

    Booqashada ayaa muujinaysa sida ay isugu soo dhawaadeen Abu Dhabi iyo Dimishiq, iyadoo sannado ka hor ay Imaaraadka taageeri jireen xooggaga doonaya inay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Asad.

    Waxa uu la kulmay dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan oo sheegay in Suuriya ay muhiim u tahay amniga Carabta, dalkiisana uu doonayo inuu xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya xukuumadda Dimishiq, sida ay sheegtay wakalaadda wararka ee dowladda Imaaraadka, WAM.

    Intii uu socday dagaalka Suuriya, Madaxweyne Bashar al-Asad ayaa safarro dibedda ah ku aadday dalalka Iran iyo Ruushka, kuwaas oo kaalmadooda millateri ay waxbadan u tartay mar qarka u saarnaa in laga qabsado caasimadda.

    Wakaaladda WAM ayaa sheegtay in labada dhinac ay isla meel dhigeeen “ilaalinta midnimada dhuleed ee Suuriya iyo in ciidammada shisheeye ay ka baxaan waddankaas.”

    Source


  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminayan wefti sare oo ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa toddobaadkan la kulmay saraakiil sar-sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Biden iyo xubno ka tirsan Congress-ka inta uu ku gudo jiro socdaalkiisii u horreeyey ee Madaxweyne ka socdaa ku tago Maraykanka tan iyo 2013kii.

     Wada-tashiyo isdaba joog ah oo ay yeesheen masuuliyiin ka socda Somaliland iyo Maraykanku waxay isku waafaqeen inay yeeshaan iskaashi qoto-dheer oo ay bahwadaag ku yihiin hadafyada ay wadaagaan oo ay ka mid yihiin; ilaalada xeebaha, ka hortagga argagixisada, kaalmada bini’aadanimo, ilaalinta deegaanka iyo in kor loo qaado Ganacsiga.

    Aqalka Wakiillada, waxa madaxweyne Biixi dedaal u galay in la adkeeyo xidhiidhka iyo masaalixda labada dhinac, taasoo keentay in 14, March Guddida Arrimaha Dibadda ee Congress-ka iyo xubno sare oo ay ka mid ahaayeen  Michael McCaul (R-Taxes), Guddida Afrika, caafimaadka caalamiga ah  iyo Guddi hoosaadyada xuquuqda aadanaha xubno sare oo ka mid ah Chris Smith (R-New Jersey) iyo qaraar ay soo saareen 8 Xildhibaan oo qoraal u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken, waxay xildhibaannadaasi ku booriyeen in Maraykanku cilaaqaad la yeesho Somaliland, waxaanay hoosta ka xariiqeen “Istaraatijiyada iyo bogcada gacanka Cadmeed ee Somaliland ku taallo, isla markaana si joogto ah loo taageero dimuqraadiyada, iskaashina lagala sameeyo dhinacyada ka hortagga argagixisada, budhcad-baddeeda iyo halisaha ammaan ee ka jira gobolka Geeska. 

    Waxa kaloo ay bayaankooda ku sheegeen xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan iyo in Maraykanku kor u qaado fursado dheeraad ah oo dhaqaale oo uu la yeesho Somaliland.”

    Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu soo dhaweeyey qaraarkii hordhaca ahaa ee la xidhiidhay  “Sharciga iskaashiga Somaliland” ee ay soo saareen Guddida Arrimaha Dibadda ee aqalka Senate-ka ee ay ka mid ahaayeen Jim Risch (R-Idaho) oo ay wehelinayeen Senatarada kala ah; Chris Van Hollen (D-Maryland), Mike Rounds(R-South Dakata), Guddoomiyaha  iyo xubno sare oo ka tirsan Guddi hoosaadka qaabilsan Afrika iyo siyaasada caalamiga ah ee caafimaadka oo warbixintooda ku sheegay “In Xidhiidh xoog leh oo dhexmara Maraykanka iyo Somaliland  uu faa’iidooyin badan iyo fursado istaraatijiyadeed u yeelanayo labada dhinac.”

    Sharciga iskaashiga lagula yeelanayo Somaliland wuxuu  jidaynayaa in Wasiirka Arrimaha Dibaddu uu qiimeeyo qoddoban:-

    • Kaalmada Maraykanku siiyey Somaliland

    • In adeegyo qunsuliyadeed la siiyey Somaliland iyo

    • In qiimeyn dhinaca ammaanka la xidhiidha, talooyinka socdaalka Maraykanka iyo muwaadiniinta doonaya inay booqdaan si ay ganacsi uga sameeyaan Somaliland.

    Xeerkani waxa kaloo uu dhigayaa in Wasaaradda Gaashaan-dhiggu sameyso daraasad ku saabsan iskaashiga ammaanka ee ay yeelanayaan Maraykanka iyo Somaliland oo ay ka mid yihiin:

    • Fursado ku wajahan in Maraykanku uu tababaro Laamaha ammaanka ee Somaliland.

    • In laga aasaaso magaalada Hargeysa “Machadka  Maraykanka ee Somaliland”, kaasi oo toos iskugu xidhaya Dawladaha Somaliland iyo Maraykanka, lana mid ah  cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Maraykanka iyo Taiwan.

    Madaxweyne Biixi  Wadahadallada uu la yeeshay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan maamulka Biden, taasi oo ay dhammaystirayso danaha ay tilmaameen Congresska ka tirsani. Waxa labada dhinac isku raaceen in la hirgeliyo kooxo ka wada shaqeeya  horumarinta iyo isku xidhka iskaashiga.

    Kaqayb-galayaasha kulamadaasi, waxa ka mid ahaa Dana Banks, ku-xigeenka kaaliyaha Guddoomiyaha u qaabilsan Afrika, Molly Phee iyo kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsan Afrika, Ilan Goldenberg, Kaaliyaha Xoghayaha Gaashaan-dhiga iyo ammaanka caalamiga ah Ambassador Andrew Young, Taliye ku-xigeenka ciidammada millatariga ee taliska Afrika iyo Maura Barry, iyo kaaliyaha maamulka Afrika u qaabisan Wakaaladda horumarinta caalamiga ah.

    Aqalka Baarlamaanka Maraykanka, waxa weftiga Madaxweynuhu  la kulmeen senatorada Chris Van Hollen (D-Maryland) iyo Mike Rounds (R-Dakota), Guddoomiyaha iyo xubno ka mid ah Guddi hoosaadyada Afrika, siyaasadda caalaamiga ah ee caafimaadka, Gregory Meeks(D-New York) iyo Micheal McCaul (R-Texas),  Guddoomiyaha iyo xubno sare oo ka tirsan Guddida Arrimaha Dibadda, Guddoomiyaha Guddida aqalkaasi u qaabilsan adeegyada ciidammada Adam Smith (D-Washington), Reps Karen Bass (D-California) iyo Chris Smith (R-New Jersey), Guddoomiyaha iyo xubno sare ka tirsan guddi hoosaadka Afrika, Caafimaadka caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha iyo Reps Steve Chabot (R-Ohio), Young Kim (R-California), Tim Burchett (R-Tennessee), Brain Mast (R-Florida), Ilhan Omar (D-Minnesota) iyo Scott Perry (R-Pennsylvania).

    “inkastoo wadatashiyo aanu la yeelanay toddobaadkan masuuliyiin ka tirsan maamulka Biden, xubnaha Congress-ka, Ganacsatada iyo hoggaamiyeyaasha ururrada bulshada Maraykanka. Waxaan aad ugu kalsoon nahay in mustaqbalka uu meel sare gaadhi doono iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka. Waxaan ku celinayaa inay Somaliland gaadhay guullo xad-dhaaf ah ka gaadhay dhinacyada dhismaha  dal dimuqraadi ah, xasiloon oo isku filan. Labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriguba way soo dhaweeyeen iskaashi mug leh oo ku wajahan  dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo maamul wannaaga,”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

    “Sannado badan oo dedaal aan kala go’ lahayn aanu wadnay kadib, waxa i dhiirigelinaysa inaan arko saaxiibo badan oo Somaliland ku leedahay dalka Maraykanka. Gaar ahaan aqalka Congress-ka jid dheer ayaa innaga horreeya, waxaanan balanqaadayaa in aan mustaqbalka iskaashigeenna kula dagaalanno argagixisada, isla markaana horumarino dimuqraadiyada oo aynu fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi ka abuurno gobolka Geeska Afrika,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

    Madaxweyne Biixi wuxuu hoosta ka xariiqay inuu iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka kaga hadlay khudbadii uu 14-kii March ka jeediyey The Heritage Foundation. Guddoomiyaha The Heritage Foundation Kevin Roberts ayaa Maraykanka ku booriyey aqoonsiga Somaliland “Maraykanku waa inuu noqdaa dalka kowaad ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaa.”

    Weftiga Somaliland oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha caanka ah ee ganacsiga, ayaa sidoo kale la kulmay waaxda  Ganacsiga Maraykanka iyo shirkadda  caalamiga ah ee Maraykanka u qaabilsan  horumarinta Maaliyadda. Waxa kaloo ay la kulmeen  Baanka adduunka iyo rugta ganacsiga Maraykanka.

    ###

    Press Release:      

    March 18, 2022

    Somaliland Welcomes Strong Expressions of Support from U.S. Administration and Congress

    “Somaliland Partnership Act,” introduced in the U.S. Senate, raises prospect of closer relations and security ties

    WASHINGTON, DC., MARCH 18, 2022 – The President of the Republic of Somaliland, H.E. Muse Bihi Abdi, and a high-level government delegation met this week with senior officials in the Biden Administration and Congress during the first visit to the United States by a Somaliland Head of State since 2013.

    In an unprecedented series of consultations, U.S. and Somaliland officials agreed to deepen cooperation and partnership on key shared objectives, including maritime security, counter-terrorism, humanitarian assistance, environmental protection and business promotion.

    In the U.S. House of Representatives, President Bihi’s efforts to strengthen ties were met with mutual interest, as reflected in a March 14 letter sent by House Foreign Affairs Committee Ranking Member Michael McCaul (R-Texas), Africa, Global Health, and Global Human Rights Subcommittee Ranking Member Chris Smith (R-New Jersey), and a bipartisan group of eight other lawmakers to Secretary of State Antony Blinken. Their letter calls for increased U.S. engagement with Somaliland, noting that: “Somaliland’s geo-strategic location on the Gulf of Aden, consistent support for democracy, cooperation on countering terrorism, piracy, and other security threats in the region, relations with Taiwan, and growing economic potential warrants that the United States explore additional opportunities to partner with Somaliland.”

    President Bihi welcomed the introduction of the bipartisan “Somaliland Partnership Act” introduced by Senate Foreign Relations Committee Ranking Member Jim Risch (R-Idaho), along with Senators Chris Van Hollen (D-Maryland) and Mike Rounds (R-South Dakota), Chairman and Ranking Member of the Subcommittee on Africa and Global Health Policy. Led by a policy statement that “a strong relationship between the United States and Somaliland would provide numerous, mutually-beneficial, strategic opportunities,” the Somaliland Partnership Act would require the Secretary of State to evaluate on an annual basis:

    • U.S. assistance provided to Somaliland,

    • consular services provided to Somaliland residents, and

    • security assessments related to the Travel Advisory for U.S. citizens seeking to visit and do business in Somaliland.

    The legislation also requires the Departments of State and Defense to study the feasibility of establishing a security partnership between the U.S. and Somaliland, including:

    • opportunities for U.S. training of Somaliland’s security sector, and

    • the establishment of an “American Institute of Somaliland” in Hargeisa that would enable direct engagement between Somaliland the U.S. government, a similar diplomatic arrangement to that between the U.S. and Taiwan.

    President Bihi’s talks with senior Biden Administration officials complemented the interest demonstrated in Congress, with both sides agreeing on the merits of working groups to advance mutual coordination and cooperation. Participants in these discussions included Dana Banks, Deputy Assistant to the President and Senior Director for Africa; Molly Phee, Assistant Secretary of State for African Affairs; Ilan Goldenberg, Principal Deputy Assistant Secretary of Defense for International Security Affairs; Ambassador Andrew Young, Deputy to the Commander for Civil-Military Engagement, U.S. Africa Command; and Maura Barry, Senior Deputy Assistant Administrator for Africa at the U.S. Agency for International Development.

    On Capitol Hill, the Somaliland delegation met with Senators Chris Van Hollen (D-Maryland) and Mike Rounds (R-South Dakota), Chairman and Ranking Member of the Subcommittee on Africa and Global Health Policy; Reps. Gregory Meeks (D-New York) and Michael McCaul (R-Texas), Chairman and Ranking Member of the House Foreign Affairs Committee; House Armed Services Committee Chairman Adam Smith (D-Washington); Reps. Karen Bass (D-California) and Chris Smith (R-New Jersey), Chairwoman and Ranking Member of the Subcommittee on Africa, Global Health, and Global Human Rights; and Reps. Steve Chabot (R-Ohio), Young Kim (R-California), Tim Burchett (R-Tennessee), Brian Mast (R-Florida), Ilhan Omar (D-Minnesota) and Scott Perry (R-Pennsylvania).

    “Through my consultations with the Biden Administration, Members of Congress and American business and civil society leaders this week, I am more confident than ever in the future of the U.S.-Somaliland partnership. I repeatedly heard a growing recognition and commendation of Somaliland’s extraordinary achievements in building a democratic, stable and self-sufficient state. Both Democrats and Republicans welcome accelerated efforts to deepen engagement on a range of security, economic and governance initiatives,” said President Bihi.

    “After years of tireless effort, I am encouraged to see so many friends of Somaliland in the United States, particularly in the U.S. Congress. The path ahead is promising, and I look forward to future partnerships to fight terrorism, advance democracy, and create new opportunities for trade and investment in the Horn of Africa.”

    President Bihi outlined a framework for U.S.-Somaliland cooperation in a keynote address at The Heritage Foundation on March 14. Heritage Foundation President Kevin Roberts endorsed U.S. recognition of Somaliland in his opening remarks, stating “America should proudly be the first state to recognize Somaliland as an independent state.”

    The delegation, which includes cabinet ministers and prominent business leaders, also held consultations with the U.S. Department of Commerce and the U.S. International Development Finance Corporation, as well as with the World Bank, International Finance Corporation, Multilateral Investment Guarantee Agency, and U.S. Chamber of Commerce.

    Source


  12. Maraykanku waxay sheegeen in ay dan qaran oo wayn ka leeyihiin Somaliland. Waxay soo saareen xeer ay ku doonayaan in ay heshiis iskaashi amni iyo wax wada qabsi la yeeshaan Somaliland, iyaga oo aan aqoonsan. Danta ayey ku soo koobeen afar qodob oo kala ah

    1- Ilaalinta danta Maraykanka iyo xulafadiisa ee marin badeedka Bab-el-Mandeb, iyo dekeda Berbera.

    2- In ay noqoto albaab badeedka uu ka gelayo Bariga Afrika.

    3- In laga hortago joogntaanka Iiraan ee Gacanka Cadan iyo Awoodda Shiinaha ee gobolka ku xoogaysanaysa.

    4-  Xaqiijinta ujeedkii ahaa la dagaalanka argagexisada Alshabaab iyo Daacish

    Ka sokow in la bogaadiyey nabadda, iyo xasilloonida ka jirta Somaliland, waxay ka marag kaceen in ay dimoqoraadiyad ka jirto, doorasho nabad ah talada dalka kula kala wareegeen

    Halka ay ku tilmaameen in Soomaaliya inteeda kale ay ka socoto doorasho lagu takrifalayo, nabad-gelyo aan la isku hallayn karin iyo xasillooni darri.

    Loollanka quwadaha shisheeye ee la xariira danaha juqraafi siyaasadeed (Geopolitical Intrest) waa kuwo xasaasi ah oo u baahan ka fiirsasho iyo go’aano dheelitiran oo dhinacyo badan laga eegay.

    Waxaana taas lagu gaari karaa yagleelida hay’ado ilaalin kara amniga qaran iyo hoggaan aan gebi dhaclayn oo fiira dheeri iyo fogaan aragba leh.

    Somaliand waxay wax badan kaga xiran yihiin sida ay ugu lib keenaan doorashooyinka soo socda, Soomaaliyana hoggaanka ka yimaada doorashada dhowaan dhici doonta, iyo sida ay labadaasi iskula jaanqaadaan waxay wax badan ka teri doontaa danaha dadka Soomaaliyeed.

    W/Q Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

    Source


  13. Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Jubbaland ayaa shaaciyay liiska odayaasha dhaqanka kuraasta kala ah HOP#124 iyo HOP#029.
    Labadaan kursi ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ah lagu doorto magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.
    Kuraastaan waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaanada kala ah :-

    HOP#029: Leeban Cusmaan Cabdiraxmaan

    HOP#124: Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi

    jubaland.jpg

    Source: goobjoog.com


  14. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu Todobaadkan magacaabo Wasiiro, Agaasimayaal, Guddoomiyaal iyo mas’uuliyiin kale.

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filaya in uu isla Todobaadkan safar siyaasadeed ugu baxo dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

    Todobaadkii hore, Madaxweyne Deni ayaa qoray warqad uu ku magacaabay Hoggaanka sare ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo danbiyada culus, inkastoo uusan weli shaacin.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Deni oo lagu wado in uu magacaabo wasiiro cusub appeared first on Puntland Post.


  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baaqday ku dhowaaqista heshiis shaacin lahaa in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM la hoos geeyo taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, sida ay ogaatay Caasimada Online.

    Heshiiskaas ayaa waxaa aad gadaal uga riixayey xafiiska madaxweynaha xilka sii haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse waxaa dagaal u galay inuu baaqdo xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida aan xogta ku helnay. 

    Sida ay ogaatay Caasimada Online, kadib maalmo ay shirayeen dowladda iyo Midowga Afrika ayaa go’aan lagu gaaray shir la isugu iman lahaa shalay si loo shaaciyo heshiis dhigaya in AMISOM ay ka hoos shaqeyso taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, balse waxaa baaqashadiisa sabab u ahaa wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

    Wasiirka ayaa baajinta shirka qiil uga dhigay oo uga faa’iideystay Taliyaha ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo safar deg deg ah ugu amba-baxay magaalada Baydhaba.

    Sababta labada xafiis ee Farmaajo iyo Rooble ugu dagaalameen in heshiiskaasi ayaa salka ku hayso arrinta doorashada kuraasta taalla magaalada Garbahaarey. 

    Sida ay ogaatay Caasimada Online, xafiiska Rooble iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka shaqeeyey in dib loo dhigo shaacinta heshiiska, sababtoo ah haddii taliska AMISOM laga wareejiyo mas’uuliyadda wax dhaq-dhaqaaq ah ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM kama sameyn karaan halka ay ka dhacayso doorashada kuraasta 16-ka ah, oo Axmed Madoobe uu doonayo inay noqoto Ceelwaaq.

    Haddii heshiiska lagu dhowaaqi lahaa, waxaa AMISOM oo la filayo inay qaadato magaca ATMIS qasab ku noqonaya inaysan qaadin tallaabo aysan ogolaansho uga haysan taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, maadaama ay xiliga kala guurka ka hoos shaqeynayaan SNA, waana taas sababta kooxda Farmaajo u dooneyso in lagu dhowaaqo heshiiska.

    Si kastaba, waxaa ka hortagay in heshiiskaasi la shaaciyo wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo dhankooda iyo Axmed Madoobe faa’iido u arka baaqashada shaacinta heshiiska xil wareejinta, waxayna door bideen in uu baaqdo sidaasina ay ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM u sugi karaan amniga doorashada 16-ka kursi ee Garbahaareey, isla markaana aysan amar ugu baahneyn taliska ciidanka xoogga dalka inay Soomaaliyeed.

    Jubaland ayaa maalmihii dhowaa wadday diyaar-garowga doorashada 16-ka kursi ee Gedo ayada oo soo saartay liiska kuraasta, waxaana la filayaa inay shaaciso in lagu qabanayo Ceelwaaq.

    Hadallo ay dhowrkii maalmood ee uu shirka socday jeediyeen wasiir Cabdulqaadir iyo Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa aad u kala duwanaa, waxaana laga dheehanayay in labadoodaba ay aad u kala fog yihiin siyaasad ahaan iyo inaysanba u muuqan inay hal dowlad ka wada tirsan yihiin.

    Dib u dhigista shaacinta heshiiska ayaa waxaa isku aragti ka ah oo gadaal ka riixaya xafiiska Roonle, AMISOM, Axmed Madoobe iyo Kenya.

    shir-amisom-somalia.jpg?resize=696%2C391shir-amisom-somalia-2.jpg?resize=696%2C3shir-amisom-somalia-4.jpg?resize=696%2C3 shir-amisom-somalia-3.jpg?resize=696%2C4

    The post Xog: Xafiiska Rooble oo ka hortagay heshiis uu riixayey Farmaajo oo saameyn lahaa doorashada kuraasta Gedo appeared first on Caasimada Online.


  16. 4-9.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

    Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku sugan magaalada Washington D.C ee Caasimadda dalka Mareykanka halkaasi oo shirar heer sare ah uu kula yeelanayo madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunkan iyo xubno sarsare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Maaliyadda dowladda Mareykanka.

    Shirarkaan ayaa diirada lagu saari doonaa halka horurmarada laga sameeyay barnaamijka dib – u – habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo arrimaha dhamaystirka Deyn cafinta Soomaaliya oo ay Hey’addaha dhaqaalaha calaamka ay muhiim u yihiin.

    “Waxaa naga go’an in aan horumarino hanaanka gaba-gabada deyn_Cafinta Soomaaliya oo aan u soo marnay waddo dheer iyo Dadaal fara badan.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

    Wafdiga Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa ku wehliya Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Washington Amb. Cali Shariif Axmed.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonayso in ay dardar-geliso barnaamijka Deyn Cafinta iyo taageerada farsamo ee dhanka soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

    PUNTLAND POST

    The post Soomaaliya oo shir ku saabsan dhaqaalaha uga qayb-galaysa Maraykanka appeared first on Puntland Post.