Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,004
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. 5-1.jpg?resize=750%2C430&ssl=1

    Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka hadlay is hor istaag saaka lagu sameeyay safar uu ku tegi lahaa magaalada Baydhaba.

    Shariif Xasan oo Shir jiraa’id ku qabtay muqdisho ayaa sheegay shalay uu doonaay in uu Muqdisho ka safro, balse laga hor istaagay, mar kale ayuu saaka isku dayay in uu safro balse waa loo diiday sida uu warbaahinta u sheegay.

    Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Lafta-gareen uu mas’uul ka yahay is hor istaagga lagu sameeyay,  kaasi oo uu ku sheegay in uu ahaa mid sharci darro ah.

    Shariif Xasan ayaa sidoo kale Lafta-gareen ku eedeeyay in uu diyaariyay Ergooyin been abuur ah oo aan hayn kuwii dooran lahaa kursiga uu doonayay, waxaana uu sheegay in boob lagu hayo doorshada.

    PUNTLAND POST

    The post Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ka hadlay is hor-taag lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.


  2. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo gadoodsan oo u abaabulan hab maleeshiyo beeleed, kana soo horjeedo Daahir Amiin Jeesow ayaa xalay lagu arkay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus.

    Saraakiisha hoggaamineysay maleeshiyaadkan ayaa sheegay inay diidan yihiin in kursiga tirsigiisu yahay HOP#030 loo xiro xildhibaan Jeesow oo muddo ku fadhiyey kursigaasi.

    Qaar ka mid ah saraakiisha gadoodsan oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey HirShabelle inay u xaglineyso dhanka Jeesow, iyaguna ay taasi ka soo horjeedaan.

    Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay u taagan yihiin kursigaas in la fasaxo, tartankuna uu noqdo mid daah-furan.

    “Waxa aan goobtaan u taaganahay in la fasaxo kursigeena HOP#030 ee loo xiray Jeesow, walaalkeen cadaw noogama dhigeysaan, in badan wuu nagu soo metalay mana ka helin metalaad dhab ah, kursiga in loo xiro xal ma aha” ayuu yiri mid ka mid ah maleeshiyaadka.

    Sidoo kale sarkaal kale oo u hadlay maleeshiyaadka gadoodka sameeyey ayaa shaaciyey in go’aanka kursigan ay leedahay beesha iska leh, ayna dooneyso in tartanka la furo ama uu ka haro xildhibaan Daahir Jeesow oo uu ku eedeeyey inuu ku fashilmay metaalada beesha.

    “Daahir Amiin Jeesow ma laha kursigaan oo beesha ayaa iska leh, Beeshaan waxa ay ogoshahay tartan in lagu qaato, waxa uu ku fadhiyay 12 sano, kursigaan wuu ka batay ha iska casilo ama tartan ha u galo balse ma aqbali doonno in uu dhaho Fahad ayaa i wato, Cali Guudlaawe ayaan u tagay & jeebkaa nin ugu jiraa cid ka aqbaleyso malaha,” ayuu yiri sarkaal kale uu hadlay ciidamada gadoodka ka sameeyey magaalada Beledweyne.

    Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo xalay Beledweyne ay shir ku yeesheen hoggaanka HirShabelle iyo musharixiinta xil doonka ah oo ku ballamay in tartanka kuraasta la furo, si meesha looga saaro in xubno gaar ah loo xiro kuraasta Baarlamaanka Federalka Somalia.

    The post Ciidamo kasoo horjeedo JEESOW oo lagu arkay Beledweyne iyo xaaladda.. appeared first on Caasimada Online.


  3. (SLT-Jabuuti)-Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Wasiirkii dhaqaalaha ee Dalkaasi Md. Cabdikariin Aadan ayaa xabsiga Loo taxaabay.

    Xadhiga Wasiirka oo ay madaxtooyaddu amarkiisa ay leedahay ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay dibada u soo baxeen codad sir ahi.

    Wasiir Cabdikariin ayaa mudaharaad lagaga soo horjeedo xadhigiisu uu ka dhacay Magaaladda Djabouti, waxaanu ka mid ahaa siyaasiyiinta uu kalsoonida buuxa ku qabo Madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle.

    Sidoo kale waxa isna xidhan Taliyihii Booliiska ee Jabuuti Col. Cabdilaahi Cabdi Faarax, kaas oo isna xabsiga Loo dhigay raadad soo galay.

    Source


  4. Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Galkacayo lagu qabanayaa doorashada 5 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadooda ay tahay Galmudug.

    Galkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta markii ugu horaysay lagu dooranaya kuraasta kala ah HOP#101, HOP#060 HOP#001 HOP#017 iyo HOP#013.

    Waxaa hadda hoolka doorashada lagu qabanayo ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada, iyadoo qaar kamid ah ergada ay ku jiraan gudaha goobta doorashada ay ka dhaceyso.

    Kuraastaan waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanada kala ah:-

    HOP#101: Xersi Aadan Rooble.

    HOP#060: Ubax Tahliil Warsame .

    HOP#001: Maxamed Xasan Joodax.

    HOP#017: Duniyo Maxamed Cali.

    HOP#013: Maryan Maxamed Xuseen.

    Waxaa hadda u tartamaya mushariixinta kala ah :-

    HOP#101: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Xersi Aadan Rooble iyo musharrax  Caasho Xirsi Maxamed.

    HOP#060:Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Ubax Tahliil Warsame, Hodan Cabdullaahi Shire, Qaali Cali Shire, Ayaan Xuseen Xasan (Wacan), iyo Nafiso Qaasim Bulxan.

    HOP#001:Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Jawaahir Maxamed Axmed iyo musharrax Farxiyo Xasan Maxamed.

    HOP#017: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Qaladla Cali Cawaale iyo musharrax Axmed Cismaan Aadan.

    HOP#013:Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Aadan Cismaan Xuseen iyo musharrax Maymuun Xuseen Maxamed.

    275130787_526046802219798_14086253227817 275205690_526046665553145_66452827277100 275241434_526046378886507_56274589462590 275284608_526046545553157_52942687504721

    Source: goobjoog.com


  5. Waxaa aad u kacsan xaaladda magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan kadib markii ay xiisad ka dhalatay kursi kamid ah kuraasta golaha shacabka in loo xiray shaqsi gaar ah.

    Ciidamo gadoodsan ayaa xalay illa saaka xiisad ka dhex taagay gudaha magaalada Baladweyne, kuwaas oo ka soo horjeeda in shaqsi gooni ah loo xiro kursiga HOP#030,  kaas oo deegaan doorashadiisu ay tahay Hirshabeelle.

    Qaar kamid ah saraakiisha hogaaminaysay ciidamada gadoodka sameeyay ayaa madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe,  Ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan  ku eedeyay in aysan ka aqbali doonin in dadkooda isku diraan.

    Ciidamada gadoodka sameeyay oo ah kuwa ka soo jeeda beesha iska leh kursiga HOP#030, ayaa sidoo kale sheegay in ay rabaan in kursigaas ay u tartamaan musharixiinta oo dhan.

    Baladweyne madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe iyo  Ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa xalay kulan la qaatay inta badan musharixiinta u taagan qabashada kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Baladweyne.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  6. (SLT-Doha)- Su’aalo xooggan ayaa ka dhashay qorshaha ay dowladda Qatar ugu yeedhay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo shalay gaadhay magaalada Doha.

    FARMAAJO ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo amiirka dalkaas Tamim bin Hamad Al Thani , iyada oo la sheegay inay ka wada hadli doonaan xidhiidhka labada dal iyo arrimo khuseeya, sida laga soo xigtay Villa Somalia.

    Si kastaba, warbaahinta Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigatay ayaa sheegaya in ujeedka ugu weyn kulankan uu yahay inay labada nin ka wada hadlaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo mar kale Farmaajo u taagan yahay, iyo doorka Qatar ay ka qaadan karto.

    Inkasta oo Qatar ay si buuxda u taageertay Farmaajo 2016-kii, sidoo kalena la filayo inay mar kale taageerto, haddana warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigataya ayaa baahinaya in taageero Qatar ay siiso Farmaajo 2022 ayna aheyn arrin hubaal ah, ayna xitaa suurta-gal tahay in Farmaajo loo sheego inaanu is-sharxin.

    Fallanqeeyayaa; kala duwan oo la hadlay ayaa qaarkood rumeysan in sababta Farmaajo loogu yeedhay ay tahay in lasoo siiyo taageero buuxda halka qaarna ayna la tahay in laga yaabo in Qatar ay wadato qorsheyaal kale.

    Dadka qaba in Farmaajo lasoo siin doono taageero buuxda ayaa ku doodaya in Qatar ayna haysan musharax ka rajo wanaagsan FARMAAJO, sidoo kalena daacad ugu noqon kara sidii Farmaajo uu shan sanno ugu ahaa adeege wanaagsan.

    Hase yeeshee, kuwa kale ayaa ku doodaya in Qatar ayna 100% Farmaajo isku haleyn doonin doorashada madaxweynaha sababta oo ah, bay yidhaahdeen, Qatar waxay ogtahay in xitaa haddii Farmaajo dib loo soo doorto ay adag tahay inuu mar kale Soomaaliya xukumo, sababta oo ah heerka uu gaadhsiiyay is-naceybka umadda shantii sanno ee uu xilka hayey.

    Qatar waxay si gaar ah uga walaacsan tahay, bay yidhaahdeen, in beelaha Muqdisho ee awoodda badan ayna aqbli doonin afar sanno oo kale oo Farmaajo ah, kadib xadgudubyadii uu ku sameeyeyn shantii sanno ee lasoo dhaafay.

    Arrinta kale ee jirto ayaa ah, bay yidhaahdeen, in xitaa haddii Qatar ay taageerto Farmaajo ay adkaan doonto in xildhibaanada ay codkooda siiyaan, waana taas sababta loo rumeysan yahay in Qatar ay sannadkan wadato musrahax labaad oo lagu sheegay “Qorshaha B,” balse ay suurta-gal tahay inuu yahay “Qorshaha A.”

    Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay cadaadis xooggan ku saareyso Qatar in Farmaajo meesha laga saaro, si hore loogu dhaqaajiyo dimoqraadiyadda Soomaaliya ee uu Farmaajo hakadka geliyey shantii sanno ee lasoo dhaafay.

    Mareykanka ayaa dhowaan xayiraado Visa saaray mas’uuliyiin la rumeysan yahay inuu ka mid yahay Farmaajo, kuwaas oo lagu eedeeyey inay carqaladeynayaan nidaamka dimoqaadiyadda Soomaaliya.

    Source


  7. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah musharixiita u tartameysa kuraasta taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Musharixiinta kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirkii hore ee Waxbarashada, Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Amniga, Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale..

    Dhammaan musharixiintan ayaa la wadaagay hoggaanka HirShabelle cabasho ay ka qabaan doorashada ka socota Beledweyne, iyaga oo sheegay in musharixiin gaar ah loo xiray kuraasta.

    Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa ku dhowaaqay in tartanka uu noqon doono mid furan, wuxuuna tilmaamay in kuraasta harsan si siman ay ugu baratami doonaan musharixiinta.

    Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan jirin cid gaar ah oo ay wadato HirShabelle, sidaas daraadeedna wuxuu ka dalbaday musharixiinta inay ilaaliyaan xasiloonida amniga.

    Kulankan ayaa daba socda dhaq dhaqaaq ciidan oo laga dareemay Beledweyn, kadib markii ay soo galeen ciidamo taabacsan qaar ka mid ah musharixiinta cabaneysa.

    HirShabaelle ayaa horey magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne uga qabatay doorasho natiijadeeda lasii ogyahay, kadib markii xubno gaar ah loo xiray kuraasta taalla maamulkaasi.

    274718248_332647605573117_19036409257024 275133773_332648132239731_48188620474164 274985045_332647622239782_30275471809453 275258873_332647922239752_50313558558249 Guudlaawe-iyo-Dabageed-768x512-1.jpg?res

    The post Sawirro: Cali Guudlaawe oo go’aan culus ka qaatay kuraasta Beledweyne, kaddb… appeared first on Caasimada Online.


  8. Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin ayaa u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine xilli duulaanka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka deriska la ah uu wajahayo iskacaabin xooggan, islamarkaana dhaqaalaha dalkiisa ay cunaha qabteen cunaqabateeno sii kordhaya.

    Dadaalladii ugu dambeeyey ee Mosow looga hakinayo dhaqaalaha adduunka, ayaa shirkadaha nidaamka lacagaha la isugu gudbiyo ee Visa iyo Mastercard ee fadhigeedu yahay Mareykanka waxay ku dhowaaqeen inay hakinayaan howlahoodii Ruushka.

    Mas’uuliyiinta Ukraine waa inay fahmaan in haddii ay sii wadaan waxay ay sameynayaan, inay su’aal gelinayaan mustaqbalka dalnimo ee Ukraine,” ayuu yiri Putin.

    PUNTLAND POST

    The post Ruushka oo u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine appeared first on Puntland Post.


  9. Doha (Caasimada Online) – Su’aalo xooggan ayaa ka dhashay qorshaha ay dowladda Qatar ugu yeertay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo shalay gaaray magaalada Doha.

    Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo amiirka dalkaas Tamim bin Hamad Al Thani , ayada oo la sheegay ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo arrimo quseeya, sida laga soo xigtay Villa Somalia.

    Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in ujeedka ugu weyn kulankan uu yahay inay labada nin ka wada hadlaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo mar kale Farmaajo u taagan yahay, iyo doorka Qatar ay ka qaadan karto.

    Inkasta oo Qatar ay si buuxda u taageertay Farmaajo 2016-kii, sidoo kalena la filayo inay mar kale taageerto, haddana Caasimada Online ayaa fahansan in taageero Qatar ay siiso Farmaajo 2022 aysan aheyn arrin huban, ayna xitaa suurta-gal tahay in Farmaajo loo sheego inaanu is-sharxin.

    Fallanqeeyayaa; kala duwan oo la hadlay Caasimada Online ayaa qaarkood rumeysan in sababta Farmaajo loogu yeeray ay tahay in lasoo siiyo taageero buuxda halka qaarna ayna la tahay in laga yaabo in Qatar ay wadato qorsheyaal kale.

    Dadka qaba in Farmaajo lasoo siin doono taageero buuxda ayaa ku doodaya in Qatar aysan haysan musharax ka rajo wanaagsan Farmaajo, sidoo kalena daacad ugu noqon kara sidii Farmaajo uu shan sano ugu ahaa adeege edban.

    Hase yeeshee, kuwa kale ayaa ku doodaya in Qatar aysan 100% Farmaajo isku haleyn doonin doorashada madaxweynaha sababtoo ah, bay yiraahdeen, Qatar waxay ogtahay in xitaa haddii Farmaajo dib loo soo doorto ay adag tahay inuu mar kale Soomaaliya xukumo, sababtoo ah heerka uu gaarsiiyay is-naceybka umadda shantii sano ee uu xilka hayey. 

    Qatar waxay si gaar ah uga walaacsan tahay, bay yiraahdeen, in beelaha Muqdisho ee awoodda badan aysan aqbli doonin afar sano oo kale oo Farmaajo ah, kadib xadgudubyadii uu ku sameeyeyn shantii sano ee lasoo dhaafay.

    Arrinta kale ee jirto ayaa ah, bay yiraahdeen, in xitaa haddii Qatar ay taageerto Farmaajo ay adkaan doonto in xildhibaanada ay codkooda siiyaan, waana taas sababta loo rumeysan yahay in Qatar ay sanadkan wadato musrahax labaad oo lagu sheegay “Qorshaha B,” balse ay suurta-gal tahay inuu yahay “Qorshaha A.”

    Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay cadaadis xooggan ku saareyso Qatar in Farmaajo meesha laga saaro, si horey loogu dhaqaajiyo dimoqraadiyadda Soomaaliya ee uu Farmaajo hakadka geliyey santii sano ee lasoo dhaafay.

    Mareykanka ayaa dhowaan xayiraado Visa saaray mas’uuliyiin la rumeysan yahay inuu ka mid yahay Farmaajo, kuwaas oo lagu eedeeyey inay carqaladeynayaan nidaamka dimoqaadiyadda Soomaaliya.

    The post Shaki ka dhashay qorshaha Qatar ugu yeertay Farmaajo – Ma loo soo dayrin doonaa? appeared first on Caasimada Online.


  10. Magaalada Mariupol ee Ukraine maxaa ka dhigay xuddunta dagaalka?

     maripol.jpg

    Ciidamada Ruushka ayaa ku hareereysan magaalada dakadda ee Mariupol oo la qorsheynayey kumannaan shacabka ah iney magaaladaasi ka baxaan kaddib xabbad joojin ay labada dhinac gaareen.

    Ciidamada Ruushka ayaa maalmihi la soo dhaafay duqeymo aan kala joogsi lahayn ku hayey magaaladasi oo ku taalla marin isku xidha Crimea iyo Ruushka.

    Haddaba haddii uu Ruushka magaalada Mariupol uu qabsado waxaa u sahlanaaneyso iney ciidamadiisu si fudud ugu gudbaan gobollada Luhansk iyo Donetsk oo ay kooxa gooni u goosad ah oo ay Moscow taageerto ay qabsadeen.

    Sida oo kale gacanka Crimea wuxuu Ruushka gacanta ku dhigay dagaalki 2014-kii uu la galay dalka Ruushka.

    Qaran News


  11. Ruushka oo hanjabaad kulul u diray Dalka Britain

    Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa lagu sheegay Moscow iney illaawi doonin taageerada ay Britain u fidisay Ukraine.

    Warbaahinta Ruushka oo soo xigatay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka Maria Zakharova, ayaa shegtay Ruushka marnaba iney illaawi doonin iskaashiga London ay u muujisay Kyiv.

    “Cuqabateynta Moscow la saaray oo ay London hormuudka ka tahay ama ay doorka ugu weyn ku leedahay waxay naga nagu qasbeysaa inaan qaadno tallaabooyin aargoosi ah oo saami ahaan adag, oo danaha Britain ay Ruushka ka leedahay si weyn u wiiqi doonto” ayey tiri.

    Sheekada rasmiga ah ee Ruushka ayaa ah in halista dadka rayidka ah ee Ukraine aysan ka imanayn ciidamada Ruushka, laakiin ay ka timid “wadaniiinta Ukraine”.

    Dowladda UK ayaa hub iyo kaalmo dhaqaale oo aad u xooggan siisay dalka Ukraine tani iyo marki uu dagaalka soo billaawday

    Qaran News


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu iska tuuray magaca saxda ahaa ee Soomaaliya oo ah “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” isaga oo la yimid mid kale.

    Farmaajo oo shalay u baxay dalka Qatar ayaa lasoo sawiray isaga oo diyaaradda ku aqrinaya gal lagu qoray magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya,” taasi oo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan ujeedka laga leeyahay.

    Magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya” waxaa Soomaaliya loo aqoon jiray markii ay xoqriyadda qaadatay 1960-kii illaa 1969-kii markaasi oo Golihii Sare ee Kacaanka ay u beddeleen “Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Soomaaliya.” Dastuurka qabyada ee Soomaaliya ee la qoray 2021-kii waxaa magaca saxda ah ee dalka ugu qoran “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

    Ma cadda sababta Farmaajo u doortay inuu adeegsado magac aan aheyn midka ku qoran dastuurkii lagu doortay, hase yeeshee dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa duruba ku macneeyey inay qeyb ka tahay dagaalka uu kula jiro nidaamka federaalka Soomaaliya.

    Farmaajo ayaa la ogyahay inuu aad u neceb yahay federaalka, isaga oo aaminsan dowladda dhexe oo awood badan oo xukunka dalka oo idil gacanta ku haysa, heer tuulo illaa heer gobol, halka federaalka uu awood badan siinayo maamul goboleedyada.

    Shantii sano ee uu Farmaajo xilka hayey, wuxuu dagaal xooggan la galay maamul goboleedyada dalka, isaga oo ku guuleystay inuu saddex ka mid ah oo kala ah; Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle gaysto madaxweyne goboleedyada isaga ka amar qaata, isaga oo sidoo kale ku guuldarreystay inuu tuuro madaxweynaha Jubaland.

    Villa Somalia weli kama aysan hadal haddii arrintan ay tahay ku talo-gal ama khalad dhacay, inkasta oo ay u muuqato mid ku talo-gal ah, maadaama lagu qoray saddex luuqad oo kala ah Soomaali, English iyo Carabi.

    The post Farmaajo oo bedelay magacii saxda ee “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” appeared first on Caasimada Online.


  13. Sawirradii ugu danbeeyay ee Dagaalka Ukraine

    People cross a destroyed bridge as they evacuate the city of Irpin, 5 March 2022

    Waa sawir muujinaya ciidamada milatariga ee dalka Ukraine oo caawinaya dadka rayidka ah ee ka qaxaya magaalada Irpin oo 20km woqooyi galbeed ka xigta caasimadda Kyiv.

    Waddadan ayaa ah mid aad u dhibbadan waayo dadku waxay ku khasban yihiin in ay ku lugeeyaan waddooyin ay duqeymo ku socdaan iyo buundooyin burburay.

    A woman carries a dog while people cross a destroyed bridge in the city of Irpin, northwest of Kyiv, 5 March 2022

    Magaalada Irpin ayaa toddobaadkii la soo dhaafay waxaa ku dagaallamayay ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.

    evac from Irpin

    Hoobiyeyaal iyo duqeymo dhanka cirka ah ayaa magaaladani baabi’iyay, waxaana mid ka mid ah duqeymahaasi uu gebi ahaanba dhulka la simay dabaq ay dad rayid ah deggan yihiin.

    A child looks on as residents evacuate the city of Irpin, northwest of Kyiv, 5 March 2022

    A visibly exhausted woman is assisted while crossing a destroyed bridge in the city of Irpin, northwest of Kyiv

    Maalmihii ugu dambeeyay dadka ka qaxaya magaalada Irpin oo u badan carruur iyo haween ayaa lagu daadgureynayay tareenno, waxaana la geynayay caasimadda Kyiv.

    A young girl looks out of a train window before it leaves carrying women and children that fled fighting in Bucha and Irpin from Irpin City to Kyiv, 4 March 2022

    Horraantii usbuucan, waxaa soo baxay muuqaal laga duubay duqeymo lala beegsaday guri dabaq ah oo ay deggan yihiin dad rayid ah oo ku yaal magaalada Irpin.

    Qaran News


  14. Moscow (Caasimada Online) – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in cunaqabateena ay Reer Galbeedka saareen Ruushka ay ka dhigan tahay inay dagaal ku iclaamiyeen dalkiisa.

    Putin ayaa sidoo kale Reer Galbeedka uga digay in aag duulimaadyada ka caagan oo laga hirgeliyo Ukraine ay cawaaqib musiibo ah u horseedi doonto dunida.

    Waxa uu mar kale ku celiyey in ujeedadiisa ay tahay inuu difaaco bulshada ku hadasha luuqadda Ruushka ee Ukraine iyo inuu sameeyo “hub ka dhigis iyo baabi’inta Naaziyiinta” Ukraine, si dalkaasi horey uga midka ahaa Midowga Soviet uu u noqdo mid dhex-dhexaad ah oo aan halis ku ahey Ruushka. 

    Ukraine iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa arrimah ku gacan seeray inay yihiin kuwa aan sal laheyn oo qiil looga dhigtay duulaankii billowday 24-kii Febraayo, waxayna kusoo rogeen Ruushka cunaqabateeno xanuujiyey. 

    “Cunabqateenadan lasoo rogay, waxay la mid yihiin dagaal la iclaamiyey, balse Ilaah ayaa ku mahadsan inaysan sidaas dhicin,” ayuu yiri Putin oo ka hadlayey xarun lagu tababaro duuliyayaasha diyaaradaha oo ku taalla Moscow.

    Waxa uu sheegay in isku day kasta oo dal kale uu kusoo rogo aag ka caagan duulimaadyada oo Ukraine ah ay Russia u arki doono inuu kusoo biiray dagaalka. 

    “Tallaabo noocan ah waxay dunida ku yeelan doontaa cawaaqib musiibo ah,” ayuu yiri. 

    Xulufada NATO ayaa horey u diiday codsiga Kyiv ee ahaa in aag ka caagan duulimaadyada ay ka hirgeliso Ukraine, ayada oo sheegtay in tani ay kasii dari karto xaaladda, islamarkaana horseedi karto dagaal ka dhex-qarxa Mareykanka iyo Russia.

    Mar wax laga weydiiyey in Ruushiyaan lasoo qasbay ay ka qeyb-galayaan dagaalka, Putin waxa uu sheegay in taasi aanay jirin, islamarkaana howlgalka militari uu ku socdo sidii loo qorsheeyey.

    “Ma jirto shacab lasoo qasbay, ma lihin qorshahaas, ciidankeena ayaa fulinaya shaqada, taasi shaki iigama jiro. Wax kasta waxay u socdaan sidii loo qorsheeyey.”

    Putin wuxuu sidoo kale meesha ka saaray walaaca laga qabay inuu xeer militari ama xaalad deg deg ah kusoo rogo Ruushka, isaga oo sheegay in tallaabadaas la qaadayo kaliya haddii halis gudaha ama dibedda ah ay wajaheyso Russia. 

    The post Putin oo shaaciyey in Reer Galbeedka ay DAGAAL ku iclaamiyeen sidaa darteedna… appeared first on Caasimada Online.


  15. 3-2-1440x959.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

    Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Yuusuf Axmed Hagar ayaa xalay kulan la qaatay musharaxiinta u taagan tartanka xildhibaanimo ee Golaha Shacabka.

    Cali Guudlaawe ayaa musharaxiinta u sheegay in ay u diyaar garoobaan doorasho daahfuran oo si nabad ah ku dhacda, waxa uuna balanqaaday inaysan dhici doonin in kursi loo xiro cid gaara.

    Madaxweynaha ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hay’addaha amniga kala shaqeeyaan nabadgalyada Magaalada Beledweyne.

    PUNTLAND POST

    The post Guudlaawe oo xalay la kulmay musharixiin doonaya kuraas xildhibaano appeared first on Puntland Post.


  16. Magaalada Gaalkacyo ee  gobolka Mudug oo deegaan doorashada labaad ee DGG ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta barri ah lagu doorto 5 kursi, kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.

    Guddiga ayaa magaalada kawada caawa  diiwaangelinta musharraxiinta u tartammaysa kuraasta kala ah HOP#101, HOP#060 HOP#001 HOP#017 iyo HOP#013, oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Gaalkacyo.

    1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#013, ayaa waxaa ku tartami doonaa maalinimadi bari musharraxiinta kala ah : Aadan Cismaan Xuseen iyo musharrax Maymuun Xuseen Maxamed, waxaa ku horay ugu  fadhisay Maryan Maxamed Xuseen.

    2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#101  ayaa waxaa ku tartami doonaa maalinimadi bari musharraxiinta kala ah: Xersi Aadan Rooble iyo musharrax  Caasho Xirsi Maxamed, waxaa horay ugu fadhiyey  musharraxa hore Xersi Aadan Rooble,

    3:Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#017 ayaa waxaa ku tartami doonaa maalinimadi bari musharraxiinta kala ah: Qaladla Cali Cawaale iyo musharrax Axmed Cismaan Aadan, waxaa horay ugu fadhisay  Duniyo Maxamed Cali.

    4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#060 ayaa waxaa ku tartami doonaa maalinimadi bari musharraxiinta kala ah: Ubax Tahliil Warsame, Hodan Cabdullaahi Shire, Qaali Cali Shire, Ayaan Xuseen Xasan (Wacan), iyo Nafiso Qaasim Bulxan, waxaana horay ugu fadhisay  Ubax Tahliil Warsame.

    5:Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#001 ayaa waxaa ku tartami doonaa maalinimadi bari musharraxiinta kala ah

    Jawaahir Maxamed Axmed iyo musharrax Farxiyo Xasan Maxamed, waxaana horay ugu fadhiyey Warsame Maxamed Xasan Joodax, kuraasta bari la dooranayo ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin 11 kursi oo deegaan doorashadoodu ay tahay Gaalkacyo.

    No description available.

    Goobgjoog

    Source: goobjoog.com


  17. Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga jawaabay hadaladii iyo mowqifkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ka istaagtay xiriirka Somaliland iyo Taiwan.

    Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si isbarbar-yaac ah uga jawaabtay xiriirkooda Taiwan, iyagoo sida uu sheegay Shiinaha ku raali gelinaya.

    Waxa uu sheegay in masuuliyiinta qaar ee dowladda Soomaaliya ay ku hanjabeen in sida Ruushku uu ugu duulay Ukraine oo kale ay koonfurta Soomaaliya ugu duuli doonto Taiwan.

    “Qoladaan aan isku dowladda ahaa jirnay ee Xamar ka talisa, markii ay Somaliland wax yar oo hormar ah ku tallaabsato dagaalka ugu adag ayey qaadaan, waad arkeyseen shalay kaliya seddax wareysi ayey bixiyeen, wax kale ma awoodaan, safiirka u jooga Washington waxuu yiri waan la dagaaleynaa sida Ukraine ayaan gacan u qaadeynaa Taiwan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

    Waxa uu sheegay in Somaliland wax aysan rabin aan loo meeri karin, isagoo dowladda federaalka ugu baaqay inay ixtiraamaan ‘madax-banaanida Somaliland.’

    “Madax-banaanideenu maaha go’aan uu gaaray masuul gaar ah ee waxaa qaba qof kasta oo Somaliland  ah, wiilashiina yar ee Yurub wax ku soo bartay ee Xamar joogow soo weydiiya dadka idinka weyn waxa Somaliland loo geystay,” ayuu yiri Muuse Biixi.

    Hoos ka daawo

    The post Daawo: Muuse Biixi oo si adag uga hadlay mowqifka ay DF ka istaagtay xiriirkooda Taiwan appeared first on Caasimada Online.


  18. Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey odayaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada yaridka ah ee soo xulaysa Ergada kala dooranaysa lix kursi oo katirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuryiadda federalka Soomaaliya  lagu dooran doono magaalada magaalada Baydhabo.

    Kuraastaan guddigu uu shaaciyey waxaa tirsigoodu kala yahay HOP#099, HOP#261,HOP#168, HOP#186 HOP#077  iyo HOP#261, ayaa waxaa deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Baydhabo ee  xarunta kumeel gaarka ah ee DKGS.

    1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#099 waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaan  Deeqa Xuseen Xasan.

    2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#261, waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaan  Cabdulqaadir Xasan Sheekh Aadan.

    3: kursiga tirsigiisu yahay HOP#167,waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

    4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#168, waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaan Xuseen Xasan  Xuseen.

    5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#077, waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaanIsgoowe Deeqow Isaaq.

    6: HOP#186, waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay  xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale.

    No description available.

    No description available.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com