Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) ayaa markii u horeysay kasoo muuqday warbaahinta Al-Shabaab, ayada oo uu jeedinayo muxaadaro maqal iyo muuqaal ah oo si faah-faahsan sababihii keenay inuu kasoo baxsado magaalada Hargeysa.

    Aadan Sunne ayaa sidoo kale muuqaalkan oo soconaya in ka badan 30 daqiiqo ku dhiiri-gelinaya dagaal-yahanada kooxda, isaga oo ku baaqayna in qeyb laga noqdo jihaadka iyo dagaalka ay ku jiraan Shabaab.

    Waxa uu sheegay in maamulkii uu ka yimid ee Hargeysa ay ku xoogan yihiin fikradaha gaalada, islamarkaana ciddii ka hadasha kana digta fisqiga ay ka wadaan gudaha Somaliland uu wajahayo ciqaab iyo xarig ah, sida uu sheegay.

    “Nolosheyda inta ay jirtay ma arkin Laamiga madowga ee bariga Burco kasoo baxa, marka waxaa isoo kiciyay waa Mabaadida aan aaminsanahay ee baryahan iima qorsheysneyn in aan halkaan yimaado (deegaanada Shabaab),” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in uu ku nabad-geli waayay xaqa sheegistiisa gudaha Somaliland, una usoo hijrooday dhul uu xor ku yahay oo lagu maamulo Diinta iyo Sharciga Islaamka.

    “Dalka lagu magacaabo Somaliland ee shalay ahaa Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, wixii ka dambeeyay bur-burkii si fiican ayaa waxa fasax loogu siiyay hay’addaha NGO-ga iyo kuwa gaalada ka dambeeyan.”

    Sidoo kale waxa uu sheegay inay gudaha Somaliland ay ka jiraan goobo lagu dhigo diimo reer galbeed, ayna ogyihiin madaxda sare ee maamulka oo ayagu daboolo waxa ka socda, sida uu hadalka u dhigay.

    “Dhulka Wilaat-yaadka Islaamka waa meel aad u horumarsan oo lagu dhaqmayo kitaabka iyo sunada ilaahay. Waxaan halkan u yimid in dadka lagu hogaamiyo manhajka Ilaahay usoo dajiyay adoomada.”

    Ugu dambeyntiina wuxuu muuqaalka si cad ugu sheegay inuu kooxda Al-Shabaab ku garab taagan yahay jihaadka, islamarkaana uu qeyb ka qaadan doono sidii dalka loogu maamuli lahaa Diinta Islaamka.

    The post Al-Shabaab oo baahisay fariintii ugu horeysay ee ka timid Sheekh Aadan Sunne appeared first on Caasimada Online.


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii uu maanta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu magacaabay guddi cusub.

    Wasiir ku-xigeenka amniga oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo idlaaday shirkaas ayaa sheegay in guddigaas cusub isugu jiraan Wasiiro, Taliyeyaasha ciidamda iyo xubno AMISOM ah.

    Guddiga ayaa baaritaan qoto dheer ku sameyn doona waxa laga yeelayo amniga garoonka diyaaradaha, qaasatan dadka galaya iyo dadka ka baxaya iyo weliba kuwa xayndaabkiisa dagan.

    “Shirka si fiican ayuu kusoo dhamaaday, waxaana la saaray guddi soo turxaan bixin doona waxa laga yeelayo amniga airport-ka. Waxa uu naga codsaday warbixin dhameystiran waxaana lagu soo diyaarin doona sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka amniga.

    Kulanka ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la mid ah kii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shalay la yeeshay taliyayaasha hay’adaha amniga dalka, sidii ay saaka sii shaacisay Caasimada Online.

    Rooble, oo aan saaka werinay inuu qabanayo kulankaan oo jawaab u ah Farmaajo ayaa waxaa looga hadlay amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, ayada oo hogaanka ciidamada la faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay.

    Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka uu xalay ku dhashay Rooble kadib markii uu arkay inuu shalay Farmaajo la kulmay taliyayaasha ciidamada dalka.

    Rooble ayaa marka hore qorshihiisu ahaa inuu la kulamo golaha wasiirada, hase yeeshee markii uu madaxweyne Farmaajo la kulmay taliyayaasha, ayuu Rooble beddelay qorshihiisa kana dhigay kulan golaha amniga qaranka ah, sida aan xogta ku helnay.

    The post Shirkii maanta ka dhacay xafiiska Rooble oo lagu magacaabay guddi cusub appeared first on Caasimada Online.


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qabtay kulan la mid ah kii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shalay la yeeshay taliyayaasha hay’adaha amniga dalka, sidii ay saaka sii shaacisay Caasimada Online.

    Rooble, oo aan saaka werinay inuu qabanayo kulankan oo jawaab u ah Farmaajo, ayaa la shiray madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

    “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. 

    Rooble ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xiligan muhiimka ah laga feejignaado dhagarta cadowga, si aysan saameyn ugu yeelan howlaha doorashooyinka iyo habsami u socodka shaqooyinka hay’adaha dowladda.

    Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka uu xalay ku dhashay Rooble kadib markii uu arkay inuu shalay Farmaajo la kulmay taliyayaasha ciidamada dalka.

    Rooble ayaa marka hore qorshihiisu ahaa inuu la kulamo golaha wasiirada, hase yeeshee markii uu madaxweyne Farmaajo la kulmay taliyayaasha, ayuu Rooble beddelay qorshihiisa kana dhigay kulan golaha amniga qaranka ah, sida aan xogta ku helnay. 

    Farmaajo oo shalay kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda.

    Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Farmaajo ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee “falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.”

    Kadib kulankaas ayaa waxaa taageerayaasha Rooble ay niyadjab ka muujiyeen in awoodda amniga dalka uusan gacan ugu jirin oo taliyayaasha ay si buuxda ugu xiran yihiin ugana amar qaataan Farmaajo.

    Rooble ayaa lagu eedeeyaa inuu siyaasad ahaan yahay nin aan aragti fog laheyn balse mar kasta go’aanadiisa ay ku saleysan yihiin falcelin.

    Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa rumeysan in Rooble ay aheyd inuu isugu yeero taliyayaasha ciidamada amniga, oo oo uu kala hadlo weerarkii garoonka Aadan Cadde iyo qaraxyadii Beledweyne iyo in amniga dalka la adkeeyo, balse aysan aheyn inuu taas kusoo baraarugo markii uu Farmaajo qaaday tallaabo noocaas ah.

    277104489_320583333504153_31061552213783 277007113_320583463504140_38058115688618 277485441_320583336837486_81708598284264 277439132_320583120170841_64831127442073 Farxaan-Qaroole-2.jpeg?resize=696%2C464& Wasiir-Jaamac-Cabdulqaadir-Maxamed-Nuur. Taliye-Xijaar.jpeg?resize=696%2C464&ssl= 276263482_320583533504133_68512284037487 Xasan-Xuseen.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 276281888_320583596837460_72879866479876 276991671_320583456837474_66930846209384 

    The post Sawirro: ROOBLE oo qabtay kulan jawaab u ah kii uu Farmaajo qabtay shalay appeared first on Caasimada Online.


  4. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ah midka keliya oo ilaa iyo hadda ku haray Farmaajo iyo Regime-kiisa ayaa todobaad gudahiisa tiro saddex jeer ku guuldareystay inuu xildhibaannada federaalka ah ee maamulkiisa lagu doortay ka gado dib u doorashada Farmaajo taasoo keentay in shirkii uu ugu wacay xildhibaanada kusoo idlaaday natiija la’aan iyo waqti lumis.

    Xogo iyo ilo wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in Qoorqoor uu mid mid ula fariistay xildhibaannada isaga oo Qaarkood si cad ugu sheegay doonistiisa ah dib u doorashada Farmaajo halka qaarna uu kala cabsaday in uu ku soo hadalqaado Farmaajo isaga oo si duurxulid ah ku gaabsaday, laakin labada kooxba waa ay ka diideen dalabkiisa iyo dareenkiisa qarsoonba iyaga oo taa badalkeedana u sheegay in Farmaajo uusan ku habooneyn marxaladda lagu jiro halis ku yahay dowladnimada Soomaaliyeed.

    Waxaa nasiib dara weyn in ah in Qoorqoor wali ku haminayo in Farmaajo dib loogu doorto talada dowladnimada Soomaaliya.

    Waxaa kale oo xusid mudan in mid ka mid ah kulamadii uu Qoorqoor la yeeshay Xildhibaanada  23-kii bishan uu Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay kulankaas uu yiri “Madaxweynow-Qoorqoor-, dadkan reer Mudugga ah ee afkaaraha kala gedisan qaba inaad mid daawo isugu darto ayaa loo baahan yahay ee tii bisadda iyo tii libaaxa, ..waxaan kaa codsaneynaa in bas aakhiro u socda boostiijadiisa aadan nagu dejin’”.

    Xildhibaannada qaar oo qeyb ka ahaa kulamada uu sida gaar gaarka ula yeeshay Qoorqoor oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegaya in Qoorqoor uu lacag ka qaatay markii ay ololaha ku jireen, isla markaana aanu ku laheyn wax abaal ah, xaqna ugu laheyn inuu u meeriyo wax ay codkooda ka yeelayaan.

    Qoorqoor oo ahaa rajada keliya ee Farmaajo leeyahay ayaa la sheegayaa inuu niyad jab kala kulmay xildhibaannada federaalka ah ee Galmudug laga soo doortay.

    Qoorqoor oo walba dhaadhaajiya ama isku dhiririya madaxweynaha maamulka ay dariska yihiin ee Puntland Saciid Deni, ayaa hada waxaa muuqata inuu ku guuldareystay qancinta xildhibaannada Galmudug, taasna ay ka dhigtay nin ku hungoobay barnaamijkii uu damacsanaa iyo qorshihii uu magaalada Muqdisho la iman lahaa.

    Xildhibaanadii maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhusamareeb ayaa maantay intoodii badnayd dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  5. Faahfaahinta Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac ee Dagaalka Weli ka socda Buuraleyda Puntland

    Dagaal-Ka-Dhacay-Ceel-afweyn.jpg

    Inta la xaqiijiyay saddex askari iyo hal sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa ku dhintay tiro kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda buuraleyda  Af-urur ee Gobolka Bari.

    Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa aroortii hore ee saaka weerar hoobiyaal ku bilowday ku qaaday saldhiga Ciidamada Puntland ee degaanka Af-urur halkaas oo dagaal ku dhexmaray labada dhinac.

    Wararku waxay sheegayaan in dagaalku weli ka socdo dhulka buuraleyda ah ee  ku dhow degaanka Af-urur.

    Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in ay dagaalka ku dileen 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare.

    Qaran News


  6. Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine+Qeylo-dhaan ka soo yeedhay M/weynaha Ukraine  Zelensky

    Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine iyo qeylo-dhaan ka timid Zelensky
     Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka dalbaday dalalka Reer Galbeedka in ay dalkiisa ku caawiyaan diyaarado, taangiyo iyo hubka difaaca gantaalada.

    Mr Zelensky ayaa sheegay in diyaaradaha Ruushka aan lagu soo ridi karin qoryaha darandooriga u dhaca.

    Ra’iisul Wasaaraha Slovakia Eduard Heger ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu u diro hubkiisa difaaca gantaallada hawada ee S-300 ee Soofiyeeti uu sameeyay, haddii beddelkiisa la heli karo.

    Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaadday in ay kordhineyso caawinaadda militeri ee ay siineyso Ukraine, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Dmytro Kuleba, kadib markii uu Poland kula kulmay madaxweyne Joe Biden.

    “Ma jiro waddan kale oo aan ka helnay caawinaad ka badan tan uu na siiyay Mareykanka, waana mid aad muhiimu ah,” ayuu yiri.

    Ma uusan bixinin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan nooca uu yahay garabka militeri ee ay ka heli doonaan Mareykanka, balse waxa uu yidhi: “Maanta waxaan ballamo dheeraad ah ka helnay Mareykanka, kuwaasoo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynteenna ku aaddan dhinaca difaaca.”

    Dhanka kale, Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ukraine JeneraaL Yakov Rezantsev oo la sheegay inuu dhintay Sabtidii ayaa noqday sarkaalka ugu sarreeyey oo Ruush ah ee lagu dilo dagaalka Ukraine.

    Khubarada ayaa sheegay in niyad jabka ka dhex jira ciidamada Ruushka ay ku qasabtay saraakiisha sarsare inay ku dhawaadaan jiida hore ee dagaalka, taasina ay sababtay in la dilo saraakiil sarsare oo aad u tira badan oo gaaraya in ka badan 7 Jeneraalo oo Ruush ah

    Qaran News


  7. Haweenay ku guuleystay tartanta Quruxda Afrika oo maanta Muqdisho lagu soo dhaweeyay

    qurux.jpg

    Waxaa maanta Xamar lagu soo dhaweeyay gabadhii ku guuleysatay tartanta Quruxda Afrika .

    Cadar Yusuf Ibrahim oo ah gabadha ku guuleysatay tartaankaasi ayaa booqasho ku tagtay  wasiirka warfaafinta iyo xaafiska wasiirka haweenka halkaasi oo aad loogu soo dhaweeyay.

    Tartaankaasi oo dhowaan ka dhacay Nayjeeriya , ayaa Cadar Yusuf Ibrahim waxay noqotay gabadha kaalinta koowaad gashay

    Qaran News


  8. Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka dalbaday dalalka Reer Galbeedka in ay dalkiisa ku caawiyaan diyaarado, taangiyo iyo hubka difaaca gantaalada.

    Mr Zelensky ayaa sheegay in diyaaradaha Ruushka aan lagu soo ridi karin qoryaha darandooriga u dhaca.

    Ra’iisul Wasaaraha Slovakia Eduard Heger ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu u diro hubkiisa difaaca gantaallada hawada ee S-300 ee Soofiyeeti uu sameeyay, haddii beddelkiisa la heli karo.

    Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaadday in ay kordhineyso caawinaadda militeri ee ay siineyso Ukraine, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Dmytro Kuleba, kadib markii uu Poland kula kulmay madaxweyne Joe Biden.

    “Ma jiro waddan kale oo aan ka helnay caawinaad ka badan tan uu na siiyay Mareykanka, waana mid aad muhiimu ah,” ayuu yiri.

    Ma uusan bixinin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan nooca uu yahay garabka militeri ee ay ka heli doonaan Mareykanka, balse waxa uu yidhi: “Maanta waxaan ballamo dheeraad ah ka helnay Mareykanka, kuwaasoo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynteenna ku aaddan dhinaca difaaca.”

    Dhanka kale, Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ukraine JeneraaL Yakov Rezantsev oo la sheegay inuu dhintay Sabtidii ayaa noqday sarkaalka ugu sarreeyey oo Ruush ah ee lagu dilo dagaalka Ukraine.

    Khubarada ayaa sheegay in niyad jabka ka dhex jira ciidamada Ruushka ay ku qasabtay saraakiisha sarsare inay ku dhawaadaan jiida hore ee dagaalka, taasina ay sababtay in la dilo saraakiil sarsare oo aad u tira badan oo gaaraya in ka badan 7 Jeneraalo oo Ruush ah.

    The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine iyo qeylo-dhaan ka timid Zelensky appeared first on Caasimada Online.


  9. Doha (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qadar oo uu kaga qayb galayo Shirka Madasha Dooxa, ayaa waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) la galay dowladda Qatar.

    Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga dhanka waxbarashada ee Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar la saxiixday Hay’adda Qatar Fund.

    Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ah mid lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed kuwaas oo aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada, ayada oo sidoo kale kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.

    “Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada,” ayuu yirii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.

    Munaasabadda lagu saxiixayey Heshiiskan is-afgaradka ah, waxaa sidoo kale ka qayb galay, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u jooga dalkan Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, La Taliyaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Siciid Jaamac Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay dadaal buuxa gelisay kor u qaadidda tayada Waxbarasha dalka,  iyada kor loo qaaday miisaaniyadda waxbarashada, lana diyaariyey manhaj waxbarasho oo ka kooban dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, sidoo kale waxbarasho lacag la’aan ah ayaa loo fidiyey kumannaan da’yar Soomaaliyeed ah.
    FO2cwWpX0AQCLid.jpeg?resize=696%2C602&ss FO2cwWvXsAMXlrR.jpeg?resize=696%2C696&ss FO2cwWtXIAQaAnU.jpeg?resize=696%2C464&ss FO2cwWuXoAMLL3n.jpeg?resize=696%2C464&ss

    The post Muxuu yahay HESHIISKA cusub ee ay kala saxiixdeen DF iyo QATAR? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.


  10. Ninka sameeyay Sanduuqa Madow ee Diyaarada ee ka qayb qaata Badbaadinta Malaayiinka Qof

    Warren
    David Warren

    Qalabka duuba dhaq-dhaqaaqa iyo xogta diyaaradaha ee loo yaqaanno “sanduuqa madow”. Haddii uu dhaco shil, xogta duulimaadka iyo macluumaadka maqalka ee uu duubo sanduuqan madow wuxuu gacan ka geystaa in la helo caddayn faahfaahsan oo sax ah si khubarada hawada si ay u falanqeeyaan sababta ka dambeysa shilka.

    Marka uu shil diyaardeed dhaco, baarayasha waxay marka dadaal u galaan sidii ay ku heli lahaayeen sanduuqa madow.

    Falanqaynta xogta laga helay sanduuqa madow si loo ogaado badbaadinta rakaabka ayaa sare u qaaday badqabka diyaaradaha casriga ah, safarka hawaduna wuxuu noqday habka ugu wanaagsan ee gaadiidka wakhtigan casriga ah.

    Markaa, “sanduuqa madow” wuxuu badbaadin karaa noloshaada. haddaba ma garanaysaa qofkii hanidisay sanduuqan madow?

    Waxaa la hindisay markii ay diyaarad burburtay

    Jimcihii, bishii 19 Oktoobar sanadkii 1934, diyaarad rakaab ah oo lagu magacaabo Miss Hobart ayaa ku burburtay badda iyada oo kasoo dhacday hawada sare, 9 rag ah iyo saddex dumar ah ayaa la socday diyaaradda oo la rumeysan yahay inay ku qaraqmeen, kaddib markii ay ku dhacday inta u dhexeysa Tasmania iyo Australia.

    Wali lama helin haragii diyaaradda, md ka mid ah rakaabka ayaa ahaa waddaad diinta masiixiga ah oo 33 jir ahaa kaas oo lagu magacaabo jiray Hubert Warren, kaas oo u socday kaniisadda cusub ee Enfield, oo xilliggaa laga furay Sydney, Auustralia.

    Xaaskiisii ​​Ellie iyo afartiisa carruur ah, ma aysan soo raacin diyaaraddii uuu saarnaa, waana laga soo tagey , waxay damacsanayeen inay soo raacan dooni, Haddiyaddii ugu dambaysay ee uu wadaadku siiyey wiilkiisa siddeed jirka ahaa, David, waxay ahayd raadiyo muraayad ahaa oo uu David heystay.

    David Warren, oo ah arday dhigta dugsiga hoyga ee wiilasha ee Launceston, Tasmania, ayaa daaray raadiyahii ka dib markii uu ka baxay fasalka si uu u ogaado sida ay u shaqeyso. Waxa uu sidoo kale lacag yar ka qaadi jiray asxaabtiisa si ay u dhagaystaan ​​baahinta ciyaaraha cricket-ka.

    David,
    David

    David, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo kaftan badan, Qoyskiisu waxay ahaayeen dad diuin leh, waxay doonayeen in uu noqdo wadaad diinta masiixiga ah.

    Laakiin taasi ma suurtagelin. xiisihii uu u qabay cilmiga seyniska ayaa u horseeday wiilkan in uu diiradda saaro badbaadinta noloha.

    David Warren markii uu 20 jir ahaa waxa uu jaamacadda Sydney ka baranayay cilmiga seyniska, halka uu PhD-ka culuumta Chemistry-ga uu ka qaatay Imperial College London. Waxa uu ku takhasusay cilmiga gantaalaha, kadibna waxa uu noqday cilmi-baare ka soo shaqeeyay shaybaarkka ARL, ee hoos taga wasaaradda gaashaandhigga ee Australia, isaga oo diiradda saaray cilmi-baarista duulista hawada.

    Sannadkii 1953kii, David, wuxuu qaatay shahaadada Masters-ka, waxaa uu kamid noqday guddiga howlaha gaarka ah ee wasaaradda gaashaandhigga, waxaana guddiga gaarka ah loo xil saaray sababta mar kasta ay u burburto diyaaradda halleland.

    Diyaaraddan ayaa u kala gooshi jirtay dalalka Ingriiska iyo Australia, waxay jari jirtay masaafo aad u fog.

    Sanduuqa madow

    Khuburrada qaabisaneyd cilmi baarista ayaa baaray waxyaabihii tilmaamayay shilka, waxay sameeyeen dadaal badn laakiin waxba ma aysan qaban karin. Maalin maalmaha ka mid ah, mid ka mid ah khuburrada ayaa si fudud u sheegay in laga yaabo in shilka uu ka dhashay afduubkii diyaaradda.

    David Warren ayaa xilliggaas yiri, “Ma jirtaa cajalad saarneyd diyaaradda oo duubeysay shanqarta diyaaradda?”

    Xitaa haddii ay jirtay, laakiin suurtagalnimada in la helo ayaa aad u yareyd, sababtoo ah baaxadda shilka iyo dabka ka dhashay waxaa suurtagal ah in uu gubo sanduuqa madow. Laakiin ka warran haddii uu jiri lahaa qalab dabka iyo biyaha ka ilaaliyo cajaladda si loo dhageysto codka duuliyaha.

    David aad buu u damcay inuu arrintaan daba galo, laakiin madaxda sare dhab uma aysan arkeyn waxaa uu damacsan yahay wiilka yar. Waxay u sheegeen, haddii uu rabo inuu cilmi-baaristaas sameeyo, waa inuu ku sameeyaa wakhti ka baxsan saacadaha shaqada oo uu dadka ku baraarujiyo.

    David Warren waxa uu soo galay garaash ay leeyihiin qoyskooda kaas oo ay ka buuxeen biro badan oo kamid ahaa Raadiyihii uu aabihii haddiyad ahaanta u siiyay, . Halkaas ayaa laga sameeyay oo laga helay ‘sanduuqa madow’ ee maanta loo adeegsado duulimaadka.

    Warren
    Warren

    Sanadkii 1958-kii, nin aan lagu marti qaadin cilmi baarista ayaa gaaray garaashka David, isla markii uu ka soo galay albaabka, wuxuu waydiiyay David Warren in uu tuso aaladda uu hindisay isla markaana uu sameeyay.

    Wuxuu hal abuurkiisa tusay dadkii soo booqday, sanqduuq ka sameysan bir oo kaydin kara codadka iyo macluumaadka diyaaradaha ilaa 4 saacadood.

    Ninkii wuxuu isla markiiba gacan qaaday Warren oo u sheegay in uu diyaarad ka soo raaco Australia una aado London.

    Ninkaas waxaa lagu magacaabi jiray Sir Robert Hardingham, oo ahaa xoghayihii guud ee hay’adda duulista rayidka ee Ingiriiska.

    Sanduuq huruud ah

    Ingriiska waxa aad ula dhacay waxyaabihii uu sameeyay David Warren, Telefishinka iyo barnaamijka Raadiyaha ee BBC ayaa Warren ka wareystay hal abuurkiisa.

    Sanduuqa madow
    Sanduuqa madow

    Sanadkii 1958, waxaa la bilaabay in lasoo saaro noocii ugu horreeyay ee sanduuqa madow, Midabkiisu ma ahayn madow, wuxuu ahaa huruud, midabkaasi wa mid jiro ilaa maanta, midibka huruudda ah ee dhalaalaya ayaa si ula kac ah loogu talagalay in lagu aqoonsado sanduuqa si fudud ka dib marka uu dhaco shil diyaaradeed.

    Waa maxay sababta loogu bixiyay “sanduuqa madow”?

    David Warren waxa uu xusuustaa in kuwa lagu eedeeyay arrintaas ay eedaynayeen wariyeyaasha BBC-da. markii uu wareysiga siinayayay weriyeyaasha BBC-da, David Warren wuxuu isticmaalayay qalabk elekroonik ah oo loo yaqaanay “sanduuqa madow”. xilliggaas ilaa iyo hadda magaca ‘Sanduuqa madow’ ayaa caan noqday, waana sida uu ku baxay.

    “Ha furin”

    Sannadkii 1960-kii, kadib shil kale oo aan la garanayn uu ka dhacay Queensland oo ay ku dhinteen dhammaan 29 qof, Australia waxay noqotay waddankii ugu horreeyay adduunka ee u baahneyd “sanduuqa madow” ee lagu duubo shanqarta diyaaradaha.

    Sanduuqa madow
    Sanduuqa madow

    Maanta, “sanduuqa madow”, waa mid aan biyaha gelin, duubi doona cod kasta iyo diyaarad, waana qalab ay u baahan yihiin duulimaadka adduunka.

    David Warren waxa uu ka soo shaqeeyay waaxda gaashaandhigga ee Australia ilaa uu shaqada ka fariistay 1983-kii, markii ​​ugu dambeysana waxa uu ahaa cilmi-baare sare. wuxuu dhintay 19, July sanadkii 2010 isaga da’diisu tahay 85 jir.

    In kasta oo uu u yimid inuu helo abaalmarinta 50 sano ka dib hal abuurkiisii, Warren si kastaba ha ahaatee waligiis laguma siin wax lacag ah.

    Naxashkiisa markii la aasayay, sida ku cad tilmaamihiisii ​​intii uu noolaa, waxaa lagu qoray, “Qofkii hindisay diiwaanka shimbiraha, Ha furin”

    Qaran News


  11. Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dhawaan ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inuu weli quudaraneeyo inuusan iska casilin xilka hoggaaminta maamulka Puntland oo uu sidaasi ku galo tartanka.

    Casho uu dhawaan u sameeyey xildhibaanada laga soo doortay Puntland ayuu Saciid Deni ka sheegay inuu rabo inuu Villa Somalia u tartamo isagoo ah hoggaamiyaha Puntland, haddii uu waayo xilka madaxweynaha Soomaaliyana wuxuu sheegay inuu rabo inuu kusoo laabto hoggaanka maamulka Puntland.

    Inkastoo xildhibaanada uu u boobay kuraasta ee kulanka fadhiyey aysan taas kala doodi karin macquul ahaanshaheeda, haddana waxay Dadkii kulanka ka warbixiyey hadalkaasi ka dhex fahmeyn walaaca Saciid Deni ka heysta inuu guul ka keeni karo doorashada Villa Somalia.

    Kooxda Saciid Deni taageersan ee difaacaya qadiyadaan waxay soo xiganayaan Allaha u naxariistee madaxweynihi hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo sidaas sameeyey kal hore isagoo Puntland madax ka ahna u tartamay xukunka Soomaaliya, laakiin waxay kooxdaasi is ilowsiinayaan 18-sano kadib halka ay Maanta Soomaalya joogto ama xataa halka ay Puntland joogto.

    Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan laga soo xigtay inay Saciid Deni xilka ka qaadi doonaan haddii uu Xamar u baqoolo isaga oo aan is casilin.

    Balse midda aan laga boodi karin ee Saciid ama musharax kasta sugeysa waa shuruudaha ay soo saari doonaan guddiga Baarlamaaniga ah ee qaban doono doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ay dhici karto inay keenaan shuruud ah inaan codsiga musharaxnimada laga qaban dooni qof xil kale haya.

    Damaca Saciid Deni ee ah inuu Puntland sii heysto ayaa dhinaca kale xoojineysa wararkii ahaa inuu Deni rabo inuu qiimeyn Labaad ku sameeyo musharaxnimadiisa markii uu Xamar tago, qiimeyntaas oo ah in haddii uu Farmaajo ka qaadan karin meesha inuu xoojiyo qofka ugu dhow ee ka qaadan kara Soomaalida kalana ka gadmi kara.

    Isimada kasoo jeedo maamulka Puntland ayaa iyagana la sheegay inay wadaan abaabul xooggan oo ka dhan ah Saciid Cabdullaahi Deni, abaabulkaas mid waa inay Puntland deg deg u tashato marka uu baxo Deni oo aan la aqbalin inuu tartamo isagoo xilka heysta, midna waa inay Xamar uga daba tagaan oo ay Soomaalida u sheegaan Saciid Deniga rasmiga ah.

    Deni iyo hoggaanka dhaqanka Puntland ayaa isla gaaray meeshii ugu xumeyd oo ay isla gaaraan hoggaamiye Puntland ah iyo dhaqankiisa taariikhda.

    Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya, laakiin waxaa buuq xooggan lagu furay sababta uu ugu istaagay xukunka oo uu ku sheegay inuu rabo inuu Farmaajo bixiyo.

    Dadka siyaasadda faaqida waxay hadal jeedintii Koowaad ee Saciid Deni ku qeexeen Nin aan wax qorshe ah u heyn Soomaaliya ama aan aragti saxan ka heysan waxa uu u taagan yahay.

    Kooxda madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabtay hadal qasbsigii uu Saciid Deni ku sameeyey markii uu ku dhawaaqayey musharaxnimadiisa ayaa iygana yiri “ Farmaajo qorsho ma noqdee Qaranka aad rabto qorshihiisa keen”.

    The post Culeys xoog leh oo Saciid Deni ka heysto inuu tartamo isagoo ah madaxweynaha Puntland appeared first on Caasimada Online.


  12. IMG-20220327-WA0009.jpg?resize=860%2C614President Abdiaziz Laftagareen: We must become leaders, not the led”

    Mogadishu (PP News Desk) — President of the Southwest State of Somalia Abdiaziz Mohamed today urged new MPs and Senators elected in the federal member state’s constituencies to ensure that “we must become leaders, not the led”.

    President Abdiaziz spoke at a ceremony for conferring electoral certificates on new MPs and Senators. “We must decide our destiny to rule Somalia. We should no longer be content with being dictated to” added President Abdiaziz. His remarks were interpreted as an endorsement of the “regime change agenda” pioneered by Puntland State but was faulted to portraying Southwest State as political underdogs.

    Southwest State President opposes the revival of old guards under which other Somali political leaders have taken Southwest State MPs and later Senators for granted during the election season. Southwest State has the largest number of MPs and Senators but cannot win the Somalia Presidency without an alliance with other Somali MPs from the remaining 3.5 clans.

    “Abdiaziz Lagtagareen is not ready for national political leadership because he couches his aspirations in an exclusivist style. He did not convey a vision for all Somali citizens. He claimed that his State was entitled to decide who will become the President of Somalia. He should have kept his cards to the chest” said a political journalist in Mogadishu.

    Puntland State President Said Abdullahi Deni and President Abdiaziz have, in different ways, so far expressed an interest to unseat the incumbent Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed who is believed to have been an ally of the Southwest State President.

    © Puntland Post, 2022

    The post Southwest State President Urges MPs and Senators to “Decide Our Destiny to Rule Somalia” appeared first on Puntland Post.


  13.  Waa Ayaandarro in Hargeysa weli biyo la’dahay oo dadkeedu Booyado & Gaadhi Dameer ka cabbaan

     khadar.jpg

    Waa ayaandarro in Hargeysa weli biyo la’dahay oo dadkeedu booyado iyo gaadhi dameer ka cabbaan. Waa hubaal in wakaaladda Biyaha Hargeysa ay fashilantahay; Maarayn xumo iyo curis la’aan maamul ayaa curyaamiyey. Dadka qaarna waxa ay u arkaanba Dukaan (Supermarket) qoys leeyahay.

    Nov 13 2022 marka uu WADDANI hoggaanka qabto, waxa uu wakaaladda ku dhiqi doonaa siyaasadda maamul daadejinta, waxa aanu hoosgeyn doonaa dawladda hoose ee caasimadda.

    Maanta muwaadin kastaa wuu sawiran karaa quruxda shaqada iyo waxtarka laga filan karo, wakaaladda Biyaha Hargeysa oo uu maayer Cabdikariim Axmed Mooge maamulayo. Sida caasimaddu maamulkii hore uga raysatay ayaa ay wakaaladduna uga nasan doontaa hoggaanka la hallaabay, In Sha Allaah.

    Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI

    Khadar Hussein Cabdi

    Qaran News


  14. Maxaa sababay in Canada ay dalkeeda ka tarxiisho dad Soomaali ah?

    .

    Waxaa soo badanayaa tirada Soomalida dowladda Canada sheegtay inay dalkeeda ka masaafurinayso sababo la xiriira xagga sharciga.

    Qaar ka mid ah Somalidaas oo lagu eedeeyay inay qariyeen aqoonsiga Kenya oo ay haysteen waxaana hadda dowladdu sheegtay inay celinayso halka kuwa kale go,aan sugayaal yihiin.

    Qaar kamid ah dadkii ay go’aamisay dowladda Canada in dalka dib looga celiyo ayaa haatan sugayaa go’aanka kama dambeysta ah, waxay dowladda tallabaadaas uga laabtay markii Soomaalida ay sameeyeen isu soo baxyo ay uga soo horjeedaan in dadkaas aan lagu celin Soomaaliya.

    Laga bilaabo sanadkii 2015 waxaa soo badanayay tirada Soomaalida ah ee laga musaafurinayo Canada, tirada Soomaalida laga soo tarxiilayo Canada ayaa sanadkii 2020 gaartay 61, halka sanadkan ay gaari karto 77 qof.

    Markii dalka Soomaliya uu burburay, waxaa qaxooti ku noqday dibadaha kumaanan kun Soomaali ah, dalalka Soomalida u frixatay waxaa ka mid ah, Canada, magaalooyin dhowr ah oo wadankaas ka mid ah ayey dageen, magaalada ugu badan oo soomalidu ka degan tahay Canada waxaa lagu sheegay in ay tahay Toronto, hase yeeshee waxey sidoo kale deggan yihiin Otawa iyo magaalooyinka kaleba.

    Haddaba maxaa keenay in Soomaali badan laga soo tarxiilo Canada? Maxamed Doolli oo ah garyaqaan Soomaaliyeed oo in ka badan 25 sano ka hawl galayay magaalada toronto ee gobalka Ontario ayaa BBC u sheegay in qofka Soomaaliga ah ee lagu helo baasaboorka dal kale oo nabad ah isla markaana ku anddoocanayo in Soomaaliya uu ka yimid uu wajahi karo musaafurin maadama la xaqiijiyay in sharci dal kale oo aan Soomaaliya aheyn uu kusoo galay Canada.

    .

    “Xaaladaha nagu soo kordhay ee ku saabsan qaxootiga Soomaalida ah ee loo diiday sharciga ama laga ceshtay, waxyaabo badan ayaa keeni kara, waxaa dhici karta in qofka uu baasaboor Kenya kusoo galay uuna sheegtay in uu yahay qaxooti Somaaliyeed , dad baa sidaas sharciga ku qaatay kadib baaritaan dheer lagu soo ogaaday in qofkaas uu heystay sharciga Kenya .. qofka qaxootinimada uu sheegayo mid sax ah ma yahay mar haddii uu raadka been soo galo wax kasta been ayay noqonayaan..marka lasoo ogaado sharciga ayaa lagala noqdaa, been baa noo sheegtay baa lagu yiraahdaa”

    Sidoo kale waxaa jirtaa Soomaali soo gashay Canada oo lagu helay inay heysteen sharciyada Yurub kadib markii ay sheegeen inay qaxooti yihiin isla markaana ay doonayeen in magangelyo ay siiso dowladda Canada.

    “Mararka qaar waxaa dhacdaa qofka Mareykanka soo maray ama Mareykanka deganaa oo sharciga loo diiday, Canada marka uu soo galayo hadduu sheegin sharciga haddii la siiyay waa lagala noqonayaa, qofkii Mareykanka soo mara ama Yurub soo mara oo Canada iska dhiiba waxaa lagu oranayaa waxaad soo martay waddan sharci leh oo qaxootiga qaata oo ammaan ah” ayuu yiri garyaqaan Maxamed Doolli

    Garyaqaanka wuxuu qabaa in shuruucda caalamiga ah ay kasoo horjeedo in qof loo musaafuriyo dal aan amni aheyn, “Badanaa qof Soomaali ah oo loo aqoonsaday qaxooti ama in uu dambi weyn ka galay Canada mooye , qofkaa badanaa Soomaaliya looma dhoofiyo”

    Qaran News


  15. Dawlada Turkiga oo dalkeeda u fasaxday maal-qabeenada Ruushka ee Reer Galbeedku beegsanayaan

     

    Mevlut Cavusoglu

    Mevlut Cavusoglu

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in maal-qabeenada Ruushka ee loo yaqaan Oligarchs ay sii wadi karaan inay ganacsiyo ka sameeyaan Turkey inta ay ilaalinayaan sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.

    Cavusoglu oo lagu doc wareystay Madasha Doha ee Qatar ayaa la weydiiyey haddii maal-qabeenada Ruushka ee wajahaya cunaqabataynada Reer Galbeedka ay ka ganacsan karaan Turkey.

    “Dabcan, haddii ay tahay sharci, haddii aysan ka hor imaneyn sharciga caalamiga ah. Waan ka fakari doonnaa,” ayuu yiri.

    “Haddii ay ka hor-imaneyso sharciga caalamiga ah, taasi waa sheeko kale.”
    Laba ka mid ah doomaha raaxada ah oo uu leeyahay bilyaneerka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa toddobaadkan ku xirtay dalka Turkey.

    Mar waxa laga weydiiyey xaaladdooda, ayaa wasiirka wuxuu sheegay in Turkey ay fulisay cunaqabataynada ay asixisay QM.

    Tallaabooyinka lagu beegsanayo hantida maal-qabeenada Ruushka ma aysan ansixin QM balse waxaa soo rogay dalalka Reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo kuwa xubno ka ah Midowga Yurub.

    Waxay soo rogeen tallaabooyin aan horey loo arag oo ka dhan ah Ruushka, sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine, waxaana ka mid ah in liiska cunaqabataynada lagu daro maal-qabeenada iyo shaqsiyaadka ku dhow Putin.

    Dhowr dal ayaa la wareegay doomo lagu raaxeysto oo ay leeyihiin maal-qabeenada Ruushka, ayada oo madaxweynaha Mareykanka oo ka digay in xulufada ay u iman doonta “hantida aad sida sharci-darrada ah ku hesheen.”

    Hase yeeshee Turkey oo xubin ka ah NATO, islamarkaana xiriir xooggan la leh Russia iyo Ukraine, kuma aysan biirin dalalka Reer Galbeedka ee beeganaya Moscow.

     

    Qaran News


  16. IMG-20220327-WA0007.jpg?resize=1000%2C86

    Dooxa, Maarso 27, 2022 — Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qadar oo uu kaga qayb galayo Shirka Madasha Dooxa, ayaa waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka waxbarashada ee Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar la saxiixday Hay’adda Qatar Fund.

    Heshiiskan Is-afgaradka ah oo ah mid lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ee aan fursadda u helin in ay aadaan dugsiyada, ayaa sidoo kale kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.

    IMG-20220327-WA0005.jpg?resize=1000%2C10

    “Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada.” Ayuu yirii Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle oo ka hadlayey saxiixa heshiiskan Is-afgaradka ah.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay dadaal buuxa gelisay kor u qaadidda tayada Waxbarasha dalka, iyada kor loo qaaday miisaaniyadda waxbarashada, lana diyaariyey manhaj waxbarasho oo ka kooban dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, sidoo kale waxbarasho lacag la’aan ah loo fidiyey kumannaan da’yar Soomaaliyeed ah.

    Munaasabadda lagu saxiixayey Heshiiskan Is-afgaradka ah, waxaa sidoo kale ka qayb galay, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u jooga dalkan Qadar Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, La Taliyaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Siciid Jaamac Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    PUNTLAND POST

    The post Soomaaliya iyo Qadar oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo ku saabsan dhanka Waxbarashada appeared first on Puntland Post.


  17. Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda Hindiya ayaa waxaa si xoogan loogu cambaareeyey weerarada Al-Shabaab ee Soomaaliya, gaar ahaan weerarkii ugu dambeeyey ee 23-kii bishan lagu qaday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

    Dowladda Hindiya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay weerarkaasi oo ahaa mid ah toos ah, isla-markaana lagu dilay ilaa ugu yaraan 6 qof oo 5 ka mid ah ay ahaayeen Ajaaniib.

    Qoraalkan ayaa waxa sidoo kale ay Hindiya ku sheegtay in kororka weerarada Al-Shabaab aysan kaliya khatar ku aheyn Soomaaliya, balse ay halis ku yihiin addduunka oo dhan.

    Hindiya ayaa intaasi ku dartay inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, isla-markaana ay garab taagan tahay ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

    Dhanka kale dowladda Hindiya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay la jibaar doonto dadaalladeeda ku aadan dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo xasiloonida dalka.

    “Waxaan mar kale ku celinaynaa in aan si buuxda u taageersanahay howlgallada ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya ee ka dhanka ah Al Shabaab iyo in beesha caalamku ay sii waddo garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro argagixisada” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Soomaaliya haatan ay wajaheyso xaalad amni darro, xilli lagu jiro doorasho, kadib markii ay Al-Shabaab kordhisay weeradeeda gudaha dalka.

    The post Maxay Hindiya ka tiri kororka weerarada Al-Shabaab ee Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.