-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Mr Mesfin Tassew on his part said, “I am honored and humbled to be appointed as the Chief Executive Officer of Ethiopian Airlines Group which I have been serving for nearly four decades in various positions. My new role gives me the opportunity to carry on with the fast and profitable growth of our beloved airline and take it to the next level. I call on all my colleagues at Ethiopian to join hands and forge ahead for further success.”
-
Mogadishu (HOL) - Prime Minister Mohamed Hussein Roble met with senior officials of the country's security agencies and the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Sunday. They probed the security lapse that enabled Wednesday's terror attacks on Beledweyne and Mogadishu.
-
Military engineers serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have completed a four-day training to counter the evolving threat posed by Improvised Explosive Devices (IEDs), which have become a weapon of choice for terrorists.
-
Al-Shabab extremists in Somalia are getting “bolder” in their attacks and have increased using suicide bombers wearing homemade explosives in what security experts call a "change in tactics."
-
Security forces in Somalia on Sunday repelled an attack on a military base in northeast Puntland State, killing 12 militants of al-Shabab terror group, local officials said.
-
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka dalbaday dalalka reer galbeedka in ay dalkiisa ku caawiyaan diyaarado, taangiyo iyo hubka difaaca gantaalada.
Mr Zelensky ayaa sheegay in diyaaradaha Ruushka aan lagu soo ridi karin qoryaha darandooriga u dhaca.
Ra’iisul wasaaraha Slovakia, Eduard Heger, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu u diro hubkiisa difaaca gantaallada hawada ee S-300 ee Soofiyeeti uu sameeyay, haddii beddelkiisa la heli karo.
Dowladaha Reer Galbeedku weli jawaab kama bixin codsiga uga yimid Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Ukraine oo dowladaha reer galbeedka ka dalbaday kaalmo militari appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay macluumaadka ninkii 23-kii bishaan isku qarxiyey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, xilli ay ku sugneed afaafka hore ee xerada Lamagalaay ee magaalada Beledweyne.
Warbaahinta taageerta kooxda ayaa baahisay cod laga duubay Maxamuud Cabdulqaadir oo ahaa wiil 25-sano jir ah, kaas oo isku qarxiyey Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed.
Sida uu codkaan la baahiyey ku sheegayo Maxamuud ayaa ka dhashay beesha Mareexaan, wuxuuna ka sii ahaa Jufada Cali-Dheere.
Sidoo kale Maxamuud Cabdulqaadir ayaa sheegay in sanadkii 1997-kii uu ku dhashay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ehelkiisu ay deganyihiin.
Ninkaan oo intii uusan is-qarxin laga duubay ku dhawaad 20 daqiiqo oo cod ah, wuxuu ku celcelinayaa in la jahaado oo gaalada lala diriro, laakiin dadkii uu isku qarxiyey dhamaantood waxay ahaayeen Muslimiin, Soomaali, reer Beledweyne ah.!
Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo aheyd gabar ahlu diin ah ayuu toos u beegsaday ninkaan oo isku qarxiyey, waxayna geerida dadka kale ee Aamina la dhintay ay kor u dhaaftay 50 qof, halka in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sanadkii 2016-kii ayuu Maxamuud oo Beledweyne isku qarxiyey 23-kii bishaan ku biiray kooxda Al-Shabaab, mudo ku dhow todoba sano oo uu ka barbar dagaalamayey, Al-Shabaab waxay sheegeen inay mahdiyeen sida uu Maxamuud daacad ugu ahaa howlgallada kooxda.
Sidoo kale Al-Shabaab warbixinta ay soo saareen waxay ku sheegeen in ninkaan uu intiisa badan ka howlgeli jiray gobolka Mudug, iyadoo bilihii u dambeeyey loo soo wareejiyey gobolka Hiiraan, halkaas oo ugu dambeyntii uu noloshiisa ku soo afjaray, kuna galaaftay nolosha tobanaan qof oo aan waxba galabsan.
Weerarrada oo is xigay ayaa gaarayey ugu yaraan laba qarax, kuwaas oo ka kala dhacay banaanka hore ee xerada Lamagalaay oo Aamina lagu beegsaday iyo kan labaad oo ka dhacay irida isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne.
Al-Shabaab warbixintaan kuma soo darin, hadii uu jiray qof kale oo waday gaarigii ku qarxay banaanka isbitaalka, kaas oo loogu tala galay in lagu dhameystiro dhaawaca Aamina, balse geystay khasaaraha ugu badan ee soo gaaray dadka, sidoo kalena burburiyey dhamaan qeybihii uu ka koobnaa isbitaalkaas.
The post Al-Shabaab oo shaacisay qabiilka iyo xogta ninkii isku qarxiyey Xildhibaan Aamina appeared first on Caasimada Online.
-
Wax ka ogow kulanka Taariikhiga ee ay martigelinayso Israa’iil
Israa’iil ayaa bilaabi doonta marti-gelinta shir taariikhi ah oo ay ka qayb galayaan afar waddan oo Carab ah iyo Maraykanka.
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Masar ayaa ka qeyb galaya shirkan oo ka dhacaya saxaraha Negev.
Sanadkii 2020-kii ayey Imaaraatka iyo Baxreyn caadiyeeyeen xiriirkii ay la lahaayeen Israa’iil , taas oo qayb ka ahayd dhexdhexaadintii Mareykanka.
Marooko ayaa sanadkii hore raacday tallaabadii Imaaraatka iyo Baxrayn. Jimcihiina Morocco waxay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Israa’iil kaas oo ku saabsan iskaashiga milatariga, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada sirdoonka Israa’iil.
Wadahadallada ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro dagaalka Ukraine iyo heshiiska Nukliyeerka ee Iran.
Wadahadalladan ayaa loo arkaa caddayn la taaban karo oo ah in heshiisyadii caadiga ahaa ee Maraykanku garwadeen ka ahaa ee labadii sano ee la soo dhaafay ay bilaabeen inay miro dhalaan.
Waa markii ugu horreysay oo Israa’iil ay martigeliso saraakiil sarsare oo Carbeed oo aad u tiro badan, taasoo muujineysa sida ay isugu soo dhoweynayaan danaha xulafada Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu sheegay weriyaha BBC ee magaalada Qudus Yolande Neil.
Washington ayaa ku cadaadin doonta taageero dheeri ah oo ay ku bixiso dadaalka ay ku doonayso inay ku go’doomiso Ruushka, taas oo dhinacyo badan oo gobolkan ka tirsan ay ilaa hadda ka gaabsadeen joogitaanka ciidamada Ruushka ee Ukraine, iyo sidoo kale walaaca ku saabsan qamadida laga keeno labada dal ee dagaalamayo.
Dhanka kale, Israa’iil iyo dalalka Carabta ee shirka ka qeyb galaya ayaa walaacooda muujin doona xilli Mareykanka iyo quwadaha kale ee caalamka ay u muuqdaan inay qarka u saaran yihiin inay heshiis cusub oo Nukliyeer ah la saxiixdaan Iran.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlayaa habab cusub oo iskaashi dhanka tamarta ah.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxa uu daba socdaa shir saddex geesood ah oo ay Masar martigelisay Talaadadii la soo dhaafay, kulankaas ayaa waxa ka qayb galay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett, Dhaxal-sugaha Abu Dhabi iyo Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, oo ah hogaamiyaha Imaaraadka Carabta.
Masar waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee heshiis nabadeed la saxiixda Israel sanadkii 1979, ka dib tobanaan sano oo colaad ka dhexeysay.
Heshiisyadii u dambeeyey ee xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo kuwa ganacsi ay ku kala saxeexdeen Israel iyo saddex dal oo Carbeed ayaa waxay bog cusub u fureen taariikhda dalalkaa cadaawadda gaamurtay dhex taallay.
Mowqifka rasmiga ah ee dalalka Carabta ee heshiiska Imaaraatka iyo Israa’iil ayaa waxa uu kordhiyay cabsida iyo rajada dadka qaar ay ka qabaan in mustaqbalka la arki doono Israa’iil oo galaangal wayn ku yeelata gobolka Carabta gaar ahaan Khaliijka.
Cabsidaas ayaa waxaa laga dareemi karaa baraha ay bulshada ku wada-xiriiraan, halkaas oo ay dadku aaraa’doodu gaarka ah ku wadaagayaan ee waxyaabaha ka dhalan kara heshiiska Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil, gaar ahaan qadiyadda Falastiiniyiinta iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Carabta.
Heshiisyadii u dambeeyey ee xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo kuwa ganacsi ay ku kala saxeexdeen Israel iyo saddex dal oo Carbeed ayaa waxay bog cusub u fureen taariikhda dalalkaa cadaawadda gaamurtay dhex taallay.
-
Wax ka ogow ciidanka walaaca ku haya Israa’iil iyo Sacuudiga!
Xilli uu socdo wada xaajoodka lagu soo celinayo heshiiskii nukliyeerka ee Iran iyo dalalka ugu awoodda badan caalamka ay gaareen sanadkii 2015, ayaa waxaa dhinacyada ay isku mari la’ yihiin waxa laga yeelayo cunaqabateynta uu Maraykanka saaray Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee waddankaas, gaara ahaan liiska ururada argagixisada ee lagu daray.
Xukuumadda Tehran ayaa doonaysa in Maraykanka uu cunaqabateynta ka qaado ciidankaas sida gaarka ah u tababaran, si dhinacyada ay dib ugu soo nooleeyaan heshiiska nukliyeerka oo uu Maraykanka ka saaray madaxweynihii hore, Donald Trump.
Wasiirka arrimaha dibedda Israa’iil Yair Lapid oo Qudus ku soo dhaweeyay dhiggiisa Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidanka “Ilaalada Kacaanka loo daayo liiska argagixisada ee uu hadda ku jiro”.
Israa’iil iyo Sacuudiga ayaa ka siman aragtida ah in Ilaalada Kacaanka Iran oo xiriir wanaagsan la leh ururka Xisbullah ee Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen ay khatar ku yihiin amniga Bariga Dhexe, sidaasi awgeedna ay kusii jiraan liiska argagaxisada ee Maraykanka.
Muxuu yahay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran?
Waxaa loo asaasay inay ilaaliyaan kacaankii Iran ka dhacay 1979, dalkaasna ay ka difaacaan cadowga dibedda iyo gudaha. Waxay si toos ah u hoos tagaan hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran.
Waxaa la rumaysan yahay in xubnaha Ilaalada Kacaanka Iran ay gaarayaan 125,000 oo askari, isla markaana uu ciidankaas leeyahay darajooyin iyo hogaan guud. Waxa uu u kala baxaa:
- Ciidan dhul oo saldhigyo ku leh dhammaan 31-ka gobol ee ay Iran ka kooban tahay iyo caasimadda Tehran. Ciidanka dhulka ayaa la rumaysan yahay in tiro ahaan ay ka badan yihiin 100,000 oo askari.
- Guutada Basij oo sida milateriga u tababaran, isla markaana leh mutadawaciin ka badan nus milyan qof.
- Ciidanka badda, oo ka duwan kan caadiga ah ee ilaalada badaha u qaabilsan Iran. Waxa uu ka kooban yahay ilaa 20,000 oo askari oo ku qalabaysan hub casri ah, isla markaana gaaf-wareega marrinada muhiimka ah, sida kan Hormuz ee ay maraan 20% shidaalka cayriinka ah iyo waxyaabaha batroolka laga sameeyo ee caalamka u kala goosha.
- Ciidan cir oo mas’uuliyaddiisa u weyn ay tahay barnaamijka gantaallada ballistic-ga ee uu dalkaas dedaalka ballaaran ku bixiyay sanadihii dambe.
- Guutooyinka internet-ka oo ciidanka ka caawiya dhanka sirdoonka iyo dacaayadaha.
Guutada Qudus ee ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ah tan u qaabilsan xiriirka dibedda. Waxa ay xiriir la leedahay ururada hubaysan ee Shiicada ah, gaar ahaan kuwa ka dagaallama Lubnaan, Ciraaq iyo weliba Yemen.
Kadib markii uu Maraykanka ku duulay Ciraaq, xukuumadda Washington ayaa Guutada Qudus ku eedaysay inay maleeshiyaadka Shiicada dalkaas siiyeen miinooyin lagu beegsaday askarta Maraykanka.
Maamulkii Trump ayaa sheegay in Ilaalada Kacaanka Iran ay sabab u ahaayeen 608 askari oo Maraykanka looga dilay Ciraaq mudadii u dhexaysay 2003 ilaa 2011.
Qaasim Suleymani
Sarreeye Gaas Qaasim Suleymani ayaa ku dhawaad 22 sano hogaaminayay guutada Qudus ee ugu awoodda badan Ilaalada Kacaanka Iran. 3-dii January 2020 ayuu Maraykanka ku dilay gantaal u uku dhuftay gaari uu la socday xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Baqdaad, Ciraaq.
Suleymani ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa ninka ugu awoodda badan Iran marka laga soot ago hogaamiyaha ruuxiga, Ayatullah Cali Khamenei. Dilkiisa kadib, Iran ayaa duqeymo xooggan ku beegsatay saldhigyo ciidamada Maraykanka uu ku leeyahay Ciraaq.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Barkhad Batuun oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maalmihii dambe wajahayay eedeyn culus, taasi oo la xiriirta “in sifo sharic darro ah ku haysto gabadh uusan qabin”.
Mustafe Cismaan Cali oo sheegay inuu yahay adeerka gabadha oo lagu magacaabo Mushtaaq Cabdi Naano ayaa ku eedeyay Barkhad in gabadhooda uu haysto oo aysan gacan ku hayn, islamarkaana ay sharciga kula tiigsan doonaan.
“Ninkaas inantii illaa hadda gacantiisa ayey ku jirta meeshii uu geeyana isagaa og. Sifo sharci darro ah ayuu ku haysta inanteena, sharciga iyo qanuunka waa ku dembi, waxaana uga fadhinaa sharciga,” ayuu yiri Mustafe oo maanta la hadlay warbaahinta.
“Waraaqda ay sheegayso inay isku guursadeen waa mid aan ku furdaaminay markii la xidhay, ee loo soo qabtay ilmo ay dhashay oo tuurtay. Furdaaminteedii ayaa waraaqdaas Nootaayo ka qornay, ee majirto meel ay isku mehersadeen (Mushtaaq iyo Barkhad).”
Sidoo kale waxa uu sheegay in Barkhad Batuun uu faro-xumeeyay gabadhooda, intaas kaliyana uusan ku eekaan ee uu hadda ku qasbayo inay warbaahinta kasoo muuqato oo sheegato inay is-qabaan. – Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashadaan.
Hadalkaan ayaa imanaya saacado kadib markii Mushtaaq Cabdi Naano oo kamid ah wariyeyaasha Somaliland ay sheegtay in Barkhad Batuun ay isku guursadeen sifo sharci ah.
Mushtaaq ayaa ka difaacday Barkhad Batuun eedeymaha hore loogu jeediyay, waxayna warbaahinta u soo bandhigtay warqad ay ku sheegtay “cadeynta meherkooda”.
Si kastaba, eedeynta culus ee loo jeediyay Batuun oo markii hore kasoo bilaabatay xubno kamid ah xisbiga Kulmiye, ayaa waxa macquul ah inay salka ku hayso arrimo siyaasadeed, walow aan si rasmi ah loo ogeyn.
The post Barkhad Batuun oo wajahaya eedeyn culus oo la xiriirta gabadh sheegtay inuu qabo appeared first on Caasimada Online.
-
waxyaabaha sababay in Hindiya noqoto Dalka badiyaaba loo tago Arrimo caafimaad
Hwan Francisco Paladins, waa 56 sano jir ku nool magaalada Santiago ee dalka Mareykanka, waana injineer dhanka warshadaha ah. Wuxuu dalka Hindiya u tagay caafimaad, dhakhaatiirta dalkaas ayaa u sheegay in calamadaha lagu arkay ay tilmaamayaan in Hwan ay buro maskaxda uga taalo.
Hwan waxa uu yiri, “Waxay ahayd xilli nolosheyda aad ugu adag, nasiib wanaag waxaan haystay saaxiiibo iyo qoys heegan u ah inay i caawiyaan. Taas ayaana kalsooni badan isiisay.”
Dhakhaatiirta qalliinka ayaa u sheegay Hwan in burodiisu ay tahay mid aan caadi ahayn oo aanay sahlanayn in gabi ahaanba la qaliin lagu baabi’iyo.
Baaritaannada lagu sameeyay afarta sano ee xigtay ayaa waxay muujiyeen in cabbirka burada aysan weynayn. Waxa uu yiri, “Wax walba si wanaagsan ayay u socdeen, xitaa waan illoobay inay buro igu taalay.”
Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 2019-kii, calaamadaha ayaa mar kale dib soo noqotay.
Bishii Noofambar 2021, wuxuu u yimid Hindiya caafimaad. Isbitaalka ayaa waxa uu ka caawiyay qorshaynta joogitaankiisa.
Hwan waxa uu yidhi, “Dhammaan arrimahan oo dhami aad bay muhiim u yihiin, kumanaan mayl ayaan u jiray, waxa ay ii ahayd waddan igu cusub, waxa kale oo aan maskaxdayda ku jiray cabsi. Luuqadda iyo dhaqanku sidoo kale way kala duwanaayeen.”
Hwan wuxuu ka mid yahay kumannaanka qof ee dalka Hindiya u yimaada caafimaad sannad kasta.
Intii u dhaxaysay 2016 iyo 2019, tirada bukaannada u taga Hindiya caafimaadka waxay u dhexeeyeen 430000 ilaa 700,000 oo qof.
Sanadkii 2019, waaxda dalxiiska caafimaadka ee Hindiya waxay samaysay lacag gaaraysa $9 bilyan oo doollar.
Kaalinta Hindiya ee Koonfurta Aasiya
Balse xayiraadaha safarka ee la soo rogay intii lagu jiray faafitaanka Covid-19 ayaa sababay inay yaraadan tirada dadkii caafimaadka u imaan jiray dalka Hindiya.
Marka la eego xogta Wasaaradda Dalxiiska ee Hindiya, sanadkii 2021, kaliya 183,000 ajaanib ah ayaa Hindiya u yimid caafimaad. Tiradaas waxay 73% ka yartahay tirada dadkii yimid 2019-kii.
Waddamada kale sida Thailand, Malaysia iyo Singapore, kuwaas oo caan ku ah dalxiiska caafimaadka ayaa sidoo kale waxa saameeyay xayiraadihii la xirriiray safmarka covid-19.
Dinesh Madhavan, oo ah madaxa kooxda Oncology ee International Apollo Hospital Enterprises, ayaa sheegay in Hindiya ay leedahay tirada ugu badan ee dhakhaatiirta Koonfurta Aasiya.
Waxa uu yiri, “Dhaqankeena hodanka ah iyo caafimaadka casriga ah waxay suuragelisay inay dad badan Hindiya u xushaan halka ay ku kalsoonyihiin.”
Dalxiiska caafimaadka
Badanaa dadka dibadda ka yimaada Hindiya uma tagaan oo kaliye daawaynta cudurrada halista ah sida kansarka. Tirada dadka u imanaya Hindiya qalliinka qurxinta ayaa sidoo kale sii kordhaya.
Dr. Satish Bhatia oo ku takhasusay cudurrada maqaarka oo fadhigiisu yahay magaalada Mumbai ayaa sheegay in bukaannada ay uga imaadaan Ameerika, waddamada Khaliijka iyo xitaa Afrika.
Sida laga soo xigtay Dr. Bhatia, hababka qurxinta ee ay sameeyaan ugu yaraan 50% ayaa ka jaban Yurub, Bariga Dhexe ama Afrika.
Intii uu Covid-19 jiray, dhammaan noocyada safarka ayaa la joojiyay taasi oo saamaysay dalxiiska caafimaadka.
Si kastaba ha ahaatee, Dr. Bhatia ayaa sheegay in shaqada ay si wanaagsan u socoto haatan uuna rajeynayo in mustaqbalka ay ka sii fiicnaato sidaan.
Waxaa sidoo kale jira hoos u dhac ku yimid tirada bukaannada ka imaanaya dalka dibaddiisa.
Qaar ka mid ah dadka xiriirka la leh waaxda dalxiiska caafimaadka ayaa aaminsan in haddii nidaam la sameeyo si isha loogu hayo, markaa arrimuhu way ka fiicnaan doonaan taas.
Garima Maggu, oo ah agaasimaha wakaaladda socdaalka caafimaadka ee MedSurge, ayaa sheegay, “Waxaa jirta baahi aad u daran oo dowladdu ay u qabto in ay dejiso tilmaamo, isbitaallada, bixiyeyaasha adeegga iyo qaybaha kale waa in ay raacaan si dalxiiska caafimaadka uu u noqdo mid xirfad leh.”
Mid ka mid ah dhibaatada haysata isbitaallada ayaa ah in bukaannada ay sidoo kale yimaadaan Hindiya oo ay beddelaan maskaxdooda ka dib markii wax walba lagu hagaajiyo hal isbitaal ka dibna ay tagaan isbitaal kale oo daaweyntu ay ka sii jaban tahay. Tani waxay lumisaa wakhtiga iyo agabka isbitaallada.
Maggu wuxuu sheegay in haddii dawladdu ay hagaajiso qiyaasta daaweynta, markaa dhibaatadan si fudud ayaa loo xalin karaa.
Isla markaana, Hwan, oo hadda ku nool Santiago, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay daawaynta loo sameeyay.
“Caafimaadkaygu hadda waa aad ayuu u wanaagsan yahay.” Ayuu yiri.
-
The Canadian men's soccer team qualified for the FIFA World Cup for the first time since 1986 after a 4-0 win over Jamaica on Sunday in Toronto.
-
ISLAMIC CLASSES FOR THE MONTH OF RAMADAN
ISLAMIC CLASSES FOR THE MONTH OF RAMADAN
Temporary Prohibition of Sexual Relations In Islam
In Islam, there are commonly five (5) occasions that a married couple (husband and wife) are not allowed to engage in sexual relations temporarily. These times are: During menstruation (menses), during postnatal bleeding, during fasting in the Month of Ramadan (day time), during performing Hajj (In Ihram for Pilgrimage), and during observing Overnight Stay in a mosque, (I’tikaf in the last ten days of Ramadan).
* MENSTRUATION: Menstruation, which is also called menses, is the periodic discharge of blood from the uterus occurring approximately monthly from puberty to menopause in non- pregnant woman and usually lasts for seven (7) days. It is absolutely unlawful or forbidden in Islam that a husband engages in sexual intercourse with his wife while she is having menstruation. Both the Noble Qur’an and Sunnah of the Prophet (S.A.W) prohibit sexual intercourse during menses.
Allah (S.W.T) says: “And they ask you (O Muhammad) about menstruation. Say: ‘It is harmful (for a husband to have a sexual intercourse with his wife while she is having her menses), so keep away from wives during menstruation. And do not approach them until they are pure. And when they have purified themselves (from menses and have taken a full bath), then come to them from where Allah has commanded you (through her reproductive organ only). Indeed, Allah loves those who are constantly repentant and loves those who purify themselves.” [Surah Al-Baqarah, Verse: 222].
Abu Hurairah (R.A) narrated: The Prophet (S.A.W) said: “If anyone goes to a soothsayer and believes in what he says, or has intercourse with his wife when she is menstruating, or has intercourse with his wife through her anus, he disbelieves in what has been sent down to Muhammad (i.e Islam).” (Sunan Abu Dawud, Sahih).
When the menstruation period is over and the wife has purified or cleansed her body by taking full bath and cleaning and washing thoroughly her private part, then her husband is allowed to have intercourse with her or the spouses are allowed to engage in sexual intercourse again. It is recommended that wife cleans inside her private part with cotton treated with musk before she takes cleansing bath. It is not an obligation but it is Sunnah to do it.
Aisha (R.A) narrated: Al-Ansari woman asked the Prophet (S.A.W) how to take a bath after finishing from the menses. He replied: “Take a piece of cloth perfumed with musk and clean the private parts with it three times.” The Prophet (S.A.W) felt shy and turned his face away. So I pulled her to me and told her what the Prophet (S.A.W) meant.” (Sahih Al-Bukhari).
Scientific Research has proved that menstrual blood flow contains certain toxic substances that are harmful. These substances are damaging if they enter into the male body or pushed back into the female body if intercourse is performed while woman is menstruating. Blood-borne diseases can be painful as well as deadly. Beside diseases, if husband and wife deliberately engage in intercourse while the wife is having menstruation, then they commit sin and sincere repentance is necessary for forgiveness from Allah (S.W.T).
A man can kiss, hug, or caress his wife while she is having menstruation but he should not touch the area of his wife between navel and knees as that is not permitted in Islam. He can touch, fondle, or caress gently any area above the navel (belly-button) or below knees. However, if the husband thinks that he cannot control his sexual temptations and he fears to fall to sin, then he should not approach his wife’s body during this period at all.
On the authority of his father, Abdur-Rahman Ibn Al-Aswad (R.A) reported that Aisha, the wife of the prophet (SAW), said: “Whenever Allah’s Messenger (S.A.W) wanted to fondle anyone of us during her periods (menses), he used to order her to put on an Izar (waist-wrapper covering between navel and knees) and start fondling her.” Aisha added: “None of you could control his sexual desires as the Prophet (S.A.W) could.” (Sahih Al-Bukhari, Sahih Muslim).
If a husband finds that his wife just starts having menses during intercourse, he should immediately withdraw from her.
Maimuna, Prophet’s wife, (R.A) narrated: “Whenever Allah’s Messenger (S.A.W) wanted to fondle any of his wives during the periods (menses), he used to ask her to wear an Izar (waist-wrapper).” (Sahih Al-Bukhari).
Aisha (R.A) narrated: “When I was menstruating, The Prophet (S.A.W) would order me to wrap myself up (with waist-wrapper) and would start fondling me.”
(Jami’ At-Tirmidhi, Bulugh Al-Maram).Anas Bin Malik (R.A) narrated: The Messenger of Allah (S.A.W) said: “Associate with them (wives during menses) in the houses and do everything for them except sexual intercourse.” (Sunan Abu Dawud, Sunan Ibnu Majah).
* POSTNATAL BLEEDING: The Post-Natal bleeding (Postpartum bleeding) is when the wife has a child-birth or delivers a baby and then she continues losing some blood for a while. All women lose some blood during and after delivery because the amount of blood in woman’s body rises up by about 50% during pregnancy, and her body is well prepared for this normal blood loss. This period usually lasts for 40 days. The same Islamic rules that apply to menstruation also apply exactly when wife is in post-natal bleeding period without exceptions at all. When post-natal bleeding period is over and the wife has purified or cleansed herself by taking full bath and cleaning and washing thoroughly her private part then her husband is allowed to have intercourse with her or the spouses are allowed to engage in sexual intercourse again. When wives have menses or postnatal bleeding, they are not allowed to pray, to fast, to circumvent or go around the Ka’bah, to touch, carry, or recite the Noble Qur’an, and to stay overnight in the mosque for worship (I’tikaf).
A man can kiss, hug, or caress his wife while she is having post- natal bleeding but he should not touch the area of his wife between navel and knees as that is not permitted in Islam. He can touch, or caress gently any area above the navel (belly-button) or below knees. However, if the husband thinks that he cannot control his sexual temptations and he fears to fall to sin then he should not approach his wife’s body during this period at all.
* DURING THE MONTH OF RAMADAN: Ramadan is the ninth month (9) of Islamic Calendar when Muslims are enjoined to fast obligatorily from dawn until sunset during this month. A Muslim couple (husband and wife) are prohibited to engage in sexual intercourse during the day time in the Month of Ramadan while they are fasting but they are allowed to have sexual relations at night. In the beginning of Islam, sexual acts were completely forbidden in the Month of Ramadan including nights. However, as sexual intercourse is an act that married couples fail to avoid it sometimes when it is prohibited, some Muslims broke the law for engaging in sexual intercourse during Ramadan nights thus deceiving themselves. Then Allah (S.W.T), knowing that they deceived against themselves, forgave them and allowed Muslims to have sexual relations during the nights of Ramadan with His mercy.
Allah (S.W.T) says: “It is made lawful for you to have sexual relations with your wives on the nights of Ramadan (Fasting Month). They are garment for you and you are garment for them. Allah knows that you used to deceive yourselves, so He turned to you (accepted your repentance) and forgave you. So now have sexual relations with them and seek that which Allah has ordained for you (offspring), and eat and drink until the white thread (light) of dawn appears to you distinct from the black thread (darkness of night), then complete your fast till the nightfall. [Surah Al- Baqarah, Verse: 187].
Abu Hurairah (R.A) narrated: Allah’s Messenger (S.A.W) said: “Allah said, every act of the son of Adam is for him except fasting which is for Me, and I will give the reward for it. Fasting is the shield from the fire and from committing sins. If one of you is fasting, he should avoid sexual relations with his wife and quarreling, and if somebody should fight or quarrel with him, he should say, ‘I am fasting’. By Whom in Whose Hands is the life of Muhammad, the unpleasant smell coming out from the mouth of a fasting person is better in the sight of Allah than the smell of musk. There are two joys for the fasting person, one at the time of breaking his fast, and the other at the time when he will meet his Lord; then he will be pleased because of his fasting.” (Sahih Al-Bukhari, Sahih Muslim).
So, there is absolutely nothing wrong for a married couple to engage in sexual relations during the nights of Ramadan as long as they abstain (avoid) from such activities from the eve of Fajar until sunset. A husband can kiss or fondle his wife while fasting without doing any sexual act. However, if the husband thinks that he cannot control his sexual temptations and he fears to fall to sin while fasting, then he should not approach his wife’s body while fasting during the day.
Aisha (R.A) narrated: “The Messenger of Allah (S.A.W) would kiss and fondle while he was fasting, and he had the most control among you of his limbs.”
(Jami’ At-Tirmidhi).Hafsa, the wife of the Prophet, (R.A) reported: “The Messenger of
Allah (S.A.W) kissed (his wives) while fasting.” (Sahih Muslim)Aisha, the mother of believers, (R.A) said: “The Messenger of Allah
(S.A.W) used to kiss me when he was fasting and when I was fasting.”
(Sunan Abu Dawud).* DURING HAJJ SEASON AND UMRAH: The Hajj season or period is the time the Hajj is performed and it usually consists of 5 days that occur from the 8th to 12th Dhul-Hijjah, which is the 12th or the last month of the Islamic calendar. A Muslim married couple are prohibited to perform any sexual relations or do its inviting actions such as kissing, caressing, embracing etc once they enter Ihram for the Hajj and Umrah. Ihram is one’s intention of undertaking the acts of Hajj starting at a particular place called Miqat. If the husband and the wife are in the state of Ihram for the Hajj or for Umrah, it is forbidden for them to even tempt each other for sexual act or any of its inviting actions. Once all rituals or acts of the Hajj or Umrah have been performed completely and rightfully, then Ihram for the Hajj is over and the married couple can have sexual relations. The same laws apply to all the sacred months of the Hajj which are Dhul-Hijjah, Muharram, Safar, & Rabi` I (12th, 1st, 2nd, 3rd months).
Allah (S.W.T) says: “The Hajj (Pilgrimage) is (in) the well-known months. So whosoever intends to perform Hajj therein (by entering Ihram), then he should not have sexual relations (with his wife), nor commit sin, nor dispute unjustly during the Hajj. And whatever good you do, Allah knows it. And take provisions for the journey, but the best provision is righteousness (At-Taqwa). So fear Me, O men of understanding!” [Surah Al-Baqarah, Verse: 197].
Abu Hurairah (R.A) reported: The Messenger of Allah (S.A.W) said: “Whoever performs Hajj (Pilgrimage) for Allah’s sake and does not have sexual relations (with his wife), nor commits sin, nor disputes unjustly (during Hajj), then he returns from Hajj as pure and free from sins as on the day on which his mother gave birth to him.” (Sahih Al-Bukhari, Sahih Muslim)
* OVERNIGHT STAY IN MOSQUE (I’Tikaf): The Overnight Stay in a mosque is a period of time in which a Muslim person goes into seclusion (in isolation from worldly affairs) in the mosque for the sole purpose of worshipping Allah (S.W.T) and attaching his heart or her heart to Allah’s worship and remembrance. This Overnight Stay in mosque provides an opportunity to the believer to be as close as possible to Allah (S.W.T), The Creator of the whole Universe and everything in it, by temporarily freeing his or her mind from the activities and worries of life in this world. This is a great opportunity to train oneself to disassociate temporarily from the torments, thoughts, and worries of the world and focus only on Allah alone for forgiveness and guidance.
The Overnight Stay worship in the mosque can be performed anytime during the year. However, the best one is that which Muslims perform during the last ten (10) days of the month of Ramadan. Muslim Scholars, especially The Four Major Sunni Schools, believe that one of the greatest purpose or objective of Overnight Stay in the mosque (I’tikaf) is to seek or seize the opportunity of Laylatul-Qadar (The Night of Power: A blessed night by Allah that has the virtue of 83 years) which coincides in the last ten (10) nights of Ramadan. A Muslim person comes out of Overnight Stay Worship when Ramadan ends. This is Sunnah according to the consensus of The Four Major Sunni Schools.
Aisha (R.A) reported: “The Messenger of Allah (S.A.W) used to observe I’tikaf in the last ten days of Ramadan.” (Sahih Bukhari, Sahih Muslim).
Ibn Umar (R.A) reported: “The Messenger of Allah (S.A.W) used to
observe I’tikaf in the last ten days of Ramadan.” (Sahih Muslim).The Overnight Stay worship in the mosque (I’tikaf) is not obligatory but strongly recommended, especially in the last ten (10) days of Ramadan and it is only valid for men or women to observe The I’tikaf in a mosque. It is also required that the mosque in which the Overnight Stay Worship is held should be a mosque in which prayers are held in congregation. Muslims are prohibited from engaging in sexual intercourse during the nights of I’tikaf.
Allah (S.W.T) says: “And do not have sexual relations with them (your wives) as long as you are staying for worship in the mosques (staying in mosques overnight for prayers, invocations, remembering, and worshipping Allah at night). These are the limits (set by) Allah, so do not approach them. Thus does Allah make clear His limits to mankind that they may become righteous.” [Surah Al-Baqarah, Verse: 187].
A Muslim person should stay in the mosque for the period of The I’tikaf (nights) except for moments for personal needs such as toilet, food, and drink etc.
PREPARED BY: Ibrahim Hassan Gagale
March 26, 2022Taken from the Book named: LIVING IN ISLAM ON MARRIAGE AND FAMILY
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah xubnaha ugu cadcad xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaadaya tallaabo uu ku ogaanayo culeyskiisa doorashada madaxweynaha iyo codadka uu heli karo.
Shariif Sheekh Axmed wuxuu noqday musharixii koowaad ee miiska keena inuu wato musharax uu u rabo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baaramaanka Soomaaliya, xilli xubnaha kale ee midowga musharixiinta ka dhuumanayaan inay qof gooni ah taageeraan, iyadoo aaminsan inay taasi codad ka lumin karto, balse Shariif iyo kooxdiisa cabsi dhinacaas ah ma qabaan.
Qofka uu Shariifka miiska keenay waa Sheekh Aadan Maxamuud Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo horey u soo hoggaamiyey Baarlamaanka Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan kooxdiisa, 3 faa’ido ayey uga dhex jeedaan inay bannaanka u soo istaagaan dhismaha Sheekh Aadan Madoobe.
1- Tijaabin awoodeed
Shariif Sheekh Axmed iyo kooxdiisa waxay rabaan inay tijaabiyaan awoodooda doorashada, inay loolanka guddoonka Baarlamaanka ku adkaadaan waa waxa ugu muhiimsan, balse haddii ay noqdaan kooxda laga adkaanayo oo kaalinta labaad yimaadaan waxaa si fudud loo akhri doonaa in doorashada madaxweynaha ay yihiin mid kamid ah labada koox ee tartanka rasmiga ah uu ka dhaxeeyo.
Haddii uu Sheekh Aadan Madoobe meel hoose ka galo doorashada golaha shacabka waa farriin kale oo adag, balse u sahli karta inay fahmaan meelaha ay ka liitaan.
Mar walba tartanka uu xisbigooda u galayo kursiga guddoonka Golaha Shacabka waxay u arkaan tijaabadooda doorashada madaxweynaha.
2- Hubinta ballanta xildhibaanada
Xubno badan oo kusoo baxay doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa durba waxay ballan la dhex mareen musharixiinta, ballanta waa inay codka sii doonaan,
Xildhibaanada qaarkood waxaa laga yaabaa inuu ballankaasi ka ahaa hadal ay ku qaadanayeen sooryo siyaasadeed, laakiin marka uu Shariifka sharaxo Sheekh Aadan Madoobe wuxuu eegayaa inta xildhibaan ee bannaanka u soo istaagta qadiyadaas ee ballanta oofisa.
Xitaa marxaadaan waxaa lagu sii baran karaa xildhibaanada lacagta qaadanaya ee codkana u leexinaya meel kale, si fudud marka loo dhaho tartankaan waa isbarashada Sheekh Shariif iyo xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad.
3- Hadal heynta lacag-yarida
Sheekh Shariif waxaa doorashadii hore ee Soomaaliya la sheegaa inuu dhaqaale ahaan u dhaqaaqi waayey, inuu sanadkaan hayo tabar uu ku dhiso guddoomiye Baarlamaanka waxay ka dhigan tahay inay jirto isku filnaansho dhanka madaxweynaha ah.
Tani waxay hoos u dhigi doontaa mid kamid ah su’aalaha mar kasta ololihiisa la geliyo oo ah dhanka jeebka.
The post Sheekh Shariif oo qaadaya tallaabo lagu ogaanayo awoodiisa doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliiska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha iyo Saldhigyada 17-ka Degmo.Shirkaas ayaa looga hadlay adkaynta amniga guud , gaar ahaan kan caasimadda Muqdisho iyo dardar gelinta sugidda amniga doorashooyinka dalka oo maraya meel gabogabo ah.Taliyaha ayaa Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, ayna muujiyaanfeejignaad dheeraad ah oo dhanka amniga ah.Taliyaha Xijaar ayaa faray saraakiisha in la labo jibaaro dadaallada sugidda amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda, inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo maalmo naga xigaan.Goobjoog News -
“Qolada shirakada Genel Energy ee baadhis shidaal Baanu saraar ka wadnaa leh , ee hada inala wadaagtey waxaanu bilaabeynaa Biyo dhaamis waxaan odhan lahaa mudo bil iyo dheeraad ah waxa lagu jirey dedaal biyo dhaamis oo ay wadeen Xukuumada , qaar ka mid ah xildhibaanadii bulshadu soo dooratey iyo hay’ado kale , intaasba kii ka weynaa baa hada yimid oo ah raxmaadkii Eebbe oo deegaanada qaarna gaadhay qaarna sidii Alle loog bartey ay sugayaan maalmahan cirkuna Waa wacanahay saadaashiisu
Markaas ka Shirkad ahaan waxaan idin siin lahaa Talo aydun ku camal fashaan , dadkaas u geeya Raashin .
Waa baahida labaad ee dadkaas aan kusoo arkey , sababtuna waa dadkii oo xoolahoodii Suuq xidhan heley cid wax ka iibsatana waayey
Biyaha xiligii loo baahnaa la idinka waayey
Hadoo dadkii yar qaboobeen haku mashquulinina Ee baahidooda kale wax ka qabta .
Maanta waxa noo wanaag ah , dadkayagana u Waxtar ah 5000 oo qoys oo aad quudin raashin u Sameysaan .”
Waxa Qorey Xildhibaan Mustafe kheyreeye,
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in ciidamo ka wada tirsan dowladda ay halkaas isku rasasaaseeyeen, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Haweeney isgoyska Sanco ku laheyd maqaayad Shaaha lagu iibiyo ayaa la xaqiijiyey inay geeriyootay dagaalkii u dhaxeeyey ciidanka, halka ugu yaraan laba qof oo kalena ay dhaawacmeen.
Khasaarahaas waxaa geystay ciidan la sheegay inay ka tirsan yihiin booliska gaarka ah ee Turkigu tababaray ee Haramcad, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay aagaas ku sugnaa.
Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Haramcad halkaas loo geeyey inay sugaan ammaanka shaqaalaha dhisaya wado laami ah oo ka bilaabata isgoyskaas.
Dadka aan la hadalnay waxay sheegeen in khasaaruhu uu intaas ka badan karo, maadaama ay ciidamadu aad isugu rasaaseeyeen goobta, goorta ay shaqaaqadani dhacday waa Maqribkii.
Haweeneyda geeriyootay ayaa aad looga yaqaanay deegaanka, waxayna mudo dheer isgoyska Sanca ku laheed meherad lagu iibiyo Shaaha, dhaawacyadii kale ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka ee u dhow isgoyska.
Ma jirto ilaa hadda cid faahfaahin sax ah ka bixisay sababta ka dambeysay in ciidanku ay israsaaseeyaan, sidoo kale waxaan kala cadeyn in Haramcad dhexdeeda ay isku dhaceen iyo in ciidan kale ay isqabteen.
The post Ciidanka Haramcad oo haweeney Muqdisho ku dilay dad kalena dhaawacay appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan kula yeeshay Muqdisho madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana uu faray in baaritaanno lagu sameeyo weerarradii Muqdisho iyo Baladweyne ka kala dhacay .
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa taliyeyaasha xoogga iyo booliiska Odaa Yuusuf iyo Cabdi Xasan Xijaar, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray amniga doorashooyinka iyo garoonka Aadan Cadde oo dhowaan weerar lagu qaaday, waxaana ugu dambayn la saaray guddi ka kooban taliska ciidanka, AMISOM iyo xubno wasiirro ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa tilmaamay in shirka sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga doorashooyinka oo heer gabagabo ah maraya, waxaana wali dhiman laba maamul goboleed, kuwaas oo aan wali soo dhammaynin doorashada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad.
Dhanka kale wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM Danjire Fransisco Madiera, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin weerarradii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo Baladweyne ka dhacay, isagoo sheegay in guddiga wadajirka ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay ay isla berriba howl bilaabi doonaan.
Goobjoog News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka & guud ahaan dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xiligan muhiimka ah laga feejignaado dhagarta cadowga, si aysan saameyn ugu yeelan howlaha doorashooyinka iyo habsami u socodka shaqooyinka hay’adaha dowladda.
Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in la saaray guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku soo sameeya weerarkii dhawaan lagu qaaday xerada Afisyooni, kuwaas oo warbixin ku soo celin doona Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa tilmaamay in shirka sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga doorashooyinka oo heer gebogebo ah maraya.
Sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM Danjire Fransisco Madiera, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin falalkii argagixiso ee u dambeeyay ee Muqdisho iyo Baladweyne ka dhacay, isagoo sheegay in guddiga wadajirka ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay ay isla berriba howl bilaabi doonaan.
PUNTLAND POST
The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay madaxda amniga iyo AMISOM appeared first on Puntland Post.
-
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Bole waxa ku soo dhaweeyay Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.
Hoggaamiyayaasha labada dal ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan arrimo khuseeya labada dal ee heer qaran iyo heer gobol.
Sida ay sheegtay Wakaalada ENA, labada dal ayaa si dhow uga wada shaqaynaya sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Itoobiya iyo Jabuuti ayaa iska kaashanaya sidii loo xaqiijin lahaa faa’iidada labada dhinac ee dhinacyada Tareenka, Jidadka, Biyaha, Isgaadhsiinta, Korontada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.
-
Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#058, kaas oo lagu madlansanaa in doorashadiisu ay ka dhacdo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee maamulka goboleedka Hirshabeelle,waxaana inuu yahay kursi aad loogu loo lamayo marka la eego dadka ku tartamay ee u taagan.
Kursigaan oo ilaa 7 musharrax ay isku diiwaangelisay, kuwaas oo qaatay shahaadada musharraxnimada ayaa waxaan la ogeyn sababta keentay dib u dhaca ku yimid doorashadiisii, marka laga soo tago in guddiga hirgelinnta doorashooyinka Hirshabeelle uu sheegay inuu dib u dhacay, waxaana la dooran doonaa maalinta barri ah.
Musharraxiinta u tartamaysa kursigaan ayaa waxaa ku jira taliyihii hore ee hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, waxaana ay wajahayaan tartanka shan musharrax oo kale.
1:Cabdullaahi Maxamed Axmed Sanbaloolshe agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
2: Yoonis Maxamed Nuur.
3: Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble
4: Ubax Cali Sheegow
5:Cabduqaadir Xuseen Colow
6:Maxamuud Afdhub Makaran
7: Cabdullaahi Axmed Xuseen.
Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo HOP#058 ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad ayaa sheegay inuu isaga haray tartanka loogu jiro kursigaan oo deegaan doorashadiisu ay tahay Baladweyne, waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku yiri.
“Anigoo ah xildhiban Noor Iidow Beyle waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo tartanka doorasho ee HOP58 ee 2022-2026 oo dhici doonta inshallah maalmaha soo socda. Sidoo kale waxaa sharaf ii aheyd in aan ku matalo uguna shaqeeyo guud ahaan somaliya gaar ahaan bulsha weynta ku nool gobolka hiiraan oo ahaa degaan doorashadeyda .Sidoo kale waxaan balan qaadayaa in aan la shaqeyn doono cid kasta oo ku soo baxda kursigaas”
Goobjoog News
-
(SLT-Doha)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in maal-qabeenada Ruushka ee loo yaqaan Oligarchs ay sii wadi karaan inay ganacsiyo ka sameeyaan Turkey inta ay ilaalinayaan sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.
Cavusoglu oo la weydiiyey haddii maal-qabeenada Ruushka ee waajahaya cunaqabataynada Reer Galbeedka ay ka ganacsan karaan Turkey.
“Dabcan, haddii ay tahay sharci, haddii ayna ka hor imaneyn sharciga caalamiga ah. Waan ka fakari doonnaa,” ayuu yidhi.
“Haddii ay ka hor-imaneyso sharciga caalamiga ah, taasi waa sheeko kale.”
Laba ka mid ah doomaha raaxada ah oo uu leeyahay bilyaneerka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa toddobaadkan ku xidhay dalka Turkey.
Mar waxa laga weydiiyey xaaladdooda, ayaa wasiirka wuxuu sheegay in Turkey ay fulisay cunaqabataynada ay asixisay Qaramada Midoobay.
Tallaabooyinka lagu beegsanayo hantida maal-qabeenada Ruushka ma ansixin Qaramada Midoobay balse waxaa soo rogay dalalka Reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo kuwa xubno ka ah Midowga Yurub.
Waxay soo rogeen tallaabooyin aan hore loo arag oo ka dhan ah Ruushka, sababo la xidhiidha duulaanka ay ku qaaday Ukraine, waxaana ka mid ah in liiska cunaqabataynada lagu daro maal-qabeenada iyo shaqsiyaadka ku dhow Putin.
Dhowr dal ayaa la wareegay doomo lagu raaxeysto oo ay leeyihiin maal-qabeenada Ruushka, ayada oo madaxweynaha Mareykanka oo ka digay in xulufada ay u iman doonta “hantida aad sida sharci-darrada ah ku hesheen.”
Hase yeeshee Turkey oo xubin ka ah NATO, islamarkaana xidhiidh xooggan la leh Russia iyo Ukraine, kuma biirin dalalka Reer Galbeedka ee beegsanaya Moscow.
-
Aqoonyahan Prof. Iid Cali Salaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraaya qoyskii, qaraabadii, ganacsatada, asxaabta, shacbiga reer Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mulkiilihii Huteelada Maansoor, marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa ganacsatada doorka weyn kasoo qaatay dib-u-dhiska isla markaasina ahaa shaqsi aad u wanaagsan oo naxariis badan.
Waxana uu marxuumka uga baryay in Rabi in uu ka waraabiyo janadii Fardawsa dhamaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo
AAMIIN
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaaliya oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Qadar
in News - Wararka
Posted
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo safar shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Qatar Mudane Sheekh Khalid Bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Dowladda Qatar iyo Amiirka dalkaas Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey isaga iyo wafdigiisa, isaga oo hoosta ka xarriiqay in kulammada noocan ahi ay dardar galin u yihiin mashaariicda horumarineed ee labada dal iska kaashanayaan, isagoo Dowladda Qatar uga mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgalisay Soomaaliya.
Dhankiisana Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka ee Qatar Mudane Sheekh Khalid bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani, ayaa tilmaamay sida ay dalkiisa uga go’antahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo labada Shacab ee walaalaha ah, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha labada dal hortabinta u leh.
PUNTLAND POST
The post Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaaliya oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Qadar appeared first on Puntland Post.