-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, kadib weerarkii xooganaa ee todobaadkii hore Al-Shabaab ay ku qaaday ciidanka Burundi ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Laamaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro ay qorsheyn karaan inay xoogaga Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalkaasi
“Waxaan fahamsanahay inay isku dayi karaan inay weeraraan bartilmaameedyada Kenya kadib roobabkii ka da’ay qaybaha waqooyi ee dalkaasi kenya,” ayuu yiri sarkaal la hadlay warbaahinta maxalliga ah.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku diray inay heleen macluumaad ku aadan xoogosheegaya in Al-Shabaab ay qorsheyneyso weeraro ka dhaca xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Sarkaalkan oo qariyey magaciisa ayaa sidoo kale xusay inay adeegsan doonaan sirdoon heer sare ah, isla-markaana ay bilaabi doonaan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo cusub.
“Waxaan isticmaalnaa sirdoon si aan ula socono dhaqdhaqaaqyada gudaha iyo Soomaaliya Waan ognahay sida ay wax u socdaan, waxaana nalagu wargeliyay inay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ku wajahan xuduudka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey sarkaalka Kenyaanka ah.
Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro culus ka fulisay gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo ay ka taagan tahay cabsi la xiriirta weerarada kordhaya.
Si kastaba, feejignaanta la geliyey ciidamada Kenya ayaa ayaa daba socota, kadib markii khasaaraha badan dhaliyey ee lagu qaaday ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS oo askar badan looga dilay weerarkaasi oo ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah.
The post KENYA oo heegan gelisay ciidamadeeda, kadib weerarkii CEEL BARAF appeared first on Caasimada Online.
-
-
Waxa maanta ka bilaabantay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa dhageysigii koobaad ee dacwadda ka dhan ka ah saxafiyiintii sadexda ahaa ee dhawaan lagu xidhay Hargeysa.
Saddexdan wariye ayaa oo kala ah wariye Maxamed Cabdi Ilig oo ah guddoomiyaha telefishanka madaxa bannnaan ee MM TV, wariye Cabdijibaar oo ka tirsan bahda telefishanka HCTV iyo wariye Cabdiraxmaa oo ka tirsan gobonimo Tv.
Halkan hoose ka akhriso Eedaha xeer ilaalintu kusoo oogtay saddexdii wariye ee xidhnaa oo maanta lasoo taagey Maxkamadda gobolka Maroodijeex.
-
Maxkamadda Ciidanka Millatariga Somaliland maanta ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa isla ciidanka Milatariga, oo dhawaan magaalada Hargeysa toogasho ku dilay gabadh dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Najma Cabdillaahi Maykal.
Eheladda marxuumad Najma Cabdillaahi Maykal ayaa maalmihii u dambeeyay codsanayay inay cadaalad hesho gabadhoodu.
-
-
Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii labaad Xarunta Aqalka sare ka wada Diiwaangelinta Musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha dalka.
Xubanaha Guddiga aya shalay Diiwaangeliyay ilaa 10-Musharax kuwaas oo buuxiyay shuruudihii loga baahnaa,waxan lagu wada in manta xarunta ay ka socoto Diiwaangelinta in ay garaan Masharaxiin kale oo taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya
Diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta ilaa 10 Bishaan, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya musharaxiin badan oo hami kaga jiro xilka ugu sarreeya dalka.
15 Bishaan ayaa loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay guddiga doorashada horay u shaaciyeen.
PUNTLAND POST
The post Diiwaangelinta Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo Maalintii labaad socota appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka socda diiwaan gelinta musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada ee dalka.
Shalay oo ay bilaabatay diiwaangelinta iyo shahaado siinta musharixiinta u tartamaysa kursiga ugu sareeyo dalka, ayaa waxaa isdiiwaan geeliyay illa iyo 11 musharax oo u taagan xilkaas.
Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo asteeyay in ay dhacdo 15-ka biishaan May, xilli guddiga ay xalay ay shaaciyeen habraca laga rabo in ay soo maraan musharixiinta daneyneysa xilkaas.
11-ka iyo 12-ka bisha ayaa sidoo kale la dhageysan doonna khudbadaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.11-ka iyo 12-ka bisha ayaa sidoo kale la dhageysan doonna khudbadaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.
Magacyada Musharraxiinta Isdiiwaangeliyay
1: Musharrax Madaxweyne Sheekh Shariif Shiikh Axmed.
2: Musharrax Madaxweyne Dr. Cabdinuur Shiikh Maxamed.
3: Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre.
4: Musharrax Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
5: Musharrax Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed
6: Musharrax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.
7: Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Macalin Axmed Ablaal.
8: Musharrax madaxweyne Cabdulkadir Cosoble Cali.
9: Musharrax Madaxweyne Cabdullaahi aahi Cali Xasan.
10: Musharrax Madaxweyne Bashiir Xaaji Cali (Jamaal).
11: Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Macalim Abalaal.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambeeyey ee loogu jiro doorashada guud ee madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo loo geli doono loolan culus.
Guddiga isku dhufka ah ee labada Aqal ee loo xil-saaray doorashada ayaa weli wada diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah, taas oo socota maalinta labaad oo xiriir ah.
Shahaado siinta iyo diiwaagelinta ayaa socon doonto illaa 10-ka bishan aynu ku jiro ee May, sida uu qorshuhu yahay.
Illaa iyo hadda waxaa is diiwaan-geliyey 10 musharrax, kuwaas oo shahaadada qaatay, waxana ay u badan yihiin xubnaha mucaaradka dagaalka kula jira Villa Somalia.
Dhankiisa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa xalay si rasmi ah ugu dhowaaqay musharaxnimadiisa, isaga oo shaaciyey inay ka dalbadeen shacabka.
Farmaajo ayaa sidoo kale baaq u diray xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay codkooda siiyaan.
“Baaqa koowaad waxaan u dirayaa xildhibaanada sharafta leh ee labada Aqal, waxaan ka codsanayaa inay codkooda i siiyaan, si aan wadajir ugu guuleysano oo u hormarino dalka iyo dadkeena, una sii socodsiino is bedel doonkii soo bilowday Febraayo 2017-kii” ayuu yiri.
Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli kooxda Villa Soomaaliya ay dhowaan billaabeen ololaha dib u doorasho ee Farmaajo, iyaga oo hal ku dhig ka dhigtay “Isbeddel Doonka Socda”, kaas oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.
Si kastaba, doorashada madaxweynaha ayaa dhaceysa 15-ka bishaan May, iyadoo ay si weyn ugu tartami doonaan musharixiin saameyn leh oo isku soo taagay madaxweynaha.
The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada madaxweynaha appeared first on Caasimada Online.
-
In this article, I would like to highlight the backgrounds, the virtues, and contributions of Hassan Sheikh Mohamud and Abdirahman Abdishakur Warsame, prominent Somali political oppositions who distinguished themselves in the struggle for democracy in Somalia. They are candidates for the highest office of Somalia, the presidency. They possess what has been defined the constitutional character which includes “sensitivity to basic human rights, respect for due process, willingness to accept responsibility, tolerance of the opposition, and mostly importantly a commitment to candor.”
-
Somali National Army (SNA)’s elite forces on Sunday arrested a senior al-Shabab commander after conducting an operation in southern Somalia, officials said.
-
Kenyan security agencies have increased their alertness after the al-Shabaab terror group attacked African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) base in Middle Shabele region, southwest of Mogadishu, and killed at least ten peacekeepers.
-
Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed announced his candidacy for long-delayed presidential elections that will be held later this month.
-
Major-General Gebremedhin Fekadu – who went by the alias, Wedi Necho – died in detention in Addis Ababa last week.
-
Madaxweynaha waddanka Syria Bashar Al-assad oo booqday dalka Iran ayaa kulan gaar ah la yeeshay hoggaamiyaha sare ee dalkaas Ayatollaha Ali Khamenei.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa lagu xaqiijiyay xoojinta iskaashiga adag ee u dhexeeya labada waddan sida laga soo xigtay warbaahinta Iran.
Madaxweyne Assad ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi sida ay sheegtay wakaaladda wararka IRNA ee dalkaas Iran.
Taliska Bashar Al-assad ayaa xiriir dhow la leh dowladda Iran oo taageero weyn siisay markii la isku dayay in kacdoon dadweyne xilla looga tuuro sannadkii 2011.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Syria oo la kulmay hoggaamiyaha sare ee Iran appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socota diyaar garowgii u dambeeyay ee doorashada madaxweynaha, ayada oo loo balansan yahay inay dhacdo Axada toddobaadka soo socda ee 15-ka bishaan.
Musharaxiinta ka badan labaatameeyo ayaa u taagan xilka u sareeya dalka, ayada oo maalmaha soo socda ay kala cadaan doonto musharaxiinta dhabta ah ee u tartamaya xilkaas iyo kuwa magaca un ku raadinaya.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta qaar ayaa qorsheynaya inay ka haraan tartanka kadib shuruudaha adag ee la hor dhigay musharaxiinta isku soo tagaya xilka madaxweynaha, kuwaasi oo aysan buuxin karin, sidaasina kusoo afjareysa rejadooda musharaxnimo.
Qoddobka ugu culus ee walaaca ku abuuray musharaxiinta qaar ee aysan ka gudbi karin ayaa noqday inay keenaan saxiixa 20 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Qodobkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu reebo xubnaha magaca un ku raadinayey inay yihiin musharaxiin, waxaana durba muuqata inuu reebayo musharaxiin badan, kuwaas oo aan heli karin 20 xildhibaan oo u saxiixa inay taageersan yihiin.
Inkasta oo horey ay u sheegeen in ka badan 30 siyaasi inay yihiin musharaxiin, haddana waxaa la filayaa in liiska kama dambeysta ah uusan ka badan 20, sida aan xogta ku helnay.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee shalay is diiwaan-geliyey, islamarkaana qaatay shahaadada murashaxnimada ee xilka madaxweynaha, waxaana ku xigsaday sagaal kale, taasi oo tirada guud ka dhigaty 10 murashax inay is-diiwaan geliyeen shalay.
Sidoo kale murashixiinta kale ayaa lagu wadaa inay iyaguna manata tegaan xarunta ay ka socota is diiwaan-gelinta, si ay u qaataan shahaadada iyada oo kadib la guda-geli doono doorashada.
Guddiga qaban qanaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sabtidii soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta dooneysa inay tartamaan, kaasi oo durtaba u muuqda inuu kala reebay musharaxiinta.
The post Xog: Musharaxiin lagu wado inay isaga haraan tartanka doorashada + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu mar kale yahay murashax oo uu doonayo muddo xileedkiisii labaad ee Villa Somalia.
Kooxda ololaha doorashada Farmaajo ayaa si xowli ah baraha bulshada kusoo galay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, hase yeeshee ma aysan adeegsaneyn baraha bulshada ee Villa Somalia, waxayna ka doorbideen kuwa gaar ah.
Agaasimaha warfaafinta xafiiska ee Farmaajo ayaa Caasimada Online u sheegay inay go’aansadee inay cinwaanada madaxtooyada Villa Somalia badelkeed ay sameeyeen baro cusub iyo inay adeegsadaan kuwa gaarka ee Farmaajo.
Qoraal uu soo saaray agaasime Cabdirashiid ayuu ku sheegay olalaha musharaxnimo ee madaxweyne Farmaajo loo adeegsan doono Twitter; @MarkaleFarmaajo Facebook;@MarkaleMFarmaajo Website: MarkaleFarmaajo.Com.
Agaasimaha ayaa sheegay in maadaama barahaas ay yihiin kuwa dowladeed ay ka doorbideen kuwa ayaga u gaara ah, taasi oo durba ay billaabeen.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa baraha uu ololahiisa doorashada u adeegsanaayo ayaa waxaa ka mid ah cinwaanadii madaxtooyada Puntland, taasoo ka mamnuuc ah in cinwaanada dowladda loo adeegsado musharaxnimada qof shaqsi ah.
Baraha bulshada ayaa si weyn looga dareemayaa ololaha doorashada murashaxiinta qaarkood, waxaana ku loolamaya awoodaha murashaxiinta oo u arka baraha bulshada goobta kaliya ee ay isku muujin karaan, fikradahoodana kusoo bandhigaan si bulshada isaga iibiyaan.
The post Maxay tahay sababta aan ololaha Farmaajo loogu faafin cinwaanada Villa Somalia? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Murashaxiinta u taagan tartanka hoggaanka dalka ee loo balansan yahay 15 May oo ka dhaceysa teendhada xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni ayaa badankood waxay kasoo jeedaan hal beel oo ah beesha Mogadishu Clan.
Murashaxiinta Mogadishu Clan ee damaca kaga jira hoggaaminta dalka waxay tiro ahaan ka badan yihiin 20 murashax oo doonaya hal kursi, halka murashaxiinta kale ee beelaha kale kasoo jeeda marka la isku geeyo aysan ka badneyn 10 murashax.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in tiro badnaanta murashaxiinta beelweynta Mogadishu Clan ay fursad u tahay murashaxa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la ogyahay taariikhdii dhacday 8-da Febraayo 2017, markaasoo tiro badnaanta beesha Mogadishu Clan iyo isu tanaasul la’aantooda fursad u siisay inuu aruursado cododkii murashaxiintii beeshaasi oo dhexdooda is-diidanaa.
Cashar iyo tusaale midna kama baran wixii soo dhacay doorashadii 2017, xiligaasi oo wareega koowaad murashaxiintii usoo gudubtay uu u cod badnaa Xasan Sheekh oo markaasi xilka hayay helayna 88 cod, waxaa kusoo xigay Farmaajo oo 72 cod aruursaday, Sheekh Shariif oo 49 helay iyo Cumar Cabdirashiid oo 37 cod ugu soo gudbay wareega labaad balse iskiis ugu haray doorashada.
Shaxdaasi uu cododka ugu badan ku hoggaamiyay Xasan Sheekh wareega koowaad ayaa markii loo gudbay wareega labaad waxay cododkii xildhibaanada aadeen dhinaca Farmaajo oo ku guuleystay wareega labaad 184 cod.
Guuldaradaasi Xasan Skeekh wajahay ayaa u sabab aheyd cododkii Sheekh Shariif oo aaday dhinaca Farmaajo iyo cododkii kale ee murashaxiintii wareega koowaad ku haray.
Xiligaan waxaa muuqata in isbarbar-yaaca murashaxiinta Mogadishu Clan inay dhabar jab ku tahay iyaga dhexdooda oo is-tooganaya isna diidan, mid walbana diyaar uma aha in uu tanaasul sameeyo si ay ugu midoobaan hal murashax ama laba murashax.
Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sh. Axmed, C/raxmaan C/shakuur, Xasan Cali Kheyre, Dahir Maxamuud Geelle, C/kariin Xuseen Guuleed, Eng. C/llaahi Cali Xasan, Cabdinuur Shiikh Maxamed, iyo kuwo kaloo badan mid walba dhinaciisa ayuu u ordayaa, mana jirto midow ama isbaheysi xiligaan aakhiru saaca ah, midba midka kalena inuu u tanaasulo ma ogola.
Ugu danbeyntii Murashaxiinta Mogadishu Clan ee tirada badan midkoodna cashar iyo tusaale kama baran wixii dhacay 8-dii Febraayo, waxaase arki doonaa natiijada ay dhasho midow la’aanta iyo isbarbar yaaca 15-ka May.
Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online
Muqdisho, SomaliaThe post Tiro badnida murashaxiinta Mogadishu Clan ma dhalin doontaa natiijo la mid ah tii 2017? appeared first on Caasimada Online.
-
Wax ka ogow awoodda hubka T-72 ee lagu wareejiyay Ukraine
Hubka T-72
Iyadoo qayb ka ah gargaarka milatari, Poland waxay dowladda Ukraine ku wareejisay 200 oo kamid ah taangiyada dagaalka gaar ahaan nooca T-72 ah iyo dhawr iyo toban kamid ah baabuurta gaashaaman ee BMP-1.
Gargaarka militeri ay Poland gaarsiisay Ukraine ayaa waxaa ku baxay lacag ka badan $ 1.5 bilyan oo doolar, sida uu ku warramay Raadiyaha dowladda Poland.
Xukuumadda Warsaw ayaa rasmi ah u xaqiijisay hubkan ay ugu deeqday Ukraine.
“Wax faahfaahin ah kama bixinayo gargaarkan balse waa mid muhiim ah, waxaan xaqiijinayaa hadalka Ra’iisul Wasaaraha Poland ee ahaa in uu sii wadi doono taageerada militeri u fidinayo Ukraine” ayuu yiri Pawel Soloch oo ah madaxa xafiiska amniga qaranka Poland xilli uu warramayay warbaahinta Polsat News.
Warbaahinta Poland ayaa sidoo kale sheegtay in hubkan lagu wareejiyay xukuumadda Kyiv ay ka mid ahaayeen diyaaradaha iswada ee ‘2S1 Gvozdika’ iyo gantaallo badan oo kamid ah nooca loo yaqaanno Grad, iyo sidoo kale gantaallada laga soo riday diyaaradaha dagaalka ee nooca MiG-29 iyo Su-27.
Maxaan ka ognahay hubka T-72?
Taangiga weyn ee T-72 waxaa sameysay shirkadda Uralvagonzavod xilliggii dagaalkii Midowgii Soofiyeet.
Ciidanka Soofiyeedka ayaa markii ugu horresyay adeegsaday hubka sanadkii 1973-dii.
Waxaa hubkan dib loo casriyeeyay ilaa 14 jeer.
Taangiga T-72 , waxaa la isku adeegsaday iskahorimaadyo badan oo militari oo horey uga dhacay- dalalka Lubnaan-Suuriya, dagaalkii Ciraaq iyo Iran, dagaaladii Yugoslavia, Chechnya, dagaaladii Ruushka-Georgia ee sanadkii 2008, colaaddii Nagorno -Karabakh iyo dagaalka haatan ka socda bariga Ukraine.

Bilowgii 2014, ciidamada milatariga Ukraine waxay haysteen 600 oo taangiyada T-72 oo kayd ahaa.
Hase yeeshee markii uu dagaalku ka qarxay gobolka Donbass ee bariga Ukraine, dowladda waxay dib u billowday isticmaalka taangiyada T-72.
Taangiyadan waxaa dib u casriyeeyay mid ka mid ah shirkadaha soo saara hubka ee waddanka Ukraine.
Taangiyada T-72 waxaa lagu rakibay matoor ka awood badan midka taangiyada T-80, waxaana la xoojiyay badqabkiisa, sidoo kale wuxuu leeyahay Raadiye casri ah iyo nidaamka Sattelite-ka.
Waxaana taangigan lagu rakibay qalab habeenkii wax lagu arko kaas oo si hufan oo wax usoo qabanayo.
Ciidamada Ruushka ayaa si weyn u adeegsaday Taangiyada T-72 oo dib loo soo naqshadeeyay xilliggii uu socday duulaanka Ukraine ee sanadkan.
Markii uu Ruushka duullaanka ku qaaday Ukraine, Maraykanka, Jarmalka, Australia iyo Netherland waxay ku dhawaaqeen inay qorshaynayaan inay hub u dirayaan Ukraine si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah duulaanka Ruushka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxay xilliggaas ballan qaaday in ay usoo direyso Ukraine hub qiimihiisu dhan yahay $350 malyan oo doolar, oo ay ku jiraan gantaallada Javelin, gantaalada lidka diyaaradaha iyo jaakadaha aan xabaddu karin.
Sweden oo ku caan baxday dhexdhexaadnimada iyo xallinta colaadaha ayaa sidoo kale xilliggaas ku dhawaaqday inay gargaar milateri u diri doonto dalka Ukraine, gargaarkan oo noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 1939-kii markaasoo Midowga Soofiyeeti uu ku duulay dalka Finland.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Sheekh Aadan Madoobe kala hadlay arrimo la xiriira shaqada guddoonka Baarlamaanka.
Midda koowaad waxay aheyd salaan iyo booqasho oo uu Axmed Madoobe ugu tegay guddoomiyaha cusub, isaga oo la wadaagay sida shacabka reer Jubaland iyo bulshadba ay u taageereen doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.
Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey go’aanka uu ka gaaray xildhibaanada Gedo, gaar ahaan meel marinta xubnihii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolkaasi.
Dhankiisa guddoomiyaha ayaa booqashadan u mahad-naqay madaxweynaha, waxayna isla meel dhigeen in laga shaqeeyo horumarka dalka iyo danaha guud ee dadka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qayb ka noqonaya dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho oo laga dareemayo u diyaar garow ku aadan doorashada madaxweynaha, taas oo loolan adag loo geli doono.
Si kastaba, 15-ka bishaan May ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ka dhaceyso Teendhada Afisyoloone, waxaana haatan socda diiwaangelinta xubnaha musharixiinta ee tartamaya.

The post Sawirro: Axmed Madoobe oo laba arrin kala hadlay guddoonka BF Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
-
Saamaynta militeri ee Moscow ay ku leedahay Afrika+6 Dal oo Afrikaana oo Ciidamada Ruushku ka hawlagalaan

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine warbaahinta adduunku waxa ay il gaar ah ku hayeen dhaqdhaqaaqyada militeri ee Ruushka iyo waddamada uu saamaynta ku leeyahay, kuwaasoo ay ku jiraan qaar badan oo Afrika ka tirsan.
In muddo ahba Madaxweyne Putin wuxuu xoojinayay galaangalka dhanka militeriga ee uu ku leeyahay Afrika, sidoo kale meelo badan oo ka mid ah qaaradda waxaa ka howl gala xoogag calooshood u shaqaystayaal ah oo Ruushka ka socda.
Dalkan horay u hoggaamin jiray Midowgii Soviet waxa uu si hoose u xoojinayay sare u qaadista saamayntiisa, inkastoo dalalka Reer Galbeedka ee uu Mareykanku horkacayo ay walaac ka qabeen waxa uu ka samaynayo gudaha Afrika.
Sanadkii 2019-kii, Madaxweyne Vladimir Putin oo ka qayb galay shirka Afrika Ruushka ayaa sheegay in Afrika ay u tahay mudnaanta koowaad ee siyaasadda arrimaha dibadda.
Dalalka Afrika ee dhawaan sida weyn looga dareemay joojitaanka ciidamada Ruushka waxaa ka mid ah Burkina Faso oo markii bishii January ee sanadkan uu afgambiga ka dhacay laga arkayay calanka Ruushka oo meelaha qaar ka babbanayay.
Bartamihii sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii, Ruushka waxa uu heshiisyo wadashaqayn militeri ah la saxiixday dalalka Nigeria iyo Itoobiya, oo ah labada dal ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.
Si la mid ah Ruushka, Afrika waxaa si xoog leh u daneeya waddamada kale ee ku loollama awoodda, sida Mareykanka, Shiinaha iyo Faransiiska.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u ballan qaadday in ay dib u xoojinayso awooddeeda qaaradda Afrika, inkastoo tallaabooyin ciidamada Mareykanka looga qaaday Afrika ay sahleen in dalalka kale ay ka faa’iidaystaan.
Shiinaha ayaa dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha aad uga taageera waddamada Afrika intooda badan, sidoo kale waxa uu sii adkaynayaa saamayntiisa dhinaca militeriga.
Faransiiska ayaa dhankiisa joogteeya inuu ahaado waddanka awoodda militeri ee ugu badan ku leh Afrika, marka la barbar dhigo dalalkii gumaystayaasha.
Haddaba halkee ayay gaarsiisan tahay saamaynta militeri ee Ruushka uu ku yeeshay Afrika?

Sanadihii ugu dambeeyayba Ruushka wuxuu si gaar ah diiradda u saarayay sidii uu galaangal muuqda ugu yeelan lahaa Afrika.
Kaddib markii uu dagaalka u qaaday waddanka Ukraine-na waxa uu dalalkaas ka filayaa in ay taageero u muujiyaan, ama ay ugu yaraan dhexdhexaad ka noqdaan xaaladda markii la iskula soo qaado meelo ay ka mid tahay Qaramada Midoobay, halkii ay garab istaagi lahaayeen dhinacyada kasoo hor jeeda Moscow.
Laga bilaabo Liibiya, Suudaan, Afrikada Dhexe ilaa Mozambique iyo meeo kaleba, Ruushku wuxuu ku yeeshay saamayn la taaban karo, inta badanna waxa uu gacan ka siiyaa la dagaallanka kooxaha fallaagada ah ama ururrada jihaad doonka ah.
Ciidamada Calooshood u shaqaystayaasha ah ee howlgallada lacagta lagu qaato fuliya ee ka socda Ruushka ayaa ku sugan dalalka kala ah Liibiya, Afrikada Dhexe, Mali, Guinea, Angola iyo Suudaan.
Ruushka ayaa Sudan ka doonaya in ciidamadiisa badda ay si toos ah u isticmaalaan Badda Cas, gaar ahaanna waxa ay Moscow danaynaysaa Dekedda Sudan.

Taas marka laga soo tago, Ruushku waxa uu howlgallo militeri ka fuliyaa ilaa 27 waddan oo Afrika ku yaalla, kuwaasoo kala ah: Aljeeriya, Afrikada Dhexe, Botswana, Burundi, Burkina Faso, Cameroon, Chat, DRC, Eswatini, Gambia, Ghana, Guinea, Itoobiya, Kenya, Liibiya, Madagascar, Masar, Mozambique, Niger, Nigeria, Rwanda, Sierra Leone, Suudaan, Tanzania, Tunisia, Zambia, Zimbabwe.
Ruushka oo ka mid ah dalalka hubka soo saara ee waddamada kale ka iibiya ayaa saamayntiisa ku xoojiyay inuu qaar ka mid ah dalalka soo korayo siiyo hub.
Waddamada Afrika ee uu dhinaca saanadda militeri kula saaxiibay waxaa ka mid ah Masar, Aljeeriya iyo Angola.

Masar ayaa 13% ka mid ah hubka ay dibadda ka keensato ka iibsata Ruushka. Aljeeriya ayaa iyana Ruushka ka qaadata 11% ka mid ah hubkeeda, halka Angola ay dowladda uu hoggaamiyo Putin ka iibsato 2% ka mid ah hubkeeda dibadda uga imaada.
Arrintan waxay Moscow u saamaxday in ay noqoto dalka hubka ugu badan geeyay Afrika intii u dhaxaysay 2017-kii ilaa 2021-kii.
Muddadaas gudaheeda 44% ka mid ah ah hubkii gobolka laga iibiyay waxaa laga keenay Ruushka, waxaana kusoo xigay Mareykanka oo lahaa 17%, Shiinaha 10% iyo Faransiiska 6%.
Waddamada Quwadaha waawayn ee adduunka ayaa u muuqda in ay Afrika u arkaan meel mudan in saldhig lagu yeesho, iyagoo sanadihii dmabena ku loollamayay qaaradda.
-
5 Arrimood oo ku saabsan isticmaalka khudradda Beytaraafka+Faa’iidooyinka qarsoon ee laga helo!
Beytaraafka
Beytaraafka waa khudrad muhiim ah oo ka qeyb qaadata xoojinta caafimaadka qofka isla markaana horseeda in qofka isticmaala aanu daalin marka uu sameynayo jimicsiga.
Sidoo kale Beytaraafka wuxuu hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga iyo ilaalinta caafimaadka maskaxda.
Waxaana beytaraafka la adeegsan jiray tan iyo xilliggii Giriiggii hore, Sidaa darteed waxaa la ogaaday waxtarka uu u leeyahay aadanaha.
Waxaa soo ifbaxaya caddeymaha ku saabsan faa’idooyinka aan caadiga aheyn ee beytaraafka iyo sababta aan ugu darsanno cuntadeena.
Waxyaabaha qarsoon ee ku jira beytaraafka
Midabka dabiiciga ah ee madow ee beytaraafka, waxaa loo yaqaan betalains, wuxuuna leeyahay awood xoog leh.
Dhowr sano ka hor, cilmi-baaris uu Talyaaniga ku sameeyay beytaraafka ayaa muujisay in uu dili karo kansarka ku dhaca unugyada mindhicirka.
Awoodda uu leeyahay beytaraafka waxaa kamid ah inuu ku badan yahay maadada Nitrate.
Ma wanaagsano isticmaalka badan ee maadada Nitrate tusaale ahaan haddii maadada Nitrate lagu daro hilibka la warshadeeyey si uusan u hallaabin, wuxuu Nitrate kordhin karaa halista kansarka kaadi heyska.
Si kastaba ha ahaatee, marka aan isticmaalno Nitrate-ka dabiiciga ah ee laga helo beytaraafka, wax cajiib ah ayaa dhacaya.
Bakteeriyada ku nool afkeena waxay caawisaa nitrate-ku inuu isu beddelo maado la yiraahdo ()dibna wuxuu uu isu beddelaa nitric oxide, waa maaddo awood leh oo saamayn badan ku leh nolosheena.
Cabitaanka Beytaraafka
Waxyaabaha kale ay sameyso Nitric oxide waxaa kamid ah inay sare u qaado qulqulka dhiigga ee gudaha jirka.
“Nitric oxide, waxay horseedaa in xididdada dhiigga ay ballaartaan, waxayna ka qeyb qaadataa sare u kaca qulqulka dhiigga si hawada ay u gaarto unugyadayada” ayuu yiri Andy Jones, oo ah borofisar ka tirsan jaamacadda Exeter ee UK kaas muddo ka badan 10 sano cilmi baaris ku sameynayay beytaraafka.
Cadaadiska dhiigga ayuu hoos u dhigaa
Daraasad ayaa muujineysaa in isticmaalka beytaraafka maalin kasta uu hoos u dhigi karo cadaadiska dhiigga qiyaastii 5 millimitir celcelis ahaan.
Haddii la badsado isticmaalka beytaraafka kaas oo hoos u dhigi karo cadaadiska dhiigga, markaa waa mid ku filan yareynta khatarta istaroogga iyo wadna xanuunka 10%.
“Haddii beytaraafka uu isbeddel noocan oo kale ah uu ku yeesho dadka la xanuusan dhiig karka, dhacdooyinka , sida wadne xanuunka iyo istaroogga, ayaa si weyn hoos loogu dhigi lahaa,” ayuu yiri Jones.
Cilmi baaris ayaa sidoo kale muujisay in beytaraafka uu saameyn ku yeelan karo cadaadiska dhiigga dhowr saacadood ka dib marka la cuno.
Runtii, maadada nitric oxide waxay sababtaa balaarinta xididdada dhiigga, taas oo sahlaysa wareegga dhiigga ee jirka banii’aadanka.
Caafimaadka maskaxda
Isticmaalka beytaraafka wuxuu sidoo kale kordhin karaa qulqulka dhiigga meelaha muhiimka ah ee maskaxda.
Cabitaanka laga sameeyo beytaraafka ayaa la ogaaday in uu kor u qaado garaadka iyo fikirka.
Waxa kale oo ay u muuqataa in uu ka qeyb qaadanayo ilaalinta caafimaadka maskaxda dadka da’da ah.
Daraasad la sameeyay ayaa muujisay in isku darka isticmaalka beytaraafka iyo jimicsiga jirka ay kordhin karaan isku xirnaanta meelaha maskaxda ee xakameynaya dhaqdhaqaaqa qofka.
Cilmi-baaristu waxay sheegeysaa in cabitaanka laga sameeyo beytaraafka u sare u qaadi karo qulqulka dhiigga ee kiliyaha, taas oo hagaajinaysa waxqabadka maskaxda.
Caafimaadka afka
Daraasad ayaa sidoo kale lagu ogaaday in cabidda beytaraafka uu ka qeyb qaadan karo sare u qaadida caafimaadka afka gaar ahaan in uu meesha ka saaro bakteeriyda lala xiriira cudurrada afka.

Dadka jimicsiga sameeyo ayuu u fiican yahay
Daraasadihii ugu dambeeyay waxay sidoo kale muujinayaan in isticmaalka beytaraafka uu dad badan ka caawiyay in si dhakhso ah ay u ordaan xilliga ay sameynayaan jimicsiga ama ay ka qeybgalayaan tartamada.
Maadada Nitric oxide ee ku jirta beytaraafkxay sare u qaaddaa socodka dhiiga ee sambabada iyo murqaheena.
Daraasad la sameeyay sanadkii 2009 ayaa lagu ogaaday in qofka isticmaalo beytaraafka uusan daalin marka uu sameynayo jimicsiga marka loo barbardhigo dadka kale ee aan isticmaalin ee jimicsiga sameynayo.
-
Kyiv (Caasimada Online) – Darsanno dad ah oo reer Ukraine ah ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen ka dib duqeyn Ruushka ka timid oo keentay in iskuul ay ku jireen ilaa 90 arday uu dhulka la sinmo, kaas oo ku yaallay bariga dalka Ukraine.
Guddoomiyaha gobolka lagu muransan yahay ee Luhansk, halkaas oo dagaallo qaraari ay toddobaadyo ku dhex mareyeen ciidanka Ruushka iyo xoogagga Ukraine, ayaa sheegay in 30 qof laga soo badbaadiyey goob ku taalla Bilohorivka, hase yeshee, kuwo kale oo iskuulka ku jiray ay u badan tahay in aanay badbaadin.
“Sida ay u badan tahay, dhammaan 60 qof oo burburka ku soo hoos jira hadda way dhinteen,” ayuu yiri guddoomiye Serhiy Haidai, mar uu fariin ku qoray boggiisa Telegramka.
Waxa uu intaas ku daray in duqeymaha Ruuhsku ay sidoo kale dileen labo wiil oo da’doodu kala ahayd 11 iyo 14, kuwaas oo ku sugnaa magaalada goobtaas ka ag dhow ee Pryvillia.
Duqeymihii u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Donbas ayaa yimid xilli Ruushku si aan kala go’ lahayn uu weerar ugu hayey bariga Ukraine si uu u muujiyo guul dhinaca dhulka ah. Tallaabadan ayuu qaaday ka hor maalinta Isniinta berri ah oo ku beegan fasaxa Maalinta Guusha oo uu xuso markii Ruushku uu jabiyey Naasigii Jarmalka, xilligii dagaalkii 2aad ee dunida
Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Greenfield ayaa barnaamijka State of the Union ee telefishinka CNN u sheegtay in aanay jirin wax “Ruushku uu u dabbaaldego”, dagaalka uu Ukraine ku qaadayna “uu ku guuleystay oo kaliya inuu dunida kale go’doon ka noqdo.”
hinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa booqasho aan horay loo shaacin ku tagey magaalada Kyiv oo uu kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ka dibna waxa uu dib u faray safaaraddii Canada ee magaalada ay dagaaladu aafaayeen.
Danjiraha Maraykanka ee Ukraine, Kristina Kvien iyo diblomaasiyiinta safaaradda ayaa iyaguna dib ugu noqday magaalada Kyiv, iyaga oo isu diyaarinaya in dhawaan ay dib u furaan safaaraddii Maraykanka ee magaalada Kyiv.
The post RUUSHKA oo duqeeyey arday reer Ukraine ah appeared first on Caasimada Online.
-
Cirro & Faysal Oo maanta magaalada Nairobi kula kulmay xubno ka socda beesha Caalamka
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka USA iyo saraakiil kale oo wehelinayay.
Kulankan ayaa waxaa uu ka qabsoonay Sarova Hotel ee Nairobi.
Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Geeska iyo tan Somaliland-ba.
Dhinaca kale, Gudoomiye Faysal.Cali Waraabe ayaa kusii jeeda dalka Maraykanka oo uu halkaasi kaga qeyb gali-doonka Xuska 18may.












Maxay Kawada Hadleen Aadan Madoobe iyo Axmed Madoobe?
in News - Wararka
Posted
Source: goobjoog.com