Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,457
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxmed Maxamed Islaam  ayaa qaabilay wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali iyo xubno kale oo ka tirsan Hay’adda, oo qorshaynaya in ay xarun hey’adda ay leedahay ka furaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jabbada hoose.
    Masuuliyiintan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo shaqooyin kale duwan ka haya deegaanada Jubaland ayaa waxa uu Madaxweynaha Jubaland kala hadlay dardargalinta howlaha xafiiska iyo sidii loo fududeen lahaa adeegyada bulshada ee ay Hay’adda ka heyso deegaanada dowlad goboleedka Jubaland.
    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa uu Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku wareejiyey dhul uu ugu tala galay in laga dhiso xarun weyn oo ay Hay’adda ugu shaqeeyn doonto bulshada reer Jubbaland, waxaana Kismaayo kusugan agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka Soomaaliya.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  2. Maamulka degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo, taas oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay baaq  u direen shirkkada diyaarada, iyaga  uga digay iney soo qaadaan guddigii dhowaan uu magacaabay Rooble.

    Maalmulka oo shir-jaraa’id ku qabtay garoonka diyaarada degmada, ayaa sheegay in aan  loo soo qaadi karin guddiga qiimaynta amniga Garbahaarrey, kaas oo dhowaan la filaayey in maalmaha soo aaday ay guddigu u ambobaxaan degmada.

    Guddoomiyaha ku-xigeenka degmada Aadan Siraad Maxamuud iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ayaa si wadajir ah u sheegay in shirkaddii ka dhago-adeygta ee keenta guddiga ay maamulku tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

    “Shirkaddii soo qaada guddiyadaas iyo wixii aan annagu isku ogeyn, wixii ku imaada iyada ayaa qaadanaysa,annaga gobolka Gedo ayaa nala dhahaa, xuquuq ayaan leenahay, dalka ayaan ka tirsan nahay, haddii xuquuqdeeni naloo diiday inaan gobolkeena aan u madaxbannaano ayaan ku qasban nahay” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenga degmada Garbahaarrey.

    Degmada Garbahaarrey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ayaa waxaataalla 16 kursi oo ka tirsan golaha shacabka, waxaana dhowaan Ra’iisalwasaare Rooble u magacaabay guddi soo qiimeeya sida ay doorasho uga dhici karto,waxaana dhowaan ay gaareen magaalada Kismaayo iyaga oo la kulmay waxgarad kasoo jeeda gobolka Gedo.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  3. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Boosaaso kulan kula qaatay saraakiisha kala duwan ee ciidamada amniga Puntland.

    Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiisha ciidamada Puntland, waxaana looga hadlay amniga Puntland.

    Madaxweyne Deni ayaa ku boggaadiyay ciidamada Puntland sida ay marwalbo heegan ugu yihiin ka shaqeynta amniga gudaha iyo dibada, xilli uu dalku ku jiro marxalad doorasho.

    FB_IMG_1646670425730.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1646670419251.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1646670414113.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1646670432468.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1646670441812.jpg?resize=720%2C48

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.


  4. Shil geystay khasaare igu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Askar ka tirsan ciidamada Madaxtooyada dowlad ayaa maanta waxaa uu ka dhacay duleedka magalada Garowe ee gobolka Nugaal , waxaana kasoo baxaya warar kale duwan.

    Askarta oo kasoo laabatay magalada Boosaaso ayaa kusoo wajahnaa Garowe ee xarunta maamulka Punland, waxaa ay shilka ku galeen  inta u dhaxaysa deegaan Daangoronyo iyo Libaaxo oo ka tirsan  Nugaal, kadib markii uu rogmaday gaarigoodii.

    Inta la xaqiijiyey 7 askari ayaa ku geeriyootay shilka dhacay, waxaana afar kamid ah ay ku geeriyoodeen goobta uu shilka ka dhacay halka 3 kamid ah ay ku geeriyoodeen Isbitaalka oo dhaawac lagu geeyey, waxaana uu dhaawac soo gaaray 5 kale.

    Ciidamada shilka galay ayaa waxaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen ilaalada madaxtooyada Puntland, kuwaas oo aaday Boosaaso xiligii uu socday dagaalkii u dhaxeeyey ciidamo ka amar qaata madaxtooyada iyo PSF oo kusuagnaa Boosaaso.

    Wadada xariirisa magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilal geysta kahasaare kale duwan waxaana loo aanaynayaa in goobta uu Laamigu ka yahay goolato wadayaasha gaadiidkuna ay xawaare badan ku gudbaan.

    Goobjoog News

     

    Source: goobjoog.com


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlay xaalada dalka ayaa si weyn ugu eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dalka uu galiyay xaalad adag.

    Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in mudada uu Villa Somalia ku sugna Farmaajo ay diiwaanka u galeen siyaasad cunno-goyn ah, dastuurka oo aan la ixtiraamin iyo kalsooni darro iyo niyad-jab, sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale waxa uu ku eedeyay xulafada Farmaajo inay dalka u horseeden amni darro iyo sicir barar xooggeystay, islamarkaana ay wax u maamuleen wax ugu yeeray “Nidaamka keli-talisnimada”.

    “Shantii sano ee lasoo dhaafay waxay dadkeenu la kulmeen Sicir barar sii ballaartay, Amni darro, Abaaro is daba-joog ah iyo haba ugu darnaatee siyaasad is cuna-goyn ah oo aan ixtiraameen Dastuur, Dhaqan Soo jireen, Dib u heshiisiin iyo sharciga dalka midna,” ayuu yiri.

    “Xaqiiqadii Dowladdeenu heer weliba ha ahaatee waxa ay ku socotaa si qar iska xoornimo ah oo kusii fogaaneysa sharci darro, falal dastuurka ka baxsan oo la hubo in ay keeni karaan kalsooni daro iyo niyad-jab dadka Soomaaliyeed ay ka qaadaan dowladnimada.”

    Sidoo kale waxa uu Maxamed Cabdirisaaq ku eedeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ka gaabiyay dhammeystirka Dastuurka dalka, dhismaha Maxkamadda Dastuuriga, islamarkaana uga jeestay meel-marinta rabitaanadiisa shaqsiga ah.

    “Doorashada Hadda Socota oo ah mid ku sifowday noocaas waxa ay ahayd mid lagu han weynaa oo ahayd in ay u dhacdo si daah-furan oo dimuqraadi ah, nasiib-darro waxaa dhacday in siyaasiyiintii ay kalsooni ku qabi waayeen Dadka Soomaaliyeed oo ay na tuseen Digtatoornimadooda iyaga oo haddana rejo ka qaba in xilka madaxweynaha ku guuleystaan.”

    “Shaki kuma jiro haddii madaxda hadda joogta ay diiradda saari lahaayeen Qabyo-tirka Dastuurka oo ay dhisi lahaayeen Laanta saddexaad ee Dowladda oo ah Garsoorkii, Guddiga adeegga garsoorka iyo hay’addii fulin lahayd oo ah Maxkamaddii Dastuurka kuma aynaan jirneen xaaladdaan oo ah in aan awood u lahayn wax ka qabashada lagdanka Kheyru-mas’uulnimada ah ee siyaasadeed ee Madaxdeena heer weliba,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Maxamed Cabdirisaaq.

    Si kastaba, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq o xilka laga qaaday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa xiligan si weyn u dhaliila madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo dowladii uu mudada kasoo tirsanaa.

    The post Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo weerar culus ku qaaday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.


  6. Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si qoto dheer uga hadlay doorashooyinka la filayo inay sannadkan 2022-ka ka dhacaan Somaliland.

    Siyaasi Cali Guray soo soo bandhigay qaabab uu sheegay inay tahay in loo soo kala horraysiiyo doorashooyinka sannadkan qorshaysan ee guurtida, madaxtooyadda iyo ururrada.

    Cali Guray ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan:

    “SIDII BAHALKII BIRIISHKA KA DHACAY

    Sida ay dadka qaar u fakarayaan sanadkan 2022 hadii Somaliland aan wax doorasho ahi ka qabsoomin “horaa loosoconayaa way beenoobaysaa oo qiyaastii dib baa loo guuray ayay noqonaysaa”. Sida aan qabo weli way jirtaa fursad in laba doorasho ay qabsoomi karaan hadii daacad laga yahay oo aan hagrasho jirin danta qarankana loo midoobo. Doorashada sadexaad lafteeda ayay suurogal tahay in dibu dhac aan ka badnayn lix bilood uu ku iman karo. Sababtu waxay tahay ilaa bisha November Komishanku wuxu ku hawlanaan doonaa doorashada Madaxtooyada oo mudaysan 13keeda in ay qabsoonto. Doorashada Guurtida oo iyadu aan ahayn doorasho toos ah weli way jirtaa in ay qabsoomi karto ka hor dhamaadka sanadkan hadii la dhamaystiro xeerkii lagu dooran lahaa. Doorashada sadexaad ee Xisbiyada iyo Ururada waxa furan laba talo in mid la qaato marka aynu og nahay in Komishanka Doorashadu aanay wada qaban karin laba doorasho muddada ka hadhsan sanadkan. Talada hore waa in Diiwaangelinta iyo kala saaridda  ururada la dhamaystiro inta ka horaysa bilawga Ololaha Xisbiyada u tartamaya Doorashada Madaxtooyada oo bilaabmi doonta bil ka hor qabashada doorashadaasi (13 Oktoobar). Ka dibna Komishanku marka uu ka soo jeedsado Doorashada Madaxtooyada ay iyagu cayimaan taariikhda qabashada doorashada ururada iyo xisbiyada. Talada labaadna waa in gebi ahaanba dib loo dhigo hawlaha Doorashada Xisbiyada iyo Ururada qiyaastii muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabmaya December 2022ka ilaa bisha May 2023. Labada tii la qaataba waxa laga yaabaa in aanay xaga wakhtiga wax badani u dhaxaynin hadii aan loo badheedhayn in ay qabsoonto bilaha jiilaalka ee horaanta sanadka 2023ka.

    Haddaba kuwa ku andacooda Doorashada Madaxtooyada ka hor ayaa la qabanayaa Doorashada Xisbiyada Iyo Urururadu hadlkoodu aniga xagayga waa Doorasho-diid oo wax ka soo qaad ilama laha hadii aanu Madaxwaynaha laftiisu ahayn hogaamiyahooda oo aanu isagu doonayn in Somaliland aanay wax doorasho ah oo la isla ogol yahay ka qabsoomin. Ilaa goorma? Mooyi ilaa goor la eeday uun iga dheh.

    Sidaa daraadeed aniga xagayga hadii aan ugu yaraan Doorashada Madaxtooyadu wakhtigeeda ku qabsoomin Somaliland waxa laga filaa saw maaha in ay noqoto:

    “sidii Bahalkii Biriishka Ka Dhacay;

    Baraarugay Goor Dad Soo Baxay;

    Ee Ka Booday Bartii U Dheerayd”.”

    Source


  7. “Maxaad na moodaysaan? Ma waxa aannu idiin nahay adoomo samaynaya wax kasta oo aad tidhaahdaan?!”

    Sidaas waxaa yidhi Raysalwasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan oo intaas ku sii daray, “Saaxiib ayaa aannu la nahay Ruushka, sida aannu saaxiib ula nahay Maraykanka, sida oo kale waxa aanu saaxiib la nahay Shiinaha iyo Yurub, cidna xeradeeda kuma jirno”

    Raysalwasaaraha ayaa u jawaabayey baaq ay diblumaasiyiinta 22 dal oo ay ku jiraan kuwo midowga Yurub  xubno ka ahi hore u soo saareen, kaas oo dawladdiisa ay kaga dalbanayeen in ay taageerto go’aankii Jimciyadda guud ee Qaramada Midoobey ka soo saaraysay weerarka Ruushka.

    Raysalwasaare Cimraan waxa uu dalalka Midowga Yurub ku dhaliilay laba wajiilaynta ay arrimaha Caalamiga ah ku waajahaan, isaga oo xasuusiyey in aanay wax cambaarayn ah u jeedin falalkii ay dawladda Hindiya ka geysatay gobalka Kashmir ee Muslimiinta ah.

    Dalka Pakistan soo jeedintaas waa uu ka hor yimi, waana uu ka aamusay codayntii Qaramada midoobey Ruushka ku cambaaraynaysay ee ay danjireyaashu ka doonayeen in uu taageero.

    Source


  8. Qudbada Madaxweynaha ha Qaladina !

    Madaxweynahu run buu sheegay oo diiwaan gelinta Ururrada ayaa ka soo horreysa doorashada Madaxweynaha, inta lagu gudo jiro ee ay socoto diiwaan gelinta ururrada iyo samaynta xeerarkooda ayaa waxaa la gaadhayaa wakhtigii doorashada Madaxtooyada, ka dib waxaa wakhtigeeda lagu qabanayaa Doorashadii Madaxtooyada oo ay ka qayb geli doonaan Saddexda Xisbi Qaran ee imika jira ee Liisanka Xisbinimo haysta. Madaxweynaha cusub ee la doortaana waxa uu sii wadi doonaa hawshii doorashada ururrada  ee bisha June diiwaangelintooda la soo bilaabay si ay usoo baxaan saddex Xisbi Qaran oo cusubi, waxaana ku xigaysa Xulashada guurtida.

    Ma intaas wax ka duwan ayaa nuxurka Qudbada Madaxweynaha ku jirtay?

    Colkii Biibitooyinka iyo Buul-cawsyadu jibadoodii hala cararaan, laakiin qofkii doonaya inuu Urur furto oo ay daacad ka tahay ee aanay jibbo wadini wuu fahmi karaa waaqaca dhabta ah ee jira ee ku aadan in hawsha Xisbiyo cusub oo ururrada ka soo baxaa ay noqonayso marka uu baarlamaanku diyaariyo shuruucdii ahayd in doorashada Xisbiyada loo galo si toos ah oo aan ku lamaanayn doorasho gole deegaan iyada oo la fulinayo go’aankii Maxkamada Sare ee amartay in doorashada Xisbiyada toos loo galo, inta lagu gudo jiro diyaarinta xeerarkaas iyo diiwaan gelinta ururrada waxaa soo gelaysa wakhtigii Dastuuriga ahaa ee Madaxtooyada oo dhacaysa 13 November 2022 oo ku Tarami doonaan Saddexda Xisbi Qaran ee imika jira oo liisankooda Xisbinimo uu ku eeg yahay bisha December 2022 kaasi oo ku cad Xeerkii 14 kii ay Maxkamada sare amartay in la raaco.

    Kaysar Maxamed Wasiir ku xigeenkii hore ee Qorsheynta Somaliland ayaa qoray

    Source


  9. Kyiv (Caasimada Online) – Duulaanka ay ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine ayaa manata galay maalintii 12-aad, ayada oo weli Moscow aanay sameyn horumar la taaban karo. Haddaba waa kuwan wararkii ugu dambeeyey xaaladda iyo qodobada aad u baahan tahay inaad ogaato.

    – Duqeymaha oo sii kordhay –

    Ciidamada Ruushka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka fulinayaan magaalooyin badan oo ka tirsan Ukraine. QM ayaa sheegtay in 1.5 milyan oo qof ay ka barakaceen dalkaas, taasi oo ah xasaraddii qaxootinimo ee ugu deg degta badneyd ee ka dhacda Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

    – Daadgureynta Mariupol oo mar kale fashilantay –

    Isku dayo dadka shacabka ah looga daad-gureyn lahaa magaalada go’doonsan ee Mariupol ee Ukraine ayaa mar kale guuldarreysatay, ayada oo ay jirto xabad-joojino dhowr jeer la jebiyey. Dadka magaalada ayaa ah biyo iyo koronto la’aan.

    Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa mar kale ku dhowaaqday in waddooyin bani’aadaminimo laga furay dhowr magaalo oo ka mid ah Ukraine.

    – Dagaallo xooggan –

    Militariga Ukraine ayaa sheegay inay “dagaal xooggan” kula jiraan ciidamada Ruushka, jiinka magaalada koonfureed ee Mykolayiv, taasi oo ku taalla waddo gasha dekedda ugu weyn dalkaas ee Odessa.

    – Chernihiv oo si xun loo garaacay –

    Tobaneeyo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay dagaalka magaalada Chernihiv ee ku taalla waqooyiga Ukraine. Qaar ka mid ah dadka badbaaday ayaa ku nool godad ama burburka daaraha hoostooda.

    – Garoon diyaaradeed la burburiyey –

    Gantaallada Ruushka ayaa burburiyey garoonka diyaaradaha Vinnytsia ee bartamaha dalka Ukraine, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaas Volodymyr Zelensky.

    – Ruushka oo xadiday iibka cuntada aas-aasiga ah –

    Dukaanada ku yaalla Ruushka ayaa lagu amray inay xadidaan iibka cuntada quutul daruuriga ah si looga hortago warar ku saabsan suuq madow, xilli cunaqabateenada Reer Galbeedka ay saameyn yeesheen.

    – Kremlin-ka xoo iray kumanaan qof –

    Kumanaan qof oo dheeri ah ayaa lagu xiray qeybo kala duwan oo ka mid ah dalka Ruushka kadib markii ay ka qeyb-galeen dibad-baxyo looga soo horjeedo dagaalka, taasi oo tirada guud ee dadka la xiray ka dhigeysa 11,000 oo qof, tan iyo markii uu billowday duulaanka.

    – Putin: Waxaan ku guuleysan doonnaa wada-hadal ama dagaal –

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu ku guuleysan doono hadafkiisa Ukraine “ayada oo loo marayo wada-xaajood ama dagaal.”

    – Diyaaradaha dagaalka Reer Galbeedka –

    Dowladda Mareykanka ayaa u fasaxeysa Poland inay Kyiv siiso diyaarado dagaal. Moscow ayaa ka digtay in taasi ay xubno ka mid ah NATO soo gelineyso dagaalka.

    – Cunaqabateyn dhanka tamarta ah –

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Reer Galbeedka ay wada-hadallo “aad u firfircoon” ka leeyihiin cunaqabateyn la saaro saliidda Ruushka. Qiimaha saliida cayriin ee suuqyada caalamka ayaa gaaray $140 halkii barmiil, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey abid.

    – Xayiraad dhanka Credit Cards-ka ah –

    Shirkadaha soo saara kaararka bankiyada ee Creidt Cards-ka ee Visa, Mastercard iyo American Express, oo dhammaantood laga leeyahay Mareykanka, ayaa joojiyey ganacsigoodii Ruushka. Bankiyada Ruushka ayaa sheegay inay adeegsan doonaan kaararka shirkadda UnionPay ee Shiinaha.

    – Cabsi Nukliyeer –

    Faransiiska ayaa ku dhowaaqay inay kaniiniyada iodine iyo sahay kale oo caafimaad u diri doonaan Ukraine. Waxaa loo adeegsadaa ka hortagga saameynta ka dhalata shucaaca sunta Nukliyeerka.

    – Guuto dagaal oo caalami ah –

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Ukriane Dmytro Kuleba ayaa sheegay in 20,000 oo ah dagaal-yahano caalami oo mutadawiciin ah ay ku biireen dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka, kuwaas oo badankood ka yimid Yurub.

    – Shirkado Teknoolaji oo baxay –

    Shirkadda Netflix ayaa hakisay adeegeedii Ruushka, halka shirkadda baraha bulshada ee TikTok ay xanibtay in muuqaal Video ah laga soo geliyo dalka Ruushka, kadib markii xeer faafreeb oo cusub uu dhaqan galay.

    Warbaahin caalami ah oo ay ku jiraan CBC, ARD, ZDF, Bloomberg News, CNN, CBS, RAI iyo EFE ayaa hakiyey inay kasoo warramaan Ruushka kadib markii Moscow ay xabsi ugu hanjabtay warbaahinta ka warrameysa dagaalka.

    AFP + VOA

    The post Dagaalka Ukraine iyo maanta: Wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Raiisul Wasaare ku xigeenkii hore Soomaaliya ahna murashax u taagan madaxtinimada Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Larry Andre.

    Ridwaan Xirsi iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, abaaraha sameyay guud ahaan dalka iyo amniga.

    Sidoo kale musharax Ridwaan iyo Safiirka, ayaa si qoto dheer kulankaas ugu lafa guray dhameystirka doorshada golaha shacabka oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid, gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo kaalinta dadaalada dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya.

    Sidoo kale labada masuul ayaa isla soo qaaday mustaqbalka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaanu musharax Ridwaan Xirsi kulankaas ku soo bandhigay qaabka uu qorsheynayo inuu u wajaho wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

    Ridwaan Xirsi Maxamed, ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay ku bixiso dhismaha nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxaanu safiirka dhankiisa ku amaanay doorka uu ka qaatay howlahaas.

    Ra’iisul wasaare ku xigeen hore ee dalka, haatana ah musharax Madaxweyne Ridwaan Xirsi, ayaa mudo dheer kasoo shaqeynayey howlaha socda ee dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaana lagu amaanaa doorkii ay xukuumadiisii ka qaadatay gurmadkii dadka reer Beledweyne.

    WhatsApp-Image-2022-03-07-at-2.08.39-PM. WhatsApp-Image-2022-03-07-at-2.15.31-PM.

    The post Musharax Ridwaan Xirsi oo wadahadal la yeeshay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.


  11. Ganacsade Soomaaliya oo mar u shaqeyn jirtay 150 Qof hadana iska dhiibay Dalka Jarmalka

    Maxamuud Carab
    Maxamuud Carab

    Ganacsade Soomaaliyeed oo ka soo qaxay caasimada Ukraine ee Kyiv ayaa 12 maalmood ka dib duullaankii Ruushka gaaray dalka Jarmalka.

    Gnaacsadahan ayaa ka hor inta usan soo gaarin Jarmalka soo maray caasimada Poland ee Warso.

    “Waxaan gaaray Jamalka islamarkana waxaan magangalyo waydiisanayaa dowladda si ay iiga gacan siiso in aa noolal cusub halkan ka bilaabo ” ayuu yiri Maxamuud Carab.

    Maxamuud Carab ayaa wadada ku soo jiray 4 maalmood ka hor inta uusan soo gaarin xudduuda Poland , waxaa uuna ahaa qof nasiib badan maadaam uu dadka kaga duwanaa in uu haystay lacag uu gaari ku kireysto.

    Balse caqabada kale ee soo wajahday Mr Carab ayaa ah in ay saameysay cunaqabateynta ay dalalka reer galbeedka ku soo rogeen Ruushka.

    Mr Carab ayaa sheegay in uu la daalaa dhacayo oo ay ku adagtahay in uu iska bixiyo qarashaadka iyada oo ay jirto in lacag haysto.

    “Akoonkii aa ku lahaa bangi ku yaalla Kyiv lacag kalama bixi karo, dad aan asxaab iyo qaraabo nahay ayaa imika dhaqaala ahaan ii taageera .” ayii intaa ku daray.

    Kaarka bangiga ee uu wato ayaa waxaa uu lacag kala bixi karaa oo kali ah gudaha dalka Ukraine, maadaama uu ahaa qof ajnabi ah oo ku nool Kyiv,.

    Gancsadahan Soomalaiga ah ayaa imika magangalyo waydisanaya Jarmalka isaga o u sii maraya hay’adda socdaalka caalamiga ah ee (IOM) si ay ugu suuragasho in uu helo lacagta u taalla bangi ku yaalla dalka Ukriane.

    Maxamuud Carab ayaa imika ku sugan magaalada Kassel halkaasi oo uu shalay gaaray ka dib markii uu wadada ku soo jiray muddo 4 maalmood ah.

    “Ma qiyaasi karo in shalay aan ahaa nin haysata ganacsi faa’iido badan oo aan wax dhoofin jiray, balse imika waxaasi oo dhan way lumeen, halkaas ayaan wax walba uga soo tagnay, waxaa aan sidanaa oo kali ah boorso” ayuu yiri Mr Carab.

    Maxamuud Carab
    Maxamuud Carab

    Maxamuud Carab iyo ganacsato kale oo shirkad ay ahaayeen ayaa dharka hudheyda iyo qalabka electroniga u soo dhoofin jiray qaar ka mid ah dalalka ku yaalla qaaradda Afrika.

    Dalalka uu badeecooyiinka keeni jiray oo ay u soo diri jireen waxaa ka mid Soomaaliya, Kenya, Jabuuti and Itoobiya.

    Badeecooyiinkan oo intooda badan ay badda soo marin jireeen ayaa imika joogsaday maadaama dalka Ukraine uu galay dagaal.

    “Waxaa Ukraine ku sugnaa qiyaastii 6 sano, anaga oo dhoofin jirnay badeecooyiinka celiska ah , hadda waxaan u maleynayaa in wax walba y burbureen, waa xaalad adag ,” ayuu yiri Mr Carab .

    “Waxaa markii aan Ukraine joogay ii shaqeynaysay 150 qof islamarkana ganacsigeyga ayaa dhanaa qiyaastii $300,000,”.

    Qaramada midoobey ayaa ku qiyaastay dadka ka qaxay dalka Ukraine tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay in ka badan 1.3 milyan oo qof .

    Dadka ka s qaxay dagaalka Ukraine ayaa waxaa ay intooda badan gaarin dadka darinka la ah ee oland.

    Qaran News


  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee caasimadda Hiiraan ayaa sheegaya inuu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

    Khilaafka labada mas’uul ayaa salka ku haya go’aankii uu madaxweynaha HirShabelle ku gaaray in kuraasta ku harsan Beledweyne oo gaaraya illaa 11 kursi laga dhigo kuwa furan oo aan loo xirin shaqsiyaad gaar ah.

    Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed ayaa ka horyimid go’aanka Guudlaawe, waxayna xogta hoose sheegeysaa in Dabageed ay gadaal kasoo riixeyso Villa Somalia oo dooneysa in 11-ka kursi ee dhiman loo xiro shaqsiyaad ay iyada wadato.

    Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, khilaafka ayaa durba saameeyay guddiga doorashada HirShabelle oo la kala saftay madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

    Madaxweynaha HirShabelle oo dhawaan Beledweyne kula kulmay qaar kamid ah musharixiinta u taagan kuraasta dhiman ayaa u ballan qaaday inaysan jiri doonin kuraas la xirayo.

    Go’aanka Guudlaawe ayaa yimid kadib markii kacdoon looga soo horjeedo in kuraasta loo xiro shaqsiyaad uu ka qarxay magaalada Beledweyne kaasoo keenay inay ciidamo badan gudaha usoo galaan magaalada.

    Guudlaawe oo muddo ay ku qaadatay inuu tago Beledweyne islamarkaana ay aqbalaan dadka kasoo jeeda Beesha Xawaadle, ayaa iska ilaalinaya in mar kale uu abuuro xiisad keeni karta in deegaanka laga naco.

    Lama oga saameynta ay ku yeelan karto khilaafkan cusub doorashada kuraasta harsan ee Beledweyne, iyadoo 8 cisho ay ka harsan tahay mudada 15 maalin ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.

    The post Xog: Khilaaf ka dhex qarxay Guudlaawe iyo Dabageed – Maxaa la isku haya? appeared first on Caasimada Online.


  13.  Wararkii ugu dambeeyey ee

    Dagaalka Ukraine & Maanta02090000-0aff-0242-14ec-08d9ff89d5db_cx0

    Duulaanka ay ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine ayaa manata galay maalintii 12-aad, ayada oo weli Moscow aanay sameyn horumar la taaban karo. Haddaba waa kuwan wararkii ugu dambeeyey xaaladda iyo qodobada aad u baahan tahay inaad ogaato.

    – Duqeymaha oo sii kordhay –

    Ciidamada Ruushka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka fulinayaan magaalooyin badan oo ka tirsan Ukraine. QM ayaa sheegtay in 1.5 milyan oo qof ay ka barakaceen dalkaas, taasi oo ah xasaraddii qaxootinimo ee ugu deg degta badneyd ee ka dhacda Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

    – Daadgureynta Mariupol oo mar kale fashilantay –

    Isku dayo dadka shacabka ah looga daad-gureyn lahaa magaalada go’doonsan ee Mariupol ee Ukraine ayaa mar kale guuldarreysatay, ayada oo ay jirto xabad-joojino dhowr jeer la jebiyey. Dadka magaalada ayaa ah biyo iyo koronto la’aan.

    Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa mar kale ku dhowaaqday in waddooyin bani’aadaminimo laga furay dhowr magaalo oo ka mid ah Ukraine.

    – Dagaallo xooggan –

    Militariga Ukraine ayaa sheegay inay “dagaal xooggan” kula jiraan ciidamada Ruushka, jiinka magaalada koonfureed ee Mykolayiv, taasi oo ku taalla waddo gasha dekedda ugu weyn dalkaas ee Odessa.

    – Chernihiv oo si xun loo garaacay –

    Tobaneeyo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay dagaalka magaalada Chernihiv ee ku taalla waqooyiga Ukraine. Qaar ka mid ah dadka badbaaday ayaa ku nool godad ama burburka daaraha hoostooda.

    – Garoon diyaaradeed la burburiyey –

    Gantaallada Ruushka ayaa burburiyey garoonka diyaaradaha Vinnytsia ee bartamaha dalka Ukraine, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaas Volodymyr Zelensky.

    – Ruushka oo xadiday iibka cuntada aas-aasiga ah –

    Dukaanada ku yaalla Ruushka ayaa lagu amray inay xadidaan iibka cuntada quutul daruuriga ah si looga hortago warar ku saabsan suuq madow, xilli cunaqabateenada Reer Galbeedka ay saameyn yeesheen.

    – Kremlin-ka xoo iray kumanaan qof –

    Kumanaan qof oo dheeri ah ayaa lagu xiray qeybo kala duwan oo ka mid ah dalka Ruushka kadib markii ay ka qeyb-galeen dibad-baxyo looga soo horjeedo dagaalka, taasi oo tirada guud ee dadka la xiray ka dhigeysa 11,000 oo qof, tan iyo markii uu billowday duulaanka.

    – Putin: Waxaan ku guuleysan doonnaa wada-hadal ama dagaal –

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu ku guuleysan doono hadafkiisa Ukraine “ayada oo loo marayo wada-xaajood ama dagaal.”

    – Diyaaradaha dagaalka Reer Galbeedka –

    Dowladda Mareykanka ayaa u fasaxeysa Poland inay Kyiv siiso diyaarado dagaal. Moscow ayaa ka digtay in taasi ay xubno ka mid ah NATO soo gelineyso dagaalka.

    – Cunaqabateyn dhanka tamarta ah –

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Reer Galbeedka ay wada-hadallo “aad u firfircoon” ka leeyihiin cunaqabateyn la saaro saliidda Ruushka. Qiimaha saliida cayriin ee suuqyada caalamka ayaa gaaray $140 halkii barmiil, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey abid.

    – Xayiraad dhanka Credit Cards-ka ah –

    Shirkadaha soo saara kaararka bankiyada ee Creidt Cards-ka ee Visa, Mastercard iyo American Express, oo dhammaantood laga leeyahay Mareykanka, ayaa joojiyey ganacsigoodii Ruushka. Bankiyada Ruushka ayaa sheegay inay adeegsan doonaan kaararka shirkadda UnionPay ee Shiinaha.

    – Cabsi Nukliyeer –

    Faransiiska ayaa ku dhowaaqay inay kaniiniyada iodine iyo sahay kale oo caafimaad u diri doonaan Ukraine. Waxaa loo adeegsadaa ka hortagga saameynta ka dhalata shucaaca sunta Nukliyeerka.

    – Guuto dagaal oo caalami ah –

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Ukriane Dmytro Kuleba ayaa sheegay in 20,000 oo ah dagaal-yahano caalami oo mutadawiciin ah ay ku biireen dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka, kuwaas oo badankood ka yimid Yurub.

    – Shirkado Teknoolaji oo baxay –

    Shirkadda Netflix ayaa hakisay adeegeedii Ruushka, halka shirkadda baraha bulshada ee TikTok ay xanibtay in muuqaal Video ah laga soo geliyo dalka Ruushka, kadib markii xeer faafreeb oo cusub uu dhaqan galay.

    Warbaahin caalami ah oo ay ku jiraan CBC, ARD, ZDF, Bloomberg News, CNN, CBS, RAI iyo EFE ayaa hakiyey inay kasoo warramaan Ruushka kadib markii Moscow ay xabsi ugu hanjabtay warbaahinta ka warrameysa dagaalka.

    Qaran News


  14. Dhuusamareeb (Caasimada Onlie) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay weerar ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna.

    Ciidamada Ahlu Sunna ayaa weerarkaan ku dilay Laba Askari oo ka tirsan ciidamada Gorgor oo ay horey halkaas u geysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Wararka la helayo ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ka tirsan yihiin xoogaga Ahlusunna, isla markaana weerarka kadib ay horay usii qaateen Gaari Cabdi Bille ah oo ay la aadeen dhinaca degaanka Bohol.

    Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Galmudug, Gaariga Cabdi Billaha ah ayaa markii hore laga soo qaatay xoogaga Ahlu Sunna balse dib ayey ula wareegeen, iyaga oo dilay qaar kamid ah askartii wadatay Gaariga.

    Afhayeenka Maamulka Caasimadda Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad Sanka ayaa sheegay in Dilka askarta qaranka ee ka dhacay Dhuusamareeb uu yahay mid argagixiso lagu yaqaanay kooxda Al-Shabaab.

    ” Ciidanka amniga Dhuusamareeb oo ka jawaabaya falkaan foosha xun ayaa ku howlan soo qabashada kooxdan arxanka daran, cid walba oo qeyb ka ah ama wax ka fududaysayna sharciga ayaa la horkeeni insha’allah. Qiil dambe maharin iyo diintoo lagu qaraabtaaye”  ayuu ku yiri qoraal uu shaaciyay afhayeenka.

    laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaan weli faah faahin ka bixin falka dilka Askarta Maalinta cad loogu geystay Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug.

    Ciidamada Ahlu Sunna oo dagaal looga soo saaray Magaalada Guriceel ayaa saldhig weyn ka sameystay gudaha deegaanka Bohol oo aan sidaas uga fogeyn Dhuusamareeb.

    The post Ciidamada Ahlu Sunna oo weerar ay ku qabasadeen gaari dagaal kusoo qaaday Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.


  15. Wax ka ogow inta jeer ee lagu sigtay in la rido Hubka Nukliyeerka

    Madax nukliyeer

    Todobaadkii ugu horreeyay ee duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, ayaa Madaxweyne Vladimir Putin waxa uu sare u qaaday walaaca laga qabo in caalamka uu ka dhaco dagaal loo adeegsado hubka wax gumaada ee nukliyeerka. Waxa uu ciidanka qaabilsan hubkaas ku amray inay galaan heegan sare.

    Haddaba ma ahayn markii ugu horreysay ee uu caalamka wajaho khatar noocaas ah, ama khalad bani’aadan uu sabab u noqon gaaro dagaalka saddexaad ee dunida.

    Habeennimadii 25-kii October 1962, khalad ka dhacay askari ilaalo ka ah saldhiggii ciidanka ee Duluth ayaa horseedi gaaray in Maraykanka uu isticmaalo hubkiisa nukliyeerka. Askariga ayaa rasaas digniin ah iyo qeylo dhaan isugu daray wax ugu muuqday qof doonaya inuu ka soo tallaabo gidaarka xarunta.

    Qof kale oo ku sugnaa xarunta ciidanka cirka ee Volk Field, oo u dhawaa saldhigga ayaa abuuray xaalad degdeg ah, waxaana durbadiiba la diyaariyay diyaaradaha xambaara hubka nukliyeerka ee uu leeyahay Maraykanka.

    Waxaa xilligaas meel adag maraysay xiisaddii ka dhalatay gantaallada Cuba. 11 maalmood ka horna, diyaarad basaasnimo oo uu Maraykanka leeyahay ayaa sawirro ka qaaday qalabka gantaallada rida oo uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba, taasoo loo fasiray inuu diyaar u yahay duullaan ka dhan ah Washington.

    Ilaalada saldhiggii Duluth ayaa markii dambe ogaaday waxa xaaladda abuuray in aanu ahayn qof ku soo xadgudubay ee uu ahaa bahal nooca loo yaqaan di’bi.

    Taliyihii saldhigga ciidan ee Volk Field ayaa ku amray duuliyayaasha inay demiyaan diyaaradaha dagaalka ee diyaarka u ahaa inay kacaan.

    Sidoo kale, sanadkii 1958 diyaarad ayaa si lama filaan ah bambo nukliyeer ah ay uga fakatay deyrka dambe ee guri la degan yahay. Nasiib wanaag, ma uusan qarxin bamka, cidna waxba kuma noqon.

    25-kii January 1995, Madaxweynihii Ruushka ee xilligaas Boris Yeltsin ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay caalamka ee fura “shandada nukliyeerka” oo ay ku jiraan xogta isticmaalka hubkaas wax gumaada.

    Shaqaalaha raadaarka Ruushka ayaa ogaaday in gantaal laga soo riday xeebta Norway. Durbadiiba Yeltsin ayaa talo-geliyay saraakiisha ugu saraysa ciidankiisa si uu uga jawaabta gantaalkaasi u muuqday inuu ku wajahan yahay Ruushka, balse daqiiqado kadib ayaa la ogaaday inuu u jihaystay badda oo uusan khatar ku ahayn Ruushka.

    Markii dambe waxaa la ogaaday in gantaalka uu ahaa mid sahan cilmi-baaris loo ganay. Mas’uuliyiinta Norway ayaa la yaabay khatarta ay horseedi gaareen, walow ganidda gantaalka la shaaciyay bil ka hor xilligaas.

    “Taasi waxa ay horseedi kartay in si aan ula kac ahayn uu u bilowdo dagaal nukliyeer ah. Mar haddii la rido gantaal nukliyeer ah, ma jirto qaab looga daba tegi karo ama xitaa lagu burburin karo,” ayuu yiri William Perry oo ahaa xoghahaya arrimaha dibedda ee xukuumaddii Bill Clinton.

    Qaabka uu u dhici karo weerar nukliyeer ah

    Xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa ee dunida, waxaa la hirgeliyay nidaam lagu ogaan karo marka la gano gantaal xambaara hubka nukliyeerka.

    Maraykanka ayaa leh dayax gacmeedyo heegan ugu jira in markasta ay ogaadaan isticmaalka hubka nukliyeerka. Waxaa kamid ah afar si joogta ah u dul meera dhulka.

    Si loo ogaado halka uu ku beegan yahay gantaalka iyo xawaaraha uu ku socdo, waxa uu Maraykanka diyaarsaday raadaaro aqoonsan kara xawaaraha iyo halka uu ku beegan yahay gantaalka.

    “Marka la xaqiijiyo in gantaalka uu soo baxay, waxaa lagu wargeliyaa Madaxweynaha Maraykanka, oo daqiiqado gudahood ku go’aansada qaabka uu uga falcelinayo weerarkaas,” ayuu yiri Perry.

    Cillad Tiknoolajiyad

    Khalad ka dhasha isticmaalka hubka nukliyeerka ayaa waxa uu ka dhalan kara cillad farsamo ama mid bani’aadan (ama labada oo is biirsaday). Sanadkii 1980, waxaa dhacday cillad tiknoolajiyadeed oo horseedi gaartay dagaal nukliyeer la isu adeegsado.

    Perry ayaa sheegay in saqda dhexe laga soo wacay taliska xafiiska ilaaliya hawada Maraykanka, isla markaana loo sheegay in kombiyuutarradooda ay muujinayaan 200 oo gantaal oo uu Midowga Soofiyeet ku soo ganay Maraykanka. Daqiiqado kadib ayaa la ogaaday in aysan jirin gantaallo lagu soo weerarray Maraykanka, balse ay ahayd cillad dhanka tiknoolajiyadda ah.

    “Ka hor inta aan la i soo wicin, waxa ay la hadleen xafiiska Madaweynaha, oo la taliyihiisa amniga qaranka ayaa ku dhawaa inuu hursada ka kiciyo Madaxweyne Carter. Balse durbadiiba waxaa la ogaaday in kombiyuutarta uu cilladeysnaa,” ayuu yiri Perry.

    Haddii Madaxweynaha la kicin lahaa, waxaa dhab ah in ay horseedi lahayd in Maraykanka uu ka jawaabo gantaallo aan jirin, sidaana uu ku billaaban lahaa dagaal lagu hoobto.

    Shandada nukliyeerka

    Madaxweynaha Maraykanka

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa awood u leh inuu amro weerar nukliyeer ah, mana jirto cid uu u baahan yahay inuu kala tashado. Markasta oo uu Madaxweynaha Maraykanka dibedda u safro, waxaa la socda kaaliye u sida “shandada nukliyeer.” Hase yeeshee, waxaa jirta dood xooggan oo ku aaddan in hubkaas khatarta aan lagu aamini karin qof gaar ah oo ay xaalad adag la soo darsi karto mararka qaar.

    August 1974, Madaxweyne Richard Nixon waxaa loo haystay fadeexaddii Watergate, isagoo noqday qof madluun ah oo dabcigiisu isbadalay. Sidaa oo ay tahay, lagama qaadin awoodda ah inuu adeegsan karo hubka nukliyeerka.

    Qaabka looga hortagi karo musiibo nukliyeer

    William Perry ayaa sanadkii 2020 wax ka qoray buug cinwaankiisu yahay The Button: The New Nuclear Arms Race and Presidential Power from Truman to Trump oo looga hadlayo khatarta uu leeyahay hubka nukliyeerka. Waxyaabaha ay ku taliyeen dadka buuggaas qoray ayaa waxaa kamid ah:

    In la joojiyo amarka uu bixinayo halka qof, ee go’aanka isticmaalka hubka wax gumaada uu noqdo mid si dimuqraadi ah lagu gaaro. Maraykanka oo kale, taasi ayaa ka dhigan in Congress-ka uu u codeeyo isticmaalka nukliyeerka.

    Tan labaad ayaa ah in dalalka haysta hubkaas ay ballanqaadaan in aysan cidna ku weerarri doonin, balse ay isticmaali doonaan marka lagu weerarro oo keliya. Shiinaha ayaa leh siyaasad noocaas ah, balse waxaa ka duwan Maraykanka iyo Ruushka oo xitaa ku isticmaali kara dagaallada caadiga ah.

    Ugu dambey, waxa ay qorayaasha buugga ku taliyeen in dalalka ay burburiyaan gantaallada ballistic-ga ee qaraadaha isaga goosha, maadaama ay inta badan yihiin kuwa qaada hubka nukliyeerka.

    Qaab kale oo la soo jeediyaya ayaa ah in la helo sifo lagu joojin karo gantaal nukliyeer sida oo la ganay si musiibo looga baaqsado haddii la ogaado in khalad uu dhacay.

    Qaran News


  16. Nin ka soo cararay Colaadda Suuriya oo duqeynta Ruushku uga daba timi Ukraine

    Halka ay duqeymaha uga gabbadaan Cumar iyo xaaskiisa
    Halka ay duqeymaha uga gabbadaan Cumar iyo xaaskiisa

    Markii uu Ruushka billaabay duqeynta caasimadda Kyiv ee dalka Ukraine, Cumar ayaa xusuustay muragadii iyo calool xumadii ee uga soo cararay dalkiisa Suuriya.

    Waxa uu ka mid ahaa malaayiinta Suuriyaanka ah ee ka soo cararay dagaalka 11-ka sano ka socday dalkooda si ay noolal cusub uga sameystaan Yurub.

    Afar bilood ee keliya ayuu xaaskiisa Irina kula noolaa caasimadda Kyiv. Waxa ay sameysteen shirkad qaabilsan qurxinta guryaha, ganacsigooduna meel fiican ayuu u marayay ka hor inta uusan billaaban duullaanka Ruushka.

    “Sideed qarax oo xooggan ayaa gilgilay albaabada iyo dariishadaha gurigeenna,” ayu Cumar u sheegay BBC. Duqeyntaas ayaa qeyb ka ahayd duullaanka cirka, dhulka iyo badda isugu jira ee uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

    Cumar ayaa markaas go’aansaday inuu ka faa’iideysto khibradii uu ka soo helay dagaalka Suuriya.

    Waxa uu sheegay in duqeyntaas kadib ay isaga iyo xaaskiisa soo iibsadaan keyd ballaaran oo isugu jira raashin iyo qalabka kontada, balse ay saacado badan ku qaadatay maadaama ay dadka ku xoomeen dukaammada.

    Gabbaadka Duqeymaha

    Lammaanaha ayaa ka dhigay qeybta hoose ee gurigooda gabbaad ay uga badbaadaan duqeymaha xooggan ee uu Ruuska ku hayo agagaarka caasimadda Kyiv.

    Waxa ay goobtaas oo loogu talo galay in lagu keydiyo waxyaabaha loo isticmaalo guriga u bedaleen hooy, waxaana u yaalla cunno iyo biyo ku filan.

    Waa goob aan si wanaagsan loogu noolaan karin, balse ay dantu badday, maadaama duqeymaha Ruushka ay xilli kasta dhici karaan – habeen iyo maalin ba.

    “Waan cabsanay, kadib markii aan aragnay waxa uu Ruushku ka sameeyay magaalooyinka uu qabsaday sida Kharkhiv. Waxaan telefishinnada ka daawannay in bartimaaleedka ciidamada Ruushka aanay ku koobnayn milateriga ee ay xitaa beegsanayeen dadka rayidka ah,” ayuu Cumar u sheegay BBC.

    Magaalada Kharkiv oo ah tan labaad ee ugu weyn Ukraine ayaa waxa ay bartilmaameed xooggan u ahayd Ruushka, oo duqeyb ku billaabay maalintii koobaad ee duullaanka oo ahayd 24-kii February.

    Maalintii 6-aad ee duullaanka, Ruushka ayaa duqeymihiisa ku beegsaday bartamaha Kharkhiv, halkaas oo ay ku yaallaan tiyaatarka ugu weyn magaalada iyo weliba xafiisyada dowladda.

    Maamulka magaalada ayaa xilligaas sheegay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen duqeymahaas, 35 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Duqeymaha Ruushka ee Xalab, Suuriya
    Duqeymaha Ruushka ee Xalab, Suuriya.

    Dagaalka Suuriya

    Cumar ayaa Suuriya uga soo cararay dagaalka sokeeye iyo duqeymaha uu dalkiisa ka fulin jiray Ruushka oo taageero siinaya Bashar Al-Asad, kadib dagaalka billowday 2015.

    Asad ayaa ku badbaaday kaalmada milateri ee uu ka helay Ruushka, Iran iyo ururka Xisbullah, kuwaas oo dhammaantood saldhigyo ciidan ka samaystay gudaha dalkaas.

    “Waan ogahay oo horay ayaan u arkay arxan darrada iyo cadaawadda duullaanka Ruushka,” ayuu Cumar u sheegay BBC.

    Ugu yaraan 12,000 oo carruur ah ayaa ku dhimatay ama ku dhaawacmay dagaalka Suuriya, sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhallaanka ee Unicef.

    Ururka Violations Documentation Centre oo diiwaangeliya tacaddiyada ka dhaca goobaha dagaalka ayaa sheegay in wixii ka horreeyay December 2020 uu diiwaangeliyay 226,374 dhimasho uu dagaalka sababay, ayna kamid yihiin 135,634 qof oo rayid ah.

    Qaran News


  17. Xulashada dadban ee Soomaaliya ka socotay ayaa mareysa heer gebogabo ah, iyada oo ilaa hadda la xulay golaha shacabka xildhibaanno gaaraya 213(77%), tiradaasi waxaa mar kale soo noqday ilaa 69 xubin halka ay cusub yihiin 144 xildhibaan.

    Somaliland iyo Banaadir ayaa dhameystiray xulashada halka  Galmudug oo ku xigta ay xushay 31(84%) xildhibaan, waxayna maamullada kale u kala xuleen: Koonfur galbeed 56(81%), Hirshabelle 21(56%0 iyo Jubbaland 23(53%).

    Qoondada haweenka ayaa sanadkan aad u liidata, iyada oo ilaa hadda la xulay 43 xildhibaan oo u dhiganta (20%) hal ay raggu qaateen 170 xildhibaan oo ah (80%), rajoweyna lagama qabo inta dhimman.

    Xulashada socota ayey shacabka ka muujiyeen niyadjab, waana middii ugu musuqa badneyd tan iyo 1969-kii, iyada oo marka lacagta baxeysa laga soo tago ay soo baxeen magaca xulasho, kursi xiran, hebel ama heblaayo ayaa la siiyey, maamulka ayaa wato iyo arrimo kale.

    Yaa Xulashada Kusoo Baxay, Yaase La Ceyriyey:

    Somaliland ama goboolada waqooyi, waxaa xildhibaannida waayey Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Xuseen Carab Ciise , Maxamed Cumar Carte iyo qaar kale halka ay kusoo biireen golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Mahdi Maxamed Guuleed oo ra’isul wasaare ku xigeen ahaa iyo xildhibaanno kale oo ku dhowaad 10 ay yihiin shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka ah iyo xubno amniga ka shaqeeya.

    Puntland: Maamulka Puntland oo ah maamulka mucaarad ku ah Farmaajo, waxaa uu ceyriyey xildhibaannadii Nabad iyo Nolol sida  Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Saadaq Xirsi Warfaa, Jamaal Maxamed Xasan, Maxamuud Xayir Ibraahim isaga oo taa badalkeeda soo saaray xubno ka tirsan golaha wasiirada ama xildhibaannada Puntland iyo shaqaalaha dowladda sida Cabdullaahi Xasan Rooble, Bashiir Cabdi Ameerika, Fardowsa Cismaan Cigaal, Xirsi Jaamac Gaani, Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan), Daa’uud Cabdikarim Sheekh Cumar, Maxamed  Faarax Nuux iyo qaar kale.

    Galmudug: Maamulka Galmudug oo gacansaar la leh regime-ka Farmaajo ayaa waxaa ka dhacday xulasho, musuq iyo kutakrifal awood, iyada oo xubinnimadii golaha shacabka ay waayeen xildhibaanno Mucaarad ahaa iyo qaar muxaafid ahaa oo beelaha ay iska diideen in dib loo doorto.

    Xildhibaannada golaha laga saaray waxaa ka mid aha: Cabdullaahi Gaafow Maxamuud, Ubax Tahiil, Xasan Macallin Maxamuud Sh. Cali, Cabdiweli Maxamed Qanyare, Maryan Cariif Qaasim, Cabdi Shire Jaamac iyo Saciid Nuur Qayliye “Siciid Giriish”.

    Dhanka kale, xildhibaannada cusub ee kasoo baxay Galamudug waxaa u badan ciidan sida:  Maxamed Abuubakar Cali(Jacfar), Cabdullahi Aadan Kulane(Jiis), Dayax Axmed Cumar, Saadaq Cumar Xasan iyo qaar kale

    Hirshabelle: Maamulka Hirshabelle waa maamulka ilaa iyo hadda ugu fiican maamul goboleedyada, waxaa xildhibaannada aan soo noqon ka mid ah Cabdullaahi Colaad Rooble, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyada oo inta badan Cali Guudlaawe oo ah madaxweynaha maamulka uu qanciyey beelaha, laakin dadka soo baxay ee cusub waxaa ku jira qaar ciidan ah ama gacansaar la leh Farmaajo sida Fahad Yaasiin Xaaji iyo Maxamed Deeq Barre Cumar.

    Koonfur Galbeed: Maamulka Cabdicasis Laftagareen ee Koonfur galbeed ayaa sameeyey isbadaladii ugu badnaa, Baydhabo oo gacansaar la leh Regime-ka Farmaajo ayaa xataa ceyrisay xildhibaano aaminsanaa Farmaajo. Dadka aan soo laaban waxaa ugu caansan: Idiris Cabdi Taqtar, Cabdirashiid Maxamed Axmed, Maxamed Cumar Dhalxa, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, Cabdiweli Ibraahim Sh. Muudey, Ibraahim Isaaq Yarow, Xasan Cali Maxamed (Amar dambe), Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr. Go), Shariif Sheekhunaa Maye, Maxamed Nuuraani Bakar, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi), SH. Shaacir Sheekh Maxamed Xasan  iyo qaar kale.

    Koonfur galbeed dadka xildhibaannada cusub helay waxaa ay u badan yihiin qaraabada iyo xididka Cabdicasiis Laftagareen, wasiirro xukuumadiisa ah iyo xubno baarlamaanka Koonfur galbeed, guddoomiyihii baarlamaanka maamulka, xubno ka tirsan NISA, farsamayaqaanno iyo qaar aan aqoon laheyn,

    Jubbaland: Dhanka Jubnbaland inkasta oo aan wax badan la dooran hadana dadka uu Axmed Madoobe saaray waxaa ka mid ah Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, C/qaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi), Maxamed Xasan Idiris iyo qaar kale isaga oo keenay wasiirro Jubbaland ah iyo siyaasiyiin maamulka gacansaar la leh sida Cabdinuur Cali Aadan, Cabdirashiid Jire Qalinle, Saadaq Cabdullahi Cabdi, Dr. Siciid Maxamed Cali, Cabaas Cali Ibraahim, Cumar Ibraahim Xaashi, Xasan Xuseen Maxamed iyo Xamza Cabdi Barre.

    Inta ay socotay xulashada, waxaa soo batay cabashada dad Farmaajo horay u taageersanaa oo xilal ka waayey maamuulo gacansaar la lahaa Regime-ka sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyaga oo qaarkood ay la wadaageen shacabka Soomaaliyeed shalayto, taasi oo cabsigelin ku abuureysa haddii ay jiraa qaar weli taabacsan Farmaajo, mugdina gelineysa rajadii uu madaxweynaha hore ka qabay inuu dib usoo noqdo 2022-ka.

    W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

    Source: goobjoog.com