Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa ugu horeyn fariin dardaaran ah oo doorashada la xariirta u diray xildhibaanada Soomaaliya, isagoo weeraray siyaasadaha Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii hore Xasan Cali Kheyre.

    Waare oo wareysi siiyey TV-ga Goobjoog ayaa xildhibaanada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dalka codkooda ku badbaadiyaan maanta, “War xildhibaanow yaan laguugu mashquulin sandareertada iyo waxyaabaha beenta ah ee maalmaha doorashada, ee dalkaan si mustaqbalkiisa loo badbaadiyo wado fiican noo saara,” ayuu yiri Waare.

    Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa aad u naqdiyey siyaasadii ay dalka ku soo maamuleen Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, isagoo tusaale u soo qaatay, dhibistii Qalbi-dhagax, tacadiyadii kale ee dowladnimada Soomaaliya ay ugu geysteen ONLF iyo weerarkii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur dadka looga dilay.

    “Waayahaan waxaan arkaa Farmaajo iyo Kheyre oo la kala wado, war Farmaajo waa Kheyre, Kheyrana waa Farmaajo, cid kala saari karta ma jirto ragaas, Ilaahey hana dhaafiyo labadaas,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

    Wuxuu intaas ku sii daray in gabood-fallada iyo talo xumadii uu ku sifoobay xukunkii Farmaajo uu Kheyre leeyahay eeda ugu badan, maadaama uu ahaa madaxii xukuumadda, sidoo kale markii uu Kheyre ku soo biiray golihii midowga musharaxiinta ayuu Waare sheegay inuu aad iga xumaaday.

    “Midowga Musharaxiinta markii ay aqbaleen in Kheyre uu ku soo biro, waxay direen fariin ah Farmaajo waxaan ula dirireynaa arrimo qabiil iyo kursiga, waxyaabaha qaar ee hadda Farmaajo loo heysto, waxaa geystay Xasan Cali Kheyre,” ayuu yiri Waare.

    Maxamed Cabdi Waare ayaa ilaahey ka baryey in shan sano oo Farmaajo soo xukumayey Soomaaliya, uusan noogu darin afar sano oo Xasan Cali Kheyre ah. Isagoo yiri, “Naxariista Alle kama aanaa rijo dhigin, si kasta oo aan isku dulminay, Soomaaliya maanta ma qaadi karto talo xumada Kheyre ee Allow na dhaafi.”

    Hoos ka daawo

    The post Daawo: Waare oo ka digay halista xooggan ee musharax Xasan Cali Kheyre appeared first on Caasimada Online.


  2. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho kula  kulmay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sacdiyo Yaasiin Xaaji.

    Kulanka ayaa waxaa inta badan looga hadlay  u diyaar garowga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maalmo kooban ka harsan tahay waqtiga loo asteeyay doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda.

    Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Labada Aqal u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday, waxaana lagu 15-ka May in Baarlamaanku doorto madaxweynaha dalka.

    Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa qabanqaabadii ugu dambeysay ee ku aadan doorashada madaxweynaha, waxaana maalinta barri musharraxiintu jeedin doonaan barnaamijkooda doorasho.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  3. Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay in howlgal laga sameeyay Jubbaland lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kale lagu qabtay kuwa kale sida ay hadalka u dhigeen taliska ciidanka Danab.

    Howlgalkaan ayaa waxaa laga fuliyey deegaan Ceelcadde oo 30 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul goboleedka Jubbaland, waxaana sarkaal u hadlay uu sheegay in deegaan lagu dilay 11 Al-shabaab ah.

    Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab Carab dheeg Axmed oo howlgalka hoggaaminayey ayaa xusay in sidoo kale laga furtay saanad hubka kiisa fudud ah.

    Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ay ka sameeyaan inta badan deegaanno kala duwan oo dalka ah, waxaana mararka qaar dagaal ay kala kulmaan xoogagga Al-shabaab.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyey jadwalka khudbadaha musharixiinta oo billaabaneysa maalinta berri oo ku beegan 11-ka May kuna eg 12-ka May.

    Jadwalka khudbadaha ayaa waxaa musharixiinta loo kala hormariyey sida ay u kala horreeyaan xuruufta A Illaa Z, ee English-ka, waxaana musharax walba la siiyey 15 daqiiqo oo laga rabo inuu kusoo koobo khudbadiisa.

    Waxaa maalinta ugu horeyso hadal jeedin doono 20 kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya halka maalinta labaadna ay jeedin doonaan 19 kale.

    Kulanka baarlamaanka oo Berri furmi doono saacadda 10:00AM ayaa waxaa khudbadda koowaad leh Cabdi Aadan Hoosow halka khudbadda ugu dambeyso la siiyey Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

    Sidoo kale, xubnaha miisaanka leh ee maalinta Koowaad khudbeyn doono ayaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn loo sugayo khudbadiisa kaasoo shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa mucaaradkii ugu weynaa ee Farmaajo.

    Musharixiinta ugu miisaanka culus sida madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif iyo guddoomiyihii hore ee Gobolka BanaadirThaabit Cabdi Maxamed ayaa waxay khudbadda leeyihiin maalinta Labaad ee 12-ka May.

    Guddiga ayaa ka dalbaday Musharraxiinta in ay ilaaliyaan Jadwalka doorashada, islamarkaana ay soo xaadiraan xilligii loogu tala galay.

    Halkaan hoose ka akhriso jadwalka oo dhameystiran

    280025680_10227548101318339_150202458821 280291379_10227548101198336_851705682287

    The post Guddiga doorashada oo shaaciyey liiska khudbad jeedinta musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.


  5. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afasiyooni oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha.
    Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya. Saraakiisha ayaa la faray in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda.
    Amniga guud ee goobta hadaljeedinta ee Teendhada Afisyooni ayaa waxaa lagu wareejiyay taliska nabad ilaalinta ATMIS, waxaana la shaqeyn doona qaar kamid ah ciidamada amniga booliiska federalka, waxaana maalinta barri toos u bilaabanaysa hadaljeedinta musharraxiinta madaxweynaha 10-aad.
    Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan,  wuxuuna amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah laama kala duwan ee amniga xarunta.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  6. Soddon iyo sagaal (39) musharax oo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya ayaa ka qaybgelaya doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

    Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa goordhaweyd soo gabagabeeyay diiwaangelinta mushuraxiinta oo saddex maalmood socotay, waxaana is-diiwaangeliyay 39 musharax oo ay ku jiraan madaxweyneyaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore.

    Ra’iisul Wasaareyaashii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cali Maxamed Geedi oo la filayay in ay ka mid noqdaan musharaxiinta ayaa ka soo muuqan liiska.

    Musharaxiinta ayaa labada maalmood ee soo socota (11-12 May) jeedin doona khudbadahooda, halka 15-ka May tahay maalinta ay dhacayso doorashada Madaxweynaha.

    Hoos ka akhriso liiska musharaxiinta iyo hadal jeedintooda.

    1. Cabdi Aadan Hoosow
    2. Cabdi Cali Xasan
    3. Cabdi Maxamed Kuusow
    4. Cabdikariim Xuseen Guuleed
    5. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed
    6. Cabdinuur Sheekh Maxamed Maxamuud
    7. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
    8. Cabdiraxmaan Macallin Axmed (Ablaal)
    9. Cabdiraxmaam Maxamed Cabdi Xaashi
    10. Cabdiqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn).
    11. Cabdiqaadir Cosoble Cali
    12. Cabdiqaadir Sheekh Cali (Baqsaadi)
    13. Cabdullaahi Cali Axmed (Caddoow Cali Gees)
    14. Cabullaahi Cali Xasan
    15. Abuukar Aadan Cabdulle
    16. Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)
    17. Bashiir Xaaji Cali
    18. Daahir Maxamuud Geelle
    19. Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan
    20. Xasan Cali Khayre
    21. Xasan Sheekh Maxamuud
    22. Xuseen Cabdi Nuunow
    23. Jamaal Axmed Ibraahim (Tifoow)
    24. Jibriil Ibraahim Cabdulle
    25. Mahad Axmed Diiriye
    26. Maxamed Cabdiraxmaan Cali
    27. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
    28. Maxamed Aamiin Faarax
    29. Maxamuud Daahir Aweys
    30. Mukhtaar Maxamed Sayid
    31. Nucmaan Sheekh Cumar
    32. Cumar Cabdiqaadir Axmed Fiqi
    33. Cismaan Xasan Weheliye (Xasan Bariise)
    34. Ridwaa Xirsi Maxamed
    35. Siciid Ciise Maxamuud
    36. Siciid Cabullaahi Maxamed (Deni)
    37. Shariif Sheekh Axmed
    38. Taabit Cabdi Maxamed
    39. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

    FB_IMG_16521936553765638.jpg?resize=720% FB_IMG_16521936579153654.jpg?resize=720%

    PUNTLAND POST

    The post 39 musharax oo ka qaybgelaya tartanka Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay, kadib saddex maalin oo xiriir ah oo ay socotay, waxaana shahaadada musharaxnimada qaatay 39 musharax.

    Xubnaha maanta shahaadada qaatay waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni), musharrax Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, musharrax Maxamed Amiin Faarax iyo musharixiin kale.

    Diiwaangelinta musharaxiinta oo 8-dii bishaan ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

    Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa sidoo kale maanta musharaxiinta ka dalbaday inay u soo gudbiyaan illaa 400 oo nuqul oo daabacan oo ka mid ah barnaamijkooda doorashada iyo weliba nuqul Electronic ah.

    Sidoo kale waxaa maalinta berri ah lagu wadaa inay si rasmi ah u billaabato hadal jeedinta musharrixiinta, waxaana ugu dambayn 15-ka May la qaban doonaa doorashada, sida uu qorshuhu yahay haddii uusan ku imaan isbedel lama filaan ah.

    Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer deg-deg ah oo indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afisyoone.

    Teendhada Afisyoone ayaa waxa ka socota qaban-qaabada doorashada madaxweynaha, taasi oo qorshuhu yahay inay ka dhacdo halkaas 15-ka bishaan May.

    Sidoo kale waxaa halkaas ka bilaaban doonta maalinta berri ah hadal jeedinta musharaxiinta madaxweyne, kuwaasi oo kor u dhaafaya soddomeeyo.

    Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afisyoone kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.

    Waxa uu faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha, oo ay ugu dhacdo si nabdoon.

    The post Diiwaangelinta musharaxiinta madaxweyne oo lasoo gaba-gabeeyay iyo tirada guud appeared first on Caasimada Online.


  8. Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa shaaciyay liiska kala horaynta hadaljeedinta musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

    Khudbadaha musharixiinta madaxweynaha ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka bilaabato xarunta afisyooni ee xalane.

    Hadaljeedinta musharixiinta oo soconaysa laba maalin ayaa loo qorsheeyay in ay 20 musharax oo kamid ah 39 musharax oo isdiiwaangeliyay, halka maalinta labaad ay khudbadahooda jeedinayaan 19 musharax.

     

    279669124_323921629925703_41884800600638 280369483_323921619925704_50240640824642

    Source: goobjoog.com


  9. M/weyne Muuse Biixi oo booqday Xarunta dhexe Xisbiga Kulmiye .

     kulmiye.jpg
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shirguddoomiyey kulan ballaadhan oo ay maanta yeesheen guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE.
    Shirkan oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida fulintu, xubnaha guddida iyo guud ahaanba saraakiisha KULMIYE ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay hawlaha xisbiga u wadaan, isaga oo hogo-tusaaleeyey hawlaha u yaalla iyo sida loogu baahan yahay in la dardargeliyo arrimaha xisbiga.
    Ajendeyaasha shirka guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa markii ay soo dhammaatay waxa faahfaahiyey wasiirka arrimaha gudaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu sharraxay qodobbada shirka diiradda lagu saaray, waxana uu yidhi,“shirku waxa uu yahay fadhiyadii caadiga ahaa ee guddiga fulinta ee xisbiga, waxyaabihii lagaga hadlayna waxa kamid ah in laga arrinsanayey sidii uu xisbigu isugu iman lahaa ee 20-guuradiisa ugu debbaal degi lahaa 22-ka bishan May oo uu labaatan jirsanayo.”
    Waxyaabaha kale ee shirka lagaga hadlay waxa kamid ahaa sidii uu xisbigu ugu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka ururrada iyo axsaabta ee dalka kusoo foolka leh iyo hawlaha caadiga ah ee xisbigu leeyahay, “Waxa kale oo uu xisbigu ka hadlayey sidii loogu diyaargaroobi lahaa arrimaha caadiga ah ee xisbiga, dib u habayntooda, dardargelintooda iyo dib u eegista qorsheyaasha xisbiga iyo qaab-dhismeedkiisa, waxa kale oo xisbigu u diyaargaroobayey sidii xisbigu ugu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka ururrada iyo xisbiyada dalka oo foodda inagu soo haysa,”ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin Axmed.
    Shirka guddida fulinta ee xisbigu saaka yeeshay waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
    Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu shirar la yeeshay garabbada haweenka ee xisbiga oo ku sugnaa xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE.

    Qaran News


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bandow lagu soo rogay xerada ciidamada cirka ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow kadib qoraal kasoo baxay Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS).

    ATMIS ayaa qoraalka kasoo baxay ku sheegtay in kadib wada-tashi ay la yeelatay gudodomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe go’aan lagu gaaray in bandow lagu soo rogo xerada iyo meelaha ku dhow dhow maadaama ay halkaas ka dhaceyso 15-ka Bishaan doorashada madaxweynaha ee Soomaaliya.

    War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu shaaciyay in bandow lau soo rogayo xerada Ciidamada cirka ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow laga bilaabo Maanta oo taariikhdu tahay 10-ka May  illaa 17- ka Bisha.

    Go’aanka kasoo baxay ATMIS ayaa imaanayo Maalin kadib markii guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ay kawada hadleen sugida ammaanka doorashada.

    Guddoonka Baarlamaanka iyo guddiga doorashada ayaa ku heshiiyey in guud ahaan amniga goobta doorashada ka dhaceyso lagu wareejiyo ciidamada ATMIS.

    Guddiga doorashada oo soo saaray qoraal 3 bog ka kooban oo lagu faahfaahiyey qaabka loo sugayo amniga doorashada oo gebi ahaanba lagu wareejiyey ciidamada ATMIS ee midowga Africa ayaa doorka ciidamada Soomaaliya lagu soo koobay 25 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska oo sugi doono gudaha Tendhada ay doorashada ka dhaceyso.

    Musharixiinta madaxweynaha ayaa kaliya loo ogolaaday hal qof oo codka u tiriyo, halka musharixiinta madaxweynayaasha horey usoo noqday loo ogolaaday 2 Qof, madaxweynaha muddo xileedkiisa sharciga ah uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna loo ogolaaday inuu xerada la galo.

    Maanta ayaa lasoo gabagabeeyey qabashada codsiyada musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya iyo shahaado siinta, waxaana Berri bilaabanayo khudbadaha ay jeenayaan musharixiinta is diiwaan geliyey oo gaaraya 40 Musharax.

    The post ATMIS oo soo saartay go’aan culus oo la xiriira teendhada doorashada ee Afisyoone appeared first on Caasimada Online.


  11. Guddiga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ayaa maantaa soo gabagabeeyay diiwaangelinta musharraxiinta u tartamaya madaxweynaha 10-aad, guddiga ayaa xusay in sedexdii maalin oo ay socotay la diiwaangeliyay 39 musharrax, waxaana lagu wadaa in maalin barri ay bilaabato hadaljeedinta musharraxiinta.

    1:Musharrax Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud

    2: Musharrax Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed

    3: Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

    4: Musharrax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.

    5:Musharrax Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

    6: Musharrax Madaxweyne Cabdullaahi aahi Cali Xasan

    7: Musharrax Madaxweyne Cabdinuur Shiikh Maxamed

    8: Musharrax Madaxweyne Cabduqaadir Cosoble Cali

    9: Musharrax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuled

    10: Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Macalin Axmed Ablaal

    11: Musharrax Madaxwayne Saciid Ciise Maxamuud

    12: Musharrax Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi

    13:Musharrax Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle Xaaf

    14: Musharrax Madaxwayne Mahad Axmed Diiriye

    15: Musharrax Madaxwayne Muqtaar Maxamed Sayid

    16: Musharrax Madaxwayne Nucmaan Sheekh Cumar

    17: Musharrax Madaxwayne Fowsiya Xaaji Yuusuf

    18: Musharrax Madaxwayne Ridwaan Xersi Maxamed

    19: Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre.

    20: Musharrax Madaxwayne Mxamuud Daahir Aweys

    21: Musharrax Madaxwayne Cumar Cabdiqaadir Axmed

    22: Musharrax Madaxwayne Jamaal Axmed Ibraahim

    23: Musharrax Madaxwayne Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn)

    24: Musharrax Madaxwayne Cabdi Aadan Hoosow

    25: Musharrax Madaxwayne Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi)

    26: Musharrax Madaxwayne Cabdi Maxamed kuusow

    27: Musharrax Madaxwayne Cabdullaahi Cali Axmed

    28: Musharrax Madaxwayne Xuseen Cabdi Nuurow

    29: Musharrax Madaxwayne Jabriil Ibraahim Cabdulle

    30: Musharrax Madaxweyne Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)

    31: Musharrax Madaxwayne Abuukar Adan Cabdulle

    32:Musharrax Madaxwayne Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

    33: Musharrax Madaxwayne Maxamed Cabdiraxmaan Cali

    34: Musharrax Madaxwayne Taabit Cabdi Maxamed.

    35: Musharrax Madaxwayne Cabdi Cali Xasan

    36: Musharrax Madaxwayne Cismaan Xasan Weheliye (Xasan Bariise)

    37: Murashax Madaxweyne Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi.

    38: Musharax madaxweyne Saciid Cabdulaahi Dani

    39: Musharax Maxamed Amiin Faarax .

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer deg-deg ah oo indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afisyoone.

    Teendhada Afisyoone ayaa waxa ka socota qaban-qaabada doorashada madaxweynaha, taasi oo qorshuhu yahay inay ka dhacdo halkaas 15-ka bishaan May.

    Sidoo kale waxaa halkaas ka bilaaban doonta maalinta berri ah hadal jeedinta musharaxiinta madaxweyne, kuwaasi oo kor u dhaafaya soddomeeyo.

    Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afisyoone kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.

    Waxa uu faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha, oo ay ugu dhacdo si nabdoon.

    Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala-galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan. Guddoomiyaha wuxuu amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.

    Kormeerka uu maanta teendhada ku tagay Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa imanaya kadib markii uu xalay kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha sare ee ciidamada howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.

    Shirkaas ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filaayo inay dhacdo maalinta Axada oo ku beegan 15-ka May.

    Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray saraakiisha iyo taliyeyaasha ugu sareysa ATMIS inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee ah mas’uuliyada ka saaran ilaalinta amniga doorashada madaxweynaha Somalia.

    Si kastaba, doorashada madaxweynaha ayaa loo ballansan yahay 15-ka bishaan, ayada oo guddiga doorashooyinka ay soo saareen habraaca amniga doorashada madaxweynaha, oo la filaayo inay murashaxiinta madaxweyne ku dhaqmaan.

    A01.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 A02.jpg?resize=696%2C420&ssl=1 A03.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 A04.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 A05.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 A06.jpg?resize=696%2C505&ssl=1 A07.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 A08.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 A09.jpg?resize=696%2C365&ssl=1

    The post Sawirro: Aadan Madoobe oo kormeer deg deg ah ku tegay teendhada Afisyoone appeared first on Caasimada Online.


  13. 9-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afasiyooni oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha,

    Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya. Saraakiisha ayaa la faray in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha.

    Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan. Guddoomiyaha wuxuu amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.

    2-7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-6.jpg?resize=1000%2C603&ssl=1 4-6.jpg?resize=1000%2C599&ssl=1 5-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 7-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday xarunta lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha appeared first on Puntland Post.


  14. Saaxiibada Beesha Caalamka ayaaa soo dhoweeyay jadwalka uu soo saaray guddiga qaabilsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ku muddaysan 15 May 2022.

    “Saaxiibada beesha caalamka* ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda ee 15ka bisha Maajo 2022” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka.

    Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ka digtay in jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay dib uga dhacdo 15-ka May 2022.

    “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay”

    Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan

    PUNTLAND POST

    The post Beesha Caalamka oo si adag uga digtay dib u dhac ku yimaada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  15. Wareegto Madaxweyne: 10/05/2022
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-859/052022 uu ku magacaabay Guddi-baadhiseed oo madax-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
    Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
    Wareegto Madaxweyne.
    UJEEDDO: MAGACAABID
    Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
    Markaan Arkay: Qodobka 13aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad iyo Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;
    Markaan Arkay: Qoraalka Summaddiisu tahay KDQ/XK/008/2022, kuna Taariikhaysan 25/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Codsi Guddi- Badhiseed;
    Markaan Arkay: Qoraalka Summaddiisu tahay GDQ/XK/009/2022 kuna taariikhaysan 27/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Is-beddel lagu sameeyay Hoggaanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka;
    Markaan Arkay: War-bixinta summaddeedu tahay Ref: HAN/GQ/05/62/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, ujeeddadeeduna tahay soo gudbin war-bixin baadhiseed;
    Markaan Arkay: War-bixinta summaddeedu tahay XGD/WM/02/08/191/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Xisaabiyaha Guud, ujeeddadeeduna tahay war-bixinta xisaab – xidhka Komishanka Doorashooyinka Qaranka;
    Markaan Arkay: Muhiimadda uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku u leeyahay hannaanka dimoqraadiyadeed ee Dalka iyo hir-gelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah;
    Markaan Arkay: Khilaafka maamul iyo maaliyadeed ee soo kala dhex galay xubnaha Komishanka uu caqabad ku noqon karo xil-
    gudashada waajibaadka iyo hawlaha shaqo ee Komishanka
    Doorashooyinka Qaranka;
    Markaan Helay: Talo-bixinta sharci ee Garyaqaanka Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka;
    Waxaan Go’aamiyay;
    1) In aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Guddi-baadhiseed madaxa-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;
    1. Maxamed Jaamac Cabdi Guddoomiye
    2. Farxaan Maxamed Cali Xubin
    3. Siciid Xasan Habbane Xubin
    4. Axmed Saleebaan Jaamac Xubin
    5. Bashiir Cabdi Xariir Xubin
    2) Guddidu waxay baadhitaan ku soo samayn doonaan arrimaha ay ka mid yihiin:
    – Nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda ee Xubnaha Komsihanka.
    – Nidaamka Iibka iyo Qandaraasyada Adeegyada iyo Agabka Komishanka.
    – Nidaamka Maamulka iyo Diiwaan-gelinta Hantida raagta ee Komishanka.
    Muuse Biixi Cabdi
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
    280282594_554078929411682_78650278170410
    279559851_554078876078354_91433713341421
    279683179_554078872745021_21611665992390

    Qaran News


  16. Wareegto Madaxweyne: 10/05/2022

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-859/052022 uu ku magacaabay Guddi-baadhiseed oo madax-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

    Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

    Wareegto Madaxweyne.

    UJEEDDO: MAGACAABID

    Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markaan Arkay: Qodobka 13aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad iyo Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;

    Markaan Arkay:  Qoraalka Summaddiisu tahay KDQ/XK/008/2022, kuna Taariikhaysan 25/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Codsi Guddi- Badhiseed;

    Markaan Arkay: Qoraalka Summaddiisu tahay GDQ/XK/009/2022 kuna taariikhaysan 27/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Is-beddel lagu sameeyay Hoggaanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

    Markaan Arkay:   War-bixinta summaddeedu tahay Ref: HAN/GQ/05/62/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, ujeeddadeeduna tahay soo  gudbin war-bixin baadhiseed;

    Markaan Arkay:   War-bixinta summaddeedu tahay XGD/WM/02/08/191/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Xisaabiyaha Guud, ujeeddadeeduna tahay war-bixinta xisaab – xidhka Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

    Markaan Arkay:   Muhiimadda uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku u  leeyahay hannaanka dimoqraadiyadeed ee Dalka iyo hir-gelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah;

    Markaan Arkay: Khilaafka maamul iyo maaliyadeed ee soo kala dhex galay xubnaha Komishanka uu caqabad ku noqon karo xil-

    gudashada waajibaadka iyo hawlaha shaqo ee Komishanka

     Doorashooyinka Qaranka;

    Markaan Helay: Talo-bixinta sharci ee Garyaqaanka Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka;

    Waxaan Go’aamiyay;

    1) In aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Guddi-baadhiseed madaxa-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;

    1. Maxamed Jaamac Cabdi Guddoomiye

    2. Farxaan Maxamed Cali Xubin

    3. Siciid Xasan Habbane Xubin

    4. Axmed Saleebaan Jaamac Xubin

    5. Bashiir Cabdi Xariir Xubin

    2) Guddidu waxay baadhitaan ku soo samayn doonaan arrimaha ay ka mid yihiin:

    – Nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda ee  Xubnaha Komsihanka.

    – Nidaamka Iibka iyo Qandaraasyada Adeegyada iyo Agabka Komishanka.

    – Nidaamka Maamulka iyo Diiwaan-gelinta Hantida raagta ee Komishanka.

    Muuse Biixi Cabdi

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

    Source