-
Content Count
213,455 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Godyaanyo ee Koonfurta Gobolka Mudug
Ciidamada ayaa la sheegay in ay howlgalkaas ku burburiyeen gaari walxaha Qarxa ay ka soo buuxiyeen Al shabaab islamarkaana ku dileen xubno ka tirsan kooxdaas.
Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ayaa laga soo xigtay in hawlgalka lagu burburiyay gaari qaraxyo ka buuxaan oo Al-shabaab doonaysay in ay weeraro ku fuliso.
Dhinaca kale ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkaas laga soo xigtay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Galmudug.
PUNTLAND POST
The post Ciidanka Galmudug oo la sheegay in ay burburiyeen gaari qaraxyo siday appeared first on Puntland Post.
-
Muslimiinta reer Ukraine oo sheegay in Ramadaanta sanadkani tahay mid xanuun badan
Dumar badan oo ku kulmay goob ay ku af-furayaan
“Marka kasta oo aad maqasho dhawaaqa ka diga duqeymaha oo weliba aad aragto dugsiyada waxbarashada ee burburay, isbitallaada iyo guryaha burburay, markaa , xaaladda caadi ma ahan” ayay tiri Niyara Mamutova oo kamid ah muslimiinta reer Ukraine.
“Waan xanuunsadaa marka aan arko meydadka iyo guryaha gubtay, arrin murugo leh, Ramadaankani waa mid xanuun badan”
Niyara waxay kasoo jeeddaa qowmiyadda Tataarka ee degta waqooyiga Crimea, waxay kasoo qaxday halkaas ka dib markii Ruushku uu qabsaday 2014. waxay isku aragti yihiin haweeney kale oo Muslim ah oo reer Ukraine ah, Viktoria Nesterenko taas oo kasoo jeedda caasimadda Kiev.
Haweenkan ayaa BBC-da uga warramay sida ay ula tacaalayaan caqabadaha soo wajaha bisha Ramadaan xilli ay ku sugan yihiin aagga dagaalka.
‘Waxaad dareemayaa murugo’
“Sawirrada muuqaallada argagaxa leh ee dagaalka ayaa si joogta maskaxdeyda uga dhax guuxayaa” ayay tiri Viktoria.
“Dad badan oo ay kamid yihiin carruur ayay ciidamada Ruushka ku dileen meel u dhaw Kiev, Ramadaanka ma dareemayo wax wanaagsan, waxaan dareemayaa muerugo”
Viktoria Nesterenko oo la taagan sarkaal ka tirsan militeriga Ukraine
Tiro yar oo kamid ah shacabka Ukraine ayaa heystaa diinta Islaamka, boqolkiiba 1% ayay ka yihiin bulshada dalkaas.
Muslimiinta reer Ukraine ayaa si weyn u sugayay bisha barakeysan ee Ramadaan kadib markii labadii sano ee lasoo dhaafay uu saameeyay cudurka Karoona, Dagaalku wuxuu burburiyay qorshahoodii sanadkan.
“Waxaa aad u adag sidii aad u ilaalin laheyd naftaada gaar ahaan akhlaaqda iyo in aad cibaadeysato, waxaan u baahanahay inaan akhriyo qur’aanka kariimka ah oo aan waqti ku bixiyo cibaadada, aad ayay u adagtahay in diirada la saaro salaadaha, sababtoo ah walaac iyo daal ayaan dareemeynaa” ayay tiri Viktoria.
Niyara waxaay nuujinaysaa gabadheeda yar, sidaa awgeed ma soonto, laakiin Viktoria wey soontaa, labaduba waxay u arkaan inay adag tahay in la cibaadeysto bishan Ramadaan.
“Dabcan waxaan helnaa waqti aan ku tukano. Inta lagu jiro dagaalka xoogaa tanaasulaad ah ayaa naloo ogol yahay. Salaadda waa la isku dari karaa-Sidaas ayaan ku gudan karnaa waajibaadkeena diineed,” ayay raacisay.
‘Ma jirto goob ammaan ah’
Siddeeddii sano ee la soo dhaafay, Niyara waxa ay ku noolayd magaalada dhacda koonfurta-bari ee Zaporizhzhia, waxay maamushaa hay’ad aan dowli aheyn oo ku howlan wacyigelinta iyo ka hortagga fikradaha khaldan ee laga aaminsan yahay muslimiinta.
Niyara Mamutova iyo carruuteeda afarta ah
Wuxuu dagaalka bilowday saddex toddobaad uun kadib markii uu dhashay canugeedi afaraad xilli ay qoyska ka fikirayeen isku diyaarinta bisha Ramadaan.
“Aad ayaan u naxay markii uu gantaal kusoo dhacay garoonka diyaaradaha, markii uu gubtay keydka shidaalka..ciidamada Ruushka ayaa ku soo dhawaaday magaalada. Markaa waxaan go’aansanay inaan ka baxno.”
Niyara qoyskeeda mar kale ayay qaxeen, haatan waxay u guureen dhinaca magaalada Chernivtsi ee galbeedka Ukraine si ay u badbaadaan, waxay si weyn uga walaacsaneyd xaaladda carruurteeda.
Xusuus
Masaajida Ukraine waxaa ku sugan qaar kamid ah dadka kasoo barakacay dagaalka
Markii hore waxay gabaad ka dhigteen masaajid balse markii dambe waxaa u suurtagashay in ay meel kiraystaan., haatan waxay xusuusaneysaa sidii ay noloshu aheyd Ramadaankii hore.
“Qoyskeena oo idil waan wada soomi jirnay, waan wada tukan jirnay, waan wada af-furi jirnay, hadda qoysaskeenii way kala tageen oo dagaalka ayay ku barakaceen, qaarkood dalka ayay ka baxeen oo dalal kala duwan ayay joogaan, ma ahan jawi farxadeed,” ayay tiri Niyara.
Seygeeda wuxuu Imaam ka yahay guri loo baddalay masaajid, Chernivtsi waxaa saaran bandow habeenkii ah, taas oo macnaheedu yahay in seygeedu uu mararka qaar ku qasban yahay inuu ku laabto masaajidka haddii uu dib u dhaco.
“Waxaan la kulannaa xubnaha kale ee muslimiinta ah si aan u afurno, waan is caawinnaa, sidoo kale waxaan ka codsanaynaa dadka muslimiinta ah ee wax haysta inay raashin ugu deeqaan barakacayaasha.”
Gabaabsi ku yimid hilibka xalaasha ah
Maalin walba waxa ay gacan ka geysataa sidii ay cunto ugu diyaarin lahayd dadka barakacayaasha ah ee ku hoyda masjidka.
Gabaabsiga ku yimid hilibka xalaasha ah
“Waxaan ku diyaarinaa suxuun la mid ah kuwii hore, laakiin halkan kuma haysanno hilib xalaal ah. Waxa jira noocyo digaag ah oo xalaal ah,” ayay tiri Niyara.
Waxay sheegtay in hay’adaha gargaarka Muslimiinta ee ka jira waddamo uu ka mid yahay Turkiga ay bixiyaan cunnada lagama maarmaanka ah, isla markaana ay Muslimiinta gudaha ay ka qeyb qaataan bixinta maacuunta loo baahan yahay in wax lagu karsado. Viktoria waxay isticmaashaa hilibka iyo kalluunka la geliyay qaboojiyaha si ay uga gudubto dhibaatada.
“Waxaan isku daynaa inaan bixinno cunno xalaal ah, laakiin hadda waxaa dhib nagu ah hilibka xalaasha ah oo yar, dadka muslimiinta ah ee ku sugan meelaha fog-fog ma helaan cunno xalaal ah oo la qaboojiyey.”
Ka hor inta uusan dagaalku bilaabmin waxay agaasime ka ahayd xarun ka shaqeysa bixinta shahaadada cuntooyinka xalaasha ah. Waxay rajaynaysaa in dhawaan wax laga qaban doono gabaabsiga cuntada xalaasha ah.
Dadaallada
Muslimiin badan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa kamid ciidamada Ukraine ee wado dagaalka ka dhanka Ruushka, Qaar ayaa ku biiray kooxo hubaysan oo mutadawiciin ah oo dhawaan la sameeyay.
“Qaraabadayda iyo saaxiibaday waxay la dagaalamayaan Ruushka,” ayaa tiri Viktoria.
Viktoria Nesterenko o l ajoogta ciidamo hubeysan
“Waxaan ka qeyb qaadanaaya howlaha gargaarka, waxaan ka caawinnaa daad-gureynta dadka, waxaan u ururinnaa dhaqaale, waxaanan u soo iibinaa saanad milateri askarteena.”
Masjidka ugu weyn ee Kyiv ayaa waxaa ku tukadaa dad yar marka loo barbardhigo maalmihii hore ka dagaalka, arrintaas oo xanuun ku reebtay Viktoria.
Waxay rumeysan tahay in muslimiin badan ay weli ku sugan yihiin magaalada balse ay ku howlan yihiin ka shaqeynta adeegyada aasaasiga ah ama ciidamo hubeysan ay masaajidka ku tukadaan.
Imitixaan ku aadan caqiidadeyda
Niyara waxay rajaynaysaa in caqiidaeedu ay ka caawin doonto sidii ay ugu gudbi laheyd dhibaatada.
Dad ku tukunaya masaajid
“Caqiidadaydu aad bay muhiim u tahay wakhtigan adag, waxa ay i siisaa taageero, waxa ay i siinaysaa jawaabaha aan u baahanahay, waxaad fahantay in dagaalku yahay imtixaan.”
Laakin Niyara waxay aaminsan tahay in Illaahey uu ka samatabixin doono dhibaatadan.
“Waxaan ku duceysaneynaa sidii aan nabadda u heli laheyn” ayay tiri Niyara.
-
Ra’iisal wasaarihii Pakistan oo xilka laga caydhiyey
Ra’iisal Wasaaraha Pakistan Cimran Khan ayaa lumiyey codka kalsoonida kaddib marki baarlamaanka dalkaas aqlabiyaddiisii ka codaysay hoggaamintiisa.
Arrintan ayaa timi kaddib markii ay mooshin ka dhan ah Cimran khan ay soo dhigeen xisbiyada mucaaradka.Baarlamaanka dalkaas ayaa looga fadhiyaa in ay maalmaha soo aaddan Ra’isal Wasaare cusub degdeg u soo magacabaan.
Waxayna Isniinta yeelanayaan kulan degdeg ah si ay u doortaan Ra’isal Wasaarihi baddali lahaa Cimraan Khaan oo codka kalsoonida ka waayey baarlamaanka.
Dadka falanqeeya siyaasadda Pakistan waxay sheegeen shaqsiga badali karo Cimraan Khaan inuu ka imanayo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka, uuna noqon karo Shehbaz Shariif oo ay walaalo yihiin Ra’isal wasaarihi hore ee dalkaas Newaz Shariif.
Daqiiqado ka hor inta aysan codbixintu bilaaban, afhayeenka aqalka hoose ee baarlamaanka Pakistan – oo xulafo la ah Mr Khan – ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo.
Xubno ka tirsan xisbiga Mr Khan (PTI) ayaa isaga baxay dhismaha, iyagoo ku adkeystay inuu dhibane u yahay shirqool caalami ah oo la soo maleegay.
Qofka Ra’isal wasaaranimada loo doortaa dalkan wuxuu xilka sii haynayaa ilaa bisha October 2023-ka, xilligaas oo ay doorashada xigtaa qabsoomeyso.

Cimraan dhankiisa wuxuu sheegay inuusan aqoonsan doonin dowlad mucaarad ah, isaga oo ku doodaya tallaabbada baarlamaanka uu codka ugu diiday in ay tahay Shirqiool uu Mareykanka hoggaaminayo.
Inkasta oo Mareykanka eeddaasi ay dhinac isaga dhigeen ayna sheegeen Mr Khan inuusan eedda uu soo jediyey wax caddeyn ah uuu haynin, haddana maxkamadda sare ee dalka Pakistan toddobaadki hore toddobaadki hore waxay xukuntay Mr Khan inuu dhaqmay si aan waafaqsaneyn dastuurka dalkaasi kaddib marki uu isku dayay inuu hor istaago codka kalsoonida oo uu kala diray baarlamaanka.
Balse dadka falanqeeya siyaasadda Islamabad waxay sheegeen in militariga uu ka niyad jabay Khan kaddib marki ballanqaadyadi uuu qaaday in uu ka soo baxo uu ku fashilmay.
Waxyaabaha ay uu ku fashilmayna waxay ku sheegeen inuu ballan qaaday maamulka inuu hagaajinayo balse uu ka soo bixi waayey iyo inuu ku fashilmay inuu ceydhiyo shaqsiyaadka waajibaadkooda gudan waayey sida taliyaha sirdoonka iyo Guddoomiyaha Punjab.
Halkan mucaaradka qaarkoodna ay ku eedeeyeen inuu ku dhaqmay khiyaamo qaran.
Cimraan Khaan bishi hore wuxuu ku sugnaa caasimadda Moscow gaar ahaanna maalintii uu Ruushka soo qaaday duullaanka Ukraine, wuxuuna difaacay tallaabbooyinka uu qaaday madaxweyne Putin.
Halka Taliyaha guud ee ciidamada Pakistan General Qamar Javed Bajwa uu ku baaqay in dagaalka la joojiyo.Cimraan Khaan ayaa noqonayaa ra’isal wasaarihi ugu horereyey ee Pakistan oo codka kalsoonida uu baarlamaanka ka waayey xilka looga qaado.
Cimraan Khaan oo sanadihi uu ciyaarayey ciyaarta Cricket-ka loo arkayey inuu ahaa halyey qaran ayaa 2018-ki Ra’isala Wasaare noqday isaga oo ciidamada taageero ka helaya.
-
-
MAR BAAN IIMAANKAYGII IIBIN GAADHAY
Waxaan tegey magaalo cusub oo lay Bedelay. Waxaan an soo raacay Bus yar oo dhawr qof saaran yihiin. Darewelkii ayaan kiradii u dhiibay , markaasu
waxa uu in soo Celiyey lacag ka badan baaqigii ay ahayd in uu in soo celiyo.
Markaan arkay ayaan is idhi ma celisaa mise, waad iska haysataa, aniguna waan iska locag la’aa.
Jeebka ayaan ku ritay lacagtii. Kolkii aan Buska ka degaayey ayaan lacagtii soo saaray oo Derewelkii ku idhi :
lacag badan baad ii soo celisay: markaasuu iigu jawaabay : waxaad tahay wadaadkii cusbaa ee magaalada dhawaan loo soo Bedelay.
Waxaan ugu jawaabay : Haa
Waxa uu igu yidhi: ogaan baan kuugu soo Celiyay lacag baaqigaagii ka badan oo waxaan eegaayay iimaan kaagu sida uu yahoo.
Iminka waxaan ogaaday in aad tahay qof wanaagsan oo iimaan leh.
Markaasaan ilaahay ugu mahad naqay iimaanka uu isiiyey,
iyo garashada uu igaran siiyey.
Markaa iimaanku waa wax aad u qaali ah.
Haddii aad garanayso.Qoraa: Cali Maxamed Biixi
Caliwwelli@hotmail.co.uk -
Muqdisho (Caasimada Online) – Khaalid Muxumud Gaabane oo ka dhashay beesha Fahad Yaasiin ee reer Aw-Xasan ayaa sheegay in dadkii shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ee Fahad taageeray ay kala ahaayeen shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan NISA.
Khaalid Gaboose oo sheegay inuu yahay musharax u taagan kursiga xildhibaan ee loo diidan yahay Fahad Yaasiin ayaa sheegay in ragii shalay shiray aysan metelin beesha reer Aw-Xasan, sidoo kalena ay ku jireen xildhibaano ka tirsan maamulka HirShabeelle.
“Dadkii ku shiray Muqdisho ma aheyn odayaal reer Aw-Xasan, waxay ahaayeen shaqaale dowladeed, kuwo katirsan NISA iyo Xildhibaano ka tirsan HirShabeelle, waxaa ka mid ah ninkii warqada akhrinayey wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsan HirShabeelle,” ayuu yiri Khaalid Gaboose.
Sidoo kale Khaalid ayaa sheegay in ka beel ahaan ay u diyaarsan yihiin qabashada doorashada kursigii uu soo qaatay Fahad Yaasiin ee HOP#086, kaas oo guddiga doorashooyinka ay go’aamiyeen in lagu laabanayo doorashadiisa.
Khaalid oo la hadlay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in kursigaas uu ka xasaasisan yahay kuraasta kale ee natiijadooda uu diiday guddiga doorashooyinka, isagoo fariin u diray madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Siyaasigaan ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed ugu baaqay in kuraas tiro yar oo looga dhegay uusan u xayirin doorashooyinka dalka, “Waxaan u diyaarsanahay tartan doorasho oo kursiga HOP#086 aan u galo,” ayuu yiri Khaalid Muxumud Gaabane oo Fahad Yaasiin ku heyb ah.
Kursigaan oo Fahad Yaasiin uu ka soo qaatay Beledweyne iyo seddax kursi oo kale oo laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa hadda qalqal ku abuuray doorashooyinka dalka, waxaana arrintaas darteed Baydhaba u gaaray wafdi xildhibaano ah iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.
Kulamo looga arrinsano khilaafka ka taagan kuraastaas ayaa ka socda Baydhaba, waxaana la sheegay in Laftagareen uu ku doodayo in afarta kursi la wada fasaxo, isagoo u hiilinaya Fahad Yaasiin, balse lama oga halka uu ku dambeyn doono is qabqabsigaan hareeyey kurisiga HOP#086 ee Fahad Yaasiin uu soo qaatay.
Hoos ka dhageyso Wareysiga Khaalid Gaboose
The post Xubnihii taageeray FAHAD Yaasiin oo shaki la geliyey appeared first on Caasimada Online.
-
THE STORY OF LUQMAN, THE WISE MAN
LUQMAN’S ADVICE TO HIS SON
(Part Two)(B) The Advice of Luqman to His Son: Allah (S.W.T) tells us in the Noble Qur’an that Luqman gave the following precious advices to his son:
* Luqman warns his son against the greatest injustice a man can do to Allah (S.W.T). Allah (S.W.T) says that Luqman said to his son:
“O my son! Join not in worship others with Allah. Surely, joining others in worship with Allah is a great injustice indeed.” [Surah Luqman, Verse: 13].
When Luqman says to his son: “My Son!” He intends to grab the attention of his son so that he may listen carefully to his father’s advice. He calls his son’s attention to the oneness of Allah and advises him against Shirk (Associating others with Allah) calling it the greatest injustice against Allah (S.W.T). Associating others with Allah in worship does indeed injustice to Allah, The Originator of Earth and Heavens, and the reward of Shirk is eternal punishment in Hell.
* Luqman then describes some of Allah’s unchallenged might to his son. He tells him that Allah’s Knowledge is so vast and so perfect that the existence of anything, big or small, is controlled by Him wherever it is in this immensely huge, unattainable Universe. Luqman tries to impress his son reminding him of Allah’s absolute control over His kingdom. Such might and power must not be challenged or ignored by anyone. Allah (S.W.T) says that Luqman said to his son:
“O my son! If it be (anything) equal to the weight of a grain of mustard seed, and though it be in a rock, or in the Heavens, or in the Earth, Allah will bring it forth. Indeed, Allah is capable (in bringing out that grain), Well-Aware (of its place in the Universe).” [Surah Luqman, Verse: 16].
* A great advice from Luqman to his son is to perform the Regular Prayer (As-Salah) with the best possible performance. He tells him that Prayer is the most important connection between a Muslim person and Allah (S.W.T) and must not be taken lightly. Luqman also tells his son to observe his duty to enjoin people the good and forbid the bad so evil and mischief will have no place in the Muslim society of his time. Luqman recommends patience for his son in implementing commandments of Allah, and also in all matters of life. He tells his son that Patience is a righteous act ordered and rewarded by Allah so he has to be patient for whatever happens to him personally or for the consequences from people when ordering them the good and forbidding them the bad. Allah (S.W.T) says that Luqman said to his son:
“O my son! Establish prayer, enjoin what is right, forbid what is wrong, and be patient over what befalls you. Indeed, (all) that is of the matters (requiring) determination.” [Surah Luqman, Verse: 17].
* Luqman advises his son against pride, as that is one of the
attributes of Allah alone and not for man. Allah, The Creator and Owner of the universe, is the only One who deserves to be Majestic and Proud. He reminds his son not to turn his face away from people arrogantly or walk on the Earth boldly rude. He tells him to be moderate for it is a great attitude that some people can possess or have and reminds his son that Allah does not like the person who is arrogant and boastful. Allah threatens arrogant people with punishment in Hellfire.Allah (S.W.T) says that Luqman said to his son:
“And do not turn your cheek (in contempt) away from people, nor walk through the Earth in bold rudeness. Indeed, Allah does not like everyone self-deluded and boastful” [Surah Luqman, Verse: 18].
* Luqman also advises his son to be moderate in walking and talking on the Earth. He offers advice to his son on the importance of having good conduct in every aspect of life. He tells him to regulate his walk and his talk moderately as that produces the best behavior and generates respect. Luqman reminds his son that talking harshly and loudly likens his voice to the braying (barking) of a donkey. Shouting does not win hearts but offends and repels people. Allah (S.W.T) says that Luqman said to his son:
“And be moderate (or show no rudeness) in your walking, and lower your voice. Indeed, the harshest of all voices is the voice (braying) of the ass.” [Surat Luqman, Verse 19].
[Class Taken From The Book: LIVING IN ISLAM On Marriage and Family]
Ibrahim Hassan Gagale
April 9, 2022 -
Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii Pakistan Imran Khan ayaa xilka laga qaaday saacadihii hore ee Axadda maanta ah, kadib markii uu lumiyey codka kalsoonida baarlamanka, kadib toddobaad qalalaase siyaasadeed ah.
Ra’iisul Wasaare cusub ayaa la dooran doonaa Isniinta, ayada oo hoggaamiyaha xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N) Shehbaz Sharif la hubo inuu hoggaamin doono shacabka 220-ka milyan ah ee dalkan ku hubeysan hubka Nukliyeerka.
Ma jiro ra’iisul wasaare muddo xileedkiisa dhameystay taariikhda Pakistan, hase yeeshee Khan ayaa ah kii ugu horreeyey ee xilka ku waaya codka kalsoonida.
Taageerayaasha mucaaradka ayaa saacadihii hore ee Axadda maanta ah isugu soo baxay waddooyinka ayaga oo sita calanka dalka iyo kuwa xisbiyada, islamarkaana dabbaal degaya.
Ciidan badan ayaa lasoo dhoobay waddooyinka caasimadda, hase yeeshee lama soo werin wax dhibaato ah.
Sii-hayaha xilka afhayeenka baarlamanka Ayaz Sadiq ayaa sheegay in 174 sharci-dejiye ay taageereen mooshinka xil ka-qaadista, “sidaas darteedna codkii kalsooni kala noqoshada uu guuleystay.”
Khan oo 69 jir ah kana maqnaa xarunta baalamanka ayaa lumiyey aqlabiyaddii baarlamanka ka kooban 342-ka xubnood kadib markii ay ka go’een qaar ka mid ah saaxiibadiisa dowladda wadaagga, iyo xitaa xubno ka mid ah xisbigiisa, sidaas darteedna mucaaradka ayaa u baahnaa kaliya 172 cod si ay xilka uga tuuraan.
Waxa uu isku dayey wax kasta oo uu xukunka kusii joogi karo — oo ay ku jirto inuu kala diray baarlamanka kuna baaqay doorasho deg deg ah — hase yeeshee Maxkamadda Sare ayaa ficilladiisa ku qeexday kuwa sharci darro ah, waxayna amartay in golaha qaranka ay isku yimaadaan oo ay codeeyaan.
“Waan dhayi doonnaa dhaawacyada qarankan,” ayuu yiri Shehbaz Sharif waxyar kadib markii natiijada lagu dhaawaqay.
Khan ayaa ku adkeystay inuu yahay dhibanaha dhirqool “isbeddel talis” oo uu ku lug leeyahay Mareykanka.
Waxa uu sheegay in xisbiyada PML-N iyo PPP, oo muddo xifaaltami jiray balse isku geeyey awooddooda si ay xilka uga qaadaan – ay kala shaqeeyeen Washington in la keeno codka kalsoonida, sababo la xiriira inuu ka horyimid siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka ee ku wajahan dalalka Islaamka sida Iraq iyo Afghanistan.
Washington waa ay iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay siyaasadda gudaha Pakistan.
The post Maxaa kasoo baxay codkii kalsoonida ee loo qaaday ra’iisul wasaaraha Pakistan? appeared first on Caasimada Online.
-
Raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waraysi uu siiyey telefishanka EBS ee Af Axmaariga wax ku tabiya
waxa uu kaga hadlay xidhiidhka u dhaxeeya dalkiisa iyo Somaliland,gubashadi Suuqa Waaheen iyo dekadda Saylac.Ugu horayn hogaamiyaha Itoobiya isagoo ka hadlaya xidhiidhka dalkiisu la leeyahay Somaliland waxa uu yidhi”Somaliland waxa naga dhexeeya walaaltinimo,ixtiraam iyo ganacsi xalaal ah”.
Waxa kale oo uu sheegay inuu wasiiradiisa ugu sareeya u diray Hargeysa si ay usoo eegaan khasaaraha suuqa Waaheen ee gubtay isla markaana ay Itoobiya qayb weyn ka qaadan doonto dibu dhiska Waaheen kharash ahaan iyo dhinaca dhisidda suuqaba.Mar uu telefishanku wax ka weydiiyey warar dhawaan lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegayey in Itoobiya ay danaynayso dekadda Saylac waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi:
“Waxa January 18, sanadkan 2022 aanu ku kulanay Addis Ababa madaxweynaha Somaliland H.E Muse Bihi, waxa aan u sheegay in cadawgeenu uu doonayo in aan colowno, oo aan kala xidhanno xadka, laakiin taasi ma dhacayso.Saylacl waa magaalo ku taala Somaliland, waxa ay ahayd Somaliland, waxa ay tahay Somaliland, waxana ay ahaan doontaa Somaliland”.
Abiy Axmed waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi: “Waxa aan doonayna in aan hindisno tareen u kala goosha Berbera iyo magaalooyinka Itoobiya oo ay ugu horayso Addis Ababa, si aan uga faa’iidaysano ganacsiga ay abuuri doonto dekeda Berbera”Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi, oo ay waraysatay Idaacadda VOA Somali isaga oo jooga Washington D.C bishii March ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la yaabay qoraalo lagu baahiyey baraha bulshada kuwaas oo sheegayey in ciidamada Itoobiya ay doonayaan in ay xoog ku qabsadaan magaalo- xeebeedka Saylac.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka ATMIS ayaa ku dhowaaqay in la xirayo xerada Xalane 10-ka illaa 16-ka bishan April, tallaabadaas oo loo arko mid lagu carqaladeynayo dhaarinta xildhibaanada cusub.
Xildhibaanada cusub ayaa qorshuhu yahay in lagu dhaariyo Teendhada Afisyoone oo ka tirsan Xalane 14-ka bisha April, balse go’aankan lama filaanka ah ee kasoo baxay ATMIS ayaa shaki weyn gelinaya in dhaartu ay dhici karto.
Qoraalka uu howlgalka ATMIS u diray safaaradaha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “ATMIS waxay howlgal amni ka fulin doontaa saldhigga 10-ka illaa 16-ka April, si loo ogolaado hubin amni oo mideysan, xerada waxay gali doontaa xayiraad buuxda muddada kor ku xisan.”
Qoraalka ayaa intaas ku daray in xanibaaddan ay joojin doonto dhammaan shaqooyinkii dhismaha ee ka socday xarunta, la xiri doono dukaamada iyo goobaha ganacsi ee Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah, goobaha lagu dhaqo baabuurta iyo maqaayadaha.
ATMIS waxay sheegtay in sidoo kale xerada la gelin doono bandow 8:00 pm illaa 5:00 ee subaxnimo, islamarkaana roondo amni gudaha laga sameyn doono muddadaas oo idil.
ATMIS ayaa intaas ku dartay in shaqalaha lagama maarmaanka ah la baari doono loona ogolaan doono inay galaan xarunta. Sidoo kalena howlaha garoonka Aadan Cadde ay sidooda u socon doona.
Xayiraaddan ayey sheegtay ATMIS in la qaadi doona islamarkaana howlaha caadiga ah ee Xalane ay dib u billaaban doonaa 17-ka April.
Inkasta oo aysan ATMIS sheegin, haddana xayiraaddan ayaa u muuqata inay saameyn doonto qorshaha xildhibaanada lagu dhaarin doono 14-ka April, maadaama xanibaad buuxda lagu soo rogay Xalane, oo ay ku taallo Teendhada Afisyoone ee dhaartu ay ka dhaceyso.
Tallaabada ATMIS ayaa imaneysa ayada oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka kadib markii dalka laga eryey madaxa ATMIS ahna ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fransisco Madeira, go’aankaas uu ururka uu ka horyimid.
Si kastaba, dowladda ayaa kadib soo saartay qoraalka Madeira lagala noqday dal-ku-galka, sidoo kalena lagu xiray terminal-ka Movcon ee ay adeegsadaan shisheeyaha ee garoonka Aadan Cadde.

The post ATMIS oo xayiraad kusoo rogtay Xalane iyo dhaarinta xildhibaanada oo shaki ku jirta appeared first on Caasimada Online.
-

Somaliland business community members raised US$8 million at a fast-breaking Afur invitation the President of the Republic of Somaliland threw for leading business people, Waaheen Fire-related committees, and fund-raisers Friday.
At the pre-dinner Afur break, where business leaders such as Dahabshiil, Telesom, Oomaar, MSG (Mohamed Aw Saeed Geeddi), Al Harbi, Shukri, Waraabe, Red Sea, Bahsane, Sompower, Al Ikhwa, Shaafici, and many more attended, participants lost no time in calling out respective contributions to the appeal.
Keynote speakers, including Abdirashid Duale of Dahabshiil Group (above), all emphasized how important and life-saving any amount committed towards the re-building of the burnt-out Waaheen market was. Equally, speakers pointed out, it was of utmost urgency that contributors consider the plight of the thousands whose livelihood depended on the market whether they be stalls owners or employees, and the cumulative number of dependents looking up to them for their livelihood, schooling, health needs and the like.
Mayor Abdikarim Ahmed Moghe called on all Somalilanders and – in fact – on all Somalis to cease demeaning the noble issue of rebuilding the market through unfounded propaganda issues and finger-pointing accusations.
The Mayor said it was time to stay united, time to abandon petty differences.
President Bihi, speaking at the end of the event, urged participants at the event, Somalilanders in country and abroad, and the international community to pool efforts and not rest until the estimated US$2 billion loss at the market blaze on April 1 was realized.
President Bihi profusely the Somalia community at the head of whom was federal Somalia President, Mohamed Abdullahi Farmajo, Prime Minister Mohamed Hussein Rooble, and the Somalian business community of Mogadishu. Together, they pledged US$3 million, augmented by a US$11.7 million the World Bank previously earmarked for the Somaliland Republic but was held back under dubious circumstances by Mogadishu, which was released to the Waaheen market rebuilding accounts opened.
President Bihi on the rest of the five Somali-inhabited areas that would have made the 1960 union but did not rise up to the occasion.
MENAFN
-
Maanta oo ah Sabti 09-04-2022 waa Sagaal habeen-Guuradii Habeenkii uu Dabku qabsaday Suuqii ugu weynaa Jamhuuriyada Somaliland ee Waaheen ee kuyaalay Caasimada Hargeysa, Masiibadaa oo dhacday Habeenkii Jimcaha ee 01-04-2022, welina suuqii Waaheen sidii uu u shufbeelay ayuu gubnood iyo danbas isku dul rasaysan yahay maalinta maalinteedii xiktay, Shacabkii ganacsatada Suuqa Waaheen iyaga oo badankoodu waxba gacanta ku hayn ayey samir isku dayreen, halka waxna Toggii Herer ama Dooxii Hargeysa guudkiisii biriishka iyo gudihiisii ay dhex yuururaan oo ku qanceen qadarka ilaahay oo Cidna aanay marinahayn Cataw iyo caloolyow ama ka calaacalahayn masiibadii ku habsatay oo qader eebe ku dhaafeen iyagoo cawil San guule ka naawilaaya. Waxa se qaadan waa’ ah siday odhaahaha ama hadalka siyaasiyiintu durba isku badaleen iyaga oo Hadalo xanaf leh iyo faan aan haboonayn amintan hawada isku marinayaa, goor shacabkii tiiraanyo hayso oo ay tabaalaysan yihiin Illaahay Cawil khayr qaba dhakhso hawsiiyee. Hadaba
Somaliland waa Qaran mid ah hase yeeshee leh golayaal si Dumuqraadiyad ah loosoo doortay oo gole walba uu qaranka u hayo Hawl mihiim ah oo dastuuri ah iyaga oo hoosta ka wada xidhiidhsan oo hawlo qaran Mid ahi leeyahayna kuwada feegan, ayey hadana qayba loo daba fadhiistaa Hawl gaar ah, sidda Dawlada Dhexe, Dawlada Hoose, Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Guurtida, taas oo ay dheer yihiin maamulka madaxda dhaqanka iyo Culimada Diinta oo iyana howlo mug iyo miisaan leh shacabka u qabta, sikastaba ha ahaatee Waxa layidhi “Geeljire Geela wuu wada jiraa wuuna kala Jiraa” suuqan inaga gubtay iyo habayntiisa iyo kawarhayntiisa waxa u xil saarnaa Dawlada Hoose ama Golaha deegaanka waayo halka dawlada dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland loogu doortay ee loogu codeeyey si dumuqraadi ah madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Golaha deegaanka Hargeysa iyo dhamaan Degmooyinka Dalka loo doortay si Dimuqraadiyad ah Xildhibaanada golayaasha deegaanka ee Degmooyinka Somaliland oo idil, waynu dareemi karnaa oo Dal ictiraaf haysta ma nihin sidoo kale dhaqdhaqaaqa ganacsi ama waxa ay shacabka Somaliland nolasha ka raadsadaan ama u shaqo taagan in ka badan 80% waa shirkado iyo ganacsi gaar looleeyey oo kuma tiirsana dawlada dhexe, iyada oo taasi jirto hadana waxaynu nahay qaran isku wada tiirsan oo meel u wada jeeda sidaa aawadeed waxa dhici karta in duruufaha Dalka ku gadaaman awgeed iyada oo xumaani jirin hawsha la damco in lakala boobo se si Xeegona u noqoto Xeego ilkana u nabad galaan ayaa falawgeed la qabtaa sidaa aawadeed inaga oo wax wada qabsanayna ayaa haboon inaynu is maamuusno isna aamino haykalka dowladeenana qadarino, laakiin Hadii Duqa MAGAALO iyo Xubnaha Xildhibaanada Dawlada Hoose oo loosoo doortay tabta madaxweynaha in lagu laaqo ama badhxo xubno ayna isku martabad iyo Hawl wadaag ahayn oo weliba horjooge looga dhigo ruux aan cod shacab mansabka uu fadhiyo ku taabin, lahayna mudo xileed cayiman oo la igmaday, way haboontahay in aynu gacmaha is qabsano oo muujinaa midnimo, hase yeeshee Hawl marka Cid loo igmanaayo waa marka aanay jirin Cid hawsha qabata laakiin Hargeysi Golo deegaan si Dumuqraadiyad ah loosoo doortay oo isku duuban oo firfircoon Illaahay hawada xafidee ayaa u jooga oo heegan u ah se hadii xaalku yahay gacan qaran nin doonow gacaantaadu hasocoto ayeynu wax ku wada qabsanaynaa wax xun maahaa laakiin Dadku Siday iskugu xidhmaan in layskugu xidho ayaa hadana haboon, se hadii ruuxii adhiga lagaga Quustay la yidhaa Geela haloo diro waa lug-gooyo ee maaha wax istar iyo wax wada qabad, Takale suuqa waaheen Dib u dhiskiisa wadooyin cayiman ayuu u baahan yahay oo Saddex gaadhi oo keli ahi adeegsadaan 1, Gaadhiga Dab-Demiska, ee Illaahay kuma keenee dabka bakhtiiya, 2, Dhooliga ruuxii ildarnaada dhakhtarka kula roora, 3, Gaadhiga ganacsatada shixmada u rogaaya ama u qaadaya, waxaan Saddex daa gaadiid ahayn waa in ay suuqa ka caaganaadaan, oo socod kaliya lagu dhex mushaaxaa siddaa aawadeed jidadkaa cayiman haduu suuqa waaheen u baahan yahay iima muuqato in ismaan dhaaf uu dhex imankaro wasaarada howlaha guud iyo dawlada hoose ee Hargeysa ee shaydaanka iska naara waa bishii barakaysnayde walaalayaal.
Hadal iyo dhamaan Waxaan Madaxweynaha Qaranka Somaliland ka dalbanayaa oo leeyahay, Mudane Madaxweyne gacmo aan dufan lahayni waxba ma duugi karaan siddaa aawadeed Dawlada Hoose ee Hargeysa shacabka tabaaleesan wax hawqabtaan oo meel hageeyaan si aanay dhibtii gaadhay dhibkale ugu darsamin waayo waa xilli roobaadkii oo Dooxu wuu kusoo rogmanaaya biriishkuna wuu liqliqanayaa ee Bal HAL MILYANKII DOOLLAR ee aad ku yaboohday Mudane Madaxweyne Muusow Dowladda Hoose ee Hargeysa dhakhso ugu Shub adigoo Mudane Mahadsan, DHICISKU INTA BIRTA LOOSOO SIDUU BAKHTIYAAYE.
Illaahay baa Mahad leh
Midnimana Somaliland
Fuad Fartaag
Fartaagmuwaadin@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ee Soomaaliya Janaraal Cabaas Amiin Cali, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee u dabaaldegga sanad guurada 62-aad ee Militeriga Soomaaliya.
12-ka bishaan Abril ayuu 62-sano jirsanayaa ciidanka xoogga dalka oo la aas-aasay bishii Abriil ee sanadkii 1960-kii, balse mudooyinkii dambe waxaa jirtay hadal heynta afgembi la sheegay inuu qorsheynayo Farmaajo.
Taliye Cabaas ayaa sheegay in munaasabadaan ay khuseyso sanad guuradaas oo kaliya, isla markaana ka talis ahaan ay balan qaadayaan in qorshe kale aan lagu hoos qarin munaasabadooda.
“Waxaan cadaynaynaa oo aan umadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu u dabaaldegi rabo maalintiisa oo ah 12-ka Abriil,” ayuu yiri.
Jeneraal Cabaas ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan nahay dadkii dhiiggooda u huraayay dalka, ujeedo kale oo aan wadan karno ma jirto, in cadow aan la dagaallano, midka gudaha iyo kan dibadaba ayaa naloo aas-aasay oo naloo dhisay.”
Taliyaha ayaa sheegay inay soo gaareen wararka laga faafiyey ee tilmaamaya in militerigu uu maalintaas ku dhaqaaqi doono qorshe xukun militery ah, balse wuxuu fidinta wararkaas ku eedeeyey dad dano siyaasadeed leh.
Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga Cabaas ayaa sidoo kale ka warbixiyey diyaar garoowga xuska 12-ka Abriil, isagoo qof kasta oo ay xafladaas ku casuumeen ka codsaday inuu uga soo qeyb galo si kalsooni leh oo farxadooda uu la qeybsado.
Hoos ka daawo
The post Ciidanka Xoogga oo war kasoo saaray cabsida laga qabo qorshaha 12-ka April appeared first on Caasimada Online.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ayadoo maanta Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat uu ku gacan seyray go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu dalka kaga ceyriyey Danjirihii Midowga Afrika ee Francisco Madeira, ayaa waxaa caawa arrintaas bayaan kasoo saaray golaha midowga musharaxiinta.
Ugu horeyn midowga musharaxiinta ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin go’aanka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki, kaas oo jawaab u ahaa go’aankii Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana lagu diiday ceyrinta Francisco Madeira.
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku dooday in go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa mid aad looga taxadaray oo ka dhashay dib u eegis lagu sameeyey howlihii uu Soomaaliya u joogay Francisco Madeira, 8-dii sano ee lasoo dhaafay.
Sidoo kale waxay sheegeen in sii joogitaanka Danjire Madeira ee Soomaaliya uu khatar weyn ku yahay xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya doorashooyinka, maadaama uu si toos ah ula saftay garabka Madaxweyne Farmaajo oo mar kale musharax ah.
“Danjire Madeira marar badan ayaa looga digay ku dhex milanka siyaasadda gudaha. Waana ka dhega adeygay, xadgudubyada uu Madeira ku sameeyay maqaamkiisa diblomaasiyadeed waxaa ka mid ah inuu la saftay musharax gaar ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ay musharaxiintu u direen Midowga Afrika.
Wuxuu intaas ku sii daray, “Sida uu dhigayo qodobka 97-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya golaha wasiirrada ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ah hay’adda ugu sareysa dhanka fulinta ee dowladda Soomaaliya. Ma jirto awood kale oo xafiiska Madaxweynaha uu ku jabi-karo go’aanka ka soo baxa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.”
Bayaankaan ayaa Guddoomiyaha Midowga Afrika lagu xasuusiyey in Madaxweynihii hore Farmaajo uu yahay musharax u taagan doorashada socota, taas oo sharci darro ka dhigaysa farogelinta siyaasadda arrimaha gudaha ee Francisco Madeira iyo taageeradiisa qaawan ee musharaxnimada Farmaajo oo ay ku macneeyeen mid aan la aqbali karin oo khatar ku ah hufnaanta doorashada.
Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale sheegay in sida ay aaminsan yihiin uusan hoggaanka Midowga Afrika ogoleyn faro-gelin lagu sameeyey mid ka mid ah dalalka ururka, iyagoo cudsi u diray guddoomiye Moussa Faki.
“Golaha Midowga Musharaxiinta waxay si xushmad leh uga codsanayaan guddoomiye Moussa Faki inuu ka laabto war-murtiyeedkii uu ka soo saaray arrintan, isla markaana uu garwaaqsado go’aankii sharciga ahaa ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ilaalisay hufnaanta doorashada, kuna ceyrisay Amb. Madeira,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Midowga Musharaxiinta.
Ugu dambeyntii golaha midowga musharaxiinta ayaa guddoomiyaha Midowga Afrika ugu baaqay in Soomaaliya uu u soo magacaabo wakiil daacad ah oo wanaajin kara xiriirka Soomaaliya iyo ururka, kaas oo dhex-dhexaad ka noqon kara siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.


The post Midowga Musharaxiinta oo jawaab culus ka bixiyey go’aankii Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa si weyn bannaanka u yimid dhaqanka madaxda maamullada ee ku wajahan xildhibaanada cusub ee Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.
Waa dhaqan ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya, waa in xildhibaanada la heysto loona diido dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo madax-banaan.
Dadku markii ay arrintaan maqlaan waxaa durba kusoo dhacaysa Koonfur Galbeed, laakiin waxaa si ku talagal ah looga boodayaa Jubbaland iyo Puntland, halkaas oo ay xildhibaanada heysato dhibaato lamid ah midda heysata kuwa Koonfur Galbeed.
Farqi ma jiro marka laga reebo in kuwana uu ku dhegan yahay hoggaamiye muxaxafad ah, kuwa kalena ay ku dhagan yihiin hoggaamiyaal mucaarad ah.
Hadaba maxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay?
Labada hoggaamiye ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa soo fasaxay xildhibaanadooda, si ay shahaadada guddiga FIET u qaataan.
Intee ayey badankood joogeen oo laga soo fasaxay? Dabacan waa Garoowe iyo Kismaayo, balse markii ay shahaadooyinka qaateen maxaa dhacay?
Axmed Madoobe durba waa ceshtay intii badneyd xubnihiisii, dhowr xubnood oo uu aaminsan yahay in aysan kooxda Farmaajo iyo mucaaradka ka wadan karin ayaa ku hartay magaalada Muqdisho, kuwaas oo iyagana la filayo inay Kismaayo aadaan.
Xildhibaanada Jubbaland markaan la xiriirnay qaar oo aan waydiinay sababta loo waday oo Kismaayo loogu celiyey waxay isku difaaceen inuu jiro kulan wada-tashi ah.
Xildhibaanada kala ah Xasan Firinbi, Senator Fartaag iyo Xamza ayaa heysta xoogaa xorriyad ah oo dhaanta kuwa kale ee laga soo doortay Kismaayo.
Dhanka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni isaga waaba musharax, wuxuuna xildhibaanada ka ilaalinayaa mucaaradka iyo muxaafadka intaba, weliba kuwa cusub ayuu ilaalo gaar ah ka hayaa.
Xildhibaanadiisa inta badan waa uu ka qaaday magaalada Muqdisho markii ay shahaadooyinka qaateen, si lamid ah Jubbaland dhowr qof oo isaga shaqo gaar ah u heysa ayaa la xaqiijyey in la siiyey dhaq-dhaqaaq xadidan.
Dhanka Puntland waxaa jira Laba xilldhibaan oo ka madax banaan xildhibaanada uu Saciid Deni ilaalada ka hayo waana Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Cali Xoosh.
Halkaan waxaa ka cad in xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland inay isku dhibaato heysato.
Xildhibaanada Reer woqooyiga, kuwa Galmudug, kuwa Banaadiriga iyo kuwa laga soo doortay Hirshabelle iyagu kuma sugna xaaladaan oo Dadku badi ku micneeyeen xadgudubta matalaada.
Dhaqankaan dhawaangalka ah ayaa Bulsho badan ka yaabiyey, lama oga waxa ay doorashada ka tari karto in xildhibaanada la xareysto.
Dad ku dhow dhow madaxda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxay sheegayaan in madaxdaasi aaminsan tahay in haddii xildhibaanada helaan fursad ballaaran oo ay gorgorton ku geli karaan inay fududaan karto in aragtidooda la weeciyo oo ay gacantooda ka baxaan, taas oo doorashada u ridi karta jiho aan aheyn midda ay rabaan waa sida la sheegay inay madaxdaasi aaminsan tahay.
Haddaba waxa Dadweynaha badi is waydiinayaan sidee xildhibaan aan isagiiba madax banaaneyn u matali karaa Dad iyo deegaan una jiheyn karaa dowladnimada Soomaaliya?
Xildhibaanadaan qaar markii lala hadlo kuma qanacsana dhaqankaan socda, qaarkood waxay sheegi jireen inay ka baxsan doonaan gacanta hoggaamiyaha maamula Goboleedka markii shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanimada la siiyo, laakiin qaar iyagoo shahaadooyinkoodii heysta lagu yiri soo xarooda kadibna aqbalay.
Dhaqankaan ku cusub siyaasadda Soomaaliy ayaa ku biiraya dhaqamo ka fog dowladnimada casriga ah oo la adeegsaday Shantii Sano ee lasoo dhaafay.
Xildhibaan la caburinayo Maanta oo fahmi la’ waxa uu isaga xaq u leeyahay lama ogo inuu Berrina fahmi karo waxa uu qaranka xaq ugu leeyahay ayey ku doodayaan Dadka ka faaloonayo dhaqankaan cusub.
The post Xildhibaanada laga soo doortay Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubaland oo ay isku dhibaato heysato appeared first on Caasimada Online.
-
Midowga Musharraxiinta ayaa si adag waxaa ay uga soo horjeestay war-Saxaafadeedka kasoo baxay Midowga Afrika ee lagu sheegay in danjirii midowga Afrika Francisco Madeira uu shaqadiisa sii wadan doono, kaas oo qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisulwasaha looga eryaya dalka, laguna amray maanta inuusan soo geli karin.Midowga Musharraxiinta waxa ay sheegeen in Francisco Madeira uu ku eedeysan yahay xadgudubyo ka baxsan diblomaasiyadda, taas oo aan marnaba suurtagal ka dhigi karin in uu ka howlgalo gudaha waddanka Soomaaliya, waxaana ay siweyn u taageereen go’aankii uu qaatay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya.Midowga Afrika ayaa maanta ka soo horjeestay go’aankii dalka looga saaray Francisco, waxaana qoraal kasoo baxay guddoomiye Mousa lagu sheegay inuu siiwadan doono shaqadiisam waxaana xigtay qoraal kasoo baxay xukuumadda oo lagu sheegay inuu dalka soo gali karin, tii oo ay jirto inuu Farmaajo horay diiday eryitaankiisa.Goobjoog News -
Warqad qoraal ah oo kasoo baxayday wasiirka amniga xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa waxaa lagu amray agaasimaha hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha inuu dib uga celiyo warqadaha aqoonsiga danjihii Midowga afrika Francisco Madeira oo shaqadiisa uu ka eryay ra’iisalwasaare Rooble.
Waxaa sidoo kale lagu wargaliyey hey’adda qeybteeda la socod inaan Francisco loo ogaan inuu dalka soo galo maadama aan laga rabin dalka sida lagu yiri qoraalka wasaaradda, waxaana qoraalka lagu faray guud ahaan hey’adaha amniga iyo socdaalku in ay u hoggaan samaan oo ay fuliyaan amarka la dul dhigay Francisco.

-
War qoraal ah oo kasoo baxay howl-galka ATMIS ayaa waxaa bandow loogusoo rogay kaamka Xalane muddada u dhaxeysa 10-16 sababo la xiriira hawlgallo amni iyadq oo arrinkan lagu wargeliyey hey’adaha UNta, diblomaasiyiinta caalamiga ah, NGOs iyo qandaraasleyaasha iyo xataa dowladda federalka iney sidaasi ula socdaan.
Qoraalka kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan waarar uu ka dhacay afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde, tii oo ay jirtay in hey’adda NISA ay dhowaan shaacisay isku day dil oo lala maagan yahay madaxda ugu saraysa dalka, taas oo hadal heyn badan ka dhalisay gudaha dalka.
Goobjoog News
-
Ciidamada xoogga dowladda federalka ah ee Soomaaliya qeybtooda 43-aad ayaa maanta sheegay in ay isku soo dhiibeen laba xubin oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo iska dhiibay degmada Luuq ee gobolka Gedo Jubbaland.
Maxamed Tawane Cabdi iyo Deeqow Ibraahin Cabdale oo ka wada tirsanaa Al-shabaab, waxaana ay sheegeen in siwayn loogu soo dhoweeyay degmada markii ay ay gaareen, waxaana ay wateen laba qori ay ku hubaysnaayeen.
Ciidamada Xoogga ayaa dhowr jeer horay usoo bandhigay rag ay sheegeen in ay kasoo goosteen Alshabaab oo dagaal kula jira ciidamada iyo kuwa AMISO, waxaana lagu soo bandhigay dhow xero oo kala duawan bilii tagay.
Goobjoog News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka heer Federal ee FEIT ayaa soo saaray Liiska tirada Xildhibaanada guud ee qaatay Shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka 11-aad.
Warbixin Maanta kasoo baxday guddiga ayaa lagu sheegady in illaa 193 xildhibaan ay qaateen shahaadada xildhibaanimo mudadii ay socotay howshaan.
“Hambalyo dhammaan Xildhibaanada la doortay ee qaatay Shahaadada Xildhibaanimo, inta dhimman waxaan ku boorrinaynaa Xildhibaanada aan wali qaadan inay yimaaddaan xarunta Guddiga FEIT inta uusan dhammaan waqtiga loogu talogalay qabashada howshaas,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.
Tirada guud ee xildhibaanada ayaa marka la isku geeyey labada Aqalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxay dhaafeen kooramka ay xildhibaanada ku shiri karaan kuna dooran karaan guddoomiyeyaal iyo madaxweynaha.
Halkaan hoose ka akhriso liiska xildhibaanada qaatay shahaadada xildhibaanimo
1. Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#0382. Yusuf Gelle Ugas GSH#0263. Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#1084. Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#0495. Mohamed Harun Abdullahi GSH#2086. Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#2257. Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#0708. Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#0049. Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#06310. Abdirizak Omar Mohamed GSH#01111. Mohamed Omar Aimoy GSH#00512. Mohamed Nur Abukar GSH#26513. Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#1114. Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#00115. Qaali Ahmed Diiriye GSH#09616. Nuuriya Adan Ciise GSH#21217. Muse Said Jama GSH#26318. Ahmed Abdi Koshin GSH#20519. Hirsi Adan Roble GSH#10120. Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#1521. Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#06422. Nadra Salah Abdi GSH#25723. Duniya Mohamed Ali AS#01424. Qaladla Cali Cawaale GSH#01725. Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#20626. Omar Shariif Mohamed GSH#26627. Omar Ali Abdi GSH#03528. Mohamud Abdulkadir Haji GSH#08429. Mohamed Ali Xagaa GSH#26830. Mahad Mohamed Salad GSH#14731. Abdisabir Nur Shurie GSH#07132. Dahabo Susow Mohamud GSH#08833. Adar Ali Mohamed GSH#08134. Bilal Idris Abdullahi AS#03835. Suleyman Ali Hussein GSH#26036. Ali Mohamud Adam GSH#24037. Hussein Qasim Yusuf GSH#04338. Zamzam Mohamed Omar GSH#24339. Muse Ahmed Ismail GSH#07640. Abdirahman Mohamed Mohamud GSH#09541. Ali Mohamed Omar GSH#11542. Daahir Amiin Jeesoow GSH#03043. Abdikariim Abdow Heydar GSH#25244. Khalif Abdi Omar GSH#03245. Mariam Aweis Jama GSH#11346. Jama Mohamed Askar GSH#25447. Dr. Mohamed Elmi Ibrahim GSH#21848. Shamso Hassan Elmi GSH#02049. Marwa Abdibashir Hagi Ali GSH#23450. Dr. Elmi Mohamud Nur GSH#21451. Faaiza Mohamed Jeyte GSH#04852. Muhamed Hussein Abukar GSH#05553. Aidarus Salah Yusuf GSH#22454. Saed Abdi Hussein AS#3955. Sheikh Adan Madoobe GSH#18956. Shariif Abdalla GSH#08557. Abdillahi Abdi Mohamed GSH#26458. Hussein Mohamed Nur GSH#05159. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#16660. Mohamed Abdullahi Keyse GSH#07361. Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#12962. Hassan Abdi Ismail GSH#21763. Omar Ibrahim Hashi GSH#11464. Roda Arab Abdi GSH#21965. Sahra Olad Abdi GSH#01866. Zamzam Dahir Mohamud AS#1267. Leila Ahmed Ismail AS#3768. Ahmed Mohamed Ali AS#2169. Noradin Abdullahi Olujog GSH#24670. Zamzam Abdullahi Ahmed AS#2471. Abdirahman Mohamed Hussein GSH#06972. Fartun Abdikadir Farah Karama AS#1973. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid GSH#03174. Ali Shaban Ibrahim AS#2375. Prof/Dr. Osman Mohamud Mohamed (Dufle) AS#2076. Salah Ahmed Jama AS#3477. Guled Bihi Abdi GSH#25578. Ahmed Osman Dirie GSH#23379. Abdinur Ali Aden GSH#02880. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#10781. Abas Ali Ibrahim GSH#11182. Mohamed Abukar Ali GSH#02583. Adar Hared Jibril GSH#13284. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#12485. Bihi Iman Egeh GSH#23786. Abdiqani Ismail Said GSH#24187. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#27288. Adnan Osman Elmi GSH#23689. Omar Yusuf Qaladid GSH#13690. Ahmed Mohamud Jama GSH#02991. Nasro Mahdi Arale GSH#02392. Leylo Nur Maah AS#0793. Sahra Jama Ali GSH#13494. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#12795. Hassan Dahir Yarow AS#0596. Zaynab Mohamed Amir GSH#26797. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#12098. Yusuf Mohamed Ismail GSH#11899. Ilyas Badal Gabose AS#01100. Mohamed Hassan Adam GSH#133101. Abdillahi adan Ahmed GSH#193102. Hamza Abdi Barre GSH#203103. Abdi Hashi Abdullahi AS#33104. His Hassan Adan GSH#015105. Farhiyo Mohamud Dhakane GSH#052106. Maryan Mohamud Isse GSH#226107. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah GSH#003108. Osman Mohamed Abdi GSH#022109. Fadumo Hassan Ali GSH#210110. Abdi Ibrahim Warsame GSH#196111. Abdulkadir Mohamed Wa’ays GSH#112112. Mowlid Abdi Mohamed GSH#130113. Osman Abokor Mohamed Dubbe AS#36114. Abdirahman Ahmed Suge GSH#245115. Ibrahim Awgab Osman AS#06116. Hassan Idow Mohamed AS#22117. Nor Mohamed Gedi AS#18118. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270119. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006120. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033121. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058122. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66123. Ifrah Mohamed Awed GSH#037124. Abdillahi Bidhan Warsame GSH#235125. Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46126. Fardowsa Osman Egal HOP#232127. Saredo Mogamud Hassan (Jeyte) AS#54128. Deqo Hassan Hussein AS#43129.Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) GSH#008130. Abdisamad Yusuf Mohamed AS#52131. Mohamed Bashiir Ali GSH#083132. Hirsi Jama Gaani GSH#223133. Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072134. Said Mohamed Ali GSH#093135. Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04136.Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248137. Osman Ali Yusuf GSH#198138. Abdullahi Sheikh Ismail AS#02139. Muse Sudi Yalahow AS17140. Abdihakim Moalim Ahmed AS#13141. Qali Ali Shire GSH#060142. Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092143. Maryan Farah Kahiye AS#08144. Ahmed Mohamed Said AS#41145. Mahdi Mohamed Gulaid146. Mohamed Adam Dini GSH#036147. Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab) AS#50148. Said Ali Muse GSH#027149. Ismail Shire Jama GSH#142150. Abdiqani Mohamud Mohamed GSH#075151. Abdikani Gelle Mohamed AS#44152. Abdullahi Farah Mire GSH#228153. Abdullahi Mohamed Jama GSH#191154. Abdullahi Ali Hersi (Timacadde) AS#53155. Farhiya Yusuf Omar GSH#121156. Mohamed Abdirahman Ahmed Ali GSH#128157. Ali Haji Dahir Saleban Adam GSH#220158. Khadra Ahmed Mohamed GSH#174159. Sadam Mohamud Abdi (Jabeer) GSH#158160. Abdirisak Hassan Ahmed (Dhookir) GSH#221161. Ali Mahdi Mohamed GSH#169162. Ainanshe Yusuf Hussein GSH#222163. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#190164. Samira Maxamud Haji AS#51165. Saynab Ismail Mohamed AS#45166. Mohamed Abdi Osman AS#49167. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014168. Farhan Ali Hussein AS#47169. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010170. Mohamed Farah Nur GSH#192171. Abdikafar Elmi Hange GSH#144172. Mohamood Ahmed Adan GSH#157173. Mohamed Abdullahi Burale GSH#059174. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#019175. Abdirahman Idan Yonis GSH#259176. Ali Yusuf Ali Hosh GSH#200177. Ismail Abdulrahman Basheir GSH#238178. Abdikarim Omar Hussein GSH#074179. Mohamed Ibrahim Nur (Macalimu) GSH#068180. Dr. Mohamed Hassan Mohamed GSH#207181. Bashir Abdi Mohamed GSH#273182. Faisal Ahmed Mohamud GSH#149183. Abdullahi Hassan Roble GSH#249184. Said Siyad Shirwac AS#09185. Hussein Ahmed Ulusow GSH#021186. Farhan Ali Mohamoud AS#10187. Abdirisaq Mohamed Osman AS#03188. Zahra Abdulahe Igal (Bundubte) GSH#094189. Ali Haji Adam Abukar GSH#039190. Abdirahman Abdulkadir Ade GSH#105191. Khadra Mohamed Tukale GSH#247192. Amina Omar Jama GSH#202193. Dahir Ayanle Said AS#48Hambalyo dhammaan Xildhibaanada la doortay ee qaatay Shahaadada Xildhibaanimo, inta dhimman waxaan ku boorrinaynaa Xildhibaanada aan wali qaadan inay yimaaddaan xarunta Guddiga FEIT inta uusan dhammaan waqtiga loogu talogalay qabashada howshaas.The post Guddiga Doorashada FEIT oo shaaciyey tirada xildhibaanada shahaadada qaatay appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Midowga Musharrixiinta oo ay ka wada hadleen arrimaha dhammeystirka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya, dhaarinta xildhibaannada iyo dhammeynta arrimaha turxaan bixinta u baahan.Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Midowga Musharaxiinta warbixin ka siiyay halka ay marayso howsha doorashada, u diyaargarowga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada iyo dadaalladiisa ku aaddan xal u helista arrimaha harsan ee doorashada la xiriira.Waxa uu Ra’iisu Wasaaruhu adkeeyay in ay ka go’an tahay in jadwalka dhaarinta xildhibaannada loo dhaqan geliyo sidii ay u soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, isagoo sheegay in dhaarinta xildhibaannadu dhici doonto 14-ka April oo ah xilligii loo qorsheeyay.Dhanka kale Midowga Musharrixiinta ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dhammeystirka doorashooyinka, waxa ayna hoosta ka xarriiqeen in uusan jirin xal aan ahayn in jadwalka doorashadu u dhaqan galo sidii guddigu doorashadu u soo saaray, 14-ka bishana la dhaariyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad ee dalka, iyadoo lagu dhinac wadayo xal u helista arrimaha taagan.Midowga Musharaxinta ayaa sidoo kale ku celiyay taageeradooda go’aankii XFS ay dalka kaga ceyrisay ergaygii Midowga Afrika Francisco Madiera oo faraha la galay arrimo ka baxsan diblomaasiyadda iyo howlihii uu u xilsaarnaa.Goobjoog News -
Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federal FEIT ayaa wali wada bixinta aqaaonsiga iyo Shahaadooyinka xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 11-aad, waxaana guddigu uu shaaciyey in 193 mudane ay qaateen.
1. Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#0382. Yusuf Gelle Ugas GSH#0263. Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#1084. Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#0495. Mohamed Harun Abdullahi GSH#2086. Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#2257. Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#0708. Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#0049. Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#06310. Abdirizak Omar Mohamed GSH#01111. Mohamed Omar Aimoy GSH#00512. Mohamed Nur Abukar GSH#26513. Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#1114. Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#00115. Qaali Ahmed Diiriye GSH#09616. Nuuriya Adan Ciise GSH#21217. Muse Said Jama GSH#26318. Ahmed Abdi Koshin GSH#20519. Hirsi Adan Roble GSH#10120. Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#1521. Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#06422. Nadra Salah Abdi GSH#25723. Duniya Mohamed Ali AS#01424. Qaladla Cali Cawaale GSH#01725. Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#20626. Omar Shariif Mohamed GSH#26627. Omar Ali Abdi GSH#03528. Mohamud Abdulkadir Haji GSH#08429. Mohamed Ali Xagaa GSH#26830. Mahad Mohamed Salad GSH#14731. Abdisabir Nur Shurie GSH#07132. Dahabo Susow Mohamud GSH#08833. Adar Ali Mohamed GSH#08134. Bilal Idris Abdullahi AS#03835. Suleyman Ali Hussein GSH#26036. Ali Mohamud Adam GSH#24037. Hussein Qasim Yusuf GSH#04338. Zamzam Mohamed Omar GSH#24339. Muse Ahmed Ismail GSH#07640. Abdirahman Mohamed Mohamud GSH#09541. Ali Mohamed Omar GSH#11542. Daahir Amiin Jeesoow GSH#03043. Abdikariim Abdow Heydar GSH#25244. Khalif Abdi Omar GSH#03245. Mariam Aweis Jama GSH#11346. Jama Mohamed Askar GSH#25447. Dr. Mohamed Elmi Ibrahim GSH#21848. Shamso Hassan Elmi GSH#02049. Marwa Abdibashir Hagi Ali GSH#23450. Dr. Elmi Mohamud Nur GSH#21451. Faaiza Mohamed Jeyte GSH#04852. Muhamed Hussein Abukar GSH#05553. Aidarus Salah Yusuf GSH#22454. Saed Abdi Hussein AS#3955. Sheikh Adan Madoobe GSH#18956. Shariif Abdalla GSH#08557. Abdillahi Abdi Mohamed GSH#26458. Hussein Mohamed Nur GSH#05159. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#16660. Mohamed Abdullahi Keyse GSH#07361. Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#12962. Hassan Abdi Ismail GSH#21763. Omar Ibrahim Hashi GSH#11464. Roda Arab Abdi GSH#21965. Sahra Olad Abdi GSH#01866. Zamzam Dahir Mohamud AS#1267. Leila Ahmed Ismail AS#3768. Ahmed Mohamed Ali AS#2169. Noradin Abdullahi Olujog GSH#24670. Zamzam Abdullahi Ahmed AS#2471. Abdirahman Mohamed Hussein GSH#06972. Fartun Abdikadir Farah Karama AS#1973. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid GSH#03174. Ali Shaban Ibrahim AS#2375. Prof/Dr. Osman Mohamud Mohamed (Dufle) AS#2076. Salah Ahmed Jama AS#3477. Guled Bihi Abdi GSH#25578. Ahmed Osman Dirie GSH#23379. Abdinur Ali Aden GSH#02880. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#10781. Abas Ali Ibrahim GSH#11182. Mohamed Abukar Ali GSH#02583. Adar Hared Jibril GSH#13284. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#12485. Bihi Iman Egeh GSH#23786. Abdiqani Ismail Said GSH#24187. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#27288. Adnan Osman Elmi GSH#23689. Omar Yusuf Qaladid GSH#13690. Ahmed Mohamud Jama GSH#02991. Nasro Mahdi Arale GSH#02392. Leylo Nur Maah AS#0793. Sahra Jama Ali GSH#13494. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#12795. Hassan Dahir Yarow AS#0596. Zaynab Mohamed Amir GSH#26797. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#12098. Yusuf Mohamed Ismail GSH#11899. Ilyas Badal Gabose AS#01100. Mohamed Hassan Adam GSH#133101. Abdillahi adan Ahmed GSH#193102. Hamza Abdi Barre GSH#203103. Abdi Hashi Abdullahi AS#33104. His Hassan Adan GSH#015105. Farhiyo Mohamud Dhakane GSH#052106. Maryan Mohamud Isse GSH#226107. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah GSH#003108. Osman Mohamed Abdi GSH#022109. Fadumo Hassan Ali GSH#210110. Abdi Ibrahim Warsame GSH#196111. Abdulkadir Mohamed Wa’ays GSH#112112. Mowlid Abdi Mohamed GSH#130113. Osman Abokor Mohamed Dubbe AS#36114. Abdirahman Ahmed Suge GSH#245115. Ibrahim Awgab Osman AS#06116. Hassan Idow Mohamed AS#22117. Nor Mohamed Gedi AS#18118. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270119. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006120. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033121. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058122. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66123. Ifrah Mohamed Awed GSH#037124. Abdillahi Bidhan Warsame GSH#235125. Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46126. Fardowsa Osman Egal HOP#232127. Saredo Mogamud Hassan (Jeyte) AS#54128. Deqo Hassan Hussein AS#43129.Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) GSH#008130. Abdisamad Yusuf Mohamed AS#52131. Mohamed Bashiir Ali GSH#083132. Hirsi Jama Gaani GSH#223133. Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072134. Said Mohamed Ali GSH#093135. Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04136.Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248137. Osman Ali Yusuf GSH#198138. Abdullahi Sheikh Ismail AS#02139. Muse Sudi Yalahow AS17140. Abdihakim Moalim Ahmed AS#13141. Qali Ali Shire GSH#060142. Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092143. Maryan Farah Kahiye AS#08144. Ahmed Mohamed Said AS#41145. Mahdi Mohamed Gulaid146. Mohamed Adam Dini GSH#036147. Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab) AS#50148. Said Ali Muse GSH#027149. Ismail Shire Jama GSH#142150. Abdiqani Mohamud Mohamed GSH#075151. Abdikani Gelle Mohamed AS#44152. Abdullahi Farah Mire GSH#228153. Abdullahi Mohamed Jama GSH#191154. Abdullahi Ali Hersi (Timacadde) AS#53155. Farhiya Yusuf Omar GSH#121156. Mohamed Abdirahman Ahmed Ali GSH#128157. Ali Haji Dahir Saleban Adam GSH#220158. Khadra Ahmed Mohamed GSH#174159. Sadam Mohamud Abdi (Jabeer) GSH#158160. Abdirisak Hassan Ahmed (Dhookir) GSH#221161. Ali Mahdi Mohamed GSH#169162. Ainanshe Yusuf Hussein GSH#222163. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#190164. Samira Maxamud Haji AS#51165. Saynab Ismail Mohamed AS#45166. Mohamed Abdi Osman AS#49167. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014168. Farhan Ali Hussein AS#47169. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010170. Mohamed Farah Nur GSH#192171. Abdikafar Elmi Hange GSH#144172. Mohamood Ahmed Adan GSH#157173. Mohamed Abdullahi Burale GSH#059174. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#019175. Abdirahman Idan Yonis GSH#259176. Ali Yusuf Ali Hosh GSH#200177. Ismail Abdulrahman Basheir GSH#238178. Abdikarim Omar Hussein GSH#074179. Mohamed Ibrahim Nur (Macalimu) GSH#068180. Dr. Mohamed Hassan Mohamed GSH#207181. Bashir Abdi Mohamed GSH#273182. Faisal Ahmed Mohamud GSH#149183. Abdullahi Hassan Roble GSH#249184. Said Siyad Shirwac AS#09185. Hussein Ahmed Ulusow GSH#021186. Farhan Ali Mohamoud AS#10187. Abdirisaq Mohamed Osman AS#03188. Zahra Abdulahe Igal (Bundubte) GSH#094189. Ali Haji Adam Abukar GSH#039190. Abdirahman Abdulkadir Ade GSH#105191. Khadra Mohamed Tukale GSH#247192. Amina Omar Jama GSH#202193. Dahir Ayanle Said AS#48Goobjoog News -
Mogadishu (HOL) The chairperson of the commission of the African Union, H.E Moussa Faki Mahamat, on Saturday expresses concern about the decision by Somali Prime Minister over expulsion of the AU envoy to Somalia Ambassador Francisco Madeira.














Daawo:Nuxurka Khudbad Musharax Cirro u jeediyey Qaar ka mida warbaahinta Maxalliga ee Madaxbanaan oo Munaasibad Afura la wadaagey
in News - Wararka
Posted
Qaran News