-
Content Count
212,004 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhegaha ka fureystay go’aankii dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, isagoo guddiga doorashooyinka faray inay guda galaan dhaqan-gelinta jadwalkii dhaarinta baarlamaanka ee maamulladaas ay ka hor yimaadeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay galab u yeeray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka federaalka, waxuuna kala hadlay seddax qodob oo kala ah:
1 – Hirgalinta jadwalka shahaado siinta xildhibaanada laba Aqalka.
2 – Dhaarinta xildhibaanadii ka soo gudba hubinta guddiga
3 – Dhameystirka doorashada xildhibaannada dhiman ee aan weli la soo dooran.Qoraal uu baahiyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf uu kula dardaarmay inay dardargeliyaan doorashada, isla markaana sidiisa loo dhaqan geliyo jadwalka ay soo saareen.
Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si adag uga hor yimid jadwalkaan oo soo baxay 16-kii bishaan, waxayna ku doodeen in Rooble ama guddiga heer federal uusan midkoodna awood u laheyn inuu soo saaro jadwalka soo xareynta iyo dhaarinta baarlamaanka.
Falanqeeyayaasha isha ku haya siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya waxay qabaan in diidmada Jadwalka ee labadaas madaxweyne goboleed ay salka ku heyso xurguf ka dhalatay natiijada kuraas lagu doortay Baydhaba iyo Dhuusamareeb oo guddigu uu horay diiday, guddiga ayaa ku dooday in habraacii saxda ahaan aan loo marin doorashadooda.
Qoor Qoor iyo Laftagareen ayaa cuskaday in aysan aqbali doonin wax aysan ku heshiin xubnaha golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada, balse waxaa la aaminsan yahay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in guddiga doorashooyinka heer federaal uusan awood u yeelan in xubnaha dooran qaar ay ka reebaan baarlamaanka.
Qodobka 6-aad ee heshiiskii laga gaaray doorashada waxuu dhigayaa, “Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada.”
Qodobka 14-aad ee heshiiskaas ayaa qoraya, “Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.”
Sidoo kale qodobka 18-aad ee heshiiskaas oo bishii October ay Muqdisho ku saxiixeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxuu dhigayaa, “Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal,” balse intaas waxaa hadda diidan Qoor Qoor iyo Laftagareen.
The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku adkeystay fulinta go’aankii guddiga doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
-
Ruushka oo qirtay arrin laga cabsi qabay
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in Moscow ay burburisay bakhaar dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla galbeedka Ukraine iyadoo la adeegsanayo gantaallada hawada sare.
Ruushka waligiis ma qiran in uu dagaalka Ukraine u adeegsaday gantaalada hawada sare.
Gantaalada Ruushka ee ballistic-ga ah waxay ku duuli karaan jawiga sare in ka badan shan laab xawaraha codka.
-
Dagaalka Ukraine oo sameyn ku yeeshay Soomaaliaya
Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa laga dareemayaa sare u kac ku yimid qiimaha qamadiga iyo saliidda cunnada lagu karsado, arrintaas oo loo aanaynayo colaadda Ukraine. Qamadiga laga cunno Soomaaliya ayaa boqolkiiba boqol laga keenaa dalalka Ukraine iyo Ruushka.
-
Ukriane oo sheegtay in ay qabqabatay Kooxo taagersan RuushkaCiidamada Ukraine ee ku sugan Kyiv ayaa xabsiga dhigay 127 qas-wadayaal ah oo ay ku jiraan 14 koox oo u basaasayay Ruushka tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka, sida uu sheegay madaxa maamulka militariga ee caasimadda dalkaasi Mykola Zhyrnov.
Zhyrnov ayaa sheegay in jidgooyooyinka ay fure u ahaayeen soo qabashada wakiillada taageersan Ruushka, kuwaas oo Ukraine ay ku eedeysay qaran dumis iyo inay u basaasayeen Ruushka.
-
Kyiv (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ayaa wadooyinka magaalada Mariupol kula dagaallamaya xooggaga Ukraine, xilli magaaladaas laga soo sheegayo xaalad bani’aadannimo oo adag.
Dedaallo lagu sama bixin lahaa boqolaal qof oo ku hoos jira burburka tiyaatarta Mariupol ayaa hakaday dagaalka u dhexeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine awgii.
Xukuumadda Kyiv ayaa Moscow ku eedaysay inay si bareer ah Arbacadii u duqaysay tiyaatarka oo hooy u ahaa boqolaal qof oo rayid ah, eedeyntaas oo uu beeniyay Ruushka.
Qaar ka mid ah dadka kooban ee ka baxsaday magaalada Mariupol ayaa sheegay in xaalad adag ay halkaa ka jirto, isla markaana ay biyaha iyo koronta ka go’an yihiin magaalada.
Duqa magaaladaas ayaa ciidamada soo duulay ku eedeeyay inay si sharci darro ah kumannaan qof oo magaalada ku sugnaa u geeyeen gudaha Ruushka. Ma jirto cid xaqiiijisay warkaas.
Dhinaca kale faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn gantaallo loo adeegsaday oo uu Ruushka ku qaaday saldhig ciidan oo ay Ukraine ku leedahay magaalada dhacda badda madow ee Mykolayiv.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ataa sheegay in ku dhawaad 200 oo askari ay jiifeen saldhigga xilliga uu Ruushka duqeynta fuliyay.
Askari Ukraine u dhashay ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in goobta laga soo saaray meydadka ilaa 50 askari. Ma uusan sheegin tirada askarta ku hoos jirtay burburka. Waxaa socda dedaallo lagu baadi goobaya cid ka badbaaday duqeyntaas.
The post Wararkii ugu dambeeyey ee Ukraine iyo Ruushka oo galay magaallo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay “inay si weyn uga niyad jabtay” booqashada madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ee Imaaraadka Carabta, waxayna xulufadeeda ku boorisay inay ka fogaadaan xiriir ay la yeeshaan talis lagu eedeeyey “tacaddiyo argagax leh.”
Booqashadii yaabka laheyd ee Assad ee Jimcihii ayaa aheyd tiisii ugu horreysay ee uu ku tago dal Carbeed tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalkiisa 2011-kii, kaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhow nus milyan qof.
Waxay aheyd astaantii ugu dambeeyey ee xiriir soo xoogeysanaya oo u dhaxeeya Syria, iyo Imaaraadka Carabta oo xulufo muhiim u ah Mareykanka.
“Si qoto dheer ayaan uga niyad-jabnay oo ay noo dhibtay isku dayga sharciyadda lagu siinayo Bashar al-Assad,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price.
Price ayaa sheegay in Assad “uu weli mas’uul ka yahay, lagulana xisaabtamayo dilalka iyo silica dad Suuriyaan ah oo aan la xisaabi karin iyo barakaca in ka badan kala bar shacabak Syria, iyo xariga iyo waayitaanka in ka badan 150,000 oo isugu jira rag, haween iyo carruur.”
“Sida uu ku celiyey Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken, ma taageereyno dadaallada dhaqan-celinta loogu sameynayo Assad, mana taageereyno kuwa kale ee xiriirka la sameysanaya,” ayuu yiri Price.
“Waan u caddeynay arrintan saaxiibadeena, waxaana ugu baaqeynaa dalalka inay ka fiirsadaan la-macaamilka taliska Assad, oo ay si taxaddar leh u eegaan tacaddiyada argagaxa leh ee taliskiisu gaystay.”
Booqashada Assad ee Imaaraadka Carabta ayaa timid, ayada oo Russia – oo sidoo kale taageero weyn u ah Dimishiq, xiriir xoogganna la leh Imaaraadka – ay sii xoojisay duulaankeeda Ukraine.
Dagaalka Syria ayaa qarxay March 2011 kadib markii ay billowdeen dibad-baxyo ka dhanka ah dowladda Assad, waxaana sanad kadib Imaaraada Carabta, si la mid ah inta badan dalalka Carabta, ay xiriirka u jareen Dimishiq.
Hase yeeshee Imaaraada ayaa dib u faray safaaraddoodii caasimadda Syria bishii December 2018, taasi oo tusmeysay isku day taliska Assad dib loogu soo celinayo xeendaabka Carabta.
Jimcihii, Assad iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta, ayaa ka wada hadlay “xiriirka walaalnimo” ee u dhaxeeya labadooda dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka ee WAM.
Sheikh Mohammed ayaa sheegay inuu rajeynayo in booqashada ay “dhabbaha u xaari doonto wanaagga, nabadda, iyo xasiloonida Syria iyo guud ahaan gobolka,” ayey tiri WAM.
The post Mareykanka oo ka carooday tallaabo lama filaan ah oo ay qaadeen IMAARAADKA appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada amniga ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyay xaafado ka tirsan degmada Dharkenley, kaas oo ay ku beegsanayeen dadka isticmaalo waxyaabaha maanka dooriya iyo ciyaal weero dhib badan ku haayey shacabka ku dhaqan degmadaas.
Taliyaha Booliiska ee qeybta Galbeed Yaasiin Nuur Kheyre ayaa sheegay in howlgankan uu ka danbeeyey ka jawaabida cabasho ka timid dadka deegaan oo dhibaato xooggan kala kulmay dhalinyaro abaabulan oo xaafadaha degmadaas ka wada fowdo iyo arbushaad iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooroya.
Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay nuucyadda kala duwan ee waxyaabaha maandooriyaha iyo dad ka ganacsanayay, isaga oo waalidiinta ugu baaqay in ay Carruurta dadka dhibaateeynaya ay ceshadaan.
PUNTLAND POST
The post Ciidamada amniga oo howlgal gaar ah ka fuliyay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo shaaciyey waxa uu yahay hadafkiisa ugu weyn.
Saciid Deni ayaa sheegay in hadafkiisa ugu weyn ee musharaxnimadiisa uu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madaxweyne Farmaajo, isagoo balan qaaday in musharax kasta oo hadafkaas uu garab istaagi doono.
“Waxaan halkaan baaq uga dirayaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, waa inay ku midoobaan in la bedelo madaxweynaha hadda jooga ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Deni.
Isagoo sii hadlaayey Saciid Deni waxuu yiri, “Hadafka u weyn oo aan leeyahay wuxuu yahay in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan sii joogi karin xilka, waa adagtahay in dalkaani uu horay u sii socdo, hadii uu sii joogo.”
Sidoo kale Deni wuxuu balan qaaday in qof kasta oo hadafkaas leh uu garab istaagi doono, “Aniga iyo xildhibaanada labada Aqalka ee reer Puntland waxaan ka wada qeyb qaada doonaa isbedel muuqda oo ku dhisan nidaam dumoqraadi ah,” ayuu yiri Saciid Deni.
Wuxuu carabka ku adkeeyey inay mabda’ ka tahay dagaalka siyaasadeed ee uu ku qaadi doono nidaamka Farmaajo, “In dalka laga bedelo wadadii Farmaajo ku waday waa waajib, qof kasta oo mabda’aas lehna waxaan saaxiib ku noqon karnaa siyaasadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.
Ugu dambeyntii madaxweynaha Puntland waxuu sheegay in musharax kasta oo ku soo baxa tartanka doorashada uu la shaqeyn doono, markii laga reebo Farmaajo oo dagaal siyaasadeed oo aad u adag uu kala dhaxeeyo.
“Tartanbaa la gelayaa waxaan rajeynayaa cid kheyr qabta inay ku soo baxdo tartankaas oo aan rajeynayo inuu noqdo mid xalaal ah, cid kasta oo aan Farmaajo aheyn oo ku soo baxdana in si wadajir ah gacan loo siiyo ayaan rajeynayaa, sababtoo ah in Farmaajo soo laabto, waxay dhaawac ku tahay deganaashaha iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Deni oo shaaciyey hadafkiisa ugu weyn iyo sababta uu isu-soo sharaxay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ee dhowaan doorashada soo dhammeeyey.
Madaxweynaha ayaa guddiga uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen qabashada doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee deegaan Doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.
15-kii bishan Maarso, sanadka 2022, ayaa magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyay doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee maamulka Koonfur Galbeed ku matayali doona Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Goobjoog News
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe waxaa uu kulan kula qaatay xildhibaannada labada aqal Puntland ku matalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka labadiisa gole, xili uu soo baxay war sheegay inuu madaxweyne Deni uu u sharaxan yaay madaxweynaha dowladda federalka oo dhowaan la doorayo.
Qoraal uu baraha bulshada uusoo galiyey Afhayeen madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayuu waxaa uu ku sheegay inuu Siciid Deni uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wararku ay intaas ku darayaan inuu kulanka maanta uu la qaatay xildhibaannada laga soo doortay Puntland uu ku qotomay musharaxnimadiisa.
“Madaxweyne Deni wuxuu u taaganyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waa hoggaamiye samata bixin kara dalkeena. Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan” ayuu yiri jaamac Jaamac Dabaari, tii oo ay jirto in madaxweyne Deni muddooyinkii dambe lasheegayey inuu yahay Musharrax madaxweyne.
Madaxweyne Deni ayaa doorashadii labada gole ee Baalamaanka laga soo doortay deegaannada Punland, waxaa kasoo baxay xildhibaanno iyo Senatorro aad ugu dhowaa siyaasad ahaan, waxaana kuraas inta badan ka waayey shakhsiyaadkii ka aragti duwanaa madaxweyne Siciid Cabdillahi Deni, waxaana uu maanta kadib uu yahay musharrax u taagan Madaxweynaha dalka
Goobjoog News
-
Waxaanu aad uga xunahay ficilada Beegsiga, jidh dilka iyo cago juglaynta lagu hayo Weriyeyaasha, dadka rayigooda cabira, taageerayaasha Mucaaradka ah iyo cid kasta oo fikirkooda si xor ah u cabirta. Waa dhaqan cusub oo liddi ku ah distuurka iyo xeerark dalka in ay muddooyinkan u dambeeyey soo badanayaa ugaadh siga iyo jidh dilka loo geysanayo Weriyeyaasha iyo dad kale ee muwaadiniinta ah in weliba iyaga oo Huteellada iyo goobaha lagu kulmo jooga in qaab ka baxsan ilbaxnimada iyo distuurka dalka loo jidh dilo.
Waxa jira Weriyeyaal weli xidhan oo aan xadhigooda sifihii sharciga ahaa aan loo marin, isla markaana aan sharciga la horkeeni weli, wax lagu haysto aan la ogeyn, halka kuwii kale ee bannaanka joogayna lagu hayo jidh dil, handadaad iyo cago jugleyn sababta u weyna ay tahay maxaad Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa u dhaliilaysaan amma wax uga qoraysaan.Nasiib darrada kale waxa ay tahay in cidda falalkan lagu eedaynayo in ay fulinayso
inay yihiin dad sita magaca Hay’ad Ammaanka qaabilsan oo shaqada loo xil saaray ay ka weyn tahay tan lagu eedaynayo.Xisbi ahaan tacadiyadan u dambeeyey ee loo geystay Suxufiyiinta waanu cambaareynaynaa, waxaanan Xukuumadda ugu baaqaynaa in ay ixtiraamto distuurka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee Muwaadiniinta. Weriyeyaashu way khaldami karaan, laakiin waa in khaladka ay sameeyaan loo maraa dariiqa sharciga ah iyo Hay’addaha ku shaqada leh.
W/Q Xoghayaha cadaalada xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ku dhawaaqay in uu u tartamayo xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Deni ayaa hadalkan kaga dhawaaqay munaasabad casho ah oo uu caawa u sameeyay xildhibaannada cusub ee Puntland ku metelaya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyanah Puntland ayaa ugu baaqay musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya in ay iska kaashadaan sidii meesha looga saari lahaa Madaxweyne Farmaajo.
“Waxaan idinla socodsiinayaa inaan u tartami doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ugu baaqayaa dhammaan musharaxiinta xilkaas u ordaysa inay iska kaashadaan sidii meesha looga saari lahaa madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Farmaajo, islamarkaana noqdo hadafka 1aad oo laga wada shaqeeyo sidii loo taabo-gelin lahaa inuu isbedel dhaco” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaaa galabta madaxtooyada Garowe kulan gaar ah kula qaatay xildhibaannada cusub ee Puntland ku metelaya labada Aqal, wuxuuna kala hadlay qorahaha uu ku raadinayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya
PUNTLAND POST
The post Deni oo shaaciyay inuu u tartamayo Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa si rasmi ah u shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Saciid Deni ayaa go’aankan uga dhowaaqay kulan uu caawa la yeeshay xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Puntland, kuwaas oo madaxtooyada Garowe uu ku qaabilay.
Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa qoraal kooban oo uu baahiyey waxuu ku yiri, “Madaxweyne Deni wuxuu u taaganyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waa hoggaamiye samata bixin kara dalkeena. Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan.”
Saciid Deni ayaa tan iyo markii ay billowdeen doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya, iyo kasii horba, waxaa aad loo hadal hayey inuu damac uga jiro xilka madaxweynaha Soomaaliya, taas oo ugu dambeyn uu caawa xaqiijiyey.
Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ku goodiyay in baarlamaanka uu xilka ka qaadi doono madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni, haddii uu ku dhawaaqo inuu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Shaacinta go’aankaan waxay ku soo aaday, iyadoo maanta Xildhibaan Cawil Daad oo ka tirsan baarlamaanka Puntland uu ku goodiyey in haddii Saciid Deni uu ku dhawaaqo inuu murashax u yahay dowladda dhexe ay si toos ah baarlamaanka Puntland xilka ugu xayuubi doonaan.
Xildhibaanka ayaa Deni ku eedeeyay waxqabad la’aan seddax sano ah iyo dib u dhac ay wajaheyso Puntland, wuxuuna sheegay in dastuurka cusub ee Puntland uu cadeynayo in madaxweynaha Puntland uusan isku sharixi karin xil kale, isagoo jagada madaxweynaha Puntland haya oo aan iska casilin ama laga qaadin.
Madaxweyne Deni ayaa xildhibaanada uu caawa Garowe kula kulmay waxuu u soo bandhigay go’aankiisa musharaxnimada, isagoo ka codsaday inay ku taageeraan hanashada kursiga ugu sareeya dalka.
Hoos ka daawo hadal jeedintii Deni
The post Deni oo ku dhowaaqay go’aankiisa musharaxnimo ee xilka madaxweynaha DF appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Muqdsho kulan kula qaatay guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer federaal Muuse Geelle Yusuf oo uu kala hadlay hirgalinta jadwalka shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannada oo madaxda maamullada qaar ay ka horyimaadaan jalwalka lasoo saaray.
Waxaa sidoo kale Rooble uu kala hadlay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dhamaystirka doorashooyinka golaha waxaana uu kula dardaarmay inay dardargeliyaan doorashada Xildhibaannada dhiman, inay dhaqan geliyaan jadwalka ay soo saareen, kaas oo madaxweyne Qoorqoor iyo Laftagareen ay ka horyimaadeen waqtiga loo qabtay dhaarinta ee 14 April.
Dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa soo dhammaystiray doorashada xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, xili wali maamullada Hirshabeelle iyo Jubbaland waliaysan soo dhammaynin, iyadoo deegaan doorashada labaad ee Jubbaland u taagan tahay khilaaf siyaasadeed oo aan wali xallaga gaarin Garbahaareey.
Goobjoog News
-
Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa maanta lagu doortay laba kursi oo katirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka oo horay guddigu u shaaciyey, iyadoo dhowaan la filaayo in lasoo gabagabeeyo doorashada kuraasta taalla magalada Kismaayo ee deegaan doorashada koowaad.
1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#029 waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Musharax Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac iyo musharax Xildhibaan Cabdiqani Cali Ciise, waxaana doorashada ka hor tartanka isaga haray Cabdqani Cali Ciise, waxaana codad gacantaag ah kusoo baxay xildhibaan Maxamuud Jaamac oo ku guuleystay kursiga sida guddigu shaaciyey.
2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#124 waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Musharax Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif iyo musharax Xildhibaan Cabdullaahi Mukhtar Maxamed, waxaana doorashada ka hor isaga haray tartanka kursiga Cabdullaahi Mukhtar Maxamed, waxaana codad gacantaag ah kusoo baxay Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif.
Goobjoog News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka faallooda siyaasadda, ayaa wareysi uu uga hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya xaaladda guud ee dalka, wuxuu kusoo jeediyey tallaabo ay tahay la qaado kadib marka ay dhamaato doorashada dalka.
Dr Xasan Sheekh ayaa soo jeediyey in marka ay dhammaato doorashada socota maxkamad lasoo saaro dadka geystay fal dambiyeedyada ee ka midka ah dowladda Soomaaliya.
“Doorashada socota haddii ay dhammaato waa in dadka galay dambiyada ee hadaaye sheegay Maxkamad la geeyo, garsoor caadil ahna ay helaan,” ayuu Dr Xasan Sheekh Cali.
Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Macnaha aniga ma dhahaayey dadkaas waa dambiilayaal hala qabto, hala xiro, hala dilo maya, waxaan leeyahay maxkamad hala geeyo”.
Prof. Xasan Sheekh Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah u eedeeyey Farmaajo iyo kooxdiisa, isaga oo tiriyey dabmbiyada loo heesto oo ay tahay in loo maxkamadeedyo.
“Golihii shacbiga Soomaaliya oo la kufsaday, dadkii guryahoodii lagu dilay, Jubbaland oo la dumiyey dhibaatadii ka dhacday Baydhabo, muwaadiniin Soomaaliyeed oo Itoobiya loo dhiibay madaxdii hore iyo dadkii la weeraray, dadka intaas galay waa in maxkamad la saaro,” ayuu markale yiri.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii aan qaadin tallaabooyinkaas, isla-markaana aan la aadin dhanka sharciga aysan Soomaaliya noqon doonin dowlad rasmi ah, sida uu hadalka u dhigay.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmajao ayaa loo heestaa eedeymo culus, waxaana ugu dmabeeyey kiiskii la yaab lahaa ee Ikraan Tahliil Faarax oo lagu waayey nolol iyo geeri.
The post Prof. Xasan Sheekh oo soo jeediyey arrin xasaasi ah markay dhamaato doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Kapul)-Hooyo u dhalatay waddanka Afgaanistaan, ayaa ogolaatay inay iibiso ilmaheeda uurka ku jira, iyada oo dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi ku jirtaana ay ku khasabtay xaaladan.
Sida ay sheegtay hay’adda Save The Children, koox ka ganacsata carruurta ayaa la sheegay in ay ka iibsanayaan.
Sheekooyinka noocan oo kale ah ayaa aad ugu badan dalka Afgaanistaan, iyada oo waalidiinta saboolka ahna ay qaadayaan tallaabooyin quus ah si ay u sii noolaadaan.
Save the children ayaa sahan ay dhawaan sameysay kula hadashay sodon qoys oo dhawaan ku badeshay cuno, lacag si ay u helaan adeegyada aasaasiga ah.
Xog ururinta hay’addu ayay ku ogaatay in 121 kun oo carruur ah lagu iibsaday dalkaas, tan iyo bishi Augusto ee sannadkii 2021-kii.
Haweenaydan go’aansatay inay iibiso ilmaheeda oo magaceeda lagu soo koobay Nusheyn, waa 36 jir, waxa ay la nooshahay ninkeeda iyo shan caruur ah oo ay dhalleen, waxa ay ku nool yihiin gobolka Lusam ee waqooyiga Afgaanistaan, uurkeedu hadda waa lix bilood, balse ninkeeda Casiis waxa uu sheegay in aanay haysan wax kale oo aan ka ahayn inay iibiyaan ilmaha uurka ku jira, si ay u sii noolaadaan.
Burburka dhaqaale hoos u dhaca joogtada ah, abaarihii sannadkii hore ayaa sabbabay cunto yari aan hore loo arag, oo ka jirta dalka Afgaanistaan.
Inta badan qoyasku waxa ay waayeen qaybo iyo dhammaan dakhligoodii, mana awoodaan inay iska bixiyaan qiimaha sarre u kaca ee cuntada iyada oo dagaalkii Ukraina uu qiimaha badeecadaha ee adduunka.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaya saacadihii u danbeeyay ayaa sheegaya in khilaaf xooggan oo ku saabsan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya uu ka dhex qarxay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimada Gobolka Nugaal ee beesha Ciise Maxamuud.
Isimada ayaa la sheegay inay ka caraysan yihiin boob ay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ku sameeyeen kursiga Golaha Shacabka #029 ee Beesha Ciise Maxamuud oo maanta laga doortay magaalada Kismaayo.
Kursigan ayaa waxaa loo xiray Axmed Macamuud Jaamac oo ah suxufi, islamarkaana iminka ka mid ah howlwadeenada madaxtooyada Jubaland, kaasi oo odayaasha beesha Ciise Maxamuud aysan raali ka aheyn, balse maanta ku guuleystay.
Wararka ayaa sheegaya in Suldaan Siciid Maxamed Garaase uu isaga baxay magaalada Garoowe, halka Islaan Ciise Islaan Maxamed isna la sheegayo in uu ka baxayo magaalada.
Sidoo kale maalin ka hor waxa Garoowe isaga baxay Isimo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kasoo jeeda beesha Cumar Maxamuud, kadib markii Siciid Deni uu ka boobay kuraasta Golaha Shacabka ee HOP#198 iyo HOP#199.
Isimada Puntland ayaa ka mid ah odayaal dhaqameedyada ugu saameynta iyo awoodda badan Soomaalida marka ay noqoto deegaanadooda, hase yeeshee Saciid Deni ayaa inta badan si awood leh u maamushay xulidda kuraasta laga soo dooranayo Puntland, isaga oo aan eegin rabitaanka isimada.
The post Xiisad ka dhex-qaraxday Saciid Deni iyo beesha Ciise Maxamuud iyo Isimo isaga baxay magaalada Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Axmed Buux (bidix) Maxamed Nadiif (midig)
Labada kursi ee tirsigoodu yahay Hop#029 iyo Hop#124 ee Golaha Shacabka ayaa galabta lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubaland.
Kursiga Hop#029 oo ay leedahay beesha Ciise Maxamuud (Majeerteen) waxaa ku soo baxay Axmed Maxamuud Jamaac (Buux), kursigan waxaa horay ugu fadhiyay Liibaan Cismaan Cabdiraxmaan.
Kursiga Hop#124 oo ay leedahay beesha Reer Aw Qudub (Shiikhaal) waxaa ku soo baxay Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif, kursigan waxaa horay ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ahaa saaxiibada Fahad Yaasiin.
Labo kursi (Hop#133 iyo Hop#219) ayaa weli ka harsan kuraastii taalay magaalada Kismaayo, kuwaas oo lagu wado in doorashadooda la qabto axada ama isniinta.
PUNTLAND POST
The post Labo kursi oo lagu doortay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Maahmaah reer xamar ah ayaa tidhaahda “Cimrigaaga oo Raagaa Geel Dhalaayana wuu ku tusaa” Dhawr jeer ayaan si sarbeeb ah oga hadlay kibirka iyo foolxumada ka socota hargeisa.
Foolxumadaas iyo kibirkaas oo lagu kala baydhi waayay inuu hormood ka yahay wiilka uu dhalay madaxweyne muse ee lagu magacaabo Axmed Muuse Biixi aniga laftaydana wax iga soo gaadheen kibirkaas isaga ah, waxaan se filayay in madaxweynuhu talaabo cad oo degdeg ah uu ka qaadayo kibirkan iyo foolxumadan isaga dul joogta, waxa se muuqata in madaxweynuhu wiilkiisa xidigaha ugu tolay si shacabka somaliland loogu hagar daameeyo.
Waxa yaabka yaabkiis igu noqotay in dhalinyaro weriyayaal ah suuqa Hargeisa lagu dhex garaaco iyada oo lagu dhawaaqayo madaxweynaha ayaad wax ka sheegtaa, weriyayaasha la garaacay ee rasaasta lagu riday waxa ka mid ah Alimahdi Jibriil oo ah hanti qaranku leeyahay aan hubona kuwa falkaas kula kacay inuu oga lexo jeclo badan yahay qaranka somaliland.
Hadaba weriyaha lagu socday lana jidh dilay waxuu ahaa Cabdisalam Germany oo runtii dhaawac culus loo gaystay, halka Alimahdi gaadhigiisii la burburiyay.
Waa arrin ugub ku ah somaliland dawladnimadeeda iyo dhaqanka shacabkaba, maaha markii u horaysay ee kooxdan budhcad madaxtooyada ihi fal noocan oo kale ah ku kacaan.
Madaxdii ka horaysay madaxweyne Biixi ubadkooda lama aqoon iska daa inay cid ku tacadiyaan e.Suaasha jawaabta u baahani waxa weeye madaxweynhu ma ka qabanayaa shacabka wiilkan kibirki indhaha iyo caqligaba tiray mise wiilkan iyo shacabka ayaa la isu daynayaa ilayn sharci qabanayaa ma jiro e.
Waxaan madaxweynaha kula talinayaa inuu si degdeg ah uu ceebtan dul hoganaysa uu wax oga qabto.
Ibrahim Duale Sulaiman
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda FS, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyo Xubno ka socday saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga.
Shirkan oo soconaya labo maalmood ayaa waxaa lagu lafo gurayaa daadejinta iyo dardar gelinta hirgelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka, diiwaan gelinta, calaamadinta/suntidda iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha ay Soomaaliya ku xaqiijinayso in looga qaado cuna qabataynta hubka ee saaran dalka.
Agaasimaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Marwo Safiya Xasan Maxamed, ayaa ka war bixisay ujeeddada shirka iyo guulihii laga gaaray habraacyada Maamulka Hubta iyo Rasaasta, iyadoo la raacayo wareegtadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu soo saaray sannadkii 2018-kii.
Dhanka kale Wasiirradda, Gaashandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen xaaji iyo Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Cali Qalloocow, oo hadal ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka.
Markii uu Shirku maalintiisii koowaad soo gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Gacaliye, isaga oo Faahfaahiyey muhiimadda uu shirkan leeyahay iyo natiijada laga filayo in ay ka soo baxdo, taasoo waxtar weyn u noqon doonta dowlad dhiska iyo dib-u-habaynta hay’adaha Amniga dalka.
Hoos ka daawo sawirrada shirka
The post Muxuu yahay ujeedka shir uu soo agaasimaha xafiiska Farmaajo ee ka furmay Muqdisho? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
Daawo:Tumasho xalay ka dhacday Qasriga looga taliyo Puntland+Waxay daaraneyd
in News - Wararka
Posted
Qaran News