-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Haddii muranka Siyaasaddeed sii socdo Guddoomiye Saleebaan ayaanu u dooran doonaa Madaxwayne” Xildhibaan Maxamed Ilkacase oo ka tirsan golaha guurtida. -
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.
Guddoomiyaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha kala duman ee xafiisyada Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Taliska Hoggaanka Ciidanka, Isgaarsiinta, Dambi-baarista, Xiriirka Dadweynaha, Taliska Qeybta, Gaadiidka Booliska, Ciidanka SPU, Taliska BOL-Birmad iyo Xarunta guud ee Taliska Booliska Puntland halkaas oo ay ku soo dhaweeyn Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, Taliye ku-xigeenka S/Guuto Caydiid Ahmed Nuur iyo Taliyaha Hoggaanka Ciidanka Booliska Puntland G/Sare Cabdifitaax Axmed Xuseen ( Aftaag).
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa mid mid u wareystay dhammaan saraakiisha Xafiisyada uu booqday, isaga oo balan-qaaday dayactirka iyo Qalabeynta Taliska Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha iyo Xuquuqa Aaadanaha Booliska Puntland, kadib codsi ay u soo gudbiyeen saraakiisha Hoggaankaas intii uu kormeerka ku jiray.
Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska, waxaana uu ka dhegaystay warbixino la xiriirta dhammaan shaqooyinka socda, qorshayaasha iyo caqabadaha jira, Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha uga warbixisay Amniga dalka, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarineed ee Booliska.
Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan oo ay hayaan Booliska ee sugida Amniga, isaga oo kula dar-daarmay gudashada waajibaadkooda shaqo ee ilaalinta sugida amniga.
PUNTLAND POST
The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo kormeeray Taliska Booliiska appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.
Guddoomiyaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha kala duman ee xafiisyada Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Taliska Hoggaanka Ciidanka, Isgaarsiinta, Dambi-baarista, Xiriirka Dadweynaha, Taliska Qeybta, Gaadiidka Booliska, Ciidanka SPU, Taliska BOL-Birmad iyo Xarunta guud ee Taliska Booliska Puntland halkaas oo ay ku soo dhaweeyn Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, Taliye ku-xigeenka S/Guuto Caydiid Ahmed Nuur iyo Taliyaha Hoggaanka Ciidanka Booliska Puntland G/Sare Cabdifitaax Axmed Xuseen ( Aftaag).
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa mid mid u wareystay dhammaan saraakiisha Xafiisyada uu booqday, isaga oo balan-qaaday dayactirka iyo Qalabeynta Taliska Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha iyo Xuquuqa Aaadanaha Booliska Puntland, kadib codsi ay u soo gudbiyeen saraakiisha Hoggaankaas intii uu kormeerka ku jiray.
Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska, waxaana uu ka dhegaystay warbixino la xiriirta dhammaan shaqooyinka socda, qorshayaasha iyo caqabadaha jira, Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha uga warbixisay Amniga dalka, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarineed ee Booliska.
Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan oo ay hayaan Booliska ee sugida Amniga, isaga oo kula dar-daarmay gudashada waajibaadkooda shaqo ee ilaalinta sugida amniga.
PUNTLAND POST
The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo kormeeray Taliska Booliiska appeared first on Puntland Post.
-
-
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dib darajadiisa ciidanimada iyo dhammaan xuquuqdiisii sarkaalnimo usoo celuyey General Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sarkaalkaan oo hadda xildhibaan ah wuxuu dib ugu helay garaadihiisii iyo wixii uu dowladnimada kaga heli lahaa darajadaas.
Ninkaan oo ahaan jiray taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa bishii April ee sanadkii 2021 wuxuu noqday sarkaalkii koowaad ee u baareeray inuu hor istaago muddo kororsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo, balse madaxweynaha xafiiska baneeyey oo arrintaasi ka carooday ayaa Saadaq Joon isugu daray xil ka qaadis, ka xayuubin darajadii ciidanimada iyo joojinta dhammaan wixii uu xaqqa u lahaa sarkaalkaan.
Hal sano iyo 3 bilood kadib, Saadaq Joon hadda waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu qeyb ka noqday isbadalkii lagu bixiyey Farmaajo, wuxuuna dib u helay darajadiisii ciidanimada iyo xuquuqdiisii.
Haddaba maxaa laga baran karaa dhacdadaan
- Macnaha go’aanada xilliga adag
Inaad waqti adag u bareerto diidmada tallaabo sharci darro ah oo ay madaxdaadu ku dhaqaaqday ma ahan mid sahlan, waxaad quureysaa naftaada, xilkaaga iyo aqbalidda wax walba oo falcelin ah oo ka dhasha arrintaasi.
Laakiin sida diiwaanka ku xusan dad badan oo iska diiday inay madaxda u qasbaan shacabka waxay ka dhaxleen sharaf iyo maamuus dambe.
Saadaq Joon wuxuu ku biiray kuwa heysta diiwaankaas wanaagsan, wuxuuna tusaale u noqon doonaa saraakiil badan oo laga yaabo inay ku timaado xaaladaan oo kale.
- Inusuan mas’uul dambe u bareerin darajo ka xayuubin daneysi ah
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu darajada ka xayuubiyey dhowr sarkaal oo ka biyo diiday inay rabitaan shaqsi ah meel mariyaan, waxay u aheyd mid kamid ah ciqaabadaha ugu waaweyn oo ay kula kacaan saraakiisha.
Inay Maanta bilaabatay darajo usoo celinta saraakiishaas waxay farriin u tahay mas’uul walba oo isku daya inuu askarta qab jabiyo ficilkaan.
Hoggaamiye kasta oo taga Villa Somalia oo isku daya inuu dabaqo dhaqanka darajo ka xayuubinta siyaasadeysan waxaa maanta usii sawiran inuu sarkaalku berri dib u heli doono darajadiisa, waxaana la aaminsan yahay in madaxdu aysan waqti dambe isaga lumin doonin arrintaan.
- Difaaca sharciga
Tallaabadii uu madaxweyne Xasan Shiikh dib garaadishiisa ugu soo celiyey General Saadaq Joon waxay ka dhigan tahay in la difaacay sharciga dalka oo xaaraantinimeynayo in madaxda dantooda shaqsiga ah u isticmaalaan awoodda dowladeed ee lagu aaminay.
Sidoo kale waxay dhiiragelin u tahay askarta kale ee berri la kulmi kara xaaladaan oo kale. Talaabada uu madaxweynaha qaaday oo si weyn loo bogaadiyey waxaa dhinaca kale barbar socota waydiin la xiriirta xaaladda General Cabdalla Cabdalla oo ah qofkii ugu horeeyey oo uu Farmaajo ka xayuubiyo darajadiisa kadib markii uu maxkamadda ciidamada u gudbiyey dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab.
Dad badan ayaa madaxweyne Xasan Shiikh ugu baaqay inuu sidoo kale General Cabdalla Cabdalla usoo celiyo darajadiisa.
The post Seddex cashir oo laga bartay dib usoo celinta darajadii ciidanimo ee Saadaq Joon appeared first on Caasimada Online.
-
-
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta rabshado horleh ay ka dhaceen Qabuuraha Halleeya oo lagu aasayey saddexdii qof ee ku dhintay dibad-baxii 11-kii buishaan ka dhacay magaalada Hargeysa.
Rabshadaha ayaa ka dhashay, kadib markii ay dadweyne careysayn weerareen wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland, Saciid Sulub oo tegay goobta aaska ee marxuumiinta.
Wararka ayaa sheegaya in dadka careysan oo u badnaa ehellada dadkii dhintay ay dhagxaan iyo gacan ka hadal isugu dareen wasiir Saciid Sulub iyo dad kale oo la socday.
Sidoo kale wararka ayaa intaas ku sii daraya in kadib ay xaaladdu faraha ka baxday, taas oo keentay inay rasaas adeegsadaan ciidanka ilaalada ee wasiirka, balse ma jiro khasaare ka dhashay, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa Qabuuraha.
Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana markii dambe arrinta fara-geliyey odayaasha dhaqanka oo ku guuleystay inay dajiyaan xiisadda, waxaana sidaas lagu aasay dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhashay dibad-baxii maalmo kahor ka dhacay caasimada Hargeysa.
Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa sidoo kale si nabad ah goobta looga amba-bixiyey, kadib markii ay xaaladda dajiyeen odayaasha dhaqanka ee ku sugnaa goobta.
Somaliland ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashada maamulkaas oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.
Sikastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata mid ka sii dareysa, waxayna mucaaradka weli wadaan dibad-baxooda, halka ay xukuumaddana adeegsaneyso ciidamada ammaanka, si ay uga hortegto rabshadaha ka socda halkaasi.
The post Rabshado horleh oo ka dhacay Qabuuro lagu aasayey dadkii ku dhintay dibad-baxii Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's PM chaired a special cabinet meeting on Wednesday to appoint a national drought committee to coordinate famine relief efforts in Somalia.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil arxan darro ahaa oo gelinkii dambe ee shalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho loogu geystay marxuumad Hibo Qaasim Maxamed oo ka mid aheyd ardaydii shalay ku baastay imtixaanka dugsiga sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya.
Hooyo Faa’iso Maxamed Abuukar oo dhashay marxuumadda ayaa xog cusub ka bixisay sida uu u dhacay dilka gabadheeda oo loo adeegsaday mindi ama toorey.
Waxa ay sheegtay Hooyo Faa’iso in xilliga la diyayey gabadheeda ay adeeg uga dirsatay suuqa, balse ayada oo mayd ah loo keenay, kadib markii uu nin hubeysan ku helay jidka.
“Suuqa ayey adeeg ka doontay soo noqodkii ay soo noqoneysay ayaa waddada lagu helay, isla xaafadda dhexdeeda waayey,” ayey tiri Hooyo Faa’iso Maxamed Abuukar.
Sidoo kale wax ay intaasi ku dartay in gabadheeda si arxan darro ah loo dilay, isla-markaana xiittaa looga tegay waddada dhexdeeda mindida oo ka taagan.
“Wallaahi wax lagu dilo ma sheegi kari gabadha, ayada oo mindida ay ka taagan tahay ayuu ninka ka tegay afar meel ayaa uga dhacday,” ayey sii raacisay.
Ugu dambeyn waxa cod dheer baaq ugu dirtay dowladda Soomaaliya, oo ay ka dalbaday inay soo qabtaan ninkii ka dambeeyey dhacdadaas oo goobta isaga baxsaday.
Qoyska Hibo oo shalay faraxsanaa maadaama ay imtixaanka dowladda ku baastay gabadhoodii ayaa xalay murug ku seexday, kadib markii ay tuugo dishay gabadhooda.
AUN iskuul lagu magacaabo Iftin oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ayey ka baxday gabadha caawa la dilay, waxaana xusid mudan in iskuulkaas qeybtiisa degmada Warta Nabadda ee Muqdisho uu ka baxay Khaalid Cabdullahi oo ah wiilka kaalinta koowaad ka
The post Hooyo Faa’iso: Adeeg ayaan Gabadheyda u diray, balse maydkeeda ayaa la’iikeenay appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Baalle oo kaabiga ku haya deegaanka Dhagax-dheer ee hoostaga degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah, uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba beel oo walaalo ah, kuwaas oo deeganka wada daga.
Inta la xaqiijiyay dagaalka oo saaka ka qarxay deegaanka waxaa ku geeriyooday laba qof, tira kalena uu dhaawac ka soo gaaray dagaalka.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii labada beelood ay isku qabsadeen lahaanshiyaha dhul ku yaalla deegaanka Baalle Dhagax-dheer ee hoostaga degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud.
Maamulka galmudug iyo kan gobalka ayaanan illa iyo hadda dhankooda dagaalka ka hadlin, waxaana wararka ay sheegayaan in hadda dagaalka hakad uu ku jiro.
Goobjoog News
-
Congratulatory messages continue to pour in from across the world following the declaration of Deputy President William Ruto as the winner of the last week's General Election.
-
The body of an Edmonton teenager missing in a pond in Whitecourt, Alta., since Sunday has been recovered.
-
Janaale (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen duleedka deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hooose.
General Odowaa oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka oo ka dhacay tuulada Kili-Jiido oo hoostagta Janaale lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa xaqiijiyey in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana ay dhaawaceen 13 kale.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay kooxda Al-Shabaab ka soo furteen hub fara badan, ayna burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.
Waxa kale oo uu tilmaamay in ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana duleedka Janaale laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidanka oo iska soo horjeedo, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo geysta khasaare kala duwan.
The post Odowaa oo xog ka bixiyey howlgal lagu laayey xubno ka tirsanaa Al-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA ayaa saxiixday heshiis ku saabsan dib u-dhiska iyo dayac-tirka jidka Lafa-goray.
PHA iyo shirkadda National Engineering & Construction Corporation oo fulinaysa dhismaha jidka Lafa-goray ayaa kala saxiixda heshiiska.
Jidkan oo dhererkiisu yahay 26km ayaa lagu dhisayaa lacag gaaraysa $680,000 sida laga soo xigtay hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA.
Wadada Lafa-goray ayaa isku xirta degaanno ka tirsan Gobolka Gardafuu ee Puntland halkaas oo ay ka jirto jidad-xumo mararka qaar sababa shilal kala duwan.
PUNTLAND POST
The post Puntland oo dib u dhis ku samaynaysa jidka Lafa-goray ee Gobolka Gardafuu appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa haatan safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kadib markii danjiraheedii hore uu dhammeystay mudo xileedka, kaas oo todobadaadkii lasoo dhaafay ay macsalaameysay dowladda federaalka Soomaaliya.
Safiirka cusub ee Kenya oo lagu magacaabo Jeneraal Thomas Chepkuto ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac.
Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee magaalada Muqdisho ayaa intii uu socday lagu soo hadal qaaday xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo soo dhaweeyey safiirka cusub ee Kenya ee dhawaan la soo magacaabay ayaa u rajeeyey inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hore loo dhaqaajiyo iskaashi labada dowladood.
Sidoo kale wuxuu wasiirku hambayo u mariyay safiirka cusub ee uu waraaqaha ka guddoomay madaxweynaha la doortay ee Kenya, Mudane William Ruto.
Dhankiisa, Danjire Thomas Chepkuto ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay qaabiladda uu u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kuna dadaali doono sare u qaadiddiisa si ay ku jirto rabitaanka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.
Dhaq-dhaqaaqan diblumaasiyadeed ayaa ku soo aadaya, ayada oo uu haatan isbedal ka dhacay labada dal, kadib markii doorashooyinkii ka kala dhacay oo lagu kala doortay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo William Ruto, kuwaas oo bedelay Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo uu xiriirkooda xumaa, shantii sanno ee la soo dhaafay.
The post Sawirro: KENYA oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo degaanno ka tirsan ay ka socdaan hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab.
Guddoomiyaha iyo Xildhibaannada weheliya ayaa xal ka gaaray dilal ay sababeen Anooyin qabiil oo muddooyinkii danbe ka socday duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Waxgaradka degaanka ayaa u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiintii ka qayb qaatay xallinta colaadan gaar ahaanna waxay ugu mahad celiyeen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xildhibaannada heer Federaal.
PUNTLAND POST
The post Maamulka Gobolka Hiiraan oo xalliyay colaad ka jirtay degmada Matabaan appeared first on Puntland Post.
-
Iran’s Foreign Ministry Spokesman Nasser Kanaani has refuted allegations that Tehran is smuggling weapons to the Houthi rebel group in the Yemeni port city of Hodeidah through the Iranian port of Bandar Abbas.
-
There is a timeless observation that a leader’s sense of mentality and morality lessens as his or her power increases.
Does this observation apply to whoever
rises to power? No, Sir. It only applies to those who, when they rise to power through somehow or the other, accommodate more hate than hope and harmony.Before taking the oath of office as a president in 2017, Muse Biixi delivered his first address to a considerable number of diaspora who worked with him during the election campaign, probably a couple of days after Somaliland NEC officially declared that he won the presidential election.
The diaspora that gathered at that occasion consisted mainly of those who were hopeful of holding positions in Muse Biixi’s administration. They had a high regard for Muse Biixi and how they had worked with him during the election campaign.
What the diaspora took for their honest efforts was often nothing but a collection of ideas and interests that leadership industry knows how to arrange and then develop a plan to make them work.
The diaspora gathered at the hotel on time, keeping their minds with the sense that goodness always brings goodness in return. Muse Biixi, flanked by heavily armed security, entered the hall, out of thin air, and everybody stood up in honor of the president-elect.
“Please be seated,” said Muse Biixi.
The diaspora took their seats and kept silent, gazing at Muse Biixi as he stood on the stage to deliver his message.“Good evening ladies and gentlemen”‘, said Muse. “I am glad to meet you to-night to thank you for how well you threw all your weight behind me during the election campaign. Thanks, we did a good job collectively, but,” Muse continued, “you will regret your finger.”
The diaspora looked at each other in surprise. Those words were bitter to the audiences, and if looks could kill, Muse should have been dead at tbat moment.
“We were worth a fortune yesterday, without it he couldn’t walk during election days, but today we are worthless, a mindless trash just waiting to be disposed”, lamented one man from the diaspora who seemed that he was one of those who heavily invested in Muse Biixi’s election campaign.
“‘Is he kidding?”, yelled another man.
“No kidding. He says what he means.”
“What does what he said mean?
“To kick people out when he sees the day that he doesn’t need them”, replied another one.
“He can’t run from who he is”, said a lady as she was getting out of the hall.The meesage was a metaphor, but most people did not understand what Muse Biixi actually meant. In fact, Muse Biixi meant that he would turn politics into a game of deceit, discord and dispute, and power into a game of punishment.
This was the night when the grim of demunization, deniability, deception, dispute and discord began in Somaliland.
To be continued ….
By:Jamafalaag
Hargeisa, Somaliland
jamafalaag@gmail.com -
A humanitarian disaster is unfolding in East Africa, which is in the grip of its worst drought in at least four decades. More than 80 million people across Somalia, Ethiopia, Kenya, Sudan, South Sudan, Uganda and Djibouti are food insecure, and almost half of them are having to sell their possessions in order to eat, according to the World Health Organization. With forecasters seeing a high risk of rains failing for a fifth consecutive season and aid flows falling short of what’s needed, the region is at risk of a famine that’s on a par with -- or even worse than -- one that Ethiopia experienced in the 1980s and claimed an estimated 1 million lives.
-
Elon Musk, oo ah qofka ugu taajirsan adduunka, ayaa Talaadadii bartiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu iibsanayo kooxda kubadda cagta Manchester United.
“Waxaan iibsanayaa Manchester United soo dhawoow,” ayuu Elon Musk ku yiri qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka
Manchester United waxaa maamula qoyska Glazer ee Maraykanka, islamarkaana weli kama jawaabin arrinta ku saabsan iibsiga naadigan.
Manchester United waa mid ka mid ah naadiyada kubbadda cagta ee ugu taageerada badan adduunka, waxaan ay 20 jeer ku guulaysteen horyaalka England.
Sidoo kale, waxay saddex jeer ku guulaysteen koobka kooxaha qaramada yurub oo ah tartanka ugu qiimaha badan ee naadiyada adduunka.
PUNTLAND POST
The post Ninka ugu taajirsan Adduunka oo sheegay in uu iibsanayo naadiga Manchester United appeared first on Puntland Post.
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Aas Qaranka Oo Hargeysa Loogu Sameeyay Mudaharaadadii Ka Dhacay Somaliland
in News - Wararka
Posted
Source