-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Renowned Somali poet Mohamed Ibrahim Warsame Hadraawi has died in the Somaliland capital, Hargeisa, aged 79.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibane Nuur Cabdullaahi Maxamuud, oo ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho, ayaa Caasimada Online ugu sheekeeyay dhacdo xanuun badan oo uu ku waayay mid ka mid ah gacmahiisa, taasoo sababtay inuu shaqeysan waayo, noloshana maareyn waayay maadaama hal gacan ay ka maqan tahay.
Nuur ayaa ka mid ahaa kirishbooyada gaadiidka BL-ka ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in gacantiisa ay u go’day Kun shilin Somali ah oo qiimo ahaan aanan waxba goyn ama lagu iibsan karin.
Askari ka tirsanaa dowladdii 2004-tii ee Cabdullaahi Yusuf Axmed AUN ayaa xabad la dhacay Nuur oo xiligaasi Kirishbooy ka ahaa gaadiidka BL-ka ee bosteejadoodu tahay suuqa Bakaaro.
Nuur wuxuu sheegay in askariga rasaasta la dhacay uu ku rabay inuu siiyo baad Kun Shilin Somali ah, laakiin uu diiday maadaama ay aheyd mid baad iyo dhac ah, waxayna sababtay in askariga uu si ku talagal ah uu dhowr xabadood la dhacay dhibanaha oo halkaasi uu ku waayay gacantiisa.
Dhibane Nuur ayaa sheegay in xiligaasi uu waayay caddaalad uu ugu baahnaa dowladdii xiligaasi jirtay, taas badalkeedna uu Alle dartii u sabray ilaa laga gaarayo maalinta Alle la xisaabtamaayo ummadiisa.
Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia inteeda kale ayaa waxaa ka dhaca falal arxan daran oo qofka bini’aadamka ah uu naftiisa u weynayo macno daro, iyadoo aysan jirin hay’addo garsoor iyo kuwa amniga oo si dhab ah wax ugu qabta amni darada iyo dilalka macna darada.
Waa mid ka mid ah dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhaca Soomaaliya iyo dilalka iyo dhaawacyada shacabka loogu geysto wax aan qiimo laheyn.
Hoos ka daawo sheekada Nuur
Ali Muhiyaddiin
Caasimada OnlineThe post Daawo: Nuur: Gacanteyda waxay u go’day kun shilin oo u diiday askari i baadi rabay appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, ayaa gacanta kusoo dhigay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa iyo raggii la socday, sida ay laamaha amnigu saaxaafadda u sheegeen.
Dhamme Cali Xirsi Sahal, Taliyaha Saldhigga Booliiska Gobolka Mudug dhanka DG Galmudug waxa uu sheegay in howlgalkaan ay kusoo qabteen ku dhawaad 50 Miino oo lagu keydiyay meel “Al-Shabaab ugu talagashay in ay kasii qaado si loogu aaso meelaha ay qorsheeyeen” sida uu hadalka u dhigay.
Gaarigan qaraxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu soo qabtay deegaanka Dagaari oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed uga beegan magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidamadu ku raad joogaan rag kale oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin qaraxan.
Taliyaha saldhigga dhexe Gaalkacyo ee Galmudug, ayaa sheegay inay soo bandhigidoonaan gaariga qaraxa siday iyo halka uu ahaa bartilmaameedkiisa.
Waa gaarigii labaad oo qarax siday oo lagu qabto meelo katirsan gobolka Mudug. Dhowaan ayay ahayd markii degmada Galdogob ee gobolka Mudug ee Puntland lagu qabtay gaari Dhayne ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, gaarigaas oo kusii jeeday dowlad deegaanka Somalida.
Gobolka Mudug waxaa ka socda Howlgallo ay kala sameynayaan Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Puntland halka mararka qaar ay wadajir u fuliyaan howlgallada ay ka sameeyeen Koofurta & Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Howlgallada Dowlad-Goboleedyada Puntland & Galmudug ay iska kaashanayaan ayaa meesha ka saaray Maleeshiyaadka hubeysan ee dilalka ka geystay Koofurta & Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.
The post Ciidamada Galmudug oo qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaalada ay dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg-dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP.
Waxa uu xusay in mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.
“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.”
Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa dhankiisa ballan-qaadday in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunna-yarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.
“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaaga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maal-gashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.”
Kulankaan ayaa imanaya kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu isla shalay wareegto madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo ka kooban 5 xubnood, isaga oo ka duulaya codsigii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
The post Muxuu DAVID Beasley u ballan-qaaday DF kaddib kulankii Xasan? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
M/weyne Muuse Biixi oo Gurigiisa Martiqaad Casho sharaf ah ugu sameeyay M/weynihii hore ee S/land Daahir Riyaale KaahinMadaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Gurigiisa magaalada Hargeysa caawa Martiqaad Casho sharaf ah ugu sameeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo dhawaan dalka dib ugu soo noqday.Kulankan ayaa ah kii koobad ee Madaxweyne Muuse Iyo Madaxweyne hore Daahir wada qaatan tan intii uu dalka dib ugu soo laabtay Madaxweyne hore Daahir Riyaale Kaahin 18 July ee sanadkan isagoo muddo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.Kulanka Labbada Madaxweyne oo goor soo dhamaaday ayaa la ii sheegay in Kulanku u badnaa soo dhawaynta Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ee dib ugu soo noqashadiisa dalka oo muddo uu safar kaga maqnaa.Ilo xog-ogaal ah oo ka agdhow Madaxweynaha Somaliland oo ii xaqiijiyay xogta Kulankan ayaa ka gaabsaday inay Faahfahin iga siiyan waxaayabaha kale ee ay ka wada hadleen Labbada Madaxweyne intii uu Kulanku socday. -
Toddobo sannadood ayuu xabsi ugu jiray dowladdii Kacaanka. Waxaana loo xiray sababtii uu u cabiray micnaha dhabta ah ee dowladnimada iyo sida ku dhacda leh oo uu awoodda maansada iyo suugaanta ugu ifiyay ceebaha iyo goldaloolladii ka jira taliskii Kacaanka.
Waana un in yar kaddib markii Kacaanku dhashay. Laakiin kahor iyo kaddib markii xabsiga laga soo daayay, wuxuu ahaa ababiye, bare, abwaan iyo hanuuniye kamid ah hobollada qaranka ee macaanida suugaanta u adeegada isku soo dumidda iyo wada-noolaanshiyaha umadda.
Kolkii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya – dalkuna uu galay burbur iyo dagaal sokeeye – kama soo harin rejada iyo yididiilada. Wuxuu si firfircooni leh qeyb uga qaatay shirarkii iyo wada-hadalladii la iskugu keenayay dhinacyada isku diidnaa siyaasadda. Wuxuu xattaa awooday inuu sees u noqdo safarkii nabadda ee abwaanada Soomaaliyeed ay gobollada dalka isku mareen si ay walaalnimada iyo midnimada uga shaqeeyaan.
Qof ahaan, wuxuu ahaa nin hadalka heli og; codkar ogaalkiisu shisheeyo. Noloshiisii Cadan qeyb kamid uu kusoo qaatay ayaa u sahashay inuu shubaal ugu hadlo afka Carbeed. Laakiin, in kasta oo uu dhawaanahan ku noolaa jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland, haddana noloshiisa waqtiyadii ugu muhiimsanaa wuxuu ku qaatay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Wuxuuna hadiyo jeer ahaa mid ku muujiya suugaanta sida uu Soomaalinimada iyo wadajirkeeda ugu hamuunqabo.
Waxaa loo arkay nin qaran; dhab ahaantiina wuu ahaa. Dhaqamada iyo afaf guriyada looga hadlo goballada dalka intooda badan waxaa la arkay inuu wax badan ka fahamsanaa kuna hadli karay. Intii tiqiin shaqsiyaddiisa waxay ku sheegeen inuu ahaa qof is-duldhig badan oo aad xushmad badan.
Noloshii adkeyd oo uu yaraantiisa kusoo barbaaray – waaya’aragnimadii uu ka helay – ayuu hadiyo jeer ku saleyn jiray suugaantiisa. Ma ahayn nin ay danta iyo duruufuhu ka joojiyaan doonistiisa adag oo uu qaranka iyo jiritaanka umadnimo ee Soomaalida ku difaaco. Marka ay timaado anshaxa suuban iyo akhlaaq hagaajinteeda, wuxuu ahaa mid ku waaniya suugaanta tusmeysan; markii ay ugu adkeyd oo lagu dhici kari la’aa in Kacaankii October laga diido sinaan la’aanta iyo jujuubka, wuxuu kamid ah kuwii u muujiyay inuusan waxba ahayn.
Heeso jiilka maanta iyo kuwii hore si isla’eg ayay u taabanayso dhageysigooda sida heesta Hooyo, Baladweyne, Jaceyl Dhiig malagu qoray, Xamarey ma nabadbaa, iyo kuwa kale oo badan ayuu gaaxdooda lahaa.
Aad bay tiiraanyo iyo xanuun ugu tahay bulshada Soomaaliyeed gebi ahaan dhimashada iyo geerida abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Walanwal ‘Hadraawi’.
Qabriga Allaha u waasiciyo; dambigiisana Allaha cafiyo.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: Hiraal86@gmail.comThe post Hadraawi – Halgame iyo hanuuniye ka baxay umadda Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse, ayaa maanta la kulmay safiirka Boqortooyada Britain Kate Foster OBE.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal. “Waxaan ka wada hadalnay xirriirka saaxiib-tinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK, iyo siyaabaha lagu sii xoojin karo” ayuu wasiir Huruuse ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.
Dowladda Britain ayaa maanta ku dhawaaqday in ay ciidamada Soomaaliya ku taageerayso lacag dhan £2.3 milyan, si loo kordhiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
PUNTLAND POST
The post Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Britain appeared first on Puntland Post.
-
Moscow (Caasimada Online) – Tiro aad u badan oo bulshada Yuhuudda ah ayaa ka socdaalayey Ruushka tan iyo markii dagaalkii Ukraine uu bilowday. Hey’adda Yuhuudda ee ka caawisa Yuhuudda inay ku noqdaan Israel ayaa sheegtay in 20,500 oo kamid ah 165,000 ee Yuhuudda ee Ruushka ku nool ay kasoo hayaameen tan iyo bishii March.
Kumaankun kalana, waxay u kala haajireen dalal kale.
Waxayna tani daba socotaa cabsi xoog leh oo isasoo taraysa oo ku abuuran Yuhuudda taas oo ay tuhmayaan in loo waxyeeleyn karo qalaalasaha ka socda Ukraine.
Gudaha caasimadda Moskow waxaa ka socday dadaallo lagu horumarinayo bulshada Yuhuudda ah tan iyo markii uu dhammaaday taliskii Shuuciga ahaa. Waxaana horboodayay wadaad diimeeda (rabbi) ee deegaanka ku nool oo la yiraahdo Pinchas Goldschmidt.
Laakiin labo toddobaad un markii la joogay bilowga dagaalkii Ukraine, rabbi Pinchas iyo qoyskiisaba waxay isaga baxeen Ruushka – iyaga oo u baxsaday Hungary – kahor inta aysan gaarin Israel.
In yar kadibna wuxuu iska casilay jagadii uu bulshada Yuhuudda ee Ruushka ku nool u hayay, kadibna wuxuu bilaabay inuu kasoo horjeesto dagaalka Moscow ay ku qaaday Kiev.
“Waxaan dareemay mas’uuliyad ah inaan muujiyo sida aan marnaba raali uga ahayn fara-gelin iyo duullaanka qaawan ee lagu qaaday Ukraine,” ayuu yiri.
“Laakiin halis baan ku geli lahaa middaas; haddii aan ku dhex oran lahaa gudaha Ruushka,” ayuu sii raaciyay.
Yuhuudda Ruushka ku nool ayaa dhaleeceeyey ka tegitaankiisa Moscow iyo inuu kasoo horjeestay dagaalka, laakiin Pinchas wuxuu sheegay inuu ku saxnaa middaas.
“Waxaan helay farriimo u qoran; ‘maxaad nooga tagtay?’ balse waxaan ku dhihi lahaa dunida oo dhan ayaa ku midaysan cambaaraynta, waana qaddiyad ka weyn inta aan moodi karno,” ayuu yiri.
Pinchas wuxuu qiray in sababta uu u hadlay awgeed loo beegsan karo xubnaha kale ee Yuhuudda ee ku nool Ruushka. Laakiin, in badan ayaa tallaabtiisa qaaday oo boorsooyinkooda kasoo xirxirtay.
Qaar badan waxay heleen fursadda dib ugu noqoshada Israel. Laakiin bare sare Anna Shternshis, waxay qabtaa inaysan jirin sabab looga dido dhacdooyinka maadaama naceybka ka-dhanka ah Yuhuudda aanu aad u badneyn.
“Waxaase yaab leh in marwalba oo Ruushku wax ka dhacaan, Yuhuudda waxaa soo wajaha cabsi xooggan iyo hubaal la’aan,” ayay tiri.
Waxayse kaashanayaan keydka taariikheed ee Ruushka kaas oo qalalaaso ka-dhan ah Yuhuudda ay ka dhici jirtay marwalba oo dhacdooyin waaweyn ah ay dalka ka curtaan.
Hal nin oo si qarsoodi ah u damacsanaa inuu uga soo baxo Ruushka ayaa sheegay inay ku adkeyd inay dareenkooda muujiyaan madaama ay degan yihiin Moskow.
“Qoyskeygu waxay garwaaqsadeen in wax aka socda Ukraine aysan sax ahayn, laakiin ma aqoon sida aan uga bannaan bixi karno,” ayuu yiri.
Hayeeshe bare sare Anna Shternshis waxay rumeysan tahay in cabsida ay qabaan Yuhuudda Ruushka aysan kaliya ku koobneyn dagaalka ka socda Ukraine oo ay diidan yihiin.
Balse ninkan oo diiday inuu sheego magaciisa dhabta ah ayaa yiri.
“Waxaynu is weydiinaynaa waxa xiga oo wararka soo socda lagu soo qaadan doono. Ma innaga oo lumina shaqooyinkeenna ama xabsiyada nalo taxaabo.”
“Dhab ahaan, cabsi aan yareyn ayaanu qabnaa.”
The post Maxay Yahuudda ku nool Ruushka hadda u billaabeen inay u qaxaan dal kale? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arimaha Gudaha Somalilad Maxamed Kaahin Axmed, oo ah gudoomiyaha guddida Qaban-qaabada Aaska Qaranka ee loo samaynayo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo maanta ku geeryooday Magaalada Hargeysa oo uu ku xanuunsanayay maalmihii ugu dambeeyay oo lagu baxnaaninaayay xaaladdiisa caafimaad.Wasiirka ayaa shaaciyey in la aasi doono marxuumka beri oo Jimco ah salaada casar, aaskuna uu noqon doono Xabaalaha Baqiiq ee Hargeysa, waxaana qoraal kasoo baxay wasiirka lagu beeniyay hadal warbaahinnada madaxbannaan ay ku sheegeen in aaska ay ka qeyb galayaan madax ka socota Soomaaliya, kadib shirkii ja’aid uu maanta qabtay.“Waxaanu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, cadaynaynaa in warkaasi yahay been abuur cad oo aan sal iyo raadtoona lahayn, ciddii faafisay been abuurkaa waa lagula xisaabtama. Waxaanu uga digaynaa Saxaafadda Madaxa Banaan in aanay siyaasadayn Aaska Qaranka ee loo samaynayo Abwaankii waynaa” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay.Hadalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo baraha bulshadu ku wada xiriirto lagu faafiyay in Somaliland ay u ogolaatay madax kasocota dowladda Soomaaliya ay tagayaan Hargeysa si ay uga qeyb galaan aaska Abwaan Hadraawi, iyadoo sheegtay hadalka wasiirku jeediyay si khaldan loo fasiray.Goobjoog News -
Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa umadda Soomaaliyeed uga tassiyeeyay geerida ku timid Allah unaxariistee Abwaan MaxamedIbraahim Warsame Hadraawi oo maanta ku geeriyooday isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.“Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka, qaraabada iyo bahda suugaanta uga tacsiyaynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.” Ayuu yiri Guddoomiye golaha shacabka Baarlamaanka Jahmuuriyadda federalka Sheekh Aadan (Madoobe).“Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo bahda Fanka iyo Suugaanta ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargaysa” ayuu yiri guddoomiyaha aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, ayaa waxaa uu muddooyinkii dambe ku noolaa magaalada Burco gobolka Togdheer, halkaas oo ah magaaladii uu miyigeeda ku dhashay sanadkii 1743-kii, Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 79 sano, waxaana lafilayaa in Hargeysa Aas Qaran loogu sameeyo.Goobjoog News -
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dagi karaan magaalada Hargeysa, si ay uga qeyb-galaan aaska qaran ee loo sameynayo Abwaanka Soomaaliyeed, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ruqsad iyo ogolaansho la siin doono madaxda rabta inay ka qeyb-galaan aaska, kadib marka ay dalab usoo gudbiyaan xukuumadda Somaliland.
“Ciddii Somaliland ee dowladda soo weydiisata ee u imanaysa aaska Hadraawi waxa siineyna ruqsad oo waa soo dhaweynayna,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin.
Somaliland ayaa hore u diiday in madaxda dowladda federaaalka Soomaaliya ay yimaadaan deegaanadeeda, hase yeeshe go’aanka ay maanta qaadatay xukuumadda Somaliland ayaa ah mid bogaadin mudan, maadama uu Hadraawi ahaa muunad iyo astaan Soomaalinimo.
Allaha u naxariistee Abwaan Hadraawi ayaa waxa uu maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, wuxuuna u geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer, waxaana geeridiisa si weyn u hadal heysa warbaahinta.
Abwaan Hadraawi ayaa ahaa 79 sanno jir, waxaana si weyn looga garanayey guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa geerida Abwaanka uga tacsiyadeeyay ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga, ayada oo sidoo kale ka tacsiyeeyen madax ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war ka soo saaray geerida Abwaanka.
The post Somaliland oo ogolaatay in madaxda DF ay tegi karaan HARGEYSA + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaallada ay Dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha Caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.” ayuu yiri Xasan Shiikh.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maalgashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa ballan-qaadday in Dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunnayarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan taas oo caalamku ku tilmamay in laga cabsi qabo in ay isku rogto heer macluul ah haddii aan wax laga qaban sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana dowladdu wadaa dadallada ku aadan sidii loo heli lahaa gurmad caalami ah oo la gaarsiiyo dadka abaartu ku habsatay.Goobjoog News -
I was fortunate to have met Mohamed Ibrahim Warsame (Hadrawi) in the early years of my schooling. It was in Aden, now Yemen, which was a British colony at the time. He was the first teacher to teach me the ABC of the English language. Exactly a decade later, this time in Somalia,
-
Hargeysa (Caasimada Online) – In yar kaddib markii uu gubtay suuqa ugu weyn Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, diblumaasi sare oo Shiinees ah ayaa weydiistay idan ah inuu booqasho ku yimaado si uu ula qeybsado dareenkiisa.
Fei Shengchao, oo ah safiirka Beijing u fadhiya Soomaaliya, ayaa u sheegay maamulka Hargeysa inuu doonayo sidii uu uga hadli lahaa suuragalnimada kaalinta Shiinuhu ka qaadan karo yareynta iyo dhimidda saameynta ballaaran ee dabku ka geystay suuqa, kaas oo ilo badan oo dhaqaale ah duugay.
Gubashada ayaa kusoo beegantay xilli abaare ba’an lagu jiray iyo cuuryaamada dhaqaale ee xanuunka Covid-19. Markii ay booqashiisu soo dhawaatay, Fei ayaa doonay inuu la kulmo sharci-dejiyayaal kamid ah Guurtida Somaliland, hoggaamiyaasha mucaaradka iyo ardayda jaamacadaha.
Waxayna taasi abuurtay shaki ah in qorshaha Beijing uu ka guda ballaaran yahay gurmad iyo kaalmo. Waxaa loo arkay inay jamhuuriyadda ka dhex abuuranayso xulufo la-siyaasad noqda si loo wiiqo xiriirka diblumaasi ee u dhaxeeya Taiwan iyo Somaliland.
“Waxay ahayd gebi ahaanba mid siyaasadaysan,” ayuu yiri Ciise Keyd, oo ah wasiiradda arrimaha dibadda Somaliland. Wasiirka ayaa u sheegay safiir Fei inuusan imaan karin.
“Waxaan u qaadannay inay ahayd mid aan habbooneyn; mana ahan inaan wax ka cabsanay – waa inaan ogaanay ajende ka duwan midka ay noo sheegeen inay wateen,” ayuu yiri.
Way adag tahay in dalal badan oo Afrikaan ah inay ku gacan sayraan codsiga iyo doonista Shiinaha maadaama uu adduun adag ugu maalgeliyo garoomo diyaaradeed, waddooyin iyo dekado.
Laakiin Somaliland waxay u ahayd tallaab ku dhac ah inay qaadato go’aankaas.
Wasiir Keyd wuxuu sheegay in Somaliland ay u furan tahay xiriir walba oo laba-geesood ah inay la sameysato dal kasta – waa haddii aysan shuruud ku xirneyn.
“Ma aqbalayno inay cidi noo sheegto cidda aan xiriirka la yeelaynayo iyo cidda aan iska diidayno,” ayuu yiri.
Muranka iyo xasaradaha ka dhex aloosan Shiinaha iyo Taiwan wuxuu ku sigtay inuu dagaal kale oo qabow ka dhex abuuro Beijing iyo Washington, wuxuuna hadda u muuqda mid sidoo kale karkarinaya xaaladda Geeska Afrika.
Somaliland oo hadafkeedu yahay inay madax-bannaani buuxda iyo aqoonsi caalami ah ka hesho Soomaaliya inteeda kale waxay xiriir la sameysatay Taiwan oo iyadana doonaysa inay ka go’do dhulweynaha Shiinaha.
Mr. Fei wuxuu Wall Street Journal u sheegay in Somaliland aysan kaliya dooneyn in la aqoonsado balse ay sidoo kale dab ku shidayso xasiloonidda iyo midnimada waddamada kale – tallaab uu ku micneeyey mid aysan waxba ku faa’iidi doonin oo ay gabagabadiisa isku wax-yeeli doonto oo kaliya.
Wuxuuse ka gaabsaday inuu ka warbixiyo safarkiisii fashilmay oo uu ku tagi lahaa Hargeysa kadib gubashada Suuqii Waaheen kaas oo lagu waayay adduun dhan 1.5 bilyan oo Doollar.
Washington, ayaa isla mar ahaantaana, dhinaceeda isku dayaysa inay sii xejiso danaheeda Geeska Afrika. Pentagon-ka ayaa hadda saldhig weyn ku leh Jabuuti oo Soomaliya jaar la ah; waxaana fogaan aan ka durugsaneyn saldhig kale oo militari ku leh Shiinaha
Maraykanka ayaa taniyo muddo badan wuxuu dagaal aan dhammaadkiisa loo jeedin kula jiray kooxda al-Shabaab oo xiriir la leh Ururweynaha al-Qaacida.
Madaxweyne Biden wuxuu dhawaan amray in boqollaal ciidamada howlgallada gaarka ah qaabilsan oo ka socda Maraykamka loo dhiso xero ay ku tababbaraan ciidamo Soomaaliyeed oo la dagaallama al-Shabaab.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ayaa amray in laga soo saaro 700 oo ciidamadooda ah Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyey xukunkiisa.
Jeer iyo haddana, waxaa maamulka Biden walaac ku heysa inuu luminayo Somaliland oo xasilooni iyo dimuqraadiyad ku naaloonaysa. Waxaana jirta taageero iyo soo jeedinno gudaha Congress-ka ah oo ku baaqaya in xiriir toos ah oo sal-adag lala yeesho Somaliland oo madax bannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii.
Hadda maamulka Hargeysa ayaa fursad dahabi ah u arka loolanka quwadaha waaweyn ee Shiinaha iyo Maraykanka. Somaliland ayaa Pentagon-ka ugu deeqday inuu adeegsan karo dekadda Berbera oo dhacda Gacanka Cadan oo marin muhiim ah sheedda ku haya.
Waxaase kusii adkaanaysa inay iska sii caabiso saameynta ballaaran ee Shiinuhu ku yeelanayo gobalka.
Bishii May, General Stephen Townsend iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Somaaliya ayaa booqasho ku tagay Berbera si ay usoo indha-indheeyaan. Militariga Maraykanka wuxuu hadda heshiis adeegsiga dekadaha ah kula jiraa Mombasa – Kenya iyo Libreville – Gabon.
“Haddii Maraykanku aanu waxba u qaban Somaliland, waxaa la arki doonaa iyada oo aan maya ku dhihi Karin saameynta Shiinaha ama aan iska caabin Karin,”ayuu yiri sarkaal sare oo Maraykanka.
Xafiiska Taiwan ee Hargeysa waa guri labo dabaq ah oo ay gidaar adag lagu gedaamay, waxaana ka dul babanaya calanka lagu yaqaan Taipei.
Shiinaha ayaa u diray Hargeysa egro dhowr ah si ay u kala disho is-bahaysiga, marka loo eego Cabdinaasir Xirsi, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda.
Waxaa sidoo kale Beijing ay balanqaaday dhismaha jidad iyo garoomo casri ah haddii Hargeysa ay cawda u jarto Taiwan.
Zaki Hiraale – Waxaad kala xiriiri kartaa: hiraal86@gmail.com
The post Sidee Somaliland u fashilisay qorshe uu damacsanaa safiirka SHIINAHA kaddib gubashadii suuqa Waaheen? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in £2.3 milyan oo Pound ay ku deeqeyso Sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taasi oo loogu tala-galay in lagu taakuleeyo Ciidanka ammaanka dalka.
Safiirka UK ee Soomaaliya, Kati Foster ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay lacagaan, kadib kulan gaar ah oo magaalada Muqdisho ku dhex-maray Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur.
“Maal-gelinta cusub waxay ku dhisan tahay taageerada UK ee muddada dheer ay siin jirtay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Sanduuqa Trust ee UNSOS. 2021/2022, UK waxa ay 4.9 milyan oo Geni siisay Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaas oo ku baxda Askarta iyo booliiska Soomaaliyeed,” ayey tiri Kate Foster.
Wasiirka gaashaandhiga ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay dowladda Ingiriiska kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dib u dhiska dalka iyo taageerada ay siiso ciidanka xooga Soomaaliyeed.
Arrintaan ayaa daba socota booqashadii Wasiirka Ciidamada UK uu bishii May ku yimid Soomaaliya, kaas oo shaaca ka qaaday inay xoojiyaan xasilloonida & amniga Soomaaliya.
UK ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinaca Amniga, sidoo kale waxay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka hirgelisay xerooyin lagu tababaro ciidamada dowladda, taasi oo ay kasoo baxeen in ka badan 2kun oo Askari oo qeyb ka ah ciidanka xooga dalka.
Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa ATMIS ayaa weli dagaal kula jira Al-Shabaab, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi.
Sikastaba ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sannadka 2024 isku diyaarinaya in mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan ay kala wareegaan ciidanka ATMIS, ex AMISOM.
The post Maxay tahay lacagta ay UK shaacisay inay ku caawineyso dowladda Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
-
Tehran (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda arrimaha arrimaha dibadda Iiraan, Nasser Kanaani ayaa gaashaanka u daruuray in Tehran ay si qarsoodi ah hub ay soo dhiibtay uu uga degay magaaladda dekadda leh ee Hodeydiyah ee dalka Yemen, hubkaas oo horey loo sheegay in lasoo mariyey Soomaaliya.
Isaga oo warfidiyeenka la hadlayay, Kanaani wuxuu eedeymaha ku saabsan inay Soomaaliya hub u mariyaan Xuutiyiinta ku sheegay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu luminayo ra’yulcaamka.
Wuxuu sheegay in xulufada qabsatay Yemen oo reer Galbeedku taageerayo lagula xisaabtamo dambiyadii iyo gaboodfalladii ay ka geysanayeen muddo 7 sannadood ah.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in gaboodfallada iyo dambiyada dagaal ee Yemen ka dhacay ay ku dhinteen dad aan waxba galabsan iyo burbur baaxad leh oo ku habsatay dhismayaashii waddanka.
“Si loo qariyo tacaddiyada ka-dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka jira ayaa eedeyntaas looga dan leeyahay,” ayuu yiri.
“Taageerada Iran ee dadka Yemen waxay markii hore ku ekeyd mid siyaasadeed, waxayna Tehran hadiyo jeer ahayd mid qorshaha nabadeynta iyo xasiloonida qeyb ka ah – waxaana sidoo kale QM kala shaqeynay dadaalladaas si xal waara loogu helo nabadda Yemen,” ayuu yiri.
Bishii Agoosto, 13, muuqbaahiyaha al-Carabiya ayaa baahiyay fiidiyowga nin sheegaya howlgallo dhowr ah oo ay ka qeyb yihiin Xuuyitiinta Yemen kaas oo si qarsoodi ah hub looga soo geliyo dhinaca dalka Iran.
Ninkan ayaa sheegaya in hubka markiisii hore laga soo marinayo Gacanka Cumaan kadibna lasoo marsiinayo dekadda Berbera ee Soomaaliya kahor inta aan si dhuumasho ah looga soo dejinin Yemen.
Waana koox shakabad ah oo si laga shaqeeyey iskugu xiran.
Wasiirka arrimaha gudaha Yemen, Muammar al-Eryani wuxuu xaqiijiyay in kooxdan gacanta lagu dhigay, wuxuu intaas kusii daray inay tani caddayn u tahay sida joogtada ah oo Iiraan ay u hubeyso maleeshiyada Xuutiyiinta si aan marnaba loogu guuleysan xasiloonida Yemen mar kale.
Wuxuu ugu baaqay QM iyo beesha caalamka inay ereyada ugu adag ku cambaareeyaan falkaas wiiqaya dib usoo celinta nabadda Yemen.
Dowladda Iran waxay ku celcelisay inay sii wadi doonto taageerada ay siinayso Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo ee taageerada ka helaya Maraykanka.
Dagaalka Yemen ka jira waxaa loo arkaa mid ay isku hayaan Sucuudiga iyo Iraan. Labadan dal ayaana ku jira loolan dhinaca awoodda Bariga Dhexe cidda gacanta sare yeelanaysa.
Bishii Janaayo, sannadkan, warbixinta ay khubaro QM ka socda ay sameeyeen waxay ku sheegeen inay hayaan caddaymo ayidi kara in labadii Markab ee hubka siday oo ay ciidamada Maraykanku is hortaageen ay dhab ahaan kasoo shiraacdeen dekadda Jask ee Iiraan.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in hub isku dhaf ah ay u badan yihiin in toos loogu soo saaray keydka dowladda Iiraan. Waxaana lagu soo raray dooni dhows hubka u kala daabusha dalalka Soomaaliya iyo Yemen.
The post Dowladda IRAN oo beenisay eedeymo Soomaaliya ku saabsan oo loo jeediyey appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ka mid ahaa tiirarka hal-abuurka Soomaaliyeed, door weynna ka soo qaatay ilaalinta dhaqanka, horumarinta afka iyo suugaanta, waxa uuna ku tilmaamay astaan midnimo iyo nabadeed, oo geeridiisa laga dareemayo guri kasta oo Soomaaliyeed.“Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Alle ha u naxariistee, waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka dadka Somaaliyeed, waxa uu wakhtigiisii iyo hibadiisa hal-abuur u huray sidii uu dadkeenna uga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka colaadaha iyo tafaraaruqa.”Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka murugeysan geerida naxdinta leh ee Abwaanka ayaa tilmaamay socdaalkii nabadda ee taariikhiga ahaa, oo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) uu ku maray dalka xilli dadka Soomaaliyeed ay ka quusteen wax-wada lahaansho, midnimo iyo dowladnimo.Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan Keydka suugaanta, taariikhda iyo falsafadda jiritaanka umadeed ee uu uga tagay, waxayna Alle uga rajaynayaan in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa. -
Madaxweynaha Dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SODMA).
Qoraal ka soo baxday Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya go’aanka shirka Golaha Wasiirrada ee Sumaddiisu tahay SHGW.00.01.08.202 ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA)”.
Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee la magacaabay ayaa ka kooban 5 xubnood, waxayna kala yihiin;
1. Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi – Guddoomiye
2. Dr. Axmed Cabdi Aadan – Guddoomiye Ku-Xigeen
3. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan – Agaasime
4. Marwo Luul Axmed Coloow – Agaasime
5. Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali – AgaasimePUNTLAND POST
The post Xasan Sheekh oo magacaabay Guddiga SODMA appeared first on Puntland Post.
-
Allah ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Abwaanka, islamarkaana ka tacsiyeeyay.
Geerida marxuumka waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyay madaxda kala duwan ee Soomaaliyeed iyo siyaasiyiin badan.
Hadraawi, oo ku dhintay da’da 79 jirka, ayaa 1943-kii ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Hadraawi wuxuu sameeyey ruwaayado iyo heeso aad u caan baxay sida, heesta Hooyo iyo heesta Beledweyne.
PUNTLAND POST
The post Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.Ra’iisul Wasaaraha ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.“Waxaan dhammaan Ehelka, Qaraabada, Bahda Fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida xannuunka badan ee ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Hadraawi.” Ayuu yiri Mudane Xamse.Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay weydey abwaan aqoon durugsan u lahaa Suugaanta, Dhaqanka iyo afka Soomaaliga, Isagoo Eebe u weydiiyey naxariista janno in uu ka waraabiyo.Goobjoog News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegto soo saaray ayaa ka jawaabay dalabkii Golaha Wasiirada Xukuumadda ee ahaa dhismaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabay guddiga maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo ka kooban 5 xubnood, isaga oo faray inay gutaan shaqada loo igmaday.
Halkan hoose ka aqriso:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya go’aanka shirka Golaha Wasiirrada ee Sumaddiisu tahay SHGW.00.01.08.202 ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).
Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadkeenna dhibaateysan, waxa uuna Golaha Xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Goluhu cod buuxa ku ansixiyay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;
- Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi – Guddoomiye
- Dr. Axmed Cabdi Aadan – Guddoomiye Ku-Xigeen
- Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan – Agaasime
- Marwo Luul Axmed Coloow – Agaasime
- Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali – Agaasime
Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qaran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadkooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.
DHAMMAAD
The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo jawaab ka bixiyey dalabkii golaha wasiirada appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday £2.3 milyan oo Pound inay ku deeqeyso Sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taas oo loogu tala galay in lagu caawiyo Ciidanka ammaanka dalka.
Kulan ay Muqdisho ku wada qaateen Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane ,Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster, ayaa lagu shaaciyay in Britain ay deeqdani uga tala gashay bixinta taageerada saadka iyo sahayda kale ee Ciidanka.
Danjire, Kate Foster ayaa tiri “Maalgelinta cusub waxay ku dhisan tahay taageerada UK ee muddada dheer ay siin jirtay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Sanduuqa Trust ee UNSOS. 2021/2022, UK waxa ay 4.9 milyan oo Geni siisay Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaas oo ku baxday Askarta iyo booliiska Soomaaliyeed’.
Goobjoog News
-
Dhamaan shaqaalaha iyo hawl wadeenada shabakda Qarannews.com waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii,qaraabadii, eheladii, shicibka reer Somaliland iyo dhamaan qomiyada Somaliyeed ee ku nool dunida oo dhan gaar ahaan geeska Afrika. MAXAMED IBRAHIM WARSAME HADRAAWI
Waxa aanu Rabi uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo
Aamin
-
“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN;
Waa geeri aad u xannuun badan, waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, Abwaanada, Shacabka reer Somaliland iyo Soomaali oo idil geerida ku timid Marxuum Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Siciid “Hadraawi” oo goor dhaweyd Hargeysa ku geeriyooday.Marxuum Abwaan Hadraawi waxa uu ahaa Abwaannada fara ku tiriska ah ee Qowmiyadda Soomaalida iyo dunidaba uga tegi doona dhaxal iyo dhigaal aan duugoobeyn, waxa uu ahaa sama-talis, Philosopher, Macalin bulsho, indheergarad iyo keyd Umadda Soomaaliyeed iyo Caalamkuba ay wada lahaayeen.
Waxa uu ahaa Shakhsiyad noloshiisa oo dhan u huray u halgamidda Caddaaladda bulshada iyo qiimeynta samaha Aadamaha oo idil, waxa uu la dagaalami jiray kala qeybinta & faquuqa Aadamaha, Ilaahay waxa aan uga baryayaa in uu Jannatul firdowsa ku casuumo, dambigiisana dhaafo, innagana samir iyo iimaan innaga wada siiyo. Aamiin.” Murrashax Cirro
إنا لله وإنا إليه راجعون!”
Waxaa maanta xaqii ku soo degay oo geeridiisa la soo sheegay, Alle ha u naxariisto e, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, waa macallinkii dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed. Haddii Soomaaliyi yeelatay Filasoofka nolosha wax ka sheega malaha waa kii ugu weynaa.Damal ay hadhsadaan buu ahaa dirka Soomaaliyeed iyo intii ay murtidiisau gaadhay, waxaase hubaal ah in dhaxal weyn uu uga tegay dadkiisa oo uu taariikhda same iyo wanaag ku galay.
Geeri baan cid daynayn oo aan birmagaydo aqoon! Qofna ifka loo deyn maayo ee Sabir iyo Iimaan dhamaan ehalkiisii iyo inta geeridiisu taabatay, meel kasta oo ay joogaan.
“Kuwa ii hanweynow
Marka aad i hoysaan
Hogga ii bannaysaan
Waa in lay hogtaayoo
Hiil waxan ka geli jiray
Ama hoo ka tari jiray
Hadhow lay xusuusta
Hebel lay yidhaahdaa””
Thai court orders US$255,000 compensation to abandoned fishing crew
in News - Wararka
Posted
A group of 32 Thai fishing crew who were abandoned while working in Somalia, are to receive almost Baht 10 million (US$255,000) in compensation, after winning a legal case against their employer.
Source: Hiiraan Online