-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
DAWLADDII XASAN SHIIKH WAXA KU SOO WAJAHAN BURBUR IYO BOOBKII SHICIBKA OO BILAABMAY.
Soomaaliya gaar ahaan Xamar waxa ka taagan baahiweyn oo kelliftay in mushaahaarooyinkii la waayo, ciidamadii raashinka qaydhin waxa looga uruuriyaa Shicibka suuqa fadhiya oo lagu xukumay qofka jawaan raashin ah iibinayaa inuu bixiyo 25kiilo, bakhaarradii iyo dukaamadii ayaa laga uruurinayaa.
Dadka caynkaas ah madaxweynahooda waxa u yaalla SWITZERLAND & 200 million, wasiirradooda iyo xildhibaannadoodu waa maal qabeen maanta aan waxba ku tarayn oo ma naxayaal ahWaxa soo socota innagoo dawlad ah in la yidhaahdo lacagta u maamula way boobayaane oo aynu diidno Xamar oo aqoonsi doonaysa ayaa Hargeysa imandoona
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON. -
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in isaga iyo hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ay ku heshiiyeen in ay “si degdeg ah” u bilaabaan wada-xaajood ay madaxweynaha Ukraine kala yeelanayaan soo afjarista colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.
Trump ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo madaxweyne Putin ay yeelan doonaan kulamo, iyadoo kan ugu horreeyana uu sheegay in uu ka dhici doono dalka Sacuudiga.
-
Abdirahman Mohamed Abdullahi, President of the Republic of Somaliland, expressed his gratitude to the UAE for its continued support of his country and voiced his desire to further enhance bilateral partnerships across various economic and developmental fields.
In remarks to the Emirates news Agency (WAM) on the sidelines of the 2025 World Government Summit, Abdullahi praised the pivotal role played by Emirati investments, particularly through DP World, in strengthening the country’s economic infrastructure and transforming the Port of Berbera into a strategic regional logistics hub connecting Somaliland with neighbouring countries.
He explained that DP World’s investment in Berbera Port went beyond its development, extending to the establishment of a free zone and the Berbera trade corridor, which has enhanced economic links between Somaliland and neighbouring Ethiopia, with a population of around 134 million. This has made Berbera a key trade hub in the region, especially with improved cross-border transport and logistics.
Regarding UAE-funded hospitals in Berbera and Buroa, the President highlighted the significant financing challenges faced by Somaliland’s health sector. He confirmed that the establishment of these hospitals would greatly enhance the healthcare services available to the local community.
On the promising sectors for Emirati investment in Somaliland, President Abdullahi pointed to several areas with high potential, particularly the livestock sector, which forms a core pillar of the country’s economy. Somaliland boasts between 40 and 50 million livestock and exports around 4 million sheep annually to Saudi Arabia during the Hajj season.
He suggested that Somaliland could become a food basket for the Gulf States, particularly in the field of meat exports to the UAE and the wider region.
The agricultural sector also offers significant investment opportunities, given the fertile land available, which could play an important role in enhancing food security for the Gulf States if appropriately invested.
He noted that the blue economy presents a huge opportunity for investment, as Somaliland possesses an 850-kilometre coastline rich in marine resources, although it remains underutilised.
“The fishing industry simply requires modern investments, and we could become a major supplier of fish to the UAE, the Gulf States, and even European markets,” he said.
President Abdullahi also pointed out that Somaliland is home to distinctive tourist sites, including over 150 kilometres of pristine beaches, located just two hours from Dubai, making it a potential tourism destination for investors in the hospitality sector.
Pakistan Point News
-
Xildhibaan Brandon Gill oo ah mudane ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto Gobolka Texas ayaa wada qorshe uu ugu qaybinayo codsi uu taageerayaashiisa kaga codsanayo inay saxeexaan si ay u mustaafuriyaan Ilhaan Cumar oo ah mudane ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga oo ay kuwada jiraan Congress-ka Mareykanka.
Gill ayaa hore ugu baaqday in Ilhaan Cumar la masaafuriyo, isagoo ku doodday inay daacad u tahay dadka aan sharciga lahayn ee Maraykanka ku sugan ee ka soo jeeda dalkeeda Soomaaliya marka loo eego Maraykanka.
Ilhaan Cumar ayaa qaadatay dhalashada Mareykanka sanadkii 2000 ka dib markii ay Soomaaliya uga carartay dagaalo sokeeye, Ilhaan waxa ay ku caan baxday inay si kulul u dhaleeceyso madaxweyne Donald Trump.
“Saaxiib, ma ahayn inaan marnaba u ogolaan Ilhaan Cumar inay dalkeena soo gasho,” Gill ayaa ku soo qoray barta uu kuleeyahay X “Runtii, Ameerika waxay ahaan lahayd meel aad uga wanaagsan haddii dib loogu celiyo Ilhaan Soomaaliya,”
Ugu dambeyn waxa uu ku eedeeyay in ay Ilhaan ay Daacad u tahay Soomaalida marka loo eego Mareykanka iyo xafiiska loo doortay.
-
Baku (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Azerbaijan ayaa booqday xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, kuwaas oo iskugu jira xarumaha tamarta, difaaca, iyo horumarinta adeegyada dowliga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Xarunta BP Sangachal Terminal oo ka mid ah xarumaha ugu weyn ee caalamka ee qaabilsan soo saarista shidaalka iyo habeynta gaaska dabiiciga ah.
Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimaha shidaalka iyo tamarta.
Intii booqashada uu ku jiray Madaxweynuhu, waxa uu warbixin ka dhageystay khubarada farsamada oo la wadaagay sida ay xaruntu uga shaqeyso amniga tamarta ee gobolka iyo suuqyada caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in booqashadan ay fursad weyn u ahayd is-dhaafsi khibradeed, maadaama Soomaaliya ay haatan waddo sahanno lagu baarayo shidaalka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo sannadkan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqday xarunta Ciidanka Kumaandooska Qaranka Azerbaijan, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov.
Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigay qalab casri ah oo ciidan oo lagu sameeyay gudaha dalka Azerbaijan.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Xarunta Adeegyada Casriga ah ee ASAN, isagoo ku bogaadiyey dowladda Azerbaijan hannaanka horumarsan ee casriyeynta adeegyada dadweynaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan karto khibraddan, si loo horumariyo addeegyada dowliga ah ee danabeysan (E-Governance).
Hoos ka daawo
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarummo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, kuwaas oo iskugu jira xarummaha tamarta, difaaca, iyo hormarinta adeegyada dowliga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Xarunta BP Sangachal Terminal oo ka mid ah xarumaha ugu weyn ee caalamka ee qaabilsan soo saarista shidaalka iyo habeynta gaaska dabiiciga ah, isagoo uga gollahaa in uu dul istaago awoodda dalkan Azebaijan ee dhanka tamarta, maadaama ay dhawaan labada dowladood kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimaha shidaalka iyo tamarta.
Intii booqashada uu ku jiray Madaxweynuhu, waxa uu warbixin ka dhageystay khubarada farsamada oo la wadaagay sida ay xaruntu uga shaqeyso amniga tamarta ee gobolka iyo suuqyada caalamka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay in booqashadan ay fursad weyn u ahayd is-dhaafsi khibradeed, maadaama Soomaaliya ay haatan waddo sahanno lagu baarayo shidaalka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo sannadkan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqday Kumaandooska Ciidanka Qaranka Azerbaijan, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov. Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigay qalab casri ah oo ciidan oo lagu sameeyay gudaha Azerbaijan.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Xarunta Adeegyada Casriga ah ee ASAN, isagoo ku bogaadiyey dowladda dalkan hannaanka horumarsan ee casriyeynta adeegyada dadweynaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan karto khibraddan, si loo horumariyo addeegyada dowliga ah ee danabeysan (E-Governance)
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Transparency International ayaa shaacisay warbixinteeda sanadlaha ah ee 2024, taas oo lagu cabbirayo heerka musuqmaasuqa dalalka dunida.
Soomaaliya ayaa mar kale ka mid noqotay dalka labaad ee ugu musuq-maasuq badan caalamka, taasoo muujinaysa in ay weli tahay dalka ugu musuqa badan caalamka. Waxaa Soomaaliya ka liita oo kaliya South Sudan.
Warbixinta ayaa lagu falanqeeyey 180 dal, iyadoo la adeegsanayo cabbiro caalami ah oo lagu qiimeeyo heerka musuqmaasuqa. Dalalka ugu hooseeya liiskan waxaa lagu tilmaamay kuwo uu musuqu si daran u saameeyay, taasoo caqabad weyn ku ah koboca dhaqaalaha, maamul wanaagga, iyo horumarka bulshada.
Soomaaliya, oo sanadihii ugu dambeeyay safka hore kaga jirtay dalalka ugu musuqa badan, ayaa mar kale la xaqiijiyey in musuq-maasuqu yahay caqabad weyn oo dib u dhigtay horumarka dalka, waxayna gashay kaalinta 179, waxaana ka hoos maray kaliya South Sudan oo gashay 180.
Warbixintu waxay sidoo kale shaacisay in tobanka dal ee ugu musuqa yar ay yihiin kuwa Yurub iyo Scandinavian-ka. Denmark, oo kaalinta koowaad ku jirtay sanado badan, ayaa weli hoggaanka u haysa dalalka ugu musuqa yar iyadoo heshay 90 dhibcood, waxaana ku xiga Finland (88 dhibcood) iyo Singapore (84 dhibcood).
Musuq-maasuqa iyo saamaynta Isbeddelka cimilada
Transparency International waxay xustay in musuq-maasuqa ka jira dalalka Saxaraha ka hooseeya uu caqabad weyn ku yahay dadaallada wax looga qabanayo isbeddelka cimilada. Gobolka Afrika ayaa aad ugu baahan maalgelin si wax looga qabto saameynta isbeddelka cimilada, balse musuqmaasuqu wuxuu keenaa in lacagaha loogu talagalay arrimahaas la lunsado ama loo weeciyo meelo kale.
Warbixintu waxay si gaar ah u xustay dalalka sida weyn ay cimiladu u saameysay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Soomaaliya (9 dhibcood), Equatorial Guinea (13 dhibcood), Eritrea (13 dhibcood), iyo Suudaanta Koofureed (8 dhibcood).
Soomaaliya, oo muddo ka badan 30 sano ay colaaduhu aafeeyeen, ayaa sidoo kale la daalaa-dhacaysa saameynta isbeddelka cimilada, taasoo si gaar ah u wiiqday dhaqaalaha beeraha.
Dalalka bobolka iyo meelayntooda
Warbixinta Transparency International ayaa sidoo kale soo bandhigtay qiimeynta dalalka kale ee gobolka. Kenya ayaa heshay 32 dhibcood, taasoo ka dhigtay dalka 121-aad ee liiska, halka Jabuuti ay heshay 31 dhibcood oo ay ku gashay kaalinta 127-aad. Suudaan, oo weli ay colaado ka jiraan, ayaa kaalinta 170-aad gashay iyadoo heshay 15 dhibcood, halka Eritrea ay heshay 13 dhibcood oo ay kaga jirto kaalinta 173aad.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah dalalka Afrika ee aan musuq-maasuqooda aad u xumayn waxaa ka mid ah Seychelles (18aad – 72 dhibcood), Cape Verde (35aad – 62 dhibcood), Botswana (43aad – 57 dhibcood), iyo Mauritius (51aad – 56 dhibcood).
Soomaaliya ayaa weli ku jirta liiska dalalka ugu musuqa badan, iyadoo ay hoos uga sii dhaceen dhibcihii hore. Musuqmaasuqa baahsan ee dalka ayaa caqabad weyn ku ah horumarka, amniga, iyo dadaallada dib-u-dhiska. Transparency International waxay xustay in colaadaha sokeeye, dowlad-darrada, iyo la’aanta isla-xisaabtanka ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee Soomaaliya u horseeday heerkaan hoose.
Warbixintu waxay xustay in lix ka mid ah dalalka ugu musuqa badan caalamka ay ku yaallaan Afrika, kuwaas oo kala ah Soomaaliya, Suudaanta Koofureed, Libya, Eritrea, Equatorial Guinea, iyo Suudaan.
Soomaaliya waxaa ka hooseeya oo keliya Suudaanta Koofureed, taasoo muujinaysa sida ay musuqmaasuqa iyo colaadaha sokeeye isugu biireen si ay dib u dhac weyn ugu keenaan waddamadaas.
Soomaaliya iyo dalalka la midka ah waxay u baahan yihiin isbeddel qoto dheer oo lagu xakameeyo musuqmaasuqa, lana sameeyo nidaam hufan oo horseedi kara maamul-wanaag iyo horumar waara.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta qaabiley Qoyska Alle ha u naxariistee, G/sare Mukhtaar Faarax Qoryood iyo Cabdifitaax Faarax Qoryood oo ku shahiiday dagaalka cirib-tirka Argagixisada Daacish ee buuraha Cal-miskaad.
Madaxweyne Siciid Deni, oo ay weheliyaan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa qaabiley Qoyska labadii halyeey ee G/sare Mukhtaar Faarax Qoryood iyo Cabdifitaax Faarax Qoryood ee dhawaan ku shahiiday cirib-tirka Argagixisada ISIS.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhammaan Qoyska uga tacsiyeeyay geerida labadii halyeeyay ee u shahiiday difaaca dalkooda (Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifitaax Qoryood), waxaana uu ilaahay uga baryay labada marxuum in uu janno Fardawso ku irsaaqo, isagoo sheegay in dowladdu garab taagan tahay Qoyskooda.
Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in qaabilaadda Qoyska reer Qoryood muujinayso sida dowladda Puntland ay ugu heellan tahay xushmadda iyo garab istaagga ehelada muwaadiniinta geeriyooda, gaar ahaan ku wa ka tirsanaa laamaha amniga ee naftooda u huray difaaca shacabka iyo xasilloonida
Halkaan ka eeg Sawirada
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Puntland oo qaabiley Qoyska labadii Shahiid ee Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifitaax Qoryood appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Ethiopia has been elected to the African Union's Peace and Security Council (AUPSC) for a three-year term, strengthening its influence in regional security affairs. The country secured 38 votes in the 46th Executive Council meeting in Addis Ababa, surpassing Rwanda and Somalia, which received one and ten votes, respectively.
-
Mogadishu (HOL) — Kenyan khat farmers have suspended exports to Somalia, escalating a pricing dispute that has left Mogadishu's bustling khat markets shuttered for nearly a week. The farmers, frustrated with what they describe as exploitative pricing, demand that exporters pay an additional 300 Kenyan shillings (Ksh) per kilogram and enforce a minimum payment of Ksh 200,000 per bag for the premium "Grid" variety of khat.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyay inay cabasho ka soo gaartay qaar ka mid ah ururrada siyaasadda, taasi oo walaac xooggan uu ka muujiyay guddiga.
Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in guddiga uu baaris ku bilaabay arrintaan, islamarkaana ay xiriir la sameeyeen hay’adaha ay quseyso si loo gaaro natiijo.
“Guddiga waxa uu walaac xooggan ka muujinayaa cabasho kasoo gaartay ururrada siyaasadda, kuwaasi oo lagu carqaladeeyay kulan ay lahaayeen sida lagu baahiyay muuqaallo laga daawaday baraha bulshada iyo warbaahinta,” ayaa lagu yiri bayaanka guddiga doorashooyinka qaranka.
Guddiga ayaa caddeeyay in ururrada siyaasada ay xor u yihiin in ay qabsadaan kulamada ay uga arrinsanayaan doorashooyinka.
“Guddiga wuxuu u taagan yahay ilaalinta, hirgelinta iyo ku dhaqanka dastuurka JFS iyo xeerarka doorashooyinka qaranka, kuwaas oo damaanad qaadaya in ururrada siyaasadda ay qabsan karaan kulamo iyo wada-tashiyo si xor ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.
Warka guddiga doorashooyinka ayaa imaanaya xili maalmo ka hor ciidamo ka tirsan nabad-sugida ay is hortaag ku sameeyeen kulan ay Muqdisho ku lahaayeen xisbiyada mucaaradka.
Kulankaasi ayaa waxaa ku sugnaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo siyaasi Cabdullaahi, kuwaasi xiligaasi sheegay in laga hor istaagay kulamada ay qabsan lahaayeen.
Arrintaan ayaa imaaneysa xilli ay mucaaradka kalsooni darro ka muujiyeen hanaanka doorasho ee gadaal ka riixeyso dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo si adag uga horyimaadeen madaxdii hore ee dalka.
-
-
Taliska Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in magaalada Boosaaso lagu qabtay nin u dhashay dalka Marooko oo kamid ah firxadka Argagixisada Daacish ee lagu jebiyay dagaalka buuraha Calmiskaad.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ISIS ayaa lagu sheegay in shacabka Boosaaso gacanta ku dhigeen nin u dhashay dalka Marooko oo ka tirsanaa Argagixisada Daacish islamarkaana ka soo firxaday kaddib markii lagu jebiyay dagaalkii buuraha Calmiskaad.
Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa tilmaamay in ciidamada Ammaanka Boosaaso hadda gacanta ku hayaan oo ay su’aalo weydiinayaan ninkaasi oo qirtay in uu ka tirsanaa ISIS balse uu ka soo firxaday dagaalkii dhacay.
“Bosaasso : Nin u dhashay Moroco oo ah firxadka argigixisada daacish ayaa shacabku qabteen waxaana hada gacanta ku haya laamaha amniga oo su’aalo weydiinaya , wuu qirtay inuu ahaa daacishtii la jebiyey” ayuu qoraalkiisa ku sheegay Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland.
PUNTLAND POST
The post Ajnabi ka firxaday Argagixisada jabtay ee Daacish oo lagu qabtay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Hay’addo Kala Duwan Oo Ah Xagga Gargaarka Bulshada iyo Samafalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii saddexaad ku guda jira Safarkiisii Shaqo ee uu ku tagay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo la yeeshay Hay’addo kala duwan oo dhinaca gargaarka bulshada iyo samafalka ah
” Waxa sharaf noo ah in aanu la kulanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamerd Cabdilaahi (Cirro), intii uu socday Shirkii Dawladdaha Adduunka.” Sidaa waxa tidhi Latifa Al Qemzi oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda DP World Foundation.
Kulanka uu Madaxweynaha JSL la yeeshay Hay’adda DP World Foundation ayaa diiradda lagu saaray sidii ay DP World Foundation iyo Jamhuuriyadda Somaliland isaga kaashan lahaayeen dhinaca gurmadka degdegga ah iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Kulankan Madaxweynaha JSL la yeeshay Hay’adda DP World Foundation waxa isna ku weheliyay mudane Axmed Darwish Al Muhairi oo Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Islaamka iyo Waaxda Hawlaha Samafalka ee Dubai (IACAD) iyo mudane Mohammad Musabeh Dhahi oo ah Madaxa Waaxda Shaqada ee Samafalka, Butti Abdulla Al Jumairi oo ah Agaasimaha Fulinta ee Waaxda Taageerada Bulshada ee Shirkadaha, iyo Mudane Mohammed Suhail Al Muhairi, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Samafalka ee Hay’adda Der Al Bir.
Kulanka waxa la isku af-gartay in la sii sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Xukuuumadda Somaliland, Hay’adda DP World Foundation iyo Hay’adda Arrimaha Islaamka iyo Waaxda Hawlaha Samafalka ee Dubai (IACAD) ee la xidhiidha ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadanninimo iyo ballaadhinta dedaallada xagga gargaarka si wadajir ahna wax looga qabto baahiyaha bulshada JSL xilliyada ay soo soo wejahaan dhibaatooyinka u baahan gurmadka bini’aadanninimo.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝. -
Mogadishu (HOL) — A Somali court has sentenced a married couple to two years in prison for filming and distributing explicit videos, a ruling that has sparked renewed concerns about digital privacy and personal security in the country.
-
Baidoa (HOL) – A military court in Somalia’s Bay region has executed three men convicted of killing civilians during mobile phone robbery and disputes in the Southwest State.
-
Guddida heer Qaran ee Taakulada khasaarihii dabkii suuqa Idaacadda uu geystay ayaa kulan muhiim ah oo ay yeesheen waxay ku dhawaaqeen Suuq casri ah oo loo dhisayo dadkii Suuqu ka gubtey.
Gudidani ayaa uu dhawaan madaxweynaha Somaliland u saaray in ay soo qoimeeyaan baaxada khasaaraha uu dabku gaystay si ay uga soo talo bixiyaan sidii suuqaasi uu dib ugu hawl gali lahaa sida ugu dhakhsiiyaha badan isla markaasina loo tasgeeri lahaa dadkii uu dabku khasaaraha u gaystay.
-
Baku (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay safarka madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gaaray Azerbaijan, kadib markii uu heshiis dhanka difaaca ah uu lasoo galay dhiggiisa dalkaasi Ilham Aliyev.
Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay heshiiskan oo ay shaacisay Villa Soomaaliya oo baahisay in labada dowladood ay kala saxiixdeen heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista, iyo hal-abuurka.
Sidoo kale, waxaa la isla gartay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.
Arrinta doodda weyn keentay ayaa ah dhinaca amniga, Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa ku heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada iyo tayeynta hay’adaha amniga, iyada oo la’isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, lana dardargeliyo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.
Haddaba sidee looga falceiyay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Azerbaijan?
Cabdirisaaq Mahdi: “Xasanow 50 dowladood kor waa u dhaafayaan intaad kala saxiixateen iskaashi amni iyo ciidamada hal dowlad oo wax ku ool laga helana kuma jirto waxaan dhan ma iska saxiixda meysan laheyn xuduud?.”
Saajid Axmed: “Dowlad wax na siineysa diidi meyno soo dhawada Azerbaijan hub, lacag waxaa na siin kartiin nasiiya”.
Cabdifitaax Faarax: “Azerbaïdjan waxaa madaxweyne u aah Ilham Aliyev wxaa madaxwyne kuxikeen ah islaantiisa uu qabo wxaa hantii dhowre uu ah gabadhiisa, marka Soomaaliya maxay kaa faa’idaysaa dalkaas?”
“Madaxweyne waddankiiisa inta badan dagaallo ka socdaan, oo haddana maalin walbo iska safraayo waa ibtilo inteeda la’eg,” ayuu yiri Xadi Fantastic.
Cali Cabdiraxmaan Ibraahim: “Waxbarashada waddankaan waa top , xariir waxbarasho lala yeeshana guul ayay no tahay”
Maxamuud Kaafi: “Iskaashi lacag uruursi maad iska dhahdid 40 dowladood ayaad heshiis kan lamida kala saxiixateen maxaa ka hirgalay?”.
-
-
Ali Harbi Ali was convicted of Amess’s murder in 2022 when he was 26. He had been referred to Prevent in 2014 by his school and his case was adopted amid concerns he could have an interest in violent Islamism.His case was closed in 2016 after he had been referred to the Channel scheme for those deemed most at risk of radicalisation.
The Prevent learning review published on Wednesday found the decision to close Ali’s case had been taken too soon.
Far from being deradicalised, Ali went on to consume Islamic State propaganda and in October 2021 attacked Amess, 69, with a knife 21 times as he held a Southend West constituency surgery in a Leigh-on-Sea church. Ali told an onlooker he was doing it for Syria.
Amess’s family had a copy of the review last year and wanted it to be made public. Prevent learning reviews are usually kept secret.
His widow, Lady Amess, said on Wednesday that a public inquiry was needed. “I am very pleased that the failures of Prevent are now in the public domain – we were aware of them but were essentially gagged,” she said. “We are determined to keep up our fight for a public inquiry which we believe the family, and others, deserve.”
Their daughter, Katie Amess, said: “I am very disappointed that the government has refused our request for an inquiry. My father gave his life for this country.
“Given the similarities with the Southport killer and the man who murdered my father and the multiple failing of Prevent in both cases, it is wrong and illogical to have an inquiry into one and not the other. I sincerely hope that the government will change its mind.”
This review into Prevent’s handling of the Ali case followed a critical report last week into its handling of the Southport killer, Axel Rudakubana. Rudakubana was referred to and rejected from Prevent three times.
Ali’s criminal trial heard he had hidden his real views while in the Prevent scheme. The court was told he had wanted to travel to join Islamic State in Syria, and a year after being cleared by Prevent and Channel had decided to carry out a terror attack in the UK.
He was suspected of having an interest in Islamism after being referred by his school in 2014, which was concerned by changes in behaviour, such as suddenly wearing Islamic clothing, and a deterioration in his studies.
In 2016 Ali was cleared by Prevent, with the risk he posed of carrying out a terrorist attack deemed as low. The review found that assessment had been made too soon, after just one meeting with him over coffee at McDonald’s.
The review found “the ultimate decision to exit Ali is based on the one initial report from the IP [intervention provider]”.
Announcing the review, the security minister, Dan Jarvis, told the Commons: “The reviewer found that from the material reviewed, the assessment in terms of the perpetrator’s vulnerabilities was problematic, and this ultimately led to questionable decision-making and sub-optimal handling of the case during the time he was engaged with Prevent and Channel.
“It identified that the vulnerability assessment framework was not followed, with the perpetrator’s symptoms being prioritised over addressing the underlying causes of his vulnerabilities.
“The reviewer ultimately found that while Prevent policy and guidance at the time was mostly followed, the case was exited from Prevent too quickly.”
Jarvis added: “Record-keeping was problematic, and the rationale for certain decisions was not explicit. Responsibilities between police and the local authorities were blurred. The tool used for identifying an individual’s vulnerability to radicalisation was outdated.
“The school that made the referral to Prevent should have been involved in discussions to help determine risk and appropriate support. And the tasking of the intervention provider was problematic, with a miscommunication leading to only one session being provided instead of two.”
Prevent is a voluntary scheme intended to deflect people away from being radicalised before they commit terrorist acts.
The head of counter-terrorism, assistant commissioner Matt Jukes, said: “It is clear from the Prevent learning review where the management and handling of Ali Harbi Ali’s case in 2014 should have been better.
“The report also acknowledges that by the time of the attack in 2021, significant changes had been made, and more work has been done since then to act upon the review’s recommendations.
“Difficult decisions in steering people away from radicalisation continue to be made every day, and with almost 60,000 Prevent referrals in the last decade, we owe it to all those affected, including those making the decisions, to take every opportunity possible to improve the system.”
Ali’s criminal trial heard that he had confessed to police after his arrest that in 2014 he was such a devotee of Islamic State that he considered travelling to Syria to join them, but did not do so.
By 2017 he had chosen to carry out an attack in the UK and he became determined to kill an MP, eventually picking Amess as his target.
Jarvis said that the new Prevent commissioner would “ensure the implementation of all relevant recommendations” from the review about the programme’s interactions with Ali.
Source The Guardian
-
Maanta, Maxkamadda Gobolka Baay ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay Isaaq Aadan, oo horey u dilay Marxuum Aadan Maxamed.
Fagaaraha toogashada waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro, maamulka degmada iyo kan gobolka Baay, xafiiska xeer ilaalinta, iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay magaalada ku dileen haweeney ayaa la toogtay.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aysan marna aqbali doonin dilalka Macno darada ee ka dhacaya magaalooyinka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale qofwalba oo lagu eedeeyo dil in maxkamad markii ay ku hesho horay laga toogan doono.
-
Munich (Caasimada Online) – Darawal ayaa gaari ku jiiray dad isugu soo baxay magaalada Munich Khamiista, taasoo keentay dhaawaca ugu yaraan 20 qof, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.
Mas’uuliyiintu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada ka dhacday meel u dhow faras magaalada Munich abaare 10:30 subaxnimo, oo ay ku jirto in si kas ah loo beegsaday dadka iyo in kale.
Booliska ayaa barta X ku sheegay in darawalka “lagu qabtay” goobta, isla markaana uusan hadda khatar ku haynin dadka. Goobta shilka waxaa yaallay gaari nooca Mini ah oo burburay.
Adeegga dab-damiska ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhaawacmeen shilka, qaar ka mid ahna ay xaaladdoodu aad u daran tahay, sida ay werisay wakaaladda wararka ee DPA.
Duqa magaalada Munich, Dieter Reiter, ayaa sheegay inuu aad uga naxay dhacdadan, wuxuuna xusay in carruur ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay.
Xilliga ay dhacdadu dhacaysay, waxaa goobta ka socday dibadbax uu qabanayay ururka shaqaalaha adeegyada ee ver.di. Lama xaqiijin in dadka dibadbaxayaasha ka mid ah ay ku jiraan dhaawaca.
Magaalada Munich waxaa lagu wadaa in amniga si weyn loo adkeeyo maalmaha soo socda, maadaama uu Jimcaha ka furmayo Shirka Ammaanka Munich oo socon doona saddex maalmood, kaasoo ah kulan sannadle ah oo ay ka soo qayb galaan mas’uuliyiinta arrimaha dibadda iyo amniga caalamka.
Faah-faahin dheeraad ah naga filow dhowaan, Insha Allah.
-
Culumada Jaamacadda Al-azhar Al-Shariif oo kamid xurumaha diineed ee ugu waaweyn dunida Islaamka ayaa ku baaqay in la taageero mowqifka dowladda Masar ee ku aaddan dib u dhiska marinka Qasa.
War qoraal oo ay soo saartay Al-Azhar ayaa sidoo kale lagu sheegay in Falastiiniyiintu ay dhulkooda ku sugnaadaan oo aan la aqbali karin in meelo kale loo barakiciyo, waxayna Az-har intaas ku dartay in madaxda dunidu ay si mas’uuliyadi ku jirto u eegaan xuquuqda Falastiiniyiintu ay u leeyihiin inay dhulkooda ku noolaadaan.
Dowladda Masar oo uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku cadaadinayo in dalkeeda loo barakiciyo dadka ku nool marinka Qasa ayaa dhowaan ku dhawaaqday go’aan ah inay taageersantahay in Qasa dib u dhiska lagu sameeyo ayadoo aan dadka laga barakicin.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa guul wayn oo lama filaan ah ka gaartay Soomaaliya iyo Rwanda, kadib tartan ka dhacay magaalada caasimada ah ee dalkaas, kaas oo loo galay Golaha Fulinta ee Ururka Midowga Afrika.
Itoobiya ayaa heshay xubnimada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC), kadib markii loo doortay shalay oo Arbaco ahayd, intii uu socday shirkii 46-aad ee Golaha Fulinta ee Addis Ababab, kaas oo mudadeedu noqon doono 3 sano ee soo socota.
Natiijada codeynta oo la shaaciyay ayaa Itoobiya waxa ay heshay 38 cod, iyada oo sidaas ugu guuleysatay kursiga bariga Afrika, iyadoo ka sarreysa dalalka Rwanda iyo Soomaaliya oo helay hal cod iyo toban cod.
Guusha ay gaartay Itoobiya ayaa sii xoojin doonta joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee hay’adda ugu saamaynta badan dhinaca amniga ee Qaaradda Afrika, sidoo kalana ay haatan dalkeedu ku taallo xarunta dhexe ee Ururka Midowga Afrika.
Sidoo kale, fursaddan ayaa Itoobiya waxa ay siineysaa awood kale oo ku aaddan arrimaha nabadda iyo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo geeska Afrika oo dhan, maadaama ay hanatay kursigii bariga Afrika ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.
Kursigan oo ay ugu dambeyn kusoo baxday Itoobiyay ayaa waxaa loo galay loolan adag, iyada oo Soomaaliya ay bixisay dadaallo dheeraad ah, laakiin ma helin guushii ay fileysay, waana wax dhaco mar kasta oo la galo tartan ama doorasho.
Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa muddo ka dhexeysay xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Abiy Axmed la galay Somaliland, kaas oo lagu xaliyay Ankara.
Si kastaba, Itoobiya ayaa haatan dooneyso inay sii ballaariso joogintaankeeda Soomaaliya, ayna qayb ka noqoto howlgalka cusu ee AUSSOM oo sanadkan ka bilowday gudaha dalka.
Wararkii ugu dambeeyey weerarka Munich iyo ninka fuliyey dhalashadiisa + Sawirro
in News - Wararka
Posted
Munich (Caasimada Online) – Booliska ayaa xabsiga dhigay qaxooti Afghaan ah oo lagu tuhunsan yahay weerar baabuur lagu jiiray dad, kaas oo 28 qof dhaawac u geystay, oo qaarkood ay xaaladdoodu daran tahay, magaalada Munich ee koonfurta Jarmalka Khamiistii.
Falkan wuxuu yimid xilli magaalada Munich lagu qabanayo shir amni oo sare iyo xilli dood adag oo ku saabsan soo-galootiga ay ka taagan tahay dalka kahor doorashada 23-ka Febraayo.
Baabuurka Mini Cooper-ka ah ayaa ku dhacay bannaanbax ay qabanayeen xubno ka tirsan ururka shaqaalaha, wuxuuna sababay dhaawacyo iyo burbur hantiyeed.
Booliska goobta joogay ayaa rasaas ku furay baabuurka burburay waxayna xireen wadaha, oo ahaa 24-jir Afghaan ah, laguna sheegay magaciisa Farhad N., sida ay warbaahinta Jarmalku sheegtay.
Ra’iisul Wasaare Olaf Scholz ayaa cambaareeyay weerarkan “xun” wuxuuna ballan qaaday cawaaqib adag.
“Waa caddahay: qofka weerarkan geystay wax naxariis ah ma filan karo, waa in la ciqaabaa oo dalka laga saaraa,” ayuu Scholz u sheegay saxafiyiinta.
Kabaha, muraayadaha iyo gaari carruureed ayaa goobta lagu arkay, taas oo dadka xasuusinaysa weerarkii baabuur ee dilaaga ahaa ee bishii December ka dhacay suuqa Kirismaska ee Magdeburg.
‘Waxay u egtahay mid kas ah’
Alexa Graef, oo goob-joog ahayd, ayaa sheegtay inay “naxdin” ku noqotay markii ay aragtay baabuurka oo dadkii jiiraya, “waxay u muuqatay mid si kas ah loo sameeyay.”
“Waxaan rajaynayaa inaan mar kale arkin wax sidan oo kale ah,” ayay tiri Graef, oo xafiiskeedu ka soo horjeeday isgoyska uu shilku ka dhacay.
Booliisku waxay baarayeen baabuurka caddaan-creamy ah oo la isticmaalay, iyagoo eeyaha wax uriyo ku wareejiyay Mini-ga.
Ninka 24-jirka ah ee Afghaanka ah, oo ku noolaa Munich, ayaa goobta lagu xiray, sida ay booliisku sheegeen.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay hayaan “calaamado muujinaya in weerarku salka ku hayo fikir xagjir ah,” waxaana baaritaanka la wareegay xafiiska dacwad-oogaha gobolka.
Wargeyska Der Spiegel, oo soo xiganaya ilo amni, ayaa sheegay in la rumeysan yahay inuu internet-ka ku faafiyay waxyaabo la xiriira Islaamiyiinta kahor weerarka.
Afhayeen u hadlay adeegga dab-demiska ayaa AFP u sheegay in dhowr ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin “dhaawacyo halis gelinaya nolosha.” Carruur ayaa sidoo kale ku jiray dhibbanayaasha, sida ay warbaahinta maxalliga ahi sheegtay.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Jarmalka yimid sanadkii 2016, xilligii ay Yurub ku qulqulayeen qaxootiga badan. Codsigiisa magangalyada ayaa la diiday, hase yeeshee lama qorsheynin in la masaafuriyo.
Madaxweynaha Bavaria, Markus Soeder, ayaa ku tilmaamay weerarka “xanuun badan” isagoo sheegay “waxay u muuqataa weerar.”
“Tani ma ahan dhacdadii ugu horreysay… waa inaan muujinaa go’aan adag in wax ka beddel lagu sameeyo Jarmalka,” ayuu yiri Soeder, oo xisbigiisa CSU uu xulafo la yahay CDU-da raacsan midig.
Doodda sii kululaatay
Xulafada CDU/CSU, oo sahannadu muujinayaan inay ku guuleysan doonaan doorashada usbuuc ka dib dhaceysa, ayaa ku baaqay in la adkeeyo xeerarka soo-galootiga kaddib weerarradii ugu dambeeyay.
Xukuumadda Scholz, oo cadaadis kala kulmeysay arrintan xitaa kahor iclaaminta doorashada, ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay ku adkeyneyso sharciyada magangalyada iyo dedejinta masaafurinta, oo ay ku jirto Afghanistan.
Scholz ayaa Khamiistii sheegay in dib u celinta “adagtahay in la abaabulo,” balse dowladda ay “ku guda jirto habka dib u celinta kiisas kale… si joogto ah.”
Weerarkan ayaa yimid xilli doodda ku saabsan amniga iyo soo-galootiga ay xoogeysatay kaddib dhacdooyin la mid ah, oo ay ugu dambeysay weerar mindi bishii hore oo laba qof lagu dilay magaalada Aschaffenburg, oo uu ku jiray wiil 2-jir ah.
Kadib weerarkaas, booliisku waxay xireen nin 28-jir ah oo Afghaan ah, oo la sheegay inuu lahaa taariikh caafimaad oo dhimirka la xiriirta.
Bishii December, lix qof ayaa ku dhimatay kaddib markii baabuur lagu jiiray suuqa Kirismaska ee Magdeburg, waxaana la dhaawacay boqolaal qof. Nin Sacuudiyaan ah ayaa la xiray, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Nancy Faeser ay sheegtay inuu sidoo kale lahaa xanuun dhimir.
Weerarka Khamiista ayaa dhacay xilli Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance uu yimid Munich si uu uga qeybgalo Shirka Amniga ee sannadlaha ah, oo Jimcaha bilaabanaya.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale u safraya Munich si uu kulan muhiim ah ula yeesho wakiillada Mareykanka oo looga hadlayo suuragalnimada in dagaalka Ruushka lagu soo afjaro.