-
Content Count
211,689 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka taagan xaalado adag oo ka dhashay muranada dhulalka danta guud, maadaama maalmahaan dowladdu waday howlgallo ay ku burburineyso, si ay ula wareegto.
Maanta waxaa xaalad adag oo jahwareer ah ay ka taagan tahay xaafadda Carwadii hore ee Taleex oo ay dagan yihiin boqolaal shacab ah, kuwaas oo haatan wadnaha farta ku hayo, kadib markii ay soo gaartay in laga rarayo guryahooda.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddi ay sameysteen dadka deegaanka ayaa waxaa kulan ugu yeeray guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cali Fahle oo si toos ah ugu sheegay in dhulkaan loo soo baahday, isla-markaaa ay tahay inay ka guuraan, laakiin waxaa arrintaasi su’aallo ka keenay odayaasha deegaanka ee shirka goobjoogga ah.
Xubnaha guddiga ee matalayay shacabka ayaa guddoomiyaha waydiiyay su’aallo ay kamid ahaayeen sababaha rasmiga ah ee loo rarayo iyo cidda bixisay amarka lagu barakicinayo sababtaas oo illaa iyo hadd aaan si toos ah loola wadaagin dadka deegaanka.
Sidoo kale waxaa arrintaan sii xoojiyay, walaacana kusii kordhiyay shacabka hadal dhowaan kasoo yeeray Xildhbaan Cabdiraxmaanka Cabdishakuur Warsame oo shaaciyay in dhulka carwadii hore iyo dhulal kale laga iibiyay ganacsato, isaga oo ku eedeeyay dowladda dhexe.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa innoo sheegay in muddo dheer ay daganaayeen Carwadii Taleex, haatana aanay haysan meel kale oo ay deegaansadaan haddii si qabsab ah loo burburiyo gurayhooda.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrinta Carwada Taleex, laakiin warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa aad looga hadal hayaa in howlgal burburin ah uu ku wajahan yahay xaafaddaasi oo haatanba qaybo kamid ah la burburiyay, laguna bilaabay dhismaha dabaqyo dhaadheere.
Horay dowladda Soomaaliya ayaa ula wareegtay dhulal dan-guud ah oo ku yaalla gudaha caasimada, waxaana ugu dambeeyay xaruntii Dab-damiska, xaafaddii Kalluunka, Buulo Weekiyo, xaruntii wasaaradda arrimaha gudaha ee Boondheere iyo dhulal kale oo ku yaalla agagaarka isgoysa Ex-kontrol Afgooye, illaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku guuldarraysatay inay dhaqangeliso xayiraad dhanka cirka ah oo ay saartay maamulka Jubaland, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay garoonka diyaaradaha ee magaalada dekedda ah ee Kismaayo ka dageen duulimaadyo badan oo aan fasax loo haysan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.
Jebinta muuqata ee xakamaynta hawada ayaa hoosta ka xariiqaysa caqabadaha joogtada ah ee Muqdisho ay kala kulmayso ku dabaqidda awoodeedda ee maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan xaaladda siyaasadeed ee kacsan ee Jubbaland.
Isku dayga xayiraadda dhanka cirka ah, oo loogu dan lahaa in lagu cadaadiyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hadda si rasmi ah u fashilmay. Ilaa Sabtidii, ugu yaraan laba diyaaradood ayaa ka degay Kismaayo, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland.
Mid ka mid ah diyaaradaha, oo la sheegay inuu kiraystay Madoobe, ayaa u qaaday Nairobi, Kenya, si uu kulammo ula yeesho wakiillo caalami ah iyo hay’ado horumarineed.
Arrintan ayaa dhalisay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay u yeertay safiirka Kenya Sabtidii si ay wax uga weydiiso duulimaadka.
Diyaaradda kale ayaa timid Kismaayo galabnimadii Jimcaha, iyadoo u daabushay wasiirro ka tirsan Jubbaland magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dibna waxay odayaal ka soo qaadday Addis Ababa una daabushay Doolow, oo ah magaalo ku taal gobolka Gedo ee Jubbaland.
In kasta oo aan la caddayn asalka iyo cidda iska leh diyaaradaha, haddana duulimaadyadu waxay muujinayaan xadgudub muuqda oo ka dhan ah xannibaadaha ay Muqdisho isku dayday inay ku soo rogto Jubaland.T
Is-mari-waaga hadda jira ma aha mid cusub, balse waa dhacdadii ugu dambeysay ee taxane khilaaf ah oo ka dhex jira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale xayiraad duulimaad oo ka dhan ah Jubaland isku dayday xilligii maamulkii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo loo yaqaan “Farmaajo”.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa gacanta ku haysa hawada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, duulimaadyada aan la fasixin waxay muujinayaan xadka dhabta ah awooddaas, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan maamullo maxalli ah oo xooggan sida Jubaland.
Ma jiro wax war ah oo degdeg ah oo laga heli karo Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Jubbaland.
-
Xilli saacado ka hor ay dhaqan-gashay xabbad-joojinta marinka Qaza ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha bini’aadantinimadu waxa uu sheegay in ka badan 630 baabuur oo gargaar ah la geeyay Qasa.
Tillaabadan ayaa timid ka dib markii ay Israa’iil iyo Xamaas ku heshiiyeen xabbad-joojin, taas oo ay ka shaqeeyeen dalalka Qatar, Mareykanka iyo Masar, islamarkaana lagu soo afjaray dagaal lagu dhammaaday oo socday muddo 15 bilood ah.
Qasa oo muddadii dagaalku socday go’doon dhinac walba ah ku jirtay ayaa hadda loo oggolaaday in la geeyo gargaar bini’aadanimo, islamarkaana dadku ay guryahooda ku soo noqdaan.
-
Hargeisa (HOL) – Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro has pledged to strengthen ties with Ethiopia and Djibouti to improve Somaliland's economic development, security, and regional cooperation.
-
Dowladda Puntland iyo hay’adaha Caalamiga ah ayaa yeeshay shir ku saabsan Arrimaha bini’adantimo, gaar ahaanna u gurmadka shacabka ku bara-kacay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland iyo mas’uuliyiinta hay’adaha Caalamiga ah ee Arrimaha bini’adantinimada ayaa Shirkani kaga arrinsaday sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa qoysaska ka soo bara-kacay degaannada laga saaray kooxaha mileeshiyaadka Daacish.
Puntland oo dhawaan baaq ka soo saartay xaaladda dadka ku bara-kacay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa ka dalbatay hay’adaha Caalamiga ah iyo deeq-bixiyaasha in ay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan bulshada ka soo hayaamay degaannada laga saaray kooxaha Daacish.
PUNTLAND POST
The post Puntland iyo hay’adaha Caalamiga ah oo Shir ka yeeshay xaaladda bini’adantimo ee uu sababay dagaalka Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Laacaanood Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo mar kale ka dhex-qarxay ciidamada Somaliland iyo SSC-Khaatumo ee ku sugan gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ay isku horfadhiyeen labada ciidan.
Dagaalka oo dhacay gelinkii dambe ee Axaddii ayaa ka qarxay deegaanka Guumeys ee gobolka Sool, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo labada maamul ay saaka dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan aagga deegaanka guumeys oo ah halka uu dagaalka ka dhacay.
Dadka ayaa dhankooda cabsi ka muujinayo in dagaalka uu sii laba qarxo, kuna fido deegaanno horleh oo ka tirsan gobolka Sool.
Dhowaan ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa ku dagaalamay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo ay weli ay ka taagan tahay xiisad culus, waxaana haatan furin kale ay kasoo baxday aaga gobolka Sool.
SSC ayaa haatan dadaal xoogleh ku bixineyso, sidii ay u qabsan lahayd deegaannada ay sheegtay inay ka maqan yihiin oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Somaliland.
-
Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud inspected the Ministry of Defense headquarters in Mogadishu on Sunday as part of efforts to increase the country’s security strategy.
-
Mogadishu (HOL) – Somali government has denied reports claiming it summoned its ambassador to Kenya, Jibril Ibrahim Abdulle after a Kenya-registered aircraft entered Somali airspace without authorization on January 18 and transported Jubbaland leader Ahmed Mohamed Islam "Madobe" to Nairobi.
-
President William Ruto has called for enhanced collaboration among countries in the Horn of Africa to address security challenges such as terrorism and organized crime.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Saddex la-heyste oo Israa’iiliyiin ah oo laga sii daayay Gaza ayaa waxaa lagu wareejiyay ciidamada Israa’iil, waxayna u gudbeen gudaha Israa’iil, taasi oo ah tijaabadii ugu horreysay ee xabbad-joojin jilicsan oo dhex-martay Israa’iil iyo Xamaas.
Saddexda laheyste ayaa kala ah Romi Gonen, oo 24 jir ah, laguna afduubtay xafladdii muusigga ee Nova, Emily Damari, oo 28 jir ah, iyo Doron Steinbrecher, oo 31 jir ah, laguna afduubtay Kibbutz Kfar Aza.
Ciidanka Israa’iil ayaa soo bandhigay sawirradii ugu horreeyay ee la-haystayaasha oo kula midoobaya hooyooyinkood xarun soo dhaweyn ah oo ku taalla koonfurta Israa’iil, ka hor inta aan lagu qaadin diyaarad helicopter ah loona duulin isbitaal, halkaasoo ay kula midoobi doonaan inta kale ee qoysaskooda, kuna heli doonaan daryeel caafimaad.
Xabbad-joojin ka dhaqan-gashay Gaza ayaa bilaabatay Axaddii ka dib markii Golaha Wasiirrada Israa’iil ay ansixiyeen heshiiska, iyadoo 24 wasiir ay u codeeyeen, halka siddeed wasiir ay diideen heshiiska.
Heshiiska ayaa la qorsheeyay in la dhaqan-geliyo laga bilaabo Axadda. Laakiin Sabtidii, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in aysan bilaaban doonin ilaa Xamaas ay bixiso liiska saddexda laheyste ee la qorsheeyay in la sii daayo Axadda.
Xamaas ayaa ugu dambeyntii bixisay magacyada, Israa’iilna waxay sheegtay in xabbad-joojintu ay bilaaban doonto 11:15 subaxnimo xilliga maxalliga ah.
Heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa la gaaray ka dib in ka badan hal sano oo wada-hadallo ah, iyadoo ay dhex-dhexaadinayeen Mareykanka, Qatar iyo Masar.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markii ugu horreysay taageeray heshiiska bishii May. Dhinacyada dagaallamaya ayaa ku heshiiyay Arbacadii, waxaana markii dambe ansixiyay Golaha Wasiirrada Israa’iil aroornimadii hore ee Sabtidii.
Laga bilaabo bartamaha Isniinta marka la caleemo saaro Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, maamulkiisa ayaa mas’uul ka noqon doona hubinta in heshiiska la dhaqan-geliyo.
Heshiiska wuxuu leeyahay saddex weji, mid walbana wuxuu socon doonaa lix toddobaad. Shuruudaha wejiyada labaad iyo saddexaad ayaa weli laga wada hadlayaa, laakiin wejiga koowaad, joojinta colaadda ayaa la filayaa inay sii socoto haddii lix toddobaad ay ka soo wareegto ka hor inta aan la soo gabagabeyn wejiga xiga.
Colaadda Israa’iil iyo Xamaas ayaa bilaabatay ka dib weerarkii Xamaas ee October 7, 2023, kaasi oo lagu dilay 1,200 oo qof oo ku sugan Israa’iil.
VOA/AP
-
TikTok said it was restoring service to users in the United States after the popular video-sharing platform went dark in response to a federal ban that US President-elect Donald Trump said he would try to pause by executive order on his first day in office.
-
Manchester United’s season lurched further into turmoil Sunday after a 3-1 loss to Brighton in the Premier League.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa lagu wadaa in goordhow uu shaaciyo habraaca doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan gudaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo haatan shir jaraa’id isugu yeeray Wariyeyaasha ayaa soo bandhigi doono qaabka iyo nidaamka lagu qaban doono doorashooyinka dalka oo uu haatan muran xooggan ka jiro.
Sidoo kale waxa uu qorshuhu yahay in guddiga uu soo saaro jadwalka lagu jihaynayo doorashooyinkan oo ay ugu horreeyaan goleyaasha deegaanka, si sanadkanba loo bilaabo.
Horay guddiga doorashooyinka qaranka ayaa u ballan qaaday inuu diiradda saari doono sidii loo gaari lahaa doorashada guud ee shacabka intooda marta diiwaanka iyo habraaca la qorsheeyay ay ugu codeeyaan mas’uuliyiinta metaleysa, si ay iyaga usoo doortaan.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka ay haatan ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid maamullada dalka.
Villa Soomaaliya ayaa qorsheysatay in dalka ay gaarsiiso qof iyo cod, laakiin waxaa qorshaasi si cad u diiday Puntland, Jubbaland iyo madaxdii hore oo hadda mucaarad ah.
-
Ayadoo uu saacado ka hor si rasmi ah u dhaqan-galay heshiiskii xabbad-joojinta Qasa ayaa xabsiyada Israa’iil laga soo daayay 90 qof oo Falastiiniyiin ah, waxayna dib ula midoobeen qoyaskooda.
90-kan maxbuus ayay Israa’iil ku badelay 3 qof oo kamid ah dadkii Xamaas ay ku haysatay marinka, kuwaas oo ayaguna saacado ka hor gaaray gudaha Israa’iil, ayadoo ay maxaabiista kala gudbinayso hay’adda Laanqayrta Cas.
Inta badan falastiiniyiinta xabsiyada laga soo daayay ayaa gaaray magaalada Ramallah, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen kumanaan qof, balse ciidamada Israa’iil ee aaggaas jooga ayaa dadka uga digey inaan la samayn karin dabaaldegyo waaweyn.
Heshiiskan ay gaareen Israa’iil iyo Xamaas oo ku soo beegmaya 15 bilood oo dagaal lagu hoobtay ah, ayaa waxaa ka shaqeeyay dalalka Mareykanka, Masar, iyo Qatar, waxaana la filayaa inuu horseed u noqan doono xal siyaasadeed oo laga gaaro xiisad aan dhammaan ee Israa’iil iyo falastiin.
-
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyey oo sheegayay in dowladda Soomaaliya ay u yeertay Safiirkeeda u fadhiya dalka Kenya si uu uga soo warbixiyo xaalado la xiriira xiriirka labada dal.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyey in warkaasi aanu sal iyo raad lahayn, isla markaana uu yahay war been abuur ah.
Wasaaradda waxay hoosta ka xariiqday in xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid caadi ah oo aan wax isbeddel ah lagu sameynin.
Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqday warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed in ay iska hubiyaan wararka ay la wadaagayaan bulshada si looga fogaado faafinta xog aan rasmi ahayn.
Waxaa xusid mudan in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu soo maray marxalado kala duwan, balse haatan labada dal ay leeyihiin wadashaqeyn dhanka diblomaasiyadda ah.
-
Cutubyo kamid ah Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraha CALMIS ayaa halkaasi ku dilay ajaanib ka tirsanaa mileeshiyaadka Daacish.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada difaacu hawlgalkaasi ku dileen xubno ka tirsan mileeshiyaadka Daacish, balse dowladdu ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan tiradooda.
“Ciidanku waxay dileen Ajaanib Argagixiso Daacish ka tirsan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee Puntland, waxaana dowladdu intaasi raacisay in ay dib ka soo gudbin doonto faahfaahinta ku saabsan warkaasi.
PUNTLAND POST
The post Ciidamada Puntland oo maanta ajaanib Daacish ah ku dilay buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
His Excellency Abdirahman Mohamed Abdillahi (Cirro), President of the Republic of Somaliland, has today issued two Presidential Decrees implementing critical legislation aimed at enhancing public governance and employee welfare.
1. Presidential Decree No. JSL/XM/GW/081-040/012025
Enactment of the Pension and Compensation Agency Law (Law No. 108/2024)
After considering:
Article 90 of the Constitution of the Republic of Somaliland;
Article 76 of the Constitution of the Republic of Somaliland;
Article 38, Clause 2 of the Constitution of the Republic of Somaliland;
The approval decision of the House of Representatives (Decision No. GW/KF-10/30/2024), Reference No. GW/G/10/376/2024, dated 30 December 2024, which sanctioned the Pension and Compensation Agency Law (Law No. 108/2024);The President has enacted the Pension and Compensation Agency Law to officially come into effect, with the purpose of providing systematic support for the retirement and compensation needs of government employees.
2. Presidential Decree No. JSL/XM/GW/081-039/012025
Enactment of the Office of the Attorney General Law (Law No. 89/2024)
After considering:
Article 90 of the Constitution of the Republic of Somaliland;
Article 76 of the Constitution of the Republic of Somaliland;
Article 38, Clause 2 of the Constitution of the Republic of Somaliland;
The approval decision of the House of Representatives (Decision No. GW/KF-10/29/2024), Reference No. GW/G/10/376/2024, dated 30 December 2024, which sanctioned the Office of the Attorney General Law (Law No. 89/2024);The President has enacted the Office of the Attorney General Law, marking its official implementation. This law establishes a legal framework to guide the operations and oversight of the Office of the Attorney General, ensuring efficiency and adherence to justice in governmental operations.
Abdirahman Mohamed Abdillahi (Cirro)
President of the Republic of SomalilandPresidency Press Office
Republic of Somaliland -
Bosaso (HOL) – Puntland regional administration has rejected food aid dispatched by the Somali Disaster Management Agency (SoDMA) for drought and conflict-affected communities in Puntland, citing concerns over the aid's legitimacy and distribution process.
-
Breaking News: Diplomatic sources indicate that the U.S. government is gearing up to send a high-level delegation from the Pentagon, DoD, CIA, AFRICOM, and the State Department to Somaliland.
The delegation, expected to arrive within the next three weeks, will be led by Pentagon officials, seeking a resolution to these pressing issues. With the military base already under construction.
The government of Somaliland and all the people of Somaliland are welcoming the American government with open arms.
Somaliland is a democratic country that elects a president every five years.
-
Wasiirka Arimaha Guddaha Iyo Amniga
Somaliland Cabddale Maxamed Carab ayaa si rasmi ah Xilalkii ugu kala wareejiyey Agaasimyaashii Hore Ee Wasaaraad Arimaha Gudaha iyo Amniga iyo Agaasimayaasha Guud Ee Madaxweynaha Qaranka usoo magacaabay Labada Wasaarood Ee Kala Ah Wasaaradda Arimaha Guddaha iyo Amniga iyo Wasaaradda Dowladdaha Hoose Iyo Horumarinta Magaalooyinka.Waxaana ka soo qabygalay Xafladdaasi Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan, kana mid ahaayeen Wasiiru-Dawladdaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) Iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Dawladaha Hoose Iyo Horumarinta Magaalooyinka Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) Xildhibaano. qaybaha kala duwan ee Bulshadda.
Wasiirka Arimaha Guddaha Iyo Amniga Jsl Cabddale Maxamed Carab ayaa ugu dambeyntii xafladdaasi si rasmi ah xilalkii ugu kala wareerjiyey 4ta agaasime Guud isaga oo Agaasimeyaashii Horena ku amaanay intii Ay Qaranka u soo shaqeeyeen Agaasimyaasha cusubna Alle ug baryey in xilalkaasi Alle u Fududeeyo.
-
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee XJFS, halkaas oo uu kulammo miro-dhal ah kula qaatay taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Nabad Sugidda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, si loo ciribtiro Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno la xiriira xaaladda guud ee amniga.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey ciidamada dadaallada naf-hurnimada leh ee ay u hayaan difaaca dalka iyo xasilloonida shacabka.
Waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo guul waarta oo laga gaaro la dagaallanka argagixisada.
Madaxweynuhu wuxuu mar kale caddeeyey in dowladdu ka go’an tahay ciribtirka khatar kasta oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida qaranka Soomaaliyeed.
-
Guddiga doorashooyinka oo la filayo inay maanta ku dhawaaqaan hab-raaca doorashada qofka iyo codka ah
in News - Wararka
Posted
Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa goordhow la filayaa in ay ku dhawaaqaan habraaca iyo hannaanka loo mari doono doorashada qof iyo codka ee ay dowladdu horay u sheegtay inay dalka ka dhacayso.
shir jaraa’id oo goor dhow guddigu ay qabanayaan ayaa isha lagu wada hayaa, kaas oo ay ku shaacin doonaan habraaca doorashooyinka dalka iyo sida ay loo qaban doono.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in aan dib loogu laaban doonin doorashooyinkii dadbanaa, islamarkaana dalka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, balse daruufo badan caqabad ku noqan kara doorashadaas ayaan weli xal loo weli sida ay xeeldheereyaashu qabaan.
Source: goobjoog.com