Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan. Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal tayo leh oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed. “Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan, waxaa khatar ku jiray nolashayada iyo tan ardayda, saas oo ay tahay waxaan culeysyadaas kala duwan ku ilaawi jirnay qiimaha shaqada aan qabanayno iyo rajada aan ka qabnay in ay aasaas u noqoto jiilal dadka iyo dalkaba waxtara”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada, waxa uuna sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha Bareyaasha Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  2. President Olusegun Obasanjo is the former President of the Republic of Nigeria, overseeing that country’s return to democracy. He is the African Union’s envoy to the Horn of Africa and oversaw the peace talks in Ethiopia. He is chairman of The Brenthurst Foundation. Over the last fifteen months, I have been working as High Representative of African Union in the Horn of Africa to promote peace, security and stability. Because of its strategic position and the conflict raging in its northern region of Tigray, the focus and fulcrum has been Ethiopia. After receiving my mandate from the Chairperson of AU Commission, Ambassador Moussa Faki Mahamat, I set out to seek the point of entry into a conflict which dates back to Solomonic times in the Bible or back to 2018 when Prime Minister Ahmed Abiy assumed office, depending on whom you are talking to. Whatever the history, background or remote causes of the civil war in Tigray region, its immediate cause was not unconnected with the assumption of office by Prime Minister Abiy and the reaction of Tigray leadership to what they perceived as the policies and programs of the prime minister. The last straw was the attack on the northern command of the Ethiopian Army located in Tigray by the Tigray People’s Liberation Front (TPLF). On Nov. 4 2020, the TPLF attacked the Ethiopian Defence Forces garrison in Tigray. In response, Prime Minister Abiy ordered what was labeled “law and order action” to punish the alleged impunity of TPLF. The war raged for two years devastatingly and directly over four regions in Ethiopia – Tigray, Amhara Afar, Oromia. There was no part of the country that did not feel the effect of the war in one way or the other. Some of the neighbors of Ethiopia such as Eritrea and Sudan had their part in the war directly and indirectly, and all countries in the Horn were impacted indirectly by the social, economic and political fallout. The destruction caused in the Tigray region which was the main theater of the war was very high in human and material losses. It has been estimated that no fewer than 600,000 people died directly in battle or as a result of disease and the lack of access to humanitarian aid. If destruction of lives caused directly and indirectly in other parts of Ethiopia particularly in Amhara, Afar, and Oromia is added, the estimated total lives lost in Ethiopia civil war would be close to one million. The cost of the reconstruction and rehabilitation of private and public properties and institutions has been estimated at about $25 billion. To the quantifiable loss of lives and properties and other material losses must be added the unquantifiable losses of opportunities occasioned by the war. The cost of the destruction of trust and the breakdown of relationships within and without the country is high and will take years if not decades to fully rebuild. As I traversed the country consulting with regional leaders and stakeholders in all walks of life, I observed and felt the impact of the destruction and losses at close quarters. I witnessed the wailing and crying of those who had lost loved ones, the sites of mass graves. The frustration, anger, and desperation caused by war was everywhere to be seen. At the same time, I encountered local and foreign people — particularly community leaders and people in the civil society – working tirelessly to give help, hope, succor and life to victims and those in need. From the beginning of the civil war in November 2020, there were efforts made at the local, regional, continental and global levels to stop the violence and the accompanying losses. There were efforts by different groups at the national level to prevent degeneration into wars. There were similar efforts at bilateral and regional levels. And when the war began, greater efforts were mounted by friends of Ethiopia and Tigray people to bring about cessation of hostilities, unhindered humanitarian access, the restoration of services, and the search for political solutions to Ethiopia’s conflict. Refusing to be discouraged, I continued with visits, consultations, and discussions to get face to start talks between the Federal Government of Ethiopia and the leadership of Tigray people. After eight months of intense shuttle diplomacy, including eight visits to Mekelle, Capital of Tigray, and the the Chairperson of AU Commission enlarging my panel with addition of former President Uhuru Kenyatta of Kenya and former Deputy President Phumzile Mlambo-Ngcuka of South Africa, we finally succeeded. A peace agreement was signed by the delegates and representatives of the Ethiopian Federal Government, TPLF and the Tigray people on Nov. 2. After five days of intense discussions in Nairobi Kenya in November, the military commanders agreed on modalities for the implementation of the cessation of hostilities agreement. Any pessimist can dig holes in the agreement, undermine it and try to prevent it from being implemented. But no agreement between two belligerents for peace will ever be regarded as perfect by all because it must, necessarily, be based on compromise. We can, however, strive for perfection in the implementation of the agreement in order to achieve the objectives of peace, security, constitutionality, stability, welfare and well-being, development, and progress of all concerned, especially the ordinary people of Ethiopia no matter where they live. The agreement must be implemented in good faith, on the basis of peace with honor and dignity, constitutionality and stability. Peace deals function on building trust, and that trust has to be nurtured, layered and reinforced from inside and outside. All leaders of Ethiopia and all Ethiopians with their neighbors, partners and friends must join hands and accept the truth that there is ‘no victor, no vanquished’ if the possibility of peace, common security and shared prosperity, development and progress for all concerned is to be realized. The peace agreement and its implementation must be owned by the leaders and people of Ethiopia. The panel and the observers are mere facilitators, there to provide a guiding hand if needed. President Olusegun Obasanjo is the former President of the Republic of Nigeria, overseeing that country’s return to democracy. He is the African Union’s envoy to the Horn of Africa and oversaw the peace talks in Ethiopia. He is chairman of The Brenthurst Foundation. Source: Semafor The post How Ethiopia’s peace plan will work appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo wada qorshe ay dowladda ku dooneyso in looga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran sanadka 2023-ka ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalkaasi, Simon Coveney. Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay iskaashiga ka qaadista cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya 2023, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaan. Sidoo kale waxa kulankaan diirada lagu saaray taageerada Soomaaliya ee ku aaddan xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee doorashada June 2024. Ireland oo kamid ah dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka ayaa sidoo kale waxay madax u tahay guddiga cuna-qabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Daba-yaaqadii toddobaadkii hore ayey aheyd markii golaha ammaanka uu muddo hal sano ah ku kordhiyay cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, kadib markii dalal badan ka codeeyeen rabitaankii dowladda ee aheyd in meesha laga saaro xayiraadaas. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dooday in cuna-qabataynta hubka ay caqabad ku tahay dadaalada dib loogu dhisayo ciidamada qaranka iyo kuwa amniga si looga hortago khataraha argagixisada. Waxaa xusid mudan in qaraarka Golaha Ammaanka QM lagu cadeeyay in cunaqabataynta hubka aysan khuseyn keenista hubka iyo agabka ciidan, ama bixinta talo farsamo, dhaqaale, kaalmo kale, iyo tababarada militari ee loogu talo-galay horumarinta hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya, si loo sugo amniga dadka iyo dalka. Inkasta oo aan xayiraadda la qaadin, haddana qaabka loo dhigay iyo ogolaanshaha la siiyey dowladda federaalka iyo dalalka iyo ururada taageera ayaa ah guul weyn ah, marka loo eego go’aamadii hore. The post DF oo ka shaqeynaysa QORSHE sanadka 2023 looga qaadayo xayiraad saaran appeared first on Caasimada Online.
  4. Xudur (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay howlgal si wadajir ah uga fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shbaab oo ay weerar ku qaadeen ciidamada huwanta. Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Mudane Cumar Cabdiraxmaan oo la hadlay waraabhinta ayaa ka warbixiyey howlgalkan, wuxuuna sheegay inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhursheen Shabeelle oo hoostaga degmadaas, sidoo kle35 KM u jira Xuddur. Cumar Cabduraxmaan ayaa xaqiijiyey in howlgalkan lagu khaarijiyey laba sarkaal oo ka tirsanaa Shabaab, laguna kala magacaabi jiray Axmed Moorogaabey iyo Cali Garweyne. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in kooxda Al-Shabaab ay u qaabilsanaayeen aruurinta lacagaha ay ugu yeerayaan Zakawaatka oo ay ka qaadi jireen dadka deegaanka. Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda nawaaxiga degmadaas oo ka tirsan Bakool. Inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ka socdo guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dadka deegaanka ee hubka qaatay. The post Ciidamada DF oo howlgal ku dilay Cali Garweyne iyo Axmed Moorogaabey appeared first on Caasimada Online.
  5. Dawadii Hargeysa beerkayga Shaandho ayey ka dhigtay, Un Palanced Ayey ka dhigtay, 7 bilood ayaa la Hindiya la igaga dawaynayey, illaa hadana dawo Culus la imansiin Karo dhaawaca beerka Gaadhay Awgeed. Muniir Ahmed Egal walal waan ka xumay dhibtaas aabo dhakhaatiirta Hargeysa gaadhsiiyeen, waa mid Anna ay igaadhsiiyeen, dad badan oo aan cod lahayn oo aan hadli karinna Gaadhay. Ilaahay ayeynu leenahay Qaran News
  6. Gabadhii Caanka ahayd Ee Burco lagu xidhay Nada Galow oo soo hadashay. Muddo todobaada oo aan ku jiray saldhiga dhexe ee Burco iyada oo aan wax dambi la igu soo eedayn maanta waxaa laygu daray tacadigaa hore in la ii wareejiyo jeelka wayn ee Burco iyada oo la ii sheegay in la ii soo gooyay 14 cisho oo Xabsi ku hayn ah “Rummaan”. Illaa hadda ma jirto wax dambi ah oo la igu soo eedeeyay—waxa aan ku xidhan ahay waa caddaalad daro, eex iyo beegsi qof ahaanneed. Caddaaladi waa ta eebbe.. Qaran News
  7. Boqor buurmadoow ayaa Garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare ayuu Salaadii Jinaasada kaga qayb-galay tukashada AUN Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, Kaasi oo maanta lagu aasayo Deegaanka Sarmaanyo oo ka Tirsan Gobolka Sool oo uu ku dar-daarmay Marxuumku. Boqor buurmadoow oo Garoowe kaga qeyb galay Tukashada Salaadii Jinaasada Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud Qaran News
  8. Wallahi waa ayaan darro wayn in sharcigii dalka ee nidaamka xisbiyada badan laga dhigto shax siyaasadeed oo qof ku sii haysto kursiga! ANAGU DALJIR AHAAN TAAS BAANU DIIDNAY! Waa marka aad sii yaqiinsanayso, adiga oo awalba ogaa, in masaafada geeddiga dheer ee ay inoo jirto dawladnimadu ay aad u fogtahay, waxa ka daran in hogaankii aynu aaminay sii fogaynayo halkii ay ka soo dhawayn lahaayeen; ma nin caruurtiisa xumaynaya ayaa laga qaban karayaa! waar taas halgan ma u galaa mise adna markaaga ayaad rabtaa in aad hesho iyada oo dagan oo dayacan si aad uga taajirto! waar bi’ waayee ila soo xidhiidha aynu meesha ka kacnee! Ma aha tani mucaaridnimo iyo muxaafidnimo toona! Waa halgan magac iyo taariikh aynu ka helayno laakiin aan manfac ku jirin; mustaciddiin!! Yaa diyaara! Inbox ka soo dir fariinta! Cabdi Cali Jaamac Qaran News
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa diyaarad sidday wafdi culus oo xalay ka dagi weysay garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir Hamaan ee ku yallaa magaalada Garoowe, kadib dhacdo qabsatay. Diyaaradda ayaa ka baxday magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeeday Puntland, gaar ahaan garoonka Garoowe, iyada oo sidday wafdi ka qab-galayo aas maanta loo samaynayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo dhowaan ku geeriyooday caasimada Puntland. Sababta ay u dagi weysay diyaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in garoonka uu ahaa Nal ah, waxayna dib ugu soo laabatay isla magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka baxday. Duuliya adiyaaradda ayaa waxaa ku adkaatay inuu dajiyo maadaama iftiinka garoonka uu aad u yaraa, taaso ku kaliftay inuu soo laabto, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddaas oo ah mid rakaab ay saaka dib ugu laaban doonto magaalada Garoowe, si ay geysay wafdiga xalay ku wajahnaa magaaladaasi. Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay hadal heyn xoogan, maadaama ay la yaab noqotay in shaqadii garoonka ay saameysay layr la’aan sababtay in diyaaraddu ay dagi weyso. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe oo ka mid ah garoomada waa weyn ee dalka ayaa shaqaynayay tan iyo 2018-kii welina lagu guuleysan in uu shaqeeyo xilliga habeenka. The post Diyaarad xalay kusii jeeday Garoowe oo dagi weysay appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ogolaaday in si cusub looga wada xaajoodo arrimaha awood-qeybsiga federaalka, sida ay sheegayaan illo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wadahadaladan oo lala furey dowlad goboleedyada ayaa waxaa hadda ay marayaan wejigii koowaad, iyada oo dowlad goboleed kasta uu u saaray guddi wasiirro ah oo soo dhiraandhiriya aragtidooda ku aaddan awood-qeybsiga, gaar ahaan kala xaddaynta awoodaha federaalka iyo dowlad goboleedyada. Maamul kasta ayaa soojeedintiisa la iman doonta shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ay isugu imanayaan madaxda ee xiga. Inkasta oo aanan shacabka iyo warbaahintaba lala wadaagin, haddane waxyaabaha miiska saaran waxaa ka mid ah awoodaha arrimaha dibedda, qeybsiga kheyraadka iyo ciidanka xoogga dalka. Madaxda dowladda federaalka ayaa, inkasta oo wax badan oo ka mid ah arrimaha dooda ka taagantahay ay ogolyihiin, haddane waxa ay gorgortan ka geli doonaan arrimaha qaar. Wadahadalkan cusub ayaa dhashay kadib markii madaxda hadda joogta ee federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar ay arkeen halista ka iman karta dowlad federaal oo kaligii taliye uu hormuud ka yahay, sidaasi darteedna hadda laga sii tabaabusheysto dhammaan arrimaha ay suurtogalka tahay in la isku qabto hadhoow. Nidaamkii Farmaajo oo mucaaradka ay ku eedeeyeen in uu kasoo horjeedo qaabka hadda wax u socdaan ayaa la sheegay in uu si weyn dabada uga riixday in xilli horeba laga hawlgalo arrimahan, oo la fahamsan yahay in lagu dari doono arrimaha wax ka badelka dastuurka ee hadda socota. Dhowaan shir ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa lagu heshiiyay in dowlad goboleedyada xubno laga siiyo guddiyada wax ka badelka dastuurka ee kala ah guddiga madaxa banaan iyo guddiga labada gole ee baarlamaanka. Marka arrimahaasi laga tago, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la fahamsanyahay in muddo xilleedkisana uu doonayo in uu uga faa’iideysto sidii uu u xoojin lahaa maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo kan Galmudug oo uu qoondo ahaan kasoo jeedo. Sidoo kale, waxaa la fahansan yahay in uu damacsan yahay in sanadaha ugu dambeeya xukunkiisa uu meelmariyo maqaam ay yeelato caasimadda Muqdisho, taas oo muddo dheer ay codsanayeen dadka bulshooyinka uu madaxweynaha kasoo jeedo. Isha: Garowe Online The post Xog: Madaxweyne Xasan oo ‘ogolaaday’ in wada-hadal cusub laga galo federaalka appeared first on Caasimada Online.
  11. Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim ayaa ku guuleestay in uu kulan siiyo Madaxwayne Erdogan iyo madaxwaynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi. Labada madaxweyne ayaa sannado badan is arag, waxaa sidoo kale ka dhaxeeyay khilaaf xooggan oo saameeyay xiriirka labada dal. Kulanka labada hoggaamiye ee Masar iyo Turkiga ayaa ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Albayt kaas oo lagu daahfurayay koobka adduunka. Erdogan iyo Sisi ayaa sanadihii la soo dhaafay sidoo kale ahaa ku uu sii xumaanayay xiriirkooda, waxaana wararka ay sheegayaan in kulanka labada hoggaamiye uu doorwayn ka qaatay amiirka dalka Qatar. Tamim bin Hamad Al Thani oo ah amiirka dalka Qatar ayaa labadaan madaxweyne ku casuumay in ay ka soo qaybgalaan furitaanka mundiyaalaha adduunka. Sawir laga qaaday xilli uu kulan siinayay amiirka qatar madaxweynayaasha Masar iyo Turkey, ayaa noqday mid aad ugu faafay baraha bulshada ee Soomaalida ku xiriirto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed ayaa saaka hawlgal qorshaysan ku dilay laba horjooge oo ka tirsan Al-shabaab sida ay tebisay wakaaladda SONNA. Ciidamada ayaa Hawlgalkaas ka fuliyay Tuulada lagu magacaabo Dhursheen oo qiyaastii 35km u jirta degmada Xuddur ee Gobolka Bakool. Wakaaladda SONNA oo xiganaysa mas’uul degaanka ah ayaa sheegtay in hawlgalkaas lagu dilay Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo kamid ahaa horjoogayaasha Al-shabaab. Labada horjooge ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa ururinta Lacagaha baadda ah iyo jidgooyooyinka sida ay ku warrantay SONNA. PUNTLAND POST The post Ciidamada Soomaaliya oo dilay laba horjooge oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (HOL) - Police in Mogadishu apprehended a suspect accused of abusing young girls and posting their videos on social media, particularly on TikTok, which outraged the community. Source: Hiiraan Online
  14. Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay dacwad ka dhan ah guddiga diiraan gelinta ururada iyo axsaabta qaran. Maxkamadda ayaa dhageysatay dacwad Idaari ah taas oo xisbiga Talo-wadaag uu u soo gudbiyay maxkamadda isaga oo racfaan ka qaadanayo go’aanka guddiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta qaran ee Somaliland. Fadhi dheer iyo dood ay maxkamadda ka yeelatay ayay ku shaacisay in Xisbiga Talo-wadaag, uu yahay xisbi soo maray hanaankii loogu talagalay in xisbiga iyo shuruudihii laga rabay xisbiga. War ka soo baxay maxkamadda sare ee Somaliland ayaa lagu yiri “Maxkamadda waxa ay xukuntay in urur-siyaasadeedka Talo-wadaag u gudbay tartanka doorashada axsaabta qaranka JSL”. Warqadda ka soo baxday maxkamadda sare ee Somaliland ayaa ku taariikheysan 17-kii bishaan Novermber, waxaana lagu wargeliyay in guddiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta qaran ee Somaliland ay ku daraan liiska ururada gudbay. Source: goobjoog.com
  15. Beledweyne (HOL) - A delegation led by Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Beledweyne on Sunday, the center of a recent local community mobilization against al-Shabab in central Somali regions. Source: Hiiraan Online
  16. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhagaysatay Dacwad Idaari ah oo u dhaxaysay Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag iyo Guddida Diwaangalinta Ururada iyo Ansxinta Axsaabta Qaranka, taasi oo ku qotontay Racfaan uu Ururka Talo-wadaag ka soo qaatay go’aan ay hore u soo saareen Guddida Diwaangalintu Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. Maxkamadda ayaa dacwada dhagaysigeeda u fadhiisatay salaasadii oo ay bishu ku beednayd 15/11/2022-ka, waxaanay dhagaysatay dood-afeedkii iyo cadaymihii ay darafyadu ku soo bandhigeen Maxkamadda horteeda. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markii ay daristay doodii iyo dhammaan cadaymihii ay dhinacyadu u soo gudbiyeen, waxa ay xukuntay in Uur-siyaadeedka Talo-wadaag u gudbay tartanka Doorashada Axsaabta Qaranka, sidoo kale waxay Maxkamaddu fartay Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka in Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag lagu daro liiska ururada gudbay ee loo gudbinayo Guddida Doorashooyinka Qaranka ee ka qayb qaadanaya tartanka doorashada Axsaabta Qaranka. Waxa xusid mudan in ururadii Guddidu sheegtay in ay ka hadheen ama aanay buuxin shuruudaha loogu gudbayo tartanka doorashada Axsaabta Qaranka, uu Ururka Talo-wadaag oo kali ahi u soo gudbiyay Maxkamadda dacwad uu kaga soo racfaan qaatay go’aankaasi. Halkan hoose ka akhriso xukunkii Maxkamadda Sare ka soo saartay dacwadan:- Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare Source
  17. In aad macallin noqota waa ka macno weyn tahay in aad fasal aad soo hor istaagto oo aad xiisad bixiso. Macallimiinta Soomaaliyeed waxa ay ka dhigeen waxbarashadda mid nool, iyaga oo u ololeynaya tacliinta, ayey dhanka kalane ka shaqeynayeen badqadka ardaydooda IWM. Maalinta macallinka Soomaaliyeed waxaa loo dabbaaldegaa 21 November sanad walba si loo weyneeyo macallimiinta ma madaaleyaasha ah ee aan la xusin kaalintooda. Shan qof oo isugu jira aqoonyahanno, weriyeyaal iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa dib u eegaya saameynta macallimiintooda ay ku yeesheen, ayagoo nooga warramaya macallinkii ugu saameynta badnaa noloshooda. Xuseen Sabriye Oo Macallinkiisu ku dhiirrageliyey inuu shaqsiyad Wanaagsan yeesho Xuseen waa qoraa madaxbannaan oo ka shaqeeya BBC, sidoo kalana ah Madaxa xiriirka Dadweynaha ee SomREN “Macallinkii aan ugu jeclaa waxa uu ahaa barahii maaddada Computer Networking, Engineer Maxamuud Jimcaale, Madaxweynihii hore ee Jaamacadda Jamhuuriya. Waxa uu ahaa bare ka duwan dhammaan bareyaasha kale ee wax ii dhigay. In kastoo aanan casharadii mid mid u dul istaagi karin, waxaan weli xasuustaa dun wanaagiisi iyo dadnimadiisa ay ku lammaaneed daacadnimada. Waxa uu ahaa mid ixtiraama, u dabacsan oo u dhoollacaddeeyo ardayda. Waxa uu sidoo kale ahaa bare ku dayasho mudan marka ay timaado naxariista iyo u damqashada, asagoo noo sheegi jiray in aan sadaqada la baxno una naxariisanno dadka danyarta ah. Ma illoobi doono erayadiisi iyo sheekooyinkii xambaarsanaa mecnaha weyn ee uu nooga sheekeyn jiray xilliyada aan ku caajisno xiisadda. Waxa uu ahaa mar walba mid hagaha nolosheenna iyo hab fikirkeenna Wuxuu lahaa qibrad sare oo barid ah oo sahlanayd in uu kala soo dhex baxo tusaalooyinka nolosheennaa maalinlaha ah. Uma maleyno in ay jirto wax gooya qiimaha macallimiinta ah sida Macallin Maxamuud Jimcaale, mana hilmaami doonno wanaaggaas ay noo galeen.” Bahja Cali Shuuriye Oo Macallinkeeda ku dhiirrageliyey in Ay Nafsadeeda Ku kalsoonaato Bahja waa Macallin Jaamacadeed, Ahna Madaxa Hormarinta Ganacsiyada Dumarka ee SIMAD Innovation iLab “Macallinkeygii ugu wanaagsana waxa uu ahaa Mr. Cabdiqaadir, waxa uu isoo dhigay maadada xisaabta fasalkeygii 6aad, waxa uu nagu dhiirragelin jiray inaan dhammeystirno isku dhisyada xisaabeed ee adag asagoo lacag siinayo qofkii ka shaqeeya. Wax ay arrintaa igu dhiirragelisay inaan si dhaqsi ah uga shaqeyo leyliyada xisaabeed ee na loo diro, kaddib markaan arbaca walba leyliyada si sax ah uga shaqeeyo waxa uu abaal marin ahaan u bixin jiray 1000 Sh.Soomaali ah, waxa aanan ku iibsan jiray sanbuus iyo jalaato. Waxa aan ahaa ardayga keliya ee abaalmarintaa qaadan jiray isbuuc walba. Arrintaa aad ayey ii farxad galin jirtay, anigoo si fudud ku xifdiyay isku dhufashada. Macallinka waxa uu iga codsaday inaan caawiye u noqdo oo ardayda kale saacido. Markaas wixii ka dambeyay waxaan ahaa qof ku raaxeysto xisaabta, waxaana aad u daneynayay inaan noqdo qof xisaabaadka ku taqasusay, Macallin Cabduqadir waxa uu igu dhiiragaliyay inaan ahmiyada siiyo casharrada iskuulka oo aan wax walba ka hor mariyo oo aan noqdo mid dhiirran oo aaminsan nafteeda.” Cabdifataax Xasan Cali oo Macallinkiisa Ku Dhiirrageliyey in uu Barto Luuqadda Ingiriiska Cabdifataax Waa Qoraa, Udooda Arrimaha Bulshada, Wuxuu Wax ka Aasaasay Digital Shelter “Macallinkeygii aan ugu jeclaa waxa uu ahaa Ustaad Shaafici CabdiCasiis, waxa uu haa macallinkeygii luuqada Ingiriisiga iyo Tababaraheenna ciyaarta banooniga. Waxa uu sabab u noqday inaan si fiican u barto luuqada Ingiriiska. Waxaan jeclayn macallinka, waayo, waxa uu na bari jiray wax ka baxsan maaddada uu noo dhigo.” Farxiya Diini oo Macallinkeeda Ku Dhiirrageliyey in Ay Yeelato Akhlaaq Wanaagsan Farxiya Waa Ardayad Heerka 2aad ee Waxbarashada oo ka barata Hormarinta Dhaqaalaha Jaamacada Ritsumeikan Asia Pacific ee Dalka Jabaan “Dhammaantood waan qadariya macalimiinteyda, balse macallinkeyga aan ugu jeclaa waxa ii ahaa Macallin Cabdibasid oo fasalka 4aad ii soo dhigay. Waxaan xasuustaa aniga oo cunug yar ah, waxaan ku dhex ciyaari jiray fasalka, arrinta dabcan macallinka waa ka xanaajin jirtay. Waxaa jirtay maalin uu imtixaan naga qaaday, si fiican inkasta oo aan u shaqeeyay 10 dhibcod oo lagu saxayay waxaan ka helay 2 dhibcood. Waan ka xumaaday, waxaana weydiiyay qaladaadkeyga, kaddib waxa uu igu yiri, in kastoo dhibca badan aad heshay waan kaa jaray sababto ah, waad dhaqan xun tahay. Aqoontu mecno malahan haddii uusan wehlin dhaqan wanaagsan,” maalintaas kaddib, waxaan fariisan jiray safka hore ee fasalka, si wanaagsan na waan u dhaqmi jiray, keliya ima farxad galiyaan casharada uu i baray ee sidoo kale, hab dhaqanka wanaagsan uu i baray ayaa i farxadgeliya.” Leyla Maxamed Oo Macallinkeeda Ku Dhiirrageliyey in Ay Weriye Noqoto Leyla Waa Tafatiraha Radio Ergo, Waxa Ay Xubin Ka Tahay Global Shapers – Mogadishu Hub “Macallinkeyga aan ugu jeclaa macallimiinta waxa uu ahaa Mr. Faraax, waxa uu ii dhigay maadada Af Soomaaliga fasalkeyga 6aad, waxa aan ahaa gabar ku fiican qoraalka iyo eray bixinta, sidaa awgeed, Macallin faarax waxa uu igu dhiirragalin jiray inaan hore mariyo qoraalkeyga iyo aqriskaba. Kaddib markii aan dhammeeyay dugsiga sare, waxaan machad ka bartay kulliyadda saxaafadda, leyliyada na loo diro waxa ay u badnaayeen hadaljeedin isbuucle ah, adiga oo aqrinayo maqaallo kala duwan si mecno lehna u gudbinaya. Dabcan ardaydii aan isku fasalka ahayn way ku adkayd balse aniga way ii sahlanayd, sababto ah, hore ayaan u akhrin jiray, una lafaguri jiray maqaallada iyo waxyaalaha saxaafadda la xiriira. Mahad ha ka gaarto macallinkeyga Mr Faarax. Intaas kaddib, waxaan ku biiray idaacad doonaysay qof ku fiican qoraalka iyo akhriska Afka Soomaaliga. Waxaa imtixaan u galay 10 qof oo aan kamid ahaa, in badan oo dadka kamid ah waxa ay isku dayayeen in ay i niyad jebiyaan, sababto ah waxaan ahaa qofka ugu yar, ugu na qibrad yar. Waxaa la yaab leh inaan noqday qofkii shaqada ku guuleystay. Halkaan ma soo gaareen haddii aysan ahaan lahayn dhiiragalinta macalinkeyga, mar walba waxa uu ahaa mid igu dhiiragaliyo in aan noqdo mid ka sal gaarta hadafkeeda. Dhiiragalintiisa waxa ay buddhig u noqotay inaan noqdo qoraa fiican oo caawiya dadka kale oo qoraallo sameeya.” Macallimiintu Waa Kuwa Horteenna iyo Hareeraheenna Taagan Ayaga oo macallimiin ka ah iskuulaadka dowliga ah iyo kuwa aan ahaynba, badankood waxa ay iska xilsaareen shaqo dheeri ah oo ah in ay wax baraan carruurta iyo dhallinyaradda aan fursad waxbarasho helin, si ay wax ula qabsadaan ardayda kale, ayagoo oo uga faa’ideynaya mashruuca waxbarashadda degdegga ah ee Bar ama Baro. Bar ama Baro waxa ay shaqaaleysiisay oo ay tababartay in ka badan 25,000 oo macallimiin iyo maamul iskugu jira si ay u siiyaan waxbarasho tayo leh arday gaaraysa 100,000 oo ku kala nool 32 degmo oo ku kala yaal Banaadir, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Mashruucaan waxa uu bixiyaa taageero joogta ah oo waxbarid ah, annagoo aaminsan in lagu caawiyo macallimiinta tababaro, bugaag, hagaha macallinka iyo wax walba oo agab waxbarasha ah oo ka saacidaya in ay bixiyaan waxbarasho tayo leh, si ay u soo saaran arday waxtarleh. Bar ama Baro waxaa maalgaliyay Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, ayadoo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare e Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Maanta oo ay ku beegan tahay 21-ka November, waxaa loo dabaal degayaa maalinta Macallinka Soomaaliyeed, iyadoo sanad walba sidaan oo kale loogu dabaal dego. Macallinka oo ah hagaha bulshada, islamarkaana hadii aanu jiri lahayn aysan suurtagal noqon lahayn in la helo bulsho wax taqaan, ayaa hadana maanta shacabka Soomaaliyeed waxay u tahay maalin aad iyo aad ugu qiimo badan. Guud ahaan gobalada dalka Soomaaliyaa ayaa laga xusayaa maalintaan qiimaha badan, iyadoo ay jiraan munaasabado maalintaan loogu dabaal degayo. Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay macallimiinta Soomaaliyeed, munaasabadan awgeed. Macallimiinta Soomaaliyeed ayaa usoo dhabar adeegay in heerka waxbarasho ee dalka haatan marayo gaarsiiyaan, xilli 25-sano oo burbur ah dalku soo maray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, oo bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaankuba ka gaarayaan gulufka maleeshiyada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada HirShabelle, ayaa dhanka kale sheegay inay ka shaqayn doonaan, sidii dhallinyada la marin habaabiyay ay noloshooda u badbaadin lahaayeen. Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sheegay in qof kasta oo garaad lihi uu garanayo inaanu xalka ku jirin in la laayo dhallinyarada ay marin habaabiyeen Shabaabku, cidda arrintaasi lagala hadlayana aanu ahayn Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Ururka Al-Shabaab. “Qof kastoo caqli leh waa ogsoon yahay, dhallinyarada Soomaaliyeed ee yaryar ee la khalday in la wada laayo inuusan xalka ahayn, halkaasna kuma dhammaan doonto. Waxay ku dhammaantaa ayaguba waa dad Soomaaliyeed’e in la soo dhaqanceliyo, gudaha la soo geliyo, dib loo habeeyo, bulshadana lagu soo daro, laakiin meeshaas weli lama gaarin, ninka lagala hadlayana Cali Dheere ma ahan,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo Universaltv la hadlay. Waxa uu sheegay in Cali Dheere uu yahay ninkii ku faanay dadkii faraha badnaa, ee ay Shabaabku ku laayeen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa uu sheegay, haddii dadka qaarkii ay dabacsanaan ka dareemaan Cali Dheere aanay ku imaan inuu ka tanaasulay fekerka khalafsan ee Shabaabnimada, balse ay ku timid jabka maleeshiyadiisa ka qabsaday dagaalka. “Cali Dheere waa ninkii dadkii Zoobe ku dhintay Ilaahay baan uga mahadcelinaynaa dhahaaye waaye. Haddii hadalkiisa hadda jileec ay dad ka dareemaana, jabka gaaray lee uu ka turjumaa, ma ahanee niyad is bedeshay, hidaayo u soo degtay, Ilaahay ayuu hadda u noqday iyo wixii uu samayn jiray ayuu ka towbad keenay, midna ma ahan,” ayuu yiri Waare. Waare oo ku kalsoon in uu sii socon doono gulufka Shabaabka looga sifeynayo dalka ayaa yiri “Caliyow wixii Ilaahay na kala siiyaa leedahay, laakiin ilmahaad naga duleysay oo aad naga qaadatay, ood naga haleysay, sidaan kaaga soo naqsan lahayn oo inta ugu yar ay nooga dhiman laheyd, annagaa na laga rabaa inaan ka shaqayno.” The post Waare: Jileeca hadalka Cali Dheere wuxuu ka turjumaa… appeared first on Caasimada Online.
  20. Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaa shanaya kuwa dadka deegaanka ah ayaa hawlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Xudur ee gobalka Bakool. Deegaanka Dhuursheen Shabeelle oo 35 km, u jira degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa waa berigii hore ee saaka waxa ay ciidamada ka sameeyeen hawlgallo qorsheysan. Ciidamada ayaa sheegay in laba xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab lagu dilay hawlgalka saaka inta ay ku gudajireen Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaa shanaya kuwa dadka deegaanka. Cumar Cabdiraxmaan Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka ay arroor hore oo saaka oo isniin ah ah ay weerar qorsheysan ku dileen, Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo Alshabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha baadda ah iyo jidgooyooyinka. Abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo dib u xoreynta gobolada ayaa ka socda degmada Ceelbarde, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawishta Koofur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan iyo wefti ka yimid Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ka qayb galay Salaada Janaasada maydka Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo saaka Garoowe lagu tukaday. Sidoo kale Salaada waxaa ka qayb galay isimmo farabadan oo ka yimid geyiga Soomaalida, kuwaas oo ay kamid yihiin Boqor Burhaan Boqor Muuse, Boqor Cismaan Maxamuud (buurmadow), Islaan Ciise islaan Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Cali, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, Xildhibaanno ka mid ah Golaha Wakiillada, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Culimaa’udiin iyo marti sharaf kale Gudoomiyaha ayaa salaatul Jinaasada kadib u duceeyey Marxuum Garaad Saleebaan oo ka mid ahaa hormuudka Golaha dhaqanka Puntland, kana shaqeyn jiray nabadeynta iyo xallinta khilaafadka bulshooyinka. PUNTLAND POST The post Sawirro: Salaadda janaasada Garaad Saleebaan Garaad Maxamed appeared first on Puntland Post.
  22. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud appointed four deputy governors and secretary-general for the Banadir region following a decree issued by Villa Somalia on Sunday night. Source: Hiiraan Online