Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday degaannada Nuur-dugle iyo Masjid Cali Guduud oo ka tiraan Gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana dhowaan laga saaray Al-shabaab. Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay mid lagu dardargaliyo howlgallada ka socda Gobolkaas Shabeellada dhexe, si meesha looga saaro kooxaha Shabaabka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadallo u jeediyay Ciidamada ku sugan degaannada uu booqday ayaa ku dhiirri-geliyay dagaalka ay ku jiraan Argagixisada, waxaana uu sheegay in dowladdu garab taagan tahay. Safarkaas Madaxweynaha waxaa ku wehliya Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday degaano laga saaray Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  2. Nuur-dugle (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo dardargelinaya dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab, ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee HirShabelle oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka xoreeyeen Khawaarijta. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool HirShabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta, waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda naf-hurnimo inta Soomaaliya oo dhan laga tirtirayo argagixisada. Madaxweynaha, oo sidoo kale warbixin laga siiyay xaaladaha bulsho ee ka jira guud ahaan Gobolka Shabeellaha Shexe, ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin in wiil ama gabar Soomaaliyeed aan ku weyno dagaal aan ahayn kan argagixisada, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan walaalnimada iyo wadajirka isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan Khawaarijta. “Soomaaliya maanta waxa ay leedahay hal cadaw, cadawgaasna waa Al-Shabaab, argagixisadu door kuma lahan dalkeenna, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in wadankaan laga ciribtiro Al-Shabaab, qofkasta oo Soomaali ah waxaa saaran masuuliyad in uu kaalintiisa ka qaato dagaalka aan kula jirno cadawga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta Khawaarijtu ay ku harsan tahay meel ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uuna intaas raaciyay in adeegga dowladnimada la gaarsiin doono degmooyinka iyo deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo booqday furimaha dagaalka gobolka Shabeellaha Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Casimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf oo ah xubin ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ay 16-kii bishii August ay soo xireen ciidanka amniga. Maxkamadda ayaa ku eedeysay ninkan in uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka, waxaana soo qabtay ciidanka Xooga dalka oo howlgallo culus sameeyey. Intaasi kadib ciidamada amniga ayaa Xuseen ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 08-dii September ee isla sanadkaan 2022-ka. Sidoo kale baaris dheer kadib 07dii- bishaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday dacwad qaadista kiiska Xuseen ayaa laga ogolaaday, waxayna maxkamadda la wadaageen cadeymta miino lagu soo qabtay eedeysanaha iyo sidoo kale qiraalkiisa. Dhanka kale Qareenada u doodayey eedeesane Xuseen ayaa u sheegay garsoorka in uu ku cusbaa ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, maadaama uu ku biiray bishii May ee sanadkan, waxaana ka codsadeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in xukunka loo qafiifiyo. Kadib Maxkamadda ayaa ku dhawaaqdy go’aankeeda, waxaana Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed lagu xukumay 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Axmed Cali Axmed oo katirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunkasanaha uu weli haysta fursad kale oo ku dalban karo racfaan muddo 30 cisho gudahood ah, sida uu u ogol yahay sharciga. The post Ninkii HUBKA u kala gudbin jiray kooxda Al-Shabaab oo XUKUN adag lagu riday appeared first on Caasimada Online.
  4. Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Al-shabaab iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe. Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan. Sidoo kale waxa Goluhu ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Al-shabaab iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe. Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan. Sidoo kale waxa Goluhu ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee ay dowladda Qatar usoo magacowday arrimaha Soomaaliya Amb. Abdalla Binu Saalim Al-Nuceymi ayaa dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay Muqdisho, isaga oo maanta kulan la yeeshay guddoomiyaha gobolka Banaadir. Kulanka ayaa ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Xamar waxaana Danjire Al-Nuceymi wehlinayey ku xigeenkiisa Naasir & Isku duwaha Dowlada Qatar iyo Soomaaliya Abuubakar. Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo ku aadan xiriirka labada dal, iyadoona Duqa Muqdisho kaga mahadceliyay dowladda Qatar kaalinta ay ka qaadato taageerada Somalia. Yuusuf Madaale ayaa si gaar ah xukuumadda Dooxa ugu bogaadiyey caawinta shacabka Soomaaliyeed, sida gargaarka bini’aadannimo oo ay mar weliba la garab taagan tahay bulshada Soomaaliyeed, dhismaha waddooyinka waa weyn ee isku xira Muqdisho – Afgooye, Muqdisho iyo Jowhar iyo Dib-u-dhiska ay ku sameeyeen xarumaha dowladda. Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Danjiraha dowladda Qatar kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen shaqo Abuurka dhalinyrada iyo dib-u-dhiska caasimadda. Dhankiisa Danjire Al-Nuceymi ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta heerka sare ah ee maanta loogu sameeyey xarunta gobolka Banaadir, isaga oo sheegay inay ka gacan siin doonaan horumarinta caasimada, sida in la sameeyo biyo mareenada iyo sidii loo dar-dargelin lahaa heshiisyada mataaneenta ee ka dhexeeya Dooxa iyo Muqdisho. Dhaq-dhaqaaqa uu Muqdisho ka bilaabay safiirka cusub ee dalka Qatar ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu maalin kahor warqadaha ka guddoomay Madaxweyne Xasan Sheekh. Si kastaba, Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, inkastoo uu isbeddal yare hoose ku yimid xiriirka kadib doorashadii dhacday 15-kii May ee sanadkan. The post Sawirro: Safiirka cusub ee Qatar oo dhaq-dhaqaaq ka bilaabay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  7. Youtube Channel ka ‘Ha Noolaato’, oo marar badan wax micno leh la ga sii daayo, ayuu Ayaanle Xuseen oo ka hawl galaa ka baahiyay waraysi uu ka qaaday nin sheegay in uu ka badbaaday dil-wadareed. Waa xasuuq dad rayid ah magaalada Burco loo gu geystay oo SNM ku baxay sida ninka badbaaday uu sheegay. Dhalin badan baa taas ka xanaaqday, oo u qabta, amma u qabtay in SNM ay ceeb-ka-saliim ahayd. Runtii dadka yaabaaya amma xanaaqaaya hadii la yidhaahdo SNM baa xadgudub samaysay, waa qaldanyihiin, waana laba kooxood uun. Waa dhalinyaro been loo sheegay, la gu anqariyay oo ku koray, iyo waayeel is yeelyeelaaya. Anigu waxa aan ogaa 1991 kii markii Hargeysa iyo gobolada la soo galay, in dhibaatooyin badani dhaceen. Waxa jiray shakhsiyaad amaba kooxo iskood isu diray oo falal xunxun geystay. Ciidankii Koodbuur la odhan jiray, oo wadanka badidii ka dagaalamay, Berbera ilaa Saylac, niman badan oo ka tirsanaa baan marar badan la sheekaystay. Tusaale ahaan, magaalada Berbera maalintii la qabsaday, waxa ay ii sheegeen in baabuur shilke ahaa, uu dekedda dhinaceeda istaagay, oo si bahdeedh ah afartta dhuumood ee qoriga u gu furay dooni dad badan oo qaxaayay saarnaayeen, oo wax yar uun ka hor dekedda ka goosatay. Ilbidhiqsiyo gudahood baa doontii dab ku qabsaday oo ay ku tagtay badda sagxadeeda. Is la ciidankaas Koodbuur niman ka tirsani waxa ay ii sheegeen, in rag lix amma todoba ah oo aan hubaysnayn ay ka heleen meel xeebta ah, oo nin iyaka ka mid ahaa oo Khadar-teetano la odhan jiray, haatan se geeriyooday, uu wadada dhinaceeda ku wada toogtay, mid mooyee intii kale na dhimatay. Markii Boorama la galay, baabuur kale oo ciidan oo qori weyni saaranyahay, ayaa dad qaxaaya oo baabuur siisow ah saran rasaas ku furay oo isaga iyo dadkii saarnaa ba gubay. Sidoo kale, niman ka mid ahaa ciidan 99 la odhan jiray, ayaa hal habeen oo magaalada ciidanku joogeen dad shicib ah ku laayay ama guryo/meherado baadhay. Falalka noocaas ah markii la ogaaday, Cabdilaahi-darawal oo ciidanka madax u ahaa ayaa amray in jabhadda dhamaanteed la ga saaro magaalada. Hadda intaasi waa intii aniga I soo gaadhay uun. Dhinaca Bariga, nin haatan dhintay oo Libaaxo la odhan jiray, oo ka mid ahaa saraakiisha SNM, niman jabhad ah buu kaxaystay, dad rayid ah baanu ku laayay meelo ka la duwan. Waxyaabo sidaas ahi waa jireen, waana xadgudubyo xaqiiqo ah, laakiin runtu waxa ay tahay in aanay jirin xasuuqyo abaabulan oo SNM si qorshaysan ay u fulisay, oo maamul iyo ciidan ba la is la go’aamiyay, laakiin taasi ma khafiifinayso qaladaadkii dhacay, waanay dhaceen hubanti ahaan. Beeni maxay tar Qaran News
  8. Mogadishu (HOL) - At least 20 al-Shabab militants were killed during fighting between government forces backed by local clan militia forces in El-Dhere Burale village, located on the border between Hiiraan and Middle Shabelle region, on Thursday. Source: Hiiraan Online
  9. Most vulnerable are receiving end of manmade difficult -on the report of FSNAU September 2022 It is unfortunate nearly 6.7 million people are facing acute food crises while 1.8 million children are likely to be acutely malnourished it is time now to hold Somali Government accountable for start building Somali’s economic muscles as well to hold aid agency accountable for redefining their programs for better resilience. As the new government battles these two equally demanding challenges of security and drought, it ought not to lose sight of the need to rebuild the economy through robust sustainable interventions. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda federaalka ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mustafa Yaasiin Sheekh Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Kadib soo-jeedinta Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda sida lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee wasaaradda. Mudane Mustafa Yaasin Sheekh oo ahaa ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda, waxa uu ka howlgelayey Hay’adda tan iyo markii la asaasay. Mas’uulka la magacaabay ayaa ah khabiir xog’aal u ah howlaha hay’adda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda iyo siyaasaddaha Isgaarsiinta dalka. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif ayaa bogaadiyey magacaabista Maareeyaha cusub isagoo ku tilmaamay inuu yahay mas’uul kasoo bixi kara shaqada loo igmaday. Wasiirka ayaa sidoo kale kula dardaarmay in uu shaqadiisa u guto si ammaano iyo howlkarnimo leh maadaama ay hey’adda hor yaalaan shaqooyin badan oo muhiim ah. Ugu dambeyn wasiirka ayaa xusay in Hay’addu ay muhiim u tahay fulinta siyaasadaha Wasaaradda isagoo ra’iulwasaaraha ugu mahadceliyey inuu xilkaan u magacaabay shaqi u qalma. The post Xamza oo maareeye cusub u magacaabay mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan DF appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalad Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana shir guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Kulankan oo ahaa mid muhiim ah aya waxaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed iyo sidoo kale Qaraar la xiriira deegaannadii ugu dambeeyey ee laga xorreeyey Al-Shabaab. Qaraarka ay meel-mariyeen Golaha Wasiira ayaa ka kooban illaa 12 qodob oo dhammaan la xiriira deegaannada cusub ee laga saaray xoogaga kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo isugu jiro amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey Shabaab iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga. Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa anisixyey dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel lagu sameeyey. Dhanka kale xubnaha Golaha Wasiira Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa guddoomiye xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe u magacaabay, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali ayaa ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan, sida ay Goluhu la wadaagay wasiir Cilmi Maxamuud Nuur. Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli ay hadda hakad-geleen howlgalladii xoreynta ee ka socday gobollada, taas oo ay Wasaaradda Difaaca ku macneysay xeelad milatari. The post Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyey qaraar cusub kadibna magacaabis sameeyey appeared first on Caasimada Online.
  12. The stepson of Malawi's ex-President Peter Mutharika has been arrested after 30 bodies were found in graves in a forest in October, police have said. Source: Hiiraan Online
  13. A Somali military court has sentenced to death a police officer convicted of killing a civilian following an argument over a cigarette lighter. Source: Hiiraan Online
  14. Cases of piracy in the Indian Ocean have fallen significantly but maritime security experts say other illicit activities remain a concern. Source: Hiiraan Online
  15. (ERGO) – A new school for disabled children in Qardo, north-eastern Somalia, has provided a stable and well equipped learning environment for 180 boys and girls. Source: Hiiraan Online
  16. Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) oo uu weheliyo taliye ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse ayaa maanta kormeeray Kulliyadda tababarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee General Cali-nuur Garoowe. Ujeedada kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda Cutubyo katirsan Ciidanka Asluubta dowladda Puntland oo tababar loogu diyaarinayo kulliyadda General Cali-nuur ee Magaalada Garoowe. Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), ayaa ciidanka ku booriyey inay u diyaar garoobaan tababar dhammaystiran oo dhinac walba ah, kana faa’iidaystaan macalimiinta bixinaysa. Intaas kadib, Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), ayaa shir guddoomiyey kulankii Khamiis-laha ahaa ee Saraakiisha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland. The post Taliska Ciidamada Asluubta Puntland oo kormeeray Kuliyada Gen. Cali Nuur appeared first on Puntland Post.
  17. Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe. Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan. Sidoo kale waxa Goluhu ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey. The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Laba Hindise Sharciyeed appeared first on Puntland Post.
  18. Diyaaraddii Qaadka Miirooga ah keeni jirtay Laascaanood oo la filayey in ay maanta timaado Magaaladaas, ayaa baaqatay oo aan halkaas iman. Sida uu ii sheegay qof ku sugan Laascaanood, diyaaraddan oo la filayey in ay timaado ayaan iman, balse Qaadka Miirooga ayaa Baabuur lagaga keenay dhinaca Garoowe iyo Gaalkacayo. Diyaaradda Qaadka keeni jirtay Laascaanood oo muddooyinkii dambe hakisay keenista Qaadka, ka dib khilaaf oo kala dhex galay Qaadleyaasha Laascaanood, hase yeeshee maanta oo la filayey in ay timaado ayaa baaqatay, iyada oo baaqashada maanta loo aanaynayo khilaaf weji cusub leh oo ay xalay ka hadleen Qaadleyaasha Laascaanood. Diyaaraddii Qaadka Miirooga ah keeni jirtay Laascaanood oo maanta baaqatay+Sababta Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Nuur Aadan oo loo yaqaano (Adeera), isla-markaana muddo 30 sano ah u waalnaa jaceyl uu u qaaday gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Carfoon ayaa sanado kadib la kulmay gabadhii uu dhibaatadaasi u soo maray. Qisadan oo ka dhacday Kismaayo ayaa si aad ah u baahday, waxayna qabsatay baraha bulshada, kadib markii uu soo bandhigay Wariye Iidle Aadan. Kulankan xiisaha leh ee lamaanahan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho oo labaduba ku ballameen, iyaga oo ka kala yimid meelo kala duwan si ay isku arkaan. Carfoon oo ah gabadha uu jeceylka daran u qaaday Adeera ayaa ka sheekeysay, sida ay ku bilaabatay qisadooda, waxayna sheegtay in dhibane Maxamed uu xilligaas ahaa qoosaar ama ari raac, isla-markaana uu mar dambe soo aaday Xamar, si uu uga shaqeysto, balse waxaaay sheegtay inuu calafka kala geeyey, isla-markaana ay iyadu guursatay nin kale. “Ninkaan waan is jecleyn, waan rabnay inaan arrinteena dhammeysano, hase’ahaatee waxaan calaf aheyn lama cuno waxaan wad aheyna looma dhinto,”ayey tiri Carfoon. Sidoo kale waxa ay sharraxaad ka bixisay sababihii ay isku waayeen ama keenay inuu burburo xiriirkooda, waxayna shaacisay in iyada oo joogto deegaankii ay isku barteen oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose loo sheegay in Adeera uu gabar kale ku guursaday Xamar. “Nin-baa ii yimid oo igu yiri ninkii qoys-buu Xamar ku dhistay waan aamini waayey marka aan ayaan aamusnaa, hadda naag ninkii ay sugeysay la yiri nin-buu guursaday wixii qaban lahaa ayaa i qabtay, waa iska xanaaqday nin kale ayaan iska guursaday,” ayey sii raacisay. Dhanka kale Carfoon oo soo martay afar guur ayaa sheegtay inay hadda xaas, balse aysan weli helin wax ubad ah, waxayna cafis ka dalbatay Maxamed Nuur Aadan (Adeera). “Waalkey waxaan ka rabaa oo aan ka codsanayaa oo aan ka baryayaa inuu iska key cafiyo oo cafis ii fidiyo,” ayey markale tiri. Ugu dambeyn waxaa hadalka qaaday Adeera oo sheegay inuu dhibaato badan u maray Carfoon darteed, balse uu hadda cafiyey islamarkaana uu ku faraxsan yahay la kulankeeda. “Carfoon Jabrey inaan is aragno waan ku faraxsanahay aniga dartaa dhib badan ayaan soo maray, haddana waan fiicnaaday Alxamdulilaah, waana ku cafiyey” ayuu yiri Adeera. Adeera oo hadda la daaweeyey, islamarkaana dareemaya soo kabasho ayaa qorshihiisu wuxuu yahay inuu sanadka cusub ee nagu soo aadan 2023-ka la aqal galo gabar ay xigto yihiin, wuxuuna garab istaag iyo caawimaad ka dalbatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed. &nbsp The post Daawo: Adeera oo 30 sano kadib la kulmay gabadhii uu jeceylkeeda u waashay ee Carfoon appeared first on Caasimada Online.