Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. AL KHOR, Qatar (AP) — Loud jeers rang around the stadium. England’s fans were not happy. The United States had frustrated them yet again at a World Cup. Source: Hiiraan Online
  2. Around 30 friends and supporters of a woman who has been living in a hotel room for two months banged on the locked doors of City Hall today to demand her situation is sorted out. Selma Muuse and her young autistic son Ahmed have been trying to find alternative accommodation after escaping a fatal fire at their council tower block, which left them too traumatised to return. Source: Hiiraan Online
  3. Professor Abdi Ismail Samatar's opinion piece 'Somalia's strategy for the war against al-Shabaab will condemn the country to perpetual hell' in the Daily Maverick offers much food–indeed, a veritable feast for thought. As much as I applaud the learned professor's remarkable contribution as laid out in the lines of his opinion piece, I find some of his claims hard to swallow for reasons I will explain below. Courtesy and fairness would suggest that I give equal time to those aspects of his expiations that I admire and those I find unpersuasive. In the interest of brevity, however, I shall focus more on the latter. Source: Hiiraan Online
  4. Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadale ayaa taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, kaasi oo adkeynaya heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab. Madaxweynaha oo dul istaagay muhiimadda in la xoojiyo nabadda, horumarka deegaanka iyo dib u heshiisiinta bulshada ayaa hoosta ka xarriiqay in aan la aqbalin karin in jidgooyo sharci-darro ah la dhigto deeganada gobolka isla markaana lagu dhibaateeyo muwaadiniinta safarka ah. Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka in ay u midoobaan qofkasta oo lagu helo in uu caqabad ku yahay wada noolaashaha iyo xasilloonida gobolka. “Qof muslim ah oo walaalkiis ah oo Soomaali ah qofkii inta u qasday dilay, magaca uu doono haku dilo waa qaatil, ma ahan reer hebel, qabiil na ma ahan, waa dilaa, dilaana shareecada waxa ay ka qabto waa ognahay, sidoo kale dadka isbaarada dhiganaya waa qaadicul-dariiq iyagana qabiil ma lahan waa in sharciga la marsiiyo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa xusay in duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin hiigsiga Soomaali heshiis iyo jiheynta bulshada, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan isku xirka bulshada iyo in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo halka cadaw ee Soomaaliya ay leedahay ee ah Khawaarijta Al-shabaab. “Waxa aan ka war haynaa in argagixisadu ay ku mashquulsan tahay iska hor keenidda beelaha walaalaha ah ee ku nool deegaanada ay ka socdaan hawlgallada dalka looga xoreynayo, waa nasiib darro weyn in cadawgeennu uu helo fursaddii uu raadinayay, waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa dagaalka dadka walaalaha ah, waana in aan u midowno kan waajibka ah ee argagixisada,” ayuu yiri. Waxaa Kulankan laga aqriyay Qaraar Golaha Wasiirradu ansixiyeen shalay, kaas oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, qaraarkan ayaa isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga. Ugu dambayn, Duubabka iyo odayaasha dhaqanka ayaa saxiixay baaqa nabadda Cadale, kaasi oo adkeeynaya walaalnimada iyo wadajirka, isla markaana tilmaamaya in bulshada u midowdo dagaalka Khawaarijta. baaqa ayaa hoosta ka xariiqay in qofkii qof dila sharciga la marsiiyo lana xakameeyo jidgooyooyinka sharci-darrada ah. The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Cadale iyo heshiis la saxiixday appeared first on Caasimada Online.
  5. Qaayib (Caasimada Online) – Xildhibaanada beesha Duduble ee ku sugan degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ayaa eedeyn culus u soo jeediyey dowladda federaalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu horeeyo. Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo baarlamaanka federaalka ka tirsan iyo Xildhibaan Xasan Afyare oo baarlamaanka Galmudug ka tirsan ayaa hoggaaminaya ciidanka beesha Duduble ee Qaayib ku sugan. Labada Xilldhibaan oo galabta warbaahinta kula hadlay Qaayib ayaa eedeyn kala dul dhacay dowladda dhexe oo sida ay sheegeen ku fiirsatay weerarrada uga imaanaya Al-Shabaab iyo dhulkoodii oo la heysto. “Qorshaha dowladdu waa ugu sawir oo kaliya, madaxweynaha waxaan ka rabnaa inuu na dhaho cadowga iska difaaca iyo in dowladda aan garab ka helno, rasaas, caafimaad iyo ciidan, midna idinkama aanaa helin,” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Afyare. Labada Xildhibaan ayaa sheegay in 20 cisho ay ku sugan yihiin Qaayib, isla markaana ay wax garab istaag ah ka waayeen dowladda federaalka, iyagoo ka codsaday dowladda in labo arrin loo kala cadeeyo. “Ma heyno gacantii dowladda, hadii dowladdu ay na dhahdo idiinma soo soconee dhaqaaqa oo cadowga iska dhiciya, waan dhaqaaqeynaa, hadii istiraatiijiyadda dowladda dalka lagu soo xoreynayana nasoo gaara,” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka. Sidoo kale Xildhibaan Xasan Afyare ayaa sheegay inay yihiin qabiil isku tasha kara, laakiin ay sugayeen qorshaha dowladda, “Qaayib cadowgii saakay nagu soo weeraray waan iska dhicinay, nagu garab istaaga dagaalkaan ama igu sawirtiinu hanaga harto,” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Afyare. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaanada Duduble ee Qaayib ku sugan oo eedeyn culus u jeediyey DF appeared first on Caasimada Online.
  6. Qaayib (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkii qaraxyada ku bilowday ee waaberigii hore ee saakay degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab. Weriyaal galabta tegay deegaankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in dhimashada weerarkaas ka soo gaartay dadka deegaanka, ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug ay gaareyso 26 qof. Sidoo kale dhaawacyo badan ayaa la gaarsiiyey magaalooyinka Baxdo iyo Cadaado, sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhanka caafimaadka ah. Dhanka kooxda Al-Shabaab waxaa gaaray jab xoog leh, waxaana fashilmay qorshahoodii weerar ee deegaankaas ay doonayeen inay ka fuliyaan. Hadaba sidee weerarku u dhacay? Ugu yaraan 3 gaari oo qaraxyo lagu soo raray ayey doonayeen inay ku bilaabaan weerarka, balse waxay soo dhaafi waayeen gud weyn oo ku wareegsanaa xerada ciidanka, waxaana halkaas uga fashilmay qorshahoodii koowaad. Ciidanka ayaa qoryaha waaweyn ku burburiyey gaadiidkii ay Al-Shabaab qaraxyada ku soo rareen, inta aysan soo gaarin xerada uu ciidanku ka degan yahay Qaayib. Waxaa qaraxyada xigay weerar toos, waxayna ciidanka iyo dadka deegaanka kala kulmeen iska cabin xoog leh, si weyn ayaa looga difaacay xarumaha isgaarsiinta iyo ceelasha biyaha oo Al-Shabaab ay doonayeen inay burburiyaan. Ugu yaraan 30 dagaalame ayaa maanta Al-Shabaab looga dilay Qaayib, sida uu warbaahinta u sheegay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Kooxda Al-Shabaab ayaa dib uga guratay deegaanka barqadii hore ee maanta, markii ay u babac dhigi waayeen ciidankii ku sugnaa Qaayib oo jilibka u aastay iyo dadka deegaanka oo aad isku difaacay. Wax ka yar bil, waa markii labaad oo Al-Shabaab ay weerar toos ah ku soo qaadeen Qaayib oo ah deegaankii ugu dambeeyey ee gobolka Galgaduud ee laga xoreeyey kooxda, waxaana deegaankaas ka jirta saameyn uu reebay weerarkii hore oo dhanka isgaarsiinta ah. The post Xogta dagaalkii Qaayib iyo khasaare culus oo labada dhinac soo gaaray (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  7. (SLT-Doha)-Turkey iyo Qatar ayaa ku guda jira marxaladdii ugu dambeysay wadahadallo ay Doha ku siineyso Ankara $10 bilyan oo maal-gelin ah, oo ay ku jirto $3 bilyan oo la siinayo kahor dhammaadka sannadka, waxaa sidaas Reuters u sheegay saraakiil Turkish ah. Maalgelintan dibadeed ayaa gacan ka gaysan karta xoojinta keydka lacagta qalaad ee Turkey, ayada oo madaxweyne Erdogan uu wado siyaasadeed aan caadi aheyn oo lagu dhimayo dulsaarka, inkasta oo sicir-barar xooggan uu dalka ka jiro, islamarkaana qiimaha lacagta Lira ay hoos usii dhaceyso. Wasaaradda maaliyadda Turkey ayaan weli ka hadal maalgelinta Qatar. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doha ayaan ka jawaabin codsi jawaab oo loo diray. Ayada oo dalalka Reer Galbeedka ay ka cago jiidayaan maalgashiga Turkey, Ankara ayaa u weecatay dalalka “saaxiibka” la ah, si ay u xoojiso siyaasadda lagu taageerayo lacagta lira ah, laguna dheelitirayo dhaqaalaha. Bankiga Dhexe ee Turkey ayaa horey Qatar ula saxiixday heshiis lacag is-dhaafsi, oo markii hore ahaa $5 bilyan balse sanadkii 2020 gaaray $15 bilyan. “Wadahadallo ay Qatar taageero ku siineyso Turkey ayaa gaaray heerkii ugu dambeeyey. Ugu yaraan waxaa noo muuqda $8 bilyan, balse waxay gaari kartaa 410 bilyan,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin, sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu arrintan ka hadlo. Qatar ayaa xiriir xooggan la leh Turkey, oo taageertay Doha markii Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale oo Carbeed ay go’doomiyeen 2017. Erdogan ayaa ku sugnaa furitaanka Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee Qatar, ayada oo uu wehliyey wasiirka maaliyadda Nureddin Nebati. Source
  8. (SLT-Malaysia)-Anwar Ibrahim ayaa loo magacaabay Raysal wasaaraha dalka Malaysia kadib markii isbaheysiga xisbigiisa Pakatan Harapan (PH) ay heleen kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka dalkaasi. Anwar oo ahaa siyaasi muddo dheer usoo halgamayey hoggaaminta dalkaasi, sannadkii 2015 ayaa xabsi lagu xukumay balse waxaa lasoo daayey sannadkii 2018 kadib markii uu cafis ka helay Boqorka waddankaas. Intuu xabsiga ku jiray waxaa xisbigiisa sii hoggaamin jirtay xaaskiisa oo lagu magacaabo Wan Azizah Wan Ismail. Dooraashadii Baarlamaanka Malaysia ayey dhammaan xisbiyada dalkaasi ku fashileen inay helaan codka aqlabiyada Golaha oo ah 112 kursi, taasi oo keentay khilaaf cidda noqon doonta Raysal wasaaraha. Boqorka dalkaasi Malaysia, Sultan Abdullah Sultan Ahmad oo soo faro geliyey xiisadan ayaa shalay Anwar Ibrahim u magacaabay Raysal wasaaraha 10aad ee dalkaasi maadaama xisbigiisa uu helay cododka ugu badan. Source
  9. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika ee ku saabsan warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey. Madaxda shirka kasoo qeyb gashay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Qaaradda Afrika gaarto isku filnaansho dhaqaale isla markaana la dardar geliyo wax soo saarka iyo warshadaynta iyadoo la isu dheelli-tirayo maalgashiga. Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in horumarinta warshaduhu ay lagama maarmaan u tahay in Afrika ay horumarto iyadoo ka faa’iidaysanaysa kheyraadkeeda iyo ballaarinta ganacsiga ka dhexeeya dalalka Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika ee ku saabsan warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey. Madaxda shirka kasoo qeyb gashay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Qaaradda Afrika gaarto isku filnaansho dhaqaale isla markaana la dardar geliyo wax soo saarka iyo warshadaynta iyadoo la isu dheelli-tirayo maalgashiga. Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in horumarinta warshaduhu ay lagama maarmaan u tahay in Afrika ay horumarto iyadoo ka faa’iidaysanaysa kheyraadkeeda iyo ballaarinta ganacsiga ka dhexeeya dalalka Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Niamey (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan iskaashigooda laba geesoodka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Demeke Mekonnen ayaa la kulmay dhiggiisa Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Niamey ee dalka Niger. Labada Ra’iisul Wasaare ku-xigeen oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ku heshiiyey inay yeeshaan iskaashi qoto dheer oo labada dhinac ah iyo mid dhinacyo badan leh. Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto guddi heer wasiir ah oo isku dhaf ah oo ka shaqeeya kor uqaadida iskaashiga labada dal. Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in nabadda Itoobiya ay saameyn badan ku leedahay nabada Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Wuxuu kaloo Itoobiya ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso la dagaallanka argagixisada. Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo mugdi badan uu hareeyey kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa madmadowga uu ka baxay kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu booqday Addis-Ababa dhammaadkii bishii September, halkaasi oo heshiisyo uu kula soo galay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Heshiiska ayaa waxaa qodobka ugu weyn uu ahaa; in la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal. The post Sawirro: ITOOBIYA oo war kasoo saartay heshiis cusub oo ay gaareen Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  12. African Development Bank Group (AfDB) PRESS RELEASE New report by African Development Bank, partners finds that 37 African countries have industrialized in last decade Top performers not necessarily those with the biggest economies, but countries that generate high manufacturing value-added per capita Access Multimedia Content ABIDJAN, Ivory Coast, November 25, 2022/ — Thirty-seven of 52 African countries have become more industrialized over the past eleven years, according to a new report from the African Development Bank (www.AfDB.org), the African Union and the United Nations Industrial Development Organization (UNIDO). The Africa Industrialization Index (AII) report provides a country-level assessment of 52 African countries’ progress across 19 key indicators. The report will enable African governments to identify comparator countries to benchmark their own industrial performance and identify best practices more effectively. The African Development Bank, the African Union and UNIDO jointly launched the inaugural edition of the AII on the sidelines of the African Union Summit on Industrialization and Economic Diversification in Niamey, Niger. Scoring industrialization across a range of metrics The Index’s 19 indicators cover manufacturing performance, capital, labor, business environment, infrastructure, and macroeconomic stability. The index also ranks African countries’ industrialization across three dimensions: performance, direct determinants and indirect determinants. Direct determinants include such endowments as capital and labor and how these are deployed to drive industrial development. Indirect determinants include enabling environmental conditions such as macroeconomic stability, sound institutions and infrastructure. South Africa maintained a very high ranking throughout the 2010-2021 period, followed closely by Morocco, which held second place as of 2022. Rounding out the top six over the period are Egypt, Tunisia, Mauritius, and Eswatini. Abdu Mukhtar, African Development Bank Director for Industrial and Trade Development, represented the institution at the launch event. He said that while Africa had shown encouraging progress in industrialization over the 2010-2022 period, the Covid-19 pandemic and Russia’s invasion of Ukraine had set back its efforts and highlighted gaps in production systems. “The continent has a unique opportunity to sort out this dependency by further integrating and conquering its own emerging markets.” He added: “The African Continental Free Trade Area is creating a once-in-a-lifetime single market opportunity of 1.3 billion people and total aggregate consumer and business spending of up to $4 trillion creates an opportunity to enhance their trade and production linkages and finally reap industrial competitiveness from regional integration as other regions have done.” The African Development Bank has invested up to $8 billion over the past 5 years under its Industrialize Africa High-5 priority. “In the pharma sector alone, we intend to spend at least $3 billion by 2030,” Mukhtar said. Building productive industry will be integral to Africa’s development, offering a path to accelerated structural transformation, creating formal jobs at scale and inclusive growth. However, Africa’s share of global manufacturing has declined to the current level of less than 2%. More proactive industrial policies are seen as critical to reversing the trend, but these are knowledge-intensive and require a detailed understanding of the constraints and opportunities that each country faces. Manufacturing value-added more important than size of economy Among the report’s other key findings: During the coverage period, Djibouti, Benin, Mozambique, Senegal, Ethiopia, Guinea Rwanda, Tanzania, Ghana, and Uganda all improved by five or more places in the rankings. The top performers are not necessarily those with the biggest economies, but those countries that generate high manufacturing value-added per capita, with a substantial proportion of manufacturing goods bound for export; North Africa remains the most advanced African region in industrial development, followed by Southern Africa, Central Africa, West Africa and East Africa. Synergies with the African Industry Observatory The Africa Industrialization Index was one of two new tools presented during the event. The second—and complementary— African Industry Observatory, unveiled by UNIDO and the African Union, will serve as a central online knowledge platform to collect, analyze and consolidate the quantitative data needed for qualitative analyses of national, regional and pan-continental industry trends, forecasts and comparisons. Chiza Charles Chiumya, the African Union Commission’s Acting Director for Industry, Minerals, Entrepreneurship & Tourism, said, “These tools are going to greatly enhance our industrial policymaking as well as help to bring in the required focus that industrialization needs both from policymakers as well as the private sector, who will now clearly see where the continent has opportunities.” Chiumya was representing AU Commissioner for Trade and Industry Albert Muchanga. “The African Industry Observatory and the Africa Industrialization Index will help consolidate cross-institutional cooperation, strengthen each institution’s policy dialogue influence for accelerating industrial development and an enhanced knowledge of industrial development dynamics,” said Victor Djemba, Chief of UNIDO’s Africa division. The African Union Extraordinary Summit on Industrialization and Economic Diversification and African Union Extraordinary Session on the African Continental Free Trade Area are currently taking place in Niamey, Niger, through 25 November 2022. The Summit’s theme is: Industrializing Africa: Renewed Commitment towards Inclusive and Sustainable Industrialization and Economic Diversification. SOURCE African Development Bank Group (AfDB) / Qaran News
  13. Doha (Caasimada Online) – Turkey iyo Qatar ayaa ku guda jira marxaladdii ugu dambeysay wadahadallo ay Doha ku siineyso Ankara $10 bilyan oo maal-gelin ah, oo ay ku jirto $3 bilyan oo la siinayo kahor dhammaadka sanadka, waxaa sidaas Reuters u sheegay saraakiil Turkish ah. Maalgelintan dibadeed ayaa gacan ka gaysan karta xoojinta keydka lacagta qalaad ee Turkey, ayada oo madaxweyne Erdogan uu wado siyaasadeed aan caadi aheyn oo lagu dhimayo dulsaarka, inkasta oo sicir-barar xooggan uu dalka ka jiro, islamarkaana qiimaha lacagta Lira ay hoos usii dhaceyso. Wasaaradda maaliyadda Turkey ayaan weli ka hadal maalgelinta Qatar. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doha ayaan ka jawaabin codsi jawaab oo loo diray. Ayada oo dalalka Reer Galbeedka ay ka cago jiidayaan maalgashiga Turkey, Ankara ayaa u weecatay dalalka “saaxiibka” la ah, si ay u xoojiso siyaasadda lagu taageerayo lacagta lira ah, laguna dheelitirayo dhaqaalaha. Bankiga Dhexe ee Turkey ayaa horey Qatar ula saxiixday heshiis lacag is-dhaafsi, oo markii hore ahaa $5 bilyan balse sanadkii 2020 gaaray $15 bilyan. “Wadahadallo ay Qatar taageero ku siineyso Turkey ayaa gaaray heerkii ugu dambeeyey. Ugu yaraan waxaa noo muuqda $8 bilyan, balse waxay gaari kartaa 410 bilyan,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin, sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu arrintan ka hadlo. Qatar ayaa xiriir xooggan la leh Turkey, oo taageertay Doha markii Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale oo Carbeed ay go’doomiyeen 2017. Erdogan ayaa ku sugnaa furitaanka Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee Qatar, ayada oo uu wehliyey wasiirka maaliyadda Nureddin Nebati. REUTERS, VOA The post Qatar oo qaadeysa tallaabo taageero weyn u ah Turkey kadib markii Reer Galbeedka… appeared first on Caasimada Online.
  14. Nebigeennii suubanaa NNKH wuxuu yidhi ‘Inta aanay lix arrimood iman Acmaasha u degdega, waa Fidno ee inta aanay dhicin. Maxay yihiin Lixdan arrimood; 1. Dad wax ma garatad ah oo umada madax u noqda 2. Kuwa dadka garaaca ee Booliska iyo kuwan dadka dila, ee madaxda u shaqeeya, ee dadka u garaaca, kuwaas badashadooda 3. Qaraabo goysnimada 4. Xukunka oo la iibsado, laaluushka iyo kursiga oo la kala iibsado 5. Dhiiga dadka oo la fududaysto 6. Dhalinyarro quraanka ka dhiganaya Durbaan oo kale. Ninka ay hor marinayaan ee tujinaya waxay u hor marinayaan maaha inuu Aqoon fiqi leeyahay, laakiin codkaas quruxda badan inuu ugu heeso ayey rabaan, oo intaas oo keliya ayey u horu marinayaan oo Iimaan uga dhigayaan. Arrimahan Ilaahay ayaa sii ogaaday oo u sheegay Rasuulkiisa NNKH” Sheekh Maxamed Umal. Qaran News
  15. ” 7 cajaayib ” . 1 Ganacsigu wuu badan yahey laakiin iibku ma badna. 2 Masaajidadu way badan yihiin laakiin cabsidu ma badna. 3 Dhakhtaradu waa badan yihiin laakiin dawadu ma badna. 4 Dadku wuu badan yahey laakiin is haleelku ma badna. 5 Tacliintu waa badan tahey laakiin aqoontu ma badna. 6 xooluhu waa badan yihiin laakiin nacfigoodu ma badna. 7 ugu danbyn madaxdu waa badan tahey laakiin waxtarkoodu ma badna. Waxa Qoray:Xildhibaan Guruuje Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay illaa 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in xubnahaas lagu dilay howl-gal qorshaysan iyo duqayn ciidanka gaarka ah ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidanka gaarka ah ee NISA ayaa sidoo kale waxay howl-galkaan kala kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Xubnaha Shabaabka ah ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Soomaaliya ayaa ahaa firxadkii ka bad-baaday howl-gal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaanka Buulo Madiino, kaasi oo lagu dilay 49 dagaal-yahan oo ka tirsanaa kooxda. Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen dagaal-yahaanada Shabaabka ah iyo hubkii ay wateen. Howl-galadaan ay dowladdu sheegtay in lagu dilay Shabaab badan ayaa kusoo aadaya xili uu gaabis ku yimid howl-galadii dagaal ee ka dhanka ahaa kooxda, kuwaasi oo kal hor si xawli ah uga socday qeybo badan oo dalka. The post NISA oo fulisay howlgal lagu laayay Al-Shabaab badan appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegatay dilka Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan, oo ka mid ahaa madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay xalay ku sheegtay in Abuu Cabdiraxmaan, oo mar soo noqday waaliga Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, uu ku geeriyooday Jubooyinka, ayada oo aan shaacin sababta dhimashadiisa. Hase yeeshee, qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in Abuu Cabdiraxmaan uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay Ciidamada Qaranku ka fuliyeen xadka u dhaxeeya labada Shabeelle. “Waxa Khawaarijtu ay dhaawiciisa geeyeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo uu ugu geeryooday daryeel’aan caafimaad iyo dhaawaciisa oo halis ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Khawaarijta ayaa ku qarinayay horjoogahan guryo ay leeyihiin dad shacab oo ay khasbeen, waxayna ku guulearaysteen in ay u helaan adeeg caafimaad maadamauu qabay dhaawac aad u culus.” Ka sokow inuu soo noqday waaliga Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in Abuu Cabdiraxmaan uu madax kasoo noqday “qaybta marin habaabinta dhalinyarada isaga oo mas’uul ka ahaa maskax doorinta dhalinyaro farabadan.” Dowladda ayaa intaas ku dartay inuu ahaa horjoogihii labaad ee heerkiisu sareeyo oo laga dilo Al-Shabaab laba bilood gudahood, xilli ciidamada dowladda ay balanqaadeen inay sii wadaan ugaarsiga madaxda sare ee Khawaarijta. “Dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamiga ah waxa ay ku raad joogtaa in cadaaladda la marsiiyo dambiilayaasha Khawaarijta ah ee u taagan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. The post DF oo shaacisay sababta dhimashada Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud oo muddooyinkii dambe ay gacanta ku hayeen ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa sheegaya in halkaas uu saaka ka dhacay dagaal culus. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Qaayib weerar culus oo ku billowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey. Waxaa la soo sheegayaa in dagaalka saaka uu geystay khasaare balaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkaan ayaa sheegtay in Al-Shabaab si weyn loogu jabiyay dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Qaayib, islamarkaana ay ciidamada fashiliyeen rabitaankii guracna ee kooxda. “Waxaa la fashiliyaya saddex Qarax oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ku gaystaan waxyeelo. Khawaarijtu markale waa ku jabeen Qaayib saaka. Ilaahay ayaa mahadsan kadibna mujaahidiinta beeniyay doonistii Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay qabsadeen deegaanka Qaayib ayna laayeen inta badan ciidamadii halkaas ku sugnaa, iyagoo xusay inay qaateen gaadiid dagaal iyo saanad milateri oo ay dagaalka kaga furteen ciidamada huwanta. Sheegashada Shabaab ayaa waxaa durtaba beenisay dowladda, oo ayadu sheegtay in deegaanka Qaayib ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo ayagu muddooyinkii dambe halkaasi ku sugnaa. Illaa hadda ma jiraan warar madax banaan oo ka waramaya sida ay wax u dhaceen, wuxuuna imanaya weerarkaan labo toddobaad un kadib markii ay Al-Shabaab sidaan oo kale u weerareen deegaanka Qaayib, ayaga oo hore u burburiyay anteennada adeega isgaarsiinta u fududeysa deegaankaas. The post Weerar ku billowday qaraxyo oo saaka ka dhacay QAAYIB iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  19. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay hawlgal qorshaysan ku dishay ugu yaraan 15 dagaallame oo ka tiraan Al-shabaab. Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hawgalkan laga fuliyay degaanka Buulo Madiino oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose. Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in Hawlgalkan oo lala kaashaday saaxiibada Caaalamiga ah sidoo kale lagu burburiyay hub iyo gaadiid ay leeyihiin Al-shabaab. Dhinaca kale Al-shabaab weli kama hadlin warka ka soo baxay dowladda ee ku saabsan in hawlgal lagu laayay xubno ka tirsan kooxdaas. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo hawgal qorshaysan ku laayay xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  20. Jabuuti (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed. Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti. Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in cutubtayadaan tababarka soo dhameystay la geyn doona deegaanada laga xorreeyay Khawaarijta Al Shabaab, si ay ula wareegaan ammaanka goobahaasi. Ciidamadaan ayaa sidoo kale waxay ka shaqeyn doonaan xasiloonidda iyo wada-noolaashiyaha bulshada ee deegaanada ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka saareen kooxda Al-Shabaab. Sida qorshuhu yahay ciidamadaan ayaa dalka kusoo laaban doona toddobaadka soo socda, xili dhiig cusub lagu shubayo howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo toddobaadyadii dambe uu ku yimid gaabis. The post Sawirro: Ciidamo qeyb ka noqonaya dagaalka Shabaab oo loo soo xiray tababar appeared first on Caasimada Online.