Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A University of Alberta analysis has identified two new minerals in a 4.5-billion-year-old space rock found in Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. Historic drought, widespread food insecurity and conflict have led to dire conditions and a crisis of extreme hunger in East Africa. Source: Hiiraan Online
  3. Tens of thousands of people have sought shelter in recent weeks at Kenya’s Dadaab camps, forced from their homes by extremist violence in neighbouring Somalia and an “unrelenting” drought, the UN refugee agency, UNHCR, said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  4. GENEVA — The U.N. refugee agency warns humanitarian conditions are deteriorating for tens of thousands of Somalis in Kenya’s Dadaab refugee camps as unrelenting drought grips the Horn of Africa and funding dries up. Source: Hiiraan Online
  5. Dalka Marooko ee ku yaala Waqooyiga Qaaradda Afrika ayaa noqday dalkii Afraad ee ka socda Qaaradda Madaw ee iska xaadiriya wareegga sideed-dhammaadka (quarter final) Koobka Adduunka, kadib markii ay caawa rikoodhayaal kaga badiyeen xulka dalka Spain oo koobkan ku guulaystay sannadkii 2010 oo ahaa markii u horaysay ee lagu qabtay qaaradda Afrika. Saddex dal oo Afrika ah ayaa hore u gaadhay Rubuc-dhammaadka Koobka Adduunka, waxayna kala yihiin Cameroon oo halkan soo gaadhay 1990, Senegal oo heerkan gaadhay 2002 iyo Dalka Ghana oo soo gaadhay 2010, balse ma jiro dal Afrikaana oo gaadhay afar-dhammaadka (semi-final) koobka Adduunka. Dalka Marooko waxa uu sideed-dhammaadka (quarter final) la ciyaari doonaan dalka soo guulaystay Portugal iyo Switzerland oo ciyaar adag yeelana 10:00pm ee caawa, haddii uu dalka Marooko halkaas dhaafana waxa uu noqon doonaa dalkii Afrika ee ugu horeeyey ee gaadhay rubuc-dhammaadka koobka Adduunka. Qaran News
  6. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan:…. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley ergo ka kala socday dalalka Norway iyo Turkiga oo kala ah Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroğlu. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa waftiga uga xogwaramay hanaanka geeddi socodka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland halkan ku soo gaadhay, taasoo uu sheegay inay ku timid isku-duubnida shacabka Somaliland iyo dawladooda, sababna u noqotay in indhaha beesha caalamku ku soo jeestaan horumarka la taabankaro iyo dimu-qraadiyada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu si cad u dul-istaagay kuna dheeraaday go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland uga meel-yaala wadahadaladda waxaanu yidhi madaxweynuhu Somaliland diyaar bay u tahay wada-hadalka laakiin wada-hadalku waa inuu noqdaa mid macno leh. Mawqifka Somalilandna waa sidan:- 1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood iyo xal ku dhamaada laba dawladood kala madax-bannaan, sababtoo ah waxaanu ahayn laba dawladood oo xor ah oo iskood u midoobay 1dii july, 1960. Balse kala noqday 1991-kii, waxaana intaa dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee la soo dhaafay ahayd dawlad madax-bannaan oo ku nool nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hir-gelisay wareegyo badan oo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa ka dhacay shan (5) xilwareejin madaxweyne oo nabad ah. Saddex ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah ayey qabsoomeen. 2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo la hir-geliyaa si degdeg ah, tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida. 3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wada hadalka. 4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta, isla markaana Xoghayntu waa inay ku si fawdo dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay u leedahay karti iyo xirfad hawshan. 5. Waa inuu jiraa mabaadi’dii (principles) muhiim ah iyo xeer-dhaqan (code of conduct) oo hanaanka wada-hadalku saldhig u noqon doono. 6. Waa in uu jiraa Ajende cad oo qeexaya khilaafka u dhexeeya labada dhinac, si looga wada wada-hadlo arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka. 7. Wadahadalku waa inuu ku soo gebegaboobo waqti xaddidan. Qaran News
  7. “Muuse Biixi ma haysto sharciyad iyo awood shacab oo uu ku metello shacabka Somaliland. Waxa uu metelaa xisbigiisa Kulmiye oo keliya. Wada hadalka lala galo waxa ay ka soo qaadaysaa Somaliland kuwo aan ansax ahayn oo islamarkaana ku ah faro gelin arimaha gudaha ee Somaliland. Ma jirto wax dhibaato ah oo naga dhexaysa goboladda qabiiladdu maamulaan ee Somalia.” Muse Bihi has no legitimacy or mandate to represent the people of Somaliland. He only represents his party Kulmiye. Somaliland will deem negotiations with him as invalid and interference in its internal affairs. We have no problem with the five tribal, regional states of Somalia. — Faysal Ali Warabe (@FaisalAliWarabe) December 6, 2022 Qaran News
  8. Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Waxaa lasoo bandhigay sawirrada madaxtooyadii Al-Shabaab ee degmada Aadan-yabaal, taas oo hadal heyn xoog leh ka abuurtay baraha bulshada. Madaxtooyadaan oo ah guri ay ku qoran tahay Villa Aadan-yabaal ayaa waxaa deganaa jiray hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin xubnaha ay saldhigga u aheyd xaruntaan. Saraakiil kuwa deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in gurigaan sawirradiisa lasoo bandhigay uu deganaa Kabokutukade oo ku magacaaban guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe. Sanado badan oo Al-Shabaab ay heysteen Aadan-yabaal lama arkin sawirrada magaaladaan qadiimiga ah, waxaana hadda laga helayaa xogo hor dhac ah oo ku saabsan sidii kooxdu ay u maamuli jirtay magaaladaan. Hal iskuul oo magaalada laga waayey dadkii wax ka bara jiray ayaa ku yiilay degmadaas, sidoo kale Al-Shabaab markii ay ka baxeen Aadan-yabaal waxay horay u sii qaateen matoorrada labo ceel-biyood oo magaaladu ay laheyd. Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hadlay muhiimadda ay leedahay xoreynta degmadaas ayaa qiray inay Al-Shabaab qaateen matooradii labada ceel ee Aadan-yabaal, wuxuuna balan qaaday in dowladdu ay si deg deg ah wax uga qaba doonto baahida dhanka biyaha ah. Dhammaan dadkii ku noolaa magaaladaas ayaa horay u raacay Al-Shabaab, waxaana taas lagu macneeyey in kooxdu ay duqeymaha gabaad uga dhiganeyso dadka shacabka ah. Hoos ka eeg sawirrada Villa Aadan-yabaal The post Villa Aadan-yabaal – Maxay tahay madaxtooyadaan laga qabsaday Al-Shabaab? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  9. Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Sanado badan kadib maanta dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay gacan ku heynta maamulka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo uusan dagaal ka dhicin. Aadan-yabaal Al-Shabaab waxay u aheyd saldhig weyn oo weerarrada gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ay ka abaabulaan, sidoo kale waxay Aadan-yabaal Al-Shabaab u aheyd ildhaqaale. Xoreynta Aadan-yabaal waxay guul weyn u tahay dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay mid ka mid ah yoolalkeedii ugu weynaa todobaadyadaan, halka Al-Shabaab ay soo wajihi doonaan seddax caqabadood oo soo kuusaya cimrigooda gobollada dhexe. 1 – Al-Shabaab waxaa ku adkaa doonta inay sii heystaan dhulka ay hadda ka joogaan gobolka Shabeellada Dhexe. 2 – Waxaa meesha ka bixi doona weerarradii rogaal celiska ahaa ee laga abaabuli jiray Aadan-yabaal oo Al-Shabaab ay ku qaadi jireen deegaanada koonfurta iyo bariga gobolka Hiiraan. 3 – Qorshaha xiga xoreynta Aadan-yabaal waa in ciidanku ay u sii gudbaan gobolka Galgaduud oo kooxda laga xoreeyo Galcad, Mesega-waa, Ceeldheer ilaa Ceelbuur. Deegaanada gobolka Hiiraan ayaa hadda kadib ka nasa doona weeraradii Al-Shabaab ee laga soo abaabuli jiray Aadan-Yabaal, waxaana guushaan HirShabeelle ay halganka ka soo hoysay fariin u direysaa dowlad goboleedyada kale, sida Jubbaland, Galmudug iyo K/Galbeed. Markii la eego guusha HirShabeelle ee dagaalka Al-Shabaab, waxaa la sugayaa goorta ay Galmudug xoreysa doonto Xarardheere iyo Ceelbuur oo ay dhaqaaqi doonaan ciidanka ku sugan Qaayib, Dhuusamareeb iyo Wisil. Madaxeynaha Soomaaliya oo maanta ka hadlay dagaallada ka socda dalka ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu war lagu farxo ka imaan doono Jubbaland iyo K/Galbeed, Al-Shabaab-na ay tageen oo ay taariikh tahay. “K/Galbeed iyo Jubbaland waxaa ka socda diyaar garow aan caadi aheyn, dadka iyo ciidanka ayaa abaabulan, labadaas dowlad goboleed gobolladooda war fiican ayaa ka soo socda, halka HirShabeelle iyo Galmudug ay ka sii xoroobayaan cadow, dadka Soomaaliyeedow walaalayaal Shabaab waa taariikh, waana tegay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. The post Seddax guul-darro oo Al-Shabaab ka soo wajaheysa luminta AADAN-YABAAL appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley ergo ka kala socday dalalka Norway iyo Turkiga oo kala ah Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroğlu. Madaxwaynaha ayaa waftiga uga xogwaramay hanaanka geeddi socodka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland halkan ku soo gaadhay, taasoo uu sheegay inay ku timid isku-duubnida shacabka Somaliland iyo dawladooda, sababna u noqotay in indhaha beesha caalamku ku soo jeestaan horumarka la taabankaro iyo dimu-qraadiyada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu si cad u dul-istaagay kuna dheeraaday go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland uga meel-yaala wadahadaladda waxaanu yidhi madaxweynuhu Somaliland diyaar bay u tahay wada-hadalka laakiin wada-hadalku waa inuu noqdaa mid macno leh. Mawqifka Somalilandna waa sidan:- 1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood iyo xal ku dhamaada laba dawladood kala madax-bannaan, sababtoo ah waxaanu ahayn laba dawladood oo xor ah oo iskood u midoobay 1dii july, 1960. Balse kala noqday 1991-kii, waxaana intaa dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee la soo dhaafay ahayd dawlad madax-bannaan oo ku nool nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hir-gelisay wareegyo badan oo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa ka dhacay shan (5) xilwareejin madaxweyne oo nabad ah. Saddex ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah ayey qabsoomeen. 2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo la hir-geliyaa si degdeg ah, tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida. 3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wada hadalka. 4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta, isla markaana Xoghayntu waa inay ku si fawdo dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay u leedahay karti iyo xirfad hawshan. 5. Waa inuu jiraa mabaadi’dii (principles) muhiim ah iyo xeer-dhaqan (code of conduct) oo hanaanka wada-hadalku saldhig u noqon doono. 6. Waa in uu jiraa Ajende cad oo qeexaya khilaafka u dhexeeya labada dhinac, si looga wada wada-hadlo arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka. 7. Wadahadalku waa inuu ku soo gebegaboobo waqti xaddidan. Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey kulanka Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Maxamuud Keyd. Dhinaca weftiguna waxay kala ahaayeen Heidi Johansen, haakon Svane, Ole Andreas Lindeman, Harun Arslan iyo Maxamed Cabdilaahi Cumar. Source
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayoy caqabadaha jira Gobolka oo ay ugu horreeyaan aragagixisada, Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka. “Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku soo bandhigay madasha, guulaha ay dowlada ka gaarto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ay ka saareen deegaanno badan oo ay ugu dambeysay degmada Aadan Yabaal oo muhiim u ah isku socodka dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb-galay Madashan ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha is-daba-joogga ah ee laga gaaray argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey, iyadoo Labada Madaxweyne ay shahaado sharaf ka guddoomeen Machadka Heritage, taas oo lagu maamuusayey doorka ay ka qaateen nabadda iyo xasilloonida Gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Djibouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo xiray shirkii Heritage ee ka socday wadanka Jabuuti ayaa mar kale si qota dheer uga hadlay halganka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhulka HirShabeelle uu intiisa badan ka soo baxay gacanta Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay in hal degmo oo Hiiraan ka tirsan aysan maamulin. “Bartamaha Soomaaliya labada dowlad goboleed ee ku taalla, dhul badan ayaa laga xoreeyey Shabaab, Hiiraan hal degmo kama taliyaan, Sh/Dhexe degmada Ruun-nirgood ayey ku dambeeyaan, gaarigii Xamar laga kaxeysto ayaa lagu tagaa lixda degmo ee kale ee Sh/Dhexe,” ayuu yiri madaxweynuhu. Xasan Sheekh ayaa aad u amaanay ciidanka xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeysay Aadan-Yabaal oo maanta ay si rasmi ah dowladdu u xaqiijisay in laga xoreeyey Al-Shabaab. “Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Shirkaan uu qabtay Machadka Heritage ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta soo xiray ayaa looga hadlayey arrimaha ku geedaaman isbedelka cilillada, wuxuuna madaxweynuhu ka hadlay qorshaha dowladdiisa ee isbedelka ku yimid cimillada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad ugu mahad celiyey dowladda iyo shacabka Jabuuti oo bud-dhig u ahaa dhismaha dowladda Soomalaiyeed, isagoo ka taariikheeyey sida ay Jabuuti u soo caawisay dadka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo soo xiray shirkii Jabuuti si adagna uga hadlay dagaalka Al-Shaabab appeared first on Caasimada Online.
  13. Telefishinka Aljazeera ayaa maanta sheegay inay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada u gudbisay dacwad ka dhan ah ciidamada Israa’iil oo ku saabsan dilka weriye Shireen Abu Akleh, oo lagu toogtay weerar ay Israa’iil ku qaadday Daanta Galbeed bishii May. Aljazeera ayaa sheegtay in Dacwadan ay daba socotay baadhitaan ay sameeyeen kooxda qareennada ee shabakada wararka ee telefishinka Aljazeera. Marxaladda ku xeeran dilka Abu Akleh ayaa lagu muransan yahay. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa salaasadii sheegay in cidina ayna su’aalo weydiin doonin askarta Israa’iil. Source
  14. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Norway ee Soomaaliya, Haakon Svane, ayaa la wadaagay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Madaxweynaha ayaa xusay doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, kuwaas oo uu sheegay inay bilow fiican u yihiin xal u helidda tabashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada DFS iyo SL, waxa uuna xusay qorshihiisa qaran ee la xidhiidha Soomaali Heshiis ah, taasoo uu sheegay in ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan Soomaaliland. Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga Aykut Kumbaroğlu iyo Norway Heidi Johansen ayaa ku bogaadiyey madaxweyne xasan Sheikh, sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada. Source
  15. Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa u magacawday guddi ka kooban shan garsoore si ay u kormeeraan baadhitaanka lagu hayo dilka wariye caan ah oo lagu toogtay dalka Kenya. Arshad Sharif ayaa bishii October ee sannadkan waxaa toogasho ku dilay ciidamada booliska xilli uu ku sugnaa dalka ku yaala bariga Afrika, iyadoo boolisku ay sheegeen inuu ahaa kiis lagu qaldamay. Mr Sharif ayaa ahaa nin si weyn u dhaleeceeyay ciidamada Pakistan, waxaana dilkiisa uu caro xoogan ka dhaliyay guud ahaan dalka Pakistan. Maxkamadda ayaa shaacisay guddiga ka kooban 5-xubnood oo uu hoggaamin doona guddoomiyaha maxkamadda sare Umar Atta Bandyal. Bayaan ka soo baxay maxkamada ayaa lagu sheegay in ay jawaabo ka dalbatay wasaaradaha arrimaha dibadda iyo gudaha ee Pakistan. Source
  16. Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ka qayb-galay shir ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta Qaahira ee dalka Masar, kaasoo looga hadlayay Abaaraha, badqabka cuntada iyo u adkaysiga is-beddelka cimilada. Ergeyga oo furitaankii shirka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in dadaalkii Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hormuudka u ahaa, deeqihii ka yimid dalalka deeq-bixiyayaasha ah iyo ka go’naanshihii hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah lagaga hor-tegey macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo sanadkan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sidoo kale xusay in weli ay halistii taagan tahay, maadaama xilli roobaadkii 5-aad uu ka hooseeyo heerkii la rabay, sanadka soo socdanna aan la hubin gargaarka ka imaanaya dalalka deeqaha bixiya, wuxuuna Dowladaha iyo hay’adaha shirka ka qeyb galay ku boorriyay in ay gurmadka qeyb ka noqdaan. Ergayga wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wax ka badan gargaar degdeg ah, taasoo ah in garab lagu siiyo sidii ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadka dalka, sida in la helo maalgelinta mashaariic dhisaya u adkaysiga aafooyinka iyo la qabsiga is-beddelka cimilada si looga maarmo ku tiirsanaanta gaargaarka iyo gurmadka bani’aadannimada. Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha oo qaybaha muhiimka ah ee shirka guddoominayey ayaa Dawladaha Carabta ugu baaqay in ay garab istaagaan Dawladda Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, awoodna ugu yeelato in ay dadkeeda gagaar iyo gurmad la gaarto, una fuliso mashaariic horumarineed oo dadka wax tar u ah. Waxaa Ergeyga shirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Hay’aada Maareynta Musiibooyinka – SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan iyo saraakiil kale oo ka socday SoDma iyo Wasaaradda Biyaha iyo Tamarata XFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo taraya xogaha laga helayo kulan shalay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni, kaasi oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku gacan seyray in uu Saciid Deni ka ogolaado in uu dibad joog ka noqdo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, taasi oo salka ku haysa muddo kordhinta uu sameeystay Lafta-gareen. Deni ayaa sidoo kale waxa uu weydiistay madaxweyne Xasan Sheekh in uu xakameeyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo uu ugu horeeyo Agaasimihiisa Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Xasan Sheekh uu ku adkeystay in dowladda federaalka masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta shuruucda dalka oo ay ku jiraan maamulada, sidaas darteed uusan aqbali karin dalabkaasi oo ay Deni ka wada socdeen Lafta-gareen. Saciid Deni ayaa la sheegaya in uu Lafta-gareen ka rabo Xildhibaanada federaalka ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, si ay sare ugu kacdo rejada damaciisa musharaxnimo ee markale uu isku soo taagayo xilka u sareeya Soomaaliya 2026-ka. “Deni waxa uu qorshahaan ka wada socdaan Lafta-gareen, wuxuuna ula safanayaa si uu uga helo iskaashi lamid ah kii uu hore uga helay Axmed Madooobe oo muddooyinkan dambe xiriirka kala dhaxeeya uu xumaaday,” ayey yiraahdeen Illo-wareedyo muhiim ah. Kulanka shalay ee Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ayaa gebi ahaanba kusoo dhamaaday natiijo la’aan, ayada oo sidoo kale isfaham laga gaari waayay dalabaad kale oo uu watay madaxweynaha Puntland. Halkan guji oo ka aqriso xog kale oo aan ka qornay kulankaan. The post XOG: Xasan Sheekh oo ku gacan seyray qorshe ay Deni iyo Lafta-gareen ka wada socdeen appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magasaabay labo xubnood oo ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka, kuwaas oo kala ah Garyaqaan Suleymaan Sheekh Cabdullaahi Maxamuud iyo Garyaqaan Cabdiqani Mire Xirsi. Hoos ka akhriso wareegtada Garoowe: 06 December 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 81, 06-da December 2022, Kuna saabsan magacaabid labo xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waayo aragnimadooda Shaqo. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: 1. Waxaa Garyaqaan Suleymaan Sheikh Cabdullaahi Maxamuud loo magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka. 2. Waxaa Garyaqaan Cabdiqani Mire Xirsi loo magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka. 3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Deni oo sameeyay magacaabis appeared first on Puntland Post.
  19. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa gudoomiyey shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga deegaanada Koonfur Galbeed. Shirka oo ay isugu imaadeen saraakiisha laamaha amniga qeybahooda kala duwan ayaa waxa laga soo saaray go’aan deg deg ah oo howl-galka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab looga bilaabayo deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan gobolka Baay. “Shirkaan waa kama dambeysay awaamiir ayaa la kala qaatay oo fulinteeda hadda ku dhaqaaqeyna. Waxaa lagu go’aamiyay shirkaan in howl-galo deg deg ah ay ka bilaaban doonaan gobolka Baay, saacadaha soo socda waa dareemi doonta dhamacda kulul ee idinku soo socota.” Saraakiisha shirkaan kasoo qeyb-gashay oo kala ahaa Taliyaha Booliiska KGS, Taliyaha Boliiska gobolka Baay, Taliyaha Saldhiga Baydhabo, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada KGS iyo Saraakiil ka socday ciidanka xooga qeybta 60-aad, ayaa waxa uu madaxweynaha Koonfur Galbeed faray in sidoo kale la ballaariyo howl-galada ka dhanka ah cadowga. “Dadweynaha reer Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Baay oo hadda uu ka bilaaban doono howl-galka waxaa ka codsaneyna inay ciidamadooda gacan siiyaan oo u tilmaaman cadowga oo ay baacsan doonaan. Waxaa dareemi doontaan nabad-gelyo. Waa go’aankii u dambeeyay waana bilaabanaya howl-galka.” Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab oo ay muddooyinkii dambe iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo cadowga laga xoreeyay deegaano dhowr ah oo ay sanado badan gacanta ku hayeen. The post Go’aan deg deg ah oo kasoo baxay shirka Lafta-gareen iyo laamaha amniga + VIDEO appeared first on Caasimada Online.
  20. The Africa Climate Change Fund (ACCF) Secretariat has launched a scheme to support mechanisms for climate adaptation finance for women entrepreneurs and youth. The scheme, “YouthADAPT: Empowering Women and Youth for Entrepreneurship and Job Creation in Climate Adaptation and Resilience,” will develop innovative, transformative climate-resilient bankable projects aligned with African countries’ Nationally Determined Contributions. YouthADAPT is a flagship program under the Africa Adaptation Acceleration Program (AAAP) (http://www.AfDB.org/AAAP), which is unlocking the untapped potential of youth in Africa to drive resilience and green enterprise. The virtual launch followed the approval of a $1 million grant funding by the ACCF’s development partners for the project. The event rallied together stakeholders, including the project team, quality control, adaptation, gender, and communication experts, and climate change and green growth experts to share experiences. ACCF Coordinator Rita Effah, and the Portfolio Officer, Lucy Debrion, explained the Fund’s operational guidelines on Bank-implemented projects. AAAP Coordinator and Principal Climate Change Officer Edith Ofwona Adera said, “African youth are leading the way, not in talk, but in concrete climate action; as agents of change, innovators, and entrepreneurs.” She said the scheme would support women-led local enterprises promoting adaptation solutions to create additional jobs. Adera thanked the ACCF for collaborating on the projects. Adera also commended the Fund for its role in facilitating the production of proposals. “That makes our work easier,” she added. Following the launch, the AAAP secretariat will regularly engage with the ACCF Secretariat on significant project milestones to ensure that the objective is fully accomplished. Since 2017, the ACCF Governing Committees have approved 26 projects estimated at $15.87 million. The AAAP will implement the project. For more information on ACCF and AAAP, please visit http://ACCF.AfDB.org and www.AfDB.org/AAAP SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  21. Ukraine oo Deeq Raashin soo gaadhsiisay Geeska Afrika Shixnaddii ugu horreeyay ee qamadi ah oo ka timid Ukraine ayaa Isniintii shalay gaadhay waddanka Djibouti, iyadoo la gaahdsiin doono dalka deriska ah ee Itoobiya, xilli ay gobolka ka jirto abaartii ugu xumayd muddo tobannaan sano ah. Safaaradda Ukraine ee Itoobiya ayaa xaqiijisay in shixnadda qamadiga Ukraine oo ka kooban 25,000 oo tan ay tahay mid ka duwan dadaalka Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo maalgeliyay shixnadaha qamadiga ee Ukraine. Shixnad kale oo dhan 30,000 tan ah toddobaadka danbe ku wajahan Itoobiya, iyadoo Markab saddexaad oo sida 25 kun oo tan oo sarreen ah uu isna ku wajahan yahay Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaraddu. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa bishii hore shaaciyay hindise lagu doonayo in lagu gargaaro dalalka ay sida ba’an u saameysay qalalaasaha cunno ee ka jira dunida. Ukraine ayaa qorsheyneysa in inka badan 60 markab loo dirayo dalalka Ethiopia, Sudan, South Sudan, Somalia, Congo, Kenya, Yemen iyo dalalka kale. Malaayiin qof oo ku nool Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya ayaa wajahaya gaajo sababo la xiriirta abaarta ka dhalatay markii shanaad oo xiriir ah ay baaqdeen roobabkii, iyadoo colaadaha Itoobiya iyo Soomaaliya ay kaga sii dareen xaaladda. Qaran News
  22. The President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud has reaffirmed his administration’s commitment to resume talks with Somaliland after he held meetings with Turkey and Norway representatives in Mogadishu. In a Villa Somalia statement, the President acknowledged the role Turkey and Norway had played in the previous talks which he believes was the good start for the two sides to come to the negotiation table together. According to Villa Somalia, Hassan Sheikh Mohamud extended gratitude to the Turkey and Norway governments for their efforts to revive talks between Somaliland and Somalia. Underlining his national plan “Somalia at peace with itself and the World,” that includes addressing the decades-long Somaliland issue. The decade-long Somaliland and Somalia talks have been ongoing since 2012 and a series of high-level talks between the two countries have been held in Ankara, London, and Djibouti with various state and international bodies as mediators and observers. However, earlier this year, the Somaliland government officially suspended talks with Somalia. The foreign affairs minister of Somaliland Esse Kayd stated the lack of seriousness on the part of Somalia as the reason for abandoning what he called the 10 year long fruitless talks with Somalia. Somaliland Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine. Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu cirib-tirayo kooxaha Argagaxisada. Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa intii uu kulanku socday wuxuu dowladda ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay kasoo hooyeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan guushii ugu dambeysay ee argagaxisada looga xorreeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe. Danjire Souef ayaa ballan-qaaday in ATMIS ay dowladda federaalka Soomaaliya kala shaqeyneyso dagaalka lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada iyo dadaallada xukuumadda ee amniga iyo xasilloonida looga hir-gelinayo dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ciidanka Midowga Afrika uga mahad-celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalkeena. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka RW Xamza iyo madaxa ATMIS? appeared first on Caasimada Online.
  24. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine. Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu cirib tirayo kooxaha Argagaxisada. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ciidanka Midawga Afrika uga mahad celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalka. Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa intii uu kulanku socday waxuuu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro Khawaariijta, gaar ahaan guushii ugu dambeysay ee argagaxisada looga xorreeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe. Danjire Souef ayaa ballan qaaday in ATMIS ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeyneyso dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dadaallada Xukuumadda ee amniga iyo xasilloonida dalka looga hir-gelinayo. The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  25. Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wahliyaan Wasiirka Gargaarka Galmudug Abdirahman Makkaawi iyo Duqa Magaalada Dhuusamareb ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Gudoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga ah, taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Galmudug. Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xaruntaan taas oo uu oga mahadceliyay hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka. Ugu danbayn, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Duqa Caasimadda Galmadug Geedaqorow sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso xarun loogu adeeggo shacabka Galmudug. Source: goobjoog.com