-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
CNN — The US carried out a strike in Somalia that killed six al-Shabaab militants on Friday, US Africa Command said in a statement. Source: Hiiraan Online
-
Weerar toogasho ah oo ka dhacay badhtamaha Paris Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay bartamaha magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dilay labo qof tiro kalena uu ku dhaawacay. Toogashada ayaa ka dhacday meel ku dhow xarun dhaqameed ay leeyihiin Kurdiyiinta. Eedaysanaha oo da’diisu lagu sheegay 69 jir ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliiska. Maamulka ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan aagga xarunta Rue d’Enghien, ee degmada 10-aad ee Strasbourg-Saint Denis. “Waa argagax, waxaan isku soo xirnay gudaha,” ayuu yiri mid ka mid ah dukaanleyda oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP. Qof goob jooge ah ayaa sheegtay in ay maqashay todobo ilaa sideed xabadood oo qarxay. Qaran News
-
Brussels (Caasimada Online) – Xildhibaanadda reer Greece ee xudunta u ah fadeexadda musuq-maasuq ee ruxday Baarlamanka Midowga Yurub, taasi oo lala xiriirnayo dowladda Qatar ayaa loo diiday in xabsiga laga sii daayo kahor inta laga maxkamadeynayo, waxaa sidaas sheegay dacwad-oogayaasha. Eva Kaili, oo 44 jir ah, ayaa ka mid aheyd afar tuhunsane oo horraantii bishan ay xireen booliska Belgium. Waxa ay ku dooday in aanay wax dambi ah lahayn, waxayna codsatay in la ogolaado in lasii daayo oo korjoogteyn lagu hayo – codsigaas oo laga diiday. Qareenkeeda Andre Risopoulos ayaa u sheegay AFP inaysan racfaan ka qaadan doonin go’aanka, taasi oo ka dhigan inay xabsiga kusii jiri doonto ugu yaraan hal bil inta ay baaritaanada socdaan. Risopoulos ayaa weriyayaasha u sheegay kahor go’aanka maxkamadda, in Kaili “ay la shaqeyneyso” baarayaasha Belgium ayna diyaar u aheyd in dhaq-dhaqaaqyadeeda lagula socdo hab elektoronik ah, haddii xabsiga laga sii daayo. Kaili, oo ah suxufi hore, islamarkaana laga xayuubiyey xilkii madaxweyne ku-xigeenka baarlamanka Midowga Yurub kadib howlgal ay booliska fuliyeen bishan, ayaa noqotay xuddunta kiiska musuq-maasuq ee la tuhunsan yahay. Mas’uuliyiinta Qatar ayaa sheegay inaysan wax kaalin ah ku laheyn wax khalad ah. Qareenka kale ee Kaili, Michalis Dimitrakopoulos ayaa Arbacadii sheegay inay aad u murugsan tahay “ayna dhibtooneyso” islamarkaana uu khiyaamay lamaanaheeda Francesco Giorgi oo sidoo kale eedeysan. Kaili ayaa booliska Belgium ay xireen 9-kii December, waxaana gurigeeda laga helay 1.5 milyan oo Euro. Tuhunka ayaa ah in lacagtaas ay bixisay dowladda Qatar, si ay saameyn ugu yeelato go’aanada baarlamanka Midowga Yurub, eedeyntaas oo Qatar ay beenisay. AFP, VOA The post Wararkii ugu dambeeyey fadeexadda la xiriirta Qatar ee ruxday Midowga Yurub appeared first on Caasimada Online.
-
Ilhan Omar with President Deni in Garowe Garowe (PP News Desk) — Ilhan Omar, the US Congresswoman visiting Puntland State of Somalia, commended the first autonomous state for peace and the ongoing democratization process. “President Deni’s administration built roads; look at how people coexist peacefully. We have done a lot of work about debt forgiveness for Somalia in addition to more than 1 billion dollars from the US Government aimed at boosting drought resilience in Somalia” said Ilhan. Ilhan Omar: “We have done a lot of work about debt forgiveness for Somalia in addition to more than 1 billion dollars aimed at boosting drought resilience in Somalia”. The Congresswoman said she had decided to visit Somalia to see for herself projects such as Qardho-Beyla road for which “I am working hard to support”. “Upon my return to USA I will be sworn in for my new term as Congresswoman. I will work on initiatives yo help Africa” Ilhan added. Last night, Ilhan attended a party thrown in her honor in Garowe and attended, among other dignitaries, by Puntland President Deni and Vice President Ahmed Elmi. Iskilaji, a popular Somali singer, sang his hit songs at the event. © Puntland Post, 2022 The post Ilhan Omar Lauds Peace in Puntland, Promises More US Support for National Infrastructures appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taageersan Midowga Musharaxiinta. “Baydhabo waxa ka dhacay saaka, waa wax aad iyo aad looga murugoodu loogana xumaado. Ma joogno waqtigaan dhexdeena dagaallami lahayn ee waxaan joognaa xiligii aan cadowga iska xoreyn lahayn. Siyaasadda halaga wada hadlo, madaxda joogta hala dhowro kuwa hamigga lehna hala dhowro dadkana halloo turo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka jeediyay masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada. Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa saaka weeraray ciidamo joogay guri uu Baydhabo ku leeyahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed, waxaana dagaalkaas ku dhintay ilaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 15 kale. Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta muddo kordhinta hal sano ah ee madaxweyne Laftagareen, taas oo diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed. Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee la magac-baxay (Midowga Musharaxiinta) ayaa dhawaan sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed muda-xileedkiisu dhammaaday, uusana haysan wax sharciyad ah wixii ka danbeeya 19 December 2022. PUNTLND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalkii Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba, isagoo waa wax aad looga xumaado ku tilmaamay gacan ka hadalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in aan la joogin waqtigii “dhexdeena aan dagaallami lahayn” balse la joogo xiligii “aan cadowga iska xoreyn lahayn” isagoo yiri “Siyaasadda halaga wada-hadlo, madaxda joogta hala dhowro kuwa hamigga lehna hala dhowro dadkana halloo turo.” Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan aad uga xumahay wixii Baydhaba ka dhacay, walaalaha reer Baydhaba waxaan leenahay colaad waa taqaanaan ee wixii idinka qaldama iska saxa, dhamaantiin waxaa tihiin ehel ee dagaalka iska dhaafa oo isku tura.” Madaxweynaha ayaa sheegay inuu waqti badan ku bixiyey in wixii maanta dhacay aysan ka dhicin Baydhaba oo laga hortago, balse uu ka tacsiyeynayo gacan ka hadalkii maanta. “Saakay ilaa xalay waxaan mashquul ku aheyn sidii looga baaqsan lahaa gacan ka hadal, dowladda federaalka waxay xoogga isugu geyn doontaa in dadka deegaankaas ay is xaliyaan oo khilaafkooda uu si nabad ah ku soo dhamaado,” ayuu yiri madaxweynuhu. Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey in dadka Soomaaliyeed ay maanta hal cadow leeyihiin, “Cadowgeenu waa Shabaab, ninkii cadow kale dhexdeena ka abuuraya gacanta ayaan ka qabaneynaa, naga raali ahaaw ayaan dhaheynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Baydhaba 20 KM dhican ugama bixi kartid oo cadow ayaa jooga, macquul maaha in wiilasheena ay ku dhex dagaalaan maanta, war cowgaas waaye kuwa aan rabno in aan iska wareejino, marka walaalayaal aqoonsada jihada uu cadowgiinu idinka jiro.” Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkaan maanta ka jeediyey masjidka madaxtooyada ayaa aad uga hadlay qiimaha dowladnimada Soomaaliya ay leedahay, isagoo aad ugu baraarujiyey dadka inay daacad ka noqdaan dowlad-dhiska dalkeenna. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay xiisada Baydhaba, cadeeyayna mowqifka DF appeared first on Caasimada Online.
-
A year and a half ago Ayanle Hussein from ‘Hanolato’ interviewed me about mental health issues in the Somali community. At the end of the interview, I said that every Somali person in need of guidance Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba oo uu wax laga xumaado uu ku tilmaamay, wuxuuna ku hanjabay inay la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyey, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in mudo dheer uu ku dadaalaayey in K/Galbeed uusan ka dhicin gacan ka hadal, isagoo sheegay inuu fidinayo gogol nabadeed oo cidii tabasho qabta ay ku soo bandhigi doonto. “Waa baari doonaa, waana la xasaabtami doonaa cid kasta oo sameysay dhacdadii maanta, Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay, waxaan dirayaa baaq nabadeed, cidii tabasho qabtay waxaan u fidinay gogol nabadeed oo cid kasta ay ku soo bandhigi doonto waxa ay qabto, taas oo furmeysa todobaad kadib” ayuu yiri Laftagareen. Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii maanta, isagoo sheegay in dagaalka Al-Shabaab mid aan aheyn aysan raali ka noqa doonin, “Cid kasta oo reer K/Galbeed ah waxaan ugu yeereynaa nabadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Laftagareen. Madaxweynaha oo farriin u diray ciidamada ayaa faray inay sii laba jibaaraan baacsiga Al-Shabaab oo cid kale aysan ku soo jeesan, isagoo siyaasiyiinta ka codsaday in ciidanka aan la isku soo jeedin. Hoos ka daawo The post Daawo: Laftagareen oo soo saaray hanjabaad cusub kadib dagaalkii Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE African Union Member States Pledge to Improve Nutrition and Food Security in Africa African leaders gathered for a three-day meeting to draw attention to the 2022 African Union Year of Nutrition. The meeting ended with the signing of an “Abidjan Declaration” ABIDJAN, Ivory Coast, December 23, 2022/ — African Union Member States meeting in Abidjan have called on governments to speed up investment, coordination and implementation of programs to improve nutrition and food security in Africa. African leaders gathered for a three-day meeting to draw attention to the 2022 African Union Year of Nutrition. The meeting ended with the signing of an “Abidjan Declaration.” “This must be the time for Africa and its leadership to rise to the occasion and provide sustainable solutions to the malnutrition and hunger crisis [in the continent,]” His Majesty King Letsie III of Lesotho told attendees at an event organized by the Government of Cote d’Ivoire in collaboration with African Development Bank’s African Leaders for Nutrition initiative, the African Union Commission, and several other partners. King Letsie III, who is the African Union and African Leaders for Nutrition’s Nutrition Champion, spoke about African Union’s Executive Decision in July 2022 that called for a multisectoral policy framework for addressing malnutrition, as well as financing targeted and high-level political commitment to end malnutrition in all its forms. King Letsie commended the Ivorian government for its leadership on the nutrition agenda, including sponsoring the Africa Union Year of Nutrition. “It is not normal that Africans are underfed and malnourished – We need to develop our internal capacity to produce for indigenous needs,” said African Union Commission Chairperson Moussa Faki. Despite progress, most African countries still face the triple burden of malnutrition, where stunting and wasting co-exist with obesity and diet-related non-communicable diseases like stroke and diabetes. It is estimated that 61.4 million African children under five years are stunted, more than 12 million are wasted, and some 10 million are overweight. The Abidjan event focused on strengthening resilience in nutrition and food security in Africa. The Declaration calls for implementing and extending the African Union roadmap beyond 2022. The year’s theme encourages member states to examine challenges posed by hunger and malnutrition and identify actions and strategies to address them. In his remarks, Vice President of Cote d’Ivoire, Tiémoko Meyliet Koné, called African leaders to action. “The urgency for our continent is to save lives and offer better returns to our youngest, who represent the hope and the future of our community and nation.” Vice President t Koné said his government is committed to working with the African Union, regional member countries, the Bank and the African Leaders for Nutrition initiative and partners to improve nutrition targets. “In the case of this year of African nutrition – women, men and children will be the actors and the beneficiaries placed at the heart of development and progress,” Koné added. Dr. Beth Dunford, Vice President for Agriculture, Human and Social Development at the African Development Bank, said the African Leaders for Nutrition would be working with the African Union Commission toward greater impact out of the African Year of Nutrition. She stated that the African Leaders for Nutrition, hosted by the Bank, aims to increase financing resources for nutrition by mobilizing African governments to adopt stronger policies and increase financing for nutrition. Dunford stressed: “If we accelerate investments and improve coordination of efforts, Africa will advance nutrition and improve food security outcomes. The African Development Bank and the African Leaders for Nutrition remain committed to working with all of you, particularly the Government of Cote d’Ivoire, to see that this event’s deliberations are transformed into impactful commitments.” The ceremony drew many senior African leaders, including Zambian Vice President Mutale Nalumango; Deputy Prime Minister of Congo-Brazaville Anatole Collinet Makosso; Rwandan Minister of Agriculture and Animal Resources Gerardine Mukeshimana; and Ivorian Prime Minister Patrick Achi. There were also several ministers representing nutrition-sensitive sectors such as agriculture, water sanitation and hygiene; health; education and social protection. Qaran News
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sida uu ku bilowday dagaalkii saakay ka qarxay gudaha magaalada Baydhaba ee gobolka Bay. Wasiirka ayaa ciidanka K/Galbeed ka leexiyey eedeyntii loo jeediyey ee ahayd inay weerareen guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, hadana ah musharax madaxweyne oo u taagan hoggaaminta K/Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti. Wasiirka amniga K/Galbeed wuxuu sheegay in ciidanka amniga magaalada Baydhaba oo roondeynaya ay rasaas ku soo fureen ciidan beeleed hubeysan, sida uu hadalkiisa u dhigay. “Saakay salaadii subax kadib ciidanka oo roondo ku jira ayaa waxaa soo weeraray ciidan maleeshiyaad ah, intaas kadibna laamaha amniga ayaa howshooda ka qabsaday,” ayuu yiri wasiir Maxamed Isaaq. Wasiirkaan ayaa sidoo kale sheegay in ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya iyo kuwo maleeshiyo beeleed ah ay maalmihii lasoo dhaafay isku uruursanayeen gudaha magaalada. “Ciidankaas waxay damacsanaayeen inay qalqal ka abuuraan Baydhaba, iyagoo ka amar qaadanaya siyaasiyiin iyo xildhibaano qaarkood Xamar joogaan,” ayuu yiri wasiirka amniga K/Galbeed. Wasiirka ayaa siyaasiyiinta iyo ciidankooda ugu baaqay in goobahooda ay ku sugnaadaan oo awaamiirta maamulka ay u hoggaansamaan, “Dhalinyarada aad dagaalka gelineysaan ka dhaafa, aniga inaad qalqal gelisaan idinkama ogolaa doonee,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii Wasiirka amniga K/Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa aad ugu mahad celiyey ciidanka amniga oo sida uu sheegay waajibkooda gutay maanta, sidoo kale wuxuu shacabka u sheegay in magaaladu ay nabad tahay oo cid dambe aysan ka ogolaa doonin qalqal gelinta amniga. Hoos ka daawo The post Daawo: K/Galbeed oo war ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa war ka soo saaray xiisada ka taagan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, isagoo fariin u diray Cabdicasiis Laftagareen. Mursal oo ugu horeyn cambaareeyay wixii maanta ka dhacay Baydhaba ayaa sheegay in xalka kaliya ee lagu kala badbaadi karo uu yahay in madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu ogolaado doorashada. Maxamed Mursal ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in maamulka Laftagareen uu maanta weeraro guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Fargeeti oo hadda ah musharax u taagan hoggaaminta K/Galbeed. “Waxaa nasiib darro ah in magaalada Baydhaba ay saaka kusoo waabariisato dagaal, halkaasi oo madaxweyne Laftagreen oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday uu amar ku bixiyay in la weeraro guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Farkeeti. Waan cambaareyneynaa, xalna kuma jiro xoog, laakiin xalka waxa uu ku jiraa doorasho,” ayuu yiri Maxamed Mursal. Guddoomiye Maxamed Mursal oo hada ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa saaxiib aad ugu dhow Cabdicasiis Laftagareen, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii uu kursiga soo siiyey intii ay socotay doorashadii heer federaal. Shaqaaqo weyn oo salka ku heysa mudo kororsiga Laftagareen ayaa maanta ka dhacday Baydhaba, kadib markii ciidan ka amar qaata Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay saakay waaberigii hore weerareen guriga uu Baydhaba ka degan yahay musgarax Fargeeti, inkastoo ciidankiisa ay aad isku difaaceen. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada oo laga soo duubay guriga la weeraray ee musharax Fargeeti ayaa muujinaya in burbur xoog leh uu geystay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba. The post Mursal oo shaaciyey cidda billowday dagaalka Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ergeyga arrimaha abaaraha u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay weerarkii saaka lagu qaaday guriga mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka ee Koonfur Galbeed, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in weli uu dalka kasii socdo falkii lagula kacay 5 sanno ka hor. Ergeyga oo soo xiganaya cod laga baahiyay Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed oo si bareer ah ugu hanjabaya mid kamid ah musharaxiinta mucaaridka ah ee maamulkaasi ayaa sheegay in uu weerar ku qaadi doono, una gali doono sidii hore uga dhacday guriga Cabdiraxmaan ee Muqdisho. “Sargaalkan oo la ii sheegay in uu yahay taliyaha Booliska Koonfur Galbeed ayaa maalin sii horraysay isagoo magacayga iyo reerka aan ka soo jeedo sheegaya tusaale iigu soo qaatay in sidii hoygayga loo weeraray uu guri siyaasi reer Koonfur Galbeed leeyahay u weerari doono. Waa gartiis, sababtoo ah ciddii weerarkaas gaysatay waxba looma raacan, saakay ayuuna hoygii siyaasaga weeraray,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaan canbaaraynayaa falkaas gurracan ee cabburiska iyo awood sheegadka ah.” Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowladda federaalka inay waajibkooda dastuuriga ah gutaan, joojiyaana xukunka xoogga lagu doonayo iyo xabadda siyaasadda lagu xallinayo. “Dagaal sokeeye ee dalkeena ka dhacay, hoggaamiye kooxeedkii, Al-Shabaab iyo argagagexiso oo dhan keenay waa sal u ahaa masaaxada siyaasadda oo la xiray, kuwii talada hayayna ay damceen in ay xukunka xoog ku haystaan, kuwii ka diidayna markii ay marin kale waayeen ay qori kaga tuureen.” “20 kii sano ee na dhaaftay, markii laga reebo shantii sano ee ugu danbaysay, xukunka iyo talada dalka nabad ayaa lagula kala wareegayey. Kuwa isku deyaya in rajiimkii tegey raadkiisa ku sii joogaan waa in aan si wadajir ah meel uga soo wada jeesanaa.” Siyaasiga gurigiisa Baydhabo maanta la wareeray oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa kamid ah musharaxiinta mucaaridka ah ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen, wuxuuna qudhiisa warbaahinta ka xaqiijiyey in hore ugu hanjabeen qaar kamid ah saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed. “Saraakiisha oo qaar kamid ah ay hore u sheegeen in gurigeyga ay weerari doonaan, oo waardiyaaasha meesha ii jooga kabahooda ku aasi doonaan wey sheegeen. Wixii ay sheegeen ayey maanta fuliyeen,” ayuu yiri Fargeeti. Weerarka ay maanta ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ku qaadeen guriga Fargeeti ayaa uga sii dareysa xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, ayada oo mucaaridka ay sheegeen inay is-difaaci doonaan haddii ay si dhaqso ah usoo fara-gelin weydo dowladda federaalka. The post CC Shakuur oo shaaciyey xog ku saabsan sarkaalka billaabay dagaalka Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, oo qoraal kasoo saaray dagaalka maanta ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay. Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada mamaulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Badbaado ee musharaxiinta madaxweynaha maamulka, ayada oo warar ay sheegayaan in ciidanka Koonfur Galbeed ay weerareen guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan Fargeeti oo ka mid ah musharaxiinta. Sheekh Aadan Madoobe ayaa war-saxaafadeedka uu saaray ku yiri “Waxaan aad ugu xumahay dhacdooyinka gacan ka hadalka ah ee maanta ka socda magaalada Baydhabo, xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan u tacsiyeynayaa ehelada dadkii ku naf waayay, intii ku dhaawacantay na waxaan Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah.” Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka ugu baaqay in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyaan dhiillada colaadeed ee taagan loona turo shacabka tabaaleysan. “Sidoo kale masuuliyiinta, siyaasiyiinta, saraakiisha, dhammaan ciidamada qalabka sida iyo cid walboo ku lug leh waxaan uga digayaa in ay qayb ka qaataan dhiig la daadiyo xiligan,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. “Dhammaan wixii khilaaf siyaasadeed ah ee ka jira deegaanka, sidii aan horay u soo jeedinay, waxaa lagu xalinayaa miiska wadahadalka. Waxaan u aragnaa dhaqdhaqaayadan kuwo looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib u heshiisiinta aan ku baaqnay ee lagu madlanyahay 5ta bisha Janaayo 2023-ka.” Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn sheegay in dhamaan dhinacyada ku lugta leh qalalaasaha ka socda magaalada Baydhabo la gula xisaabtami doono wixii khasaara ah ee ka dhasha, wakhtigii isla xisaabtan la’aanta na la soo dhaafay. The post Sheekh Aadan Madoobe oo shaaciyey QORSHE laga leeyahay dagaalka Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Most people usually mask their real personalities in an effor to gain greater social acceptance in situations where they are expected to act in a socially normative way. These people don’t know that personality describes the unique thoughts, emotions, and behaviors that distinguish people from one another. In principle, knowing what your personality is – who really you are as a person – can help you learn more about yourself and other people around you as well. More importantly, knowing yourself can help you identify your ability and inability, understand your emotions and intentions, and manage your behavior in different occasions. Hinbir’s recognition that he had become the fool who challenged the philosopher didn’t mean that he ignored to stand up more for his own personality and instead cared too much about Hanad’s thoughts. In contrast, it meant that Hinbir was under no illusions that Hanad’s argument was more realistic, more refined and more transformatiional than his. It also meant that appreciation of Hanad’s suggestions or thoughts was part of the unique behavior that distinguished Hinbir from others, particularly those people who neither propose suggestions nor appreciate what others suggest. Hinbir departed from Hanad with a divided mind, having opposing views as to whether or not he would see Hanad again, in view of the following reasons. Firstly, Hinbir saw Hanad as a role model, a person who could set an example for all. He overwhelmed with Hanad’s emotional intelligence, values and behavior thar were worthy of immitation. Hinbir wished that he should not leave and lose Hanad’s friendship. Moreover, Hanad’s knowledgeability impressed Hinbir. Secondly, Hinbir saw that Hanad’s mission – research – was a complex issue that needed more than ‘fact-finding assessment’ and was even higher, much higher than collecting Hinbir’s or someone else’s opinion and ideas (general information/knowledge). Thirdly, Hinbir was among those people who were, in letter and spirit, okay with bad governace and its accompanying mannerism and did not like to engage himself in critisizing government policies and worried about being seen with a prominent political dissident, assuming that Hanad was a member of opposition parties. Doubt is just a frustrating thought, an inability to make a decision, if not a fear to forget everything. Hinbir referred back to his doubts when he went to his home for a while and figured out that they were full of unconvincing points, particularly hesitation in meeting with Hanad again and fear of being seen with Hanad. He laught at himself, as he felt that it was a rather foolish thing to fear something someone else was doing. Hinbir finally arrived at the conclusion that a matter of having a discussion with a learned citizen was not a crime, but a credibility that he could earn. After three consecutive days, Hanad and Hinbir met together, greeted each other warmly, sat together and continued their informal, free-flowing and frank sharing information discussion which they used to hold it in a local restaurant. “Thanks for coming,” said Hanad. “You are welcome.” “You said in our last meeting that poverty is many and varies from time to time. The statement is somewhat puzzling. Can you please elaborate on how does poverty vary with time and place?,” asked Hinbir “Poverty starts from a shortage of resources that can satisfy the basic needs of a person or society in a given time and place. For example, a society is considered poor when its income level falls below a given minimum level necessary to fulfill the basic needs ” “Generally,” Hanad continued, “resources (stock, assests, money) that are necessary to satisfy basic needs become quantifiably different at different times and in different places. This variation of what is necessary to satisfy the basic needs of a society as times change, raises the cost of living standards, and thus developed countries become obliged to have measuring poverty lines accordjng to their social and economic situations ” Hinbir had never heard that there are different types of poverty. Nor had he ever seen a government using measures that indicate the estimated minimum level of income needed to secure the necessities of life. Hinbir knew only that people are poorer and richer than the other and that the poor suffers from the lack of comforts of life and that the rich enjoys freedom from constraints. “What are the different types of poverty,” asked Hinbir with a withering look. “Which signifies what?.” “It signifies my interest to know the most severe type of poverty.” “Basically types of poverty are many, but the most severe ones are: a) Penury which is a condition in which homelessness and begging in streets are the norm, b) Indigence which is a condition in which real hardships and deprivation of basic needs are suffered and comforts of life are wholly lacking, and c) Generational poverty which is when societies have experienced poverty for generations because of their failure to invest for future.” “Excuse Mr. Hanad. What causes poverty?” “Poverty mindset ” replied Hanad. “What does that mean?” “Having a poverty mindset means when people accept life as it comes to them, which is a fear or failure to try to shape their life as they want it to be in order to have enough. It is a pattern in which people always handle their life in the same way over and over again, even if it doesn’t work well for them. This way of living limits peoples’ capacity of thinking and traps their potential in a cycle of poverty-resistant state that holds them back by convincing them that they cann’t change their lives for the better,” concluded Hanad. “How can I lift myself out of poverty?” “Poverty is not only your problem. Poverty is a problem that all Somalis share in common across the board.” “Who can lift all Somalis out of prevalent poverty? That is sheer nonsense.” “Please expand your thinking and try to see what is there in the other side of the river. Poverty is, anywhere, a potential strife.” “‘Mr. Hanad, please don’t philosophize the issue.” “I am talking about national poverty. If we don’t look into poverty nationally, our capacity and capability to organize ideas, find out the root cause of poverty, collect suggestions, analyse collected ideas, and extract the best option to deal with it, we will never be able to find a solution to poverty.” “Tell me, what makes you talk about poverty as a national pressing issue? Are you responsible for all people?” “If it is not me and my likes’ responsibility, who else can be responsible for solving national problems?” “Everyone is respinsible for solviing their problems. No one is responsible for another one’s problem.” “If no one is responsible for another one’s crisis, why people need governments that protect people from each other, maintain law and order. Laws are necessary for society to function. Life in a society without laws would be unsafe and unpredictable,” Hanad asked. “Our government maintains peace, that I know,. There is no doubt about that. But I don’t see it providing solutions for poverty alleviation and anything else of this sort,” returned Hinbir. “Governance describes the way countries and societies manage their affairs politically and the way power and authority are exercised. Laying out a national economic plan is the most important job our government is obliged to fulfill,” returned Hanad Hinbir stared at Hanad in amazement. He kept silent for a while, thinking about how he would use his mind actively to form connected ideas, but before he said anything, Hanad broke his silence and said, “Do you cast your vote during election times?” “Of course I do.” “Great.” “In what sense my vote is great?” “In the sense of ‘ought’ to.” “I am sorry. I didn’t follow you.” “Voting is a right. It is the language of a person’s choice. It is a principle and essential pillar for democracy, an ability to participate in civic life, to have a voice in choosing the elected officials whose decisions will affect the entire society.” “I presume this is totally out of what we are talking about.” “I will let you know how voting and its importance by implication do really relate to our discussion,” Hanad stated. “Okay.” “‘What are your thoughts on the political, economic and social forces that currently shape Somaliland country?” “No comment.” “If you cann’t comment on government policies and plans, what significance does your vote give? Your vote means nothing, if you cann’t have a say in how you are ruled and the affairs of your country are run.” “Democracy,” Hanad continued, “is when people have a say in the governing of their country. The right to criticize what the government is doing is essential for accountability. Constructive opposition is always hailed as a crucial element for a deomocracy.” “Mr, Hanad, still unable to understand the relationship between electing government officials and poverty alleviation.” “The relationship is: Number one, a government is responsible for ensuring the social well-being of the people; number two, a government is obliged to perform duties in establishing laws and policies; number three, a government has a commitment to ensure that the country’s economy is functioning properly, which means controlling inflation, reducing level of poverty,, regulating the cost of living standards, providing public health services etc.” “I got it now, because the relationship between the topics just decribes what Somaliland politics is all about, according to my understanding,” Hinbir said. To be conginued…. By : Jamafalaag Somaliland, Hargeisa jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Nin Turki ah oo Gacanta u galay Koobka Adduunka ee uu qaaday Messi Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee Fifa ayaa baaraya sida ay Cunto Kariyaha caanka ah ee lagu magacaabo Salt Bae iyo dad kale ugu suurtagashay in ay “si khaldan u galaan” garoonka ay ka dhacday ciyaartii kama dambeysta Koobka Adduunka ee lagu qabtay Qadar. Salt Bae, oo ah cunto kariye u dhashay dalka Turkiga oo magaciisa saxda ahna uu yahay Nusret Gokce ayaa lasoo sawiray isagoo heysta isla markaana dhunkanaya Koobka Adduunka xilli uu markaas la dabaaldegayay ciyaartoyda xulka Argentina ee ka guuleystay Faransiiska. Xeerka Fifa ayaa dhigaya in Koobka ay taaban karaan oo keliya dad “si gaar ah loo soo xushay”, oo ay ku jiraan ciyaartoyda ku guuleystay tartanka, saraakiisha Fifa iyo madaxda caalamka ee la casuumay. Afhayeen u hadlay Fifa oo bayaan uu soo saaray nuqul ka mid ah soo gaarsiiyay BBC-da ayaa yiri: “Ka dib markii la sameeyay dib u eegis, Fifa waxay dooneysaa in ay ogaato sida ay ku dhacday in shakhsiyaad ay aan loo fasixin galeen garoonka Lusail stadium 18-kii December ka dib markii lasoo xiray xafladda dabaaldagga. “Waxaa la qaadi doonaa tallaabada habboon ee dhanka gudaha ah.” Salt Bae waa milkiilaha makhaayado badan oo lagu kariyo hilibka, waxa uuna soo caan baxay sanadkii 2017 ka dib markii ay xirfaddiisa hilib diyaarinta ee khaaska u ah noqotay arrin caan ka ah internet-ka. Ciyaartoy badan oo isugu jira kuwo hadda kooxo u ciyaara iyo kuwo hore, oo ay ka mid yihiin Messi, Cristiano Ronaldo iyo David Beckham ayaa wax ka cunay makhaayadaha Salt Bae. Bishii November, inti uu socday tartanka Koobka Adduunka, waxa uu baraha bulshada soo geliyay muuqaal laga arkayo isagoo la jooga Madaxweynaha Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee Fifa, Gianni Infantino, kaasoo markii dambeyna uu ka muuqday isagoo kuraasta Khaaska ah la fadhiya ciyaartoydii hore ee Brazil, Ronaldo, Roberto Carlos iyo Cafu. Messi ayaa u muuqday in uu inkirayay Salt Bae marka uu garoonka soo dhex galay ka dib guushii Argentina, xilli cunto kariyaha uu isku dayayay in uu la hadlo Messi. Qaran News
-
Iska hor-imaad u dhexeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taageersan Midowga musharaxiin Koonfur Galbeed ayaa ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Iska hor-imaadka Baydhabo waxaa ka dhashay khasaaro isku jira dhimasho iyo dhaawac, hase ahaatee weli lama hayo tiro rasmi ah, waxaana yar wararka madaxa-banaan ee laga heli karo halkaas. Wasiirkii hore ee Maaliyadda Koonfur Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti oo ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen in uu amar ku bixiyay weerar uu sheegay in saaka lagu soo qaaday gurigiisa magaalada Baydhabo oo weli socda. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay dagaalkaas qayb ka ahaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira milateri, boolis iyo nabadsugid. Dhanka kale Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xun tahay shaqaaqada gacan ka hadalka ee ka dhacday magaalada Baydhabo. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ku boorineyso dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo. Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta muddo kordhinta hal sano ah ee madaxweyne Laftagareen, taas oo diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed. Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee la magac-baxay (Midowga Musharaxiinta) ayaa dhawaan sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed muda-xileedkiisu dhammaaday, uusana haysan wax sharciyad ah wixii ka danbeeya 19 December 2022. PUNTLAND POST The post Xiisad ka taagan magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ayaa markii u horeysay ka hadashay heshiis ay Al-Shabaab sheegtay inay la gashay beesha, kaasi oo lagu sheegay in xal nabadeeda looga gaaray dagaalka labada dhinac. Al-Shabaab ayaa bayaan ay ku baahisay warbaahinteeda ku sheegtay in heshiiska ay la saxiixatay beesha Saleebaan uu dhigayo in guud ahaan beeshu ka hortimaado gulufka dagaal ee socda, kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka. Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan ayaa waxay ku tilmaameen waxba kama jiraan heshiiska Al-Shabaab ay sheegatay inay la gashay beesha. Sidoo kale waxay sheegeen in dadka ku saxiixan heshiiska ay baahisay Al-Shabaab ee lagu sheegay Nabadoonada ay yihiin Odayaal horey ugu biiray kooxda Al-Shabaab. “Al-Shabaab waxaa ku dileyna meeshii lagu arkaba, looma ilaawi doono dhibaatadii ay ka geysteen Galgaduud. Wax aan colaad iyo dagaal aheyn nagama dhaxeeyaan nimankaas,” ayey yiraahdeen. Waxay sheegeen in Al-Shabaab ay xasuuqeen dad badan oo kasoo jeeda beeshooda, halka kuwa kalena ay barakaciyeen kadib markii ay ku gubeen deegaanadooda. Heshiiska ay baahisay Al-Shabaab ayaa waxa qeyb ka ah in beesha ku wareejiso maxaabiis gaareysa 67 qof oo ay ka heysato, ayna u fasaxi doontaa ganacsiga iyo socodka gadiidka, iyadoo laga mamnuucay inay hub ku dhex qaataan degaanada beesha loo fasaxay. The post Beesha Saleebaan oo war kasoo saartay heshiiska ay shaaciyeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Xiisada siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagneyd maamulka Koonfur Galbeed ayaa isku rogtay gacan ka hadal kadib markii uu maanta dagaal ku dhex-maray magaalada Baydhabo ciidamada maamulka iyo kuwa Badbaadada ee dhawaan lagu dhawaaqay. Musharaxiinta Mucaaridka oo goor sii horeysay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay is-difaaci doonaan, ayna shacabka dagaalami doonaan haddii aysan sida ugu dhaqsaha badan usoo fara-gelin dowladda federaalka arrintaan. “Lafta-gareen waqtigaaga wuu dhamaaday hadaad go’aansatay in aad qaabkan ku baxdo waa nasiib daro weyn, shacabka Soomaaliyeed qaasatan shacabka Koonfur Galbeed oo duruuf amni iyo abaaro ay haystaan uu damiirkaadu ku siiyay in aad weerarto guri shacab, runtii waa nasiib darro aad u weyn. Shacabka Koonfur Galbeed ayaa kula xisaabtamaya haddii dowladda dhexe kula xisaabtami weydo.” “Dowladda dhexe saraakiisha u jooga Koonfur Galbeed ayaa qeyb ka ah. Cidkasta oo ka qeyb qaatay dagaalka waa la socona oo waxaa kow ka ah taliyaha qeybta booliska gobolka Baay, Abaandulaha NISA waxa kale oo qeyb ka ah Xildhibaan Mahad, magacyada waa badan yihiin qoraal ayaa kasoo saari doona.” Sidoo kale waxay dalbadeen in ATMIS ay qaado tallaabo muuqato oo amniga lagu sugayo, haddii aysan qeyb ka aheyn rabitaanka guracan ee Lafta-gareen. “Ciidankaas iyo hubkaas lagu leynayo shacabka ee meesha lagu khasaarinayo waxa loogu tala-galay in Shabaab lagu weeraro oo lagula dagaalamo Khawaarijta.” Musharaxiinta Mucaaridka ayaa sheegay in Lafta-gareen uusan metelin dadka reer Koonfur Galbeed, islamarkaana uu yahay dambiile gacan ku dhiigle ah, sida ay hadalka u dhigeen. “Shacabka Koonfur Galbeed waxaa leenahay maanta waxa dhacay ma ah wax aad u qalantaan ee haddii arrintaan wax lag qaban waayo waxa ku qasban tihiin in aad is-difaacdan. Waxaa wanaagsan in uu soo noqdo doorkii ay laheyd dowladda dhexe.” Dhinaca kale, Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay dagaalka maanta ka dhacay Baydhabo ayaa si kale u dhigtay, ayada oo ku tilmaamtay kooxo burcad ah oo rabay qalqal-gelinta amniga. “Ciidamada Amniga oo roondo ku jira ayaa kooxo burcad ah jidkooyo u dhigtay oo rabay in amniga qalqal geliyaan, waxkasta oo amniga qalqal galinayo gacan bir baan iskaga qabanena,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga. Qoraalka kooban ee kasoo baxay Wasaaradda ayaa u muuqda mid ay digniin culus ugu direyso qolyaha mucaaridka ee iyagu kasoo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen, xili ay ciidamadeedu weerareen guriga wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Fargeeti oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka. Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa Isniintii looga dhawaaqay Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, kadib kulan ka dhacay magaaaladaasi oo looga hadlayey xaaladda Koonfur Galbeed iyo doorashadeeda. Ciidamada Badbaadada oo sheegay inay usoo istaageen badbaadinta Koonfur Galbeed, ayaa si adag uga soo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen, waxayna sheegeen inay doonayaan isbeddel ku dhaca doorasho xor iyo xolaal ah oo ay u siman yihiin dhamaan dadka reer Koonfur Galbeed. Arrimahaan ayaa uga sii daray xiisada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo gebi ahaanba ay fashilmeen dadaalo lagu rabay in xal looga gaaro, kadib markii ay xubnaha mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ganafka ku dhufteen shirka dib-u-heshiisiinta. The post Xiisadda Koonfur Galbeed oo kasii dartay iyo mucaaradka oo war cusub soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Is af-garad hordhac ah ayaa laga gaaray dhacdooyin sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhawaan laga soo weriyay Gaalkacyo. Shir ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa lagu shaaciyay is af-garad hor dhac oo laga gaaray arrintaas. Odayaasha labadii dhinac ee dhibaatadu kala gaartay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin nabadda islamarkaana duug kala qaatay. Odayaasha Labada dhinac ayaa sidoo kale ku ballamay shir lagu dhammaystirayo dib u heshiisiinta labada beelood. PUNTLAND POST The post Is af-garad hordhac ah oo laga gaaray shaqaaqooyin ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay maalmihii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay. Wasiirka Amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa sheegay in howl-galka dagaal ee maamulka Galmudug uu ku wajahan yahay afar degmo oo ka tirsan maamulkaasi oo ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab. “Galmudug waxay howl-galadeeda toos uga bilaabanayaan laba dhinac oo kala ah; deegaanadii uu hore maamulka gacanta ugu hayay amnigooda iyo dhinaca kale ee ciidamada HirShabelle kasoo socdaan,” ayuu yiri. “Inta uu socday dagaalka HirShabelle waxay Galmudug ku jirtay difaac oo waxay sugeysay in si wada-jir ah u galaan ayada iyo dowladda federaalka, oo waxa la yiri marka uu dagaalka (HirShabelle) dhamaado ayaa dhinaca kale la bilaabaya. Waa mida aan hadda u diyaar-garownay oo difaaci ayaa laga baxaya oo hore u socodkii ayaa la galaya.” Wasiir Gaboobe ayaa waxa kale oo uu meesha ka saaray in uu jiro isfaham la’aan soo kala dhex-gashay maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka oo ku aadan daahista howl-galada ka dhanka Al-Shabaab. “Galmudug waxay kaga sugan yihiin Al-Shabaab marka la isku cel-celiyo waa afar degmo, marka balac loo eego KM ahaan wey u gaaban tahay laakiin dherer ayey u dheer tahay.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-galada ka bilaabanaya Galmudug aysan noqon doonin sida midkii HirShabelle ee dhinacyo badan ay ka gali doonaan, islamarkaana uu ku soo afjarmi doono muddo kooban, sida uu sheegay. Hadalka Galmudug ayaa imaanaya xilli maalntii shalay dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegtay degmadii ugu dambeysay ee maamulka HirShabelle ka tirsan, taasi oo aheyd Ruun-nirgood. Halkan hoose ka dhageyso: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2022/12/03370000-0aff-0242-a837-08dae4ab5201_48k.mp3 The post Dhageyso: Galmudug oo ku dhawaaqday howlgal culus iyo 4 degmo oo la weerarayo appeared first on Caasimada Online.
-
Marwo Ilhaan Cumar oo safar ku joogta Puntland ayaa lagu wadaa in ay booqato degaanno ka baxsan caasimadda Garoowe. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa gelinka danbe ee maanta ku sii jeeda magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Qaban-qaabada soo dhaweynta Ilhaan ayaa ka socota Qardho halkaas oo la filayo in ay caawa ku hoyato. PUNTLAND POST The post Ilhaan Cumar oo booqanaysa degaanno ka baxsan Garoowe appeared first on Puntland Post.
