-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha dowladda, ayaa amray ay la xisaabtamaan shaqaalaha aan soo xaadirin goobaha shaqada Xamza ayaa sheegay in agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howl-wadeennada wasaaradda uu agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka. “Xukuumadda Dan-Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balan-qaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu tilmaamay ahmiyadda ay agaasimeyaasha guud u leeyihiin hawl-fulinta shaqada dowladda, isaga oo ku adkeeyay in shaqada la soo galo xilli hore, si bulshada loogu adeego xilliga ugu habboon. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina kula dardaarmay agaasimeyaasha inay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howl-wadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh shalay uu shaaciyey in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in shaqaalaha dowladda u qoran ay kaliya 30% soo shaqo galaan, taasi oo uu ku tilmaamay wax aad looga xumaado. Madaxweynaha, oo ka hadlay salaaddii Jimcaha kadib ee Masjidka madaxtooyada ayaa sheegay in dowladda federaalka ay u qoran yihiin 5,000 oo shaqaale, balse ay shaqada soo galaan kaliya 1,500, taasi oo lagu ogaaday nidaamka elektoronic ah ee qofka marka uu shaqada soo galo uu gacanta saaro. The post Xamza oo soo saaray amar culus kadib arrintii uu shalay shaaciyey madaxweynaha appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo gobalka Bakool ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax xooggan ka dhacay magaalada Qurac Joome, waxaana la soo warinaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro kala duwan. Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana gabi ahaanba burbur xooggan uu soo gaaray gaariga, sida ay muujinayaan muuqaallo laga soo duubay gaariga qarxay. Waxaa la soo wariyay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa, waxaana qaraxa uu ahaa mid miina ah oo lagu aasay dhulka. Illaa iyo hadda maamulka gobalka Bakool iyo kan Koonfur-galbeed weli kama aysan hadlin qaraxa ka dhacay magaalada Qurac Joome ee gobalka Bakool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Al-Qaacida oo shaacisay Muuqaal uu duubay hoggaamiyahoodii la aaminsanaa in la dilay, Ayman Al-Azawaahiri Al Qaacida ayaa sii deysay muqaal 35 daqiiqo ah oo ay kooxda sheegtay inuu duubay hogaamiyahooda Ayman al-Zawahiri, kaas oo la rumaysan yahay in lagu dilay weerar uu Maraykanku qaaday bishii Ogosto ee sannadkan 2022. Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Wakaaladda Wararka ee Rueters. Codka ma lahan wax taariikh ah, halka qoraalka kor saaran uusan si cad u tilmaamin wakhti saxda ee qoray. Zawahiri ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay dalka Afgaanistaan, taasoo ah dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaarta kooxda xagjirka ah tan iyo markii la dilay aasaasihii ururka Osama Bin Laden sanadkii 2011-kii. Zawahiri waxa uu dhuumaalaysi ku jiray sanado badan, hawlgalka lagu soo helay laguna dilayna waxa uu ka dhashay “taxaddar, dulqaad iyo joogtayn” oo ay sameeyeen bulshada la dagaalanka argagixisada, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Maraykanka. Al Qaacida ma aysan magacaabin cid bedeli doonta. Laakiin Saif al-Adel, oo ah sarkaalkii hore ee ciidamada gaarka ah ee Masar, xubin sarena ka ah Al Qaacida, ayay khubaradu u arkaan inuu yahay musharaxa ugu sarreeya. Siduu u dhacay dilkii Al-Zawahiri ee uu Mareykanka shaaciyay? Saraakiisha Mareykanka ayaa bishiii Ogosto ee sannadkan sheegay in Zawahiri uu taagnaa balakoonka ku yaalla guri amaan ah oo uu ku noolaa. Si lama filaan ah ayay diyaarad nooca uusan duuliyaha saarnayn ah – oo loo yaqaanno drone – ugu tuurtay labo gantaal. Wararka ayaa sheegaya gantaalka uu si toos ah ugu dhacay Zawahiri oo halkiisa taagan. Goobta waxaa ku sugnaa xubno kale oo ka tirsan qoyska Ayman Al-Zawahiri, balse qof kale waxba kuma noqon weerarka, hoggaamiyaha Al-Qaacida kaligiis ayaana ku dhintay halkaas, sida ay saraakiishu sheegeen. Amar uu bixiyay Joe Biden Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa xaqiijiyay in duqayn dhanka cirka ah oo ay Mareykanku fuliyeen lagu dilay hoggaamiyihii Al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri. Waxa uu sheegay in uu isagu fasaxay howlgalka oo Sabtidii ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan. Biden ayaa sheegay in Ayman al-Zawahiri uu si qota dheer ugu lug lahaa weerarradii Mareykanka laga fuliyay 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii, kuwaasoo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof. Madaxweynaha Mareyknaka ayaa intaas ku daray in dilka al-Zawahiri uu war fiican u yahay qoysaska dadkii lagu dilay weerarrada. Biden oo sanadkii hore ciidamada Mareykanka kasoo saaray Afghanistan ayaa ku adkaystay in waddankaas uusan waligiis mar dambe goob ammaan ah u noqon doonin kooxaha argagixisada. Dhanka kale, afhayeenka kooxda Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in Mareykanku uu duqayn diyaaradaha drones-ka loo adeegsaday ka fuliyay xaafadda Sherpur ee magaalada Kabul, oo ay meel shacabku daggan yihiin. Maxaad ka taqaanaa Ayman al-Zawahiri? Ayman Al-Zawahiri, oo u dhashay dalka Masar wuxuu gacan ka geystay dhismaha kooxaha Jihaad-doonka ah ee gudaha Masar. Waxaa lagu tilmaami jiray inuu gacanta midig u ahaa Cusaama Bin Laden, uuna wax badan ka abuuray fikradda uu ku dhisnaa ururka Al-Qaacida. Al-Zawahiri wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay iskuulka Heliopolis, kaddibna wuxuu ku biiray jaamacadda Qaahira oo uu ka bartay cilmiga dhakhtarnimada ee qalliinka guud. Ayman al-Zawahiri waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay qofka keenay fikraddii lagu aasaasay shabakadda Al-Qaacida. Waxa uu ahaa dhaqtar u dhashay waddanka Masar, markii dambena waxa uu ka mid noqday xubnaha sar sare ee kooxda Al-Qaacida, oo gacan-saar la leh ururro badan oo Islaamiyiin ah. Xabsi ayaa la dhigay 1980-meeyadii kaddib markii lagu helay dambi ku saabsan inuu ku lug lahaa koox mintidiin Islaamiyiin ah. Waddankiisa wuu ka tagay markii laga sii daayay xabsiga, waxa uuna durbadiiba ku biiray kooxaha xagjiriinta Jihaad-doonka ah ee caalamiga ah. Ugu dambayntii waxa uu saldhig ka dhigtay Afghanistan, waxa uuna ku biiray ciidan uu aasaasay taajirkii Sacuudiga u dhashay ee lagu magacaabi jiray Cusaama Bin Laadin, kaasoo ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Al-Qaacida. Iyagoo wadajir ah ayay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Mareykanka, waxayna abaabuleen weerarradii la fuliyay 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii. Toban sano ayay qaadatay in lagu guulaysto dabagalkii lagu sameeyay Cusaama Bin Laadin oo ugu dambayn ay Mareykanku dileen 2011-kii. Xilligaas wixii ka dambeeyay Al-Zawahiri ayaa hoggaanka u hayay Al-Qaacida, balse dhif ayay ahayd in uu muuqaal kasoo muuqdo ama sawirradiisa la helo. Marar kooban ayuu soo diri jiray farriimo ku socda arrimo khaas ah.Mareyanka ayaa dhimashadiisa u arka guul wayn oo usoo hoyatay, maadaama ay ciidamadooda Afghanistan kala soo baxeen saadkii lasoo dhaafay. Shaki kuma jiro in uu soo bixi doono hoggaamiye cusub oo ay yeelato Al-Qaacida, balse waxaa laga yaabaa inuu noqdo mid ka saamayn yar ninka uu baddalay. Qaran News
-
Xudur (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta lala eegtay gaari xamuul ah oo ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey magaalada Qurac Joome oo ka tirsan gobolka Bakool ee Soomaaliya. Qaraxa oo ah mid xoogan ayaa burburiyay gaariga oo ay socdeen dad badan oo shacab ah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Muuqaal laga soo duubay qaraxa ayaa muujinaya baabuurka oo gubtay, isla-markaana burburay, sidoo kalena laga soo saaray hilbaha qaar kamid aha dadkii dhintay. Sidoo kale waxaa gurmad u fidiyay shacabka ay waxyeelada soo gaartay dadka deegaanka oo ku baxay dhibaatada ka dhalatay qaraxaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta magaalada oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weerarada noocan oo kale ah ka fulisa waddooyinka isku xira gobollada Baay iyo Bakool, ayaga oo beegsada ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya. Si kastaba, ayaa waxaa maalmihii dambe aad u kordhay weerarada jidgalka ah ee ay fuliso, Al-Shabaab, sida qaraxyada, waxaana ugu dambeeyey miinadii lagu dilay AUN Cabdirashiid Axmed Cabdulle oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladd iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, taas oo todobaadkii hore lagula beegsaday duleedka Mahadaay ee Sh/Dhexe. The post Al-Shabab oo qarxisay gaari ay la socdeen dad shacab ah appeared first on Caasimada Online.
-
15 Wasiir haddii aanay soddon sanno ku diyaarin foreign policy document, maxaa Meesha la ga qabtaa? Oo haddaa maxaay qabtaan? 20 gii Bishan December, shabakadda Somaliland Chronicle waxa ay baahisay waraaq uu diyaariyay Cabdifataax Axmed Ileeye. Waa waraaq uu ku soo ururiyay natiijada baadhitaan uu ku sameeyay sida ay u shaqayso Wasaaradda Arimaha Debeddaa ee Somaliland. Cinwaanka waraaqda ayaa soo koobaaya nuxurkeeda – Wasted Three Decades for Seeking Somaliland’s Recognition: Critical Assessment on Somaliland Ministry of Foreign Affairs’ Institutional Mechanisms – Soddon sanno oo la khasaariyay dhinaca ictiraaf doonka: qiimayn xasaasi ah oo la gu sameeyay nidaam hawleedka xafiisyada Wasaaradda Khaarajiga Somaliland. Markii qoraaga warbixintani uu baadhista waday ayaan xagaagii sanadkan Hargeysa ku la kulmay, shaqo muhiim ah in uu wado na waa la socday. Runtii, qormadaas qofkii wax ogaa wax dheeraad ah baa u ga baxaaya, qofkii aan waxba ogayn na, waa baa ku beryaaya. Haa, waa baa ku beryaaya, waxaana ku soo degdegaysa su’aasha aan qoraalkan ku bilaabay – Oo haddaa maxay wasaaraddani soddon kaas sanno qabanaysay? Qormada waxa u gu muhiimsan qaybta saddexaad iyo ta afraad, waxaanu qoraagu kashifayaa in Wasaaraddu aanay lahayn, haba yaraatee, siyaasadihii iyo xeerarkii shaqadeeda hagi lahaa nooc ay ku yihiinba. Wuxu tilmaamayaa, oo aanan hore koleyba u ogayn, in Wasaaradda Khaarajiga ee SL ay 15 wasiir isaga dambeeyeen. Qormadu waxa ay sheegaysaa, oo waagii ii gu dambaysay sidii aan ku ogaa u taala, in Wasaaradda Khaarajigu aanay lahayn istraatijiyad loo raaco hagista siyaasadda arimaha debedda! Waxa uu sheegayaa wasaaraddu in aanay lahayn Sharciga Adeegyada Debedda (Foreign Service Law) iyo Sharciga qorista iyo hawlgelinta shaqaalaha iyo dublamaasiyiinta (Law on Employment of Diplomatic and Consular Personnel). Xataa wasaaraddu ma laha xeer waajibaadkeeda u sheega, waxayna ku dhisantahay uun faqradda 40aad ee Sharci 71, 2015, kaas oo ka la xadeeya shaqooyinka wasaaradaha. Faqradda Sharcigaas ee Wasaaraddu ku dhisantahay ma sheegaayo waajibka Wasaaradda, gaar ahaan waxa ictiraafka la gu sheego. Marka ay sidaas tahay, Meesha waxa imanaaya su’aalo badan. Horta istratijiyadahaas maxaa loo ga baahanyahay? Si kooban haddii loo sheego, inta uu iskuul u ga baahanyahay manhaj tacliineed (curriculum) in leeg ayay wasaarad kastaa u ga baahantahay istratijiyad ay u raacdo xaqiijinta yoolasheeda, waa se hadii ay yool leedahay! Markaa 15 wasiir hadii aanay soddon sanno ku diyaarin foreign policy document, maxaa Meesha la ga qabtaa? Geesta kale, ictiraafkii la sheegsheegi jiray ee haatan warkiisa la is ka dhigay, saw ma cadda in been iyo ciyaar ciyaar uu is ka ahaa? Geesta kale, malaayiinta miisaaniyadda ah ee wasaaraddan la gu bixiyo, ee hadba nin ordayaa shandadda ku qaato, maxaa loo gu magac bixiyaa? Waraaqdii miisaaniyadda Wasaaradda ee sanadkii hore, waxa ku jiray wakiillo Somaliland u jooga Yemen, Koonfurta Sudan iyo Sucuudiga oo kiro xafiis iyo mushaharooyin loo diro. Dabcan waa wax la gu qoslo, laakiin waa rajo umadeed oo halkaas iyo sidaas ku hagaastay. U gu dambayn, weydiinta micnaha leh ee halkan imanaysaa waxa ay tahay, soddon sanno dhaqanka sidan ahi ma ka aqoon iyo karti darraa, mise waa hagrasho iyo lugooyo qorshaysan? Labada ki ay noqotaaba ka kale wuu ka liitaa. Waxa loo baahanyahay in weydiimahaas iyo kuwo la jaad ah la is weydiiyo. Soddon sanno ka dib, waan is ka dhoofay, iyo waan is ka soo noqday, oo ictiraafkii na in yar buu soo jiraa jawaab ma noqon karto. Koley dadka intooda miyir qabta jawaab ma u noqon karto. Waxa Qoray Maxamed Haaruun Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo isaga oo xusay in sarkaal walba lagu xisaabtamidoono masuuliyaddiisa. Madaxweynaha oo kula dardaarmay Taliska guud, talisyada qeybaha iyo hoggaanada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dhowridda xeerarka iyo shuruucda ciidanka ayaa faray in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaallanka Maandooriyaha iyo Musuq-maasuqa oo uu tilmaamay in caqabad ku yihiin sugidda amniga dalka. “Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in ay ka hortagaan in askartu Maandooriye isticmaasho. Waa cadow hortaagan in askarigu waajibkiisa guto waana in aan la oggolaan in Ciidanka Booliiska uu ka mid noqdo qof Balwad isticmaala”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale faray Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed isaga oo xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtamidoono shaqada loo igmaday. Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xilshibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, saraakiisha iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh oo faray Booliiska in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaallanka maandooriyaha iyo nusuq-maasuqa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saddex ra’iisul wasaare hore oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas|), Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee Koonfur Galbeed gaar ahaan dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhaba. Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen afartaan siyaasi ayaa waxa ay ku baaqeen in laga shaqeeyo xasiloonida, ayaga oo ka dalbaday dhinacyada isku haya Koonfur Galbeed inay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro doodda taagan. “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan kuna qancaan in xalku yahay in Koofur Galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxdan Soomaaliyeed. Sidoo kale Sheekh Shariif, Cabdiweli Gaas, Cumar Cabdrashiid iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay qaadato doorkeeda ku aadan xaaladda K/Galbeed. “Waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtan muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxa sidoo kale ay intaasi ku dareen in dowladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay u turid iyo isku taasulid si looga baaqsado in dib loogu laabto dhibaatooyinkii horay u dhacay. Xaaladda Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe qasneyd ayaa isku beddashay gacan ka hadal, waxaana weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Baydhaba. The post Shariif iyo saddex ra’iisul wasaare hore oo war kasoo saaray dagaalkii Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Doonni kalluumeysi oo maalmo ka hor lagu waayay xeebaha gacanka Gardafuu ayaa laga helay xeebaha dalka Yemen. Wararku waxay sheegayaan in dhammaan dadkii saarnaa doonnida ay bed-qabaan islamarkaana la geeyay magaalada Cadan ee dalka Yemen. Doonnidan oo u raran muwaadin reer Puntland ah ayaa ka dhooftay xeebta degmada Caluula waxaana ay kalluun u wadday dhinaca Yemen. PUNTLAND POST The post Doonni lagu waayay xeebaha Puntland oo laga helay dalka Yemen appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Ilhan Cumar oo safar ku joogta Puntland ayaa maanta booqanaysa degaanka ay ka soo jeedo. Marwo Ilhan ayaa lagu wadaa in ay booqato degmada taariikhiga ah ee Bander-bayla oo dhacda xeebta badweynta Hindiya. Xildhibaanka ayaa xalay ku hoyatay magaalada Qardho halkaas oo loogu sameeyay soo dhawayn. Xildhibaan Ilhan oo ka tirsan Baarlamanka Maraykanka ayaa markii u horraysay Puntland timid tan iyo intii ay xilkan qabatay. PUNTLAND POST The post Ilhan Cumar oo maanta booqanaysa degmada ay ka soo jeedo ee Bander-bayla appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceelbacad oo hoos taga degmada Aadan-yabaal. Taliyaha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxdu ay saacadihii ugu dambeeyey isaga baxeen degaanka Ceelbacad, isla markaana looga daba tegay dhul-howd ah, halkaas oo aad loogu laayey. Jeneraal Biixi ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 67 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in howlgalku uu weli socdo oo khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu intaas ka badan yahay. “Dagaal aad u xoog badan ayaa halkaas ka dhacay dagaalkaas hadda waa qaboobay oo xabadii ma socoto ee ciidanka ayaa sifeyn wada, waxaan xaqiijinay oo dul istaagnay geerida 67 Shabaab ah, dhaawaca ayaa intaas ka sii badan, meydadka iyo qoryihii ayaan hadda isku uruurineynaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi. Taliyaha ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu kala aqoonsanayo meydadka saraakiishii hoggaamineysay Shabaab-ka la laayey, “Ceelbacad gacanta dowladda ayey ku jirtaa, waa khasab in madaxdii Al-Shabaab ay meydadkaan tirada badan ku jiraan, dib ayaan ka soo sheegi doonaa oo xaqiijin ayaan wadnaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Biixi. Sidoo kale taliyaha oo ka hadlay howlgalkii lagu xoreeyey degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in si nabad ay kula wareegeen gacan ku heynta degmadaas, isla markaana ciidankii xoreeyey ay sii eryanayaan firxadkooda. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Dhageyso: Al-Shabaab oo laga qabsaday degaan cusub, lagana dilay 70 xubnood appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya xog ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkii magaalada Baydhaba ka dhacay shalay ee u dhaxeeyey maamulka Koonfur Galbeed iyo mucaaradka. Ugu yaraan 10 qof oo 6 kamid ah ay shacab tahay ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhaba, kaas oo u dhaxeeyey ciidamo ka kala amar qaata Madaxweyne Laftagareen iyo musharax Maxamed Aadan Fargeeti. Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id qabtay ayaa caawa sheegay inay soo afjareen maleeshiyaad u dagaalamayey musharax Fargeeti, isla markaana ay degantahay xaaladda magaalada. Wasiirka ayaa ciidanka K/Galbeed ka leexiyey eedeyntii loo jeediyey ee ahayd inay weerareen guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, hadana ah musharax madaxweyne oo u taagan hoggaaminta K/Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti, isagoo sheegay in ciidanka musharaxaas ay rasaasta ku bilaabeen ciidanka amniga. Caawa waxaa degan xaaladda magaalada oo waxaa dib u furmay isku socodka bulshada magaalada, iyadoo dib loo helay isgaarsiinta magaalada Baydhaba oo saacado badan maqneyd. Dagaalkii ka dhacay Baydhaba oo soo bilowday saakay waaberigii ayaa socday mudo 8-sacadood ah, waxaana la xaqiijiyey geerida 10 qof oo shacab u badan, waxaana jira dhaawacyo kale. Ciidankii la weeraray ee ku sugnaa guriga uu Baydhaba ka degan yahay musharax Maxamed Aadan Fargeeti ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid ciidanka taabacsan Madaxweyne Laftagareen oo 8-saacadood kadib ka laabtay goobta. The post Xog: Khasaaraha dagaalkii ka dhacay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Islamabad (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Islamabad ee dalkaasi, kaas oo sare loogu qaadyo xiriirka heer Baarlamaan ee labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Pakistan. Waxaa heshiiskan wada gaaray guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Pakistan, Raja Pervez Ashraf iyo wafdi ka socday baarlamaanka Soomaaliya oo haatan ku sugan dalkaasi. Sidoo kale waxaa saxiixa heshiiskani goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo isna hadda booqasho ku jooga waddanka Pakistan, kaas oo boggaadiyey heshiiska ay gaareen labada Baarlamaan, si ay u yeeshaan xiriir dhow. Dhankiisa Raja Pervez Ashraf oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in kor u qaadista xiriirka Baarlamaanada labada dal ay faa’iido u leedahay labada dhinac. Afhayeenka Baarlamaanka Pakistan ayaa intaas kusii daray inay kala faa’ideysan karaan khibradaha iyo waayo-aragnimada, ayna is-dhaafsan karaan wax badan oo muhiim ah. Ujeedka heshiiiskan cusub ayaa muhiimaddiisa ayaa sidoo kale la xiriira sidii loo hormarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee ka dhexeeya Islamabad iyo Muqdisho. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay xoojinayey xiriirkiisa arrimaha dibadda, waxaana guddoonka uu booqasho ku tegay dalal dhowr ah oo u badan kuwa ku yaalla Qaaradda Yurub, si uu ula yeesho xiriir xoogan oo ku aadan dhanka wada shaqeynta. The post Soomaaliya iyo Pakistan oo heshiis saxiixday + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Uhuru Kenyatta Madaxweynihii hore ee dalka Kenya ayaa maanta u safraya dalka Itoobiya gaar ahaan gobalka dhaca waqooyiga dalkaas ee Tigrayga, halkaas oo uu ku tagayo kormeer iyo xaqiijinta dhaqan galka heshiiska nabadeed ee TPLF iyo dowladda Itoobiya. Socdaalka ayaa imaanaya kadib markii heshiis wadajir ah loogu fasaxay guddigaan in ay kormeeraan gobalka si loo xaqiijiyo in la fuliyay wixii lagu heshiiyay. “Dhammaantood waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in kooxda la socodka iyo hubinta ee Midowga Afrika ay si buuxda u helaan, aragti buuxda oo dhinac kasta ah, si loo hubiyo in dhammaan qodobbada lagu heshiiyay dhab ahaantii la fuliyo,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Labada dhinac ee TPLF iyo dowladda Itoobiya ayaa isku raacay in lasameeyo koox kormeerayaal ah oo xaqiijisa fulinta heshiiskii la gaaray, waxaana kooxdaas qayb ka ah Uhuru Kenyatta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ugu deeqday deeq Caafimaad si ay qayb uga noqoto dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab. Deeqdaan oo isugu jirta Hawo-meer iyo qalabka lagula socdo dhaqdhaqaaqa wadnaha, waxaana loogu gurmanaya dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii lagu qaaday wasaaradda waxbarashada dhamaadkii bishii 10-aad. “Jarmalka waxa uu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka lagula jiro argagixisada. Waxaan taageernaa ciidamada howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab iyo soo dhaweynta guulihii dhuleed ee ay ka gaareen maleeshiyo beeleedyada deegaanka la shaqaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ku deeqistayada hawo-mareenada iyo garaaca garaaca faraha oximeters la siinayo Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka qayb qaadan doona xoojinta waaxda caafimaadka Soomaaliya iyo gacan ka geystaan daryeelka dhibanayaasha weerarrada argagixisanimo ee fulaynimada ah ee al-Shabaab,” ayuu yiri danjiraha Jarmalka Soomaaliya, Mr Sebastian Groth. Jarmalka ayaa horay Soomaaliya u soo gaarsiiyay in ka badan 163,000 oo ah talaalka COVID-19-iyo 1.4 Milyan oo waji-xidhka. Ololaha tallaalka ee Soomaaliya. Jarmalku wuxuu ku tabarucay dhaqaale in ka badan 25% dhammaan deeqihi COVID-19 Tallaalka dalka oo dhan. Iyada oo ku darsantay 85.4 Milyan oo sanadka 2022 siiyay Soomaaliya, Jarmalku sidoo kale waa deeq-bixiyaha bini’aadantinimada ee labaad Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Puntland iyo xubno ka tirsan urur siyaasadeedka Dhalinyarada ayaa wada hadal hoose u socdaan si ururkaas loogu qanciyo doorashada. Xogo kala duwan ayaa sheegaya in wada-hadal labada dhinac uu yahay mid lagu qancinayo ururka in uu aqbalo doorashada. Lama oga in wada-hadalka socda uu wax ka beddel doono mawqifka urur siyaasadeedka Dhalinyarada ee dhinaca doorashada. Horseed iyo Mideeye ayaa sidoo kale kamid ah urur siyaasadeedyada aan weli aqbalin doorashada. PUNTLAND POST The post Wada-hadal u socda Xukuumadda Puntland iyo Urur siyaasadeedka Dhalinyarada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag kasoo saartay xiisada ka taagan xiriirka kubadda cagta, taasi oo la xiriirta doorashada guddoonka. Bayaan ka soo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa loogu digay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed “inay iska indho tiraan baaqyadii ka soo kala baxay wasaaradda iyo xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.” “Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS waxay xoojinaysaa baaqii ay soo saartay 11/12/2022 iyo midkii ka soo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ee ku saabsanaa inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.” Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda in shir fogaan arag ah oo ay yeesheen wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ay isla qireen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac qabsado iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed. “Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo u xilsaaran ilaalinta mabaad’ida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayaa ku dadaali in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.” Qoraalka Wasaaradda ayaa imanaya ayada oo uu si weyn usoo ifbaxay khilaaf xoogan u dhaxeeya guddiga doorashada guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah musharaxiinta guddoomiyaha. Kilaafka ayaa la sheegaya in uu salka ku hayo habsami u socodka doorashada, ayada oo baaqyo is-xigxiga ay soo kala saareen wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka iyo xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA. The post DF oo digniin kasoo saartay xiisada ka taagan xiriirka kubadda cagta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Maraykanka qaaradda Africa ee magacooda looyaqaano AFRICOM ayaa sheegay in ay duqayn ay ka fuliyeen Soomaaliya lagu dilay xubna ka tirsan ururka Al-shabaab. Duqaayntan ayuu Maraykanku sheegay in ay timid kadib markii ay codsadeen dowladda Soomaaliya, waxaana lagu dilay lix xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab. Hawlgalka ayaa laga fuliyay deegaan qiyaastii 248km waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho, waxaanaa sheegay in uusan jurin khasaaro soo gaaray dadka Shacabka ah. AFRICOM ayaa sheegtay in ay sii wadayso taageerada hawlgallada ay siiso ciidamada iyo dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Fargeeti oo ah musharaxa shalay la weeraray gurigiisa magaalada Baydhaba ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay wax u jiraan, isagoo sheegay in Baydhaba uusan joogin oo Xamar uu ku sugan yahay. Fargeeti oo la hadlay VOA ayaa sheegay in guriga la weeraray uu ahaa mid loo diyaariyey inuu isagu dego, markii lagu heshiiyo goorta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada K/Galbeed. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidankii taabacsanaa isaga ee gurigaas lagu weeraray ay markii dambe isaga carareen goobta, isla markaana ay guriga gudaha u galeen ciidanka K/Galbeed, isagoo ku eedeeyey inay alaabtii guriga taalay bililaqeysteen. Maxamed Aadan Fargeeti oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in dad dhaawac ah oo ciidankaas ay ugu tageen guriga la jir dilay oo horay ay u sii qaateen ciidanka K/Galbeed ee gurigiisa weeraray waaberigii gore ee saakay. “Guriga la weeraray waxaan u diyaarsaday ololaha doorashada, waxaana soo weeraray ciidanka ka socda K/Galbeed oo ay wehliyaan ciidan iyo saraakiil kale oo ka socda militeriga, booliska federaalka iyo NISA, hub aad u culus ayaa lagu soo weeraray gurigeyga,” ayuu yiri Fargeeti. Wuxuu sheegay in guriga aysan waxaba u oolin oo dad shacab ah ay deganaayeen, balse uu ahaa oo kaliya guri loo qorsheeyey inuu ka bilowdo ololihiisa doorashada, markii la kala cadeeyo goorta ay dhaceyso. “Maalmahaan maamulka Laftagareen waa hadal hayey in gurigaas ay weerari doonaan, baraha bulshada waxaad ku aragteen Taliyaha booliska gobolka Bay oo dhahaya sidii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan u weerareynaa oo waxa jooga gurigaas kabaha ayaan ku aaseynaa, marka fikirkaas ayey ka dhabeeyeen,” ayuu yiri Fargeeti. Maxamed Fargeeti ayaa sheegay in gurigaan uusan laheyn, balse uu sii ijaartay, maadaama la gaaray waqtigii doorashada “K/Galbeed afar sano wax caqli ah kama shaqeyn, Laftagareen wuxuu dhibsaday in la dhaho musharax ayaan ahay, in taas lagu dhiirado ayaa la noqotay wax uusan qaada Karin,” ayuu yiri Maxamed Aadan Fargeeti. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2022/12/022a0000-0aff-0242-07be-08dae50b369d_16k.mp3 The post Wareysi: FARGEETI oo xog cusub ka bixiyey weerarkii shalay agu qaaday gurigiisa appeared first on Caasimada Online.
