-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee shirka golaha wadatashiga qaran, kaas oo la filayo in saacadaha soo socdo uu ka furmo caasimadda. Kulankaan ayaa la filaya in looga hadlo dardar gelinta hawlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda qaar kamid ah gobalada dalka. Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka ayaa caasimadda qaarkood hadda ay soo gaareen halka kuwa kalena ay ku soo wajahan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA iyo kuwa booliiska sida gaarka ah u tababaran ee HARAMACAD ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen wadada xiriiriso magaalooyinka Muqdisho iyo Marko. Hawlgalka ayaa waxaa ciidamada ay ku burburiyeen fariisimo ay ururka al-shabaab ku lahaayeen deegaanada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaano hoos taga deegaanka Number 60. Ciidamada ayaa sheegay in ay sidoo kale ay burburiyeen maxkamado ay ururka ku lahaayeen deegaannadaas, kuwaas oo hadda ciidamada ay la wareegeen fariisimahoodii. Intii uu hawlgalka socday ayaa sidoo kale ciidamada ay ku guulaysteen in ay xiraan wadooyin ay al-shabaab ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirweynaha Qurba-joogta Puntland oo muddooyinkii danbe ka socday magaalada Garoowe ayaa xalay la soo geba-gabeeyay. Shirka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo ku saabsan arrimihii looga hadlay mudadii shirkaas socday. War-murtiyeedka ayaa soo jeediyay in wax laga qabto guud ahaan xarumaha iyo adeegyada caafimaadka Puntland. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda iyo Qurba-joogtu iska kaashadaan hirgelinta isbitaallo takhakhus oo looga maarmo caafimaadka dibaddda. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo laga hirgelinayo isbitaallo looga maarmo caafimaadka dibadda appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada howlgalka ATMIS iyo Al-Shabaab, kaas oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ay ku leeyihiin agagaarka Buunda weyn ee degmadaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu xigay dagaal toos ah, kaas oo sameeyay xaafadaha Haanta Dheer, Makoyga, ilaa Buunda weyn. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare, walow aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Afgooye oo ku aadan weerarkaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee la weeraray ayaa howlgallo ka bilaabay Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirta Muqdisho. Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro ay ku soo qaado kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobollada uu haatan ka socdo gulufka dagaal ee ay wado dowladda federaalka oo kaashaneysa dadka degaanka. The post ATMIS iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Afgooye appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (HOL) - U.S. congresswoman Ilhan Omar arrived in Mogadishu on Sunday to meet with Somali government authorities. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ee caasimada ee Soomaaliya uu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir. Shirka oo ah mid deg-deg ah oo uu iclaamiyay madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhacay Villada Soomaaliya, halkaas oo ay ka socoto qaban-qaabadii u dambeysay. Inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa haatan ku sugan caasimada, sida madaxweynaha HirShabelle, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, madaxweynaha Galmudug iyo madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland oo hadda maqan uu shirka uu uga qayb-geli doono aaladda Zoomka, sida marar badan oo horay u dhacday. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimo ay kamid yihiin, amniga, dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka iyo qeybsiga kheyraadka dalka iyo arrimaha gurmada Abaaraha ee dalka. Dood kale ayaa hadda taagan, taas oo la xiriirta muddo kororsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Baydhabo uu ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gareen, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi. Soomaaliya ayaa haatan ku jiro marxlad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana usii dheer xaalado siyaasadeed oo kacsan iyo sidoo kale abaaro baahasna oo weli ka jira dalka. The post Shirka Golaha Wadatashiga oo maanta furmayo – Maxaa laga wadahadlayaa? appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI — Kenya's former president, Uhuru Kenyatta, will travel to Ethiopia's Tigray region to oversee monitoring of last month’s peace deal. Ethiopian federal and Tigray region officials agreed late Thursday at talks in Nairobi to grant the African Union full access to the region to oversee an end to the two-year conflict. Source: Hiiraan Online
-
Fourteen Iranian fishermen seized by the Al-Shabaab militant group in Somalia, some as long as eight years ago, have returned home, news outlets in the Islamic republic said Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Somalia had been calm and focused on Al-Shabaab militants until December 18 when an old problem re-emerged: When does a term of federal state president actually start and end? A common problem in all of Somalia’s federal states, this time it befell on South West state, one of the regions where al Shabaab is most endemic to in Somalia with blockaded roads and infiltrated sectors. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyneyaasha & Muslimiinta kale ee dunida ugu saameynta badan? Machadka Royal Al-Bayat ee Fikirka Islaamka ee Jordan ayaa shaaca ka qaaday liiska 500 oo qof oo Musilimiin ah oo saameyn ku leh daafaha caalamka. laba qeyb ayaa loo kala saaray. 1. Hoggaamiyaasha iyo Siyaasiyiinta 2.Aqoonyahannada iyo culimada Dadkan ayaa saameyn ku leh arrimaha bulshada, warbaahinta, sayniska, farshaxanka, dhaqanka iyo ciyaaraha. Liiska ayaa waxaa qaybta kowaad kaga jira Boqoka Sacuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis, hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiran Ayatollah Cali Khamenei, ayaa qaybta labada ku jira halka Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, uu yahay qofka saddexaad. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna ah qofka afaraad, madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa ku jira lambarka sideedaad ee liiskaan. Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa nambarka tobnaad ah, Joko Widodo, madaxweynaha Indonesia, oo ah dalka ugu Muslimiinta badan caalamka ayaa ah qofka 15-naad ee dadka ugu saameynta badan caalamka. Liiska ayaa lagu sheegay sidoo klae dad kale oo ay ku jirto haweenayda madaxweynaha ka ah dalka Tanzaaniya Samiya Suluhu Xassan oo ah lambarka 38. Saamiya Suluhu Xasan, madaxweynaha Tanzaniya Samiya Suluhu Xasan waa madaxweynaha dalka Tanzaniya, waxayna xilka qabatay kadib markii uu geeriyooday madaxweynihii iyada ka horeeyay John Magufuli bishii Maarso sanadkii 2021-ka. Waxay noqotay qofkii ugu horeyay ee dumar ah oo taariikhada qabta xafiiska ugu sareeya dalkaas. Sidoo kale waa madaxweynihii labaad ee ka soo jeeda Zanzibar. Cali Xasan oo isna ka soo jeeday Zanzibar ayaa xilkaan ugu horeyay Samiya wuxuuna dalka hoggaaminayay muddo 10 sano ah lag asoo bilaabo 985-tii ilaa1995-tii. Muhammadu Buhari madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari wuxuu xilka madaxtinimada ku guuleystay markiisii labaad bishii febaraayo sanadkii 2019, wuxuuna xilligaa murashixii la tartmayay kaga guuleystay in ka badan saddex milyan oo cod. Liiska la soo saaray ayuu kaga jiraa Lambarka 17. Inta uu xilka hayo wuxuu qaaday tallaabooyin uu kula dagaallamayo musuq-maasuqa iyo wax isdaba-marinta. Madaxweyne Buhari waxa uu u tartamay doorashadii madaxtinimo ee 2003, 2007 iyo 2011, isaga oo noqday musharraxa mucaaradka ugu weyn, iyadoo dhamaan tartamadaasi ay ku dhamaadeen guul-darro, ka hor intii aanu guulaysan 2015-kii. Muslimiinta ku nool woqooyiga Nigeria waxa ay u arkaan nin aad u neceb laakiin waxa uu ixtiraam ka haystaa qaranka sababtoo ah mawqifkiisa musuqmaasuqa. Maxamed Saalax Maxamed Salah waa cayaaryahan u dhashay dalka Masar oo heer caalamiya waana cayaaryahan caan ka ah dunida kubadda cagta, wuxuuna liiskan ka galay lambarka 39-aad.Wuxuu dhashay 15-ka bishii Juu,1992-dii. Saalax ayaa xirfadiisa kubadda cagta ka soo bilaabay horyaalka Masar sanadkii 2010 ka hor inta uusan u dhaqaaqin Switzerland, England, Italy ka dibna dib ugu soo laabtay England. Saalax ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu guulaha badnaa xirfadiisa ciyaareed ku qaatay kooxda Liverpool 2017/18. Wuxuu ku guuleystay abaal-marinno badan.Waxa uu sidoo kale ka caawiyay Masar inay u soo baxdo Koobka Adduunka. 1: Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Ururka RABIIT ayaa Boqor Salmaan ku daray liiska Muslimiinta ugu saamaynta badan caalamka.Boqor Salmaan waa boqorkii toddobaad ee Sacuudi Carabiya, wuxuu xukunka qabtay Janaayo 2015. Ururka RABIIT ayaa qoray in Boqor Salmaan uu saameyn weyn ku leeyahay dalalka Carabta. Maka iyo Madiina waa labo magaalo oo barakeysan kuna yaalla Sacuudiga, halkaasoo malaayiin Muslimiin ah ay booqdaan sanad walba si ay u soo gutaan waajibaadka xajka. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale kaalin weyn ku leh adduunka dhanka sahaminta shidaalka. 2: Ayatollah Cali Khameyni Ayatollah Cali Khameyni waa lambarka labaad ee liiskan.Khameyni waa hogaamiyaha ugu sareeya ee Iran.Ayatollah Khamenei waa shaqsigii labaad ee ilaa hadda loo doorto xilkan. 4: Recep Tayyip Erdogan Recep Tayyip Erdogan wuxuu ahaa madaxweynaha Turkiga 11 sano. Erdogan ayaa ku guuleystay doorashooyinkii 2002, 2007 iyo 2011 isagoo helay codad aqlabiyad ah. Erdogan ayaa madaxweyne loo doortay sanadkii 2014-kii. 2018, wuxuu sidoo kale mar labaad noqday madaxweyne. 1994-tii ayuu Erdogan noqday duqii ugu horeeyay ee Muslim ah oo muxaafid ah.Ka dib markii uu noqday ra’iisul wasaaraha Turkiga markii ugu horeysay 2002, Erdogan wuxuu ku yiri wareysi uu siiyay New York Times, “Waxaan ahay Muslim ka hor wax kasta. Muslim ahaan, waxaan raacayaa diintayda. Qaran News
-
Cadaado (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa shalay xabsiga dhigay odayaal ka tirsan beesha Reer Xaaji Saleebaan oo saaka saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaasi oo kasoo laabtay deegaannada ay weli maamulaan Al-Shabaab. Odayaasha la xiray ayaa qirtay inay heshiis lasoo galeen kooxda Al-Shabaab, laba maalin kadib markii kooxda ay soo saartay bayaan faah-faahinaya qodobada heshiiska. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Odayaashan ayaa waxa xarigooda qeyb ka ah eedeyn culus oo ay usoo jeediyeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan oo dhawaan iska fogeeyay heshiiska ay la galeen odayaashan kooxda. Marka laga imaado odayaashan inay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab waxay beesha sheegtay inay kamid yihiin odayaal horey ugu biiray kooxda Al-Shabaab. Waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan ayaa ayagu waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska la sheegay in kooxda ay la gashay beesha oo degta Galmudug, kaasi oo ay ku saxiixan yihiin odayaasha la xiray. Odayaashan oo warbaahinta la hadlay ayaa qirtay qeyb kamid ah heshiiska oo aheyd in Shabaab ay sii dayso illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen iyo sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan. Shabaab oo hore u baahisay heshiiska ay odayaashan kula gashay magaca beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa waxa ku qorna inay ku heshiiyeen odayaasha beesha inay ka hortimaado gulufka dagaal ee socda, kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka. Odayaasha la xiray ayaa waxa loo gudbinayaa magaalada Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo, sida uu sheegay taliyaha qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo warbaahinta la hadlay. Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sidoo kale sheegay in odayaashan ay yihiin dambiilayaal, ayada oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono wariyayaashi wareysiga ka qaaday. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa. The post Sababta rasmiga ah ee loo xiray odayaasha Saleebaan ee lasoo heshiiyey Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya kuwa dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta oo isniin ah la filayaa in uu shir uga furmo magaalada Muqdisho. Shirkan oo daba socda shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran waxaa inta badan diiradda lagu saari doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka. Shirkan ayaa soo aadaya, iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta muddo kordhinta hal sano ah ee madaxweyne Laftagareen oo diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed. Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee la magac-baxay (Midowga Musharaxiinta) ayaa 23 bishan ka digay in Madaxweyne Laftagareen ka qaybgalo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, iyagoo ku eedeeyay in uu shacab ku xasuuqay Baydhabo. PUNTLAND POST The post Madaxda Soomaaliya oo ku shiraya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Marka (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab kusii fidinaya gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii kooxda laga qabsaday dhammaan degmooyinka gobolka deriska la ah ee Shabeellaha Dhexe. Ciidanka ayaa maanta fuliyey howlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka gaarka ah ee NISA iyo booliska Haramcad, kaas oo lagu sifaynayay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marka. Sida lagu sheegay qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda, howlgallada ayey ciidamadu ku burburiyeen xarumo qarsoodi ahaa oo khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaano hoos taga Number 60, kuwaasi oo u ahaa maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka ku baadaan marka ay ugu yeertaan. “Intii howlgalka uu socday sidoo kale ciidamadu waxay xireen wadooyin Khawaarijtu ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa ay ku xiraan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumesan in haddii Al-Shabaab laga sifeeyo gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ay wax weyn ka qaban karto amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Inta badan qaraxyada ka dhaca Muqdisho ayaa lagu soo diyaariyaa gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa sidoo kale gobolkan ku yaalla maxkamadaha kooxda Al-Shabaab ay ugu yeerto shacabka Muqdisho ee diida lacagta canshuurta baadda ah ee laga qaado iyo amarrada kale ee kooxda. Haddii gobolkan laga wada saaro kooxda, islamarkaana la xaqiijiyo amniga Muqdisho, waxaa billaaban doonta inay diidaan canshuurta, taasi oo dhaqaale ahaan kooxda wiiqi doonta, ugu dambeynna keeni doonta in laga adkaado. The post Sawirro: Howlgalka Al-Shabaab oo ku fiday Sh/Hoose – Maxaa dhacay maanta? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Aadam Gaboobe ayaa faahfaahin ka bixiyay odaayaal maanta lagu xiray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Wasiirka ayaa sheegay in odayaasha ay maxkamadey doonaan, “Waxay doonayeen inay dadkeenna niyad jebiyaan, taasna deegaankaan kama shaqeyneyso,” ayuu yiri wasiir Gaboose. Sidoo kale Wasiir ayaa u goodiyey dhamaan dadkii kale ee odayaashaan garabsiiyey, sida weriyaashii wareystay iyo ragii dhanka gaadiidka ka taageeray. “Odayaashaan wax dhib ah kalama aysan kulmeyn Al-Shabaab oo deegaano nabad ah ayey joogeen, ayaga ayaana aaday Al-Shabaab, markii ay baxeen waxaan cadeynay in sharciga aan marsii doono, hadda markii ay soo laabteena ayagaaba warbaahinta la hadlay, waana soo qabanay,” ayuu yiri. Wasiirka oo wareysigaan siiyey idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa la weydiiyey sida uu howlgallada ka socda Galmudug u saameyn doono heshiiska ay odayaashaan lasoo galeen Al-Shabaab. Wuxuuna ku jawaabay, “Oday aan cidina dirsan Galmudug ma metelo, waa marin habaabin wixii aad aragteen ee heshiis lama dhihi karo, cid kasta oo marin habaabintaas ka qeyb qaadatana waxaan hor gey doonaa sharciga.” Dhanka howlagallada wuxuu sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan guluf dagaal oo xoog leh, kadib markii Al-Shabaab looga soo adkaaday HirShabeelle. “Galmudug, maalmo kooban ayaa lagu soo afjarayaa Shabaab-ka jooga, mar hadii laga soo go’doomiyey dhanka HirShabeelle oo laga soo wada xoreeyey, maalmaha soo socda ayaan duulaan culus ku qaadi doonaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Galmudug oo ka warbixiysay xarigga odayaashii lasoo heshiiyey Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
