-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu dhacay Liisaankii xisbinimo ee labada xisbi mucaarid iyo xisbul xaakimka, taasi oo ah guul usoo hoyatay madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday ee Muuse Buuxi Cabdi. War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa waxa lagu sheegay in sharciyadii xisbinimo ee xisbiyada Waddani, Ucid iyo Kulmiye ay maanta ku egtahay, wixii ka dambeeyana laga rabo in saddexda xisbi ay raacaan sharciyadaha xiga. “Waxaanu halkan si rasmi ah idinku war-galinaynaa, in mudadii dhaqan-galka saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani ay ku egtahay maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, sida darteed waxaanu idin ogaysiinaynaa in aad fulisaan, ilaalisaana dhamaan waajibaadka ka dhalanaya dhamaadka mudada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Saddexda xisbi ee maanta guddidu sheegtay in uu ka dhacay liisankii sharci ee xisbinimo, ayaa kusoo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah. Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa la rumeysan yahay in uu gadaal ka riixayo madaxweyne Muuse Biixi oo sida la sheegay gacanta ku haya xubnaha guddigaan, kaasi oo khilaafka doorashooyinka kala dhaxeeyay xisbiyada mucaaridka ee Waddani iyo Ucid. Fallan-qeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in Biixi uu xisbigiisa Kulmiye ugu soo daray qoraalka si uu sharciyad uga dhigo arrinkaan, si ugu yaraan uu meesha uga baxo guuxa siyaasadeed iyo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta uu sameeystay. Mucaaridka ayaa hore ugu dhawaaqay inay qaadi doonaan tallaabooyin ka dhan ah muddo kororsiga Muuse Biixi, taasi oo ay ugu dambeysay isku-daygii fashilmay ee 13-kii bishii hore, markaas oo uu ku eeka muddo xileedka sharciga ah ee madaxweynaha. The post Madaxweyne Muuse Biixi ‘oo dharbaaxo siyaasadeed’ ku dhuftay mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
Malaayiin qof ku kala nool waddaamda Mareykanka iyo Canada ayaa ku xayiran guryahooda xilli qabow aad u daran iyo dabeylo baraf wata ay u dhinteen illaa iyo dhowr iyo soddon qof. In ka badan 60% guud ahaan dadka Mareykanka ayaa waajahaya digniino dhinaca cimilada ah iyadoo 175 kun oo qof ay waajahayaan koronto la’aan. Ciidaammada ilaalada qaranka Mareykanka ayaa loo daabulay gobolka New York, halkaa oo ay mas’uuliyiintu la tacaalayaan dhibaatadan taagan. Kummanaan duulimaadyo ah ayaa sidoo kale la xayiray, taasi oo sababtay in dad badan u suuragelin inay la dabaal dagaan qoysaskooda. Source
-
W/Q Xamse Khayre Xoghayaha Ganacsiga Xisbiga WADDANI Su’aal, Afeef & Duco Mar labaad maanta waxaa dhacay liisanka Xisbiga madaxwaynihii hore waqtigiisu dhamaaday. Taariikhda SL iyo ta dunida oo dhan waa markii u horaysay ee MW waqtigiisu dhamaaday isla markaana Xisbigiisii liisanku ka dhacay ay muddo kordhin aan sharciga waafaqsanayn ay u samaysay Guurti waqtigeedu dhacay. Haddaba yaa ii sheegaya sharciyada Muuse Biixi Kursiga ku fadhiya ee aan ahayn inuu yahay nin HAASHIMI ah oo laandheere ah ? Taasina waxay ku eg tahay inta Haashimi kale ama Kushiti kale oo laandheere ah dulqaadku ka dhamaanaynayo?.Shan sanno ayaynu ku gaadhnay halkii aynu ka nimi 1991-kii (time travel) taasina waa midda ugu wayn waxqabadka MW hore. Waxaan taariikhda burburka qaramada ka bartay in kala-daadashada qaran ka dambayso dumista qaran. Waynu taagan nahay maaha waynu dhisan nahay. Waynu soconaana maaha waynu nool nahay. Soomaliya 1969-kii ayay duntay laakiin waxay kala-daatay 1991-kii. Waxaynu Alle (swt) ka rejaynayaa in caqligu inagu soo noqdo oo uu ina samata bixiyo fursad labaadna aynu ina siiyo 18 May 2023. Ugu dambayntii waxaan halkan ka hambalyeynayaa Gudoomiyaha Guddida Duminta Ummadda SL (GDUSL) sida wacan ee isaga iyo guddidiisu u wadaan hawshii loo igmaday. Allaa Mahad leh Xamse C. Khayre Waxa qoray Hamse Khaire Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dibad-bax looga soo horjeedo muddo kororsiga madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Dibad-baxayaasha oo watay boorar ay ku xardhan yihiin ereyo ka dhan ah Lafta-gareen iyo sawirradiisa ayaa waxa iskugu yimaadeen isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ka dalbaday madaxweynaha in uu qabto doorasho, xili ay dhawaan Baydhabo ka dhaceen rabshado salka ku haya damaca Lafta-gareen. Dibad-baxa ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo aadayaa ayada oo maanta caasimadda uu ka furmay shirka afaraad ee Golaha Wada-tashiga Qaranka, kaasi oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha JFS Xasan Sheekh, qeybna ka ahaayeen madaxda dolwad-gobaleedyada, ra’iisul wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Lafta-gareen oo ku sugan Muqdisho ayaa wajahaya dhaq-dhaqaaqyo culus oo looga soo horjeedo muddo kororsigiisa halka sano, ayada oo xildhibaanada maamulkiisa ay dalbadeen in uusan ka qeyb-galin shirkaan. Madaxda ku shirsan Muqdisho ayaa lagu wadaa inay ka wada-hadlaan xiisada ka dhalatay muddo kororsiga Lafta-gareen iyo dagaalkii dhawaan ka dhacay Baydhabo, kaasi oo dowladda federaalka ay dhawaan kasoo saartay baaq nabadeed. Dowladda federaalka ayaa hore uga dalbatay dhinacyada isku haya maamulkaas inay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, ayada oo looga digay daadinta dhiiga shacabka. Siyaasiyiinta mucaaridka iyo dhinacyada kale ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen ayaa wada qorshe culeys lagu saarayo Lafta-gareen inta uu ku sugan yahay Muqdisho, waxaana lagu wadaa in Lafta-gareen lagu qabso in uu mucaaridka u furo Baydhabo oo xiligaan uu kaligiis isku soo koobay. The post Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Koonfur Galbeed iyo dibadbax maanta ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
-
President Hassan Sheikh Mohamud meets with leaders of Federal Member States and Banadir Governor in Mogadishu Mogadishu (Commentary) — The Consultative Forum Summit being presided over by Somalia President Hassan Sheikh Mohamud kicked off in Mogadishu earlier today. A key agenda in the summit is the term extension for Jubaland and South West State Presidents. The Jubaland term extension did not result in opposition similar to the one occasioned by the South West State Parliament. Jubaland President Ahmed Mohamed was an ally of Somalia President against the term extension for the former Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed. Villa Somalia did not explicitly manage to foment opposition to term extension for Jubaland presidency, but NISA Director Mohad Salad paid a visit to Gedo to re-establish ties with Gedo region administration opposed to Jubaland leadership, a move interpreted by one analyst as “an attempt to breathe life into Juba Valley Alliance that once controlled Kismayo.” President Mohamud cannot table the South West State term extension as an agenda to be discussed without equally mentioning the Jubaland precedent. The possible option for Villa Somalia is to turn a blind a eye to Jubaland and South West State term extensions in line with the “non-interference” policies he advocated as an opposition politician between 2019 and 2022, and shortly after President Abdiaziz Laftagareeen was elected the President of South West State. Galmudug President Ahmed Abdi Kariye had his term of office extended earlier this year. President Mohamud seeks to capitalize on the war on Al-shabaab and the mobilization of his clan’s militias to expand the writ of the federal government by introducing martial law in areas once controlled by Al-shabaab. Without a deal with South West State , the plan to stabilize Lower Shabelle, a region prized by armed powerful militias allied with the government, will face formidable setbacks. The other option for President Mohamud is to persuade the South West opposition group led by Sharif Hassan, the former President of the South West State, to accept the term extension and prepare for elections. President Mohamud backed the 2019 Jubaland elections organized by Jubaland election body and criticized the federal government “interference”. He will find it hard to argue for a role for the federal government in elections at Federal Member States. The post Villa Somalia Seeks Consensus on Term Extensions for Jubaland and South West State Presidents appeared first on Puntland Post.
-
Diyaaraddo Joog Ku duulaya Caawa Nuskii Danbe Caasimadda Hargeisa dulmarayey. Guuxooda muu aheyn mid aan la maqleyn. Wuu cuslaa. Source Diplomatic Enclave Ku darso Muwaadin waxaan jooga Copenhage. Waxey ii xasuusiyeen sheekadan. Xogogalnimadda dowladdnimadda aan inyar idinka qadhiidho. Madaxweyne Dahir Rayaale iyo Taliyihii Policeka Sheeko Dhex martey. Madaxweyne Rayaala ku yidhi. Janankii Police Sanqadhi Dubadd AHN…. Habeen habeenadda ka midda. Amniga dal ka waran. Markaasu yidhi madaxweyne 6 gobol ee dalka waan la hadley 30 daqiiqadood ee u danbeyey. Markaa amniga dalku wuu sugan yahey. Markaasu yidhi…. Taliye Amniga Caasimadda ka waran. Markaasu yidhi waan dhexjooga isna wuu sugan yahey. Intuu qosley…kkkkk buu yidhi Waxu weydiiyey, Suaal Kale. Generale xagaad joogta…markaasu yidhi Dunqul. Waxu ugu jawaabey, GEN…Askriga Bileyska ee Meydkiisu Masala lagu diley soo qaado…..nabadey…. Markaasu GEN Sanqadhi isago argagaxsan yidhi Madaxweyne Xagaad joogta…. Taliye….Madaxtoyadii Qaranka ee nabadey ee Waajibka guddo. GEN Sanqadhi baa is yidhi…tollow…..Ma aroortu ku eryaayaa….Subaxdii buu yeedho waxu ku yidhi. Waad dedaaleysa…… Xogta qaranka u dhugyeelo. Dalka oo dhan. Ha isku haleyn…..adoo caasimadda qaranka in aaney waxba ka dhaceyn. Adoo isleh goboladda dalka xooga saar. Dowladdnimaddu waa taas. Mahaa xisbiga kulmiye xafladd qabtey. Waxey ku dhisan tahey. Qaran wadda shaqeyneynaya oo madaxweynahii dalku Genenkisii jirabayo isagoon shaqadda ka eryeyn. Balse u sheegayay inuu isagu ka war roon yahey. Amniga caasimadda. General Sandhaqina ku ixtiramaya nin ka weyn oo waayo arag. Balse dhacadadda aan la socon. Kumu eryin. Balse GEN Sanqadhi waxey u noqotey dhiiri galin. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa markii u horeysay ka hadlay xariga odayaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan, kuwaasi oo dhawaan heshiis lasoo saxiixday kooxda. Cali Dheere ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay ciidamada ula dhaqmeen odayaashaasi, oo markii ay xirayeen inta indhaha ka xireen gaadiid Cabdi Bile ah dusha ka saareen ayna u diideen in xitaa kursi ku fariisiyaan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu beeniyay in odayaashaasi ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, sida ay hore ugu eedeyeen waxgaradka iyo cuqaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan oo ayagu ka horyimid heshiiska ay odayaashan lasoo galeen Al-Shabaab. “Odayaasha markii ay ku laabteen degaanadooda runtii waxay kala kulmeen duulaan cadowga oo ula dhaqmeen si aad u foolxun. Waxaan rabna in aan uga tacsiyadeyno odayaasha dhibaatada gaartay ayaga oo tolkooda iyo ehelkooda nabad u raadinaya,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Nimankaan odayaasha ah ee reer Xaaji Saleebaan ma aheyn saraakiil Shabaab ah ama odayaal Shabaab ee waxay ku magacaaban yihiin Nabadoon waxay soo dooneen nabad ay tolkood u raadiyeen, haddii ay fuliyeen mansabkii ay ku magacownaayeen in lagu dhibaateeyo waa uga tacsiyadeynayna.” Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay heshiiska ay odayaasha la xiray la saxiixdeen kooxda, kaasi oo uu sheegay in meesha looga saarayay colaad ay dowladda ka dhax abuurtay beesha reer Xaaji Saleebaan iyo Al-Shabaab. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay sidiisa u fulin doonto heshiiskii ay dhawaan la saxiixdeen odayaasha beesha reer Xaaji Saleebaan, kuwaasi oo shalay lagu xiray magaalada Cadaado. Odayaasha la xiray ayaa waxa loo gudbinayaa magaalada Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo, sida uu sheegay taliyaha qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo maanta warbaahinta la hadlay. Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sidoo kale sheegay in odayaashan ay yihiin dambiilayaal, ayada oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono wariyayaashi maanta wareysiga ka qaaday. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa. The post Cali Dheere oo war kasoo saaray heshiiska odayaasha Saleebaan iyo xarigooda appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirkii 4-aad ee yeeshaan Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir tan iyo intii uu xilka hayay Masaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaluya ayaa lagu sheegay in shirkan madaxdu ku odorayso federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo la xusay in ay qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Shirkan ayaa soo aadaya, iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta muddo kordhinta hal sano ah ee madaxweyne Laftagareen oo diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed. Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee la magac-baxay (Midowga Musharaxiinta) ayaa 23 bishan ka digay in Madaxweyne Laftagareen ka qaybgalo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, iyagoo ku eedeeyay in uu shacab ku xasuuqay Baydhabo. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay ajandaha shirka Muqdisho uga furmay Madaxda Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
Taiwan oo ku waa bariisatay diyaaradaha & maraakiibta dagaalka Shiinaha oo hareereeyay Taiwan ayaa sheegtay in ay aragtay 70 iyo kow diyaaradood iyo 7 markab oo kuwa dagaalka oo Shiinaha laga leeyahay oo ku hareeraysan jasiiradda. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kani uu yahay mid ka mid ah duullaannadii ugu weynaa ee uu Shiinaha soo maleego. Waxa ay sidoo kale Taiwan sheegtay in lixdan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah la arkay, iyada oo intaa ku dartay in afartan iyo saddex diyaaradood oo qaada ciidamada cirka oo Shiinaha laga leeyahay ay ka gudbeen khadka dhexe ee gacanka Taiwan muddo afar iyo labaatan saacadood gudohood ah. Milateriga Shiinaha ayaa sheegay inay dhoollatusyo ka sameynayaan agagaarka Taiwan si ay uga jawaabaan waxa ay ugu yeereen daandaansiga Mareykanka iyo Taipei. Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay sharciga kharashka difaaca ee oggolaanaya ilaa toban bilyan oo doollar oo gargaar amni ah iyo soo iibsashada hubka ee Taiwan. Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaartay, xilli xukuumadda Taipei ay ka walaacsan tahay “daandaansiga uga imanaya dhanka Beijing”. Xaaladda oo aan markii horeba hagaagsaneyn waxay cirka isku sii shareertay markii ay Nancy Pelosi booqatay Taiwan taas oo uu Shiinaha aad uga carooday. Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Shiinaha, booqashadii Nancy Pelosi ayaa noqotay mid khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida marin-biyoodka Taiwan. Hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa mar sii horreysay sheegay inay qasab tahay in dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Taiwan. Wuxuu tilmaamay in yoolkaas ay doonayaan inay ku gaaraan si nabad ah, balse shacabka Shiinaha ay can ku yihiin diidmada “kala qeybinta”. Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa in uu yahay dhul dalkiisa ka mid ah oo isku dayaya inuu go’o. Booqashada saraakiisha Mareykanka ee Taiwan wuxuu u arkaa in ay ka dhigan tahay mid muujinaysa taageerada madaxbannaanida jasiiradaas. Hase yeeshee, Taiwan waxay leedahay dowlad-dimuqraadi ah oo u gaar ah, waxayna diiday sheegashada Shiinaha, iyadoo sheegtay in dadka kaliya ay go’aan ka gaari karaan mustaqbalka jasiiradda. Muxuu yahay yoolka Shiinaha? Xi Jinping oo ka hadlayay sanad guuradii 110-aad ee ka soo wareegtay markii la afgembiyay boqortooyaddii u dambeysay Shiinaha, ayaa sheegay in la midoobidda Taiwan ay noqon doonto mid si nabad ah ku dhacda, ayna dan u tahay shacabka labada dhinac. “Hawsha taariikhiga ah ee lagu soo gebagabeynayo dib u mideynta dhulkeena ayaa u baahan in la dhamaystiro,” ayuu yiri Madaxweyne Xi. Khubarada ayaa rumaysan in xukuumadda Beijing ay dhinacyo badan ka beegsan karto Taiwan, gaar ahaan nidaamka dhaqaalaha iyo kaabayaasheeda. Sidoo kale maraakiibta Shiinaha ayaa go’doomin dhinaca badda ah ku sameyn kara Taiwan, taasoo dhalin karta in jasiiradda ay wajahdo cunno iyo shidaal la’aan. Waxaa se laga siman yahay aragtida ah in weerar toos ah oo uu Shiinaha ku qaado Taiwan ay ka dhalan karto musiibbo ballaaran, maadaama labada dhinacba ay si weyn u hubaysan yihiin. Muxuu salka ku hayaa khilaafka Shiinaha iyo Taiwan? Taiwan waxay 180 kiilo mitir u jirtaa Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha. Labada dhinac oo af iyo awoowe-wadaag ah waxaa ka dhaxeysa cadowtooyo salka ku haysa nidaamka siyaasadeed. Dhinac ka mid ah marin-biyoodka kala qeybiya waa dowladda Beijing oo hoggaanka u haysa nidaam shuuci ah oo dadka uu xukumo ay gaarayaan 1.3 bilyan oo qof, kuwaas oo hal xisbi ka amar qaata. Dhan kale waxaa deggan Taipei oo maamusha jamhuuriyad dimuqraaddi ah oo dadkeedu ay gaarayaan 23 milyan oo qof. Xiisada ka taagan Taiwan ayaa cirka isku sii shareereysa kaddib markii ay booqatay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi – tallaabadan waxay sii xumeysay xiriirka Washington iyo Beijing. Xuddunta kala qaybsanaanta ayaa ah in dowladda Shiinuhu ay Taiwan u aragto gobol ka go’ay oo ugu dambayntii ka mid noqon doona Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha. Laakiin, dad badan oo reer Taiwan ah ayaa u arka jasiiradda Taiwan inay iskeed isu maamusho oo ay noqoto qaran gaar ah – madaxbannaanida haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo iyo haddii kaleba. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay dhacdo ku aadan fal kufsi ah oo maalmo ka hor lagu soo eedeeyay Macallin Shuceyb Cabdi Maxamuud, balse ma dambe been abuur noqday. Sheekadan ayaa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, waxaana markii ugu horreysay shaacisay taliye ku xigeenka Booliska, General Zakiya Xuseen Axmed oo iyadu barteeda Fecebook-ga ku sheegtay in lasoo xiray Macallinka oo lagu eedeeyay kufsiga 3 gabdhood. Intaas kadib ayaa waxaa kiiskan la wareegtay Maxkamadda gobolka Gaduud oo dambi ku weysay Macallin Shuceyb, waxaana kadib la sii wareystay Waalidiinta gabdhaha la sheegay in la kufsaday oo iyagu beeniyay falkaasI kusfigaah, waxayna sheegeen in la been abuuray. Cali Yare oo arrintaan soo fara-geliyey ayaa shaaca ka qaaday inay ka dambeeyaan gacmo shisheeye, si loo suurad xumeeyo sharafka Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka. Sidoo kale wuxuu kula taliyay Macallinka laga been abuurtay in uu kiiskiisa ka furo gal dacwadeed, maadaama sharaf dil lagu sameeyay. “Hadda kubaddu waxay gacantiisa ku jiraa Macalin Shuceyb, waxaanan kula talinayaa inuu gal dacwo maxkamadda ka furto oo uu Booliska ka dalbado magdhow sharaf-dilkii lagu sameeyay u dhigma,” ayuu warka qoraalka ah ee uu soo saaray ku yiri Cali Yare Cali. Dhinaca kale wuxuu farriin u diray Generaal Zakiya, isaga oo ka dalbaday in marka hore ay boggeeda ka saarto qoraalka Macallinka, kadibna ay siiso magdhow iyo raalli-gelin buuxda. “Walaasheey Taliye Zakiya oo aan ku aqaan qof aqoon duqruqsan u leh xuquuqda insaanka, haddii uu ka dhacay qalad sidaas u culus waxaa la gudboon ugu horreyn ineey qoraalka weli boggeeda ku jira ka saarto, raaligelin iyo magdhowna siiso macalinka,” ayuu raaciyay. Arrintan ayaa waxa ay dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana inta badan dadka falceliyay ee dhaleeceen u jeediyeen Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. The post Cali Yare oo ka dalbaday General Zakiya inay Magdhow siiso Macallin Shuceyb appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashadii dhacday sannadkan May 15, 2022, ee foolatay hoggaaminta madaxweyne Xasan sheikh kaddib, madaxweyne Xasan waxaa uu hortabin ka dhigtay ladagaallanka Shabaab, iyada oo beelo badan ka jawaabeen. Iskaashi dhexmaray Macawisleyda beelaha iyo ciidanka xoogga dalka ayaa keenay in Shabaab laga saaro dhammaan Degmooyinka Hirshabelle. Haddaba, Dad badan waxay su’aal ka keeneen hawlgelinta ciidanka Macawisleyda iyo miradhalka dagaalka ay qeybta ka yihiin qabiillada. Si arrintaas looga gungaaro, waxaan qormadan dib u milicsan doonnaa taariikhda dagaallada diimeed ee ka dhacay Soomaaliya, dowrka qabiillada ay ka qaateen jabka kooxda xajirka diimeed ah ee ka kacay Soomaaliya. Soomaaliya waa dal ay dadkiisa muslim soo ahaayeen muddo fog oo aan la hubin xilliga ay diinta soo gaartay, waxaase hubanti ah in carrada Soomaaliyeed ay hadba soo gaarayeen dariiqooyin diimeed oo xambaarsan saxwooyin Islaami ah oo hadba kan cusub uu sheeganayay in ay diinta cusbooneysiinayaan, koox walba marka ay timaad waxay la heyd hoggaamiye ruuxi ah oo ay ka qalin daartaan kaas ayayna aakhirkii dahar ka agsameyn jireen qabrigiisa si marka dambe loo soo siyaarto. Sida taariikhda dhigeyso koox ama dariiqo walba marka ay muddo ku jirto fidinta diinta, oo ay kasbato dadweyne taabacsan, ha joogo aasaasihii firqada ama ha dhinto oo culumo kale ha hoggaamisee, waxaa dariiqada ka soo baxa koox xagjir ah oo isbidda awood in ay ku hirgeliyaan madhabka ay wadaan ama ay gacanta ku dhigaan maamulka dalka iyada oo si ay hanti iyo taageero ku helaan soo roga tallaabooyin ama dhisa maamul aruuriya zakawaatka ama canshuurta qeybaheeda kala duwan, waxaa kale oo taariikhiyan jirta in maamulkaasi Islaamiga ah marka uu soo rogo dhaqamo ka baxsan caadada iyo sooyaalka Soomalaida ay ku kacaan beelaha, lana diido awaamiirtooda. Haddaba aan tusaale u soo qaadanno labo dariiqo oo dagaal ku galay Soomaaliya kuwaa oo ugu dambeyn ku jabay, waxayna kala yihiin; dariiqada Axmaddiya iyo Dariiqada Saalixiya. Sannadka mar la qiyaasayo in uu ku beegnaa 1836, waxaa Baardheere ka aasaasantay jameeco Axmaddiya ah oo xagjir ah uuna hoggaminyay Sheikh lagu magacaabo Sheikh Cali Duure, waxayna ku baaqeen in ay hirgalinayaan maamul Islaami ah oo diinta saxda ah dadka ku xukuma, labo sano kaddib waxaa hoggaanka kooxda la wareegay Sheikh Abikar Aadan Dhuurow kaas oo hoggaaminayay kooxda illaa 1839 inta aysan la wareegin talada labada Sheikh ee kala ah Shariif Cabdiraxmaan iyo Shariif Ibrahim kuwaa oo talo ku gaaray in ay baahiyaan xukunka islaamiga ah. Kooxdaan waxay dagaal la galeen Warday (Oromo), Beeralay degganeyd koofurta Baydhaba, Jamaacooyin kale oo diimeed oo degganaa Baraawe, waxayna isku ballaariyeen inta u dhaxaysa Marka iyo Luuq. Sida uu dhigayo buugga uu qoray Lee V. Cassaneli ‘‘the Shaping of Somali Society’’ Sannadku markii uu ahaa 1843 kooxda waxay isku dhaceen qabiillada daga inta u dhaxaysa labada Wabi oo uu hoggaamiye u yahay suldaanka Geledi Yusuf Muxamuud oo taageero ka helaya beesha Silcis. Isku dhaca beelaha iyo jihaadiyiintii saldhigga u ahaa Baardheere wuxuu keenay jab xooggan oo ku dhaca kooxda, waxaana u suurto gashay ciidankii uu hoggaaminayay Suldaan Yusuf in ay qabsadaan Baardheere ayna halkaa ku dilaan hoggaamiyaasha kooxda Sheikh Sharif Cabdiraxmaan iyo Shariif Ibrahim, waxayna soo xirtay jihaadkii kooxda. Tusaalaha Labaad waa halgankii dariiqada Saalixiyada. Xilligii gumeysiga uu dalka ka talinayay, waxaa dalka ka jiray kacdoono qaarkood ay hoggaaminayeen wadaaddo, aan ka soo qaadanno Sayid Maxamad Cabdulle oo ka tirsanaa dariiqada Saalixiyada. Marka dib loo milicsado taariikhda halganka uu hoggaaminayay Sayidka waxa uu salka ku hayay madhabka saalixiga oo uu ka mid ahaa waxa uuna rabay in la dhiso maamul islaami ah, marka laga tago maamullada gumeysiga ee dalka ka jira sida Biritishka iyo Talyaaniga, ciidanka Sayid Maxamad waxay isku dhaceen qabiilada deegaannada Mudug,Bari, iyo Waqooyi, haddaan si kale u dhaho waxay isku dhaceen Majeerteen, Isaaq (habar yoonis), iyo hawiyaha daga gobolka Mudug, taas waxay dhashay in ay kaga hiiliyaan gumeysiga sidaana uu ku jabo Sayidka, halkaana waxaa ku soo af jarmay halgankii ay Saalixiyo ku dooneysay in ay maamul kaga yagleelaan Soomaaliya. Haddaba taariikhda waxay na baraysaa dhawr arrin oo kala ah:- Mar walba oo ay isqabtaan qabiillada iyo kooxa diinta waxaa guuleysta dadka deegaanka ee qabiilka ah. Koox walba oo diimeed marka ay dalka yimaadaan waxay u kala jabaan labo; koox xagjir ah oo damacda inay xoog ku hirgeliyaan mad-habkooda iyo koox dadka la macaamisha oo ku sii dhex noolaata bulshada. Kooxaha jihaadiga diimeed ah waxay Soomaaliya ka qarxaan qarnigiiba mar iyaga oo sheegaya in ay diinta cusbooneysiinayaan. Koox walba oo jihaadi ah waxay jirtaa inta u dhaxaysa 15-25 sano, kaddibna waxay isku dhacaan dadka qabaa’ilka ah, waxayna ka baxaan saaxada. Waxaase dadweynaha si nabad ah uga sii dhex faafa saxwada dariiqada oo ay hoggaaminayaan garabkii madaniga ahaa. Dhammaadka qarniga labaatanaad waxaa dalka Soomaaliya soo gaaray mad-habka Salafiga ah ee Al-itixaad, waxayna ku kala jabeen koox xagjir ah oo ay hadda ka dambeeyaan Al-shabaab iyo koox madani ah. Madaxweyne Xasan sheikh markii uu talada yimid wuxuu ballanqaaday in uu la dagaallamayo Al-shabaab, isaga oo la yimid aragti cusub oo ah In dadka deegaanka lagu kiciyo kooxda, qabiillo badan ayaa hubka qaatay waxayna dhashay in kooxda laga saaro dhul ballaaran oo ay horay dowladda uga saari weysay. Dagaalka Al-shabaab iyo qabiillada wuxuu dhali doonaa dhammaadka Al-shabaab iyo soo ifbaxa koox diimeed cusub taa oo muddo kaddib qeyb ka mid ah isku rogeyso koox jihaadi ah. Haddaba, dowladda waxay heysataa fursad ay kaga guuleysan karto Al-shabaab, waxaase looga fadhiyaa in ay dhisto hey’ado dowli ah oo ilaaliya diinta kuwaa oo ka hortaga in aysan dillaacin koox diimeedyo cusub. Qore: Hassan Mohamud Mohamed Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Yaa sharci ah? Waxa muddo xileedkoodii la doortay dhamaaday Madaxwayne Biixi, Saddexda Xisbi Qaran iyo Golaha Guurtida Somaliland? Inkaste oo ay muddo kordhin haystaan Madaxwaynaha iyo Guurtidu hadana wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay wuu dhamaaday Golayaasha Wakiilada iyo deegaanka oo kali ah ayaa ku jira muddo xileedkoodii Sharciga ahaa ee la doortay. Mar kale 1. Muddo xileedkii Madaxweynuhu wuu dhamaadey 2. Muddo xileedkii Guurtidu wuu dhamaadey . 3. Muddo xileedkii saddexda xisbi Qaran wuu dhamaadey . 4. Muddo xileedkii ururada cusub na wuu dhamanayaa bilo kadib . Dalka dhan waxaa muddo xileedkoodii sharciga ahaa ku dhex jooga Golaha Wakiilada iyo Golaha Deeganka . Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatasiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in shirkan oo ah kii afaraad ee Golaha Wadatashiga Qaranka uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana ay ka qayb-galayaan ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale. Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in shirkan ay madaxdu ku odroosayaan nidaam garsoor oo federaal ah iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in madaxdu ay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee haatan socda inta badan gobollada Soomaaliya, sida Hiiraan iyo Shabeelooyinka. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa arrimo ay kamid yihiin qeybsiga kheyraadka iyo gurmada Abaaraha. Dood kale ayaa hadda taagan, taas oo la xiriirta muddo kororsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Baydhabo uu ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gareen, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana usii dheer xaalado siyaasadeed oo kacsan iyo sidoo kale abaaro baahasna oo weli ka jira dalka. The post Villa Somalia oo shaacisay xogta shirka u furmay golaha wadatashiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay shil khasaare nafeed dhaliyay. Shilkan ayaa saaka ka dhacay inta u dhexaysa kantaroolka Boosaaso iyo halka loo yaqaan Meermeerka sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday shilkan uu galay gaari ka yimid dhinaca degmada Badhan ee Gobolka Sanaag. Gaariga shilka galay ayaa sida wararka sheegayan ku sii jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Shil khasaare dhimasho sababay oo ka dhacay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
On the 15th of May 2022, the Somali parliament made history by electing Hassan Sheikh Mohamud (HSM) as president for the second time, just over five years after he had lost the presidency to Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo”. In a highly crowded field of candidates that included the incumbent, another former president, and a former prime minister, HSM emerged victorious in the third round of a long election night. The saying that “those who do not learn from history are doomed to repeat it” is often cited by pundits and politicians. The prevailing wisdom that led the overwhelming majority of parliamentarians to vote for HSM was based on the belief that he had learnt from his time in the political wilderness and would not repeat the mistakes that marked his first term, or indeed those of Farmaajo. HSM was widely perceived as the ideal president to move the country forward. It is important to highlight the dismal political, security and social infrastructure inherited by HSM. On the political side, the Federal Member States that make up the Republic of Somalia were highly fragmented. Further, the Al-Shabaab terror group had been operating with impunity whilst growing both in size and influence, and the country was suffering from a prolonged drought that was causing extreme food insecurity which in some regions bordered on famine. In forming his government, starting with the appointment of a prime minister and the subsequent naming of a cabinet, HSM opted for familiarity and political proximity, choosing from across a broad coalition of heavyweights. That in itself is not an unusual step; every administration in Somalia since the reestablishment of the federal state in 2012 has sought to accommodate core supporters and close friends. HSM declared a much needed national offensive against Al-Shabaab the likes of which has not been seen in more than a decade. The speech outlined a multifaceted approach addressing religious ideology, financial resources, the military campaign and appropriate rehabilitation for defectors. However, while most Somalis have welcomed this declaration of all-out war against Al-Shabaab, there is increasing criticism that the cabinet is not fit for purpose. Faced with a war that the country cannot afford to lose, the current cabinet appears unsuited and ill-prepared to execute the president’s decision. For instance, out of a cabinet of almost 70 members, only seven or eight have publicly aligned their portfolios to the ongoing war. An ideal war cabinet would consist of members mainly serving as the public face of the war, aligning the objectives of the war with their dockets and engaging the Somali public, as well as international partners, on a regular basis. Faced with a war that the country cannot afford to lose, the current cabinet appears unsuited and ill-prepared to execute the president’s decision. Secondly, there is heavy reliance on militias. While some have criticized this approach in a country with a long history of clan rivalries, the bigger challenge has been obtaining the uniform engagement of all the clans in Hirshabelle State where the current military offensive is concentrated. Moreover, there is growing evidence that senior politicians in both the national and federal state levels are working against the military campaign by preventing certain clans from joining in the war. The criticism against the government’s overt support for clan militias could be mitigated by incorporating them into the Somali army. This would ensure that the clan militias served the interests of the country as opposed to those of their own clans and also prevent the derailment of President Mahmoud’s aim of ending Al-Shabaab’s reign of terror. Thirdly, executing the offensive on a nationwide basis would deny the terrorist group the luxury of shifting forces from one battlefield to another. There is growing evidence that Al-Shabaab has been moving troops and logistics from South-West and Jubaland States where they control significant territories. Even if the offensive in Hirshabelle is fully successful, Al-Shabaab will still be left holding these territories from where they can and will launch operations. The criticism against the government’s overt support for clan militias could be mitigated by incorporating them into the Somali army. In addition to these intricate and intertwined factors, the proverbial elephant in the room is the role and cohesion of the federal member states as it also impacts the trajectory of the war. So far, the president has taken a prudent, pragmatic and collaborative approach to the federal member states. In return, most of the states’ leaders have accorded him a honeymoon period as they assess the prospects for their political survival, with the presidents of the five federal member states facing elections in the next 10 to 24 months. Having a friendly federal government, or at least one that is indifferent to one’s re-election is what each one of them hopes for. However, since collaboration in the war against Al-Shabaab trumps all else, it is incumbent upon the president to use success in the war as a metric for future collaboration and cooperation with the leaders of all the federal member states. Somalia is a nation at a crossroads, on the verge of defeating an international terrorist organization. All leaders, including politicians, businessmen, and religious clerics have a moral duty to be on the right side of history. Contributing to ensuring the total success of the president’s solemn, substantive and strategic vision of “not turning back” in the war against Al-Shabaab should be the national yardstick against which every leader, and all governmental and non-government institutions, are measured. Source: The Elephant The post Need for Course Correction in the War Against Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo goordhow furmay ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominayo guddoonka labada Aqal, ayada oo uu ajenduhu yahay akhrinta labaad ee Miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka. Warbixin hordhac ah oo Golaha la siiyay ayaa waxaa lagu sheegay in Miisaaniyadda ay sanadkan diiradda saareyso arrimaha bulshadda, amniga iyo ciidamadda. Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku guda galay dooda ku aadan Miisaanadda 2023-ka, ayaga oo sidoo kale su’aallo weydiinayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur oo isaguna goobjoog ah kulanka wadajirka ee hadda u socdo labada Gole. Sidoo kale Guddiga Maaliyadda ee labada Gole ee Baarlamaanka ayaa waxa uu dajiyay qorshahaha Miisaaniyadda 2023, sida uu sheegay xildhibaan C/qaadir oo u hadlay guddiga. “Miisaaniyadda waxaa muuqata in wax loo kordhiyey awoodaha sare sidda Madaxtooyada, laakiin baarlamaanka ma garanayo sababta aan wax loogu dari waayay. Arrintaas iyadana waa in wasaaradda maaliyadda dib u eegto” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Gaarane. Doodda ku aadan Miisaaniyada dowladda ee 2023-ka ayaa sii socon doonto, illaa inta ay Xildhibaanada gole ay go’aan uga gaarayaan inay ansixiyaan ama ay dib u dhigaan. Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka kooban laba Aaqal ayaa lasoo marsiiyaan shuruucda kala duwan ee ay soo gudbiyaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, si loo helo xisaabtan dhab ah oo ku aadan hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Kulan wadajir ah oo u furmay xildhibaanada labada gole appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa gaaray degmada Qardho oo ay ku soo dhaweeyeen Gudoomiyha gobolka Cabdi Siciid,Taliyaha qaybta gobolka Cabdirasaaq Faarax Warsame,saraakiil iyo masuuliyiin kale. Ujeedka safarka wafdiga taliyaha ayaa ah kormeerka xaalada amni ee Gobolka Karkaar iyo deegaanada ku xeeran. Taliyaha ayaa kulamo laqaatay maamulka gobolka oo ay weheliyaan taliska qaybta masuuliyiinta ayaa Taliyaha lawadaagay xaalada amni howlagaladii laqabtay,shirka ayaana ku soo dhamaaday guul. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliska Puntland oo gaaray magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa si rasmi ah u furmay shirka golaha wadatashiga qaranka kaas oo ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobaledyada dalka. Shirkan waxaa shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale. Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed. Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odroosayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday xaaafadda Ceel Qalow oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib markii ay carro kusoo doontay shaqaale ka shaqeynayey halkaasi. Shaqaalaha aya ku howlanaa xilligaas dhismaha biyo mareen loo sameynayo waddada Ceel-Qalow oo ay inta badan biyuhu fariistaan xilli Roobaadyada, waxaana shaqaalaha soo gaaray dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan 4 kamid ah shaqaalaha ayaa ku dhintay dhacdadaan, kuwaas oo ay kusoo duntay, xilli ay ku jireen gudaha godka, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Sidoo kale la la’yahay mid kamid ah shaqaalihii ka shaqeynayey halkaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen. Arrintan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka ee ka agdhowaa goobta, kuwaas oo gurmad deg deg ah u sameeyay shaqaalaha ay qabsatay dhacdadaasi. Waxaa sidoo kale goobta soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo iyagu amray dhismaha biyo mareenkaas oo muddo dheer uu dhismihiisa uu soo socdo. Si kastaba, ma’aha dhacdadan mid ugub ah, waxaana inta badan goobaha ay ka socdaan dhismayaasha waxyeelo kala duwan kasoo gaartaa shaqaalaha markaas dhismaha wada, taas oo marar badan lasoo wariyay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dhacdooyinkaasi. The post Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Taiwan ayaa sheegtay in Saaka ay ku waa bariisatay Ciidamo ka socda Dowladda Shiinaha oo hareereeyay Jasiiradda. In ka badan 70 Diyaaradaha Shiinaha ah iyo 7 maraakiibta dagaalka ah ayey sheegtay Taiwan in Saaka la soo dhul dhigay taas oo cabsi galisay Jasiirada Mareykanku taageero. Milateriga Shiinaha ayaa sheegay inay dhoollatusyo ka sameynayaan agagaarka Taiwan si ay uga jawaabaan waxa ay ugu yeedheen daandaansiga Mareykanka iyo Taipei. Hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa mar sii horreysay sheegay inay qasab tahay in Dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Jasiiradda Taiwan. Source
