-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ciidan ayaa laga soo sheegaya xeryaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa looga gol leeyahay in ciidamadu ay qaadaan guluf maleeshiyada Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay ka arrimiyaan Gobolada Dhexe. Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) ayaa sheegay inuu dhammaaday waqtigii ay dadku ku fekerayeen in wada hadal lagu dayo maleeshiyadaasi. Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in heer geba-gabo uu marayo diyaargarowga ka jira deegaanada Galmudug. Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada hawlgalada ka wada Hirshabelle iyo kuwa Galmudug ay dhawaan meel dhexe isugu imaan doonaan. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) u diray Galmudug, si uu wax kaga hoggaaminayo hawlgalada lagu wado in ay ka bilowdaan deegaanada maamulkaasi. General Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Axaddii sheegay in Shabaabku aanay xilligan joogin meel looga haro, lana sii wadi doono hawlgalada uu sheegay in lagu ciribtirayo. Khubarada amniga ayaa fahamsan in maleeshiyada Al-Shabaab ay xilligan wajahayaan waqtigoodii ugu adkaa, muddadii dhowr iyo tobanka sano ahayd ee ay dalka ka dagaalamayeen. The post Abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka billowday gobolo cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Defence Cabinet Secretary Aden Duale and Vice Chief of Defence Forces Lt Gen Francis Ogolla visited Kenya Defence Forces (KDF) troops serving under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) at sector six headquarters in Kismayu, Somalia in a bid to boost their morale. Source: Hiiraan Online
-
It was the discovery of the body of a 22-year-old woman on the streets of the Somali capital, Mogadishu, last year that brought into the open the problem of female drug addiction in the city. Health workers said she died from an opioid overdose. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya — Two people were shot dead by al-Shabab militants and several houses torched in a rural area in coastal Kenya, police said Monday. Source: Hiiraan Online
-
It had been a tricky shoot for Alvin Kaunda, a young Kenyan television reporter, but finally, after about 10 takes, he was managing to get through it. His subject: a heartfelt dispatch about the plight of elephants caught up in the drought. His backdrop: three dust-red, flappy-eared orphans chomping through the greenery of their Nairobi home. Source: Hiiraan Online
-
Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa dalka ka curtay dagaal looga soo horjeedo kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, kaas oo leh jihooyin kala duwan. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo 15 sano ku dhow la noolaa dadka Soomaaliyeed, waxey si tartiin tartiib ah ugu fidayeen gobolada, degmooyin iyo deegannada dalka, iyagoo ujeedkoodu ahaa in ay aragtidooda ku baahiyaan guud ahaan waddanka Tan iyo markii laga saaray Muqdisho, Al-Shabaab ayaa billaabay nolosha duurka, waxey u weecdeen dhankaa iyo MIYA, halkaas oo ay u arkeen in ay kusii noolaal karaan muddo fog, intaas kuma ekaane waxa ay si aan xowli aheyn ugusoo siqayeen magaalooyinka waaweyn, illaa ay la wareegaan gobolo qaar. Dowladihii isku beddelay dalka ayaa mid walba sida la qumman u wajihi jiray dagaalkooda, dowladdi Sheekh Shariif oo ku guuleysatay in ay ka saarto caasimadda ayaa taladii wareejiyay muddo gaaban ka dib, taas oo fursad ay urkayeen firaaqa yar ee isbeddelka maamulka dalka. Xasan Sheekh oo xilligaas ka yimid bulshada, maadaama uu ahaa bare soo saaray arday badan, sidoo kalena ahaa samafale si mudadawacnimo ah wax uga qabta adeegyada bulshada dalka ayaa la wareegay taladii, wuxuu durba ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo xilligaas ka xoog badneyd hadda. Wuxuu Xasan Al-Shabaab kala wareegay deegaanno badan oo dhaca Shabeelooyinka, kuwaas oo ay ka mid aheyd magaalada Marka, Al-Shabaab ayaa isku dayay in ay dib ula wareegaan deegannadaas, waxaana ka hor istaagay ciidamada xoogga. Kooxda Al-Shabaab ayaa billaawday in ay lacago baad ah oo ay ugu yeeraan Zakawaat ka qaadaan dadka beeraleyda iyo xoola dhaqatada ku sugan deegganada ay qabsadeen, waxey dadka shacabka ka ula dhaqmi jireen si ka baxsan islaamnimada iyo bini’aaddanimada, taas oo keentay in ay shacabka nacaan kooxdan aan u dhaafeyn maalkooda iyo naftooda. Dowladdii madaxweyne Xasan ayaa taladii ka dagtay iyadoo dagaal qaraar kula jirtay kooxdan, waxaana xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo, kaas oo ololihiisa doorashada kusoo galay la dagaalanka Al-Shabaab iyo nabad kusoo dabbaalidda dalka, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed Baarlamaanka hortiisa uga ballanqaaday dhowr qodob oo aan midna ka dhaqan galin. Wuxuu Farmaajo ballan qaaday in uu soo afjari doono kooxda Khawaarijta ah, in uu bixin doono hantida shacabka ay qaraxyada uga burburiyaan, qofkii sheega qof Al-Shabaab ah in uu heli doono lacag 100 kun dollar ah, xogtiisana la qarin doono, in uusan waddo xiran doonin, beddelkeedana uu isaga gaari aan xabbada karin kori doono, dhammaan ballan qadyadaas iyo kuwo kale ma fulin Farmaajo intii uu dalka heystay. Shantii sano ee dowladdi Farmaajo iskaba daaye in Al-Shabaab lasoo afjaree, waa shan sano ku suntan naaxinta kooxdaas, ma jirin wax tillaabo ah oo loo qaaday dagaalka Al-Shabaab, tiiyoo ay jirto in lagu xanto in ay wada shaqeyn ka dhaxeysa, waxaa dhacay qaraxii ugu qasaaraha badanaa taariikhda Soomaaliya, kaas oo gallaaftay nolosha dad badan oo Soomaali ah, burburiyayna hanti aan qiyaas laheyn. Al-Shabaab ayaa shantaas sano helay nasiino ay isugu fidin karaan deegaanno iyo gobolo aysan hore u heysan, waxey Muqdisho ka sameynayeen falal amni darro oo quus galisay qof walba oo Soomaaliyeed, waxey Al-Shabaab dadka shacabka ee Muqdisho ku dhaqan billaabeen in ay ka qaadaan lacago baad ah, taas oo ay u sheegayeen in ay ku badbaadayaan. Kooxda ayaa Muqdisho ku laheyd xarumo ay ganacsatada ku maxkamadeyso, waxa ay abuurteen cabsi galin gaartay in qofkii masuul dowladeed ah ay soo wacaan uu iska bixiyo waxa ay weydiistaan, taas oo ah midda dhalisay shakiga ugu weyn ee ah wada-shaqeynta kooxda iyo dowladdii Farmaajo, waxeyna muddadaas shanta sano ah dhisteen awood Militery oo xooggan. April 2022, waxa ay Baarlamaankii Soomaaliyeed dib u doorteen Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa is beddelay jawigii dalka, waxaa abuurmay rajo uu qof walba aaminsanaa in ay rumoobi doonto maali ka mid ah muddo xileedkiisa, wuxuuna dalka galay is beddel aan la fileyn oo hadal heyn ka abuuray bulshada dhexdeeda. Kooxda Al-Shabaab oo xilliyadii kala guurka dalka ka sameyneysay qaraxyo geystay khasaaro aan qiyaas laheyn ayuu waaga ku baryay, waxey sheegeen in ay dowlad walba sugaan inta ay ka caddeyneyso mowqifkeeda ku aaddan kooxdan. Maxey noqotay jawaabtii Madaxweyne Xasan Sheekh? Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu sheegay in uu ka duwanyahay dagaalladii hore, wuxuu madaxweynaha sheegay in dagaalkan uu u qorsheysnaa inta aysan qaban talada dalka, isagoona faray dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah kooxdan Khawaarijta ah. Ra’iisul wasaare Xamza oo isna hadlay ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ka go’antahay la dagaalanka kooxdan, dalkana aysan macquul aheyn in uu horumar sameyo inta ay kooxdan heystaan qeybo ka mid ah, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed ku booriyay in ay kacaan oo ay iska dulqaadaan kooxdan. Kooxda oo ka jawaabeyso go’aankii madaxda dalka ayaa handadaad ku billaawday qabaa’illadii Soomaaliyeed, waxey barakiciyeen shacab reer Miyi ah oo aan waxba ka galabsan, waxey gubeen guryahoodii, waxey ka qaateen hantidoodii, iyagoona dilay tiro badan oo iyaga ka mid ah. Wixii markaas ka dambeysay, waxaa gobolka Hiiraan ka curtay kacdoonkii uu madaxweynaha iclaamiyay, kaas oo shidaal kasii helay shacabkii ah kooxdu sida gardarrada ah u leysay, ceelashii ay sida arxan darrada ah u gubeen iyo hantidoodii ay qaateen, xilli ay dowladda Soomaaliya billaawday in ay garab istaagto shacabkii ku dhaqaaqay amarkii madaxweynaha, go’aankana ku gaaray in ay iska dulqaadaan kooxdan. Waxaa meesha ka baxday cabsidii ay shacabka ka qabeen kooxdan, waxaa dalka ka curtay kacdoonkii macawiisley, kaas oo dhabarjab ku noqday kooxda Al-Shabaab, waxaana laga saaray deegaanno badan iyo magaalooyin waaweyn oo ay heysteen muddo ku dhow 15 sano. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqday dalal badan oo adduunka, kuwaas oo uu qaarkood xumaa xiriirka innaga dhaxeeya muddadii 5 sano aheyn ee uu dalka maamulayay Farmaajo, wuxuu madaxweynaha dhammaantood kala hadlay in ah garab ku siiyaan dalka ay shacabka Soomaaliyeed kula jiraan kooxda Khawaarijta ah, kaas oo ay Soomaaliya ku heshay taageero maaliyadeed, mid ciidan iyo mid saanad, waxeyna taasi basiin kusii shubtay dagaalkii curtay. Waxa ay ciidamada iyo shacabka wada socdo la wareegeen dhammaan degmooyinkii dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaa dalka ka dhacay weeraro qorsheysan oo lagu beegsaday kummaan dagaalyahan oo kooxdan ah iyo horjoogayaal, kaas oo ay fuliyeen ciidamada xoogga, kuwa NISA iyo dowlado caalami ah oo cirka ka taageerayay, qorshahaas oo wiiqay awooddii ay kooxdu diyaarineysay muddada 15 sano ah. Waxaa billaawday in dalka dib loogu soo celiyo ciidamadii muddada fog ku maqnaa dalka Eritrea, kuwaas oo habeennadaas ka daga Muqdisho, waxa ah kaalin weyn ka qaadan doonaan dib u xoreynta guud ahaan dalka, waxaana lagu wadaa in ay gaaraan furimaha dhawaan. Sidoo kale waxaa dalka dibaddiisa loo qaaday ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo loosoo diyaarinaayo gabo gabeynta howlgalladan dalka looga xoreynaayo aragagaxisada, waxeyna dalka kusoo laaban doonaan bilaha nagu aaddan hadduu alle idmo. Dagaalkan oo ay dowladdan cusub iclaamisay wuxuu kuwii hore kaga duwanyahay dhowr arrimood kuwaas oo aan waligood kooxda lagala dagaalin. 1- Waa dagaal dhaqaale Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kooxda ka cuuryaamisay dhammaan ilahii dhaqaale ay heli jireen, waxaa digniin adag loo diray ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda lacagaha baadda ah sii jiray, waxaana howlgallo qorsheysan lagu burburiyay maxkamado beenaadyo ay kooxdu ugu yeeri jiray ganacsatada iyo shacabka Muqdisho. Waxaa la xiray tiro Nootaayooyin la shaqeysan jiray kooxdan, kuwaas oo u gudbin jiray dhulalka la kala gato, lacagaha la kala dhigto, hantida ma guurtada ah ee la kala waregsado iyo wax isku darsiga ganacsi ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo nootaayooyinkan u tagi jiray in ay heshiisyada u kala qorto. Arrintan ayaa kooxdan u fududeyn jirtay in ay si dhaqso ah ku helaan xiriirka qofka ay doonaan ee dhul iibsaday ama laga iibsaday, waxeyna durba wicitaan iyo handadaad ku beegsan jireen dadkaas masaakiinta ah. Waxey dowladdu mamnuucday in lala macaamilo kooxdan, in lacag la siiyo iyo in ay loogu tago meelaha ay dadka ugu yeeraan, taas oo ciddii ka hor timaada ku xukun noqon donto iyaga, waxaa durba la xiray ganacsato badan oo lacago u diray kooxdan, kuwa aaday oo u doontay xukun iyo kuwo u hoggaansami waayah awaamjirtij dowladda. Waxaa xabsiga loo taxaabay odayaal dhaqameed aaday kooxdan si ay ula macaamilaan, kalana hadlaan arrimo quseeya beelaha ay kasoo jeedaan, kaas oo ka hor imaanaya amar madaxweynaha ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxdaas. 2- Wacyigelinta bulshada Dowladda Soomaaliya ayaa billaawday in ay masaajidda dalka laga aqriyo khudbado bulshada looga wacyigelinaayo khatarta kooxdaan iyo in aysan diin u dirir aheyn oo ay ka been abuurayaan diinta islaamka, waxaa badi masaajidda Muqdisho Jimcada lagu soo qaataa wacyigelin ku aaddan kooxda, taas oo ay hormuud ka tahay wasaaradda awqaadta iyo arrimaha diinta. Arrintaan iyada ah waxaa ka dhashay in ay tiro dhallinyaro ah kasoo baxaan kooxdan ka dib markii ay arkeen in aysan diin aheyn waxa ay ka shaqeenayaan, dadka shacabka ay leynayaan iyo sida ay u burburinayaan hantida iyo guryaha dadka masaakiinta ah, kaas oo jab weyn ku noqday kooxda Khawaarijta ah. Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay masaajidka madaxtooyada ayaa sheegay in aan loogu imaan karin arrin quseysa qof kiis Shabaab lagu soo qabtay ama lagu tuhmay, wuxuuna sheegay in qofkii soo raadsha uu shabaab kale yahay, sharciga la horgeyn doono. Madaxweynaha ayaa sidoo kale gaaray dhawaan furimaha dagaalka gobolada Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, halkaas oo uu kula hadlay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, wuxuu madaxweynaha sheegay in ay ka go’antahay dagaalka kooxdan lagu cirib tiraayi, beel walbana laga rabo in ay xoreysato deegaannadeeda. Tan iyo maalintaas wixii ka dambeeyay, ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka ayaa la waregay deegaano hor leh, waxaa la arkayay diyaarado dagaal oo dhaawacyada kasoo daabulaya furimaha, tiiyoo ay jirto in deegganada qaar ay dowladda ka hirgelisay xarumo caafimaad oo ku filan daweynta dhaawacyada ciidamada iyo dadka deegaanka. Ra’iisul wasaare Xamza oo isna booqday furimaha dagaalka ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ka go’antahay soo afjaridda kooxda, wuxuu sheegay in deegaankii la qabtaba u diyaarsantahay qorshe adeeg dowladeed oo dhammeystiran, wuxuuna ballan qaaday in aysan ciidamadu dib ugasoo laaban doonin deegaannada soo galay gacanta dowladda. Al-Shabaab ayaa hadda wajahaya xaalad dhaqaale darri, mid ciidan u dagaalama iyo mid bulsho, waxaa afka furta shacabkii ay muddada fog sida xoogga ah ku heysteen, waxey sheegeen in ay ku noolaayeen silac iyo dullinimo, waxeyna hadda qaarkood qeyb ka yihiin dagaalka lagu sii eryanaayo firxadka khawaarijta. Marka la eego awoodda shacabka, sida ay seefta gasha ugala baxeen, cududda ciidanka xoogga, kuwa cusub ee hadda dagaya ee Eritrea ka yimid, garab istaagga dowladaha adduunka iyo ka go’naanta madaxda sare ee dalka ee ah in khawaarijta lasoo afjaro ayaa muujineyso in ay soo dhammaadeen waayihiin kooxdan arxanka daran ee muddada fog jiqeysay dhiigga shacabka Soomaaliyeed, sababtana u noqday in ay god galaan waxgalkii ummadda Soomaaliyeed. W/Q: Cali Aadan Muumin AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Soomaaliya oo noolaanaysa Al-Shabaab la’aan – Faallo appeared first on Caasimada Online.
-
Darajada xisbinimo waa loo dalaca ee hoos loogama dhaco. Qorre: La Taliyaha Arimaha Sharciga ee Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Garyaqaan Mabaarig Cabdi Ismacil. “Ururada ayaa u tartama inay xisbi noqdaan ee xisbiyadu urur kuma soo noqdaan xeer ahaan iyo xaqiiqo ahaan labadaba, xisbiyada hada jira Ruqsadii way ka dhacday maanta lakiin wali waa xisbiyo leh jiritaan qanuun, tartankuna waxa uu dhex mara xisbiyo iyo ururo ee ma dhax maro ururo baratamaya. Xisbiyaduna waa Xisbiyo ururaduna waa ururo Raba inay xisbi noqdaan, waana sababta ay doorashada u galaan lakiin xisbigu doorashada waxa uu u galaa inuu sii haysto xisbinimadiisa hadii uu dhaco uun buu meesha ka baxaya sababtoo ah inuu Dalku sadex xisbi ka jiraan waa qodob dastuuri ah markaa hadii la idhaa xisbiyo ma jiraan maanta wixii ka danbeeya macnaheedu waa in dastuurku lagu xadgudbay gaar ahaan qodobka 9aad faqradiisa 2aad. oo jideeyay inay dalka ka jiri karaan oo kali ah sadex xisbi qaran kuwiina hada way jiraan.” Qaran News
-
Itoobiya oo la ugaadhsanayo Waraabaha+Sababta Maamulka duur-joogta Itoobiya, ayaa isku duba ridinaya koox ugaarsato ah, oo baadi goobaya Waraabe dilaa ah, meel u dhow magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Arrintaan, ayaa timid kadib markii dhawaan magaalada iyo agagaarkeeda, ay kusoo bateen weerarada waraabaha, ee ay u geysanayaan bini’aadanka. Sideed qof ayaa ku dilay Waraabaha magaalada Addis Ababa labadii sano ee u dambeeyay, sida uu BBC-da u sheegay Banki Budamo, oo ah khabiir ka tirsan hay’adda ilaalinta duurjoogta Itoobiya ee (EWCA). Dadka uu dilay Waraabaha, ayaa waxaa ku jira “carruur, odayaal iyo [dhalinyaro],” ayuu intaa raaciyey khabiirka. Khubarada ayaa ka digay in tani ay keentay balaarinta deegaanaha guryahay, iyo jarista dhirta ay keentay inay soo kordhaan weerarada. Horaantii bishaan, Waraabe ayaa wiil dhalinyaro ah ku dilay dhismo casri ah, oo ku yaalla magaalada Leege Taafo, oo 17km (11 mayl) u jirta caasimada. Dadka deegaanka ayaa maqlay ninkan oo oynaya, waxaana u suurta gashay inay ka eryan Waraabaha, balse uma suuragelin inay badbaadiyaan naftiisa. “Waxaa jira waraabayaal badan. Waxaad arkaysaa iyaga wixii ka danbeeya xiliga uu gabalku sii dhacayo,” mid ka mid ah waa dhadig, oo waxey dhashay Waraabayaal yar yar, , ayuu yiri Banki. Dhacdadii ugu dambeysay, ayaa keentay in lagu qaato go’aan ah in la dabar gooyo waraabaha. “Waraabaha ayaa dagay goobo kala duwan oo bannana,” mid ka mid ah ilaalada Lege Tafo ayaa sidaasi yiri, isagoo intaas ku daray inay jiraan “kuwa kaloo” badan. Maamulka ayaa markaas ka jawaabay dhiilada jirta, ayaa abaabulay koox gaar ah oo ugaarsata, iyagoo rajeynaya inay waraabaha ku qasbaan u hayaamaan kaymaha u dhow magaalada. “Waxaan dilnay todoba dhurwaa [maalmihii lasoo dhaafay],” ayuu yiri Banki. Arrintu waxay u muuqataa mid faraha kasii baxaysa, marka ad eegto dhanka Addis Ababa. Dadkii badbaaday ayaa ka sheekeynaya waxa ku dhacay. Bishii Ogosto, wiil dhalinyaro ah, ayaa laga jaraylabadiisa lugood, kadib markii u uku weeraray Waraabe xaafadda Burayu. “Waxaan ka imid buurta gurigayga. Waxa aan arkay xayawaan [waraabe] ah oo I ag maraya. Waxaan arkay mid kaliya. Markaa ma garanayo ,markaa kadib wixii igu dhacay. Maalintii xigtay ayuun baan toosay/soo naaxay” ayuu Berhanu Dhaba u sheegay BBC-da. Qaar badan oo ka mid ah Waraabayaashan, ayaa ku nool buuraha ku hareeraysan magaalada Addis Ababa, oo ay ku jiraan kaynta Entoto. Waayadii hore waraabaha, ayaa la aamin sanaa inuu cuno qashinka ay tuuraan dadka, iyo sidoo kale in la xakameyn karo, oo aanu halis ku ahayn bani’aadamka. Qaran News
-
Wax ka ogow Cudurrada ku dhaca ragga marka ay kor u dhaafaan da’da 40 jir Da’da afartamaadka waxaa lagu tilmaamaa xiligga dhexe ee nolosha qofka, waana da’ muhiim ah, xilliggan wuxuu qofka intaa horumarro ka gaaraa noloshiisa gaar ahaan tan qoyska, xirfadda iyo waxyaabo kale. In si qoto dheer loo fahmo da’daas waxay ku timaaddaa faahfaahinta ku aaddan dheecaanka hormoonaadka maskaxda iyo unugyada shabakadda ah ee la xiriira xusuusta qofka, waxaa horseeda waayo aragnimo la xiriira fahanka arrintaas. Da’da 40 jirka waxaa lagu tilmaamaa waqtiga dahabiga ah isla markaana waxaa laga ogaan karaa daalka ku yimaado maskaxda qofka, dad badan waxay dareemeen in garaadkooda uusan aheyn sidii hore. Wuxuu qofka dareemayaa daalka iyo saameynta maskaxda, sababtoo ah waxaa jira isbeddel qarsoodi ah oo ku yimaada qaabka unugyada maskaxda iyo hormoonnaada, tani waxay sababtaa cudurro kala duwan oo ku dhaca habdhiska neerfayaasha. Daddaba waxaan halkan ku eegeynaa qaar kamid ah cudurradaas: Shalalka Shalalka ama istaroogga waa cudurka ku dhaca habdhiska neerfayaasha ugu caansan jirka banii’aadanka, Sida ku xusan, 92 boqolkiiba kiisaska shalalka ee adduunka waxay inta badan dadka ku dhacaan marka ay dhaafaan da’da 40. Marka ay da’du korodho, dhacdooyinka cudurka shalalka ayaa sare u qaadma. Cudurka shalalka waa laba nooc. Nooca koowaad waxaa loo yaqaan ischemic stroke. Nooc kale waxaa keena dhiigbax ka dhasha dhaawac ku yimaada xididdada dhiigga qaada ee maskaxda. Shalalka waa cudur inta badan la xiriira xididdada dhiigga. Istaroog wuxuu dhacaa marka xididdada dhiiggu xinjiroobaan, shalalka waxaa lagu ogaadaa qalabka CT Scan. Waxyaabaha sababa shalalka waxaa ka mid ah, da’da qofka, dhiig karka, kolestaroolka sarreeya, isticmaalka khamriga, cunidda tubaakada iyo cabidda sigaarka, sidoo kale wuxuu ka dhashaa cudurka wadno xanuunka. Astaamaha shalalka waxaa ka mid ah: in qofka uu wax akhrin waayo, ama aragga uu waayo, ama in qofka uu lumiyo dheellitirka socodka, madax xanuun daran iyo matag. Asaasaqa Waa cudur kale oo ku dhaca dadka marka ay gaaraan afartan jir kadib, asaasaqa waa cudur la xiriira neerfayaasha, marka neerfayaasha maskaxda ay saameeyaan, awooddooda ayaa hoos u dhacda oo asaasaqa ayaa qofka ku dhaca, asaasaqa ma ahan oo kaliya ah in qofka uu wax hilmaamo, wuxuu hoos u dhac ku yimaadaa shaqada maskaxda. Qalabka MRI waxaa loo isticmaalaa in lagu ogaado asaasaqa, marka la ogaado, daawooyinka kor u qaada maskaxda ayaa la siiya qofka qabo cudurkan. Nasiib darro dawooyinkani ma aha kuwo aad waxtar u leh heerarka qaar ee cudurka. Cudurrada ku dhaca neerfaha Waa cudur daran oo sameeya qofka marka uu gaaro da’dan, wuxuu cudurka kusii kordhayaa dadka qaba macaanka gaar ahaan dadka aan cunin hilibka. Dadka bukaan socodka ah ee cudurkan ku dhacay ayaa isku arkay astaamo sida, qofka in uu dareemo in jirkiisa uu gubanayo ama kabuubyo. Cudurradan waxaa lagaga hortagi karaa daawooyinka qaarkood sida kuwa lagu xakameeyo cudurrada macaanka, qofka in uu qaato cunto badan ama in uu cabo biyo badan. Waxyaabo badan ayaa sababa cudurradan waxaa kamid ah, tayroodh-ka iyo xanuunnada dhiigga. Madax xanuun Waa madax xanuun aad u daran, qofka wuxuu xanuun ka dareemayaa agagaarka indhaha, qofka indhaha ayaa biyo ka imaanaya, indhihiisu gaduud ayay noqonayaan. Xanuunkan waa mid qofka saameynaya dhowr maalmood ilaa dhowr toddobaad. Suuxdin Suuxdin ama qallal kuma xirna da’ da. Waxaa jira waxyaabo badan oo sababa cudurkan waana cillad ka dhalata wareegga maskaxda. Cudurkan, oo guud ahaan dadka ku dhaca carruurnimada iyo xilligga qaan-gaarka, waa mid aad ugu yar da’da afartameeyada. Cudurkani wuxuu noqon mid la iska dhaxlo. Sidoo kale, suuxdintu waxay ku dhici kartaa sababo badan oo ay ka mid yihiin caabuq ku dhaca maskaxda, istaroogga, dhaawac madaxa, dhiig-baxa ku yimaada xidiidada maskaxda. Boqolkiiba 90 cudurka waa lagu xakameyn karaa daweyn sax ah. Waxaa lagu ilaalin karaa caafimaadka maskaxda, jimicsi joogto ah, cunto iyo biyo badan, iyo hurdo ku filan in uu helo qofka. (Dr. Kedar Takalkar waa dhakhtar ku takhasusay cudurrada ku dhaca neerfayaasha, wuxuuna fadhigiisu yahay magaalada Nagbur ee dalka Hnidiya, sheekadan waxay ku saleysan tahay aragtida dhakhtarka gaar ahaan aqoontiisa caafimaad) Qaran News
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo loo geystay mas’uul ka tirsanaa xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi), waxaana toogasho ku dilay kooxo hubeysan oo goobta isaga baxsaday. Musharraxa xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro ayaa si adag uga hadlay dilka Cabdiftaax, wuxuuna tacsi u diray ehellada marxuumka, gaar ahaan qoyskiisa & carruurta uu ka tegay. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday laamaha ammaanka ee Somaliland in ay gacanta kusoo dhigaan dambiilayaashii dilka geystay, si cadaaladda loo horkeeno. “Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bulshada Gobolka Sool iyo Shacabka uu ka baxayba ALLE ha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi oo goor dhaweyd fiidkii magaaada Laasacaanod gacan ka xaqdaran oo hubeysani ay ku dishay” ayuu yiri C/raxmaan Cirro. Dhanka akle ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgallo iyo baaritaano ka bilaabay magaalada, si dabagal loogu sameeyo raggii ka dambeeyay weerarkaasi dilka ah. Laascaanood ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey falal ammaa darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro, waxaana horay u jirtay in xukuumadda Somaliland ay gudaha magaaladaasi kasoo masaafuray qoysaska kasoo jeeda koonfur Soomaaliya. The post Xisbiga WADANI oo war ka soo saaray DILKA Cabdifataax Hadraawi appeared first on Caasimada Online.
-
Mid kamid ah saraakiisha xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayay dablay hubaysani caawa fiidkii ku dishay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi Hadraawi, ayaa sida warbaahinta gobolku ku warramayso caawa fiidkii dablay hubaysani khaarajisay, xili uu kasoo baxay masaajid uu bulshada kula gudanayay waajibaadka salaada cishaa’i. Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, tacsi ugu diray qoyska, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay marxuun Hadraawi. “Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bulshada Gobolka Sool iyo Shacabka uu ka baxayba ALLE ha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi oo goor dhaweyd fiidkii magaaada Laasacaanod gacan ka xaqdaran oo hubeysani ay ku dishay” ayuu yidhi Cirro. Cirro ayaa sheegay in Hadraawi uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI, isla markaana uu ku jiray liiska kuraasta keydka ee Golaha Wakiilada Somaliland. Cirro ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay si deg deg ah usoo qabato, oo ay cadaalada u hor keento, dablayda Hadraawi dilka u gaysatay. Xukuumada Somaliland ayaan wali ku guulaysan in ay cidhib tirto budhcada dilalka ka gaysta magaalada Laascaanood, dilkan ayaa dhacay xili dhawaan ciidamada booliiska ee gobolku ay gacanta ku dhigeen koox lagu eedeeyay in ay dilalka lug ku lahaayeen. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab ay xayiraado kusoo rogay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay idaacadda VOA in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay joojiyeen dhaqdhaqaaqaas. Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn shirkadaha isgaarsiinta ayaan ka hadlin arrintan. Afhayeenka ciidanka milateriga ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhowaan sheegay in Al-Shabaab ay magaalooyinka ka jaraan isgaarsiinta iyo biyaha marka ay kasoo baxayaan, hase yeeshee waxa uu sheegay in adeegyadaas markiiba dib loogu soo celiyo degaannadaas. Mid ka mid ah khubarada Soomaaliya darista ayaa isna sheegay in Al-Shabaab ay diidayaan in isgaarsiintu ay gaarto degaannadii ay ka qabsadeen dawladda Soomaaliya iyo dadka degaankaas, taasina ay sabab u tahay inay xayiraan shaqaalaha iyo baabuurta shirkaddu inay u safraan degaannadaas. Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee tegay waxaa gacantooda ka baxay deegaano badan, ayada oo kooxda laga saaray gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, dowladduna ay qorsheyneyso inay dagaalka kusii fidiso gobollo kale. The post Xog: Al-Shabaab oo xayiraad kusoo rogtay shirkadda Hormuud appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa ka hadlay arinta hadal-heyta badan abuurtay ee ku saabsan soo xaadiridda shaqada ee shaqaalaha dowladda, dhawaan waxaa lasoo bandhigay tirada shaqaalaha sida joogtada ah waajibaadkooda u guta iyo kuwa iska maqan. Tiro-koob ay maalin ka hor soo bandhigtay dowladdu ayaa daaha ka qaaday in 80% shaqaalaha dowladda aysan soo shaqo tegin oo mushaarka ay macno darro ku qaataan. Hadalheyn iyo falcelin bulsho oo xoog leh ayaa ka dhalatay arrintaan, waxaana arrintaas si adag uga hadlay Sheekh Maxamed Idiris oo wareysigaan siiyey TV-ga Shabelle, wuxuuna dalbaday in dadkaan maqan la daba-galo oo lasoo ogaado cida qortay iyo tirada lacagta ay macno darrada ku qaateen, si looga soo celiyo hadii ay suurtaal noqoto. Sheekh Maxamed Idiris ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u diray fariin uu uga codsanayo inay arrintaan deg deg wax uga qabtaan, oo maalmaha soo socda la arko dad badan oo shaqada laga ruqseeyey iyo kuwo laga soo celiyey lacagihii ay iska qaadan jireen. “R/Wasaare Xamse waxaan ka rajeynayaa in shaqadaan uu ku cibaadeysto, sidii uu hadda ka hor noo sheegay, dadkeenu waxay u baahan yihiin cadaalad iyo isla xisaabtan, waxaan oo kale dunida kama dhacaan,” ayuu yiri. Sheekh Maxamed ayaa dul istaagay dhaliilaha dul-hoganaya hey’adaha dowladda oo aad u badan, isagoo su’aal ka keenay sababta ay u sameysan yihiin wasaaradaha qaar oo wax shaqo ah aan laga qabanin. “Soomaaliya markii horaba 70 wasiir uma baahneyn, 30 wasaaradood uma baahneyn, 7 ilaa 10 wasaaradood ka badan dalkaan ma qaadi karo, dad la iska qorayo, iyadoo shaqo loo qoro aan loo heyn, waxay muujineysaa in Soomaaliya aan dowladnimo laga rebin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Shiiqaan. 4,535 oo qof ayaa la cadeeyey in shaqadooda aysan soo xaadirin, wuxuuna Shiiqu ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha in arrintaan ay deg deg wax uga qabtaan oo umadda Soomaaliyeed ay dhaqaalaheeda u badbaadiyaan. Sheekh Maxamed Idiris, mar uu ka hadlay amni darrada Muqdisho wuxuu madaxweynaha ku taageeray hadalkii uu dhawaan ka hor sheegay booliska, isagoo ku eedeynaya inay amniga ku talagal u dayacaan. “Madaxweynaha waxaan ka sugeynaa hadii uu rabo inuu Janada galo oo taariikh sameeyo, madaxweyne dadkaan shaqada ka ceyri oo xabsi gey kuwa muteysta, meeshaan waxaa ku jira dad aan u naxayn bulshada, Madaxweyne qoorta uga istaag dambiilaha, anaga ayaa kugu taageeri doona dariiqaas wanaagsan ee isla xisabtankee,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamed Idiris. Hoos ka daawo The post Daawo: Maxamed Idiris oo si cajiib ah uga hadlay fashilka DF ka haysta shaqaalaheeda appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku dhawaaqay in la dhisayo guddi qaabilsan ilaalinta anshaxa iyo sharafta doorashooyinka qof iyo cod. Qoraal dheer oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa lagu xusay in ay muhiim tahay dhismaha guddi qaabilsan anshaxa iyo sharafta doorashooyinka qof iyo cod. Madaxweynaha Puntland faahfaahin kama bixin sida loo dhisayo guddiga ilaalinta anshaxa iyo sharafta doorashada islamarkaana kama hadlin shaqada uu qaban doono guddigaas. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhammaan la xallin doono cabashooyinka ka yimid soohdimaha degmooyinka ka hor inta aan la bilaabin diiwan-gelinta cod-bixiyaasha ee muddaysan shanta bisha kowaad ee sannadka cusub 2023. PUNTLAND POST The post Puntland oo dhisaysa guddi qaabilsan ilaalinta anshaxa iyo sharafta doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka hadlay kulankii labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay qoondada ay miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ku leeyihiin hey’adaha amniga. Xildhibaanada labada aqal oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa ka dooday miisaaniyadda, waxayna xildhibaanadu ka aragti dhiibanayeen dul-duleelada odorkaan miisaaniyadeed sanadka 2023-ka. Xildhibaan Saadaq Joon ayaa soo jeediyey in hey’adaha ammaanka miisaaniyadda loo wada kordhiyo, isagoo dhaliilay sababta looga tegay oo miisaaniyadda aan loogu kordhin sanadkaan wasaaradaha amniga iyo cadaaladda. “Sababta looga soo tegay wasaaradda amniga waxaan u maleynaa wasiirkii ayaa dhaawac ah, marka waxaan aragnaa in wax miisaaniyad ah aan loo kordhin hey’adihii amniga iyo cadaaladda, taasna sax maahan,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq. Sidoo kale xildhibaanka ayaa codsaday in miisaaniyadaan dib loo celiyo oo lagu soo daro wasaaradaha amniga iyo cadaaladda oo ay kala hoos tagaan ciidamada Booliska iyo Asluubta. Hoos ka daawo The post Daawo: Arrinta muhiimka ah ee Saadaq Joon uu kusoo qaaday kulankii BF ee maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa raali gelin ka bixisay qoraal kooban oo maalmo ka hor ay ku shaacisay in Macalin Dugsi Qor’aan uu Dhuusamareeb ku kufsaday seddax gabdhood oo yar-yar. Jeneraal Zakiya ayaa ka cudur daaratay cidii qalad u fahantay fariintii ay bulshada ugu soo bandhigeysay kiiskaas, kadib markii maanta maxkamad lasoo taagay oo wax dembi ah lagu waayey Macalin Shuceyb oo kiiskaas lagu eedeeyey. “Ka General Zakia ahaan waxaan ka xumahay in si khaldan loo isticmaalay fariintayda ku aadaneeyd dhacdaasi, waxaana si guud ugu cudardaranayaa MACALIMIINTEENA SOOMAALIYEED iyo qof walba oo si khaldan u fahmay fariinteedayda,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya. Haweenkii kiiskaas ku eedeeyey Macalin Shuceyb ayaa raali gelin ka bixiyey, sidoo kale Macalin Shuceyb ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu iska cafiyey haweenkii been abuurkaas ku sameeyey. Hoos ka akhriso qormada Jeneraal Zakiya: Bismillah Marka hore shacabka Soomaaliyeed waxaan kaga cudardaranayaa ismaan dhaafkii dhexdeena ka dhacay, marka xigana waxaan ka xumahay in faham khaldan laga qaatay fariintii kiiska《MACALIN SHUCEYB》oo eedaysane u ahaay hooyooyin Soomaaliyeed, kuwaas oo usoo dacwooday saldhiga Booliiska Deg- Dhuusamareeb, baaris kadib kiiska macalinka waxuu noqday mid lagaga been abuurtay, waxaana been abuurkaas cadeeyay boliiska kiiskana ku wareejiyay maxkamada, si sharci ahaan loo fasaxo, sidaasna waxuu ku helay xuriyadiisa. Intaasi kadib ka Booliis ahaan waxaan gudanay waajibkii naga saarnaa dhacdadaas, waxaana uga jawaabnay sida ugu dhaqsiyaha badaneed, madaama ciidanka Booliisku yahay u addeegaha shacabka. Marna ba Booliiska Soomaaliyeed diyaar uma ahan in muwaadin Soomaliyeed sharafkiisa iyo karaamadiisa ku xadgudbaan, bal Boliiska waa kuwa u carbisan loona dhaariyay ilaalinta SHARAFKA, MAALKA, NAFTA & SUMCADDA Muwaadinka. Ka General Zakia ahaan waxaan ka xumahay in si khaldan loo isticmaalay fariintayda ku aadaneeyd dhacdaasi, waxaana si guud ugu cudardaranayaa MACALIMIINTEENA SOOMAALIYEED iyo qof walba oo si khaldan u fahmay fariinteedayda. Mar walba Macallimiinteena iyo guud ahaan Bulshada Soomaliyeed waxaan u hayaa ixtiraam iyo qadarin gaar ah, waana ogahay mudnaanta & qiimaha gaarka oo macalimiinta ay siisay diinteena suuban. Difaacida nafta, maalka, sharafka iyo sumcadda bulshada Soomaliyeed, waa waxaan ugu xirtay deriiska ciidan. Mahad Badan, S/Guuto Zakia Xussen Axmed Taliye-Xigeenka Boliiska Soomaliyeed The post Jeneraal Zakiya oo jawaab kasoo saartay kiiska Macallin Shuceyb iyo eeda loo jeediyey appeared first on Caasimada Online.
-
Dabley hubaysan ayaa fiidnimadii Caawa dil ka geystay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa xaqiijiyay in koox hubaysan ay bartamaha magaalada ku toogteen marxuum lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi. Marxuumka oo kamid ahaa haldoor Gobolka Sool ayaa la toogtay xilli uu salaadda Cishe ka soo baxay masjid ku yaalla Laascaanood. Kooxdii weerarka fulisay oo aan haybtooda aqoonsan ayaa goobta isaga baxsaday islamarkaana waxaa halkaas gaaray askar ka tirsan Booliska Somaliland. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah haldoorka Gobolka Sool oo Caawa Laascaanood lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Laascaannood ayaa sheegaya in goordhaw kooxa hubaysan ay ku dileen Hadraawi Sangub oo kamid ah aqoon yahannada gobalka Sool. Dilka marxuumka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo ku hubaysan biskoolado oo aan haybtooda la aqoon. Marxuumka ayaa kamid ahaa xubnaha Xisbiga Wadani ee gobalka Sool, ciidamada ayaana gudaha magaalada kawada baaris ka ay ku baadigoobayaan kooxihii dilka gaystay. Inta badan waxaa magaalada Laascaannood ku soo noqnoqda falalka noocaan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa dalka ka curtay dagaal looga soo horjeedo kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab, kaas oo leh jihooyin kala duwan. Kooxda Al Shabaab ayaa muddo 15 sano ku dhow la noolaa dadka Soomaaliyeed, waxey si tartiin tartiib ah ugu fidayeen gobolada, degmooyin iyo deegannada dalka, iyagoo ujeedkoodu ahaa in ay aragtidooda ku baahiyaan guud ahaan waddanka Tan iyo markii laga saaray Muqdisho, Al Shabaab ayaa billaabay nolosha duurka, waxey u weecdeen dhankaa iyo MIYA, halkaas oo ay u arkeen in ay kusii noolaal karaan muddo fog, intaas kuma ekaane waxa ay si aan xowli aheyn ugusoo siqayeen magaalooyinka waaweyn, illaa ay la wareegaan gobolo qaar. Dowladihii isku beddelay dalka ayaa mid walba sida la qumman u wajihi jiray dagaalkooda, dowladdi Shiikh Shariif oo ku guuleysatay in ay ka saarto caasimadda ayaa taladii wareejiyay muddo gaaban ka dib, taas oo fursad ay urkayeen firaaqa yar ee isbeddelka maamulka dalka. Xasan Shiikh oo xilligaas ka yimid bulshada, maadaama uu ahaa bare soo saaray arday badan, sidoo kalena ahaa samafale si mudadawacnimo ah wax uga qabta adeegyada bulshada dalka ayaa la wareegay taladii, wuxuu durba ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo xilligaas ka xoog badneyd hadda. Wuxuu Xasan Al Shabaab kala wareegay deegaanno badan oo dhaca Shabeelooyinka, kuwaas oo ay ka mid aheyd magaalada Marka, Al Shabaab ayaa isku dayay in ay dib ula wareegaan deegannadaas, waxaana ka hor istaagay ciidamada xoogga. Kooxda Al Shabaab ayaa billaawday in ay lacago baad ah oo ay ugu yeeraan Zakawaat ka qaadaan dadka beeraleyda iyo xoola dhaqatada ku sugan deegganada ay qabsadeen, waxey dadka shacabka ka ula dhaqmi jireen si ka baxsan islaamnimada iyo bini’aaddanimada, taas oo keentay in ay shacabka nacaan kooxdan aan u dhaafeyn maalkooda iyo naftooda. Dowladdii madaxweyne Xasan ayaa taladii ka dagtay iyadoo dagaal qaraar kula jirtay kooxdan, waxaana xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo, kaas oo ololihiisa doorashada kusoo galay la dagaalanka Al Shabaab iyo nabad kusoo dabbaalidda dalka, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed Baarlamaanka hortiisa uga ballanqaaday dhowr qodob oo aan midna ka dhaqan galin. Wuxuu Farmaajo ballan qaaday in uu soo afjari doono kooxda Khawaarijta ah, in uu bixin doono hantida shacabka ay qaraxyada uga burburiyaan, qofkii sheega qof al shabaab ah in uu heli doono lacag 100 kun dollar ah, xogtiisana la qarin doono, in uusan waddo xiran doonin, beddelkeedana uu isaga gaari aan xabbada karin kori doono, dhammaan ballan qadyadaas iyo kuwo kale ma fulin Farmaajo intii uu dalka heystay. Shantii sano ee dowladdi Farmaajo iskaba daaye in Al Shabaab lasoo afjaree, waa shan sano ku suntan naaxinta kooxdaas, ma jirin wax tillaabo ah oo loo qaaday dagaalka Al Shabaab, tiiyoo ay jirto in lagu xanto in ay wada shaqeyn ka dhaxeysa, waxaa dhacay qaraxii ugu qasaaraha badanaa taariikhda Soomaaliya, kaas oo gallaaftay nolosha dad badan oo Soomaali ah, burburiyayna hanti aan qiyaas laheyn. Al Shabaab ayaa shantaas sano helay nasiino ay isugu fidin karaan deegaanno iyo gobolo aysan hore u heysan, waxey Muqdisho ka sameynayeen falal amni darro oo quus galisay qof walba oo Soomaaliyeed, waxey Al Shabaab dadka shacabka ee Muqdisho ku dhaqan billaabeen in ay ka qaadaan lacago baad ah, taas oo ay u sheegayeen in ay ku badbaadayaan. Kooxda ayaa Muqdisho ku laheyd xarumo ay ganacsatada ku maxkamadeyso, waxa ay abuurteen cabsi galin gaartay in qofkii masuul dowladeed ah ay soo wacaan uu iska bixiyo waxa ay weydiistaan, taas oo ah midda dhalisay shakiga ugu weyn ee ah wada-shaqeynta kooxda iyo dowladdii Farmaajo, waxeyna muddadaas shanta sano ah dhisteen awood Militery oo xooggan. April 2022, waxa ay Baarlamaankii Soomaaliyeed dib u doorteen Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa is beddelay jawigii dalka, waxaa abuurmay rajo uu qof walba aaminsanaa in ay rumoobi doonto maali ka mid ah muddo xileedkiisa, wuxuuna dalka galay is beddel aan la fileyn oo hadal heyn ka abuuray bulshada dhexdeeda. Kooxda Al Shabaab oo xilliyadii kala guurka dalka ka sameyneysay qaraxyo geystay khasaaro aan qiyaas laheyn ayuu waaga ku baryay, waxey sheegeen in ay dowlad walba sugaan inta ay ka caddeyneyso mowqifkeeda ku aaddan kooxdan. Maxey noqotay jawaabtii Madaxweyne Xasan Shiikh?. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab, kaas oo uu sheegay in uu ka duwanyahay dagaalladii hore, wuxuu madaxweynaha sheegay in dagaalkan uu u qorsheysnaa inta aysan qaban talada dalka, isagoona faray dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah kooxdan Khawaarijta ah. Ra’iisul wasaare Xamze oo isna hadlay ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ka go’antahay la dagaalanka kooxdan, dalkana aysan macquul aheyn in uu horumar sameyo inta ay kooxdan heystaan qeybo ka mid ah, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed ku booriyay in ay kacaan oo ay iska dulqaadaan kooxdan. Kooxda oo ka jawaabeyso go’aankii madaxda dalka ayaa handadaad ku billaawday qabaa’illadii Soomaaliyeed, waxey barakiciyeen shacab reer Miyi ah oo aan waxba ka galabsan, waxey gubeen guryahoodii, waxey ka qaateen hantidoodii, iyagoona dilay tiro badan oo iyaga ka mid ah. Wixii markaas ka dambeysay, waxaa gobolka Hiiraan ka curtay kacdoonkii uu madaxweynaha iclaamiyay, kaas oo shidaal kasii helay shacabkii ah kooxdu sida gardarrada ah u leysay, ceelashii ay sida arxan darrada ah u gubeen iyo hantidoodii ay qaateen, xilli ay dowladda Soomaaliya billaawday in ay garab istaagto shacabkii ku dhaqaaqay amarkii madaxweynaha, go’aankana ku gaaray in ay iska dulqaadaan kooxdan. Waxaa meesha ka baxday cabsidii ay shacabka ka qabeen kooxdan, waxaa dalka ka curtay kacdoonkii macawiisley, kaas oo dhabarjab ku noqday kooxda Al Shabaab, waxaana laga saaray deegaanno badan iyo magaalooyin waaweyn oo ay heysteen muddo ku dhow 15 sano. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa booqday dalal badan oo adduunka, kuwaas oo uu qaarkood xumaa xiriirka innaga dhaxeeya muddadii 5 sano aheyn ee uu dalka maamulayay Farmaajo, wuxuu madaxweynaha dhammaantood kala hadlay in ah garab ku siiyaan dalka ay shacabka Soomaaliyeed kula jiraan kooxda Khawaarijta ah, kaas oo ay Soomaaliya ku heshay taageero maaliyadeed, mid ciidan iyo mid saanad, waxeyna taasi basiin kusii shubtay dagaalkii curtay. Waxa ay ciidamada iyo shacabka wada socdo la wareegeen dhammaan degmooyinkii dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaa dalka ka dhacay weeraro qorsheysan oo lagu beegsaday kummaan dagaalyahan oo kooxdan ah iyo horjoogayaal, kaas oo ay fuliyeen ciidamada xoogga, kuwa NISA iyo dowlado caalami ah oo cirka ka taageerayay, qorshahaas oo wiiqay awooddii ay kooxdu diyaarineysay muddada 15 sano ah. Waxaa billaawday in dalka dib loogu soo celiyo ciidamadii muddada fog ku maqnaa dalka Eritrea, kuwaas oo habeennadaas ka daga Muqdisho, waxa ah kaalin weyn ka qaadan doonaan dib u xoreynta guud ahaan dalka, waxaana lagu wadaa in ay gaaraan furimaha dhawaan. Sidoo kale waxaa dalka dibaddiisa loo qaaday ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo loosoo diyaarinaayo gabo gabeynta howlgalladan dalka looga xoreynaayo aragagaxisada, waxeyna dalka kusoo laaban doonaan bilaha nagu aaddan hadduu alle idmo. Dagaalkan oo ay dowladdan cusub iclaamisay wuxuu kuwii hore kaga duwanyahay dhowr arrimood kuwaas oo aan waligood kooxda lagala dagaalin. 1- Waa dagaal dhaqaale Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kooxda ka cuuryaamisay dhammaan ilahii dhaqaale ay heli jireen, waxaa digniin adag loo diray ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda lacagaha baadda ah sii jiray, waxaana howlgallo qorsheysan lagu burburiyay maxkamado beenaadyo ay kooxdu ugu yeeri jiray ganacsatada iyo shacabka Muqdisho. Waxaa la xiray tiro Nootaayooyin la shaqeysan jiray kooxdan, kuwaas oo u gudbin jiray dhulalka la kala gato, lacagaha la kala dhigto, hantida ma guurtada ah ee la kala waregsado iyo wax isku darsiga ganacsi ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo nootaayooyinkan u tagi jiray in ay heshiisyada u kala qorto. Arrintan ayaa kooxdan u fududeyn jirtay in ay si dhaqso ah ku helaan xiriirka qofka ay doonaan ee dhul iibsaday ama laga iibsaday, waxeyna durba wicitaan iyo handadaad ku beegsan jireen dadkaas masaakiinta ah. Waxey dowladdu mamnuucday in lala macaamilo kooxdan, in lacag la siiyo iyo in ay loogu tago meelaha ay dadka ugu yeeraan, taas oo ciddii ka hor timaada ku xukun noqon donto iyaga, waxaa durba la xiray ganacsato badan oo lacago u diray kooxdan, kuwa aaday oo u doontay xukun iyo kuwo u hoggaansami waayah awaamjirtij dowladda. Waxaa xabsiga loo taxaabay odayaal dhaqameed aaday kooxdan si ay ula macaamilaan, kalana hadlaan arrimo quseeya beelaha ay kasoo jeedaan, kaas oo ka hor imaanaya amar madaxweynaha ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxdaas. 2- Wacyigelinta bulshada Dowladda Soomaaliya ayaa billaawday in ay masaajidda dalka laga aqriyo khudbado bulshada looga wacyigelinaayo khatarta kooxdaan iyo in aysan diin u dirir aheyn oo ay ka been abuurayaan diinta islaamka, waxaa badi masaajidda Muqdisho Jimcada lagu soo qaataa wacyigelin ku aaddan kooxda, taas oo ay hormuud ka tahay wasaaradda awqaadta iyo arrimaha diinta. Arrintaan iyada ah waxaa ka dhashay in ay tiro dhallinyaro ah kasoo baxaan kooxdan ka dib markii ay arkeen in aysan diin aheyn waxa ay ka shaqeenayaan, dadka shacabka ay leynayaan iyo sida ay u burburinayaan hantida iyo guryaha dadka masaakiinta ah, kaas oo jab weyn ku noqday kooxda Khawaarijta ah. Madaxweynaha dalka Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay masaajidka madaxtooyada ayaa sheegay in aan loogu imaan karin arrin quseysa qof kiis Shabaab lagu soo qabtay ama lagu tuhmay, wuxuuna sheegay in qofkii soo raadsha uu shabaab kale yahay, sharciga la horgeyn doono. Madaxweynaha ayaa sidoo kale gaaray dhawaan furimaha dagaalka gobolada Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, halkaas oo uu kula hadlay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al Shabaab, wuxuu madaxweynaha sheegay in ay ka go’antahay dagaalka kooxdan lagu cirib tiraayi, beel walbana laga rabo in ay xoreysato deegaannadeeda. Tan iyo maalintaas wixii ka dambeeyay, ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka ayaa la waregay deegaano hor leh, waxaa la arkayay diyaarado dagaal oo dhaawacyada kasoo daabulaya furimaha, tiiyoo ay jirto in deegganada qaar ay dowladda ka hirgelisay xarumo caafimaad oo ku filan daweynta dhaawacyada ciidamada iyo dadka deegaanka. Ra’iisul wasaare Xamze oo isna booqday furimaha dagaalka ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ka go’antahay soo afjaridda kooxda, wuxuu sheegay in deegaankii la qabtaba u diyaarsantahay qorshe adeeg dowladeed oo dhammeystiran, wuxuuna ballan qaaday in aysan ciidamadu dib ugasoo laaban doonin deegaannada soo galay gacanta dowladda. Al Shabaab ayaa hadda wajahaya xaalad dhaqaale darri, mid ciidan u dagaalama iyo mid bulsho, waxaa afka furta shacabkii ay muddada fog sida xoogga ah ku heysteen, waxey sheegeen in ay ku noolaayeen silac iyo dullinimo, waxeyna hadda qaarkood qeyb ka yihiin dagaalka lagu sii eryanaayo firxadka khawaarijta. Marka la eego awoodda shacabka, sida ay seefta gasha ugala baxeen, cududda ciidanka xoogga, kuwa cusub ee hadda dagaya ee Eritrea ka yimid, garab istaagga dowladaha adduunka iyo ka go’naanta madaxda sare ee dalka ee ah in khawaarijta lasoo afjaro ayaa muujineyso in ay soo dhammaadeen waayihiin kooxdan arxanka daran ee muddada fog jiqeysay dhiigga shacabka Soomaaliyeed, sababtana u noqday in ay god galaan waxgalkii ummadda Soomaaliyeed. W\Q: Cali Aadan Muumin. Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxay sheegeen in dowladda federaalka ay fara-gelin ku hayso arrimaha siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, xili ay taagan tahay xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kororsiga Cabdicasiis Lafta-gareen. Sidoo kale waxay sheegeen xildhibaanadu in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya loo adeegsanayo in qalalaase looga kiciyo Koonfur Galbeed, ayada oo arrintaan hore uga dhawaajiyeen siyaasiyiinta mucaaridka oo iyagu sheegay in ciidamadii loo adeegsaday dagaalkii Baydhabo ay qeyb ka ahaayeen kuwa federaalka. “Waxaan dowladda federalka ugu baaqeyna inay faraha kala baxdo arrimaha siyaasada, islamarkaana ciidamada kasoo baxay furimahooda dagaalka dib loogu celiyo,” ayey yiraahdeen. Dhinaca kale, Xildhibaanadaan ayaa ka dhawaajiyay in barlamaanka Koonfur Galbeed uusan sameyn muddo kordhin, hase yeeshe uu kaliya sameeyay is-waafajinta muddo xileedka madaxtooyada iyo baarlamaanka, taasi oo hadda uu ka qiil dhiganayo madaxweyne Lafta-gareen. Hadalka xildhibaannada ayaa imanaya xili uu maanta Lafta-gareen magaalada Muqdisho uga qeyb-galay shirka madasha wada-tashiga qaran, kaasi oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada. The post Koonfur Galbeed oo sheegtay in DF ‘ay xiisadda u hurineyso hal arrin darteed’ appeared first on Caasimada Online.
-
Malaayiin qof ku kala nool waddaamda Mareykanka iyo Canada ayaa ciidda masiixiyiinta ee kirismaska ku xayiran guryahooda xilli qabow aad u daran iyo dabeylo baraf wata ay u dhinteen ilaa iyo dhowr iyo soddon qof. In ka badan 60% guud ahaan dadka Mareykanka ayaa wajahaya digniino dhinaca cimilada ah iyadoo 175 kun oo qof ay wajahayaan koronto la’aan. Ciidaamda ilaalada qaranka Mareykanka ayaa loo daabulay gobolka New York, halkaa oo ay mas’uuliyiintu la tacaalayaan dhibaatadan taagan. Kummanaan duulimaadyo ah ayaa sidoo kale la xayiray, taasi oo sababtay in dad badan aysan u suuragelin inay la dabaal dagaan qoysaskooda. Qaran News
