Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Addis Ababa)- Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay gudaha u gali doonaan maalinta berri oo Khamiis ah magaalada Maqale ee xarunta gobolka Tigray, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Sida uu Warbaahinta u sheegay Ambassador Redwan Xuseen oo ah La-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ee dhinaca Amniga, waxaa sidoo kale maalintaa la fulin doonaa hub ka dhigista ciidamada TPLF. Arrinta hub ka dhigista ayaa ahayd qodob kamid ah waxyaabihii ay horey ugu heshiiyeen dowladda Itoobiya iyo TPLF, isla markaana kulankii u dambeeyay ee Nairobi lagu xoojiyay in la fuliyo qodobka hub ka dhigista TPLF. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Wafdi ballaadhan oo dhinaca dowladda Itoobiya ka socda uu maalin ka hor ka degay magaalada Maqale, halkaas oo ay labada dhinac waa Itoobiya iyo TPLF ay ka wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa hirgalinta waxyaabihii hore loogu heshiiyay. Source
  2. Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Israa’iil u fadhin doona dalka Turkiga salaasadii, iyadoo labada dal ay wanaajiyeen xidhiidhka ka dhexeeya sannado xiisad ah kadib. Turkiga iyo Israa’iil ayaa billaabay inay hagaajiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin kadib booqashooyin heer madaxeed ah sannadkan oo uu ku jiro booqashadii madaxweynaha Israel Isaac Herzog ee Ankara, waxayna ku heshiiyeen inay wada magacaabaan safiiro. Labadan dal ayaa ku heshiiyay “in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa marxalad cusub oo xidhiidh ah” oo ku saleysan ixtiraamka danaha labada dhinac. Irit Lillian, oo aheyd ku simaha safiirka Israel u qaabilsanaa Ankara tan iyo January 2021, ayaa noqotay safiirka cusub, kadib markii ay warqadaha kalsoonida u gudbisay Erdogan. Labadan dal oo mar ahaa xulufada iskugu dhow gobolka, ayaa muddo ka badan 10 sanadood xidhiidhkoodu ahaa mid aan wanaagsaneyn, iyadoo Ankara ay eriday safiirkii Israel kadib markii 2010-kii ay Israa’iil weerar ku qaaday markab gargaar u siday Gaza, kaasoo ay ku dhinteen 10 muwaadin oo Turki ahaa. Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labadan dal ayaa dib loo soo celiyay sannadkii 2016-kii, balse labo sanno kadib Turkiga ayaa u yeedhay safiirkiisii Israel, isla markaana ceyrisay ergaygii Israel, markii ciidamada Israel ay dileen tiro Falastiiniyiin ah oo ka qeyb qaatay banaanbaxyo ka dhacay Marinka Gaza. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay kulan isugu yeeray musharaxiinta mucaaradka Koonfur Galeed ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaas iyo muranka hareeyay doorashada kusoo socota. Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa goobjoog ahaa inta badan musharaxiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed, sida Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Aadan Fargeeti iyo xubo kale oo saameyn leh. Inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay, gaar ahaan dhacdadii sababtay dagaalkii magaalada Baydhaba. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wadahadlay arrimaha dib u heshiisiinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, si loo helo midnimo isla-markaana la’isaga kaashado sidii loo sii amba qaadi lahaa dagaalka dib u xorreynta ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Guddoomye Sheekh Aadan Madoobe oo madasha ka hadla ayaa dhankiisa boggaadiyay dadaallada billowday ee lagu doonayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu ku baaqay, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo musharaxiinta ay ku ballameen in kulan kale la isugu yimaado habeen dambe, si loo sii amba qaado wadahadallada socdo ee ku aadan xaaladda murugsan ee maamulka Koonfur Galbeed. Dhanka kale waxaa haatan caasimada Muqdisho isna ku sugan Madaxweyne Lafta Gareen oo ka qayb-galayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo xaaladaha taagan. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo 5-ta bisha soo socota ee Janaayo ee sanadka cusub la qaban doono shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, kaas oo go’aan rasmiga looga gaari doono arrinta maamulka Koonfur Galbeed. The post Maxaa kasoo baxay kulanka Aadan Madoobe iyo mucaaradka K/Galbeed? appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wada-jir ah yeeshay ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka. Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa mudanayaasha laba Aqal waxay dood ka yeesheen miisaaniyadda dowladda 2023, dood dheer iyo falanqeyn kadib Xildhibaannada BFS ayaa meel mariyay, 172 mudane ayaa ogol ugu codeeyay. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa Isniintii hortagay kulanka labada Gole, kaasi oo ay ku weydiiyeen su’aalo ku saabsan miisaaniyadda dowladda 2023, taasi oo ay ka soo shaqeeyeen Guddiga maaliyadda ee labada Aqal. Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar. 15-kii November ayey aheyd markii shirka Golaha Wasiirada shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre lagu meel-mariyay miisaaniyadda dowladda ee 2023 oo ka kooban dakhli gudaha ah iyo deeq, taasi oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar. Miisaaniyada maanta la ansixiyay ayaa waxay 49 Milyan oo Dollar ka badan tahay miisaaniyada sanadkii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya. The post Baarlamaanka oo ansixiyay miisaaniyad sanadka 2023 – Waa imisa kororka lacageed? appeared first on Caasimada Online.
  5. Diyaaradda Ethiopian Airlines oo ah shirkadda ugu weyn ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii maalinlaha ahaa ee ay ku tagi jirtay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray, iyadoo la sii ambaqaadayo heshiis nabadeed oo ay gadhwadeen ka tahay Midowga Afrika. Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay duullimaadyo maalinle ah ay howlgalin doonto laga bilaabo Arbacada ayna kordhin doonto tirada duullimaadyada maalinlaha ah hadba baahida loo qabo. Shirkadda ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolka toddobaadyo ka dib markii uu dagaal ka dhex qarxay bishii November 2020 ciidamada federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF. Madaxweynaha shirkaddan, Mesfin Tasiou, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dib u soo celinta duullimaadyada ay ka caawin doonto qoysaska inay isku xidhmaan marka laga soo tago fududeynta ganacsiga iyo dalxiiska. Baadhitaan uu sameeyay CNN sannadkii hore ayaa lagu eedeeyay diyaaradda Ethiopian Airlines in ay u soo daabushay ciidan iyo hub si ay ula dagaalanto fallaagada Tigrayga. Ethioipan Airlines ayaa beenisay eedeymahaas. Dib u bilaabashada duulimaadka ee lagu dhawaaqay ayaa imanaysa maalin uun kadib markii saraakiisha Itoobiya ay gaadheen caasimadda Tigray ee Mekelle markii ugu horreysay muddo ku dhow laba sanno, si loo fuliyo heshiiskii nabadeed ee November. Guddoomiyaha baarlamaanka Itoobiya Tagesse Chaffo Dullo ayaa hoggaaminayay wafdiga oo ay ka mid ahaayeen lataliyaha dhanka ammaanka ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed, madaxda shirkadaha dowliga ah, iyo xubno ka tirsan guddiga wadaxaajoodka qaranka ee Itoobiya. Source
  6. Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ayaa go’aan ay soo saartay ku xoojisay sharci xiligii Trump shaqaynayey, kaas oo ka hor istaagay kumannaan magan-galyo doon ah inay ka gudbaan xadka Mexico iyo Maraykanka. Sharcigan oo lagu magacaabo ( title 42) ayaa laamaha ammaanka awood u siinaya inay celiyaan dadka sida sharci darrada ah u doonaya inay uga tallaabaan xadka Mexico iyo Maraykanka. Madaxweynaha Maraykanka ee hadda xilka haya ayaa soo jeediyey in sharcigan aan lagu dhaqin dadka magangalayo doonka ah, hase ahaatee waxaa ka biya diiday dadka kasoo hor jeeda in soo galootiga xadka loo furo. Biden ayaa markii dambe soo jeediyay in sharcigani u shaqeeyo balse isbaddal lagu sameeyo. Go’aankan ayaa ka cadhaysiiyey qolyahay u dhaqdhaqaaqa soo galootiga, kuwaas oo hore u gudbiyey dacwad ka dhan ah sharcigan iyagoo ku tilmaamay inuu ka hor imaanayo mas’uuliyadda caalamiga ah ee u oggolaanaysa in dadka ay helaan magan-galyo. Hase ahaatee dadka sharcigan taageersan iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta bulshooyinka xadka deggan ayaa ku dooday in haddii la qaado xeerarkan ay dadku kasoo buuxsamayaan xadka iyagoo khatar galinaya ilaha nololeed ee gobollada xadka ku yaalla. Source
  7. Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay hal hay’ad isku yihiin Al-shabaab iyo Somaliland. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in Al-shabaab iyo Somaliland ay ku midaysan yihiin laynta shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa si adag u cambaareeyay dilalka qorshaysan ee lagu hayo dadka Reer Laascaanood waxaana uu dilalkaas ku eedeeyay Somaliland. ” Hal hay’ad ayay isku yihiinAl-shabaab iyo Somaliland waana wada-shaqaystaan waxaana Laascaanood dadka ku laaya waa Somaliland iyo Al-shabaab oo wada-shaqaynaya” ayuu yiri Wasiirka. Wasiirka ayaa sidoo kale cambaareeyay dadkii rayidka ahaa ee shalay ciidamada Somaliland ku laayeen magaalada Laascaanood kadib muddaharaad halkaas ka dhacay. PUNTLAND POST The post Puntland: Al-shabaab iyo Somaliland waxay isku yihiin hal hay’ad appeared first on Puntland Post.
  8. Urur siyaasadeedka Mustaqbal ee Puntland ayaa si adag u cambaareeyay dilalka qorshaysan iyo kuwa muuqda ee lagu hayo shaccabka magaalada Laascaanood. “Urur Siyaasadeedka Mustaqbal waxa uu si kulul u canbaaraynayaa, falalka arxandaradda ah ee si isdabajoog ah har iyo habeen loogu gaysanayo shacabka iyo Haldoorka magaalada Laascaanood” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray ururka. Urur siyaasadeedka Mustaqbal ayaa arrintaas ku tilmaamay danbiyo iyo xad-gudubyo ka dhan ah banii’aadanimada waxaana uu tacsi u diray dhammaan dadkii falalkaas ku waxyeelloobay. Sidoo kale Gen. Asad Cismaan Diyaano oo kamid ah urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntlane ayaa si kulul u cambaareeyay falalka dooxatada ah ee lagu beegsanayo haldoorka Gobolka Sool. “Waxaan si weyn u cambaaraynayaa falalka dhiig-dooxatada ah ee loo gaysanayo haldoorkii Magaalada Laascaanood” ayuu yiri Jeneraal Asad. Cambaareyntan ayaa ku soo beegmay xilli shalay ciidamada Somaliland ay rasaas la dhaceen dad rayid ah oo muddaharaad ka samaynayay Laascaanood. Inta la xaqiijiyay laba ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay falkaas waxaana ku dhaawacmay ilaa 7 qof oo kale. Shacabka ayaa ka muddaharaadayay dilalka qorshaysan ee ka socda magaalada Laascaanood kuwaas oo lagu beegsanayo haldoorka islamarkaana aysan jirin cid loo qabto. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  9. Mogadishu (HOL) - SNA Chief General Odawa Yusuf Rageh believes that the Eritrean-trained Somali soldiers' return will significantly boost the ongoing military offensive against Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  10. After assuming office, President William Ruto embarked on an active foreign policy campaign, which has seen him make eight international trips. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) - Somalia has grounded civilian planes at Mogadishu's Aden Adde airport ahead of Djibouti President Ismael Omar Guelleh's arrival on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  12. ADDIS ABABA, Dec. 27 (Xinhua) -- Ethiopian Airlines on Tuesday announced the decision to resume its flights to Mekele, the rebel-held capital of the country's Tigray region. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xayiraado ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom, waxaana arrintaas ka hadlay Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood. Caanood oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dooneyso inay ka hor tagto wax kasta oo ciidanku ay isticmaali karaan, isla markaana ay soo gaartay arintaan. “Deegaano badan oo Qaayib iyo Dhisaqshurufle ee gobolka Galgaduud ay ku jiraan ayey horay isgaarsiinta uga burburiyeen, sida aan ognahay Al-Shabaab ma ogola wax kasta oo ciidanka ay ku ogaan karaan xogtooda ama ku wada xiriiri karaan,” ayuu yiri Jeneraal Caanood. Afhayeenka ayaa sharkadaha ku amaanay inay dadaalaan oo dib u howlgeliyaan xarumaha ay mar kasta ka burburiso kooxdu. “Gobolka Hiiraan deegaano badan oo Yasooman, Tardo iyo Moqokori ay ku jiraan ayey ka burburiyeen isgaarsiinta, meel kasta oo ciidanku inay ku soo weeraraan ay ka cabsadaan waa ka burburiyaan isgaarsiinta,” ayuu yiri. Sidoo kale gobolka Sh/Dhexe wuxuu sheegay in meel kasta oo ciidanku ay uga soo dhawaadaan ay isgaarsiinta ka burburiyeen, isagoo soo tiriyey deegaanada laga burburiyey isgaariinta shirkadda Hormuud. “Gobolka Sh/Dhexe, waxay isgaarsiinta ka jebiyeen, sida Masaajid Caligaduud, Aadanyabaal, Juxaay, Al-Kowthar, Halgan iyo tulooyin u dhow Daarusalaam ayey ka burburiyeen xarumaha isgaarsiinta,” ayuu yiri. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in kooxdaan ay cadow ku tahay guud ahaan nolosha bulshada, isla markaana ay u arkaan in Hormuud ay tahay meelaha ay bulshado sahay ahaan ugu noolaa karaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Taliyaha oo la weydiiyey waxa ay kala socdaan amarka la duldhigay shirkada ayaa sheegay inay maqleen in Hormuud lagu amray in shaqaalaheeda aysan isku gudbi karin. “Waxay amarkaas kala jeedaan inay ka hor tagaan dhaqdhaqaaqa shaqaalaha shirakadda, iyagoo intaas ciqaab ka dhigaya, marka looma joojiyo in kastoo ay shirkaddu ciqaabantahay, hadana waa laga soo kabsadaa dhibka ay geystaan, tana waa qeyb dagaalka ka mid ah,” ayuu yiri Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2022/12/022a0000-0aff-0242-5622-08dae8145203_16k.mp3 The post Wareysi: DF oo ka hadashay xayiraada ay Al-Shabaab ku soo rogeen Hormuud appeared first on Caasimada Online.
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta markale ay dibadbaxyo dib uga bilowdeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaaasi, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi. Dibad-baxyadaan oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeedaaa dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalada Laascaanood iyo weliba madaxda hay’addaha amniga oo ku fashilmay wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi. Sidoo kale waxaa xiran goobaha ganacsiga, kadib markii ay iyaguna shaqo joojin sameeyeen ganacsatada ku dhaqan magaaladaas oo dhacda waqooyiga Soomaaliya. Qaar kamid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa Somaliland ka dalbaday inay ka hortagto dadka dilalka u geysanayo hal-doorka gobolka Sool, ayaga oo si weyn u dhaliilay hay’addaha amniga ee ku shaqada leh amniga magaalada Laascaanood. Dhinaca kale laamaha ammaanka ayaa isku daya inay ka hortagaan mudaharaadyada shacabka, waxaana ciidamo la dhigay bartamaha magaalada, inkastoo ciidamadu ay la kulmeen dhaleeceen xoogan, kadib khasaare ka dhashay rasaas ay shalay adeegsadeen. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ayaa dhankiisa si adag uga hadlay xiisadda ka taagan Laascaanood, isaga oo waxa ka socdo ku tilmaamay inay yihiin xasuuq ay geysaneyso Somaliland. “Waxaan aad u cambaaraynayaa xasuuqqa muddada dheer uu Maamulka Soomaaliland ku hayo dadka shacabka ah ee reer Laascaanood” ayuu yiri Senator Tima-cadde Si kastaba, dibad-baxayadan oo si weyn looga dareemay Laascaanood aya intii ay socdeen waxa ay saameyn ku yeesheen isku socodka dadka goobaha & ganacsiga ee magaaladaas. The post Dibadbaxyo maanta dib uga billowday Laascaanood iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  15. Tehran: Fourteen Iranian fishermen were set free over the weekend after spending eight long years in total captivity. The fishermen were released by the Somalian al-Shabab militant group following extensive diplomatic efforts by the Iranian foreign ministry. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU, SOMALIA — Somalia's president over the weekend said the vast majority of paid civil servants were neither in the country nor working. Hassan Sheikh Mohamud said 3,500 of 5,000 people on the government payroll appear to be so-called ghost workers. Source: Hiiraan Online
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku guuleystay kala jebinta ururada siyaasadda, kadib markii uu shir la yeeshay qaar kamid ah ururada. Garabka kasoo horjeeda Deni ayaa hore u soo saaray dalabaad ay ku xirayaan si doorashada uga qeyb-galaan, kuwaasi oo badankooda uu aqbalay Deni, hase yeeshe uu ganafka ku dhuftay labadii ugu cuslaa. “Ururada Siyaasadda Puntland waxaa ay ila wadaageen 13 qodob oo ay u arkeen kuwo u baahan in wax laga qabto kahor xilliga doorashada, 11 qodob oo kamid ah soojeedintooda waxaan ka bixinay garowshiyo oo qeybtood waxaan dhameystirnay iyadoo ay kulamadu noo socdaan, halka 2 qodob ay u baahdeen wax ka bedel sharci,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha. Deni ayaa ka horyimid in la furo nidaamka xisbiyada ee xadidan iyo in la dhimo tirada Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka, ayada oo go’aankaas ay ku raaceen garabka taabacsan ee urur siyaasadeedka. “Si loo yareeyo waxkasta oo caqabad ku noqon kara hanaanka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinkaba, waxaa ay dowladdu ka shaqeynaysaa xalinta cabashooyinka ku saabsan soohdimaha kahor intaan la gaarin waqtiga diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaash.” Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Waxaa ku baqayaa in la dhawro habraacyada iyo nidaamka xisbiyada Puntland, xubin kasta oo ku soo baxda magac urur islamarkaana ka baxda ururka oo ku biirta midaklae ama ka hortimaada ajendaha ururkiisa, waxay dhuminaysaa xasaanada, waxaana booskiisa ururku u magacaabaya qofkii kusoo xigey isaga. “Sida hore uga dhacday saddexdii degmo ee ay doorashooyinka ka qabsoomeen, ururkasta oo hela aqlabiyada codadka deegaan doorasho ama isbaahaysi ku yimaada labo urur, waxaa ay xaq u leeyihiin in ay soo dhisaan maamulka degmadaasi iyaga oo ka madax-banaan faro-gelin.” Qoddobada uu ogolaaday Deni ayaa u muuqdo kuwa aan laheyn miisaan buuran, lagana leeyahay dano siyaasadeed maadama labadii ugu muhiimsana uu ka horyimid, sida ay qabaan dadka sida ugu dhaw ula socda arrimaha doorashooyinka maamulka Puntland. Ururada Siyaasadda Puntland, gaar ahaan garabka ay isa-seegeen Deni ayaa hore warbaahinta uga sheegay inay ku kalaceen kulan ay la yeesheen madaxweynaha, kadib markii ay isku fahmi waayeen qoddobadii ugu muhiimsana. “Dhamaan wada-xaajoodyadii la xiriiray qodabadii dhinaa ee muhiimka u ahaa qabsoomida doorashada, madaxweynuhu ma fulin, balse taasi badelkeeda xukuumaddu ay ku mashquulsan tahay kala jabinta ururada iyadoo faro aan nadiif aheyn kula dhex jira ururada siyaasadda.” Waxay ku dhawaaqeen shirweyne ay isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo badbaadiyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Puntland, loogana saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee maanta ka jirta. The post Xiisadda Puntland oo kasii dartay kadib markii Deni uu ku gacan sayray laba qodob appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu soo rogay bandow, ayada oo la xiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo waddooyinka muhiimka ah, sababo la xiriira booqashada madaxweynaha Jabuuti. War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay tallaabada ay qaadeen laamaha amniga ee lagu joojiyay dhaq-dhaqaaqa waddooyinka iyo duulimaayada garoonka. Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa shaaca ka qaaday in muddada ay joogto martida ay xirnaan doonaan waddooyinka, waxayna shacabka ugu baaqeen inay dulqaad muujiyaan. Ujeedka loo hakiyay dhaq-dhaqaaqa ayaa hay’adaha amniga waxa ay ku sheegeen sugidda amniga muddada uu dalka uu joogayo Madaxweyne Geelle oo ku soo socda Muqdisho. “Hay’adaha ammaanka ayaa Muwaadiniinta sharafta badan ee Soomaaliyeed ka dalbanaya in ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga martida loo sugo,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee magaceeda loo soo gaabiyo (SCAA) ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ku wargelisay amarka lagu hakiyay duulimaadyada maanta ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay ku wargelinaysaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso in la hakiyay howlaha shaqo ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, Arbacada berri ah 28/12/2022, laga billaabo lixda subaxnimo (6am illaa 6pm ee fiidnimo, sabab la xiriirta dib u dayactir” ayey tiri SCAA. Hay’adda ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in go’aankan uusan saameyn doonin diyaaradaha gargaarka ee isticmaala garoonka weyn ee Aadan Cadde. “Wargelintan, saameyn kuma yeelanayso diyaaradaha gargaar degdeg ah ( Air Ambulance ) kuwa ay ciladda qabsato iyo diyaaradaha VIP-da ah,” ayaa markale tiri Hay’ddu. Si kastaba, madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo gaar ah la yeelan doono dhiggiisa Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna kadib xarigga ka jari doonaan dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA. The post DF oo WAR kasoo saartay xirnaashaha waddooyinka iyo garoonka MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  19. “Yaa dilay iyo mooyi maaha wax la aqbali karo ee xal baa looga baahnaa” WQ. mujaahid Cali Guray “XALKU XADHIG IYO XABBAD MAAHA Marka hore waxan tacsi u dirayaa qooyasaska ay ka baxeen muwaadiniintii naftooda ku waayay shaqaaqada ka socota Laascaanood oo gaadhay heer aan hore loo arag. Waxan leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan ha idinka siiyo iyagana naxariistii janno ha ka waraabiyo. Laascaanood marka hore waa la gabay hadana waa la gaasiray. Xukuumaddu way hagratay oo umay hagarbixin waxkaqabashada dilalka fooshaxun ee soo noqonoqata. Yaa dilay iyo mooyi maaha wax la aqbabi karo ee xal baa looga baahnaa. Hadda way dhaaftay intii ay adjaysan karayeen is-dhegomarinta xukuumadda oo waxay gaadhay “zero tolerance”. Waa maanta keentay kacdoonka shacbiga. Markaa yaan lala yaabin shacbiga gadoodsan qaladka ma laha ee cidii leh baa leh. Hadda caano daatay dabadeed la qabaye waxa uun asal ah in xaaladda la dejiyo si khasaaruhu aanu u sii socon ee intaa ugu joogsado. Shacbi gadooday dejin uma noqon karto in ciidamada lagu fasaxo dad gadoodsan oo aan hubaysnayn. Xadhig iyo xabbad lala dhexqaado dad shacbi ah oo gadoodsan oo aan hubaysnayn. Taasi maaha dejin ee waxa loo qaadan karaa kicin dano kale laga leeyahay weliba xiligan oo xaalado xasaasi ah dalka ay ka jiraan khilaaf siyaasadeed oo dhinaca doorashooyinka ahina uu heer xun maray, komishanku beri ay dalka ka bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyaha. Tuhunno soo baxayaana way jiraan eh Allah ha inoo sahlo.” Qaran News