Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Abdirisaq Khalif, Somaliland Parliamentary Speaker, has yet to speak up against militias killing and maiming citizens in Lasanod Lasanod (Editorial ) — Shortly after the assassination of a politician in Lasanod earlier this week, people took to the streets to express dislike for the rule of militias in the payroll of Somaliland administration. Since 2021 unidentified gunmen killed regional electoral chair, two district councillors, two militias members, and wounded at least seven persons associated with the regional administration. Somaliland government began to rely on different militias to the disappointment of core militias in West Lasanod whose leverage has been gradually weakening. Abdirisaq Khalif, Somaliland parliamentary speaker associated with one group of militias, refused to visit Lasanod after the relatives of the slain politician alleged that local militias “are behind the spate of assassinations”. Instead, Saleebaan Ali Kore, the gadfly Information Minister arrived in Lasanod. Mr Kore is now based in West Lasanod, an area known as the peaceful part of the district — meaning less assassinations take place there; a militia leader lives in West Lasanod. All staff working for Somaliland administration relocated to West Lasanod for fear of being targeted in other parts of the district. In 2021 more than 1700 Somalis were forcibly displaced from Lasanod after they had been falsely accused of masterminding targeted assassinations. Somaliland administration banks on local militias predominantly based in West Lasanod. The more locals perceive the militias as a backbone of the secessionist administration the more local politicians, councillors and judges remain vulnerable to targeted assassinations. The reign of warlordism is drawing to an end in Lasanod. Somaliland administration is torn between acting on warlords’ recommendations or accepting that relying on local militias and their warlord commanders makes Lasanod more uninhabitable. Militia leaders responsible for the killing and maiming citizens will be held accountable for the crimes against people who are legally represented in Mogadishu-based political institutions at federal level and in Puntland at sub-federal level. Somalia is sovereign country. If Somaliland forces and their allied militias continue to kill citizens for expressing their right to belong to United Somalia, any support for the Hargeisa-based administration amounts to aiding and abetting the destruction of the Somali state. The International Community should not be sitting on the fence about how Somaliland administration is enforcing its illegal claim to have unilaterally seceded from Somalia. © Puntland Post, 2022 The post Deployment of more militias in Lasanod will not end targeted assassinations appeared first on Puntland Post.
  2. Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal toos ah oo maanta ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dagaalka ayaa maanta bilowday kadib markii ciidamada Somaliland ay rasaaas la dhaceen shacab maalintii afraad muddaharaad ka samaynayay Laascaanood. Iska hor-imaadyo hubaysan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland dadka degaanka ayaa ka dhacay magaalada welina sii xoogaysanaya. Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda Laascaanood. Marxuum Bidde Faarax Caalin oo kamid ahaa culimada iyo haldoorka Laascaanood ayaa kamid noqday dadka ku dhintay dagaalka halka uu dhaawac yahay Taliyiyii Qaybta Booliiska Gobolka Sool ee Somaliland G/sare Cali Axmed Shire. PUNTLAND POST The post Khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka bilowday Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  3. Xukumada Somaliland oo ku guuldaraysatay inay ilaa & hadda gayso Sanaaduuqda diwaangalinta codbixiyaha Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag Deegaanada aan ilaa hadda sanaaduuqda la gayn ayaa waxa kamida Dhahar, Badhan iyo Laas-qoray, waxaana lay xaqiijiyay in sanaaduuqda deegaamadani ay yaalaan Magaalada Ceerigaabo. Wasiirada deegaamadaa kasoo jeeda oo ku sugan Ceerigaabo ayaa iyaga laftoodu tagi kari la deegaamadan. Qaran News
  4. London (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si caro ku dheehan tahay uga hadashay howlo ay shirkad shidaalka qodda ka sameysay deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, arrintaas oo markii dambena ay war kasoo saareen mas’uuliyiinta Somaliland qudhooda. Arbacadii ayey Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay war-saxaafadeed ay ku diidday wax ay ugu yeertay “sheegasho sharci darro ah” oo ay shirkadda Genel Energy ku sheegtay in ay heysato fasax ay sahmin shidaal uga sameyso Somaliland. Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta maalgashi iyo sahminta ay shirkaddaas waddo. Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in ay iyada keliya tahay hay’adda sida sharciga ah u oggolaan karta howlo laga fuliyo gudaha Soomaaliya. “Fasax kasta oo loo bixiyo si aan waafaqsaneyn shuruucda Soomaaliya iyo xeerarka waa mid sharci darro ah waxaana loo arkayaa in uusan waxba ka jirin,” ayey tiri wasaaradda. Dhanka kale wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland ayaa kasoo jawaabtay hadalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. War-saxaafadeed maalintii Khamiista kasoo baxay Wasaaraddan oo lagu naqdinayay warka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “cid aan Somaliland ahayn aysan bixin karin shatiga oggolaanaya howlo sahmin ah oo laga sameeyo Somaliland gudaheeda”. Labada dhinac ayaa u muuqda in uu khilaaf waji cusub leh soo kala dhex galay, iyadoo horay ay u jireen xiisado siyaasadeed oo ka dhaxeeyay. Maxay tahay Genel Energy? Genel waa shirkad madax bannaan oo si gaar ah loo leeyahay, taasoo ka shaqeysa sahminta iyo soo saaridda shidaalka. Boggeeda internet-ka ayey ku sheegtay in ay diiradda saarto wax soo saarta qiimaha raqiiska ah ku baxo ee lasii kordhiyo, kaasoo ka caawinaya sidii ay fursado u abuuri lahayd heer sarena uga gaari lahayd suuqyada caalamka. Shirkaddan, oo saldhiggeedu yahay magaalada London ayaa ku jirta liiska shirkadaha saamiga suuqa ee London. Sanadkii 2012-kii ayey liiskeeda waddamada ay sahminta ka sameyso ku soo dartay Somaliland. Sanadkii lasoo dhaafay ayey heshiis wadashaqeyn ah la saxiixatay hay’adda OPIC Somaliland si ay shaqo sahmin ah uga fuliso deegaanno ka tirsan Somaliland oo ku yaalla xadka Itoobiya, sida ay ku caddeysay boggeeda internet-ka. Dabayaaqadii sannadkii 2021 ayay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland barteeda Facebook soo dhigtay qoraal ay ku shaacisay heshiis ay la gashay Shirkaddaha Genel Energy iyo Opic Somaliland Corporation (OSC) . Horaantii bishan ayey shirkadda Genel sheegtay in ay soo gabogabeysay daraasad indho-indheyn ah oo ay ka wadday Somaliand. “Arrintan waxay na siineysaa xog aan la kaashanno qorshaheenna ku aaddan shaqada ugu muhiimsan ee dhinaca farsamada, taasoo billaaban doonta sanadka cusub,” ayey 15-kii bishan December kusoo qortay boggeeda Twitter-ka. Horay waxa ay Genel howlo noocan ah uga soo fulisay dalalka Uganda, Kenya, iyadoo ceelal shidaal oo aad u waaweyn ka heshay waddamada Mozambique iyo Tanzania, taasoo sababtay in ay howsheeda daneeyaan dalal kale oo ka tirsan Qaaradda Afrika. Bishii October, Soomaaliya waxa ay heshiis shidaal sahmin ah la saxiixatay shirkad laga leeyahay fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, taasoo baaritaan ku sameyn doonta ilaa toddobo goobood oo ku yaalla meelo ka ku dhow xeebaha. Isha: BBC Somali The post Xog ku saabsan shirkadda ka careysiisay dowladda federaalka ee Genel Energy appeared first on Caasimada Online.
  5. Waa sidee xaaladda magaalada Laascaanood Maanta? Waraka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay saaka deggan tahay balse ilaa iyo xalay saqdhexe ay socdeen dibadbaxyo goos goos ah. Ciidamada ayaa magaalada laga saaray oo ku noqday saldhigyadooda, inkasta oo rasaas goos goos ahna la sheegay in xalay magaalada laga maqlayey, wax khasaara ah oo rasaastaasi ka dhashayna lama soo sheegin. Mudaharaadayaashana waxaa la arkayey iyaga oo waddooyinka suraya calammada Soomaaliya iyo kan Khaatumo. Maamulka Somaliland waxay bixiyeen kharashka duugta dadki ku dhintay mudaharaadyadi ka dhacay magaaladaasi, waxayna ballanqaadeen iney bixinayaan magta dadki halkaasi ku dhintay. Magaalada Laascaanood maalmihi u dambeeyey waxaa ka dhacayey mudaharaadyo rabshado wata oo ay dhigayeen dad ka careysan dilalka isdaba joogga ah ee magaaladaasi ka dhaca waxaa ku dhintay 5 qof, qaar kalana waa ay ku dhaawacmeen Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay casho sharaf xalay Madaxtooyada Soomaaliya loogu sameeyay ayaa sheegay in maanta dalkeena u baahan yahay isku duubni. Madaxweyne Geelle ayaa bulshada Soomaaliyeed usoo jeediyay in la xoojiyo midnimada iyo garab istaagga dowladda iyo madaxda hoggaamineysa. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in la joogo waqtigii diiradda la saari lahaa midnimada, horumarka iyo xoojinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga gungaaro abaabulka xooggan ee socda, sida uu hadalka u dhigay. “Maxaan iraahdaa, Mahadsanid keliya miyaa dhahaa, kuma filna balse waxa aan leeyahay allaha idin barakeeyo, Horumar noo iftiimayo ayaan aragnaa, Hodannimo noo iftiimeysa ayaa inoo muuqata.” Madaxweyne Geelle ayaa sheegay inuu u muuqdo waxqabadka laga sugayo dowladda federaalka, sidaas awgeedna guud ahaan shacab iyo madax looga baahan yahay in la rumeeyo riyooyinkaas. “Madaxweyne Xasan Sheekh Soomaalida waxay usoo ceshatay ayay qabtaa, mar labaad haddana xariga qabo la yiri, anaga waan ku duceynay aad baan usoo dhaweynay, isaga iyo odoyada la shaqeynaya in ay isku duubnaadaan annaga ayaa dooneyna, Soomaaliya maanta waxa ay u baahan tahay Midnimo, isku duubnimo & dagaal mid ah in lawada galo.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladdiisa ay garab-taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay uga gudbaan duruufaha kala duwan ee heysta oo ugu horeeyo amniga. The post Geelle oo sheegay arrinta ay xilligaan si weyn ugu baahan tahay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  7. Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud macalin Cabdulle oo maalmahan safar shaqo ku joogo dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay madaxdada ugu sareyso ee Bisha Cas ee dalka Turkiga Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ay Bisha Cas Turkiga ku leedahay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, ayaa waxaa Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Mudane Alper Kucuk oo ah Agaasimaha guud arrimaha caalamiga ee Bisha cas Turkiga Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane maxamuud macalin cabdulle ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay soo dhaweynta sareysa ee loo sameeyay asiga wafdigiisa maalmaha ay joogeen dalka Turkiga waxaa sidoo kale kaga mahadceliyay Guud ahaan shacabka Turkiga iyo gaar ahaan Bisha Cas garab istaaga shacabka Soomaaliyeed Marxaladahii adkaa, Mudane Alper Kucuk Agaasimaha guud ee arrimaha caalamiga Bisha cas Turkiga Ayaa u sheegay Wafdiga Hay’adda Maareynta musiibooyinka in ay Bisha cas Turkiga diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqeeyso, asigoo u balan qaaday in ay ka tageeri doonaan arrimaha gurmadka deg deg oo ay Bisha cas Turkiga khibrad dheer u leedahay Wafdiga Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Hay’adda Mudane Maxamuud macalin ayaa ku sugan dalka Turkiga oo ay casuumaad rasmi ka haleen waxaa ayna la kulmi doonaan guud ahaan Hay’adda Turkiga ee ka shaqeeyo arrimaha binaadanimada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Brussels (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa ka fakaraya inuu taageero maaliyadeed oo culus siiyo ciidamada qaranka Soomaaliya, xilli ay guulo la taaban karo kasoo hoyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Hay’adda European External Action Service (EEAS), oo Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibedda iyo gaashaandhigga, ayaa lagu warramay inay diiradda saareyso Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Dhowrkii toddobaad ee tegay, Josep Borrel, oo ah wakiilka sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga iyo kooxdiisa, ayaa ka shaqeynayey dhowr xaaladooda oo lagu taageerayo ciidamada xoogga Soomaaliya illaa sanadka 2024. Lacagta guud ee ururka uu ka fakarayo inuu ciidanka Soomaaliya ku taageero ayaa ah €30 milyan, waxaana la qorsheyn doonaa ayada oo ay qeyb ka tahay mashruuca European Peace Facility (EPF). Hindisaha European Peace Facility (EPF) ayaa ah midka Midowga Yurub uu u adeegsado inuu ku taageero ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira ciidamada kusoo duulay ee Ruushka. Hindisahan ayaa sidoo kale horey loogu taageeray ciidamada dhowr dal oo ka mid ah Afrika, waxaana ugu dambeeyey ciidamada Rwanda oo dabayaaqadii November ku helay €20 milyan, si looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ay ka wadaan gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique. Taageerada cusub ee Midowga Yurub, ayaa haddii laga dhabeeya, iman doonto xilli aad muhiim ah oo ciidanka Soomaaliya ay u baahan yihiin gacan kasta oo ay heli karaan, ayada oo aad loogu rajo weyn yahay in dagaalka hadda socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu noqon karo mid guud ahaan dalka looga xoreeyo kooxdaas. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan billowday inay dalka dib ugu soo celiso ku dhowaad 5,000 oo askari oo tababar ugu maqnaa dalka Eritrea, kuwaasi oo qeybtoodii ugu horreysay dalka la keenay 21-kii December, lana filayo in lasoo geba-gebeeyo dabayaaqada Janaayo. Soo laabashada ciidankaas ayaa aad u kordhin doonta miisaaniyadda difaaca ee dowladda Soomaaliya, taasi oo culeyska dhaqaale ku kordhin doonta Villa Somalia. The post Midowga Yurub oo Somalia siinaya taageero difaac oo la mid ah tan Ukraine uu siiyo appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) - Somali intelligence forces and the Haram'ad Police Special Forces fully control Jilib Merca and Gandarshe villages under Merca town in the Lower Shabelle region on Friday morning following heavy fighting against al Shabab. Source: Hiiraan Online
  10. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay weerar goor dhoweyd ciidamada Somaliland ku qaadeen dad rayid ah oo maalintii afraad muddaharaad ka dhigaya Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale rasaas ku riday masjid laga jeedinayay khudbadda Jimcaha oo ay ku sugnaayeen dad weyne badan. Kacdoonkan ka socda Laascaanood oo loo bixiyay Kacdoonka buluugan ayaa shacabka magaaladu ku dalbanayaan in ay Somaliland ka baxdo Gobolka Sool. Kacdoonka oo markii hore ka bilowday dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lagu hayo dadka reer Sool ayaa sidoo kale samaayn ku yeeshay degaanno kale oo ka baxsan Laascaanood. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay weerar Ciidamada Somaliland goor dhaweyd ku qaadeen shacabka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  11. Bulshada Gobolka Mudug ee Puntland oo ay hoggaaminayaan Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shir maalmahan uga socday Gaalkacyo. War-saxaafadeedka ayaa lagu cambaareeyay shacabka Ciidamada Somaliland ku laayeen Gobolka Sool gaar ahaanna magaalada Laascaanood waxaana lagu sheegay in bulshada Gobolka Mudug ay garab taagan yihiin walaalahooda Gobolka Sool. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in bulshada Gobolka Mudug ay aad uga xun yihiin sida xukuumadda Deni ay af-hayeen ugu noqotay Somaliland oo xasuuqaya shacabka Laascaanood halkii ay ka difaaci lahayd. Dhinaca kale war-saxaafadeedka ayaa looga hadlay muranka ka taagan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland waxaana laga digay in qalalaase ka dhasho. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xukuumadda Deni oo lagu eedeeyay in ay af-hayeen u noqotay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mar kale hoygiisa kulan kula qaatay siyaasiyiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed, waxaana laga wada-hadlay arrimaha dib u heshiisiinta maamulkaasi. Guddoomiyaha iyo Siyaasiyiinta ayaa kulankaan iskula qaatay in mucaaradka uu ka qeyb-galo gogosha 5-ta Janaayo taalla magalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, si madashaas ay u noqoto mid loo dhan yahay. Isfahamka ay gaareen dhinacyada ayaa yimid kadib markii laga wada-hadlay saluugi ay horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, arrimahaas oo qaarkood laga wada heshiiyay, halka kuwa kalena la sheegay in shirka lagu xalin doono. Siyaasiyiinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqadii toddobaad ka hor ka dhacday Baydhabo, ayaga oo dalbaday in guddoomiyaha uu ka shaqeeyo gacan kusoo celintooda guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey shaqaaqadaas. Sidoo kale waxay sheegeen si loo abuuro jawi xasiloon laga fogaado waxkasta oo keeni kara gacan ka hadal dambe, islamarkaana laga dheeraado wax abaabul dagaal u eg. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa u ballan-qaaday siyaasiyiinta in tabasha kasta oo la kala qabo lagu xalin doono shirka loo balansan yahay horaanta bisha Janaayo. Wuxuu sii adkeeyay guddoomiyaha in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka deegaanka, si Koonfur Galbeed u noqoto meel xasilooni siyaasadeed ka jirto oo dadkeeda-na ku wada noolyihiin kalsooni iyo midnimo. The post Sheekh Aadan Madoobe iyo mucaaradka K/Galbeed oo gaaray isfaham muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka gaarka ah ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka iyo Booliska Haramcad ay si buuxda ula wareegeen deegaanada Gandarshe iyo Jilib Marka oo hoostaga magaalada Marka ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in deegaanadaasi ay horey ugu sugnaayeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, balse dagaal kooban kadib ay isaga baxeen deegaanadaasi. Howl-galo qorshaysan oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka ayaa saraakiisha ciidamadu sheegeen in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. Ciidanka NISA iyo Booliska Haramcad ayaa hore waxay howl-galo ballaaran uga sameeyeen deegaano badan oo ku yaalla inta udhaxeysa Muqdisho illaa magaalada Marka, waxaana Al-Shabaab laga saaray jidka isku xira labadaas magaalo. Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii xoogeysanaya, ayada oo maalinba maalinta ka dambeysa kooxda ay ku furmayaan furun cusub oo dagaal, taasi oo sii adkeyneysa inay is-difaacaan. Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxay kooxda weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah. The post Ciidanka DF oo Al-Shabaab kala wareegay degaano cusub appeared first on Caasimada Online.
  14. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay mar kale hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay siyaasiyiinta ku Midoobay Midowga Musharaxiinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbeed, shirkaas oo looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed. Siyaasiyiinta iyo Guddoomiyaha Aadan Madoobe ayaa Isla qaatay in laga wada qeyb galo gogosha 5-ta Janaayo taala magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii laga wada hadlay saluugi ay horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, arrimahaas oo qaarkood laga wada heshiiyay qaarka kalena shirka lagu xalin doono, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Dhanka kale waxay wax laga xumaado ku tilmaameen shaqaaqadii ka dhacay Baydhabo 23- December 2022, isla-markaana Guddoomiyaha uu ka shaqeeyo in guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey shaqaaqadaas lagu soo celiyo gacan ku hayntooda cidii iska laheyd si loo abuuro jawi xasiloon lagana fogaado waxkasto oo keeni kara gacan ka hadal dambe lagana dheeraado wax abaabul dagaal u eg. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa siyaasiyiinta la wadaagay in tabasha kasta oo la kala qabo lagu xalin doono shirka loo madlan yahay horaanta bisha Janaayo, isagoo adkeeyay in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka deegaanka, si Koonfur Galbeed u noqoto meel xasilooni siyaasadeed ka jirto dadkeeda na kuwada noolyihiin kalsooni iyo midnimo. PUNTLAND POST The post Aadan Madoobe iyo Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed oo isfahan gaaray appeared first on Puntland Post.
  15. Laascaanood (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku amartay Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl-gala magaalada Laascaanood ee gobolka Sool inay muddo kooban hakiyaan adeega telefoonada iyo Internet-ka. Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadahaan ku amartay inay sida ugu dhaqsaha badan u fuliyaan arrintaan, si hoos loogu dhigo kacdoonka sii xoogeysanaya ee ka socda Laascaanood, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyiin illo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Shirkadaha ay amarkaan gaarsiisay Somaliland ayaa waxaa kamid ah shirkada Golis oo ayadu ka howl-gasha Puntland, kana mid ah shirkadaha isgaarsiineed ee ay isticmaalaan dadka reer Laascaanood. Weli ma cadda jawaabta ay Shirkadaha Isgaarsiinta ka bixin doonaan amarka Somaliland oo guud ahaan saamaynaya isgaarsiinta magaalada Laascaanood. Somaliland ayaa hore u qaaday tallaabooyin noocan oo kale ah, wuxuuna ujeedkeedu yahay sidii ay meesha uga saari laheyd kacdoonka socda ee sida weyn loogu baahiyay Internet-ka iyo baraha bulshada. Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ahaa, kadib markii ay isku dhaceen Booliska iyo dibad-baxayaal ka careysan dilal qorsheysan oo magaaladaas ku batay mudooyinkii dambe. Xukuumada Somaliland oo shalay ka hadashay rabshadaha haatan ka socdo magaalada Laascaanood ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabooyin lagu xakameynayo xiisadda ka taagan magaaladaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay inay bixineyso magta iyo xabaala qodka dadka ku dhintay rabshadaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool. The post Somaliland oo shirkadaha isgaarsiinta dul dhigtay amar uga sii daraya xiisadda L/C appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdigiisa, ayaa waxa uu ku guddoonsiiyay billad-sharafta ugu sarreysa dalka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Billad Qaran ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada. Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan wada dhalasho, wax wada-lahaansho iyo derisnimo. “Caawa, waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna. Wiilku si kasta oo uu u dadaalo Aabihiis uma abaal gudikaro, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama ilaawaan ee ay noo galeen walaalaheenna Jabuuti”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dhankiisa ka mahad-celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay ayaa adkeeyay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabada ku xeeran hirgalinta himmilooyinka labada dal iyo shacab ee walaalaha ah. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo Geelle guddoonsiiyey billada ugu sareysa dalka appeared first on Caasimada Online.
  17. Families wept and kissed the tarmac at the main airport in Ethiopia's northern Tigray region as they reunited after being kept apart by war for more than 18 months. Source: Hiiraan Online
  18. December 29, 2022 (KHARTOUM) – Did Russia express any concern about Ukraine’s decision to provide humanitarian assistance to his country this is what Sudan Tribune sought to verify during the recent days. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya, Aadan Barre Ducaale, oo ay ka wada hadleen Iskaashiga Amniga iyo sidii dib loogu furi lahaa xuduudda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Aadan Barre Ducaale ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, si uu qeyb uga noqdo furitaanka Xarunta Akadeemiye-goboleedka Afsoomaaliga (AGA) oo laga dhisay magaalada Muqdisho, islamarkaana ay xariga ka wadajareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelleh. Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ay leedahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga xagga amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, oo dowladda Soomaaliya ay gaartay guulo waaweyn. Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen qaabkii dib loogu furi lahaa xuduudda labada waddan ee deriska ah, si ay u sahlanaato isu socodka iyo ganacsiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya. Kenya ayaa qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo Jubaland ku sugan, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Dowlad gobolleedka Jubaland ayaa waxaa ka socda u diyaargarowga dagaal xooggan oo kooxaha argagixisada looga xoreynayo deegaannada ay weli ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed. The post Sawirro: Xamza iyo Aadan Barre oo ka wadahadlay laba qodob oo ay ku jirto xuduudda appeared first on Caasimada Online.
  20. Briefly abducted, freed by Al-Shabaab after firefight with cops Source: Hiiraan Online