-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Outside the Albert Einstein hospital in São Paulo, fans started gathering when they heard the news of Pele passing. Some were dressed in the number 10 shirt Pele wore when playing for Santos. Outside a banner had been draped that read "Eternal King Pele". Source: Hiiraan Online
-
Maxaad ka taqaan 32-ka magaalo ee ugu Dalxiiska fiican adduunka? Ma dooneysa inaad gaarto ama ogaato gobaha ugu dalxiiska wanaagsan Aduunka? Toddobaadkan Hay’adda dalxiiska Adduunka oo hoos tagta Qaramada Midoobay ayaa daaha ka rogtay liiska 32 maagaalo oo aad ugu wanaagsan dalxiiska. Spain ayaa noqotay waddanka magaalooyinka ugu badan laga doortay liiskan: Waa Rupit, Alquézar iyo Guadalupe. Meelo kala duwan oo ku yaal Austaria, Vietnam, Shiinaha, Israa’iil iyo Talyaaniga ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka mid noqdaan dalalka laga xushay magaalooyinkan. Marka loo eego shuruudaha hay’adda UNWTO, 32-da magaalo ayaa waxaa laga soo dhex xushay – ku dhawaad 136 magaalo. Waxay sheegeen inay ku saleyeen – dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka. Sidee ayay hay’addu xulashada u sameysay? Sida laga soo xigtay hay’adda UNWTO waxay sameeysay in waddan kasta uu soo gudbiyo magaalooyinkiisa dalxiiska. Habka xulashada ka dib -kaasoo lagu tixgaliyay dhinacyo ay ka mid yihiin kor u qaadida iyo ilaalinta kheyraadka dhaqanka, waaritaanka dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka, horumarinta dalxiiska iyo caafimaadka iyo badbaadada ayaa 136 ka mid ah laga doortay. Ka dib ayaa hadana ugu dambeyntii laga sii dhex xushay32 magaalo. Haddaba waa kuwee magaalooyinkan? Zell am See (Austria) Wagrain (Austria) Puqueldon (Chile) Dazhai (Shiinaha) Jingzhu (Shiinaha) Choachi (Colombia) Aguarico (Ecuador) Angochagua (Ecuador) Choke (Itoobiya) Mestia (Georgia) Kfar Kama (Israa’iill) Sauris-Zahre (Talyaaniga) Isola del Giglio (Talyaaniga) Umm Qais (Urdun) Creel (Mexico) The Fort (Mexico) Ksar Elkhorbat (Morocco) Moulay Bouzerktoune (Morocco) Lamas (Peru) Raqchi (Peru) Castelo Novo (Portugal) Pyeongsa-ri (Kuuriyada Koonfureed) Rasinari (Romania) Al Ula (Sacudi Carabia) Bohinj (Slovenia) Rupit (Spain) Alquezar (Spain) Guadeloupe (Spain) Murten (Switzerland) Andermatt (Switzerland) Birgi (Turkiga) Thai Hải (Vietnam) Bisha Febaraayo ee soo socota mid ka mid magaalooyinkan oo ku taalla Sacuudi Carabiya oo la yirahdo Al-Uula ayaa waxay ku guuleystay in la qabto munsaabadda lagu maamusayo 32-da magaalo ee la soo xushay. Falcelinta ka dhalatay Afhayeen u hadlay waaxda dalxiiska ee Colombia ayaa sheegay in sheegay in Choachí loo xusho inay ka mid noqoto 32-da goobood. Dhanka kale agaasimaha xafiiska dalxiiska Spain Manuel Butler ayaa u dabaal degay guusha ah in dalkiisa laga xusho 3 magaalo oo uu noqdo dalka ugu magaalooyinka badan liiskan. “Waan ku faraxsanahay in hay’adda UNWTO ay Spain ka dhigto dalka ugu magaalooyinka badan liiska. Ujeedadayadu waa in aan kor u qaadno dalxiiska Spain oo dhan, waana ku faraxsanahay aqoonsiga caalamiga ah,” Butler ayaa sidaasi u sheegay wargeyska Ingiriiska ka soo baxo ee The Guardian . Qaran News
-
As part of Ukraine's aid to the people of Africa, who are on the brink of starvation, the shipment of 25,000 tonnes of Ukrainian wheat was delivered to the port of Berbera in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Boqorkii Kubadda Cagta oo geeriyooday Xiddigga kubadda cagta ee dalka Barazil ayaa maanta geeriyooday. Pele oo ay da’diisu ahayd 82 jir ayey dhawaan xaaladdiisa caafimaad liidatay, iyada oo uu la ildarnaa xanuunka kaansarka oo mandhaciirka uga dhacay. Pele oo rekoor calami ah oo dhanka kubadda cagta dhigay 21 sano oo uu ciyaarayey kubadda cagta waxaa uu u saftay 1,363 ciyaarood, wuxuuna dhaliyey 1,281 gool isaga oo 77 gool oo ka mid ah ku dhaliyey 92 ciyaarood oo uu u saftay. Wuxuuna ahaa ciyaartooyga keli ah ee seddex jeer ku guuleystay koobka Adduunka sanadii 1958, 1962 iyo 1970-kii. Waxaana Pele sanadki 2000 ay Fifa u aqoonsatay inuu yahay xiddigga kubadda cagta ee qarniga. Wuxuuna Pele sida oo kale laga daweynayey xanuun ka haleelay kalliyaha iyo xiniinyaha kaga dhacay. Nascimento Pele oo seddax jeer ku guuleysay koobka adduunka sanadihii 1958,1962 iyo 1970kii ayaa isbitaalka Sao Paulo ee Alberto Einstein la dhigay 24kii november. Inantiisa Kely Nascimento ayaa taageerayaashiisa baraha bulshada kula wadaageysay hadba xaaladda aabbaheed uu ku sugan yahay. Maanta oo Khamiis ahna taageerayaasha aabbaheed Pele, kely waxay la wadaagtay sawir qoyska Pele oo dhan ay ku wada jiraan gacmahana ay dul dhigeen jirka Pele oo sariirta isbitaalka dul yaalla oo meyd ah. Isbitaalka ciyaartooyga lagu dabiibayeyna waxay xaqiijiyeen geerida Pele, iyaga oo geeridiisa u sababeeyey xubno badan oo jirkiisa ka mid ah oo howshii gabay arrintaasina ay ka dhalatay cudurka kaansarka oo uga dhacay mandhaciirka. Barta Pele uu ku lahaa Twitter-kana waxaa la soo dhigay: “Dhiirragelin iyo jaceyl ayaa caalamd u ah waayahii Pele, oo manta geeriyooday. Jacayl, Jacayl, Jacayl abid ah.” Edson Arantes do Nascimento, oo loo garan ogyahay Pele, xiddignimadiisa waxay soo ifbaxday xilli ay da’diisu ahayd 17 jir dalkiisa Barzil uu ka caawiyey ciyaarihi koobka adduunka ee ay Sweden marti gelisay inuu hanto. Wuxuuna dhaliyeey goolka keli (1-0) ah ee dalkiisa u horseeday inuu koobka qaado, ciyaarti siddeed dhamaadka uu dalkiisu la galay France wuxuu dhaliyey 3 gool iyada oo ciyaartu ay ku dhammaatay 5-2. Pele marka ay da’diisu ahayd 15 jir wuxuu u ciyaarayey kooxda Santos muddo laba sana ah. Pelé, oo loo arkay mid ka mid ah xiddigihii ugu wanaagsan ee abid cayaara kubadda cagta, ayaa usoo cayaaray xulka Brazil iyo kooxda Santos. Inti uu kooxda Santos u dheelayey Pele wuxuu dhaliyey in ka badan 1,000 gool. Waxa uu dunida kasoo muuqday isaga oo 17 jir ah, cayaarihii Koobka Adduunka ee 1958-kii lagu qabtay dalka Sweden, markaasi oo uu ahaa xiddiga ugu da’da yar. Waxa uu cayaartii final-ka ee koobkaas ka dhaliyey 2 gool, xilli Brazil ay 5-2 kaga adkaadeen xulkii martida loo ahaa ee Sweden. Waxaa Pele loo aaneeyaa inuu yahay cayaartoyga ugu weyn markasta, Wuxuu ka soo muuqday 14 jeer cayaaraha kama dambeysta koobka adduunka isago dhaliyay 12 gool, waxaana lagu abaalmariyay kubadda dahabahiga ee Fifa isagoo noqoday cayaartoyga ugu fiicanaa 1970-kii. Laba kulan oo kaliya ayuu saftay dhaawacyo dartood, markii Brazil ay isla koobkii xigay ee adduunka ee 1962-kii ku guuleysteen, hase yeeshee wuxuu ahaa xiddiga Brazil ugu muhiimsan koobkii Adduunka ee 1970-kii ee Mexico oo sidoo kale ay ku guuleysteen Brazil. Koobka Adduunka ee 2012-kii la qabtay Pele wuxuu kaga qayb galay isaga oo da’diisu tahay 21 jir, wuxuuna waddadiisa guushi uu ku billaabay ciyaarta dalkiisu ay la ciyaareen Mexico oo 2-0 ku dhammaatay 2-da goolna uu dalkiisu Pele u dhaliyey. Guusha kale ee taariikhiga ahayd uu ka soo hoyey Pele waxay ahayd koobki adduunka ee 1966-kii Ingiriiska lagu qabtay, wuxuu Pele halkaa ka muujiyey ciyaar aad u qurux badan isaga oo noqday ciyaartooygi ugu wanaagsanaa dhanka weerarka, Kooxda Italy oo ay ciyaarta kama dambeysta isugu soo hareenna wuxuu ka dhaliyey 4 gool taasoo sababtay iney ciyaartu ku soo idlaato 4-1. Guushi ciyaarta Koobka adduunka uu dalkiisu la yeeshay xulka Italy waxay Pele u ahayd farxad aad u weyn oo uu la ilmeeyey. Tartan codeyn ah oo ay BBC Sport sameysay 2020-kii Pele waxaa loo doortay inuu yahay xiddigii ugu wanaagsanaa ee abid cayaara kubadda cagta, waxaa inta badan Pelé lala soo hadal qaadaa Diego Maradona, Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Johan Cruyff. Pele waxaa si weyn looga xusuustaa sawirkiisa qaarka hore uu ka qaawan yahay xilligii dalkiisa uu ku guuleystay Koobki Adduunka uu martigeliyey dalka Mexico. Ugu dambeyn, Edson Arantes do Nascimento, oo loo garan ogyahay Pele oo ahaa xiddigga kubadda cagta ugu wanagsanaa oo dunida soo mara waa uu geeriyooday balse magaciisu wuxuu sii ahaan doono mid aan laga illaawin goob kasta oo kubbad cagta lagu ciyaaro. Qaran News
-
Soomaaliya ma aha dal siyaasaddiisu qaan-gaartay oo hannaankiisa xukun dhidibadu u taagmeen oo leh awoodo is dheelitiraya iyo hannaan khilaafka siyaasiga ah iyo kan dastuuriga lagu xalliyo. Mana aha dal ay awooddu kali-talis ama qoys gacanta ugu jirto. Waa dal colaad sokeeye iyo xukun la isku dilay ka soo kabanaya, siyaasad jilicsan iyo xukun nugul oo kabkab ah ayaa ka jira. Marka la eego dooddii iyo dirirtii labadii sano ee ugu danbysay ee rajiimkii hore ka dhacday khilaafka doorashooyinka, muranka iyo loollanka haatan ka tagaan doorashooyinka Somaliland, Puntland iyo tan gacan ka hadalka gaartay ee Kuufur Galbeed iyo mugdiga haraynaya doorashooyinka dawlad Gobolleedyada kale waxay tilmaam ka tahay marxaladda cusub ee ay Soomaaliya foolanayso. Waxaa walwalka sii xoojinaya in horwaynta (elite) siyaasadda Soomaalida ay iyaga uun isku muuqdaan, moogyihiinna heer kulka dareenka taban ee bulshadu ka qabaan siyaasada iyo siyaasiyiinta. Soomaaliya waa dal dadkiisu in ka badan 70% dhallinyaro yihiin, kuwaasoo doonaya in ay mustaqbalka la noolaadaan, macno waynna aysan ugu fadhiyin hurgomooyinkii iyo aanooyinka qabiil ee awoowayaashood kala gaaray, waxay hamuun wayn u qabaan nolasha dunida casriga ah ee ay maalin walba ka daalacdaan aaladaha xiriirka baraha bulshada. Xaaladaha cakiran ee dalka waxay ku soo beegantay iyadoo uu bolol (decay) ku dhacay, ama ay ilka beeleen, awoodihii soo jireenka ahaa (Traditional Authority) iyo iyadoo 20-kii sano laga gudbi waayey hanaanka 4.5, siyaasiyiintuna ku guuldaraysteen in ay dhisaan nidaam dawladeed oo awoodihiisu is dheelitirayo, lehna aalado iyo hannaan khilaafka lagu xalliyo, xukunka nabad lagula kala wareego, nidaamka amniga, ciidanka, shaqaalaha rayadka ah, diblomaasiyada mutaysi lagu dhiso. Marka la eego quusta iyo niyad jabka laga qabo siyaasiyiinta iyo qaflada ay ku jiraan, duruufaha maalinba maalinta ka danbaysa sii qalafsanaanaya ee nolosha dadkeenna, dulqaadka bulshada ee gabaabsiga sii noqonaya, gocoshada iyo gadoodka xoogga leh ee aqlabiyadda aamusan (Silent majority), waxaan shaki ku jirin in xaaladdu ay riman tahay marxalad cusub, kaasoo laga yaabo in kacdoon bulsho horseedo. Waxay u badan tahay in wejiga hore ay Al-Shabaab ku bixi doonaan, laakiin aan la kala hari doonin. Waxaan mar walba aaminsanahay in mustaqbal iftiin leh uu Soomaalida ka horreeyo. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha The post Aqlabiyada Aamusan – W/Q Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Jerusalem (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa Arbacadii hadal weyn oo suurtagalnimsiisa ay ku xiran tahay waakhriga ku sheegay in laga yaabo in Israa’iil ay weerarto xarumaha Nukliyeerka Iran laba ama saddex sano gudahood. Iyadoo dadaallada caalamiga ah ee lagu cusboonaysiinayo heshiiska nukliyeerka ee 2015 uu wiiqmay, ayaa Iiraaniyiintu waxay kor u qaadeen kobcinta uranium-ka, habka isticmaalka rayidka ah kaas oo ugu dambeyntii soo saari kara shidaalka bambooyinka nukliyeerka – inkastoo ay diidaan naqshad noocaas ah. Khubarada ayaa sheegaya in Iran laga yaabo inay kor u qaaddo nadiifinta uranium-ka ilaa heerka hubka muddo gaaban gudaheed. Laakiin waxay sheegeen inay sannado qaadanayso in la dhiso madax dagaal oo la ridi karo – qiyaastaas oo uu ku celceliyay jeneraal ka tirsan sirdoonka milatariga Israa’iil bishan. “Laba ama saddex sano gudahood, waxaa laga yaabaa inaad cirka kasoo gudubtaan oo aad weerar ku qaadaan goobaha Nukliyeerka ee Iran,” ayuu wasiirka difaaca Benny Gantz u sheegay ardayd ka qalin jabinaysay ciidamada cirka. Saadaasha sirdoonka millatariga Israel ee 2023 ayaa ah in Iran “ay ku sii socon doonto waddadeeda hadda ee horumarka tartiibta ah” ee saaxada nukliyeerka, sida uu sheegay wargeyska Israel Hayom Axadii. VOA + Reuters The post ISRAEL oo shaacisay goorta ay weerari doonto IRAN appeared first on Caasimada Online.
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya Aadan Barre Ducaale, oo ay ka wadahadleen Iskaashiga amniga iyo sidii dib loogu furi lahaa xuduudda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ay leedahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga xagga amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo dowladda Soomaaliya ka gaartay guulo waaweyn. Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen qaabkii dib loogu furi lahaa xuduudda labada waddan ee deriska ah, si ay u sahlanaato isu socodka iyo ganacsiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya. Kenya ayaa qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo Jubaland ku sugan, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhiga Kenya oo ka wadahadlay labo qodob appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay ee IOM oo hirgelisa mashruuca dhaqancelinta dadka kasoo goosta ururrada xagjirka ah ayaa sheegtay inaysan weli soo gaarin dhaqaalihii lagu socodsiin lahaa xarumahaasi oo ku kala yaalla magaalooyinka Muqdisho, Baydhaba iyo Kismaayo. Hay’adda IOM waxay sheegtay inaysan illaa hadda wax lacag ah soo gaarin. “Xilligan IOM ma hayso dhaqaalihii ay kusii wadi lahayd barnaamijka,” sidaasi waxaa VOA qoraal ugu sheegay madaxa IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin. Hay’adda ayaa dhowaan ku wargelisay mas’uuliyiinta dawladda Soomaalida in dhaqaalihii lagu wadayey xarumahan uu istaagayo sannadka cusub bilowgiisa haddii aan dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaashu heshiis ka gaarin mustaqbalka hawlaha barnaamijka dhaqancelinta. “Haddii aan maalgelin nasoo gaarin inta ka dhaxaysa hadda iyo 31-ka December, masii wadi doono taageerada barnaamijka,” ayuu yiri Celestin. “Taageeradeenu waxay istaagaysaa 31-ka Decmber 2022,” ayuu intaasi ku daray. Waxa uu sheegay in tallaabadan aysan ahayn go’aan kama dambays ah oo lagu joojinayo taageerada, balse ay tahay hakin ilaa inta heshiis lala gaarayo dawladda federaalka oo ku saabsan sidii horey loogu socon lahaa. Mashruucan oo ay ku baxdo malaayiin dollar sannad walba waxa dhaqaalihiisa bixiya waddamada deeq-bixiyayaasha oo ay ugu horreeyaan Britain iyo Jarmalka. Safaaradaha labadaas waddan ee Soomaaliya waxay muujiyeen inay doonayaan in dawladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadato sidii ugu dambayn ay dawladdu ula wareegi lahayd hawsha mashruucan. Afhayeen u hadlay safaaradaha Bratain iyo Jarmalka ee Soomaaliya ayaa u sheegay VOA Somali in labada dawladood ay in muddo ah soo taageerayeen barnaamijka. “Barnaamijka hadafkiisu waxa weeye inuu dariiq bad-qab leh u jeexo kuwa soo goostay ee ay khatartoodu yartahay iyo haweenka ku xiran inay ka haraan kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn, iyo si cimri leh in dib loola mideeyo bulshadooda,” ayuu ku yiri af-hayeenka u hadlay labada safaaradood qoraal uu usoo diray VOA. Safaaradaha Britain iyo Jarmalka waxay sheegeen inay doonayaan inay sii wadaan taageerada dhaqaale ee ay siiyaan barnaamijkan sannadaha 2023 iyo 2024, waxayse sheegeen in wadahadalladii ay kula jireen dawladda federaalka ay weli socdaan. “Si loo xaqiijiyo in (mashruucan) sii socdo muddada fog, lahaanshihiisa waxa lagu wareejinayaa dawladda Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka. Waxa uu sheegay inay qayb ka qaadanayaan naqshadaynta nidaamka kala-guurka ayna qorshaynayaan inay taageeraan hirgelintiisa kadib marka is-afgarad laga gaaro qorshaha. Waxay sheegeen inay wadahadalladu weli socdaan. Barnaamijkan Dhaqancelinta iyo Maamulka ee Dagaallamayaasha soo goosta waxa uu soo socday muddo illaa 12 sano ah, waxaana ka faa’iidaystay kumannaan qof oo kasoo goostay kooxaha xagjirka siiba Al-Shabaab, kuwaasi oo iskugu jira rag iyo dumar oo helay dhaqancelin, dibna ugu biiray bulshada. Saddexda xarrumood ee xilligan ka furan Muqdisho, Baydhaba iyo Kusmaayo ayaa la sheegay inay ku jiraan dad soo goostay oo ka badan 450, sida ay sheegeen ilo codsaday inaan magacooda la sheegin xasaasiyadda shaqadan darteed. Mashruucani waxa uu hoos yimaaddaa Wasaaradda Amniga Gudaha ee dawladda Soomaaliya. VOA waxay la xiriirtay Wasaaradda Amniga Gudaha, waxayna Wasaaraddu sheegtay inaysan xilligan waraysi ka bixinayn barnaamijkan. Marka ugu horraysa ee ay taasi suurtogashana waan idiin soo gudbin doonaa. The post Xarumo muhiim u ah dagaalka DF kula jirto Al-Shabaab oo dhaqaale la’aan u xirmi raba appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - On Thursday, Djibouti President Ismail Omar Guelleh addressed Somalia's parliament, expressing his support for the Somali government's ongoing efforts to combat terrorism and restore stability. Source: Hiiraan Online
-
Dadka Laascaanood oo caawa bannaan-baxaya. Laascaanood (Faallo)— Cabsi baan ku noolaa ka hor inta aan ahaa xubin gole deegaan ee Laascaanood. Ugu yaraan afar qof oo aan la soo shaqeeyay bay dileen kooxo aan haybtooda la aqoonin. Maamulka Somaliland wuu ogaa inaan sandareero shaqada ugu xishay. Ma kala jecla in xildhibaan la dilo ama inuu badbaado. Maamulka ayaaba aalad u ah ciidan beeleed inuu gadoodo laga cabsado. Dilalka qorsheysan lagu beegsanayo siyaasiyiinta iyo hawlwadeennada ku sugan Laascaanood taabacsan maamulka Somaliland way kordheen tan iyo markii 1700 oo Soomaali ah Laascaanood qasab looga barakiciyay 2021kii. Maleeshiyada sida gaar ah ay Somaliland u masruufto waxay isku urursadeen Galbeedka Laacaanood oo ah meel ay siyaasiyiinta iyo hawlwadeennadu u guureen. Xoogagga beegsnaya siyaasiyiinta iyo hawlwadeennada u shaqeeya Somaliland waxay cabsi joogto ah ku abuureen qof kasta oo uga shaqeeya Laascaanood maamulka Somaliland ama xisbi Somaliland ka jira ka tirsan. Cabdirisaaq Cataash ururkiisu ma soo bixi doono haddii codeynta uu filayo fashilanto. Xoogagga qarsoon way ka saameyn weyn yihiin dhaqdhaqaaqyadii hore oo ku kallifi jiray Somaliland inay sii maalgeliso maleeshiyada. Kooxda dilalka qorsheysan fulisa waxay tuseen dadka in sheegashada metelaad siyaadadeed oo sharcidarro ah laga dheefo cabsi iyo suurtagalnimada in siyaasigu ama hawlwadeenku isu loogo halis uu ku dhaawacmi karo ama nafta ku waayi karo. Somaliland ma xallin karto dilalka qorsheysan waayo ku tiirsanaanteeda maleeshiyo beeleedka Laascaanood ayaa koobaysa awoodda ay kula shaqayn karto kooxo iska soo horjeeda. Somaliland waxaa Laascaanood keensaday siyaasiyiin qaarkood Puntland wax ka asaaseen. Siyaasiga ama xubin gole deegaan sheeganaya inuu metelo Sool isagoo ku tiirsan Somaliland wuxuu sirayaa naftiisa. Siyaasiyiin iyo hawlwadeenno is casilay ayaa iskaga tagay Laascaanood waayo xoogagga dilalka qorsheysan fuliya ma kala soocaan kan weli u shaqeeya Somaliland iyo kii u shaqayn jiray. Xaglatoosiye uma codad doonan Buuhoodle. Inuu tartanka ka baxo ayay u badan tahay qalalaasaha dhacay awgiis. Waxay u badan tahay inaysan diiwaangelin codbixiyeyaasha ka dhici doonin Sool. Cataash iyo Xaglatoosiye oo kala wata laba urur siyaasadeed ayaa candhuuftooda dib u liqay. Somaliland ma sii maalgelin karto maleeshiyo beeleed aysan runta ula bareeri karin. Dambiyo badan bay maleeshiyadu geysteen. Dadka gaboodfalka geystay iyagoo u shaqaynaya maamulka Somaliland waxay mutaysan doonaan ciqaab. Maamul aan heshiis lagu ahayn kama shaqayn karo magaalo. Casharka ugu weyn laga bartay amnidarrada Laascaanood ka taagan waa in dhowr siyaasi yihiin xuddunta siyaasadda qabqablenimada ka tisqaadday Laascaanood Oktoobar 2007. Waa meel ka dhac in kuwa dadka dhibaateeya haldoor lagu tilmaamo marka ay dhibbane u noqdaan weerarro qorsheysan. Kuwa hadda is casila oo dadkooda cafis weydiista waxay heli doonaan fursad ay nolol cusub oo aan ahayn dambi ku noolaansho. Cabsida ka muuqata wajiga Duqa Magaalada Laascaanood ayaa muujinaysa in xaalku ka sii daran yahay cir kaa dheer, dhul kaa dheer. The post Qabqablayaasha ku sugan Laascaanood gabbalkoodu wuu dhacay appeared first on Puntland Post.
-
He was hailed as the king of soccer, but it was Pelé’s other nickname — the Pérola Negra, or Black Pearl — that best evoked the rare brilliance he packed into his diminutive frame. Pelé, who for decades staked a claim as the world’s most celebrated athlete, died Dec. 29 at 82. Source: Hiiraan Online
-
Brasilia (Caasimada Online) – Pelé, boqorkii Kubadda Cagta, oo ku guuleystay Koobka Adduunka saddex jeer, ayaa dhintay. Wuxuu ahaa 82 jir. Pelé ayaa waxaa tan iyo 2021 laga daweynayey cancer-ka ku dhaca mindhicirada. Waxaa isbitaal la seexiyey bishii tegtay kadib markii uu dhowr jeer xanuunsaday. Wakiilkiisa Joe Fraga ayaa xaqiijiyey dhimashadiisa. Pelé, oo loo arkay mid ka mid ah xiddigihii ugu wanaagsan ee abid cayaara kubadda cagta, ayaa usoo cayaaray xulka Brazil iyo kooxda Santos. Marka ay noqoto xiddigii ugu wanaagsanaa ee abid cayaara kubadda cagta, waxaa inta badan Pelé lala soo hadal qaadaa Diego Maradona, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Goolasha uu dhaliyey Pelé ayaa inta badan la isku khilaafsan yahay, waxayna u dhaxeeyaan 650 illaa 1,281, sababtuna waxay tahay in dadka qaar aysan xisaabin goolasha heerka hoose ee uu dhaliyey. Waxa uu dunida kasoo muuqday isaga oo 17 jir ah, cayaarihii Koobka Adduunka ee 1958-kii lagu qabtay dalka Sweden, markaasi oo uu ahaa xiddiga ugu da’da yar. Waxa uu cayaartii final-ka ee koobkaas dhaliyey 2 gool, xilli Brazil ay 5-2 kaga adkaadeen xulkii martida loo ahaa ee Sweden. Laba kulan oo kaliya ayuu saftay dhaawacyo dartood, markii Brazil ay isla koobkii xigay ee adduunka ee 1962-kii ku guuleysteen, hase yeeshee wuxuu ahaa xiddiga Brazil ugu muhiimsan koobkii Adduunka ee 1970-kii ee Mexico oo sidoo kale ay ku guuleysteen Brazil. Gool ayuu dhaliyey, wuxuuna sidoo kale gool kale u baasay Carlos Alberto, ayada oo Brazil ay 4-1 kaga adkaadeen Italy. The post Boqorkii Kubadda Cagta adduunka oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Hay’adda guud ee cuntada iyo daawooyinka ee Sacuudiga ayaa soo saartay go’aan farxad leh oo ku aadan in xayiraadii laga qaaday hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo soo dhoofin jiray Boqortooyada Sacuudiga. Wargeyska CUKAAD ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ogaaday, soona daabacday xogtaasi lagu shaaciyey in la fasaxay hilibka iyo xoolaha geela, lo’da iyo idaha laga keeni jirey Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa timid iyadoo la tixraacayo qoraal ay soo saartay hay’adda caalamiga ee caafimaadka xoolaha (المنظمة العالمية للصحة الحيوانية), si loo qaado xayiraadii xoolaha Soomaaliya saarnayd. Dhanka kale, Rugta Midowga Ganacsiga dalka Sacuudiga ayaa billaabay inay wareegto u kala diraan rugaha ganacsiga iyo macaamiisha kale ee ay khuseyso, si loogu wargeliyo in xayiraadii laga qaaday Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin go’aankan. Tallaabada ay qaatay dowladda Sacuudiga ayaa waxaa soo dhoweeyey ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa xoolaha u iib-geeya dalkaasi. Soomaaliya oo caan ku ah wax soo-saarka iyo xoolaha ayaa wadamo badan u dhoofisa xoolaha nool, sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale. Dowladda federaarlka Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inay caqabad ku noqotay dhoofka xoolaha Soomaaliya ee la geeyo Sacuudiga. Sanadkii tegay, xildhibaan ka tirsan baarlamanka federaalka ayaa sanadkii tegay sheegay in dowladda Sacuudigu ay sugaysay in Soomaaliya ay xiriir fiican kala yeelato xagga xoolaha ugana soo jawaabto warqad ay soo dirtay Wasaaradda Bii’ada ee Sacuudiga (Vetinary Protocol), taasi oo dib u dhigtay in xayiraadda la qaado. The post Sacuudi Carabiya oo ku dhowaaqday go’aan ka farxin doona Soomaali badan appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland oo ka hadashay rabshadaha haatan ka socdo magaalada Laascaanood ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabooyin lagu xakameynayo xiisadda ka taagan magaaladaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inay fara-gelinayaan xiisaddaas wuxuuna kulan la yeeshay ehellada qaar kamid ah dadkii dhintay dibad-baxii 27-kii bishan ka dhacay magaalada Laascaanood. Koore ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay bixineyo magta iyo xabaala qodka dadka ku dhintay rabshadaha ka socda halkaasi “Waxa aanu kulan la qaadanay ehelada dadkii ku dhintey mudaharaadkii Laas-canood, waxaanu dawlad ahaan ehelada siinay aaskii AHU marxuumiintii ku dhintey mudaharaaddka, sido kale waxa ay dowladdu Somaliland balan qaadey in ay bixinayso magta AHU dadkii dhintey” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland. Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa waxaa ku dhinbtay illaa 3 qof oo rayid ahaa, waxaana u dambeeyay Cabdishakuur Jimcaale oo ay xalay dileen ciidanka ammaanka. Xaaladda magaalada ayaa weli ah mid weli cakiran, waxaana maanta markale dib uga dhacay dibad-baxyo kale oo ay dhigeen dadka deegaanka. Si kastaba, dibad-baxayaaasha ayaa ka dalbanaya Somaliland inay wax ka qabato dilalka qorsheysan ee inta badan ka dhaca gudaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool. The post Somaliland oo shaacisay inay bixineyso magta dadkii lagu dilay Laascaanood + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka warfaafiinta Somaliland Yusuf Cali Koore oo ku sugar magaalda Laascanood ayaa sheegay in ay la kulmeen eheladii dadkii ku dhintay mudaharaadkii Laascanòod ka dhacay islla markaasina ay xukumadu Dushanbe ku qaadatay khasaarahii dhacay, qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa waxa uu u dhignaa sidan hoos ku qoran. Waxa aanu kulan la qaadanay ehelada dadkii uu ka dhintey mudaharaadkii Laas-canood. Waxaanu Dawlad ahaa ehelada siinay Aaskii AHU marxuumiintii ku dhintey mudaharaaddka, sido kale waxa ay Dawladdu Somaliland balan qaadey in ay bixinayso magta AHU dadkii dhintey. Qaran News
-
All men seek satisfaction. All pursuits concentrate on satisfaction. But satisfaction is not always wrought by necessity. Sometimes selfishness plays a part. All elements are there, but the desire to prioritize self-interest is the essential component. Whichever elements that drive the pursuit of satisfaction, in this time and age, humans of the present generation can only be satisfied when what they possess becomes much more than what they desire or demand. Desire and demand always flow from human behavior, the way humans act and interact. How human actions and interactions are directed and determined brings out the execution of the answers to the questions such as: What do we do? Why we do what we do? How should we do it? The upshot of how human actions and intentions are directed is either right or wrong: Positive actions and intentions that serve the common good and negative ones that put self-interests over that of all other living things. It was the absence of the blessing of righteousness that invovles picturing a positive future for the entire Somaliland society, through both spoken words and meaningful touch that falls in line with what this age requires that Hanad wanted to bring back into Somaliland social and political order system. In the middle of this noble mission, Hanad asked Hinbir, “How would you define Somaliland politics?” “A system of governance, which, according to Somaliland constitution, is a mixture of tribal habits, Islamic rules and westwern democracy,” replied Hinbir. “Which is the most powerful element of all components of Somaliland constitution? The tribal habits, the revealed Islamic rules or Western idealization, when it comes to national conflicts?” “Tribalism is the most powerful element in Somaliland social and political system, but non of these mentioned elements is workable when political disputes arise?” “Do you mean to say that the constitution is the supreme law that finally sorts out political conflicts?” “No.” “Then which legal institution is responsible to solve political disputes that happen between political parties, particularly during election times? The apex court or the legislative bodies? “Non of them. Because all these entities are not independent and are always under the manipulation of the executive branch.” “Amazing. Then, how political disputes are resolvef?” “Through concessions and compromises when a good leader who listens and looks things in perspective sits in Somaliland presidential palace.” “In conflicts, a compromise is the concept of finding agreements through mutual negotiations and often involves acceptance of what is different from original agreements. Conflict resolutions that born out of mutual negotiations even acceptable to constitution, while concession is taken as a solution to a gridlock, when ocean walls collapse, which means when a nation is likely to collapse. Therefore, do you mean that conflicting political parties make concessions when they fear and feel that the nation of Somaliland would fall apart?” “Exactly. But concessionary moves always come from the opposition parties, especially during the reign of the mujahids.” “Should political conflicts happen between political parties when good leader doesn’t sit in the presidential palace and yes-men occupy the ministerial positions, how political conflicts get resolved?” “Only time will tell how such case would lay to test.” “Do you think that tribalism is the common cause of political conflicts?” “Actually tribalism is not only the common causes of Somaliland political conflicts. The pursuit of wealth and poor leadership are mostly the root cause of Somaliland political conflicts.” “Tribal mentality is the tedency to seek out and connect with the people who belong to same clan that shares the motto to elbow all other clans out of the national pride and power and, of course, that is typically the mentality which Somaliland leaders always utilize as their political strategies. Do you agree or disagree that Somaliland incumbent leadership is tribal-minded? If you disagree, mention the moves by the incumbent leadership that promote nation-building or measures that pull the divided public back together.” “Without mentioning my take on this issue, I personally believe that Somaliland politics is tribal,” Hinbir asserted. “Am I right or wrong if I would say that Somaliland politics is not an instrument for enhancing and increasing political understanding, nor a catalyst for change, nor the basis for problem-solving, but simply an extension of irrational arguments and ignorance to divide the public into factions that are chained to the ground?,” Hanad inquired. “As far as there is no willingness to invest in us as citizens, in order to shape our attitude and perfect our discipline, Somaliland politics will not become a system that can move us in the direction that we believe we need to go and keep us grow and learn, and if something doesn’t work for us, teach us how to try something new,” replied Hinbir. “What is the best thing in Somaliland political system that attracts you most?” “The best thing that attracts me most and even I appreciate it always is that all those who are in government offices, from head to tail, are not accountable for their actions and decisions. Every one is free to do things according to his or her own outlook.” Hanad was shocked at how Hinbir hailed indisciplined public servants, a workforce without ethics, government offices with no guiding ptinciples. He got up from his seat angrily, got over himself and sat down suddenly in his seat again, looking at Hinbir in disgust. As they say, when in doubt, rumble and when in research analyse, Hanad pondered for a moment before replying. He was imagining how a government in which everyone had the power to do everything according to their own outlook would look like. An unaccountable government is a government without living lighthouse. This kind of government looks like a tamed camel whose whereabouts may go awry and astray after its anchor has been cut. A short pause flowed from that scene, in which both men avoided to look at each other face to face. But after a while, impressions became ideas and ideas resumed the discussion. “What are the most important qualities you want to see in an elected leader?,” inquired Hanad. “Critical thinking skills, open-mindedness, emotional intelligence, flexibility etc.” “It is only when we take chances, that our lives improve. The most noble decision that we need to take is to become honest.” “Mr Hanad, it is untrue that honesty is always the best policy. Being honest is sometimes bad because it can only hurt people’s feelings, and nothing good will ever come out of it, when you honestly state your opinions without regard for others’ feelings.” “Do you think that the incumbent leader has the qualities such as integrity and creativity?” “This is an ill-timed question.” “What type of government is Somaliland?” “Presidential.'” “Can you define it? A presidential system is a form of government in which the executive, legislative and judicial branches are separated. The president is the person who serves as the head of state and the executive branch of the government.” “If all public servants, regardless of whether they are elected or appointed, run public affairs according to their own outlook, how the common interest be protected? “It is simple. Somaliland people must do what all other societies in the world did and still do.” “Discribe how the public can do that.” “The public should hold its representatives accountable to it through periodic meetings in accord of the provisions of the constitution. But it is a question of when, not of whether.” “I do not know what will happen in the future, but one thing is for sure, whatever happens, people can mobilise themselves and make miracles, if they change how they think and envision the future,” Hanad added. “By the way, what all this has to do with poverty alleviation?,” Hinbir queried. Life becomes bad the day humans fail to respond to what happens around them, no matter whether natural disasters or man-made calamities are the root cause of the occurences. As they say, “In a country well governed, poverty is something to be ashamed of, but in a country badly governed, poverty is not a problem to be ashamed of.” The reason is that living without comforts of life since time immemorial is nothing new to badly governed people. After those impressive thoughts ran through his mind, Hanad said, “Actually the promise in representation include: I promise to accept responsibility and be accountable. I promise to make others’ growth as important as mine. I promise to communicate concisely and speak with candor. I promise to encourage creativity and embrace innovation. I promise to listen to what the people say. I promise to improve where we are weak. I promise to protect and preserve the constitution. I promise to ensure that laws are in force in lieu of favors.” “Every promise,” Hanad continued, “that the elected leaders make during election compaigns is relevant to poverty alleviation, because they are part and parcel of the programs the leaders intend to do. Whether or not they would keep their promises is for you to watch as a voter and as a citizen as well.” In the country of “I have been a mujahid,” people would become people only when they understand each other; when they understand situations; when they understand what matters most to them; when they understand what they share, when they understand what always slows and lags them behind. To be continued….. By: Jamafalaag Hargeisa, Somaliland jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Pristina (Caasimada Online) – Serbiyiinta Kosovo, ee xannibayey waddooyinka ku yaalla waqooyiga Kosovo muddo 19 maalmood ah, ayaa ogolaaday inay billaabaan inay qaadaan jidgooyooyinka laga billaabo maanta oo Khamiis ah, ayaga oo u hoggaansamay baaqyada Mareykanka iyo Midowga Yurub, si ay u qaboojiyaan xiisadda. Xiisadda ayaa billaabatay 10-kii December markii Serbiyiinta ay waddooyinka ku gooyeen dhagxaan, si ay uga mudaaharaadaan xarigga sarkaal hore uga tirsanaa booliska oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarro ka dhan ah saraakiisha booliiska ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta. Kosovo, oo 95 boqolkiiba ah Muslimiin, ayaa 2008 ku dhowaaqday madax-banaani ay kaga go’day Serbia, hase yeeshee Belgrade ayaa diiday inay aqoonsato, waxayna ku dhiiri-gelisay 120,000 oo Serbiyiin ah oo dalkaas ku nool inay diidaan sharciyadda Pristina — gaar ahaan waqooyiga dalkaas oo Serbiyiinta ay ka yihiin aqlabiyadda. Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic, oo Serbiyiinta waqooyiga Kosovo kula kulmay magaalada Raska ee Serbia, ayaa sheegay in hanaanka qaadista dhagxaanta uu billaaban doono Khamiista maanta ah. “Waa hanaan fog, wuxuuna qaadan doonaa muddo,” ayuu yiri Vucic. Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka iyo Midowga Yurub, oo dhex-dhexaadinaya Belgrade iyo Pristina si loo xalliyo arrimaha taagan ee xiririka labada dal, ay damaanad qaadeen inaan la maxkamadeyn doonin cid ka mid ah Serbiyiinta dhigay xeyndaabyada. Qaadista jidgooyooyinka ayaa la filayaa inay dejiso xiisadda u dhexeysa Belgrade iyo Pristina. In ka badna 20 sano, Kosovo ayaa aheyd isha xiisad u dhaxeysa Reer Galbeedka oo taageera madax-bannaanideeda, iyo Ruushka oo taageera Serbia oo isku dayeysa inay xanibto in Kosovo ay xubin ka noqoto ururada caalamiga ah sida Qaramada Midoobe. Mareykanka, NATO iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay in xakameynta ugu sarreysa laga muujio waqooyiga Kosovo, ayada oo mas’uuliyiinta ay xireen marinkii saddexaad ee xuduudda Arbacadii, islamarkaana xiisadda ay kasii dartay. Howlgalka NATO ee Kosovo, ee loo yaqaan KFOR ayaa sheegay inuu taageerayo wada-hadallo dhexmara dhammaan dhinacyada si loo qaboojiyo xiisadda, oo ay ku jirto jidgooyooyinka ay dhigeen Serbiyiinta. Serbia ayaa Isniintii heegankii ugu sarreeyey gelisay ciidankeeda. Dhinaca kale, Kremlin-ka, oo beeniyey eedeha wasiirka arrimaha gudaha Kosovo ee ah in Ruushka uu ku riixayo Serbia inay xasillooni darro ka abuurto Kosovo, ayaa sheegay in Serbia ay difaaceyso xuquuqda qowmiyadda Serbiyiinta. Sarkaal hore uga tirsanaa booliska Kosovo oo kasoo jeeda qowmiyadda Serbiyiinta, kaasi oo xarigiisa uu dhaliyey dibadbaxyo rabshado wata oo ay sameeyeen Serbiyiinta Kosovo, ayaa xabsiga laga sii daayey, waxaana la dhigay xabsi guri kadib codsi ka yimid xafiiska dacwad-oogista, sida uu Reuters u sheegay afhayeenka Maxkamadda Aasaasiga ah ee Pristina. Dejan Pantic ayaa la xiray 10-kii December kadib markii uu weeraray sarkaal boolis ah. Tan iyo markaas, Serbiyiinta waqooyiga Kosovo waxay rasaas is-weydaarsadeen booliska waxayna dhigeen in ka badan 10 jidgooyo, iyagoo dalbanaya in la sii daayo. Go’aanka maxkamadda ayaa ka caraysiiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kosovo oo ay ku jiraan ra’iisul wasaare Albin Kurti iyo wasiirka cadaaladda Albulena Haxhiu. “Ma garanayo si aan u fahmo iyo sida ay suurtogal u tahay in qof lagu soo oogay dambi sidaas u culus oo la xiriira argagixisanimo uu u galo xabsi guri,” ayey tiri Haxhiu. “Aad ayaan u xiiseynaaa inaan arko cidda uu yahay dacwad-oogaha codsigan soo jeedinaya, iyo cidda uu yahay garsooraha ansixiyay,” ayuu yiri Kurti. Pantic waxa uu ka mid ahaa Serbiyaan badan oo ka tagay booliiska iyo hay’adaha kale kadib markii Pristina ay sheegtay in ay dhaqan galin doonto sharci Serbiyiinta looga joojinayo inay isticmaalaan taarikada baabuurta ee Serbia ay bixisay ka hor kacdoonkii jabhadda ee 1998-99 ee horseeday madax-banaanida Kosovo. Serbiyiinta ku nool waqooyiga Kosovo, oo weli aaminsan inay ka tirsan yihiin Serbia, ayaa iska caabiyey tallaabo kasta oo ay u arkaan inay ka dhan tahay Serbiyiinta. Laba marin xudduudeed oo u dhexeeya Serbia iyo Kosovo ayaa la xiray 10-kii December, halka midka saddexaad oo ah kan ugu weyn ee gawaarida xamuulka la xiray Arbacadii, taasoo carqaladeysay safarradii dadka Kosovo ee ka shaqeynayay meelo kale oo Yurub ah, kuwaas usoo laabanayey guryahooda xilliga fasaxa. Qiyaastii 50,000 oo Serbiyiin ah oo ku nool waqooyiga Kosovo ayaa diiday in ay aqoonsadaan dawladda Pristina ama maqaamka Kosovo ee dal madax-banaan. Waxay taageero ka haystaan Serbiyiin badan oo Serbia ku nool iyo dawladdooda. Kosovo oo aqlabaiyadda dadka ku nool ay yihiin Albaaniyiin ayaa ku dhawaaqday madaxbannaani iyada oo taageero ka helaysa reer galbeedka, kadib dagaalkii 1998-99, kaasi NATO ay soo faragelisay si ay u ilaaliso muwaadiniinta qowmiyadda Albaaniyiinta. REUTERS, VOA The post Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda dalka Muslimka ah ee Kosovo iyo dalka Serbia appeared first on Caasimada Online.
