-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sii adkeeyay hadalkii uu dhawaan sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo la xiriiray masuuliyiin xiriir la leh kooxda Al-Shabaab. Yaasiin Fareey oo bixiyay wareysi gaar ah ayaa sheegay in xiligii uu joogay hogaanka NISA ay soo xireen masuuliyiin ka tirsan dowladda oo la shaqeeya Al-Shabaab, kuwaasi oo qaarkood loo maxkamadeeyay. “Waxa jira dad masuuliyiin ah oo la shaqeeya kooxaha Khawaarijta laakiin waxa laga rabaa dowladda markaas jirta inay taxadar dheeri ah ka sameyso oo qofkii lagu helo tallaabo ka qaado oo aan dad kale loo hoos-galin. Dad badan oo dowladda ku jira oo loo xiray inay la shaqeeyaan Shabaab ayaa jira, kuwa maxkamad lasoo saaray ayaa jira,” ayuu yiri. Waxa kale oo uu meesha ka saaray in dowladda iyo Shabaab ay wada-shaqeeyaan, isaga oo ku dooday in shaqsiyaad dano gaar leh oo dowladda ka tirsan ay la shaqeeyaan kooxda, balse nidaamka dowladeed uusan la shaqeyn, sida uu hadalka u dhigay. “Waa dowlad iyo cadow ee sidee iskula shaqeyn karaan? Wey jirtaa in dad xiriir la yeelan kara oo waa dhici karta, laakiin wax dhici kara ma aha in dowladda iyo cadowga wada-shaqeeyaan. Inta aan joogayna wax aan soo arkay ma aha.” Yaasiin Fareey ayaa ka gaabsaday in uu xiligaan sheego magacyada masuuliyiinta dowladda ka tirsanaa ee uu xiray intii uu joogay hogaanka NISA, isaga oo sheegay in illaa hadda ay jiraan kuwo la shaqeeya Shabaab oo xilal ka haya dowladda, loona baahan yahay inay wax ka qabtaan hay’addaha ku shaqada leh. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan markii u horeysay shaaciyay inay jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka oo qaraxyada soo galiya magaalada Muqdisho. “Saraakiil ayaa jirta oo ciidamada qeybahooda kala duwan ah oo hadda baaristooda ay socoto, oo hay’addo ajnebi ah la kaashanay oo la leeyahay asaga ayaa kasoo daayay Checkpoint-ga, waa lagu daba jooga maalin maalmaha kamid ahna waa lasoo qabana.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha ay baaritaanada ku socdaan gawaari ay soo daayeen uu qarxay, kuwaasi oo akoonadooda bank-yada lagu arkay lacago badan oo uu sheegay in tuhunsan yihiin inay ku heleen gawaaridaaas qaraxyada ah oo ay soo daayeen. Qiraalka madaxweynaha ee la xiriira arrintaan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee noociisa ee kasoo yeera dowladda federaalka, ayada oo sanadihii dambe uu sii kordhayay tuhunada laga qabo saraakiisha iyo hay’addaha amniga loo igmaday inay qaarkood fudeydiyaan qaraxyada. The post Yaasiin Fareey oo shaaciyey in NISA ay xubno ka tirsan DF u xirtay Shabaabnimo appeared first on Caasimada Online.
-
Qaar kamid ah ururrada Siyaasadda Pumtland oo qoraal wadajir ah soo saaray ayaa ku celiyay in aan weli lagu heshiin barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod. Ururradan ayaa sheegay in ay weli taagan yihiin oo aan laga heshiin qaar kamid ah qodobadii keenay khilaafka doorashooyinka qof iyo cod islamarkaana u baahan yihiin in laga gaaro xal wadareed si loo helo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayay sidoo kale u soo jeediyeen in uu joojiyo diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha ee qorshaysan shanta bisha Jannaayo ee sannadka cusub 2023 waxaana ay ka codsadeen in ay fursad siiyaan xallinta tabashooyinka ururrada siyaasadda si looga baaqsado diiwaan-gelin aan la isku raacsanayn. Sidoo kale waxay soo jeediyeen in ay shir isugu yimaadaan dhinacyadu si loo sameeyo qorshe dhammaystiran oo heshiis lagu yahay laguna xalliyo khilaafka siyaasaseed ee weli ka taagan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Khilaaf weli ka taagan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Musharax Cirro ayaa galabta Safar deg deg kaga baxay Magaalada Hargeysa . Musharaxa ayaa ku sii jeeda Magaalada Borama waxaana uu soo kormeeri doona diwaanaglinta cod bixiyayaasha . Saaka waxuu soo kormeeray Musharaxu gobalka diwaangalinta ee Hargeysa , waxaana uu safarkan ku soo mari doona dhamaan gobalada Somaliland . Qaran News
-
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay wasaaradda si dhow ula socoto howl-gal sharci darro oo la doonayo in shidaal looga baaro gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland, taas oo ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC oo sheegtay in ay fasax u heysato baarista iyo ka faa’ideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya. War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batroolka ama shidalka uga baarto gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland). Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday shirkadda Genel Energy PLC in ay joojiso sheegashada sharci darrada ah ee ay ku leedahay xuquuqdeeda batroolka iyo inay fuliso hawlgal shidaal oo xadgudub ku ah Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo ka hortimid shidaal laga baarayo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo ay wehelinayaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa. Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kaddib, ayaa adkeeyey midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba. Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta walaalnimada leh ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu markhaanti uga noqdo guulaha laga gaaray howlgallada dib u xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijta Al-shabaab. Shirka labada dowladood, waxaa Madaxweyneyaasha ku wehelinayey, dhanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Mudane Daa’ud Aweys Jaamac, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud. Halka dhanka Jabuuti ay ku matalayeen; Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada Marwo Hibo Muumin Casaawe, LaTaliyaha Arrimaha Dhaqanka Mudane Aadan Xasan Aadan, Siihayaha Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo Danjire Dayib Dubad Rooble. PUNTLAND POST The post Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo yeeshay wada-jaaxoodyo ku saabsan xiriirka labada dal appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Sool Maxamed Aadan, ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi. Maxamed Aadan, waxa uu sheegay in uu dareenka dadkiisa awgeed isu-casilay, halkan hoose ka DAAWO Source
-
Agabka diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland oo xalay laga raray Garoowe ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso. Gaadiidka sida Agabka diiwaan-gelinta oo shalay ka bixi lahaa Garoowe ayaa loo baajiyay sababa amni kadib markii ciidan hubaysan u galeen dalcadda Karin-dhiig oo qiyaastii 100km dhinaca bari ka xigta Garoowe. Agabka diiwaan-gelinta ee xalay laga raray Garoowe ayaa lagu galbiyay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka sida ay wararku xaqiijinayaan. Diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland ayaa sida qorshaysan bilaaban doonta shanta bisha Jannaayo ee sannadka cusub 2023 oo maalmo kooban ka harsan yihiin. PUNTLAND POST The post Agabka diiwan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland oo gaaray Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid qorshaha ay waddo Somaliland ee ku adan in shidaal baaris laga bilaabo deegaanadeeda ayadoo kaashaneyo shirkad caalami ah. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay si dhow ula socoto howl-gal ay sheegtay inuu sharci darro yahay oo lagu doonayo in shidaalka looga baaro gobollada Waqooyi oo hadda loo yaqaano Somaliland, ayada oo shaacisay in qorshahaasi ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC. Qoraalkan ayaa waxaa si cad loogu diiday shirkadda Genel Energy PLC inay Somaliland ka billowdo shidaal baaris, waxayna ugu baaqday inay joojiso damaceeda ku aadan shidaalkaasi. “Iyada oo laga duulayo Mabda’a Madaxbanaanida Joogtada ah ee Kheyraadka Dabiiciga ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xasuusineysaa Shirkadda Genel Energy PLC iyo cid kasta oo kale oo maalgashan karta in ogolaanshaha sahaminta iyo horumarinta kheyraadka batroolka ee Soomaaliya uu waafaqo qodobka 44-aad ee Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, Lahaanshaha, Maareynta iyo Heshiiska Wadaagista Dakhliga, Sharciga Batroolka iyo sharciyada kale ee lagu dabaqi karo iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda Batroolka. Sidoo kale waxa ay Wasaaraddu fariin culus u dirtay madaxda dowladda oo ay ugu baaqday inay qaadaan talaabooyin deg deg ah, si loo ilaaliyo madax banaanida kheyraadka dalka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka jawaabaysa wax kasta oo lagu xad-gudbayo madax-bannaanida kheyraadkeeda, waa in ay qaaddaa tallaabo kasta oo suurtagal ah, ayna raacdo dhammaan dariiqooyinka sharciga ah, taasoo qayb ka ah waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ilaalinta midnimada geyiga Soomaaliyeed, midnimada iyo madax-bannaanida joogtada ah ee kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya oo ay ku jiraan khayraadka kasta,” ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka dowladda Soomaaliya. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan go’aanka maanta kasoo yeeray dowladda federaalka ee ku aadan shidaal baarista. The post DF Soomaaliya oo diiday in shidaal laga baaro SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Sidoo kale waxaa soo dhaweynta wafdiga qeyb ka ahaa Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre iyo ku-xigeenkiisa, qaar kamid ah madaxda dowlad gobolleedyada, xubno ka tirsan labada golle ee dowladda, saraakiil ciidan iyo shacab. Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho rasmi ah uga bilaatay maanta Muqdisho ayaa lagu wadaa in kulamo la qaato madaxda Soomaaliya, isagoo sidoo kale xarigga ka jiri doono xarunta Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA). PUNTLAND POST The post Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - A delegation led by the Djibouti President Ismael Omar Guelleh arrived in Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ra’iisul wasaaraha iyo qaar kamid ah madax goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale qayb ka ahaa soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga madaxweyne Geelle. Intaas kadib madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo loo diyaariyay soo dhoweynetiisa. Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay wadahadallo ku yeelan doonaan, isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xarigga ka jari doono dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA. Xaruntaas oo loo aas-aasay inay kaalin weyn ka qaadato soo nooleynta Af-Soomaaliga waxaa dhistay dowladda Jabuuti, waxayna ku taallaa degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa imaanaya wafuud kale oo ka kala imaaneysa wadamada Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo maanta Muqdisho ku soo jawahan, sida aan xogta ku helnay. Ammaanka ayaa sidoo kale maanta aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka, sidoo kale waxaa la hakiyay duulimaadyadii maanta imaan lahaa magaalada Muqdisho. The post Madaxweynaha Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay MUQDISHO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho, waxaana uuna kulama la qaadan doonna madaxda dowladda oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud. Ismaacil Cumar Geelle ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu ka qaybgallo munaasibadda xarig jarka akademiye-gobaleedka Afka Soomaaliga AGA oo maalinta beri ah la daahfuri doonno. Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn looga dareemayaa caasimada dalka iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka. Source: goobjoog.com
-
Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa hakad gelisay duulimaadyada maanta oo arbaco, xilli ay sheegtay in dayactir lagu sameynayo garoonka,. War ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in 6:00am illa iyo 6:00pm ee maanta uusan jirin wax duulimaad ah oo ka baxaya magaalada Muqdisho. “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay ku wargelinaysaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso in la hakiyay howlaha shaqo ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, Arbacada berri ah 28/12/2022, laga billaabo lixda subaxnimo (6am illaa 6pm ee fiidnimo, sabab la xiriirta dib u dayactir,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale eedeyn culus oo yaableh u jeedisay Somaliland oo daris yihiin kadib rabashadihii Talaadadiid ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa si kulul u cambaareeyay dhibaatada ka dhalatay rabshadihii shalay ka dhacay Laascaanood kadib markii dad dibad-baxayay ay rasaaseeyeen ciidanka Somaliland. Dirir ayaa shaaca ka qaaday in dadkaas ay dhigayeen dibad-bax ka dhan ah maamulka Hargeysan, ayna ku cabiraeen dareenkooda, balse la dhibaateeyay. Sidoo kale wuxuu ka digay sii socoto dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool deegaanada gobollada Sool iyo Sanaag. Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Puntland oo hadalkiisa sii wata eedeyn culus dhabarka u saaray xukuumadda Hargeysa, isaga oo isla xiriiriyay Al-Shabaab iyo Somaliland. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa xusay inay wada shaqeystaa Al-Shabaab iyo Somaliland, isla-markaana ay yihiin isku hal hay’ad oo dadka dila, isida uu hadalka u dhigay. ”Hal hay’ad ayey isku yihiinAl-shabaab iyo Somaliland waana wada-shaqaystaan waxaana Laascaanood dadka ku laaya waa Somaliland iyo Al-shabaab oo wada-shaqaynaya” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Diriir oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe. Inta badan labadaan maamul oo horay u dagaalamay ayaa warbaahinta isku mariya hadallo kul-kulul oo uga sii daraya xiisada haatan u dhexeysa xukuumadaha Garoowe & Hargeysa. The post PUNTLAND oo eedeyn yaableh u jeedisay SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
-
Muddaharaad xooggan ayaa mar kale saaka dib uga bilowday magaalada Laascaanood halkaas oo shalay ciidamada Somaliland ku laayeen dad shacab ah oo muddaharaad samaynayay. Muddaharaadkan ayaa looga horjeeda dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lagu hayo shacabka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dhammaan suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga Laascaanood ayaa sidoo kale saaka xiran kadib markii Ganacsatadu shaqa-joojin sameeyeen. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamanka Soonaaliya Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ayaa xasuuq ku tilmaamay waxa ka socda Laascaanood. “Waxaan aad u cambaaraynayaa xasuuqqa muddada dheer uu Maamulka Soomaaliland ku hayo dadka shacabka ah ee reer Laascaanood” ayuu yiri Tima-cadde. PUNTLAND POST The post Muddaharaad xooggan oo mar kale saaka dib uga bilowday Laascaanood appeared first on Puntland Post.
