-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) – Somalia's Lower and Upper House lawmakers approved a nearly 1 billion budget for the 2023 fiscal year following a joint session in Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Kate Foster. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland C/fataax Maxamed Cabdinuur, ayada oo diirada lagu saaray xaalka maamulkaasi. Labada dhinaca ayaa si gaar ah diirada ugu saaray afar qodob oo kala ah amniga Puntland, doorashada Goleyaasha deegaanka dhaqaalaha iyo sidoo kale Mashaariicda horumarinta. Kate Foster ayaa shaaca ka qaaday in ka dowlad ahaan ay si dhow ula shaqeyn doonaan Puntland, isla-markaana ay ka taageeri doonaan dhanka horumarinta iyo bani’aadanimada. Wadahadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo ay Puntland ka taagan tahay xaalad siyaasadeed u dhexeyso madaxtooyada iyo ururada siyaasadda oo ku kacsan Deni. Madaxweynaha Puntland oo ka qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Villa Soomaaliya, ayaa haatan kulamo gaar ah ka wada Muqdisho. Si kastaba, Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha reer Yurub ee howlgalka diblumaasiyadeed ka wada Somalia, waxayna ula shaqeeyaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. The post Sawirro: Deni oo afar qodob kala hadlay Kate Foster appeared first on Caasimada Online.
-
Suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga Laascaanood ayaa gebi ahaanba saaka xiran waxaana kacsan xaaladda magaalada. Shacabka Laascaanood ayaa maalintii saddexaad wada muddaharaad looga horjeedo dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lago hayo dadka reer Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa intii muddaharaadkan socday Laascaanood ku laayay dad rayid ah oo dhalinyaro u badan halka ay qaar kalena ku dhaawaceen. Dhaawacyada shacabka oo qaarkood culus yihiin ayaa jiifa xarumaha kala duwan ee caafimaad iyo isbitaalka guud ee Laascaanood. Mas’uuliyiin xilal ka haya Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa sidoo kale ku wajahan Laascaanood si ay u dejiyaan xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee xaaladda magaalada Laascaanood oo weli cakiran appeared first on Puntland Post.
-
Aid workers say record drought in Somalia is hitting women and girls the hardest, putting them at risk of gender-based violence and seeing girls pulled out of school. Women and girls are forced to walk further from home to get water and education, making them vulnerable to attacks. Source: Hiiraan Online
-
Arusha. The verification procedure may begin shortly, but Somalia’s admission to the East African Community (EAC) is likely to be difficult. Source: Hiiraan Online
-
From an eight-year-old snatched on her way to school to a wealthy businessman who was abducted and murdered, South Africa is experiencing a surge in kidnappings for money. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Qaran News
-
Saudi Arabia oo Gacanta ku dhigtay Qaad la doonayey in Dalkeeda la geliyo+Tirada Dadka lagu qabtay & Dalalkay u dhasheen Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa shaaciyay inay qabteen illaa 30 tan oo qaad ah bishan, ka hor inta aan laga soo gudbin xuduudka koonfureed ee Yemen iyo xudduudda waqooyi ee Urdun. Wakaaladda wararka Sacuudiga oo soo xiganeysa afhayeenka ilaalada xudduudaha Sacuudiga, Korneel Misfer Al-Qurayni, ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xuduudaha ee gobollada Najran, ay fashiliyeen isku day lagu doonayay in dalkaasi lagu soo galiyo 29.2 tan oo qaad ah. Al-Qurayni ayaa intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen 361 eedaysane oo qaadkaasi waday kuwaasi oo ay ku jiraan 23 Sucuudi u dhashay, 261 Yemeniyiin ah ah iyo 70 Itoobiyaan ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu maanta hortego xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho. Ujeedka ayaa ah in Geelle uu khudbad xasaasi ah u jeediyo xildhibaanada labada Gole oo xalay loo diray farriin war-gelin ah oo ku aadan inuu hor imaanayo madaxweynaha Jabuuti. Khudbadiisa ayaa la filayaa in uu diiradda ku saaro xiriirka labada dal ee walaalaha ah, booqasho uu ku yimid Muqdisho & arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa maanta aad loo adkeeyay ammaanka caasimada, waxaana maalinta labaad xiran waddooyinka magaalada Muqdisho, ayada oo hakad la galiyay gaadiidka. Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, waxayna qayb ka tahay howlgalka ATMIS, ayada oo ay ciidamadeeda ay ka howlgalaan gobolka Hiiraan. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo maalmo sii joogi doona magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale lagu wadaa in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiin ka kala socoto gobollada Soomaalida Itoobiya iyo Kenya ay xarigga ka jaraan xarunta Akadeemiyo gobolkeedka Afka Soomaaliga ee AGA oo ay dowladda Jabuuti ka dhistay gudaha Muqdisho. Si kastaba, booqashadaan ayaa timid, kadib markii Xasan Sheekh uu laba goor booqday dalka Jabuuti, wxuuna markiisa casuumay Geelle oo shalay lagu soo dhaweeyay Muqdisho. The post Madaxweynaha Jabuuti oo hortegaya xildhibaanada labada GOLE+ Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood & Waxay Saaka ku waabeerisatey Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gadaal ka riixaya, sidii hawlgalada looga billaabi lahaa deegaanada dhaca Jiinka Webiga Shabelle ee Gobolka Hiiraan, oo maleeshiyada Al-Shabaab ay kaga harsan yihiin gobolkaasi. Maleeshiyada Shabaabka ayaa deegaano dhowr ah kaga sugan daanta galbeed ee Webiga Shabelle, waana halka uu haatan ku wajahan yahay gulufka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka gobolkaasi, ayaa dhowaan kormeeray fariisimaha ay xoogaga Macawiisleyda ku leeyihiin Jiinka Koonfureed ee Webiga Shabelle. Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyuhu uu saad iyo sahayba gaarsiiyay Macawiisleyda, isla-markaana uu u sheegay inay u diyaargaroobaan hawlgal sifeyn ah oo gobolka lagaga suulin doono haraadiga Shabaab. “Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa u ballanqaaday ciidamada ku sugan hareeraha Jiinka Webiga in ay heli doonaan adeegyo dheeri ah, oo lagu kabi doono hawlgalada iyo sidii loo sii dhameystiri lahaa argagixisada, asigoo Saraakiisha faray in la sii dardargeliyo hawlgalada lagu soo afjarayo Khawaarijta,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan. Dhanka kale hawlgal amni xaqiijin oo midkani barbar-socda ayay sidoo kale ciidamadu ka samayn doonaan xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud. Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa goor sii horreysay sheegay in ciidamada hawlgalada ka wada Hirshabelle iyo kuwa Galmudug ee hawlgalada ka bilaabaya deegaanada maamulkaasi ay meel dhexe isugu imaan doonaan. Gulufka Gobollada Dhexe ayaa ah mid jihooyin cusub dagaalka lagaga furayo Shabaabka, oo sanadkan uu uga dhigan yahay kiisii ugu adkaa, muddadii ay dalka ka dagaalamayeen. Dagaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iclaamiyay 3-dii bishii June iyo gulufkii ballaarnaa ee xigay ayay dad badan is tuseen in muddo kooban lagu soo afjari karo kooxaha argagixisada. The post Dagaal culus oo ku wajahan Shabaabka Jiinka Webka appeared first on Caasimada Online.
-
War-murtiyeed ka kooban 5 qodob ayaa laga soo saaray shirkii saddexdii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Golaha ayaa marka laga reebo Puntland saxiixay heshiis siyaasadeedka hannaanka federaalaynta garsoorka, iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka. Sidoo kale Golaha, ayaa marka laga reebo Puntland isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka astaynta awoodaha heerarka dowladda, kuwaas oo kala ah: awoodo u gaar ah heer federaal, kuwo u gaar ah heer dowlad goboleed iyo kuwo wadaag ah. Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu isla qaatay in uu magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaasi u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAR-MURTIYEED 25-28 December 2022 Muqdisho – Soomaaliya HORDHAC Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Muqdisho 25-28 December 2022. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda iyo Hannaanka Federaaleynta Garsoorka. Sidoo kale, Golaha ayaa iska wareystay xaaladda amni ee dalka, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta iyo saameynta abaaraha. QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedkii shirkii 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee October 31, 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda, marka laga reebo Dawladda Puntland oo aragtideeda ku aadan qodobada 1 iyo 2 dib kasoo gudbin doonta: 1. HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka. 2. ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah. 3. SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta. Goluhu waxaa uu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo Dawladaha Hirshabelle iyo Galmudug oo guulo waaweyn kasoo hoyay la dagaalanka khawaarijta. Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadinayaa dadaalada iyo diyaargarowga ka socda Dawladaha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee ku aaddan la dagaalanka Khawaarijta. Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka. Goluhu wuxuu isla-qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhammaystirka heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kahor 10 Janaayo 2023, si shirka xiga ee Golaha Wadatashiga Qaran uu guddigaasi ugu soo gudbiyo talooyin iyo warbixin dhammaystiran. 4. DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA Goluhu wuxuu isla qaatay in u magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaas uu u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh. 5. DHACDADII BAYDHABO EE DAWLADDA KOONFUR GALBEED Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022. Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada. Goluhu wuxuu sidoo kale adkeynayaa in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed. PUNTLAND POST The post Qodobo ay qaarkood diidan tahay Puntland oo laga soo saaray shirka Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Puntland Post.
-
Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo maanta boqolaal ciidanka deegaanka ah kula hadlay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku dhiira-geliyey dagaalka. Jeneraal Odawaa ayaa ciidankaan kula kaftamay in aan looga hor marin qoryaha laga furanayo kooxda Al-Shabaab, “Qofkii dagaalka ka hara yuusan aniga i waydiin qanimada Al-shabaab laga soo furto,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa. Jeneraal Odawaa ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyinkii ay Al-Shabaab ku hayeen shacabka Sh/Dhexe oo dadkii uu ugu tegay deegaanada la xoreeyey ay uga sheekeeyeen. “Deegaanadii aan soo marnay qisooyinkii ay dadku nooga sheekeeyeen waxaa ka mid ahayd sheeko uu nala wadaagay nin oday ah, wuxuu yiri habeenkii caruurteyda oo aan casheyn ayey Al-Shabaab ii yimaadeen, waxayna igu xukumeen in aan bixiyo 100 dollar, markii aan mahayo iri waa I xirteen, ilaa aan ehelkeyga taleefan u diray oo lacagtii la iga baxshay,” ayuu yiri Taliye Odawaa oo ka sheekeynayey waxyaabihii ay dadku la wadaageen. Taliyaha xoogga ayaa dadkaan hubka qaatay u sheegay in aysan aaminin qof kasoo goostay Al-Shabaab, isagoo kula taliyey inay dowladda u soo gacan geliyaan qofkii isku soo dhiiba, si loo dhaqan celiyo oo nidaamkii loo qorsheeyey inay maraan. “Hadii Al-Shabaab bini’aadanimo halkaas ka istaagay, dhaqankii suubanaa iyo diinteena Islaamkana ay ku cayaarayaan, ilaahaan idinku dhaarshee maxaad u dhowraneysaan?” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Odawaa. Hoos ka daawo The post Daawo Odawaa: Qofkii dagaalka ka hara yuusan aniga i waydiin qanimada” appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Somaliland ayaa mar kale Caawa Rasaas la dhacay dad rayid ah oo muddaharaad ka samaynayay Laascaanood. Muddaharaadka ayaa weli ka socda Laascaanood waxaana khasaare kala duwan gaaray dadka shacabka ah kadib markii ciidamada Somaliland rasaas la dhaceen. Wararku waxay sheegayaan in amarka lagu laayay shacabka uu bixiyay nin lagu magacaabo Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye oo Somaliland u qaabilsan Gobolkaas. Dadweynaha Laascaanood ayaa ka muddaharaadaya dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lagu hayo dadka Reer Sool gaar ahaanna dilalka madax-jebiska ah. PUNTLAND POST The post Yaa bixiyay amarka lagu laayay shacabka Laascaanood? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo ay weheliyaan wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa. Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kadib, ayaa adkeeyey midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba. Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta walaalnimada leh ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu markhaanti uga noqdo guulaha laga gaaray howlgallada dib u xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijta Alshabaab. Shirka labada dowladood, waxaa Madaxweyneyaasha ku wehelinayey, dhanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Wasiirada Arrimaha Dibadda, Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud. Halka dhanka Jabuuti ay ku matalayeen, Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada, LaTaliyaha Arrimaha Dhaqanka ee Jabuuti, Siihayaha Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo Danjire Dayib Dubad Rooble. Madaxweyne Ismaaciil oo sii joogi doona maalmo ayaa lagu wadaa in isaga, madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiin ka kala socoto gobollada Soomaalida Itoobiya iyo Kenya ay xarigga ka jaraan xarunta Akadeemiyo gobolkeedka Afka Soomaaliga ee AGA oo dowladda Jabuuti ay Muqdisho ka dhistay. The post Sawirro: Soomaaliya iyo Jabuuti oo war cusub kasoo saaray xiriirka labada dal appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa markii u horeysay shaacisay in jid-gooyo loo dhigtay doorashooyinkii qof iyo cod ee laga hirgelin lahaa Puntland, taasi oo ay ku eedeysay wasiir awood badan ku lahaa maamulkaasi. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in deegaanka Karin-dhiig ee gobolka Nugaal ay jid-gooyo dhigteen maleeshiyaad hubaysan oo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal. “Xasan Shire Abgaal ayaa maleeshiyaad hubaysan lagalay buuraleyda Karindhiig wuxuuna doonayaa in uu colaad cusub abuuro,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Juxa. Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli la baajiyay gaadiidkii ka bixi lahaa Garoowe ee agabka diiwaan-gelinta u qaadi lahaa dhinaca gobolka Bari. Xogo madaxa-bannaan ayaa sidoo kale sheegaya in saacado kooban lagu arkay dabley hubaysan nawaaxiga dalcadda Karin-dhiig, balse aysan hadda jirin wax jid-gooyo ah oo halkaas taalla. Xasan Abgaal oo mar ay isku dhawaayeen Saciid Deni ayaa hadda kamid ah mucaaradka ugu waaweyn ee kasoo horjeeda sida uu madaxweynaha u wado arrimaha doorashooyinka. The post Wasiir ka tirsanaa Puntland ‘oo sameystay’ jabhad hubeysan appeared first on Caasimada Online.
-
Source
