Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (HOL) - At least ten al-Shabab militants were killed in an internal clash between two factions within the group in the Mudug region's Haradhere district, Somali state-owned media reported on Sunday. Source: Hiiraan Online
  2. Wararka naga soo gaarayo gobalka Mudug ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka alshabaab uu dagaal ku dhexmaray degmada Xarardheere ee gobalka Mudug. Inta la xaqiijiyay 10 xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab ayaa ku dhimatay dagaalka, sida ay dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay. Dagaalka ayaa yimid kadib markii horjooge lagu magaacabo Muxudiin Daqare iyo koox uu hoggaaminayo ay isaga baxeen magaalada, iyaga oo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo magaalada yimid. Nin lagu magaacabo Nuunaale oo la sheegay in uu yahay horjoogaha kooxda loogu yeero Jamhadda, ayaa amar ku bixiyay in la horjoogsado kooxda taabacsan Muxudiin Daqare. Al-shabaab ayaa la sheegay in dagaalka kamid ay soo saareen amaro lagu soo rogayo xubnaha kooxda ayna kamid yihiin; 1. In Gaadiidka nuuc kasta oo ay haystaan al-shabaab aanan laga dhaqaajin karin halka uu yaalo, ilaa amar danbe. Ayagoo ka baqdin qaba in Gawaarida ay haystaan lala goosto. 2. In Maleeshiyo iyo Horjooge kasta ah oo al-shabaab ah halka lagu ogyahay uusan ka tagi Karin, ayagoo kala ilaalinaya in horjoogayaasha inay isku gudbaan maadaama qaar laga shakisanyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Hargeisa (HOL) - Somaliland's Minister of Information, Saleeban Yusuf Ali Koore, urged the residents of Las Anod to remain calm and to allow time for peaceful dialogue. Source: Hiiraan Online
  4. Sanadkii tagay ee 2022 waxaa Soomaaliya ka dhacay isbaddelo siyaasaddeed, amni iyo horumarineed, waxaana ka mid ahaa doorashooyin muddo soo jiitamayay oo dhacay, deegaano ay muddo dheer ka talinayeen Al-shabaab oo lagala wareegay iyo dekeddii 5-aad oo Soomaaliya yeelatay. February 22, 2022: Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliya, kana soo jeeday gobolka Sool ayaa lagu dilay qarax ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo. February 24, 2022: Dad ka badan 10 qof oo rayid ah ayaa dhintay, kaddib markii gaari ay saarnaayeen miino kula kacday deegaanka Beerxaani oo 50-km dhanka galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. March 23, 2022: Lixda qof oo shan ka mid ah ay yihiin ajaanib uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa ku dhintay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho. March 23, 2022: Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay xerada Lamagalay ee magaalada Beledweyne waxaa ku dhintay 48 qof, halka ay ku dhaawacmeen 108 kale, dadka qaraxyadaas ku dhintay waxaa ku jirtay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd baarlamaankii 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya. April 12, 2022: Labo qof oo mid ahayd haweenay xaamilo ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo, oo lagu weeraray guri uu daganaa mas’uul ka tirsan Jubaland. April 14, 2022: Waxaa la dhaariyay xildhibaannada labada aqal ee baarlmaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya. April 26, 2022: Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa isna ku guuleystay guddoomiye ku xigeenka koowaad, halka Senator Cabdullaahi Cali Timacade loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaad. April 28, 2022: Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ku-xigeenka kowaadna waxaa loo doortay xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, halka ku-xigeenka labaad uu ku guuleystay Cabdullaahi Cumar Abshirow. May 15, 2022: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa madaxweynihii kursiga ku fadhiyey. May 23, 2022: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Jun 16, 2022: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka. July 11, 2022: Ku dhawaad 10 askari ayaa ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay afaafka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, kaas oo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Puntland (PMPF iyo PSF). July 20, 2020: Ururka Al-shabaab ayaa gudaha u galeen dowlad Deegaanka Soomaalida, iyagoo ka tallaabay xadka gobolka Bakool. August 2, 2022: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyey liiska golaha wasiirada ee xukuumaddiisa, waxaana ka soo soo muuqday Mukhtaar Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-shabaab. August 11, 2022: Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 90 kale waa ku dhaawacmeen dibadbaxyo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. August 19, 2022: In ka badan 20 ruux ayaa ku dhintay weerar ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen hoteelka Xayaat ee Muqdisho, weerarkaas oo socday muddo 30-saacadood ah. October 1, 2022: Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa madax Al-shabaab, laguna tilmaamay in uu ahaa ninka la qorsheynayay in uu la wareego hoggaanka ugu sarreeya kooxdaas ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Hoose. October 3, 2022: In ka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay saddex qarax oo ka dhacay Beledweyne, gaar ahaan xerada Lamagalay oo xarun u ah madaxda Hirshabeelle iyo kuwa gobolka Hiiraan, waxaana dadka qaraxyadaas ku dhintay ka mid ahaa wasiirkii caafimaadka Hirshabeelle Sakariye Hurre iyo guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey. October 19, 2022: Ilaa 15 qof ayaa ku dhimatay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana dadka qaraxaas ku dhintay ka mid ahaa guddoomiyihii degmadaas Maxamed Nuur Cagajoof Dabbaashe oo markaas xilka laga qaaday balse aan weli wareejin iyo duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise. October 19, 2022: Qarax loo adeegsaday mooto bajaaj ayaa lagu dhuftay buundada degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan oo ah buundo muhiim ah oo isku xirta gobolada dhexe ee dalka iyo caasimadda Muqdisho, waxaana qaraxaas uu burburiyay qayb ka mid ah buundada, waxaana weerarkaas ku dhintay hal qof. October 22, 2022: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray dekedda Garacad oo ah mashruucii ugu waynaa abid ee iskutashi lagu dhiso. October 22, 2022: Maxkamadda militeriga Soomaaliya ayaa dil toogasho ku fulisay Axmed Cabdullahi Caydiid oo loo heystay dilka wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Cabbaas Siraaji oo dhacay bishii May ee 2017. October 23, 2022: 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen hoteelka Tawakal ee magaalada Kismaayo. October 29, 2022: In ka badan 100 qof oo rayid u badan ayaa ku dhintay, 300 oo kalana waa ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday labo gaari oo walxaha qarxa laga buuxiyay oo lala beegsaday wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo xarunteedu ay ku taallo inta u dhaxeysa isgoysyada Soobe iyo Banaadir, dadkii weerarkaas ku dhintay waxaa ka mid ahaa wariye Maxamed Ciise Koonaa iyo Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hodan Xuseen Cadceed Cismaan. September 3, 2022: Al-shabaab ayaa in ka badan labaatan qof oo rayid ah ku dilay gobolka Hiiraan xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas. Dhacdaas ayaa sababtay in qabiilada Soomaalieed oo garab ka helaya ciidamada milatariga Soomaaliya ay bilaabaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo in lala wareego deegaano ay sanado badan ka talinayeen Al-shabaab. September 23, 2022: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni ayaa xilalkii ka qaaday wasiirkii maaliyadda Xasan Shire Abgaal iyo wasiirkii Caddaaladda Cawil Sheekh Xaamid, wuxuuna wasiirka maaliyadda u magacabay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo horey u joogey wasaaradda arrimaha gudaha, halka uu Cabdi Faarax Siciid Juxa u magacaabay arrimaha gudaha. September 30, 2022: Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Banaadir Gen. Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaanay Farxaan Qaroole ayaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho. November 5, 2022: Ilaa 15 qof oo u badan dhalinyaro ayaa ku dhintay qarax ismiidamin oo ka dhacay xero lagu tababaro ciidamada (xero Nacnac) oo ku taalla magaalada Muqdisho. November 27, 2022: Weerar qarax ku bilowday ayaa lagu qaaday Hotel Villa Rays oo wax ka yar 100 mitir u jiro xarunta madaxtootada Soomaaliya, waxaana weerarkaas oo socday dhowr iyo toban saacadood ku dhintay in ka badan 10 ruux. December 9, 2022: Taliyihii Nabadsugida gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) ayaa lagu dilay qarax ka dhacay nawaaxiga degmada Luuq, xilli uu safar ugu socday degmada Doolow. December 23, 2022: Ugu yaraan10 qof ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay magaalada Baydhabo oo u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taageersan Midowga Musharaxiinta maamulkaas. December 23, 2022: Waxaa magaalada Laascaanood lagu dilay Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi, dilkaas iyo dilal la mid ahaa oo si joogta ah uga dhici jiray magaaladaas ayaa sababtay kacdoon ka dhan Somaliland, waxaana ciidamada Somaliland dileen dad ka badan 10 qof oo maalmihii la soo dhafay dhigayay mudaharaadyo, sidoo kale waxay dhaawaceen tiro intaas ka badan. Intaas ayaa aan ku soo koobaynaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee guud ahaan ka dhaca Soomaaliya ee sanadkii tagay ee 2022. PUNTLAND POST The post 2022: Maxay ahaayeen dhacdooyinkii ugu waaweynaa Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
  5. It is imperative that the conflict in Laascaanood be addressed as a top priority by the Somali government, the rest of the country, and the international community. Somaliland's occupation of Laascaanood poses a threat to national security and undermines national unity. Therefore, the Somali government must act quickly to end the occupation and maintain Somalia's autonomy and independence. Source: Hiiraan Online
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halaas laga dareemayo saameyn ka dhalatay xiisadda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo la soo wariyay in haatan ay khilaaf ka dhex dhalisay madaxweynaha Puntland iyo sidoo kale ku xigeenkiisa. Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa isku qabtay qaabka looga falcelinayo xaaladda adag ee haatan ka taagan Laascaanood, taas oo gashay todobaadkii labaad oo rabshado ah. Wararka ayaa sheegaya in natiijo la’aan uu ku soo dhammaaday kulan ay yeesheen labada mas’uul, kaas oo ay goobjoog yihiin mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland, isla-markaana looga hadlayey dhibaatada ka taagan Laascaanood oo ay joogaan ciidamada Somaliland. Karaash ayaa ka carooday qoraal uu habeen kahor madaxweyne Deni ka soo saaray xiisaddaas, kaas oo u badnaa baaq loogu dirayo Somaliland, taasoo oo uu dhibsaday ku xigeenku, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo ku sugan Garoowe. Khilaafka labadaan nin ayaamarar badan soo noq-noqday, waxaana ugu dambeeyay oo ay is qabteen xilligii doorashooyinka markaas oo uu musharrax ahaa Saciid Deni, inkasto markii dambe xal waara laga gaaray khilaafkaas oo saameeyay hay’adaha maamulka. Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in xildhibaano iyo saraakiil ka soo jeeda gobolka Sool, isla-markaana ka tegay Garoowe ay haatan isku uruursanaya duleedka magaaladaas, si ay u aadan aaga magaalada Laascaanood oo ay ka taagan xaalad aad u cakiran. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa haatan faraha kasii baxaysa, waxaana kordhay dhimashada iyo dhaawa ka dhashay rabashada ka socda Laascaanood. Magaaladan waxaa ku soo noq-noqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada gobolka Sool. The post Khilaaf culus oo markale ka dhex qarxay Deni iyo Karaash + sababta appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - Sahro Bundubte, a member of the Somali Parliament, accused the Speaker of the parliament, Adan Madobe, of stalling a motion discussing the turmoil in Las Anod. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - On Thursday night, Somali President Hassan Sheikh Mohamud signed into law the government's budget for the fiscal year 2023, which was passed by the Federal Parliament in a joint session last week. Source: Hiiraan Online
  9. Kenyans have expressed optimism that the new year will bring good tidings as compared to 2022 where households were hit by hard economic times due to runaway inflation. Source: Hiiraan Online
  10. It was a year characterized by extreme drought. From North America to Africa to Europe to Asia, huge swaths of the planet were parched in 2022. Source: Hiiraan Online
  11. Conflicts and military coups continued to haunt the African continent in 2022. Source: Hiiraan Online
  12. At least one Kenya Defence Forces (KDF) soldier was Friday, December 30 killed after a vehicle he was traveling in was hit by an explosive in Lamu County. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) - According to a recent study published by Reporters Without Borders (RSF), seventy-eight journalists have been killed in Somalia in the past 20 years, making it one of the most dangerous places to practice journalism in the world. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu, Somalia: Several people have been killed and others injured in anti-government protests in the southeast of the breakaway region of Somaliland, the head of an opposition party and local officials said Saturday (Sunday in Manila). Source: Hiiraan Online
  15. Conflicts and military coups continued to haunt the African continent in 2022. Source: Hiiraan Online
  16. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Magaalada Laascaanood Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland ayaa xaqiijiyey in 7 qof ay ku dhinteen 21 kalena y ku dhaawacmeen is raasaaseyn ka dhacday magaalada Laascaanood.Xarunta ayaa cambaareysay hubka loo adeegsanaya dadka dibadbaxyada ka dhigaya magaalada Laascaanood.Waxayna ku baaqaday in baaritaan lagu sameeyo wixii dhacay Waxay ugu baaqeen Somaliland inay xushmeyso xaqa dibadbaxayaasha ee ku aadan in aragtidooda ay cabbiraan.Dhanka kalena, Maalintii 5aad, ayaa waxay mudaaharaado ka socdaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.Shacabka, ayaa ka cabanaya dilalka qosheysan ee ka dhaca magaaladaas. Human rights monitors in #Laascanood have confirmed the deaths of 7 and 21 protestors wounded through gunfire at the protests. Human Rights Centre condemns the use of weapons at protestors and calls for an investigation on the use of unnecessary — Human Rights Centre Somaliland (@hrcsomaliland) December 31, 2022 Qaran News
  17. Nin Dhakhaatiirtu sheegeen inuu Hal sano ka dib u dhimanaayo xanuun hayay balse hadda caafimaaday+Sababta Ninkan oo nolosha ka quustay ayay “fursad albaabkiisa soo garaacaday” taas oo uu si sax ah uga faa’iideystay Ninkan oo nolosha ka quustay ayay “fursad albaabkiisa soo garaacaday” taas oo uu si sax ah uga faa’iideystay. Waxaa loo soo bandhigay inuu ku biiro tijaabada dawo cusub oo loogu talagalay xanuunka kansarka ka dib markii loo qabtay keliya 12 bilood inuu sii noolaanayo. Robert Glynn waxaa laga helay nooc ka mid ah kansarka qanjirarrada xameetida sanadkii 2020 ka dib markii uu u tagay xarunta lagu baaro xanuunka isagoo uu hayay xanuun daran oo garabka ah. 51-jirka ayaa sheegay inuu aad u nasiib badan yahay maadaama uu kansarka qabay muddo laba sano ah isagoo aan wax fikrad ah ka haysan. Mr Glynn, oo ka shaqeeya alxanka, ayaa la sheegay in xanuun daran uu ka dareemay garabka, taasoo keentay inuu seexan kari waayo. Wuxuu booqday xarunta GP waxaana lagu sameeyay baaritaanno dhanka dhiigga ah. ‘Samee wax kasta oo aad awooddo’ Mr Glynn waxa uu sheegay in uu noloshiisii ​​beddelay ka dib markii laga helay cudurka, isaga oo lumiyay ilaa 31kg, uuna hadda rajaynayo mustaqbalka wanaagsan Maalin ka hor dhalashadiisa 49aad, ee Ogosto 2020, waxaa loo sheegay inuu qabo kansarka qanjirrada, kaas oo heer sare gaaray kuna faafay qanjiraada loo yaqaan adrenal. Qiyaastii 1,000 qof ayaa sannadkii laga helaa kansarka noocaas ah sannadkaas gudaha UK. Waxa loo gudbiyay The Christie halkaas oo lagu soo bandhigay fursad uu kaga qaybqaato tijaabada caafimaad ee daawada difaaca jirka ee tijaabada ah ee aan la magacaabin, oo ay weheliso kiimoterabiga caadiga ah. Daawaynta ayaa keentay in buro beerka kaga soo baxday ay ka soo yaraato 12cm ilaa 2.6cm, halka midda qanjirrada adrenal-ka ku jirta ay hoos u dhacday 7cm ilaa 4.1cm. Tani waxay la macno tahay in Mr Glynn ay u suurogashay in uu qaliin maro bishii April. Intii lagu guda jiray qalliinka, dhakhaatiirta qalliinka ayaa waxay arkeen kaliya unugyo aan nooleyn, taas oo ka dhigan in daaweyntu ay dishay dhammaan unugyada kansarka. Mr Glynn ayaa sheegay markii “la siiyay fursad uu kaga qayb qaato cilmi-baarista, ay ahayd mid aan la beerdaryn karin”. “Waxaad samaynaysaa wax kasta oo aad noloshaada ku bad-baadin karto,” ayuu yiri. “Aad ayaan u nasiib badanahay maadaama aan kansarka qabay laba sano oo aan wax fikrad ah ka haysan, markaa inaan si cad u ogaado waxay ahayd mid xad dhaaf ah. “Maanta halkan ma joogi lahayn haddii aysan tijaabada ahaym.” Tan iyo markii uu qalliinka galay, ma helin wax daawayn ah oo dheeraad ah, waxaana baaritaankii saddexda bilood ahaa ee lagu sameeyay ay muujinayeen inuu gabi ahaanba ka nadiif yahay kansarka. Tijaabada ayaa waxaa maamulayay The Christie’s Prof Juan Valle, kaas oo sheegay in natiijada cilmi-baarista iyo daraasad kale oo weyn ay “si weyn u sugayeen asxaabta adduunka oo dhan sababtoo ah waxay horseedi kartaa isbeddel ku yimaada sida aan ula macaamilno bukaannada sida Robert mustaqbalka”. Qaran News
  18. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah Isimada waaweyn ee Gobolka Sool ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood. Garaadka oo xalay warbaahinta kula hadlay Laascaanood ayaa ugu horrayn ka tacsiyeeyay shacabka Somaliland ku xasuuqday magaalada Laascood. Garaad Jaamac ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin xasuuqa Ciidamada Somaliland ka geysteen Laascaanood ee lagu laayay Rayidka aan hubaysanayn. Garaadka ayaa sidoo kale Somaliland ugu baaqay in ay Ciidankeeda si deg deg ah uga la baxdo Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool si aysan dhib danbe u dhicin. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Somaliland ugu baaqay in ay deg deg uga baxdo Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  19. Toddaabadkan ugu yaraan toban qof ayay ciidammada Somaliland ku dileen Laascaanood; dhaawucu wuxuu kor u dhaafayaa 30 qof. Isla xisaabtan siyaasadeed ayaa bannaynaya in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi yahay qof wax laga weyddiin karo burburka, geerida iyo dhaawaca la xiriira bannaanbaxyada ka dhacaya Laascaanood. Xalku uma adka sida loo malaynayo. Wax badan waxa ay ku xiran yihiin go’aan qaadashada Madaxweyne Biixi waayo isaga ayay daacad u yihiin ciidammada gaboodfalka geysanaya. Dhibaatada Laascaanood ka jirta waxaa sababay maamul aan la isku raacsanayn oo magaalada ka arrimiya. Sanadkii 2007dii ayuu maamulka Somaliland qabsaday Laascaanood. Kooxdii fududaysay qabsashada magaalada waxay la tartami wayday koox hore Somaliland ula sii shaqaynaysay oo maleeshiyo u diyaarsan haysatay. Maadaama hub ka dhigis maleeshiyo (demobilisation) aysan ka dhicin Laascaanood maamulka Somaliland wuxuu si uun u maareynayay danaha laba maleeshiyo oo kala awood-batay. Ugu dambayntii Axmed Cabdi Xaabsade, oo qabsashadii Laascaanood fuduyeey, ayaa dib ugu goostay Puntland sanadkii 2014kii, oo ah sanadkii Maamulkii Labaad ee Khaatumo la dhisay. Marnaba meesha kama bixin su’aasha: Yaa siyaasad ahaan metela Laascaanood Somaliland waxay lugta la soo gashay gobol siyaasiyiintiisu uu ka dhex socdo loollan siyaasadeed oo mararka qaarkood dagaallo sababay. Taariikhdan siyaasadeed ku saabsan gobolka laga billaabo 1998kii ma aha mid siyaasiyiintu jecel yihiin in dib loo eego si loo fahmo dhibaatada taagan. Maamul ku tiirsan maleeshiyo gaar ah ma noqon karo mid sharciyad uu wax ku maamulo haysta. Laascaanood kama duwana dhanka siyaasadda Muqdisho ka hor 2006, sanadkii ururkii Midowgii Maxkamaduhu jebiyeen kooxihii qabqableyaasha Muqdisho kala qeybsaday, hortaagnaa horumarka dadka, aloosi jiray colaado, markii dambena isu bixiyay ururka la dagaallanka argagixisada. Weliba Laascanoood waxay kaga sii daran tahay Muqdisho waa in dad Soomaaliyeed 2021kii si qasab ah looga barakiciyay inkastoo Soomaaliya weli hal dal tahay sharci ahaan. Wax badan oo ismaandhaaaf ah meesha waa laga saari lahaa haddii Somaliland dhowrayso mabda’a in Soomaaliya weli hal dal tahay. Ku tiirsanaanta iyo u nuglaanta cadaadsiyada maleeshiyada waxay noqon lahaayeen caqabado si fudud looga gudbi karo. Waxaan jeclaan lahaa inaan Madaxweyne Muuse Biixi xusuusiyo in Galbeedka Somaliland iyo Sool (Nugaal mar ka tirsanayd welina juqraafi ahaan Nugaal ku taalla) ay wadaagaan taariikh siyaasadeed. Dadkii Ka yimid Boorame dhammaadkii kontomeeyadii qarnigii 20aad oo wax ka asaasay ururkii United Somali Party waxay reebeen taariikh siyaasadeed. Wixii ka dambeeyay 2012 xiriirka maleehsiyada Sool iyo Galbeedka Somaliland ma keenin wax dadka gobolka oo dhami ay ku dhaadan karaan. Kooxo suuqa siyaaasadda wax ku kala iibsanaya kuna qasbaya dadka maamul aan la isku raacsanayn ayuu isbahaysigaasi unkay, oo waa tijaabadaas siyaasadeed midda maanta hurinaysa xasilooni-darrada Laascaanood ka taagan. Madaxweyne Muuse Biixi uma baahna inuu dusha saarto eedda oo dhan. Waa inuu qaado taallabo uu Laascaanood ku siinayo fursad ay dadkeedu iskugu raacaan aragti siyaasadeed ay ku wada noolaan karaan: Waa inuu ciidammada Somaliland Laascaanood kala baxo. Maamulka Somaliland wuu jiray ka hor Oktoobar 2007. Haddii Somaliland la baxdo ciidammadeeda waxay dadka Laascaanood helayaan fursad ay kaga fiirsadaan hoggaamiyayaashooda siyaasadeed waayo way arkeen in koox meel ku shirtay ama koox maleeshiyo ah aysan sheegan karin inay wakiil ka yihiin Laascaanood. Waajib ayaa dowladda Somaliland iyo siyaasiyinta ka saaran inay taageeraan siyaasad aan dadka Laascaanood ku nool iska hor keenaynin, siyaasad aan kobcinaynin koox maleeshiyo ah oo dadka ku amar-ku-taagleysa. Heeshiiskii Baligubadle ee 1990kii uu Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac wax ka saxiixay wuxuu ku salaysnaa mabda’a: siyaasadda ayaa qoriga hoggaaminaysa. Maqnaanshaha mabda’aas ayaa sababay in ciidammada Somaliland iyo maleeshiyada deegaanku laayaan dad badan oo cabbirayay xaqooda siyaasadda. Madaxweyne Muuse Biixi waa inuusan isdulmin, dadka kalena dulmin. Waa inuu ciidammada Somaliland kala baxo Laascaanood. Wuxuu noqon doonaa go’aan u hiilinaya xaqa siyaasadeed ee dadka Laascaanood, tusina doona dunida in Somaliland u taagan tahay nabad iyo dhowrista xaqa siyaasadda ee muwaadinka. W/Q: Liibaan A. Axmad Email: libahm@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Sida madaxweyne MUUSE BIIXI uu ula bixi karo ciidanka ka jooga Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  20. Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ku riyooday Cabdiraxmaan Cirro oo Ku Guulaystay Doorashada Madaxtooyada. “doorashadda madaxwaynaha oo dhacdey, dadkii oo natiijadii wada sugaya, cabdiraxmaan cirro oo gacanta midig tusbax ku haysta oo guulaystay kuna guulaystay 67 % .labadaas manaam ayaa habeenkii xalay ahaa la I tusey.” Qaran News
  21. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa Shir-gudoomiyey wajiga 2aad ee gogol Nabadeed oo ay isku arkayeen kuna wada hadlayeen laba Beelood oo walaalaa kuwaas oo ay dhex martay Dagaal ka bilowday isku qabsasho dhul ku yaala Deegaanka Biyo-Baxada ee Degmada Gaalkacyo. Kulan kan waxaa goob joog ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo iyo xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobolqa Mudug, Nabadoono iyo ergada labada beelood, gogoshan oo mudo saacadaa socotay ayaa laga soo saaray go’aamo hordhac u ah Xalinta khilaafka dhuleed ee udhaxeeya labada Beelood. 1: waxaa la farayaa labada Beelood in dib loo celiyo maleeshiya Beeleedyada labada Beel laguna celiyo xerooyinkii laga soo saaray, sidoo kalena aan cid aan ahayn Ciidanka Dowladda Puntland lagu arki karin dhulkaan ilaa inta sharciga lagu kala baxayo. 2: Dhulka waxaa si kumeel gaara gacanta ugu haynaya Ciidamada Dowladda Puntland ilaa inta ay cadaanayso cida sida rasmigaa uleh. 3: dhinacyada isku haya dhulkaan waxaa la farayaa in ay horyimaadaan sharciga si loogu kala baxo la haanshiyaha dhulkan. 4: cidna laguma arki karo dhulkan ilaa inta lagu kala baxayo cidii lagu arko ama iyadu timaada goobtan waxaa laga qaadayaa tilaabo sharciga waafaqsan. PUNTLAND POST The post Go’aano laga soo saaray xallinta muran dhuleed oo laba beelood ku dhexmaray Mudug appeared first on Puntland Post.
  22. “Muuse sanduuqii doorashada tuurta ayuu ku sitaa oo dhig ayaa looga taag-waayay laakiin imika Wuu garba beelay oo danba Wuu u dhigayaa mana sii sidan karo”. murashax Cirro Qaran News
  23. Laascaanood (Caasimada Online) – Xarunta xuquuqul insaanka madaxa-banaan ee Somaliland ayaa cambaareysay in hub loo adeegsado dadka rayidka ee bannaanbaxyada ka wada magaalada Laascaanood. Xarunta ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku dalbatay in baaritaan lagu sameeyo gacanta adag, ee ay ciidamadu ku wajahayaan dadka shacabka ee ka gadoodsan dilalka ku soo noqnoqday magaaladaas. Xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa ku baaqday in la xushmeeyo xaqa banaan-baxayaasha iyo codkooda, sida uu dastuurka siinayo. Sidoo kale, Dowladda Maraykanka ayaa shalay ka hadashay dhibaatada haatan ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in Mareykanka uu codkiisa ku biirinayo dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo. “Wararka ku saabsan rabshadaha Laascaanood, waxaan codkeena ku biirinaynaa dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Waxa kale oo lagu yiri qoraalka Safaaradda “Nabadda iyo kala dambaynta waa in la ilaaliyo, lagana dhowrsado dagaal lagu waxyeeleynayo shacabka iyo burburinta hantida.” Banaanbaxyada rabshadaha wata ee shantii maalmood ee ugu dambeysay ka socday magaalada Laascaanood ayaa qarxay kadib dilkii habeenkii Isniinta magaaladaas loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday. Ninkaas oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa ka tirsanaa Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Wadani, waxaana la garan waayey cid dishay, taas oo sababtay in shacabku kaco oo la dibad-baxo. Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. The post Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  24. Mogadishu (Caasimada Online) – The President of Southwest State of Somalia, Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, and leading opposition figures have agreed to a reconciliation meeting on January 5 in Baidoa. The meeting was decided after Somalia’s Lower House Speaker, Sheikh Adan Mohamed Noor Madobe, invited opposition candidates and other political figures to his home on Saturday. President Laftagareen could not attend the gathering as he was still in Mogadishu for a National Consultative Council (NCC) meeting. The reconciliation meeting comes in the wake of a violent clash that occurred in Baidoa on December 23, which resulted in the deaths of at least ten people. The gun battle broke out at the home of former federal finance minister Mohamed Adan Ibrahim Fargeti, where the opposition-loyal militia had gathered. However, Fargeti claimed in a press conference that state security forces had attacked his house. Speaker Adan Madobe expressed regret over the incident and hoped the reconciliation meeting would help resolve the major grievances between the conflicting parties. The political stalemate between President Laftagareen and the opposition candidates has been ongoing for some time, with the main point of contention being the constitutionality of the president’s term extension. In 2019, the Southwest parliament extended President Laftagareen’s term by one year, with his mandate now set to expire on December 19, 2023. However, the opposition has opposed this extension. Some Southwest regional state lawmakers have blamed the federal government for the recent violence in Baidoa and called for the deployment of national military troops to the region to be redirected to the frontlines. It is hoped that the reconciliation meeting on January 5 addresses these issues and brings about a peaceful resolution to the ongoing political tensions in Southwest State. Southwest State is one of Somalia’s five federal member states, located in the southwestern part of the country. It was established in 2014 as part of the federal government’s efforts to decentralize power, per the country’s constitution. Ethiopia borders the state to the west and Kenya to the south, and its capital is the city of Barawa. The population of Southwest State is predominantly made up of the Rahanweyn clan, who are known for their agricultural and pastoralist traditions. The state is also home to a diverse mix of other clans and ethnic groups. Over the years, Southwest State has faced several challenges, including conflict, drought, and economic hardship. The ongoing civil war in Somalia has also affected the region, with various militant groups operating there. Despite these challenges, the state has made some progress in recent years by establishing a regional administration and developing infrastructure and other public services. The post Somalia: Southwest opposing sides agree to a reconciliation conference appeared first on Caasimada Online.