-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
President William Ruto has announced that the IGAD will hold a Summit before the end of January, with a focus on South Sudan. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qorshaha lagu sameynayo lacagta shilinka Soomaaliga iyo caqabadaha hor taagan. Wasiir Cilmi ayaa shaaciyey in kolhore Soomaaliya loogu deeqay oo bangiga adduunka uu balan-qaaday inta badan badan lacagtii lagu soo daabici lahaa shilin Soomaaliga, balse weli xal loo helin farsamooyin kale oo dowladda looga baahanyahay iyo lacag gaareysa 30 milyan oo dowladdu aysan awoodin. Wasiirka maaliyadda oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey sababta hor taagan in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga ee dadka Soomaaliyeed ay milkiyadda u lahaayeen, wuxuuna sheegay inay jiraan laba caqabadood oo kala ah: 1 – In lasoo daabaco lacagtaas waxaa ku baxaysa 70 Milyan, lacagtaasna miisaaniyadeena kama go’do, marka bangigga adduunka ayaa mar dhexe noo balan qaaday in ka badan 40 Milyan, waxaana lagu balamay in 30-ka kale la raadiyo, welina waa taagan tahay arrintaas. 2 – Arrinta labaad ee caqabadda ah waa dhinaca farsamada, sida in Bangiga dhexe uu isku diyaariyo sameynta lacagtaas, waxaa loo baahan yahay in bangigu helo qalabkii loo baahnaa iyo ilaalinta qiimaha suuqa ee lacagta la sameyn doono. “Waxaa haloo loo baaha doonaa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis ka galaan sidii lacagtaas ay uga wada shaqeyn laheyd dalka oo dhan, wadahadalkaas heshiiskii lagu maamuli lahaa lacagtaas waa socdaa hadda,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Ugu dambeyntii wasiirka ayaa wareysigaan ku sheegay in heer wanaagsan uu marayo diyaar garowga sameynta lacagta shilin Soomaaliga, sida in bangiga dhexe uu awood u leeyahay, balse farsamooyinka qaar ay ka dhiman yihiin iyo in la hayo kala bar ka badan lacagtii lagu sameyn lahaa shilin Soomaaliga. Lacagta shilin Soomaaliga oo hadda laga isticmaalo koonfurta Soomaaliya qeybo ka mid ah ayaa noqotay mid aad u liidata oo wax dayactir ah aan helin, sanadihii badnaa ee dalku uu burburka ku soo jiray. Inta badan dalka hadda lagama isticmaalo shilin Soomaali, gobollada ay lacagtaasi ka joogsatay waxaa ka mid ah Galmudug, Somaliland, Puntland, qeybo ka mid ah HirShabeelle iyo qeybo ka mid ah gobollada Jubbaland, gaar ahaan degmooyinka iyo deegaanada xiga xuduuda Kenya, sida Beledxaawo. The post DF oo shaacisay caqabado ka hor taagan inay sameyso lacag shillin Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyihii boolisku Somaliland Dabagale, wuxuu tagay Ceerigaabo oo nabad-galyo ah, markaas sidii Madaxweyne iyo Wasiiradiisa yidhi duleedka Ceerigaabo igu soo dhaweeya, waa dhaqan ku cusub Somaliland iyo dhaqanka ciidanba.” Qorre:- yoonis Ahmed yoonis “Xalka laas-caanood yaa laga sugayaa ??? Taliyihii boolisku Somaliland Dabagale, wuxuu tagay Ceerigaabo oo nabad-galyo ah, markaas sidii Madaxweyne iyo Wasiiradiisa yidhi duleedka Ceerigaabo igu soo dhaweeya, waa dhaqan ku cusub Somaliland iyo dhaqanka ciidanba. Wasiirka ammaanka qaabilsan Somaliland Maxamed kaahin, isaguna wuxuu u dalxiis tagay deegaankiisii bali-dhiig oo nabad ah, ilaa maanta kama hadal xaaladda Laascaanood ka taagan, waana arrinta muujinaysa fashilka Xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday dulhoganaysa. Madaxweyne, muddo xilkiisu dhamadayna ee Muuse Biixi umaddii reer Somaliland way baafinaysaa meel uu marayo iyo meel uu ka hadlayo midna lama hayo. Arrimahani dhamaantood marka la isku soo wada duubo waa kuwo muujinaya fashilka siyaasaddeed iyo amni ee ay dhex fadhiyaan Guddidii amniga qaranka. dalkii Haddii ay ku fashileen hoggaamtii iyo taladii dalka, ummada xilka u dhiibatay dib ha ugu soo celiyaan.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shalay shir guddoomiyay kalfadhigga labaad kulankiisa 7-aad ee Golaha Shacabka ayaa soo jeediyey tallaabo ay tahay in la qaado oo la xiriirta xiisadda magaalada Laascaanood Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta Gobolka Sool, isagoo muujiyey in ay tahay wax laga xumaado loona turo dadka shacabka ah. Guddoomniyaha ma faah-faahin waxa uu qaban doono guddiga iyo habka loo dhisi doono, balse go’aankiisa ayaa yimid ayada oo horey loogu eedeeyey mooshin laga keenay xiisadda Laascaanood. Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa kacsanayd maalmahan iyadoo ay ka socdeen bannaanbaxyo daba socday dil toddobaadkii hore magaalada loogu gaystay mid ka mid ah siyaasiiyiinta degaanka. Qulqulatooyinkaas ayaa keenay dhimasho dad rayid ah kadib markii ay ciidamada Somaliland rasaas fureen, sida ay sheegeen dadka degaanka. Waxaa la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 20 qof iyo dhaawaca tobanaan kale. Kacdoonka shacabka reer Laascaanood ayaa galay maalintii 10-aad, waxayna ciidamada Somaliland ay weli isku dayayaan in ay awood ku joojiyaan kacdoonkaas. Beesha caalamka ayaa shalay walaac ka muujisay xiisadda ka taagan magaaladaas. “Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan,” ayaa lagu yiri bayaanka. Qoraalka oo aad u koobnaa ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.” Baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay. The post Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad ugu amaanay doorka ay ku leeyihiin dagaalka dalka ka socda Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf iyo Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi. Madaxweynaha oo maanta xerada ciidanka xoogga ee Jeneraal Goordan kula hadlaayey cutubyo ka tirsan ciidankii tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea ayaa labadaas taliye ku amaanay sida ay waqti ugu bixiyeen hoggaaminta dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in maalin kasta ay isaga gudbaan dhul halis badan oo cadow ka dagaalamayo, iyagoo awooda inay xafiisyadooda fariistaan oo ciidanka halkaas ka hagaan. “Odawaa iyo Biixi oo garbaheyga taagan har iyo habeyn ma nastaan, iyagoo Janano ah oo xafiisyo leh ayey buuraha ku dhex hoydaan, furimaha kama soo baxaan, sidaas oo kale ayaan idinka rabaa inaad uga qeyb qaadataan dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo aad ula dardaarmay ciidankaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in Biixi iyo Odawaa ay awood u leeyihiin in xafiiskooda aysan ka bixin oo ciidanka dagaalamaya ay gacanka oo kaliya kala hadlaan, balse taas ay meel iska dhigeen oo furimaha ay isku daba-maraan, si looga guuleysto argagixisada. Sidoo kale madaxweynaha ayaa shaaciyey in dad badan ay su’aalo ka weydiiyeen sababta uu ciidanka u dhex-tago, balse wuxuu sheegay inuu aad ugu farxo guulaha ciidamada, isla markaana uu farxad badan dareemo marka uu la kulmayo ciidanka. “Waxaan ahay Aabe, waana garanayaa in aad u baahan tihiin inaad u tagtaan ehelladiinii oo booqataan tuulooyinkii ay waalidkiin deganaayeen, waa tegeysaan insha allaah, iyagoo xor ah oo intii cadow heysto laga xoreeyey,” ayuu ciidankaan kula dardaarmay madaxweynuhu. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidankaan faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab. “Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro,” ayuu dardaarankiisa ku sii daray Xasan Sheekh. Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyay Dowladda Eritrea garab istaagga ay u muujisay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka. “Halka u jeedo ee Eritrea ay ka leedahay inay ciidankaan noo tababarto waa in Soomaaliya ay ka xorowdo cadowga dalka iyo dadka duleystay, magaca Eritrea in mar kasta aan xusno kama caajisi doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Hoos ka daawo Speaking to Somali special forces trained in #Eritrea, who are now in #Mogadishu, President @HassanSMohamud commended the leadership of Somali National Army for leading and coordinating the ongoing operations to eliminate terrorists.#Somalia pic.twitter.com/DcvgEAjlYz — Radio Muqdisho (@RadioMuqdisho) January 2, 2023 The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo laba sarkaal ku amaanay kaalintooda dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – International partners have expressed concern over the ongoing violence in Laascaanood, Somalia, which has caused the deaths of numerous civilians and significant destruction. According to a doctor at a regional public hospital, at least 20 people have been killed in clashes between anti-government protesters and security forces in the city over the past several days. The demonstrations began a week ago and were sparked by the assassination of a local youth leader and member of the opposition Waddani Party, Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi). “International partners are deeply concerned about the ongoing violence in Laascaanood, Somalia, which has resulted in numerous civilian deaths and casualties,” said a statement from the international community released on Sunday. “The protection of civilians and the prevention of violence is of the utmost importance. We call for calm and restraint and urge all parties to work towards de-escalating the situation and resolving tensions through dialogue.” The protesters are demanding that Somaliland cede control of Laascaanood to Puntland and have accused the security forces of failing to address the insecurity in the town. Puntland’s Vice President, Ahmed Elmi Osman Karash, has accused the Somaliland army of committing a “massacre of civilians” in Laascaanood. Somaliland’s Minister of Information, Salebaan Ali Koore, has appealed to the protesters to stop their demonstrations and enter negotiations with the government. However, tensions remain high, and the situation remains volatile. The international community urges all parties to work towards a peaceful resolution and prioritize civilians’ safety and well-being. Laascaanood is disputed between Somaliland, and neighboring Puntland, one of Somalia’s semi-autonomous regions. Somaliland declared its independence from Somalia in 1991. However, it has yet to gain widespread international recognition for its independence and is not recognized as a sovereign state by the international community. Despite this, Somaliland has maintained a high degree of stability and security compared to the rest of Somalia, which has been embroiled in civil war for over three decades. Somaliland has its own government, military, and currency. The post International Community calls for calm in Laascaanood, Somalia, amid civilian deaths appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa markii ugu horeysay ka soo jawaabay warbixintii sanadlaha aheyd ee hantidhawraha guud ee qaranka, taas oo inteeda badan quseysay wasaaradda maaliyadda. Xafiiska hanti-dhowraha guud ee dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan daabacay warbixin sannadeedka maaliyadda ee 2021-kii, taas oo lagu shaaciyey in 55% wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ay ku guul-daraysteen inay reebaan caddaymaha lacag bixiinta iyo kharashaadka xisaab-xirka hay’adahaas. Waxaa kale oo hanti-dhowruhu sheegay lacag ku dow $100 milyan oo dollar inay Wasaaradda Maaliyaddu ka daynsatay hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, taas oo la isticmaalay. Wasiirka ayaa qiray in caqabadihii iyo dul-duleeladii maaliyadeed ee hantidhawruhu soo bandhigay ay jiraan, sidoo kale wuxuu qiray inay jirto lacagtaas ay deynsatay dowladda Soomaaliya. Wasiir Cilmi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aan loo ogoleyn in ay deyn qaadato, balse hey’adda lacagta adduunka ee IMF ay horay u ogolaatay 100 milyan oo lagu qalabeynayo Bangiyada maamula dhaqaalaha dalka. “Soomaaliya hadii ay qaadato deyn wax badan ayey ku weyneysaa, laakiin hadda waxaa noo ogolaatay oo na deymisay IMF, lacagtaas waxay keyd ahaan u tiilay bangiga dhexe, hadii aan isticmaalno waxaa nagala rabaa dul-saar, hadii ay iska taalana dul-saar nalama qaadeen, balse hadda waan u baahanay waana isticmaalnay, waxaana lagu waajibay dul-saar,” ayuu yiri Wasiir Cilmi. Sidoo kale wuxuu cadeeyey in lacagtaas ay isticmaashay xukuumadii tan ka horeysay, “Lacagtaas oo ku keydsaneyd Bangiga dhexe, waxaa ka maarmi weysay xukuumadii hore, xiligaasna baarlamaanka la hor geeyo, si loo fasaxo isticmaalkeeda ma uusan jirin, marka sidaas ayaa loo isticmaalay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Lacagtaas ayuu sheegay in markii hore loogu tala galay xoojinta keydka bangiga dowladda, isla markaana ay ogolaadeen bangiga adduunka iyo IMF in la isticmaali karo, hadii laga maarmi waayo, balse aysan aheyn deyn si ku talagal ah loo soo qaatay. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/01/03370000-0aff-0242-5bdc-08daecd5d369_16k.mp3 The post Dhageyso: Wasiirka Maaliyadda DF oo shaaciyey in deyn cusub ay qaadatay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay masuuliyiinta cayaaraha dhawr arrimood oo muhiim ah oo ku saabsan doorashada Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta oo la filayo in dhowaan la qabto iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada ku sugan goobaha laga xoreeyay Khawaarijta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiga looga fadhiyo inuu qabto doorasho daah-furan oo caddaalad ku dhisan, iyadoo la raacayo shuruucda u degsan xiriirka. “Wuxuuna tilmaamay in aan la aqbali karin is barbar yaac, isaga oo kula dardaarmay guddiga in ay ka feejignaadaan dhinac gaar ah in ay la saftaan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in rajo weyn laga qabo dhallinyarada 17 jirka ah ee guusha soo hooyay, isla markaana aan loo baahneyn in lagu niyad jabiyo is qabqabsi fursadaha jira lumiya. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Wasaaradda iyo xiriirka laga doonayo abaabulka cayaaro iyo is dhexgal bulshada iyo dhallinyarada ku sugan goobaha Khawaarijta laga xoreeyay, isla markaana jiilalka soo kacaya loo dhiso garoomo ay ku ciyaaraan. Guddiga doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa dhowaan qaaday tallaabo muran dhalisay oo hal musharax oo kaliya loogu xiray doorashada guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta. “Guddiga Racfaanka ayaa ku raacay go’aan uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada xiriirka kubbada cagta dalka oo lagu xaqiijiyay in shuruudaha doorashada uu soo buuxiyay hal Musharax oo ah mudane Guddoomiye Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo hadda ah guddoomiyaha xiriirka mar kalana u sharaxan xilkaas,” ayaa lagu yiri qoraal bishii hore kasoo baxay xiriirka. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Labada guddi ayaa isku raacay in Xasan Wiish iyo xubnaha uu wato aanay dhamaantood soo wada buuxin shuruudaha, sidaa daraadeedna aanu Xasan Wiish ahayn musharax, iyadoo halka musharax ee shuruudaha dastuurka ku xusan soo buuxiyay uu yahay Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).” Tallaabadaas ayaa waxaa ku gacan sayray Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo uga digtay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed “inay iska indho tiraan baaqyadii ka soo kala baxay wasaaradda iyo xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.” The post Sawirro: Xamza oo la kulmay, una digay guddiga qaaday tallaabada muranka dhalisay ee… appeared first on Caasimada Online.
-
Tirada dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay khalalaasha Laascaanood oo la shaaciyay Shaqaalaha caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan qof ay ku dhinteen mudaharaadada ka dhacay magaalada Laascaanood, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Waxay sheegeen in tobanaan kale ay ku dhaawacmeen dagaal toddobaadkii la soo dhaafay dhexmaray ciidammada ammaanka iyo dibadbaxayaal ka soo horjeeda dadka haldoorka gobolka ku laynaya magaalada Laascaanood. Dhanka kale guddoomiyaha golaha Somaliland ayaa sheegay in xaaladda ka taagan magaalada Laasacaanood ay ka dhalatay dayac dhanka xukuumadda Somaliland ah maadama sida uu sheegay in muddo ah halkaa dilal loogu gaysanayay dad ahaa waxgaradka bulshada oo aan waxba laga qaban. Cabdirisaaq Khaliif guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa ku eedeyay xukuumadda in ciidamo u adeegsatay dadka shacabka ah oo dhigay dibadbaxyo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dilalka joogtada noqday. Source
-
Israa’iil Oo Weerar Ku Qaaday Garoonka Diyaaradaha Dimishiq
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ciidamada Israa’iil ayaa Isniinta maanta ah fuliyey duqeyn gantaal oo muddo joojisay howlihii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dimishiq, islamarkaana ay ku dhinteen afar qof, waxaa sidaas ku warantay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo militari. Abaara 2:00 subaxnimo, Israa’iil waxay fulisay weerar “gantaallo badan, oo ay la beegsatay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Dimishiq iyo agagaarkiisa,” waxaa sidaas SANA u sheegay ilo-wareedyada milateri. Weerarka ayaa sababay “dhimashada laba askari… taasi oo keentay in garoonka caalamiga ah ee Dimishiq uu shaqada joojiyo,” ayuu yidhi ilo-wareedka. Weeraradii Isniintii ayaa lagu garaacay “goobo ay ku sugnaayeen Xizbullah iyo kooxaha taageersan Iiraan ee ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, iyo bakhaar hubka lagu kaydiyo,” waxaa sidaas AFP u sheegay madaxa kooxda xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhiggeedu yahay Britain, Rami Abdul Rahman. Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka lagu dilay afar dagaal-yahan oo ay ku jiraan laba askari. Tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay Suuriya 2011-kii, Israa’iil ayaa fulisay boqollaal duqeymo xagga cirka ah oo ka dhan ah deriskeeda, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada dawladda, ciidamada xulafada ah ee Iiraan ay taageerto iyo dagaalyahannada kooxda Shiicada ah ee Xizbullah ee Lubnaan. Israa’iil inta badan kama hadasho warbixinada ku saabsan weerarada ay fuliso, hase yeeshee waxay marar badan sheegtay inaysan ogolaan doonin in cadowgeeda ugu weyn ee Iiraan ay saldhig ku yeelato Suuriya. Duulimaadyada ayaa markii dambe dib u billowday kadib markii la dayactiray “khasaaraha ka dhashay gardarrada Israa’iil”, waxaa sidaas bayaan ku sheegtay wasaaradda gaadiidka ee Suuriya. “Duulimaadyada ayaa dib u billaabmay kadib markii aan dib u soo celinay shaqada mid ka mid ah dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, iyadoo howsha dayactirka dhabbaha labaad ay socoto,” ayuu AFP u sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda gaadiidka oo lagu magacaabo Suleymaan Khaliil. Markii ugu dambeysay ee garoonku uu shaqado joojiyo waxay ahayd bishii June — sidoo kale kadib markii ay duqaymo xagga cirka ah ku qaaday Israa’iil. Weerarkii cirka ee Isniintii ka dhacay Suuriya ayaa yimid kadib markii dalka uu dagaalka la degay uu la kulmay dhimashadii ugu yareyd muddo sanad ah tan iyo markii uu dagaalku billowday toban sano ka hor. Ugu yaraan 3,825 qof ayaa ku dhintay dagaalka Suuriya 2022-kii, sida laga soo xigtay tirokoobyo ay isu gaysay kooxda xuquuqda aadanaha ee dusha kula socota xaaladda Suuriya, islamarkaana fadhiggedu yahay Britain — tiradan ayaa ka yar tii 2021 oo aheyd 3,882. Dadka la dilay 2022-kii waxaa ka mid ahaa 1,627 oo rayid ah, oo ay ku jiraan 321 carruur ah, sida laga soo xigtay kooxda. Kadib sanado dagaallo iyo duqeymo ah oo ka dhashay caburintii arxan darrada aheyd ee lagu billaabay mudaaharaadayaashii 2011 ee looga soo horjeeday dowladda, colaadda ayaa inta badan yaraatay saddexdii sano ee la soo dhaafay. Dagaallo goosgoos ah ayaa xilliyada qaar dhaca, waxaana sii socda weerarada mujaahidiinta, gaar ahaan bariga dalka. AFP Source -
Beledweyne (Caasimada Online) – Al-Shabab militants in Somalia, have kidnapped nine civilians in Halgan District of Hiiraan region on Monday, according to officials and eyewitnesses. The incident occurred when the group ambushed and carjacked innocent civilians traveling in two mini caravans. According to witness accounts, the militants barricaded the road in the Dheenweyne area and began firing shots, causing the drivers to seek safety by fleeing to the banks of the Shabelle River. However, several passengers, including elderly individuals, could not escape and were taken captive by the group. The militants then seized the vehicles and crossed the Shabelle River into Western Hiiraan, an active area where the group is, and government forces have been deployed. This latest kidnapping follows a trend of similar attacks by Al-Shabab, which has resorted to abducting civilians as it loses ground in Somalia. In the past year, the group has kidnapped at least 21 civilians, ultimately slaughtering them in an apparent response to local mobilization against the group in the Hiiraan, Galgaduud, and Shabelle regions. The group has also lost control of several strategic towns in the country. In recent months, Al-Shabab has faced increasing pressure from government forces and regional militaries. The group has lost control of several major cities and towns and has been forced to retreat to rural areas in southern Somalia. Despite this, the group remains a significant threat and continues to carry out attacks using suicide bombers, improvised explosive devices, and ambushes. The kidnapping of nine civilians by Al-Shabab in the Halgan District of the Hiiraan region is a sign of the group’s desperation as it loses ground in the face of resistance from government forces and local militias. The post Al-Shabab kidnaps nine civilians in central Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Eritrea. Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran gaar ahan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa faray in sida ugu dhaqsaha badan ugu diyaar garoobaan ka qayb-galka dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab. Xasan ayaa sheegay in howl-galka cusub ee deegaanada dhiman lagu xoreyn la rabo in uu ka deg deg bato kuwii hore ee lagu xoreeyay qeybo kamid ah dalka. “Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale waxa uu Xasan la wadaagay ciidamadaan rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gaba-gabada maraya ee dalka looga ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay dowladda Eritrea garab istaagga ay u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka. Ciidamadaan oo tababar kusoo qaatay Eritrea ayaa waxay qeyb ka noqon doonaan dagaalka culus ee lagu xoreynayo dalka, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn. Saraakiisha ciidanka ayaa qaba in ciidamadaan looga maarmi doono yaraantii ciidan ee heysay dowladda oo sababi jirtay in ciidamada loo raro deegaano kala fog-fog, iyadoo diyaarado lagu qaadayo. Ciidamadaan oo sanad badan ku maqna dalka Eritrea ayaa dhawaan si toos ah u bilaabatay soo daabulidooda, kadib dadaal uu soo celintooda u galay madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr jeer tagay dalka Eritrea. The post Sawirro: Xasan oo booqday ciidamada laga keenay Eritrea, farayna arrin deg deg ah appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo sidoo kale Arrinta Doorashada Qof iyo Cod ee Puntland. Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay Arrinta Laascaanood ayaa sheegay in Puntland uu dulqaadkii ka dhammaaday islamarkaana ay qaadayso Tallaaba ku habboon si loo difaaco Shacabka Ciidamada Somaliland ku laynayaan Laascaanood. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Diiwaan-gelinta Doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland taas oo Ururada Siyaasadda qaarkood weli dood ka qabaan waxaana uu sheegay in Diiwaan-gelinta lagu qabanayo wakhtigii hore loogu qorsheeyay ee ah shanta bishan Jannaayo 2023. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sidoo kale Suxufiyiinta uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay ka weydiiyeen Qodobada uu ka hadlay ee Doorashooyinka iyo Arrimaha Gobolka Sool. Halkaan ka daawo Hadalka Madaxweynaha Puntland PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Arrinta Laascaanood iyo Diiwaan-gelinta Qof iyo Cod appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeeray xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka Al-shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan qaybta ilaalo qaran gaar ahan gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo argagixisada. “Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Ciidamadan oo Ereteriya tababar ku qaadanayay muddo saddex sano ka badan ayaa maalmihii la soo dhaafay diyaarado looga soo daabulayay dalkaas, waxaana weli dhiman qaar, kuwaas oo la faliyo in ay soo dhammaadaan bishan Janaayo. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh oo booqday ciidamadii lagu soo tababaray Ereteriya appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyada Garoowe ayaa shaaciyay in Puntland ay diyaar u tahay xal millateri iyo mid siyaasadeed inay ku wajahdo xaalada ka taagan magaalada Laascaanood. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Laascaanood looga baahan-yahay inay la yimaadaan qadiyad midaysan oo ku saabsan xaaladda taagan. “Haddii ay Somaliland qaadan weydo baaqyada shacabka Laascaanood kasoo yeeraya ee ay ku dalbanayaan inay ka baxdo Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, Puntland waxay diyaar u tahay tallaabo kaste oo suuragal ah inay qaaddo,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni. Deni ayaa waxa kale oo uu iska diiday dhaliil loo soo jeediyay oo ku saabsanayd inuu ku mashquulsan yahay arrimaha doorashada, xili magaalada Laascaanood uu ka taagan yahay qalalaase dad badani ku dhinteen. “Waxba iskama quseeyaan doorashada iyo arrinta Laascaanood. Waxaa doorashada waji xumeynaya ururo aan dad haysan. Waxaa diyaar u ahay in aan qabto doorashada Golaha Deegaanka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xili uu khilaaf badan ka taagan yahay doorashada qof iyo cod ee maamulkaasi. Xaaladda Laascaanood ayaa u muuqata mid kasii dareysa, maadaama aan weli xal loo helin rabshadaha socda, waxayna shacabku sii wadaan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsanayaan awoodooda, taasi oo kordhisay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah. The post SACIID DENI oo shaaciyay laba hab oo ay ku wajahayaan xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta gobolka Sool. Guddoomiye Aadan Madoobe oo soo xiray kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shacabka lagu dhibaataynayo magaalada Laascaaanood, wuxuuna ku baaqay in loo turo. Magaalada Laascaano oo dadka qaarkii ka barakaaceen waxaa ka taagan xaalad banii’aadanimo oo adag, waxaa shacabka ka go’an adeegyada asaasiga ah qaarkood. Kacdoonka shacabka reer Laascaanood ayaa galay maalintii sagaalaad, waxayna ciidamada Somaliland ay weli isku dayayaan in ay awood ku joojiyaan kacdoonkaas. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Aadan Madoobe oo soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
