Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Masar. Booqashada Masar ee ra’iisulwasaaraha ayaa qaadan doonta muddo saddex cisho ah, waxaana uu halkaas kulan kula qaadan doona mas’uuliyiinta dalka Masar oo uu kamid yahay dhiggiisa Mostafa Kamal Madbouly. Xasan Cabdi Barre ayaa kala hadli doona dowladda masar iyo madaxdeeda sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac. Wafdiga ra’iisulwasaraha Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ah wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Golaha ammaanka qaramada Midoobay ayaa shaaciyay in ay kulan gaar ah ka yeelanayaan xaaladda dalka Ukraine, iyadoo uu weli socdo duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine. Kulankan ayaa qabsoomaya 13-ka bisha January, taas oo looga arinsanayo xaaladda dalka Ukraine oo wajahaya colaado ku dhawaad sanad. 25 February 2022-ki dowladda Ruushka ayaa hawlgal ka dhan ah Ukraine ku qaaday Kyiv, waxaana tan iyo markaas Ukraine ay wajaheysa xaalad colaadeed oo daran. Ambassador Kimihiro Ishikane oo ah guddomiyaha golaha ammaanka qaramada midoobay ayaa shaaciyay in kulankaas uu qabsoomayo dhawaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magacaabay xilka La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata. Xasan Sheekh ayaa xilkaan u magacaabay wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur. Xafiiskaan ayaa ka shaqeyn dono ka hortagidda figradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxaana uu doorwayn ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda dalka. La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa kamid ah siyaasiyinta ugu saameynta badan dowladda sanadihii la soo dhaafay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u ambabaxay safar dibadeed, isaga oo kusii jeedo magaalada Qaahir ee caasimada dalka Masar. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa booqashadiisa waxa ay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa wada-hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar waxa uu la yeelan doonaa madaxda waddanka Masar. Arrimaha muhiimka ah ee uu kala hadlayo waxaa kamid ah dagaalka Al-Shabaab oo ay haatan dowladda federaalka u raadineyso taageero caalami ah, si looga adkaato. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isaga oo la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar. Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeya xiriir dheer oo soo jireen ah,kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageerada dhanka bani’aadanimada. Safarka ra’iisul wasaaraha waxa uu ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray. Horay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna u booqday dalkan, isaga oo wadahadallo gaar ah lasoo yeeshay dhiggiisa dalkaas, Cabdel Fataax Al-Sisi. Si kastaba, xiriirka labada dowladood ayaa wuxuu isbeddal ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, isaga oo sare usii kacay, maadaama uu isbeddal ku yimid hoggaanka dalka. The post Sawirro: Ra’iisul wasaare Xamza oo u baxay safar dibaddeed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  5. (SLT-Newport News)-Wiil 6 jir ah ayaa la dhigay xabsiga kadib markii uu toogtay macalinka Dugsiga Hoose ee Richneck ee Newport News, Virginia dalka Maraykanka. Taliyaha Booliska Steve Drew ayaa ku sheegay shir jaraa’id in arday 6 jir ah la xidhey kadib markii uu toogasho ku dhaawacay macalimadiisa xilli uu ku jiray fasalkiisa. Drew ayaa sheegtay in haweeneyda macalinka ah oo 30- jir ah lagu toogtay gudaha fasalka waxayna ku dartay in ayna ahayn toogasho shil ah. Taliyaha Booliska ayaa sheegay in gacan ka hadal uu dhex maray macalinka iyo ardaygii qoriga watay, isla markaana hal xabad lagu dhuftay. Waxa uu boolisku sheegay in xaalada caafimaad ee macalinka la toogtay ay ka soo reyneyso isla markaana uu socdo baadhitaan la xidhiidha sida uu wiilka lix jirka ahi ku helay hubka. “Waan sameyn doonaa baadhitaanka, waxaa jira su’aalo aan dooneyno inaan weydiino oo aan ogaano. Waxaan rabaa in aan ogaado meesha uu hubkaasi ka yimid, waa maxay xaaladdu,” Duqa magaalada Phillip Jones oo xilka la wareegay saddex maalmood uun ka hor ayaa sheegay in toogashadu ay maalin madow u tahay Newport . Newport News waa magaalo ay ku nool yihiin 180,000 oo qof waxayna ku fadhidaa qiyaastii 70 mayl (112km) koonfurta caasimadda gobolka ee Richmond. Source
  6. Xukuumadda Puntland ayaa ku fashilantay bixinta mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada sida ay xoguhu caddaynayaan. Shaqaalaha kala duwan iyo ciidamada dowladda ayaa sida la xaqiijinayo aan wax mushahar ah qaadan mudda dhawr bilood ah. Madaxweynaha iyo wasiirka Maaliyadda oo bixin waayay mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada ayaa dhinaca kale ku mashquulsan arrima siyaasadeed. Wasaaradda Maaliyadda ayaa sidoo kale bixin wayday gunnooyinkii iyo karashaadka hawl socod-siinta hay’adaha dowladda. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo ku fashilantay bixinta mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada appeared first on Puntland Post.
  7. Hargeisa (HOL) - Somaliland's House Speaker has dismissed plans for a report on the situation in Las Anod to be prepared by Somalia's federal government as a provocation and an attack on Somaliland's sovereignty. A press release from the breakaway republic's House of Representatives declared that "every report from the Mogadishu Assembly was not based on the reality on the ground in Las Anod." Earlier this week, Somalia's Lower House Speaker, Sheikh Adan Mohamed Noor, appointed a ten-member committee to prepare a report on the volatile situation in Las Anod. However, some members of the committee have already resigned. Last week, Somaliland House of Representatives Speaker, Abdirisaq Khalif Ahmed, said that government incompetence on Somaliland's part played a significant role in the uprisings in Las Anod. He emphasized that the Somaliland government is responsible for Las Anod's security and that the intelligence and police services should deal with the anti-government protests. Somalia's committee said it plans to publish the report but did not elaborate on a prospective date. At least 20 people have been killed in Las Anod, a town in Somaliland's east disputed between breakaway Somaliland and Puntland after anti-government protesters and security forces clashed for several days last week. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xuseen Macallin Maxamuud oo wareysi bixiyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Al-Shabaab, gaar ahaan in dowladda federaalka ay wada-hadal la galeyso kooxdaasi. Ugu horreyn Xuseen Macallin ayaa meesha in dowladda dhexe uu codsi uga yimid dhanka Al-Shabaab, hadalkaas oo uu shalay shaaciyay Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhigga. Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in aanu isbedalin mowqifka dowladda federaalka oo ku aadan dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo si cad u sheegay in aysan wax wada xaajood ah la geli doonin. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha kasoo goosta la marin doono nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda. “Siyaasaddeena ku aaddan wadahadal lala galo Al-Shabaab waxba isma baddelin, wax wada-xaajood ah kulama jirno Kooxda haseyeeshee Shakhsiyaadka doonaya in ay ka baxaan kooxda waxaa la marin doonnaa nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee Dowladda” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya. Dhankeeda Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay war kasoo baxay dowladda federaalka oo ay ku sheegtay in kooxda ay codsatay in lala furo wadahadal, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka dhanka ah ee dalka ka socda. Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahinta kooxda u sheegay in arrintan aysan sal iyo raad toona lahayn, oo aysan jirin wax wadahal ah oo ka dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda. “Ma aanan arkin hadalka aad sheegeyseyo, balse waxaan kuu xaqiijinayaa inaysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara annaga oo mujaahidiinta ah iyo dowladda,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab. Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, loogana qabsaday kooxda degaano horleh oo gacanta ku hayeen sanado badan. The post DF oo shaaca ka qaaday mowqifkeeda ku aadan wada-hadalka Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa sheegay in madaxdii Puntland ee isaga ka horreysay ay ku darsan jireen, taas oo uu tilmaamay in aysan wax dhib ah lahayn. ” Waxaa laleeyahay, madaxweynuhu doorasho uma socdee, ku darsibuu u socdaa, oo haddaan ku darsi u socdo, doorashadan maan iska daayo dhibkeeda oo taas aado. Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay, dhibna malahayn” ayuu yiri Siciid Deni. Hadalkan ayaa sii xoojiyay xogaha lagu kalsoon yahay, ee muujinaya in Siciid Deni uu mudda kororsi qorshaynayo, taas oo ay si weyn uga digeen siyaasiyiinta kala duwan ee Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay diiwaan-gelinta qoriga lagu ilaalinayo ee uu ka wado degaannada qaarkood, waxaana uu sheegay in laga waardiyaynayo niman jidadka u galaya Sanduuqyada. Siciid Deni ayaa sheegaya in uu qabanayo doorashooyin qof iyo cod ah oo laga hirgelinayo degmooyinka Puntland, waxaase arrintaas ka horyimid urur siyaasadeedyada qaarkood. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo sheegay in mudda kororsigu aanu wax dhib ah lahayn appeared first on Puntland Post.
  10. At least five African migrants died and another 10 were missing after a boat sank off Tunisia, as they tried to cross the Mediterranean to Italy, a judicial official said‮ ‬on Saturday. Source: Hiiraan Online
  11. Wararka ugu danbeeyay ee ka imanaaya magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaaya in magaaladaasi ay si buuxda caadigeedii ugu soo noqonayso kadib ku dhawaad laba todobaad oo ay halkaasi ka taagnaayeen rabshado iyo mudaharaado ay ku naf waayeen dhowr qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in wada hadalo u furmeen wafti balaadhan oo xukuumadda Somaliland ka tirsan oo uu horkacaayo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland iyo xubno ka mid ah ururka SSC, inkasta oo aanay wararka wada hadaladaasi soo shaac bixin hadana waxa jira warar sheegaaya in xidhiidh toos ah oo qarka u saaran is afgarad uu dhex maray hogaamiyaha ururka SSC iyo xukuumadda Somaliland Qaran News
  12. Six journalists in South Sudan have been arrested over the circulation of footage appearing to show President Salva Kiir wetting himself, media rights groups say. Source: Hiiraan Online
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u safray dalka Masar. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in wefdigu u booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay dalka Masar. “Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale horay booqasho ugu tegay waddanka Masar halkaas oo uu kula kulmay Madaxda u sarraysa dalkaas. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo uu u safray dalka Masar appeared first on Puntland Post.
  14. MOGADISHU, SOMALIA — Somali president Hassan Sheikh Mohamud has called on young al-Shabab fighters he says are “brainwashed” to surrender to the government amid ongoing military offensives against the group. Source: Hiiraan Online
  15. Female workers tell of exploitation and sexual assault at frankincense warehouse supplying US essential oils company Source: Hiiraan Online
  16. Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in markale ay xalay dagaallo culus ay ka dhaceen bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin duleedka magaaladaasi. Mid kamid ah weeraradaan ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig u dhow meel uu haatan dagan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed. Wararka ayaa sheegaya in dagaalladaas ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ku kooban labada dhinac, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Xiisad xoogan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay duleedka magaalada, taas oo ka dhalatay weerarada lala beegsaday ciidamada Somaliland. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa dhankooda bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub iyo howlgallo ay ku baadi goobayan raggii ka dambeeyay weerarada xalay ka dhacay halkaasi. Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli cakiran, maadaama rabshaduhu ay sii kordheen, isla-markaana ay socdaan todobaadkii saddexaad oo xiriir ah Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland xukunto Laascaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin. Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood. Si kastaba, baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay. The post Dagaallo culus oo markale ka dhacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  17. Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa markii u horraysay shaaciyay in aysan wax wada-hadal ah la gelin lana geli doonin dowladda Soomaaliya. Al-shabaab ayaa sidoo kale beenisay hadal ka soo yeeray wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya xil. Cabdifitaax Qaasim kaas oo sheegay in Al-shabaab soo dalbadeen in wada-hadal. “Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara anaga iyo kooxda dabadhilifka u ah gaalada caalamiga” ayaa laga soo xigtay Al-shabaab sida ay qortay warbaahinta taageerta Kooxdaas. Hadalkaas ayaa imaanaya iyadoo dagaallo culus oo ka dhan ah Al-shabaab ay ka socdaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si Kooxda looga saaro degaannada ay kaga hareen Gobolladaas. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo shaaciyay in aysan wax Wada-hadal ah la geli doonin dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. WASHINGTON — The Somali government and the al-Shabab militant group have each denied having peace talks. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay war kasoo baxay dowladda federaalka oo ay ku sheegtay in kooxda ay codsatay in lala furo wadahadal, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka dhanka ah ee dalka ka socda. Wasiir ku-xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa yiri “Maanta ayaga ayaa wada-hadal ku jira, anaga waxay naga taagan tahay in Soomaaliya laga ciribtiro wax la yiraahdo argagixiso oo go’aankeeda uu qaatay madaxweynaha, golaha fulintana ay ku shaqeynayaan.” “Ayaga (Al-Shabaab) ayaa soo codsaday wada-hadal. Khawaarijta waa laba nooc, kuwa waa ajaanib, noocna waa kuwa dalkaan u dhashay oo ayaga fursad waa leeyihiin, laakiin kuwa duulaanka ku yimid dalkaan wax wada-hadal majiro ee waa in dalka iskaga tagaan,” ayuu yiri wasiirka. Hase yeeshee sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahinta kooxda u sheegay in arrintan aysan sal iyo raad toona lahayn, oo aysan jirin wax wadahal ah oo ka dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda. “Ma aanan arkin hadalka aad sheegeyseyo, balse waxaan kuu xaqiijinayaa inaysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara annaga oo mujaahidiinta ah iyo dowladda,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab. Sarkaalkan, oo la sheegay inuu ka tirsan yahay xafiiska warfaafinta Al-Shabaab, balse aan magaciisa la shaacin, ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurta-galnimada wadahadal dhexmara Al-Shabaab iyo Villa Somalia. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in hadallada kasoo yeeray mas’uuliyiinta dowladda ay yihiin mid ay niyadda ku dhisayaan, sida uu hadalka u dhigay. Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, loogana qabsaday kooxda degaano horleh oo gacanta ku hayeen sanado badan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dagaalkan ku hogaaminaya dalka ayaa hore u sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab, hase yeeshe ay albaabada u fureyso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab. “Dowladdu waxay albaabada u furaysa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah. Dowladdu waxay ku wajaheysa (Shabaab) saddex siyaabood oo kala ah mid millateri, mid fikir iyo mid dhaqaale.” ayuu xiligaas yiri madaxweynaha. The post Al-Shabaab oo war kasoo saartay wada-hadallada ay DF sheegtay inay codsadeen appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomalaiya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali karin in xabad lala dhaco dadka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlayey xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in aysan jirin cid laga aqbali karo inay baneysato dhiigga shacabka. “Dadka Soomaaliyeed ee Laascaanood degan iyo maamulka Somaliland, waxaan u soo jeedinayaa inay wadahadlaan oo qoriga afkiisa laga weeciyo xaaladda,” ayuu yiri Xamza Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa aad u amaanay waxgaradka Somaliland oo dalbaday in la joojiyo rasaaseynta shacabka, kuwaas oo ku kala nool dhamaan magaalooyinka Somaliland. “Waan daawanay culumada, waxgaradka iyo salaadiinta Somaliland ee dalbaday in la joojiyo waxa dhacaya, waan u mahad celinayaa runtii, sideedana colaad dad ayaan nooga dhimanaya ee deegaanka nabad halagu soo dabaalo, wixii la kala tabanayana wadahadal halagu dhameeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Magaalada Laascaanood waxaa ka taagan xiisad salka ku heysa maamulka, waxayna shacabkii magaaladaas ka hor yimaadeen in Somaliland ay sii maamusho. Banaanbaxyo rabashado wata ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka socday magaalada, waxaana geeriyooday dad badan oo ciidanka Somaliland ay toogteen. Banaan-baxyadaasi waxay ugu dambeyntii sababeen in ciidanka Somaliland ay isaga baxaan magaalada, kadib markii ay ku sii badatay carada shacabka, waxayna magaalada uga baxeen geesaha. Xiisadaan ayaa ka kacday dilal loo geystay dadkii haldoorka ahaa ee magaaladaas ku noolaa, waxaana la garan waayey cidda geysata dilalka, taas oo sababtay in shacabku ay iska diidaan ka sii mid ahaashaha xukunka Somaliland. Hoos ka daawo The post Daawo: R/Wasaare Xamza oo shaaciyey arrin aan laga aqbali doonin Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  21. Horta Laas-Caanood Waa tuma? Laas-Caanood waxay dhacdaa Dooxada Nugaaleed, waana magaalo madaxda Gobolka Sool. Waxay Garowe u jirtaa 132 km, markaad gaari ku aado, Hargeysana 381 km oo dhulka ah. 2014 tiro koob ay samaysay UNFPA tirada dadka ku noolaa waxaa lagu qiyaasay 156,438 qof. Dadka reer Laas-canood kama mid ahayn qabiilooyinkii saxiixay heshiiskii Gumaysigii ingiriiska (Colonial Protective Treaties), waxayna ahaayeen dad si adag uga horyimid gumaysigii gumaystaha. 31-kii July 1903 niman sahan u ahaa gumaystaha oo tiro 30 (British Scouts) ahaa iyo 124 Darwiish oo sahan ahaa baa isku helay meel aan sidaa uga fogeyn Laas-caanood, waxana laga dhigay wax dhintay iyo wax dhaawac noqday horgaladii gumeystaha iyo hoggaankii hogaaminaayey oo caddaan ahaa. 1954 iyo 1955 xaaladdii markaa ka jirtay gobolada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari waxaa Laas-caanood lagu aas-aasay xisbigii USP oo ay ku midoobeen reer Laas-canood, Boorama iyo Sanaag Bari. 15 October 1969 waxaa Laas-Canood lagu dilay madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirshiid Cali Sharmaarke, asagoo safar shaqo ku maraayey magaaladaa, waxaana dilay mid ka mid ahaa ilaaladiisa. Aaskiisii maalin kadib waxaa dhacay afgambsi ciidameed oo uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Barre, 21 Oktober, 1969. 1991 ururkii SNM ahaa wuxuu ku dhawaaqay gooni isu-taag iyo inuu Soomaaliya ka tashaday, ayadoo doododu ahayd waa nala xasuuqay, heshiiskii 1960na waa ka noqonay. Waxaana Burco shir ka dhacay looga dhawaaqay Somaliland, oo la sheegtay in heshiis lala galay Gobolada darfaha Galbeedka iyo Bariga oo aan SNM dagaalkii ay galeen kula jirin, dagaalkaas oo beesha dhexe ku koobnaa. Laas-Canood waxay in muddo ahayd meel nabdoon. Dabadeedna Dhalashadii Puntland iyo sheegashadii ka mid ahaan-shaha Laas- Canood waxay abuurtay dareen xaasaasi ah. 2002 Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa safar lama filaan ah ku tagay Laas-Canood, asagoo watay ciidan xoog leh, muddo yar ka dibna waxay isku dhaceen dadkii deegaan, markii danbana dibaduu uga baxay, waxaana la wareegay ciidan taageersanaa Puntland. 2007 waxaa isfahmiwaa dhex-maray Wasiir Xaabsade oo ahaa wisiirkii Arrimaha gudaha ee Puntland iyo Wadaxweyne Cadde Muuse. Xaabsade oo kaso jeeda deegaan Sool ayaa ka xaystay ciidan beeleed, wuxuuna dagaal la galay ciidankii joogay Laas-Canood, waana la wareegay, waxay Somaliland abaal-marin u siisay jago wasiir ah, muddo yar dabadeedna waa isku dhaceen Xaabsade iyo Somaliland, wuxuuna dib ugu so laabtay Garowe, asagoo ka fara maran LAASKII CAANAHA. Intii waqtigaas ka danbeysanna waxaa gacanta ku haysay Somaliland ilaa maanta oo qalalaase ka taagan tahay Haddaba, Somaliland maka maarmi kartaa Laas-Canood iyo Sool? Somaliland dooddeeda ugu weyn waxay tahay oo sheeganaysaa inay xuduuddii Ingiriiska xad u tahay, haddii ay faraheeda ka baxdana Somaliland waxay kuso ururaysaa gobollada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer, sidii ay AWDAL ula sii midoobilahaydna waa mid su’aal keeni karta, waana adag tahay inay ku qancaan waxay u dagaalamayeen, gar iyo gardaba, mana rumaysna haddii ay heshiis la galeen reer Sool inay ka bixi karaan, ayagoo sheeganaya inay axdigii 1960 ka baxeen. Haddaba reer Sool iyo Laas-caanood xaaladdooda maanta waxay ku dhawaaqayaan in dhulkooda looga baxo, 13-kii isinna hal eray oo isku mid ah bay ku dhawaaqayaan: Aayaheena inaan ka tasho ayaan rabnaa, dhulkeenana ha na looga baxo, mana aha mid qancinaysa Somaliland. W/Q: Mahamud J. farah Mahamudjfarah@gmail.com U.S.A AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Somaliland Laas-caanood ma ka maarantaa? – Faallo appeared first on Caasimada Online.
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si adag uga horyimid guddi uu dhawaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay rabshadaha ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo ay sheegtay inay soo geli karin deegaanada maamulkeeda. War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa tallaabadaas lagu tilmaamay inay tahay “daan-daansi iyo gardaro ka dhan ah Somaliland oo baalmarsan sharciga caalamiga.” “Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka masuula dadweynaha Somaliland, sida ku cad qodobka 39aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, golaha wakiiladu waxa uu ku fadhiyaa hab dimuquraadi ah oo ku salaysan doorasho hal qof iyo hal cod ah” ayaa lagu qoraalka. “Qoraalka uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha aqalka loogu yeedho “Golaha Shacabka Soomaaliya, oo ah ashqaas lagu xushay teendho hoosteed, waa mid aan ku fadhiyin xaqiiqo, islamarkaana baal-marsan xeerarka caalamiga ah.” Golaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in guddiga uu magacaabay guddoomiye Aadan Madoobe uu awood u laheyn soo-gelitaanka xuduudaha Somaliland, iskaba daa baaris ay ka sameeyaane, sida lagu yiri qoraalka. “Guddoomiyaha Golaha Muqdisho fadhigiisu yahay waxa uu tixraacay wax uu ugu yeedhay “dastuur ku-meel-gaadh ah.” Dastuurka uu xigtay maaha mid khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland oo 32 jirsatay, mana jirto wax tixgelin iyo aqoonsi ah oo uu ka leeyahay xuduudaha Somaliland ee sida caalamiga ah loo aqoonsan-yahay.” “Xuduuda Somaliland waxay waafaqsan yihiin mabaadii’da sugan ee xeerarka caalamiga ah oo uu kamid yahay heshiiska uu ku aasaasan yahay Midawga Afrika.” Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedka “Warbixin kasta oo kasoo baxda Golaha Muqdisho marnaba kuma salaysnaan karto xaqiiq ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee deegaan kamid ah qaranka Somaliland oo ay ku jirto degmada Laascaanood, oo waxba kama duwana mala-awaal iyo majara-habaabin loogu talo galay beesha caalamka.” Golaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu beesha caalamka ku wargeliyay in arrimaha Laascaanood wax ka qabashadeeda iyo xalkeedu u gaar tahay Somaliland, ayda oo marnaba jiri karin cid ka baxsan oo soo fara-gelin kartaa. The post Somaliland oo go’aan kasoo saartay guddigii uu Aadan Madoobe magacaabay appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa shaaciyey xog cusub oo ku saabsan weerarrada ay Al-Shabaab ku qaadaan xeryaha ciidamada xoogga, kuwaas oo mararka qaar askar badan lagu laayo. Afhayeenka ayaa sheegay inay ogaadeen in ciidamada xeryahooda loogu geeyo qaad/jaad, kadibna ay ku bedeshaan rasaastooda, taas oo u nugleysa weerarrada Al-Shabaab. “Shacabka iyo madaxda waan u sheegeynaa, ciidanku badanaa lacag ma heysto, markii Qaadka loo keeno waxay dhaafsadaan rasaastooda, waxaana rubicii jaadka ah laga siiyaan 5 xabadood,” ayuu yiri Caanood. Wuxuu intaas ku sii daray in rasaastu ay gacanta u gasho Al-Shabaab, isla markaana lagu soo weeraro markii ay ka dhamaato gacanta ciidanka oo ay gasho gacanta Al-Shabaab. “Markii uu cidanku mudo Jaadkaas cuno oo rasaasta ay xeeladaas Al-Shabaab ugu gacan gasho, ayaa lagu soo weeraraa, mararka qaar ciidanka oo rasaas heysta, laakiin aan Sanaadiiqda la furin, rasaastiina xatooyo qaad loogu iibsaday, ayuu Shabaab soo weerarayaa oo cagta marinayaa,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga. Afhayeenka uu u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ka talis ahaan ay arrintaas aad ula dagaalameen, isla markaana ay ku amreen in ciidanka laga joojiyo guud ahaanba jaadka. “Al-shabaab meel aysan joogin ayaa si fudud loogu tabci karaa, lacag ayey wataan dadkaana waa baahan yihiin, hadana qofka waxay u soo diraan qof kale oo qaraabadiisa ah, taas oo u sahasha inay qaraxyo geystaan, taasna waxaa looga hor tegi karaan ilaalinta xogta,” ayuu yiri Jeneraal Caanood. Sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidanka ka ilaaliyeen qof ka tirsanaa jiray Al-Shabaab inuu ku biiro oo la aamino, isagoo tilmaamay in dhaqan celin kadib meelo kale looga faa’iideysto qofkii mar ka soo mid noqday Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: Caanood oo shaaciyey sabab yaab leh Al-Shabaab u sahasha inay weeraraan xerooyinka appeared first on Caasimada Online.