Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 9 milyan oo dollar oo isugu jirta hub, gaadiid, agab caafimaad iyo agab kale ku wareejisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya (SNA), kadib munaasabad maanta ay ka qeyb galeen wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo safiirka Mareykanka Larry André. Marka laga soo tago hubka culus, agabka waxaa ka mid ahaa baabuurta taakulaynta iyo dhismaha, agabka xeer ilaalinta, agabka dayactirka gaadiidka iyo hubka. Sahayda ugu badan ayaa la gaarsiinaya Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug si ay u taageeraan Ciidamada XDS. “Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ka gaareen ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Al-Shabaab,” ayuu yiri danjire André. “Kani waa olole ay hormuud ka tahay Soomaali . Maraykanku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno dadaalkaaga.” Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa u mahadceliyey dowladda Mareykanka, isagoo yiri “waxaan dowladda Mareykanka u gudbinaya mahadcelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso geeddi-socodka nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada dagaalka. ka dhanka ah argagixisada. Taageeradan ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah ciidamadeena annagoo kor u qaadayna awoodooda la dagaalanka al-Shabaab.” Wasiirka ayaa waxaa xafladda ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage. Hubka oo ay ku jiraan qoryaha fudfudud iyo kuwa culculus ayaa waxaa lagu soo iibiyay dhaqaalaha ay bixisay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka. Waxaa lagu calaamadeeyay oo la diiwaan geliyay iyadoo la raacayo siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta, oo loogu talagalay in lagu xisaabtamo laguna xakameeyo hubka ku dhex jira ciidamada amniga Soomaaliya iyo hubka lagu qabto furimaha dagaalka. Ogeysiinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa fulinaysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo xiriir dhow la leh Xafiiska Iskaashiga Amniga ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho iyadoo la raacayo go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Hubkan ayaa lagu taageeri doonaa guutooyinka XDS iyo Danab oo ay ku jiraan guutooyin hadda ka qeyb qaadanaya howlgallada ka socda Hirshabeelle iyo Galmudug. Hubka ayaa si weyn u kordhin doona dhimashada iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada XDS iyo Danab ee ka qeyb qaadanaya howlgalladan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Hoggaamiyaha jabhadda SSC Col. Faysal Falaalug ayaa cay iyo aflagaaddo ku tilmaamay wararka lagu qoray baraha bulshada ee sheegaya in uu xiriir la sameeyay Somaliland. Falaalug ayaa sheegay in isaga iyo Somaliland waxa keliya oo dhex mari kara ay tahay xabbad islamarkaana aysan ka suuroobin in uu xiriir iyo wada-hadal ka yeesho maamulkaas. ” Adeerow arrintaas waa cay waana mu’aamaraad uu sameeyay cadowgii aanu dagaallamaynay. Cadowga SNM-na in aan xabbad ku kulanno waxaan ahayn igama suurowdo noloshayda” ayuu yiri Faysal Falaalug Hoggaamiyaha SSC ayas sidoo kale Somaliland ku eedeeyay in ay faafinayaan warar been-abuur ah si kala shaki iyo mu’aamarad loo dhex dhigo kacdoonka shacbiga SSC. Col. Falaalug ayaa dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in saraakiil ka tirsan Sirdoonka gaarka ah ee Puntland ay ku weheliyeen socdaalkiisi Laascaanood waxaana uu sheegay in aanu aqoon magacaas PIS. PUNTLAND POST The post Col. Faysal Falaalug oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu xiriir la yeeshay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  3. Beledweyne (HOL) - Hiiraan region Governor Ali Jeyte Osman opposed the firing of the Halgan district commissioner, which was made by Hirshabelle Minister of Internal Affairs Abdi Dahir Gure Karore. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta u ambabaxay safar dibadeed, uu ku tegayo magaalada Qaahir ee caasimada dalka Masar, ayaa intii uu ku guda jiray safarkiisa sameeyay arrin bogaadin mudan. Xamza ayaa waxa uu diyaaradda dhexdeeda kula kulmay, mid midna uu ula sheekeystay qaar ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee rakaabka ka tirsanaa. Xubno ka mid ah Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay ayaa waxay uga xog warrameen dhibaatooyin kala duwan, uguna horeyso kuwa ka heysta dhinaca socdaalka dalalka ay ka yimaadaan. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray Wasiirka Arrimaha Dibedda, Abshir Cumar Huruse oo qayb ka ahaa wafdigiisa inuu xal deg-deg ah u helo cabashooyinkaasi. Xamza iyo Wafdigiisa ayaa safarkooda Masar uu qaadan doona muddo saddex cisho ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada-hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar waxa uu la yeelan doonaa madaxda waddanka Masar. Arrimaha muhiimka ah ee uu kala hadlayo waxaa kamid ah dagaalka Al-Shabaab oo ay haatan dowladda federaalka u raadineyso taageero caalami ah, si looga adkaato. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isaga oo la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar. Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeya xiriir dheer oo soo jireen ah, kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageerada dhanka bani’aadanimada. The post Sawirro: Xamza oo ‘wada sheekeysi’ la yeeshay qaar kamid ah muwaadiniinta… appeared first on Caasimada Online.
  5. Beelaha Sool clan iyo Fiqi Shinni ayaa cod midaysan ku go’aamiyay in Ciidamada Somaliland ay ka baxaan Gobolka Sool. Shir ay saakay isugu yimaadeen cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Sool clan iyo Fiqishini oo ka qabsoomay magaalada Laascaanood ayaa bayaan kasoo baxay lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool. Labada beelood waxay sheegeen inay isugu imaanayaan shirwayne wadatashi ah oo looga tashanayo masiirka iyo aayaha gobolka Sool, waxayna ku baaqeen intaas wixii ka horreeya in la ilaaliyo kala danbaynta iyo amniga. Qodobada kasoo baxay shirkaan waxaa lagu sheegay in Somaliland ay qaadanayso mas’uuliyadda dadkii lagu laayay magaalada Laascaanood intii mudaharaadyadu socdeen. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Beelaha Gobolka Sool oo go’aamiyay in Somaliland ka baxdo Sool appeared first on Puntland Post.
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Kenyan President William Ruto has outlined his regional diplomatic strategy, including his willingness to work with Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud to fight against the terrorist group al-Shabab. Speaking on Wednesday, Ruto emphasized the importance of stability in the region, saying, “If this region becomes unstable, it will have a significant negative impact on our economy.” He also highlighted Kenya’s solid economic position as the largest economy in the region. “We are not only working with the president of Somalia, but we are also thrilled that he is now consolidating even with other regional presidents in Somalia so that we jointly attack the al-Shabab menace,” said Ruto. “We are pleased that we have some agreement and are working together. We both recognize that al-Shabab is a problem for Somalia and us, and we cannot ignore or walk away from this challenge. We need to address it together.” In a meeting with President Mohamud on September 14, 2022, the two leaders discussed the security challenges of Somalia and the Horn of Africa region, both of which have been targeted by al-Shabab. Ruto also announced plans to fast-track the Joint Commission for Cooperation implementation between Kenya and Somalia. This will increase trade in Miraa, a stimulant plant, and fish while easing movement between the two nations. Kenya is currently among the countries whose troops are serving in Somalia under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Kenya and Somalia have a complex relationship with a long history of cooperation and conflict. One major point of contention between the two countries was the disputed maritime border in the Indian Ocean. The International Court of Justice (ICJ) ruled in favor of Somalia in the long-standing maritime border dispute with Kenya in 2021. The ICJ determined that the border should be adjusted so that Somalia would be granted rights to most of the oil-rich region in the Indian Ocean. Kenya rejected the ruling, and the dispute has continued to be a source of tension between the two countries. In addition to the maritime dispute, trade in the stimulant plant khat, also known as miraa in Kenya, has also been a point of friction between the two countries. Somalia is Kenya’s largest market for khat, but the Somali government suspended the importation of the crop when international flights were suspended due to the COVID-19 pandemic. While the ban has since been lifted, Somali authorities have imposed conditions keeping Kenyan khat traders out of business. This has led to further tensions between the two countries. The post Kenya president outlines diplomatic strategy for Somalia appeared first on Caasimada Online.
  7. Maamulkii Silaanyo iyo Faysal Cali-waraabe waxa ay bilowgii 2017kii soo bisleeyeen heshiis Khaatumo iyo Somaliland ay wax ku wada yeelanayaan oo mustaqbal. Heshiis todoba qodob ka kooban oo wax badani ku hagaagi lahaayeen buu ahaa. Sanadkaas dhamaadkiisii waa tii Muuse taladii loo dhiibay ee la yidhi inna wad. Intii uu yaqaanay buu ku maamulay, waxyaabaha uu cagta mariyay na koow waxa ka ahaa heshiiskaas uu hormuudka ka ahaa Prof Cali Khaliif, isaga oo duuduuban baanu xashiishka ku daray. Xataa in uu hal maalin la kulmo ergadii Sool clan ee Prof Khaliif hormuudka u ahaa buu diiday. Dadkii ka ergeeyay ee is ku dayay in aanu sidaas yeelin na, dhamaantood wuu diiday. Sababta uu sidaas u yeelay, wax alla wax inaga galay ma jiro. Waxa aynu hubnaa in heshiiskaas uu Muuse ciideeyay, mid kale oo uu ku bedelay amaba talo kale oo uu keenay na aanay jirin. Heshiis kaas uun xashiishka ma uu raacinin ee Laascaanood iyo guud ahaan ba Sool, ayaa raadaarkiisa ka baxday, amaba aan marka hore ba ku jirin aan idhaahdo. Waxa hubaal ah Ilaahay baa la hubaaye, hadii heshiiskaasi hirgeli lahaa, oo dadka deegaankaas na ay matali lahaayeen dad ay ku kalsoonyihiin, waxa manta dhacay in aanay dhaceen. Runtii Laascaanood iyo dadkeeda meel aanay abidkood gaadhin buu gaadhsiiyay, Sool clan intoodii awalba la ga badnaa ee aaminsanayd in dantoodu ku jirto Somaliland oo ay wax wada qabsadaan na, sheekadii wuu ka xidhay, dib in ay u gu furmayso na ma u eka. Talo xumadaasi Laascaanood uun ma ay fogaynin ee sidii Somaliland debedda loo ga arkaayay ayay aad u wiiqday. Baroon rasaas waaweyn la ga soo afuufaayo, oo caruur iyo haween sii cararaaya dhabarka la ga la dhacay ayaa video geeda meel walba la ga riday. Is la caqliga heshiiska Khaatumo diiday mid kale na aan ku bedelin, ayaa dhaqanka kaas ah ee maati doxa ah na dhiirinayay oo shan maalmood daaha dabadiisa ka waday. Hadii uu sidaas ku aamusi lahaa baaba roonayn lahayd, ee aakhirkii intoo oo media ha u soo baxay ayuu wixii aad maqasheen ku hadlay – dilka shicibka waanu ka xunnahay, iyo si kadis ah buu u dhacay! Ilaahay ku soo qabay muxuu, been qayaxan sheegay. Waxa Qoray Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  8. Muqdihso (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabab ayaa bilowday qaab cusub oo ay ku dhex galeyso bulshada, qaabkan waxa uu huwan yahay magac qabiil. Kooxda ayaa dad ay rabto inay fuliyaan shaqooyin sida inay xog keenaan, canshuurta usii aruuriyaan, qaraxyo fuliyaan ama dilal abaabul iyo in mustaqbalka gabaad u noqdaan fikradooda waxay kusoo dhex daayeen goobihii laga qabsaday. Dadkan ayaa waxay isku dhiibayaan qabiiladooda, qaar waxay sheegayaan in fikirkii ka tanaasuleen, qaarna inay markii hore kooxda ugu biireen inay danaha qabiilka difaacaan. Fikradan cusub oo Al-Shabaab ay hindistay ayaa deegaanada qaar ka hirgeshay, ayada oo odayaasha qaar ay rag shabaab ah sheegeen inay kooxda u direen oo Beesha iyo Kooxda ay xarig u ahaayeen, si aan loo dulmin beeshaas. Inkasta oo aysan jirin qabiil Soomaaliyeed oo ka badbaaday dulmiga Al-Shabaab, haddana illo sirdoon ayaa ku waramaya in fikirkaan uu yahay mid kooxda Al-Shabaab ugu tala-gashay inay dib ugu dhibaateyso deegaanadii laga saaray. Dadkaan soo laabtay ee beeluhu ku hagoogteen lama marin hubin dowladeed, waxaana meelaha qaar toos loogu dhex daayay magaalooyinka, taasi oo keentay ama keeni karta dhibaatooyin hor leh. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii si adag uga hadlay fikirkaan cusub ee Al-Shabaab ay rabto inay markale ku dhibaateyso ciidanka dowladda iyo bulshada hogaamineysa kacdoonka. “Warar badan ayaa isoo gaaraya oo deegaanada qaarkood dadkii Shabaabka ka tirsana ama qoryaha qaatay ee u adeegayay Shabaab inta uu hadda yimid uu yiraahda Shabaab ayaa dadka ka xigay oo dadka ka ilaalinayay, qabiilkiina uu yiraahdo halaga leexdo iyo anaga u dirnay,” ayuu yiri. “Meel la isku diro meeshaas kuma oolin, orod dadka Soomaaliyeed soo laay ama sidii loo leyn lahaa soo fudeydi qof loo diro karay majirin iyo qof loogu cudur-daarayo majiro. Allaha ka keeno ayaa leeyahay dadka iyo qabaa’ilka leh anaga shalay dadkaan u dirnay Shabaab.” Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Shabaab dadka Soomaaliyeed ayuu leynayay oo gumaadayay, meesha meel dad loo diro kuma oolin, dadka in uu wax kasoo laayo ayaa u dirtay sow maaha.” “Ninkasta oo kamid ahaa calamkii Shabaab ee dalka ka socda, Shabaab waaye, waa kasoo noqday oo ka tanasulay afkaartii dhibka badneyd aan isla ogaano ee in uu ku dhex fadhiyo oo telefoonkii uu idinla daba taagan oo adigana reer hebel aad tiraahdo cudur daar malaha.” The post Shabaab oo la yimid qorshe qabiileysan oo ay kusoo dhex galaan shacabka appeared first on Caasimada Online.
  9. An Iranian man has been arrested in western Germany suspected of preparing an "Islamist attack" using cyanide and ricin, police and prosecutors have said. Source: Hiiraan Online
  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa si weyn looga dareemaya oo ka socda diyaar-garowga shirka dib-u-heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay ayada oo dhawaan halkaas la filayo in ay gaaran Wafuud kala duwan oo qeyb ka yihiin Madax ka tirsan dowladda federaalka iyo Ergada ka qayb-galaysa shirka. Guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta ee uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ku sugan magaalada Baydhabo, hase yeeshe illaa hadda si rasmi ah looma oga waqtiga uu furmayo shirkaas. Isaaq Xuseen Mursal oo ka mid ah siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo oo ka hadlay diyaar-garowga shirka ayaa sheegay in la filayo in uu madaxweynaha dowladda federaalka uu kasoo qeyb-galo, si loo dhameeyo xiisada ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen. “Guddigii farsamada ee guddoomiyaha waa joogaan, iyaga laga warsuga oo u igman howshaan. Waa la socona siyaasiyiin meesha jooga oo howsha dad baa u xilsaaran oo ka warsugeynaa,” ayuu yiri. Waxa uu intaas sii raaciyay “Siyaasiyiinta Mucaaridka waa ku qasban yihiin inay imaadan shirka oo dadka wax tabanaya ee shirka loo qabtay waa ayaga, inay imaadan shirka waa ku qasban yihiin.” Shirkaan oo markii hore loo ballansana 5-ta bishaan ayaa waxa ku yimid dib u dhac, sida la sheegayna ay kow ka tahay arrimo farsamo dartood, waxaana dhawaan la filayaa in wafuuda ay gaarto magaalada Baydhabo. Shirka dib-u-heshiinta Koonfur Galbeed ayaa lagu rabaa in xal looga gaarayo xiiasda siyaasadeed ee maamulkaasi, taasi oo u dhaxeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho. Dhowaan ayey aheyd markii xiisada siyaasadeed ee maamulkaasi ay isku rogtay gacan ka hadal kadib markii Baydhabo uu ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidanka ammaanka iyo kuwa la magac-baxay badbaadada Koonfur Galbeed, kaasi oo khasaare geystay, wuxuuna sidoo kale sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay shirka Koonfur Galbeed ee mucaaridka iyo Lafta-gareen appeared first on Caasimada Online.
  11. Shir ay saakay isugu yimaadeen cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Sool clan iyo Fiqishini, shirkaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood, ayaa bayaan kasoo baxay lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan magaalada Laascaanood iyo gobolka SooL labada beelood waxay sheegeen inay isugu imaanayaan shirwayne wadatashi ah oo looga tashanayo masiirka iyo aayaha gobolka Sool, waxayna ku baaqeen intaas wixii ka horreeya in la ilaaliyo kala dambaynta iyo amniga. Qodobada kasoo baxay shirkaan waxaa lagu sheegay in Somaliland ay qaadanayso masuuliyadda dadkii lagu laayay magaalada Laascaanood, intii mudaharaadyadu socdeen. Halkaan ka akhriso bayaanka lasoo saaray. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka qayb-gashay kulan weyne ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan ka muujisay xaaladda Muqdisho. Khadiijo Diiriye ayaa si adag uga hadashay arrimaha ammaanka ee caasimada, waxayna walaac ka muujisay weerarada iyo falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Banaadir. “Xamar dhaxal umey helin oo joogto ah waan kasoo horjeednaa iyo hoteel-baa lagu jiraa 24 saac,” ayey tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in magaalada ay gudaha usoo galeen xubno firxad ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib cadaadiska ay kala kulmeen howlgallada ka socdo gobollada. Wasiirka Haweenka ayaa ku talisay in laga dhabeeyo qorshaha xukuumadda ee ku aadan ka hortagga kooxda Al-Shabaab, iyaguna haween ahaan ay garab taagan yihiin. ‘Dadka waxay leeyihiin Khawaarijta Muqdisho kusoo firxadeen qorshe cad ayaana ka yaalla oo aad nagu hoggaamineysay mudane Ra’iisul wasaare,” ayey hadalkeeda sii raacisay. Ugu dambeyn waxay hoosta ka xariiqday in haweenka Soomaaliyeed ay qaadan doonaan doorkooda, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka. “Haweenka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxay u istaagi doonaan qabashada firxadkaas kooxaha Khawaarijta,” ayey markale tiri Wasiir Khadiijo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay kordheen falalka ammaan dari ee ka dhacaya Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo weeraro toos ah, waxayna kusoo beegmeen xilli Al-Shabaab lagu jebiyay dagaallada ka socdo gobollada. The post Daawo: Wasiir Khadiijo Diiriye oo qaylo dhaan ka muujisay arrin ka taagan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  13. Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabab, the Somalia-based extremist group affiliated with al-Qaida, has denied the government’s claim that the group has requested to open negotiations. “I have not seen the statement you are referring to, but I can assure you that there are no negotiations ongoing or planned between us as mujahedeen and the government,” said a member of Al-Shabab, according to the group’s media outlet. The member, reportedly from the group’s propaganda office but whose name was not disclosed, also ruled out the possibility of talks between Al-Shabab and Villa Somalia, the official residence of the President of Somalia. “The statements from government officials are meant to raise morale,” the member added. This is the first time Somalia’s government has claimed that Al-Shabab has requested negotiations. “Al-Shabab has requested to open negotiations with the Somali government. However, there are two groups within al-Shabab,” said Deputy Defense Minister Abdifatah Kasim. “Locals and foreigners. The foreigners who have invaded our country do not have the right to engage in negotiations. Their only option is to return to their own countries. On the other hand, local Somalis may have the opportunity to open up negotiations.” In September, President Hassan Sheikh Mohamud said that the country “is not currently in a position to negotiate with al-Shabab but is open to members of the group renouncing violence and extremist ideology. “ On Friday, he appealed to young members of the extremist al-Shabab to surrender to the government and renounce their terrorist ideology. The plea came following two recent attacks on government forces by al-Shabab that killed more than 43 people, including senior officers. “I want to tell these boys to return from the wrong path they are taking,” Mohamud said at a mosque in the capital, Mogadishu. “I urge them to return to their government, people, and religion. Every step they take from now on will only increase their guilt.” The president has declared an “all-out war” against al-Shabab, and government forces, supported by local forces, are currently engaged in a “total war” against the group. Despite the ongoing military offensives, the group has managed to carry out several attacks in the country. Despite the ongoing violence, the Somali government has expressed a willingness to negotiate with Al-Shabab members willing to surrender and reintegrate with society. It remains to be seen whether any group members will accept this offer. For over 15 years, Al-Shabab has engaged in a conflict with the Somali government, targeting government officials and African Union peacekeepers through violent attacks. The organization is infamous for its extreme methods and strict adherence to Islamic doctrine. The post Al-Shabab refutes Somali government’s negotiation claim appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) – A delegation led by Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre travelled to Egypt for a three-day official visit on Sunday. Source: Hiiraan Online
  15. Laba Haweena oo Soomaali ah oo lagu soo daray liiska 100-ka qof ee ugu saameynta badan Afrikaanka Waxaa shaaca laga qaaday liiska dadka Africaanka ah ee ugu saameynta badna sannadka 2022-kii. Dadkan oo 100 qof ka kooban ayaa waxaa loo soo xushay inay yihiin Afrikaankii ugu saameynta badnaa sannadkii tagay. Waxaa ka mid ah madaxweyneyaal, siyaasiyiin, cayaartooy iyo fannaaniin. Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayanaa qaar ka mid ah 100-ka qof ee ku soo baxay liiska oo ay ku jiraan laba qof oo Soomaali ah. William Ruto, madaxweynaha dalka Kenya Guusha Madaxweyne William Ruto ee doorashadii Ogosto 2022 waxay ahayd mid muhiimad badan leh oo dhinacyo badan saameysay keliya Kenya ma ahan. Waxa uu laba xilli madaxweyne ku xigeen u ahaa Uhuru Kenyatta madaxweynihii hore ee Kenya, balse markii labaad, Kenyatta waxa uu uga hiilay Raila Odinga, taas oo muujinaysay in la soo afjaray xifaaltankii tobannaanka sano socday ee u dhexeeyay labada qabiil ee ugu awoodda badan Kenya. Markii la doortay waxa uu ballan qaaday in dhaqaalaha Kenya oo sanadaihii ugu dambeeyay liitay uu sare u qaadi doono. Waxa uu markasta ahaa qof isku kalsoon oo hadaf leh kaas oo markii dambe ka dhabeeyay in gaaro booskii uu hiigsanayay ee ahaa in mar uun uu Kenya madaxweyne ka noqdo. Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda Waxa uu dalkiisa hoggaanka u qabtay sannadkii 2000, welina si hufan oo aan khilaaf ka jirin ayuu u maamuulaa isagoo isticmaalaya siyaasado dalkiisa barwaaqo u horseedi karo. Dadka taageera madaxweyne Kagame ayaa waxa ay si khaas ah ula ashqaraareen siyaasadaha ku dhisan awoodda Afrika ay u leedahay inay heeri sare gaari karto taas oo sidoo kale soo jiidatay adduunka intiisa kale inkastoo dadka ka soo horjeeda ay ku dhaliilayaan in ay liidato ku dhaqanka dimuqraadiyadda ee Rwanada. Waxa leeyahay hadfyo fog-fog oo la xiriira tignoolajiyadda, caafimaadka iyo wax soo saarka beeraha. Sagal Cali Iyadoo ka hadleysay dareenkeeda ku aaddan liiska ay kasoo muuqatay ayey baraha bulshada ku soo qortay: “Waan ku faraxsanahay in aan ku jiro liiska 100-ka qof ee ugu saameynta badnaa dadka kasoo jeeda Afrika, sanadkii 2022.” Waxa ay intaas ku sii dartay: “Waxaan u hambalyeynayaa dadka aan Afrikaanka isla nahay ee ku jira liiska, kuwaasoo qabtay shaqo cajiib ah.” Sagal Cali waxa ay mar walba dareemeysay in ay ceeb tahay in Soomaaliya aysan lahayn urur u ololeeya hidaha iyo dhaqanka faneed ee hodanka ah. Waxa ay haystaa dhalashada Netherlands waxayna aasaastay Somali Arts Foundation sannadkii 2020-kii si ay u taageerto una horumariso fanka Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in sababta ay u aasaastay ay tahay “baahida weyn ee loo qabay fanka casriga ah ee Soomaaliya”. Waxay rajaynaysaa in uu fanka ka faa’iidaysto si uu u taageero uga helayaan dhalinyarada iyo bulshooyinka la hayb sooco si ay fikirkooda hal-abuurnimo, ugu muujiyaan iyada oo la raadinayo in la abuuro hindise taageeraya aasaaska hal-abuurka. Ka hor intii aanay Sagal aasaasin, waxa ay Geeska Afrika ka shaqaynaysay dhawr sannadood. Waxay ahayd La-taliyaha Khabiirka Hiddaha Dhaqanka ee Mashruuca Soo noolaynta Dhaqanka, Dhismaha Nabadda Soomaaliya intii u dhaxaysay 2015 ilaa Noofambar 2017, halkaas oo ay naqshadaysay oo ay ka fulisay mashaariic badan iyada oo adeegsanaysa farshaxanka iyo hiddaha dhaqanka si loo kobciyo nabadda. Bishii Nofeembar 2018, Sagal waxay si toos ah ula shaqeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ahayd la-taliyaha sare ee dhanka Farsamada ee dhanka Fanka iyo Hidaha, waxayna sidoo kale ahayd Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee UNESCO. Iqra Ismaaciil Iqra Ismaaciil, oo ah ciyaartoyda Muslimka ah ee xijaabka ku ciyaarta ahna tababare, ayaa durbadiiba noqotay dhiirigeliye weyn. Markii ay isku aragtay liiska 100-ka qof ee ugu saameynta badan Africa waxay la noqotay filan waa, sida ay ku shegetay boggeeda Isntagram. “Waxaa dhab ahaantii sharaf ii ah in la igu soo daro liiska Wargeyska NewAfrican ee muujinaya 100-ka qof ee ugu saameynta badan Afrikaanka. Waa cajiib inaan magaceyga ku arko meel ay ku safan yihiin dad waaweyn sida Sadio Mane & Lupita Nyong’o,” ayey tiri Iqra. Waxay wax badan ka badaleysaa in dumarka Muslimka ah ee la takooro ay awood u yeeshaan inay hibadooda soo bandhigaan iyagoo xijaabkooda xiran. Bishii Diseembar 2019, Iqra waxay hogaaminaysay xulka haweenka qaranka Soomaaliya oo ka koobanaa ciyaartoy ka socotay UK iyo Muqdisho si ay ugu tartamaan Koobka Xuquuqul Insaanka ee Cape Town, iyadoo sanadkii xigayna ka qeyb gashay Ciyaarta Champions League-gga ee PepsiCo ee Expo 2020 Dubai. Xayiraadihii fayraska corona ma aysan niyad jabin heerkii ay fileysay inay ka gaarto kubadda cagta iyada oo xiran xijaabkeeda. Iqra oo u dhalatay UK, hiwaayaddeeda carruurnimo waxay u noqotay dareen ka soo horjeeda takoorka ay haweenka Muslimiinta ah ay wajahayaan kaas oo iyada lafteedu ay dhibane u noqotay. Iqra waa aasaasaha naadiga UK’s NUR (Never Underestimate Resilience) FC, oo koox ka kooban dumarka madow iyo kuwa laga tirada badan yahay, iyo sidoo kale Agaasimaha Naadiga Kubadda Cagta Haweenka Hilltop ee waqooyi-galbeed ee London. Waxay ahayd qofka ugu da’da yar ee ugu sarreeya liiska dadka madow ee Kubadda Cagta ciyaara sannadkii 2019. Dadka kale ee liiska ku jira waxaa ka mid ah Maxamed Salaax, Sadio Mane, Karim Benzama iyo kuwa kale oo badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin. Qaran News
  16. War ka soo kordhay Muuqaalka Fadeexaddii madaxweyne Salva Kiir oo ay surwaalkiisa Kaadiyi Qoysay +Weriyayaal loo xidhxidhay Kooxaha u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa sheegay in Lix wariye oo ku sugan South Sudan loo xidhay faafinta muuqaalladii u muuqday inay muujinayaan madaxweyne Salva Kiir oo ay surwaalkiisa qoysay wax kaadi u muuqday xilli uu ku sugnaa meel fagaare ah oo ay ku wehelinayeen mas’uuliyiin kale iyo warbaahinta. Bishii Disembar, muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa u muuqday mid muujinaya Mr Kiir oo isku kaadiyay, iyadoo heesta calanka la qaaday. Lix ka mid ah shaqaalaha warbaahinta dowladda ayaa la xidhay toddobaadkan. Guddiga Difaaca Saxafiyiinta ee (CPJ) ayaa hadda ku baaqaya in la sii daayo weriyeyaasha. Patrick Oyet, oo ah madaxa ururka saxafiyiinta South Sudan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in saxafiyiinta “looga shakisan yahay inay wax ka ogaayeen sida uu u soo baxay muuqaalka madaxweynaha oo surwaalkiisa qoyan yahay “. Warbaahinta South Sudan ayaa sheegtay in muuqaalkan aan marnaba si toos ah la baahin balse ay u muuqato in la dusiyay. Xadhigga weriyaasha wuxuu la mid yahay “qaabka ay shaqaalaha ammaanku u adeegsadaan xadhig aan loo meel dayin mar kasta oo ay mas’uuliyiintu u arkaan in la sheegay war aan dhankooda ka wanaagsanayn”, ayuu yiri wakiilka CPJ ee Afrikada Saxaraha ka hooseeysa, Muthoki Mumo, isagoo ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo. Wasiirka Warfaafinta ee South Sudan, Michael Makuei oo la hadlay Idaacadda Codka Mareykanka ayaa sheegay in dadka ay sugaan si ay u ogaadaan sababta loo xidhay Wariyeyaasha. Salva Kiir oo 71 jir ah ayaa fadeexad kala kulmay dhacdadaas oo ku beegantay isagoo ay kaamirada heyso, si toos ahna looga daawanayo telefishinka. Kaamiro uu si toos ah ugu beegnaa ayaa qabatay qoyaanka kasoo baxay surwaalka, wax yar ka dibna madaxweynaha ayaa hoos u fiiriyay lugihiisa ka hor inta aan laga wareejin kaamirada. Warbaahinta Sahara ayaa tebisay in Madaxweynaha uu la xanuunsanaa caabuq dhinaca kaadida ah oo sababay in ay kasoo daadato. Salva Kiir ayaa Suudaanta Koonfureed madaxweyne ka ahaa tan iyo markii ay madaxbannaanida qaateen sanadkii 2011. Qaran News
  17. Dowladda Maraykanka ayaa xabsiga ka sii daysay mid kamid ah basaasiintii ugu halista badna abid ee soo mara dunida. Ana Montes oo ah 65 sano jir ayaa la xiray sanadkii 2001, markaas oo lagu helay in ay ahayd basaas xogaha u dusin jiray dowaldda Cuba. Ana ayaa doorwayn ka ciyaartay dagaalkii qaboobaa ee caalamka, waxaana ay ahayd falanqeeya ka tirsan waaxda gaashaandhigga Cuba. Markii la soo qabtay ayaa loo diiwaan geliyay in ay kamid tahay basaasiinta ugu halista wayn caalamka kadib dusinteedii xoga badan. Haweeneydaan ayaa hadda dib u heshay xoriyadeedii 22 sano kadib, waxaana hadda ay jirta da’da 65-sano jirka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa markii horreysay si faahfaahsan uga hadlay arrinta muddo kororsiga ee lagu eedeynayo isaga & saaxibadiisa haatan haya talada maamulkaasi. Deni ayaa marka hore u jawaabay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo maamulkiisa, wuxuuna sheegay inay cabsi aan jirin ay gelinayaan dadka reer Puntland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka bad badin ay sameynayaan siyaasiyiinta, isaga oo qiil u sameeyay qorshaha muddo kororsiga, wuxuuna sheegay in horay ay Puntland uga dhacday. “Cabsida dadka la galinayo, waa shaki laga galinayo inay golayaashooda deegaanka doortaan. Waxaa laleeyahay, madaxweynuhu doorasho uma socdee, ku darsibuu u socdaa, oo haddaan ku darsi u socdo, doorashadan maan iska daayo dhibkeeda oo taas aado,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni. Sidoo kale madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in dhammaan madaxdii ka horreysay isaga ay sameysteen muddo kororsi, taas oo ay haatan shaki kasii muujiyeen mucaaradka. ‘Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay, dhibna malahayn,” ayuu mar kale sii raaciyay Saciid Deni. Hadalkan ayaa uga sii daraya muranka haatan ka taagan doorashooyinka Puntland oo ay walaac xoogan ka muujinayaan ururada siyaasadda oo sheegay inuu mugdi badan ka jiro. Ururada siyaasadda Puntland ayaa dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wada Garoowe, waxayna maalmo kahir uga dhowaaqeen Madal ay ku mideysan yihiin. Siyaasiyiinta qeybta ka ah Madasha looga dhawaaqay Garoowe ayaa waxaay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland. The post Muxuu madaxweyne SACIID DENI ka yiri arrinta muddo kororsiga? appeared first on Caasimada Online.
  19. Kenya’s President William Ruto has not always been seen as having a strong foreign and regional policy. But, 100 days into his first term, he can count several achievements: He has met with every head of state in the Horn of Africa, promising collaboration to address enduring problems such as conflict and hunger, and business. Source: Hiiraan Online
  20. Doha: Qatar Red Crescent Society (QRCS) recently concluded its eye surgery and anti-blindness medical convoy mission, carried out at De Martino Public Hospital in Mogadishu, Somalia. Source: Hiiraan Online