-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo loo dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah. Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xarig jarka kaddib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha, ayaa tilmaamay in xaruntan ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Qatar dhismaha xaruntan oo daboolli doonta baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed u qabeen Isbitaal noocan oo kale ah. Xarunta gurmadka deg-degga ah iyo maareynta dhaawacyada oo loo dhisay hab-casri ah, ayaa loogu tala-galay howlaha gurmadka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka, waxaanna u dhammaystiran dhammaan agabka caafimaadka iyo qaliinnada ee loogu shaqayn lahaa bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Ayadoo uu Mareykanka dhowaan shaaciyay inuu ka baxayo Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa waxaa dunida ka soo yeeraya dhambaalllo walaac xambaarsan oo arrintaas looga falcelinayo. Ka bixitaanka Mareykanka ee ururkan ayaa saamayn weyn ku yeellan doona dhaqdhaqaaqyada caafimaadka ee dunida ka socda, gaar ahaan shaqooyinka ay qabato WHO, maadaama Mareykanku uu kamid yahay dhaqaalaha ugu badan ku maalgeliya hay’addan. War saxaafadeed uu soo saaray ururka Caafimaadka Adduunku ayaa lagu yiri “hay’addu waxay ka qoomameynayaa ku dhawaaqista ah in Mareykanka uu doonayo inuu ka baxo Ururka. WHO waxay door muhiim ah ka ciyaartaa ilaalinta caafimaadka iyo amniga dadka aduunka, oo ay ku jiraan dadka Maraykanku, iyada oo wax ka qabanaysa sababaha asaasiga ah ee cudurada, dhisidda nidaamyo caafimaad oo xooggan, ogaanshaha, ka hortagga, iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka”. Madaxweynaha Donald Trump ayaa wax yar ka dib markii uu xilka la wareegay ku dhawaaqay in Mareykanku uu isaga baxay ururka Caafimaadka Adduunku, kaas oo uu dalkiisu qeyb ka ahaa taniyo sanadkii 1948-dii. Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay xildhibaan reer Koonfur Galbeed ahaa loogu gaystay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaas oo ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo baxsaday. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay Xildhibaan Cabdiwahaab Daqare oo ka tirsanaa golaha deegaanka degmada Bardaale ee gobolka Baay, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Xildhibaanka ayaa xilliga la tooganayay ku sugnaa goob aan ka fogeyn guri uu ka dagan yahay magaalada Baydhaba, waxaana u yimid rag hubeysan oo dilay, kadibna cararay. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban, balse ma jirto natiijo ay gaareen. Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dilka xildhibaanka, wuxuuna tacsi u diray ehelladiisa, isaga oo marxuumka eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso. “Innaa li laahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaan ugu tacsiyaynayaa Ehelka, Qaraabadda iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha-u-naxaristee Abduhaab Mohamed Daqare oo Caawa Baydhabo gacan ka xaq daran ay ku dishay. Waxaan Alle uweydiinayaa in hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa ehelka iyo Qaraabadana Samir iyo Alle haidinka siiyo.” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen. Baydhabo ayaa waxaa dilal qorsheysan alaaba ka fuliya maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxayna horay magaaladaasi ugu dileen saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si kastaba, Baydhaba ayaa kamid ah magaalooyinka ay sidoo kale go’doomiyeen xubnaha maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaanada u dhow magaaladaasi.
-
Mareykanka oo duqeeyay Xutiyiinta Milateriga Maraykanka ayaa Sabtidii sheegay inay duqaymo dhanka cirka ah ku qaadeen bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee caasimadda Yemen ee Sanca, oo ay ku jiraan xarun lagu kaydiyo gantaallada iyo xarun laga hago, saacado kaddib markii Xuutiyiinta ay gantaalka magaalada Tel Aviv oo ah xarunta ganacsiga Israa’iil. Gantaalkan oo ay ku dhaawacmeen 16 qof ayaa noqonaya kii labaad oo muddo labo maalmood gudahood ah lagu weeraro. Waxaa xusid mudan in ciidamada Israa’iil ay sabtidii shaaciyeen in ay qabteen diyaarad aan duuliye lahayn oo gudaha hawada Israa’iil soo gashay taas oo ka timid dhanka bari, saacado kadib markii 16 qof lagu dhaawacay magaalada Tel Aviv ka dib gantaal ay kooxda Xuutiyiinta Ansar Allah ka soo tuureen dalka Yemen. Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inay qaadeen duqaymo bartilmaameedkoodu la saxay Sabtidii, shalay ahayd, oo ay la beegsadeen xarun lagu kaydiyo gantaallada iyo xarun laga maamulo oo ay leeyihiin Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto taas oo ku taal caasimadda Yemen ee Sanca. Bbcsomali Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Kenya ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo lagu fududeynayo safarka muwaadiniinta Afrika, iyadoo inta badan dalalka qaaradda laga dhaafayo shuruudda Oggolaanshaha Safarka ee Elektaroonigga ah (eTA). Sida ku cad siyaasadda dib-u-eegista lagu sameeyay, booqdayaasha ka imaanaya dalalka Afrika waxaa loo oggolaan doonaa inay Kenya joogaan muddo gaareysa laba bilood. Sidoo kale, muwaadiniinta Dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sii wadan doona joogitaanka lixda bilood ah, iyadoo la raacayo hab-maamuuska dhaqdhaqaaqa xorta ah ee EAC. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Liibiya ayaa laga saaray liiska ka-dhaafitaanka sababo lagu sheegay walaac dhanka ammaanka ah. Isbeddelladan ayaa lagu sameeyay shirkii ugu horreeyay ee Golaha Wasiirrada ee 2025-ka, kaas oo uu shir-guddoomiyay Madaxweyne William Ruto, kana dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Kakamega. Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in hindisahani uu higsanayo in lagu horumariyo is-dhexgalka gobolka iyo in la fududeeyo safarka guud ahaan Afrika. Waxay xoojiyeen in isbeddellada lagu sameeyay nidaamka eTA ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta iyo taageeridda kobaca dalxiiska. “Iyadoo qeyb ka ah dadaallada lagu taageerayo siyaasadaha hawada furan iyo kobaca dalxiiska, soo jeedin muhiim ah ayaa ah in laga dhaafo shuruudaha eTA dhammaan dalalka Afrika marka laga reebo Soomaaliya iyo Liibiya—sababo la xiriira walaacyada amni. Hindisahani wuxuu higsanayaa in lagu horumariyo is-dhexgalka gobolka iyo in la fududeeyo safarka guud ahaan qaaradda,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Golaha Wasiirrada. Go’aanka Kenya ayaa bahdil iyo liiditaan ku ah Soomaaliya oo xubin ka ah ururka EAC, saxna ma ahan in Kenya ay kala soocdo xubnaha ururka. Kenya ayaa marar badan oo ay Soomaaliya is-qabteen islamarkaana heshiisyo la gaaray waxaa mar walba ku jiray fududeynta safarka muwaadiniinta Soomaaliyeed, hase yeeshee Kenya marna ma fuliso. Sidoo kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaan Kenya kula xisaabtamin fulitaanka heshiisyada ay la gasho, inkasta oo dhankeeda ay ka fuliso qodobada Kenya sida fasaxa khaatka Keya ee yimaada Soomaaliya. Nidaamka eTA, oo la hirgeliyay Janaayo 2024, ayaa ku waajibinaya dhammaan dadka u soo safraya Kenya, oo ay ku jiraan carruurta, inay helaan oggolaansho ka hor inta aysan u safrin Kenya. Oggolaanshuhu wuxuu ku kacayaa $30 (qiyaastii Sh3,880) waana mid loo isticmaalayo hal gelitaan, taasoo u oggolaaneysa joogitaan ilaa 90 maalmood ah. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale oggolaaday hirgelinta habka dedejinta eTA, taasoo u oggolaaneysa musaafuriinta inay si degdeg ah u helaan oggolaansho. Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa ka dhaaftay khidmadaha eTA safarrada ka imaanaya Botswana, Eswatini, Itoobiya, Gambia, Ghana, Lesotho, Malawi, Mauritius, Mozambique, Sierra Leone, Koonfur Afrika, Zambia, Comoros, Eritrea, iyo Jamhuuriyadda Congo, iyo kuwa kale.
-
Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka hawlgallo qorshaysan oo dhawr jiho ah ka wada buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwaasi oo ay Ciidamadu ku beegsanayaan kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo aad u qalabaysan ayaa saaka jihooyin kala duwan oo kamid ah buuraha Calmiskaad kaga jira hawlgallo qorshaysan oo lagu baacsanayo mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish oo weli ku go’doonsan meelaha qaar sida ay sheegayaan saraakiisha Ciidamada. Af-hayeenka Ciidamada difaaca dowladda Puntland S/Guuto Maxamuud Maxamed Axmed oo wareysi kooban bixiyay ayaa sheegay in hawlgalka guula waaweyn laga gaaray islamarkaana kooxaha Daacish laga saaray in ka badan 250km oo ay ku yaallaan ilaa 48 saldhig haddana Ciidamadu ku sii siqayaan degaanka Tuurmasaale oo firxadka Daacish weli ku harsan yihiin. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo saaka hawlgallo dhawr jiho ah ka wada buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Madasha Afrika house ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika, taas oo uu ay sheegeen inuu ku mutaystay kaalinta uu ka qaatay dowlad-dhiska, la dagaallanka Al-shabaab, iyo deyn cafinta Soomaaliya. Abaalmarinta oo la xariirta dhiirigenta Arrimaha bulshada, hoggaaminta iyo ganacsiga, iyo go’aan qaadashada iyo ka go’anaanta waxqabadka ayaa lagu maamuusaa shakhsiyaadka sida firfircoon uga shaqeeyay hormarinta, maamul wanaagga, iyo ganacsiga. Dadka la guddoonsiiyo abaalmarintani kuma koobna siyaasiyiinta ama madaxda, balse waxaa ku jira ganacsato, hoggaamiyaal bulsho, iyo kuwo u dhaqdhaqaaqa arrimaha hormarinta. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in safarkii uu dhawaan ku tagay Kenya Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu khilaaf ka dhex abuuray Villa Somalia. Ilo wareedyada ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay isku maandhaafeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud arirntan, iyadoo labadoodu ay ku kala aragti duwan yihiin tallaabada laga qaadayo Kenya, oo martigelisay Madoobe iyadoo aan oggolaansho laga haysan. Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka kadib doorasho dadban oo muran dhalisay, taas- oo uu ku helay muddadiisii saddexaad, inkastoo Villa Somalia ay ku amartay in doorasho qof iyo cod ah la qabto. Xasan Sheekh ayaa doonaya in hoggaamiyeyaasha si toos ah loo soo doorto. Si loo ciqaabo Kenya oo gabaad siisay Axmed Madoobe, Xamza ayaa la sheegay inuu doonayo in Soomaaliya ay mamnuucdo soo dejinta Qaadka (Miraa) ee Kenya, iyo in la eryo safiirka Kenya ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, xeeladdan ayaa waxaa diiday qaar ka mid ah xubnaha ku dhow Xasan Sheekh iyo madaxweynaha. Xamza ayaa sidoo kale doonaya in safiir Jibriil Ibraahim Cabdulle dib loogu yeero Soomaaliya, kadib markii Kenya ay fududeysay safarka Axmed Madoobe. Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh ayaa ka soo horjeeda tallaabooyinkaas, isagoo u arka inay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka Bulshada Bariga Afrika. Soomaaliya ayaa xiriirkii laba geesoodka ah dib ula soo celisay Kenya sannadkii 2023-kii, ka dib markii Madaxweyne William Ruto uu xukunka la wareegay, waxaana tan iyo markaas ay qaadday cunaqabateyntii saarnayd ganacsiga Miraa. Laakiin Xamza ayaa aaminsan in cunaqabateyn noocaas ah, haddii la soo rogo, ay cadaadis ku saari doonto Kenya inay ka fogaato ‘faro-gelinta arrimaha gudaha’ ee Soomaaliya. Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa shaaca ka qaaday in hoggaanka Soomaaliya uusan heshiis ka gaarin sida looga jawaabayo falalka Kenya, taasoo niyad-jab iyo jahwareer ku ridday qaar badan oo ka mid ah madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo ka xun midnimo la’aanta iyo tallaabo la’aanta muuqata. Xasan iyo Xamza labaduba waa ay ka soo horjeedaan Axmed Madoobe, kaasoo Muqdisho ay u jartay warqad xarig ah, kadib markii uu jebiyay xeerarka doorashada. Si kastaba ha ahaatee, Madoobe ayaa ku adkeysanaya in hoggaamiyeyaasha dowladda federaalka ee hadda jira ay doonayaan inay muddo kororsi sameystaan, iyagoo hirgelinaya doorashooyin toos ah.
-
Dowladda Kenya ayaa saacado ka hor shaacisay qorshe la yaab ku noqday dadka iyo dowladda Soomaaliya, ka dib markii ay sheegtay in dhammaan dadka ku nool qaaradda Afrika ay dalkeeda Visa la’aan ku tagi karaan, markii laga reebo muwaadiniinta u dhashay Soomaaliya iyo Libya. Kenya waxay arrintan u sababaysay in arrimo ammaan dartood, balse Soomaaliya oo ah suuqa uga weyn ee Kenya ay qaadkeeda u iib-hayso, si maalinle ahna ay boqolaal kun oo dollar uga faa’iida macaamiisheeda Soomaalida ah ayaa tillaabadani u muuqataa mid meel ka dhac ku ah. Kenya oo horay loogu eedeeyay inay dhankeeda ka fuli waayeen heshiisyo badan oo labada dal ay wada galeen, kuwaas oo fududaynta socdaalka la xariiray, balse waxaa waayadii dambe rajo laga muujinayay in culaysyadaas la xallin doono maadaama xukuumadda hadda jirtaahi ay maamulka Ruto iskaashiga xooggan la leedahay. Tillaabadan ay Kenya qaaday ayaa muujinaysa in iskaashiga iyo wada-shaqeynta lanada dhinac aanu isku dheelli-tirnayn, waxayna xukuumadda Nairobi maalmo ka hor ku dhaqaaqday tillaabo kale oo xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya ka dib markii ay magaalada Kismaayo diyaarad gaar ah uga qaaday madaxweynaha Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dab xoogan oo xalay ka kacay dhismaha Xarunta Laanta Dambi baarista C.I.D, kaas oo si weyn looga dareemay caasimada. Qoraalka booliska ayaa waxaa lagu sheegay in dabka uu ka dhashay koronto, isla-markaana uu ka kacay qol kamid ah xarunta C.I.D, balse lagu guuleystay in deg-deg loo damiyo, kadib markii ay gurmad meesha ku tageen gaadiidka dab-damiska. Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in wax khasaare ah aanu gaysan dabkan, isla-markaana la xakameeyay kahor inta aanu ku fidin xafiisyada kale ee xarunta. “Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu Bulshada Caasimadda Dalka ee Muqdisho la wadaagayaa in wax khasaare Nafeed iyo mid Maal uusan geysan Dabkii ka dhashay Korontada ee Caawa ka kacay qol kamid ah qololka Ciidanka Ilaalada Xarunta Laanta Dambi baarista C.I.D” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska Booliska Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa Ilaahay Mahaddii ah in Kooxda Dabdamisku oo ka howlgalay daminta Dabka ay ku guuleysteen”. Dabkan ayaa intii uu socday saameyn ku yeeshay isku socodka isgoyska KM4 oo ay ku taalla xarunta, waana waddo mashquul badan oo ay dadweynuhu isticmaalaan. Waxaa sidoo kale dabkan ka dhashay walaac xoogan, maadaama xarunta ay ku xiran yihiin eedeysanayaal ay soo qabteen ciidamada Booliska, kuwaas oo ku jira Xarinta C.I.D, laakiin booliska ayaa xaqiijiyay inay nabad qabaan dadkaasi, dabkana aanu gaysan khasaaro.
-
Khilaafka u dhexeeya shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ee ku mideysan ururka AOA iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa sababi kara saameyn ballaaran oo ku timaada adeegyada duulimaadyada gudaha iyo dibadda ee dalka. Shirkadaha diyaaradaha ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan dhammaan duulimaadyada laga bilaabo maanta, Arbaco, 22 Janaayo 2025, iyagoo ka cabanaya caqabado joogto ah oo ay la kulmeen iyo cabashooyin ay hore u gudbiyeen balse aan weli wax laga qaban. War kasoo baxay Midowga Duulimaadka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in shirkaduhu aysan sii wadi karin shaqada Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Duulista Rayidka darteed, ilaa xal waara laga gaarayo cabashooyinkooda. Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa ku adkeysaneysa in duulimaadyadu ay si caadi ah u sii socon doonaan, iyadoo digniin ka bixisay wararka sheegaya carqalad ku imaan karta safarada gudaha. Qoraal ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in ay baaritaanno ku sameeyeen shirkadaha diyaaradaha, ayna heleen arrimo la xiriira badqabka rakaabka, taasoo keentay in amar la dul dhigo shirkadaha qaar si ay u fuliyaan dayactir sharci waafaqsan. Haddii shaqo joojinta ay hirgasho, waxaa la filan karaa saameyn ballaaran oo ay ka mid yihiin hakad ku yimaada safarada gudaha iyo dibadda, taasoo caqabad ku noqon karta ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, iyo arrimo kale oo muhiim ah. Khasaare dhaqaale oo ba’an ayaa ku dhici kara shirkadaha diyaaradaha, garoomada, iyo qeybaha kale ee la xiriira duulimaadyada, halka sidoo kale sumcadda guud ee duulista rayidka Soomaaliyeed ay dhaawacmi karto, taasoo keeni karta in rakaabka iyo shirkadaha caalamiga ah ay ka caga jiidaan isticmaalka adeegyada duulimaadyada dalka sida ay qabaan Khubarada dhanka Duulimaadka. Source: goobjoog.com
-
Baydhabo – Koox hubeysan ayaa xalay gudaha magaalada Baydhabo ku dishay Cabdiwahaab Daqare, oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Bardaale, gobolka Baay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay xildhibaanka ku dileen goob ganacsi, kaddibna ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta. Booliska ayaa durbadiiba bilaabay howlgallo lagu baadi-goobayo dambiilayaasha, balse ilaa iyo hadda lama sheegin cid loo qabtay falkaas. Mas’uuliyiinta gobolka ayaa tacsi u diray ehelada marxuumka, iyagoo xusay in uu ka mid ahaa dadka sida dhow uga shaqeyn jiray horumarka deegaanka. Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda dilka. Source: goobjoog.com
-
Qatar Charity provided shelter tents for disaster victims in Somalia, as part of its ongoing humanitarian response. Qatar Charity has delivered two containers containing 250 tents to the National Disaster Management Authority in Somalia to support its shelter initiatives, it said in a statement Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Davos (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaaminta Afrika (Africa Leadership Award), taas oo ay bixisay Africa House munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland. Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta dhaqaalaha, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta ee Soomaaliya. Sida ay sheegtay Villa Somalia, abaalmarintan waxay muujinaysaa sida ay Africa House ugu qanacday horumarka ay Soomaaliya ku gaartay dib u dhiska hay’adaha, xasiloonida, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa ka jeediyey munaasabadda ayaa u mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. “Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha. Guulaha dowladda iyo dadaalka madaxweynaha Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Tani waxaa ka mid ah: Dayn-cafinta iyo HIPC Initiative: Soomaaliya waxay gaartay heerka dhammaadka (Completion Point) ee qorshaha dayn-cafinta ee HIPC Initiative bishii December 2023, taas oo fursad u siisay dowladda in ay maalgashi ku sameeyo mashruucyo horumarineed oo muhiim ah. Dib u dhiska ciidamada iyo xasiloonida: Dowladda waxay dib u dhisay ciidamada qalabka sida iyo hirgelisay qorshe lagu qaado cunaqabateynta hubka, taas oo ka caawisay xasiloonida gobollada. Ku biiritaanka Bulshada Bariga Afrika (EAC): Soomaaliya waxay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkan, taas oo furanaysa fursado cusub oo ganacsi iyo iskaashi dhaqaale. Caqabadaha iyo Fursadaha Soomaaliya Inkastoo Soomaaliya ay horumar badan ku gaartay, haddana waxaa jira caqabado muhiim ah oo wajiga u tahay, sida colaadda, kala qaybsanaanta siyaasadeed, iyo saamaynta cimilada oo keentay abaaro iyo daadad. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa munaasabadda ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay taageerada caalamka si loo xoojiyo xasiloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. “Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu saamaynta cimilada ugu badan, waxaana aan u baahanahay taageerada caalamka si aan u dhisno mustaqbal waara,” ayuu yiri Madaxweynaha.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland. Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshaha dayn cafinta Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomay abaalmarinta ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. “Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u dhiska ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka ee muddada saarnayd dalka iyo ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Source: goobjoog.com