-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Diyaaradaha dagaal Maraykanka ayaa Sabtidii soo riday buufin looga shakisan yahay in Shiinuhu leeyahay oo soo gaadhay xeebaha gobolka South Carolina, toddobaad kadib markii ay soo gashay hawada Maraykanka. Buufintan ayaa waxaa ka dhashay sheeko basaasnimo – iyo hadal heyn dadweyne, taas oo xumeysay xidhiidhka Shiinaha iyo Mareykanka. Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu bixiyay amarka in lasoo ridoyo Arbacadii, laakiin waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ayaa ku talisay in la sugo illaa inta lagu soo ridi karo biyaha badda, si looga ilaaliyo dadka rayidka ah burburka kusoo dhacaya dhulka iyo hawada ay ku duulaan diyaaradaha rakaabka ah. “Waa lagu guuleystay in lasoo rido, waxaana rabaa inaan ammaano duuliyayaashayada soo riday” ayuu yidhi Biden. Dhowr diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo kuwa shidaalka siiya ayaa ka qaybqaatay howlgalkan, laakiin mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-22 oo ka timid Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Virginia ayaa ridday gantaalkan oo ahaa nooca loo yaqaan AIM-9X, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah. Shiinaha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka militari ee lagu qaaday buufintan, iyaga oo sheegay in buufintan loo adeegsanayay arrimaha saadaasha hawada iyo arrimo kale oo la xidhiidha cilmibaadhis, taasoo ay ku sheegeen inay ku anbatay hawada Mareykanka “gabi ahaan si kama’ ah” – sheegashadaas oo ay si toos ah u beeniyeen saraakiisha Mareykanka. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in firidhka iyo hadhaaga buufintay uu ku fidday in ka badan toddoba mayl (11 kiilomitir) oo badda ah, waxaana goobta ku sugnaa maraakiib badan oo ciidamada Mareykanka ah. Source
-
General Pervez Musharaf oo ah madaxweynihii hore ee Pakistan ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Dubai. Musharaf ayaa jiray da’da 79, waxaana uu Pakistan taladeeda hayay intii u dhaxeysay sanadihii 2001 illaa 2008-dii, madaxweynaha ayaana u geeriyooday xanuun muddooyinkii la soo dhaafay hayay. General Pervez Musharaf ayaa intii uu xukunka hayay tiro dhawr jeer ah ka badbaaday isku dayo lagu doonayay in nolosha lagu dhaafsiiyo. Madaxweynaha ayaana kamid ahaa hoggaamiyayaasha islaamiyiinta mayalka adag. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maraykanka ayaa sheegay in uu soo riday buufin looga shakisan yahay in ay leedahay dowladda Shiinaaha, taas oo lagu tilmaamay mid basaas ah. Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa gobalka South Carolina ee Maraykanka ku soo riday buufinnada oo la tuhunsan yahay in shiinaha uu leeyahay, kadib todobaad ka hor markii ay soo galeen hawada Maraykanka. Arbacadii todobaaadkii hore oo ay dhacdadaan dhacday ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn aad u badan, waxaana ay dood adag sii gelisaya xiriirkii aan cagaha badan ku taagneyn ee Maraykanka iyo Shiinaha. Joe Biden ayaa shaaciyay in uu waaxda gaashaan ee Pentagon uu siiyay amarka ah in la soo rido Buufinnadan basaasnimada looga shakiyay. “Waa lagu guuleystay in lasoo rido, waxaana rabaa inaan ammaano duuliyayaashayada soo riday” ayuu yiri Biden. Diyaaradaha dagaalka iyo kuwa shidaalka siiyo oo hawlgalka si wadajir ah uga qayb qaatay ayaa la sheegay in ay ku guulaysteen, balse F-22 oo ka timid Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Virginia ayaa ridday gantaalkan oo ahaa nooca loo yaqaan AIM-9X abbaarihii 2:39 duhurnimo, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah. Dowladda Shiinaha ayaa si adag u cambaareysay weerarka maraykanka uu ku soo riday buufinnada, waxa ayna sheegtay in aysan ahayn basaas balse loogu talagalay in loo adeegsado saadasha hawada iyo cilmi baarisyo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa saaka joojisay tababar magaalada Garroowe uga socday shaqaale loogu tala-galay in ay diiwaan-gelinta ka sameeyaan Gobolka Nugaal. Wararka ayaa sheegaya in tababarka loo joojiyay sababa amni kadib markii xalay ay digniin bixiyeen ciidamada Kumaandooska Puntland oo ku sugan duleedka Garoowe. Ciidamada Kumaandooska Danab ee Puntland oo uu hoggaamiyo S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar ayaa si adag uga digay in Gobolka Nugaal laga sameeyo diiwaan-gelinta hubaysan ee doorashooyinka lagu muransan yahay. Xukuumadda Puntland weli wax jawaab ah kama bixin tallaabadaas oo ku soo beegan tahay xilli maalmo kooban ka harsan yihiin wakhtigii loo qorsheeyay in diiwaan-gelinta laga bilaabo Garoowe. PUNTLAND POST The post Puntland oo saaka joojisay tababar la xiriira diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaal Maraykanka ayaa Sabtidii soo riday buufin looga shakisan yahay in Shiinuhu leeyahay oo soo gaartay xeebaha gobolka South Carolina, toddobaad kadib markii ay soo gashay hawada Maraykanka. Buufintan ayaa waxaa ka dhashay sheeko basaasnimo – iyo hadan heyn dadweyne, taas oo xumeysay xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka. Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu bixiyay amarka in lasoo ridoyo Arbacadii, laakiin waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ayaa ku talisay in la sugo ilaa inta lagu soo ridi karo biyaha badda, si looga ilaaliyo dadka rayidka ah burburka kusoo dhacaya dhulka iyo hawada ay ku duulaan diyaaradaha rakaabka ah. “Waa lagu guuleystay in lasoo rido, waxaana rabaa inaan ammaano duuliyayaashayada soo riday” ayuu yiri Biden. Dhowr diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo kuwa shidaalka siiya ayaa ka qaybqaatay howlgalkan, laakiin mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-22 oo ka timid Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Virginia ayaa ridday gantaalkan oo ahaa nooca loo yaqaan AIM-9X abbaarihii 2:39 duhurnimo, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah. Shiinaha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka militari ee lagu qaaday buufintan, iyaga oo sheegay in buufintan loo adeegsanayay arrimaha saadaasha hawada iyo arrimo kale oo la xiriira cilmibaaris, taasoo ay ku sheegeen inay ku anbatay hawada Mareykanka “gabi ahaan si kama’ ah” – sheegashadaas oo ay si toos ah u beeniyeen saraakiisha Mareykanka. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in firirka iyo haraaga buufintay uu ku fidday in ka badan toddobo mayl (11 kiilomitir) oo badda ah, waxaana goobta ku sugnaa maraakiib badan oo ciidamada Mareykanka ah. VOA + Reuters. The post Mareykanka oo soo riday buufin basaas u aheyd Shiinaha appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Washington)-Saraakiisha Mareykanka ayaa xog cusub ka bixiyey dilkii ay Soomaaliya ugu geysteen Bilal al-Sudani oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Daacish, iyo saameynta xooggan ee uu ku lahaa howlgallada kooxda. Al-Sudani ayaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ee SEAL Team 6, waxay ku dileen howlgal qorsheysan oo toddobaadkii hore ka dhacay buuralayda gobolka Bari ee Puntland kadib muddo la raadinayey. Saraakiisha Mareykanka ayaa xog yaab leh ka helay Al-Sudani, xilli ay baadhayeen weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Kabul ee dalka Afghanistan bishii August 2021, xilligii ay Mareykanka halkaas kasoo baxayeen. Sirdoonka Mareykanka, oo markaas kadib xog dheeri ah ka raadinaya kooxda Daacish ee Afghanistan, oo weerarka fulisay, ayaa ogaaday in Al-Sudani uu madax ka ahaa shabakad maaliyadeed oo Daacish ah oo ku fidsan Afrika, Yurub illaa Afghanistan. Sirdoonka Mareykanka waxay ogaadeen in Al-Sudani uu ahaa maal-geliyaha laanta Daacish ee Afghanistan, uuna mas’uul ka ahaa dhimashada 13 askari oo Mareykan ah oo lagu dilay weerarkii garoonka diyaaradaha Kabul. Taasi waxay safka hore ka gelisay liiska Mareykanka ee xubnaha Daacish ee dil ama qabasho lagu doonayo. “Al-Sudani wuxuu lacag geliyey jeebka unugyada kooxda ISIS-K ama Daacishta Afghanistan ee ka mas’uulka ahaa weerarkii ka dhacay albaabka Abbey Gate ee garoonka diyaaradaha Kabul,” waxaa sidaas yidhi sarkaal Mareykan ah oo la hadlay wrageysjka New York Times. Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden ayaa sheegay in aanu jirin qof kale oo ka tirsan Daacish oo lahaa awoodda Bilal Al-Sudani oo kale marka ay noqoto helista iyo qeybinta lacagaha sharci-darrada ah. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa waxay leedahay xafiis lagu magacaabo Al-Karrar oo ah xarun isku xidha howlgallada kooxda ee DR Congo, Mozambique, South Afrika, iyo dalal kale oo Afrika ka mid ah, sida lagu sheegay warbixinta. Xafiiska Al-Karrar ayaa waxaa soo geli jiray dhaqaale badan, taasi oo ka iman jirtay lacagaha sida baadda ah looga ururiyo Soomaaliya iyo Koonfur Afrika iyo dhaq-dhaqaaqyada dambiyeed ee kooxda. Saraakiisha Mareykanka ayaa sanadihii dhowaa la socday xiriir xooggan oo u dhaxeeyey xafiiska Al-Karrar iyo kooxda Daacish ee Afghanistan. Mareykanka ayaa Bilaal Al-Sudani ku raad-joogay tan iyo sannadkii 2012, xilligaas oo Al-Sudani lagu soo rogay cunaqabatayn, sidoo kale waxaa la ogaaday in magaca dhabta ah ee ninkaas uu ahaa Suhayl Salim Abd el-Rahman. Source
-
(SLT-Moscow)-Dowladaha Ukraine iyo Ruushka, ayaa sameeyay is dhaafsigoodii ugu dambeeyay ee maxaabiista kaasoo noqonaya midkii labaad ee sannadkan ilaa iyo haatan. Maamulka Kyiv, ayaa sheegtay in boqol iyo lix iyo toban ka mid ah askarteeda, la sii daayay. Maamulka Moscow, ayaa Iyana waxay sheegeen in saddex iyo lixdan ka mid ah shaqaalaheeda lasii daayay. Madaxa shaqaalaha ee madaxweyne, Zelensky, ee (Andriy Yermak), ayaa sheegay in dadka reer Ukraine ee la sii daayay ay ku jiraan ciidana difaacayey Mariupol, qayb ka tirsan Kherson, iyo kuwa wax toogta ee ka dagaalamayay Bakhmut, iyo sidoo kale laba qof oo hawlgalo gaar ah qaabilsanaa. Wasaaradda difaaca ee Ruushka, ayaa sheegtay in isweydaarsiga ay ku jiraan qaar kamid ah dad u dhsahey Ruushka, oo ay ku tilmaantay dowladda ‘kuwo aad muhiim ugu ah’, taasoo ay uga mahad celinayaan dhexdhexaadinta ay sameysay Imaaraadka Carabta. Meydadka laba mutadawiciin ah oo British ah oo lagu dilay bariga dalka Ukraine bishii January, ayaa la helay, iyagoo qeyb ka ah maxaabiis ay is dhaafsadeen Ruushka. Ma cayimin dowladda Ruushka, waxay sameeyeen dadkii dhex dhexaadiyey. Source
-
LIVERPOOL, England (AP) — Arsenal lost in the Premier League for just the second time this season as Everton pulled off a surprising 1-0 win over the leaders on Saturday in its first match under new manager Sean Dyche. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey heshiiska laga gaaray xiisadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee u dhexeeyay madaxwene Lafta Gareen iyo mucaaradka ayaa sameeyay ballan-qaad ku aadan heshiiskaas oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore boggaadiyay heshiiska ay gaareen labada dhinac, kadib maalmo ay wada-hadallo ku lahaayeen gudaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo uu laba jeer madaxweynuhu u tegay, xal u helida Koonfur Galbeed. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale u mahad-celiyay dhammaan intii ka qayb-qaadatay dib u heshiisiinta oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka ee maamulkaas. “Waxa aan rabaa in aad aad iyo aad ugu mahadceliyo dadka reer Koofur Galbeed guud ahaan gaar ahaan dadka magaalada Baydhabo degan ee muujiyay si xilkasnimo ah, dulqaad aad u badan, muujiyay in ay u hiilinayaan oo wax weliba u hurayaan nabadda iyo xasiloonida, Mucaaradka oo intii tanaasul ah intoodii badnaa sameeyay, maamulka Madaxweynaha uu hoggaaminayo oo muujiyay is baddelo waaweyn, Odoyaasha dhaqanka oo aan ka caajisin in la boogo dhayo wixii dhacay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa ballan-qaad u sameeyay reer Koonfur Galbeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay hubineyso dhaqan-galka heshiiska xalay lagu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. “Dowladda Federaalka waxa ay diyaar u tahay oo dhinaceeda ka ballanqaaday in wixii kaalin ah ee uga aaddan arrimaha dib u heshiisiinta, qalbi xaarista iyo arrimaha lagu ballamay hubinteeda iyo xaqiijinteeda, dhibaato haddii ay dhacday in la xaliyo iyo in laga ballamo in aanay berri dib usoo laaban,” ayuu markale yiri madaxweynaha Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu shaaciyay in qof kasta oo ka horyimaad wixii lagu heshiiyay ay gacanta ka qaban doonto dowladda, si looliyo nabadda iyo xasiloonida deegaanka. Qofkii ka leexanaya wixii lagau ballamay in dowladdu gacanta ka qabato oo dhahdo ka joog, in la ilaaliyo nabadda, kalsoonida iyo qalbiga Dadka waaye dardaaranka guud. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaray shirkii Baydhabo, kaas oo ay ku heshiiyeen madaxweyne Lafta Gareen iyo Mucaaradka oo ugu dambeyn ogolaaday muddada halka sano ah ee loogu daray hoggaanka maamulkaasi. The post Xasan Sheekh oo hal arrin u ballan-qaaday K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Waaxda dad dhigista maamulka gobalka Banaadir ayaa shaacisay in degmooyinka galbeed ee gobalka banaadir ay warqadaha dhalashada iyo sugnaanta ay ka qaadan doonaan xarunta degmada Wadajir. Qoraal ka soo baxay maamulka waaxda dad dhigista gobalka ayaa lagu sheegay in dadka degmooyinkaas deggan ay xarun uga fureen gudaha degmada wadajir. “Waxaan ogaysiineynaa shacab ku nool gobalka Benaadir, gaar ahaan qaybta Galbeed oo ka kooban, afar degmo iyo hal deegaan, kuwaasoo kala ah; Wadajir, Dharkenley, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley laga billaaba berri oo ay taariikhdu tahay 05/02/2023, in dhalashada iyo sugnaanta ay u doonan karaan laanta cusub ee waaxda taasoo laga furay gudaha xarunta degmada Wadajir,” ayaa lagu yiri qoraal waaxda dad-dhigista laga soo saaray. Shacabka ku nool degmooyinkaan ayaa ahaa kuwa markii hore ka doonan jiray warqadda xarunta wayn ee waaxda dad dhigista gobalka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A company director accused of stealing Sh10 million by virtue of employment is wanted by the court after jumping bail. Source: Hiiraan Online
-
“Madaxweyne reer Awdal ka daa ciidanka iyo cabudhinta SNM iskuma waafaqsanine” W/Q: Wasiir hore Axmed Muumin Seed. “Fariin Furan oo ku Socota Madaxwaynaha Qaranka Somaliland ____________________________ 1. Madaxwayne dalku waa dal ay wada daganyihiin dad kala duwan Aftirsiin islana ogol dawladnimadda somaliland hasayeshee iskuma wafaqsana SNM sidaas awgeed waa inaad ogsonaantaa hadii la hanan waayo dadka daga goboladda darafyada waxa khatar ku sugan jiritaanka somaliland 2. Madawxayne waa in aad ogsonaataa in aan marnaba lagu kasban karin dadka reer Awdal cabudhin, ciidamo iyo awood, haddii awood lagu xajin karo dad, somalilaand kamay tagteen somaliya 3. Madaxwene ka daa cabudhinta iyo ciidamadda dhaliyarada gobolka Awdwal aad u dirtay ee si ay cadaw ladagalamayaan gawaaadhida hubaysan lagu argagax galinayo, ogowna arinta laascanood ee faraha kasii baxaysa waxay ka bilamatay sidaas dhaliyarada Awdal oo kale 4. Madaxwayne waxaan ku xasusinayaa gabay uu hore utiriyey abwan gaariye oo tilmaamayey waxa dhici doona waxa uu yiri;- ♤Dharar baa iman doonta ♤ dadka sool iyo awdal ♤ee adanow hagrateen Raacdadoodu adkaato lagu raadsho ilays abwaan gaariye AHN” See insights and ads Boost post All reactions: 7Muxaydiin H Muuse, Sir-Omar Xaaxi and 5 others Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay Buundo cusub oo uu maamulkiisa ka hirgelinayo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Bundadan cusub ayaa waxaa laga dhisayaa waddada dheer ee ee Buulo Xuubey, gaar ahaan nawaaxiga iskuulka Jabuuti ee ku yaalla halkaasi. Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dhismaha Buundadaan loogu tala-galay fududeynta isku socodka dad-weynaha isticmaala waddadaasi. Duqa Muqdisho oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga ee Buundada cusub ee Buulo Xuubey ayaa sheegay inay ka go’an tahay dib-u-dhiska caasimadda iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socodka dadweynaha iyo gawaarida istecmaala wadooyinka Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qorshaha maamulkiisa uu ku jiro sidii loo dhisi lahaa Buundooyin hor leh oo ku cusub Magaalada iyo dib-u-dayactirka kuwii hore u jiray Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray reer Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna ka shaqeeyaan horumarka nafaafadda caasimada dalka. Dhagax-dhiga Buundadan cusub ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle. Tallaabadan ayaa noqoneyso tii ugu horeysay oo Buundo nuucaan laga hirgelinayo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay maamulka gobolka. Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay horumar la taaban karo oo dhanka dib u dhiska ah, waxaana soo noqday adeegyadii muhiimka ahaa. The post Sawirro: Maamulka gobolka Banaadir oo Buundo cusub ka hirgelinayo Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la fahamsan yahay inay jiraan caruur badan oo aan qaangaadhin oo ay kooxda Al-Shabaab weli u diyaarineyso inay dagaal-yahano ka dhigto ama qaraxyo ku rakibto. Sidoo kale dhalinyaro fikirka kooxda sida ay u haysteen iyo waxa meesha ugu tageen kala duwan yihiin iyo qaar daruufta looga faa’iideystay oo mushaar doon ahaa ayaa la sheegaya in weli kooxda xoog ku haysato. Deegaanka Caad oo u dhow degmada Xarardheere oo kamid ah goobaha dhawaan lagu jabiyay Al-Shabaab, laba dhalinyaro ah oo naftooda baxsad la ah oo ka yimid Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidanka dowladda. Cabdifataax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifataax Aadan Cabdikariin uma muuqaal eeka inay buuxiyeen da’da labaatanka sano. Al-Shabaab waxay kaga biireen HirShabelle laakiin ugu dambeyn waxay go’aansadeen in umadooda kusoo dhex noqdaan. Waxay dalbadeen in la cafiyo, lagana caawiyo inay noloshooda sii wataan maadama sida ay sheegeen ay nolosha rejo badan ka leeyihiin. Sida labadaan wiil kuwo badan ayaa ku go’doonsan dhanka Al-Shabaab, kuwaasi oo laga jaray la-macaamilka bulshada, xiriirka ehelka, inay maqlaan dhawaq ka duwan dil iyo qarxin ama ay fahmaan waxa ka socda adduunka iyo in ay jirto fursad kale oo tan ka duwan. Waxay dhalinyaradaas u bahaan yihiin badbaado. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa laga raba inay sameyso shabakad caawisa dhalinyarada rabta inay umadooda dib ugu soo dhex laabtaan, oo ay fikirkaasi qaldan ka tanaasulaan. Shabakad awooda in iyadu xiriirka abuurto, leh xarumo lala xiriiri karo iyo dad u tababaran soo dhaweyn, hubin iyo dib u habeynta nolosha dhalinyaradaas oo ay dowladda leedahay ayaa muhiim ah waqtigaan. The post Tallaabada xigta ee DF la gudboon kadib dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
War-murtiyeed ayaa ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee ka socday magaalada Baydhabo, waxaana heshiis gaaray dhinacyadii isku hayay doorashada maamulkaas. Waxaa lagu heshiiyay in mudada u dhaxeysa Novembar 2023-ka ilaa Decembar 2023 la soo xulo xubnaha golaha wakiiladda ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Sidoo kale dhinacyada ayaa ku heshiiyay in doorashada guddoonka golaha wakiilada iyo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaaliya la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024. Gddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha, Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ee DFS ay dhaqan galineyso heshiiska. PUNTLAND POST The post Heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Shirkii dhex-dhexaadinta madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagraeen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa lasoo geba-gebeeyey, ayada oo heshiis buuxa ay gaareen dhinacyada. Dhinacyada ayaa isku raacay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka madaxweyne Lafta-gareen ayada oo doorashada madaxweynaha lagu qababnayo sanad gudihiis. Waxaa la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed. Doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la go’aamiyey in la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024. Hoos ka aqriso heshiiska oo dhameystiran. War-murtiyeedka shirka Shirka wada-tashiga dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo kan bulsheed ee dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ku baaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe taariikhdu marka ahayd 19kii bisha November 2022, si lamid sidaas oo kale uu soo dhaweeyeen Madaxweynaha DKGS 20 November 2022 iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha kala ah; Midowga Musharixiinta, Madasha samata bixinta iyo Golaha Badbaadada KGS. Ka dib, Guddomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa soo Magacaabay isaga oo la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, guddi farsamo oo ka kooban toddobo (7) xubnood oo ah guddiga farsamada ee arrimaha dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka Dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhda marka aheyd 17 Janaayo 2023, shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, Madaxweynaha DKGS M.ne Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagreen), iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta KGS iyo mas’uuliyiin kala duwan ee labada heer ee Federaalka, Odoyaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah. GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DIBU-HESHIISIINTA Markuu Arkay: Qodobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qoboka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG. Markuu Arkay: Qodobka 4aad ee War-murtiyeedka shirka dib-u-heshisiinta oo ka qabsoomay magaaladda Baydhabo 17, Diseember 2022 oo tilmaamayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu soo magacaabo Guddiga Farsamadda; Markuu Arkay: Qodobka 3aad farqadda 5aad ee Dastuurka DKGS. Markuu Arkay: Qodobka 37aad farqadda 1aad Go’aanka Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay tahay hay’ada ugu sarreysa ee sharci dajinta Dowladda Koonfur Galbeed. Markuu Dhageystay: Talo soo jeedinta odoyaasha dhaqanka KGS oo ah marjica marka ay la soo gudboonaato xaalad Goloyaashada Dowladda si waafaqsan Qodobka 60aad Xarafka (C) ee Dastuurka KGS, xukuumada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta ku middobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka. Markuu Arkay: Dhamaan Nuquladda ay soo wada Gudbiyeen Golaha Wakiiladda nuqulka 1aad ee soo baxay 18ka Abriil 2020 iyo Nuqulka 2aad Tix: GW-DGKGS/XG-09/2020 kuna taariikhsan 20ka Abriil 2020 oo labaduba ku saabsan: wax kabadalka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya Qodobka 50aad kaas oo lagu daray Farqro 3aad. Marka uu Tixgaliyey: Nuqulka go’aan ay soo gudbiyeen oo ay xukumadda DKGS Shirka Dib-u-heshisiinta, kuna taariikhsan 01st Febraayo 2023, iyo kan dalladaha ku midoobey; Midowga Musharixiinta iyo Madasha samata bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo isna ku taariikhsan 2 Febraayo 2023. Markuu Arkay: Ismaandhaafka Siyaasaddeed ee ka jiro KGS uu caqabad ku yahay dhamaan horumarada laga sameyn lahaa la dagaalanka kooxda khawaarijta al- Shabaab iyo Horumarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxaa uu gudoomay guddoomiyaha guddiga dibu-heshna Gudoomiyaha Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qodobka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG, sidoo kalena isaga oo tixgalinaya Qodobka 37aad Farqadda 1aad ee Dastuurka KG. Qobkobka 1-aad Gudoomiyaha Golaha Shacabka marka uu xaqiijiyey arrimaha siyaasadeed iyo mida bulsheed ee dooda ka taagneyd, wadatashi dheer kadib waxaa la go’aamiyey: A) In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG. B) In doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaaliya la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024. Qobkobka 2aad Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan. Wabilaahi Towfiiq The post Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo heshiis gaaray (Aqriso qodobada) appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – The U.S. military has on Saturday shot down a suspected Chinese spy balloon off the coast of Carolina, on orders from President Joe Biden, according to the Pentagon. The balloon, which traversed several sensitive military sites across North America, has become the latest source of tension between Washington and Beijing. President Biden had initially sought to have the balloon brought down on Wednesday but was advised to wait until it was over water. The F-22 fighter jet successfully punctured the balloon with a missile around six nautical miles off Myrtle Beach, South Carolina coast. The debris of the balloon landed in 47 feet of water. The U.S. Navy is taking the lead in the recovery operation, supported by the Coast Guard. Biden praised the aviators who successfully took down the balloon. The incident raises questions about China’s intentions and the capabilities of the U.S. military to protect its airspace. China’s denial of spying claims China has continued to deny any claims of spying and has stated that the balloon was merely a weather research “airship” that had been blown off course. The Pentagon rejected these claims and concluded that the balloon was indeed being used for surveillance purposes. China’s Ministry of Foreign Affairs emphasized that the balloon’s journey was out of control and urged the U.S. not to “smear” it. The journey of the balloon The balloon entered the U.S. air defense zone north of the Aleutian Islands on January 28th. On Monday, it moved primarily over land across Alaska and into Canadian airspace in the Northwest Territories. It then crossed back into U.S. territory over northern Idaho on Tuesday, the same day that President Biden was first briefed on the balloon’s presence. The balloon was later spotted over Montana, home to one of America’s three nuclear missile silo fields at Malmstrom Air Force Base. The U.S. collected intelligence on the balloon as it flew over the country, giving them several days to analyze it and learn about its capabilities. The cancellation of Blinken’s visit to Beijing The public disclosure of the balloon on Thursday led to the cancellation of U.S. Secretary of State Antony Blinken’s visit to Beijing for talks aimed at reducing U.S.-China tensions. Blinken told senior Chinese diplomat Wang Yi in a phone call that sending the balloon over the U.S. was “an irresponsible act and that (China’s) decision to take this action on the eve of my visit is detrimental to the substantive discussions that we were prepared to have.” The Chinese government sought to play down the cancellation and stated that the U.S. and China had never officially announced the visit. The Pentagon also acknowledged reports of a second balloon flying over Latin America. Brig. Gen. Pat Ryder, the Pentagon press secretary, said they now assess it as another Chinese surveillance balloon. The Chinese Ministry of Foreign Affairs did not immediately respond to questions about the second balloon. SOURCES: NEWS AGENCIES The post U.S. military shoots down Chinese ‘spy’ balloon appeared first on Caasimada Online.
