Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. LasAnod (Caasimada Online) – The ongoing conflict in the city of LasAnod in the Sool region in northern Somalia has entered its third day, with reports of new areas being affected, according to eyewitnesses and city officials. The violence erupted on Monday when Somaliland forces tried to enter the city and were met with resistance from residents who reject being under Somaliland’s administration. “At least 40 people have been killed, and over 150 others have been injured since the fighting began,” reported Ahmed Mohamed Hassan, the Director of LasAnod General Hospital. Eyewitnesses in the Gooja-Adde area reported intense fighting between Somaliland forces and SSC regional troops. “Both sides are exchanging heavy fire, including the use of heavy weapons and artillery,” a resident said. The international community has expressed grave concern about the violence in LasAnod and has called for an immediate end to the fighting. “We call for an immediate de-escalation of violence, the protection of civilians, unimpeded humanitarian access, and for tensions to be resolved peacefully through dialogue,” stated Somalia’s international partners. The UN High Commissioner for Human Rights, Volker Türk, has also called for an independent and impartial investigation into the clashes. “I am concerned by reports of continuing clashes and the potential consequences they could have on the already fragile humanitarian situation in the region,” Türk stated. “I call on the authorities to conduct a credible and impartial investigation into the clashes and hold those responsible accountable in fair trials.” Somali President Hassan Sheikh Mohamud has also appealed for an immediate end to the conflict. “The solution to the problems in Sool and Sanag lies within the realm of politics. It’s incorporated into the overarching policy aimed at seeking unity in Somalia,” the President explained. “The will of the people cannot be resolved through the use of force. Their will must be respected, weapons must be laid down, hostilities must cease, and a negotiating table must be set.” The tension in LasAnod has been escalating over the past month due to the local population’s opposition to the presence of Somaliland’s administration and demand for the withdrawal of its troops. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, Somaliland has faced opposition and resentment in the area. The current crisis was triggered by the assassination of local youth leader and opposition Waddani Party member Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), who was blamed on Somaliland. The Somaliland security forces have used force to quell the situation, leading to casualties and further fueling the conflict. The post Deadly conflict in LasAnod, Somalia enters third day appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka. Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa waxa uu ra’iisul wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka. Ra’iisul Wasaare Xamz ayaa uga mahad-celiyay dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay tababarka ciidankan. Safarka Xamza ee Ballidoogle ayaa waxaa ku wehlinayay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga, wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka. Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdiga ra’iisul wasaaraha. Cutubyadaan maanta soo dhameystay tababarka ciidan ayaa la filayaa in ay ka qeyb noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday dalka, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka. The post Sawirro: Xamza oo saldhiga Ballidoogle tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Danab appeared first on Caasimada Online.
  3. African leaders are expressing condolences and solidarity with Türkiye and Syria after a 7.8 magnitude earthquake hit parts of the two countries Monday. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u safri doona meelaha ugu daran ee ay saameyeen dhibaatooyinka dhulgariirka, ka dib markii uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah. Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya Isniintii ayaa gaartay in ka badan 9,600. Ugu yaraan 7,108 qof ayaa ku dhintay Turkiga, halka ugu yaraan 2,530 ay sidoo kale ku dhinteen Suuriya,waana dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa muddo toban sano ka badan. In ka badan 70 waddan ayaa ku yaboohay kooxaha samatabbixinta iyo gargaarka,kuwaas oo haatan ku sugan dalkaasi. Illaa 12,000 oo shaqaale Turki ah oo ay la socdaan 9,000 oo askari,ayaa baadigoob iyo samatabbixin ka wada meelaha ay dhibaatadu saameysay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Erdogan oo booqanaya Goobihii uu ka dhacay dhul-gariirkii Turkiga appeared first on Puntland Post.
  5. Laascaanood (Caasimada Online) – Duqa Laascaanood ee Somaliland, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada, isaga oo weerar culus ku qaaday maamulka uu ka tirsanaa ee uu hogaamiyo Muuse Biixi. Cabdiraxiin oo barbar taagan yihiin xildhibaano ka tirsan golihiisa deegaanka ayaa shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Laascaanood, wuxuuna ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay xasuuq ba’an ka geysanayaan goobaha ay ku sugan yihiin shacabka. “Waxaanu cadeynaynaa in la duqeynayo goobihii caafimaadka, in la duqaynayo masaajiddadii, in la duqaynayo kaalmihii shidaalka iyo guryahii dadka shacabka yaaleen. Halkaan aan taagannahay waa cusbitaalkii Laascaanood. Madfac baa ku dhacay. Waxaa ku waxyeeloobay hooyo ummul ah, xataa Masaajidadii ayaa gubanaya,” ayuu yiri Duqa Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil. Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashadii Somaliland ee ahayd in Laascaanood ay kula dagaalamayaan kooxo argagixiso ah. “Waxaan caalamka u cadeynaynaa anigoo ah duqii Laascaanood, in aan Laascaanood argigixiso ka dagaalamayn. Waxaa dagaalamaya waa shacabkii Laascaanood oo naftooda iyo cirdigooda difaacaya. Xasuuq baa socda.” Duqa Laascaanood ee Somaliland oo hore u taabacsan maamulka Muuse Biixi ayaa wuxuu ugu baaqay ciidamada Somaliland inay isaga baxaan magaalada Laascaanood. Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana lagu soo warramayaa in uu maanta kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac. Sidoo kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo. Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool. Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi. The post Duqa Laascaanood oo weerar culus ku qaaday Somaliland iyo xiisadda oo kasii dartay appeared first on Caasimada Online.
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa dib u dhigay diiwaan-galinta doorashada qof iyo cod ee la filayay inay ka bilaabato magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi. Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in loo baajiyay iyada oo aan weli wax xal ah laga gaarin qul-qulatooyin looga soo horjeedo doorashada oo ay caasimada Garoowe ka wadaan ciidamo maleeshiyo beeleed ah. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin siyaasiyiin isku xiran oo mucaarid ah, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda qorshaha doorashada qof iyo cod ee xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Deni. Warar kale ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood uu qeyb ka yahay sababaha keenay in dib loogu dhigo diiwaan-galinta doorashada. Illaa iyo hadda lama oga xilliga ay bilaabanayso diiwaan-galinta doorashada. Madaxweyne Saciid Deni iyo kooxdiisa ayaa hore ugu madax adaygay in ay sii socoto diiwaan-gelinta doorashada qof iyo cod, taasi oo hanaankeedu uu madmadow badan ku gadaamna, hase yeeshe tallaabadan uu maanta qaaday maamulka ayaa noqotay mid lama filaan. Mucaaridka ayaa hore u dalbaday in la joojiyo doorashada, kadib markii ay guddiga doorashada maamulkaasi ku eedeeyay in ay gacanta ugu jiraan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Waxay sidoo kale dhowr jeer madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyeen in uu leexiyay hanaankii doorashada, taasi oo ka dhigeysa “doorashooyinka qof iyo cod” oo la ogyahay inay yihiin kuwa ugu xalaalsan noqdaan kuwa ay hareeyeen musuq-maasuq iyo boob ku qotoma awood sheegasho xukun. Si kastaba, Saciid Deni iyo kooxdiisa ayaa qorshahooda uu ahaa inay ku gacan sareeyaan mashruuca uu ku dhagan yahay Deni ee “doorashada qof iyo cod” taasi oo mucaaridka maamulkaasi ku tilmaameen mashruuca dib usoo laabashadiisa. The post Puntland oo qaaday tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta doorashada muranka dhalisay appeared first on Caasimada Online.
  7. Laascaanood (PP News Desk) — The Mayor of Laascaanood district Abdulrahim Ali Ismail today accused Somaliland forces of shelling residential areas, hospitals and mosques in Laascaanood. “I am standing here in Laascaanood Hospital with district councillors to witness damages caused to the hospital by indiscriminate shelling by Somaliland forces. There are no terrorists In Laascaanood. The people of Laascaanood are fighting Somaliland forces. I urge [President] Muse Bihi to withdraw his troops” said the Mayor. Laascaanood Mayor (middle): “There are no terrorists in Laascaanood. People of Laascaanood are fighting Somaliland forces.” The Mayor’s statement is a further blow to Bihi’s government that is waging a secessionist war against people of Laascaanood. Yesterday, the President of the Federal Republic of Somalia Hassan Sheikh Mohamud called on Somaliland leaders to respect the wishes of people. Meanwhile, the Federal Ministry of Internal Affairs Minister Ahmed Fiqi publicised the government’s positon in support of 6/2/2023 Laascaanood Declarations. Puntland State of Somalia equally supported the declaration that, among other thing, emphasised that the Federal Government of Somalia represents Laascaanood, and called for the withdrawal of Somaliland forces in SSC territories. © Puntland Post, 2023 The post Laascaanood Mayor Blames Somaliland Forces for Shelling Hospitals and Residential Areas appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa maanta ciidamo cusub kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo kamid noqonaya howlgalka Midowgga Afrika ee ATMIS ee ka socdo gudaha Soomaaliya. Ciidamadan cusub ayaa ka yimid waddanka Ghana, waxayna ku biiriyaan ciidanka Booliska ATMIS ee haatan ka howlgala gudaha Soomaaliya. Tiro ahaan ciidamadan waxaa lagu qiyaasay illaa 50 askari oo Boolis ah, kuwaas oo lagu soo dhoweeyay xerada Xalane ah oo ah taliska guud ee ciidanka howlgalka Midowga Afrika. Sidoo kale ciidamadan ayaa u yimid in ay qayb ka noqdaan howlgallada nabad ilaalinta ee ka socdo gudaha Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ciidanka horay u joogay gudaha dalka. Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in askartan ay soo qaateen tababaro muhiim ah oo ku aadan la dhaqanka bulshada, si ay uga howlgalaan gudaha Soomaaliya. ATMIS ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadani la geyn doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay ka howlgali doonaan muddo sanad ah, waxayna sidoo kale la shaqeyn doonaa ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan halkaas. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan kumanaan askari oo Afrikaan ah, kuwaas oo isugu jiro Boolis iyo Milatari, waxayna dowladda ka caawiyaan nabad-gelyada. Keenista ciidamadan cusub ayaa kusoo aadayso xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka uu ka socdo holwgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo laga gaaray. Si kastaba, maalmo kahor ayey aheyd markii magaalada Muqdisho ay ku shireen dowladda federaalka iyo waddamada dariska ee la’isku yiraahdo safka hore, kuwaas oo ka hadlay ammaanka guud ee gobolka & sidoo kale dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. The post Diyaaradda Ethiopian Airlines oo maanta ciidamo kasoo dajisay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  9. Ergeyga Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha Volker Türk ayaa ku baaqay in baadhitaan madax-banaan, wax ku ool ah islamarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood. Dagaalkaas oo qarxay Isniintii ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 40 qof, ayada oo ku dhowaad 140 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyey agaasimaha cisbitaalka Laascaanood Axmed Maxamed Xasan. “Ugu yaraan 20 qof ayaa la dilay, qiyaastii 119 kalena waa lagu dhaawacay – oo ay ka mid yihiin caruur – dagaalka u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo qabaa’ilka deegaanka ee magaalada Laascaanood,” ayuu yidhi Türk. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka walaacsan yahay in isku dhacyada weli ay socdaan, ayna jiraan warbixino sheegaya khasaare dheeraad ah. Source
  10. Maayirkii Somaliland u qaabilsanaa Laascaanood Cabdirixiin Cali Ismaaciil ayaa markii u horraysay ka hadlay dagaalka ka socda nawaaxiga degmadaas. Maayirka oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha degaanka Laascaanood ayaa dagaalka halkaas ka socda ku tilmaamay mid u dhexeeya laba qabiil. “Laascaanood Isaaq iyo Sool clan ayaa ku dagaalamaya ina Biixiyow ciyaalkaaga labax walaahi waanu dagaalamynaa inta qof naga noolyahay” ayuu yiri Maayirka. Xubno ka tirsan golaha degaanka oo halkaas ka hadlay ayaa dhankooda sheegay in Somaliland aysan waxba ula harin dadka SSC. Waxay sheegeen in duqaymo aan kala sooc lahayn lagu garaacayo Laascaanood waxaana ay ku baaqeen in la is difaaco. PUNTLAND POST The post Maayirka Laascaanood oo si adag uga hadlay dagaalka ka socda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  11. Mogadishu (HOL) - Gunmen shot dead Jubbaland regional state lawmaker MP Isaaq Mohamed Hassan Sandheere in Mogadishu on Tuesday evening. Source: Hiiraan Online
  12. Dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood, iyadoo dhinacyada ku dagaallamaya iyo dadka shacabka ahba uu kasoo gaadhey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. War qoraal ah oo ay soo saartay Xukuumadda Somaliland ayay ku sheegtay in maalintii saddexaad weerar lagu soo qaadey ciidamada Qaranka, iyaguna ay difaac ku jiraan. Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dagaalkan ay ku barakaceen in ka badan 80kun oo qof, kuwaasi oo ka yaacay dagaalka dushooda ka bilaabmay. Source
  13. Laascaanood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka ka ka socdo magaalada Laascaanood, kaas oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu marke saaka dib uga bilowday Laascaanood, wuxuuna ku fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga Gooja-cadde, halkaas oo talis ku leeyihiin ciidamada Somaliland, waxaana weeraray ciidamada deegaanka ee SSC. Labada dhinac ayaa is-weydaarsanaya hubka culus iyo madaafiic xoogan oo ku hoobaneyso aaga Gooja-cadde, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Sidoo kale labada dhinac ayaa helaya gurmadyo, ayada oo uu haatan sii xoogeysanayo dagaalka ka socdo halkaasi. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u cakiran, waxaana dagaalladan ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. Dhanka kale waxa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana Beesha Caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wadahadalo. Dhankeeda Qaramada Midoobay oo war soo saartay ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool. Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi. The post Dagaalka Laascaanood oo ku fiday goobo horleh iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  14. Qiiq iyo uuro madow ayaa laga arkayaa Taliska Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Somaliland. Xogo dhinaca amniga ah ayaa xaqiijinaya in si daran-doorri ah madaafiic ugu hoobanayso Gooja-cadde islamarkaana qeyba kamid ah dab ka kacay. Ciidamada difaaca Shacabka SSC ayaa jihooyin kala duwan kaga durkay Gooja-cadde kadib weerarkii ay saaka qaadeen. Xogaha ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada Somaliland saaka laga qabsaday Taliskii Maraaga oo ay difaacyo adag kaga jireen. Dagaalka ayaa qayb-ahaan ka durkay Laascaanood waxaase Ciidamada Somaliland isticmaalayaan hubka waaweyn kaas oo masaafo fog ka soo duqaynaya magaalada. Duqaymaha qaarkood oo sida lagu warramayo ku soo dhacaya gudaha Laascaanood ayaa khasaare kala duwan sababay. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka ka socda duleedka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  15. Doctors in the self-declared republic of Somaliland say heavy fighting has killed at least 30 people. Residents of Las Anod say they heard gunfire for more than six hours. Somaliland broke away from Somalia in 1991 but has not been internationally recognised. The authorities there have been in a border dispute with the regional government of Puntland. They both claim the Sool region, of which Las Anod is the capital. The latest violence happened as traditional leaders announced that they no longer wished to be part of Somaliland and pledged allegiance to the Somali government in Mogadishu. –BBC– Qaran News
  16. UN High Commissioner for Human Rights Volker Türk on Tuesday called on the Somali authorities to ensure an independent, effective, and impartial investigation after scores of people were killed in clashes between the security forces and clan members in Laas Canood that started on 5 February. “At least 20 people have been killed, and an estimated 119 others injured in Laas Canood – among them children – in fighting between the security forces and members of a local clan,” said Türk. “I am concerned by reports that the clashes are continuing today with additional claims of new casualties.” “These potentially unlawful killings come just a month after at least 20,000 people were displaced by clashes in Laas Canood, and could contribute to further displacement, compounding the already fragile humanitarian situation in the region.” “I call on the authorities to conduct a credible and impartial investigation into the clashes to determine who is responsible and hold them to account in fair trials, including for reported damage to homes.” Laas Canood is in the Sool and Sanaag regions, which are claimed by both “Somaliland” and Puntland. END Source OHCR Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay xarunta Wasaaradda ayaa faah-faahin ka bixiyay wax-qabadka dowladda ee todobaadkii lasoo dhaafay, waxaana la taagnaa madaxa Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef. Daa’uud Aweys ayaa intiisa badan diiradda saaray howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda dalka, isaga oo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay weli xajinayaan guulaha waa weyn ee laga gaaray dagaalka kooxda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda ay ku guuleysatay dhaqan-galka baaqeedii ahaa in ay isa soo dhiibaan xubnaha Al-Shabaab, isaga oo shaaca ka qaaday inay xubno badan u hoggaansameen baaqaas, ayna isku soo dhiibeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. ‘Qaar kamid ah Khawaarijta ayaa u hoggaansamay baaqii dowladda federaalka Soomaaliya ee ahaa inay isku soo dhiibaan dowladda si loogu sameeyo dhaqan celin,” ayuu yiri. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dhalinyaro ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab lagu soo dhaweeyay maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed. “Tiro kamid ah iyaga ayaa isku soo dhiibay goobo kala duwan sida HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed” ayuu sii raaciyay. Waxa kale oo uu markale ku celiyay amarkii dowladda ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxda Al-Shabaab, isagoo dhanka kale tilmaamay in guul laga gaaray dagaalka dhaqaale. “Waxaa markale shacabka la xasuusinayaa in ay ka fogaadaan inay la macaamilaan Khawaarijta dhinac kasta ha noqotee,” ayuu markale yiri Wasiirka Warfaafinta. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday shirkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dalalka dariska oo uu sheegay in go’aan looga gaaray dagaalka Al-Shabaab, waxaa kale oo uu ka hadlay shirkii dib u heshisiinta Koonfur Galbee oo uu tilmaamay in lagu guuleystay. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xaaladda Laascaanood, wuxuuna sii adkeeyay baaqa madaxweynaha ee ku aadan in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda ka jirta magaaladaasi. The post DF Soomaaliya oo shaacisay arrin ay kooxda Al-Shabaab uga guuleysatay (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland loogu geystay magaalada Muqdisho. Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxaa lagu toogtay Allaha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Marxuumka ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa xilliga la dilayey kasoo baxay Salaaddii Maqrib, ayada oo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyay dilkiisa. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban sameeyay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah. Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo war kasoo saaray dilkan ayaa ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo lagu dilay Magaalada Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehelkii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo. Sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaanka uu usoo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, gaar ahaan reer Jubbaland, isla-markaana lagu xasuuqan doono wanaagiisii. Dilka loo geystay xildhibaanka ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay haddane howlgallo ka sameeyaan ciidanka amniga. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay caasimada, kadib markii lagu jabiyay dagaallada haatan ka socda inta badan gobollada dalka Soomaaliya. The post Rag hubeysan oo xildhibaan ku dilay magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  19. Dagaal aad u culus ayaa maalintii saddexaad ka socda aagag ku dhow magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Dagaalka oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo ciidamada difaaca shacabka SSC ayaa lagu soo warramayaa in uu ku sii fidayo jihooyin ka baxsan Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa difaaca adag ka xirtay Taliskooda ugu weyn ee Gooja-cadde halkaas ay ku fara-adaygayan in aanu gacantooda ka bixin. Abaabul dagaal iyo diyaar-garow xooggan oo ka dhan ah Somaliland ayaa sidoo kale saaka laga dareemayaa guud ahaan Gobollada SSC oo ay u horreeyaan Dhooddi iyo Nugaal. Garaad Jaamac Garaad Cali oo mar sii horraysay hadlay ayaa sheegay in Ciidamo sooc ah oo ka soo jeeda Beesha Isaaq ay ku soo duuleen Carra Sool clan islamarkaana ay dagaal isaga kicinayaan. ” Waxa nala dagaallamaya waa sooc Beesha Reer Shiikh Isxaaqa oo soo duulay. Annaguna waxaan difaacaynnaa dadkeenna iyo ciiddeena” ayuu yiri Garaad Jaamac. Dagaalka ayaa u muuqda mid sii ballaaranaya marba marka ka danbaysa waxaana gebi ahaanba fashilmay dadaalladii Nabad-raadinta. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo maalintii saddexaad ka socda aagag ku dhow magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.