Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku biiraya Ciidamada furimaha ku sugan ee dagaalka kula jira Kooxdq Alshabaab โ€ Al-shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta,bil Ramadaan baa lagu jiraa Dagaalka aad u socotaan waa in Cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan Cadowga guul baana idiin rajeyn โ€œAyuu yiri Taliye Asad Ciidamada Boliiska ayaa helay Tababaro kor loogu qaaday aqoontooda iyo xirfadooda waxaana ay awood buuxda u leeyihiin in goob walba kula dagaalamaan Alshabaab. Saacado ka hor ayaan sidaan oo kale cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta waxaa loo daadgureeyay furimaha hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Source: goobjoog.com
  2. ๐’๐ญ๐š๐ญ๐ž๐ฆ๐ž๐ง๐ญ ๐Ÿ๐ซ๐จ๐ฆ ๐“๐š๐ข๐ฐ๐š๐ง ๐‘๐ž๐ฉ๐ซ๐ž๐ฌ๐ž๐ง๐ญ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž ๐Ž๐Ÿ๐Ÿ๐ข๐œ๐ž ๐ข๐ง ๐ญ๐ก๐ž ๐‘๐ž๐ฉ๐ฎ๐›๐ฅ๐ข๐œ ๐จ๐Ÿ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐๐ž๐ข๐ญ๐ก๐ž๐ซ ๐“๐š๐ข๐ฐ๐š๐ง ๐ง๐จ๐ซ ๐‚๐ก๐ข๐ง๐š ๐ข๐ฌ ๐ฌ๐ฎ๐›๐จ๐ซ๐๐ข๐ง๐š๐ญ๐ž ๐ญ๐จ ๐ญ๐ก๐ž ๐จ๐ญ๐ก๐ž๐ซ, ๐š๐ง๐ ๐‚๐ก๐ข๐ง๐š ๐ก๐š๐ฌ ๐ง๐ž๐ฏ๐ž๐ซ ๐ ๐จ๐ฏ๐ž๐ซ๐ง๐ž๐ ๐“๐š๐ข๐ฐ๐š๐ง ๐Ÿ๐จ๐ซ ๐š ๐ฌ๐ž๐œ๐จ๐ง๐. We strongly refute Chinaโ€™s false claims of territorial sovereignty that completely ignores the fundamental truth. We appreciated G7 Foreign Ministers recently supported Taiwan by opposing any unilateral attempts to change the status quo of the Taiwan Strait whether by force or by coercion. Under the Trump administration, the White House National Security Council openly acknowledged and praised the new relationship between Somaliland and Taiwan in 2020. Following the 2024 Presidential Election, Somalilandโ€™s democratization is garnering world-wide attention and support from like-minded countries, and Taiwan-Somaliland relationship continues to thrive based shared values, shared interests and shared goals. ๐–๐ž ๐š๐ซ๐ž ๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ญ๐จ ๐ฌ๐ž๐ž ๐ฆ๐จ๐ซ๐ž ๐š๐ง๐ ๐ฆ๐จ๐ซ๐ž ๐๐ž๐ฆ๐จ๐œ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐œ ๐ฅ๐ข๐ค๐ž-๐ฆ๐ข๐ง๐๐ž๐ ๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ง๐ž๐ซ๐ฌ ๐ž๐ง๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐ฏ๐š๐ฅ๐ฎ๐ž๐ฌ ๐จ๐Ÿ ๐“๐š๐ข๐ฐ๐š๐ง-๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ซ๐ž๐ฅ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ. ๐–๐ž ๐›๐ž๐ฅ๐ข๐ž๐ฏ๐ž ๐ญ๐ก๐š๐ญ ๐“๐š๐ข๐ฐ๐š๐ง-๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ซ๐ž๐ฅ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ ๐œ๐š๐ง ๐œ๐š๐ญ๐š๐ฅ๐ฒ๐ณ๐ž ๐ฆ๐จ๐ซ๐ž ๐ข๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ ๐ฌ๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ ๐Ÿ๐จ๐ซ ๐›๐จ๐ญ๐ก ๐ง๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐ฌ. It is also worthy to note how โ€œhumanitarian assistanceโ€ could be weaponized to fuel internal conflicts and cognitive warfare to further destabilize the region. We urge China to cease its provocation and truly uphold the values of peace and stability in the Horn of Africa. Qaran News
  3. ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐ข๐ข ๐ ๐จ๐ ๐จ๐ฅ ๐ฑ๐š๐š๐๐ก๐š๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ง๐š๐›๐š๐๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐‚๐ž๐ž๐ฅ ๐€๐Ÿ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ข. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee Toddobaadadii ugu dambeeyey ku sugnaa Magalaada Ceerigaabo ayaa magaalada Ceel Afweyn kulan loogu sii gogol xaadhayo shir weynaha nabadaynta Ceel-afweyn kula yeeshay Guddida loo xulay Shirka Nabadaynta beelihii ay colaadu ku dhex-martay Degaanadaasi. Kullanka ayaa waxa ku welelinayey Madaxweyne ku-xigeenka xubno Wasiiro ah iyoTaliyaha Ciidanka Qaranka iyo weliba Maamulka Gobolka Sanaag iyo ka Degmadda Ceel-Afweyn, Xildhibaano iyo madaxda dhaqanka oo uu hormuud u yahay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow. Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraday mihiimmada ay nabadu u leedahay bulshada, isaga oo la dardaarmay beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Degaamada Ceel Afweyn. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xusay in Xukuumada cusub ee Wadajir iyo Waxqabad ay ka goโ€™an tahay in ay ka shaqayso midnimada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland, waxana uu yidhi: โ€œXukumada Cusub waxa ay diyaarisay mashaariic horumarineed oo laga fullin doono gobolka Sanaag, marka uu dhamaado qorshaha nabada iyo qaramaynta ciidamada madaniga ah. Gobolka Sanaag Qiimo badan ayuu ugu fadhiya Somaliland, taasina waxa markhaati u ah muddada kooban ee Xukumadu jirto iyo sida ay mihiimada weyn u siisay Gobolka Sanaagโ€. Shirweynaha nabadaynta Ceel-Afweyne ayaa la isla gartay in si rasmi ah loo furo maalinta Arbacada ah ee soo socota ee Todobaadkan. Gunaanadkii, Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa halkaasi ka ballan qaaday inay Xukuumadu ay si dhab ah u fulin doonto goโ€™aamada ka soo baxa shirka nabadaynta Ceel Afweyn. ALLAA MAHAD LEH, Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  4. How many of know that in the Horn of Africa, a distinct ethnic-cultural population lives on their ancestral land called Somaliland? Although captured as a part of Somalia, it is a democratic Republic which declared its independence in 1991, unrecognized by Somalia and by the world at large. International recognition is long due this population developing their own distinct presence in Africa, yearning to be acknowledged as the Continentโ€™s 55th state. Unlike Somalia, Somaliland is peaceful and forward-looking, developing trade and business ties with other countries. Rita Rosenfeld @rheytah Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in dhowaan loo gudbiyo cutubyada shanaad ilaa sagaalaad ee Dastuurka, kuwaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya. Cutubyadan ayaa horey usoo maray marxalado dood iyo dhageysi dadweyne ah, si loo helo aragti mideysan oo ku saabsan wax-ka-beddelka Dastuurka. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin ayaa faah-faahin ka bixiyay muhiimadda ay leeyihiin cutubyadan, isaga oo tilmaamay in cutubka shanaad uu diiradda saarayo baahinta awoodaha iyo nidaamka federaalka, halka cutubyada kale ay ka hadlayaaan Baarlamaanka, Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Garsoorka. โ€œCutubkaan shannaad waxa uu ka hadlayaa baahinta awoodaha oo Federaaleynta (Asteenta awoodaha) waana la dhahaa,โ€ ayuu yiri Wasiirka Xasan Macallin. Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in afar cutub oo hore (1-aad ilaa 4-aad) horey loo dhammeystiray, halka shanta cutub ee xiga (5-aad ilaa 9-aad) hadda la diyaariyay si Baarlamaanku u meelmariyo. Qaybaha harsanna waxaa la qorsheynayaa in la dhammaystiro inta lagu guda jiro kalfadhiga toddobaad ee Baarlamaanka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay dadaal badan gelisay dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo qeybo ka mid ah wax-ka-beddelkaas loo gudbiyay bulshooyinka ku dhaqan magaalooyinka dowlad-goboleedyada si ay uga dhiibtaan fikiradooda. Si Dastuurka u noqdo mid rasmi ah, waxaa loo baahan yahay in la qabto afti dadweyne. Hase yeeshee, arrintan waxay dhalisay dood ay qabaan dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo marar badan ku baaqay in geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka wada qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda ee dalka. The post 5-ta cutub ee la horgeynayo BF si loo beddelo xilli ay weli taagan tahay doodda dastuurka appeared first on Caasimada Online.
  6. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Xilalka uu hore u soo qabtay iyo Shaqadiisa Dowladda โ€ข Dibloomaasi (2009โ€“2017): Cabdiqaadir Maxamed Nuur wuxuu muddo dheer ka shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda Soomaaliya. Waxa uu ka mid ahaa diblomaasiyiintii safaaradda Soomaaliya ee Ankara, Turkey, halkaas oo uu ka soo qabtay xilalka: โ€ข Xoghayaha Labaad (2009โ€“2012) โ€ข Xoghayaha Koowaad (2012โ€“2015) โ€ข Lataliyaha Sare (2015โ€“2017) โ€ข Ku-simaha Safiirka (2016โ€“2017) โ€“ Waxa uu si kumeel-gaar ah u noqday safiirka Soomaaliya ee Turkey intii lagu jiray 2016 ilaa 2017. โ€ข Shaqooyin Amni iyo Sirdoon (2017โ€“2018): Markii uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, Cabdiqaadir wuxuu bilaabay shaqooyin la xiriira amniga iyo sirdoonka qaranka. Bishii May 2017, waxa loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Hayโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA). Bishii Oktoobar 2017, waxa uu si kumeel gaar ah u noqday Agaasimaha Guud ee NISA, xilkaas oo uu hayay ilaa bishii Febraayo 2018. Waxa kale oo uu hore u soo qabtay Madaxa Amniga Madaxtooyada Villa Somalia, taasoo keentay in uu khibrad dheer u yeesho la shaqeynta hayโ€™adaha amniga qaranka. โ€ข Lataliye Sare ee Guddoomiyaha Baarlamaanka (2018โ€“2020): Bishii Agoosto 2018, waxa uu noqday lataliye sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, halkaas oo uu ku howlanaa arrimaha sharci-dejinta iyo xiriirka labada gole. โ€ข Wasiirka Caddaaladda (2020โ€“2021): Bishii Sebtember 2020, Cabdiqaadir Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda ee Soomaaliya xilligii uu Raโ€™iisul Wasaare ahaa Maxamed Xuseen Rooble. Waxa uu xilkaas hayay ilaa 2021, isagoo kormeeray arrimaha la xiriira garsoorka iyo sharciyada dalka. โ€ข Wasiirka Gaashaandhigga (2021โ€“2025): Bishii Diseembar 2021, Cabdiqaadir Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, xilli uu madaxweyne ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxa uu xilkan sii hayay xitaa kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May 2022, taasoo muujinaysa in xukuumadda cusub ay sii aaminsanayd doorkiisa hoggaamineed ee wasaaradda difaaca. Intii uu xilka hayay, waxa uu kaalin weyn ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dib u habeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. โ€ข Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda (2025โ€“Hadda): Dib-u-habayntii golaha wasiirrada ee dhacay 17-kii Maarso 2025 ayaa loo magacaabay. Source: goobjoog.com
  7. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi Xilalka uu hore u soo qabtay iyo Shaqadiisa Dowladda โ€ข Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka (2016โ€“2022): Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2022. Waxa uu matalayay deegaanka Ceelwaaq wuxuuna ka mid ahaa xildhibaanadii firfircoon ee xilligaas. Waxa uu mar kale ku guuleystay doorasho kale, taasoo u ogolaatay inuu sii wato doorkiisa xildhibaannimo, xilli uu sidoo kale qabanayay xilal wasiirnimo. โ€ข Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha (2022โ€“2025): Bishii Agoosto 2022, Jibriil waxaa loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli uu xilka Raโ€™iisul Wasaaraha hayay Xamse Cabdi Barre, madaxweynahana uu ahaa Xasan Sheekh Maxamuud. Xilkaas waxa uu ku jiray ilaa dib u habayn lagu sameeyay golaha wasiirrada bishii Maarso 2025. Intii uu xilkan hayay, wuxuu matalayay Soomaaliya xilliyo kala duwan, gaar ahaan heshiisyo ganacsi iyo siyaasado la xiriira warshadaha. Waxa uu hormuud u ahaa dadaalladii Soomaaliya ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC). โ€ข Wasiirka Gaashaandhigga (2025โ€“Hadda): 17-kii Maarso 2025, dib-u-habayn lagu sameeyay xukuumadda ayaa Jibriil Cabdirashiid loogu magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya. Waxa uu xilkan la wareegay kadib markii uu beddelay wasiirkii hore ee gaashaandhigga. Xilkan cusub wuxuu ku qasbaya inuu hoggaamiyo wasaaradda masโ€™uulka ka ah ciidamada qalabka sida iyo siyaasadda difaaca qaranka. Source: goobjoog.com
  8. Raโ€™iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029). Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in qorshahan ay ansixiyeen golaha Wasiirrada Xukuumaddu ,uuna ku saleysan-yahay hannaan lagu horumarinayo kaabayaasha kala duwan ee dalkeennu leeyahayโ€” laguna tayeynayo heyโ€™adaha kala duwan ee dowladda, si dalka loo gaarsiiyo horumar waara. โ€œXukuumadda DanQaran waxa ay ballan-qaadday in ay dalkeenna u jihayso hannaan kor loogu qaadayo dowladnimada iyo dhismaha heyโ€™ado xooggan, iyada oo taas laga duulayana waxaan diyaarinay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo lagu horumarinayo dhinacyada siyaasadda, amniga, caddaaladda iyo arrimaha bulshada, korna loogu qaadayo ilaha dakhliga dalka iyo fursadaha maalgashi ee loo baahan yahayโ€.Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa. Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo qoraalkiisu socday in muddo ah, ayaa waxaa diyaariyey in ka badan 400, oo qof, oo isugu jira khubaro iyo masuuliyiin dowladeed, kaasi oo beddelay Qorshihii hore ee Horumarinta Qaranka NDP9, waxaanna uu xoogga saarayaa qaabkii dalku u gaari lahaa horumar la taaban kari shanta ee soo socota. Source: goobjoog.com
  9. Madaxweyne Deni oo ku baraarugay loollanka u dhexeeya Dekedda Boosaaso iyo Dekedda Berbera oo labadaba ay DP World maalagashatay. Garoowe (Wararka PP) โ€” Maalgashiga Imaaraatka Carabtu ku sameeyay dekadaha Berbera iyo Boosaaso ayaa bannaanka soo dhigay danaha ganacsi is diiddan ee maamullada Somaliland iyo Puntland. Qaar ka mid ah dalalka deeqbixiyayaasha gaar ahaan Biritayn, oo Dekedda Berbera gelisay in ka badan 200 milyan oo doollar, ayaa ku cadaadinaya maamulka ku meel gaarka ee SSCK inuu furo isu socodka iyo kala ganacsiga, kaddibna maxaabiista dagaalka Laascaanood la isweydaarsado. Ganacsadata dhulka maamulka Somaliland ka taliyo oo ay colaaddu si baโ€™an u saamaysay ganacsiyadooda, ayaa doonaya in heshiis lagu furo waddada. Heshiiska waxaa ka maqan maamulka Puntland oo ah maamulka dhulka ugu weyn oo ay ganacsatada iyo warshadaha yaryar u soo suuqgeyn jireen badeecadahooda. Dagaalkii 2023kii ka qarxay Laascaanood wuxuu gebi ahaanba ka saaray meesha habkii maamulka Somaliland canshuurta uga qaadi jiray dhulka SSCK sidoo kalena u canshuuri jiray gaadiidka sida badeecadaha ka yimaada Puntland. Sida lagu xusay warbixin 2021kii uu Rift Valley Institute soo saaray, ganacsato badan oo Puntland ayaa u wareegay Berbera. Dagaalkii Laascaanood iyo ololaha la dagaallanka Daacish wuxuu sare u qaaday muhiimadda dekadaha Boosaaso iyo Garacad, halka colaadda Sool ay joojisay isu socodkii ganacsatada maamullada Puntland iyo Somaliland. Joojinta mashruucii Berbera Corridor, oo uu sababay heshiiskii Is afgarad uu maamulka Somaliland ku doonayay inuu bad kaga kireeyo Itoobiya, ayaa caqabad dhaqaale ku noqotay maamulka Somaliland. Itoobiya, oo doonaysa bad ay kaga maaranto ku tiirsanaanta dekedaha Jabuuti, way diidday inay Berbera ku tiirsanaato. Danaha dhaqaalaha Itoobiya iyo danaha dalalka dekedda Berbera maalgashaday ayaa iska hor yimid. Waa Imaaraadka dalka danahiisu aad ugu nugul yihiin xiisadaha amni ka taagan Geeska Afrika. Imaaraatku wuxuu cadaadis saaray maamulka Puntland inkastoo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uusan weli ka fekerin saameynta badeecada ganacsatada maamulka Somaliland doonayaan inay soo iibgeeyaan ku yeelan doonto ganacsatada Puntland oo badeecooyin ka soo dejiya dekadaha Puntland. โ€œHeshiis ganacsi oo dhexmara Puntland iyo Somaliland ma aha suurtaggal inta maamulka goosasho-doonka ahi sheeganayo dhul ka mid ah Puntlandโ€ ayuu yiri siyaasi ku sugan Garoowe oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. ยฉ Puntland Post, 2025 The post Tartanka Dekadaha Boosaaso iyo Berbera oo si baโ€™an u saameeyay danaha Imaaraatka iyo Biritayn appeared first on Puntland Post.
  10. Toronto, Canada (HOL) โ€” Ifrah F. Ahmed, a Somali-born chef and writer, is pioneering efforts to preserve and promote Somali cuisine through her culinary pop-ups and food writing. Based between New York and Seattle, Ahmed's work centers on food culture, migration, and the oral traditions of Somali cooking, blending culinary artistry with historical documentation. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir deg-deg ah oo looga hadlayey dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka. Shirkan ayaa u dhexeeyey Xukuumadda iyo xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka, kuwaas oo weli lagu muransan yahay shaqada loo igmaday, kadib markii ay si adag uga horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka. Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si talada dib loogu celiyo shacabka, una soo doortaan hoggaankooda. Wuxuu sheegay in arrintani ay tahay xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka maqnayd muddo ku siman konton sano. Raโ€™iisul Wasaare Xamza ayaa faray wasaaradaha iyo hayโ€™adaha ku shaqada leh in ay si dhow ula shaqeeyaan guddiga, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada. Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay gacanna dalka doorasho uga qabanayso, gacanna cadowga uga xorreynayso. Guddiga Doorashooyinka oo la dhisay bishii November ee sannadkii hore, ayaa tan iyo markaas ku howlanaa hirgelinta habraaca doorashada qof iyo cod, iyagoo dhawaan bilaabay diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, inkasta oo ay ganafka ku dhufteen mucaaradka. The post Xamza iyo guddiga doorashooyinka oo shir deg-deg ah yeeshay โ€“ Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  12. 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi โ€“ Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi wuxuu hadda ahaa Xildhibaan iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka intii u dhaxeysay 2016โ€“2022. Mar kale ayaa dib loo doortay 2022-kii. Mudane Jibriil wuxuu sidoo kale waqti ka mid ah macallin ka ahaa Jaamacadda Soomaaliya (University of Somalia), gaar ahaan kulliyadda Maamulka Ganacsiga, halkaas oo uu ka dhigayay maadooyin ay ka mid yihiin Maaliyadda Dadweynaha, Maareynta, Hoggaaminta iyo Maareynta Kheyraadka Aadanaha. Dhanka waxbarashada, Mudane Jibriil wuxuu haystaa shahaadada Bachelor of Arts ee Maamulka Ganacsiga oo uu ka qaatay Jaamacadda Nairobi, Kenya, iyo shahaado la xiriirta Xisaabaadka Maamulka (Managerial Accounting) oo uu ka bartay ACCA. Wuxuu si wanaagsan ugu hadlaa saddex luqadood: Soomaali, Ingiriis, iyo Carabi. Ma jirto wax Khibrad Ciidan ah oo uu leeyahay. 2. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur โ€“ Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo Sidoo kale loo yaqaano Jaamac waxaa uu Golaha Wasiirada kusoo biiray 2020kii Markii la Magacaabay Raโ€™iisul Wasaare Rooble. Waxaa uu noqday Wasiirka Caddaaladda ka dibna waxaa loo Magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga oo uu haayay ilaa iyo Hadda. Mudane Jaamac waxaa uu Sidoo kale soo noqday Taliye ku xigeenka NISA, Safiir ku xigeenka Turkiga iyo Sidoo kale Lataliyaha Sare Gudoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaankii 10 aad. 3. Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) โ€“ Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) Waxaa uu hadda ahaa Wasiirka gaadiidka iyo Dekedaha Soomaaliya. Sidoo kale Waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeedda gobolka Sanaag. Xilkaan hadda laga soo bedelay waxaa loo Magacaabay bishii October ee Sanadkii hore. Ma jirto Xilal dowladeed oo uu horay usoo qabtay. 4. Md. Maxamed Faarax Nuux โ€“ Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md. Maxamed Faarax Nuux waa Aqoonyahan si weyn looga yaqaano deegaanada Maamulka Puntland. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu soo galay sanadkii 2022kii. Waa markii ugu horreysay ee noqday Wasiir heer Federaal ah. wuxuu Bedelay Fardowsa Cigaal. 5. Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali โ€“ Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali uu ka mid ahaa Kooxdii ololaha Gudoomiye ku xigeenka koowaad Golaha Shacabka Sacdiyo. Markii ugu horreysay ee lasoo dhisay Xukuumadda Raโ€™iisul Wasaare Xamse waxaa uu noqday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta oo uu ahaa ilaa iyo hadda. Source: goobjoog.com
  13. NAIROBI, Kenya (HOL) โ€” More than four years have passed, yet the family of Shaffi Noor is still searching for answers. The 21-year-old was last seen outside a Garissa courtroom on December 29, 2021โ€”just moments after being acquitted of terror-related charges. Witnesses say masked officers, suspected to be from Kenya's Anti-Terror Police Unit (ATPU), seized him and disappeared without a trace. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) โ€” More than 100 suspected al-Shabab militants briefly took over a remote village in Kenyaโ€™s Lamu County, gathering residents, delivering a sermon, and distributing food before disappearing into the dense Boni Forest, security officials said Sunday. Source: Hiiraan Online
  15. โ€œThis is a payment of debt. Definitely we are trying our best to show our gratitude and also to stand by our brothers and the nation of Sudan.โ€ Source: Hiiraan Online
  16. Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada difaaca Puntland iyo koox ka tirsan mileeshiyaadka ISIL ayaa hadda ka socda afaafka laga galo togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay ku goโ€™doonsan yihiin kooxdaasi. Ciidamada difaaca Puntland oo saaka qaaday hawlgal qorshaysan ayaa duhurnimadii maanta u daatay godad ay ku dhuumanayeen argagixisada ISIL halka lagu magacaabo Isha-Tabakar oo dhacda afaafka togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda 6 dagaallame oo dhammaantood ah ajaanibta firxadka mileeshiyaadka ISIL looga dilay dagaalka socda, halka dhinaca ciidamada difaaca dowladda Puntland ay ka dhaawacmeen dhawr askari. Xafiiska warbaahinta u qaabilsan hawlgalka ciidamada Puntland ee buuraha Calmiskaad oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ciidamadu hawlgal ka wadaan degaanka Isha-Tabakar ee togga Miiraale balse ma sheegin faahfaahin intaasi ka baxsan. โ€œCiidanku wuxuu maanta hawlgal ka wada deegaannada u dhow Togga Miiraale, meelaha hawlgalku ka socdo waxaa ka mid ah deegaanka Isha Tabakarโ€ ayuu yiri xafiiska warfaafinta hawlgalka ciidamada ee buuraha Calmiskaad oo qoraal soo saaray. PUNTLAND POST The post Miiraale: Ciidamada Puntland oo maanta godadka ugu daatay mileeshiyaadka goโ€™doonsan ee argagixisada ISIL appeared first on Puntland Post.
  17. โ€œQofka Soomaaliga ah haddaad weydiiso sababta uu u diidayo in Somaliland Dawlad madax-bannaan noqoto, ama dhibta ay ku hayso in Somaliland dal noqoto, wuxu kuugu jawaabayaa โ€œ Dadka Somaliland waa hormuudka Soomaalida, sidaa awgeed haddii aad naga tagtaan waanu kala tegaynaa, waxaana meesha ka baxaya dawladnimada Soomaaliyaโ€ waa aragti salka ku haysa aan keligay noolaado (Selfish being). Waa aragti odhanaysa aan keligay noolaado, cid kalena aan u ogolayn nolol iyo horumar. Weligood ismay weydiin, waar dadkani iyagu maxay rabaan. Haddii tamarta ay gelin lahaayeen sidii ay dawlad u dhisan lahaayeen, wax la garto ayey noqon lahayd. Waxa keliya ee ay heshiish ku yihiin waa minjoxaabinta iyo xinka Somaliland. Waa caqliga muraala-dillaacsan in diyaarada Itoobiya magaca Somaliland ku qortay website-keeda. Maxaa lagu sifayn karaa caqligaas oo aan ahayn โ€œMugdi baad gudaysaaye Oradoo magnuunyahoow Maanka alle kaa qaadye Danahaaga maamuloโ€. Caqligooda waxay isleeyihiin waxaad beerlaxawsan karaysaan dadka reer Somaliland. Balse waxayna ogayn, in mar kasta oo ay arrimahan ku kacaan ay quwayso midnimada ummada reer Somaliland. Waa arin baraarujin u ah dadka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa aan weli ogayn dhagarta Soomaaliya u maleegayso, una iftiiminaysa in jiritaankooda ummadeed dagaal lagula jiro. Kusii socda ayaan leenahay hawlo wacyigelineed baad noo haysaane. โ€œGardarada badheedhka ah Garowshiiyo kama sugo Gafka iyo xumaantana Golohooda maba tago Guul guulka ficilkiyo Ninka yidhi gobbaan ahay Adiguna gunbaad tahay Gaashaandhig mooyee Hadal dheerba kama guroโ€ Waa halkii Abwaan Hadraawi ka lahaa โ€œWaxa ina rag ii guulayaa , tiisa gaarka ahe Anna waxaan goโ€™aansaday inaan, lay gaboodfalineโ€โ€ Ibrahim Qaran News
  18. (ERGO) โ€“ Six months after opening a menโ€™s clothing store in the Somali capital Mogadishu, Mohamed Omar Hussein is proud to manage the lives of his four siblings and mother. His new venture has transformed their circumstances, providing stability and hope. Source: Hiiraan Online
  19. Beledweyne (Caasimada Online) โ€“ Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen galbeedka gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab. Howlgalka oo ay qaadeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilabanaaney oo u dhow deegaanka Jicibow, waxaana lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi. Guriga la weeraray ayaa waxaa xilligaas joogay sarkaal sare oo Shabaab ah, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdirashiid Banaaney, laguna khaarijiyay howlgalka. Sidoo kale waxaa lala dilay maleeshiyaad kale oo ku sugnaa deegaanka la weeraray, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku aadan howlgalkaasi. Cabdirashiid Banaaney ayaa lasoo wariyay inuu ahaa sarkaal dhibaato xooggan ku hayay dadka deggan galbeedka Hiiraan, waxaana maanta soo afjaray ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada halkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka sii wadaan gobolka Hiiraan, kuwaas oo looga hortegayo kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca Khawaarijta oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda. Galbeedka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo dhex-mara labada dhinac. Guud ahaan HirShabeelle ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo aad u culus, iyada oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta iyo dadka deegaanka oo qorshahoodu yahay inay ka hortagaan Al-Shabaabka soo galay gudaha maamulkaas. Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah oo iyana duqeymo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliya deegaannada ay ka socdaan howlgallada ee gobolkaasi. The post Xogta howlgal qorsheysan oo ciidanka dowladda ay ku dileen Cabdirashiid Banaaney appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn iyo xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada. Wasiirrada xilka laga qaaday waxaa ugu weynaa Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kaas oo loo beddelay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiir Jaamac ayaa muddooyinkii dambe wajahayay cadaadis uga imaanayay dhanka wakiillada caalamka, gaar ahaan dowladda Mareykanka. Mareykanka, oo gacan weyn ka geysta howlaha taakulada ciidanka, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka caga-jiidayay taageerada ciidanka iyo dhanka la-dagaallanka argagixisada, sababo la xiriira is-fahan waa soo kala dhex-galay isaga iyo Wasiir Jaamac. Mareykanka ayaa dhowr jeer Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku wargeliyay in uu jiro wada-shaqeyn laโ€™aan kala dhexeysa Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ahaa masโ€™uulkii ugu sarreeyay difaaca. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn oggolaaday cadaadiskii Mareykanka ee ahaa in Wasiir Jaamac laga wareejiyo Wasaaradda Gaashaandhigga, taas oo in muddo ah ay diidanaayeen. Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si weyn ugu xirnaa dowladda Turkiga, oo la rumeysan yahay in muddo badan ay xilka ku haysay, hase yeeshee waxaa muuqata in dowladda federaalka ay dooratay Mareykanka, maadaama taageerada Mareykanka ee ciidanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka weyn tahay midda Turkiga. Jaamac intii uu xilka hayay, waxa uu la kulmay dhalleeceyn xooggan, iyadoo si weyn loo naqdin jiray tallaabooyinkiisa, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada. Wasiirkan ayaa sidoo kale si weyn u weerari jiray mucaaradka, isagoo mar kasta dowladda Xasan Sheekh ka difaaci jiray eedeymaha uga imaanayay siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuuna qof firfircoon ka ahaa baraha bulshada. Taas ayaa keentay in bulshadu si adag u dhaliisho, maadaama uu inta badan waqtigiisa ku bixin jiray baraha bulshada, halkii uu diiradda saari lahaa waajibaadka Wasaaradda Gaashaandhigga. The post Xog: Sababta ka dambeysa iyo dowladda dalbatay in xilka laga qaado Wasiir Jaamac appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu, Somalia โ€“ Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre reshuffled his cabinet on Monday, removing Defense Minister Abdulqadir Mohamed Nur, alias โ€œJaamac,โ€ from his post amid growing U.S. pressure and an unrelenting insurgency by Al-Shabaab. Nur, reassigned to the Ministry of Ports and Maritime Transport, has been replaced by Jibril Abdirashid Haji, signaling a shift in Somaliaโ€™s security leadership as it braces for a pivotal military transition. The shake-up follows months of friction between Nur and the United States, Somaliaโ€™s key counterterrorism partner. The latter had scaled back support due to strained cooperation. With Al-Shabaab still posing a lethal threat, the move underscores Mogadishuโ€™s reliance on American aid over rival backer Turkey. U.S. pushes for change Sources told Caasimada Online that Nurโ€™s exit from the defense ministry stems from mounting U.S. frustration. Washington, which funds Somali troops and conducts drone strikes against Al-Shabaab, had flagged a lack of coordination with Nur, a concern raised repeatedly with President Hassan Sheikh Mohamud. According to our sources, Mohamud approved Nurโ€™s transfer after initial resistance, prioritizing U.S. supportโ€”estimated at over $100 million annuallyโ€”over Turkeyโ€™s military ties. Nur, in office since December 2021, is known to have cultivated close ties with Turkey, another significant international actor in Somalia, offering substantial humanitarian aid and security sector support. There are suggestions that Ankara had previously helped bolster his position within the government. However, the latest reshuffle suggests a potential recalibration of Mogadishuโ€™s strategic alliances, seemingly prioritizing the continued security partnership with the United States, considered indispensable in the ongoing fight against the Al-Shabaab extremist group. Analysts also see the reshuffle as a strategic pivot, with U.S. assistance dwarfing Turkeyโ€™s contributions. โ€œSomalia canโ€™t afford to lose American firepower,โ€ said a Somali security expert Ahmed Abdi. Nurโ€™s tenure: Criticism and clashes Nurโ€™s stint as defense minister drew sharp criticism. Despite territorial gains in 2022 and 2023 under Mohamudโ€™s anti-Al-Shabaab offensive, progress stalled in 2024. His combative social media presence further fueled controversy. Known for sparring with critics and defending Mohamudโ€™s government, analysts say Nur often prioritized online battles over security duties. The reshuffle coincides with a critical juncture in Somaliaโ€™s fight against Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate that has waged war since 2006. A December 2024 UN report warned that Al-Shabaab rakes in $100 million yearly through extortion and smuggling, exploiting weak governance. The groupโ€™s resilience has intensified pressure on Mogadishu to unify its fractured security strategyโ€”a challenge now facing new Defense Minister Jibril Haji. The cabinet changes highlight Somaliaโ€™s delicate dance between allies. Turkey, a partner since 2011, has rebuilt infrastructure and trained troops, while the U.S. focuses on direct strikes and funding. Nurโ€™s shift to the ports ministryโ€”a vital economic post amid a drought that has displaced over a million people since 2023โ€”may appease Ankara while addressing Washingtonโ€™s demands. The post Somalia defence minister sacked amid US pressure appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) โ€“ Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow soo saaray wareegto uu isku shaandheyn iyo xilka qaadis ugu sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada. Saddex wasiir ayaa la isku beddelay, iyada oo loo kala wareejiyay wasaaradaha ay kala joogeen, halka labo wasiir oo kalena xilka laga qaaday. Sidoo kale waxaa Golaha lagu soo daray wasiir ku xigeenno cusub oo qaarkood xildhibaanno ah, iyada oo kuwii horay u hayay xilalkaas la eryay. Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli uu maalmahan culays xooggan wajahayay raโ€™iisul wasaaraha, kadib markii uu soo if-baxay guuxa mooshin xilka looga qaadayo oo ay wadaan qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka, taas oo la rumeysan yahay inay soo dadajisay isbeddelka deg-degga ah ee uu Xamza ku sameeyay golihiisa wasiirada. Hoos ka akhriso liiska oo dhammeystiran:- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ฎ Cabdiqaadir Maxamed Nuur โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ธ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ Maxamed Faarax Nuux โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ Maxamed Cabdiqaadir Cali โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Sahuur Xaaji Culusow Xasan โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Sulub Axmed Firin โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Aamina Xuseen Cali โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xuseen Cali Xaaji โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Fartuun Cabdiqaadir Faarax โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dahabo Suusow Muunye โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cismaan Axmed Macow โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka The post Raโ€™iisul Wasaare Xamza oo eryay wasiiro, kuwa cusubna magacaabay + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  23. Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo isku shaandhayn ku sameeyay Xukuumadda XFS ayaa magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya Golihiisa Wasiirada. Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale beddel ku sameeyay qaar kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirada kuwaasi oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo wareejiyay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda DFS. Saddex Wasiir ayaa la isku bedelay oo loo kala wareejiyay Wasaaradaha ay kala joogeen, halka labo wasiir xilka laga qaaday, sidoo kale waxaa Golaha lagu soo daray Wasiir kuxigeeno cusub oo qaarkood Xildhibaano ah, kuwa horay xilalkaas u hayay waa laga qaaday. 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ฎ 2. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ธ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ 3. Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ 4. Md. Maxamed Faarax Nuux โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ 5. Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ 6. Md. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada 7. Mw. Sahuur Xaaji Culusow Xasan โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha 8. Md. Sulub Axmed Firin โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha 9. Md. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha 10. Mw. Aamina Xuseen Cali โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada 11. Md. Xuseen Cali Xaaji โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada 12. Mw. Fartuun Cabdiqaadir Faarax โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 13. Md. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha 14. Md. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta 15. Mw. Dahabo Suusow Muunye โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha 16. Md. Cismaan Axmed Macow โ€“ Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka. PUNTLAND POST The post Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo isku shaandhayn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada appeared first on Puntland Post.
  24. Mogadishu (HOL) โ€” Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre reshuffled his cabinet on Monday, making significant changes to key ministerial positions in a decree issued by his office. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Kooxda Ansar Allah ee Yemen, oo sidoo kale loo yaqaan Xuuthiyiinta, ayaa si weyn u ballaarisay iskaashiga ay la leedahay kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya, sida Al-Shabaab iyo Daacish-Soomaaliya (ISS). Inkasta oo kooxahan ay kala leeyihiin aragtiyo mabdaโ€™iyan aad u kala duwanโ€”Ansar Allah oo ah Shiico, Al-Shabaab oo la xiriirsan Al-Qaacida, iyo ISS oo hoostagta Daacishโ€”haddana waxa ay ka mideysan yihiin cadaawadda ay u qabaan Maraykanka iyo Israaโ€™iil, iyo danaha istiraatiijiga ah ee la xiriira helitaanka hub iyo maalgelinta dhaqaale. Iskaashigooda waxa uu si weyn u saameynayaa amniga badda ee gobolka, gaar ahaan marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab. Xuddunta iskaashiga iyo tahriibka hubka Soomaaliya, oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, ayaa si istiraatiiji ah muhiim ugu noqotay Ansar Allah, iyada oo u sahleysa tahriibinta hubka iyo howlaha badda. Xiriirka taariikhiga ah ee Yemen iyo Soomaaliya ayaa horay u xoojiyay socdaalka, is-dhaafsiga dhaqan-dhaqaale, iyo ganacsiga labada dhinac. Sannadkii 2023 oo kaliya, in ka badan 97,000 qof ayaa ka tallaabay Soomaaliya una gudbay Yemen iyada oo loo marayo shabakadaha tahriibka. Ganacsiga hubka ayaa door muhiim ah ka ciyaara xiriirka kooxahan. Inkasta oo Qaramada Midoobay ay cunaqabateyn hub saartay Yemen, haddana Iran waxay si qarsoodi ah hub ugu gudbisaa Ansar Allah. Intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2023, maraakiibta isbahaysiga caalamiga ah ayaa gacanta ku dhigtay 16 doonyood oo hub u siday Yemen, kuwaasoo ka koobnaa kumanaan qoryo ah, gantaallo lidka taangiyada ah, iyo malaayiin xabbo oo rasaas ah. Qaar ka mid ah hubkaasi ayaa laga helay Soomaaliya, taasoo muujinaysa xiriirka tahriibka hubka ee kooxahan. Iran waxay muddo dheer u aragtay Geeska Afrika mid istiraatiiji ah, waxaana ay tan iyo siddeetameeyadii xoojisay joogitaankeeda gobolka iyada oo adeegsaneysa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC). Tehran waxay horey u taageertay madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al-Bashiir, waxay gacan siisay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya sanadkii 2006, waxayna raadisay in ay saldhig militari ka yeelato Eritrea. Isku dayadan waxa ay Iran uga gol lahayd in ay xoojiso saameynteeda, jebiso goโ€™doonka caalamiga ah, iyo in ay horumariso shabakado tahriibin oo ay ku taageerto kooxo ay xulafaysatay sida Ansar Allah. Iskaashiga sii xoogeysanaya Iskaashiga u dhexeeya Ansar Allah iyo kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn u kordhay tan iyo 2016, gaar ahaan xilliyadii uu xoogeysaday dagaalkii Gaza ee 2023. Hoggaamiyaha Ansar Allah, Abdul-Malik al-Houthi, ayaa si cad u taageeray weerarada lagu carqaladeynayo maraakiibta, isaga oo ku sababeeyay in ay qeyb ka tahay taageerada Gaza iyo iska caabinta saameynta Reer Galbeedka ee Afrika. Bishii Janaayo 2024, Maraykanka wuxuu shaaciyay in iskaashiga u dhexeeya Ansar Allah iyo Al-Shabaab uu sii xoogeystay. Warbixinada sirdoonka ayaa muujinaya in labada dhinac ay heshiis ku gaareen in Ansar Allah ay Al-Shabaab siiso hub iyo tababar, halka Al-Shabaab ay kordhiso weerarada burcad-badeednimo iyo afduubka maraakiibta maraya biyaha Soomaaliya. Xiriirka u dhexeeya Al-Shabaab iyo burcad-badeedda Soomaalida ayaa muddo dheer jiray, taasoo ka dhigan in iskaashigan cusub uu labada dhinac u keenayo faaโ€™iido istiraatiiji ah. Iran iyo Al-Shabaab waxay xiriir lahaayeen sanado badan, waxaana la rumeysan yahay in Iran ay u ogolaatay Al-Shabaab in ay cunaqabateynta Qaramada Midoobay uga baxsato iyada oo dhuxul ka dhoofinaysa dekedaha Iran. Waxaa sidoo kale la tuhunsan yahay in Tehran ay siiso Al-Shabaab taageero dhaqaale iyo hub si ay u beegsato danaha Maraykanka ee Bariga Afrika. Xiriidhka u dhexeeya Ansar Allah iyo Daacish-Soomaaliya (ISS) ayaa xoogeystay sanadkii 2021, markii ay bilaabeen tahriibinta hub yar yar. Intii u dhexeysay Noofembar 2023 iyo Maajo 2024, xubno ka tirsan Ansar Allah ayaa la sheegay in ay booqdeen waqooyi-bari Soomaaliya, halkaasoo ay ka wada shaqeeyeen sirdoonka iyo dabagalka maraakiibta. Ansar Allah waxay ISS ugu beddeshay xogahaasi diyaarado aan duuliye lahayn oo is-qarxin kara iyo tababarro dhanka farsamada ah. Bishii Agoosto 2024, ciidamada ammaanka Puntland waxay gacanta ku dhigeen shan diyaaradood oo ay Ansar Allah siisay ISS, iyaga oo xabsiga dhigay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ISS. Bilowgii 2025, ISS waxay diyaaradahan is-miidaamin ah la beegsatay ciidamada Puntland, taasoo muujineysa khatarta sii kordheysa ee iskaashiga kooxahan. Inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho diineed, Ansar Allah waxay si xeel-dheer ah ula shaqeysay kooxaha xagjirka ah ee Sunniga ah, sida Al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta (AQAP), taasoo u fududeysay hub-is-weydaarsiga, is-dhaafsiga maxaabiista, iyo taageerada farsamo. Saamaynta goboleed iyo amni Isbahaysiga u dhaxeeya Ansar Allah, Al-Shabaab, iyo ISS wuxuu si weyn u sii xumeeyay xasilloonida gobolka iyo ammaanka badaha caalamiga ah. Iskaashigooda wuxuu caqabad ku noqday dadaallada caalamiga ah ee lagu joojinayo tahriibka hubka, maadaama marinnada sirdoon ee la adeegsado ay is-bedbedeleen. Hubka la tahriibiyo wuxuu inta badan ka yimaadaa Iran, isaga oo mara biyaha Kenya iyo Tanzania, ka hor inta aan lagu wareejin doonyo yar yar oo ka ambabaxaya Soomaaliya una gudbaya xeebaha Yemen. Kooxahan waxay is-dhaafsadaan qalab casri ah, sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaallada, taasoo sii xoojisay awoodooda militari. Ansar Allah waxay si gaar ah uga faaโ€™iideysataa xeebaha Soomaaliya, taasoo u suuragelisa in ay si joogto ah u hesho qalab ay ka helayso Iran iyo Shiinaha si ay u horumariso barnaamijkeeda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Dekedaha muhiimka ah ee tahriibka hubka waxaa ka mid ah Boosaaso ee Puntland iyo Berbera ee Somaliland. Hoggaamiyaha Ansar Allah, Abdul-Malik al-Houthi, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday qorsho lagu ballaarinayo hawlgallada badda, isaga oo xusay in bartilmaameedyada mustaqbalka ay gaari doonaan Badweynta Hindiya. Intii lagu jiray dagaalkii Gaza, Ansar Allah waxay xoojisay weerarada ka dhanka ah maraakiibta, iyada oo iskaashi la sameysay burcad-badeedda Soomaalida iyo kooxaha xagjirka ah, taasoo sii kordhisay saameynta Iran ee marinnada ganacsiga caalamiga ah. Istiraatiijiyaddan waxay Iran u suurtagelisay in ay xoojiso saameynteeda Geeska Afrika, taasoo sii kordhisay loollanka kala dhexeeya Maraykanka, dowladaha Khaliijka, iyo Israaโ€™iil. The post Kooxda Ansar Allah oo ku sii ballaaraneysa Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.