-
Content Count
213,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaadashadiisa waxay iga dhigeysaa inaan dareemo ammaan.” Verónica Velásquez, oo ah soo galooti aan haysan wax warqad ah kana timid Filibiin kuna nool Los Angeles, waxay had iyo jeer ku sidataa boorsadeeda kaar cas oo yar. Mararka qaarkood waxaa loogu yeeraa “kaarka-ogaanshahaaga-xuquuqda”, wuxuu xusuusin u yahay sida Verónica iyo kuwa kale xuquuqdooda dastuuriga ah iyo waxa ay tahay inay sameeyaan marka ay la macaamilayaan mas’uuliyiinta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka (ICE) ee Maraykanka. Waxaa kaarkaan hindistay xarun ka shaqeysa arrimaha sharciga iyo socdaalka oo la yiraahdo ILRC ku dhawaad labaatan sano ka hor waxaana hadda lagu heli karaa 19 luqadood. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii Donald Trump uu xafiiska la wareegay 20-kii Janaayo isla markaana uu ballanqaaday inuu fulinayo “masaafurintii ugu weyneyd ee taariikhda”, baahida kaarkaan ayaa cirka isku shareertay. “Tan iyo doorashadii madaxweynaha 5tii Noofambar, waxa naloo soo gudbiyay codsiyo ah sagaal milyan oo kaarar ah, in ka badan wadarta guud ee 17-kii sano ee la soo dhaafay,” xaruunta ILRC ayaa sidaasi sheegtay. Xuquuqda iyo tilmaamaha” Qof kasta oo ku nool Maraykanka, iyadoon loo eegayn xaaladdiisa socdaal, waxa uu leeyahay xuquuqo uu dammaanad qaaday dastuurka waddanku. Kaararka cas ee ILRC-da waxay bixinayaan tusaalayaal sida dadka halista ugu jira masaafurinta ay u wajihi karaan xaaladaha nolosha dhabta ah, sida marka wakiilada ICE ay yimaadaan gurigooda. Kaarku waxa uu ku talinayaa in la isticmaalo wax ka beddelka shanaad – taas oo ka ilaalinaysa shakhsiyaadka in lagu qasbo in ay naftooda dembi u gaystaan iyo in ay diidaan in ay ka jawaabaan su’aal kasta oo kaga timaadda mas’uuliyiinta socdaalka. Waxa kale oo kaarku ka caawinayaa dadka in qofku aanu u ogolaan qolyahay socdaalk gurigiisa haddii aanu wadan warqad maxkamadeed oo uu garsoore ku saxiixanyahay. Xigashada Sawirka,Handout Qoraalka sawirka,Kaarka cas iyo boggiisa tilmaamaha bixinaya Midabku wuxuu tixraac u yahay kaararka cas ee ay garsoorayaashu u isticmaalaan ciyaaraha kubbadda cagta si ay ciyaartoy uga saaraan garoonka marka uu khalad galo. ILRC oo fadhigeedu yahay California waxay sheegtay in ay fikradda la timid 2007dii, ka dib weeraro isdaba joog ahaa oo lagu bartilmaameedsaday shaqaale sharci darro ah oo “argagax geliyey bulshada”. Ururku wuxuu kaararka u qaybiyaa ururada aan macaash doonka ahayn iyo ganacsiyada si ay ugu qaybiyaan dugsiyada, kaniisadaha, xaruumaha caafimaadka ama bangiyada, iyo qareenada la shaqeeya muhaajiriinta iyo magangalyo-doonka. Qof kastaa wuu daabaca karaa isaga oo muujinaya qoraallada ku xardhan ee tilmaamaha bixinaya. Kaarka mid ka mid ah dhinacyadiisa ama labadiisa boq waxaa ku qoran luuqadda Ingiriiska halka bogga kalane uu qofku ku qoron karo luuqaddiisa gaarka u ah. Waxaa lagu daabici karaa Isbaanish, Boortaqiis, Carabi, Creole, Ruush, Yukreeniyaan, Fiyatnaamiis, Shiinees iyo kuwo kale, taasoo muujineysa kala duwanaanshaha dadka soogalootiga ah ee Mareykanka. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Waa nin ay xireen ciidamada laanta socdaalka Mareykanka Sida ay sheegtay xaruunta cilmi-baarista ee Pew, 11 milyan oo muhaajiriin sharci-darro ah ayaa ku sugnaa gudaha Mareykanka sanadkii 2022-ka. Tiradaas waxay ka dhigeysaa 23% dhammaan muhaajiriinta Maraykanka iyo 3.3% dadka guud ee dalkaas. Qiyaastii afar milyan ayaa asal ahaan ka soo jeeda Mexico, sidoo kale ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa u dhashay saddexda dal ee loogu yeero Saddex-xagalka Waqooyi ee Bartamaha Ameerika (El Salvador, Honduras iyo Guatemala). Sidoo kale waxaa jira soo galooti ka soo jeeda bulshooyinka Aasiya, Afrika iyo meelo kale, waxaana dadka u dhaqdhaqaaqa muhaajiriinta ay sheegayaan in xaqa lagu qeexay kaarka cas uu noqon karo faraqa u dhexeeya sii joogitaanka dalka ama in la eryo. “Waxay tahay aalad fudud, laakiin saameyn weyn ayey yeelan kartaa,” ayaa tiri Dalia Zetina, oo ka socota Dream Project Center ee jaamacadda Coastline ee Newport Beach, California. “Wuxuu sidoo kale caawiyaa qofka haysta inuu dareemo ammaan marka uu ka baxayo guriga ama uu u socdo shaqada,” ayay tiri iyada oo la hadlaysay BBC Mundo. “Waxaa dhici karta inaad isku dhex yaacdi haddii wakiil ku istaajiyo. Marka waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad sameyso waa inaad qaadato kaarka oo aad akhrido, ama si toos ah u siiso,” ayay tiri. Xarunta ay ka shaqeyso ayaa bulshada u qaybisay 700 kaar oo ay ku qoranyihiin af-Spanish, af-Tagalog, iyo iyo af-Vietnamese. ‘Ka fogow kaarka xiritaanka’ Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Dadka soo galootiga ah ayaa dareemaya cabsi xooggan tan Saraakiisha maamulka Trump ayaa si weyn u dhaleeceeyay hay’adaha NGO-yada iyo ururo iskaa wax u qabso ah oo sheegay in ay caawinayaan dadka soogalootiga ah ee aan haysan deganaansho sharci ah si ay u ” uga hortagaan” wakiilada ICE. “Waxay ugu yeeraan ololahaan ‘ogow xuquuqdaada,’ waxey ugu yeerayaan ‘sida looga fogaado in la xiro,” ayuu yiri Tom Homan, oo ah taliyaha xuduudaha ee Trump oo mas’uul ka ah howlaha masaafurinta. Waxa uu u sheegay Fox News: “Ma jiraan wax naga hor istaagaya in aan tarxiilino soogalootiga dambiilayaasha ah, waxaanu qaban doonaa shaqada.” Musaafurinta soogalootiga waxay ahayd mid ka mid ah balamihii ugu waaweynaa ee Trump xilligii ol’olaha doorashada, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, weerarada guryaha iyo goobaha shaqada ayaa ku soo badanayay Mareykanka. Maamulka cusub ayaa adeegsada baraha bulshada si uu ugu baahiyo waxqabadkiisa. Aqalka Cad, Waaxda Amniga Gudaha iyo ICE ayaa maalin walba daabaca sawirro dad la xiray, oo mararka qaarkood-na soo bandhiga dad la saarayo diyaarad, iyagoo ka katiinadeysan gacmaha iyo lugaha. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in falalkan ay dani ugu jirto ammaanka qaranka, ayna dib u celinayaan “dambiilayaasha”. Si kastaba ha ahaatee, tirooyinka ay heshay NBC News ayaa muujinaya in in ka badan 40% dadka la xiray aysan lahayn wax dambi ah. Waxay ogaadeen in 4,422 qof oo ay ICE xirtay labadii toddobaad ee ugu horreeyay Febraayo, 1,800 ka mid ah aan wax xukun ah lagu ridin amba aan lagu soo eedeyn fal-dambiyeed . Cabsida ay ka qabaan dadka muhaajiriinta ah in la qabqabto ayaa ku baahday Mareykanka, hase-yeshee kaarkan cas ayaa la rumeysanyahay in xaaladda uu wax ka badeli karo. Bbcsomali Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhammeystiraya xayiraad cusub oo lagu soo rogayo safarka dadka ka imanaya dalal gaar ah, taasi oo ka ballaaran tii uu madaxweynuhu soo rogay muddo xileedkiisa koowaad, sida ay New York Times u sheegeen laba mas’uul oo arrintan xog ogaal u ah. Qoraal qabyo ah oo dhex wareegaya waaxyaha xukuumadda ayaa soo jeedinaya in la sameeyo liis “gaduud” ah oo ay ku jiraan dalal uu muwaadiniintooda Trump ka mamnuuci karo in ay Mareykanka soo galaan, sida ay sheegeen saraakiishan oo codsaday in aan la magacaabin. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa sheegay in liiska cas ee la soo jeediyay uu inta badan ka kooban yahay waddamadii horey xayiraadaha Trump uga jiray. Xilligaas, dalalkaasi waxa ahaayeen Cuba, Iran, Libya, Waqooyiga Kuuriya, Soomaaliya, Suudaan, Suuriya, Venezuela iyo Yemen. Qabyo qoraalkaan ayaa sidoo kale si hordhac ah u soo jeedinaya in Afghanistan lagu daro dalalka muwaadiniintooda si buuxda looga mamnuuci doono inay Mareykanka soo galaan, sida uu sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta. Shawn VanDiver, oo ah madaxa hay’ad samafal oo gacan ka siisa dib u dejinta muwaadiniinta Afghanistan ee la shaqeeyay ciidamada Mareykanka intii lagu jiray dagaalkii dalkaas, ayaa sheegay in uu ka war helay in dadka reer Afghanistan si buuxda looga mamnuuci doono in ay soo galaan Mareykanka. Subaxnimadii Arbacada, hay’addiisa ayaa soo saartay bayaan degdeg ah oo cinwaankiisu ahaa “Xayiraadda Socdaalka Afghanistan oo soo socota,” kaas oo loogu baaqay dadka Afghanistan ee haysta fiisayaasha saxda ah isla markaana haatan ka maqan Mareykanka in ay si degdeg ah dib ugu soo laabtaan. Galabkii Arbacada, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale werisay in Afghanistan loo soo jeedinayo xayiraad dhammaystiran. Soo jeedinta mamnuucidda waxa ay kaloo xambaarsan tahay liis “oranje” ah oo ay ku jiraan dalal laga xaddidi doono gelitaanka, balse aan si buuxda looga mamnuuci doonin. Tusaale ahaan, kaliya noocyo go’an oo fiisayaal ah ayaa la siin karaa—sida kuwa dad taajiriin ah oo u socdaalaya ganacsi ahaan, halka socdaalayaasha iyo muhaajiriinta laga xayiri karo—waxaana laga yaabaa in muddada fiisaha la gaabiyo. Codsadayaasha fiisaha waxa la khasbi doonaa in ay si shaqsi ah u wareystaan saraakiisha. Dalalka ku jira qaybta saddexaad ee loo bixiyay “jaalle” ayaa la siin doonaa 60 maalmood si ay u saxaan khaladaad la tuhunsan yahay, haddii kale waxaa lagu dari doonaa mid ka mid ah labada liis ee kale, sida ay sheegeen saraakiisha. Arrimaha laga yaabo in ay sababaan xayiraadaha waxaa ka mid ah in waddankaasi uusan Mareykanka la wadaagin xogta dadka u socdaalaya, in aanay jirin hannaan ammaan oo ku filan oo loo marayo bixinta baasaboorrada, ama in ay dad ka socda dalalka la mamnuucay si fudud u siinayaan dhalasho si ay uga gudbaan xayiraadaha socdaalka. Wali lama caddeyn in dadka horey u haystay fiisayaasha ay ka badbaadi doonaan mamnuucidda, ama in fiisayaashooda la laali doono. Dad badan oo reer Afghanistan ah ayaa loo ansixiyay in ay Mareykanka ku soo galaan iyagoo qaxooti ah ama iyagoo haysta fiisayaasha gaarka ah ee la siiyo dadka la shaqeeyay Mareykanka xilligii dagaalka. Sidoo kale lama caddeyn in dadka haysta Green Card, oo ah kuwa loo oggolaaday deganaanshaha rasmiga ah, ay saameyn doonaan xayiraadahani. Ku dhawaad 200,000 oo reer Afghanistan ah oo ku sugan dalkooda hooyo iyo 51,000 oo kale oo dibadda jooga, kuwaas oo kala bar ku sugan Pakistan, ayaa hadda ku jira hanaanka rasmiga ah ee loogu talagalay in lagu geeyo Mareykanka, halka kumannaan kalena ay diyaarsan yihiin oo ay xitaa haystaan hoy, sida uu sheegay Mr. VanDiver, oo ah sarkaal hore oo ciidan iyo madaxda AfghanEvac, oo ah hay’ad samafal. “Tani waa bulshada ugu la xisaabtanka badan ee la baaray abid,” ayuu yiri intii lagu jiray wareysi uu bixiyey Khamiistii. “Waa wax la yaab leh heerka ay dadkani u marayaan.” Wuxuu intaas ku daray in dad badan oo ka tirsan askartii hore ee Mareykanka, kuwaas oo horey ugu codeeyay Trump, ay haatan aad uga caroodeen wararka la xiriira xayiraadda socdaalka. “Waxay leeyihiin, ‘Tani ma ahayn wixii aan u codeeyay,’” ayuu yiri. “Heshiisku wuxuu ahaa in la keeno xulufadii dagaalka ee nala shaqeysay. Hadda waxay u muuqataa khiyaano.” Mid ka mid ah wareegtooyinka badan ee uu Trump saxiixay maalintii uu xilka la wareegay, wuxuu amray Waaxda Arrimaha Dibadda in ay soo ogaato dalalka “xogtooda baaritaan iyo hubin ay aad u liidato si loogu soo rogo xayiraad buuxda ama mid qayb ah oo lagu mamnuucayo muwaadiniintooda.” Trump wuxuu Waaxda Arrimaha Dibadda siiyay 60 maalmood si ay u dhammeystirto warbixin ay u diri doonto Aqalka Cad, taasoo la filayo inay diyaar noqoto labo toddobaad gudahood. Waxa uu sidoo kale faray Waaxyaha Cadaaladda iyo Amniga Gudaha iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka in ay ka shaqeeyaan mashruucan. Xafiiska saxaafadda ee Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in ay raacayaan wareegtada madaxweynaha islamarkaana ay ka go’an tahay “ilaalinta ammaanka qaranka iyo badbaadada muwaadiniinta Mareykanka iyada oo loo marayo hannaanka ugu adag ee fiisaha lagu bixiyo,” balse si gaar ah uma aysan faallayn arrimaha go’aannada gudaha. Waaxda Arrimaha Dibadda, gaar ahaan xafiiska la tacaala arrimaha socdaalka, ayaa loo xil-saaray diyaarinta qoraalka hore, balse liisaska saddexda qeybood ee kala duwan wali ma jiraan kuwo la xaqiijiyay, sida ay sheegeen dad xog ogaal u ah arrintan. Muddadii ololihiisa doorashada ee December 2015, Mr. Trump wuxuu si cad u dalbaday “mamnuucista buuxa ee Muslimiinta soo galaya Mareykanka ilaa iyo inta mas’uuliyiinta dalku ay ka ogaanayaan waxa saxda ah ee socda.” Kadib markuu xilka la wareegay Janaayo 2017, wuxuu Trump soo saaray xayiraad socdaal oo uu si tartiib tartiib ah u balaarinayay, taas oo markii hore diiradda saartay waddamada Muslimiinta u badan, balse markii dambe ay saameysay dalal sabool ah iyo kuwo Afrika ah. Markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Joe Biden Janaayo 2021, wuxuu baabi’iyay xayiraadihii Trump, isagoo dib ugu noqday hannaan lagu qiimeeyo shaqsi ahaan dadka ka imanaya dalalkaas. Wareegtadiisa, Biden wuxuu ku tilmaamay mamnuucidii Trump “mid khaldan,” isagoo xusay in ay ahayd mid “fadeexad ku ah sharafta Mareykanka.” Waxaa la filayaa in xayiraadaha cusub ee socdaalka ay sii xoojin doonaan muranka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha socdaalka Mareykanka. The post Trump oo Soomaaliya ku daraya liiska dalal la filayo in… appeared first on Caasimada Online.
-
Federal prosecutors have detailed how Aimee Bock, the former executive director of Feeding Our Future, allegedly misappropriated $1.9 million in federal food-aid funds meant to feed children during the COVID-19 pandemic. The revelations came as the prosecution neared the conclusion of its case against Bock and her co-defendant, Salim Said, the former co-owner of Safari Restaurant. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s Council of Ministers, led by Deputy Prime Minister Salah Jama, reaffirmed a resolution on Thursday aimed at intensifying efforts to combat misinformation and disrupt networks that provide direct or indirect support to terrorist groups. The move is part of the government’s broader strategy to bolster national security and counter extremist narratives. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dhawaan ay magacaabi doonto ergay u howlgala sii amba-qaadidda qorshaha badbaadinta ee dalka Suudaan. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad oo u waramay warbaahinta qaranka, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dagaalka sokeeye ee ka dhacay Suudaan, isagoo qiray in dalkaasi uu ka mid yahay dalalkii u soo gurmaday Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhexdhexaadinta arrimaha Suudaan, maadaama, ayuu yiri, “Soomaaliya ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.” “Suudaan waxay nagu leedahay abaal weyn, sidaa daraadeed waxaa naga go’an in dhawaan aan magacaabno ergay dhexdhexaadin doona labada dhinac ee ku dagaalamaya dalkaasi,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha. Soomaaliya ayaa hore u wargelisay madaxda dalalka Jaamacadda Carabta in ay ka soo horjeeddo faro-gelinta lagu hayo Suudaan, oo haatan uu ka socdo dagaal burburiyay kaabayaashii ugu muhiimsanaa ee dalkaasi. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo dhawaan ka qeyb-galay shirka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay dooneyso in Suudaan ay mid ahaato, isla markaana ay ka heshiiso khilaafka sababay gacan-ka-hadalka ee burburka geliyay dalkaas. Wuxuu dhinacyada isku haya dalkaas ugu baaqay in ay wada-hadlaan si ay u dhammeeyaan xiisadda, iyadoo laga fogaanayo faro-gelin dibadda ah. The post DF oo diyaarinaysa ergay gaar ah oo dhex-dhexaadiya dhinacyada isku haya… appeared first on Caasimada Online.
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-khaatumo ayaa lagu sheegay in Maamulka Somaliland uu Maanta oo Jimce ah Weerar ku soo qaaday Ciidamada Difaaca SSC ee Fadhigoodu yahay Jiidda Buqdharkayn ee Gobolka Sool. “Buqdharkayn Saacaddu markay ahayd Abaaro 10:00-kii subaxnimo, ayna tahay bil-ramadaan wuxuu Maamulka gooni-goosata ah ee Somaliland weerar iyo duulaan kusoo qaadeen fadhiisimooyinka Ciidamadda difaaca Maamulka SSC-khaatumo” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-khaatumo. “Waxaa bogaadin mudan sida geesinimadda iyo naf-hurka leh ee Ciidamada dhiiranayaasha Maamulkeena ay mar walba u beeninayaan damac walba oo qar iska tuurnimo ah oo ka yimaada gooni goosatada. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Bulshada SSC-KH inay Ilaashadaan dhulkooda, Garab iyo taageerana la bar-bar joogaan Ciidankooda” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale ku wargeliyay Beesha Caalamka in Somaliland tahay midda diiddan Nabadda iyo Xasiloonida “Waxaan Beesha caalamka iyo Ummada Soomaaliyeedba u sheegaynaa in Maamulka gooni goosatada Soomaaliland u yahay mid ka dheer xasillooonida kana caagan nabadda geeska.” Dhinaca kale, Maamulka Somaliland weli kama hadal eedeynta uga timid deriskooda Khaatumo oo ku saabsan in ay Weerar ku soo qaadeen Ciidamada SSC ee fadhiya Jiidda Buqdharkayn iyadoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijisay Khasaaraha Dagaalka labada dhinac. PUNTLAND POST The post Maamulka SSC-khaatumo oo Somaliland ku eedeeyay in ay Weerar ku soo qaaday Ciidamadooda fadhiya Jiidda Buqdharkayn appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa duqeyn ka fulisay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in diyaarado laga leeyahay Itoobiya ay duqeymaha fuliyeen, ayna ma warqabtay dowladda. Wasiirku wuxuu tilmaamay in weerarkan lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugan yihiin dagaal-yahaannada Al-Shabaab, inkasta oo uusan faah-faahin khasaaraha ka dhashay. Mar uu la hadlayay warbaahinta qaranka, Wasiirku wuxuu caddeeyay in duqeymuhu ay ahaayeen kuwo ay dowladda federaalka la socotay, islamarkaana aan la fulin karin weerarro noocan ah iyada oo aan dowladda la ogeysiin. Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin heshiis amni, gaar ahaan la-dagaallanka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wada-shaqeynta labada dal ee dhinaca amniga. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ay oggolaatay in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan howl-galka cusub ee AUSSOM. Si kastaba ha ahaatee, horey looma arag ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgal ka fulinaya Shabeellaha Dhexe, waana tallaabo loo qaaday iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagaxisada ee labada dhinac. The post Itoobiya oo duqeyn ka fulisay gudaha Soomaaliya iyo DF oo war ka soo saartay appeared first on Caasimada Online.
-
ENDING DEPENDENCE on foreign donors would not only lead to prosperity but also to “self-respect for our nation”. Thus argued Nana Akufo-Addo, then the president of Ghana, when he launched his “Ghana beyond aid” policy in 2017. Source: Hiiraan Online
-
Somalia, the easternmost country of Africa, is also referred to as a “Nation of Poets” or “Nation of Bards” for the Somali people’s deep appreciation for and proficiency with poetry. This form of storytelling has been used in Somali culture as early as storytelling has existed. The earliest poetry in Somalia is from the 18th century; a meditation by Sheekh Cali Cabduraxmaan. This ancient tradition has inspired a newer group that has surfaced just before the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii ay soo baxeen digniinaha amni ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxay dowladda qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo amniga garoonka. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka lagu mamnuucayo hubka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay gaareen golaha wasiirada, kadib markii ay dood xasaasi ah ka yeesheen arrintan. Wasiirka ayaa xusay in go’aanka ka soo baxay golaha wasiirada ee lagu mamnuucayo hubka loo qaatay in lagu xakameeyo hubka galaya garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa caddeeyay in ujeedka mamnuucidda hubka ee garoonka diyaaradaha uu yahay xojinta amniga iyo ilaalinta badqabka shacabka ku safra halkaasi. Golaha Wasiirrada oo shalay yeeshay shirkoodii caadiga ahaa ayaa waxay go’aamiyeen in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho. Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ‘weerarro laga cabsi qabo’ oo ka dhici kara goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho. Saacado kadib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho, inkasta oo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada la hakiyay iyo digniinta Mareykanka. The post DF oo soo saartay go’aano la xiriira amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
-
Asmara (Caasimada Online) – Hoggaanka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa u muuqda inay aaminsan yihiin in dagaal u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya uu yahay mid aan laga fursan karin. Wareysi uu siiyay Barnaamijka Brakhe Show, Amanuel Assefa, Guddoomiye Ku-xigeenka garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, wuxuu yiri “waxaan arkeynaa bandhigyo ciidan oo u muuqda diyaar garow dagaal.” Dagaalka, ayuu yiri, wuxuu yeelan doonaa khatar juqraafi siyaasadeed, labada dalna waa inay si xikmad leh uga fekeraan. “Aniga ahaan saadaashayda xaaladdu uma horseedi doonto xaalad nabadeed; shaki kuma jiro inay horseedi doonto dagaal,” ayuu raaciyay. Wuxuu xaaladda labada dal ku tilmaamay mid “walaac leh.” Wuxuu sharaxay “Haddii labada dal ay dagaal galaan, Tigray ayaa noqon doonta goobta dagaalka. Dadkeennu waxay soo mareen dhibaatooyin badan. Dagaal nagu filan ayaan soo marnay.” Gobolka Tigray waxaa burburiyay dagaalkii laba sano socday ee u dhexeeyay maamulka gobolka Tigray ee uu hoggaaminayay TPLF iyo dowladda federaalka ah ee uu hoggaaminayay Abiy Axmed, kaasoo sidoo kale burburiyay gobollada Afar iyo Amxaarada ee Itoobiya. Amanuel wuxuu sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya xiriirka hoggaamiyeyaasha ciidamada TPLF iyo dowladda Eritrea. Wuxuu ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona lahayn; wax caddeyn ah haba yaraatee. TPLF ama hoggaamiyeyaasha ciidamada ammaanka ma raaci doonaan tallaabo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo ay la midoobaan Eritrea ama “ciidamo kale.” “Ciidamada kale” lama faahfaahin. Waxaa jirey eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ciidamada TPLF – kuwaas oo markii dambe muujiyay taageerada garabka uu hoggaaminayo Debretsion Gebremichael – ay dahab ka tahriibinayeen goobaha macdanta ee Tigray iyaga oo marinaya Eritrea. Eritrea sidoo kale way beenisay. TPLF waxay u muuqataa inay leedahay taariikh dhow oo xiriir la leh Masar. Getachew Reda, Madaxweynaha Maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray iyo hoggaamiyaha mid ka mid ah garabyada TPLF, ayaa shaaca ka qaaday dhowr bilood ka hor in Masar ay taageero siisay TPLF intii lagu jiray dagaalkii laba sano socday ee ka dhanka ahaa dowladda uu hoggaaminayo Abiy Axmed. Masar ayaa hadda xulufo la ah Eritrea iyo Soomaaliya, sida muuqata iyadoo rajaynaysa inay sii wiiqdo Itoobiya. Toddobaadkii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, wuxuu ku sugnaa Asmara, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki arrimo kala duwan oo ay ku jiraan amniga gobolka. Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya wuxuu ku dhow yahay heer isku dhac ciidan ka dib markii labada dal ay is weydaarsadeen eedeymo. Maqaal ra’yi ah oo uu qoray Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Tehome, oo lagu daabacay Al Jazeera – kaas oo dowladda Itoobiya ay markii dambe beenisay – ayaa ku eedeeyay Eritrea inay la shaqeyneyso mid ka mid ah garabyada TPLF si ay u huriso isku dhac gobolka Geeska Afrika. Eritrea dhankeeda waxay ku eedeysay Itoobiya “hurinta dagaal.” The post Wararkii ugu dambeeyey ee diyaar garowga dagaal ee ay wadaan Itoobiya iyo Eritrea appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo War soo saaray ayaa sheegay in ay hayaan liiska dhammaan dadka Xiriirka la leh Argagixisada ISIL, oo aan isku soo dhiibin wakhtigii uu u qabtay Madaxweyne Deni, si ay u caddeeyaan in ay isaga baxeen Kooxdaasi. Af-hayeenka Ciidanka Booliska Puntland G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay hayaan liiska dhammaan dadka Xiriirka la leh Argagixisada ISIL oo aan isku soo dhiibin wakhtigii uu u qabtay Madaxweyne Deni, islamarkaana ay Boolisku gacanta ku soo dhigayaan, si sharciga loo horgeeyo. G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sidoo kale ay baaritaan ku wadaan eedaysanayaal kala duwan oo loo haysto kiisas ku saabsan Argagixisada, balse aysan weli wax ku caddaan, waxaana uu intaasi ku daray in baaritaanka kaddib maxkamad loo gudbin cid kasta, oo ay ku caddaato in ay xiriir la lee dahay kooxaha Argagixisada ah. Af-hayeenka ayaa dadweynaha Puntland uga digay in ay ka hordhacaan kiisaska ku saabsan eedaysanayaasha loo haysto falalka argagixiso ee baaritaanka lagu hayo, kuwaasi oo natiijada baaritaankooda ay soo gudbin doonaan hay’adaha Amniga, si loo mariyo hannaanka Caddaaladda. PUNTLAND POST The post Puntland: Liiskooda waan haynaa waana soo qabanaynaa dadka xiriirka la leh Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
In ka badan 500 oo qof oo isugu jira shaqaale-sare, hawl-wadeeno, shaqaale hoose, gadiidley iyo xirfadlayaal kala duwan ayaa tan iyo bishii December ee sannadkii hore laga fasaxay shaqooyinkoodii ka dib markii hay’adihii ay u shaqaynayeen ay u waayeen dhaqaale ay mushahar ahaan u siiyaan maadaama mashaariicdii joogsantay. Xafiisyadii hay’adaha ee qaar kamid ah Gobollada Puntland ayaa la qorshaynayaa in la xiro bartamaha sannadkani, kaddib markii hay’aduhu kiradii iska-bixin waayeen. sidoo kale xafiisyo 20 qof ka shaqayn-jireen ayaa 5 qof keli ah hadda joogta hay’adaha qaar sida la xaqiijiyay. Xaaladda ayaa kasii dartay labadii bilood ee lasoo dhaafay oo la fasaxay shaqaalihii ugu badnaa, ka dib markii hay’ada USAID ay dowlada maraykanku ka jartay dhaqaalihii ay siin-jirtey. taas oo badi mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadanimo taageeri-jirtay. Hay’adaha Puntland fadhigoodu yahay horay waxay u waayeen mashaariicdii ay fulin jireen qaarkood, kuwaas oo u xanibmay khilaafka DFS iyo Puntland u dhaxeeya. Shaqa la’aanta dadkaan soo wajahday ayaa saamayn doonta kumanaan qof oo si dad badan ugu tiirsanaa wax-soosaarkooda. sidoo kale mashaariicdaan waxaa macaash ka heli-jirey boqolaal ganacsi oo kale oo iyagu dhaqaale xuma wajihi-doona. PUNTLAND POST The post Hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland oo fasaxay shaqaalihii ugu badnaa kaddib markii ay soo foodsaartay dhaqaale-xumo appeared first on Puntland Post.
-
Wafti ka kankooban wasiiro iyo hogaanka ciidanka qaranka oo uu weheliyo xildhibaan laga soo doorto gobolka sanaag iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenkaa gobolka Sanaag ayaa màanta booqday deegaanka Kulmiye ee bariga Sanaag. Xaalada gobolka ayaa degan waxana ay xukuumaddu ku guulaystay qaramayntii ciidamadii madaniga ahaa ee ju sugnaa gobolka Sanaag. Qaran News
-
Xildhibaan Mustafe Calas, oo kamida mudanayaasha golaha deegaanka ee degmada Burco ayaa soo bandhigay Waddooyinka ay burco ka dhiseen shantii bilood ee u dambeeyay. Waxa uu sheegay in ay dhiseen 7 waddo oo kala ah:- 1- Biriijkii hore ilaa saylada xoolaha.- DHB. 2- Wadada isku xidha Cawaale suqaar iyo biriijka Dahabshiil.- DHB. 3- Wadda Ilays, biriijka Deero. -DHB 4- Wadda xarunta Gobalka. -DHB + Contribution. 5- Wadda sekeda. -DHB. 6- Wadda PayPass ilaa kaantaroolka Yuroobe. -Sdf. 7- Wadda Wan-ka iyo Orgiga, Dhakhtarka weyn ilaa xarunta Degmada Burco. Sdf. Waxa kale oo uu sheegay in ay intaasi barbar wadeen waddo banayn, iftiimin iyo bilcintii, dad mareenkii iyo biyo mareennadii oo ah wadooyinka qaarkood. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee ciidanka booliska Soomaaliya Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo degmada Hodan uga qeyb galay afur wadareed ayaa digniin culus u diray dadka baraha bulshada ku faafiya wax uu ku tilmaamay qalqal gelin amni. “Wiilasha baraha bulshada wax ku qora waxaan leeyahay, Khawaarijtaa qeyb ka noqoneysaa, hadii aad faafiso waxaan jirin, waxay ay kooxdaasi sameyso iyo wax lagu darayba hadii aad sheegto qeyb ayaad ka tahay,” ayuu yiri Macalin Mahdi. Sidoo kale, Taliyaha ayaa shacabka ka codsaday in aysan taageerin dhalinyarada faafisa qalqal gelinta amniga, isagoo cadeeyey in ka boolis ahaan ay diyaar u yihiin in ay xiraan qof kasta oo faafiya farriimo qalqal gelin ah. “Qofkii Khawaarij lacag siiya iyo kan warkooda u faafiya waa isku mid, dadkaan dhibaato intii ku filan waa soo mareen, Xamar waxay joogtaa waqtigii ay ugu amni fiicneed, cid aan ka aqbaleyno ma jirto in baraha bulshada ay ku faafiso farriimo farxad gelinaya Khawaarijta,” ayuu yiri Taliyaha Boolsika Gobolka Banaadir. Taliyaha ayaa hadalkiisa u cuskaday dhibaatada loo marayo amniga dalka, isagoo sheegay in ciidankii qaranka iyagoo Sooman ay duurka fog ee gobollada dalka kula dagaalamayaan Khawaarijta. “Suurtagal maaha in wiil Xamar jooga Hotel ka furaya uu shacabka caasimadda ku nool qalqal geliyo, lagama yeeli doono, waxaana ku xireynaa qol mugdi ah,” ayuu yiri Macalin Mahdi. Taliyaha Booliska Gobolka ayaa sheegay in reer Muqdisho ay amni rabaan, isagoo xusuusiyey in hadda ay heystaan, balse looga baahan yahay inay xajistaan oo sii adkeystaan, dadka qalqal gelinta wadana ay iska qabtaan. Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan xabsiga laga sii daayey Weriye Cali Aadan Muumin oo Muqdisho ku xiraa muddo seddax cisho ah, taliska qeybta guud ee gobolka ayaa Cali Aadan ku eedeeyey inuu ka shaqeynayey qalqal gelin amni iyo aflagaadeynta madaxda qaranka. Hoos ka daawo The post Daawo: Macalin Mahdi “Waa Khawaarijta oo kale qol mugdi ah ayaana ku xireynaa qofkii…” appeared first on Caasimada Online.