-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay heerka qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya. Guddiga Sare ee Hey’adda IMF ayaa soo gabagabeeyay dib u eegistii 5aad ee uu ku sameeyay hannaanka la socodka sharuudaha Deyn cafinta Soomaaliya. Hey’adda IMF ayaa ku boogadisay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ugu go’an tahay dadaalada lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa Deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo Hey’addaha kale ee Deymaha waa wayn ku leh Soomaaliya. Warbixinta IMF ay soo saartay ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in lalabo jibaaro daadalada lagu dardargelinayo kordhinta Dakhliga gudaha si mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta iyadoo la yareynayo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo, Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF. Wasiirka Elmi ayaa sheegay in warka ka soo baxay IMF uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirigalinayo in Dowladdu ay sii xoojiso arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta. ” Warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF waa war wanaagsan. Arrimaha dib-u-habeyntu waxa ku socdaan waddadii saxd ahayd, waxaana naga go’an inaan aragno guulo badan inkastoo oo ay jiraan caqabado”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi. IMF waxa ay sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku amaantay in ay xoojisay Maamul wanaagga iyo hufnaanta iyadoo horumar laga sameeyay hannaanka Iibka Qandaraasyada Qaranka iyo heshiisyada ay Dowladdu gasho. Dowladda Federaalka Soomaaliya aya dadaal xoogaan ugu jirta in ay dhammaystirto dhammaan Sharuudaha iyo dib-u-habeynta ku xiran cafinta deymaha faraha badan ee lagu leeyahay Soomaaliya tan iyo burburkii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Galcad (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta ka dhacay agagaarka magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka, kaas oo lagu warramayo in lala eegtay Gaari Dameer ay la socdeen carruur yaryar. Qaraxa oo jugtiisa looga maqlay magaalada ayaa la sheegay inuu haleelay Gaari Dameer ay la socdeen laba carruur ah oo la sheegay inay goobta ku geeriyoodeen, ,kadib markii ay la kacday miinadu, xilli ay ku socdaaleen mid kamid ah waddooyinka soo gala Galcad. Wariye Cali Cilmi Salaad oo kamid ah howlwadeedanada Idaacadda Kulmiye oo ku sugan halkaas ayaa sharraxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen iyo geerida carruurta. “Saacado ka hor ayaa miino lagu aasay waddada ay haleeshay Gaari Dameer ay saarnaayeen carruur, khasaare ayaana ka dhashay, waxaa ku dhintay laba carruur ah,” ayuu yiri Wariye Cali Cilmi Salaad oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinayay qaraxaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qaraxyada nooca miinooyinka ah ay maalmihii lasoo dhaafay ay ku soo badanayeen duleedka Galcad, isla-markaana khasaaraha ugu badan uu soo gaarayay dadka shacabka ah ee ku socdaala waddooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala. “Maalmo ka hor Ceeldheer waxaa miino ay haleeshay xoolo ay lahaayeen dad shacab ah, halkaasna waxaa ku dhintay xoolihii,” ayuu sii raaciyay Wariye Cali Cilmi Salaad. Inta badan waxa uu tilmaamay in weeraradan ay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab, isla-markaan bartilmaameedkeeda uu yahay ciidamada huwanta ee ku sugan magaaladaasi. “Meesha ugu badan ee miinooyinka lagu aaso waa waddooyinka gala magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka intooda badan ay ku socdaalaan, marka ay magaalada soo galayaan ama ay ka baxayaan” ayuu markale yiri. Galgaduud oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda. The post Gaari Dameer qarax miino lagula beegsaday duleedka GALCAD + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid CabdullaahIi Deni oo haatan booqasho ku marayo deegaano ka tirsan gobolka Bari ee maamulkaasi ayaa ka hadlay muranka ka dhashay arrimaha doorashada qof iyo codka ah. Saciid Deni ayaa ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashadaas iyo qorshaha xukuumaddiisa, waxaana uu sheegay in doorashada ay xilligeeda ku dhaceyso. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jiri doonin cid hor-istaagi karta qabsoomida doorashadan oo ah mida golaha deegaanka oo haatan si weyn la’isugu hayo. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in Puntland ay horumar u tahay in 50 sanno kadib ay dalka ka qabaneyso doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in la wada taageero. Hadalkan ayaa u muuqda mid uu Deni ugu jawaabayo xubnaha mucaaradka oo iyagu ka biyo diiday qabsoomida doorashooyinkaasi oo muran xoogleh ka dhaliyay Puntland, isla-markaana xittaa sababay dagaal todobaadkii hore ka dhacay caasimada weyn ee Garowe. Siyaasiyiinta mucaaradka oo shirweyne ku yeeshay Garoowe waxa ay horay u shaaciyeen in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo sidoo kale sheegay in doorashada aan lagu aamini karin madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. “Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro iyo qalalaase” ayaa lagu yiri. Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada, ayada oo ay sii dheer tahay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana la filayaa in doorashada ay billaabatio 25-ka bishan May, walow ay ka biyo diidan yihiin mucaaradka Puntland. The post DENI oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashada Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
One billion people in 43 countries are at risk of cholera -- a "pandemic killing the poor" -- despite prevention and treatment being relatively straightforward, the United Nations warned on Friday. Source: Hiiraan Online
-
President Erdoğan discusses Türkiye's runoff vote with Oğan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
President Recep Tayyip Erdoğan is holding a meeting with ATA Alliance leader Sinan Oğan in Istanbul ahead of the upcoming runoff elections on May 28, presidential sources said Friday. Source: Hiiraan Online -
Laascaanood Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif ayaa gaadhey magaalada Laascaanood. Waa mas’uulkii u horreeyey ee taga Gobolka Sool & Magaalada Laascaanood oo ka socda xukuumadda federaalka Somalia. wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyada Dawlada Somalia jaamac xasan khaliif ayaa caawa kulan kula yeeshay Gudaha Laascaanood Gudida 33 ka ah ee Beelaha Sool clan “Khaatumo- SSC”. Ex-Wasiir Saleebaan Xagla-toosiye oo ka mid ahaa Dadkii Wasiirkaa Xamar ka yimi Warbixinta siinaayey Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa Khudbadiisa kula wadaagay Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo howlgallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, loona diyaarinayo Ciidanka Soomaaliyeed in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyadoo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka. “Waa inaan dardargelinno iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga heer Carbeed. Soomaaliya maanta waxay ka soo kabanaysaa duruufo adag oo ay dhabar adeyg ku wajaheen shacabka Soomaaliyeed, waxaan rajaynaynaa in aad sii laba jibaartaan garab istaagga walaalnimada ah ee aad noo muujiseen. Soomaaliya xasilloon oo hurumarsan waxay guul u tahay dhammaan dalalka Carabta”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan dib ugu soo noqoshada Jamhuuriyadda Suuriya ee Madasha Jaamacadda Carabta, isagoo dhanka kale xoojiyey baaqii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, wadahadallna ku dhameeyaan xaaladda ka taagan dalkaas. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Hoggaamiyeyaasha xusuusiyey in dalalka Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay in loo midoobo sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Wadahadallo lagu doonayo in looga fogaado lacag la’aan baahsan oo uu wajaho Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah ka soconaya Mareykanka, iyadoo Madaxweyne Joe Biden uu ka digay in uusan aqbali doonin dalabaadka “xagjirka” ah ee ka imanaya Jamhuuriyiinta, laakin uu wali ka rajjo qabo in la is fahmo. “Waxa aan wali aaminsanahay in aan ka fogaan karno in ay lacag la’aan baahsani dhacdo, wax wanaagsan ayaanna sameyn doonaa,” ayuu wariyeyaasha ugu sheegay isaga oo ka qeybgalaya shirka madaxda dalalka G-7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima, Japan. Iyadoo Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ay ka digayso in dowladda Mareykanka ay lacagtu ka dhammaan karto kowda bisha June ayay taasi kicineysaa dhaqaale xumo ballaaran oo ka dhacda dalkan ugu dhaqaalaha badan caalamka, iyadoo ay u badan tahay in taasina ay saameyso dunida oo dhan. Laakin dagaalka siyaasadeed ee ka socda Washington ayaa socda iyadoo aysan wali muuqan wax muujinaya in xal ay labada dhinac gaarayaan. Xisbiga Jamhuuriga, oo maamulka aqalka Congress-ka, ayaa dalbanaya in si xooggan loo dhimo miisaaniyadda dowladda si ay iyana u oggolaadaan in ay kordhiyaan awoodda ay dowladdu lacag ku amaahan karto. Aqalka Cad ayaa doonaya in uu hoos u dhigo dalabaadka Jamhuuriyiinta, waxaana ay saraakiisha Aqalka Cad ku doodayaan in kordhinta xaddiga deynta ee sanadlaha ah oo ahaan jirtay wax caadi ah hadda loo adeegsanayo dano siyaasadeed. Rajjada laga qabay in murankan xal laga gaaro ayaa Jimcihii caqabadi ku timid ka dib markii ay Jamhuuriyiintu ka bexeen wadaxaajoodka, iyagoo ku dhawaaqay in ay “hakiyeen.” Laakin wadahadalka ayaa saacado ka dib dib u bilowday, iyadoo Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ay sheegtay in ay “rajja wanaagsan” ka qabaan. Biden, oo ku sugan dacalka kale ee dunida halkaasi oo ay ku kulmayaan dalalka dimuqraadiga ee hodanka ah ayaa xaaladda lala socodsiiyay saacadihii hore ee Sabtida maanta ah, sida uu Aqalka Cad sheegay. Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta ee Biden, Ben LaBolt, ayaa yiri “Jamhuuriyiintu waxa ay afduub ku haystaan dhaqaalaha, iyagoo ku riixaya in lacag la’aani ay dhacdo, taasi oo dhalin karta in malaayiin qof ay shaqada waayaan, dalkana u horseedi karta dhaqaale burbur ka dib laba sano oo shaqo la’aantu yaraaneysay iyo mushaarkuna uu kobcayay.” VOA + AFP The post Maxay Aqalka Cad iyo Koongareesku uga heshiin la’yihiin kordinta xaddiga deynta? appeared first on Caasimada Online.
-
Bihi is waging a war in Northern Somalia on the basis of pre-independence British Protectorate identity based on subjecthood. Mogadishu (PP Editorial) — In his speech on the 18 May evening ceremony the Somaliland administration President Muse Bihi Abdi claimed that only him “can continue or stop the war.” The hubris contained in his speech is similar to follies and foibles immortalised in the classic Somali poem of the Dervish Commander Ismail Mireh: Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado “O men! Pride leads to downfall, keep that in mind”. Bihi should have been as mellowed as had been when he delivered his November 2018 speech at Tukaraq in which he said : “It is a pointless to shed blood when we can sit under a tree and thrash out our difference.” The Laascaanood conflict began 6 February, 2023, one month after Somaliland forces were forced to withdraw from the administrative capital of Sool, followed by retreat from Tukaraq into Goja’ade on the outskirts of Laascaanood. Initially, Bihi attempted to play the terrorism card to label people of Laascaanood terrorists before proposing a unilateral ceasefire aimed to give his forces a time to regroup. The reckless decisions of Bihi damaged communal trust in Northern Somalia. As the International Crisis Group noted its latest report on the Laascaanood conflict, Somaliland is waging a war based on the British Protectorate identity that Bihi and men of his generation had before the independence on June 26, 1960 and the subsequent Union of the South and the North on 1 July, 1960. “The colonial-era borders, which placed Sool on Somaliland’s side of the line, remain central to Somalilander identity. But the majority of Sool’s population is Sool clan, a people who belong to a non-Isaaq clan family, the Darod. They strongly resisted British colonialism…” wrote ICG. “In the middle of the nineteenth century, only a few years after Britain had cynically signed flamboyant Treaties of Protection with the people, it had secretly signed treaties with Ethiopia, ceding to that country a portion of those very lands it had undertaken to protect” said Mohamed Ibrahim Egal, a Prime Minister, in 1968 at the Royal African Society. In Africa state-formation is based on decolonisation narrative, not a Protectorate identity. When Bihi claims that a Somali citizen from Garoowe is a foreigner in Laascaanood he is not only disrespecting the sovereignty of Somalia but he also causing reputational damage to the image of Somalia in Africa. President Bihi needs to wise up. © Puntland Post, 2023 The post The Hubris of Somaliland President is an insult to Somalis’ National Identity appeared first on Puntland Post.
-
Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb-galay meertada 32-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed la wadaagay afar arrimood muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; 1- Gulufka dagaalka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, 2- La-wareegida ciidanka Soomaaliyeed ee amniga dalka, 3- Hiigsiyada qaran ee deyn cafinta iyo 4- Xasillinta siyaasadeed ee dalka. Madaxweynaha ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo howl-gallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, loona diyaarinayo ciidanka Soomaaliyeed in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyada oo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka. “Waa inaan dardar-gelinno iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga heer Carbeed. Soomaaliya maanta waxay ka soo kabanaysaa duruufo adag oo ay dhabar adeyg ku wajaheen shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan rajaynaynaa in aad sii laba jibaartaan garab istaagga walaalnimada ah ee aad noo muujiseen. Soomaaliya xasilloon oo hurumarsan waxay guul u tahay dhammaan dalalka Carabta.” Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan dib ugu soo noqoshada Jamhuuriyadda Suuriya ee madasha Jaamacadda Carabta. Sidoo kale waxa uu dhanka kale xoojiyey baaqii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, wada-hadallna ku dhameeyaan xaaladda ka taagan dalkaas. Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu hoggaamiyeyaasha xasuusiyey in dalalka Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale. Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha ku baaqay in loo midoobo sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas, uu kaga dhawaajiyay khudbadiisa uu ka jeediyay meertada 32-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta. The post Aqriso: 4-ta qodob ee Xasan uu la wadaag madaxda Jaamacadda Carabta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Guuleed ayaa weli wada kulamada uu taageero ugu raadinayo ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Ergey Guuleed ayaa kulamo muhiim ah oo kala gooni-gooni ah la qaatay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo kan Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen. Kulanka ergey Guuleed iyo madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa diirada lagu saaray booqashadiisa ku aadan deegaanada dowlad-goboleedka, si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo aragtiyada masuulliyiinta iyo shacabka maamulkaasi ka qabaan hanaanka loo wajahayo wada-hadallada dib u billaabanay ee dowladda federaalka iyo Somaliland. Madaxweyne Guudlaawe ayaa ergeyga iyo xafiiskiisa ku dhiira-galiyay dadaalkooda, isaga oo ka aqbalay soo jeedintooda wanaagsan, sidoo kalana u muujiyay garab istaag buuxa. Ergeyga ayaa dhankiisa madaxweynaha dolwad-goboleedka HirShabelle uga mhad-celiyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshahooda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ergeyga gaar ah ee madaxweynaha. Dhinaca kale, Ergey Guuleed ayaa sidoo kale kan lamid ah la qaatay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kaasi oo ay ka wada-hadleen safar uu dhawaan ergeyga ku tagi doono deegaanada dowlad-goboleedkaas, si ay u soo dhageystaan tallooyinka shacabka iyo madaxda maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo marayo wada-hadallada. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa aad u soo dhaweeyay dadaalada xafiiska Ergeyga, isaga oo tilmaamtay in uu si buuxda ula shaqeyn doono. Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay sida uu uga aqbalay soo jeedintooda iyo sida uu ugu muujiyay garab istaag buuxa. Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii April u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada. Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland. The post Xogta kulamo uu ergey Guuleed la qaatay qaar kamid ah madax goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Jeddah (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan muhiim la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan. Kulan-doceedkan ayaa waxay labada dhinac uga wada-hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya & Sacuudiga iyo kobcinta iskaashiga labada dhinac, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia. Kulankaan ayaa sidoo kale waxay labada masuul uga wada-hadleen gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ciidamada dowladda iyo ku deegaanka ay ka wadaan gobollada dalka. Kulanka Xasan iyo Bin Salmaan ayaa kamid ah kulan-doceedyo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda la qaadanayo madaxda kala duwan ee qeybta ka ururka Jaamacadda Carabta, oo maanta shir uga furmay magaalada Jeddah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale maanta halkaasi kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Mudane Mohammed Shia al-Sudani. Kulankaas ayaa waxay labada hogaamiye uga wada-hadleen xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, iyada oo madaxweynaha uga mahad-celiyay dowladda Ciraaq deynta ay ku laheyd Soomaaliya 67% in ay ka cafiyeen. Waxay labada dhan isla garteen soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq, sida lagu sheegay bayaan goor sii horeysay kasoo baxay Villa Somalia. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka XASAN iyo BIN SALMAN ee Jeddah? appeared first on Caasimada Online.
-
The executive committee of Minnesota's Democratic Farmer Labor Party gave initial approval on Thursday to bylaws that would permanently ban anyone who engages in or incites acts of violence from participating in party activities, after a weekend endorsing convention for a Minneapolis City Council seat erupted in chaos. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa weli waxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ka wada qasab ku dhaqan-gelinta xukunadii hore uga soo baxay. Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa maanta ku wareejiyay dadkii lahaa dhul cabirkiisu yahay 20×15, kaasi oo muddo si sharci darro ah loo haystay, iyada oo si qasab ah ay maxkamadda u fulisay xukunkaan oo muddo soo jiitamayay. “Dhulkaan muddo ayaa laga haystay oo lagu tasarufayey, maanta waxa Ilaahay suurta-galiyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay la wareegaan xaqoodii ay lahaayeen, iyada oo Booliska Soomaaliyeed ay ka shaqeeyeen burburinta dhulkaan, si loogu wareejiyo dadkii lahaa,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay inay bilaabatay qasab ku fulinta qaraaraddii hore uga soo baxay maxkamaddaha, islamarkaana ay asbuucyada soo socda fulin doonaan tobaneeyo gal oo kasoo dhamaaday maxkamaddaha. “Dadka dhulalka laga fulinayo ee sheeganaya in cadaalad darro lagu sameeyay, majirto cid cadaalad darro lagu sameeyay, ee ciddii ka cabaneysa fulin lagu sameeyo maxkamaddaha ayay iman karaan.” Guddoomiye Dabaan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin in wariyeyaasha ay sheegaan in dowladda Soomaaliya ay maxkamadaheeda cadaalad darro ka jirto, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono ciddii gudbisa wax aysan cadeyn u hayn. “Wariye kasta oo qadaf u geysta hay’addaha dowladda waa lagula xisaabtamaya cmaalaya, wariyihii dhaha dhulkaas cadaalad darro ayaa lagu burburiyay waxaa laga rabaa inuu keeno cadeymaha haddii uu keeni waayan asaga ayaa eedeysane noqonaya.” Maxkamadda gobolka ayaa hore ugu wareejiyay dadkii lahaa sidan oo kale guri dhaxaltooyo ah, kaasi oo 33 sano si sharci darro ah loo haystay, iyada oo xilligaasi si qasab ah ay maxkamadda u fulisay xukunkaas. Si kastaba, Maxkamadda ayaa waxaa xilligaan ka go’an meel-marinta xukunada hore u dhacay ee dhulalka, kuwaasi oo waqti badan qaatay inay dhaqan-galaan, balse xilligaan ay meel-marinayaan iyaga oo adeegsanaya awooda ciidanka Booliska. The post Maxkamadda gobolka oo Muqdisho ka wada qasab ku fulinta qaraaradii kasoo baxay appeared first on Caasimada Online.
