Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka digay in lagu kadsoomo masuuliyiin qaar oo kooxda Al-Shabaab ku hadaf ah, kuwaasi oo dagaal culus uu uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka. “Nin ku eg oo adiga kula jooga oo xaafadaha caadiga ah kula jooga ama masuuliyad waxa uu rabo ha haayo iyo nin duurka ku jira oo Khawaarij ah, oo isku hadaf ah waaye, markaas waa in shacabka Soomaaliyeed aysan ku kadsoomin,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana uusan waxba iska baddelin go’aankii hore loogu bilaabay dagaalka, sidaas darteedna ay tahay bulshada meel uga soo wada jeesato kuwa baro-bogaadada ku wada gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. “Dagaal ayaa lagu jira marka dagaal lagu jirana waa iska dhib badan oo baro-bogaando badan yahay, waxaa rabnaa in ay kadsoomin, siddeed billood kahor wadaddii aan ku taagneyn aan ku taaganahay, haddii maalin xabad dhicin maalinta labaad ayaa xabad socota, haddii maalin askari naga shahiideyn mid ayaa naga dhaawacmaya, yeysan ka gorgortamin,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed waxa dhiiggaas, sharafkaas iyo maalkaas loo bixinayo yeysan ka gorgortamin, yeysan qolo kale u adeegsan baro-bogaando, oo yaa loo fahmin in qaddiyada shaqsi leeyahay ama madaxweyne leeyahay ama wasiir leeyahay, qaddiyada Qaranka Soomaaliyeed ayaa iska leh oo Khawaarij lagula diriraayo.” Wasiir Jaamac oo hadalkaan ka sheegay khudbad uu shalay ujeedinayay ciidamo cusub oo tababar dalka Uganda ugu soo xirey, ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in kuwa baro-bogaadada ku wada gulufka socda iyo Shabaab uusan wax farqi ah u dhaxeyn. “Kan na dilaya oo na qarxinaya waa Soomaali, kan biyo ku shubaya in lala dagaalamo Khawaarijta ee dulminaya qabaa’iilada ku jira dagaalka oo hagarsanaya oo beenta u sheegayo oo wiilasha Soomaaliyeed ee dhimanaya baro-bogaanaya wuu la mid yahay wax badan nooma dhaamo.” Hoos ka daawo The post Daawo: Mas’uuliyiin ku hadaf ah Al-Shabaab oo loo digay appeared first on Caasimada Online.
  2. Xayiraad socdaal oo ku saabsan ku tumashadda xaquuqda aadanaha. Ayaa dowladda South Africa ku soo rogtey. Madaxweyne Bihi. Waana talaabo dowladdaha caalamku isla qaateen. Markey arkeen inuu yahey. Nin aan ixtraameyn qawaaniinta dowladdnimadda ee lagu ilaaliyo xaquuqdda shacab walba oo addunka ku nool. Qaran News
  3. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Murashaxa Madaxweyne ee Isbaheysiga Qaranka, Kemal Kılıçdaroğlu, ayaa qaaday tallaabo ay ku kasbanayaan taageerada codbixiyayaasha Isbaheysiga ATA, iyo murashax Sinan Ogan, kaasoo hab dhaqankiisa uu fure u yahay wareegii labaad ee doorashada madaxtinimada. Iyadoo Kılıçdaroğlu uu la kulmay Guddoomiyaha Xisbiga Guusha, Ümit Özdağ, ayuu Madaxweyne Erdogan sameeyay arrin lama filaan ah, saacado yar kadib kulankaan, iyadoo Xafiiskiisa Dolmabahce uu kula kulmay Oğan. Kulankan, oo ku dhacay codsiga Erdogan, ayaa wuxuu ku bilawday nidaam cusub oo qiimeyn ah, oo la xiriira Isbahaysiga ATA iyo siyaasi Ogan. Isagoo la hadlayay BBC-da qeybta ku hadasha afka Turkiga, guddoomiye ku xigeenka xisbiga Zafer, Uğur Batur ayaa yiri, “Fikradayda shaqsiga ah ayaa ah in tani aysan noqon doonin hanaan aan ku go’aansan karno laba maalmood gudahood, oo aanu oran karno waan taageer sanahay arrintan.” Iyadoo Turkiga uu dhamaaday wareegii koowaad ee doorashada Baarlamaanka 28-aad iyo tan Madaxweynaha, oo lagu tilmaamay “doorashadii ugu xasaasisaneyd”, ayaa indhuhu waxay u weecdeen oo loo rogay wareegga labaad ee dhacaysa Bishan 28-ka bisha ee May. Kılıçaroğlu iyo xisbiyada qeybta ka ah Isbaheysiga Nation, oo soo gaba gabeeyay doorashada wareegii koowaad, ayaa helay qiyaastii 4.5 dhibcood, iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, uu la xiriiray Sinan Oğan, oo noqdayy furaha wareegga labaad ee doorashada, iyo Ümit Özdağ, Guddoomiyaha Xisbiga Guusha. Isbahaysiga Dadka, ayaan ilaa hadda la soo xiriirin Ogan, halka guddoomiye ku xigeenka xisbiga AKP, Binali Yıldırım, intuu wacay oo uu la xiriiray, uguna hambalyeeyay habeenkii doorashada. Erayada qallafsan ee madaxda xisbiga MHP, gaar ahaan guddoomiye Devlet Bahceli, ee ku wajahan Ogan, iyo sidoo kale, Erdogan, oo uu uga hadlay wareysi uu siiyay Tv-ga CNN-ka, ayaa waxa uu ka yiri Ogan, “Uma hoggaansami doono rabitaankiisa. Anigu ma ihi qof jecel in uu sidaan u gorgortamo” ayaa waxay keentay hadalladaasi inay albaabada u xiraan wada xaajood ay la yeeshaan xulafada ATA. Özdağ iyo Kılıçdaroğlu, afar qodob iyo su’aalo la iska weeydiinayo qorshaha ka dagsan socdaalka Kemal Kılıçdaroğlu, oo ah hoggaamiyaha xisbiga CHP, ayaa la kulmay Guddoomiyaha xisbiga Guusha, Ümit Özdağ duhurnimadii maanta, iyadoo kulankooddu uu ku saabsanaa wareegga labaad ee doorashada; Hal saac oo uu kulankaan socday, ayaa waxaa uu u dhacay si gaar ah. Özdağ ayaa wuxuu la kulmay Sinan Ogan subaxnimadii, intii aanu dhicin kulankaan, wuxuuna qiimeeyay habka ay ku wajihi doonaan doorashada. Sida laga soo xigtay xogta la helay, Özdağ, ayaa wuxuu waydiiyay su’aalo ku saabsan siyaasadda socdaalka Suuriya, afarta qodob ee ugu horreeya ee dastuurka, xisbiga HDP, qeexida dhalashada Turkiga ee qodobka 66aad ee dastuurka, iyo hab dhaqanka Isbahaysiga Qaranka ee ku saabsan siyaasadda lagu wajahayo musiibadii dabiiciga ahayd, gaar ahaan magaalada Istanbul oo ay ugu wacan tahay dhulgariirkii dhawaan dhacay. Isagoo soo jiidanaya dareenka iyo wararka la xiriira dhaqaale xumida jirta ee doorashada ka dib, Özdağ wuxuu yiri, “Haddii lagu doorto, waxaad la wareegi doontaa dhibaato burbur,” wuxuuna waydiiyay siyaabaha maangalka ah ee lagu xalin karo dhibaatooyinka jira. Özdağ ayaa waxaa la weeydiiyay macluumaadka ku saabsan xiriirka uu la leeyahay xisbiga HDP, doorashada ka dib iyo inay noqon doonto mid uu go’aan ku yeelan doono maamulka dalka. Isagoo xasuusinaya in Isbahaysiga Qaranku iney ku bahoobeen 6 xisbi, Kılıçdaroğlu, ayaa wuxuu sheegay inaysan wax heshiis ah kula jirin xisbigan. Isagoo sheegay in “xitaa aan la soo jeedin karin in la beddelo qodobbada ku yaalla bilawga Dastuurka”, Kılıçdaroğlu, ayaa sheegay inaysan jirin wax go’aana oo lagu doonayo in lagu beddelo qeexida dhalashada, ee soo jeedinta wax ka beddelka dastuurka. Hogaamiyaha CHP, ayaa fariinta gudbiyey ku sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada si go’aana, Isagoo xusay inay wadaagaan aragtiyo isku mid ah oo ku saabsan siyaasadda socdaalka. Kılıçdaroğlu ayaa u sheegay Özdağ soo jeedintiisa ku saabsan dastuurka, iyo tallaabooyinka ka dhanka ah dhibaatada dhaqaale, isagoo tusaale u soo qaatay “Qoraalka Wadajirka ah” ee Isbahaysiga Qaranku uu horay ugu gudbiyey dadweynaha. “Lama sameyn wax gorgortan ah” Sida xogta aan kaga helayno labada dhinacba, Isbahaysiga ATA ma codsanin inay qabtaan jago ama hoggaan midna. Waxaa la qiimeeyay in qiimeyn iyo “gorgor” noocaas ah ay dibu dhac ku keeni doonaan, oo ay dhalin karto fal-celin xun oo ka timaada cod-bixiyayaasha, iyadoo aan loo eegin markaasi dhinaca la taageerayo. Waxaa la ogaaday in Özdağ uu si cad u sheegay inuusan wax qorshe uusan ka lahayn arrintan. Kulanka ka dib, Kılıçdaroğlu, ayaa sheegay inuu dhacay shir “qurux badan oo wax ku ool ah”. Kılıçdaroğlu ayaa sheegay inay muujiyeen fikirkooda ku saabsan is-afgaradka wadajirka ah, iyo wax ka beddelka dastuurka, waxayna muujiyeen aragtida ah “Turkigu inuu u baahan yahay hanaan fur furin oo dimoqraadiyadeed, wadajir iyo xalinta dhibaatooyinka jira”. Özdağ wuxuu yiri, “Waxaan jiray su’aalo aan qabnay, waanu waydiinay, waxaan helnay jawaabo faahfaahsan, waxaana ku samayn doona qiimeyn guddigayaga loo igmaday.” Isagoo sheegay inay qiimeyn ku sameyn doonaan kulanka ka dib xisbiyada kale ee Isbaheysiga ATA, iyo musharaxa madaxweyne Sinan Ogan, Özdağ wuxuu yiri, “Waxaan fikradayada la wadaagi doonaa dadweynaha Turkiga muddo gaaban gudahood.” Codsiga Erdogan ayaa yimid kadib kulankii Kılıçdaroğlu Ka dib markii uu la kulmay Kılıçdaroğlu, Özdağ, ayaa wuxuu isugu yeeray Golaha sare ee xisbigiisa. Sida xogta aan kuhelayno, shirkan ayaa intii uu socday waxa codsi ku saabsan kulan loo diray Sinan Ogan, kaasoo ku wajahan Madaxtooyada Turkiga. Ogan ayaa lasoo xiriiray Ozdag, isagoo ku war galiyey inuu aqbali doono codsigan iyo in kale. Özdağ ayaa wuxuu ugu war celiey Ogan inuu kulan haddii loo soo jeediyo uu aqbali doono. Kulanka Erdogan iyo Ogan, ayaa qaatay ku dhawaad saacad, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin. “Musharax cad ma jiro oo la tilmaami karo” Ka dib kulankii Özdağ – Kılıçdaroğlu, ayaa waxaa muuqatay in labada hoggaamiye “wada hadala wanaagsan” ay yeesheen, oo ay u janjeersadeen inay taageeraan Kılıçdaroğlu. Falanqaynta iyo ra’yi ururin degdeg ah oo la sameeyey, ayaa waxaa ka muuqanaya inay u janjeeraan codbixiyeyaashu inay taageersan yihiin Kılıçdaroğlu, waa haddii ay far celino cad cad kasoo baxaan ololaha siyaasadaha socda “ee khadka cas” ee Isbahaysiga ATA. Si kastaba ha ahaatee, looma saadaalin karo in Özdağ iyo Oğan inay qaadan doonaan go’aan sida “inay si toos ah u taageerayaan Kılıçdaroğlu” sababo la xiriira “inay noqon doonto iney ku xadgudbayaan rabitaanka codbixiyayaasha”. Taa beddelkeeda, waxaa la sheegay in la xoojin karo in siyaasaduhu ay iswaafaqayaan. Intaa waxaa dheer, dhaleeceynta adag ee ka imanaysa Bahceli ee ku wajahan Ogan, iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan “inay u egtahay in Bahçeli iyo hoggaamiyeyaasha MHP ay ku riixayaan Isbahaysiga Qaranka”. Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii Madaxweyne Erdogan uu la kulmay Ogan, ayaa waxaa lagu macneeyey in “habraaca go’aaminta la dheerayn doonoo” ee Isbahaysiga ATA sidoo kale. Kulanka Erdogan iyo Ogan ka dib, guddoomiye ku xigeenka xisbiga Zafer, Şükrü Sina Gürel, oo qiimeyn ku sameeyay inta qof ee wareysiyada ay ka qaaday BBC-da qeybta Turkish-ka, ayaa sheegay inaysan suurtagal ahayn in markiiba lasoo saaro natiijada qiimeynta. Gürel wuxuu yiri, “Waxaan rabnaa isbeddel, laakiin waxaan rabnaa isbeddel mabda’a leh. Mabaadi’deenu waa kuwo waafaqsan dhex dhexaad siga, xitaa haddii isbeddel yimaado, waxay noqon doontaa mid waafaqsan mabaadi’daas. Mudnaantayadu way caddahay, qof kasta oo qiimeeya mudnaantan, waanu taageeraynaa inaga”. “Ma jiri doono qaab aan ku dhihi karno aan taageerno qoladan” Uğur Batur, oo ah ku xigeenka madaxa saxaafadda, ayaa sheegay in dhinacyadu ay soo bandhigeen dalabaadkooda inta uu socday kulamada, isla markaana ay ku qiimeyn doonaan guddiyada loo igmaday xisbi ahaan iyo isbaheysi ahaanba. Batur oo tilmaamay in codsiga Erdogan ee ah in uu la kulmo Ogan uu yahay arrin aad u cusub, ayuu yiri Batur, “Fikradayda shakhsi ahaaneed waxay tahay in tani aanay noqon doonin hanaan aan laba maalmood gudahood ku go’aansan karno, oo aanu dhihi karno waan taageer sanahay. Sababtoo ah marka dhinac uu arko talooyinka ka kale, waxyaabo kale ayaa u muuqan kara inay yimaadaan. Isaga oo sheegay in aanay filaynin ama aanay dalbanayn jago isbahaysi ahaan, Batur waxa uu muujiyay aragtiyaha soo socda: “Dhibaatadayadu waa cad dahay, waxaan leenahay shuruudo. In dadka magangalyo doonka ah sida ugu dhaqsiyaha badan u baxaan inaanan la dhayalsan afarta qodob ee ugu horreeya dastuurka, qodobka 66-aad ee dastuurkana lama faragelin doono. Dhammaan kuwan waa shuruudo waafaqsan danaha shacabka Turkiga. “Dabcan, xisbigeena ma laha go’aan ama fikir uu ku kordhiyo habkan, laakiin waxay u muuqataa in habkani uu qaadan doono waqti dheer. Sideen ku soo gebo gebeynayaa? Sababtoo ah Erdogan, oo yiri, “Lama kulmi doono Sinan Bey,’ haatn wuxuu doonayaa inuu la kulmo, waxay u muuqataa inay sii adkaan doonto haatan markay heerkan soo gaartay.” Waa maxay sababta taageerada Ogan ay muhiim u tahay? Madaxweyne Erdogan, ayaa helay 49.52 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka Kılıçdaroğlu uu helay 44.88 codadkii doorashada 14-kii Bishan May, inkastoo Muharrem İnce uu ku jiray codbixinta, Sinan Oğan, oo ah musharraxa Isbaheysiga ATA, ayaa helay 5.17 boqolkiiba codadka. Codadka Ogan ayaa loo arkaa inay yihiin codadka “codbixiyaasha ka soo horjeeda labada dhinac”. Iyadoo la tixgelinayo inay jirto farqi u dhexeeya 2.5 milyan oo cod oo u dhexeeya Erdoğan iyo Kılçdaroğlu, hab dhaqanka 8.5 milyan ee codbixiyeyaasha ah oo aan tagin goobaha codbixinta, ku dhawaad 1 milyan oo codbixiyeyaal ah oo dhiibtay codad aan sax ahayn, iyo codbixiyeyaashii u codeeyay Sinan Oğan, ayaa u muuqda inay yihiin kuwa go’aanka dhinac u ridi kara. Iyadoo la saadaalinayo in cod-bixiyayaasha taageersan Ogan ay u kala qaybsami doonaan Erdogan iyo Kılıçdaroğlu, haddana khiyaarka uu sameyn doono, ayaa laga yaabaa inuu u jiheyn doono cod-bixiyayaasha aan go’aansan dhinac ama aan tegin sanduuqa codbixinta, si ay u doortaan murashaxa ay taageerayaan. Isha: BBC Somali The post Yuu codka ugu shubi doonaa musharaxa saddexaad ee ku haray doorashadii Turkey? appeared first on Caasimada Online.
  4. Khartoum (Caasimada Online) – Cidamada Suudaan iyo kuwa RSF ayaa ku heshiiyay xabbad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Suudaan, iyadoo dagaalka u dhexeeya labadan kooxood uu galay todobaadkii lixaad. Isku daygii hore ee xabbad joojinta ee dhex maray ciidamada caadiga ah ee Suudaan iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) ayaa horay u guuldareystay. Laakiin heshiiska cusub waxaa lagu dhaqan gelin doonaa “habka la socodka xabbad joojinta,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga. Mas’uuliyiinta Suudaan waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa Mudadad 7 maalmood ah ee ay xabad joojinta socota. Horay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, ayaa ugu booriyay dhinacyada isku haya Suudaan inay ka feejignaadaan weerarrada aan loo meel dayin ee lagu qaadayo goobaha ay dadku ku badan yihiin, ayna u hoggaan samaan shuruucda caalamiga ah. Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda. Dhanka kale, beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah The post Dhinacyada isku haya dalka Suudaan oo heshiis gaaray appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. Ugu horreyn Cabdikariin Guuleed iyo Axmed Madoobe ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee waddanka iyo midda Jubbaland oo la filayo inay howlgallo ka billowdaan. Intaasi kadib ergeyga ayaa madaxweyne Axmed Madoobe la wadaagay qorshe uu ka damacsan yahay Jubbaland, oo uu dhowaan ku tegi doono safar shaqo. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa u sheegay madaxweynaha Jubbaland inuu socdaalkiisa ku qotomo si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo aragtiyada masuulliyiinta iyo shacabka maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland. Hoggaamiyaha Jubbaland oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dadaalka uu wado xafiiska ergeyga, isaga oo shaaciyay inuu la shaqeyn doono. Sidoo kale waxa uu u muujiyay garab istaag buuxa, taas oo uu Guleed uga mahadceliyay madaxweynaha uga mahadceliyay, maadaama uu aqbalay qorsha uu wado xafiiskiisa. Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo kulamo ka duwan la qaatay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa ururada bulshada rayidka ah. Horay ergey Guuleed ayaa kulamo muhiim ah oo kala gooni-gooni ah la qaatay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo kan Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen. Kualmadaas ayaa waxaa diiradda lagu saaray booqashadiisa ku aadan deegaanada dowlad-goboleedyada, si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo aragtiyada masuulliyiinta iyo shacabka maamulladaaasi ee ku aadan sida loo wajahayo wada-hadallada Somaaliya iyo Somaliland. Dhanka jae, Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada. Si kastaba,dowlada dhexe ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka ay qabto Somaliland. The post Guuleed oo Axmed Madoobe la wadaagay qorshe uu ka damacsan yahay Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
  6. In the past three days, numerous events have unfolded, which, if they persist, could lead to unfavorable outcomes. On May 15, 2023, the Puntland Political Forum, consisting of politicians from within and outside the country, issued a statement urging the President of Puntland, Said Abdulahi Deni, to engage in negotiations to discuss the election process. The group warned the President and his team that they would be held responsible for any consequences arising from an election process that did not have the consensus of all stakeholders. Within an hour, it was reported that two militias of the Puntland forces clashed near the airport, when one group attempted to prevent the other from transporting election equipment. The Attorney General issued arrest warrants for four politicians suspected of instigating the conflict. One of these politicians, Hassan Shire Abdi, was interviewed at a restaurant in Garowe. He claimed that the President of Puntland instigated the previous day’s fighting. Hassan Shire Abdi argued that the Attorney General lacked the authority to make arrests, citing the rejection on two occasions of the Attorney General’s appointment in parliament. Furthermore, Abdi alleged that the Attorney General shared the same clan affiliation as the President, suggesting that President Deni is consolidating power among his clan members and blindly loyal supporters. With each group currently blaming the other, Puntlanders will not get the desired outcome they expect. The average person simply wants a clear and understandable election process based on the principle of one person, one vote. They want to know who they are voting for and what those individuals stand for. The crucial issue to address is the election process itself. Discussing matters other than a one person, one vote election will not lead to any solutions. Similarly, any government official advocating for a resolution through force also contributes to the problem, the same way that any politician who prioritizes personal interests over the interests of the Puntland state is also a part of the issue. The election process lacks a predetermined timeline understood and agreed upon by all parties. When the election process was restarted in the middle of last year, there was insufficient time for it to be completed, understood, and discussed by all stakeholders. The registration process had not even commenced, except in the initial three districts. Due to this time constraint, the government prepared a schedule that appeared rushed to the general populace. For instance, voter registration in the city of Bosaso took place in January of this year, and the registration team was present for only a few weeks. Approximately 80,000 people were reported to have registered during that period. However, it is important to remember that the population of the city is over 1.5 million. When asked about how it was possible to conclude the voter registration within a few weeks and a year before the actual presidential election, a member of the registration team explained that there were insufficient resources for the government to extend their stay in the city any longer. The team and their equipment had to travel to the next town. This raised questions about how the government, unable to manage voter registration in two to three districts simultaneously, would be able to conduct actual voting from Bosaso to Kalkacyo in one day. The answer remains to be seen, but it is unlikely to be a simple one. Reportedly, the youth hired for voter registration were not paid, and some of them refused to return to the post when they were asked to give out the voting cards. Six out of ten of the youth originally hired for the voter registration returned to work knowing that they would not get paid. The youth was told that international community which promised to finance the election asked Puntland to cover the cost and will be paid later. It was also reported one third of the voting cards were not distributed because registered voters returned to their rural areas without waiting to pick up their voting cards. Some of those who are registered to vote are not even familiar with the qualifications or experience of the candidates. According to the election procedure, voters vote for a party, not a candidate. If a party obtains enough votes for two seats, those seats will be given to the first two people on the party list. If certain people thought they were voting for the third ranked person on the party list but the party did not win three seats, those voters would be disappointed because they failed to understand how the system worked. Parties’ campaign opportunities were not fair, and many are still wondering why the parties agreed to participate in an election clearly not based on a level playing field. For example, the president, his vice president, the chairman of the parliament, most of the ministers and the parliamentarians belong to the Kaah party. During the voter registration, the government staff were with the voter registration team campaigning for their party while using the government resources. The cars they were driving, the guards who were with them and the gas they used for their vehicles were all government resources. Only two parties – Kaah and Mideye – were able to campaign in Kalkacyo stadium because only those two parties had access to the government resources. All other campaigns, those without access to resources, were not able to campaign successfully. It is like one person competing against another person who has been given a two-mile head start in a five-mile race. Of course, the chance of the person starting two miles behind the competition has zero chance of winning, unless a miracle happens. It is time for President Deni to consider all of the above and come to the negotiation table, where agreement can be reached on a process which all stakeholders find fair. The president should realize that Puntland is moving away from the election process it has relied on for the last 24 years, and that before the election takes place, another process must be implemented based on one person, one vote. If the president proceeds with the current type of election with all its constraints, President Deni is the one responsible for any negative consequences. The president should explain to all stakeholders – to people in general –what policies he has in mind for putting into practice regarding the election. It is not fair to wait until council elections are concluded before outlining the government’s next steps. All opposition parties should come together to negotiate on the election process. The only time one person can gain the moral high ground required to rule is if there is an agreement on the election process. Without such agreement, it is like someone dictating to all the others, and this will eventually lead to disaster. By: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein Mohabdhus@gmail.com Atlanta, Georgia Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Puntland at a crossroads: Urgent calls for negotiation appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu, Somalia (HOL) - In a significant blow to the terrorist organization al-Shabab, Somali security forces successfully intercepted a cache of weapons and military supplies for the second time in less than 48 hours at the port of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  8. News from Mudug region indicates that troops belonging to Puntland’s opposition have constructed barricades in strategic locations in the towns of Laacdheer, Galkacyo, and also along the northern outskirts of that city. These forces have reportedly declared their intention to block the upcoming local elections in Puntland. Additionally, the security forces of the Puntland administration, tasked to deliver election materials to Mudug are said to be stationed in Garoowe and are not allowed entry to enter Mudug regions. Opposition politicians, critical of the electoral process and the selection of delegates, have alleged that President Deni is trying to manipulate the upcoming Puntland presidential elections in 2024. Although there are still ongoing disputes regarding the electoral processes and the one-person-one-vote in the regional government of Puntland, President Said Abdullahi Deni has stated that the scheduled elections will take place on time. The President of the Puntland regional government, Said Abdullahi Deni, emphasized in a recent speech that Puntland will successfully hold inclusive elections, allowing for the participation of all eligible candidates and voters, and that anyone dissatisfied with the process can address their concerns through appropriate channels. The one-person one-vote elections are set to commence in all districts of Puntland, and political opponents within Puntland are actively campaigning against what they are calling a flawed elections process. Somalidispatch Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay ayaa shaaciyay in la jeexay waddo cusub. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in hadda kadib si daah-furan loogu tartami doono boosaska shaqo ee dowladda, taasi oo muujineysa in hadda aynu kasii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax lagu qeybsan jiray. “Waxaa rejaynayaa in aan ka baxno dhibaatooyinka 4.5 oo runtii dabar adag oo cadaalad aan laheyn oo bir ah ku haya shacabka Soomaaliyeed, waxaa looga bixi kara in wixii fursad ah ee jira in loo tartamo si hufnaan leh, sida dastuurka uu qabo. Taas ayaa gaari doona oo dhisayna,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Mudane Xamza ayaa bogaadiyey wasaaradda waxbarshada iyo dhammaan macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah-furnaanta leh ee ay u maamuleen imtixaanka saddexdii kun ee macallin oo maanta si toos ah u soo gaba-gabeysay wasaaradda waxbarshada, hiddaha iyo tacliinta sare. “Waa guul kale, tirada yar ha ka fiirin laakiin jihada aan u dhaqaaqnay waa kii saxda ahaa, markaas waa guul kale oo lagu farxo. Macallimiinta waxaa saaran masuuliyad weyn oo waxaa idin sugeysa afartaas milyan, magaalooyinka, tuullooyinka ama guryaha ayay iska joogaan, marka waa in aad ogaata in masuuliyadda maanta lagu saaray ay tahay mid qaran, una diyaar garow macallimow sidii aad masuuliyadaas uga soo bixi laheyd.” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hadafka xukuumadda Dan-Qaran yahay horumarinta waxbarashada iyo la-dagaalanka jahliga, sidaas darteed ay dowladdu go’aansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato, kuwaasi oo ka haw-lgeli doona gobollada dalka. Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in xukuumadda federaalka ee uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in kor loo qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta. Si kastaba, Xukuumadda Dan-Qaran oo xoojinaysa qorshaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira kor u qaadida waxbarashada ayaa imtixaan daah-furan u fariisisay macallimiin gaaraya ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawaaqay intii guulaysatay. The post Maxay tahay wadada cusub ee maanta ay jeexday DF ee bedelaysa 4.5? appeared first on Caasimada Online.
  10. Click here to read more about this Qaran News
  11. All 13 Minneapolis City Council seats will be on the ballot in November's city elections. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta markale dekedda Muqdisho ku qabatay Konteer siday agab iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab. Alaabtan oo u badan kuwa ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan saanad ciidan ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, islamarkaana laga soo dajiyay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa isla maanta waxaa lagu qabtay qalab kale oo loo adeegsado qaraxyada, oo isleeyihiin kan dekedda lagu qabtay, loona waday kooxda Al-Shabaab. Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socday agabka iyo saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, kaasi oo howl-gal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay, sida uu warbaahinta u sheegay wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha XFS. Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamed Cali Xaggaa iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo si wada-jir ah shir jiraa’id u qabtay, ayaa tilmaamay in sirdoonka Soomaaliya uu ku guuleystay la socoshada dhaq-dhaqaaq walba oo Shabaab dooneyso inay ku dhagarto shacabka, taasi oo sahashay in la helo xogtooda. “Labada alaabood ee tan dekedda iyo garoonka waxay cadeynaysa in isla xidhiidhaan oo ay yihiin wax wada socda oo ay khidad ay maleegayaan argagixisada oo Ilaahay ka sakow ay ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha Xaggaa. Xaggaa ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso inay dardar-galiso dagaalka ka dhanka ah khawaarijta oo hadda ka socda Gobollada dalka si amni looga dhigo caasimada iyo gobolada dalka oo idil. Ciidanka hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 18-kii bishaan dekedda Muqdisho ku qabtay Konteenar lagu soo qariyey saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ku jireen alaab ciidan oo kala duwan. “Dhammaan Shabakaddii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto, iyadoo qofna uusan ka baxsan” ayaa xilligaas lagu yiri bayaan kasoo baxay NISA. Dekadda iyo Airport-ka ayaa ah labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa sidoo kale waxay muujinayaan shaqada adag ay haayaan hay’adaha ammaanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeenna Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya oo horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la-macaamiilka kooxda Al-Shabaab ayaa xilligaan waxaa ka go’an in tallaabo adag laga qaado danbiilayaasha iyo qof kasta oo ku kaalmaysa kooxda dhibaatada ay ku haayaan shacabka, ha ahaadaan ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo kamid ah bulshada. Hoos ka daawo muuqaallada agabka lagu qabtay dekedda iyo garoonka The post NISA oo dekedda iyo garoonka markale ku qabatay saanad ciidan oo loo waday Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxii kooxda Al-Shabaab u qaabilsana Zakawaat-ka ee gobolka Galgaduud uu wadno istaag u dhintay, kadib markii uu orad uga baxso islahaa ciidamadda xoogga dalka. Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Mahad Cagaduub ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada xoogga dalka, kadib howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen deegaanka Towfiiq oo 15-KM dhanka waqooyi kaga beegan Galcad. Ninkan ayaa si gaar ah wuxuu ku magacownaa Madaxii Zakawaat-ka deegaanada Meexaan, Towfiiq, Cali Afrax, Bud-bud iyo Ceel-raydab ee gobolka Galgaduud, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. Mahad Cagaduub ayaa markii ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada xoogga dalka, waxaa soo weeraray oo ciidankii soo qaabtay ninkaan kusoo qaaday weerar arbushaad ah koox ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo markaas uu isku dayay inuu ka baxsado gacanta ciidanka. Dowladda ayaa shaacisay in horjoogahan markii uu ordayay ugu yaraan 3-KM uu wadnuhu istaagay, wuxuuna ku dhintay bartii, iyada oo aysan wax rasaas ah ku dhufan ciidanku. “Koox ka tirsan argagaxisada naflacaariga ah ayaa weerar arbushaad ah kusoo qaaday ciiidankii soo qabtay xiligaas ayuuna isku dayay in uu baxsado lkn markii uu ugu yaraa 3km ordayay ayuu wadnaha istaagay wuxuuna ku dhintay bartii iyadoo wax rasaas ah lagu dhufan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Ciidamada dowladda ayaa hadda gacanta ku haaya labo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, oo isla howl-galkaasi ay kusoo qabteen. Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dalka si hordhac ah uga bilowday wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo wejigiisa labaad ee rasmiga ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda. The post DF oo shaacisay in horjooge sare oo Shabaab ah ‘uu wadno istaag u dhintay’ kadib markii uu… appeared first on Caasimada Online.
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay oo maanta si toos ah u soo gabagabeysay Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare. Xukuumadda DanQaran oo xoojinaysa qorshaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira kor u qaadida waxbarashada ayaa imtixaan daah furan u fariisisay macallimiin gaaraya ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawaaqay intii guulaysatay Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hadafka Xukuumadda DanQaran yahay horumarinta waxbarashada iyo la dagaalanka jahliga, sidaas awgeed Dowladdu go’aansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato kuwaasi oo ka hawlgeli doona gobollada dalka, isagoo intaa ku daray in xukuumadda ka go’an tahay in kor loo qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax CabdulQaadir ayaa ka warbixiyey heerarkii qaadasho ee ay soo mareen saddexda kun ee macallin ee ku guuleystay imtixaannaadkii la qaaday, kuwaas oo kamid noqonaya shaqaalaha dowladda. Mudane Xamsa ayaa bogaadiyey wasaaradda waxbarshada iyo dhammaan macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah furnaanta leh ee ay u maamuleen, taasi oo muujinaysa in hadda aynu ka sii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax lagu qaybsansan jiray, balse hadda aynu furnay wado cusub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo aan dastuuri aheyn, oo uu kaga dul boodayo awoodaha dastuuriga ah ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xamza ayaa u magacaabay Xaawo Axmed Xasan Maareeyaha Guud ee Hay’ada Tayo-dhawrka, halka uu Suuban Cabdi Nuur Gaas u magacaabay maareeye ku-xigeenka guud ee Hay’ada Tayo dhawrka. Tallaabadan ayaa ah mid ra’iisul wasaaraha uu ku galay khaladaad dastuuri ah, isaga oo la wareegaya awoodda madaxweynaha, meeshana ka saaray Maareeyaha Hay’adda Cali Yaasiin Gurbe. Maaareeye Cali Yaasiin Gurbe ayaa waxaa magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, oo ku magacaabay qodobka koowaad ee dastuurka, ayada oo isla maariyihii horena uu xilka ka qaaday madaxweynaha. Haddii ay dhacdo in xilka laga qaado Cali Yaasiin, waxaa sidaas sameyn kara madaxweynaha oo kaliya, ayada oo magacaabis kasta oo cusubna ay ka imaneyso isla dhanka madaxweynaha, sida ku cad dastuurka. Haddaba su’aasha waxay tahay xagee ra’iisul wasaare Xamza ka keensaday awoodda uu ku magacaabay maareeyaha cusub. Waxaa sidoo kale isweydiin mudan goorma ayaa xilka laga qaaday maareeye Cali Yaasiin?. Arrintan waxay u baahan tahay in madaxweynaha uu soo faro-geliyo, islamarkaana ayido dastuurka dalka, haddii kale waxay ku noqon doontaa calaamad su’aal aan ka harin. Waxaa sidoo kale xusid mudan in maareeyaha uu magacaabay Xamza ay xubin ka tahay qoyska madaxweynaha, taasi oo ka dhigan in madaxweynaha ay tahay inuu si gaar ah u eego kiiskan. The post Xamza ma wuxuu la wareegay awooddii madaxweynaha kadib tallaabada uu qaaday? appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed. Shirkan oo ah kii 9-aad ayaa socon doona muddo saddex maalin ah, waxaana qorshuhu in lagu dhaqan-gelinayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada. Shirweynahan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyada oo lagu soo bandhigayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar wax yaabood oo haddii aan wada-jir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaasi oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda. Mudane Xamza ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon-yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa sheegay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin. Xamza ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska. Si kastaba, Xukuumadda Federaalka ee Dan-Qaran, ayaa dadaal xooggan ugu jirto sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed ugu abuuri laheyd fursado shaqo, sida uu ka dhawaajiyay ra’iisul wasaare Xamza. The post Sawirro: Shirweyne Qaran oo laga daah-furay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Ankara (Caasimada Online) – Muwaadiniinta Turkida ah ee qurba-joogta ah ayaa Sabtida maanta ah bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada kala reebtada ah ee madaxtinimada Turkiga taasi oo ay ku herdamayaan Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu, oo doonaya in uu soo afjaro xukunka madaxweynaha ee labaatanka sano uu dalkaasi maamulayay. Doorashada ku celiska ah ayaa Turkiga ka dhaceysa 28-da bishan oo ku beegan Axadda danbe, waxayna timid ka dib markii Erdogan uu waxyar uun ka hoos maray tiradii loo baahnaa oo ahayd in ka badan %50 (konnton boqolkiiba) taasi oo u saamixi lahayd in uu ku guuleysto tartankii ugu adkaa ee uu waligiis galo. Ilaa 3.4 milyan oo qof oo Turki ah oo qurba-joog ah ayaa xaq u leh in ay codkooda dhiibtaan, iyagoo ka mid ah 64 milyan oo qof oo ka codeynaya guud ahaan doorashada dalkaasi. Qurba joogta ayay codeyntoodu socon doontaa 20-ka illaa 24-ka bishan. Wakaaladda wararka ay dowladdu leedahay ee Anadolu ayaa warisay in codeyntu ay ka bilaabatay dalal badan oo ku yaalla Aasiya iyo Yurub. Jarmalka oo ah halka ay ku nool yihiin diyaasbarada ugu badan ee Turkiga ayay 1.5 milyan oo qof oo Turki ahi xaq u leeyihiin in ay codkooda dhiibtaan. Doorashadii Axaddii hore ayaa xisbiga Erdogan ee talada haya ee AK Party iyo xulufadiisu waxa ay ku guuleysteen aqlabiyadda baarlamaanka dalkaasi. Kilicdaroglu, oo ah murashaxa isbahaysiga mucaaradka ah ee lixda xisbi, ayaa helay codad dhan 44.88%, isagoo ku soo xigay codadka Erdogan oo gaarayay 49.52%, iyadoo Erdogan uu been ka dhigay ra’yi aruurinno soo baxay oo muujinayay in ninka ay is-hayaan uu ka badin doono. Indhaha ayaa hadda lagu wada hayaa Sinan Ogan, oo ah musharraxa kaalinta saddexaad galay oo helay 5.17% taageerada dadweynaha. Go’aan kasta oo uu ku taageerayo mid ka mid ah labada musharrax ee isku soo haray ayay suurtogal tahay in ay guusha siiso musharraxaasi. Khudbadihiisa ayuu hadda Kilicdaroglu xoogga ku saaraa qaxootiga dalkaai jooga, isaga oo dowladda ku eedeeyey in toban milyan oo qaxooti ah ay u oggolaatay in ay dalka joogaan, waxaana uu sheegay in haddii uu guuleysto uu dhammaantood dib u celin doono. Ma uusan bixin wax caddayn ah oo ku saabsan tirada muhaajiriinta dalkaasi jooga. Turkey ayaa ah dalka koowaad ee martigeliya tirada ugu badan ee qaxooti ah oo dhan afar milyan sida ay sheegeyso tirada rasmiga ah ee ay dowladdu faafisay. Ogan ayaa ku ololeeyey in uu dib u celin doono qaxootiga oo ay ku jiraan 3.6 milyan oo Suuriyaan ah oo ka soo qaxay dagaalka Suuriya. Erdogan ayaa sheegaya in uu yahay kan kali ah ee badbaadin kara Turkey oo ah dal xubin ka ah gaashaanbuurta NATO, xilli qiimaha maciishaddu uu aad u kacay, sicir bararkuna uu aad u sarreeyo, uuna u dheer yahay saameynta dhul-gariirkii dalkaasi ku dhuftay bishii February. ISHA: VOA The post Wararkii ugu dambeeyay doorashada ku celiska ah ee Turkiga appeared first on Caasimada Online.
  18. Agabka iyo sanaadiiqda doorashooyinka qof iyo cod ee degmooyinka Mudug iyo Buurtinle oo la mariyay jid ka baxsan laamiga dheer ayaa sida la xaqiijiyay ugu danbayntii gaaray degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Gaadiidka sida sanaadiiqda iyo agabka doorashooyinka oo ay galbinayaan ciidamo ka tirsan dowladda ayaa laga gudbiyay jid leexsin ah oo mara dhanka Boocame iyo Karin-garfood islamarkaana laamiga Buurtinle ka gala hawdka Magacley. Dhinaca kale ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli fadhiya Yoocada Bixin iyo sidoo kale togga Laacdheere ee duleedka Garoowe xilli aan lagu guulaysan xallinta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan qabsoomidda doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland. PUNTLAND POST The post Agabka doorashooyinka Puntland oo ugu danbayn gaaray degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada. Shirkan oo ah kii 9-aad ayaa soconaya muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar wax yaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah. Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa sheegay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda DanQaran ay dhallinyarada Soomaaliyeed u abuurayso fursado shaqo, waxuuna ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Mogadishu (HOL) – At least ten people have been killed in fierce fighting involving rival clans in the Lower Shabelle region, residents and community elders said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  21. Wadanka Dimuquraadiga ah ee Gongo ayaa waxaa ka dhacday arrin dhif iyo naadir ah, taas oo baraha bulshada hadal heyn badan ka abuurtay, kadib markii saxaafadda dalkaas ay baahisay in wasiir ka tirsan dowladda uu Uur u yeelay ku-xigeenkiisa, taas oo noqotay mid siweyn hadal heyn u abuurtay. Tony Nwaba oo ah wasiirka waxbarashada dalkaas ayaa falkaan galmada ah kula kacay Aminata Namasia oo ah wasiir ku -xigeenka waxbarashada dalkaas, sida uu bartiisa Twiter-ka uu ku qoray saxafi u dhashay dalka Gongo, isaga oo sheegay inaan madaxda lagu aamini karin la shaqeynta Dumarka. Labadan nin ayaa dhaleecayn culus kala kulmay muwaadiniinta DRC, iyadoo lagu eedeeyay inay muujinayaan dhaqan xumo iyo inay muujinayaan akhlaaq xumo dalka ka jirta. Arrintaan ayaa noqotay mid aad bulshada u dhexe qaadaya falka uu ku kacay wasiirka waxbarashada Tony Nwab. Archy Lema, oo ah muwaadin u dhashay DRC, isla markaana isticmaala Twitter-ka ayaa yiri, “DRC waa waddan ceeb ah, dhaqankoodu waa inuu ahaado mid aad u wanaagsan oo sharaf leh, gaar ahaan maadaama ay aad caan u yihiin oo ay hodan yihiin” ayuu yiri suxufiga baahiyay sheekada Uurka. Aminata Namasia, waxa ay ahayd Abriil 12, 2021, waxa loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Qaranka Gongo ee Waxbarashada Hoose, Sare iyo Farsamada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah oo hoos imanaysa golaha wasiirada Jean-michel Sama Lukonde, Ra’iisulwasaaraha dalka Gongo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Sheeko soo taxan Dagaalkii Faqashta 1984,Kii Berbera 1992 & kan Laascaanood 2023….”Hoojintii Axmed iyo Huqdii Cudbi!” Dhacdooyinka iyo masaa’ibka dunida meerayaa marar badan inaka oo aan dareensanayn ayay hareeraheena ka dhaccaan oo inna ag maraan. Meel inagu dhow iyo meel inaga dheer ba waa ka dhacaan, badanka na ma inna taabtaan. Haa, ma inna taabtaan iyada oo aynu inta yare e kooban, ee dhacdooyinkaas iyo masaa’ibtaas faraha ku la jirta ee maamulaysa ka mid nahay mooyee. Marar ka qaarkood, ayay dhacdaa in si ku talagal la’aan ah, ay isu taabtaan doonta aynu saaranahay iyo kuwa masiibaysan ee wareegaaya. Mararka qaarkood, amyuro dhacay ka hor intii aynaan dhalanin, ayaa sii jeexa jidka aynu mari doono. Dunida ayaynu ku soo biirnaa innaka oo khabaar moog ah, oo aan ka war qabin xaqiiqada ah in dariiqii mustaqbalku uu is qoray oo diyaar yahay. Sidii diyaarid hal kursi oo kaga ahi u dhimanyahay, ayaynu ku soo boodnaa oo halkii boos ee banaanaa buuxinaa, markaas bay inala haaddaa. Oo diyaaraddu xagee u socotaa?, In aad jawaabta garanayso ayaa la moodaa, laakiin runtu waa in aanad garanayn. Axmed yare, 30 jir, ay dhashay Cudbi oo aan daris ahayn sodoemeeyo sanno hortood ayaa sidaas ah. Waa kan sariirta jiifa. Waa sariir cisbitaal ee ma aha mid uu dookhiisa ku jiifsaday. Halkaas labada garab dhexdooda, oo gaar ahaan silsiladda lafdhabarta ah ayay xabad ololaysaa, oo halkaas kalxanta hoosteeda jidhkiisa ka soo gashay ka baxday. Nin aanay is garanayn oo doonaayay in uu dilo ayaa halkaas ka la helay, dhab ahaan na wuu ba dilay. Wuu dilay, laakiin hadana waa kan nool. Haa, wuu noolyahay, waxba se ma ku noola. Marka Afrika la joogo, dhaawacyada qaarkood dhimashada ayaa dhaanta. Hadii ay jirto wax dhaawac iyo dhimasho u dhexeeyaa, oo magac loo gu yeedho leedahay, waa xaaladdan Axmed ku jiro ee madaxa oo keliyi dhaqaaqaayo. Hooyadii Cudbi oo agoonimo ku soo korisay baa dul fadhida cisbitaal Addis Ababa ku yaalla. Inantoodii Hodan ee waatii aan inankayaga waayaa ku dhaaran jirtay marka ay dhanaantahay, xaaskiisii iyo caruurtiisii na, Hargeysa ayay ka ga war sugayaan iyaka oo u rajaynaaya in uu cagihiisa is ku taago, ma se muuqato. Ka dib markii uu duleedka Laascaanood ku dhaawacmay, ee loo safriyay dhinaca Hargeysa, hal cabaar ah baa la gu hayay cisbitaalka ciidanka ee Hargeysa. U fiirso, cisbitaalka waa la gu hayay ee la gu ma dawaynayn, maxaa yeelay xalaadiisa waxba la ga ma qaban karayn. Waxba la ga ma hagranayn ee tamar baa sidaas noqotay. Qoysku awood dhaqaale ma laha, Axmed oo madinimo darted hore loo gu guuriyay iyo hooyadii ayaa guri ku wada jira, waxaanay quutaan wixii uu askarinimo ku soo helo. Markii la toltolay nabaradii xabaddu oogada sare ku reebtay ee ay bogsadeen, ayaa Axmed qoyskiisa loo sheegay in ay guriga geeyaan oo ku haystaan, maalintaas baana dad ba isugu dambaysay. Waxad moodaa in aan abidkii loo baahanin oo aanu micno lahayn. Caleen yar oo geed ka go’day inta ay geedka micno u leedahay in leeg buu Axmed u lahaa kuwii uu ka mid ahaa, amaba uu moodaayay in uu ka mid ahaa. Axmed aabihii Warsame isaga oo dhalinyaro ah ayuu jabhad noqday. Aabihii oo Axmed kan awawgii noqonaaya, ayaa magaalada Sheekh la gu dilay 1984kii, keligii baanu dhalay. Jabhaddii SNM niman ka mid ahaa ayaa magaalada meel u dhow jidgoyn ka sameeyay oo baabuur dawladdii Maxamed Siyaad lahayd ku burburiyay, askar na ku laayyay. Dawladdu iyada oo falkaas ka cadhootay, ayay dadkii rayidka ahaa ee magaalada Sheekh soo ururisay, bishii November ee sanadkaas baanay 14 nin iyo hal ruux oo dumar ah dhegta dhiiga u dareen bilaa maxkamad. Gabadha waxa la gu eedeeyay in ay falka jabhadda u mashxaradday. Axmed-yare awawgii sidaas nasiib darada ah buu xabad u gu dhintay. Xaaladda taas ah ayaa Axmed aabihii oo Warsame ah ku hogaamisay in uu jabhad noqdo, todoba sanno ayaanu si adag u ga dagaalamay goob kasta oo uu ku soo beegmay. Maalintii uu ka soo badbaaday halaagii dhacay oo dhan, ee SNM qabsatay goboladii Waqooyi, ayuu bilaabay in uu salka ka dego oo gursado. Sidaas iyo sababtaas ayay Cudbi ku kulmeen oo qoys ku disteen isaga oo 25 jir ah. In kasta oo waxgarad iyo waayo arag ba uu ahaa, hadana ma ku filnayn oo in uu dagaal kale galo ka ma baajin khibradiisu. Cudbi iyada oo Axmed iyo Hodan oo mataano ah uurkooda leh, ayuu Warsame ka qayb galay dagaal micno darro ah oo Berbera ka dhacay, waanu ku dhintay 1992kii. Isaga iyo nin ay jabhadda wada ahaayeen, oo guri na ku wada jireen, ayaa dagaalka Berbera ku soo wada dintay, iyada oo ay labada saf e dagaalka is ka ga hor jeeda ku ka la jiraan. Is ku mar baa warkii geeridoodu soo gaadhay labadii dumar ahaa ee ay qabeen, ee guriga ku wada jiray. Waa xasuustaa oo dhacdo naxdin leh ayay ahayd, maxaa yeelay labada nin ba waa aqaanay. Cudbi maalintaas ayay moodaysay in naxdin iyo calool xumo oo dhami u dhamaatay, xalaaddan Axmed ku suganyahay, ee geeri iyo nolol aan midnaba ahayn baa se maanta u ga sii daran shaki la’aan. Waa jiilkii saddexaad oo xabadi salfato, is la xabadaas lafteeda ayaanay aabihii iyo awawgii ba ku baxeen, sababta iyo duruufahoodu ha ba ka la duwanaadeen. Addis Ayaan Cudbi ku la kulmay is la bishan May ee 2023 ga horaanteedii. Waa ka xumaaday dhab ahaan xaaladda ay ii ga warrantay, in aanan waxba u qaban karayn na waa ka sii xumaaday. Waxa ay ii sheegtay in Axmed uu caruur badan dhalay, badankoodu na aad u yaryaryihiin. Waxa ay ii sheegtay, in Xassan Yoonis oo waagaas ahaa taliyaha ciidamada Somaliland, uu gunno u qoray, wiilka marka oo 15 jir gaadho na, uu u gu balan qaaday in ciidanka loo qori doono. Sidaas baa Axmed oo markaas uun guursaday ciidanka loo qoray, dagaal uu galo iyo xabad uu rido na tan Laascaanood baa u gu horaysay. Cudbi waxa ay I gu tidhi, intii xabaddu qaraxday ba, wadnahaygu ma garrayn. Tobanaan jeer baan u sheegay in uu meeshaas iskaga yimaaddo, ma se yeelin. Mar walba waxa uu I gu odhan jiray, ayay hooyo Cudbi tidhi, oo caruurtii maxaan siiyaa? Si kastaba, Cudbi iyo Axmed qisadoodu aad ayay ii damaqday, sida aan geeridayda u hubo ayaanan u hubaa tobanaan iyo boqolaal xaaladood oo taas la jaad ah amma ka sii darani in ay jiraan labada dhinac ba. Xabad xun oo daxalaysatay, oo ka dhacaysa qori xun oo daxalaystay, oo beri hore dunidu ka baxday, oo ay is ku ridayaan wiilal yaryar oo aan si dhab ah u garanayn waxa ay is ku dilayaan, kuwii dabka geliyay na aanay muraad ka lahayn, xaqiiqada taas ah ee Axmed oo kale ayaa ka soo baxda. Caruurtii uu dartood halista u galay, inta noloshiisa ka hadhay ayay kaadida jiifka ka ga qaadi doonaan, qof ilaahay abuurtay oo ka war qabi doona xaaladiisu na ma jiro, marka la ga reebo qoyskiisa. Kuwii Axmed dagaalka geliyay, iyaka iyo wiilashooda oo aad u barwaaqaysani hadba hotel Hargeysa ah ayay ka cunaan raashin qaali ah, marka ay dhergaan na, dibirada ayay hadba meel la jiifsadaan. Axmed oo kale iyo kuwa goobahaas nafwaaga ku haligma, marka ay saxaafadda la hadlayaan waxa ay u gu yeedhaan halgamayaal ciidda difaacaaya. Laakiin marka ay gaarka yihiin, waxa ay u yaqaanaan dad loo ma ooyaan ah oo is ka dhintay. Lacagteena ayaa rag dhinta iyo xabad la rido ba innoo haysa, ayay si xishood darro ah isugu yidhaahdaan. Abidkay waan maqli jiray halhayska ah ‘noloshu cadaalad ma laha – life is not fair’. Marka aan arko nin habeen iyo maalin dagaal u ololaynaaya, oo fagaare kasta ka ga baaqaaya, laakiin aanay isaga iyo caruurtiisa toona wax dhib ahi soo gaadhayn, xariiq yarn a ku dhehoo, oo hadana dagaaladaas uu shidaayo ay rag ssidaas Axmed oo kale ahi ku haligmayaan, baan idhaahdaa haa, noloshu cadalad ma laha! (Fiiro gaar ah: Axmed, iyo Cudbi iyo Warsame, ma aha magacdoodii dhabta ahayd. Qisada inankooda iyo qoyskka guud ahaan in aan si aad u faahfaahsan wax u ga qoro oo baahiyo ma ay ii fasixin, sidaas darted baanan magacdooda u bedelay.) Waxaa Qoray:Maxamed Haaruun Biixi Qaran News