Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa galay maalintiisii labaad kaa uu shalay muqdisho ka daahfuray Raa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre. Shirkaan ayaa waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda xilligaan dhallinyada. Shirkaa ayaa maanta waxa looga hadli doonaa Doodo iyo dhageysiga fikradaha kala duwan ee dhalinyarada ka qeyb galeyso shirka si loo saxo aqabada iyo fursadaha horyaal dhalinta soomaaliyeed ee ka faaiideysiga raba. Ra’iisul oo shirkaa furay ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah. Shirweynaha Dhallinyarada oo ah kii 9-aad ayaa muddada saddexda maalin uu socdo diiradda lagu saari doonaa caqabadaha dhalinta ku horgudboon sidoo waxaa lagu soo bandhigi doonaa Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin toddoba ad ah, ka dib wadahadallo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga. Heshiiskaan ayaa la saxiixay goor dambe oo sabti ah,waxaana lagu wadaa in 24 ka saac ee soo socda ay dhaqangasho xabad-joojinta,sida lagu sheegay war ka soo baxay Washington iyo Riyaad. Tallaabadaan, waxaa dhaqangalintiisa kormeeri doona Mareykanka , Sacuudiga iyo dalal caalami ah sida kagu xusay bayaan kooban oo aan faahfaahin laga bixin. Heshiisku waxa kale oo uu dhigayaa in la qaybiyo gargaarka bini’aadantinimo, soo celinta adeegyada muhiimka ah iyo in ciidamada laga saaro isbitaallada iyo xarumaha muhiimka ah ee bulshada. Dagaalada ka socda Suudaan todobaadkii lixaad,waxa ku dhintay boqollaal qofhalka dad ka badan hal milyan oo ruux ay ku barakaceen. PUNTLAND POST The post Dhinacyada Suudaan oo ku heshiiyay xabbad-joojin Todobaad ah appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo safiirada caalaamka ee jooga caasimada. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiirada arimaha gudaha, caafimaadka iyo Wasiiru-dowlaha madaxtooyada maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann, kaas oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaanada Jubaland kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha amaanka iyo hormarinta deegaanka. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ballan-qaad ka helay Midwoga Yurub oo sheegay inuu ka taageeri doono qorshe laga fulinayo afar degmom gaar ahaan dhismaha golayaasha deegaanka oo afar degmo oo kamid ah maamulka Jubbaland oo dhawaan la bilaabayo. Jubbaland ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaabm wuxuuna dhanka kale maamulka wadaa qorshe lagu dhisayo goleyaasha deegaanka ee degmooyinka hoostaga maamulkaas oo ka arrimiyaha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka. Madaxweynaha Jubbaland ayaaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay ku xigeenka safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle iyo qaar kamid ah saraakiisha Ciidamada AFRICOM ee ka howlgala gudaha waddanka Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa isna looga hadlay tageerada Maraykanka ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dagaalka Shabaab iyo wejiga labaad ee howlgallada ka bilaabanaya dalka. Waxa kale oo uu Axmed Madoobe, magaalada Muqdisho kula kulmay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay dhamaystirka golayaasha deegaanka Jubbaland iyo tageerada mashariicda kala duwan ee ka socda Jubaland. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Jubbaland oo taageero u heshay qorshaheeda maamul u sameynta… appeared first on Caasimada Online.
  4. Magaalada Khartoum ee dalka Sudan iyo magaalooyinka kale ee dalkaasi ayaa waxaa laga soo wariinayaa in ay ka jirto xaalad deganaan ah, walow ay juraan walaac laga muujinayo inuu dagaal dib u qarxo, kadib xil ka qaadistii lagu sameeyay goggaamiye ku-xigeenka Milatariga dalkaas General Cabdul Xamiid Daqalo hoggaamiyaha RSF. Hoggaamiyaha Milatariga dalkaasi Cabdulfitax Al-Burhaani shaqada uu ka saaray ku-xigeenkiisa ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli ay jiraan wadahadallo ay Mareykanka iyo Sucuudiga gadaal ka riixayaan oo ka socda Jeddah, waxaana dhinacyada ay isku dayayaan in ay gaaraan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya labada ciidan. Wareegto kasoo baxday Gen Burhaan ayaa ku xigeenkiisa ugu magacaabay hoggaamiyihii hore ee fallaagada Malik Agar. Mr Agar sidoo kale waa xubin kamid ah Golaha Sare, hoggaamiyaha xilka laga qaaday ayaa xukuma xoogagga gurmadka Degdega ee RSF oo ka amar qaata Daqalo, kaas oo dagaal adag kala soo horjeeda Burhaani. Xilkaqaadistiisa ayaa waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in ay shaki badan galinayso sii socoshada Wadahadallada labada dhinac, maadaama ciida uu hoggaamiyo Generalka shaqada laga saaray ay quudareynayeen in lagu biiriyo ciidanka MIlatiga Sudan, taas oo markii hore la isku mari waayay hannaan loo marayo iyo waqdiga ay qaadaneyso Gen Burhaan iyo Hamdan labaduba waxay soo ahaayeen guddoomiye iyo ku-xigeenka Golaha Sare ee talada haya siday u kala horreeyaan, tan iyo bishii Oktoobar 2021-kii ee afgambigii militariga uu xukunka dalka la wareegay, waxaana ku-xigeenku markaas dalbaday in xukunka dalka dib loogu celiyo rayidka, taas oo la isku mariwaayay. Dagaalka dalka Sudan ayaa waxaa uu noqday mid aysan ku kala adkaan dhinacyada, xilli rajo laga muujinayo in heshiis dhab ah lagu gaaro Sucuudiga, hey’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in tacadiyo ka dhan ah la geystay Aadanaha, iyadoo ciidanka mucaaradka dhankooda lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Haweenka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Mogadishu (HOL) - After a 32-year hiatus, the Central Bank of Somalia (CBS) has made a triumphant return to the Global Payments Week (GPW) in Marrakesh, Morocco, marking a significant milestone in the revival of Somalia's financial system. This remarkable comeback highlights Somalia's progress in the global financial system, promising a brighter, more connected future. Source: Hiiraan Online
  6. Cidamada Suudan iyo kuwa RSF ayaa ku heshiiyay xabbad joojin ku meel gaadh ah oo laga sameeyo Suudaan, iyadoo dagaalka u dhexeeya labadan kooxood uu galay todobaadkii lixaad. Isku daygii hore ee xabbad joojinta ee dhex maray ciidamada caadiga ah ee Suudaan iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) ayaa horay u guuldareystay. Laakiin heshiiska cusub waxaa lagu dhaqan gelin doonaa “habka la socodka xabbad joojinta,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga. Mas’uuliyiinta Suudaan waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa Mudadad 7 maalmood ah ee ay xabad joojinta socota. Source
  7. Dhusamareb (HOL) - The Somali government has confirmed the death of Mahad Agadub, a high-ranking leader of Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  8. When Abdi Nor Iftin arrived in the United States in 2014, the first thing he noticed was the fresh smell of the air. It smelled different and unlike the air back in Somalia, which smelled like sand under the sun. Source: Hiiraan Online
  9. Muwaadiniinta dalka Turkiga ayaa maalintii labaad codadkooda ka dhiibanaya wadamada caalamka goobo kamid ah oo loo asteeyay in ay ka codeeyaan Qurbajooga, Wareegga labaad ee doorashada, waxaana codeyntu ay socon doontaa ilaa 24-ka May , iyadoo siweyn ay ugu tartamayaan labada xisbi ee AK Partty ee hoggaamiyo Erdogan iyo xisbiga mucaadka ah ee Jamhuuriga uu u sharaxan yahay ninka lagu magacaabo Kemal Kılıçdaroğlu. Doorashada Qurbajoogta ayaa saameyn badan ku leh doorashada gudaha, Sanaadiiq codbixinta ayaa waxaa lakala dhigidoonaa ilaa 167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan, waxaana sanaadiiqda codadka la geyn doonaa Turgiga si halkaas loogu tiriyo , iyadoo siweyn loo sugayo amniga Sanaadiiq codadka, waxaana sidoo kale olole aad u xooggan uu ka socdaa gudaha dalka oo 28-ka loo dareerayo wareegga labaad. Wareegga labaad ee doorashada gudaha dalka Turkiga ayaa waxaa siweyn isugu haya musharaxiinta ugu codka badan ee kala hoggaaminaya xisbiga AK Partty iyo Xisbiga mucaaradka ah, waxaa soo sedexaaye Sinan Ogan oo uhoggaamiya National Muvement Partty waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu la midoobi karo xisbiga AK Partty ee uu hoggaaminayo Recep Tayyip Erdogan, kaas oo markii sedexaad doonaya hoggaanka dalka Turkiga . Sinan Ogen ayaa waxaa lagu tilmaamaa nin ku adadag Diinta Islaamka, taas ayaa keenaysa inuu ka weecdo Kemal Kılıçdaroğlu, kaas oo sheegay inuu doonayo inuu kala saaro Diinta iyo Dowladnimada Turkiga, sidii uu hore uu u sameeyay ninkii dhidibada u taagay Jamhuuridda dalka Turkiga Mustafa Kemal Ataturk, waxaana sidoo kale lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad ula dhacsan siyaasadaha reer Galbeedka iyo dowladda Mareykanka. Doorashada dalka Turkiga ayaa waxaa la saadaalinayaa in sanadkaan ay macquul tahay in wareegga sedexaad loo baahdo maadaama dadka Turkida ay u kala jabeen kuwa taageersan Xisbiga talada haya AK Partty iyo xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga oo doonaya dhankooda isbedel cusub iyo xukunka dheer ee AK Partty lasoo koobo, waxaana magaalooyinka waa weyn sida Istanbul iyo caasimadda Ankara laga dareemayaa olole xooggan. Doorashada Turkiga sanadkaan ayaa waxaa lagu tilmaamay doorashadii Qarniga, maadaama Turkiga uu galayo qarni cusub, 2023, kadib markii ay u soo idlaatay cunaqabateyntii la saaray dhicitaankii dowladdii Cismaaniyiinta oo laga joogo muddo 100 sano ah Turkiga ayaa waxaa dhidibada u taagay Mustafa Kemal Ataturk, hoggaamiyihii xisbiyada Midoobay, waxaana uu ahaa shaqsi aad ula dhacsanaa siyaasadda reer Galbeedka iyo Mareykanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. President of Somalia, H E Hassan Sheikh Mohamud, has disclosed that Qatar has offered to act as a hub for Somali exports as the East African nation embarks on a journey of reconstruction and economic growth after a decade-long crisis because of terrorism and civil war. Source: Hiiraan Online
  11. Kenya’s two biggest refugee camps could be transformed into new permanent urban centres in a move to relieve Nairobi of the security burden while sustaining its humanitarian obligations. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann. Kulanka ayaa looga hadlay tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaanada Jubaland kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha amaanka iyo hormarinta deegaanka. Midowga Yurub ayaa sidoo kale Jubaland ka tageeraya dhismaha golayaasha Deegaanka oo afar degmo oo kamid ah dhawaan la bilaabayo. Wasiirada Arimaha gudaha, Caafimaadka iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubaland ayaa kulanka qayb ka ahaa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Codeynta doorashada ku-celiska ah ee Turkiga oo durbaba bilaabmatay Muwaadiniinta Turkida ah ee qurba-joogta ah ayaa Sabtida maanta ah bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada kala reebtada ah ee madaxtinimada Turkiga taasi oo ay ku herdamayaan Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu, oo doonaya in uu soo afjaro xukunka madaxweynaha ee labaatanka sano uu dalkaasi maamulayay. Doorashada ku celiska ah ayaa Turkiga ka dhaceysa 28-da bishan oo ku beegan Axadda danbe, waxayna timid ka dib markii Erdogan uu waxyar uun ka hoos maray tiradii loo baahnaa oo ahayd in ka badan %50 (konnton boqolkiiba) taasi oo u saamixi lahayd in uu ku guuleysto tartankii ugu adkaa ee uu waligiis galo. Ilaa 3.4 milyan oo qof oo Turki ah oo qurba-joog ah ayaa xaq u leh in ay codkooda dhiibtaan, iyagoo ka mid ah 64 milyan oo qof oo ka codeynaya guud ahaan doorashada dalkaasi. Qurba joogta ayay codeyntoodu socon doontaa 20-ka illaa 24-ka bishan. Wakaaladda wararka ay dowladdu leedahay ee Anadolu ayaa warisay in codeyntu ay ka bilaabatay dalal badan oo ku yaalla Aasiya iyo Yurub. Jarmalka oo ah halka ay ku nool yihiin diyaasbarada ugu badan ee Turkiga ayay 1.5 milyan oo qof oo Turki ahi xaq u leeyihiin in ay codkooda dhiibtaan. Doorashadii Axaddii hore ayaa xisbiga Erdogan ee talada haya ee AK Party iyo xulufadiisu waxa ay ku guuleysteen aqlabiyadda baarlamaanka dalkaasi. Kilicdaroglu, oo ah murashaxa isbahaysiga mucaaradka ah ee lixda xisbi, ayaa helay codad dhan 44.88%, isagoo ku soo xigay codadka Erdogan oo gaarayay 49.52%, iyadoo Erdogan uu been ka dhigay ra’yi aruurinno soo baxay oo muujinayay in ninka ay is-hayaan uu ka badin doono. Indhaha ayaa hadda lagu wada hayaa Sinan Ogan, oo ah musharraxa kaalinta saddexaad galay oo helay 5.17% taageerada dadweynaha. Go’aan kasta oo uu ku taageerayo mid ka mid ah labada musharrax ee isku soo haray ayay suurtogal tahay in ay guusha siiso musharraxaasi. Khudbadihiisa ayuu hadda Kilicdaroglu xoogga ku saaraa qaxootiga dalkaai jooga, isaga oo dowladda ku eedeeyey in toban milyan oo qaxooti ah ay u oggolaatay in ay dalka joogaan, waxaana uu sheegay in haddii uu guuleysto uu dhammaantood dib u celin doono. Ma uusan bixin wax caddayn ah oo ku saabsan tirada muhaajiriinta dalkaasi jooga. Turkey ayaa ah dalka koowaad ee martigeliya tirada ugu badan ee qaxooti ah oo dhan afar milyan sida ay sheegeyso tirada rasmiga ah ee ay dowladdu faafisay. Ogan ayaa ku ololeeyey in uu dib u celin doono qaxootiga oo ay ku jiraan 3.6 milyan oo Suuriyaan ah oo ka soo qaxay dagaalka Suuriya. Erdogan ayaa sheegaya in uu yahay kan kali ah ee badbaadin kara Turkey oo ah dal xubin ka ah gaashaanbuurta NATO, xilli qiimaha maciishaddu uu aad u kacay, sicir bararkuna uu aad u sarreeyo, uuna u dheer yahay saameynta dhul-gariirkii dalkaasi ku dhuftay bishii February. Qaran News
  14. Afar calaamadood haddii aad indhahaaga ku aragto booqo dhakhtar Intee in le’eg ayaa laga joogaa markii kuugu dambeysay ee aad booqatay dhakhtarka indhaha? Dr. Mark T. Dunbar, oo loo aqoonsaday mid ka mid ah dhaqaatiirta indhaha ee ugu fiican Ameerika ahna agaasimaha adeegyada indhaha ee Basquim Palmer Eye Institute ee Jaamacadda Miami, ayaa ku talinaya in qofka ay tahay in qiimayn iyo baaritaan uu indhahiisa ku sameeyo sannad kasta. “Xaaladaha qaar, waxaad samayn kartaa baaritaannada iyo qiimeynta labadii sanaba mar laakiin sida ugu habboon waa inay ahaataa mid sanadle ah,” Dunbar ayaa sidaasi u sheegay BBC. In kasta oo ay muhiim tahay in aragga wanaagsani leedahay, haddana waxaa jira qaar badan oo naga mid ah oo iska indha tiraya caafimaadka isha, sababtoo ah waxaynu u malaynaynaa in aynu arag wanaagsan leennahay ama mar uun aynu u baahannahay in aynu soo qaadanno muraayadaha indhaha. Markaa u tag dhakhtarka indhaha ka dibna isaga go’aan ha ka gaaro waxa aad u baahan tahay. “Kuweenna lahaa arag wanaagsan nolosheenna oo dhan ma qadarin,” ayuu yiri Dunbar. Ma aha wax aan caadi ahayn in aan aragno dad da’doodu u dhaxayso 40 ama 50 jir oo aan waligood baaris ku sameyn xaaladda indhahooda.’ Sida ay khubarradu sheegeen, kakanaanta xubinta sida isha bani’aadamka oo kale awgeed, waxa fudud in aynaan dareemin isbeddellada qaarkood, sida in waxoogaa isbeddel ah oo ku yimaado tayada aragga labada indhood ama guud ahaan aragga oo xumaada. “Haddii aadan cusboonaysiin baaritaannada iyo muraayadahaaga, waxaa laga yaabaa in si fiican aadan wax u arkin,” ayuu yiri, isaga oo ka hadlaya bukaannada xirta muraayadaha. Dr Dunbar wuxuu faahfaahin ka bixiyay calaamadaha qaar ee tilmaamaya inay tahay waqtigii la booqan lahaa dhakhtarka indhaha, ama marka ugu horreysa ee aad u baahan tahay inaad cusboonaysiiso muraayadaha indhaha. Aragtida oo kugu adkaata markaad gaari kaxeynayso Sida laga soo xigtay Dr Dunbar, ‘Marka aad si lama filaan ah isku daydo inaad akhrido calaamadda taraafigga oo aadan arki karin ilaa aad u dhawaato, taasi badanaa waa calaamad digniin ah. Sida kamarada oo kale, indhahaagu waxa ay u baahan yihiin in ay eegaan iftiinka si ay si cad wax ugu arkaan. Marka aad qabto dhibaato aragga, iftiinku waxa uu diiradda saarayaa xagga hore, kaas oo kaa qarin kara walxaha fog, sida calaamadaha waddooyinka. Marka xaaladdan aad ku jirto wadidda gaariga waxay noqon kartaa mid adag, gaar ahaan xilliyada habeenkii. Muraayadaha indhaha wax uma qabtaan oo kali ah indhaha, balse waxay hagaajiyaan gelitaanka iftiinka, waxa ayna si sax ah ugu qaybiyaan iftiinka dusha sare ee isha. Waxaa intaa dheer, tignoolajiyadda cusub ee lenska-ka- waxay kaa caawinaysaa iftiinka si aad si caadi ah wax ugu aragto. Inay kugu adkaato in aad aragto sheyga kugu dhow Haddii ay kugu adag tahay inaad akhrido buugaag ama akhrido shaashadda taleefankaaga, xitaa iyadoo muraayadahaagu kuu xiran yihiin, tani waa calaamad muujinaysa inaad u baahan tahay in laguu qoro murayado cusub. Presbyopia, ama aragtida dhow, waxay dhacdaa marka aynu waayeel noqonno, taas oo adkeynaysa in diiradda la saaro walxaha u dhow isha. Dr. Dunbar wuxuu farta ku fiiqay in laga yaabo in caafimaadka isha uu wanaagsan yahay, laakiin dhibaatadu meesha ay ka jirto ay tahay iftiinka. Muraayadaha ama ookiyaalayaasha ayaa saxa dhibaatadan waxayna ka ilaaliyaan isha culeyska soo fuula marka aan isku dayno inay wax akhriyaan. Aragga is bad-baddala xilliga maalinkii Haddii aad aragto in araggaagu isbeddelayo maalinta oo dhan, tani waxay noqon kartaa calaamad kale oo aad u baahan tahay inaad bedesho muraayadahaaga indhaha. Dr. Dunbar waxa uu sheegayaa in sababta ugu weyn ee tani ay tahay murqaha isha oo daala. Haddii aad isha ku eegto hal meel muddo aad u dheer, sida marka aad ku shaqaynayso komtutarka, waxaa laga yaabaa in indhahaagu daalaan oo awooddaada diiradda ayaa laga yaabaa inay yaraato. “Marka aad samaynayso wax aad dhab ahaantii xoogga saarayso, sida ka shaqaynta kombuyuutarka, ama daawashada filimada, ama akhrinta buug, heerka libiqsigaaga indhaha- ayaa hoos u dhacaya, laga yaabee caadiyan in uu kala bar hoos u dhaco . Way ka sii darnaan kartaa, haddii aad indhahaaga ciriiri geliso, aad isku dayayso inaad la qabsato iftiinka, indhahaagu waxay ka baqayaan culayska oo way ka sii dari doonaan dhammaadka maalintaa. Haddii ay arrintu sidan tahay, waxa laga yaabaa inay tahay waqtigii aad booqan lahayd dhakhtarka indhaha si xaaladdaada loo eego. Isbaddal ku yimaada mid ka mid ah indhaha ama labadaba Isbeddel lama filaan ah oo ku yimaadda aragga hal ama labada indhood waxay calaamad u noqon kartaa in wax ka sii daran uu soo socdo. Sida laga soo xigtay Dr. Dunbar, ‘Haddii aadan si cad wax u arki karin, waxay noqon kartaa mid fudud sida beddelka muraayadahaaga ama ookiyaalahaaga, laakiin xaaladda sidaasi way ka sii darnaan kartaa.’ Tusaale ahaan, luminta aragga muddada-gaaban waxay noqon kartaa calaamadda caadka, taas oo, sida uu Dr. Dunbar u sharraxay, ay ku keeni karto dhibaato aragga , oo ay xitaa kugu adkaato baabuur-wadidda habeenkii, iyo inaad si wanaagsan wanaagsan wax u eegto. ‘Tignoolajiyada aan maanta haysano, qalliinka nooca loo yaqaanno cataract waa mid sahlan wuxuuna qaataa 15 daqiiqo,’ ayuu yiri khabiirku. Xaaladaha aadka u daran, caafimaadka indhaha ayaa sidoo kale caawin kara in la ogaado dhibaatooyinka halista ah sida sonkorowga iyo dhiig karka, kuwaas oo keeni kara isbeddel ku yimaada xididdada dhiigga ee isha. “Dhammaan kuwani waa sababaha loogu talinayo in dadka si joogto ah loo baaro indhahooda, ma aha oo kaliya inay helaan aragtida ugu fiican, balse ay la socdaan caafimaadak indhahooda.” Qaran News
  15. Mogadishu (HOL) – Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre opened the three-day National Conference of Somali Youth in Mogadishu on Saturday. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare oo shalay ku dhawaaqday natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay ayaa shaacisay in macallimiinta qaar ay kusoo xareysteen codsiga shahaadooyin been abuur ah. Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in hadda aysan ceebeynayn macallimiintaas ku kacay arrintaas la-yaabka ku noqotay, balse ay uga digayaan inay ka waantoobaan waxyaabahaasi qaldan. “Mar waxaan damacnay in aan ceebeyno dadka ku xad-gudbaya hufnaanta, laakiin waxaa dhahnay maadama markii u horeysay ay tahay faraha markaan faraha ka qaada, laakiin marka dambe ma deynayno, dadka la yimaada shahaadooyinka been abuurka waan hayna magacyadooda,” ayuu yiri wasiir Faarax Cabdulqaadir. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dadkaasi ay shahaado been abuur kala yimaadeen Jaamacado ku yaalla dibadda, kuwaasi oo markii ay wasaaradda la xiriirtay noqday kuwa laga been abuurtay oo sal iyo raad toona laheyn. “Jaamacadihii ayaa la xiriirnay oo liiskoodii waa la hayaa, haddii aan sii deyno waxa laga yaaba in badhkood lala aado maxkamaddo oo dhibaatooyin waaweyn la kulmaan. Been abuur in lagu shaqeysto suurta-gal ma ahan, weliba in macallin lagu noqdo suurta-gal ma ahan, meelaha kale ee muluq-muluqda ah anaga ma ogin.” Dhinaca kale, Wasiirka ayaa waxa uu shaaciyay in kharashaadka ku baxaya macallimiinta cusub ay bixiyeen shacabka Soomaaliyeed, “culeyska cidda dusha saaratay waa shacabka Soomaaliyeed ee canshuurta bixiya, iyaga oo abaar iyo dagaal ku jira go’aan ku gaaray inay bixiyaan canshuur loogu shaqaaleysiiyo macallimiin carruurtooda wax barta.” Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Dadka Soomaaliyeed ee canshuurta bixiya waaye waxa keenay fursadaan, ee ah inay dadkeena wax bartaa.” Billo kahor ayay aheyd markii sidan oo kale ay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay shaacisay in shirkadaha qaar ee soo xareystay tartankii adeegga Xujeyda Soomaaliyeed ay codsigooda kusoo gudbiyeen dukumtiyo been abuur ah, sida shati been abuur ah. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa markaas baaris ku billaabay shirkadahaas ku kacay been abuurka, kuwaasi oo la fahamsan yahay in xilligaasi wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay la wadaagtay xafiiska xeer ilaalinta magacyada iyo xogta la xiriirta shirkadahaas, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. Si kastaba, ka baaqsiga in wasaaradda waxbarashada ay xogta dadkaasi la wadaagto xeer ilaalinta ama hay’addaha kale ee shaqada ku leh ayaa lagu macneeyay mid ay digniin kama dambeys ah ugu direyso dadka ku kaca been abuurka, gaar ahaan kuwa soo xareysta fursadaha kala duwan ee wasaaraddu baahiso. The post DF oo ka baaqsatay ceebeynta dad ku kacay arrin yaab leh appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) - Somali government forces have apprehended Mahad Agadub, the al Shabab head of Zakawat for several villages in the Galgadud region, during an anti-al Shabab operation conducted on Saturday. Source: Hiiraan Online
  18. Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Soomaaliya muxuu ka doonay Laascanood? Wararka ka imaanaya Laascanood ayaa sheegay in wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowl Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif uu tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool. Wararka ayaa intaa ku daraya in uu kulamo la yeeshay gudiga 33 ee SSC. Waa wasiirkii ugu horeeyay ee ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee tago magalada Laascaanood. Lama oga in uu weli magaalada joogo iyo inkale. Dagaalka Laascaanood ee ku billowday dilka Cabdifataax Hadraawi wuxuu u xuubsiibtay qaddiyad siyaasadeed iyo mid qabiil. Wuxuu kaloo saamayn ku yeeshay wixii wadahadal ah ee laga yaabo inay dhex maraan Soomaaliya iyo Somaliland, waayo maamulka Somaliland wuxuu u arkaa in Puntland iyo dawladda federaalka oo dhinac ah ay dagaalka hurinayaan. Laascaanood: wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo Tiknilajiyada DFS Jaamac xasan khaliif ayaa maanta kormeer ku tagay cisbitaalka guud ee Laascaanood oo burbur baaxadle gaadhay, sidoo kalena wuxuu booqday dhaawacyada halkaasi yaala. Qaran News
  19. Sudan's military blamed the raid on the paramilitary Rapid Support Forces (RSF), Qatar denounced the attack without laying blame on any group. Meanwhile, there were reports of air strikes in the area around Khartoum. Source: Hiiraan Online
  20. Somalia's aviation authority says revenue collection from air traffic has significantly increased since the country's airspace was upgraded to Class A in January. More than 500 international flights use Somali airspace a day, with air traffic likely to increase further. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal culus ka sameeyay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah. Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay xalay isku fidiyeen ciidamada Booliska Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafado ay ka mid tahay xaafada Ciise Cabdi, halkaas oo goob fagaare ah la’isugu keenay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood ay ciidamadu horey u kaxeysteen, si ay u weydiiyaan su’aallo dheeraad ah. Ujeedka howlgalka ayaa ahaa lab weji mid lagu xaiijinayay amniga iyo la dagaallanka waxyaabaha maanka dooriya oo muddooyinkii dambeeyay ay wadday dowladdu. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay howlgalka sii wadi doonaan, ayaga oo shacabka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga, si looga hortago amni darrada. Dayniile ayaa kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ee ay mararka qaar weeraro iyo dilal ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo haatan wajahaya culeys xoogan. Howlgalladan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyada dowladda Soomaaliya ka wado magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, burcadda iyo ciyaal-weerada. Si kastaba, reer Muqdisho ayaa hadda ku nooloonaya nabad iyo deganaan ay heleen kadib isbeddalka amni ee ka dhacay caasimada oo lagu wareejiyay Ciidan Boolis Milataaro ah. The post Ciidanka ammaanka oo xalay howlgal culus ka sameeyay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  22. Saudi Arabia’s Crown Prince Mohammed bin Salman met with Arab leaders on Friday on the sidelines of the Arab League summit that convened in Jeddah, the official Saudi Press Agency (SPA) reported. Source: Hiiraan Online
  23. Senegal staged a dramatic late comeback to beat Morocco 2-1 and win the Under-17 Africa Cup of Nations title at the Nelson Mandela stadium in Algiers on Friday. Source: Hiiraan Online
  24. RIYADH: The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center has signed a cooperation agreement with the Somalia-based regional mission of the Organization of Islamic Cooperation to provide support for the Emergency and Rescue Unit of the Somalian Health Ministry, benefiting 821,250 people. Source: Hiiraan Online