Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.
    Bandhiggan oo ah midkii 7-aad ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirro Aqoonyahanno, Macallimiin, Arday, Qorayaal iyo Akhristayaal ka kala yimid guud ahaan dalalka caalamka iyo gobollada dalka.
    Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay muhiimadda akhriska iyo qoraalku u leeyihiin dalalka soo koraya, isaga oo sheegay in jidka kaliya ee horumar lagu gaari karo uu yahay aqoonta iyo akhriska.
    Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan Qaranay ahmiyad gaar ah siinayso dhiirri-gelinta akhriska iyo qoraalka, waxuuna si wayn ugu mahad celiyay masuuliyiinta iyo qaban-qaabiyayaasha bandhiggan.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  2. Guddoonka labada Golee ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeennada ayaa maanta falanqayn ka yeeshay qaban qaabada iyo hannaanka furitaanka Kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka  oo furmaya 29-ka May 2023.
    Kulanka ayaa sidoo kale waxaa sidoo kale  goobjoog ka ahaa labada xoghaye ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalmahaan gacanta ku hayay isku dubaridka xafladda furitaanka labada gole ee Baarlamaanka 11-aad, waxaana lagu wadaa inuu Kalfadhiga Baarlamaanka uu furo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Khudbad u jeedin doona.
    Baarlamaanka labadiisa ayaa Kalfadhigii labaad waxaa ay qabteen shaqo culus, iyaga oo meel mariyay dhowr  iyo Ton Sharci, kuwaas oo muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliya, waxaana kamid ahaa Sharciga Hey’adda NISA, taas oo sharci yeelatay, kadib dowladdii dhexe iyo kuwa kale oo muhiim ah oo kasoo gudbay golaha xukuumadda oo soo diyaarisay sharciyadaasi.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  3. Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka kumeel gaarka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka, kaas oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa waxaana guddoomiyay guddiga Xil. Mahdi Maxamed Guuleed.
    Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka kumeel gaarka ah Jamhuuriyadda Federalka ayaa xogwareysi ku saabsan waxqabadkooda la yeeshay guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG iyadoo intaasi kadibna ay guddiga weydiiyeen su’aalo ku saabsan warbixintooda.
    Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka ayaa ugu mahadceliyey xubnaha ka socday guddiga madaxa banaan warbixintooda wanaagsaneyd ee ay siiyeen guddigooda si hawlaha guddiga uu u xilsaaray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ugu noqdo dhameystir maadaama laga doonayo  guddiga.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  4. 349001947_906618090415184_42434112970853

    Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shir deg-deg ahaa oo heerkiisu sareeyo, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

    Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaayey xaalada adag ee ka jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Kulankaan oo goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa waxaa ka qeyb-galay dhamaan hay’addaha deeqaha bixiya ee dowladaha Islaamka, ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii dadka ku barakacay fatahaada gargaar loo garsiin karo.

    Sidoo kale waxaa kulankaan ay dhinacyadu ku lafa-gureen sida la iskugu duwi karo howlaha gargaarka, ee ku aadan xaalada adag ee ka taagan magaalada Beledweyne.

    Guddoomiyaha hay’adda ayaa dhamaan masuuliyiinta iyo wakiilada uu la kulmay ee ka socday hay’addahan kaga warbixiyey xaalada magaladaas, madaama uu booqasho dhowr maalin qaadatay uu ku tagay Beledweyne .

    SODMA ayaa tudabaadkii hore waxa ay magaalada Muqdisho ka dirtay 50 gaari oo sida shixnad mucaawino ah looguna tala-galay shacabka dhibatada ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabelle ka sameeyey gudaha Beledweyne iyo deeganada ku xeeran.

    Arrimahan ayaa imanaya xilli uu barakac horleh ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, uuna madaxweynaha HirShabeelle uu dowladda federaalka ugu baaqay inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne.

    Si kastaba, Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqdan qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn.

    348924175_1000446100960243_3639513932455 348907796_731426532072942_88236073675289 348980907_263645776222092_58019212030356 349001947_906618090415184_42434112970853 348962265_570625695136104_94119664431743 348838156_202857742592010_84228104230594

    The post DF oo shir deg deg ah ku qabatay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

  5. SAF1-860x573-1.jpg?resize=860%2C573&ssl=

    Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda Danjire, Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirkaTurkiya ee Uganda Amb. Fatih Ak.

    Labada safiir ayaa sida warbaahinta dowladda Soomaaliya sheegtay waxay ka wada hadleen xariirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dowladood.

    Safiirka Turkiya ayaa ka mahadceliyay sida diirran ee safaaradda Soomaaliya ee Uganda loogu soo dhaweeyay, taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa xariirka wanaagsan ee labada dal.

    Safiirka Soomaaliya Cali Cagabaruur ayaa ka mahad celiyey booqashada uu safaaradda ugu tagay, sidoo kalena ka mahad celiyay taageerada aan kala-go’a lahayn ee dowladda Turkiya la garab taagan tahay dowlada Soomaaliya.

    PUNTLAND POST

    The post Safiirada Soomaaliya iyo Turkiga u fadhiya Uganda oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.


  6. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta Guddoomiyey Shir deg-deg ahaa oo heerkiisu sareeyo kaas oo looga hadlaayey xaalada adag ee ka jirta Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
    Kulankaan oo goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa waxaa ka qeybgalay dhamaan hay’addaha deeqaha bixiya ee dowladaha Islaamka,waxaana looga hadlay shirkaan Xaaladda Fatahaada Baladweyn,sida dadka ku barakacay fatahaada gargaar loo gaarsiin karo iyo sida la iskugu duwi karo howlaha gargaarka.
    Guddoomiyaha Hay’adda ayaa dhamaan masuuliyiinta iyo wakiilada uu la kulmay ee ka socday hay’addahan kaga warbixiyey xaalada magaladaas madaama uu booqasho dhoor maalin ka qaadatay ku tagay Baladweyne .
    SoDMA ayaa tudabaadkii hore waxa ay magaalada Muqdisho ka dirtay 50 gaari oo sida shixnad mucaawino ah looguna talagalay shacabka dhibatada ka soo gaartay Fatahaada Wabiga Shabelle ka sameeyey gudaha Baladweyn iyo deeganada ku xeeran.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  7. 349072651_243548314992579_60864666480263

    Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xaafadaha degmada Badhan ka sameeyay olole cajiib ah, oo codka ugu raadinayo Urur Siyaasiyadeedkiisa KAAH.

    Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ayaa baahisay madaxweyne Deni oo sidoo kale ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH oo albaabada u garaacaya qaar kamid ah dadka xaafadaha degmadaasi, ee u diiwaan-gashan inay ka qeyb-galaan codbixinta berri ka dhacaysa maamulkaasi.

    Saciid Deni ayaa weydiistay bulshada uu la kulmay in ay u codeeyaan urur siyaasadeedka KAAH.

    “Waxaa sharaf ii ah inaan qaraacay Albaabada xaafadaha Badhan, si aan dadkeyga u weydiisto codka in ay na siiyaan, oo u codeeyaan Ururka KAAH Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25 May 2023, KAAH waa ururka ay kasoo maaxatay aragtida iyo hirgelinta in awooda Shacabka loo dhoweeyo,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH.

    Tallaabadan uu maanta qaaday ayuu madaxweyne Deni ku tilmaamay “guul weyn oo taariikhi ah,” maadaama isaga oo madaxweynihii maamulka ah uu cod ka raadinayo bulshada, uguna tegayo xaafadaha.

    “In aniga oo Madaxweynihii ah aan cod ka raadinayo Bulshada, tegayo xaafadaha oo codsanayo cod, waa guulaha ugu weyn ee Shacabku helayo waayo waxay awood u yeesheen in ay wax doortaan, dadkaygow waxaa inaga go’an in aynu wadajir taariikh u sameyno Inshallah (Berito) 25 May 2023.”

    Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaynu suntaynaa Taariikh cusub oo soo noolaysay Rajada Shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waayo Rajada u weyn ee dalkeenu waa in dadku codeeyo. Guul Inshallah.”

    Si kastaba, Puntland ayaa waxaa la filayaa in beri ay ka bilaabato codeynta doorashada qof iyo codka ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, ayada oo mucaaradka lagu qanciyay in doorashada ku dhacdo si nabdoon, kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka.

    349072651_243548314992579_60864666480263 348650669_1760382404417111_6712274575707 349084426_129171593504741_72190139386062 348918111_222077857238149_77767125529177 349011765_1024299565619882_2033374083183 349131588_914629939615867_75392232394477 348850276_1558638361293797_4819424714552

    The post Sawirro: DENI oo qaaday tallaabo cajiib ah kahor doorashada berri appeared first on Caasimada Online.

  8. Somaliland:Nin Qudha Ka Jaray Haweenay Ay Isku Qabteen Dhul.

    Alle ha unaxariiste Marxuumad Xaliimo Aw Cabdi Diiriye ayaa gacan ka xaqdarani ku dishay degmada Godawayn ee Gobolka Saaxil , hooyadan ayaa kamid ahayd dadka deeganka ee waayeelka ah balse waxaa lay xaqiijiyey inuu toogtay nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi Ismaaciil kadib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf dhinaca dhulka ah .
    Maydka marxuumadan ayaa la keenay cusbitaalka degmada Berbera halka uu baxsaday ninkii dilka gaystay oo aan ilaa hada la hayn .
    Arintan ayaa xaalad cusub ka abuurtay deeganka Godawayn ee dhinaca koonfur galbeed ee Gobolka saaxil .

    Qaran News


  9. Somaliland waxay ku naaloonaysay nabad in muddo ah. Maxaa is bedelay?

    In ka badan 25 sano oo xasillooni ah ka dib, Somaliland – oo ah gobol ka go’ay waqooyiga Soomaaliya oo doonaya aqoonsi caalami ah – waxaa hareeyay iskahorimaadyo hubeysan. Dagaalladii ugu xumaa ee dhacay Febraayo 2023, ku dhawaad ​​100 qof ayaa lagu dilay laba toddobaad gudahood.

    Dagaalkan hubaysan iyo rabshadahan ayaa salka ku haya waqooyiga magaalada Laas Caanood. Halkan, 26-kii Diseembar 2022, Mudaaharaad ka dhashay toogasho lagu dilay Siyaasi da’yar oo caan ka ahaa deegaanka ayaa horseeday 20 dhimasho ah oo ay geysteen ciidamada ammaanka Somaliland.

    Mudaaharaadku waxa uu markiiba isu bedelay kacdoon dadweyne oo ay dad beesha Sool clan ahi ku doonayeen in ay dib ula midoobaan Soomaaliya. Dagaal khasaare geystay ayaa dhexmaray maleeshiyo beeleedyo ka mar qaata waxgaradka Sool clan iyo ciidamo ka tirsan militaryga Soomaliland.

    Si ka duwan koonfurta Soomaaliya, Somaliland waxay ku naaloonaysay nabad ilaa dhammaadkii 1990-aadkii. Waa markii ay is-qabqabsi ka dhex aloosnaa beesha ugu weyn Somaliland – Isaaq – ay ku dhammaatay heshiis nabadeed, oo ay garwadeen ka ahaayeen qaar ka mid ah beelaha aan Isaaqa ahayn.

    Dagaaladii hore ee hubaysnaa ee Isaaqa ka dhex dhacay waxa ay salka ku hayeen cidda maamulaysa dhaqaalaha iyo siyaasadda oo wakhtigaas daciif ahaa. Laakin hadda waxaa halis ku jira guud ahaan dawladnimada nidaamka qaranimada Somaliland oo sumcadda caalamka ku kasbaday balse aan aqoonsi helin. Doorashada Madaxweynaha oo lagu waday inay qabsoonto bisha November ee sanadkii hore ayaa dib loo dhigay, mana jirto waqti cusub oo loo qabtay.

    Waxaan todobadii sannadood ee u dambeeyey si aan kala go’ lahayn uga shaqaynayey caasimadda Somaliland ee Hargeysa, anigoo markii hore macallin marti ah ka ahaa iyo ugu dambayntii oo aan macallin ka noqday Jaamacadda Hargeysa (2016-2023). Laakiin weligay maan dareemin xasarad beeleed lamid ah midii aan dhawaan u arkay Somaliland.

    Xiisadaha ka taagan Somaliland ayaa laga dareemayaa waddooyinka caasimadda Hargeysa iyo sidoo kale magaalada Berbera ee xeebta Gacanka Cadmeed iyo magaalooyinka kale.

    Aragtidayda qawmiyadeed, xididdada colaadda hubaysan ee siyaasadeed waxay ka qoto dheer tahay colaad la xidhiidhta kuwa taageersan midawga –ee raba in inay dib ula midoobaan koonfurta Soomaaliya – iyo kuwa ka soo horjeeda midnimada. Waxa ka mid ah saluug dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo is biirsaday oo dhawr beelood oo darafyada ka soo jeedaan iyo in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu awood ku leeyahay talada dalka, taas oo ka duwan hab-heshiisiineed oo uu ku dhaqmo maamulkii isaga ka horreeyay.

    Madaxwaynuhu waxa uu xilka sii hayn doonaa wax ka badan mudadiisa dastuuriga ah, iyada oo awooda la kordhiyey uu muran ka dhex abuuray golaha madax dhaqameedka.

    Yaa door ka caayaaraaha isku dhacyadda?
    Qabiilku waa aaladaha muhiimka u ah siyaasadda gudaha Soomaalida. Waxay caawiyaan ciyaartoyda siyaasadda doonaya inay ku guuleystaan ​​​​ama kuwa doonaya in ay sii haystaan kursiga.

    Tan iyo doorashadii u dambaysay ee dhamaadkii 2017, qabiiladda Darafyada waxa ay si joogto ah farta ugu fiiqeen la’aanta awood-qaybsiga saxda ah ee siyaasiyiinta beesha Sacad Muuse ee fadhigoodu yahay Hargeysa. Madaxweyne Biixi waxa uu ka soo jeedaa beeshan. Xilal wasiirnimo iyo agaasimeyaal sare oo beeshaan lagu taxay ayaa kicisay dareenka beelaha kale ee darafyadda dega Soomaliland.

    Taariikh ahaan, Sacad Muuse waxay ahaayeen ganacsato. Maanta, ma aha oo kaliya ganacsiga ee sidoo kale waa hagayaasha siyaasadda Somaliland. Waxay maamulaan awoodda iyo kheyraadka dowladda si kali ah. Beeshan Muuse Biixi ka sakow waxay leedahay afar wasiir iyo wasiir ku xigeen iyo sidoo kale taliyaha ciidamada qalabka sida iyo xeer ilaaliyaha guud. Waxa kale oo ay gacanta ku hayaan ganacsigii faa’iidada lahaa ee ka jira xuduudka Wajaale oo ah xudunta dhaqaale ee ugu muhiimsan Somaliland.

    Somaliland waxay cagta saartay jidkii Siyaasad xumida. Hadal haynta gooni goosadka wuxuu ku socdaa isbeddel degdeg ah. Haddaba, Somaliland waxaad mooddaa inay la mid tahay Koonfurta Soomaaliya oo sannado badan ku suntaneed dagaallo iyo colaad joogto ah.

    Maxaa xiga?
    Rabitaanka gubanaya ee madaxda Somaliland waa inay xaqiijiyaan xudduudaha u calaamadsan waqooyi-bari Soomaaliya, oo ah xuduud ay sameeyeen maamulladii Ingiriiska iyo Talyaanigu dabayaaqadii qarnigii 19-aad. Colaadda hadda jirta – oo ay halis ugu jirto in dhul la waayo – ayaa khatar ku ah mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland. Haddii Laas Caanood ay u baxdo dhinaca maleeshiyo beeleedka Sool clan, maamulka Somaliland dacwadda aqoonsiga caalamiga ah ayaa sii wiiqmi doonta.

    Sababtaas awgeed, Muuse Biixi iyo hareerihiisa hoose waxay raadinayaan guul ciidan si ay dib ugu qabsadaan Laas Caanood. Maamulka Somaliland ayaa bilaabay in ay madaafiic ku garaacaan guryaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Ciidamadooda ayaa ka howlgala xeryo ciidan oo ku yaala deegaanada ay dadku ku badan yihiin ee dhaca duleedka Laas Caanood, iyagoo halis geliya nolosha dadka rayidka ah.

    Aqoonsiga caalamiga ah lama siin Somaliland sababtoo ah inta badan beesha caalamka – waxa loogu yeero “saaxiibada Soomaaliya” – waxay u jeedaan inay ilaashadaan midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad go’aamo isdaba joog ah oo Qaramada Midoobay ka soo saartay Soomaaliya.

    Sannado badan, sawirka Somaliland ee adduunka oo dhan wuxuu ahaa mid nabadeed. Tani waa inkastoo dadka u ololeeya iyo indheergaradka dimuqraadiyadda iyo matalaadda jamacaha iyo sidoo kale codadka warbaahinta dhaliila la xakameeyey. Ilaa iyo inta nabaddu jirto, waxa soo if baxay rajo ah in riyada dawladnimo ay rumoobi weydo. Colaadda Laas-caanood waxay damin lahayd rajo kasta oo arrintan laga qabo.

    Iyadoo aanay muuqaan in khilaafka Laascaanood uu dhamaan doono xili dhow, waxa ugu weyn ee guul-darraystay waxa noqon doono Madaxweyne Biixi.

    sababtoo ah wuxuu ku guuldaraystay in uu si cad u qeexo jadwalka doorashooyinka iyo si uu Somaliland uga badbaadiyo tafaraaruqa in uu la fadhiisto Ugaasyada beelaha Laas-caanood, rajada laga qabo in tan danbe dhacda ayaana u muuqata mid quus ah.

    Qaran News


  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.
    Shirkan ayaa looga arinasanayaa xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran. Shirka ayaa waxaa aan ka qeyb galin madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
    Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  11. Wada4.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

    Shirka 6-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta oo Arbaca ah ka furmay magaalada Muqdisho.

    Shirkan oo uu guddoominayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa qeyb ka ah madaxda maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

    Shirka waxaa ka maqan madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo horay uga baaqday kulankii Golaha Wadatashiga Qaran ee kan ka horreeyay.

    kulanka ayaa looga hadlayaa xaaladda Amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgallada lagu soo afjarayo Argagixisada, dhameystirka arrimaha deyn cafinta iyo dhaqan gelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

    PUNTLAND POST

    The post Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.


  12. 347253256_279779544476477_79118125510447

    Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maaanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

    Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjoog ah madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, HirShabelle Cali Guudlaaw, Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

    Sidoo kale waxaa shirka ka maqan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo weli khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana fashilmay isku dayo lagu doonayay in looga soo geliyo shirka maadaama ergo loo xilsaaray.

    Saciid Deni ayaa haatan ku jira tartan doorasho oo adag, maadaama ay beri Puntland ka bilaabaneyso doorashada golaha deegaanka ee maamulkaasi.

    Waxaa sidoo kale mdasha ka maqan ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo isna haatan safar shaqo ku joogo magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar, halkaas oo uu uga qayb-galayo shir Madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka furmay dalkaasi.

    Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

    Madaxtooyada ayaa sidoo kale shaacisay in madaxdu ay shirkaan diirada ku saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

    Shirka ayaa haatan kusoo aaday xilli xasaasi ah, islamarkaana Puntland ku jirto doorasho, dowladddana dhexana ay ku howlan tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

    Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.

    347423969_1312491239642653_2904006210274 347253256_279779544476477_79118125510447 347422999_656627829631383_17846099339397 347436576_240738641986178_67393041641008

    The post Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Muqdisho iyo laba mas’uul oo ka maqan appeared first on Caasimada Online.

  13. Iyadoo maalinta berri ah lagu wado in Puntland looga dareero doorashada golayaasha deegaanka oo qof iyo cod ah, ayaa waxaa xalay ciidamo diidan doorashada gacantooda galay sanaadiiqdii codeynta ee dagmada buurtinle ee gobolka gobolka Nugaal.
    d56cfeae-c1c1-42ca-82d7-af224a2c31a2.jpg

    Isla gobolkaas qaybo kale oo ka mid ah ayaa la soow warinayaa in aysan gaarin wali qalabka doorashada mana jirto ilaa iyo hadda cid arrimahaan ka hadashay oo ka tirsan gudiga doorashada iyo mamaulka Puntland.

    Wariye Axmed Cawil ayaa soo werinaya in ay ciddammo fara badan waddooyinka gooyeen, iyada oo ay jiraan degmooyin kale oo aysan qalabkii doorashadu weli gaarin waxaana ka mid ah degmooyinkan, Godobjiraan, Dangoroyo iyo weliba Garowe oo ay hoos tagaan degmoon badan.

    Doorashada PUntland ayaa waxaa hareeyay khilaafyo iyada oo dhawaan ay soo baxday warqad lagusoo xirayo qaar ka mid ah siyaasinyiinta deegaankaasi walow markii dambe lala laabtay warqaddaas.

    Qaran News


  14. Muwaadiniinta Qurbojoogta dalka Turkiga ayaa maalintii afaraad codadkooda ka dhiibanaya, iyadoo maalinta galinka dambe  lasoo gabagabeynayo, codeynta Qurbajoogta ayaa door ku leh doorashada gudaha, Sanaadiiqda ayaa dalka dib loogu celin doonaa, si halkaas loogu tiriyo, xilli gudaha wareegga labaad loo dareerayo  28-ka.

    Qurbajoogta ayaa ka codeeyay ilaa  167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan, xilli guddiga doorashada sanaadiiqda ay ku tirin doonaan gudaha dalka marka ay keenaan, xisbiga AK Partty ayaa la sheegayaa inuu taageero xooggan ka heysto Qurbajoogta, marka laga reebo kuwa ku nool Mareykanka iyo dalka Canada.

    Wareegga labaad ee doorashada gudaha dalka Turkiga oo loo dareerayo asbuuca soo aadan ayaa waxaa siweyn isugu haya musharaxiinta ugu codka badan ee kala hoggaaminaya xisbiga AK Partty iyo Xisbiga mucaaradka ah, waxaa soo sedexaaye Sinan Ogan oo hoggaamiya National Muvement Partty, kaas oo heysta tiro aan badneyn.

    Sinan Ogen ayaa waxaa lagu tilmaamaa nin ku adadag Diinta Islaamka, taas ayaa keenaysa inuu ka weecdo Kemal Kılıçdaroğlu, kaas oo sheegay inuu doonayo inuu kala saaro Diinta iyo Dowladnimada Turkiga, sidii uu hore uu u sameeyay ninkii dhidibada u taagay Jamhuuridda dalka Turkiga Mustafa Kemal Ataturk oo aasaasay Jamhuuriga.

    Doorashadaayaa waxaa wareegga labaad la saadaalinayaa ay macquul tahay in lagu kala baxo, kadib midowga AK Partty iyo National Muvement Partty ooo madaxtoodu ay ku kulantay magaalada Ankara, xilligaas Sinan Ogen uu taageero u muujiyay xisbiga uu hoggaaminayo madaxweyne Egdogan, taas ayaa keenaysa inaan 3-aad la aadin.

    Doorashada Turkiga sanadkaan ayaa waxaa lagu tilmaamay doorashadii Qarniga, maadaama Turkiga uu galayo qarni cusub, 2023, kadib markii ay u soo idlaatay cunaqabateyntii la saaray dhicitaankii dowladdii Cismaaniyiinta oo laga joogo muddo 100 sano ah Turkiga ayaa muddada Qarnigaasa  ku tallaabsaday hormarro dhinac waliba ah.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  15. Guddida caalamiga Suxufiyiinta, ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah oo aan dib u dhac lahayn u sii daayaan Suxufiyad Bishaaro Baanday oo ku xidhan magaalada Hargeysa.

    Qoraal ay guddidani soo saartay, ayaa waxa ay ku sheegeen in xoriyadeeda loo soo celiyo Weriye Bushaaro Baanday, oo ay sheegeen in markii la qabanayey ay Boolisku dhaawacyo gaadhsiiyeen.

    wakiilka CPJ ee Afrikada Saxaraha ka hooseeya, Muthoki Mumo. “Lahaanshaha fikrad diidmo ama dhaleeceyn waa inaan weriye kasta loo gelin xabsiga.

    Xukuumaduhu waa inay dhiirigeliyaan aragti kala duwanaanta, halkii ay cabudhin lahaayeen aragtiyaha kala duwan ee bulshada dhexdeeda.” Ayey tidhi Muthoki Mumo oo ah Wakiilka CPJ ee Afrika

    Source