Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “Maxkamadda Sare Haddii ay Shaadh u Tolayso Muuse Waa la Kala Tashan” Faysal C. Waraabe Hargeysa(Qaran)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Maxkamadda sare inaanu go’aan ka soo saarin oo aanu dhex gelin wax aan shaqadiisa ahayn. Guddoomiye Faysal wuxuu tallaabadii Komishanku ugu gudbiyeen maxkamadda sare inay go’aamiso doorashada soo horeynaysa, wuxuuna ku tilmaamay mid sharci darro ah. Faysal wuxuu sidaas ku sheegay mar uu maanta u warramayey BBC-da, waxaanu sheegay in Komishanku ay xaq u leeyihiin muddaynta doorashooyinka. “Go’aanka Komishanku waa sharci darro iyaga ayaa leh cayimaada doorashooyinka. Waxana laga sugayaa qorshihii doorashada madaxtooyada, maadaama oo ay dib uga dhacday sagaalkii bilood ee ay hore u sheegeen oo June ku ekaa” ayuu yidhi Guddoomiye Fsysal. Waxa kaloo uu intaas ku daray “Maxkamadda sare meel ay ka soo gashaa ma jiro cayimaada doorashooyinka. Mar horena iyadaa fowdo dalka gelisay. Waxaan ugu baaqayaa in aanu iska soo celiyo arrintaas.” Faysal wuxuu intaas ku daray haddii maxkamaddu soo saarto go’aan ay shaadh ugu tolayso Muuse la kala tashan doono. Waxaanu ugu baaqay inay sharciga ilaaliso. Qaran News
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray awaamiir culus oo la xiriirta amniga caasimadda, oo muddooyinkii dambe ay ka taagneyd xiisadd u dhaxeysa xukuumadda Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Maamulka ayaa mamnuucay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan caasimadda maamulka ee magaalada Garoowe. Sidoo kale waxay digniin kama dambeys ah siisay dad ay sheegtay inay wadaan kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha, iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn, islamarkaana ciddii lagu helo ay wajahi doonto sharciga. “Dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaan xeryahooda, si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shir amniga Puntland looga hadlayay oo ka qabsoomay Garoowe. Waxaa maanta xarunta dhexe wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta dowlad-goboleedka Puntland ka dhacay shir looga hadlay amniga guud ee Puntland, gaar ahaan amniga caasimadda Puntland. Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga wada-hadlay xaaladda amniga guud ee Puntland, ku dhaqanka xeerka amniga caasimadda oo baarlamaanku meel-mariyey, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta amniga gudaha. Shirkaan aywa waxaa ka soo qayb-galay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa, wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga maamulka Ismaaciil Saleebaan Geelle, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha gudaha iyo amniga Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), taliyaha ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire, taliyaha la-dagaalanka argagixisada iyo mukhaadaraadka Generaal Muxiyadiin Axmed Muuse. Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa shirkaan, guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir Faarax, guddoomiye ku-xigeenka gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer, taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed iyo Duqa caasimadda Cabdiqaadir Axmed Maxamuud. Ugu dambeyntiina masuuliyiintii ka qayb-galay shirka amniga Puntland gaar ahaan caasimadda ayaa isku raacay qodobada hoos ku xusan, iyada oo la faray in cidkasta oo ay qusayso ay fuliso awaamiirta ka soo baxday shirka amniga, kuwaasi oo kala ah; 1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucanay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan caasumadda. dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaa Xeryahooda si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah. 2. In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga. 3. In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga. 4. In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka. 5. In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland. The post Puntland oo amar culus kusoo rogtay Garoowe xilli ay xiisadd taagan tahay appeared first on Caasimada Online.
  3. Wefti Faransiis ah oo ka Dhoofay Dalka Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha guddida arrimaha dibeda golaha guurtida JSL xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha-indho ayaa dalka ka ambabixiyay xildhibaan Olifiyer Kaadhik oo ah guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtida ee dalka Faransiis oo booqosho ku joogay Somaliland, waxaanu muudadii uu joogay kulamo kala duwan la qaatay lamaha iyo hay’addaha dowladda. Xildhibaan Olifiyer Kaadhik oo ka mida golaha guurtida Faransiiska oo safar shaqo ku joogay JSL, ayaa maanta dib ugu laabtay dalkiisii, kadib markii uu saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaana ku sii sagootiyay guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtida Xildhibaan Cabdiqadir Maxamed Aw Xasan oo isagu markii hore dalka ku soo dhaweeyay. Xildhibaan Olifiyer Kaadhik oo garoonka diyaaraduhu ka hadaan ee magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay ka hor intii aanu dhoofin, ayaa sheegay in dowladda JSL iyo bulshada qaybaheeda kala duwani ay si weyn u soo dhaweeyeen, sidoo kale waxa uu xusay in nabadgelyo, Dimuquraadiyada iyo kala danbeyni ay ka jirto Somaliland. Xildhibaan Olifiyer ayaa sheegay in horumarka Somaliland ka socda uu yahay mid ay kawada qayb qaateen bulshada iyo dowladda oo isgarabsanaya, waxaanu xusay in inuu dalkiisii uu ku celin doono xogta uu hayo ee uu kala kulmay Somaliland, waxaanu hoosta ka xariiqay inay ka qayb qaadaanayaan sidii Somaliland Ictiraaf uga helilahayd beesha caalamka. Gabagabadii xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha-indho ayaa garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku sii sagootiyay dhigiisa dalka Faransiiska Xildhibaan Olifiyer Kaadhik, isla markaana uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid JSL waxaanu kula dardaarmay xildhibaan Olifiyer Kaadhik in uu dalkiisa u gudbiyo qadiyada madax bannaanida Somaliland ee shacabku go’aansaday. Qaran News
  4. Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa Talaadadii ka digtay in aan lagu cadaadin karin inay taageerto isku dayga ay Sweden ku dooneyso inay ugu biirto NATO. Waxay sheegtay inay weli qiimeyneyso in soo-gelitaanka dalka Nordic-ga ay caawin doonto ama dhaawici doonto isbaheysiga. Hadallada Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa yimid laba maalin kahor inta aanu dhiggiisa Sweden kula kulmin Brussels, si ay uga wada-hadlaan damaca Stockholm ay ku noqoneyso xubinta 32-aad ee NATO. NATO ayaa rajeyneysa inay Sweden kusoo dhoweyso xulufada kahor kulan madaxeedka ka dhacaya Lithuania 11-ka illaa 12-ka July. Hase yeeshee, Turkey iyo dalka kale ee xubinta ka ah NATO ee Hungary ayaa diidan inay ogoladaan Sweden, sababo la xiriira murano kala gaar gaar ah oo kala dhaxeeya. Dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa qasab ah inay wada ogolaadaan si dal cusub uu xubin uga noqdo isbaheysiga. “Marnaba ma ogolaaneyno isticmaalka cadaadiska waqtiga,” Fidan ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id. Ankara ayaa waxaa ka careysiiyey go’aanada ay Sweden ku fasaxday dibad-baxyo ay dad Islaamka neceb ay bogag ka mid ah qur’aanka ku hor gubeen safaaradda Turkey ee Ankara iyo Masaajiddo. Dibad-bixii ugu dambeeyey ayaa maalintii koowaad ee Ciidul Adxa ka dhacay magaalada Stockholm. Fidan ayaa dhacdooyinkaas ku sheegay inay tusaale u yihiin in Sweden ay ku guuldarreysatay inay ka dhabeyso ballan-qaadyadii ay sameysay markii hore ee ay ku guuleysatay taageerada Turkey sanad kahor markii ay codsiga NATO ku gudbisay Madird. “Hannaanka amni ee Sweden awood uma lahan inuu joojiyo kicinta, tani macnaheedu ma ahan inay awood dheeri ah keenayaan NATO balse dhibaato dheeri ah,” ayuu yiri. “Marka ay noqoto xeeladda iyo amniga, marka aan ka wada-hadleyno xubinnimada Sweden ee NATO, waa su’aal la xiriirta haddii ay noqon doonto faa’iido ama culeys.” AFP + VOA The post Turkey oo ka digtay arrin la isku dayayo in lagu cadaadiyo appeared first on Caasimada Online.
  5. Somaliland oo Sharraxday Dhinacyada Hurinaya Dagaalka Laascaanood Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay waxay tafaasiil ka bixisay dhacdooyinkii ka dhacay gobolka Sool tan iyo bishii February ee sannadkan. Warsaxaafadeedkan, ayaa lagu sheegay in Qarankan lagu soo qaaday weeraro aan kala joogsi lahayn iyo hawlgalo joogto ah oo lagu doonayo in lagu khalkhal galiyo xasiloonida mandaqada, waxaana hawlgaladaasi fulinayay ayuu warku yidhi isbahaysi ka kooban ciidammo ka tirsan maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kooxaha argagixisada ah, maleeshiyaadkii Laascaanood iyo askartii Soomaaliya ee lagu soo tababaray dalka Eritrea. Warsaxaafadeedku waxa uu tilmaamay in Isbahaysigaasi ay si badheedh ah u beegsadeen Ciidammada Qaranka ee ku sugan xudduudaha gobolka Sool iyo magaalooyin kala duwan oo Laascaanood ka mid tahay. Warku wuxuu intaas ku ladhay in la soo xaqiijiyay in Ciidanka badda ee Puntland oo Magacooda loo soo gaabiyo PMPF isla markaana ay Imaaraadku u tababareen la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo budhcad-badeedda ee ka hawl-gala deegaannada Puntland ee Soomaaliya ay hadda ku biireen isbahaysigaas iyagoo qaatay dirays ka duwan kii lagu yaqaanay si ay u qariyaan ujeeddooyinkooda runta ah, Waxayna Ciidankaasi wataan ayuu warku sheegay laba iyo toban baabuur oo Land Cruiser ah iyagoo qorshahoodu yahay inay sii huriyaan colaadda ka taagan Magaalada Laascaanood. Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland waxay iftiimisay in Imaaraadka iyo Somaliland uu ka dhexeeyo xidhiidh soo jireen ah oo iskugu jira arrimo ganacsi, nabadgelyo iyo mid horumarineed waxayna Somaliland sheegtay inay ka xun tahay in Ciidankii uu Imaaraadku u maalgeliyey Maamul goboleedka Puntland Somalia ay hada ku hawlan yihiin sidii ay u wiiqi lahaayeen nabadgelyada Somaliland. Waxaa kaloo Somaliland ay xustay inay ka walaacsan tahay in colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ay ka qayb galaan Ciidan kale oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland-Somalia kuwaas oo Maraykanku u tababaray la dagaalanka argagixisada iyo budhcad-badeedda, balse hadda ku hawlan weeraro ka dhan ah Somaliland. Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa warsaxaafadeedkan ay maanta soo saartay waxay saaxiibbada Somaliland iyo beesha caalamkaba u caddaysay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si hagar la’aan ah u gudatay waajibaadkii saarnaa isla markaana iyadoo aanay Somaliland raali ka ahayn ay Ciidankeeda kala baxday Magaalada Laascaanood. Warsaxaafadeedku waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay aqbashay dhexaadintii ay waday dawladda Itoobiya, inkastoo ay Wax laga xumaado tahay in maleeshiyaadka ku sugan magaalada Laascaanood aanay qaadan dhexdhexaadintaas iyo baaqyadii ka soo baxayay beesha caalamka. Warsaxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay samaysay dedaalo badan oo ay arrintan wax kaga qabanayso hasa yeeshee ay taas badalkeeda wajahayso weeraro aan kala joogsi lahayn oo keenay inay magaalada Laascaanood qabsadaan kooxaha argagixisada iyo isbahaysigan cusub. Gabo gabadii wuxuu warsaxaafadeedkan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigu caddeeyay in Somaliland aanay ka waaban doonin inay is difaacdo si ay u joojiso colaadaasi, waxayna beesha caalamka u soo jeedisay inay cambaareeyaan ficillada ay wadaan isbahaysigan burburinaya nabada deegaankaasi isla markaana ay Somaliland ku taageeraan dedaalka ay ugu jirto soo celinta nabadda iyo xasiloonida Magaalada Laascaanood. Qaran News
  6. Maxkamad ku taalla Hindiya ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay 10 nin oo loo heynsto inay afar snao kahor garaacis nafta kaga qaadeen nin Muslim ah, dhacdadaan ayaa muddo waxaa ku socotay baaris ay wadeen ciidanka Booliiska. Tabrez Ansari, oo 24 jir ahaa, ayaa dhintay maalmo kaddib markii ay weerar ku qaadeen dad ku eedeynaya inuu mooto ka soo xaday gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Jharkhand, taasna ay tahay sababta loo garaacay ninkaan. Muuqaal muujinaya Ansari oo lagu qasbayo inuu ammaano sanamyada Hinduuda, isaga oo xilligaas ku ku baryootamayo in la badbaadiyo ayaa lagu soo wadaagay baraha bulshada, taas oo keentay in siweyn bulshadu ay kaga falceliyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray kulan uu shalay Madaxtooyada Qaranka kula yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shariif ayaa waxa uu shaaciyay in kulankaas ay madaxweynaha iskula qaateen in si deg deg ah u qabsoomo kulan ay isku arki doonaan siyaasiyiintii horay u diiday heshiiskii 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran. Kulanka Shariif iyo Xasan ayaa ahaa kulankii labaad ee noociisa ah, kadib markii ay siyaasiyiintii mucaaradka ay meel adag iska taageen heshiiskii u dambeeyay ee Golaha, kaasi oo wax ka bedel loogu sameeyay hanaanka doorashooyinka dalka. “Aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan Madaxtooyada ku yeelanay kulan gaar ah. Aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan isku raacnay in shirkaas u qabsoomo si deg deg ah, ayna ka soo qayb galaan siyaasiyiintii soo saaray warmurtiyeedkii looga soo horjeeday heshiiskii GWQ,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu soo saaray. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha ay ka wada-hadleen xaalada dalka iyo arrimaha lagu kala aragtida duwan yahay. Kulanka madaxweyne Xasan iyo Shariif ayaa hordhac u ah kulamo siyaasadeed oo maalmaha soo socda uu bilaabayo madaxweynaha Soomaaliya. Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in madaxweynuhu uu casuumay xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka ay Midowga Musharaxiinta isku baheysteen, markii uu talada joogay Farmaajo. Siyaasiyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkaan Muqdisho imaanaya, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoon doona tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran. Si kastaba, Sheekh Shariif ayaa madaxweynaha horey uga codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran. The post Shariif oo shaaciyay arrin ay isfaham ka gaareen Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  8. “Xaaladda Dalku ku Jiro waxa lagaga bixi karaa Doorashooyin Wadar Ogol ah” Murrashax Cirro Hargeysa(Qaran news)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in xalka kaliya ee Somaliland ku badbaadi kartaa waa doorashooyin wadar oggol ah. Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebookga, waxaanu u qornaa sidan:- “Maanta xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya ee lagaga bixi karaa waa doorashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin dhammaan daneeyayaashu. Awoodda cayimidda doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xil saaran muddeynta doorashooyinka sida xeerarka dalka iyo Dastuurku jideynayaan. Qaraarkii hore ee Maxkamadda sare ee sannadkii hore ayaa sabab u ahaa khilaafka doorashooyinka ee daba dheeraaday ee maanta dalka ka taagan. Maxkamadda sare waxa aan uga digeynaa in ay dalka ka abuurto khilaaf hor leh oo cusub iyada oo uu dalku ku jiro xaalad adag oo amni, siyaasi, dhaqaale iyo mid bulshaba leh, taas oo waddanka meel xun dhigi doonta mas’uulyadeedana uu qaadi doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare!” Qaran News
  9. Ceelal ku Shaqeeya Tamarta Cadceedda oo Xadhiga Laga Jaray Hargeysa(Qaran)- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Khayraadka biyahaJamhuuriyadda Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray shan ceel oo cusub iyo Sagaal ceel oo la saaray ilayska tamarta qoraxda ku shaqeeya. Wasiir Cali ayaa sheegay in ceelasha ay maanta xadhiga ka jareen ay yihiin mashaariic balaadhan oo lagu soo kodhiyay biya balaadhinta magaalada Burco, kuwaas oo ka kooban 5 ceel oo cusub iyo 9 ceel oo nidaamka qoraxda laga dhaliyo lagu soo kordhiyay, waxaanu xusay in lagaga maarmayo shidaalkii badnaa ee la isticmaalayay, isla markaana degaanka wax lagaga qabanayo. Geesta kale waxa uu xusay in ay ku wareejiyeen mushiino waa weyn wakaalada biyaha ee Burco, waxaanu tilmaamay in isku xidhka nidaamka ceelashaasi ay hanti badani ku baxday, waxaanu intaas ku daray in ceelashani ay yihiin kuwii uu madaxweynaha JSL dhagax-dhigey safarkiisi u danbeeyay ee ku tagey magaalada Burco. Dhanka kale waxa uu sheegay in guud ahaan ceelasha biyaha siiya magaalada Burco ay yihiin 23 ceel-biyood, waxaanu intaas raaciyay in iskaashiga masuuliyiinta wakaalada biyaha iyo maamulka gobolka ay ku hirgaleen shaqooyinka socda. Gaba’gabadii waxa uu sheegay in Miisaaniyada Qaranka laga hirgeliyay Ceelashan, halka qayb ahaana Baanka horumarin looga sii qaatay. Qaran News
  10. Nolosha malaayiin qof ayaa habeen qura is beddeli karta haddii xukuumadda UK ay Somaliland u aqoonsato dal madax banaan” sidaa waxaa yiri Sir Gavin Williamson. Wasiirkaas hore oo xubin ka ah xisbiga muxaafidka wuxuu shalay baarlamaanka hor geeyey sharci uu dalkiisa ku aqoonsanayo Somaliland, ayadoo ujeeddadu tahay in loollan lagala hor tago mowqifka diblomaasiyadeed ee aan isbeddelka lahayn ee tobanaan sano hor taagnaa Somalland. Isagoo la hadlayey wakaaladda wararka PA ayuu Williamson ku dhaliilay xukuumadda UK qaabka ay u wajahdo Soomaaliya iyo Somaliland. “Markii aan ahaa xoghaya gaashaandhigga waxaan safar ku tegey Soomaaliya anigoo gaaray Muqdisho, waxaanan sidoo kale fursad u helay in aan booqdo Hargaysa, Somaliland. Waxaan arkay waxa xad ee ay labadu ku kala duwan yihiin” ayuu yiri Williamson. Waa uu sii watay hadalkiisa “waxaad aragtay fowdada iyo amni darrada ka taagan Soomaaliya, misna marka aad tagto Somaliland waxaad arkaysaa dal aad u safri karto, oo ka soo duuli karto, oo aad tagsi u raaci karto bartamaha magaalada, oo aad ku dhex lugayn karto, oo aad dadka la hadli karto. Waxay ahayd mid sahlan, waana mid caadi ah” ayuu yiri. “Sidaasoo ay tahay waxaan aqoonsannay dal ay fawdo ka taagan tahay, oo aan lahayn sharci, mana aynaan aqoonsan dal ay degenaansho ka jirto oo doorasho ay ka dhacday oo carruurtu ay iskuullNolosha malaayiin qof ayaa habeen qura is beddeli karta haddii xukuumadda UK ay Somaliland u aqoonsato dal madax banaan” sidaa waxaa yiri Sir Gavin Williamson. Wasiirkaas hore oo xubin ka ah xisbiga muxaafidka wuxuu shalay baarlamaanka hor geeyey sharci uu dalkiisa ku aqoonsanayo Somaliland, ayadoo ujeeddadu tahay in loollan lagala hor tago mowqifka diblomaasiyadeed ee aan isbeddelka lahayn ee tobanaan sano hor taagnaa Somalland. Isagoo la hadlayey wakaaladda wararka PA ayuu Williamson ku dhaliilay xukuumadda UK qaabka ay u wajahdo Soomaaliya iyo Somaliland. “Markii aan ahaa xoghaya gaashaandhigga waxaan safar ku tegey Soomaaliya anigoo gaaray Muqdisho, waxaanan sidoo kale fursad u helay in aan booqdo Hargaysa, Somaliland. Waxaan arkay waxa xad ee ay labadu ku kala duwan yihiin” ayuu yiri Williamson. Waa uu sii watay hadalkiisa “waxaad aragtay fowdada iyo amni darrada ka taagan Soomaaliya, misna marka aad tagto Somaliland waxaad arkaysaa dal aad u safri karto, oo ka soo duuli karto, oo aad tagsi u raaci karto bartamaha magaalada, oo aad ku dhex lugayn karto, oo aad dadka la hadli karto. Waxay ahayd mid sahlan, waana mid caadi ah” ayuu yiri. “Sidaasoo ay tahay waxaan aqoonsannay dal ay fawdo ka taagan tahay, oo aan lahayn sharci, mana aynaan aqoonsan dal ay degenaansho ka jirto oo doorasho ay ka dhacday oo carruurtu ay iskuullada aadaan” ayuu yiri Gavin Williamson.ada aadaan” ayuu yiri Gavin Williamson. IMAGES Qoraalka sawirka, Muddo 30 sano ka badan ayey Somaliland ictiraaf raadinaysay Wuxuu sheegay in siyaasadda Britain ee arrimaha dibadda ay xaqiiqda ka fog tahay. Wuxuu wakaaladda PA u sheegay faa’iidada aqoonsi ay Somaliland hesho ugu jirta Somaliland qudheeda iyo beesha caalamka. “Intaa yar ee aqoonsiga ah, waxaad habeen qura wax kaga beddeli kartaa heerka nolosha ee 5.7 malyan oo qof”. Xildhibaankaas laga soo doorto koofurta Straffordshire wuxuu intaa sii raaciyey in aqoonsiga Somaliland uu muhiim u yahay amniga Britain iyo baayac mushtarka dunida marka laga hadlayo intaraatijiyadda halka ay ku taallo Somaliland ee gacanka Cadmeed. Sababta ilaa hadda Somaliland aan loo aqoonsan ayuu farta ku fiiqay inay tahay “fadhiidnimo ka dhex jirta diblomaasiyadda”. Aragtidaas “fadhiidnimada” waxaa isna qaba Cabdinaasir Axmed Aadan oo ah cilmi baare falanqeeya arrimaha Somaliland. Cabdinaasir wuxuu BBC u sheegay in ay talaabo weyn uga dhigan tahay galaangalka Williamson u ictiraafka ugu raadinayo Somaliland. “waxay ka dhigan tahay in Ingiriisku qaaday talaabo hogaamineed oo uu ku taageerayo qaddiyadda Somaliland o ah qaddiyad ku dhisan sharciyad, siyaasad iyo taariikh, uuna Ingiriisku ka gaabiyey” ayuu yiri. Wuxuu tusaale u soo qaatay mowqifkii u Ingiriisku ka qaatay markii ay kala go’ayeen Bangladesh iyo Pakistan, isagoo ula jeeda in aysan muhiim ahayn in Soomaaliya wax laga weydiiyo gooni isu taagga Somaliland. Inkastoo dhowr iyo soddonkii sano ee Somaliland ay raadinaysay aqoonsiga aysan wax ictiraaf ah helin, misna ololaha Gavin Williamson wuxuu yididiillo galinayaa rajada aqoonsiga, laakinse waxay su’aal ka taagan tahay sida dagaalka ka socda Laas caanood uu u saamayn karo wixii aqoonsi ah ee Somaliland ay heli lahayd. Qaran News
  11. Garbahaareey (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay weerar ay kooxda Al-Shabaab xalay fiidkii ku qaaday deegaanka Geriley, gaar ahaan saldhig ay ciidanka Daraawiishta Jubbaland ku lahaayeen deegaankaasi. Wasiirka Amniga Jubbaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo la hadlay VOA ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka warheleen, islamarkaana ay khasaare xooggan gaarsiiyeen kooxdii weerarka soo qaaday. “Khawaarijta ayaa bacda maqrib weerar kusoo qaaday ciidnka xogtoodana waa la hayay oo nidaam fiican ayuu ciidanka sameeyay oo markii xabadda ay bilaabeen meel aysan iyagu fileyn ayaa xabadda looga bilaabay, dhimasho iyo dhaawac fara badan ayay jiidanayeen,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland oo la hadlay VOA. Sidoo kale waxa uu sheegay in khasaaraha ciidanka kasoo gaaray weerarkaas uu yahay dhaawaca hal askari, uuna jirin wax dhimasho ah, sida uu sheegay. “Wax askar ah oo dhintay ma jiraan, hal askari ayaa naga dhaawacmay. Dadka rayidka ah wax khasaare ah oo soo gaaray nalooma sheegin, koley waa ogaan doonaa laakiin wax khasaare oo naloo soo sheegay majiro.” Wasiirka ayaa waxa kale oo uu beeniyay in kooxda Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Geriley, “May oo xilli ay la wareegaan majirin waa la jabiyay oo waa carareen oo dhaawac iyo dhimasho ayay sii jiidanayeen.” Ugu dambeyntiina waxa uu wasiirka ka dhawaajiyay in ciidamada Daraawiishta ee la soo weeraray ay gacan ka heleen ciidanka Kenya ee ku sugan dhanka xuduudda. “Waxaa jira ciidan dhanka xuduudka ku jira oo ciidamada Kenya ah oo ciidankayaga madaafiic ku caawinayay ee wax diyaarado la yiraahdo ma jiraan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland. Saldhiga Geriley ee weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab ayaa waxa uu ka mid yahay saldhigyadii ay toddobaadkii hore wareejiyeen ciidamada Kenya ee ku jira ATMIS. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana sladhigga la weeraray ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo horay ATMIS ugala wareegay xeradaasi. Weerarka Al-Shabaab ayaa muujinaya inay kooxda ka faa’iideysaneyo qorshaha kala guurka ee haatan socdo, maadaama ay weeraro ku billowday maalmo gudahood saldhigyadii ugu dambeeyay ee ay wareejiyeen ATMIS. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qorshuhu yahay inuu billowdo wejiga labaad ee dagaalka oo ay kusoo biirayaan dalalka dariska ah. The post Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha weerarkii Geriley iyo war kasoo baxay Jubaland appeared first on Caasimada Online.
  12. waxaa xarunta dhexe Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ka dhacay shir looga hadlay amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Amniga Caasumadda Dowladda Puntland, waxaana intii shirku socday looga wada hadlay xaaladda Amniga Guud ee Puntland, ku dhaqanka xeerka Amniga Caasumadda oo baarlamaanku meelmariyey, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta Amniga Gudaha. Shirka waxaa ka soo qaybglay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Saleebaan Geelle, La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire, Taliyaha La dagaalanka Argaxisada iyo Mukhaadaraadka Generaal Muxiyadiin Axmed Muuse, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cabdiraxmaan Abshir Faarax, Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed iyo Duqa Caasumadda Mudane Cabdiqaadir Axmed Maxamuud. Udambayntii masuuliyiintii ka qaybgalay shirka Amniga Puntland gaar ahaan Caasumadda ayaa isku raacay qodobada hoos ku xusan, iyadoona la faray in cidkasta oo ay qusayso ay fuliso awaamiirta ka soo baxday shirka Amniga:- 1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucanay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan caasumadda. dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaa Xeryahooda si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah, 2. In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga, 3. In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga, 4. In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka, 5. In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland. The post Puntland oo ku dhawaaqday Awaamiir dhanka Amniga ah appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (HOL) - Mayors of Galdogob town in Somalia's Puntland Regional State and Columbia Heights, Minnesota, in the United States, signed an agreement to twin the two cities following an event held in the United States on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) -The mayors of Galdogob town in Somalia's Puntland Regional State and Columbia Heights, Minnesota, in the United States, signed an agreement to twin the two cities following an event held in the United States on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  15. Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay qaraxii lala beegsadeen Masjid ku yaalla deegaanka Daaru Nicma ee Gobolka Shabeelaha dhexe Soomaaliya, kaas oo waxyeello kasoo gaartay weerar ka dhacay deegaanka. Jaamacadda Carabta ayaa falkaasi ku tilmaantay dembi fool xun oo ka dhan ah damiirka aadanaha, kaas oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka iyo qawaaniinta Caalamka. Baarlamaanka Carabta ayaa xaqiijiyay in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo dhammaan dedaallada ay dunida Carabta kula dagaallamayso wax uu ku tilmamay Argigixisada heer gobol iyo mid caalami. Baarlamaanka Carabta ayaa mar kale sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga garab siinayaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo muddadii uu socday laga gaaray guulo la taaban karo laguna saaray deegaanno dhowr ah oo dalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Kismayo (HOL) - Al-Shabab militants carried out an attack on a Somali military base in the Geriley area of the Gedo region on Tuesday evening, as reported by officials and residents. Source: Hiiraan Online
  17. Faahfaahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ka dhacay deegaanka Girileey ee goblka Jubbada hoose. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Kenya ee ka tirsan ATMIS ay isaga baxeen saldhiggaas, waxaana halkaas ku sugnaa kuwa Jubbaland, ka hor inta aysan weerar kusoo qaadin Al-shabaab. Wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal ayaa sheegay in weerarka ay iska caabiyeen, isaga oo ka saaray meesha inuu jiro khasaare soo gaaray dhankooda marka laga reebo dhaawaca hal askari. Wasiirka oo hadalkiisa siiwato ayaa dhanka kale sheegay in ay kusii sugnaan doonaan saldhigga ay ka baxeen ciidanka dalka Kenya oo ku wehlinayay markii hore oo muddo ku sugnaa halkaas, iyaga oo taageerayay Daraawiishta. Weerarka ka dhacay deegaankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo Al-shabaab dhowr jeer ay weerarro ka geysteen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidanka dalka Kenya iyo kuwa Jubbaland, waxaana bixitaankooda uu kusoo aadayaa xilli madaxweynaha Kenya uu sheegay in ay ku sii sugnaan doonaan Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Carabta oo ka hadlay weerarkii ay maalmo kahor Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa cambaareeyay falkii ay kooxda ku gubtay masaajiidkii deegaankaasi. Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka ayaa waxaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay dambi fool xun, isla-markaana kasoo horjeedo shareecada Islaamka iyo qawaaniinta caalamka ah. Baarlamaanka Carabta ayaa sidoo kale xusay in falkan uu caddeynayo in argagixisadu aysan diin laheyn, sidoo kalena ay dhibaato ku tahay dadka iyo dalka. Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo dedaallada ay dunida Carabta kula dagaallamayso khawaarijta heer gobol iyo mid caalami Waxaa sidoo kale Baarlamaanka Carabta uu mar kale ku celiyay in si buuxdo ay u garab siinayaan dagaalka dowladda ugu jirto ciribtirka kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Falkii lagu gubay masaajidka Daaru-Nimca ayaa dhaliyay falcelin xoogan, waxaana horay uga hadlay madaxweynaha Soomaaliya oo arxan laawayaal ku tilmaamay Al-Shabaab. Dhanka kale looxda Al-Shabaab ayaa ayadana markii u horreysay ka hadashay masaajid ay ku burburisay weerarkii dhawaan ay ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma ee degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade oo ah guddoomiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu sababta loo burburiyay masaajidkaas ku sheegay in ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa dowladda ay ka dhigteen saldhig ciidan. “Masaajidka waxaa saldhig ka dhigtay ciidanka dowladda oo waxay noqotay goob lagu qayilo oo lagala diriro (kooxda) oo dadka masaakiinta ah lagu xabiso,” ayuu yiri Kaba-Kutukade oo la hadlay warbaahinta kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, weerarka kadib ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirro laga soo qaaday masjidka deegaanka Daaru-nimca oo Al-Shabaab ay qaraxa ku burburiyeen. The post Baarlamaanka Carabta oo war kasoo saaray masaajidkii ay gubeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  19. Maanta xubno ka socda Saxaafadda Somaliland oo uu weheliyo Xil Maxamed Xuseeb Raamboo, ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin. Ujeedka kulanka ayaa lagaga hadlay xadhiga wariye Bushaaro Baanday, oo Hargeysa ku xidhan iyo sidii loo sii dayn lahaa. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyadoo kullamo dambena la ballamay. Source
  20. Maanta xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya ee lagaga bixi karaa waa doorashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin dhammaan daneeyayaashu. Awoodda cayimidda doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xil saaran muddeynta doorashooyinka sida xeerarka dalka iyo Dastuurku jideynayaan. Qaraarkii hore ee Maxkamadda sare ee sannadkii hore ayaa sabab u ahaa khilaafka doorashooyinka ee daba dheeraaday ee maanta dalka ka taagan. Maxkamadda sare waxa aan uga digeynaa in ay dalka ka abuurto khilaaf hor leh oo cusub iyada oo uu dalku ku jiro xaalad adag oo amni, siyaasi, dhaqaale iyo mid bulshaba leh, taas oo waddanka meel xun dhigi doonta mas’uulyadeedana uu qaadi doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare! Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro Source
  21. Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah hoggaanka sare ee dhaqanka SSC-Khaatuma oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood iyo dagaalka weli ku jiraan ciidamada Somaliland. Ugu horreyn Garaadka ayaa shaaca ka qaaday in reer Laascaanood dagaalkan lagu qasbay, isaga oo eedeymaha ugu jeediyay xukuumadda Somaliland. Garaad Jaamac ayaa sidoo kale farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay arrinta Laascaanood. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ay dooneyso inay dhex-dhexaad ka noqoto dagaalka, si ay u raalli-geliso labada dhinac, waa sida uu hadalka u dhigay. “Cidda ay mas’uuliyaddan saarantahay ee aad mooddo weli in kii dulmiga waday iyo kii la dulminayay ay isleedahay wada raali gali waa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Garaadku. Waxaa kale oo dalab culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ugu baaqay inuu go’aan dhab ah ka qaado colaadka Laascaanood, sidoo kale uu caddeeyay mowqifka dowladda federaalka ee ku aadan dagaalka SSC-khaatuma iyo Somaliland. Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sidoo kale wareysigan ku sheegay in dowladda dhexe laga rabo inay caalamka u sheegto cida gar darran labada dhinac, maadaama ay xaaladdu faraha kasii baxeyso, welina uu socda dagaalka uu dhiiga badan ku daadanayo ee Sool. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xuskii kowda Luulyo khudbaddii uu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh uu ka hadlay dagaalka Laascaanood, isaga oo farriin u diray labada dhinac, taas oo oo arkay madaxweynuhu inuu ka gaabsayo eedeynya Somalilamd. The post SSC-Khaatuma oo hal arrin ka dalbatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Caasimada Online.
  22. Wariye Bushaaro Baanday, ayaa maanta markale loo jaray Shan maalmood oo xabsi ku hayn ah (Rumaan). Waana markii toddobaad ee maxkamadda gobolka Maroodijeex ay rumaanka loo jaro saxafiyad Bushaaro Source